Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 328 May 10, 2003

Maxkamadda Sare oo dhegaysatay Doodihii Labada Xisbi u Soo Jeediyeen Gudida Doorashooyinka.

Xukuumadda Somaliland Oo Beenisay In Ay Dalbatay Beddel Wakiilka Itoobiya U Fadhiya Somaliland.

Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Markabka La Bililiqaystay.

Gari Laba Dhinac Kama Wada Qoslise Aynu Si Degenaasho Leh U Dhawrno Go’aanka Maxkamadda.

Taliye ku xigeenka Booliska Gebiley oo Jawaabo ka Bixiyey Eedaymo ay u soo jeediyeen Odayaal Xisbiga KULMIYE ka Tirsan.

Iftiinka Islaamka: Siiradii Rasuulka.

Odhaahda Akhristaha: Riyo Hadii ay Dub Leeyihiin Dabadooda Ayey Ku Qarin Lahaayeen.

Doorashadii Somaliland, Dooda Xisbiyada, Iyo Dawladaynu Haybinayno.

Gari Udubna Ma Taqaan, Kulmiyana Ma Taqaan.

Awr Xamalkii Waa Qaadaa Se Xadhig Qaloocan Ma Qaado.

DHALASHO FARXAD LEH.

Hambalyo Aroos.

Hambalyo Meher.

Waadiga Ciyaaraha: Maxaa Kala Qabsaday Kooxaha Mataanaha Milan?


Maxkamadda Sare oo dhegaysatay Doodihii Labada Xisbi u Soo Jeediyeen Gudida Doorashooyinka.

Maxkamadda Sare oo dhegaysatay Doodihii Labada Xisbi u Soo Jeediyeen Gudida Doorashooyinka.

Hargeysa (Haatuf): Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa maalintii shalay dhageysatay dacwadii ay soo gudbisteen labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE ee dhanka ka ahayd natiijadii ku-meelgaadhka ahayd ee ay guddiga doorashooyinku ka soo saareen doorashooyinkii Madaxtinimada ee dalka ka dhacay 14kii April.

Dacwadan oo ay mudici ka ahaayeen labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE mudaacalayguna ay ka ahayd guddiga doorashooyinku, waxa doodda dacwadda labada xisbi halkaa ka jeediyay afar Qareen oo laba-ba xisbi ka socdeen, una doodayeen, iyadoo uu doodda xisbiyada difaacayay Qareen u doodayay guddiga doorashooyinka Qaranku, waxaana dhagaysiga doodda labada dhinac dhagaysanayay 7-da Xaakim ee ay ka kooban tahay Maxkamadda Sare, kuwaas oo uu horkacayay gudoomiyaha Maxkamadda Sare Siciid Axmed Faarax, wakiilo ka kala socday axsaabta siyaasadda iyo marti-sharaf kale oo badan.

Sidoo kale, waxa jawiga doodda ka socotay sheeda kala socday dadweyne aad u farabadan oo dhoobnaa duuleedka Maxkamadda Sare, kuwaas oo ay hor joogsadeen ciidamo farabadan oo la dhigay hareeraha Maxkamadda subaxnimadii hore ee shalay, si loo sugo ammaanka xarunta Maxkamadda Sare ee loo yaqaan Goodirka oo ay dacwaddu ka socotay dhagaysiga dacwaddan oo ahayd mid si aad ah loo sugayay, waa wajiyada dadka ka muuqatay xiisaha ay u hayaan maqalka doodda labada xisbi, iyadoo ay dhinaca kalena ka muuqatay wajiyada wakiillada xisbiyada jawi rajo iyo cabsi isugu jira, iyada oo aanay hubin dhanka ay guul-daradu ku raaci doonto dacwaddan.

Markii ay bilaabantay dhagaysiga dacwaddu, waxa doodda hadalka ku horeeyay Qareenada u doodayay xisbiga UDUB ee Maxamed Jaamac Cabdi iyo Barkhad Jaamac Aare, waxaanay doodooda sal uga dhigeen arrimo ay ka mid yihiin sanaaduuq aan loo tirin, kuwo laga raray halkii lagaga codeeyay iyo tirooyin ay sheegteen in ay ka maqn yihiin oo raacsan tirada codadka KULMIYE, waxaase eedahaa ka jawaabay Qareenka u doodayay guddiga doorashooyinka, Khadar Maxamed Guuleed, isaga oo sababeeyay mid waliba sida ay ku timid, isaga oo isla markaana deedafeeyay wixii eedo aanay qabin, kadibna waxa doodooda dhiibtay Qareenada u doodayay KULMIYE ee C/raxmaan Ibraahim Caalin iyo Yuusuf Ismaaciil Cali, iyaguna waxay doodooda sal uga dhigay sanaaduuq aan loo tirin, kuwo si khalad ah loo tiriyay iyo codad ka maqan oo raacsan UDUB, balse sidoo kale waxa doodda Qareenada KULMIYE difaacay Qareenka Guddiga Doorashooyinka oo faahfaahiyay sida ay arrimahaasi ku yimaadeen ama aanay waxba uga jirin.

Ugu dambayna, labada dhinacba waxay ka codsadeen Maxkamadda Sare in ay aad u eegto dacwadooda iyo in ay tixgelin siiso dacwadda ay soo gudbisteen.

Geba-gebadiina Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa xidhay fadhigii dhagaysiga dacwadda, waxaana sheegay in ay go’aanka dacwadda u soo saarayaan sida ugu dhakhsaha badan, haatana waxa la dhawrayaa go’aanka ka soo baxa Maxkamadda Sare oo iyadu sharci ahaan leh awoodda ugu dambeysa ee soo saarista natiijada kama-dambaysta ah.

Tan iyo markii ay guddiga doorashooyinku soo saareen natiijadii ku meel-gaadhka ahayd ee ay guddiga doorashooyinku soo saareen 19kii April, waxa soo baxayay doodo iyo dacwado laga qabo natiijadaasi oo xisbiga UDUB la sheegay inuu kaga guulaystay KULMIYE 80 cod, balse waa arrintaa si weyn u diiday xisbiga KULMIYE oo ku andacoodayin aanay xaq ahayn natiijada ay soo saareen guddiga doorashooyinku, taas oo keentay in ay guddigu jawaabo ka bixiyaan dacwadda labada xisbi ay soo qadinteen, waxaanay ku adkaysteen in ay marwalba ku dhaqmayeen xeerka doorashooyinka, balse Maxkamadda ayey ka codsadeen in ay ka qaadato tallaabada kaga aadan arrintan.
 

Top


Xukuumadda Somaliland Oo Beenisay In Ay Dalbatay Beddel Wakiilka Itoobiya U Fadhiya Somaliland.

Hargeysa (Haatuf): Xukuumadda Somaliland, ayaa beenisay in ay codsatay bedelka Wakiilka Dawladda Itoobiya u fadhiya Somaliland.

War-saxaafadeed uu shalay ka soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda, Cabdi Idiris Ducaale, waxa uu daba socday war ku soo baxay shalay Wargeyska Afka Carabiga ku soo baxa ee Al-Haatuf Al-Carabi, kaas oo sheegayay in ay xukuumadda Somaliland ka dalbatay dawladda Itoobiya in ay bedesho wakiilkeeda ganacsi ee u fadhiya dalka Somaliland ee xafiiskiisu yahay magaalada Hargeysa, Mudane Abdete, kadib markii ay ku eedaysay inuu taageero xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, uuna soo farageliyay arrimaha gudaha ee Somaliland, isagoo wargeysku soo xiganayay ilo lagu kalsoon yahay.

Balse War-saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada, waxa uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raadtoona lahayn oo meel ka-dhac ku ah nidaamka warbaahinta, isaga oo intaa ku daray in Madaxweyne Rayaale qaabiley Wakiilka Itoobiya, iyagoo ka wada-hadlay sii xoojinta xidhiidhka labada dal, isla markaana aanay jirin wax xurguf ah oo soo dhex gashay xidhiidhka labada dal.

Sida uu tibaaxay warka ku soo baxay Al-Haatif Al-Carabi in ay arrintani abuurtay xurguf dhinaca diblomaasiyadda ah oo dhex timid labada dal, iyadoo ay dawladda Itoobiya ka dalbatay Wakiilkeeda inuu dalbado tafsiir laga siiyo arrintan, balse umay suurto-gelin isku-daygiisii ku waajahnaa arrintaa.

War-saxaafadeedka ay xukuumaddu arrintaa ku beenisay, wuxuu u qornaa sidan:

“Ma jirto ashkato iyo codsi beddel oo xukuumadda Somaliland ay ka geysay Wakiilka Itoobiya u jooga Hargeysa, siday qortay Wargeyska Haatuf ee afka Carabiga ku soo baxay maanta oo ay bishu tahay 08/5/03. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu qaabilay wakiilka Mudane Abdete dorraad, waxaanay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha danaha labada wadan iyo sii xoojinta xidhiidhkooda sidii awalba ay ahayd, mana jiraan wax xurguf iyo xumaan ah oo jirtaa.

Sidaas awgeed, warkani aan jirin ee ay qortay Wargeysku, waxa uu u muuqdaa inuu la xidhiidho ololihii ay caadaysteen beryahanba Wargeysyadeenu ee wararka kutidhi ku teenka ah, iyagoon tixgelin hab-dhaqanka saxaafadeed iyo ka wadaniyeed ee ku waajibinaya xaq-dhawrka xidhiidhka wanaagsan ee Wadamada deriska ah.

Sidaas awgeed, waxaanu ka codsanaynaa wargeysyada madaxa bannaani in ay ka digtoonaadaan wixii waxyeelaynaya sumcadda Somaliland iyo xidhiidhka wadamada jiiraanka ah.” 

 Top


Wasiirka Kaluumaysiga Iyo Markabka La Bililiqaystay.

Hargeysa (Haatuf) Markabkii ku soo caaryey xeebaha galbeedka woqooyiga Hargeysa ee Lughaya dabayaaqadii sanadkii hore ee October ayaa lagu kala iibsaday lacag gaadheysa (2,000,000) laba Milyan oo Dollar, sida ay sheegayaan wararka ka imanaya xeebta woqooyiga Hargeysa ee Lughaya waxa markabka iibiyey koox ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu horkacayo wasiirka Kaluumaysiga Axmed Xuseen Oomane iyo koox kale oo ganacsato ah, kuwaasoo iyaguna ka yimid dhinaca magaalada Berbera oo watay markab la yidhaahdo MV Maryam oo ka mid ah maraakiibta isaga goosha dalka Imaaraatka iyo Dekadda Berbera ee Somaliland. Iyada oo ay halkaa yimaadeen laba Taag oo kuwa maraakiibta jiida ah iyo markab kale oo nimanka ganacsatada ahi ay wateen ee laga iibiyey markabka iyo xadiidkii saarnaa, ka soo dhaqaaqay dekeda magaalada Dubia ee dalka Imaaraatka Carabta, markabkaa oo maalmahanba ay socdeen dhaq-dhaqaaqyadiisa waxa saarnaa (7000) todoba kun oo tan oo xadiid ah oo lagu kala fasaxay (600,000$) lix boqol oo kun oo Dollarka maraykanka ah, waxana markabkaas iskiraab ahaan loogu iibiyey nimankaas ajaanibka ah waxaana laga siiyey lacag dhan (1,400,000) milyan iyo afar boqol oo kun.

Kooxdan ganacsatada ah ee ka ganacsatada iskeraabka ayaa la sheegay inay hore dalka u yimaadeen laba nin oo ay soo dirteen, kuwaasoo ay qaar ka mid ah wakiiladda maraakiibta ee Berbera ay u soo kexeeyeen dhinaca magaalada Hargeysa, waxayna sida la sheegay labada nin la kulmeen maamulka sare ee Somaliland oo uu dhexmaray heshiis qarsoodi ah oo lagu kala fasaxay mrkabkaa iyo wixii saarnaa ee xadiid ah, waxana heshiiskaa labada dhinac dhex-dhexaadinayey wakiiladii gadh-wadeenada ahaa ee ka soo raacay dhinaca magaalada Berbera, waxayna labada nin ka hor intii aanay la gelin heshiiska xukuumadda Somaliland soo eegeen markabka yaala xeebta Lughaya ee ay hawshiisa u socdeen, laakiin waxa jira warar kale oo sheegaya inay hakad gashay dhawr maalmood hawshii daad-gureynta xadiidka ee lagu wareejinayey maraakiibta kale, ka dib markii ay magaalada Lughaya gaadheen niman kale oo ajaanib ah oo sheeganaya inay ka soo jeedaan shirkadii lahayd alaabta xamuulka ah ee markabka saarnayd, kuwaasoo sida ay wararku sheegayaan dacwad la xidhiidha alaabtii xamuulka ahayd ee saarnayd markabka uga socotay maxkamadda sare ee Somaliland, laakiin waxa ay wararku sheegayaan in markii dambe hawshii dib loo bilaabay iyada oo markabka marka laga wareejiyo xamuulka saaran labada Taag ee halkaa ugu diyaarka ahi, ay u jiidi doonaan dhinaca dekadda Dubai.

Markabkan oo tankiisu yahay 6544 mitir tan magaciisuna ahaa MV Naadi, waxa lahady shirkad magaceedu yahay Naadi, wuxuuna ka soo kicitimay 30-kii ogosto 2002 kinaalka Suweys, isaga oo markii hore ka soo shiraacday dekeda Novorossifk ee taal dalka Ruush-ka, halkaas oo uu ka soo qaaday alaabta xamuulka ahayd ee saarnayd, wuxuuna u sii jeeday dhinaca dalka Shiinaha, laakiin 12-kii September 2002, ayey ku timid cilad dhinaca mishiinka ahi, wuxuuna markabkii wakhtigaa marayey marinka biyaha badda cas ee duleedka galbeed ee magaalada Cadan, wuxuuna la xidhiidhay dekada magaalada Cadan si loogu soo gurmado, laakiin waxa loo sheegay in Taagii loo soo diri lahaa uu ku maqanyahay Salaala (Cumaan) oo dayactir loogu samaynayo, taasina waxay keentay in markabkaasi ka soo caaryo xeebta Lughaya ee dhinaca woqooyi galbeed ee magaalada Hargeysa.

Kabtanka markabkaas oo magaciisa la yidhaahdo Marwaan Cabdoh ayaa sheegay inay markii ay xeebta soo gaadheen ku soo urureen doonyo yar yari oo ay dadkii watay soo fuuleen mrkabka iyaga oo rasaas cirka u ridaya, isla markaana ay kabtanka ka qaateen qadar lacag dollar ah oo jeebkiisa ku jirtay, markabkan markii uu soo caaryey waxa ay dadka deegaankaasu xukuumadda u soo direen qaylo dhaan ay kaga cabsi qabeen inuu sido markabakaasi waxyaabo kimiko ah, laakiin wasiirka Kaluumaysiga Axmed Xuseen Oomane oo halkaa tagay ayaa sheegay inaan la garanayn markabkaa iyo cida wadatay, waxayna shaqaalihii markabku tageen dalka Djibouti, halkaas oo laga dhoofiyey dalalkii ay u dhasheen.

Top


Gari Laba Dhinac Kama Wada Qoslise Aynu Si Degenaasho Leh U Dhawrno Go’aanka Maxkamadda.

Gari Laba Dhinac Kama Wada Qoslise Aynu Si Degenaasho Leh U Dhawro Go’aanka Maxkamadda.

Haddii la tartamo waa hubaal inaan guusha loo sinaanayne dhinacyada tartamay, mid ka mid ahi hogaanka hananayso. Dhinaca laga badiyey iyo taageerayaashiina sida dhaqanka ah waxa ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee hambalyeeya cidda libinta haleeshay, una hanaysa, markaa haddaba aynu eegno doorashooyinkii is-daba jooga ahaa ee ka dhacay dalkeena, doorashooyinka xisbiyadda badani, markooda horeba marka la eego taariikhda doorashooyinka, waa kuwa khataraha badan.

Wadamada la yidhaahdo xagga maamulka ayey hore uga mareen, ayaa ilaa iyo hadda ku guuldaraystay in ay si hufan u maamulaan doorashooyinka xisbiyadda badani ay ku tartamaan,. Maanta ay inagga marka loo eego xaaladda dib u dhis ee aynu ku jiro tan caalamka dawladaha aynu kor ku soo sheegnay ee horumarka loo tirsho la barbar-dhigo, waxa suura gal ah in ay innagu qoslaan iyaga oo aan innaga filayn inaan wax guul ah ka soo hoynayn.

Waxase dhab ah maanta caalamka u caddaatay haddaan lays inkirayn in marka la eego natiijooyinkii doorashooyinkii la qabtay ee xisbiyadu ku tartamayeen aynu cid kasta oo caalamka ka tirsan kaga horeyno, guuli eebe ayey u sugantahay, balse waa mid ku timid qorshaha dawladda dedaalka shacabka.

Guulahan oo kale waa guul taariikhi ah oo lagu xamdi noqo, tan iyo maalintii aaya ka tashigana maalinba maalinta ka dambaysa, waa guulo isa soo tarayey oo nacabkuna ka naxayey, waxana laga gudbay jarar badan oo sakalo iyo saymo-ba lahaa ma nahay kuwo si fudud loogu celin karo jidkii hadimada?

Marka laga baxo muudhadhka dhalanteedka ah ama ah daaraha barafka ah ee marka cadceedu ku soo baxdo sida fudud u dhalaala. Waxa qof kasta oo Somalilander ah hortaall, runtii nolosha duruufaha badan laga dhaxlay. Waxa kasta si u cadayd marka uu qofku codkiisa bixinayey, in saddexda xisbi ee maamulka dalka u tartamay uu mid ku guulaysan doono, saddexda xisbi iyo taageerayaashoodaba oo isku ah guud ahaan shacabkii ay farxad iyo ray-rayn ku wada balayn doonaan.

Haddaba waxa aan meesha qaban in uu dhaco yooyootan iyo is-waax-waax ka badan intii sharcigu u ogolaa, xisbiyadda xiliyadda tartanku jiro, iyada oo aan go’aankii maxkamadii ku shaqada lahayd ee dastuuriga ahayd ku dhawaaqin, ayna ahayd in laga dhur-sugo, ayaa waxa soo baxaya ifafaalo ummaddii niyad jab ku abuuraya, ciddi ma duudsiyi karto taariikhdii iyo halgankii SNM, ciddina ma deedafayn karto wax-qabadkii dawladda, balse labadaba waxa looga baahanyahay samir iyo dul-qaad.

Ma aha in saxaafadda la isku aflagaadeeyo, ma aha in shacabka loo soo bandhigo dacaayado la buun-buuniyey, ma aha in shacabka la isu adeegsado, taasi waxa ay horseedaysaa guul-darooyin ee ma horseedayso guul lagu farxo.

Kolkaa waxan u soo jeedinayaa xisbiyaddu in ay bedelaan qaabka ay isugu baanayaan oo si hufan oo samir iyo dulba leh u dhawraan go’aanka maxkamadda sharciga ah, xisbi kastaana si deganaasho leh ugu qanco.

Waa hubaal in tabasho ay imanayso, waase in ay ahaataa tabashadu mid aan sharciga marnaba ka horimanayn gari laba dhinac kama wada qosliso.

C/risaaq axmed Geedi macalin wax ka dhiga dugsiga sare ee 26 June
Hargeysa.

Top


Taliye ku xigeenka Booliska Gebiley oo Jawaabo ka Bixiyey Eedaymo ay u soo jeediyeen Odayaal Xisbiga KULMIYE ka Tirsan.

Gebiley (Haatuf) Taliye ku xigeenka saldhiga booliska Gebiley, Mr Axmed Cabdi (Axmed Dacawo) ayaa jawaab ka bixiyey eedaymo ay u soo jeediyeen odayaal xisbiga KULMIYE ka tirsan oo jimcihii todobaadkii aynu soo dhaafnay martiqaad loo fidiyey ugu tagay magaalada Gebiley.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Degmada Gebiley Maxamed Xasan taliye ku xigeenka Booliska degmada ayaa iska difaacay eedaymahaa loo soo jeediyey, isaga oo Taliye ku xigeenku arrintaa ka jawaabaya wuxuu yidhi “Waxaanu la kulanay kolanyo baabuur ah oo ay wataan xisbiga KULMIYE oo Huteelka Xaaji Askar jooga dadkaasi oo safar ku yimid oo ay tiradoodu gaadhayso ilaa afartan qof oo isugu jira madax dhaqameedyo, siyaasiyiin, aqoonyahan, ka socday taageerayaasha KULMIYE Bari, sida Oodweyne, Burco, Bariga Hargeysa oo ay horkacayaan masuuliyiin ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo deegaankan u dhashay. Boolis ahaan wakhtigan oo lagu jiro xili xasaasiya, lana joojiyey dhamaan-ba dhaq-dhaqaaqii axsaabta siyaasadda iyo kaambaynadoodiiba. Boolis ahaan culayska intaa leeg inay u socdaan ee aanu ogaanay inay u socdeen arrin xisbi iyo siyaasad. Lana xidhiidhnay maamulkayagii, iyada oo ay qeexantahay shaqadayadu boolis ahaan. Maamulka Degmada iyo taliyaha qaybtuna ay fareen in halkooda lagu ilaaliyo waxaanu fulinay in aanu ilaalino.”

Taliye ku xigeenku wuxuu intaa ku daray in shaqada boolisku tahay ka hortag dambi dhacaya iyo ka daba tag dambi dhacay, waxaanu dedafeeyey inay u caga jugleeyeen odayaashaas waxaanu yidhi “ma jirto wax caga juglayn ah oo aanu u geysanay, iyo aflagaado.”

Waxa kale oo uu sheegay inaanay jirin cid u socotay oo ay u diideen iyo xayiraad ay ku soo rogeen toona.

Gabagabadii wuxuu yidhi, “Maalin kasta way yimaadaan xisbiyadu Gebiley sida UDUB, UCID iyo KULMIYE, laakiin kani wuu ka duwanaa, wuxuuna ahaa mid culayskiisa leh wax ka badan shaqada booliskana maanu qaban, nabadgelyadoo la ilaaliyaana ma aha mid lagu cambaaraynayo masuul boolis ah iyo xukuumadda, anaga boolis ahaan waa noo mid xisbiyaddu una kala eegi mayno UDUB, KULMIYE, UCID toona waxaanu eegaynaa nabadgelyada shacbiga iyo jiritaanka qaranimada reer Somaliland.

Top


Iftiinka Islaamka: Siiradii Rasuulka.

Iyada oo bishan aynu ku jirno ee Rabiicu Awal ay tahay bishii uu dhashay Rasuulku (NNKH) oo la xusi doono 12-ka bishan Rabiicu Awal ayeynu qormada Iftiinka Islaamka ku soo qaadan doonaa cadadyada Jimcaha ee soo socda siiradii Rasuulka (NNKH) si aynu u xasuusano taariikhdii uu soo maray Nebigu iyo jidkii dheeraa ee uu u soo galay faafinta Islaamka, waana tan qaybteedii koowaad.

NASABKII RASUULKA SCW.

Sida la wada ogsoon yahay nasabka Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu dhalay nabi Ibraahim.

Abtirsiinyada nabiga SCW waxay u qaybsantaa saddex qaybood: Qaybta u hooreysa marka nabiga SCW laga soo bilaabo waxay ku eg tahay ilaa Cadnaan, waana qayb culimada islaamka oo dhan ay isku waafaqsan tahay isla markaasna la hubo sixadeeda; Qaybta labaad oo iyaduna ka bilaabato Cadnaan waxay ku eg tahay ilaa nabi Ismaaciil, hase yeeshee waa qayb ay culimadu isku khilaafsan tahay sixadeeda waxaana weeye sidatan:

Maxammed binu Cabdullahi binu Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim (Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu Cadnaan.

Rasuulka SCW jilibkiisa waxaa la odhan jirey reer binu Haashim, waxaana loogu magac daray awoowgiisii labaad, Haashim binu Cabdimanaaf. Haashim wuxuu ahaa nin ka sheegganaa reer Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda oo uu aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay, sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu horreeyey ee jideeyey labadii safar ee suuratul Quraysh sheegtay oo ay qurayshtu u kala safri jirtay Shaam iyo Yemen.

Haashim Wuxuu dhalay afar wiil oo kala ahaa: Asad, Abu Seyfi, Nadla' iyo Cabdimudhalib iyo shan gabdhood oo kala ahaa: Sharaf, Khaalida, Daciifa, Ruqiya iyo Junna. Waxaa sagaalkooda ugu yaraa Cabdimudhalib oo ahaa nibiga SCW awowgiis.

Cabdimudhalib siduu ku dhashay waxay ahayd aabbihiis Haashim ayaa Safar ugu kacay Shaam, wuxuuna sii maray Madiina oo uu ku guursaday kulana aqalgalay Salma bintu Camar. Haashim wuxuu sii watay safarkiisii Shaam. Markuu Shaam tegey ayuu xanuunsaday, muddo dabadeedna wuxuu ku geeriyooday magaalo la yidhaahdo Qusa oo Falastiin ku taala. Salma, oo uur lahayd markuu Haashim tegey, waxay dhashay wiil ay u bixisay Sheyba. Haashim markuu dhintay waxa mas'uuliyaddii waraabinta xujeyda qaaday walaalkiis Mudhalib. Mudhalib markuu hawshaas muddo hayey ayuu Madiina aaday si uu u soo kaxeeyo wiilkii uu walaalkiis Haashim ka tegey (Sheyba). Markuu Madiina yimid ayuu Salma ka codsaday inay wiilka ku darto hase yeeshee way u diidday, markaasuu ku yidhi "waxaan u dhiibayaa hawshii aabbihiis iyo xaramkii Alle", sidaa ayeyna ugu dartay. Mudhalib markuu Makka ku soo noqday isagoo wiilkuu adeerka u ahaa wada, ayaa waxaa arkay dadkii Makka joogey markaasey wiilkii u maleeyeen addoon uu Mudhalib soo iibsaday sidaas darteed ayey wiilkii ku yidhaahdeen Cabdimudhalib (addoonkii Mudhalib), markaasuu mudhalib ku yidhi "war hooggiinee, waa wiilkii walaalkay Haashim". Sidaas ayaa wiilkii Sheyba ahaa kula baxay naaneystaas Cabdimudhalib.

Cabdimudhalib wuxuu dhalay toban wiil iyo lix gabdhood, waxaana tobanka wiil la kala odhan jiray: Xaarith, Subayr, Abuu Dhaalib, Cadullahi, Safar, Cabbaas, Xamsa, abuu Lahab, Qiyidaaq, Muqawim. Lixda Gabdhoodna waxay kala ahaayeen: Safiya, Arwa, Ummu Xakiim, Bara'Caatika iyo Ummayma. Cabdimudhalib wuxuu noqday nin cajiib ah oo qureysh oo dhan ka tilmaaman, wuxuu noqday odeygii qureysheed sida lo ogsoon yahayna wuxuu leeyahay qisooyin caan ah oo kala duwan, halkanna aynaan ku soo wada koobi karin, waxaana ka mida ahaa Duullaankii Abraha iyo Qodiddii Samsamka, kuwaas oo isaga iyo qureyshba Ilaahay ugu gargaaray.

DUULLAANKII ABRAHA UU KU SOO QAADAY KACBADA.

Abraha oo ahaa nin xabashi ah oo yaman wakiil uga ahaa boqorkii xabashida ayaa markuu arkay sida carabbi kacbada ugu xajineyso waxaa galay maseyr Hinase markaasuu magaalada Sanca ka dhisay kaniisad aad u weyn isagoo raba inuu carab ka jeediyo xajkii ay kacbada u xajin jireen.

Arrintii ayaa waxaa maqlay nin reer bani kinaana ah markaasuu kaniisaddii tegey oo qibladeedii wasakheeyey. Abraha markuu arrintaa ogaadey wuu ka xanaaqay wuxuuna go'aansaday inuu kacbadda dumiyo. Wuxuu soo kaxaystay ciidan gaadhaya 60,000 oo askari oo wata sagaal ama saddex iyo toban maroodi, maroodigii ugu weynaana isaga ayaa saarnaa. Abraha iyo ciidankiisii waxay soo socdaanba markay Makka ku soo dhow yihiin ayey geel Cabdimudhalib lahaa qabsadeen markaasaa Cabdimudhalib ergo ugu tegey isagoo doonaya in geeliisiiloo soo daayo.
Abraha wuxuu yidhi: "kacbadiinnii ayaan duminayaa, adna geel baad dooneysaa!"

Cabdimudhalib wuxuu ugu jawaabey: "geela anigaa leh, kacbadana Rabbi baa leh isagaan kaa difaacanaya" wuxu markaa Abraha yidhi "haddii aydan ila dagaallamaynin Makka isaga baxa" qureyshna sidii ayey yeeshay, geeliina waa loo sii daayey Cabdimudhalib.

Ka dib markuu Abraha soo gaadhay togga Xasar ee Musdalifa iyo Mina u dhexeeya ayaa maroodigii istaagey oo diiday inuu u dhaqaaqo dhinicii kacbada, marka dhinaca kale loo jeediyana waa ordayey. Xaaladdu markey muddo sidaa ahayd ayaa Ilaahay markii dambe u soo diray shimbiro mid walba waddo saddex dhagax oo ay ku kala waddo afka iyo labada lugood. Ninkii uu dhagaxaasi ku dhacana wuu googo'ayey oo wuu dhimanayey.
Dhagaxaantii dadkii dhammantood kuma wada dhicin ee waxay ku dhacday intuu Rabbi u qaddaray, intii kalena waa carareen iyagoo isjiiraya. Ninkii Abraha ahaa isagoo naf xumi ku jirto ayuu tegey Sanca oo uu ku dhintay. Qureysh oo markii ciidanku yimid buuraha ku kala carartay, markeey Abraha iyo ciidankiisii waxa qabsaday arkeen ayey guryohoodii ku soo laabteen. Qisadan waxaa ka warrantay suuratul-Fiil waxayna dhacday sannadkii uu Rasuulku SCW dhashay. waxaana loo bixiyay sannadkaas; sannadkii maroodiga (Caamul fiil).

QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB.

Maalin ayaa Cabdimudhalib oo hurda manaam loogu yimid lana amray inuu faago ceelka samsamka oo muddo hore duugmay, meel uu ahaana aan la garanayn. Manaamkii ayuu ku weydiiyey meeshuu ceelku ahaa waana loo sheegay. Goortuu hurdadii ka kacay ayuu meeshii tegey isaga oo uu la socdo wiilkiisii Xaarith oo uu markaas carruur ka qabay wuuna qoday. Markii ceelkii la helay ayaa qureysh kula doodday oo tidhi:

"Cabdimudhalibow waa ceelkii aabahayo Ismaaciil waxaana ku leenahay xaq ee aan kula wadaagsano." Hase yeeshee Cabdimudhalib wuu ka diidey arrinkaa oo wuxuu yidhi: "mayeelayo arrinkaan aniga ayaa la igu khaas yeelay". Muddo markii la dooday oo arrinkii lagu kala bixi waayey ayaa la go'aansaday in loo xukun tago habar wax sheegsheegta. Habartii ayaa la wada aaday. Goortii meel cidla ah oo dhexe la marayo ayaa Cabdimudhalib iyo nimankii jifadiisa ahaa, ee reer Cabdimanaf, biyihii ka go'een markaasey raggii kale ee qureysh oo la socday weyddiisteen, hase ahaatee wey u diideen iyagoo ka baqaya in ay dhammaantood oon u wada dhintaan.

Cabdimudhalib markuu arkay xaaladdu meeshay marayso iyo inay halis ku jiraan, meesha ay marayaanna ay tahay saxaraa wax ka dhowna aanu jirin, ayuu ku yidhi raggii jifadiisa ahaa "nin walba qabrigiisa ha qoto hana dul fadhiisto, hadba kii dhintana waa aasaynaa". Sidii ayey yeeleen laakiin markay muddo joogeen ayaa Cabdimudhalib yidhi "ma wanaagsana inaan meeshan iska fadhino ee aan soconno". Markuu hashiisii fuulay oo ay dhaqaaqday ayaa biyo ka soo burqadeen meeshay lugta ka qaadday, biyihii ayuu cabbay dhammaan raggii qureysh ee la socdeyna wuu ugu yeedhay. Markay kulligood cabbeen, weelashiina ka buuxsadeen ayey Cabdimudhalib ku yidhaahdeen" Ilaah baan ku dhaarannaye arrinkii waa laguu xukumay, dib dambana Samsamka kugula doodi mayno, Ilaahii meeshaan saxaraha ah biyaha kaa siiyey yaa Samsamkana ku siiyey ee u noqo waraabbintaadii, waxba habar u tegi maynee".

Markaa ayuu Cabdimudhalib wuxuu ku nadray in haddii Ilaahay toban wiil siiyo oo ay wada hona qaadaan uu midkod Kacbada agteeda Alle darti ugu gowraco, halkaas ayaa markaas dib looga soo laabtay, meeshii markii hore loo socday.

Cabdimudhalib markii Ilaahay tobankii wiil siiyey oo ay wada hanaaqaadeen ayuu isugu yeedhay oo u sheegay nadarkiisii, markay ku wada raalli noqdeenna sanamkii Huda ahaa ayuu ag geeyey una qori tuuray tobankoodii markaasaa waxaa soo baxay qorigii Cabdullaahi oo ahaa wiilkii uu carruurtiisa ugu jeclaa, Cabdimudhalib middi ayuu soo qaatey, wiilkiina gacanta ayuu soo qabsaday oo kacbada dhinaceeda la aaday si uu u gowraco hase yeeshee qureysh ayaa wiilkii ku dhegtay oo u diiday inuu gowraco siiba abtiyaashiis reer bani makhsuum, Cabdimudhalib wuxuu yidhi sidee baan nadarkaygii yeelayaa, markaasay kula taliyeen inuu aado habar wax sheegta. Habartii markuu u tegey ayey ku tidhi "magtiinnu waa meeqa?" markaasuu ugu jawaabay "toban halaad", ka dib ayey tidhi "toban halaad iyo isaga u qori tuur, haddii ay tobanka halaad soo baxaan gowrac, hadduu isagu soo baxana geelii kordhi oo toban kale ku dar. Ka dib sidaa geela u kordhi oo hadba toban ku dar ilaa uu geelu soo baxo oo Rabbigiis ka raalli noqdo". Cabdimudhalib waa soo laabtay wuxuuna u qori tuuray toban halaad iyo wiilkii hase yeeshee waxaa qorituurkii ku dhacay Cabdullaahi, ka dib geelii ayuu hadba toban ku darayey qorituurkuna ku dhacayeye Cabdullaahi illaa uu gaadhsiiyey boqol geel ah oo qori tuurkiina ku dhacay geelii. Ka dib Cabdmudhalib wuxuu gowracay boqolkii geela ahaa.
Markaa wixii ka dambeeyey magtii qureysheed ee tobanka geela ah ahayd waxaa noqotay boqol geel ah, islaamkuna markuu yimid boqolkii ayuu u sugay, oo uddaayey, Rasuulka SCW wuxuu yidhi: "Anigu waxaan ahay ina labo gowrac" oo uu ula jeedo nebi Ismaaciil iyo aabbihiis Cabdullaahi.
Waxaa aan qisadaan iyo kuwa la midka ahba ka fahmeynaa sida qureyshu ahaayeen dad diin lahaa hase ahaatee shirki iyo inxiraaf galay, arrimo badanna waxay ku dhaameen dad badan oo maanta islaamka u nasab sheeganaya. Arrimahaas oo aannaan halkan ku koobi karin oo u baahan in iyaga kaliya qoraal ama baaritaan laga sameeyo waxaa tusaale inoogu filan sida markay dhib ku timaaddo ay Ilaahay keliya u baryi jireen ama siday ballanta u ilaalin jireen ammaanadana u xifdin jireen, beentana uga xishoon jireen, nadarkana u oofin jireen. Waxaana xaqiiqa ah in dad badan oo maanta islaamnimo sheegnaya aanan arrimahaas oo dhan laga wada helaynin ayna nadar oofintiis u gowracayn ilmohooda ama boqol geel ah.

Cabdullaahi, oo sidaan soo sheegnayba ahaa nebiga aabbihiis, waxaa hooyadiis la odhan jirey Faadumo bintu Caa'id binu Cimraan binu Makhsuum. Cabdullaahi wuxuu guursaday Aamino bintu Wahab binu Cabdimanaaf binu Suhra bin Kilaab, waxayna isku dhisteen magaalada Makka, muddo yar ka dibna, Aamino oo uur leh, ayaa Cabdullaahi arrin u baxay oo aadey Madiina, halkaas oo uu ku geeriyoodey. Da'diisu waxay markaas ahayd 25 sano.

DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW.

Wuxuu Rasuulka SCW dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53 sano hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey dhalashada Nabiga SCW, Cabdimudhalib waa uu bishaareystey wuxuuna tegey kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku shukriyey, Rasuulka SCW wuxuu u dooray magaca Maxammed oo ahaa magaca aan carabtu la bixi jirin, wuxuu guday maalinkii toddobaad. Waxaa kale oo la yidhaahdaa wuxuu dhashay isaga oo gudan.

Waxaa Rasuulka SCW nuujisey dhowr maalmood Suweyda oo ahayd jaariyaddii Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis Xamsa nuujisey hase yeeshee intii badnayd waxaa Rasuulka SCW nuujisey Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatul sacdiay) oo uu qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo naanaystiisa la odhan jirey Abi-kabshe, kunyadaas oo mararka qaarkood ay qureyshi Rasuulka ku magacaabi jireen ayna dhihi jireen ina Abi-kabshah. Habka ay ku nuujisey Xaliimo, waxaa jirtey caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd iney dumarku ka imaan jireen baadiyaha oo ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay uga qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay ujro (xoolo ama lacag) ku helaan, Xaliimo waxay tidhi: "Annagoo dumar badan ah ayaa magaalada Makka soo aadnay si aan carruur uga qaadanno, markaasaa loo bandhigay dumarkii oo dhan iney qaadaan wiilkan agoonka ah hase yeeshee dhammaantood wey diideen waxayna yidhaahdeen: "Maxaa ku samayneynaa inanka agoonka ah". Dumarkii oo dhan waxay heleen carruur markaas ayey Xaliimo ku tidhi ninkeedii: "Wiilkaan agoonka ah ayaan qaadayaa", isagiina wuu ka yeelay. Isla markiiba dameerkeedii socon waayey awal ayaa dameerradii kale oo dumarku wateen ka dheereeyey ilaa ay dumarkii Xaliimo ku yidhaahdeen: "noo tartiibi". Xaliimo naaseheediina caano ayey yeesheen, xoolihiina waa u darareen ilaa dadkii la degganaa ay la yaabeen barwaaqadaas oo ku yidhaahdeen xoolo raacadoodii: "soo daajiya xoolaha meesha ay xoolo raacyada Ina Abi-Du'ayd daajiyaan.

Ka dib markay Xaliimo labo sano soo nuujisey Nabiga SCW ayey u soo celisey hooyadiis laakiin waxay ka codsatay iney sii hasyo, hooyadiis Aaminana way ka yeeshey, sidaa ayeyna ku ceshatay mar labaad. Ka dib Rasuulka SCW markuu afar ama shan sano jirey isagoo weli la jira Xaliimo ayaa maalin isagoo wiilal la ciyaaraya ayaa waxaa u yimid Jibriil markaasuu qabtay oo legday oo intuu qalbigiisa jeexay ka soo bixiyey cad yar markaasuu ku yidhi: "tani waa dheeftii sheydaanku kugu lahaa", ka dib intuu dhaqay yuu meeshii ku celiyey. Wiilashii la joogey ayaa iyagoo ordaya u yimid reerkii oo ku yidhi: "Maxammed waa la dilay", markaasey u yimaadeen isagoo miyir doorsoon, markii uu miyirsadayna waxaa uu u sheegay qisadii, markaasey reerkii go'aansadeen iney hooyadiis u celiyaan, weyna u celiyeen.

Ka dib Nabiga SCW hooyadiis ayuu la noolaa illaa lix sano ka gaadhey markii uu lix sano jirey ayaa hooyadiis aaddey Madiina si ay u soo booqato qabriga ninkeedii Cabdullaahi iyadoo ay la socdaan soddogeed Cabdimudhalib jaariyaddeedii Ummu-ayman iyo Nabiga SCW. Bil ayey soo joogeen Madiina ka dibna dhammaantood wey soo laabteen hase yeeshee markii dhexda la marayo ayey Nabiga SCW hooyadiis xanuunsatay ka dibna wey geeriyootey, waxaana lagu xabaalay meel la yidhaahdo Abwaa oo Makka iyo Madiina u dhexaysa. Halkaas ayuu Nabigu SCW ku noqday agoon iyo rajayba, waxaana kafaala qaaday awowgiis Cabdimudhalib oo aad u jeclaa una dhaqaaleyn jirey. Hase yeeshee labo sano ka dib markii uu Nabiga SCW siddeed sano jirey ayuu awowgiisna geeriyoodey, wuxuuna markuu dhimanayey kala dardaarmay Abii-dhaalib oo ahaa Nabiga SCW adeerkiis. Ka dib waxaa Nabiga SCW kafaala qaadey adeerkiis Abii-dhaalib oo uu la joogey ilaa uu ka hanaqaaday.

La Soco.

Top


Odhaahda Akhristaha: Riyo Hadii ay Dub Leeyihiin Dabadooda Ayey Ku Qarin Lahaayeen.

Waxa na soo gaadhay maqaal lagaga jawaabayo fariin ku soo baxday 24-kii April ku soo baxday Wargeyska Jamhuuriya oo cinwaankeedu ahaa “Bulshooy Yaa Arkay Gabadha Aan Doonayo” waxaana ka soo Jawaabtay gabadha la yidhaahdo Khadan Ismaaciil maqaalkaa hore ee ku soo baxay Jamhuuriya waxa uu u qornaa sidan:

“Bulshadeenu waxay dhaqan u lahaayeen hablihii waayo waayo timaha diibka marin jiray, boqorka iyo dhacalaha ku xaragoon jiray, subeeciyadana xidhan jiray tusbax cunaabi ahna ku jeeni qaaran jiray, aragtidoodana loo boholyoobi jiray, kuwaas oo laysku carin jiray, kumaa ina rag ah ee heblaayo ku dhacaaya, dabadeed marka uu midkood isa soo xambabuurana lagu odhan jiray car ha kuu marto.

Waa ayaan darro weyn in hablihii sidaas ahaa uu maamuus jab ku dhaco aniga oo odhan lahaa qiimahoodan jabay ayuu qalbigu iga xanuunaa awal waxa laga werweri jiray raga balse casrigan aynu joogno waxaaad moodaa in haweenku baro dhaafiyeen oo seeftu dul taallo.

Hadii uu beri samaadkii uu odhan jiray abwaanka murtida iyo dhaqanka ku xeel dheer ee Maxamed Ibrahim warsame (Hadraawi) markuu alifay heestii uu ku ammaanaaney hablaha geeska Afrika, ragana uu ku dhaliiley ee uu lahaa hadaad gabadh cadaaniyo dhulka gaallo keentaan guumays shisheeya ah, hadaad gacanta qabataan hablaheenu guur iyo geyaan yay ka sugeyaan, waxa is weydiin leh tallow Hadraawi muxuu odhan lahaa maanta marka uu milicsado hablaheena maanta ee wanaagii ka maydhmay, ee maryahoodii wada qubay.

Aan hoos u daadego iyo halka ay eeshu taalo ugxantuna ku burburtay.

Waxaan ahay muwaadin reer Somaliland ah oo ay dadiisu tahay 44 jir oo degan labada dal ee Kanada, gaar ahaan magaaladda Toronto, iyo dalka Ingiriiska gaar ahaan London, hadase ku sugan wadankayga hooyo ee Somaliland oo aan u soo boholyoobay, dalala badan oo shisheeye oo aan soo maray waxaan ka waayey gabadh soomaaliyeed oo hidaheena qurxoon wadata oo aan guursado, taasi waxay igu keliftay in aan dalkayga u soo doonto, balse nasiib darro waxa igu dhacay waxaanan qorshahba ku darsan oo ah in ay isku mid ii noqdaan, hablihii joogay halkaan ka imid iyo kuwa beledkoodan ku nool, taasi waxay igu dhalisay mar labaad in aan Saxaafada iyo bulshada u soo bandhigo gabadha aan doonayo in aan helo.”

Odhaahda Jawaabta ah ee Khadan Ismaaciil-na Waatan:

Riyo hadii ay dub leeyihiin dabadooda ayey ku qarin lahaayeen
Tixraac maqaalkii ka soo baxay Jamhuuriya khamiis 24 April cadadkiisu ahaa 1997, isla markaana uu qoray nin magaciisa ku soo gaabiyey O.A. Elmi ciwaankiisuna ahaa “bulshooy yaa arkay gabadha aan doonayo?”, ayaa waxaan leeyahay yaan la cambaarayn gabdhaha soomaaliyeed, iyada oo aynu wada ogsoonahay in aanu baniaadamku u sinayn sida aanu ilaahay (SWT) u simin faraheena, intaasina ay dheertahahay iyadoo ilaahay swt uu umadiisa u samaystay janno iyo cadaab si uu ugu abaal mariyo qof kasta oo ku uuman aduunka korkiisa ayaa hadaba waxaan odhan lahaa iyadoo aanay sinayn dhamaan gabdhaha soomaaliyeed lagana helayo qaar xun iyo kuwo wanaagsanba in aan lawada canbaarayn iyadoo loo galaafanayo kuwa wanaagsan kuwa xun xun iyadoo aan anigu aamin sanahay ra’yigayga in kuwa xun xun laftooda in ay jiraan waxyaabo badan oo u horseeday xumaanta, iyada oo aad moodo in beryahan dambe ay inagu soo badanayaan dhaqamo shisheeye kuwaas oo gaar ahaan ay sababeen dadka inagaga imanaya wadamada reer galbeedka kuwaas oo wata dhaqamo fawaaxish ah oo aanay marnaba bananaynayn diinteena islaamku, aniga oo halkan kaga jawaabaya odhaahda odhanaysa gabdhaha soomaaliyeed qiimahoodan jabay ayuu qalbigu iga xanuuna ayaa anna waxa uu qalbigu iga xanuunaa raga waaweyn ee gabdho yar yar oo ay dhali karaan u horseedaya dhibaato iyo mustaqbal xumo iyaga oo ku soo jiidaynaya lacag IWM.

Halkaas oo ay ku luminayaa mustaqbalka tiro badan oo gabdho da’ yar ah oo aanay maskaxdoodu ku filayn, hadaba iyada oo ay jiraan dhibaatooyinkaasi aan kor ku soo xusay ayaa waxaan odhan lahaa in ay ka digtoonaadaan dhaqamada noocaas ah iyaga oo mugdi iyo madow u horseedi kara mustaqbalka da’yarta, sidoo kalena laga digtoonaado in gabdhaha sharaftooda la cambaareeyo iyada oo loo adeegsanayo warbaahinta.

"khadan isma'il", Hargeysa.

Top


Doorashadii Somaliland, Dooda Xisbiyada, Iyo Dawladaynu Haybinayno.

Markii dhidibada loo taagay jamhuuriyadda somaliland 18 May 1991,waxa la bilaabay tallaabooyin badan oo waxqabad ah kuwaas oo ay ugu muhiimsanaayeen dhisidii xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka soo maray mudadii laba iyo tobanka sano ahayd,aftidii dastuurka ee la qabtay 31 May 2001(97%),doorashadii golaha degaamada ee Dec 2002,dadaalkii iyo hawlihii kale ee badnaa kuwaas oo shicib iyo xukuumadba dalka wax loogu qabanaayay gudo iyo dibadba kuwaas oo iyaguna barbar socday kuwaa sare.

Dhamaanba tallaabooyinkaas oo dhami waxay -siday iila muuqdaan-gogol xaadh u ahaayeen dhismaha dawlad tartan cadaalad ah kusoo baxday oo ku dhisan wada tashi taasoo dalka hogaamisa (2003-2008) kana badbaadisa dib u dhac iyo siyaasadaha qaranimadeena waxyeelaya ee ka iman kara gudo iyo dibadba.

Hadaba su'aashu waxay tahay maanta marka aynu eegno sida wax u socdaan ma heli karnaa dawladii aynu mudadaa dheer qorsheheeda kusoo jirnay?

Si dawlada la unkayaa u noqoto mid loo han wayn yaha shacbi,axsaab,dawlad,iyo dhamaanba waa in laysku waafaqaa habka doorasho iyo nidaamka ay ku imanayso,tusaale ahaan hawlihii kale oo dhami si fiican bay usoo qabsoomeen waana wax ilaahay loogu mahad naqo,hadii aynu eegno doorashooyinkii tan madaxweynenimada ka horeeyay ee degaamada Dec 2002 ,may jirin dhaliilo badan oo hada tan dambe lagu sheegaayo inay kasoo ifbaxeen, taas hore waxay ahayd mid inta badan dadwaynaha qancisay axsaabtana tabashadoodu way yarayd marka loo eego tan hada hawsheedii socoto,markaa halkaa waxa inooga cad in doorashadaa hore guud ahaan si fiican oo wax ku ool ah u dhacday inkastoo tan dambeba si fiican u dhacday Hadii aynu eegno doorashadan dambe ee (14 April 2003), shacbigu si aad iyo aad u qurux badan buu hawshiisii ugutay,doorashada iyo cod bixintuna sidii loogu talagalay iyo wanaag bay ku qabsoontay,laakiin waxa markii gudiga doorashooyinka qaranku natiijadii si kumeel gaadh ah ugu dhawaaqeen soo baxay muran u dhexeeya labada xisbi ee Udub iyo Kulmiye, kuwaas oo mid waliba goonidiisa u sheeganaayo inuu isagu guulaystay,labadooduba waxay sheeganayaan inay heleen aqlabiyada dadwaynaha laakiin waxa taas soo dayraysa maqnaanshaha ay labadooba ka maqan tahay tiradii u codaysay xisbigii uu musharaxa madaxwayne ka ahaa mudane Eng faysal cali waraabe iyo waliba tirada ka codaysay labadooda xisbiba.

Hadii aynu derisno natiijadii lagu dhawaaqay (19 Apr 2003) inay sax tahay iyo in kale iyo waliba saamaynta ay ku yeelan karto Dawladii aynu haybinaynay mudadaa dheer,intaynaan meel kaleba eegin waxaynu fiirin karnaa dooda axsaabta inagoo ku horaynayna xisbiga udub deedna ku xigsiinayna kulmiye,Udub wuxuu sheegay in codad uu ceerigaabo ka helay tirooyin laga jaray,waxana uu intaa ku daray 21 goobood oo kale oo ay sheegeen inay hayaan hadii si sharciya loo darso inay uga soo baxayaan codad wadartoodu tahay (11356) intaa waxa raaca sanaaduuqda kalee la sheegayo inkastoo kuwas gudigu sheegeen cilad jirtay awgeed in si sharci ah loo tirtiray.

Dhanka kulmiye hadaynu eegno waynu ka dharagsanahay dareenka uu ka qabo arintan,shirkii jaraaid ee uu qabtayna saynu ognahay isagoo ku marti qaaday xubno badan oo ay ka mid yihiin madax dhaqameedyo,komishanka, culimaaudiin iyo wax garad kale wuxuu kulmiye sheegay in tirooyin ka khaldan wadarta natiijada ka soo baxday degmada Burco iyo degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag haddii taas oo keliya la saxo in uu KULMIYE kaga guulaysnayo UDUB cadad dhan 76, xubnaha kamida gudiga doorashada ee goobtaas kasoo qayb galayna may beenin kamanay hadal arintan kulmiye ee waxay sheegeen in khaladaad dhici karo loo baahan yahay se sixitaan,halkaana waxa laga fahmi karaa inay guddigu arinta kulmiye wax ka garawsadeen.

Guddiga doorashooyinku runtii hawl culus bay dalkooga uqabteen tamar iyo wakhtina way u hureen waxaanay mudan yihiin sharaf iyo hambalyo laakiin waa bani aadam oo way khaldami karaan,inkastoo ay wadarta natiijadii ay soo saareen aad uga fiirsadeen hadana hadii ay wax soo baxaan ma aha inay yidhaahdaan waxaanu ku adkaysanaynaa go'aankii hore ee waa in la eegaa sidii loo sixi lahaa,khaladaadka noocan ahi hadii ay soo baxaan maaha wax inaga oo kaliya inagu kooban ee waa wax soo jiray wadamadii habkan inooga horeeyayna ay soo maarayn jireen.

Natiijadii kumeel gaadhka ahayd ee gudigu soo saareen marka la eego dareenada ay ka qabaan axsaabtu waxa la odhan karaa khaladaad aan sidaa usii badnayn ayaa jira,sababta oo ah labadii xisbi kii natiijadaasi guusha siinaysay iyo kii ay reebaysay labaduba waa kuwan midba goonidiisa dacwad u qabo oo aanu midina ku qanacsanayn,isla markaasna mid kastaa waxa uu sheegayaa inay wax ka khaldan yihiin,hadii xisbigii natiijadaasi guulaynaysay uu ku qanci lahaa oo uu odhan lahaa xagayaga waa sax,xisbiga kale waxa loo arki lahaa mid laga badiyay oo u baahan dacwadiisa in la darso lana qanciyo,laakiin hadii uu xisbigii natiijadu guusha siinaysay isagiiba natiijadii aanu ku qanacsanayn habkii loo tiriayay codadkii oo uu wakhti hore soo bandhigay doodiisii, xisbigii kalena aynu arkayno miyaan macnaheedu ahayn labada xisbi midna kuma qanacsana sidaa darteedna sixitaankeeda loo baahan yahay.

Natiijada dastuuriga ah ee ay maxkamadu soo saari doontaa waxa muhiim ah inay taas hore ka duwanaato waayo waynu aragnaa taas hore warkeeda,hadii ay maxkamadu markay eegto hawlaha horyaalla ay natiijo cusub ama hab kale oo is afgarad lagu helaayo ay soo bandhigatna waa inay si cadli ah uga fiirsataa. Wixii wakhti iyo tamarana u hurtaa intay doonto haqaadatee waayo waa arin uu ku xidhan yahay qaayihii dalku, dadwaynuhuna waa in ayna dagdagin ee ay sugaan gundhiga arintan sababta oo ah dagdagu faydo malaha, Dawladii aynu laba iyo toban sanno haybinaynay si aynu u gaadhno waxa muhiim ah in si fiican loo dhawro go'aanka maxkamada, isla markaana wixii fara galin ah laga dheeraado waayo waynu oganahay faragalintii hore ee la sheegay tuhunka ay keentay,dawlada mustaqbalka dhow ee aynu intaas oo dadaal ah usoo marnay si loo helo waxa fiican in natiijada dastuuriga ah ka hor la isla meel dhigo duruufaha jira ee ay axsaabtu tabanayaan kuwaas oo inbadan soo noqnoqday xaqiiqadoodana lasugay.

Bal akhristow inaga oo aan xisbina u xaglinayn arimahan eeg ay kamid yihiin in cadaadis laga saaray xisbiyadii aan udub ahayn warbaahintii qaranka ee loo sinnaa, saraakiisha shaqadoodii wayday ee maalmahanba wararku ka hadlayeen,cadaadisyada kalee wararku sheegayaan iwm, hadii aynu arimahan si dhex ah u eegno miyaanay saamayn ku yeelanayn dawladii aynu doonaynay inaynu helno?dawlada habkan ku dhalataa miyaanay noqonayn mid kusoo baxday sidii larabay sikaduwan? miyaanay noqonayn xisbi xisbigii la tartamaayay cadaadinaya isagoo meel ku tiirsan? waxana inoo cadaanaysa in udub ay kafaaiidaysanayaan awooda dawlada waana arimo u baahan in xal laga gaadho ama si uun laysugu afgarto si dawlada soo socota loogu diyaar garoobo una noqoto mid guul soo hoysa hadii alla yidhaa.

Dadkeenu waxa fiican inay hanka kor uqaadaanoo ay gasabkeeda yeeshaan sida mar walba cadaalad iyo badbaadada dalka lagu gaadhayo,ma haboona in qofku yidhaahdo mar hadii xisbigaan taageerayay guulaystay wax kasta oo guushaa kasoo horjeedaa waa khalad,sidoo kale ma haboona in qofku yidhaa hadii xisbigaygii guulaysan waayay saan doonaan yeelayaa,si ay inoogu hagaagto dawladii aynu mudada dheer haybinaynay,halgankana usoo marnay,tamar iyo maalba ku soo bixinay, qaranimadeenana u hormarino xag dhaqaale, adeeg, maamul, aqoonsi caalami ah, gaashaandhig iwm waxa loo baahan yahay in laga sinaado meelna ay uga soo wada jeestaan dhamaan aqoonyahanada,waxgaradka danaynaya jiritaanka dalka ee jooga dalkii iyo dibadaba, dadwaynaha iyo jaaliyadahaba, ilaalinta danta guud iyo nabadgalyada dalka Somaliland.

Ahmed Iid Aadan,India.

Top


Gari Udubna Ma Taqaan, Kulmiyana Ma Taqaan.

Somaliland waxay maanta noqotay wadan aduunka laga majeerto in iyada oo cidi caawin ay lugaheeda isku taagtay kuna caanbaxay nabadgelyo buuxda,dimuqraadiyad ,kala danabayn iyo wixii wadan fiican lagu yaqaanay oo dhinaca dadweynaha ay ka hirgeleen waxaasi oo dhami marka loo eego geeska afrika iyo afrikaba guud ahaan.

Hadaba waa wax aad looga xumaado ah go,aankii ay ku dhawaqeen gudiga koomishanka SL kaas oo ah mid uu muuqanayo tuhunkiisa iyo wuxuu yahay marka aad eegto wareysiyadii ay bixiyeen isla gudigaasi oo isku wada nooc ahayn, waqtiga ku dhawaaqida oo kolba waqti laga dhigay,iyagoo sheegay gudiga golayaasha inay ergo ay ugu tageen ay ahayd inay udub qanciyeen lakiin aad garanso ninka la qancinayo in uu yahay in laga guulaystay oo la leeyahay waa lagaa helaye qanac, laakiin aanay ahayn waad heshaye ku qanac oo qaado guusha waxyalahaas oo dhami wuxuu noqanayaa sawirkeedu in ay ahayd wax iska cadaa halka ay wax iska dhafeen iyo sida wax layidhi. Ugu horeyn waxaan u shegayaa in mar hadii ay arinkii soo gaadhay maxkamada distooriga ah inay maanta iyadoo qaaday masuul aad culus oo dhib yarayn lakiin waxa ay guusha ku heli kartaana ay tahay in ay xaqa garsoorto kuna dhawaaqdo sida xaqu yahay taas oo sharaf ,qiimo dhinac aduun iyo aakhiraba ay ku helayso lakiin hadii ay ka taliso si xaqu ku qotonto iyadoo iska ilaalinaysa cid kasta oo tii hore koomishanku ay ku dhawaqeen 19 April 03 qancinta qashqashaada, shakiga, huuhaada iyo wax kasta oo arinkooda caaqibxumo ku keenaya, goaankaasuna wuxuu noqonayaa mid tariikhda idiin gala oo tii ina sanweyne oo aad tidhaahdaan Gari Udubna Ma Taqaan,Kulmiyana Ma Taqaan Ee Gari Ilaahay Ayey Taqaan. Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu idin waafajiyo sida xaqu ku jiro.

Shacabka somaliland waxaan u shegayaa inaad si fiican idinku u gudateen hawshii idin saarnayd si qiiro iyo wadaniyad aad u saraysa ay ku jirto, waxaan u sheegayaa in shacbi weynahu aanu kala tageerin kala jeclaysan xisbiyada,lakiin in wado sharci loo maro wax kasta cadaana oo aan xaqdaro la ogolaan,xaqana loo hiiliyo iyadoo aan cidna laga baqanayn waayo Somaliland halkay ka soo baxday waa la ogaa inaynu WANKA U TU,INAY OO LAYNA SIIN.

Waxaan farayaa dhamaan in shacabka qaaliga ee ah ee Somaliland,inta danaysa Wanaaga somaliland ee jecel horumarka inay ku dadalaan sidii loo xoojin lahaa nabadgelyada iyo wada nolaanshaha shacbiga somaliland ,ilaalinta qaranimada Somaliland iyo dhowrista distoorka.

Xukuumada talabooyinkan ay qadayso ee xadhiga iyo xanjabaadu maha mid quruxbadan ,waafaqsana distoorka dalka, dimuqraadiyada iyo xuquuqda muwaadinka somaliland,waxaanay noqotay mid guud ahaanba dadka somaliland gude iyo debadba cadho gelisay, werwer iyo walaacna ku abuurtay ,arintan oo noqotay mid ay ku farxaan cadowga somaliland ,noqotayna mid aan looga fadhiyin xukuumada somaliland falalka nocaas ah ee cadada u noqday, waxaan kula talinayaa xukuumada somaliland in ay siiso muwaadinka qiimayntiisa,joojisana falalka argagaxa leh ee ay ku jirto hanjabaada ,caga jugleynta iyo xadhiga sharci darada ah nabadgelyada ay khalkhalka ka deyso.

Haayadaha distooriga ah,culimada, waxgarka, aqoonyahanada, saladiinta iyo inta masuulka weyni saarantahay waa inay war heyn hoogan ku sameyaan maxkamada dalka kuna booriyaan gudiga maxkamada inaanay cidina u hanjabi karin, cidna ka qabin in sidii cadalad ku jirto ay sameyaan, lana dhiirigeliyo, kana hortagaan wixii wax u dhimaya qarinimada wadanka, nabada, cadalada, xoriyada muwaadinka iyo wada noolashaha umadda.

waxaan ku soo gebagebaynayaa in dhamaan shacbiga walalaha ah ee somaliland ay is qabsadan gacmaha iskana ilaaliyaan wixii duminkara jiritaankooda, oo nacayb la nacay maamulkani sida uu wax u wado yaan loo dumin dalka.

Ugu danbeyntii waxaan u rajeynayaa shacbi weynaha somaliland guushaa iyo barwaaqadaa in ilahay u siyaadiyo maxkamada distooriga ah waxaan ka rajeynaynaa go'aanka xaqa ah oo cadaalad ku qotama inay sida ugu dahkhsaha badan ay uga dhawaajiyaan, amiin, amiin, amiin.

Adan Yuusuf Elmi.
United Kingdom.

Top


Awr Xamalkii Waa Qaadaa Se Xadhig Qaloocan Ma Qaado.

Horta waa ilaah mahadii mar hadday doorashooyinkii si nabadgelyo ah inoogu dhaceen, maxaa yeelay wadamo badan ayaa fiira-gaar ah siinayay sidii ay nabadgelyo ugu dhici lahayd, amaba cadowga Somaliland oo doonayay in ay doorashadu si nabadgelyo xumo ah u dhacdo.

Intaa kadib, waxay cadhuuftoodu dib u liqeen markii ay sida wanaagsan u dhacday, kadib waxaa dhacay waxaanay filanayn dadka reer Somaliland oo ay ku kaceen komishanku, maxaa yeelay waxay sameeyeen cadaalad-darro aan laga filayn iyo waxaan looga fadhiyin. Waayo, waxay ku ballanqaadeen in ay yihiin garsoorayaal dhexdhexaada cidna aan ka haybaysanaynin, laakiin taasi way shaqayn wayday, marka dawladda oo ah xisbi loolamayay u cago-jugleeyeen komishanka, kaaga darane waxaa ka sii yaab badnayd markii odayaashii Guurtida iyo Wakiilladu soo faro-geliyeen hawshii komishanka loo igmaday, iyagoo cudur-daar raqiisa ka dhiganaya “Waxaan u tagnay dhexdhexaadnimo,” taasina ay keentay in sumcadii iyo karaamadii Guurtida loo hayay halkaa ku baaba’do, maxaa yeelay iyagu waxay ka talinayeen aayahooda si ay u sii ahaadaan Guurti iyo Baarlamaan, balse aan hoosba u eegin xaaladda dalku marayo iyo xilligan kala guurka ah ee aynu caalamka kaga raadsanayno ictiraafka.

Haddaba, Guurtida iyo Baarlamaanka waxaan leeyahay ceshada sharaftiinii iyo karaamadiinii aad dadka ku dhex lahaydeen oo xisbiyada dhexdhexaad u noqda.

Komishankana waxaan leeyahay way iska cadayd sidii doorashadii u dhacday inta Illaahay ka sokeysa ammaanteeda idinkaa iska leh, laakiin natiijada aad soo saarteen ma tahay mid sax ah? Marka loo eego dib-u-dhaca aad dib u dhigteen maalintii aad ballanqaadeen ee aad tidhaahdeen waxaanu ku dhawaaqaynaa Sabtida, taasina ay keentay wax isdaba-marin iyo wax isweydaari, waayo haddii ururka UDUB ku guulaystay jimcihii ugu dhawaaqi lahaydeen, maalintaana idilamay dhaafteen, laakiin waxa iska cad in xisbiga KULMIYE cagaha u qabateen xisbiga UDUB, maxaa yeelay, 76 cod ee uu leeyahay xageed ku tuurteen [Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Awr xamalkii wuu qaadaa xadhig qaloocanse ma qaado”].

KULMIYE, wuxuu xaq u leeyahay in aan laga duudsiyin 76 cod ee uu UDUB dheeryahay, Maxkamaddana waxaan leeyahay ha noqonina sida Komishanka ee qaada Cadaaladda sax ah.

C/raxmaan X. Nuur Cismaan, Hargeysa.

Top


DHALASHO FARXAD LEH.

Hooyo Weris Aw Jaamac Xasan, C/fataax Maxamuud Caydiid iyo Xaaskiisa, C/Raxmaan Maxamuud Caydiid, C/Caadil Maxamuud Caydiid, Nasra Maxamuud Caydiid Iyo Odaygeeda C/Laahi Maxamed Cabdi, Raxma Maxamuud Caydiid, Iyo Odaygeeda Maxamed Yuusuf Cali, Nuura Aw Jaamac, Iyo Xasan Aw Jaamac Xasan, Maxamed Caydiid Cabdi, Maxamed Xasan Cabdi Iyo Xaaskiisa, Muxumed Xasan Cabdi Iyo Xaaskiisa, Axmed Aadan Cabdi Iyo Xaaskiisa, C/Laahi Xasan Cabdi Iyo Xaaskiisa, Carab Cali Cabdi Iyo Xaaskiisa, Ismaaciil Cali Cabdi Iyo Xaaskiisa.

Dhammaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Xasan Cabdi Shide & Khadiija Ibraahim Aw Muuse Oo Wiil Ugu Dhashay 5/5/2003 Magaaladaa Hargeysa Wiilkaas Oo Loo Bixiyay C/Raxmaan, Waxay Leeyihiin Ha Noqdo Kii Diintiisa, Dalkiisa Iyo Dadkiisa Anfaca.

Dhalasho Farxad Leh.

Gudoomiyaha Shirkadda Haatuf Media Network, Yuusuf Cabdi Gaboobe, dhammaan tifaftirayaasha Wargeysyada Haatuf, Somaliland Times iyo Al Haatif Al Arabi, Axmed Ducaale, , Axmed Cali Garas, Siciid Ismaaciil Guraase, M/rashiid Muxumed Faarax, Maxamedamiin Jibriil Xuseen, Axmed Muxumed Faarax, Xasan Xoosh, C/casiis Kuweyti, Cabdalle Diigool, Axmed Jaamac Ismaaciil, C/Baasid Ismaaciil, C/fataax Dheeg, Xuseen Khaliif, Liibaan Maaweel Shire, C/raxmaan Daahir, Maxamed Cumar, Maxamed Xasan, Saynab, Muna iyo dhammaan shaqaalaha Haatuf Media Network Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Xasan Cabdi Shide & Khadiija Ibraahim Aw Muuse Oo Wiil Ugu Dhashay 5/5/2003 Magaaladaa Hargeysa Wiilkaas Oo Loo Bixiyay C/Raxmaan, Waxay Leeyihiin Ha Noqdo Kii Diintiisa, Dalkiisa Iyo Dadkiisa Anfaca.

Top


Hambalyo Aroos.

C/Risaaq Maxamud Guure, C/Sayid Xuseen, Axmed Xuseen Ibraahim, Mustafe Maxamed Cabdale, Mustafe Maxamuud Guure, Maxamed Daahir Cali, Xasan Axmed Cabdale, Cali Maxamuud Ducaale, Jaamac Maxamed Cabdale, Siciid Ibraahim Maxamed, Mustafe Cali Xariir, Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Arooska Axmed Ibraahim Maxamed Iyo Raxmo C/Raxmaan Ducaale (Dheeg) Oo Ku Aqalgalay Magaalada Ceerigaabo, 7/05/03. Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara, Ubad Kheyr Qabana Kala Hela. Aamiin.

Top


Hambalyo Meher

Aabo Sacad Aadan Jaamac, Hooyo Caasha Yuusuf Ibraahim, Hibo C/Laahi Cilmi, Saado Jaamac Iyo Carruurteeda, C/Raxmaan Sacad Aadan, C/Risaaq Sacad Aadan, Fu’aad Cabdi C/Laahi, Khadar Maxamuud Cabdi, Saynab Cabdi Faarax, Cabdi Yogol, Aamina Aadan Xasan, Maxamed Cabdi Yogol, Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka Jimcaale Aadan Faarax Iyo Nimco Sacad Aadan Oo Isku Mehersaday Magaalada Berbera 03/05/03, Waxaanay Ilaahay Uga Baryayaan Inuu Arooskooda Ku Gaadhsiiyo Bash Bash Iyo Barwaaqo. Aamiin.

Top


Waadiga Ciyaaraha: Maxaa Kala Qabsaday Kooxaha Mataanaha Milan?

Milan (Haatuf): Wax aanay rajaynayn dadweynaha Talyaanigu ayay kala kulmeen ciyaartii is-araga hore ee semifinalka horyaalka Yurub ee u dhexeysay labada kooxood ee isku magaalada ah AC Milan iyo Inter Milan, taas oo ku dhammaatay iyadoon wax goolal ah laysku dhallin sagaashankii daqiiqadood ee ciyaartu socotay habeenimadii Arbacadii, waxaanay ciyaartaas ku ciyaarayeen garoonka keliya ee labadoodaba ka dhexeeya San Siro, balse ay kooxda AC Milan is-aragan hore iyadu faa’iidada garoonka lahayd.

Muuqaalka ciyaarta labadan kooxood ayaa la filayay inuu noqdo mid xiise badan yeesha, iyadoo taageerayaasha labada kooxood oo muuqaalkuu midab badnaa ay saacado badan ka hor bilow ciyaarta ku sugnaayeen garoonka, taas oo ku tusaysay hirdanka iyo dagaalka xoogga ah ee ka dhexeeya labadan kooxood.

Inkastoo ay kooxda AC Milan ciyaarta inteeda badan iyadu gacan sareysay, iyadoo garoonku ciyaartaa xalay uga dhignaa in ay garoonka leedahay, haddana fursadihii ay heshay ma ay noqon qaar goolal keena. Kooxda Inter oo uu ka maqnaa gooldhaliyahoodii ugu gooldhallinta badnaa Christian Vieri oo dhaawac kaga maqan kooxda, haddana waxa ciyaarteeda ka muuqatay digtooni iyo taxadir badan, iyadoo dhinaca kalena tababaraha kooxda AC Milan Carlo Ancelloti aanu soo gelin ciyaartoyga reer Brazil ee Rivaldo rubuc saacihii ugu dambeeyay ciyaarta mooyaane.

Qaybtii hore ee ciyaarta kooxda Inter ayaa gacan sareysay, balse ay ciyaartoydeedu lumiyeen fursadihii ay heleen. Daqiiqadii 5aad ayuu ciyaartoyga reer Uruguay, Alvaro Recoba kubad keligii ula baxay goolka kooxda AC Milan, isagoo kubadda ku laaday lugtiisa bidix, taas oo ahayd mid daciifa oo aanu isku dhibin goolhayaha reer Brazil ee Dida qabashadeeda, taasina waxay ahayd fursadii ugu khatarsanayd ciyaarta ee ay hesho kooxda Inter.

Daqiiqadii 15aad ayay ciyaartoyda Inter heshay fursad kale, kadib markii ciyaartoyga Boortaqiiska ah ee Sergio Conceicao kubad uu dhinaca midig ka helay ku soo karoosay goolka AC Milan dhexdiisa, balse madaxa uu ku dhuftay Recoba ayaa ahaa mid khafiifa oo uu si sahlan u qabtay Dida.

Tababare Carlo Ancelotti, ayaa kooxda ku sameeyay 4 bedel ciyaartoydii kooxdiisa u ciyaaray ciyaartii sabtidii ee ay la yeesheen Como, waxaanu dibadda dhigay Dario Simic, Roque Junior, Massimo Ambrosini iyo Rivaldo, isagoo soo ciyaarsiiyay ciyaartoyda xaga hore ugu jira ee Alesandro Costacurta, Kakha Kaladze, ciyaartoyga Inter hore ugu ciyaar jiray ee Clarence Seedorf iyo Rui Costa, iyadoo uu afka hore weerarkana ka ciyaarsiiyay labadan xidig ee Filippo Inzaghi iyo ciyaartoyga reer Ukraine Adriy Shevchenko.

Halka uu Tababare Hector Cuper, kooxdiisu ahayd ciyaartoyda darajada koowaad oo uu dib ugu soo laabtay ciyaartoyga reer Argentina Hernan Crespo iyo ciyaartoyga Recoba, iyadoo ciyaartoyga khadka dhexe ee Luigi Di Biagio laftiisu uu dib ciyaarta ugu soo laabtay, sidoo kale ciyaartoyda Ivan Cordoba iyo Franceco Coco oo iyagu hore ugu ciyaari jiray kooxda Milan ay iyaguna ciyaarta ka qayb-qaadanayeen. Bilowgii qaybtii labaad ee ciyaarta ayay kooxda AC Milan muujiyeen gacansareynta ciyaarta, waxaanay la soo galeen weerar isdaba jooga, taas oo keentay in qaybtii dambe ee ciyaarta badankeeda lagu ciyaarayay qaybta garoon Inter. Ciyaarta khatarta ah ee Rui Costa ayaa labada darbadood xoog ah ku laaday goolka, iyadoo tii hore ay goolka dhinaca midig ka martay, tii labaadna uu birta bidix ka mariyay.

Weeraryahanka Shevchenko, ayaa ku dhawaaday inuu gooldhallinta ciyaarta furo, kadib markii uu difaaca dedaal keligii ah soo sameeyay kadibna u baasay Shevchenko oo isagu kubaddaas ku laaday goolka, balse kama fakan goolhayaha Inter , Toldo oo gacanta ku dhigay.

Fursadii ugu dahabsanayd ciyaarta, ayaa waxa ku lug yeeshay oo soo dhisay Rui Costa, kadib markii uu kubad u baasay Shevchenko, laakiin halkii uu ku shuuti lahaa goolka ayuu weeraryahanku ka doorbiday inuu u baaso saaxiibkiisa khadka weerarka kala ciyaarayay ee Inzaghi, balse difaacyahanka reer Colombia, Ivan Cordoba ayaa kubad ka soo difaacay kana badbaadiyay goolkiisa.

Tababare Cuper, ayay filanwaa ku noqotay weerarada kooxdiisa lagu hayay, taas oo ku khasabtay inuu bedel sameeyo, waxaau soo ciyaartoyga khadka dhexe hore ugaga ciyaari jiray kooxda AC Milan ee Andres Guly oo uu ku bedelay Conceicao. Laakiin kooxda AC Milan way sii waday weerarkii ay ku haysay kooxda Inter.

Kooxda ayaa haddana waxa ay samaysay bedel labaad markay 20daqiiqadood ka hadhsan dhammaadkii ciyaarta, waxa ciyaarta ka baxay Recoba, iyadoo lagu bedelay gooldhaliyaha da’da yar ee reer Sierra Leone, Maxamed Kallon.

Ancelotti, ayaa isaguna ciyaarta ka saaray Christian Brocchi oo uu ku bedelay ciyaartoyga reer Brazil ee baalka ka ciyaara Serginho oo kaalintiisii galay, iyadoo Serginho sameeyay xoogay dhaqdhaqaaq ah, balse iyadoo aanu isku baal kala ciyaarayn Shevchenko, kubadiisii waxay toos ugu tagtay Toldo oo si fudud uga qabtay.

Tababare Ancelotti, ayaa kaadhkii ugu dambeeyay ciyaarta ciyaaray, iyadoo uu soo geliyay labada ciyaartoy ee Redondo iyo Rivaldo oo uu ku kala beddelay Gattuso iyo Shevchenko, halka kooxda Inter Ciyaartoyga Coco oo dhaawac soo gaadhay lagu bedelay Giovanni Pasquale.

Hernan Crespo, ayaa ku sigtay inuu gool ay kooxdiisu ku haraatido AC Milan dhaliyo, kadib markii uu kubad ka boobay difaacyahanka Maldini, kadibna dulmariyay goolwadaha Dida oo isagu hore u soo baxay, balse shiishka ayaa ka khaldamay kubadanu goolka ma gelin, halkaas ayay ciyaartii ku dhammaatay barbaro aan wax goolal ah laysku dhallin.

Ciyaarta is araga labaad waxay labadan kooxood isla garoonkan San Siro ku kulmi doonaan Salaasadda soo socota, taas oo haddii ay ciyaartu ku dhammaato barbaro aan wax goolal ah laysku dhallin ay kooxda AC Milan ciyaarta kamadambaysta ah u bixi doonto, sababtoo ah ciyaarta dambe waxay noqonaysaa ama loo xisaabinayaa in ay kooxda Inter gurigeeda ku ciyaarayso, AC Milan-na ay marti u tahay.

Dhinaca kale, Kooxda Real Madrid ayaa guul aad u adag 2-1 kaga adkaatay kooxda kale ee Talyaaniga ah Juventus, habeen salaasaddii, ciyaartaas oo ahayd is aragii koowaad ee ciyaaraha semi-finalska Horyaal kooxaha Yurub (Champions League) loo yaqaan oo ka dhacday garoonka kooxda Real Madrid.

Labada xiddig ee reer Brazil, Ronaldo iyo Roberto Carlos, ayaa kala dhaliyay labada gool ee Real Madrid, halka uu weeraryahanka Faransiiska ah ee David Trezeguet u dhaliyay kooxda Juventus goolka keliya ee ay keensatay ciyaartaas.

Labadan kooxood ee Real Madrid iyo Juventus, ayaa ciyaartooda labaad ku kulmi doona Torino Arbacada toddobaadka soo socda oo ay ku kala bixi doonaan labada kooxood.

Top