Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 319 Date April 27, 2003

Natiijada Doorashada Oo Markii U Horeysay La Horgeeyay Maxkamadda Sare.

Arrimaha Bulshada: Mushkiladaha Ka Dhasha Iyo Fikradaha Khaldan
Mr Homer, Muddo ka dib xaaladiisa dhaqaale ayaa noqotay mid ku abuurta wer wer iyo walbahaar markii uu ku yimid dakhligiisa hoos u dhac weyn.

40-Qof Oo Kudhintay Qarax Laxaad leh Oo Ka Dhacay Magaalada Baqdaad Qarax Ka Dhacay Baqdaad.

Winnie Mandela Oo Maxkamadi Xabsi KU Xukuntay.

Madaxweynaha Dalka Kuuba Oo Si Kulul Ugu Hanjabay Dawlada Maraykanka.

ODHAAHDA AKHRISTAYAASHA: Natiijada Doorashada In La Tirtiro Iyo Laga Dhul-Sugo Waa Iyama?

Miinada Wax Halaga waydiiyo Cida Aqoonta U Leh.

Qallooca Komishanka Iyo Jaha-Wareerka Shacbiga.

Yaan Dib Loo Noqon.

Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga.

Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa qoray C/salaan Caaro-dhuub Q:30aad.

JILBO-DHIIG: Sheekadan waxa qoray Xasan Faarax, waxana Tifaftiray Axmed Ducaale Q: 30aad.

Hambalyo Doorasho.

Hambalyo Aroos.


Natiijada Doorashada Oo Markii U Horeysay La Horgeeyay Maxkamadda Sare.

Hargeysa (Haatuf): Guddiga sare ee doorashooyinka Somaliland ayaa shalay maxkamadda sare u gud-biyey natiijadii hordhaca ahayd ee ku dhawaaqeen Sabtidii toddobaadkii hore, sidaana waxa cadeeyey gudoomiye-kuxigeenka guddiga doorashooyinka qaranka, C/laahi Cumar (C/laahi Jawaan) oo aanu xalay fiidkii wax ka waydiinay arintaa.

Albaabadda maxkamada sare waxa maalintii shalay taagnaa kooxo askar ah oo si gaar ah u ilaalinayay, dad qaarna ka waabinayay, taas oo ay dadku markii hore u maleeyeen inay ku dhawaaqi doonaan go’aankii natiijadda, laakiin qaar saxaafadda ka tirsan oo barqadii maxkamadda sare tagay, waxay saraakiil maxkamadda ka tirsani u sheegeen inaanay weli soo gaadhin natiijaddiiba, waxayse soo gaadhay saacadaha ka dib.

Saraakiil ka tirsan xisbiga UDUB ayaa tibaaxay inay iyagu dacwad gaadhsiiyeen maxkamadda sare, inkasta oo aanay tafaasiil ka bixin nooca ay tahay dacwadoodu, laakiin hogaamiyayaasha KULMIYE waxay dhinacooda tibaaxeen inay dacwadooda isku hagaajisanayaan, iyaga oo ilaashanaya wakhtiga sharcigu siiyey.

Ka dib markii Sabtidii toddobaadkii hore ee Abril 19, 2003, guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 14-kii Abril 2003, taas oo ay guddigu ku dhawaaqeen inuu xibsiga UDUB ku guulaystay doorashadii madaxtoyada, waxa markiiba ka dhashay buuq iyo sawaxan, ka dib markii uu xisbiga KULMIYE ee mucaaradka ahi ku dhawaaqay inaanu yiqiinsanayn natiijada ay guddiga doorashadu ku dhawaaqeen, iyadoo ay hogaamiyayaasha xisbiga KULMIYE ku dacwiyeen inay xisbigoodu ku guulaystay doorashada, laakiin uu wax is dhaaf-dhaafis dhacay, taas darteedna aanay ku qancayn natiijada ay guddigu ku dhawaaeen, wuxuuna xisbiga KULMIYE badhtimihii toddobaadkii tegay soo bandhigay tiro ka dhiman isu geynta tirada loo yeedhiyey, iyaga oo ilaa 133 cod oo ay sheegeen inay ka dhiman yihiin codadkii ay ka heleen degmada Burco, iyaga oo taa sheegisteedana ku cadeeyey shir ay ku casuumeen dad kala duduwan oo ay ka mid yihiin xubnaha guddiga doorashooyinka, waxaana madashaa lafteeda ka hadlay gudoomiyaha guddiga doorashooyinka, Axmed X. Cali Cadami oo ku tiraabay in wixii qalad ah ee ay guddi ahaan yeeshaan ay garwaaqsan doonaan.

Hase yeeshee markii ay soo ifbaxday tirada codadka ee uu xisbiga KULMIYE soo bandhigay waxa iyaguna dhinacooda ka baadi doon tegay xisbiga UDUB oo ay guddiga doorashadu sheegeen inuu 80 cod oo keliya kaga guulaystay xisbiga KULMIYE, sidaa darteed hawl-wadeenada iyo hogaamiyayaasha xisbiga UDUB waxay iyaguna fureen dacwado kala duwan, sida tirooyin ay sheegeen inay uga soo baxeen meelo ay isu geynta codadku ka qaldan tahay iyo weliba sanaaduuq ay guddiga doorashadu sheegeen inay cillad sharci u tirtireen oo ay ku dacwiyeen in loo tiriyo, iyadoo ay sheegeen in degaanka bariga Hargeysa xaqoodii doorasho meel lagaga dhacay.

Sida uu qaynuunka doorashadu dhigayo marka ay maxkamadda distooriga ahi ku dhawaaqdo ayey natiijada doorashadu noqonaysaa wax kama dambays ah oo lagu dhaqmayo, sidaa awgeed natiijada marka ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqaan waxay isu soo dhaafinayaan dhinaca maxkamadda sare, laakiin waxa kale oo uu sharcigu dhigayaa wixii dacwado ah ee ay xisbiyadu ka qabaan natiijada doorashada in iyadana loo soo gud-binayo maxkamadda sare si ay uga garnaqdo, sidaa darteed maxkamadda sare waxa laga soo bilaabo toddobaadkii hore waxay dadku sugayeen inay miiska maxkamadda sare yimaadaan laba arimood oo kala ah: Natiijada ku meelgaadhka ah ee ay guddiga doorashoyinku ku dhawaaqeen iyo dacwadaha ka soo kordhay dhinaca xisbiyada.

Sida laga soo xigtay saraakiisha maxkamadda sare waxay maxkamadda sare guddiga doorashooyinka u qortay qoraal ay kaga dalbanayso inay soo gud-biyaan natiijada, iyadoo uu sarkaalka sare oo maxkamadda sare ka tirsani ku tiraabay in loo baahnaa inay guddigu hore u soo gud-biyaan natiijada, taas oo u muuqata inay maxkamadda sare raagsatay natiijada, wuxuuna sarkaalkaasi intaa ku daray inay garqaadka dacwadaha xisbiyadu ku xidhnaan doonto marka ay loo soo gud-biyo natiijada doorashada.

Hase yeeshee shalay ayey guddiga doorashooyinku markii u horaysay maxkamadda sare u soo gud-biyeen natiijadii doorashada ee ay ku dhawaaqeen.

“Saaka (Shalay) ayaanu maxkamadda sare u gudbinay natiijadii doorashada” sidaa waxa yidhi gudoomiye-kuxigeenka guddiga doorashooyinka, C/laahi Jawaan. Laakiin C/laahi Jawaan mar aanu waydiinay inay maxkamadda sare u soo gudbiyeen tirooyinka codadka ee ku soo kordhay tiradii natiijada ee ay ku dhawaaqeen waxa uu sheegay inaanay taa weli soo gud-bin ee ay gacanta ku hayaan hawsheeda, wuxuuse intaa ku daray inaanay taa guddi ahaan si toos ah ugu gudbinayn maxkamadda sare ee ay xisbiyadu gudbisan doonaan oo ay dacwadahooda raacsan doonaan, isaga oo yidhi “Arintaa waa la hubinayaa, waxaanuna ku jirnaa hawsheeda, marka aanu hubinana xisbiyada ayaa gudbisanaya, laakiin anagu waxaanu maxkamadda sare u gudbinay natiijadii aanu ku dhawaaqnay.”

Sidoo kale gudoomiye-kuxigeenka guddiga doorashooyinka mar aanu waydiinay sida ay iyadana ka yeelayaan sanaaduuqda ay dadka qaarkood ku dacwoonayaan in la tiriyo, waxa uu sheegay inay sanaaduuqdaasi ka mid yihiin kuwii la tirtiray oo aanay arintooda waxba ka noolayn.
Arinta kale ee ay dadka reer Somaliland meel ay joogaanba aad ugu dhegtaagayaan waxay tahay go’aanka ay maxkamadda sare ku dhawaaqi doonto waxa uu noqon doono, taas oo ay su’aalaha la iswaydiinayo ka mid yihiin “Maxkamadda sare tolow ma qaadi doontaa go’aan cadaalad ah cidii doontaa guusha ha heshee iyo tolow maxay ka yeeli doontaa dacwadaha loo soo gudbiyey”, iyadoo uu su’aalaha tafsiirkoodu yahay “Tolow maxkamadda sare wax ma ka bedelaysaa waxa ay guddiga doorashadu ku dhawaaqeen, mise sidiisa ayey ku ansixinaysaa.”

Laakiin marka la eego labada xisbi ee hadda aad ugu murransan natiijada doorashada oo kala ah, xisbiga dawladda ee UDUB iyo xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE qoloba si ay ayey uga dhursugaysaa maxkamadda sare.

Qolada KULMIYE waxay doonayaan inay maxkamadda sare ka garnaqdo natiijada doorashada ee ay labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE isku haystaan guusheeda, taas oo ay xisbiga KULMIYE si adag u aaminsan yihiin ama ugu dacwiyayaan inay iyagu doorashadii ku guulausteen, laakiin laga faromaroojinayo, halka ay qolada UDUB-na doonayaan inaanay maxkamadda sare waxba ka bedelin sida ay guddiga doorashooyinku ugu dhawaaqeen, iyadoo ay qolada UDUB u arkaan in hadii ay maxkamadda sare wax ka bedesho sida loogu dhawaaqay ay taasi keenayso murran hor leh ama si kale hadii loo dhigo ay khatar ku tahay.

Hase yeeshee inkasta oo la odhan karo labada xisbi midna uma werwer iyo wal-bahaar la’ waxa ka soo yeedhi doono maxkamadda sare, hadana xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE ayey kalsooni daradu ku badan tahay, taas oo ay inta badan hogaamiyayaasha iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE gudoomiyaha maxkamadda sare u tirinayaan dhinaca hogaanka sare ee UDUB, sidaa darteedna uu gar iyo gar daroba garab siinayo xisbiga UDUB.

“Ilama aha in dunida la maqashiinayo wixii ay guddigu ku dhawaaqeen wax ka duwan”, “Maxkamaddu xagee bay ka dhaafaysaa tirooyinka soo baxay ee sharciga”, weedhahani waxay ka mid yihiin afkaaraha kala duwan ee ay is dhaafsanayaan dadka faaqidaadda ku samaynaya mawduuca miiska saarran ee natiijada doorashada. “Adeer qolada KULMIYE way iska xiiqaysaa ee kol bay maxkamadda sare cid aan UDUB iyo dawladda ahayn wax u xukumaysaa” ayaa weedhaha la is dhaafsanayo ka mid ah.

Mawduucan Maxkamadda sare horyaal waa mawduuc xasaasi ah oo u baahan in maskax miyir qabta oo cid walba cadaaladda horteeda ku qancin karta
laakiin arimahaas oo dhan jawaabtooda iyo waxa ay maxkamadda sare ka xukunto natiijada doorashada ee murranku ka taagan yahay aynu ka sugno garsoorayaasha maxkamadda sare ee ay arintu hor taal.  

Top


Arrimaha Bulshada: Mushkiladdaha Ka Dhasha Iyo Fikradaha Khaldan
Mr Homer, Muddo ka dib xaaladiisa dhaqaale ayaa noqotay mid ku abuurta wer wer iyo walbahaar markii uu ku yimid dakhligiisa hoos u dhac weyn.

nkasta oo uu isku deyey inuu iibiyo dhulkii uu ka iibsaday magaalada New York duleedkeeda, haddana taasi may noqon mid u suura gasha sababtoo ah waxa dhacay dhaqaale burbur saameeyey dalka Maraykanka oo sababay in ay yaraadeen iibka ganacsiga dhulka guryaha iyo waxyaabaha aan daruuriga ahayn, waxaana Mr Homer uu waayey wax baayaca dhulkii uu doonayey inuu iibiyo, iyadoo dhinaca kalena laga doonayey lacagta cashuurta ee ay dawladdu ku lahayd iyo deyn kale oo uu qaatay, laakiin Mr. Homer waxa jahawareer iyo naxdin lama filaana ku noqotay markii subax hore uu weerar ku soo qaaday duqa magaalada New York ee inta albaabkiisa la soo garaacay shandadaha debadda loogu daadiyey, Mr Homer wuxuu hore uga dhega-adaygay digniino uga yimid duqa magaalada.

Hase yeeshee waxay talo faro ka haaday markii si aan sharaf lahayn looga saaray gurigii ay isaga iyo reerkiisii ku jireen ee ay dawladdu la wareegtay, iyada oo loo haystay lacagta cashuurta ee dhulkii uu iibsaday iyo lacag uu ka amaahday Bangiga.

Arrintaasu waxay ahayd mid aanu Mr. Homer weligii ku fekerin oo lama filaana, waxayna ku sii siyaadisay wer werkii iyo walbahaarkii bilaabmay maalintii uu qaatay fekraddii khaldanaa ee uu iibsadday dhulkii uu macaashka ka doonayey.

Mr. Homer wuxuu helay guri kiro ah oo aad uga fog magaalada, isla markaana waxa ku cadaatay talo. Laakiin waxa u run sheegtay danta, wuxuuna ogaaday heerka ay noloshiisu maraysay iyo halka uu mar-qudha u soo dhacay. Sidaa awgeed waxa Mr. Homer khasab ku noqotay inuu dib u eego halka laga raacay, wuxuuna ogaaday inay halkaa laga raacay ahayd taladii uu qaatay ee caadifada ahayd iyo beentii uu ku maaweeliyey naftiisa, ee isku qanciyey inuu yahay ka ku fadhiya cashqiga aqoonta, ee aan ka faa’iidaysan hibada Ilaahay siiyey, laakiin markii ay taasi beenowday wuxuu u tabaabulshaystay sidii uu dib u dhis ugu samayn lahaa noloshiisa, wuxuuna bilaabay riwaayaddihii iyo qoraaladii uu samayn jiray, ee uu ka helay lacagtii badnayd ee uu dhulka ka iibsaday.

Haddaba waxa haboon inaynu ka faa’iidaysano oo wax ka barano nolosha waayaha iyo walbahaarka ay keenaan talooyinka khaldani, waana inaynaan raacin hanaanka xun ee nacaybka horumarka hebel oo ay cadahay sida aynu ka baxsan karo waayaha haddii aynu isku mashquulin horumarka hebel waxa hubaal inaad la kulmayso guuldarro, waana inaynu ka fogaano nacaybka horumarka oo aynu ka shaqayno, horumarka nafteena iyo nolosheena.

La soco qaybo kale oo xiiso badan todobaadka dambe Axadda. 

Top


40-Qof Oo Kudhintay Qarax Laxaad leh Oo Ka Dhacay Magaalada Baqdaad Qarax Ka Dhacay Baqdaad.

Baqdaad (W. Wararka) Ugu yaraan afartan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qaar kale oo badanina way ku dhaawacmeen ka dib markii uu qarax ka dhacay bakhaar lagu keydin jiray hubka oo ku yaala koonfurta magaalada madaxda Baqdaad maalintii shalay.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya qaraxaasi waxa uu khasaare weyn u geystay dhismayaasha iyo deegaanada ku dhaw halka uu ka dhacay qaraxu, iyada oo ay dhawr guri burbureen, lana sheegay in dad badani ku dhex xanibanyihiin burburka guryaha dumay.

Ka dib markii uu qaraxu dhacay dad fara badan oo cadhaysan ayaa u soo baxay wadooyinka waaweyn iyaga oo dhagxaan ku shiiday ciidamada Maraykanka oo gurmad ahaan u tagay goobtaasi, waxaana ciidamada maraykanku sheegeen in uu qaraxaa keenay weerar ay geysteen dad aan la garanayn, balse dad goob joog ah ayaa sheegay inuu qaraxaasi ka dhashay markii ay ciidamada maraykanku qarxiyeen sawaariikh taalay bakhaarka.

Dadweynaha magaalada Baqdaad ayaa cadho weyn ka muujiyey qaraxa ka dhacay bakhaarkaas, iyaga oo sheegay in halkaa la qarxiyey iyada oo aan wax digniin ah la siin, ciidamada Maraykankuna ay talaabadaa qaadeen iyaga oo aan tixgelin waxyeeladda soo gaadhaysa dadka rayidka ah.

Qaraxani wuxuu ku soo beegmay iyada oo ay ciidamada Maraykanku qabteen Daariq Casiis oo ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeenkii maamulkii Sadaam Xuseen, kaas oo haatan la weydiinayo su’aalo kala duwan.

Daariq Casiis oo ay aad iskugu dhawaayeen Sadaam Xuseen waxa la filayaa inuu sir farabadan u gudbiyo ciidamada Maraykanka, qabashadiisuna waxa ay timid markii sida la sheegay inuu isagu isku dhiibay ciidamada Maraykanka.

Top


Winnie Mandela Oo Maxkamadi Xabsi KU Xukuntay.

Pretoria (W. Wararka) maxkamad ku taala dalka Koonfur Afrika ayaa shan sano oo xadhig ah ku xukuntay maalintii shalay Wennie Mandela oo uu furay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson, ka dib markii lagu eedeeyey inay ku kacday falal khiyaamo ah.

Sidoo kale waxay maxkamaddu 7-ba sanadood ku xukuntay kalkaaliyaheedii Idi Morin markii lagu eedeeyey inuu falalkaa kala qayb qaatay Winnie Mandela.

Sida la sheegay qaybo ka mid ah xadhigaa ayaa loogu bedeli doonaa arrimo kale balse sida uu sheegay Xaakimka qaaday xukunkaasi waxa eedaha loo haystaa ay gaadhayaan ilaa 43 dambi oo kala duwan.

Winnie Mandela oo ka soo qayb qaadatay halgankii ururkii ANC, door weyna ka soo qaadatay dagaalkii lagu riday xukunkii midab takoorka waxa uu xaakimku sheegay in intii dambe ay ka leexatay wadadii halganka.

Bayaan ay soo saartay Winnie Mandela markii lagu dhawaaqay xukunka waxa ay iska casishay dhamaan xilalkii ay ka haysay xisbiga ANC, iyada oo ahayd xubin baarlamaan, madaxna ka ahayd garabka haweenka ee xisbiga isla markaana ku jirtay guddiga fulinta ee ANC.

Xukunkani waxa laga yaabaa inuu saamayn weyn ku yeesho aayaha dambe ee Winnie Mandela gaar ahaan dhinaca siyaasada.

Top


Madaxweynaha Dalka Kuuba Oo Si Kulul Ugu Hanjabay Dawlada Maraykanka.

Havana (W. Wararka) Madaxweynaha dalka Kuuba fiidal Castaro ayaa digniin kulul u soo jeediyey dalka Maraykanka isaga oo sheegay inay gaashaanka u daruuri doonaan weerar kasta oo uu maraykanku ku soo qaado dalka Kuuba uuna la kulmi doono khasaare balaadhan.

Waxa uu sidaa ka sheegay Fiidal Castaro khudbad muddo saddex saacadood ah socotay oo uu ka jeediyey TV-ga dalka Kuuba, taas oo uu kaga hadlay dagaalka uu sheegay inuu Maraykanku ku hayo dalkiisa.

Fiidal Castaro oo xukunka qabsaday 1959-kii da’diisuna ay haatan tahay 76-sano waxa uu ku eedeeyey maraykanka inuu damacsanyahay sidii uu u mijo xaabin doono kacaanka dalka Kuuba ee uu madaxda ka yahay Fiidal Castaro.

Waxa kale uu aad ugu difaacay khudbadiisa siyaasadaha uu ku hogaamiyo dalka Kuuba isaga oo ku hanjabay in la ciqaabi doono cidkasta oo gacan siisa Maraykanka.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAYAASHA: Natiijada Doorashada In La Tirtiro Iyo Laga Dhul-Sugo Waa Iyama?

Shacbigeenu kama gar-qaadi yaqaano khilaafaadka xisbiyadda iyo kooxaha siyaasadeed maxaa yeelay labaduba waa arrimo ku cusub dhaqankeena oo aynaan bulsho ahaan ku soo dhaqmi jirin, balse shacbigeenu wuxuu si hawl yar ugu garnaqi karaa khilaafaadka beelaha dhexmara. Somalilandna sida Soomaaliya ma aanay lahayn kooxo iyo xisbiyo is-khilaafsan oo abaabulan maanta ka hor waana sababtaas midda aynu khilaafaadkeedana beelaysan u xalliyi jirnay. Soomaaliyana Caalamka oo dhami u heshiisiin kari waayey. Marka taariikhdeena dib loo jaleecana laba goor ayey bulshadeenu ku hafatay khilaafaadka xisbiyadda, oo aynu cawaaqib xumo qarni dhan dib inoo riday kala kulanay, mar waxay ahayd 1960-kii oo khilaafaadkii 3dii xisbi ee SNL, USP, NUF. u dhexeeyey ayuu ahaa wixii Xamar ina geeyey ee calankeenii lumiyey. Marna waxay ahayd 1969-kii oo khilaafaadkii ka dhashay ku shubashadii doorashooyinka ayaa la isku khilaafay aakhirkiina keenay inuu afgembi ka dhaco, oo burbur dhaco. Markaas bulshadeenu bisayl ahaan maanta ma aanay wada qaadi karaynin, dib ugu noqoshada khilaafaadka xisbiyada, iyo ka bogsashada aan dhamayska tirnayn ee nabarada colaadihii sokeeye ee umula-dooxa ahaa.

Guddiga doorashooyinka ayaa maanta sabab u noqonaya wixii khilaaf ah ee ka yimaada nidaam xumada doorashooyinka iyo khaladaadka tirooyinka ee xisbiyaddu ku cabanayaan.

Garnaqsi KULMIYE: Xisbiga KULMIYE oo ay ku dhan yihiin 80% xubnihii sarsare ee SNM oo iyagu ahaa, kuwii sida sahlan talada dawladnimo ugu wareejiyey, gacanta shacbiga shirkii Boorama, ayaa si weyn ugu qanacsan inay iyaga oo aan qori iyo xabad sidan ay ku guulaysteen doorashadii madaxtooyada ee 14-kii April dhacday. Balse ay si duudsi ah uga daadifeeyeen guushoodii xubno sarsare ee guurtida iyo wakiiladda ka mida ka dib markay culays weyn saareen guddigii doorashooyinka, kuna qanciyeen sida la sheegay in dagaal dhici doono haddii talada dalka KULMIYE loo dhiibo.

Dareemada KULMIYE ka muuqda waxa ka mida maxkamadda sare in aanay noqon doonin meel caddaalad lagu kalsoonaado ay ka soo baxdo, oo bedeli doonta go’aanka UDUB Guddiga doorashinku ugu dhawaaqeen.

Markaas waxay reer KULMIYE leeyihiin ma xaqbaa in la ogolaado tiradii codadka shacbiga waxa badnaa KULMIYE, doorashadiina waxa ku guulaystay UDUB, taasoo ah khaladaadka ay sameeyeen Guddiga doorashooyinku.

Dooda UDUB: dooda UDUB waxa ugu xoog badan inay iyagu ku guulaysteen doorashooyinkii waxayna marag uga dhigayaan go’aanka hordhaca ah ee guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen 19-kii April, waxay leeyihiin caalamkii oo dhan ayey gaadhay in UDUB ku guulaystay doorashooyinkii Somaliland waana arrin dhamaatay oo maxkamadda sarena UDUB uunbay siin doonaan, oo ma khilaafi doonaan go’aanka Komishanka.

UDUB waxay leedahay, haddii arrintaas laga noqdo khilaaf weyn ayaa dhici doona Somalilandna way burburi doontaa, tirooyinka ay KULMIYE sheegayaana waa wax aan sharciga waafaqsanayn oo marmarsiiyo ah. Mana aqbalayno.

Maxaa la Gudboon Maxkamadda Sare?

Saddex arrimood mid uun inay yeesho maxkamadda sare ayaa la gudboon
Inay UDUB ayaa guulaysatay tidhaahdo maxkamaddu.

Inay KULMIYE ayaa guulaystay ay ku dhawaaqdo.

Inay doorashooyinka tirtirto oo ay ku soo taliso in sanad dabadeed la qabto.

Saddexdaas arrimood waxa ugu kheyr badan qodobka 3aad oo ah in la tirtiro doorashooyinka, ka dibna waxa imanaysa, ma xukuumadda UDUB ayaa xilka sii haynaysa muddadaas dambe, mise xukuumad dhexdhexaad ah ayaa loo igmadaa talada?

Xukuumadaasoo UDUB, KULMIYE iyo UCID u dhex ah, oo tartansiisa, iyaga, iyaduna xisbiga guulaysta ku wareejisa talada, xalka ugu wanaagsan wuxuu ku jiraa maadaama khilaafka xisbiyada tartankoodu uu kululaaday in cid dhex dhexaad ah loo dhaariyo talada dalka mudadaas dambe ee xisbiyaddu ku tartamayaan.

Sidee loo dooranayaa xukuumadda dhexdhexaadka ah?

Waayadii aanay xisbiyaddu ka samaysmin Somaliland waxa shacbigu aaminaada ugu weyn ku qabay golaha guurtida somaliland. Balse runtii intii uu samaysmay xisbiga UDUB kalsooniddii guurtida aad ayuu hoos ugu dhacay oo lama jecla. Taasna waxa ugu wacan iyaga oo badankoodu xubno ka noqday xisbiga UDUB. Xubnaha golaha wakiiladda waa la mid oo aad ayey ugu dhexmilmeen xisbiyadda. Xisbiyaddiina way is-khilaafeen oo isma aaminayaan.

Haddaba maxaa inala gudboon si aynu u dhisno xukuumad ku meel gaadh ah oo kalsooni ka haysata shacbiga iyo xisbiyadda? Waxaan ku talinlahaa inay shir isugu yimaadaan:

Xubnaha golaha Guurtida iyo Wakiiladda ee 164 ah Xubnaha Salaadiinta Somaliland ee 45-ka xubnood ah, Xubnaha golaha dhexe ee UDUB 40 Xubnood, xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE 40 Xubnood, xubnaha golaha dhexe ee UCID 40 xubnood ah, Guddiga Culimada ah 15 ergey, tirada guud 344 ergay.

Shuruudaha qofka isu soo sharaxaya labadaas jago (Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka) waxay noqonaysaa in aanay 3-da xisbi midna xubin ka ahayn, isla markaana ay caddeeyaan inay yihiin rag aqoon, rag dhaqan wanaag iyo xog-ogaalnimo Somaliland ah leh, inuu yahay qof aanan ururadii siyaasadeed xubin ka noqonin oo aan loolanka siyaasaddeed ku boogoobin, waana in uu helaa codadka ugu badan ee ergooyinka shirka, in taladaas la tixgeliyo ayaan Illaahay ka baryayaa.

Cali Dool Axmed (Qoryoolay), Hargeysa.

Top


Miinada Wax Halaga waydiiyo Cida Aqoonta U Leh.

Aniga oo ah qoraaga maqaalkan ee hoos ku qoran waxaan dhaliil weyn u soo jeedinayaa hay’adaha miino-saarka ee ka hawlgala dalka JSL kuwaas oo kala ah DDG, HELO TURST, N.D.A sidaa darteed waxaan u sheegayaa inay jiraan meelo badan oo aanay wali waxba qaban taas oo ay maalin walba ku dhintaan dad, waxaana dhintay 24/04/03 dhagax yey oo agagaarka Dacar-Budhuq (Marxuum Xasan Maxamed Cali), sida darteed waxaan hay’adaha ku shaqada leh ee ku lacag qaata u sheegayaa in ay dalka wada gaadhsiiyaan miinasaarista oo ay weydiiyaan dadka aqoonta u leh meelaha ay ku jirto. Taas oo khatar weyn ku haysa dadka iyo xoolaha aan ahay miino oo kaliya ee ay jiraan waxyaalo badan oo khatar ah.

C/Raxmaan Xasan Cali (C/Raxmaan Guuto)
Hargeysa

Top


Qallooca Komishanka Iyo Jaha-Wareerka Shacbiga.

Waagii Beryaaba waayo leh, maamul waliba raadkii, dhacdo waliba sheegeed. Ka dib markii ay shacbiga Somaliland si hagar la’aan ah ugu codeeyeen doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 14-kii April 2003 isla markaana ay ku tartameen doorashadaa saddex xisbi ee kala ah UDUB, KULMIYE Iyo UCID ayaa waxa jirta in natiijaddii ay komishanka doorashooyinku ka soo saareen 19-kii bishan uu xisbiga UDUB kaga guulaystay xisbiga KULMIYE 80 cod balse xisbiga KULMIYE ayaa ku gacan-saydhay isaga oo ku andacoonaya in wax la is dhaaf dhaafiyey, isla markaana uu cadeeyey xisbiga KULMIYE inaanu ku qanacsanayn natiijadda la sheegay, waxaanay ku doodeen masuuliyiinta KULMIYE inay iyagu ku guulaysteen doorashadaa.

Haddii aynu ka nimaadno natiijadda ku meel gaadhka ah ee Komishanka waxa isweydiin mudan natiijadaasi xaq iyo xaq-darro keebay ahayd, taasoo ka farxisay xisbigaUDUB, xisbiga KULMIYE-na uu ka tirsaday xaq-darro isaga oo sheegay inay marin habaabiyeen natiijaddii saxa ahayd taasoo ilaa haatan muran ka taaganyahay.

Waxaana haatan la isweydiinayaa maadaama ay maxkamadda sare leedahay go’aanka kama dambaysta ah ee lagu kala guulaysanayo KULMIYE iyo UDUB go’aanka maxkamaddu keebuu saacidi doonaa.

Sidoo kale waxa isweydiin leh maxkamaddu ma waxay raacaysa go'anka hore ee komishanka mise waxay keeni doontaa mid hor leh oo cusub, arrintu si kastaba ha ahaatee alif kaa xumaadaa Al-baqruu ku dhibaa, murana kama taagna in Komishanku yahay ka keenay jahawareerka ka dhashay natiijaddii doorashada, taana waxa marag u ah laba carableynta xubnaha guddiga doorashada iyo dib u dhicii ku yimid xiligii ay muddeeyeen inay ku dhawaaqaan natiijadda waxaana loo baahanyahay inay mad-madawga ka saaraan natiijaddii ay soo saareen balse nasiib darro in haatan uu muran ka dhasho natiijadda uu laaxinku ku jiro ugu dambayna wixii aan daacad laga ahayni dabaday ka xumaadaan ee allaw sahal umuuraha adaa noo aqoonee.

Maxamed Sagax, Hargeysa.

Top


Yaan Dib Loo Noqon.

Jamhuuriyadda oo 12 jir ah waxaa ka suurta galay waxaanan ka suurta galin caalamka sidaa darteed waxaas oo jiray duruufo badan oo dalku soo maray, wuxuuna kaga soo baxay niyad sami iyo waayeelka Somaliland oo dedaal muujiyey iyada oo uu shaqaynayey madaxweynihii taariikhda galay ee Maxamed x. Ibraahim Cigaal alla ha u naxariistee, waxaase aan la yaabay umadan degan Somaliland oo leh qabri amaan laakiin aan lahayn ifka oo qofka lagu amaano.

Taasi waxaan markii hore moodayay in qofka loo canaanto si uu dedaal badan u keeno wayse noqon weyday oo waan in umaddan u dhiman.

Walaalayaal waxaase wanaagsan in qofka dhaliil iyo waxtar wuxuu leeyahay intuu nool yahay la sheego.

Aniga u gudbaya dulucda sheekadda waxaa beri jiray saddex nin oo meel wada degan oo bilaa guryo ah xoolo dhaqatana ah ninka mida iyaa soo jeediyey inay saddex shiraac oo ay sitaan ay buul ka dhistaan si ay dhaxanta iyo qoraxda uga galaan muddo markay ku jireen ayaa nin ka mid ahi mid kale ay is-khilaafeen dabadeedna kii kale isku dayey inuu dhexdhaxaadiyo kuna guulaysan waayey kii cadhoodayna shiraaciisii furtay, sidaana ay ku burbureen oo nin waliba shiraaciisii furtay.

Sidaa darteed waxaan ka soo sheekeeyey sheeko dhaxal gal u ah Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta dimuqraadiyad ku talaabsatay waxaanse ka digayaa yaan dib loo guurin oon dimuqraadiyadda meel lagaga dhicin.

Maxamed Sh. Daahir Qaalib, Hargeysa.

Top


Dil-Dilaacii Ubaxa Iyo Kacaankii Dhergiga.

Mengistu: Cabsida ugu weyn ee na haysay waxay ahayd in nalaga qabsado wadada dhexmarta Gursum iyo Baabuli dhexdooda ee tagta Harar, isla markaana Dhagax-buur dhinaca dhabarka ka marta ka dibna tagta Iimay, markaa wadadaas ayaanu muhimadda siinaynay inaan cadawgu naga qabsan.

Meesha la yidhaahdo Faafan waa meel aad ugu wanaagsan is-difaacidda, ka dibna halkaas ayey ahayd meeshii aanu galay ee aanu iskaga difaacnay weerarkii Somalida, halkaas oo aanu muddo toddoba bilood ah difaac kaga jirnay, iyaguna (Ciidamada Somalida) ay intaa weerar nagu hayeen. Laakiin markii dambe ee uu cadawgu fahmay inaanu jiidhi Karin difaacayaga Faafaneed ee ay si walba yeeleen ayey ciidamadii cadawgu (somalida) inta ay dhinac bidix ka dhaafeen difaacii Faafaneed oo ay Dhagax-buur mareen, isla markaana ay ka soo wareegeen Galalaja iyo Jaarso ilaa Kombol-ja ayey damceen in inta ay labada dhinac-ba ka maraan oo ay hareereeyeen ay sidaa Harar ku qabsadaan sidaa ayey ahayd istaraatijiyadoodu, laakiin inta aanu ciidamo milateri ah iyo kuwo rayid ahba diyaarinay ayaanu sidaa iska difaacnay oo aanu sidaa iskaga celinay, waxaase ahayd mid aanan weligay ilaawayn markii ay janaraal Tasfaaye Gabra Kidaan, Salaqe Bayani, Damaqe Banjaw iyo xulafo kale inta ay iswada kaashadeen ayey ciidamo ururiyeen oo ay halkaa dejiyeen, taas oo ahayd inay weeraraan ciidamada cadawga.

Laakiin ciidamadii ka soo noqday goobaha dagaalka ee jiidaha Ogaadeeniya iyo gobolka Jig-jiga waxay nagu qaadatay hawl badan, waayo ciidamadaasi haba yaraatee inay joogsadaan way diideen , taasina waxay ahayd markii ugu horaysay taariikhda in inta uu askarigu yidhaahdo “ma dagaalamayo”, ka dibna inta uu taliyihiisa dilo uu ka dibna cagaha wax ka dayo, dabadeedna waxaanu gaadhnay heer aanu ciidankayagii iska hor-nimaadno, ka dibna inta aanu tacshiirad kor u ridno ayaa markii ay joogsan waayeen waxay nagu khasabtay inaanu taangiyo wadooyinka ku goyno. Sidoo kale diyaaradaha Helukabtarka ahi marka ay doonayaan inay goobaha dagaalka ka soo qaadaan askarta dhaawaca ah waxa dhacday inay askarta caafimaadka qabtaa yidhaahdaan “Wax dhaawac ah oo la qaadayaa ma jiro ee anaga ayaa raacayna”, ka dibna waxay rasaas kua ridi jireen saraakiisha iyo askarta kaleba, dabadeedna waxaanu iswaydiinay “Sababta ay tani u dhacday ma waxa weeye ciidanka ayey ku dhexjiraan niman midnimada dalka diidani, ma niman mucaarad ah ayaa ciidanka ku dhexjira, ma kuwo kacaanka ka soo horjeeda ayaa ku dhex-jira”, ka dibna taasi waxay noqotay inay dhamaan nimankii ka soo horjeeday golaha dhergiga, kuwiii kacaanka ka soo horjeeday ee mucaaradka ahaa iyo kuwii midnimada dalka diidanaa oo dhami inta ay ciidamada dhexgaleen ayey qodqodeen, sidaa darteedna inta ciidamadii dhufaysyadii ka soo yaaceen ayey yidhaahdeen “Ma dagaalamayno”, ka dibna markii ay sidaasi dhacday ee ay ciidamadu soo yaaceen fursadda keliya ee aanu haysanay waxay ahayd inta aanu dooranoa meel wanaagsan oo la isku difaaci karo aanu dhufaysyo ka qodono, ka dibna aanu halkaa si ku meelgaadh ah isugu difaacno, dabadeedna markii aanu ciidamadii meel dejinay ee difaac ka gelinay ayaanu si aanay u yaacin oo cadawga waddo ugu banayn waxaanu xagga dambe ka dhignay ciidamo kale oo iyaga ilaaliya si aanay u yaacin . Waxa kale oo aanu ku dedaalay inaanu ogaano cidda ciidanka ku abuuraysa cabsida ah inay yaacaan ama baxsadaan, ka dibna dadka rayidka ah iyo isla ciidanka dhexdooda dadka taageersan kacaanka inta aanu soo xulanay ayaanu dirays u xidhnay, ka dibna ciidamada ku sii dhexdaynay si ay u soo ogaadaan cidda ka dambaysa arintan. Dabadeedna sidii ay IHABA-du yeeshay oo kale inta ay ciidamadii dhexqaadeen oo ay siyaalo kala duwan u waraysteen ayey nimankii falka caynkaas ah ciidamada ka dhexwaday soo saareen (Heleen), waayo bulsho meel taal sida ay dad wanaagsani ayey dhinaca kalena dad xuni ugu dhexnool yihiin, isla markaana dembiilayaasha inay mutaystaan ciqaabta uu dembigoodu le’eg yahay sharciga ayaa sheegaya, laakiin ciidanku sharci gaar ah ayuu leeyahay, sidaa darteed hawsha meesha adag ee meesha taalay iyo marxaladda la taagan yahay maadaamo ay u baahan tahay inaad xataa naftaada u hurto goobaha dagaalku sharci iyo dhishibiliin ciidamada lagu dhaqo ayey leeyihiin, anaguna taas ayaanu samaynay, ka dibna askariga sida dumarka inta uu diric xidho ka baxsanaya goobta dagaalka sharcigaa ayaanu marinay, maxaa kale oo aan sidaa ahayn oo aanu yeelnaa, adigu (Gannat) miyaanad taas ogayn, miyaadan Harar joogin, dadkii deganaa Harar iyo agagaarkeeda arintaa si toos ah ayey u wada garanayaa, waxay ahayd marxalad lala wada socday, markii miyaanay taasi (Ciidamada yaacaya) Itoobiya ceeb ku ahayn, sidee bay u dhacdaa inuu nin rag ah oo Itoobiya u dhashay inta uu ciidamadii Somaliya ee cadawga hortooda inta uu Diric xidho u cararaa.

Runtii waqtigaa waxaanu ku sugnayn marxalad dhimasho ah, waayo waxay su’aasha meesha timi ahayd “Tolow Somalidu ma sidii ay ku faanaysay ayaa dhab noqonaysa oo ilaa Hawaash ayey qabsanayaan, mise halkii ay ka yimaadeen ayeynu dib ugu celinaa”, isla markaana heer waxaanu gaadhnay aanu ciidamada dhexdooda wax iskaashi ah jirin, isla markaana uu dhishibiliinka ciidamadu gebi ahaanba xumaado oo aanu jirin taliye iyo cid loo taliyaa toona, waxayna cidda talinaysaa noqotay madaafiicda ciidamada Somalidu soo ridayaan, taas oo hadii uu madfac soo dhaco ay arintu noqotay in inta qoriga la iska tuuro, ka dibna cagaha wax laga dayo.

Ciidamada Somalida iyo anagu ma anagaa mar qudhaba dagaal kafool-kafool ah iskaga hor nimi waxaanu isugu jawaabaynay uun madaafiic iyo gantaalo, sidaa darteed hadii ay nimankaa dumiyayaasha ahi nagu sii dhex jiri lahaayeen oo aanaan iska dhex saarin miyaanu wax guul ahba gaadhi lahayn . Dabadeedna janaraal Tasfaaye Gabra Kidaan iyo niman kale oo saraakiil sarsare ah ayaa nimankii qaska iyo qalalaasaha ka dhex waday ciidamada inta soo qabqabteen ayey macal cadaymihii ka markhaati furayey inay falkan geysteen badka soo dhigeen, ka dibna iyaga oo dembiilayaal ah ayey amreen in ciidamada hortooda lagu toogto, laakiin nimanka caynkaa sameeyey marka tiro ahaan la eego aad bay u yaraayeen , balse falalka ay geysteen aad bay u waaweynaayeen, isla markaana dilkoodu ma ahayn mid si qalad ah u dhacay ee waxa dembigooda loo hayey cadaymo buuxa, ta kale markii la laynayey waxay kor ugu dhawaaqeen magaca ururkooda, iyaga oo leh “IHABA-du weligeed ha jirto”, ka dibna iyaga oo cadeeyey cidda ayey yihiin ayey sidaa ku geeriyoodeen.

La soco .

Top


Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa qoray C/salaan Caaro-dhuub Q:30aad.

Dacwi: Dacwigu waa halka ay gartu u dhimato (Ugu muhimsan), allahayow kaalin weyn ma gutay ama dagaal weyn ma ku jiraa ninka saymahaas oo kale kala baxa ama ka saara.

Nin gabyey ayaa yidhi “Raggu ka simman sagaalka iyo magta iyo suurad guudnimo’e , misna kama sinaadaan aqoon soofe iyo liide, sakal adag saraayaha markuu saajac ka hadlaayo, soke nimu bartiyo xaraf yaqaan saami kala geeye, nin siyaasad dheer iyo badwina kala su’aal roone”, waxa gabaygan tiriyey Ismaaciil Xaleef.

Dacwigu waa sida aad wax u leedahay oo aad sheegto iyo sidii aad uga hor degi lahayd waxa uu ninka kale sito ee kugula garamayo, iyadoo ay ereyada la odhanayo ee ninka ka soo horjeeda laga sii hor-degayo ay ka mid yihiin “Hadii uu odhan doono” IWM. Isla markaana adiga oo hadalka ku odhsanaya af-macaan, waxna aan dhimayn, waxna aan dhaafayn, kuna daraya talo iyo xirib.

Maluug: Waa wax kasta oo aad tuhunto, laakiin aaddan cadayn u hayn, sida tusaale ahaan nin aad is disheen oo agtaada qori ama hub kale la marmaray, taas oo ay dhici karto inuu kuu sito iyo inaanu kuu siddan ee uu iskii isaga sito, balse aad shakiday oo aad u malaysay inuu adiga kuu sito, laakiin aanad caddayn u hayn, ka dibna ninka muduciga ahi waxa uu odhanayaa “ Middi waa ii maluug, ninkaa waanu is laynay, waa nala ballansiiyey oo gar baa naloo qaadi lahaa, hub horena kuma arki jirin, balse inuu isaga oo hubaysan igu dul-wareegay oo uu col ahaa markhaati baan u leeyahay , laakiin inuu aniga ii sitay markhaati uma haysto, mar hadii ay caynkaa tahay inaan dhaar iyo tuhun-saar ku leeyahay rug muduci baan ka fadhiyaa, hadii ay ii cadaatona wixii ay leedahay ayaan doonayaa”. Laakiin marka uu muducigu markhaati buuxa helo , madaacalayguna waayo, iyadoo aan madaacalayga la dhaarin-ba waxa garta hela muduciga. Hase yeeshee marka uu muducigu markhaati-waayo, madacaalayguna markhaati helo buuxa (muduci-gawrac) waxa gar hela madaacalayga.

Marka uu muducigu helo markhaati kala dhiman, madaacalayguna waayo markhaati buuxa ninka muduciga ah ayaa lagu yeeshaa lug dhaar ah, dabadeedna hadii uu dhaarto isaga (Muduciga) ayaa gar helaya, hadii uu ka joogsado oo dhaarran-waayana waxa lagu gar-waayayaa ama gar helaya madacaalayga.

Hadii uu muducigu markhaati-waayo waxa markaa dhaar lagu leeyahay madacaalayga, ka dibna hadii uu dhaartaa maro waa lagu gar-waayey, hadii uu ka joogsadana waa lagu gar helay.

Marka ay muduciga iyo madaacalayguba helaan min saddex markhaari uu buuxa, hadana waxa lagu kala saarayaa dhaar, waxaana lagu gar helayaa had-ba ka dhaarta ka joogsada, hadiise ay labadooduba dhaartaan waxa markaa loo qaybinayaa wixii ay isku haysteen.

Ninka yidhaahdaa “Waxaas markhaatigii u fadhiyayow ka kac”, markaa ninkaa sidaa yeela wax markhaati ah lagu oogi-maayo, ninka sidaa yeelaana waxa uu qirtay wixii lagu eedaynayey ama loo haystay, laakiin sababta uu sidaa u yeelay ayuu sheegaa, taas ayuu dabadeed ku garnaqsadaa, sidaa awgeed waxa la waydiiyaa waxa uu isku difaacayo iyo markhaatiga uu isku difaacayo.

La soco.

Top


JILBO-DHIIG: Sheekadan waxa qoray Xasan Faarax, waxana Tifaftiray Axmed Ducaale Q: 30aad.

Biixi markii la xidhay dembiga iminka lagu haysto ee ay gabadhiisu ku soo oogtay ka sokow waxa kale oo diiwaanka dembiyada ugu jiraa xadhigii maalintii hore ee maalintii ay Xayaad u timi ee suuxday loo qabsaday, sidaa darteed waxa uu noqday nin ay laba dembi oo weliba ay labaduba yihiin kuwo uu dumar ka galay diiwaanka ugu jiraan, sidaa darteed hoosta ayaa si gaar ah ayaa loo calaamadiyey, waxaana loo arkay nin xuquuqda iyo madax banaanida dhinaca dimoqraadiyadda si weyn uga soo horjeeda, sidaa darteed maadaama uu cabudhinta dumarka ka shaqaynayo dembiile weyn ah oo aan ku noollan Karin dalka Ingiriiska.

Sidaa awgeed boolisku waxay markiiba u gud-biyeen maxkamad, halkaas oo ay kaga oogeen laba dembi oo uu dumarka ka galay intii uu London joogay, iyadoo ay boolisku ku tilmaameen inuu yahay nin aan loo dul-qaadan Karin, dabadeedna maxkamaddii markii ay dhegaysatay dacwaddii Biixi waxay ku xukuntay dhawr bilood oo xadhig ah iyo in dalka laga masaafuriyo, iyadoo maxkamaddu intaa raacisay inaanu kiiska Biixi wax ambiil ama racfaan ah lahayn. Sidaa awgeed Biixi markii uu dhawrkii bilood ee xadhiga ahaa dhamaystay ayaa laga masaafuriyey magaalada London, isaga oo aan dib u arag gurigiisii oo aan xataa maryihiisii hayn, laakiin intii aan la masaafurin waxa jeelka ugu yimi dhawr qof oo saaxiibadiisii shaqada ah, kuwaas oo u keenay waxoogaa maryo ah iyo waxoogaa lacag ah, ka dibna isaga oo shandad yar waxoogaa maryo ah oo aan badnayn ku sita ayaa madaarka London laga saaray diyaarad, hase yeeshee Biixi diyaaraddaasi waxay geysay Muqdisho oo ay markaa xabbadi ka qiiqayso, isla markaana uu si weyn u saameeyey dagaalkii dabada dheeraaday ee sannadaha badan ka oognaa, sidaa darteedna Biixi waxa uu yimi magaaladii Muqdisho ee markii ugu dambaysay quruxda badnayd oo aad meelihii ugu quruxda badnaa moodo xabaalo, ka dibna waxa uu la argagaxay burburka iyo fool-xumada ka muuqato magaalada, waxaase kaga sii yaab badnaa markii uu arkay maleeshiyaad hubaysan oo bahaloobay, taasina waxay ku dhalisay cabsi iyo werwer badan, wuxuuse raacay wiil reer Muqdisho ah oo isna masaafur ahaa oo ay isku diyaarad la socdeen, ka dibna wiilkaas oo uu reerkoodu magaalada deganaa ayaa ku yidhi aniga ila seexo inta aad helayso wax aad dhulkiinii u raacdo, dabadeedna Biixi markii uu muddo toddobaad ah magaalada joogay ayuu maalintii dambe waxoogaagii yaraa ee lacagta ahaa ee ay asxaabtiisu jeelka ugu keeneen tigidh ugu soo goostay diyaarad ka soo duulaysa madaar Muqdisho u dhow oo Hargeysa socod (Transit) ku sii maraysa, ka dibna waxa uu yimi Hargeysa oo iyana aan ahayn Hargeysadii uu yiqiinay ee ay wax waliba isbedeleen, hadii ay muuqaal tahay, hadii ay dad tahay, hadii ay dhaqan tahay iyo hadii ay wax kale tahayba. Dabadeedna markii uu laba-saddex maalmood joogay ee uu nin isku jilib oo makhaayad ku haysta mooyee cid kale ka garran-waayey ayuu reerkoodii miyiga waraystay halka ay degan yihiin, ka dibna inta uu shandadii calaladu ugu jireen dhegta qabsaday ayuu baabuurkii tuuladii reerkoodu agyaalay tegaya dabada qabsaday, laakiin ninkii ay isku jilibka ahaayeen ee makhaayadda haystay ayaa Biixi u sheegay in aabihii magaalada yimi, isaga oo doonaya inuu wiilkiisa Biixi iyo London la hadlo, balse markii uu gurigii London la hadlay ay telefoonka ka qabatay gabadhiisu, ka dibna ay ku tidhi “Wiilkaagii wuu dhintay”, ka dibna uu odaygu magaalada ka tegay isaga oo muraaradilaac ah. Dabadeedna Biixi naxdin ayuu la madoobaaday , waxaayna taasi ku dhalisay inuu awelba isaga sii socday degdeg magaalada uga baxo oo uu reerkoodii sia degdeg ah ugu tago si uu u tuso inuu nool yahay oo been loo sheegay.

Biixi markii loo sheegay warkaa naxdinta leh ee ay gabadhiisii sheegtay waxa gabadhiisii Saynab ee aanu weli furin ka sii qaaday calool-xumo, waxaana isugu darsamay tii ay London kaga samaysay iyo warka xun ee reerkooda u sheegtay.

La soco.

Top


Hambalyo Doorasho.

Dhamaan shaqaalaha shirkadda qaadka ee Barako B-611, Maxamed Cabdi Shire, Mustafe Guray Jaamac, Mustafe Axmed Cali, Maxamuud Baaruud Cabdi, Maxamuud Bardhale Qordan iyo dhamaan shaqaalaha makhsinka Hargeysa Barako B-611 waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin ee dhawaan loo doortay xilka hogaanka qaranka somaliland.

Top


Hambalyo Aroos.

Ayeeyo asli ibraahim, aabo c/laahi cali xirsi, hooyo ruqiya qawdhan muxumed, axmed c/laahi iyo xaaskiisa, sawsan c/laahi cali, sucaad c/laahi cali, c/casiis c/laahi cali, saami c/laahi cali, saamiya c/laahi cali, saleebaan aadan qawwdhan waxa ay hamballyo iyo bogaadin u dirayaan arooska mukhtaar muxumed maxamed iyo sabaax ismaaciil c/laahi oo aqal-galkoodu ka dhacay magaalada hargeysa 25/004/03 waxaanay ilaahay uga baryayaan inay bashbash iyo barwaaqo ku noolaadaan ubad kheyr qabana kala helaan, aamiin.

Top


 

 

Top

 

Top