Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 320 Date April 28, 2003

“Xisbiga Kulmiye Dunidaa Ina Soo Eegaysa Xaqiisa Uga Hadhi Maayo, Guddiga Doorashadana Waxaanu Leenahay..” Shir-Jaaraa’id-xubno ka tirsan madaxda xisbiga KULMIYE.

Odayaasha Golaha Guurtida Oo la Gudoonsiiyay Koob Nabadda Ah.

“Waaan Xusuustaa Kelmad Uu Saleebaan-Gaal Ku Yidhi Marxuumkii,”
Kaltuun X.Daahir.

Xoghayahaga Gaashaan-Dhigga Maraykanka Oo Booqanaya Dalal Khaliijka Ah.

GARTA DHAQANKA IYO XEERARKA SOMALIDA.

DIL-DILAACII UBAXA IYO KACAANKII DHERGIGA.

Jilbo-dhiig.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Dhulkayagii waxa lagu dhisanayaa sharci darro.

Marna Kama Tanaasulayno Wixii Aanu Xaq U Leenahay.

Xaalku Ma Qabsaa Ku Qadi Mayside.


“Xisbiga Kulmiye Dunidaa Ina Soo Eegaysa Xaqiisa Uga Hadhi Maayo, Guddiga Doorashadana Waxaanu Leenahay..” Shir-Jaaraa’id-xubno ka tirsan madaxda xisbiga KULMIYE.

“Dad shaqaale iyo ciidamo ah ayaa lagu ruqseeyay KULMIYE aad u coddeyseen, nabadgelyadana waxa dhaawacay …”

Hargeysa (Haatuf): “Waxa jira niman waaweyn oo siyaasiyiin ah oo dawladdan mansabyo waaweyn ka soo qabta, sida heer wasiir, heer maayarnimo iyo heerar kale oo kala duduwan oo maanta nasiib daro u hadlaya qaab qabiil”, sidaa waxa yidhi xubno ka mid ah xisbiga KULMIYE oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxayna shirkaa jaraa’id kaga hadleen arimo dhawr ah oo la xidhiidha mawduuca muranku ka taagan yahay ee murranka natiijada doorashada oo ay si weyn ugu murransan yihiin labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE, laakiin nimanka xisbiga KULMIYE uga hadlay shirkaa jaraa’id waxa ka mid ahaa arimaha ay afka ku dhufteen arin la xidhiidha sanaaduuq la xayiray ee ay rag ka soo jeedda degaanka bariga Hargeysa sheegeen inay sanaaduuqdaa la xayiray meelka dhac ku tahay xuquuqdii doorasho ee degaankooda, iyadoo sida la sheegay dacwad arintaa ku saabsana loo gudbiyey maxkamadda sare, waxa kale oo ay qolada KULMIYE ka hadleen idaacadda Raadyow Hargeysa oo ay sheegeen inaan laga sii dayn barnaamijyada iyo wararka xisbigooda, isla markaana laga soo caayo, sidoo kale waxay shirkooda jaraa’id ku sheegeen in dadka ciidamada iyo shaqaalaha dawladda ka tirsan ee lagu tuhmo inay xisbigooda taageersan yihiin la saaray cadaadis badan. Waxa kale oo ay shirkooda jaraa’id ku iftiimiyeen mawqifka iyo waxa ay ka filayaan dacwadda natiijada doorashada ee hadda hortaal maxkamadda sare.

Laakiin afhayeenka xisbiga KULMIYE oo ugu horayn shirkaa jaraa’id ka hadlay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “shirkan waxaanu doonaynaa inaanu kaga hadalo arimo khuseeya dhinacyada nabadgelyada, siyaasadda iyo arimo khuseeya dhinaca guddiga doorashooyinka.”

Intaa ka dibna Dhimbiil waxa uu ka hadlay niman uu ku tilmaamay siyaasiyiin, laakiin aanu magacaabin, isaga nimankaa ka hadlayana wuxuu yidhi “Waxaad arkaysaa niman waaweyn oo siyaasiyiin ah oo dawladda ka soo qabtay xilal heer wasiir ah iyo kuwo xilal ay maayaro ka mid yihiin soo hayey, kuwaas oo maanta nasiib daro u hadlaya qaab qabiil ama qaab xaafadeed, iyagoo ka mid ah nimankii shalay u ololaynayey xisbiga UDUB, taas oo ay ahayd inay ku adkaystaan xisbignimadooda, laakiin may ahayn inay u noqdaan qaab reernimo, waxaana la filayey inay xaaladdani tahay mid laga gudbay siyaasaddii marba shaadh la xidhanayey oo loo gudbay nidaam xisbiyo ah, masalan qoladayadan Kulmiye waxaanu is leenahay waxaad afkooda ku hadlaysaan rubuc malyuun dadka reer Somaliland ah (Dadkii u codeeyey), qoladaana (Siyaasiyiinta aanu magacaabin) waxaan filayaa inay sidaas oo kale ahaayeen, balse may ahayn inay arin qabiil ama xaafadeed ku soo noqdaan. Ta kale cabashooyinka laga hadlayo ee ah dad baa codkoodii la daboolay anaguba hadii aau Kulmiye nahay waanu la qabnaa, laakiin arinta maalinba shaadh loo gelinayo ee la leeyahay mar xisbinimo ayey ku qurux badan tahay, marna la leeyahay xaafad ayey ku qurux badan tahay, waxaan u arkaa inay yihiin kacdoono la abuurayo oo la doonayo in lagu jihowareeriyo deganaanshaha iyo nabadda lagu noolyahay, waxaanse uga leeyahay dadka noocaa ku shaqaysanaya inay iska daayaan”.

Maxamed Iid Dhimbiil waxa kale oo ka hadlay guddiga doorashooyinka, isaga oo daba socda hadalo ka soo yeedhay xubnaha guddiga doorashooyinka, taas oo uu gudoomiye-kuxigeenka guddiga doorashooyinka, C/laahi Jawaan sheegay inuu xisbiga KULMIYE eedaymo aanay lahayn u soo jeediyey, laakiin afhayeenka KULMIYE wuxuu yidhi “Run ahaantii guddiga doorashadu waa aadame oo way qaldami karaan, saxna way noqon karaan, iminka anagu Kulmiye ahaan wax badan ayaanu tirsanaynaa, waxaanuse ka xunahay xubno maanta (Shalay) u hadlay guddiga doorashooyinka, kuwaas oo ka cawday inuu xisbiga KULMIYE dhaleeceeyey, balse anigu ma ogi meel uu xisbiga Kulmiye ku eedeeyey guddiga, laakiin komishan ahaan gefta iyo qaladka aad gashaan ma aha wax la qarinayo ee waa wax ummadda loo soo bandhigayo oo loo sheegayo, anaguna tirooyinka naga maqan sida ay tahay ayaanu u soo bandhigaynaa. Ta kale halka dadka lagu beerlaxowsanayo ama lagu cabudhinayo ee la leeyahay caalamka ayaa ina soo eegaya waxaanu leenahay xaq aanu leenahay uga hadhi mayno, waxaanuse leenahay caalamka ayaa ina soo eegaya ee adigu xaq darada ha samaynin, ummadduna waxay leedahay tolow maxay ku dambayn doontaa natiijadii doorashadu, markaa ummadda waxaan tusayaa sida xaqu yahay iyo waxa iga maqan, waxa kale oo aan ummadda tusayaa gefka iyo dhibka aad keentay, waxaana leeyahay ummaddaay arka, caalamkow arka, dacwadana waxaanu maraynaa qaabka ay leedahay, maxkamaddana waanu geynaynaa, xisbiga KULMIYE-na waxa uu aaminsan yahay inuu yahay xisbiga ku guulaystay doorashada, waxaanuna u aragna in xaqiisii la dhacay, taasina lagama aamusayo.”

Ugu dambayn Maxamed Iid Dhimbiil waxa uu hadalkiisa ku soo xidhay “Anaga ayey ahayd inaanu maanta ka cabano guddiga doorashooyinka, inaanu dawladda ka cabanno anaga ayey ahayd, waayo iska dhaaf wax kale oo codkayaga ayaa laga xayiray Raadyow Hargeysa, waayo weli shir jaraa’id oo aanu qabanay oo ka baxa Raadyow lama arag ama fariin aanu dadka u gudbinayno dadka laga sii daato Raadyow Hargeysa, halka inanta yar ee UDUB tahniyadaynaysa maalin walba laga sii daayo, sidaa awgeed maadaama codka UDUB uun laga gudbinayo, waxaanu leenahay ma aha Raadyow Hargeysa ee waa raadyow UDUB.”

Waxa kale oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee xisbiga KULMIYE, wuxuuna ka hadlay arimo siyaasadeed oo dhinacyo badan leh, isaga oo ugu horayn dhaliilay siyaasadaha maamuladii isaga dambeeyey Somaliland, wuxuuna sheegay inay taasi qayb ka tahay siyaasadaha fadhiidka ah ee ka jira dalalka Afrika, isaga tusaale u soo qaatay dawladdii ka jiri jirtay Jamhuuriyaddii Somaliya dhaqamadii kelitalisnimo iyo siyaasadihii xukun qalooca ku dhisnaa ee ay ku dhaqmi jirtay, sababayna burburkii weynaa ee dhacay, laakiin waxa uu sheegay inaanu dhaqankaasi suulin ee uu yahay wax soo noqnoqday oo ilaa maantadan ka muuqda hab-dhaqanka maamulka Somaliland, wuxuuna tusaale u soo qaatay idaacadda Raadyow Hargeysa, isaga oo yidhi “Waa ayaan daro inu Raadyow Hargeysa maanta noqon waayo Raadyowga qaran iyo Raadyow taariikhiya, iyadoo la ogyahay taariikhda Raadyow Hargeysa, shalay ayaa ummadda laga caayi jiray oo la caayi jiray culimada, wax garradka, SNM-tii, maantana intii ayuun baa laga caayaa, masalan maalin dhowayd waxa khayriyadda lagaga hadlayey xuskii ardaydii loo laayey xadhigii dhalinyaradii UFO, dabadeedna wasiirka warfaafinta ayaa markii meesha laga tegay inamadii weriyayaasha ahaa inaanay ka sii dayn karin hadaladii meesha ka baxay idaacadda, laakiin wasiirka waxa ka maqan imisa wasiir oo dawladdii Somaliyeed ka mid ah ayaa sidii ay u lahaayeen iyo kacaan diidka soo caaya, ka mid noqday xubnihii dawladdii Siyaad Barre ee mid-ba maalin Xamar ka baxsaday, markaa idaacadda Raadyow Hargeysa ummaddu ma wada laha ee xisbi ayaa iska leh, ummaddana taa waanu ka tacsiyadaynaynaa, masalan markii salaadiinta la xidhxidhay barnaamijyadii Raadyow ka baxay waxa ka mid ahaa Samadiidow oo ka mid ah heesihii dadka la dilayo loo qaadi jiray, sidoo kale tusaale ahaan maalintii dhowayd ee uu xisbiga Kulmiye qabtay shirkii weynaa ee uu ku soo bandhigay qaabkii uga cabanayey natiijadii doorashada warkaa lagama sii dayn Raadyow Hargeysa, galabnimadiina waxa laga sii daayey war degdeg ah oo naga soo gaadhay xisbiga UDUB, balse xisbiga UDUB ma diidanin in warkiisa laga sii daayo Raadyow oo xaq buu u leeyahay, laakiin waxa ayaan daro ah kana waa laga sii daynayaa, kana laga sii dayn maayo, markaa taasi waxay noqonaysaa kacaankii iyo kacaan diidkii.”

Maxamed Kaahin waxa kale oo ka hadlay nabadda iyo xasiloonida Somaliland ka jirta, taas oo uu tilmaamay inay bud-dhigeeda lahaayeen dadweynaha iyo wax garadka Somaliland, balse aanay ahayn wax ay dawladda iyo golayaasha baarlamaanku ku faanni karaan, isaga oo yidhi “Ergadii ka timi shirkii nabadaynta ee Beer lagu qabtay markii ay Hargeysa yimaadeen ciddii diiday waxay ahaayeen 15-kii nin ee shirgudoonka ka ahaa shirkii Hargeysa ee 97-kii, sidoo kale ergadii Hargeysa ka baxaysay ee shirka Beer tegaysay Xasan Xaydh baa ka mid ahaa waxa lagu yidhi Israa’iil baad tegaysaan, shirkii ugu dambeeyeyna waxa uu shirgudoonka afmiinshaariinta ah, taasina waxa dadka walaalaha ah kala fogeeyey.”

Maxamed Kaahin waxa kale oo uu ka hadlay sanaaduuqda la xayiray iyo dacwadda la xidhiidha in sanaaduuqdaa xayiraadda laga qaado, wuxuuna yidhi “Masalan sanduuqii Balli-calanle hadii uu komishanku yidhi sharciga awgii loo tirin maayo ma meeshii ayaanu muusanow la tagnaa dee sharcigii baa diiday ee sharciga ayaanu uga ashkatoonaa, markaa maxaa loo samaynayaa sawir ah reer hebel baa la diiday codadkiisii, laakiin saaxiibadayda UDUB ku jira waxaan leeyahay reeraha haku meeraysanina’e aragtidiina siyaasiga ah ka hadla ileyn ma jirto cid reera meteshaa, sanaaduuqdana asxaab baa ku tartantay, cabashadoodana waxa loo marayaa sharciga.”

Maxamed Kaahin waxa kale oo ka hadlay arimaha nabadgelyada, laakiin isaga oo tilmaamaya waxyaalaha nabadda iyo xasiloonida waxyeeli kara wuxuu yidhi “Arimaha nabadda waxa wax u dhimaya dadka sharci darada lagu xidhayo, waayo waxa jira dad badan oo sharci daro loo xidhay, arintaasna waxaanu leenahay xukuumaddu haka dayso, masalan siyaasiyiinta qaarkood waxay yidhaahdaan aduunyadii way ina soo eegaysaa, waa run aduunyadii way ina soo eegaysaa, waxayna igu soo eegaysaa Somaliland ma buuxinaysaa shuruudihii lagu aqoonsan lahaa, markaa hadii aynu mar walba dhaawacno shuruudihii laynagu aqoonsan lahaa, oo aynu doorashada isku boobno oo aynu maxkamaha cadaaladda la isku boobo taasi waxay dhaawacaysaa aqoonsiga.”

Maxamed Kaahin waxa kale oo shirkaa jaraa’id ka sheegay in la xidhxidhay ama cadaadis la saaray dadka shaqaale dawladeed ah ama ciidamada ah oo loo tiriyey inay taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, wuxuuna yidhi “Masuul Booliska ka tirsan oo maalintii doorashada xidhay gaadhi u socda si sharci daro ayaa la xidhay, goorma ayeynu gaadhnay arintu in marka aan masuul noqdo xaaskaygu marka ay dembi gasho loo xidho askari boolis ah loo xidho, taasna cadaynteeda waanu haynaa, waxa kale oo nabadgelyada dhaawacaysa xoolaha ummadda ka dhexeeya e baanka laga gurayo ee ay inqudhina isticmaalayso, inna lagu hor isticmaalayo, markaa waxaanu leenahay xoolahuna ha inaga dhexeeyeen, aynuna noqono saaxiibo siyaasadda ku tartama, taas ayaan nabadgelyada dhaawacaysa, waxa kale oo dhaawacaysa Raadyowga ummadda ka dhexeeya ee la iska caayo, sidii shalay Raadyowga laga lahaa taageerayaasha Kulmiye waxa la yidhi soo mudaharaada, anagu taa maanu odhan, dadkii sidaa lagu yidhina waanu uga tacsiyadaynaynaa.”

Maxamed Kaahin waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaanu leenahay arinta wax dhaawacaysaa waxa weeye arinta uu xisbiga UDUB uu maanta ku socdo ee uu doonayo inuu dalkan qasab ku maamulo oo ay maxkamadaha iyo booliskuna isaga u adeegaan, waxa jira dad shaqaale dawladeed ah iyo dad ciidamada ka mid ah oo qaarkood lagu ruqseeyey KULMIYE ayaad u codayseen, qaarna hadda loogu hanjabayo KULMIYE ayaad u footayseen, qaarna waxa lagu eryey waxaad gashay guriga siilaanyo, xoghayihii dawladda hoose Gar-adag waxa lagu bedelay Kulmiye ayaad tahay, xoghayihii dawladda hoose ee Ceerigaabona waxa lagu bedelay Kulmiye ayaad gashay, masalan waxa jira hawl-wadeen dawladda ka tirsan oo la siiyey aqoonsi siyaasadeed oo UDUB ah, oo weliba jooga mid ka mid ah ilaha dhaqaalaha, kaas oo loo fasaxay inuu dhaqaalahaa sida uu doono ugu tagri falo xiligii kaambaynka, midna waxa lagu haystaa Kulmiye ayaad u codaysay, cadaaladaasi intee bay isu jirtaa, markaa saaxiibada UDUB waxaanu leenahay waar sidaa ku socon mayso ee ka daaya, mana aha in qofka shaqaalaha ah ama ciidanka ah ay xuquuqdiisu qof ku salaysnaato, masalan ciidankii Somaliyeed o 1977-kii lagu qiimeeyey ciidanka afrikada madaw ugu tayada badan waxa uu ku burburay markii loo kala saaray kacaan iyo kacaan diid”.
 

Top


Odayaasha Golaha Guurtida Oo la Gudoonsiiyay Koob Nabadda Ah.

Hargeysa (Haatuf): Ururka Ictiraaf Raadinta Somaliland (Siraag) oo ka mid ah ururada Qurba-joogga Somaliland xaruntiisuna tahay dalka Ingiriiska, ayaa shalay Golaha Guurtida gudoonsiiyay koob ay ugu magac dareen koobka nabadda, fadhi ay lahaayeen Golaha Guurtidu oo koobkaa lagu gudoonsiiyay xarunta Golaha, waxa ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Sheekh Ibraahim Sh. Yuusuf oo sheegay in ay tahay markii ugu horaysay ee abaalmarin la siiyo golahaa, wuxuuna yidhi: “Way mahadsan yihiin taariikhda ayayna gelayaan.”

Maxamed Rashiid Sh. Xasan, ayaa isna hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay ku sheegay in aanay ahayn hadyad weyn, laakiin uu koobkani calaamad nabadeed.

Gudoomiyaha ururka Siraag, ayaa faahfaahin ka bixiyay hawlaha ururkoodu qabto, wuxuuna sheegay in ay jiraan ururo kale oo ay wada xidhiidheen, isla markaana ay Jaaliyadaha iyo ururada debedda ee qurbo-jooga Somaliland 18 bisha ku kulmi doonaan shirweyn oo dalka Holland ka dhici doona. Mr. C/fataax, wuxuu mudanayaasha guurtida tusay warqad uu sheegay inuu Raysal-wasaaraha Ingiriiska Tony Blair ku sheegay in aanay Somaliland iyo Soomaaliya iskaga khaldanayn, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “In badan ayaanu arrinta qadiyadda Somaliland kala hadalay Raysal-Wasaaraha Ingiriiska, balse inkasta oo uu noo garaabay wuxuu noo sheegay in aanu wixii mudadaa ka horeeyay arag wa kala hadlaya arrinta Somaliland.”

Laakiin Gudoomiyaha Siraag, wuxuu xusay in ay dedaal badan sameeyeen oo ay xataa ka guulaysteen in Basaboorka Somaliland lagu galo dalka Ingiriisak, isagoo sheegay in ay la xidhiidheen dawladdaa Ingiriiska sidii ay dadka ka socda hay’adaha Somaliland iyo ururada bulshada ee u baahda in ay hawlo u tagaan dalka Ingiriiska ugu heli lahaayeen, wuxuuna sheegya in ay wasaarada arrimaha dibadda ee Ingiriisku u ogolaatay toddoba fiise, laakiin fiisayashii mid mooyee intii kale la iibsaday, arrintaasina ay noqotay mid ay aad uga xumaadeen.

Gudoomiyaha ururka Siraag, wuxuu sheegay in ay ku guulaysteen in Baasaboorka Somaliland lagu galo dalka ingiriiska, taasuna ay ahayd mid ahmiyad gaara ay siinayeen, waxaanu yidhi; “Macno ma samaynayso fiisayaasha waa la iibsaday ee waxa macne noo samaynaysay Baasaboorka Somaliland oo lagu galay dalka Ingiriiska.”

Gudoomiyaha ururka Siraag, wuxuu sheegay in ay ku dedaalayaan sidii ay golaha guurtida gacan uga siin lahaayeen in ay la xidhiidhaan aqalka odayaasha ee Ingiriiska, wuxuuna yidhi, “Dunida aanu joogno dawladda iyo xisbiyada lama daneeyo, waxa loo arkaa in ay wax kala jiidanayaan, laakiin golahan oo kale ayaa la dhagaystaa.”

Gudoomiyaha Siraag mar uu ka hadlayay Baarlamaanka Ingiriiska, wuxuu sheegay inuu markii hore jiray mudane arrinta Somaliland aad uga doodi jiray, laakiin ay hadda ku guulaysteen 27 mudane in ay ku yeesheen Baarlamaanka, oo ay soo kordhayaan Mudanayaasha ka caawinaya in ay ka hadlaan arrita Somaliland, wuxuuna gudoomiyaha ururka Siraag gudoonsiiyay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Sheekh Ibraahim koob ay ugu magac-dareen koobka nabada.

Fadhigii golaha ee shalay ka hor intii aan la gudoonsiin koobka waxa ka socotay dood ku saabsan xeerka ugaadha oo golaha wakiilladu hore ugu soo gudbiyay. 

Top


“Waaan Xusuustaa Kelmad Uu Saleebaan-Gaal Ku Yidhi Marxuumkii,”
Kaltuun X.Daahir.

“Waxa laga joogaa 6 sannadood iyo 3 bilood markii lagu doortay Maxamed Ibrahim doorashadii shirkii baarlamaanka iyo guurtida ee ka dhacay Somaliland. Xafladii dhaarta ee lagu qabtay Madaxtooyadana wuxu kaga ballan qaaday inuu hirgelin doono habka axsaabta xorta ah. Taas oo muddo ka dib keentay dhalashadii XISBIGA DIMUQRAADIGA UMMADA BAHAWDEY (UDUB). Waxooga ka bacdina lagu dhawaaqey Axsaab siyaasadeed kale oo ay ka mid ahaayeen , UCID, SAHAN, HORMOOD, KULMIYE, iyo ASAD.

Waxa dhacday in bishan aynu ku jirno ee April bisheedii sanadkii hore aanu u baxnay dalka S. Africa ee uu madaxweyniliii ku soo geeriyoodey, daawooyinkii loo qoray ee lagu yidhi halkan ku dhamayso wuxuu ka doorbiday in uu duuduub ku qaato oo dalkii kula noqdo. Isagoo mar walba jawaabtiisu ahayd "Wax isugaya Saddex Doorasho oo waaweyn", mana soo noqon karo doorashooyinkaas oo iga dhamaada maahee. Ma ay noqon sidii uu ku tala-galkiisu ahaa ee waxay noqotey sidii Illaahay ugu talo galay waana kii ka (MANA QAATEY).

Illaahay mahaddii sidii Marxuumku niyadda ku hayey ayay doorashadii koowaad inoogu dhacday bishii December 15keedii. Si nabadgelyo lehna way inoogu dhammaatay, Illaahayna mahad badan aynu uga celino.

Wakhtigaa waxa aad loo hadal hayey in dawladda wakhtiga 1oo kordhin doono, laakiin ay taa dawladdu ka doorbiday in aan dhabihii marxuunku jeexay laga weecan. Waanan ku amaanayaa.

Taasi waxay lammaanaysay doorashii distoorka Somaliland oo iyana baal dahab ah ka gashay taariikhdeena. Doorashada degaanku waxay u dhacday si nabad gelyo ah oo aan lays xagxagan, dhibaatana ka dhicin.

Waxa dib inooga dhacday oo aan inoo hirgelin doorashadii guurtida iyo baarlamaanka oo muddo lagu daray, taana goortii Illaahay idmo ayaa la qaban doonaa.

Waxa taa ka weyneyd oo dibad iyo gudaba looga dheg taagaayey doorashada Madaxtooyada Somaliland, nasiib wanaag waqtigii loogu talogalay ee ahyd 14-April ayey qabsoontay. Waxaad moodaa inuu madmadow ka dhashay natiijadii doorashada oo qolo waliba wax is weydaarin ku cabatay, inkastoo aanay weli soo bixin natiijada maxkamada Sare.

Waxaan leeyahay oo ku celcelinayaa in aanay arrintu maanta dhextaagnanyn laba xisbi oo kala guulaystay, oo koleyba guushu cid ayuun bay raaci lahayd, laakiin arrintu maanta waxay taagan tahay badbaadintii Somaliland mar saddexaad la badbaadin lahaa, waar arrintu ma sahlana ayaan mar labaad idin leeyahay, meeshii 60-kii ayay maraysaa dalka hala badbaadiyo oo halagu guntado.

Dadkii dalkan lahaa ee lexejecladu ka haysay maye, Culamaa'udiinkii, Siyaasiyiintii, Salaadiintii, Cuqaashii, Beel-dhaqmeedyadii, ganacsatadii, . waxgaradkii, mutacalimiintii. Waxaa maanta dadku u baahan yahay wacyi-gelin aad u fara badan iyo isu caqli celin.

Sababtoo ah, dadkii waxa ku qufulan kala shaki waxaana abuurantay xamaasad iyo jahwareer siyaasadeed oo cakiran. Waxaa waajib ah oo xasanaad Illaahayna ku jiraa in xaqa lagu adimaa haddii uu mur ka qadhaadh yahay, taasaana loogu hiilin karaa xaqa, xoriyadda, iyo dimuqraadiyadda. Waxaa quman in aan la sugin inta xeedho iyo fandhaal kala dhacayaan wax walibana dayacmayaan.

Waa mid meesha ku jirta in lays xusuusiyo nabadda aynu maanta haysano, waana arrin aynu caalamka ka iibin karno, taasoo ah arrin laynagu majeerto, cidkastaaba nabadaa hormood ha u ahaato oo dhidibada ha u taagtee. Waa in la dhawro oo dibindaabyada laga ilaaliyo. Taasi waxay ina xusuusinaysaa hadalkii waayeelnimada iyo odaytinimadu ka muuqatey ee xambaarsananaa murtida culus ee uu yidhi Ahmed Mohamed Mohamoud (Siilaanyo) ee ahaa "Dalka annagaa cid walba uga lexejeclo badan".

Inaynu murtidaa sideeda u qaadano oo qofwaliba nabadgelyada dhiniciisa iska taagaa waa waajib ina wada saaran. Nabadgelyadu waxa ay micno iyo qiimo ugu fadhidaa cid aan hayn.

Waxaan jeclahay inaan ka jawaabo su'aal had iyo goor igu soo noqnqota oo ah xisbiga iyo cidda aan taageersanahay. Horta anigu waxaan ahay (Hooyadii Somaliland) mar haddii aan hooyo noqdayna waxaa igu qasab ah in ay ii sinnaadaan xisbiyada siyaasiga ah ee dalka ka jiraa, mucaarid iyo muxuufidba. Iyaddoo arrintaasi jirto, ayuu haddana xisbiga UDUB yahay xisbi aan aasaaskiisa iyo dhismihiisiiba gacan weyn ku lahaa.

Aqalkaygiina ka soo unkamay oo aan ugu wan-qalay. Aniga iyo Mohamed Ibrahim baana bixinay magaca UDUB, waana waajib isaaran inaan ku tahniyadeeyo guusha uu gaadhay. Haddaba aan eray kaftan ah raacsadee waxan ahay UDUBtii hore ee ma ihi UDUBta cusub sida ay rag ku tiraabaan.

Waxaan xusuustaa kelmad aad u miisaan weynayd meeshana ku jirtay oo uu Saleebaan Maxamuud Aaden (Saleebaan-Gaal) ku yidhi Mohamed Ibrahim Egal markii uu kaga guuleystay doorashooyinkii 1997kii, ereygaa oo ahaa "Madaxweyne, waxaan ku xusuusinayaa in kii kuu codeeyey iyo kii kaa codeeyeyba aad maanta labadaba Madaxweyne u wada tahay.' Marxuumku markaa isagoo ereygaa tixgelinaya ayuu xubnihii ugu muhiimsanaa dawladdii uu markaa dhisay ka qaatay guruubkii aan u codayn, markii dambena xubno waxtara ka noqday dawladii. Isla eraygaa ayaan u jeedinayaa xisbiga maanta guuleystay inuu maanka ku hayo kuna dhaqmo.

Waxaa marxuumkii labadiisa hadaf ee ugu waaweyni ahaayeen in doorashooyinka la hirgeliyo iyo in ictiraaf la helo. Doorashooyinkii way inoo hirgaleen taa waxa daba socday oo sanka ku soo hayey ictiraafka sidii dawladaha qaar inoo ballaD qaadeen. Ilaahay idamkii si dhakhso ah ayeynu u heli doona ictiraafka. Dawladuna waa in ay guntiga dhiisha isaga dhigto, hadafkeeda koowaadna ka dhigato.

Hadal iyo murti, jid dheer baynu soo marnay iyo tacab, tacab dabadii baana raaxo la gaadhaa. Weynu soo marnay wixii dhibaato ahaa inaga oo u dhabar adaygnay Illaahayna inala qabtay, haddaba yeynaan noqon kuwii tacabkoodii gacantooda ku dumiyey ama ku baabi’iyey, ee aynu ilaashanno oo aynu hareeraha iska taagno. Xornimada iyo nabadgelyada ilaahay inagu manaystay oo ah deeq iyo raxmad aan oolin Afrika inteeda badan iyo dalal la ictiraafsan yahay oo kaleba, taas oo laga yaabo in aan badhkeena badaniba maanta garanayn; Ilaahay baa mahad leh.”

Top


Xoghayahaga Gaashaan-Dhigga Maraykanka Oo Booqanaya Dalal Khaliijka Ah.

Dubai (W. Wararka) Xoghayaha arrimaha debadda ee Maraykanka Donald Ramsfeild ayey maalintii shalay u bilaabantay booqasho uu ku marayo dalalka Khaliijka waxaanu booqashadiisa ku bilaabay dalka Imaraadka Carabta, isaga oo uga sii gudbi doona dalalka kale oo ka tirsan Khaliijka.

Donald Ramsfeild oo muddada uu joogo dalka Imaraadka Carabta wada hadalo la yeelan doona madaxda dalka Imaraadka Carabta waxa uu la soo qaadi doonaa arrimo ay ugu horeyso xaaladda dalka Ciraaq iyo ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalkaasi.

Ka dib waxa uu gudbi doonaa dalka Qatar oo uu ku yaalo saldhiga dhexe ee looga taliyo ciidamada Maraykanka ee ku sugan Khaliijka, isaga oo ka war heli doona halka ay marayaan dagaalkii ay ciidamadaasi ka wadeen dalka Ciraaq.

Xoghayaha gaashaandhiga ee Maraykanku waxa kale oo lagu wadaa inuu booqasho ku tago dalka Ciraaq oo ay ciidamada Maraykanku ka wadaan hawlgalo ay ku dejinayaan dalkaasi, ka dib markii ay xukunka ka tuureen maamulkii Sadaam Xuseen.

Booqashadiisu waxay ku soo beegantay iyada oo aanay caddayn muddada ay ciidamada Maraykanku ku sugnaanayaan dalka Ciraaq iyo iyada oo uu socdo hawsha dib loogu dhisayo dawlad ku meel gaadh ah oo dalkaa laga dhisayo.

Top


GARTA DHAQANKA IYO XEERARKA SOMALIDA.

Waxa kale oo jira wax la yidhaahdo Markhaati-bacood: masalan waxa dhici karta inay isku dhegaan laba beerood ama daarood, oo aanay muddo cidina deganayn, ka dibna ay asaartii u dhaxaysay guurtay ama baaba’day, isla markaana aanay qolona haysan markhaati iyo cabir wax cadaynaya, laakiin ay qolo waliba dhinaceeda leedahay meeshaydu waxay ahayd halkan iyo halkan, sidoo kalena dadkii meesha yaqaanay iyo deriskiina waxay yidhaahdeen si sugan u garan mayno, balse waanu malaynaynaa.

Sidaa awgeed markay taas oo kale timaado qoladii tidhi si sugan u garan-mayno laakiin waanu malaynaynaa, ayaa loo dhiibayaa ul oo la odhanayaa meesha aad u malaynayso inay ahayd xariiq, taas oo haddii ay masalan dhawr qof yihiin marba qof la odhanayo meeshii xariiq ama is-dultaag, markaa taas oo kale ayaa la yidhaahdaa markhaati-bucood.

Waxa kale oo dhacda in qof yidhaahdo hashaas anigaa leh, dhulkaa anigaa leh ama shaygaa anigaa leh, kama iibin hebel mana siin, taas oo kale markaad tidhaahdo waxay noqonaysaa sheeko ama warbixin, waxayse gar noqonaysaa marka aad tidhaahdo “Gurigaa anigaa leh, inaan leeyahayna waan cadaynayaa ama markhaati baan u haystaa.”

Markaa arrinta aad cid u sheeganayso ama laguu sheeganayo ee aad iska riixayso waxa lagama maarmaan ah inaad markhaati u oogato, ama wixii kale ee aad cadayn u hayso, isla markaana marka aad gar ooganayso waxad raacin kartaa maah maah, odhaah, gabay, ama geeraar iyo murti kaleba marka aad taas oo kale markhaati u oogato waxa la yidhaahdaa Rugayn, laakiin marka aad hadalkaaga murti raaciso waa sii adkaysay oo waxa la yidhaahdaa lafayn, adiga oo weliba sii raacinaya “haddii ay ii cadaato waxay leedahay baan doonayaa”, balse haddii arrintii sheegto oo aadan hogteedii gaadhin cid kale wax kuugu dari mayso, waxaana jirta erey la yidhaahdo “Wixii kuu naf ah ka hadal ama maxaa kuu naf ah”, taas oo macnaheedu yahay wixii aad ku dacwiday ama wax daadefaysay inaad bayaamiso oo aad markhaati ama cadayn soo bandhigto.

Marka aad arrin iska difaacayso inaan gar iyo jid laguugu lahayn waa inaad sheegto, cadaynteedana raaciso inaan gar iyo jid laguugu lahayn, sidoo kale marka aad wax ku dacwiyeyso ama aad sheeganayso waa inaad wixii sheegto, caddaynteedana raaciso.

Waxa kale oo jira arrin kale oo la xidhiidha ama ku lug leh garta iyo dacwigeeda, taas oo ah wax la yidhaahdo Feenis (ka baaraa-deg).

Arrintaa macneheedu wuxuu yahay in inta aad debada joogto ee aadan soo gelin xayndaabka garta inaad arrinta debadda kaga soo baaraa-degto, taas oo loo baahanyahay in ciddii aad caqli ama garasho ku tuhmayso aad wax weydiiso si aad golaha ula tagto wax dhamaystiran oo aad shilinta iyo qodoxdaba ka gurtay, wixii kugu adkaadana waa inaad weydiiso ciddii aad aqoonteeda ku tuhmayso ama aad isleedahay arrintaa waxbay ka garanayaan, iyada oo loo baahanyahay inaad hubto in cidda aad wax weydiinaysaa ay tahay cid kaaga run sheegaysa wax aad weydiinaysaa, sidoo kale cidda aad wax weydiinaysaa waa inaad iska hubto inaanay waxa aad weydiinayso inay u gudbinayaan cida kale ee aad is-haysaan, sababta ay wax u gud-binayaan ha noqoto hiil, baahi ama xadhig xidhasho kaleba.

Ta kale marka aad gartaada marsanayso ma aha xoog ama jujuub waa inaad gartaada u bandhigataa si hufan oo aaddan waxba la hadhayn, isla markaana aad wax walba marsiisaa dariiqa ay leedahay, iyadoo uu garta dhaqankeedu yahay inay cid waliba arinta Axalo-cunsiiso, taas oo macneheedu yahay inuu qofku gartii oo saafan sheegto, isla markaana la waayo wax lagaga eed-sheegto hadii gartaa ambiil kasta laga qaato oo uu hadalku noqdo “Ina Sanweynena u geeyow gartu waa sidaa”.

Laakiin waxay iswaydiintu tahay waa sidee sida aad garta u Axalo-cunsiinaysaa. Taasi waxa weeye marka aad marto jidkan ee la yidhaahdo: Muduci ma kaa maqan yihiin wax aad u Cinbataa (Wax ma kaa xidhan yihiin)? Maxaa kuu naf ah ? Ma dhaabbadaysay? Intaas ayaanu naf kaaga soo qaadnaye maxaanu kaa dhaafnay, markhaatigaa maxaad u sheegaysaa oo xumaan ah iyo waxyaalo kale oo su’aalahan la mid ahina waxay ka mid yihiin qaacidooyinka garta dhaqanka.

Tusaale ahaan nin baa damcay inuu daadefeeyo nin markhaati ku ah, ninkaa markhaatiga ahina waxa uu ahaa nin dawersada, ka dibna ninkii wax daadefaynayey wuxuu yidhi “Mar hadii uu Caado-qaate yahay oo uu kunka shillin, boqolka shillin, ganbada iyo wixii la siiyoba qaadanayo inaanu kaas oo kale markhaati igu furi karin oo uu Caado-qaate yahay muduic baan ka ahay, waxaana iiga marag ah xer-beegtidiinaa.

La soco.

Top


DIL-DILAACII UBAXA IYO KACAANKII DHERGIGA.

Mengistu: Meelkasta ha ahaato ama si kasta ha ahaatee dagaaladii taariikhiga ahaa ee dalka ka dhacayey cidkasta oo shicibka iyo nabadgelyada khalkhal gelisa ama ciidanka cadaw gacanta u gelisa iyo cidkasta oo dembiyada caynkaas oo kale ah ku kacda ciqaabtoodu waxay ahayd mid aad u weyn, taasina waa sharci ay ciidanku iska leeyihiin goob kasta oo dagaal ka socdo, waana sharciga goobaha dagaalka.

Markaa talaabada ay nimankii saraakiisha ahaa qaadeene waa taas oo kale, oo qofka dembigaas oo kale gala ciidanka hortiisa ayaa lagu dilayey. Sidaa darteed maadaama ay nimanka la laayey sidaa yeeleen may jirin wax aan kaga soo horjeeday talaabada laga qaaday, markaa iska dhaaf wax xun oo la yidhaahdo’e xataa waxay mudan yihiin in loo mahad celiyo, waayo dhibaatadii wadankooda ku soo socotay waajibkii ahaa inay ka horjoogsadaan inka badan ayey guteen. Isla markaana hadii aanay sidaas yeelin oo aanay talaabadaa qaadin wax guul ah maanu gaadhneen, waayo dhibaatada ay IHABA-du geysteen ciidanka hadii la yidhaahdi soo noqda xataa may soo noqdeen hadii aan nimankaa laga qaban ama laga dhex saarin.Ta kale ciidan ahaan sharciyada caynkaas ahi waxay ahaayeen kuwo aanu lahayn kacaanka ka hor.

Dadka rayidka ahi ma fahamsana sharciga caynkaas ah, balse ninka askariga ah marka uu taliyihiisu yidhaahdo “Soco oo halkaa mar”, ma aha inuu ugu jawaabo “Waayo maxaan u marayaa” ama su’aalo dib ugu celiyo taliyihiisa, taasi sidee bay uga dhex dhici kartaa ciidanka dhexdiisa. Waayo ninka askariga ahi isaga oo arkaya inuu jar ka dhacayo oo lagu amro inuu jarkaa ku dhaco inuu diido iska dhaafoo xataa inuu yidhaahdo ma aha “Waayo”.

Markaa ninka askariga ah iyadoo ay xabbadu dhacayso oo la yidhaahdo halka hore e dagaalka u soco waa inuu dhaqaaqo, ninka taliyaha ahina waa inuu hadii la amro isna sidaas oo kale yeelaa, ninka hogaamiyaha dagaalka ahna ciidanka uu hogaaminayo masuuliyadoodu isaga ayey dusha ka saarran tahay, markaa hadii uu siyaasado iyo arimo loo baahnayn dhex geliyo waa lagala xisaabtamayaa, isla markaana in wixii dembi ah ee uu galo in lagala xisaabtamo ninka hogaamiayaha ma aha wax lagala gabanayo ee waa sharci ciidan oo dhafoorka ayaa laga saarayaa, sidaa awgeedna qofka marka la caleemo saarayo ee xil loo dooranayo inta uu farxayo in le’eg ayey tahay inuu ka soo baxo ama guto waajibka saarran, laakiin hadii uu hawshiisa ka soo bixi waayo waxa jira wax kale oo loogu bedelayo. Ta kale in ninka laga abaal mariyo wixii dembi ah ee uu galo waa sharci ciidanku leeyahay ama waa dhaqan aasaasi ah oo ay ciidanku leeyihiin, masalan hadii lagu jiro dagaal qadhaadh ninka taliyaha ah ee ay saarran tahay masuuliyadda ciidankaas iyo nafahooda hadii la arko isaga oo ciidankii naftooda u halaagaya ama ku naf-waasiinaya si aan loo baahnayn waxa la marinayaa ciqaab adag oo keenta inaanay mar dambe taas oo kale dhicin.

Asalkaba dagaalku ma galo ama ma laha goolaaftan, isla markaana dagaalku waxa uu u baahan yahay dhishibiliin adag, umana baahna calool-jileec iyo go’aamo walaac leh. Sidoo kale hadii uu qof ama laba qof ay sabab u noqdaan dhimashada dad badan oo ay dhimashadoodu u dhacday si qaldan, markaa kuwaas oo kale ciqaabtoodu waa toogasho, taasina waa wax sharciga ciidamada ku jirta oo uu caalamka oo dhan lagaga dhaqmo. Sidaa awgeed hadii aanu anagu samayno wax ka duwan sharciga ciidamada ee caalamka oo dhan lagaga dhaqmo maxay tahay sababta aanu sidaa u yeelaynaa. Laakiin arintan waxaan u malaynayaa inaanay dadka rayidka ahi sidaa u fahamsanayn waayo waa sharci ciidan.

La soco.

Top


Jilbo-dhiig.

Biixi markii uu Hargeysa ka baxay waxa uu utagay reerkoodii miyiga, ka dibna maalintii dambe ayuu baabuurkii kaga degay Daabiyad yar oo u dhaw miyiga reerkoodu deganyahay.

Biixi markii uu baabuurka ka soo degay waxa uu fadhiistay makhaayad, dabadeedna markii uu koob shaah ah cabay ayuu nimankii reer miyiga ahaa ee makhaayadda fadhiyey weydiiyey reerkoodii iyo meesha uu yaalo, taas oo markiiba nimankii makhaayadda fadhiyey u sheegeen, iyaga oo ku yidhi “adeer reer Mooge waxay yaaliin meel aan magaalada sidaa uga fogayn, waxaadna sii raaci doontaa qolyaha galabta caraabaya ee ay isku jiida yihiin”, laakiin nimankii waxay Biixi su’aaleen “adeer adigu xageed ka timid, maxaadse isu tihiin reer Mooge”, ka dibna Biixi wuxuu ugu jawaabay “Anigu waxaan ahay ina Mooge”, dabadeedna waxay su’aaleen “oo adeer xageed ka timid?”, wuxuuna ku jawaabay “Adeer xagaa iyo Ingiriiska ayaan ka imid” ka dibna nin oday ah oo ay reer Mooge is-xigaan ayaa isaga oo yaaban yidhi:- “Adeer wax Ilma Mooge ah oo debadaha ku maqan nin baa jiray, ninkiina wuu dhintay oo dhawr sano ka hor ayaa geeridiisa naloo soo sheegay, axankiisii iyo agaskiisiina berri hore ayaa reerkoodu dhigay, markaa xageed baad adigu ka timid?” , dabadeedna Biixi oo arrintaa ka jawaabaya , isla markaana garanaya odayga la hadlaya, ayaa hadalka qaatay, wuxuuna yidhi “Adeer anigu waxan ahay inankii ina Mooge ee debadda jiray, ee la idinku yidhi wuu dhintay, aniguna waan maqlay in aabahay iyo reerkayaga lagu yidhi wuu dhintay, balse taasi waa been, cidda sidaa soo sheegtayna waa cid dembi weyn ka gashay aniga iyo reerkayagaba.”

Odayaashii way yaqiinsadeen hadalka Biixi, laakiin Biixi markii uu cabaar tuuladii joogay, ee ay goor barqo ah tahay ayaa waxa soo galay wiil dhalinyaro ah oo ay Biixi Ilma Adeer yihiin, isla markaana ka mid ah dhalinyaradii miyiga joogtay ee ay Biixi isku ayniga ahaayeen, dabadeedna wiilkii dhalinyarada ayaa soo fadhiistay makhaayaddii uu Biixi fadhiyey, wuxuuna markiiba isha ku dhuftay Biixi oo meesha fadhiya, dabadeedna wuxuu hoosta iska weydiiyey “Waar ninkaasi miyaanu Biixi ahayn” ka dibna qoladii makhaayadda uga soo horeysay ayuu mid ka mid ah su’aalay “Waar ninkaasi tolow ma yahay nin aan mooday”, ka dibna ninkii ayaa ugu jawaabay “Kumaad mooday?”, wuxuu haddana yidhi “miyaanu ahayn ninkii ina Mooge, ee Biixi la odhan jiray ee la inagu yidhi wuxuu ku dhintay Ingiriiska”, ninkii baa haddana ku jawaabay “waa isaga laftiisii” dabadeedna wiilkii dhalinyarada ahaa intuu soo kacay isaga oo naxsan ayuu Biixi isa soo dul-taagay oo ku yidhi “Waaryaa Biixi ii waran inaadeer”, Biixi ayaa ninkii dul-taagnaa kor u eegay, wuuna gartay ka dibna wuu gacan qaaday, wayna sheekaysteen, taas oo uu nin waliba dhiniciisa ka waramay waayihii soo maray intii ay kala maqnaayeen.

Biixi iyo wiilka ay Ilma-adeerka yihiin oo magaciisa la odhan jiray Raage waxay dib u xusuusteen, kana sheekaysteen waayo-waayo iyo carruurnimadoodii ay miyiga wada joogi jireen, laakiin waxa kale oo ay iska waraysteen nin walba wixii u soo kordhay dad iyo duunyaba taas oo midba midka kale uga waramay.

Biixi wuxuu u sheegay wiilkii Inaadeerkii inaanu imika xila iyo xoola toona hayn, wax ubad ahna uu hal wiil dhalay, wiilkiina ay maanta kala fog yihiin, isla markaana uu ka rajo xunyahay sida ay dib isugu arkayaan.

Biixi iyo wiilkii inaadeerkii Raage markii ay maalintii oo dhan daabiyaddii joogeen ee iska sheekaysanayeen ayey galabnimadii u caraabeen degmadii miyiga, iyada oo ay Biixi reerkooda iyo Raage reerkooda oodu u kala go’antahay, oo ay yaaliin laba meelood oo aad isugu dhaw, laakiin waxay socdaanba markii ay gaadheen meeshii degmadu tiilay ee ay guryihii u muuqdeen, goortu ay tahay xili ay cadceedu sii dhacayso, oo ay godka dhinaca la gashay, ayuu Raage yidhi “Biixiyow gurigiinii waa kaa, kaayaguna waa ka dhinacan ka xiga”, dabadeedna iyaga oo aan kala leexan oo wada socda ayey u baydheen dhinaca Biixi gurigooda, ka dibna waxay ku soo baxeen odaygii Biixi aabihii oo guriga duleedkiisa adhi mayracaya, odaygii Biixi aabihii ayaa arkay labada nin ee ku soo socda, dabadeedna intuu eegay ayuu hoosta iska weydiiyey “Waar tolow maxay ahaayeen nimanka dhalinyarada ah ee soo socdaa”, laakiin markii ay ku soo yara dhawaadeen ayuu gartay wiilkii uu adeerka u ahaa ee Raage, wuxuuna hoosta ka yidhi “oo tolow Raage gartaye ka kale muxuu ahaa.”

Biixi wuxuu labisanyahay surwaal iyo shaadh, wuxuuna tuurta ku sitaa shandadii ay waxoogaaga maryaha ahi ugu jireen ee uu London kala yimid iyo kiish maro ah oo uu ku soo guray kiilooyo sonkor ah iyo kuwo timir ah ka dibna Biixi iyo wiilkii Inaadeerkii ee ay wada socdeen waxay soo socdaanba waxay isa soo dultaageen odaygii Mooge ee Biixi aabihii oo bur yar badhida ku haya.

La soco.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Dhulkayagii waxa lagu dhisanayaa sharci darro.

Waxaanu ku war helnay iyada oo dhulkayagii la iska dhisanayo oo seeskii la jeexay, isla markaana loo dhisanayo si sharci darro ah, dhulkaas oo ku yaal Indian Line-ka waxa laga dhacay dad agoomo ah, iyada oo meesha la dhisanayaa ay tahay wajahadii gurigayaga, taasna markii aanu aragnay dhabanka iyo gacanta ayaanu isa saarnay, laakiin haddii aan arrintaa wax la qaban waxa dhibaatadda ka timaada ka masuul noqonaya cidda sharci darrada dhulkaa ku bixisay, waxaanse la yaabanahay guryaha dawladda ee Indian-line-ka ma dawladda hoose ayaa xukunta mise hawlaha guud, iyada oo markaa si sharci darro ah guryahaa wajahadahooda loo kordhisanayo.

Aniga oo magaalada u dhashay, laakiin aan meel yarna ku lahayn ayaa halkii yarayd ee awoowgay lahaa la iga horjoogsaday, aniga oo leh ku deegaanka loo doortay iyo madaxda sare ee dawladda ma waxay kuraasta u fuuleen agoomaha dhacooda.

Khadiija Maxamuud, Hargeysa.

Top


Marna Kama Tanaasulayno Wixii Aanu Xaq U Leenahay.

Wixii dambi ka yimaadda ama hadda ka dhacaya doorashada waxa dusha ku qaadaya oo ka masuula hay’addii loo dhaariyey ee guddiga doorashooyinka kuwaas oo iigu muuqda inay baal mareen wixii lagu aaminay, waayo waxay ahaayeen niman dhexdhexaad ah oo loo dhaariyey inay kala saaraan, xisbiyadda tartamaya ee siyaasadda iyo inay ka xaqsooraan arrimaha doorashada, waxaadse moodaa inay ka boodeen dhaartii iyo xilkii la saaray, taasna waxa u markhaatiya markii ay soo saareen natiijo aanay hubin, iyaga oo qirtay inay qaldameen, laakiin haddana sheegay inaanay dib u saxayn khaladkii ay ku dhawaaqeen markaa miyaan la odhan karin Komishanku waa niman aan danaynayn Somaliland, kana taliyey sidii ay u baabi’in lahaayeen dawladda jirta , waxaana la odhan karaa waxay u egyihiin niman ay ku jiraan gacmo aan la ogeyn iyo danaysiga gaar ahaaneed.

Guddiga doorashooyinku may sheegi kari waayin tirada saxda ah ee dadka codeeyey iyo xisbi waliba inta uu leeyahay, laakiin waxaan u arkaa inay yihiin niman ku tumanaya caddaaladda iyo danaha muhiimka ah ee loo igmaday, iyaga oo u muuqda niman dhaar jiidh ah, ninkuna haddii uu dhaar jiidh yahay waxay diintu cadaynaysaa inaanu masuul noqon karin.

Sidaa awgeed waxaan dadka aqoonta leh iyo dadka waxgaradka sida culimada, salaadiinta, aqoonyahanada iyo waxgaradka kale u soo jeedinayaa inay arrinta natiijadda doorashada ee ay xisbiyadu isku hayaan xal u helideeda ka hawlgalaan, si loo helo xal lagu damiyo wixii dhibaato ah ee ka iman kara arrintaa, aniga oo leh xataa haddii xal kale la waayo ha la tirtiro doorashadii, sidii Nigeria oo kale.

Waxa kale oo aan dadka u sheegayaa inaanu xisbiga KULMIYE yeelayn wax xaq darro ah, isla markaana aanu doonayn xaq aanu lahayn, laakiin aanu ka tanaasulayn wixii uu xaq u leeyahay.

Faarax Jaamac Xirsi, Hargeysa.

Top


Xaalku Ma Qabsaa Ku Qadi Mayside.

Xisbiga KULMIYE waxaan u arkaa inuu yahay xisbi xaqiiqda ka fog, ayna ka muuqato damac siyaada ahi, isla markaana gashanaya shaadhadh kala duwan laakiin su’aasha meesha taal waxay tahay xisbiga KULMIYE ma xaq buu wax ku doonayaa mise xoog, iyada oo loo baahanyahay in si xalaal ah oo aan xag-xagasho lahayn wax lagu doono, isla markaana aan la iska lumin sharafta iyo kalsoonida.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa si xun wax u sheeg sixir ka daran, markaa xisbiga KULMIYE wuxuu adeegsaday waxyaalo badan oo aan u arko inay ka baxsantahay nidaamka doorashada, iyada oo ay tahay in laga fogaado wixii umadda kala fogayn kara, isla markaana loo baahanyahay in la tixgeliyo midnimada iyo wada-jirka umadda Somaliland oo aan lagu degdegin wixii burbur inagu keenaya, waayo waxaynu leenahay cadaw badan, oo inaga faa’iidaysan kara, markaa ma fiicna inaynu gudaheena eegno, waxaana la yidhi “Waayeelow waxna garo waxna laguu sheeg.”

Sidaa awgeed asaxaabtii doorashada wada gashay mid helay iyo mid waayeyba waxa waajib ah inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo xasiloonida dalka, isla markaana haddii ay wax khaldani jiraan waa in la isla eego sidii loo sixi lahaa, khilaafka jirana waa in si sharci ah lagu dhameeyo, loomana baahna wax rabshad iyo buuq ah, aniga oo leh inagu aynu arrinteena xalilano xaq iyo xal midkay doonto ha noqotee, waxaana lagama maarmaan ah in la isu dul qaato ama la isu samro.

Ta kale labada xisbi ee hadda muranku ka dhex taaganyahay (UDUB IYO KULMIYE) kii helaaba xaq buu u leeyahay, kii waayaana berrito ayuu heli karaa, waayo adduunku maanta uun maaha ee intaa waxbaa isbedelaya.

Markaa xisbiga KULMIYE haddii laga helo waa inuu haneeyaa, haddii kale oo aanay arrintiisu noqon ku qabso ku qadi mayside.

Axmed Maxamuud Cali, Hargeysa.

Top