Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 317 Date April 23, 2003

Golaha Deegaanka oo la kulmay wakiilo ka socda saddexda Xisbi.

Madaxweyne Rayaale.

Fanka Masraxeed.

Xaramka Shiicadda Caalamka Oo u Dabaal-Degyad.

Ardayda Somaliland ee reer Hindiya, Weriyaha Bariga Aasiya.

Hambalyo Doorashadii Somaliland.

TAAGEERADA AAN U HAYNO GUDOOMIYAHA XUSBIGA KULMIYE.

Umad Yahay Tiraa Gadmane Wax Isu Geygeyso.

Talo Bixin, C/Raxmaan Guuto.

Golayaasha Iyo UDUB Maxa Ka Dhaxeeya?

Dil-dilaacii Ubaxa.

Jilbo-Dhiig.

Garta Dhaqanka.

Waayaha Maanta Ee Siyaasadda Somaliland iyo Xusuusta Dhacdooyinka Is-Shabbaha.


Golaha Deegaanka oo la kulmay wakiilo ka socda saddexda Xisbi.

Hargeysa (Haatuf): Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa iyo wakiillo ka socday saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo UDUB, ayaa shalay kulan ku yeeshay xarunta dawladda hoose ee Hargeysa, kulankaas oo lagaga hadlayay sidii ay xisbiyadu uga qayb-qaadan lahaayeen nabadgelyada caasimadda, waxaana kulankaa furay Maayarka Hargeysa, Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, oo sheegay in ay taageerayaasha xisbiyadu xaq u leeyihiin in ay dareenkooda muujiyaan, haddii ay lagama maarmaan tahay in ay xisbiyadu la hadlaan taageerayaashooda iyo dadweynaha oo ay nabadgelyada wada ilaaliyaan iyo wixii keeni kara xasilooni darro.

Intaa kadib, Axmed Siciid oo ka tirsan golaha fullinta ee xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE yahay kuwo qiimaynaya nabadgelyada oo mar walba mudnaanta koowaad siinaya, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Xisbiga KULMIYE, sida aad ogtihiin wuxuu mar walba qiimayn iyo tixgelin siinayaa xasiloonida iyo nabadgelyada ay Somaliland haysato. Sida uu marar badan gudoomiyaha xisbigu taageerayaashiisa iyo dadweynahaba u sheegay in aanu xisbiga KULMIYE ahayn kuwo nabadgelyada wax u dhimmaya, sidaa awgeed waxaynu leenahay dastuur, xisbiga KULMIYE-na wuxuu dawladda waydiistay inuu dhigo isu soo-bax ay dareenkooda ku muujinayaan taageerayaashiisu, balse dawladda ayaa diiday, taas oo dastuurkeena wax u dhimmaysa, arrintaasna ay dhibaato ka iman karto, xisbi kastaana uu xaq u leeyahay inuu bannaanbaxo oo uu maro wadada sharciga ah.”

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay Cali X. Maxamuud Muuse oo ka socday golaha dhexe ee xisbiga UCID, waxaanu sheegay in ay aad u danaynayaan nabadgelyada, isla markaana waxa uu xusay in dastuurka Somaliland dhigayo mudaharaadyada lagu muujinayo cabashooyinka, laakiin aanay dadkeena iyo booliiskuba aqoon u lahayn, loona baahan yahay in la wacyi-geliyo, si aan wax dhibaato ahi uga iman.

Sidoo kale, Afhayeenka Xisbiga UDUB oo kulankaa uga qayb-galay xisbigiisa, ayaa sheegay inuu u mahadnaqayo labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID oo taageerayaashooda iyo dadweynahaba ugu baaqay in ay ilaaliyaan nabadgelyada, wuxuuna Afhayeenku intaa ku daray in ay xisbiga UDUB ay tixgelinayaan nabadgelyada iyo xasiloonida caasimadda iyo guud ahaanba dalka oo dhan.
 

Top


Madaxweyne Rayaale

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, ahaana musharaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga UDUB ee ku guulaystay natiijadii ku-meelgaadhka ahayd ee ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa sheegay in ay guusha doorashada rayal-caalamka ay ku xidhan tahay jawaabaha laga bixiyo go’aanka kama dambaysta ee maxkamadda sare ku dhawaaqo, taas oo uu sheegay in ay qiimo ku yeelanayso dunida, wuxuuna sidaa ku sheegay shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta madaxtooyada.

Madaxweyne Rayaale, waxa uu isaga oo ka hadlaya go’aanka maxkamada sare jawaabaha laga bixiyo doorka ay ku yeelan karaan rajada Somaliland ee adduunweynaha, wuxuu yidhi, “Waxaan qabaa oo aan u gudbinayaa ummadda Somaliland gudo iyo dibadba, iyo axsaabta kale ee aanu walaalaha nahay ee aanu tartamaynay in kii guuleystaaba uu kii kale yahay. Waxaan qabaa waxaas aan qabsanay in aynaan dhaawacyo u yeelin, waayo, aragtida aan ka bixino natiijooyinkaa ilaa maxkamaddu marka ay ansixiso, ayaa qiimo ay ku yeelanaysaa caalamka.”

Madaxweyne Daahir Rayaale, waxa uu tilmaamay in haddii natiijooyinka doorashada si khaldan loo turjumo ay wixii aynu soo qabsanay halkaa ku lumayaan, balse wuxuu xusay in haddii aan loo arkin Madaxtinimada oo aynu eegno wadaniyada si sax ahna uga turjuno ay wax weyn inoo tarayso, isagoo arrintaa ka hadlayana, wuxuu yidhi, “Haddii inagu si khaldan aynu uga turjuno wixii aan soo qabsanay oo dhan laga yaabee in ay halkaa inagaga lumaan, laakiin hadaynaan u arkin madaxtinimada oo aynu eegno wadaniyada oo aan qabo in wadaniyadu ay wax walba ka horeyso.”

Madaxweyne Rayaale, wuxuu sheegay in doorashooyinkan ay ahaayeen kuwii u horeeyay ee Somaliland gaar u qabsato, isla markaana caalamku inoo arkayeen beelo yaryar oo isu yimi, maalinna burburi karaya, taas oo keentay in ay dhegaha inaga furaystaan. Laakiin ku tallo-galkeenuna ahaa in aynu taa ku beenino, iyadoo tii u horeysay ahayd isbeddelkii distuuriga ahaa ee u horeeyay ee aan meesha ku imid. Mar uu arrintaa ka hadlayayna, wuxuu yidhi; “In badan baa caalamku inoo arkayay beelo yaryar oo isu yimi oo maalinna kala burburi karaya, laakiin taa waxa beeniyay isbeddelkii dastuuriga ahaa ee aan ku imi ee ay ummadduna ogolaatay. Ta labaadna waxaanu ku xoojinaynay in aanu muujino in aanu nahay ummad majuur ah oo waxa laga filayo ka horeysa, si aanu caalamka ugu muujino in aanu nahay ummad wax qabsatay oo isku tashanaya oo waxa laga filayo ka qiimo badan.”

Madaxweyne Daahir Rayaale, waxa uu ka waramay isbeddelka siyaasadeed ee uu sameeyay markii uu xilka qabtay, wuxuuna sheegay in ay jireen buuq badan oo siyaasadeed oo ahaa wakhtigii uu geeriyooday Madaxweynihii ka horeeyay isaga (Rayaale) ee Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal (Alla ha’u naxariistee), laakiin uu isagu dhameeyay khilaafkii siyaasadeed ee wakhtigaa jiray, isla markaana ay tallaabadii labaad ee uu qaaday ahayd tan doorashada, wuxuuna yidhi, “Waxaa jiray tallooyin ay Salaadiin iyo rag kaleba ay ii soo jeediyeen oo ay leeyihiin ‘waar bahashaasi (doorashada) nabaddaa yar bay wax inaga yeelaysaaye hala inaga joojiyo’, laakiin anigu waxaan go’aamiyay; ‘waar ummadeenu intaa way ka horeysaa, waxba nabadgelyo xummaan maysee ee doorashada waan qaban karnaa. Taas oo aan u arkayay in ay jirtay rag Somaliland u soo halgamay oo dalkan xorreeyay, Madaxweynihii iga horeeyayna wuxuu sii sameeyay haykalka dawladeed, aniguna waxaan ku soo beegmay in aan noqdo ninkii suuro-geliyay doorashooyinkan oo ahayd himiladayda koowaad, mana ay jirin cid ii ballan-qaadaysay in la’i doorto oo aan Madaxweyne noqdo. Laakiin, aniga guushayda ugu weyni ee aan rabay, waxay ahayd in Somaliland istobtan (marxalladan) ka gudubto.”

Shirkaa Jaraa’id kadib, waxay weriyayaashu Madaxweynaha weydiyeen su’aalo dhinacyo badan leh, wuxuuna Madaxweyne Rayaale mar la weydiiyay inuu xukuumadda ka qayb-gelin doono xisbiyadii la tartamay, wuxuu sheegay in ay marka hore haboon tahay in ay is arkaan oo ay wada tashadaan, maadaama dalka iyo dadku ka dhexeeyo, isla markaana aanay jirin wax cuqdad ah oo uu cidna u hayo. Su’aashaas oo soo noqnoqotay intii uu socday shirka jaraa’id, waxa jawaabta Madaxweynaha laga dareemay inuu diyaar u yahay inuu dhiso xukuumad wada-jir ah, haddii ay dhinacyada kale isla gartaan.

Mar la weydiiyay Madaxweynaha haddii ay natiijada ku-meelgaadhka ah ee doorashadii dhacday ee lagu dhawaaqay ee xisbigiisu helay ay maxkamaddu sidaa ku ansixiso xukuumad ka duwan tii hore ee lagu dhalliili jiray musuqmaasuqa iyo karti darrada, waxa uu ku celceliyay in ay ka go’an tahay inuu dhiso xukuumad tayo leh oo wax qaban karta.

Madaxweynaha oo la weydiiyay in shirgudoonada labada gole ay wadaan sidii arrinta loo dejin lahaa oo laysu afgaran lahaa, wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi Madaxweynuhu: “Golayaasheena Qaranku, mar walba oo nabadgelyada loo baahdaba way dhex socon jireen markaa iyadu waxa ay wadaan in nabaddana la ilaaliyo, talladana laysku soo dhawaado, dhinac ahaana annagu waanu ka ogolnahay, waxayna noo sheegeen in qolyaha kale aanay waxba isla diidanayn, laakiin halkay biyo dhigto bal waynu sugaynaa.”

Madaxweyne Rayaale oo la weydiiyay su’aal ku saabsanayd halka xisbiga UDUB ka keenay codadka uu ku guuleystay, maadaama xisbiga KULMIYE kaga horeeyay afarta gobol ee kale marka laga reebo Awdal iyo Saaxil, wuxuu yidhi; “Anigu taa ma qabo, waayo, hadday naga horeeyaan iyagaa naga horeyn lahaa.”

Ugu dambayn Madaxweynaha oo la weydiiyay in xukuumadiisu ay taageerayaasha xisbiga KULMIYE ku hayso caga-juglayn, wuxuu yidhi; “U malayn maayo in ay taasi jirto.”

Madaxweyne Daahir Rayaale, waxa kale oo uu sheegay in ay la kulmeen madaxda xisbiga UCID oo ay ka wada hadleen marxaladda lagu jiro.

 Top


Fanka Masraxeed.

Haddii aynu qormadeena todobaadkii hore ee ka hadlaysay fikradaha kala duwan ee laga qabay fan-masraxeedka, waxa uu yahay iyo waliba halka uu ka soo unkamay, bal aynu in yar hoos ugu dhaadhacno curashadii masraxa soomaaliga.

Masraxa Soomaalidu wuxuu jiray muddo lagu qiyaasi karo nus qarni, horaantii 1950-kii ee qarnigii labaatanaad ayey bilawdeen ifafaalayaashii ugu horeeyey ee masrax Soomaaligu wakhtigaa ka horse ma hayno raad muujinaya in Soomaalidu tiqiin wax masrax la yidhaahdo macnahiisa casriga ah, marka la iska indho tiro dhawr ifafaale, oo xidhiidh la leh fanka, jilida, kaas oo dunida qaarkeed ku darsato taariikh faneedkeeda, iyada oo qaar kalena u arkaan hordhac tiyaatar oo qudha.

Fanka jilida ee Soomaalidu lahayd waxaa ka mid ahaa maaweelooyinkii lagu sugayey caweysinka geela, iyo weliba falalka ay sameeyaan dadka ku andacooda inay rooxaan leeyihiin, ama lagu soo dego, oo run ahaantii matelaad ah, soo ifbaxyada noocan ah marka gees la iskaga riixo masraxu kuma jirin, jaadadkii fan iyo suugaaneed ee ay yaqaaneen Soomaalidii hore, taas oo ay sabab u ahayd qaab nololeedkii reer guuraanimo ee ay u badnayd Soomaalidu, oo u saamixi waayey inay masraxa yeesheen. Sanadihii 1932-1933-kii ayey Muqdisho ka bilawdeen isku dayadii ugu horeeyey ee Masraxa Soomaaligu inkasta oo ay ahaayeen maaweelooyin iyo maadaysyo ay dhalinta Xamar weyne ku madadaaloodaan, haddana laguma qiyaasi karo, riwaayado dhamays ah waxay tijaabooyinkani ku bilawdeen sheeko xariireedka ku gaamuray sooyaalka suugaanta Carbeed, oo af-carabi lagu jilaayey. Sheekooyinkaasi waxa ka mid ahaa Suldaan Caashaqiin, bisaata ariix, iyo Shahrasaad, oo iyadu ka soo jeeda, sheekadda caanka ah ee Alfa Leyl waleyl.

May jirin koox magac leh iyo hawl qabsi toona, ilaa laga gaadheyey kooxdii (Ha I Sheeg Sheegin) oo mar dambe qaab kooxeed u habaysantay.
Aas-aasayaashii kooxdani waxay u badnaayeen xirfadlayaal waxa dadkaasi ka mid ahaa Maleexaan iyo Qaasim Hilowle, waxase isweydiin mudan sababihii keenay inuu masraxu ku soo beegmo wakhtiyo adag oo ahaa soo ifbixii dhaq-dhaqaaqii gumays diidka ee wixii ka dambeeyey dagaalkii koowaad ee adduunka, dhismaha bulshada Soomaalida waxa ku dhacayey dhalan-gadoon aan la dhayalsan karin, waxa dhakhso u xoogaystay xidhiidhkii ganacsi iyo isgaadhsiinta, waxa kale oo dhismay maamul gumaysi oo weji cusub leh, kaasoo urursaday dad badan oo shaqooyinkooda ku xidhnaa. Xiligaa cusub iyo iska horimaadka ka dhashay awgeed ayey soo ifbixiyey isiro fan iyo suugaaneed oo awood u helay inay ka turjumaan isbedelkaa nololeed ee bulshada ku dhacayey.
Sababahani aas-aasiga ah ka sokow dhalashada Masraxu inuu soo deg dego Muqdishona ku horeeyo waxa keenay midab kala sooc uu ku kacayey gumaysigii Talyaaniga ahaa iyo waliba maaweeladda oo uu gaar u yeeshay, waxaa kale oo uu dabcan ka mid ahaa filimada qalaad gaar ahaan kuwa hindiga ah oo uu weli raadkoodu ka sii jiro riwaayadaha banaadiriga ah.

Dhinaca masraxa Somaliland haddii aynu u hayaano waxa ka dhashay fan masraxeed ka dhan ah kana gedisan kan Muqdisho ka curtay, wuxuu Dhinaca Somaliland ka bilaabmay dugsiyadda, halkaasi oo ay barayaasha iyo ardaydooduba la yimaadeen masrax weji kastaba lahaa iyaga oo sida Muqdishoba ku bilaabay maadaysyo carbeed oo af-carabi lagu jilayey, taasi waxay si aad ah uga cadhaysiisay maamulkii Ingiriiska u qaabilsanaa waxbarashada isaga oo jeclaa ama danaynayey in af-Ingiriisi lagu metelo si uu fahmo hase ahaatee umay suurto gelin.

Laakiin muddo yar ka dib waxa bilaabmay riwaayaddo Af-Soomaali ah kuwaas oo ka hadlayey dhinacyo badan oo nolosha saameeya, si dadbana gumaysiga ayey uga soo horjeedeen. Barayaashii hawshan horseeday waxa ka mid ahaa Maxamuud Axmed Cali, Yuusuf X. Aadan Qabile, Cumar Carte Qaalib, Cali Maygaag Samater iyo qaar kale oo badan oo ahaa macalimiinta dugsiyadda. Dhab ahaantii macalimiinta iyo ardaydooduba waxa kala firdhiyey gumaysiga wuxuuna cadaadis badan ku saaray inaanay isku iman hase yeeshee masraxii oo duuban ayaa ku dhex qarxay bulshada dhexdeedii, oo ah intii aan xidhiidhka la lahayn Ingiriiska waana markii ay soo hiratay kooxdii Walaalo Hargeysa, oo ahayd kooxdii ugu horeysay ee Somaliland ka muuqata.

Cumar Cali Iidle, Hargeysa.

Top


Xaramka Shiicadda Caalamka Oo u Dabaal-Degyad.

Karbala (W. Wararka) Boqolaal kun oo ah dadka muslimiinta Shiicada ah ayaa isugu tagay magaalada Karbala si ay u xusaan sanad guuradda 1400-aad ee ka soo wareegay dilkii imaam Xuseen Binu Cali Abii Daalib ka dib markii uu xuska noocan oo kale ahi ka mamnuuc ahaa halkaasi muddo 25 sanadood ah, taas oo ah muddadii uu jiray xukunkii Sadaam Xuseen.

Isu soo baxan xuska ah oo ay ka muuqatay xamaasad weyni waxa uu mararka qaarkood isku rogayey dareen siyaasadeed, iyada oo ay qaar badan oo ka mid ahi ku baaqayeen inay ka baxaan ciidamada Maraykanku dalka Ciraaq, iyo inay midoobaan dadka muslimiinta ahi. dalka Ciraaq oo ay aqlabiyadda dadka ku nool u badan yihiin dadka shiicada ahi, waxay munaasibadan uga faa’iidaysanayaan marka laga reebo xuska imaam Xuseen iyaga oo xusaya gebagebada xukunkii Sadaam Xuseen ee dhawaanta la tuuray. Suuqyada Karbala oo ay iskugu soo baxeen dad ka badan nus malyuun ruux, iyada oo ay dadku saf saf u taagnaayeen isla markaana ay tumayeen jidhkooda, si ay xusuustaan damqashada ka dhalatay dhibkii loo geystay dadkaa qaar ka mid ahina waxay siteen, hal ku dhegyo ka soo horjeeda Maraykanka iyaga oo ku baaqayey inay ka baxaan Ciraaq.
Dhinaca kale Magaalada Baqdaad waxa ka dhacay mudaharaadada lagaga soo horjeedo Imaatinka Jeneralka Maraykanka ah oo gaadhay magaalada Baqdaad, balse waxa la sheegay haatan inuu u kicitimay waqooyiga Ciraaq si uu hawshiisa ugu baahiyo dalka Ciraaq, oo dhan.

Top


Ardayda Somaliland ee reer Hindiya, Weriyaha Bariga Aasiya.

Bombay, Hindiya (Haatuf): -19-Marthwada University oo Ku taal Duleedka Magaaladda Ganacsi Ee Bombay Oo ay ku Nool yihiin Arday Farabadan Oo Somalilander ahi waxa ka Muuqatay Farxad Iyo Rayn Rayn Ka Dib Markii Taageeryasha Udub Ee Ardaydaasi Ee wax ka barta Jaamacadaasi Ay Calleemo Iyo Calanka Somaliland ay sudheen Guryahoodii iyo Sawirka Madaxweyne Reyaale...Ardaydu waxa ay wateen Mootooyin lagu Shaqlay Calanka Somaliland iyo Sawirka Madaxweyne Rayaale.

Xafladd Balaadhan oo Lagu Qabtay Marthwada Region oo Loogu Dabaal dageyay Xisbiga Udub oo uu ka Hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee Hindiya Aden Ali Dahir ayaa Sheegay in Doorashaddan Xalaasha Ahi ay tahay Mid somaliland u soo jiidaysa Aqoonsi Caalamiya.

Mudane Aden waxa uu Ku Amaanay Madaxweyne Rayaale iyo Madaxdii kalaba in ay Daacad ka Ahaayeen In ay doorasho xalaal ahi Dhacdo waxaanu Amaan u soo jeediyay Dhamaan Shacbiga Somaliland Oo Codkoodii siiyeen Madaxdii ku Haboonayd ee Ina hagi Lahayd Shanta Sano Ee soo socota waxa kale oo uu ku Hanbalyeeyay Gudidda Doorashooyinka sida Fiican ee ay u Muujiyeen Dadaalka ay la yimaadeen.

Ugu Danbeyntii Aden waxa Uu ku Dheeraday Muhiimadda ay Doorashadani u Leedahay Dadka Reer Somaliland Iyo Sida waayo Aragnimadu ku Dheehantahay Ee Ay Shacbiga Somaliland ugu Dareeren Doorashadda Isgoo Halkaa Hambalyo Uga Soo Jeediyaya Dhamaan Shacbi Weynaha Somaliland iyo Ururka Dimuqiraadiga Umadaha Bahowday Ee “UDUB”. Kulnakaa Ardayda Reer Somaliland Waxa ka Soo qayb Galay Ardayda Somaliyeed kuwa Jibouti, Yemen, Sudaan, Falastiin, Ethiopian iyo Mujtamaca Hindida ah ee dalka Iska Leh.

Dhamaan Ajaanibtaasi waxa ay u Qushuuceen Sida Fiican Ee Xalaasha ah ee Doorashadda Somaliland Ku Dhacaday iyagoo la yaabay Sida ay ardayda Kala mawqifka ahayd ee kala Taageersanaa Udub Iyo Kulmiye ay isku Gacan Qaadayaan markii ay kala calaf qaadeen.

Top


Hambalyo Doorashadii Somaliland.

Waxaanu aad ugu faraxnay sida fiican ee ay doorashadii madaxtinimada jamhuuriyada somaliland ugu dhacday si xor ah oo nabad galyo ku dheehan tahay,waxaana talaabo muhiim ah ahayd habsamidii iyo sidii nidaamsanayd ee ay doorashadu u dhacday,dadwaynuhuna uga qayb qaatay,waana fursad dahabi ah oo shacabka somaliland soo martay inay awooda iyagu yeeshaan oo ay codkooga ku doortaan cidii hogaanka u hayn lahayd.

Doorashadan iyo kuwii horeba waa dhacdooyin meel mar ah,waxayna meel sare gaadhsiinayaan magaca iyo qaranimada somaliland,waana guul wayn oo usoo hoyatay guud ahaan dalka oo dhan.

Hadaba munaasabadan qiimaha leh anagoo eegayna waxaanu hambalyo u diraynaa xisbiga UDUB ee ku guulaystay tartankii madaxweynenimada shanta sano ee soo socota, waxaanuna ilaahay uga rajaynaynaa inuu u fududeeyo hawshaa qaran ee loo doortay ayna noqdaan kuwa kor uga sii dhaqaajiya halka maanta dalku taagan yahay keenana isbedal cusub oo waxtar leh.

Waxa kale oo hambalyo mudan xisbiyada KULMIYE iyo UCID,kuwaas oo iyaguna si heer sare ah uga qayb qaatay tartankii xorta ahaa, waxaan marna la ilaawi karin dadaalkii iyo firfircoonidii ay muujiyeen xisbiyadaasi,waxaanuna rajaynaynaa inay ka qayb qaadan doonaan dawlada cusub iyo la shaqaynteeda.

Ugu dambayn waxaanu hambalyaynaynaa gudiga doorashooyinka qaranka oo si heer sare u waday hawsha,dadwaynaha reer somaliland ee sida nidaamsan u codeeyay iyo dhamaan qaybihii kala duwanaa ee ka qayb qaatay hawshan muhiinka,runtii waa guul wayn inay doorashooyin baaxadaa leh ay dalka si nabad galyo iyo cadaalad ah uga dheceen dalka,waxaanan u aragnaa inay soomaaliland guulaysatay.

Wabillaahi Tawfiiq.

Waxa qoraalkan soo saaray:

1.Maxamed C/laahi Ducaale.

2.Axmed Maxamed Barkhadle.

3.Axmed Iid Aadan.

4.C/fataax Maxamed Axmed.

Hyderabad,India.

Email address: ahmediid@hotmail.com.

Top


TAAGEERADA AAN U HAYNO GUDOOMIYAHA XUSBIGA KULMIYE.

Anaga oo ah ardayda wax ku barata jaamacadaha waddanka Pakistan, waxaanu aad iyo aad uga xunnahay ficilka foosha xun ee dalkeena ka dhacay iyo afduubka cad ee UDUB uu dalka ku mijaxaabiyey, waxaanu ka xunahay in ay taasi maanta horseedi doonto in beesha caalamku si aan ka noqosho lahayn dhabarka ugu jeedin doono go,aankii shacbigu gacmahooga ku samayeen, waxaa taasi, u horseedi doonta dhamaan dalka oo hadda ku jira xaalad aad iyo aad u adag oo dhaqaale, in dhamaanba ay burburaan ilaha bulsho ee dalka oo dhami, masuuliyadda arrintaasi oo dhanna waxaanu korka uga saarayna Xusbiga Udub oo ay u noqotay caado boobitaanka iyo ku takri falka iyo khiyaamada hawlaha qaranka.

TALLO USOO JEEDIN.

Waxaanu tallo kama danbays ah usoo jeedinayna gudoomiyaha xusbiga Udub Mr Daahir Riyaale Kaahin iyo dhamaan xubnaha ku jira inay ka tanaasulaan go'aanka ay hadda isku magacaabeen, waxaanu tallo ugu soo jeedinayna inay si cad u qaatan go,aanka iyo masayrka shacabka dahabka ah ee reer Somaliland ugu codeeyen loogana adkaaday dooroshooyinka si xalaal ah hadday taasi dhici waydana wixii dhaca waxaa farta dhexda ka qaniini doona gudo iyo dibadba shakhsiyan Daahir Riyaale Kaahin iyo ragga ku xayndaaban.

Waxaa kale oo aanu shacbiga dahabka ah ee aan la iloobi karin usoo jeedinayna inay ilaashadaan nabadooda iyo amaankooda iyo kala danbayntooda, xaq wixii aad u leedahiina cid idinka hor istaagi karta ma jirto runtuna waxay noqon doonta midda allaha weyni ogyahay cadaaladuna waxay ku danbayn sidii aad codkiina u dhiibateen.

WA BILAAHI TAWFIIQ.

XARUNTA ARDAYDA REER SOMALILAND.

K.U UNIVERSITY, KARACHI, PAKISTAN.

Top


Umad Yahay Tiraa Gadmane Wax Isu Geygeyso.

Umaddu hadday casharada taariikhdu isu geysan waydo horumar ma gaadho. Umadda reer Somaliland waxay u badantahay umad bilaa shalaya.

Haddaba aniga oo aan ka hadlayn doorashada dhacday iyo natiijadda lagu dhawaaqay caddaaladeeda iyo cadaalad daradeed midna, waxa aan umadda reer Somaliland oo si nabada u codeeyey waxana soo baxay waajibka dhinacooda ka saaraa doorashada.

Haddaba umadda waxaan xusuusinayaa hal, udubnsa waxaan xusuusinayaa hal, Kulmiyana waxaana xusuusinayaa hal, Komishanka waxaan xusuusinayaa hal.

Umadda waxaan xusuusinayaa in aanay ujeedada aynu u codaynay ahayn in uu hebel gaar ahi soo baxo, laakiin waxaynu u codaynay in aynu soo saaro Somaliland indhaha caalamkana tusno in aynu nahay umad wax qabsan karta.

Waxa ila haboon in aynu dankasta ka horeysiino danta Somaliland, haddaba umad yahay tiraa kaa gadmane wax isu geygeyso.

Xisbiga KULMIYE-yana waxaan leeyahay in aydun cidwalba uga lexejeclo badnaataan Somaliland, waxaa kale oo maanta umadda tustaan nidaam wanaagsan, dhinicii loolanka doorashada waxaad soo bandhigteen hab u baahan in akadamiyadu wax ka qorto, qaabkii aad u kaambayn garayseen, iyo sidii aad dhiniciina u maamusheen.

Haddaba waxaan idiin soo jeedinaynaa haddii aad wax tabanaysaan u mara dariiqa cadaaladda.

UDUB-na waxaan leeyahay nin Ilaahay wax siiyey cidina ka qaadi mayso, laakiin waxba lamaydaan shir iman. Nidaamka maydaan lahayn, maantana waxa lagaaga fadhiyaa inaad kala garato filaha iyo awaaraytiga. Filaha iyo awaaraytiguna faag bay ku wada yaalaan, garashaana lagu kala saaraa.

Komishankana waxaan leeyahay Ibnu aadamku waa uu il-duufi karaa, laakiin waa in la saxaa oo caddaaladda lagu durkaa, si ay dadka u wada deeqdo.

Waxaanu Abwaan Gaariye yidhi, “Cadli baa wax doojee wax kaloo Rag Deeqoo dadka lagaga eed baxo nin u doonay heli waa.”

C. C. Cumar, Hargeysa.

Top


Talo Bixin, C/Raxmaan Guuto

Waxaa jirtay in distoorkii ay u codeeyeen 1,200,000.

Haddaba waxa imika tartankii madaxtooyadda ay guddiga komishanku caddeeyeen inay u codeeyeen madaxtinimada dad aan gaadhay 500,000, taasina waxay wax u dhimaysaa Ictiraaf raadintii, waxaana ka dad badan gobolka Sool, Buuhoodle iyo Taleex oo aan laga codeyn.

Sidaa daraadeed waxaan ku talinayaa in guddiga doorashooyinku ay sanaaduuq geyso gobolka Sool, Buuhoodle iyo Taleex, sidii distoorkiiba looga codeeyey, dhulkaas una dhamaystirmo ictiraafku.

Saddexda xusbina xafiisyo ka furtaan goobahaas.

Muj: C/Raxmaan Xasan Cali (C/Raxmaan Guuto).

Top


Golayaasha Iyo UDUB Maxa Ka Dhaxeeya?

Waxaan aad ugu farax sanahey doorashada ka dhacdey dalka Somaliland guud ahaan ee u dhacdey si nabadgalyo badan, taasi oo ay sharaf weyn ku leeyihiin dadweynaha, iyo intii ka shaqayneyseyba.

Waxa aan qoraalkan ku bayaaminayaa natiijadii ka soo yeedhey komishanka iyo khilaafka sharciga dalkeena. Dhamaanteen Waxaan ka dharagsannahey hadalada iyo wararka iska soo daba dhacaya ee sheegaya in Golaha Baarlamaanka iyo guurtida ay fara galin ku sameeyeen komishanka howshiisii , taasina ay cadeeyeen bishan April 20keedii labada goleba in ay fara galiyeen kuna sababeeyeen cabasho kaga timid xisbiga UDUB.

Haddaba Waxaan ummadda reer Somaliland xisbiguu doono ha taageersanaadeene aan ka codsanayaa in ay isweydiiyaan su’aalo dhawr ah.

1-Ergo iyo doorasho miyay meel wada yimaadaan?

2-Komishanku miyaanu madax banaaneyn oo uuna dhexdhexaad ka aheyn xisbiyada loolamaya?

3-Miyaaney qalad aheyn in dib loo dhigo natiijada oo
diyaar ah?

4-Gudoomiyihii komishanku mudane Cadami muxuu uga gaabsadey ku dhawaaqitaanka natiijada ee uu Cablillahi jawaan uu ugu dhawaaqay?

Su’aalahaa oo dhan haddii aad u dhabo gasho jawaabahooda waa kuwo abuuri kara in ay ka dhacdey cadaalad daro. Anigu ku dheeraan mayo hebal baa helay iyo kaasi wuu waayey , sedexda mid uunbaa helilahaa siiba kii ay dadku doortaan. Waxaase fool xumo weyn ah in aan
doorashadii inoogu horeysey ku bilaabanto mad-madow iyo cadaalad xumo.
Qaladka dhacana wuxuu ku fiican yahey in hore loo saxo inta uu cusub yahey, haddii la is gaadh siiyo qaladaad dhacay oo uu ururona waxa uu noqdaa bam aad u qarxa ugu danbeynta saameyn weyna ku yeesha carrada iyo ummaddaba. Labada gole haddii ay ogyihiin xog aan dadku wadda ogeyn oo UDUB u xog warantey, taasina u sahashey in ay ergo u noqdaan si ay u badbaadiyaan xog warankaa khatarta ku ah dalka, balse miyaaney arkeyn khatartaa in dib uun loo dhigtey oo xalkeedu sugaayo dalka isaga oo xidideystey, dhinaca kalese in ay jirto khatar taa la mid ah.mise waaban ilduufee waxa ka dhexeeya golayaasha iyo xisbiga talada dalka haya heshiis maal aduunyo.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa oo ay aniga iila muuqataa in golayaasha, komishanka iyo xisbiga talada hayaaba ay khatar ku yihiin nabada dalka maadaama ay ku xad gudbeen dastuurkeena curdinka ah, dadweynow adiga sidee kuula muuqataa adigoon meelna dhinaca saareyn?

Alla weyn ninkii aaminaa awood leh.

Mukhtar Hersi, Canada, Ottawa, kolcantuug@yahoo.ca.

Top


Dil-dilaacii Ubaxa.

Mingistu: Sida wada ogyahay dhinaca waqooyi waxa ka dhacay dagaalo lagu hoobtay, waxyaalo badana loo hurray, markaa weerarkii ugu horeeyey ee dhamaystiraa ee aanu qaadno inkasta oo aanu yarayn khasaaraha naga soo gaadhay, hadana natiijada nooga soo baxday waxay ahayd mid wanaagsan oo aanu aad ugu faraxnay, waoyo jabhaddii waxaanu ka saarnay dhamaan-ba dhulka dhulka cagaarran (Barwaaqada ah) ee Ereteriya, sida Haamasen, Musawac, Akallaay, iyo Gusaay, waxayna isugu tageen oo ay ku sii hadheen dhulka oogada ah iyo buuralayda oo keliya.

Laakiin dhulka oogada ah iyo buuralayda ay isugu tageen waa dhul rafaad badan, ka dibna inta ay dhulkaa rafaadka badan degeen ayey marna na soo weerari jireen, marna aanu anagu weerari jiray, taas oo aanu marna anagu khasaare u geysan jiray, marna ay iyagu noo geysan jireen, taasina waxay keentay inuu dagaalku nagu dabadheeraado oo waqti badan qaato, sidaa awgeed si aanu dhibaatadii jirtay meesha uga saarno ama u tirtirno ayaanu samaynay hawl-galkii ololaha cas, waayo hawl-galka ololaha casi inuu natiijo wanaagsan dhali doono ayaa la rumaysnaa, oo intayadii maamulka haysay oo keliyi may rumaysnayn ee xataa waxa rumaysnaa oo filayey inay natiijo wanaagsan dhali doonto dhamaan dadweynihii nabadda jeclaa, iyadoo ay bulshadu maskax ahaan iyo wax qabad ahaan-ba si wanaagsan noola socdeen, laakiin u diyaar garowga hawl-galka ololaha casi ma ahayn mid sidaa u fudud ee waxa uu ahaa mid hawl-gal dhinac siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo ciidan-ba aad looga sii tabaabushaystay, tusaale ahaan qolyaha fanka iyo kuwa farshaxanka iyo kuwa qorayaasha ah waxay diyaariyeen barnaamijyo ay ku guubaabinayaan ciidamada si ay ugu dhiirradaan inay dagaal galaan, markaa waxyaalahaas oo dhami waxay ahaayeen waxyaalo hore looga sii wada fekeray. Sidaa darteed qorshihii iyo istaraatijiyaddii aanu diyaarinay ee aanu habka dagaalka ugu talo galay awgeed markii uu dagaalku bilaabmay goobihii ay jabhadduhu fadhiyeen, sida dhufayska la odhan jiray Naaqfa ee ay ku jireen inta aanu saddex dhinac ka soo weerarno inaanu burburino ayuu ku talo-galkayagu ahaa, markaa dhexda waxaanu diyaarinay inay guutada Naadaw oo ka sooo dhaqaaqaysay goobta la yidhaahdo Afabeet, waxaana guutadaa hogaaminayey janaraal Wubatu, dhinaca dalka Suudaan xigtana waxa ka soo dhaqaaqaysay guuto uu hogaaminayo janaraal Qumalaajaw, sidoo kale goobta la yidhaahdo Karabaat waxa soo dhaqaaqaysay guuto kale, isla markaana xoogayaga ciidan ee ugu weyni waxa uu dul yaalay labada qaybood ee kala ah Naaqfa iyo Algeena.

Laakiin waxaan doonayaa inaan idin xusuusiyo arin jirtay markii uu dagaalkaasi socday, taas oo ah inay jirtay goob ka mid ah goobaha dagaalka oo ay Wayaanaha (Jabhadda Tigreega) iyo Shacbiya (Jabhadda Ereteriya) isku bahaysteen, goobtaasina waxay lahayd istaraatijiyad muhim ah oo aad u weyn. Tusaale ahaan buur la yidhaahdo Maa’o oo ku taal xuduudka dhinaca Suudaan xiga ayaa waxay ahayd meel oo xoogga jabhadda Shacbiya ku liito, ka dibna waxa uu qorshahayagu ahaa inaanu ka soo galno halkaa, dabadeedna markaa aanu jiidhno ciidankooda aanu gacanta ku dhigno dhufayska weyn ee ay lahaayeen jabhadda Shacbiya. Sidaa awgeedna qorshaha aanu damacsanayn waxa uu ahaa hadii ay taasi noo suurta gasho waxay ahayd mid lagu doonayey ama lagu cadaynayo guusha ololaha xiddigta cas, taas awgeedna ciidan aad u tiro badan, xoogna leh ayaa halkaa ka dagaal galay, ciidankaasna waxa hogaaminayey janaraal Qumaajaw Dhajane, isla markaana ciidanka uu watay janaraal Qumaajaw iyo guutooyinka hoos imanayey gacanta ay dagaalka ka geysanayeen waxay ahayd mid muhim ah oo la eegayey, laakiin waxa kale oo aaggaa ka dagaal gelayey ciidan la odhan jiray Danabka oo uu hogaaminayey Col. Yawhala Ishaat, balse nasiib daro Col. Yawhala waxa uu ka mid noqday kuwii naga fashiliyey istaraatijiyaddii dagaalkaa.

Sidoo kale furrinta Algeenna waxa ka dhacday maamul-xumo aad u fool-xun, guutadaasna waxa hogaaminayey janaraal Abara Ababe, ninkaas waxa aaggiisa yaalay ama joogay ciidan iyo hub laxaad leh oo xataa xad-dhaaf ka ah intii loo baahnaa, laakiin ninkaasi isaga oo haysta ciidanka iyo hubka intaa le’eg, isla markaana awoodi karayey inuu burburiyo ciidanka jabhadda ah ee aaggiisa joogay ayuu xataa wax kale iska daayoo waxa uu awoodi kariwaayey ama naga caawin kari-waayey inuu ciidanka jabhadda ahaa ee aagga lagu qaybiyey joogay ka horjoogsan kari-waayey inay u gud-baan ama u gurmadaan furrimaha kale ee dagaalka.

Janaraal Abara Ababe waxa uu ahaa ninkii markii dambe gudoomiyaha ka noqday ururkii saraakiisha ahaa ee ku talaabsaday falkii afgembiga ahaa , waana ninkii dilay wasiirkii gaashaan-dhigga janaraal Xayle Gorgis, isla markaana waxa dhaqamadiisa ka mid ahaa in marka uu wax hogaaminayo ee amaradiisa la qaato isaga oo aan waxba hirgelin ama qaban, hadhawna ku faana waxaasaan qabtay iyo waxaasaan sameeyey.

Sidoo kale janaraal Qumaajaw dhiniciisii inta uu ciidankii uu watay kala filqay oo in-ba meel afka u saaray ayuu si cad u muujiyey inuu jabhadaha raacsan yahay, sidaa awgeed nimankaasi markii ay sidaa yeeleen ayey sababeen inay nagu dhacdo guul-daro aan nagu dhacdeen hadii aanay sidaa yeelin oo aanay dagaalka fashilin, waxaana nagu dhacday guul-daro. Hase yeeshee guutadii uu hogaaminayey Naadaw ayaa hawl-galkii dagaalka sidii uu ahaa ee waajibka lagu siiyey uga soo baxay, taas oo inta uu ciidankii jabhadda ahaa ee aaggiisa joogay inta uu digaan-digaha ka dhigay ayuu bilaabay dedaal uu doonayo inuu istaraatijiyad qarsoon ku soo galo dhufayska Naaqfa oo sidaa gacanta loogu dhigo, laakiin waxa uu qorshuhu ahaa inay ciidamadii aagga ka soo dagaal gelayey isugu wada yimaadaan dhufayskaa oo ay falawgeeda galeen sidii aanu gacanta ugu dhigi lahayn dhufayskaa, isla markaana aanu gacantayada uga baxeen, balse way fashiliyeen guushii ay ahayd inaynu gaadhno.

Gannat: Markaa ma waxaad ku talaabsateen in Col. Yawhala Ishaat iyo nimanka saraakiisha ah ee aad leedahay way na fashiliyeen aad laysaan?

L a soco.

Top


Jilbo-Dhiig.

Muxubadii iyo wanaagii u dhexeeyey Biixi iyo ooridiisa Saynab waxa uu noqday mid maalin-ba maalinta ka dambaysa caato sii noqonaya ama sii yaraanaya, waxaana Saynab ku beermay shaki badan oo ay ka qaadday odaygeeda Biixi, iyadoo danniday inuu gabadh kale xidhiidh la leeyahay, sidaa darteed Saynab waxa uu shakigu tusay inay raad-gurto Biixi si ay ogaato waxa uu ku mashquulsan yahay, waxayna hawl-galkeeda caynkaas ah ka bilowday inay xog-raadis ay ku baadi doonayso bal waxa uu waddo. Sidaa awgeed Saynab waxay dabagal iyo raad-gur ku samaysay meelaha uu Biixi tago, ka dibna muddo markii ay hawl-gal caynkaas ah wadday ayey maalintii isha ku dhufatay Biixi oo gabadh Soomaali ah meel gaar ah la taagan sidii wax faqaya iyo gabadhii oo marba qosol yar ku dhufanaysa, dabadeedna Saynab isla goobtii iyadoo aan ka dhaqaaqin ayuu bahalka masayrka la yidhaahdaa dheg iyo dhabban ku dhuftay, waxayna goobtii ka dhaqaaqday iyadoo bahal masayr ah la madax marran.

Saynab waxay hoos ugu calaacashay “Ma ninkii isaga oo aan shilin haysan aan u furay shilimadii aan haystay ee aan noloshiisii bad-baadiyey, ka dibna aan guur ugu badheedhay isaga oo aan wax aduun ah haysan ayaa manta naag kale iskala qoslayaa, alleylehe aduunyo, laakiin anigaa silica is badday”.

Saynab weedhahaa iyo kuwo kaleba waxay hoos ugu tiraabaysay iyadoo dibbinta qaniinsan, laakiin Saynab waxa uu fekerka masayrku xusuusiyey sheeko xariireed ay islaan ayeydeed ah oo Xaadsan la odhan jiray uga sheekayn jirtay carurnimadeedii, sheekadaas oo ku saabsanayd sida uu inan-rag dumarka u dago iyo sida la isaga ilaaliyo. Waxayse xaaladda Saynab sii shiddantay markii ay ganbooleyda dumar ka war heshay inay Saynab walaaqantahay oo uu geedkii masayr la odhan jiray u gacan-haadiyey, halkaasna waxa ganboolayda dumar uga soo baxday fursad ka mid ah fursadaha ay ganbooleyda dumar ugu jecel yihiin, taas awgeedna shirka iyo talooyinka xaawalayda ayaa gabadhii Saynab ku batay. Dabadeedna maalintii dambe ayaa waxa heshay bahal gabadh ah oo aad xariif ugu ah sida arimahaas oo kale gaas iyo kabriid loogu qabto, waxayna u saartay sheeko sun iyo waabbay daacaysa, taas oo ay Saynab uga sheekaysay inay jirto gabadh uu xidhiidh la leeyahay, taasina waxay keentay inay Saynab gambada sii tuurto.

Biixi maadaama uu noqday nin balwadda qaadka ehel ka dhigtay waxa uu ku saamalaylaa maqaayaddii aynu hore u soo sheegnay ee ay gabadha Somalida ahi haysato, wuxuuna had iyo goor ka soo kici jiray abaara 12:00 habeenimo, waqtigaas oo uu soo hoyan jira, sidaa darteed habeenkii dambe ayuu sidii ay caadadu ahayd Biixi waxa maqaaxidii ka soo kacay, wuxuuna u kacay dhinicii gurigiisa, iyadoo uu qabow darrani dhacayo, ka dibna markii uu gurigii tegay isaga oo aad u dhaxamoonaya, dabadeedna albaabkii guriga ayuu xoog u garaacay, laakiin Saynab iyadoo maqlaysa ayey hadana iska dhego martay, wuxuuna garaaciddii xoogga lahayd ku celiyey laba-saddex goor, balse Saynab isuma soo dhaqaajin, waxayna hoosta ka leedahay “Ha gabgab leeyo, wallee waanan kuu soo kicin, muu la joogo tii uu waqtigaa ku maqnaa.”

Biixi markii uu garaaciddii ku celceliyey ee laga furi-waayey ayuu bahal qaylo ah kor u dhawaaqay, isaga oo yidhi “Naa Saynab naga fur maxaad noo dhegaysanaysaa”. Ka dibna markii uu Biixi qayliyey ayey Saynab is tidhi yaan qayladiisa dadku la yaabbin oo ay soo kacday inta ay buste ay huwanayd dhinac isaga rogtay oo ay la soo kacday dherkeedii hurdada ayey albaabkii fag ka siisay, dabadeedna Biixi oo ay bahal dhaxan ahi dabada ka waddo oo aad moodo in la eryanayo ayaa markii albaabka laga furay degdeg u dhaafay isaga oo juuq iyo jaaq cidna u odhan, wuxuuna degdeg isugu tuuray sariirtii uu ku jiifsan jiray oo aanay si wanaagsan u hagaajin ee iska yara canbusan, laakiin Saynab markii ay albaabkii xidhay ayey ka soo dabagashay Biixi, waxayna u dedejisay bahal cay ah, iyadoo weliba kor u qaylinaysa, waxayna kula hadashay wax kasta oo afkeeda ka soo baxa oo cay am hadal xun ah, balse Biixi juuq uma odhan, wayna iska jiifsadeen, laakiin sidoo kale markii uu waagu beryey ayey Saynab mar kale bilowday hadalkii iyo maagistii Biixi, waxayna hadalka ka bilowday “Waaryaa waa ninka inaadeer sidan ku wada joogi maynoo ina kala kaxee oo habeen dambe guriga haygu soo garaacin ee u hoyo meesha aad saqda dhexe ku soo gaadho”.

Dabadeedna Biixi waxa uu isku deyey inuu Saynab dejiyo, isla markaana uu dhibaatada isaga iyo ooridiisa ka dhex-aloosan xal u helo, wuxuuna horteeda ka akhriyey cudur-daar iyo sababo uu u nisbaynayo maqnaanshihiisa, isla markaana waxa uu ku tiraabay ereyo uu dareen naxariis leh ugu muujinayo, balse taasi ma qaboojin meesha Saynab gubanaysa, waayo waxa Saynab shidaya ma bogsiin karayaann ereyada uu Biixi ku tiraabay, wuxuuse Biixi waxoogaa yara fahmay markii ay Saynab soo tuurtay weedh wax badan u iftiimisay Biixi, taas oo ay tidhi “Orod ku noqo tii gaabnayd ee aad gidaarada kula faqaysay”, intii markii ay Saynab tidhi ayuu Biixi fahmay inay cadhada ooridiisu inta badan daarran tahay dareen masayr, ka dibna xusuustiisa ayuu ka shaqaysiiyey si uu bal u garto gabadha gaaban ee ay Saynab magacawday, dabadeedna markii uu waxoogaa feker iskula maqnaa ayuu markii dambe xusuustay gabadha ay Saynab ku dhadhabayso, ka dibna waxa uu yidhi “Walaal Saynab gabadha aad sheegayso ma aha sida aad mooday ee waa gabadh u shaqaysa shirkad oo maalin dhowayd la iskaayo barray, dabadeedna shirkadda ay ka shaqayso aan ku idhi shaqo iiga soo baadh oo shaqo raadis iigu maqan, ka dibna marba iiga soo warrranta halka ay wax marinayso, markaa gacaliso shakiga iska saar ma aha arintu sidaad moodaye”, laakiin Saynab waxaasi uma qudhqudhsamin, waxayna hadaladaa ka sii qaaday cadho iyo buuq hor leh, iyadoo tidhi “Waar aniga hay sheegin beentaada iyo beladaada, aniguna ma ihi naag sidaa yar loo siri karo ee I dhaaf oo gurigan xun yeynaan dib dambe isugu imman”, ka dibna markii ay sheekadu halkaa maraysay ayuu Biixi iska baxay oo uu suuqiisii iska qabtay.

La soco.

Top


Garta Dhaqanka.

Garta xeer-beegti marka la qaadayo waxa loo qaybiyaa ilaa afar nooc oo kala ah: Duco, Didiif, Dacwi iyo Maluug, kuwaas oo ay mid waliba cadaymaheeda leedahay, isla markaana waxa dhaqamada garta ka mid ah:

Mar ninka loo hadlayo, mar uu isagu hadloonayo, mar uu hojiye leeyahay.

Waxa kale oo doodaha iyo erey-bixinta garta ka mid ah wax la yidhaahdo: Xadhig-xidhe, Feenis, Axala-cunsiis, Dacwi, Dhaabbad, Lad-haye, Qadood, guddoon, Ambiil, Dooc iyo Dareen, Bir-kuma goyn, Lug-dhaar ah IWM. Laakiin sida aynu ognahay gari sideedaba waxay timaadaa marka uu khilaaf ama iska hor-imaad ama ay dhibaato dhexmarto laba qof, laba qabiil ama laba ummadood IWM, Somaliduna waxay tidhaahdaa, “Aynu wada hadalo waa aynu heshiino”, taas oo macneheedu yahay marka ay laba dhinac gar isku soo horfadhiisanayaan waa in laga heshiiyo, wayse dhici kartaa in garta lagu kala kaco oo laga heshiin kariwaayo arimaha la isku hayo ama laga garnaqsanayo, ka dibna la kala qaato mawqifyo ama go’aamo qalqalafsan.

Hase yeeshee marka ay gartu dhacayso ama gar la qaadayo waa inay goobta joogaan dhinacyada kala ah: Labada dhinac ee loo gar-qaadayaa, cidda garta qaadaysaa (Guddi garsoor), xidhayaasha labada dhinac, wixii markhaati ama caddayn ah ee aan garta looga maarmayn, waxa kale oo garta looga baahan yahay wax la yidhaahdo Hagar-bey oo ah kharash ama aduun laga qaado dhinacyadda garamaya, waxaana la siiyaa guddiga garta qaadaya iyo waxyaalo kale oo aan garta looga maarmin ayaa intaa dheer.

Gartu marka ay bilaabato ee badka la soo wada fadhiisto guddiga garta qaadayaa waxay marka ugu horaysa ee ay gartu furanto wax hor su’aalaysaa ninka muduciga ah, waxaana ka mid ah su’aalaha la waydiinayo: Ma adigaa wax tirsanaya, haa marka uu yidhaahdo waxa hadana la waydiinayaa “Ma ka samraysaa waxa aad tirsanayso ama ma ka dul-qaadanaysaa gar iyo gardaro waxa ay doonto ha kugu ahaatee”, dabadeedna Maya hadii uu yidhaahdo, waxa loo gud-bayaa ninka ama dhinaca madaacalayga ah (Cidda wax loo tirsanayo), waxaana la waydiinayaa su’aalo ay ka mid yihiin: “Waxa laguu sheeganayo garaw ma ka haysaa ama ma ka bixinaysaa”, Maya hadii uu yidhaahdo, muduciga ayaa xagiisa la eegayaa, waxaana lagu odhanayaa “Garaw laguuma hayee, gar ceebla ma marsanaysaa”, Haa ayuu odhanayaa, ka dibna madaacalayga ayaa lagu odhanayaa waxa laguu sheeganayo “Ma ka jid-baxaysaa”, Haa marka uu yidhaahdo waxa nin walba la waydiinayaa, iyadoo muduciga lagu horaysiinayo “Xidhahaagii ma wadataa”, Haa marka uu yidhaahdana waxa lagu odhanayaa bilow hadalka oo gartaada marso, ka dibna muducigu waxa uu hadalkiisa ku bilaabayaa, isaga oo la hadlaya madaacalayga (Ninka wax loo sheeganayo), ayuu su’aalayaa “Wax garaw ma ii haysaa”, Maya hadii uu yidhaahdo, wuxuu hadana waydiinayaa “Hadii aynu axdar (Gar-adag) ismarino oo aan waxayga gar kaaga helo ma qabtaa wixii dhibaabo ah ee ay arintaasi yeelato”, Madaacalayga ayaa isna odhanaya Haa, ka dibna muduciga ayaa hadana odhanaya “Hadii aan kugu helo waxaa aan kuu sheeganayo oo aad igu dhibaabayso waa jilib caro (Goobta gartu ka dhacdo ayaad igu siinaysaa oo igalama kacaysid)”, ka dibna Madaacalaygii ayaa odhanaya “Wixii igu garooba ee aad igu hesho waa iga bad-yaal, waxa aynu ku wada hadlaynaana gole-joog ha noqdeen”.

Tusaale ahaan hadii ay waxa lagu wada hadlayaa aduun yihiin waxa uu xeerka gartu yahay inay joogaan ama yaaliin golaha lagu garnaqsanayo oo ay gole-joog noqdaan, ama hadii kale waa inuu ninka xidhaha ahi ballan-qaado inuu waxaa keenistooda masuul ka yahay, taas oo hadii uu ninkii uu xidhaha u ahaa wixii keeni waayo isaga (Xidhaha) lagu yeelanayo. Intaa marka meel lagu tiiriyo waxa markaa si toos ah u bilaabmaya dooddi dacwadda, iyadoo uu bilaabayo muduciga ama ciddii uu u igmadday.

La soco.

Top


Waayaha Maanta Ee Siyaasadda Somaliland iyo Xusuusta Dhacdooyinka Is-Shabbaha.

Hargeysa (Haatuf): Hogaamiyayaasha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa sheegay inay manta magaalada Hargeysa ku qabanayaan shir-jaraa’id oo ay ku soo bandhigayaan cadaymo ay sheegeen inay ku xaqiijinayaan wax isdhaaf-dhaafis lagu sameeyey tirrintii codadka doorashadii madaxtinimada ee Somaliland ka dhacday 14-kii Abril, 2003, taas oo natiijadeedii lagu dhawaaqay Sabtidii toddobaadkan ee 19-kii Abril, isla markaana ay guddiga doorashooyinku shaaca ka qaadeen inuu xisbiga UDUB ku guulaystay doorashadii dhacday, isla markaana uu xisbiga KULMIYE kaga helay 80 cod, laakiin xisbiga KULMIYE ayaa go’aanka guddiga doorashooyinka ee ku dhawaaqidda natiijada doorashada gaashaanka ku dhuftay, waxayna reer KULMIYE ku dacwiyeen inay iyagu ku guulaysteen doorashada, laakiin la musuqmaasuqay tiradii runta ahayd ee ay heleen, taasina waxay keentay walaac siyaasadeed, taas oo ay dadku ka werwer qabaan hadii la is qancin kari waayo inay taasi keento khilaaf murugsan iyo mushkilado cusub oo sii dul-buuxiya duruufaha shilis ee iminkaba dhexyaal Somaliland.

Laakiin murranka caynkan oo kale ahi ma aha wax ugub ah ee marar badan ayuu ka dhacay dunida ay Somaliland ka mid tahay, sidaa awgeed inta aynaan faallo ka bixin wacyiga saaka yaal Somaliland aynu tusaale u soo qaadano wadamo dhawr ah oo uu bilowga qarnigan 21aad ee aynu ku jiro ay asiibeen mushkilado ka dhashay murranno iyo ismaandhaafyo cirka isku shareeray oo ka dhashay doorashooyin madaxtinimo oo la qabtay, waxaana ka mid ah dhawrka wadan ee aynu tusaalaha u soo qaadanayno: Yogouslavia, Maraykanka, Madacaskar iyo Nayjeeriya.
Doorashooyinkii madaxtinimada ee dalka Maraykanka ka dhacay bishii Nofembar ee sannadkii 2000 waxa ku tartamay George W. Bush iyo Algore, taas oo uu Algore ka sharaxnaa xisbiga dimoqraadiga, halka uu Bush-na ka sharaxnaa xisbiga Jamhuuriga, laakiin waxa gebagebadii tirrinta codadka mar qudha si lama filaan ah u aloosmay murran ioy khilaaf xoog leh oo ka dhashay natiijadii codadka, ka dib markii ay arintu noqotay Bush baa helay iyo Algore baa helay.

Markii hore guddiga doorashooyinka Maraykanku waxay ku dhawaaqeen inuu doorashada ku guulaystay Algore, laakiin taa waa laga daba yimi, ka dib markii uu Bush ku dhawaaqay inaanay tirrinta codadka gobolka Florida sax ahayn, halkaana waxa ka dhashay murran xoog leh iyo xaalad cakirran, waxaase arinta soo dhexgashay maxkamadda distooriga ah oo xukuntay in codadka gobolka Florida dib loo tiriyo, waxayna maxkamaddu aakhirkii xukunta inuu doorashadii ku guulaystay Bush, taas oo uu Algore-na iska tunaasulay, waxayse dhacdadaasi noqotay mid si weyn u gilgishay dalka sheegta inuu yahay quwadda dunida ugu weyn, isla markaana ku faana inuu yahay hormoodka waxa loo yaqaan dimoqraadiyadda iyo tartanka doorashooyinka madaxa banana.

Sidoo kale waxay taas oo kale ka dhacday Jasiiradda Madacaskar oo ku taal badwenta Hindiya ee qaaradda Afrika, ka dib markii uu murran weyni ka dhashay doorashooyinkii madaxtinimada ee ka dhacay bishii Diisamber ee sannadki 2000, iyadoo ay doorashadaa ku tartameen madaxweynihii markaa talada hayey Rack Shirack iyo Revalo Manano oo mucaaradka hogaaminayey, waxaana bilowgii soo baxay inay mucaaradku guusha leeyihiin, laakiin guddiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay inuu doorashada ku guulaystay, waxaase go’aankaa gaashaanka ku dhuftay mucaaradka, ka dibna waxa arinta gashay maxkamadda distooriga ah, balse iyadoo maxkamaddu weli baadhitaan ku jirta ayuu madaxweynihii talada hayey ku dhawaaqay inuu xilka ka qaaday gudoomiyihii maxkamadda distooriga ah, laakiin taasi ma shaqayn, waayo maadaama uu xiligaa ahaa musharax awood sharci uma lahayn inuu taa ku talaabsado, sidaa darteed maxkamaddaasi waxay ku dhawaaqday inuu doorashada ku guulaystay musharaxii mucaaradku.

Laakiin musharaxii muxaafidka ayaa isna taa gaashaanka ku dhuftay, ka dibna waxay taasi keentay inay labada nin ku kala dhawaaqaan laba dawladood, taas oo uu hogaamiyaha mucaaradku dawlad kaga dhawaaqay magaalada labaad ee dalkaa oo la yidhaahdo Tamatafe, halka ka kalena dawlad kaga dhawaaqay caasimadda dalkaa ee Antananarifo, ka dibna waxa halkaa ka dhacay iska hor-imaadyo waaweyn oo dhexmaray taageerayaasha labada dhinac, laakiin ciidamada ayaa qaatay mawqif dhexdhexaad, iyaga oo ku dhawaaqayn inay keliya ammaanka xasilintiisa ka shaqaynayaa, balse aanay dhinac-ba raacayn, wuxuuse khilaafkaasi sababay inuu wadanku u qaybsamo laba qaybood, hase yeeshee taageeradii dadweynaha ayaa u badatay dhinaca musharaxa mucaaradka, taasina waxay keentay inay dawlado muhim ahi aqoonsadaan musharaxa mucaaradka, sida Faransiiska, Maraykanka, Australia iyo Jabaan, sidaa awgeed awgeedna dawladdii uu dhisay musharaxii talada hayey markii ay wayday taageerada dadweynaha, isla markaana uu u adkaysan waayey gadoodyo is-daba joog ah oo ay dadweynuhu galaabixiyeen maamulkiisa ayuu aakhirkii dalka debediisa u cararay, isaga oo tegay dalka Faransiiska, sidaana waxa taladii dalka Madacaskar ku hantiyey musharaxii mucaaradka oo hadda ah madaxweynaha Madacaskar.

Laakiin inka badan 5 bilood ayuu dalkaasi ku jiray xasilooni daro iyo qalalaase siyaasadeed oo aad u naafeeyey, waxaana la odhan karaa arimaha ugu muhimsan ee uu dalkaasi kaga bad-baaday burbur aanu ka soo kabban waxa ka mid ah mawqifka dhexdhexaadka ah ee ay ciidamadu qaateen.

Sidoo kale dalka Yogouslavia waxa sannadkii 2000 ka dhacay doorashooyinkii madaxtinimada, waxaana ku tartamay ninkii markaa talada hayey Milosovege, oo ka sharaxnaa xisbi la yidhaahdo “Xisbiga hantiwadaagga” iyo musharaxii mucaaradka, Voyas-lave Costanita, oo ka sharaxnaa xisbiga mucaaradka ahaa oo la yidhaahdo “Xisbiga Dimoqraadiga”, ka dibna markii ay doorashooyinku dhaceen waxa bilowgii soo baxday madaxweynihii talada hayey Milosovege ayaa ku dhawaaqay inuu isagu ku guulaystay doorashadii, laakiin musharaxii mucaaradka Costanita ayaa taa gaashaanka ku dhuftay, sheegayna inuu isagu ku guulaystay, halkaana waxa ka dhashay murran cirka u baxay, waxaase murrankaa soo dhexgashay maxkamadda distooriga ah ee dalkaa, waxayse maxkamaddaasi la safatay musharaxii talada hayey Milosovege, una xukuntay inuu isagu doorashada ku guulaystay, taasna mucaaradku way ku gacan-saydheen, ka dibna waxa mar labaad arinta soo dhexgalay, kana garnaqay machad la yidhaahdo “”Xarunta Dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka” oo ay ku bahoobeen niman aqoonyahanno ahi, waxayna xaruntaasi xukuntay inuu doorashada ku guulaystay musharaxa mucaaradku, iyaga oo sheegay inuu dhacay musuqmaasuq iyo ku shubasho, ka dibna mucaaradka ayaa ku dhawaaqay inuu Milosovege kursiga kaga dego muddo toddobaad ah, laakiin taa wuu ka madax-adaygay, waxaase ku soo butaacay gadood dadweyne oo ay dabada ka wadaan mucaaradku, waxaana la gubay xarumo badan oo ay dawladdu leedahay, isla markaana waxa cirka isku shareeray xasilooni daro iyo qalalaase si weyn u hadheeyey atmosfeerka siyaasadeed ee dalkaa. Hase yeeshee janaraalkii ciidamada Yoguoslavia haystay ayaa ciidamadiisa ku amray inaanay wax talaabo ah qaadin si aanu dhiig badani u daaddan, waxaase muddo bil ka badan socday gadoodyo mudaharaadyo luxdan oo aan kala go’ lahayn, iyadoo Mr. Milosovege cadaadis dab ka kulul lagu saaray inuu tanaasulo, farahana ka qaado, waxayna taasi aakhirkii ku dambaysay inuu Milosovege kursiga ka soo boodo, sidaana waxa talada kula wareegay musharaxii xisbiga mucaaradka, Foyas-lave Costanita oo hadda ah madaxweynaha dalka Yoguoslavia.

Dalka Nayjeeriya ee Afrikada galbeed oo ay doorashooyinkii madaxtooyadu ka dhaceen toddobaadkan ayaa waxa natiijadii dooorashada ka dhashay murran ku saabsan cidda ku guulaysatay doorashada, iyadoo ay doorashada ku tartameen madaxweynaha hadda talada haya janaraal Obasanjo iyo musharaxa mucaaradka Axmed Albakar, laakiin iyadoo aan weli lagu dhawaaqin ayaa waxa durba soo ifbaxay murran la xidhiidha cidda ay guushu raacayso, ka dib markii ay guddiga doorashooyinka Nayjeeriya xalay ku dhawaaqeen inuu doorashadii ku guulaystay janaraal Obasanjo, helayna 61%, halka mucaaradku helay 32, 7%-na waxa helay musharaxiin kale oo tartanka doorashada ka qayb galay, laakiin mucaaradka ayaa sheegay inay dhacday ku shubasho, isla markaana waxay ku hanjebeen in hadii aan arintaa wax laga qaban ay taasi keeni doonto mushkilad weyn oo siyaasadeed. Hase yeeshee ugu dambayn marka aynu u soo noqono Somaliland iyo doorashooyinkii toddobaadkii hore dhacay waxa hadda ooggan murran la xidhiidha cidda ku guulaysatay, kaas oo u dhexeeya xisbiga UDUB ee uu gudoomiyaha ka yahay madaxweyne Rayaale iyo xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ee uu musharaxa ka yahay Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), ka dib markii uu xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE gaashaanka ku dhuftay natiijadii doorashada ee lagu dhawaaqay Sabtidii toddobaadka, isla markaana ay reer Kulmiye ku adkaysteen inuu xisbigoodu guulaystay doorashadii madaxtinimada.

Bilowgii intii aan lagu dhawaaqin natiijada doorashada waxa dhawrkii maalmood ee la sugayey natiijada si weyn isu soo taray tibaaxo sheegaya inuu xisbiga KULMIYE ku guulaystay doorashada, waxayna dhawrkii maalmood ee laga dhur-sugayey guddiga doorashooyinka ku jireen damaashaad la xidhiidha guusha loo tibaaxay, laakiin waxay taasi is bedeshay markii ay guddiga doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqeen natiijadii, taas oo ay sheegeen inuu xisbiga UDUB 80 cod ku guulaystay, balse xisbiga KULMIYE ayaa jawaab diidmo ah ka bixiyey, sheegayna inuu xisbigoodu helay tirada badan ee codadkii doorashada, laakiin la musuqmaasuqay, taasna ay caddaynayaan, iyaga oo sheegay inaanay taa ka tanaasulayn.

Inkasta oo ay hogaamiyayaasha KULMIYE ku cel-celiyeen inay badka soo dhigayaan cadaymo ka marag-kacaya inay doorashada ku guulaysteen, hadana ilaa hadda taa waa laga sugayaa, waxaase la filayaa inay taa ku soo bandhigaan shirjaraa’id oo manta la filayo inay ku qabtaan magaalada Hargeysa, iyaga oo ay go’aanka kama dambaysta ah ee natiijada doorashada ku dhawaaqi doonto maxkamadda distooriga ah. Sidaa awgeed hadii uu xisbiga KULMIYE cadeeyo inuu isagu helay codadka badan waxay taasi markaa keenaysaa inuu markaa isu dhigo inuu yahay xisbiga xaqa u yeeshay inuu talada qabto, balse waxa iyana su’aal meesha taal ah maxkamadda distooriga ah ee Somaliland maxay go’aamin doontee, taas oo ay dad badan, gaar ahaan hogaamiyayaasha iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE inay koleyba xataa hadii ay wax gar ah horkeenaan aanay ka filayn xukun cadaalad ah, iyaga oo rumaysan inaanu gudoomiyaha maxkamadda sare cidna la garran-siinayn cidda xilka u magacawday.

Hase yeeshee maxkamadda distooriga ahi waxa ay doonto ha xukuntee hadii uu xisbiga KULMIYE badka soo dhigo dello cadaynaysa inuu isagu codadka badan helay, waxay markaa la saadaalinayaa inuu qaadan doono mawqif adag oo aan tanaasul lahay. “Anaguma kama tanaasulayno wixii noo cadaada”, sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay xisbiga KULMIYE, iyadoo dhinaca kalena madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa UDUB ay hadda barkan yihiin guushii harag-waxarka ahayd ee loogu bisheereeyey, taas oo ay dad badani rumaysan yihiin in hadii wax kasta laga daba keeno ay lig-ligga haysan doonaan harag-waxarkooda. Sidaa awgeed waxay dad badani walaac ka qabaan inuu murranka caynkaas ahi cirka isku shareero oo qolo waliba dhinaceeda u qaadato mawqif adag oo aan tanaasul lahayn iyo weliba talaabooyin siyaasadeed, ka dibna ay arintu u ekaato dhacdooyinkii siyaasadeed ee aynu qaybaha hore ee maqaalkan ku soo xusnay, waxaaase loo baahan in taas oo kale lagaga hortago talo miyir qabto, isla markaana ugu horayn wax walba la saaro miisaanka cadaaladda, arintana lagala tacaalo inay gaadho mawqif is-dhafoor taabad ah iyo jawi cakirra. 

Top