Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 322 Date April 30, 2003

“Fanka Iyo Masraxa waxa U Hooyo Ah Hargeysa,” Saxardiid.

Fahan Iyo Fiirsi (Gabay), Khadar c/laahi.

Mac-Hadka IPRD Oo Tababar U Xidhay Hay’adaha Dawladda.

Cudurka SARS Oo Ku Fidaya India, C/Casiis A. Muuse-Weriyaha Haatuf Ee Bariga Aasiya.

Suxufiyiin Radiyow Hargeysa Ah Oo Sheegay In Wasiirka Warfaafintu Xayaraad Saaray Xorriyadda Wararka Idaacadda Ka Baxa.

Boorama: KULMIYE oo Eeddeeyay Aqoon-Yahano Reer Boorama Ah.

Haweenka KULMIYE Oo Jawaab Cadho Leh Ka Bixiyay Eeddeymo Wasiirka Arrimaha Guduhu U jeediyay Xisbigooda; “Ismaaciilow, markii uu maxamad kaahin halagnka ku jiray adiga waynu isla garanaynaa wixii aad qaban jirtay.”

“Tiknikada iyo Ciidanka waaanu halkan u keenay in aanu ilaalino nabadgelyada, haddii ay cidi is tidhaahdo fawdo samee,” Wasiirka Daakhiliga - Wareysi,qaybtii 2aad.

Ciidamada Maraykanka oo laayay 15 Ciraaqiyiin ah.

Wasiirkii Saliidda Ciraaq Oo Ay Maraykanku Qabteen.

Dawladda cusub ee Falastiin.

Dadweynaha Reer Qatar Oo U Codeynaya Dastuurka Dalkooda.

WAADIGA CIYAARAHA: Thierry Henry oo noqday ciyaaryahanka sannadka.

Bayern Munich Oo Diirada Saartay Makaay.

GARTA DHAQANKA IYO XEERARKA SOMALIDA.

DIL-DILAACII UBAXA IYO KACAANKII DHERGIGA.

Jilbo-dhiig.


“Fanka Iyo Masraxa waxa U Hooyo Ah Hargeysa,” Saxardiid.

IRMAANTA SUUGAANTA, A.Ducaale.

Hoombaro masrixiyadda Hoombaro lagu daawan wakhtigeedu wuxuu ahaa 1946-kii.

Saxardiid isaga oo ka hadlaya markii la isku biiray sidii uu xaalku kala ahaa dhinaca Somaliland iyo Soomaaliya marka la isbarbar dhigo waxa uu yidhi, “waatan aan leeyahay Talyaaniga ayaan ogolayn inuu dhaqankoodu sare u kaco isaga oo doonayay inuu dhaqankiisa ku beero oo aanay iyagu soo bixin, markaa ciyaaraha reer miyiga ee aynu inaguba ciyaari jirnay way ciyaari jireen, laakiin masrixiyadda caynkaasi ah may lahayn waxaa kaloon kuug darayaa masraxa anigu waxaan sameeyey jimciyada la yidhaa Somali Youth Organization markaa in badan baanu ka soo shaqaynay ciyaaraha iyo waxyaabo kale, waxaanse kala hadlay waxaan sameeyey masrax aan u bixiyey Golaha murtida iyo madadaaladda magaca aniga ayaa bixiyey dhawr iyo todobaatanadii markii la sameeyey tiyaatarkii Xamar ayaa loo bixiyey magacii golaha murtida iyo madadaaladda ee aan anigu bixiyey markaa Hargeysa waa hoyga hal-abuurka iyo fanka.

Dadkaa waxaan ka soo qaadayaa Yam Yam oo halkan nala joogi jiray oo muu ahayn sidan uu markii dambe u af-dilaacsaday oo wuxuu odhan jiray shaqaada igu dara, anaguna waanu yasi jirnay oo waxaanu odhan jirnay muxuu yaqaanaa hase yeeshee markii dambe ee uu biyaha Hargeysa cabay ayuu Af-dilaacsaday.

Anigu waxaan garanayaa dagaalkii labaad ee adduunka oo sameecaddo dibada loo soo saaro oo dadku ay ka dhegaystaan halkan kheyriyadda la yidhaa.

1961-kii waxaanu samaynay riwaayad la yidhaa “Hanaan qurux wanaag” oo ka hadlaysay gobanimadii aynu tuurnay.

Top


Fahan Iyo Fiirsi (Gabay), Khadar c/laahi.

Dalku waa dalkeenee
Yaanay Duulin sheekadu
Dadku Waa Dadkaagee
Ha Dulaynin Waa Gobe
Ha Ku Dhicin Daluumaha
Diintaada Dhawroo
Boholaa Ha Dalaq Odhan
Dab Munaafaq Shiday Iyo
Dimuqraadinimadiyo
Naaraha Deleganee
La Duuduuban Ciilkee
Kufri Diiday Eebiyo
U diyaarsan Gaalada
Dahrigaaga Haw Dhigin
La Tacaal Dareenkoo
Dalabkiyo Hankaagiyo
Sidaad Adigu Doontiyo
Hadaad Waydo Dookhaa
Dalka iyo Dadkaagiyo
Ha Eedaynin Diintee
Samirbaa Ka Door Roon
Inaad Dhiilo Dirirtood
Gadba Doobta Lasisee
Nafta Dabar Ujiidoo
Sharaaftana Daneeyoo
Raganimada Doorbida
Bundukhiyo Damaankiyo
Fardahaa U door Roon
Wax Ladaawan Kara Oo
Indhuhuna Ka Daaline
Haday Duul U Joogaan
Dad Haduu U Soo Baxay
Sange Loo Durbaan Tumo
Fadalkii La Deedamay
Wuxu Daadab Hadho Iyo
Songe Uu Dambeeyayba
In miduun Dusaayoo
Durba Sacabka Loo Tumi
Ma Wax Daana Kiciyoo
Lagu Kala Durkaabaa !!!
Dhanka Kale Dadaalkii
Iyo Johoraad Diiqii
Wixii Laysla Daba Maray
Niman Diirad Qaatiyo
Dabagale Ha Joogee
DoqonIyo Damiiniyo
Caamadu Dal-Dalashadaa
Dadan Iyo Si Daalaacan
Dadku Wada Arkaayeen
Haduu Faraska Doolaal
Dalmbaabi Ciirkii
Dalaq-Dalaaq Kusoo Dhacay
Kobtii Loogu Dawgalay
Alla Doobir Badanaa
Misna Aan La Daynoo
Shaki Iyo Dareen Iyo
Farta Dalabta LooMiyin
Wali Daalib Loo Yahay
Haduu Guul La Deexdoo
Durbaanada La Qaatoo
Farxad Loo Daabaal Dago
Ma Wax Loo Dulaatoo
Nin Damiirli Dhawraaaa!!!
Isku Duub Warkaasoo
Ninka Doortay Inu Hadho
Midka Daalayee Haadhay
Iyo Kuwan Dinaahiga
Dad Ka Joogi Waayeen
Siday Daacaduba Tidhi
Way Dibad Baxeenoo
Shacab Doonistiisiyo
Dimuqraadinimo Iyo
Camal Gaal Dambaabiyo
Siduu Buushku Doorbido
Ayay Nala Damceenoo
Nina Doogso Mooyee
Isma Laha Dadkaaagiyo
Maatidan Dayaacaanee
Dulmigiyo Aabaartiyo
Dibjirkiyo Amxaarkiyo
Duur Joogayaaashiyo
Jaahli Looga Daaw Galay
Udanee Kamaalow
Umadaan Ducaysnayn
Waxay Diido Mooyee
Waligeed Dagaynoo
Abidkeed Dagaagilan
Ilaahay Ha Daaayee
Hadraawaa Daabuubtaa
Hore Noogu Deeqee
Isagaa U Door Roon
Raga Xarafka Dahabkaa
Gabayada Ku Daahee
Ina Dhamac Diraacdii
Dadka Jaah Warerkiyo
Lagu Riday Dayawgee
Ladhka Loogu Duurxulay
Wuxu Yidhi Ha Daahee
Wax Is Doorsha Mooyee
Wax Is Dooriyaan Jirin.

Khadar C/laahi Badeed, Hargeysa, April 24, 2003. 

Top


Mac-Hadka IPRD Oo Tababar U Xidhay Hay’adaha Dawladda.

Hargeysa (Haatuf) Mac-hadka cilmi baadhista iyo daraasadaha ee (IPRD) ayaa shalay soo gebagabeeyey tababar ku saabsan habka maamulka, munaasibada oo ay ka soo qayb galeen xubno ka socday golaha wakiiladda, wasaaradda maaliyadda, Dawladda hoose iyo baanka Somaliland.

Xafladii xidhitaanka tababarkaa oo lagu qabtay xafiiska IPRD ee magaaladda Hargeysa waxa ka soo qayb galay gudoomiye ku xigeenka golaha wakiiladda C/Qaadir Jirde, maayarka caasimadda Ing: Xuseen Maxamed Jiciir iyo saraakiil ka socotay wasaaradda maaliyadda, Bangiga iyo dawladda hoose ee Hargeysa.

Laakiin waxa munaasibadda ugu horeyn ka hadlay Dr. Axmed Xuseen Ciise oo madax ka ah mac-hadka IPRD ee tababarada fidiyey, wuxuuna ka waramay ujeedada tababarka iyo casharadii ay qaateen ka qayb galayaashu, isla markaana wuxuu sheegay inuu aqoon korodhsigan ahaa mid tilmaamayey miisaaniyadda sida ay maamulka ugu muhiim tahay iyo isu dheeli tirka dakhliga iyo kharashka.

Dr. Axmed wuxuu tusaale u soo qaatay miisaaniyadda dawladda Somaliland oo uu sheegay inay ka muuqato in marwalba culayska la saaray nabadgelyada, isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Waxaynu aragnay miisaaniyaddii Somaliland ee dawladda dhexe iyo ta hooseba in culayska la saaray nabadgelyada, laakiin marka ay wixiiba nabadgelyada kaga baaxaan waxa kaa dayacmaya waxyaabo badan” laakiin maalinba waxa soo kordhaya oo waxa imanaya maalin aanay nabadgelyadu kharash caynkaas ah u baahnayn, Dr. Axmed waxa uu intaa raaciyey in markaa uu yaraado kharashka ku baxa nabadgelyadu la bedeli doono miisaaniyadda oo miisaanka la saari doono tacliinta iyo caafimaadka iyo waxyaabo kale oo miisaanka la saari doono, isla markaana wuxuu xusay inay ka qaybgalayaashu isla fahmaan sida aanay u kala maarmayn maamulka iyo miisaaniyaddu.

Dr. Axmed Xuseen wuxuu u mahadl celiyey masuuliyiinta ka soo qayb gashay xafladda xidhitaanka aqoon korodhsigaa oo uu casharo ka bixiye ka haa Cali X. Muxumed Guuleed (Cali Maarshaal) oo khabiir ku ah habka loo maamulo miisaaniyadda iyo xisaabaadka, wuxuuna intaa ku daray inay isku deyi doonaan tababaro kan la mid ah si loo tayeeyo shaqaalaha.

Maayarka magaalada Hargeysa Ing: Xuseen Axmed Jiciir ayaa isaguna hadal kooban oo uu munaasibadda ka jeediyey ku sheegay sida ay lagama maarmaanka u tahay in kor loo qaado aqoonta shaqada, isla markaana wuxuu u mahadceliyey ka qaybgalayaashii, hay’addii soo qaban qaabisay iyo cdiid gacan ka geysatay.

Mudane C/Qaadir Jirde ayaa isaguna in golaha wakiiladdu ay soo mareen marxaladdo kala duwan oo marka la eego miisaaniyaddii golaha ugu horeysay sameeyey iyo golaha dambe ay aad u kala duwan yihiin mudane C/Qaadir wuxuu intaa ku daray inay sameeyeen gole ahaan dedaal badan isla markaana ay ku dedaali doonaan sidii ay waxyaabo badan oo suurta gelin lahaayeen.

Cali X. Muxumed Guuleed oo isagu bixiyey casharada ayaa sheegay inay isaga fursad weyn u tahay inuu muddada kooban ee uu dalka joogo wixii aqoon ah ama khibrad ah u gudbiyo dadka, wuxuuna u mahad celiyey mac-hadka hawsha waday iyo ka qayb galayaashii.
 

Top


Cudurka SARS Oo Ku Fidaya India, C/Casiis A. Muuse-Weriyaha Haatuf Ee Bariga Aasiya.

Cudurka saf mareenka ah ee sars-ka ayaa markii ugu horeysay lagu arkay Nin 32 jir ah oo taksiila ah (taxi-Driver) Dalka Hindiya magaaladda Pune. waxana la Sheegayaa in taksiilahaasi uu cudurkaa ka qaaday markii uu soo Kiraystay Nin Ganacsade ahi oo ka soo laabtay dalka Indonesia. Ninkaas ganacsadaha ah oo markii la baadhay laga helay isna Cudurka Sars-ka.

Magaaladda Ugu dadka badan Hindiya ee “kolkata” oo hore loogu yeedhi jiray “Calcutta” ayaa lagu soo waramayaa in laba qof in ka badan laga helay cudurkaasi warkan oo uu saaka qoray wargeyska Asian Age ee ka soo baxa Bombay, Hindiya, ayaa cadeeyay in cudurka sars-ku oo Khatar ku hayo magaaladda kolkata.

Dr S.P. Agrawal oo ah agaasimaha Guud ee caafimadka Hindiya ayaa u sheegay saxaafadda madaxbanaan in lagu daweynayo Hospitaalka Delhi iyo Mumbai dad looga shaki qabo cudurkaasi. Waxanu haynaa ayuu yidhi agaasimuhu caalamada muujinaya cudurkan kuwaas oo ay ka mid yihiin xumadda iyo qufac.

Dadka Reer Hindiya ayaa qaatay waraaqaha yar yar e afka lagu xidho si ay iskaga ilaaliyaan neefta dadka cudurkaasi qaba. Shaqaalaha diyaaradaha Hindiya, gaar ahaan kuwa taga Shiinaha, Thailand iyo Vietnam ayaa shaqo joojin bilaabay shalay ka dib markii ay ka baqeen in uu cudurkaasi ay qaadan. Ganacsiga dalalkaasi dhex mari jiray ayaa waxoogaa hakad galay cudurkaasi awgii.

Abdiaziz Ahmed Mousa,Freelance journalist, Pune, India.

Top


Suxufiyiin Radiyow Hargeysa Ah Oo Sheegay In Wasiirka Warfaafintu Xayaraad Saaray Xorriyadda Wararka Idaacadda Ka Baxa.

“Waxaan Is Idhaahda Waxaad Xorriyad Badnayn Xilligi Siyaad Barre.”

Hargeysa (Haatuf): Axmed Sh. Xuseen iyo C/raxmaan Sh. Axmed Faahiye oo ka mid ah Weriyayaasha sar-sare ee Radio Hargeysa, ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in ay Idaacadda Radio Hargeysa iyo Wargeyska Maandeeq ay saaran tahay cuna-qabatayn dhinaca madaxbannaanida wararka ah, taas oo ay masuuliyadeeda dusha ka saareen Wasiirka Warfaafinta, C/laahi Maxamed Ducaale, waxayna labaddan weriye sidaa ku sheegeen shir-jaraa’id oo shalay qabteen.

Weriyayaashani markii ay ka waramayeen xayiraadda madaxbannaanida wararka ee saaran Warbaahinta dawladda, waxay tusaale u soo qaateen dhacdooyin kala duwan oo soo maray tan iyo markii ay abuurmeen ururrada siyaasaddu, iyagoo sheegay in dhinaca wararka la kala takooro ururrada siyaasadda ama xisbiyada siyaasadda. Labadan weriye, waxay daba socdeen war uu shalay saxaafadda ku baahiyay Wasiirka Warfaafintu, taas oo uu sheegay in ay idaacaddu dhex u tahay xisbiyada siyaasadda, laakiin taa waxay ku tilmaameen in aanay run ahayn.
C/raxmaan Axmed Shamax oo arrintaa ka hadlaya, wuxuu yidhi; “Idaacadda Radio Hargeysa iyo Wargeyska Maandeeq, si dhex ah oo cadaalad ah uma adeegaan saddexda xisbi ee dalka ka jira.”

Laakiin, wuxuu intaa ku darray; “Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay in ay xisbiyada u cadaalad sameeyaan, laakiin aanu xisbiga KULMIYE u iman oo aanu weriyayaal weydiisan, balse idaacadda iyo wargeyska Maandeeq cadaadis iyo xayiraad ayay saareen wararka xisbiga KULMIYE, taasina waxay ka timid Wasiirka Warfaafinta.”

C/raxmaan Shamax, isagoo tusaale ka bixinaya sida xayiraadda loo saaray wararka xisbiga KULMIYE, wuxuu yidhi; “25-kii maalmood ee u dambeeyay kaambaynkii doorashada, war uu KULMIYE leeyahay kama bixin Radio Hargeysa, haddii uu ka baxayna aad ayuu u yaraa, sidaas darteed haddii ay madaxda iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE ka cowdaan idaacadda iyo wargeyska Maandeeq, xaq bay u yeesheen, masalan anigu waxaan ahay qofka ugu badan ee wararka xisbiga KULMIYE geyn jiray idaacadda, balse markii aanu khaati isla joogsanay madaxda idaacadda ee ay diideen wararka KULMIYE, ayaan markii dambe iska daayay.”

Weriye C/raxmaan, wuxuu sheegay in wararka xisbiga UDUB sidii la doono looga sii daayo Radio Hargeysa, wuxuuna yidhi; “Warka xisbiga UDUB, markiiba waa la geliyaa Idaacadda, waayo, wasiirka idaacadda haysta ayaa UDUB ka tirsan. Masalan, maalin maalmaha ka mid ah aniga oo sidda war KULMIYE leeyahay ayuu wasiirku igu yidhi, sida aan kuugu yeedhiyo u qor isagoo telefoon igula soo hadlayay, dabadeedna markaan u bilaabay ee aan idhi, Gudoomiyaha KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud, ayuu igu yidhi; inta kale iska daayoo Siilaanyo dheh.”

Weriye C/raxmaan Shamax, waxa uu ugu dambayn yidhi; “Waxaan odhan karaa Wasiirka Warfaafintu wuxuu jebiyay distoorkii Qaranka.”

Weriye Axmed Sh. Xuseen, ayaa isna tilmaamay in ay dhinaca idaacadda ka jirto takoor dhinaca wararka ah, isagoo yidhi, “Runtii Idaacadda waxa ka jira xayiraad dhinaca saxaafadda ah, iyadoo ay mihnadda saxaafaddu qofka suxufiga ah farayso inuu dadka u gudbiyo wararka iyo waxyaalaha jira, laakiin marmar baan is idhaahdaa, imika waxaad ka xorriyad badnayd xilligii taliskii Siyaad Barre.”

Axmed Sh. Xuseen, wuxuu sheegay in xisbiga UDUB mooyee xisbiyada kale wararkooda la xayiro ama faaf-reeb lagu sameeyo, isagoo yidhi; “Marka laga reebo xisbiga UDUB, ururrada kale waxa wararkooda lagu sameeyaa faaf-reeb, masalan imika inkastoo faaf-reeb lagu sameeyo xisbiga UCID wararkiisa waa la sii daayaa, laakiin xisbiga KULMIYE war la sii daayo iska dhaafo xataa waxaan la ogolayn in aad soo hadal qaado wax KULMIYE ku saabsan.”

Axmed Sh. Xuseen, wuxuu intaa ku daray, “Idaacaddu maadaama oo ay tahay idaacad Qaran, waxa looga baahan yahay in ay dhex u noqoto ummadda iyo xisbiyadaba, waayo dawladdu ma helayso dad UDUB wada ah ee dadku xisbiyada ayay kala taageersan yihiin, sidaa darteed waxa loo baahan yahay in aan la xayirin dimuqraadiyadda iyo xorriyatul-qawlka.”

Labada Weriye, iyagoo daba socda hadalkii Wasiirka Warfaafinta ee ahaa weriyayaal nalama soo weydiisto, waxay taa lafteeda ku tilmaameen cunna-qabatayn xorriyadda wararka ah, waxayna sheegeen inuu dhaqanku saxaafaddu yahay in ay weriyayaashu subaxii u foof tagaan war-raadis, kadibna ay la soo guryo noqdaan hadba wixii ay helaan, iyagoo arrintaa ka hadlayana waxay yidhaahdeen; “Shaqada weriyayaasha waxa ka mid ah in ay subaxii war-raadis u baxaan, kadibna marba warka uu la kulmo uu soo qabto oo keeno, laakiin maaha in marka uu war arko uu ogolaansho u doonto.”

Top


Boorama: KULMIYE oo Eeddeeyay Aqoon-Yahano Reer Boorama Ah.

Boorama (Haatuf): Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), ayaa ku eedeeyay urur aqoonyahano reer Boorama ah in ay dadweynaha geliyaan qas iyo jah-wareer, wuxuuna sidaa ku sheegay shir-jaraa’id oo shalay ku qabtay xafiiskiisa.

Axmed Muxumed, wuxuu sheegay in aanu garanayn goobta iyo goorta la sameeyay ururkan, isla markaana aanu fahamsanayn ujeedadooda, laakiin wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin niman aqoonta uga faa’iidaysanaya si khaldan, wuxuuna yidhi, “Qaar ka mid ah nimankaa iyo dawladdu waxay yidhaahdeen, haddii KULMIYE soo baxo, waxa la xidhi doonaa Jaamacadda Camuud ama Hargeysa loo rari doonaa.”

Dacar, isagoo ka hadlaya jaha-wareerka jira, wuxuu sheegay in ay dadka reer Boorama kala garan la’ yihiin natiijada ku-meel-gaadhka ah ee ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen iyo ta rasmiga ah ee Maxkamadda Sare ku dhawaaqi doonto, isagoo intaa ku daray in ay xisbiga KULMIYE u dacwoonayaan xaqooga, isla markaana ay yihiin kuwa ku guulaystay doorashadii dhacday.

Sida uu ku soo waramay Weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar, Gudoomiyaha Xafiiska KULMIYE ee Boorama waxa uu ku doodday inuu maamulka dawladda iyo xisbiga UDUB ay hatigaad iyo cadaadis ku hayaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, wuxuuna dadka reer Awdal ugu baaqay in ay fahmaan in isbedel kasta oo dalka ka dhaca aanu ahayn mid lagu kala aargoosanayo, balse uu yahay isbedel siyaasadeed oo keliya, halka buu yidhi: “Ay UDUB ku ololaynayso haddii uu xisbiga KULMIYE baxo waxa uu samaynayaa aargoosi, laakiin ma jirto cid uu KULMIYE tacadi u geysanayaa haddii uu ku guulaysto.”

Top


Haweenka KULMIYE Oo Jawaab Cadho Leh Ka Bixiyay Eeddeymo Wasiirka Arrimaha Guduhu U jeediyay Xisbigooda; “Ismaaciilow, markii uu maxamad kaahin halagnka ku jiray adiga waynu isla garanaynaa wixii aad qaban jirtay.”

Hargeysa (Haatuf): Garabka haweenka ee xisbiga KULMIYE ayaa shalay jawaab cadho leh ka bixiyey hadalo ka soo baxay wasiirka arimaha gudaha Somaliland, mudane Ismaaciil Aadan Cismaan, taas oo uu wasiirku xisbiga KULMIYE ku eedeeyey inay wadaan qalaanqal iyo falal nabadgelyo daro ah, laakiin shir-jaraa’id oo ay garabka haweenka KULMIYE ku qabteen magaalada Hargeysa waxay si ba’an u dhaliileen hadalka wasiirka daakhiliga, waxayna ku dacwiyeen inaanu xisbigoodu wax nabadgelyo daro ah marna waddin, isla markaana uu xisbigoodu yahay xisbiga aqlabiyadda dadka helay doorashadii dhowayd.

Xubnaha shirkaa jaraa’id ka hadlay waxa ka mid ahaa gudoomiye-kuxigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE, Siraad Cali Yuusuf, Canab Cumar Ileeye oo ah gudoomiyaha garabka haweenka xisbiga KULMIYE, Sahra Jaamac Qoorsheel iyo Canab Cali Ducaale oo labaduba ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga KULMIYE iyo xubno kale oo dhawr ah, iyadoo ay kulan-saxaafadeedkaa ka soo qayb galeen ilaa soddoneeyo haween ah oo ka mid ah hawl-wadeenada iyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE.

Ugu horayn Gudoomiye-kuxigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE, Siraad Cali Yuusuf ayaa shirkaa jaraa’id ka hadashay, waxayna hadalkeeda ku bilowday “Waxaan jeclahay inaan ka hadlo hal qoddob oo aan u dul-qaadan-waayey”, waxayna intaa ku dartay “Hadalkii ismaaciil-yare (Wasiirka daakhiliga” waxa ka muuqday hanjabaad uu u jeedinayo maxkamadda sare, taas oo uu wasiirku cadeeyey inuu hanjebaad u jeedinayo maxkamadda sare oo uu leeyahay maxkamadda sare waxaanu ku khasbaynaa inay anaga (UDUB) noogu dhawaaqdo wixii ay komishanku noogu dhawaaqeen, taasina waa ayaandaro, horena waxa loo yidhi nin weyn oo hadal ka dhacay waa geed qolofi ka dhacday.”

Siraad Cali Yuusuf waxay wasiirka daakhiliga ku eedaysay inuu isagu yahay ka nabadgelyadarada dalka ka wada, halka uu wasiirku dhiniciisa xisbiga KULMIYE ku eedeeyey inuu xasilooni-daro wado, laakiin Marwo Siraad, iyadoo ka hadlaysa natiijadii doorashada waxay ku doodday inuu xisbigoodu helay aqlabiyadda dadka reer Somaliland, isla markaana uu yahay xisbiga ku guulaystay doorashada, balse la doonayo in cadaalad daro lagu waasiiyo, waxayna iyadoo taa tilmaamaysa tidhi “70% dadka reer Somaliland waa KULMIYE, waxayna ka damqanayaan cadaalad darada dalka ka jirta.”

Canab Cumar Ileeye oo iyana halkaa ka hadashay waxay ugu horayn eedaysay warbaahinta dawladda, sida Raadyow Hargeysa iyo jariiradda Maandeeq, waxayna tidhi “Idaacadda Raadyow Hargeysa waxa maalin walba laga sii daayaa hambalyooyin UDUB ah, laakiin shirarka jaraa’id ee uu xisbiga KULMIYE qabto lagama sii daayo, sidaa darteed rubuc-malyuun taageerayaasha KULMIYE ah ayaa codkooda la baadiyeeyey, markaa waxaan leeyahay Raadyow Hargeysa yaanu noqon Raadyow UDUB ee waa inuu noqdo raadyow ay ummaddu leedahay oo ka dhexeeya, wasiirka warfaafintana waxaan ka codsanayaa inay cabashadayadu soo baxdo oo raadyowga loo sinaado.”

Canab Cumar Ileeye waxay sheegtay inuu xisbigoodu yahay xisbiga ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday, isla markaana ay maxkamadda sare ku dhawaaqi doonto inuu guusha helay xisbiga KULMIYE, hadii bay tidhi ay cadaaladda eegto.

“Ma jirto wax ad-adayg lagu helaa waxaad moodaa qofka xukunkaa hayaa inay weligeed sidaa ahaanayso, laakiin ahaan mayso ee xilku waa wareegto ama hala nebcaado ama hala jeclaado oo maalin-ba ninkaa kursiga ku fadhiya.”

Sahra Jaamac Qoorsheel ayaa iyana halkaa ka hadashay, waxayna ugu horayn ka hadashay nabadgelyada, waxayna tidhi “Nabadgelyadu ummadda ayey ka timaadaa, waana marka ay labadii isdilay heshiiyaan, xisbiga KULMIYE-na waa xisbi mujtamaca Somaliland ay intiisa badani codkooda helay oo ku guulaystay, markaa ma aha ninkii shalay ka shaqaynayey xaalad abuurka si ay shacbiga Somaliland isugu dhacaan ma aha inuu maanta aniga I yidhaahdo aynu nabadgelyada ka ilaalino, sidaa darteed ummadda reer Somaliland way taqaan macnaha nabadgelyada, mana aha wax lagu dagayo, laakiin xisbiga UDUB iyo maamulkiisa ayaa nabadgelyada xumaynaya, masalana gobolka Sool iyo bariga gobolka Sanaag nabadgelyo daro daraadeed ayaa baandow loo saaray, taasna waxa abuuray maamulka hadda jira, waxaynta taasi ogolaatay inay maamulo kale farageliyaan, maantana maamulka Somaliland faro uguma jiraan, tusaale ahaan sanaaduuqdii oo aanu doonayno inaanu geyno Badhan ayaa naloo diiday inaanu geyno.”

Sahra Qoorsheel waxay intaa ku dartay, “Maamulka Somaliland waxay daneeyaan afar oday oo maalin-ba dhinac mushahar ka qaata, wayna ilaaween dhibaatooyinka shicibka haysta”. Laakiin waxay intaa ku dartay “Cadaaladda yaan la cabudhin, hadii cadaaladda la cabudhiyana waxay keeni doonaya nabadgelyo xumo, si dadka la isaga horkeeno ayaa la leeyahay maxkamaddu waxay ku dhawaaqaysaa codkii uu ku dhawaaqay komishinku, wasiirada sidaa lihi isku dhac ayey abuurayaan, laakiin dalka cid walba KULMIYE ayaa uga lexejeclo badan.”

Waxa kale oo dumarkii halkii ka hadlay ka mid ahaa Canab Cali Ducaale, waxayna tidhi “Daahir Rayaale meesha waxa keenay dastuurka dalka, markaa hadii aanu xaganayno maalintaa ayaanu xag-xag lahayn, xaasha inaanu xag-xagano”. Laakiin Canab Cali waxay si gaar ah u weerartay wasiirka daakhiliga, iyadoo u muuqatay inay ka cadhaysan tahay hadalo ka yeedhay wasiirka daakhiliga oo uu ku magac-dhabay, waxayna tidhi “Wasiirka maanta hadidaya Maxamed Kaahin waxaan ogahay inay labadoodu (Ismaaciilyare iyo Maxamed Kaahin) kala leeyihiin magacyo iyo taariikh, waxaana leeyahay shalay markii ay Maxamed Kaahin iyo ragga la mid ahi halganka ku jireen, adigu Ismaaciilow wixii aad qaban jirtay waynu isla garranaynaa, markii ay SNM-tu magaalada soo gashay gurigaaga waa tii la gubay, adiguna waa taad Boorame u baxsatay, markaa wixii aqalkaaga lagu gubay iyo sababtii aad Boorame ugu baxsatay jawaabteeda waa lagaa sugayaa, ta kale Maxamed Kaahin isaga Somaliland kaaga lexejeclo badan, kursiga aad ku fadhidona ummadda ayaa iska leh, nabadgelyada ummadda leh, adiguna taariikhdii hore Somaliland inay libin gaadho maad jeclayn.”

Canab waxa kale oo ka hadashay, waxayna tidhi “Xisbiga KULMIYE kalsooni badan ayuu ku qabay inuu guusha helay, waxayna ahayd wax la wada ogyahay, markaa guddiga doorashooyinka waxaan leeyahay hadii ay dhacday inuu KULMIYE guushii helay xaasha’e rag waaweyn oo masuuliyiin ah ayaad ahaydane inaad sidaa maanta yeeshaan idinka ayey taariikh-xumo idiin tahay, markaa iyadoo la idin aaminay may ahayn inuu C/laahi Jawaan yidhaahdo UDUB baa helaysa, taasi waa wax aad u foolxu, isla markaana KULMIYE waxba ku yeeli maayo ee masuuliyaddiisa dambe ayey u xun tahay. Anaguna hadii aanu KULMIYE guusha anaga leh, cidkasta oo xoog sheegataana nagama qaadi karto.”

Canab Cali Ducaale waxa kale oo ay soo qaaday madaxweyne Daahir Rayaale, waxayna tidhi “Maanta waxaad tahay madaxweynihii ummadda, waxaana wanaagsan inaad horseed ka noqoto isu soo jiidka iyo walaalaynta ummadda, isla markaana hadii uu maanya sharcigu ku dejiyo oo lagaa guulaystay waa inaad na hambalyeyso, karaamada iyo sharafta aad meesha kaga tagtaa waxay dhaxal u noqonaysaa taariikhdaada dambe, markaa yaanay taariikhda kuu gelin inaad noqoto madaxweynihii burburiyey Somaliland oo yaanay kursi jeclaysigaaga u burburin”.

Top


“Tiknikada iyo Ciidanka waaanu halkan u keenay in aanu ilaalino nabadgelyada, haddii ay cidi is tidhaahdo fawdo samee,” Wasiirka Daakhiliga - Wareysi,qaybtii 2aad.

Hargeysa (Haatuf): Intiinii shalay akhrisatay, waxaanu idiin soo deynay qaybtii hore ee Wareysi aanu la yeelanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Ismaaciil Aadan Cismaan, sidaa darteed waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qabytii labaad ee wareysigaa, waana tan:

S: Maalintii loo ballansanaa in natiijada lagu dhawaaqo, waxa la sheegay in aad diideen in aad saxeexdaan, maxaad u saxeexi waydeen?

J: Horta sideedaba maaha in ay laba xisbi iyo saddexda xisbi toona saxeexaan, ee waxa weeye marka goobaha lagu soo tiriyo ee komishanku soo saxeexo, saddexda wakiil ee xisbiyaduna soo saxeexaan, kadib ay xarunta guddiga Qaranka yimaadaan sanaaduuqdu, sidaas ayay tiradu ku dhan tahay, taas ayaanay xisaabtu tahay oo laysu geyn-geynayaa, xisbi walibana dhokumentigiisii ayaa la tusayaa oo koobi la siinayaa, markaa taas ayuun bay ahayd in laga doodo, laakiin kii xaruntu waxa ay ahayd mid muran ah oo ay komishanku fureen, isla markaana waxay ahayd mid aan sharciga waafaqsanayn, mana ay ahayn in asxaabta laysugu yeedho oo la yidhaahdo kaalay xisaabtama, imikana ma jirto cid wax wada saxeexday iyo wax aanu annagu diidnay iyo wax cid kale saxeexday toona ee komishankii xaqa u lahaa ayuun baa ku dhawaaqay, balse nasiib-darro sidii ay KULMIYE filayeen in iyaga guusha loogu dhawaaqi doono, ayay UDUB guushu ku raacday 80 cod, kadibna taas ayay KULMIYE liqi la’ yihiin oo dadkii ay ku yidhaahdeen waynu guulaysanay ayay imika garan la’ yihiin waxay u sheegaan, markaa waa in ay maanta ku yidhaahdaan waa la ina boobay, yaase boobay, iyagaaba wax boobaye.

S: Waxa la leeyahay Maxkamadda ayaad fara-gelin ku haysaan, taasi ma jirtaa?

J: Xaashaa Lilaah, Maxkamadda Sare cidkasta way ka madaxbannaan tahay. Masalan, anigu waxaan ahay wasiirkii daakhiliga, dalkana waxa iga awood weyn Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka, mar qudha maan ag marin Maxkamadda, cid kale oo naga mid ah oo ag martay ma jirto, waayo Maxkamadda waanu ku kalsoonnahay, mana jirto wax allaale waxay bedeli kartaa, ee waxay ku dhawaaqaysaa go’aanka saxa ah ee ay guddigu u soo gudbiyeen, mana jirto wax ka duwan oo ay ku dhawaaqaysaa.

S: Maalintii la damacsanaa in natiijada doorashada lagu dhawaaqo, waxa xarunta komishanka yimi Shir-gudoonada Baarlamaanka, waxayna sheegeen in ay Madaxda Xisbiga UDUB cabasho u keeneen, maxaad iyaga ugu cabateen ee aad komishanka doorashada ku shaqada leh ugu caban weydeen?

J: In aad xoog wax ku doonto maaha ee waxa loo baahan yahay in wax kasta lagu doono si wanaag ah, sidaas darteed markii aanu aragnay inuu gudoomiyaha Komishanku dhinac yahay, isla markaana aanu aragnay in la diidan yahay in codkiisa la tiriyo qof muwaadin ah oo coddeeyay, iyadoo arrinta sanaaduuqda la diiday ay ka masuul ahaayeen komishanku, taas oo dhokmentkii lagu soo ridi lahaa sanaaduuqda aanu lagu soo ridin, taasna ay masuuliyadeeda lahaayeen komishanku, sanaaduuqdaasi waxay ahaayeen kuwo ay UDUB aqlabiyadooda lahayd, taas darteed ayaanu odayaasha Guurtida u sheegnay oo ku nidhi arrintaasaa taagan oo intaas oo sanduuq oo aanu xaq u leenahay ayaa la diiday in la tiriyo, laakiin su’aasha odayaashu weydiiyeen komishanka way diideen hadalkii odayaasha oo waxay yidhaahdeen sanaaduuqdaa mana eegayno mana tirinayno, markaa sidaas ayay odayaashu kaga yimaadeen, cidna culays may saarin.

S: Xarunta Wasaaradaada waxa beryahan joogay baabuur tikniko ah, waa maxay xaaladda aad dareentay ee aad ciidanka meesha u keentay?

J: Horta ciidanka Boolisku baabuurtii ay lahaayeen oo dhan gobollada ayaanu u kala dirnay, isla markaana Ciidanka Qaranku uu ka qayb-qaadan karaa hawsha nabadgelyada, ciidanka milateriguna maaha Xabashi ama wax dadka cunna ee waa niman muwaadiniin ah oo Booliska ayay la mid yihiin, difaaca dibadda iyo nabadgelyada gudaha ee dalka labadaba waa loo adeegsan karaa, ciidanka Booliiska ee halkan joogaana kuma filna nabadgelyada, sidaas darteed waxaanu tiknikada iyo ciidanka meesha u keenay in aanu ku ilaalino nabadgelyada, haddii ay cidi istidhaahdo fawdo samee, iyadoo ay na soo gaadhayaan arrimo badan oo ah in ay jirto cid nabadgelyo-darro wada, markaa ciidankani horena nabadgelyada ayaanu ugu sugaynay, ilaa haddana nabadgelyada ayaanu ku sugaynaa oo ay meesha ku joogaan, mana jirto wax dhibaato ah oo ay cid ku hayaan, sababta ay halkan u joogaana waxay ku soo dhawaadeen, halkani waa halkii maamulka nabadgelyada la xukumayay, waayo, anigu waxaan ahay gudoomiyaha nabadgelyada Qaranka, sidaas darteed ayay iila shaqaynayaan.

Top


Ciidamada Maraykanka oo laayay 15 Ciraaqiyiin ah.

Al-faluja (W.Wararka) - Ugu yaraan 15 qof oo Ciraaqiyiin ah ayaa dhintay, qaar kaloo badana way ku dhaawacmeen kadib markii ay ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq ay rasaas ku fureen dadweyne ku nool degmada Fuluja oo ilaa 50 km dhinaca galbeed ka xigta caasimadda dalkaasi Ciraaq.

Arrintan oo ka dhalatay markii ay iska-horimaadyo uu dhiig ku daatay ka dhaceen degmadaasi habeen hore, iyagoo dadka degmadaasi dhigay gadood ay kaga soo horjeedaan joogitaanka ciidamada Maraykanka ee degmadaasi oo ay galeen laba maalmood kahor. Dhacdadan oo aad u murugo gelisay dadka degmadaasi waxay keentay inay ku tallaabsadaan mudaharaado laxaad leh oo ay kaga soo horjeedaan rasaasta ay ciidamada Maraykanku ku fureen dadka mudaharaadayay.

Wararka kasoo baxaya dhinaca cusbitaalada ayaa sheegaya in dadka dhaawacmay badankoodu ay halis yihiin, kadib markii ay kasoo gaadheen nabaro halis ahi rasaasta ay ku fureen ciidamada Maraykanku.

Ciidamada Maraykanka ayaa ku soo rogay magaaladaasi Bandoo adag, iyagoo xayiray dhammaan isku socodka dadka iyo dhaq-dhaqaaqa magaalada.

Top


Wasiirkii Saliidda Ciraaq Oo Ay Maraykanku Qabteen.

Baqdaad (W.Wararka) - Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada Baqdaad ciidamada Maraykanka ayaa qabtay wasiirkii Saliida ee xukuumaddii Sadaam Xuseen ee la riday, Caamir Maxamed Rashiidi, kadib markii uu isku dhiibay ciidamada Maraykanka maalintii Isniintii.

Sida ay sheegeen taliska ciidamada Maraykanku, Rashiidi gacanta ayaa lagu hayaa, balse wax tafaasiil ah kamay bixin goobta uu ku sugan yahay iyo sida uu xaalkiisu yahay.

Magaca Rashiidi oo isla markaana ahaa la taliyaha gaarka ah ee Sadaam Xuseen, waxa uu ku jiray liiska mas’uuliyiinta reer Ciraaq ee uu Maraykanku raadinayo oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa 55 mas’uul, waxaanu magaciisu ku jiray lambarka 47aad, ilaa iyo haddana mas’uuliyiinta la qabtay ee ka tirsanaa maamulkii Sadaam Xuseen waxay gaadhayaan ilaa 14 qof.

Top


Dawladda cusub ee Falastiin.

Ram Allah (W.Wararka) - Ra’iisal-wasaaraha cusub ee Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa maalintii shalay xukuumaddiisa cusub soo hordhigay golaha Baarlamaanka ee dalkaasi, si uu u helo kalsoonida Baarlamaanka.

Furitaankii fadhiga Baarlamaanka oo uu ra’iisalwasaaruhu ka hor akhriyay Barnaamijka xukuumaddiisa, waxaanu sheegay inay xukuumaddiisu ahmiyadda koowaad siinayso ka gun-gaadhista waan-waantii Bariga Dhexe, iyo sidii loo joojin lahaa xad-gudubka ay Israa’iiliyiintu ku hayaan dadka reer Falastiin.

Waxa kaloo uu ka hadlay sida ay dawladdiisa uga go’an tahay inay xakamayso rabshadaha iyo fad-qalalada ay wadaan dadka kasoo horjeeda Isra’il, isagoo ku baaqay in la xakameeyo hubka aan sharciga ahayn. Waxa la filayaa in Baarlamaanka Falastiin uu aqlabiyad buuxda ku ansixiyo Dawladda cusub ee uu soo dhisay Raa’isal-wasaaruhu, taasoo dhismaheeda uu muddooyinkii dhowaa uu ka dhashay muran laxaad lihi, kaasoo u dhaxeeyay mas’uuliyiinta sar-sare ee Falastiiniyiinta.

Top


Dadweynaha Reer Qatar Oo U Codeynaya Dastuurka Dalkooda.

Doha (W.Wararka) - Dadweynaha ku nool dalka Qatar ayaa maalintii shalay u dareeray cod-bixinta Afti loo qaadayo Dastuur cusub oo waddankaa loo sameeyay. Dadweynaha reer Qatar ee cod-bixinta ka qaybgalay oo tiradooda lagu qiyaasay 24,000 oo qof waxay cod-bixinta ka dhiibanayeen 150 goobood oo loogu talogalay in cod-bixinta laga dhiibto, waxaana dusha ka eegaya cod-bixintaasi goob-joogayaal ka socda Caalamka.

Amiirka dalkaas, Sh. Xamad bin Khaliifa Al-Saani iyo madax sare oo ka tirsan dalkaasi ayaa ka mid ahaa dadweynaha subaxnimadii shalay dhiibtay codkooda, waxaana la sheegay in dhallinyarada iyo haweenku ay si weyn ugu soo baxeen cod-bixinta. Dastuurkan oo la diyaarinayay muddo Saddex sannadood ah, waxa la sheegay inuu xorriyad dheeraad ah siinayo xorriyatul-qawlka iyo ka qaybqaadashada dadweynaha ee ka qaybqaadashada talada dalkaasi, waxaanu ka kooban yahay 150 qodob, qodobada ku jirana waxa ka mid ah doorashada Baarlamaan uu yeesho dalkaasi.

Dadweynaha dalkaasi, oo lagu qiyaasay 700,000 oo qof, waxa la sheegay in badankoodu ay yihiin dad aan u dhalan dalka Qatar, tallaabadana waxa la filayaa inay isbeddel waxoogaa ah u horseedo dalkaasi.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Thierry Henry oo noqday ciyaaryahanka sannadka.

Weeraryahanka reer Arsenal, Thierry Henry ayaa ururka khuburada kubadda cagta ee Ingiriiska PFA (Professional Football Association) ay siiyeen inuu yahay xiddiga sannadka ee kubadda cagta ee dalka Ingiriiska, kadib markii uu ka badiyay xiddigii sannadkii hore ee reer Manchester, Ruud Van Nistelrooy, iyadoo ay sheegeen inuu u dhaliyay naadiga Arsenal boqol gool, haddaba Henry waxa uu u mahad-celiyay raggii tartanka kula jiray oo iyaga laftoodu u footeeyay isagoo yidhi; “Raggaas ayaa aniga ii shalay inaan noqdo xiddiga sannadka, raggaas oo kala ah una kala ciyaara naadiyada Newcastle, Alan Shearer, Celsea; Gianfranco Zola, Southampton; James Beattie, Manchester; Van Nistelrooy; Paul Scholes, intaasi oo dhammi way ii codaysay, waanay ku mahadsan yihiin.”

Haddaba ururka PFA ayaa sheegay inay uga cadeeyeen website-ka Premier League dad gaadhaya 1000,000, milyan oo qof oo ay Henry u cadeeyeen 3 daloolow hal dalool marka milyan Saddex loo qabiyo (333333.3) ay u cadeeyeen website-ka inuu Henry noqdo xiddiga Ingiriiska, dadkaasi oo kasoo kala cadeeyay 182 waddan.

Dhinaca kale, ururka PFA, waxay u sameeyeen ama xuleen naadiga sannadka oo ay kasoo xuleen dhammaan naadiyada:

Brad Friedel - Blackburn
Stephen Carr - Spurs
Sol Campell - Arsenal
William Gallas - Chelsea
Ashley Cole - Arsenal
Patrick Vieira - Arsenal
Paul Scholes - Man. United
Kieron Dyer - Newcastle
Ropert Pires - Arsenal
Thierry Henry - Arsenal
Alan Shearer - Newcastle

Top


Bayern Munich Oo Diirada Saartay Makaay.

Berlin (AFP) - Dhawaan ayaa wuxuu bilaabay naadiga horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich xiiso farabadan oo uu u hayo ama ku ugu hamiyayo inuu iibsado ninka weeraryahanka gool-dhalinta Leagua Spanish-ka ah ee Qaranka Holland-na u ciyaara.

Haddaba mar uu maalintii Isniintii ninka booska ka ah naadiga Bayern Munich, Mr. Ottmar Hitzfeld u waramay jariirada Isniin kasta kasoo baxda Jarmalka ee la yidhaa ‘Kicker Magazine’ wuxuu yidhi; “Makaay waa hubaal inuu yahay ciyaaryahan xiiso badan leh oo la jeclaan karo, anaguna waanu xiisaynaynaa haddii ay waxyaabo noo suurogalaan waanu soo iibsanaynaa.”

Haddaba, faallo uu joornaalku ka qoray Bayer iyo Makaay wuxuu ku sheegay in qiyaaska sicirka Makaay yahay 7 milyan ilaa 10 milyan oo Euro ah, iyo inay Munich ka faa’iidaysato Makaay oo jecel inuu Isbaanishka ka tago marka uu heshiiskiisu dhammaado, isagoo heshiiskiisu ku egyahay 2005, iyo iyadoo ay u dhawdahay inay Bayern Munich Makaay ku caashaqday isagoo naadiga Jarmalka ah ee awooda sare leh ka dhaliyay 4 gool oo ka mid ah 5-tii gool ee Deportivo ka dhalisay Munich labadii ciyaarood ee Champion-ka sannadkan horraantiisii 28-jirka Makaay.

Laakiin, dhinaca kale mar ay jariiradu wax ka weydiisay sarkaal kale oo ka tirsan naadiga Bayern Munich oo magaciisa la yidhaa Franz Beckenbauer ayaa walaac ka muujiyay doonista weeraryahanka Makaay, wuxuuna u sheegay jariirada in uu u malaynayo inaan naadiga Munich u baahnayn nin kale oo afka hore ah oo ay soo iibsato, isagoo uu joogo weeraryahanka reer Brazil ee Giovane Elber oo ku jira saddexda nin ee gool-dhalinta horyaalka Jarmalka (Bundesliga) hoggaaminaya oo midkiiba leeyahay 16 gool, sannadkan iyo weliba sababta labaad ee uu u soo cuskaday doonis la’aanta Makaay ku sheegay naadiga Bayern Munich oo xilli-ciyaareedkan 2002/2003, dhalisay 61 gool oo ka horaysa naadiyada ugu fiican sannadka 14 gool oo ay ka sarayso naadiga kusoo xiga.

Top


GARTA DHAQANKA IYO XEERARKA SOMALIDA.

Ambiilku waxa uu leeyahay shuruudo, waxaana shuruudahaa ka mid ah in hadii wax lagugu yeeshay inaad horta waxaas bixiso, waxa kale oo ka mid ah inuu ambiilku muddo yeesho, sida 3o cisho iyo wixii la mid ah, laakiin hadii uu ambiilku muddo dhaafo, isla markaana aanad hayn cudur-daar lagu qanco wuu dhacayaa. Sidoo kale waxa ka mid ah inaan dacwad kale la furin ee tii hore uun la ambaqaado oo la geeyo golaheedii.

Markhaatiyada inkasta oo aynu qaarkood hore u soo sheegnay waxay u kala baxaan dhawr nooc oo ay ka mid yihiin, markhaati xog-ogaal, taas oo ah wixii aad war hayso ama arkaysay ama maxaad goob-joog u ahayd. Waxa isna jira markhaati shareeco, wuxuuna la xidhiidhaa dhinaca diinta, taas oo la odhanayo wixii diinta ku xidhma wadaad hala waydiiyo ama waxa la odhanayaa arintaa kitaab haloo eego.

Waxa kale oo isna jira markhaati xeer-beegti, wuxuuna markhaatiga caynkaas ahi la xidhiidha dhinaca khibradda xeer-beegtinimada, taas oo masalan marka ay arini dhacdo la yidhaahdo hebelow tan oo kale ma u soo joogtay, waxyaalaha la odhanayana waxa ka mid ah “Hebelow qoodh iyo xeraale ayaa laguu qabsadaye arinta caynkaas ahi meel ka dhac ma tahay.”

Waxa kale oo isna jira markhaati la yidhaahdo Ifmadoon, taas oo ah sheegista wixii ka dhaca gole dadba wada joogo oo macwi ah, waxaasi ha noqdeen dhac, cay ama waxyeelo laguu geystay ama hiil lagaa hiiliyey intii ay gartu socotay ama qiraal kuu dhacay oo la yidhi “Waxaasi waa gacan”.. Sidaa awgeed waxa ka dhaca meesha golaha ah ama gole dad-joogeen ah ayaa la yidhaahdaa Ifmadoon.

Waxa kale oo dhaqamada garaha ka mid ah in si gobanimo ah loo garnaqsado ama hadalka loo yidhaahdo, taas oo ah in hadalka si aan kulayl lahayn loo yidhaahdo ama la qaboojiyo, laakiin mararka qaarkood hadalka kulayl waa loo odhan karaa, sida marka dilku dhaco, balse marna ma aha inuu kulaylku hadalkaaga ka muuqdo ee wejigaaga ayuu ka muuqan karaa. Waxaana dhaqanka hadalka ka mid ah inaad ku halqabsato nin kaa soo horjeeda, adigoo ninka aad ku halqabsanayso magac-dhabaye, taas oo aad masalan odhanayso “Caliyow abti” ama “Caliyow adeer”, inaadeer, walaal iwm...

La soco.

Top


DIL-DILAACII UBAXA IYO KACAANKII DHERGIGA.

Mingistu: Nin dhalinyaro ah oo markaa joogay Ugaadeeniya, isla markaana uu Taariku taliye u ahaa mar uu taliye ka ahaa guutada 9aad, ayaan anigu aqoon u lahaa. Laakiin aniga iyo Taariku Layne mar keliya isku qayb ama guuto maanu noqon, xataa meel aanu ka wada shaqaynayn may jirin, balse markii uu ubixii kacaanku dilaacay labadayaduba waxaanu ahayn gaashaanle yaal, wuxuuna isagu markaa ka socday guutada 17aad oo ka tirsanayd qayb uu haystay Tasfaaye Walde Salaase, aniguna waxaan ka socday qaybta 17aad.

Taariku Layne waxa uu ka mid ahaa nimanka ka faa’iidaystay ee horumarka ka gaadhay maamulkii kacaanka, waxaana loo magacaabay janaraal, isla markaana waxa uu ahaa nin ay da’diisu yar tahay, laakiin intii aanu janaraalka noqon mar baa jirtay uu gobolka Tigraay dhexdiisa ka abaabulay guuto ciidan ah, ka dibna uu dagaalkii u horeeyey ka bilaabay waqooyiga, isaga oo taliye u ahaa ciidamada fadhigoodu yahay gobolada Goondar iyo Humara iyo agagaarka Abdaraafi, intii uu halkaa joogayna nimanka kacaanyahanada ah, siyaasiyiinta iyo taliyayaasha qaybaha ee ciidamada xuduudaha jooga ayey mar walba is dili jireen oo ka soo dacwoon jiray, ka dibna markii aan idhi maxaa ka jira oo lagaga dacwoonayaa ninkaa waxa ka mid ah waxyaalaha ay lahaayeen “Taariku maadaama ay isaga iyo saraakiisha kuliyadda ciidamada ka soo baxay colaad hore dhextaalay, ma heshiin karaan, waayo isma arki karaan, sidaa darteed waxa haboon in isaga meel kale loo bedelo”.

Ka dibna waa la bedelay Taariku oo waxa loo bedelay dhinaca Koonfurta dalka, dabadeedna isaga oo aagga koonfureed iska jooga ayaa loogu dalacaad, laakiin ciidamada goobaha dagaalka jooga oo keliya ayuun baanu xiligaa dalacaadda siin jirnay, dabadeedna markii aanu Taariku siinay janaraal Taariku waxa soo baxay niman taa diidan, waxayna yidhaahdeen “Waa maxay waxa uu Taariku qabtay ee janaraalnimada lagu siiyey, iyadoo ay saraakiishii kale goobaha dagaalka daalaadhacayaan, kuwaas oo dhaawacmaya ama dhimanaya, halka uu isaguna Awaasa iska joogay ee biirka isku daldalayey, markaa muxuu ku mutaystay in janaraalnimo loo dalacsiiyo”.

Qaar kalena oo iyaguna diidan dalacaadda janaraalnimo ee Taariku ayaa yidhi “Marka uu ninku doonayo inuu janaraalnimo qaato ama heer janaraalnimo u gudbo waxa looga baahan yahay inaad noqoto nin khibrad u leh hogaaminta dagaalada iyo inaad noqoto nin dagaalyahan ah, waxaana lagaaga baahan yahay inaad ku sugnaato ama joogto halka ay ciidamada kale, markaa Taariku isaga oo aan muujin raganimadiisa in la yidhaahdo janaraalnimo haloo dalacsiiyo ma aha wax macquul ah oo la aqbali karo, janaraalnimaduna ma aha wax sida casharka qunyar la isku saydho”, laakiin waxa jiray qaar isaga taageersan, kuwaasina waxay yidhaahdeen oo ay isaga ku difaacayeen “Ninkan halkii uu kartidiisa ama raganimadiisa ku muujin lahaa marna lama geyn, wax qalad ah kuma laha taa, waxayna dhaliishaasi meesha imman kari lahayd hadii inta la siiyo fursad, ka dibna uu muujin kari waayo kartidiisa, markaa hadii aan fursadba la siin oo la tijaabin sidee baa loo ogaan karaa kartidiisa, isla markaana waxa uu taliye ka soo noqday meelo kala duwan, taas darteedna waa sarkaal khibrad u leh aqoonta askarimada ama ciidamada oo soo jireen ah, balse hadii ay arintu tahay dagaal laga qayb galo uun, isaguba waa kii ka qayb galay dagaalkii u horeeyey ee ka dhacay meesha la yidhaahdo Aqiyaahi. Sidaa darteed iminka maadaama ay tahay xiligii uu janaraalnimo qaadan lahaa wuu sugayaa, hadiise aynu ku nidhaahno janaraalnimo uma qallantid miyaani niyad-jabayn, markaa ninkan mudada uu soo shaqeeyey iyo kartidiisa ciidan-nimo marka la qiimeeyo hadii ay u ogolaanayso in la siiyo derejadaa hala siiyo, isla markaana derejada la siiyey inuu yahay nin u qalma, isagu ha is muujiyo”, dabadeedna maadaama ay nimankan oo aad ugu dhodhowaa qiimaynta intaa le’eg ka muujiyeen, waxaan markaa waydiiyey xagee baad doonaysaan ama rabtaan inaynu ku qorno maadaama uu janaraalnimo qaatay, ka dibna waxa soo yeedhay jawaabo kala duwan, iyadoo ay qaarba wax yidhaahdeen, taas oo ay jawaabihii la bixiyey ka mid ahaayeen “Furinta Naadaw hala geeyo”, qaar kalena waxay yidhaahdeen “Miyuu hogaamin karaa ciidanka aagga Naadaw jooga ee aadka u balaadhan”, hadana waxa soo yeedhay “Haa wuu awoodaa inuu hogaamiyo.”

Gannat: Kuma iyo kuma ayey ahaayeen kuwa sidaa lahaaa?

Mingistu: Waxa ka mid ahaa janaraal Siyuum Makoonin, janaraal Masfin Gabra Qaal, Tasfaaye Gabra Kidaan iyo qaar kale, sidii ayaana lagu ogolaaday bedelka Taariku, waxaana laga dhigay taliyaha ciidamada aagga Naadaw, dabadeedna inta uu u tegay ciidankii ayuuba ololiyey oo dab geliyey, halkaas ayeyna dhibaatadu ka dhalatay. Markaa anigu ilaa iyo waqtigaa ayaan Taariku taageeri jiray oo xataa markii uu joogay Humara ee la soo dacweeyey waxaan idhi Tigraay hala geeyo.

La soco.

Top


Jilbo-dhiig.

Gabadhii ayaa telefoonkii qabatay oo tidhi “Naa muxuu ahaa qofka aad ii dhiibtay”, ka dibna Saynab ayaa tidhi “Naa waa mid bayhoof ah oo aanu beri is naqaanay ee cabaar waal”, laakiin Biixi wuu maqlayaa hadalka meesha ka dhacaya ileyn labada gabdhood dhinaca ayey isku hayaane. Ka dibna gabadhii telefoonka loo dhiibay waxay Biixi ku bilowday ciyaar iyo saaxiib maxaad doonaysaa.”

Biixi gabadhii ku cayaaraysay ee ay Saynab afka u gelisay hadal kale uma celinayn ee keliya waxa uu ku lahaa “Walaal hal mar ii dhiin Saynab”, laakiin suurta gal may noqon inay u dhiibto, ka dibna markii uu muddo nusa-saace ka badan telefoonka dhegta ku hayey ayey naagtii markii dambe telefoonkii ku dhigtay.

Hase yeeshee Biixi wiilkiisii yaraa markiiba intii uu xabsiga ku jiray ayuu suuqa iska galay, wuxuuna noqday xabbagle, laakiin dhawr bilood ka dib maalintii uu Saynab telefoonka u diray gabadh Ingiriiska ka timi oo taqaanay Saynab ayuu la kulmay, waxayna u sheegtay inuu wiilkiisii yaraa dhintay oo uu gaadhi jiidhay isaga oo neel gidaar ah xabbag ku cabaya, balse Biixi geerida wiilkiisa yar ee loo sheegay aad uguma nixin, waayo waxay ahayd wax uu awelba filayey oo wuu iska garanayey in mar hadii uu ka tegay oo barbaarintiisa iyo noloshiisa gacanta ku hayn, sidaa darteedna markii geeridiisa loo soo sheegay kuma ay noqon wax cusub oo markiiba samir iyo iimaan ayuu ka qaatay.

Saynab waxay halkeedii ka waddoba galabtii dambe ayey iyada iyo wiil Afrikaan ah oo xerteeda ka mid ahi ka kaceen majliskeedii, waxayna kaxaysteen baabuur, iyaga oo u baxay hawl la xidiidha mukhaadaraad suuq loo soo sheegay oo doonayeen inay soo iibiyaan, ka dibna iyada iyo wiilkii inta ay baabuurkii galeen ayey carareen, dabadeedna gaadhigii ayaa dhuftay mid ka mid ah wadooyinka laamiga ah ee magaalada London, iyadoo uu ku soconayo xawli aad u dheeraynaya, laakiin markii uu meel dhexe marayo ayuu daf yidhi baabuur oo xamuul ah oo wadada marayey, ka dibna halkaas ayey labadii qofba ku qudh-baxeen, baabuurkiina uu digaandigaha ku noqday, ka dibna taraafigga iyo qaylada ayaa isu yeedhay, waxaana maydkii aasay dawladda hoose ee London, sidaas ayeyna ugu dhamaatay gabadhii Saynab, Biixina maalmo dambe ayuu suuqa ka maqlay inay Saynab dhimatay, ka dibna markii uu waraystay waa loo xaqiijiyey.

Biixi markii uu muddo ilaa laba sannadood gaadhaysa shaqadii yarayd ee telefoonada ku jiray ee ay waxoogaa shilimo ahina uga urureen ayuu maalintii dambe fasax qaatay oo qabtay xagaa iyo reerkoodii miyiga, iyadoo uu fasaxiisu ahaa laba bilood, laakiin Biixi markii muddo ilaa bil ah joogay ayuu maalitii qabtay oday abtigii ah oo yaal miyi waxoogaa ka durugsan halka uu reerkoodu yaalo, ka dibna markii uu muddo toddobaad ah abtigii la joogay ayuu maalintii dambe hungureeyey gabadh guriga abtigii joogtay oo ay qoodh badani ka muuqato, balse gabadhaas oo uu odayga abtigii adeer u ahaa waxa uu arinkeeda u soo bandhigay oo uu kala tashaday abtigii, laakiin odaygii abtigii waxa uu u sheegay inay gabadhu nin kale u doonan tahay, laakiin Biixi oo ay hawo guur aad u hayso kuma qancin jawaabta abtigii siiyey, wuxuuna is tusay gabadha mar hadii aanu meher ku xidhnayn inaanu jirin sharci ka horjoogsanaya inuu guursado, sidaa darteed waxa uu bilaabay inuu ka shaqeeyo oo uu isagu la dhameeyo.

Gabadhaasi waxay inta badan joogi jirtay guriga oo debed baxeedu wuu yaraa, waxayna inta badan ku mushquulsanaan jirtay samaynta Hararada iyo Kebdaha, balse xiliyo ay ka mid yihiin barqada marka xooluhu kala dareeraan ayuu marmar afka u soo yara dhuubi jiray oo uu kelmado ku tuurtuuri jiray, laakiin markii uu inmuddo ah haasaawe kaftan u badan la waday ayuu maalintii dambe u badheedhay, una sheegay inuu arin guur ka doonayo.

La soco. 

Top