Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 318 Date April 24, 2003

Natiijada Weli Madheertu Ka Laad-Laado Iyo Cadaadiska Saaran Guddiga Doorashooyinka.

“Komishanka Doorashooyinku Waxay Beddeleen Rabitaankii Dadka,
Xaqna Uma Leh In Ay Dadka Qaar Takooraan” Xubno Degaanka Bariga Hargeysa Ah (Yuusuf Guruuje Iyo Maxamed F. Caynaashe).

Curashada Roobka Iyo Saameyntiisa Berbera.

Wefti Ka Kooban Hay’adaha WHO Iyo UNICEF Oo Booqday Tuullada Darar-Weyne.

Khatarta Xannuunka SARS Oo Si Xawli Ah Ugu Faafaysa Caalamka.

Golaha Ammaanka Oo Ogolaaday Iib-Geynta Saliidda Dalka Ciraaq.

Burco: Dareenka Xasaasiga Ah Ee Ka Dhashay Natiijadii Doorashada Iyo
Go’aanka Mar Labaad Loo Dheg-Taagayo.

Machadka IPRT Oo Tababar U Furay Hawl-Wadeeno Ka Kala Socda Hay’adaha Dawladda.

IFTIINKA ISLAAMKA, S. Guraase.

Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa qoray C/salaan Caaro-dhuub Q:29aad.

JILBO-DHIIG: Sheekadan waxa qoray Xasan Faarax, waxana Tifaftiray Axmed Ducaale Q: 29aad.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Doorashadu Waxay U Baahan Tahay Dhammaystir.

Shacbiga Somaliland Waxay Muujiyeen Kalsooni Lama Filaan Ah.

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga.

Waadiga Ciyaaraha: Tomasson Daqiiqadii Ugu Dambaysay Kooxdiisa U Soo Gudbiyay Semi Finals-ka.

Keane Oo Kooxdiisa Manchester United Ugu Baaqay In Ay Khaladaadkoogu Cashar U Noqdo.


Natiijada Weli Madheertu Ka Laad-Laado Iyo Cadaadiska Saaran Guddiga Doorashooyinka.

Hargeysa (Haatuf): Laba kooxood oo ay qolo ka socoto xisbiga KULMIYE, qolona ka socoto xisbiga UDUB ayaa shalay laba kulan oo kala dambeeyey la yeeshay guddiga doorashooyinka, kulamadaasna inkasta oo aanay wax war ahi ka soo bixin, hadana waxay wararku tibaaxeen inay kulamadaasi la xidhiidheen natiijada doorashada iyo tirrinta codadka oo ay weli doodi ka taagan tahay.

Xisbiga KULMIYE oo natiijadii doorashada ee Sabtidii toddobaadkan ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinku ku gacan-saydhay, sheegeyna in tiro qalad ah la yeedhiyey ee ay iyagu ku guulaysteen doorashadii ayaa Arbacadii doraad bandhig ay hogaamiyayaasha KULMIYE ku qabteen magaalada Hargeysa waxay ku muujiyeen codad ilaa 133 gaadhaya oo ka maqan isugeyntooda codadka ay Burco ka heleen, taas oo ay sheegeen in laga qalday. Waxayna ku dacwiyeen in marka tiradaa lagu daro ay tirada codadka ku hogaaminayaan ilaa 76 cod, isla markaana waxay ku adkaysteen inay iyagu ku guulaysteen doorashadii dhacday. Laakiin dhinaca kalena xisbiga UDUB ayaa wax yar ka dib markii ay hogaamiyayaasha KULMIYE tirooyinkaa soo bandhigeen soo saaray war ay kaga jawaabayaan tirooyinka ay soo bandhigeen KULMIYE, taas oo ay reer UDUB iyaguna dhinacooda ku dacwiyeen in xisbiga UDUB-na laga jaray tirooyin ay xaq ua lahaayeen.

Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xisbiga UDUB, Axmed Xaashi ayaa lagu sheegay in xisbiga UDUB hayo cabashooyin la xidhiidha natiijada doorashada, iyaga oo yidhi “Xisbiga UDUB waxa uu hayaa cabashooyin badan oo ku saabsan sanaaduuq Hargeysa ah oo ay UDUB ku tiro badnayd, xaqna u lahayd in loo tiriyo, laakiin laga laalay”.

Waxa kale oo ay qolada UDUB ku dooday inay iyaguna hayaan tirooyin dheeraad ah oo loo raaciyey xisbiga KULMIYE, iyagana tirooyin laga jaray, Isla markaana waxay qolada UDUB war-saxaafadeedkooda ku canbaareeyeen xisbiga KULMIYE oo ay ku eedeeyeen inuu doorashadii dalka ka dhacday nashuushadaynayo.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo oo bandhigii uu doraad xisbigiisu qabtay ka hadlay ayaa isna ka waramay mawqifka xisbigiisa ee natiijadii doorashada ka soo baxday, taas oo uu ku celceliyey inuu xisbigiisu guulaystay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday. “Intii aan natiijada lagu dhawaaqin waxa jirtay aaminsanaan badan oo ahayd inuu KULMIYE helay doorashadii”ayuu yidhi Axmed Siilaanyo, wuxuuna intaa ku daray oo uu yidhi “Maalintii dhowayd markii la yidhi 80 cod buu ku horeeyaa xisbiga UDUB, taasi waxay noqotay qaadan-waa, laakiin meel walba waanu ka cadaynay oo iminka ayaanu leedanahay KULMIYE ayaa helay doorashadii dalka, welina may dhicin natiijadii kama dambaysta ahayd ee doorashadu.”

Markii ay guddiga doorashooyinku Sabtidii toddobaadkan ku dhawaaqeen in xisbiga UDUB 80 cod ku helay doorashadii waxay taasi kaga cadhaysiisay, waxaana soo baxay warar la isla dhexmaray oo la leeyahay xisbiga KULMIYE waxa uu ku dhawaaqayaa dawlad maadaama uu rumaysan yahay inuu doorashadii ku guulaystay, laakiin gudoomiyaha KULMIYE oo arintaa ka hadlaya ayaa yidhi “Dawlad aan sharci ahayn weligayo ku dhawaaqi mayno”, wuxuuna intaa ku daray “Waxa la yidhaahdaa KULMIYE ciidan buu dhaqdhaqaajinayaa, laakiin ciidan aanu dhaqdhaqaaqijinaynaa ma jiro, dalkan iyo dadkana anaga ayaa nin walba uga lexejeclo badan, laakiin mid baan ka digayaa cadaalad xumo.”

Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu madashaa kaga dooday in taageerayaasha xisbigiisa si gaar ah loo ugaadhsanayo oo lala daba socdo xadhig iyo shaqo ka eryid, isaga oo yidhi “Dadkaasi meel kasta oo ay joogaan xaq bay u leeyihiin inay is difaacaan, taas waa in si cad loo ogaado, waxa kale oo uu distoorkeenu wuxuu qorayaa oo xaq inoo siinayaa in mudaharaadku yahay sharci, markaa waxaanu nidhi waxaanu doonaynaa mudaharaad nabadgelyo ah, laakiin wasiirka daakhiligu wuxuu nagu yidhi wax mudaharaad ah oo aad samaynaysaan ma jiro.”

Axmed Siilaanyo wuxuu sheegay inay dacwadahooda dhinaca natiijada u bandhigi doonaan laba siyood oo ay midi tahay dadweynaha oo ay u bandhigaan iyo ta labaad oo ah inay u hordhigaan maxkamadda sare, isaga oo yidhi “Halkan qaybta aanu idinka sii tusi doono waxa ka sii weyn qaybta aanu hor-geyn doono maxkamadda.”

Cabdi Aw-Daahir ayaa isna madashaa ka sharxay tirooyinka ka qaldan iyo sida ay u qaldan yihiin, isaga oo yidhi “Waxa uu KULMIYE ku guulaystay 76 cod.”

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa isna madashaa ka hadlay, waxaana ereyadiisa ka mid ahaa “Anigu ma lihi waxyi baa samada nagaga soo dega ee waxaanu nahay bini’aadmi qalmi kara, waxaanuna diyaar u nahay wixii qaldama inaanu qirano, waana lagama maarmaan in wax la isla saxaa oo wax saxan la isla gudbiyaa”.

Sida uu qaynuunku yahay maxkamadda sare ayey xisbiyadu wixii dacwado ah u gud-binayaan, isla markaana maxkamadda sare iyada ayaa ku dhawaaqaysa natiijada kama dambaysta ah, sidaa darteedna marka ay maxkamadda sare ku dhawaaqdo natiijada kama dambaysta ah ee doorashada ayey rasmi ama sharci tahay, laakiin arinta xusidda mudani waxay tahay tirrinta codadka ee uu xisbiga KULMIYE soo bandhigay tirooyin ka qaldamay iyo macluumaad kale oo dacwadooda la xidhiidha.

Sidoo kale xisbiga UDUB ayaa isna bilaabay inuu baadh-baadho tirooyin ka qaldan iyo dood la xidhiidha in sanaaduuq ay guddiga doorashooyinku ka tirtireen ay dacwadooda maxkamadda hor geeyeen si ay ugu dacwoodaan in loo furo dibna loogu tiriyo codadka sanaaduuqdaa ku jir oo ay rumaysan yihiin inay inta badan leeyihiin. Hase yeeshee waxa laba-saddexdii maalmood ee u dambeeyey muuqday dhaqdhaqaaqyo ay labada xisbi ee UDUB iyo isu daba marayaan xarunta guddiga doorashooyinka, waxaana la rumaysan yahay cadaadis guddigaa saarrani, kaas oo noqon kara qolo leh waa inaad arintayada talaabo ka qaadaan iyo qolo leh hadii aad wax talaabo ah qaadaan baataashuuf, isla markaana ilaa ay maxkamadda dastuuriga ahi ku dhawaaqdo go’aanka kama dambaysta ah ee natiijada doorashada waxaad moodaa inay falaadhii cirka loo gannay weli la eegayo.

Top


“Komishanka Doorashooyinku Waxay Beddeleen Rabitaankii Dadka,
Xaqna Uma Leh In Ay Dadka Qaar Takooraan” Xubno Degaanka Bariga Hargeysa Ah (Yuusuf Guruuje Iyo Maxamed F. Caynaashe).

Hargeysa (Haatuf): Xubno u hadlay beesha degaanka Hargeysa ayaa guddiga doorashooyinka ku eedeeyey inay ka lumiyeen xaqii ay u lahaayeen doorashada, iyaga oo sheegay inay guddigu tirtireen sanaaduuq badan oo ay codadkii dadkaasi ku jireen.

Shirjaraa’id oo ay hudheelka Bile ee magaalada Hargeysa doraad ku qabteen mudane Yuusuf Nuur Guruuje oo ah mudane ka tirsan golaha wakiilada iyo Maxamed Faarax Caynaanshe oo ah gudoomiyaha beesha bariga Hargeysa ayey ku sheegeen inay guddiga doorashooyinku tirtireen ilaa dhawr iyo toban sanduuq oo ay ku jireen codadkii dadkoodu, taasna waxay ku tilmaameen inay tahay xaqii ay dadkoodu u lahaayeen inay wax doortaan oo la takooray.

“Ummadda degaankaa waxa lagu sameeyey takoor, komishinkuna awood uma laha inay dadka takoorraan”ayuu yidhi mudane Yuusuf Guruuje, isaga oo intaa ku daray “Waxa lagu gefay xaqii aanu lahayn, waxayna guddiga doorashooyinku tirtireen dhawr iyo toban sanduuq oo ay ku jireen codadkii dadka degaankayagu, taasna ma garanayno waxa ay ku dhacday, waxaanuna u aragnaa inay komishanka qaranku bedeleen rabitaankii dadka oo ay wax u maamuleen sida ay iyagu doonayaan, anaga oo leh xaq uma lihidin guddiyey inaad takoortaan dadka qaar iyo inaad xuquuqdooda ka qaadaan.”

Sidoo kale Maxamed Faarax Caynaanshe ayaa isna shirkaa jaraa’id ka hadlay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Dhawr iyo toban sanduuq oo ay codadkii dadkayagu ku jireen ayaa la baabiiyey, taasna ma garanayno waxa ay ku dhacday, waanuse u fadhinaa sababta dadkayaga loo takooray.”

Waxa kale oo isna shirkaa jaraa’id goob-jooga ka ahaa Maxamed Baarjeex oo isna ah ganacsade ka soo jeeda degaanka bariga Hargeysa. Laakiin xubnaha shirkaa jaraa’id ka hadlay waxay sheegeen inay dacwadooda gaadhsiin doonaan maxkamadda sare, iyaga oo yidhoi “Maxkamadda sare waxaanu marti uga nahay inay ummadda xuquuqdooda la duudsiyey ee ay ka duudsiyeen komishanka doorashooyinku qaranku loo soo celiyo xuquuqdoodii laga baabi’iyey”, waxayna xubnahani guddiga doorashooyinka ku eedeeyeen inay si sharci daro gacanta ula galeen goobaha cod-bixinta iyaga oo dhinaca ka dhaafay jarran-jarradii guddiyada ka hooseeya ee heer gobol ilaa heer degmo, waxa kale oo sababta sanaaduuqdaa loo baabi’iyey tahay xilkasnimo daro ay iyagu leeyihiin iyo bay yidhaahdeen ujeedooyin weecsan oo cid loogu danaynayo. 

Top


Curashada Roobka Iyo Saameyntiisa Berbera.

Hargeysa (Haatuf): Dawladda hoose ee Berbera ayaa shalay bilowday olole ay ku xaadhayso biyo dhoobo ah iyo ciid ay suuqyada iyo wadooyinka magaalada kaga tageen roobab laxaad leh oo toddobaadkan magaalada ka da’ay.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera, C/raxmaan Xaaji Daahir (Casaan) waxa habeenimadii Arbacadu soo gelaysay ee toddobaadkan magaalada Berbera ka da’ay roob da’ayey inka badan laba saacadood oo dabaylo wata, isla markaana hilaac iyo Onkod badan, waxayna ahaayeen roobkii ugu horeeyey ee magaalada hela tan iyo roobabka Gu’gu curteen toddobaadkan horaantiisii, laakiin inkasta oo aanu badnayn roobkaasi waxa uu magaalada u geystay waxoogaayo khasaare ah.

Qaar ka mid ah dhismayaasha qadiimiga ah ee magaalada ayaa ka mid ah meelaha roobku waxyeeleeyey, iyadoo ay guryaha waxyeeladu soo gaadhay qaarkood ku yaaliin xaafadaha Daaroole iyo Barwaaqo. Hase yeeshee marka la eego khasaaraha uu roobkaasi geystay waxa ugu weyn khasaare soo gaadhay mid ka mid ah bakhaarada ganacsadaga la yidhaahdoa Ibraahin Dheere, ka dib markii uu roobka dabaylaha wataa uu saqafka sare kala degay bakhaarkaa, taasina ay keentay inay qoyaan ilaa 10’000 oo kabdadood oo Sonkor ah iyo ilaa 30,000 kartoon oo ay ku jiraan kabo dacas ahi, sidaana waxa weriyaha Haatufa au sheegay sarkaal ka tirsan shirkadda ganacsiga Ibraahin Dheere oo magaciisa la yidhaahdo Maxamuud Xasan.

Waxa kale oo magaalada dhex-fadhiya biyo iyo ciid badan oo ay kaga tageen daadadkii roobku, taas oo maadaama ay magaaladu ku taal dhul xeebeed godan ay biyuhu dhexfadhiistaan, isla markaana hadii aan si dhakhso ah wax looga qaban waxa ka dhasha xanuuno iyo nadaafad daro.

Sidaa awgeed dawladda hoose ayaa si ay ula tacaasho nadaafad xumo halkaa ka dhalata dawladda hoose ayaa bilowday olole nadaafadeed ay magaalada kaga saarayso biyaha iyo ciidda daadadka ka hadhay.

Top


Wefti Ka Kooban Hay’adaha WHO Iyo UNICEF Oo Booqday Tuullada Darar-Weyne.

Darar-weyne (Haatuf) Wefti wada jir ah oo ka socday wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha WHO iyo UNICEF ayaa maalintii doraad booqasho ku soo maray tuuladda Dararweyne oo ka tirsan deegaanka Hargeysa.

Weftigan oo ay horkacayeen Dr. Waqar Axmed Butt, oo ah xidhiidhiyaha xafiiska la dagaalanka Kaneecadda ee xafiiska u qaabilsan WHO Somaliland/Soomaaliya, Dr.Cabdi Kariim Yuusuf Muuse oo isna ka tirsan WHO iyo Mubaarik Maax oo ka socday hay’adda UNICEF waxa ay ujeedada booqashadoodu la xidhiidhay inay soo eegaan mashruuc la dagaalanka kaneecadda ah oo ay hay’adahaa iyo Wasaaradda caafimaadku ka wadaan deegaano ay Dararweyne ka mid tahay, iyo u diyaar garawga xuska sanad guuradda saddexaad ee maalinta la dagaalanka kaneecadda ee Afrika oo maanta laga xusayo dalka. Muddadii ay joogeen Dararweyne waxa ay u kuur galeen sida uu mashruucaasi uga socdo Dararweyne, iyada oo hore hay’adahaasi ay dadka deegaankaa ugu qaybiyeen mara-kaneecooyin daweysan, waxa kale oo ka mid ah mashruuca kaluun lagu dhex beerayo berkadaha iyo ceelasha biyaha, si uu u cuno kaneecadda taaso la sheegay inay wax tar weyn u leedahay la dagaalanka Kaneecadda.

Weftiga waxa warbixino siiyey Cumar C/laahi Guuleed oo ah madaxa MCH-ka Dararweyne waxaanu sheegay inay hoos u dhacday tirada dadka qaba xanuunka kaneecadda intii ay isticmaaleen mara-kaneecooyinka daweysan, isla markaana kaluunka lagu guray ceelasha biyaha, isaga oo sheegay inay ugu yaraan 68 ceel ku rideen kaluun ayna ku talo jiraan inay u qaybiyaan ceelasha kale ee aan weli la gaadhsiin kaluunkaasi. Waxaanu intaa ku daray inay dadku jeclaadeen Kaluunka markii uu nadiifiyey ceelasha.

Waxa kale oo iyaguna warbixino siiyey qaar ka tirsan odayaasha deegaankaas oo xaqiijiyey in mara-kaneecooyinka daweysan iyo Kaluunku ay wax weyn ka tareen ka hortaga xanuunka kaneecadda.

Dr. Waqar iyo Dr. C/Kariim oo ka hadlayey booqashadooda ayaa ka waramay ahmiyadda uu mashruucani u leeyahay dadka deegaanka iyaga oo intaa ku daray in mashruucani la bilaabay sanadkii hore, laguna faafiyey deegaano badan oo ka mid ah dalka. Socdaalkadanina uu la xidhiidho u diyaar garawga xuska maalinta kaneecadda Afrika oo ku beegan 25/04/03.

Dhinaca kale sida uu ku waramay weriye ka tirsan Haatuf oo la socday weftigaasi deegaanka Dararweyne oo ah dhul beereed waxa khasaare gaadhsiiyey roobabka dhawaan dalka ka curtay, iyaga oo roobabku waxyeelo u geystay beero, ceelal, iyo dugsigii kaliya ahaa ee ay tuuladaasi lahayd, mar uu wax ka weydiiyey weriyuhu odayaasha deegaanka waxa codsadeen in lala soo gaadho gargaar bani-aadminimo oo dhinac walba leh, iyaga oo baaqooda u jeediyey hay’adaha caalamiga ah iyo dawladda Somaliland-ba.

Top


Khatarta Xannuunka SARS Oo Si Xawli Ah Ugu Faafaysa Caalamka.

Peking (W. Wararka) waxa wer wer badan laga qabaa xanuunka SARS oo dhawaan ka dilaacay dalka Shiinaha haatana la sheegay inuu ku faafayo dalal badan dunida ah oo uu ka mid yahay dalka Kanada, dalal badan oo caalamka ka tirsan ayaa haatan bilaabay taxadir ay kaga hortagayaan faafitaanka cudurkaasi oo la sheegay inuu sidii macno oof-wareen u qabto dadka.

Xanuunkan SARS oo ah xanuun cusub oo ku dhacaya sambabada waxa la sheegay inaan ilaa iyo haatan wax dawo ah loo helin isaga oo si deg deg ah oo dhib yar u faafaya, una gelaya jidhka dadka, iyada oo bacteria-da uu ka dhashaana la sheegay inay tahay mid deg deg isu bedbedalaysa.

Culimada dhinaca caafimaadku waxa ay wer wer ka muujiyeen xaaladda cudurkan iyaga oo sheegay inay muddo sanado ah qaadanayso sidii dawo loogu heli lahaa, sidaa daraadeedna looga baahanyahay dalalka Caalamka feejignaan farabadan.

Dhinaca kale waxa la sheegay inuu xanuunkani sababay dhibaatooyin dhaqaale ka dib markii uu shaki geliyey goobo badan oo shaqo oo ka tirsan dalalka Aasiya waxaanay laga digay inay taasi sii kordhi doonto sanadaha soo socda.

Top


Golaha Ammaanka Oo Ogolaaday Iib-Geynta Saliidda Dalka Ciraaq.

New York (W. Wararka) Golaha amaanka ee qaramada Midoobay ayaa isku raacay in muddada loo kordhiyo barnaamijka saliida Ciraaq loogu soo bedelo cuntada, ilaa laga gaadhayo bisha June ee soo socota.

Barnaamijkan oo ah mid ay fuliso qaramada midoobay waxa debadda loo iibgeeyaa saliida dalka ciraaq iyada oo loogu soo bedelo dadka reer Ciraaq cunto iyo waxyaabaha ay u baahanyihiin kaasoo bilaabmay 1996-kii, balse waxa la hakiyey muddadii uu socday weerarkii ay xulufadu ku qaadeen Ciraaq, ilaa muddadaana wax saliida oo ay Ciraaq leedahay debadda looma iibgeyn balse waxa la sheegay inay keyd ahaan ugu yaalaan saddex iyo toban bilyan oo dolar, oo haatan dawo iyo cunto ugu filan dadka reer Ciraaq.

Dhinaca kale Kofi Anan ayaa ugu baaqay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska inay ixtiraamaan xeerarka caalamiga ah ee u yaala xuquuqul insaanka isla markaana ay siii daayaan dadka ay maxaabiis ahaanta u hayaan. Kofi Anan waxa kale oo uu cambaareeyey weerarka ay xulafadu ku qaaday dalka Ciraaq iyaga oo aan wax ogolaansho ah ka helin golaha amaanka ee Qaramada midoobay.

Wararka ka imanaya magaalada Baqdaad ayaa iyaguna waxay sheegayaan in Sahiir Daalib oo ahaa madaxa sirdoonkii dalka Ciraaq inuu isku dhsiibay ciidamada Maraykanka waxaanu sheegay inaanu isagu ahayn dambiile dagaal balse uu qaadanayey amaradii Sadaam Xuseen maadaama aan la ogolayn in ciidamada laga tago fasax la’aan, waxaanu rajeeyey in xukuumadda cusub ee Ciraaq noqoto mid cadaalad ku shaqaysa.

Top


Burco: Dareenka Xasaasiga Ah Ee Ka Dhashay Natiijadii Doorashada Iyo
Go’aanka Mar Labaad Loo Dheg-Taagayo.

Burco (Haatuf): Roobabka gu’ga, ayaa si weyn u maansheeyay magaalada Burco, waxaana suuqyada magaalada dhex-jiifa biyihii iyo dhoobadii ay roobabku ka kaceen, laakiin dhinaca kalena waxa magaalada ka dhex-guuxaya dareemo siyaasadeed oo ka dhashay doorashadii dalka ka dhacday.

Axmed Aadan Yuusuf oo Haatuf ka tirsan, ayaa warbixin nooga soo diray magaalada Burco, isagoo ka soo waramay xaaladda roobabka iyo dareemada siyaasadda, waana tan warbixintii.

“Magaalada Burco, waxa maalmihii u dambeeyay maansheeyay roobabkii gu’ga, laakiin ilaa hadda lama oga wasx khasaare ah oo ay roobabku geysteen, waxaase magaalada dhexjiifa biyio dhooqoobay oo ay roobabku ka kaceen.

Dhinaca kalena, waxa cirka ku gedfan darruuro marba dhinac ka hooraya, taas oo laga yaabaa in aad maalmaha qaar marar dhif ah aragto cadceedda, iyadoo ay roobabku ka da’een meelo badan oo ka id ah degaamada gobolka Togdheer, waxayna roobabka gu’gu curteen xilli ay abaar ba’ani hayso dadka iyo xoolaha, iyadoo ay dhibaatada ugu darran ee dadka reer guuraaga ah faraha baas ku haysay ahayd biyo iyo baad la’aan, laakiin barwaaqada hoortay dadka reer Burco inta badan is kama waraystaan, waxayna kaga mashquuleen dareenka iyoi wararka siyaasadda ee la xidhiidha doorashooyinkii Madaxtinimada dalka ka dhacay 14-kii April. Dadka reer Burco, waxay aad ugu dheg-taagasyaan wararka natiijada doorashada ee ay doodoodu weli taagan tahay, waxayna dhegtoodu u janjeedhaa dhinaca Hargeysa oo la sugayo waxa ka soo yeedha.

Xisbiga KULMIYE ee mucaaradka ah, ayaa doorashadii dhacday codadka ugu badan ka helay dadka reer Burco, sidaa darteed intii aan natiijada lagu dhawaaqin sabtidii toddobaadkan, taageerayaasha xisbiga KULMIYE ayaa magaalada ka waday damaashaad iyo sawaxan farxadeed, kadib markii ay heleen tibaaxo warreed oo sheegaya inuu xisbigoodu guulaystay, laakiin galabnimadii sabtidii markii ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen natiijadii doorashada, sheegeena inuu xisbiga UDUB ku guulaystay 80 cod, waxay taasi fir-kanax iyo lama filaan ku noqotay dad badan, gaar ahaan taageerayaasha KULMIYE, waxayna markiiba muujiyeen dareen cadho leh, taasina waxay keentay in kooxo ka tirsan ciidamada ammaanka lagu soo dhex daayo magaalada, iyada oo ay madaxda dawladda Burco ka baqo qabeen gadood iyio mudaharaadyo nabadgelyo-darro keena oo ka yimaadda taageerayaasha xisbiga KULMIYE. Laakiin ciidamada waxa hafiyay dad badan oo taageerayaasha KULMIYE ah, kuwaas oo ay BBC-du sheegtay warkii natiijada iyaga oo cadhaysan isu soo baxay, kadibna magaalada marba dhinac u qaaday, waxayse si gaar ah bartilmaameed uga dhigteen meelaha ay ku yaaliin xafiisyada xisbiga UDUB, waxayna burburiyeen mid ka mid ah xafiisyada UDUB ee magaalada Burco, isla markaana waxa yara ruxmay jawiga nabadgelyo ee magaalada, laakiin Madaxda dawladdu wax tallaabo ah kama qaadin arrimahaa, waxaase jirta guddi guddi iskood isu abaabulay oo ka kooban guddiga la magac-baxday “Guddiga Wanaag-Farista” iyo niman odayaal ah, kuwaas oo dadka ku guubaabiyay in ay nabadgelyada iyo deggenaanshaha magaalada ilaaliyaan.

Sidoo kale, waxa habeenadii Salaasadda ee toddobaadkan kulan yeeshay qaar ka tirsan Salaadiinta Burco, waxaanay Salaadiintani kulankooda kaga arrinsanayeen sidii looga hortegi lahaa mudaharaad ballaadhan oo laga baqayey in ay taageerayaasha KULMIYE ku dhaqaaqaan maalinimadii Salaasadda, sidaa awgeed waxay Salaadiintani ka hawl-galeen sidii loo joojin lahaa mudaharaadkaa.

Sidoo kale, hawl-wadeenada xisbiga KULMIYE, ayaa iyaguna baabuur makarafoono ku xidhay oo taageerayaashooda ku wargeliyay in mudaharaadkaa la joojiyo, dabadeedna waxay dhaqdhaqaaqyadaasi sababeen inuu sidaa ku joogsado mudaharaadkii la qorshaynayay. Hase yeeshee, inkasta oo ay xaaladdu hadda yara deggan tahay, haddana arrintu sidaa kuma dhammaan, waxayna dadku hadda u dheg-taagayaan bal waxa mar labaad ka soo yeedha Maxkamadda Sare ee la sheegay in ay ku dhawaaqayso go’aanka kama-dambaysta ah ee natiijada doorashada.”

Top


Machadka IPRT Oo Tababar U Furay Hawl-Wadeeno Ka Kala Socda Hay’adaha Dawladda.

Hargeysa (Haatuf): Macxadka tababarka iyo daraasadda ee IPRT, ayaa tababar u furay xubno ka socday Golayaasha Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiillada, hawl-wadeeno ka socday Wasaarada Maaliyadda, Dawladda Hoose iyo Baanka Somaliland.

Tababarkaas oo maalintii dorraad ka furmay xarunta xafiiska IPRT ee magaalada Hargeysa, waxayna ka qayb-galayaashu ku baranayaan casharo la xidhiidha hawlaha maamulka iyo maaraynta miisaaiyadda, qaabka loo maamulo maaliyadda iyo sida loo soo bandhigo xisaabaadka ama loo derso ee warbixinta looga diyaariyo arrimaha dhaqaalaha. Waxa kaloo ka qayb-galayaasha loo qaybiyay qoraalo tilmaamaya sida loo sameeyo warbixinaha iyo caddaymaha loo baahan yahay ee qaab xisaabeedka maaliyadda iyo sida loo ilaaliyo hantida dawladda iyo ilaha dhaqaalaha.

Tababarkan oo ahaa mid ahmiyad weyn u leh ka qayb-galayaasha, waxa soo qaban qaabiyay Macxadka tababarada iyo daraasadda IPRT oo uu madax ka yahay Dr. Axmed Xuseen Ciise, waxana casharadaa bixinayay Cali Guuleed oo khabiir ku ah arrimaha Maamulka Maaliyadda, xisaabaadka iyo dhaqaalaha ee caalamiga ah, isla markaana waayo-aragnimo ka badan labaatan sannadood u leh Maamulka iyo Maaraynta Xisaabaadka.

Top


IFTIINKA ISLAAMKA, S. Guraase.

Xulashada Asaxaabtii Rasuulka: Al Rabiic Binu Siyaad Al Xaarisi

Waxay ahayd goor ay magaalladii Rasuulka (scw) ee Madiina aanay weli hilmaamin murugadii uga timid geeridii khaliifkii muslimiinta ee Abuubakar Assiddiiq Allaha ka raalli noqdee. Waxay ahayd xilli ay wufuuddii ka kala imaanayay jihooyinkii kala duwanaa, si ay u doortaan Cumar Binu Khadaab, iyagoo ballan kula galaya inay siiyaan maqal iyo aqbalitaan waqti kasta oo lagu jiro. Haddaba, goor subax ay tahay ayaa waxaa Amiiral-mu’iniinkii cusbaa u soo galay wafdi ka yimid Baxrayn, waxaa wafdigaas la socday kooxo kale oo iyagana la socday wafdiga. Allaha ka raalli noqdee, Cumar Binu Khadaab wuxuu si xiiso ay ku jirto u dhageysanayay hadalladii iyo dardaaramadii ay u soo jeedinayeen wufuuddaas, bal si uu uga helo talooyin iyo tusaale wax ku ool ah oo isaga anfacda.

Cumar oo ay saamaysay waanadii Al-Rabiic.

Wuxuu Cumar Binu Khadaab hadalka u fasaxay wufuuddii, hase ahaatee hadalladoodii ma aanu ka helin hadal naftiisa sidaas u sii saamaysay, wuxuuna markii danbe milicsaday nin uu kheyr ka fishay, ninkii ayuu u baaqay inuu hadlo, wuxuuna ku yidhi “bal adigana soo daa waxaad hayso”. Ninkii wuxuu ku mahadiyay Eebbe (scw), wuuna amaanay, dabadeedna wuxuu yidhi:- “adiga amiiral-mu’miniinoow waxaad ogaataa inaanan ummadda madax lagaaga dhigin aan ka ahayn inay tahay imtixaan uu Alle kugu imtixaanayo, ee Alle uga cabso wixii madax lagaaga dhigay, waxaadna ogaataa in haddii hareeraha webiga Furaat ay ku lunto neef adhi ah in xaggeeda lagaa weydiin doono maalinta qiyaamaha.”

Cumar Binu Khadaab waxaa si weyn u saamaysay hadalkii uu yidhi ninkaas, markaasuu ooyay, wuxuuna yidhi “ma jiro qof laga soo billaabo markii aan khaliifka noqday iigu run sheegay sidaad adiga runta iigu sheegtay, ee kumaad tahay adiga?” Wuxuu yidhi “Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi”. Cumar ayaa haddana weydiiyay “oo ma waxaad la dhalatay Haajir Binu Ziyaad?”. Wuxuu yidhi “haa”Markii ay dadkii ka kala dareereen fadhigii uu fadhiyay Amiiral mu'miniinka Cumar Binu Khadaab, ayaa Cumar ku yidhi Abuu Musa Al-Ashcari “waxaad noo soo ogaataa arrinka ku saabsan ninkaan, hadday daacad ka tahay hadalkiisaas waxaa hubaal ah inuu kheyr fara badan wato, isla markaasna uu noo noqon karo kaalmo weyn”. Kama soo wareegan waqtigaas wax yar, ilaa maalintii danbe uu Abuu Muusaa Al-Ashcariy ka diyaariyay ciidankii furanayay magaallada “MANAADIR” kana tirsan gobolka Al-Ahwaz, isagoo markaas fulinayay amarkii uu siiyay khaliifka muslimiinta ee Cumar Binu Khadaab. Wuxuu Abuu Muusa ku daray ciidankii muslimiinta Al-Rabiic Binu Ziyaad iyo walaalkiis Haajir Binu Ziyaad.Furashadii Manaadir Ciidankii uu hoggaaminayay Abuu Muusa waxay go’doomiyeen magaalladii Manaadir, waxayna gaalladii degganayd halkaas la galeen dagaal aad u weynaa oo si daran labada dhinac loogu hoobtay.

Ciidankii gaallada waxay soo bandhigeen xeelad dagaaleed oo sarreysa, taasoo sababtay in ciidamadii muslimiinta laga laayo tiro aad u fara badan.Iyagoo sooman ayeey dagaalamayeen Maalintaas ay muslimiinta dagaalka galayaan waxay ahayd bil Ramadaan, sidaa darteed waxay muslimiinta dagaalamayeen iyagoo sooman. Markii uu Muhaajir oo ay walaalo ahaayeen Al-Rabiic Binu Ziyaad arkay in dhimmashadii muslimiinta ay sii badanayso ayaa wuxuu goostay inuu naftiisa ku iibsado raalli ahaanshaha Eebbe (sw), oo uu markaas naftiisa jidka Alle dartii u qaddimo. Sidaa darteed wuxuu is mariyay barafuunka ama cadarka la mariyo meydka, wuuna is kafnay, isagoo u dardaarmayna walaalkiis.Maadaama uu Al-Rabiic Binu Ziyaad Allaha ka raalli noqdee wuxuu jeclaystay in walaalkiis iyo ciidamada muslimiintaba ay afuraan, wuxuuna u tagay Abuu Muusa Al-Ashcariyi oo hoggaaminayay ciidanka, wuxuuna ku yidhi “ninkii Muhaajir ahaa wuxuu goostay inuu naftiisa ku iibsado raalli ahaanshaha Eebbe (sw) weliba isagoo sooman, muslimiintiina waxaa isugu darsamay dagaalkii qadhaadhaa iyo iyagoo sooman, taasoo tabar-yareysay niyaddooda, wayna diideen inay afuraan ee wixii kula quman bal samee”. Abuu Muusa Al-Ashcariyi ayaa istaagay isagoo u dhawaaqaya ciidanka, wuxuuna ku yidhi: “muslimiinoow waxaan goostay oo go’aansaday in qof kasta oo sooman uu afuro, ama uu isaga hadho dagaalka”, wuxuuna soo qaatay weyso biyo ku jiraan, sidiina ayuu biyihii ku cabbay, si dadkana ay u raacaan oo ay iyagana afuraan, maadaama uu yahay amiirkooda ay waajib tahay inay hadalkiisa aqbalaan.
Markii uu Muhaajir maqlay hadalkii uu yidhi Abuu Muusa ayaa wuxuu biyihii kabaday hal ilaa, wuxuuna yidhi “ wallaahi uma cabbin oon i hayay dartii, hase ahaatee waxaan meel marinayay dhaartii uu dhaartay amiirkayga”. Waana tarbiyad ay ka barteen macalinkoodii weynaa ee Rasuulka (scw), oo wuxuu xaddiis macnihiisa ahaa ku yidhi isagoo arrintan ka hadlayaya "qofkii aqbala amiirkayga waa qof i adeecay".  Madaxii Muhaajir oo la gooyay, lagana soo laalaadiyay meel sare Intaa kadib, wuxuu Muhaajir seeftiisa kala soo baxay galkeedii, sidiina ayuu ku galay dagaalkii. Wuxuu seeftiisii ku kala beeray safafkii dagaalka, wuxuuna billaabay inuu si geesinimo leh oo aan cabsi ku jirin uu dhulka u dhigo gaalladii uu la dagaalamayay.

Inkastoo uu Muhaajir muujiyay wacdarradaas weyn, haddana waxaa markii danbe korkiisa dhinac weliba ka haleeshay seefihii iyo warmihii ay soo tuurayeen gaallada, ilaa markii danbe uu dhulka ku dhaco isagoo dangiigan oo meyd ah. Dhinaca kale, waxay gaalladii si aan naxariis lahayn u soo goosteen madaxii Muhaajir, waxayna ka soo laa-laadiyeen meel sare oo goobta dagaalka ka mid ahayd. Al-Rabiic: waan ku aargudi doonaa Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa eegay walaalkiis Muhaajir oo madaxiisa ka soo laalaada meel sare, markaasuu si ay sugnaansho iimaaneed ku jirto u yidhi "alla ayaan badnidaa, waxaana kuu sugnaatay meel loo dheelmado meeshii ugu wanaagsanayd", wuxuuna ula jeeday Jannada. Dhinaca kale, wuxuu Al-Rabiic ballan ku galay inuu u aargudi doono walaalkiis, wuxuuna yidhi "wallaahi ayaan ku dhaaranayaa inaan kuu aargudi doono adiga iyo muslimiinta la laayay-ba inshaalah".

Wuxuu la wareegay hoggaaminta ciidanka.

Markii uu arkay Abuu Muusaa Al-Ashcariyi sida uu Al-Rabiic uga walbahaaray geerida sida saxariirta leh ugu timid walaalkiis, ayaa waxaa la qumanaatay inuu hoggaaminta ciidanka uu uga tanaasulo Al-Rabiic, sidii ayuuna Rabiic ula wareegay hoggaaminta ciidanka, waxayna tageen magaallada Suus si ay u furtaan. Ciidamadii muslimiinta ee uu hoggaaminayay Al-Rabiic ayaa sidii hufadii oo kale hal mar u galeen goobihii ay degganaayeen gaallada. Dagaal ba'an oo dhex maray ciidamadii muslimiinta iyo gaallada kadib, wuxuu Eebbe (sw) sabab uga dhigay Al-Rabiic Binu Ziyaad inuu furto magaalladii la odhan jiray Manaadir.

Waxay muslimiintii laayeen dagaalyahaniintii gaallada ahaa, waxayna soo qafaasheen ubadkoodii, iyagoo hantidoodiina intuu Alle doonay qaniimaystay (qaniimada waa hantida laga soo helo jihaadka).
Xiddigii Al-Rabiic oo soo baxay.

Dagaalkii Manaadir kadib waxaa iftiimay xiddiggii Al-Rabiic Binu Ziyaad, wuxuuna magaciisa ku faafay carab kasta iyo guud ahaan muslimiintii waqtigaas. Wuxuu ka mid noqday Al-Rabiic Binu Ziyaad madaxda sare loo eego, kuwaasoo iyaga looga fursan waayo markay xaaladdu qadhaadhaato. Muslimiintii markay goosteen inay furtaan gobolka Sijistaan waxay ballan adag ku galeen inuu Rabiic la wareego hoggaaminta dagaalkaas, iyagoo ka rajo qabay inuu u soo hoyan doono guulo waaweyn. Ciidamadii uu hoggaaminayay Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa waxay u kicitimeen dhulka Sijistaan iyagoo jidka Alle ku duulaya. Wuxuu Al-Rabiic mariyay ciidankiisa dhul lama galaan ah oo aad u dheer aadna khatar u ah. Socod dheer kadib, magaalladii ugu horeysay ee uu la kulmay waxay ahayd magaallada loo yaqaano Rustaaqu Zaaliq, magaalladaan oo xad la leh magaallada Sijistaan, waxayna ahayd magaallada Rustaaqu Zaaliq magaallo aad u cammiran, lehna daaro aad u dhaaheer, sidoo kale wax soo saar badan. Waxaa magaallada ku hareereesnaa dhufeysyo aad u waaweyn.

Halyeygii geesiga ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad wuxuu intii aanu magaallada gelin wuxuu u diray ilaalo ciidamadiisa ka mid ah, si ay u soo indha-indheeyaan xaaladda magaallada, waxayna ilaaladii soo ogaadeen inay dadka deggan magaalladaas ay u dabaaldagi doonaan xaflad ay leeyihiin. Wuxuu Al-Rabiic la beegsaday qabashada magaallada habeenkii ay dhiganayeen xafladda, sidiina ayuu si kedo ah dagaal ugu qaaday iyagoo ku mashquulsan xafladdooda.

Guddoomiyihii oo isna la qafaashay.

Gaallada raggoodii ciidamada ahaa wuu laayay Rabiic, halka uu soo qafaashayna kuwo kale oo gaadhayey ilaa 20 000 qof, waxaana ku jiray kuwaas la soo qafaashay guddoomiyihii magaalladaas. Sidoo kale, waxaa kaloo dadkii la qafaashay ku jiray addoon u shaqayn jiray guddoomiyaha degmada, wuxuuna haystay markaas lacag gaadhaysa 300 000 oo dirham, (lacag aad iyo aad u fara badan) si uu u siiyo sayidkiisa. Al-Rabiic ayaa ku yidhi ninkii "halkeed ka keentay lacagtan faraha badan?!"

Wuxuu yidhi "waxay ka timid mid ka mid ah tuulooyinka uu xukumo sayidkayga". Al-Rabiic ayaa ku yidhi "ma tuullo kasta waxay bixisaa lacagtaan oo kale sannad kasta". Wuxuu yidhi "haa". Al-Rabiic ayaa yidhi "siday ku dhacday?!". Wuxuu yidhi "lacagtaan waxaan ka soo saarnaa faasasyadeena iyo dhididkeena" oo uu ula jeeday lacagtaas waa waxaan soo shaqaysanay oo aan ku soo tacabnay. Muslimiintii oo helay hanti fara badan Markii uu qaboobay dagaalkii, ayaa waxaa Al-Rabiic Binu Ziyaad oo ahaa hoggaamiyaha ciidanka u yimid guddoomiyihii degmada, isagoo doonaya inuu bixiyo lacag furasho ah. Al-Rabiic ayaa ku yidhi "waan ku sii deenayaa haddaad muslimiinta u badiso lacagta furashada". Guddoomiyihii degmada "imisaad doonaysaa?". Al-Rabiic Binu Ziyaad "waxaan dhulka ku qotominayaa warankan, dabadeedna waxaad korkiisa ku shubaysaa dahabka kiisa huruudka ah iyo fiddada ama qalinka ilaa aad ka qariso qarin". Guddoomiyhii degmada wuxuu yidhi "waan oggolahay", wuxuuna kaasafoortadiisa ka soo saaray dahabkii kala duwanaa, isagoo warankii dhulka lagu qotomiyay korkiisa ku shubay ilaa dahabkii ay qariyaan waranka.

Furashadii Sijistaan.

Saxaabigii jaliilka ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad Allaha ka raalli noqdee waxay ciidankiisii guuleystay guda galeen markale sidii ay u furan lahaayeen gobolka Sijistaan. Dagaallo daran kadib, waxaa is fur-furay dhufeysyadii ku hareersanaa Sijistaan. Dadkii degganaa magaalooyinka iyo tuulooyinka waxay billaabeen inay soo dhoweeyaan ciidamadii Al-Rabiic Binu Ziyaad, iyagoo A-l-Rabiic ka dalbanaya nabadgelyo ka hor intii aanu ula bixin seefaha ilaa uu markii danbe ka gaadho magaallada Zaranj oo ahayd xarunta gobolka Sijistaan.

Waxyar kadib maba la joogin, ilaa ciidamadii gaallada ay u diyaar garoobaan inay dagaal ku qaadaan ciidamada muslimiinta, waxayna isaga yeedheen meel kasta, si ay u difaacdaan magaalladoodii istiraatiijiga ahayd, arrintaasina wax kasta ha ku qaadatee. Labadii ciidan waxaa dhex martay dagaal si ba'an labada dhinac loogu hoobtay, iyadoo labada ciidanba ay ka dhinteen dad aad u badan.Markii ay ciidamadii muslimiinta ay u soo muuqatay guushii dagaalka ayaa guddoomiyihii gaallada ee la odhan jiray Barweez guda galay siduu ula heshiin lahaa Al-Rabiic Binu ziyaad, bal si uu isaga iyo tolkiisa ay u helaan wax u dhaama dhimmashada kaga imaanaysa dagaalka. Barweez wuxuu ergo u diray Al-Rabiic Binu Ziyaad, isagoo weydiisanaya inuu u sameeyo madal ama ballan uu kula kulmo, si uu ugala xaajoodo nabad, wuuna ka aqbalay Al-Rabiic dalabkaas. Al-Rabiic Binu Ziyaad ayaa amray ciidamadiisa inay diyaariyaan goobtii uu kula kulmi lahaa Barweez, wuxuuna ciidankiisa ka dalbay in hareeraha goobta kulanka lagu soo daadiyo meydadkii gaalladii reer Furus ee dagaalka lagu laayay, iyo sidoo kale in meydad kale lagu daadiyo waddada labadeeda dhinac ee uu soo mari doono Barweez.

Wuu cabsanayay qofkii arkaa.

Al-Rabiic Binu Ziyaad wuxuu ahaa nin aad u dheer, lehna midab maariin, aadna u xoog badan. Cabsi ayaa lagu tuurayay qofkii arka Al-Rabiic. Barweez markii uu u soo galay Al-Rabiic waxaa durbadiiba gashay cabsi aad u weyn, cabsi awgeed ayuu ku sigtay inay nafta uga baxdo, kadib markii uu arkay meydadkii dadkiisii laga laayay ee lagu daadiyay waddada. Ma aanu ku dhiiran Barweez inuu u soo dhowaado Al-Rabiic si uu u salaamo. Wuxuu ka cabsaday in la dilo, hadal gango leh oo laga dareemayo cabsi daran ayuu kula hadlay Al-Rabiic, isagoo ballan kula galay inuu u soo saaro 1000 wiil oo dhalinyaro ah, uuna mid kastaana madaxiisa saaro koob dahab ah, sidiina ayuu Al-Rabiic Binu Ziyaad uga aqbalay dalabkii ka yimid Barweez.

Maalin aad u weyn ayey ahayd.

Maalintii xigtay wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad soo galay magaalladii, iyagoo dadkii degganaa magaallada-na ay garab socdaan tahliishii (Laa ilaaha Illallaah) iyo takbiirtii (Allahu akbartii) ay qaadayeen muslimiinta. Waxay ahayd maalin aad u weyn oo ka mid ahayd maalmaha Eebbe (sw), sidiina ayuu A-Rabiic Binu Ziyaad sabab ugu noqday inuu furto magaalooyin fara badan oo ka mid ahaa dhulkii ay degganaayeen reer Furus. Wixii intaa ka danbeeyay, wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad ahaa geesigaas ay muslimiinta u kaalmaystaan ka hortagga cadoowga Alle ilaa markii danbe dowladdii islaamka ay gacanta u gasho qoys la yidhaahdo reer Banii Ummaya.

Al-Rabiic oo madax looga dhigay Khuraasaan.

Magaalladii Khuraasaan ee la xoreeyay waxaa madax looga dhigay Al-Rabiic Binu Ziyaad kadib markii uu u magacaabay Mucaawiya Binu Abii Sufyaan. Hase ahaatee, Al-Rabiic Binu Ziyaad kuma qalbi fiyoobeen madaxnimadaas, oo wuxuu jeclaa in aanu madax noqon, weliba wuxuu sii dhibsaday markii uu warqad ka helay ninka la yidhaahdo Ziyaad Binu Abiih oo ka mid ahaa madaxdii waaweynaa ee reer Banii Ummaya, dhinaca kalena ka mid ahaa raggii dilay Xuseen Binu Cali wiilkii uu awoowga u ahaa Rasuulka (scw). Warqaddii loo soo diray Al-Rabiic, ayaa waxaa ku qornaa hadalladan “amiiral mu’miniinka Mucaawiye wuxuu ku amrayaa inaad dahabka kiisa huruudka ah iyo kiisa cad (qalinka) kana mid ah qaniimooyinka jihaadka aad u dhigtid bankiga dhexe ee muslimiinta, wixii intaas ka soo hadhana aad u qaybisid mujaahidiinta”, taasina waa mid si toos uga hor imaanaysa qodobbada ku cad nusuusta qur’aanka.

Waxaan ognahay inuu Eebbe (sw) qaybiyay sida loo kala qaadanayo hantida laga soo helo jihaadka, iyadoo shan qaybood qayb la dhigayo baytul-maalka, halka inta soo hadhayna loo qaybinayo mujaahidiinta, iyadoo uu qaybinayana amiirka jihaadka.

Noloshii waan ka Daalay.

Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi dalabkaas si daran ayuu ugu gacan sayray, wuxuuna warqad uu ugu jawaabayo Ziyaad Binu Abiih ku yidhi "waxaan kitaabka Alle ka helay amar ka duwan kii aad igu soo amartay magaca amiiral-mu'miniinka", dabadeedna dadkii ayuu isugu yeedhay isagoo u dhawaaqayana wuxuu ku yidhi "ku soo kallaha qaniimooyinkiinii oo kaalaya qaata", wuxuuna maalkii qaniimada shan meelood meel u diray bankiga dhexe ee muslimiinta ee Dimishiq. Maalintii jumcada ee xigtay markay timid, wuxuu Al-Rabiic Binu Ziyaad u soo baxay salaaddii jumcada isagoo xidhan dhar cadcad. Dadkii ayuu u jeediyay khudbaddii jumcada, dabadeedna wuxuu yidhi "dadoow waan ka daalay noloshan ee waan duceenayaaye ee aamiin ii dhaha ducadayda" kadibna wuxuu ku duceystay "Ilaahayow haddaad kheyr ila doonaysid xaggaaga ii qibloow oo i oofso si degdeg ah oo aan dib dhigid lahayn", dadkiina ducadiisa ayeey aamiin u yidhaahdeen. Maalintaas qoraxdeeda ma dhicin ilaa uu ka dhinto saxaabigii geesigii ahaa ee dunidan dhow ka doortay la kulankii Eebbe (sw). Ilaahay ha ka raalli noqdo, hana u naxariisto saxaabigii jaliilka ahaa ee Al-Rabiic Binu Ziyaad Al-Xaarithi.

Top


Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa qoray C/salaan Caaro-dhuub Q:29aad.

Marka ay garanayaan labada qof ee wax ka dhexeeyaan oo kala ah: Muduci iyo Mudaacale, waxa hadalka ku horeeya mudcuga (qofka wax tirsanaya), wuxuuna hadalkiisa ku bilaabayaa (Islaam Allay erey wayga duco, erey wayga didiif, erey wayga dacwi, ereyna wayga maluug”.

Laakiin khasab maaha in sidaa lagu bilaabo, waayo maluugtu marwalba ma soo gasho ee mararka qaarkood ayey soo gashaa. Sidaa awgeed, ragga muduciga ah qaar baan ducaba hadaladooda ku bilaabin ee yidhaahda “Saddex erey iyo maluug baan ka hadlayaa’ ereyga ducada sababta hadalka garaha loogu bilaabaa waxay tahay maadaama aynu dad muslim ah nahay, sidaa awgeed bisinka ka dib waxa la yidhaahdaa faataxadda inoo mara, waa la maraa, ka dibna waxa la yidhaahdaa “Waxa yidhi faataaxo dabadeed lama hadlo, haddii la hadlona wax-san mooyee wax xun laguma hadlo”.

Intaa ka dibna waxa uu muducigu intaa raacinayaa ereygii ducada ahaa, wuxuuna odhanayaa “Inteenan iyo intii dhashay iyo dhamaan umadda muslimiinta ah Illaahay dambigooda ah dhaafo, Illaahayna waxaan ka baryayaa inuu kii xaq leh-na siiyo Illaahay xaqiisa, ninkii aan wax lahayna aanu siin wax aanu lahayn oo aanu raacin xaq aanu lahayn.”

Didiif: Waa ereyga didiif macnihiisu waa afeef, waxaana didiifta la odhanayaa “dhibaabe waa nin leh, gar-cadaawe waa la yaqaan wixii hadhi jiray iga hadhan, iyo weedho kale”,laakiin had iyo goor marka la garamayo waa lays-xujayn jiray, bal aynu tusaale ahaan nin la odhan jiray Axmed Koorjaan ayaa nin kale oo ay ilmadeer yihiin oo la yidhaahdo Aw Maxamuud Muuse uu geenyo ku qabsaday, ka dibna waxa l a yidhi Koorjaan la gar-naqso Aw -Maxamuud, dabadeedna wuxuu yidhi “la garnaqsan maayo ilaa saddex la helo, ciddii soo gole fadhiisin lahayd, ninkii garta u sheegi lahaa iyo ninkii ku odhan lahaa waa lagaa gar helay”, dabadeedna waxa lagu yidhi “Ninkaa waxa soo gole-fadhiisinaya Ducaale Cilmi, gartana waxa ku naqaya Maxamed Faarax (Ina Sanweyne), marka aad geenyadaada heshana waxa ka soo qaadaya Seed Cawed”. Ka dibna koorjaan wuxuu yidhi “Haddaan la gar-naqsanayaa”, laakiin waxa kale oo uu shardi uga dhigay dhawr arrimood wuxuuna yidhi “Aniga gartayda ma gelayo nin aan Ilaahay aqoon, anigana I aqoon, Aw Maxamuud ma yaqaan”, ka dibna ragga sifooyinkaa leh waa laga saaray guddidii garta saarayey iyada oo ay ragga la xulay shardi looga dhigay inuu yahay nin Ilaahay yaqaan, isla markaana aan labada nin ee loo gar-naqayo midna ugu xilan, laakiin Koorjaan markhaatigana wuu daadefeeyey, wuxuuna yidhi “Aniga saddex gartayda kama markhaati-galaan, kuwaas oo ah Nac-fijiid, Naas-jiid iyo Lug-jiid”.
Nacfi-jiid wuxuu ula jeedaa ninka wax la siiyo.

Naas-Jiid waa ninka ay gabadhu dhashay (abtiga loo yahay).
Lug-jiid waa ninka gabadha qaba ee seediga loo yahay ama soddoga loo yahay, sidaa awgeed Axmed Koorjaan wuxuu yidhi “Saddex nin midna markaati iguma furo.”

Dabadeed markii gartii la riday ee Axmed Koorjaan uu geenyadii helay ayuu ina Sanweyne yidhi “Geenyadii waa laga helay Aw Maxamuud, waxaana helay Axmed Koorjaan” ka dbna Seed oo ahaa ninkii la doonayey inuu geenyada ka soo qaado Aw Maxamuud ayaa arrinta hore u dhaabbadayn waayey dabadeedna waa marka uu ina Sanweyne leeyahay “Aniga garta sheeg baa laygu yidhi ee ku dirir layma odhan”, xikmadaasina waxay doorantahay “Seedow adigaa hawshaa leh oo lagaa sugayaa.”

La soco.

Top


JILBO-DHIIG: Sheekadan waxa qoray Xasan Faarax, waxana Tifaftiray Axmed Ducaale Q: 29aad.

Saynab waxay seygeeda ku baddisay canaanta iyo Af-xumada, waxayna dabada u qabatay ereyo, midba mid ka dhanaan yahay ama ka qalafsan yahay, dabadeedna Biixi waxa markii dambe saaqday bahal cadho ah, ka dibnaisaga oo aan is-ogeyn ayuu ooridiisii Saynab oo wax talaabo ka yar u jirta bahal dhirbaaxo ah la tiigsaday, wuxuuna taabtay labada indhood.

Saynab markii ay haleeshay dhirbaaxadii kululayd waxay u foorarsatay hoos, waxaana indhaha ka soo duulay hoor kulul (Ilmo), laakiin Biixi gacan dambe uma qaadin Saynab, wuxuuna isaga oo cadho la madax maran ayuu sariirtiisii isku tuuray, dabadeedna intii bustihiisii isku duubay ayuu madaxa iyo minjaha maray, hase yeeshee Saynab markii ay ka go’day xanaftii kululayd ee dhirbaaxaddu ayey deg deg telefoonka u qabsatay, waxayna la hadashay saldhiga booliska, ee Xaafadooda, taas oo ay u sheegtay inuu ninkii dilay, dabadeedna shan daqiiqo kadib waxa albaabkii guriga isa soo taagay unug boolis ah oo baabuur wadata,, ka dibna albaabka ayey garaaceen, waxaana markiiba albaabkaa fag ka siisay Saynab oo albaabka foodda ku soo haysay, dabadeednaa ninkii Biixi ayaa katiinad lagu jebiyey, waxaana loo taxaabay xabsiga, taasina waxay noqotay dhacdo fool xun oo xadhiga uu sii giijisay calool-xumada Biixi iyo Ooridiisii Saynab, waxay u muuqdaan dad kala dhintay oo xumaanta dhextaal daxalaysatay. Sidaa darteed Biixi markii xabsiga lagu riday ooridiisii Saynab ka daba-tag iska dhaafoo xataa may odhan tolow xabsigee la geeyey, laakiin maalintii Biixi la xidhay maalintii ku laba ahayd waxa gurigii ku soo dhacay Telefoon, waxaana telefoonkan soo diray odaygii Biixi aabihii oo ay abaaro iyo raashin la’aani miyigii ku heshay, ka dibna is yidhi wiilkaagii la hadal, bal inuu waxoogaa kuu soo tuuro, hase yeeshee odaygu waxa uu magaalada soo galay isaga oo aan shilin haysan, laakiin markii uu dhawr cisho war-wareegayey oo uu waayey wax uu telefoon ku dirto, ayuu maalin dambe nin ay isku jilib yihiin oo magaalada makhaayad ku iibsada lacag yar oo kumanaan ah amaahiyey oo uu ku yidhi laba daqiiqo kula hadal.

Balse nasiib darro telefoonka odaygu waxa uu London iyo gurigii wiilkiisa ku soo dhacay xili xun oo ay wiilkiisii Biixi iyo ooridiisii Saynab kala dhinteen, isla markaana uu wiilkiisii xabsiga ku jiro, Saynab-na aanay maqli karin Biixi iyo wixii sheegtaba, sidaa awgeed Saynab markii ay telefoonkii qaaday ee ay tidhi “Waa ayo” ayuu yidhi “Adeer Biixi Aabihii ayaan ahay ee Biixi ma joogaa”, Laakiin Saynab waxay ugu jawaabtay “Wiilkaagii Biixi wuu dhintay”, ka dibna telefoonkii ayey ku dhigtey, dabadeedna odaygii naxdin daraadeed waxa markiiba ka dhacay bakooradii iyo cumaamadii, isagiina wuu dhacay, ka dibna inta la kiciyey oo ushii iyo cimaamadii loo qaaday ayaa la kaxeeyey, isaga oo naxdin daraadeed kurbaya, waxaana la geeyey makhaayadii ninkii ay isku jilibka ahaayeen, dabadeedna odaygii ninkii ay isku qolada ahaayeen ee makhaayadda haystay ayaa maalintii dambe miyigiisii gaadhi u saaray, isaga oo naxdin daraadeed aan waxba la noolayn, oo minjo suux ah, dabadeedna odaygu waxa uu warkii dhiiladda lahaa geeyey miyiga, wuxuuna markii uu gurigiisii tegay islaantiisii u sheegay inuu wiilkeedii Biixi dhintay, ka dibna islaantii markii loo sheegay inuu wiilkeedii geeriyooday ayey baroor labada dhaban qabsatay, laakiin naxdinta geeridu waxay saamaysay reerkii oo dhan yar iyo weynba, waxaana isu yeedhay baroorta iyo oohinta balse maalintii uu odaygu reerka ku hoyday maalintii ku laba ahayd ayaa la gawracay dhawr neef oo adhi ah oo lagu axmay Biixi, waxaana loo yeedhay wadaado duco iyo qur’aan akhriya, iyada oo ay tacsida Biixi socotay ilaa dhawr cisho, isla markaana waxa odaygii iyo islaantii Biixi dhalay u dhamaaday calaacal iyo murugo, iyaga oo leh “Alla haddii aanu aaskiisa joogi lahayn, ma ciil baanu qabi lahayn”, “Qofka haddii aad aaskiisa joogto waad ku samirtaa iyo weedho kale oo calaacal ah.”

La soco.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Doorashadu Waxay U Baahan Tahay Dhammaystir.

Ilaahay baa mahad leh, ka ina abuuray ina siiyey xoriyadda iyo nabadda aynu ku gaadhnay in qof waliba codkiisa dhiibto. Waxaan aad ugu faraxsanahay qaan gaadhnimadda dadka Somaliland sidii yaabka lahayd ee ay u codeeyeen iyadoo aan deero deero hirdiyin. Ugu horayn hanbalyo ayaan u dirayaa shacabka Somaliland oo wadciga adag ee uu ku jiro ka sokow u guntadey in uu rumeeyo dareenkiisa halganku mideeyey. Waxaan kaloo hanbalyeynayaa dhamaan guddiga doorashadda iyo dadkii ay hawl gelisay ee ilaalinayey goobaha cod bixintu ka dhacday.

Kolay anigu ma filayn guddi doorasho oo magacaabisteedii aan loo dhamayni in ay sidaas u hawl galaan. Ciidamadda nabad gelyadda ayaa iyana iga mudan ambalyadda.

Hadaba waxaan ugu baaqayaa dhamaan jaaliyadaha Debedda, dhamaan ururadda dalka iyo debeddaba ka jira in aan xisbi loo hanbalyeyn ilaa la saxo khaladaadka lagu kala cabanayo. Ma aha in aynu guusha u qaadano mashxarad, waa guul u soo hoyata qarankeena; sida runtu tahayna dawlad sidaas ku sooftaa hanan mayso wadanka. Waajibaadka ina saaran waxa ka mid ah in aynu iswaydiino inta ay le’eg tahay cabashadda jirta iyo qotadeeda.

Su’aashu waxay imanaysaa miyaanay sii hanqaarayn haddii intii bariga soo hadhay iyo baaxad wayn oo kale laftoodu ku hungoobaan codkii ay bixiyeen, taasoo aan uga jeedo in muranka jira aan lagu saafin cadaalad.

Inkasta oo guusha bulshaddu gaadhay jirto haddana Xisbiga KULMIYE kuma qancin maxsuulka ka soo baxay GUDDIGA DOORASHADDA. Waxaa ina horyaala in aynu isweydiino laba su’aalood: Ma jirtaa cadaalad darro laga galay Kulmiye? Iyo su’aasha kaloo ah ma heli karnaa dawladdii aynu u codeynay? Aan ku horeeyo cabashadda Kulmiye. Marka aan u kala qaado hawl galka doorashadda laba xili oo ay dhextaal u tahay codayntii mid waa cod tirintii oo ah arinta muranku ka taagan yahay iyo ta kaloo ah intii ka horaysay cod bixinta. Haddii aan eego eedaynta hore waxba kama tilmaami karo waxaanay u taalaa cadaynteedu xisbiga cabanaya. Laakiin haddii aan ku joogsado ka hor codbixinta, waxaan rumaysanahay inuu musuqmaasuq dhacay.

Taariikhdeena madow waxa ka mid ah in markii la doono la jebiyo DASTUURKA oo ah xadhiga u dhexeeya umadda. Dastuurku wuxuu noqdey xadhig lagu xakameeyo mucaaradka, halkii uu ka noqon lahaa mid danta umadda ilaaliya. Markii ugu danbaysayna waxa loo adeegsadey guddiga doorashooyinka go’aano ay doorashadda ka qaateen oo la yidhi ma aha dastuuri. Guurtida oo inta badan ku kacda go’aan qaadashadda kordhintu waxay u adeegsadaan qodobo aan xidhiidh la lahayn go’aankooda.

Dhibaato wayn oo kale waxa weeye in faqraddo dastuurka ka mid ah sidii la doono loo macnaysto waayo si sugan looma qeexin (equivocal).

Hay’addihii Dastooriga ahaa oo la Marin Habaabiyey.

Qaranimadeenu waxa hogaamiya saddax hay’adood dawladda, golaha baarlamaanka iyo garsoorka oo ay shuruud u tahay in mid waliba ku hawl galo madax banaani. Doorasho xor ahina waxay iman kartaa marka shuruudaas la buuxiyo. Haddii aynu taariikhdeena dhaw ku noqono 1993kii markii Cigaal Boorama lagu doortay waxaa loo igmadey in uu hirgeliyo doorasho xor ah kuna beegnayd badhtamihii 1995kii.

Doorashaddii dhici lahayd 1995kii ilaa xiligan waxa hortaagnaa Golaha Guurtida oo isu bedelay Golaha Kordhinta. Cigaal waxay u kordhiyeen markii uu ku guul daraystay in uu doorasho sameeyo 1995 iyadoo sabab laga dhigay in xasilooni la’aani jirto. Sidoo kale markii uu ku guul daraystay shantii sanno ee dib loo doortay 1997-kiina waxay ugu dareen laba kale. Riyaalena wuxuu dhawr jeer afka ku dhuftay in loo soo bandhigay in mudada loo kordhiyo, laakiin uu isagu diidey. Muddadaa dheerayd ee doorashooyinka la qaban waayey iyo murankii salaadiinta ee ka dhex qarxay Hargaysa waxaan ku bal balaadhiyey qoraal gaar ah oo aan u bixiyey “Ma badbaadin Karnaa Somalilanad” xiligaas.

Golaha Guurtida oo laga sugayey in ay umadda dhex u noqdaan mar qudha ayey ku biireen UDUB intoodii badnayd taasna waa nasiib darro wayn. Haddii aan u soo noqdo xiligiii ololaha doorashaddani socdey waxaynu arkaynay Cabdi Waraabe oo u doodaya in aan Daahir Riyaale ka qayb gelin dood loo soo bandhigi lahaa bulsha waynta si qof waliba go’aan uga qaato cidda uu dooranayo. Miyaanay cadaalad xumo iyo aqoon xumo ahayn in odaygii umadda u dhaxayn lahaa isku dayo in uu qariyo dhaliilaha jira.

Weligeen maynu maqal Guurtida oo eedayn iyo diidmo u soo jeedisa nimankii kala danbeeyey ee ay Boorama ku doorteen. Waxa nasiib darro ahayd in dhamaan shir gudoonkii shirkii Hargeysa ee 1997kii uu codka wada siiyo musharax keliya.

Golaha wakiiladda waa la kala qaybiyey wayse jirtay marar badan oo ay golaha dhexdiisa kaga doodeen arimo dan u ah qaranka. Waase hubaal in aafo wayni ka soo gaadhay markii dawladeenii u soo jeesatay sidii ay hay’adaha qaranka ugu danaysan lahayd.

Waxaan hubaa in aan hay’addii garsoorku hana qaadin oo maamulku cagta geliyey waana meesha musuq maasuqu biyaha dhegay. Waxa tusaale inoogu filan inta jeer ee ay is qabteen madax weynihii xijaabtay iyo Gudoomiyaha maxkamadda sare hawshuna ay ku dhamaatay in laga qaado xilka ama in uu is casilo.

Waxaana soo noqnoqday eedo ah in xisbiga UDUB iyo dawladdu isku milmeen.

Aan u daadego jawaabta su’aasha labaad oo ahayd in aynu hei karno dawladdii aynu u codaynay ama halganka u soo galay. Door walba waxaynu nidhaahnaa muranka inaga daaya oo duuduub ha lagu dhameeyo. Maanta yeynaan deg degin dawlad kasta oo soo baxdana waa in aynu ku taageero danta umadda si taas loo helana waa in la joojiyo ku danaysiga qaranka. Aynu taariikhda wax ka barano oo fahamno in aan weligeed si guracan wax loo wadin.

Arimaha aan xalka u arko waxa ka mid ah:

In laga noqdo kordhintii ay dhawaan sameeyeen labada gole. Taas oo keenaysa in la helo mudanayaal ay bulshaddu soo doorato. Haddii taasi dhacdo ururadda mucaaradku door bay ka ciyaari karaan hogaaminta wadanka. Dhinaca kalena samirsiis bay u noqonaysaa.

Balaadhinta Cod bixinta: Bulshawaynteena laba qaybood ayaan la waydiin in cod laga qaado ta hore waa dadka debedda ku dhaqan iyo ka labaad oo ah degmooyinka bariga xiga. Haddii labadaas qaybood codka laga qaado waxay daboolaysaa in uu soo afgo’o muranka natiijaddii doorashaddu.

ILLAAHAY XAQA HAYNAGU SUGO.

Yuusuf Goodir Maxamed.

Bakistaan, goodir@yahoo.com

Top


Shacbiga Somaliland Waxay Muujiyeen Kalsooni Lama Filaan Ah.

Anigoo ka mid ah Jaaliyadaha iyo Dadweynaha Sool, koonfurta Sanaag iyo Buuhoodle waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dadweynaha Somaliland sidii fiicnayd ee ay u galeen Doorashadii Madaxtooyada.

Waxay muujiyeen: dimoqraadiyad, horumar, mabda ama himilo ay higsanayaa, kalsooni iyo niyadwanaag lama filaan ah.

Waxaan ognahay in Doorashooyinku aanay Caalamka badankiisa si cadaalada uga dhicin ama ay Nabadgelyo xumo ku abuurto ( dhiig ku daato markay codka bixinayaan ).

Waxay kasoo baxeen waajibkoodii qof qof iyo degaan degaanba iyadoo xilkoodu ahaa inay si nabadgelyo iyo Dimoqraadiyada codkooda u dhiibtaan, waana fuliyeen, wixii intaas ka dambeeya waxaa masuuliyadeedu dusha ka saarantahay cidii ama hayadihii loo igmaday inay hawshaas u fuliyaan ama dhamaystiraan.

Inaad codaysaan waxay ku timid rabitaankiina, bisaylkiina iyo sidaad ugu hagarbaxdeen, ma jirto cid gaar ugu lib sheegan kartaa aan ahayn idinka ( shacabka), waan idiinku taageersanahay, idinkuna dhiirigelinaynaa inaad sii wadaan horumarka aad higsanaysaan.

Waxaan rajeynaynaa in Somalidu ku dayan doonto dhacdooyinka Somaliland ka socda oo ah kuwa lagu dayankaro ama ku horumari karaan hadii ay raacaan.

Waxaan Xisbiyada iy Hayadaha ay khusaysaba u soo jeedinaynaa, kana codsanaynaa inaanay meel kaga dhicin ama khasaarayn tacabkii, waxqabadkii iyo ujeedooyinkii Dadweynaha, iyadoo maalintii shacabku codkooda dhiibteen wixii ka dambeeyey aanay qarsoomi Karin kooxdii ama shaqsigii ku kaca turunturay.

Ugu dambeyn waxaan Shacabka Somaliland kula dardaarmaynaa inay ilaaliyaan wixii ay ku caan noqdeen ama looga bartay oo nabadgelyadu kow ka tahay.

JAALIYADAHA SSB: Osman Qawdhan Warsame, NorWay.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga.

Waxa Qortay Gannat Ayale, Waxaa Turjumay M.M. Muuse.

Gannat: Gannat: Markaa ma waxaad ku talaabsateen in Col. Yawhala Ishaat iyo nimanka saraakiisha ah ee aad leedahay way na fashiliyeen aad laysaan?

Mingistu: Anigu maan ahayn ninkii xukumay ee yidhi hala laayo, laakiin waxa jiray ciidankayaga gudihiisa qayb la yidhaahdo baadhayaasha dagaalka ama kormeerayaasha dagaalka, ka dibna qaybtan kormeerku marka ay dagaaaladu dhacaan ka dib waxay baadhitaan iyo kormeer ku samayn jireen guutooyinka ciidamada, taas oo ay eegi jireen wixii dhibaato ah ee soo gaadhay, wixii hawl ah ee ay qabteen, sida uu itaalkeedu yahay iyo halka ay ka jilicsan tahay, kooxdaa kormeerayaasha ahi way ku soo wada wareegi jireen dhamaan guutooyinka ciidamada. Sidaa darteed kooxdii kormeerka ahayd ee la diray dagaalkii Naaqfa ka dib waxay ka koobnaayeen niman janaraalo ah, markaa nimankaa saraakiisha ah ee wax fadhiliyey qalad weyn inay galeen ayaa la xaqiijiyey oo xataa guutooyinkoodii iska dhaafoo ay guutooyinka kale guuldarada soo waajahday gacan ka geysteen .

Sidaa awgeed masuuliyad daradooda awgeed inay raga badan ee sida macno darada ah nafahooda u waayey inay iyagu ka masuul ahaayeen oo ay sababta leeyihiin ayaa la xaqiijiyey, ka dibna sida uu dhigayo sharciga milateriga ee goobaha dagaalka waxa la go’aamiyey in sida ugu dhakhsaha badan loo hor-geeyo maxkamadda milateriga, halkaas ayaanu lagu xukumay, laakiin anigu kama aan shakisanayn xukunka nimankaas lagu qaaday oo xataa waxaan fahamsanaa inay jireen dhibaatooyin dhinaca farsamada ah oo ay ahayd inay eegaan, balse si aan u helo ra’yi ka duwan warbixinta saraakiishaa waxaan ma xuma hadii aad la taliyayaasha Soofiyeetka ah ee goobta joogay warbixintooda dhegaysato, sidaa darteed waxaan ka codsaday la taliyayaasha Soofiyeetka inay soo dhiibaan warbixin arintaa ku saabsan, dabadeedna su’aasha odhanaysa “Waa maxay sababta uu dagaalkaasi guuldarada ugu dhamaaday”, waxay la taliyayaasha Soofiyeetku ka soo bixiyeen oo ay yidhaahdeen “Ninkii dagaalkaa hogaaminayey oo ahaa janaraal Qumalaajaw may jirin cabsi ku dhalatay oo uu qaladkaa u sameeyey, waxa laga yaabaa inay aqoon la’aan ahayd, wuxuu ahaa sarkaal aad u wanaagsan, laakiin guud ahaan-ba colalka uu hogaaminayey waxa guuldarada ugu wacnaa labadii meelood ee furaha ama istaraatijiga u ahaa oo uu u baneeyey cadawga, ka dibna ay jabhadda shacbiyaddu fursadaa ka faa’iidaysatay, dabadeedna markii uu meeshii istaraatijiga ahayd gacanta u gashay cadawgii waxa uu sameeyey dedaal uu dib ugu abaabulayo sidii uu ciidanka inta uu ciidanka meesha dib uga saaro, lana xoojiyo oo loo tilmaamo meeshii ay ka dagaal geli lahaayeen, laakiin maadaama ay faraha ka baxday waxba wuu u taag-waayey, balse wixii uu dedaal samayn karayey wuu sameeyey, isla markaana dhibaatada ay keentay qaybta uu hogaaminayey waxay sababtay dhamaan guuldaradii soo gaadhay qaybaha kale oo dhan. S

idaa awgeed labadaa qaybood taliyayaashooda waa lagu saxnaa in lagu qaado xukunada iyo shuruucda ay goobaha dagaalku leeyihiin”. Markaa sidaa ayaa labadii sarkaal ee hogaaminayey guutooyinkaa dilka loogu xukumay.

Gannat: Imisa qof oo kale ayaa sidaas oo loo dilay?

Mingistu: Marka laga bilaabo askariga dablaha ah ilaa saraakiisha sarsare ee maamulka haysa muu jirin sharci midkasta u gaar ah oo marka uu doono uu ciidankiisa ku laynayey, markaa ma jirin dhaqan caynkaas ahi, laakiin wax la laayey hadii ay jiraan waa kuwo qalad galay, ta kale markii u horaysay ee ay waxan oo kale dhacaan waa markii ay colalku somalidu naga soo weerareen dhinaca degaamada bariga.

Waqtigaasna Somalidu inta ay nala sugeen dagaaladii nagaga furmay dhinaca waqooyiga iyo dalka gudihiisa ayey weerar nagu soo qaadeen oo ay qabsadeen gobolka Ogaadeenya, isla markaana si ay Harar u soo galaan waxay bilaabeen inay ku dhowaadaana dhinaca Kaaraamardha, laakiin inta aanu isla baaba’nay ayaanu ku hakinay meesha la yidhaahdo Goray si aanay halkaa u soo dhaafin oo aanay nooga qabsan Gursum iyo Baabili oo masalan webiga Faafana dhiniciisa galbeed waxa haystay ciidankayaga, dhinciisa kale ee barigana iyagaa (colka Somalida) haystay.

La soco.

Top


Waadiga Ciyaaraha: Tomasson Daqiiqadii Ugu Dambaysay Kooxdiisa U Soo Gudbiyay Semi Finals-ka.

Milan (W. Wararka): Kooxda AC Milan ayaa u soo gudubtay ciyaaraha semi-finals-ka ee tartanka kooxaha Horyaalka Yurub (Champions League), kadib markii kifaax adag kaga baddiyeen 3-2 kooxda Ajax Amsterdam, taas oo ay ugu soo gudbeen tartanka semi-finals natiijada goolashan oo ah natiijada guud ee labada ciyaarood, iyadoo ciyaartii hore ee lagu ciyaarayay guriga Ajax ay ku dhammaatay barbardhac aan wax goolal ah la isku dhalin.

Kooxda AC Milan, waxa ay noqotay kooxdii saddexaad ee Talyaani ah ee afarta kooxood ee isku soo hadhay ka mid noqda, waxaana mahaddaa iska leh goolka uu dhalliyay John Dahl Tomasson oo daqiiqadihii u dhalliyay goolka ay ku guulaysteen, habeenkan oo ahaa mid aan cidina ilaawin karin.

Kooxda AC Milan, waxa ay hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 30aad, kadib markii ciyaartoyga Rui Costa uu kubad siiyay ciyaartoyga Shevchenko, kadibna waxaa kubadii uu karoosay ciyaartoyga reer Ukraine madaxa ku dhuftay Fillipo Inzaghi oo shabagga u dhigay. Goolka kadib, ciyaartoyga kooxda Milan aad ayay dareenkoogu u degay, waxaanay sigeen laba jeer oo kale intii aanu dhammaan qaybtii hore ee ciyaartu.

Tababaraha kooxda Ajax, ayaa qaybtii dambe ee ciyaarta beddel ku sameeyay kadib markii uu soo geliyay ciyaartoyga khadka weerarka Jari Litmanen oo uu ku beddelay difaacyahanka Jelle van Damme. Waxaanu ahaa Litmanen kii keenay goolka barbardhaca ee kooxda uu hogaaminayay Ronald Koeman, daqiiqadii 63aad, kadib markii shabagga ugu riday kubad uu meel dhow ka laaday, taas oo uu soo karoosay Van der Meyde.

Laba daqiiqadood gudahood ayay kooxda AC Milan hogaankii ciyaarta soo ceshatay, kadib markii kubad uu Inzaghi isku dayay inuu goolka ku laado uu dib ugu soo celiyay oo uu Shevchenko madaxa si wanaagsan ugu dhuftay, goolkana ku hubsaday. Taasi oo ciyaarta ay Milan ku dhammaystiri lahayd, balse Ajax ayaa dib u barbaraysay daqiiqadii 78aad, kadib uu kubad dhinaca bidix ka soo karoosay Van der Meyde.

Kaalinta afarta kooxood ee isoo hadhaya tartanka Horyaalka Yurub ayay isu diyaariyeen kooxda Ajax in ay ka mid noqdeen, laakiin daqiiqadii ugu dambeysay ayuu Massimo Ambrosini ku madaxa ku soo dhuftay oo soo dhex dhigay goolka Ajax, Inzaghi ayaa kubadda dulmariyay goolwada kooxdaas oo hore u soo baxay, balse Tomasson ayaa kubad khadka sii dhaafay oo gooka ku shubay.

Inzaghi ayaa u cararay inuu u dabaaldego goolka, balse Tomasson ayaa ahaa ciyaartoyga taabashada ugu dambeeyay lahaa, taas oo uu kooxdiisa ka dhigay markii ugu horeysay sideed sannadood ee ay kooxda AC Milan u soo gudubto afar kooxood ee ugu dambeeya (Semi finals) ee Horyaalka Yurub.

AC Milan waxa ay iska horiman doonaan ciyaaraha Semi final-ka kooxda ay isku magaalada yihiin ee Inter Milan oo ay ciyaarta hore wada yeelan doonaan bisha May 7-deeda, ta labaadna isla bishaas 13-keeda.

Top
Keane Oo Kooxdiisa Manchester United Ugu Baaqay In Ay Khaladaadkoogu Cashar U Noqdo.

Manchester (W. Wararka): Kabtanka kooxda Manchester United Roy Keane, ayaa rumaysan in kooxdiisu aanay weligood ku guulaysan doonin tartanka Horyaalka Kooxaha Yurub (Champions League), mooyaane inta ay dib u saxayaan khaladaadka ay galeen.

Rajada Kooxda Manchester United waxa ay hadhay habeenkii Arbacada, kadib markii ay 4-3 kaga adkaadeen kooxda Real Madrid, balse isugeynta labadii ciyaarood ee ay wada yeesheen ay 6-5 ay ku kaga hadhay tartanka Horyaalka Yurub.

“Waxa aanu wadnaa in aanu barano casharadan, dabadeedna aakhirka sidan ayuun bay u dhacdaa,” ayuu yidhi Keane.

“Ma kari karno in aanu ka joojino goolasha gurigayaga la nalagaga dhallinayaan kooxaha Real Madrid oo kale ah. Sidoo kale, waxaanu helnay jaanisyo badan, laakiin naftayadii waxaanu ku kalifnay in aan buur dheer saarno, mana aanu awoodin in aanu kor marno hirdankii. Ma doonayno in aanu xusuusano in aanu bixinay goolal noocan oo kale ah ciyaar hore ee aanu Real garoonkeeda ku ciyaaraynay,” ayuu yidhi Roy Keane.

Keane, waxa uu sheegay in ay kooxdiisa kala kulantay tartanka Yurub mooraal jab badan, taasina ay sababtay in ay hadhaan, balse aanay kooxdu marnaba isku dayayn in ay ka faa’iidaysato khaladka ay gasasho oo ay cashar u noqoto ay barteen.

“Imika waxa aanu haysanaa Mooral xummo badan oo aanu kala kulanayn tartanada Yurub. Waxaanu u soo gudubnay quarter finals-ka (sideeda kooxood), laakiin tallaabo keliya ayaa nooga hadhsanayd in aanu ciyaaraha kama-dambaysta ah u gudubno,” ayuu yidhi Keane.

“Kooxo badan ayaa sidaas oo kale yeellay, laakiin hal tallaabo ayaa uga hadhay ciyaartii kama-dambaysta ahayd,” ayuu yidhi Roy Keane, waxaanu sheegay haddii ay kooxdiisu khaladaadkeeda dib u eegto, in ay sixi karto. 

Top