Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 331 May 13, 2003

“Qofkii Kursi Doonayow Nin Baa Helay, Qofkii Somaliland Doonayow-na Way Jirtaa,” Shirjaraa’id - Faysal Cali Waraabe.

Cumar Carte Qaalib Oo Hambalyo U Soo Diray Madaxweynaha Iyo Shacbiga Somaliland.

Suuq Cusub Oo Laga Furay Berbera.

Weriyaha Haatuf Ee Boorama Iyo Wakiilka KULMIYE Oo Xadhig Rumaan Ah Loo Diray.

“May Ahayn Inuu Ninka Dhaliilahaas Lihi Toos U Galo Cadaaladda Somaliland” Shir-Jaraa’id - Siraad Cali Yuusuf.

Madaxweynaha Iiraan Oo Booqasho Ku Tegay Lubnaan.

40-Qof Oo Ku Dhintay Qarax Laxaadle Oo Ka Dhacay Caasimadda Jejniya.

“Wax Halaga Qabto Wiilkayaga La Xaday” Qoys Wiil Laga Xaday.

“Waxaan is-lahaa Caqligiisa Eeg.”

Raadiyow Maqaloocshe.


“Qofkii Kursi Doonayow Nin Baa Helay, Qofkii Somaliland Doonayow-na Way Jirtaa,” Shirjaraa’id - Faysal Cali Waraabe.

Kadib waxay weriyeyaashu weydiiyeen Faysal Cali Waraabe su’aalo kala duwan oo ku saabsan arrimaha uu ka hadlay, waxaana ka mid ahaa mar la weydiiyay inuu isagu isku dayay inuu dhexdhexaadiyo labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE, waxaanu ku jawaabay, “Innaga waxa ina xukuma Distoor, umaddu haddii aanay ixtiraamin waxay qoratayna waa dhibaato, markaa marka hore waa in la ixtiraamo go’aanka kasoo baxay natiijada ee ay soo saartay maxkamadda sare waayo madax meel ka sarraysa oo la taabtaa ma jirto, go’aanka maxkamadda sare cidda aan ixtiraamina waxaanu u aragnaa cid tidhi qaranimada Somaliland waxba kama jiraan, markaa kadib waxaan ku talinayaa in la wada dhisto dawlad lo dhan yahay, dawlad kala dhantaalana ma shaqayn karto.”

Mar la weydiiyay inay arrintaa wax wada-hadal ah ka yeesheen wuxuu ku jawaabay, “Marka hore madaxweynaha ayaa awood u leh inuu cidduu doono kusoo daro dawladdiisa, laakiin sida fiican ee quruxda badani waa in la soo dhiso dawlad loo dhan yahay.”

Waxa kale uu yidhi, “Qofku marka uu tartamayo waa inuu ku talogalaa in uu guulaysto iyo in laga guulaystaba, balse haddii uu guul uun qoondaysto waa macne kale, markaa Siilaanyo oo doonaya inuu dalka madaxweyne u noqdo kamaan filayn inuu yidhaa kuma qanacsani natiijada laga soo saaray.”

Faysal isagoo ka jawaabaya su’aal laga weydiiyay inuu diyaar u yahay inay ka qaybgalaan dawlad wadaag ah waxa uu yidhi, “Dawlad wadaag ah oo xul ah waanu ka qaybgelaynaa, haddii kale dushaanu ka ilaalinaynaa oo waxaanu ahaanaynaa kuwo dalkooda u shaqeeya iyagoo aan ka mid ahayn dawladda, sidii horeba caadada noogu ahayd.”

Mar uu ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay sida ay doorashadani wax-tar ugu leedahay Somaliland waxa uu yidhi, “Doorashadani waxtar weyn ayay dibedda uga yeelatay Somaliland, iyadoo ay doorashadeena iyo tii Nayjeeriya isku mar dhaceen, teeniibaana ka qurux badnaatay, waxa kale oo aynu aragnaa in Cado Muuse iyo C/laahi Yuusuf oo col ahaa ay haatan heshiiyeen, markaa waa inaynu u haneynaa Daahir Rayaale oo cod dhan 217 ku guulaystay, balse xabbad kumuu guulaysan, markuu Nebigu dhintay ayuu Abu Bakar yidhi, ninkii Nebi Muxamed doonayow wuu dhintay, ninkii Ilaahay doonayowna wuu nool yahay. Markaa anna waxaan leeyahay qofkii kursi doonayow ninbuu raacay oo helay, qofkii Somaliland doonayowna Somaliland way jirtaa, maantayna ka sharaf weyntahay tii hore,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Ugu dambayntiina wuxuu ku baaqay in doorashada Baarlamaanka lasoo dedejiyo si looga baxo Baarlamaanka ku dhisan beelaha, haddii kale wuxuu noqonayaa buu yidhi, qof laba kabood oo kala jaad ah xidhan.
 

Top


Cumar Carte Qaalib Oo Hambalyo U Soo Diray Madaxweynaha Iyo Shacbiga Somaliland.

Riyaad (Haatuf): Siyaasiga weyn ee reer Somaliland, Cumar Carte Qaalib ayaa hambalyo u soo diray madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo si rasmi ah ugu guulaystay natiijadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday 14-kii April, waxaanu sidaa ku sheegay Bayaan gaar ah oo kasoo baxay xafiiska Cumar Carte, isagoo haatan ku sugan caasimadda Sucuudiga ee Riyaad.

Waxa kale oo uu Cumar Carte hambalyo taa la mid ah u soo diray shacbiga Somaliland, sidii quruxda badnayd ee ay uga qaybgaleen doorashadii madaxtinimada.

Top


Suuq Cusub Oo Laga Furay Berbera.

Berbera (Haatuf): Suuq cusub oo ganacsi ayaa laga furay magaalada Berbera, kaas oo ay maal-geliyeen hay’adaha deeqda bixiya oo soo mariyay hay’adda HABITAT oo iyadu fulisay dhismaha suuqaas.

Suuqan oo uu dhagax-dhigay ugu horrayntii Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin markii uu kasoo laabtay safarkii uu ku tegay Laas-caanood daboyaaqadii sannadkii hore waxa furitaankiisa ka qaybgalay wefti ka socda xukuumadda oo uu hoggaaminayo Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Maxamed Muuse Cawaale iyo wefti ballaadhan oo ka socda hay’adda HABITAT. Waxa kaloo ka qaybgalay maamulka Berbera iyo dadweyne u badan kuwa ka ganacsada suuqaas.

Ugu horayn waxa halkaa ka hadlay sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Berbera C/raxmaan X. Daahir (Casaan) oo warkan noosoo diray Duqa magaalada Berbera ahna guddoomiyaha golaha deegaanka Cabdalle Maxamed Cali, waxaanu ugu horrayn aad ugu mahad-naqay hay’adda HABITAT ee hirgelisay suuqaas, isagoo ka warramay marxaladihii u soo maray dhismaha suuqaasi iyo faa’iidada ballaadhan ee uu u leeyahay dadweynaha reer Berbera.

Wasiirka horumarinta reer miyiga oo isna halkaa ka hadlay ayaa isna u mahad-naqay cid kasta oo ka qaybqaadatay fulinta dhismaha iyo hirgelinta suuqaas, isagoo ugu baaqay dadka reer Berbera inay ka faa’iidaystaan, isla markaana ilaashadaan suuqa cusub ee loo dhisay.

Waxaa isna halkaa ka hadlay wakiilka hay’adda HABITAT u qaabilsan dalalka Carabta isagoo u mahad-celiyay maamulka gobolka Saaxil iyo Guddiga Sariibadaas isagoo intaa ku daray in hirgelinta suuqan loogu talogalay sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada bulshada ee magaalada Berbera, waxaanu xusay inay kaalmada suuqan lagu dhisay bixiyeen dalalka Talyaaniga iyo Yurub, ayna fulisay hay’adda Habitat.

Top


Weriyaha Haatuf Ee Boorama Iyo Wakiilka KULMIYE Oo Xadhig Rumaan Ah Loo Diray.

Boorama (Haatuf): Weriyaha wargeyska Haatuf uga soo warama gobolka Awdal Maxamed Cumar oo maalintii khamiistii la soo dhaafay ee 8may xabsiga loo taxaabay ayaa shalay maxkamada Boorame rumaan ahaan jeelka ugu dirtay;waxaana weriyaha xadhigiisa sabab looga dhigay war kusoo baxay wargeyska Haatuf 7dii may ee todobaadkii hore.Warkaas oo ahaa mid uu gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee boorame ku dhaleeceeyay xisbiga UDUB,inay wadaan falal lid ku ah qaranimada Somaliland.

Sidoo kale waxa isna ay maxkamada boorame shalay rumaan ahaan jeelka ugu dirtay gudoomiyihii xisbiga KULMIYE ee boorame,kaasoo loo haysto, warka kusoo baxay wargeyska Haatuf ee uu ku dhaleeceeyay masuuliyiinta xisbiga UDUB ee boorame inay wadaan wuxu ugu yeedhay falal lid ku ah qaranka oo ay ka wadaan boorame,laakiin masuuliyiinta shebekada wararka ee Haatuf oo maalin kadib la xidhiidhay gudoomiyaha gobolka awdal , maxamuud sh, cabdulaahi cige oo xaqiijiyay xadhiga weriyaha,wuxuuna masuulkaasu sheegay in xadhiga weriyaha ay amreen gudiga nabadgelyada ee gobolku,laakiin wuxu intaa ku daray inay ka fiirsanayaan xadhiga weriyaha oo ay suurta gal tahay inay sii deynayaan,laakiin weriyihii iyo masuulkii kulmiyaba waxa shalay ay maxkamada boorame xadhig rumaan ah ugu dirtay xabsiga,islamarkaana maxkamadu ma sheegin mudada xadhigaas rumaanka ah.

Hase ahaa xadhiga weriyaha ayaa laga yaabaa inuu la xidhiidho caga juglayn iyo hatigaad ay xukuumadu beryahanba kula kacaysay saxaafada iyo mucaaradka,waxayna taasu gef ku tahay xoriyatu qawlka iyo hanaanka dumuqraadiyada ee dastuurka iyo xeerarka Somaliland.

Top


“May Ahayn Inuu Ninka Dhaliilahaas Lihi Toos U Galo Cadaaladda Somaliland” Shir-Jaraa’id - Siraad Cali Yuusuf.

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiye Ku-xigeenka xisbiga KULMIYE marwo siraad cali yuusuf ayaa shirjaraa’id oo ay xalay saxaafada ugu waramaysay magaalada Hargeysa ku sheegtay, inuu xisbigoodu dareensanaa inaanay doorashadu noqon doonin mid caddaalad u dhacda,taasoo ay sheegtay inay ku arkeen talaabooyinkii ay soo qaadeen markii doorashada la gelayay,islamarkaana aanay aqoon sanayn dawlada ay UDUB soo dhisto.Laakiin marwo siraad waxay xustay inay iyagoo waxyaabahaa arkayay ay u badheedheen oo ay dhiiri gelisay kalsoodii ay shacabku u muujiyeen. Marwo siraad waxay sheegtay in doorashada madaxtooyadu ku xalaaloobi lahayd,hadii ay cid dhexdhexaad ah oo aan tartanka ka qayb gelayni ay qaban lahayd xukunka, si aan loogu hawl gelin hantidii,dhaqaalii iyo awoodii qaranka ee umadu lahayd.Waxayna intaa raacisay inay hayadihii ay ahayd inay wax ka qabtaan sida guurtida iyo wakiiladu aanay arrintaa waxba ka qaban oo ay iska dhega tireen qayladii ay xisbi ahaan usoo jeediyeen golayaasha sharci dejinta.

Marwo siraad waxay sheegtay inay komishanku labac labac badan yeesheen oo ay marba wax dib u dhigeen,taasuna ay keentay inay wax isku walaaqmaan,isla markaana ay gudan kari waayeen xilkooda gudida doorashooyinku,iyadoo lagaranayo degma kasta sanduuqa la geeyay uu lahaa lanbar ,sidaa awgeed marka la xisaabiyo ay fududaan lahayd wixii soo xerooday iyo wixii xumaaday,laakiinwaxa muuqata in sanaaduuq badan oo aanay waxba ku dhicin oo aan xumaan layska ilaabay oo ay gudida doorashooyinku halkaa dhaliil ku leeyihiin,iyadoo ay dawladuna talaabo kasta oo ku lugle doorashada ay cadaadis saaraysay. Marwo siraad waxay xustay inay jireen talaabooyin ay xukuumada riyaale ku fara gelisay garsoorka dalka oo ay iyagu u arkayeen talaabo wax lagu hagaajinayo, laakiin ay ahayd mid doorashada loogu googol xaadhayo oo maxkamada caddaalada lagusii dhiganayo dad khaas ah oo garab siiya UDUB, iyadoo uu madaxweynuhu olole weyn u galay markii ay golayaashu ansixinayeen,ninka gudoomiyaha ka ah maxkamada sare, iyadoo ay dareemo fara badani ka jireen goboladii uu ka yimi oo ay ka dheceen dhibaatooyin loo aanaynayay dagaaladii dhacay ee dhexmaray c/laahi yuusuf iyo ninkii inaga guuray, waxayna iyadoo arrintaa ka hadlaysa thidhi, “ninka caynkaas ah ee iimaha lihi inuu caddaalada s/land toos u galo dhaliil weyn bay ahayd, laakiin waxa masuuliyadeeda leh,shacabka,baarlamaanka iyo guurtida.”

Marwo siraad waxay sheegtay in loo baahan yahay in dadka meelahaas oo kale loo dhiibayo la hubiyo, laakiin markaan dareenkayga la kaashaday waxa ii muuqatay in loogu gogol xaadhayo doorashada soo socotay,laakiin maanu filayn in doorashadii aanu ugu hanweynayn inaynu ku helo citiraaf inay noqoto mid lagu khasaaro oo caddaalad daro dhacdo, iyadoo layska dhega tiray dacwadahayagii, balse waxa nasiibdaro ahayd in natiijadii ay komishanku ku dhawaaqeen, iyadoo maxkamada hortaal uu wasiirka arrimaha guduhu sheegay inaanay maxkamadu waxba ka bedelayn ee ay sidaa ugu dhawaaqay,laakiin ay nasiib daro tahay inay maxkamadu sidaa yeesho.

Marwo siraad waxay sheegtay inay xisbi ahaan awalba u muuqatay caddaalad daradu, laakiin ay shacbiga tusayeen inay doonayaan inay xaqooda ku helaan si caddaalad ah oo aanay cidna dulmayn iyaguna aanay waxkale wadin, waxayna sheegtay inay xisbiga UDUB wadeen dacaayado ay leeyihiin KULMIYE nabad gelyo daruu wadaa ,laakiin waxay tidhi ‘ragga KULMIYE ku jiraa waa kuwii keenay nabad gelyada iyo calanka hormoodka u ahaa, haday xoog,boob iyo dagaal wax ku doonayaan kii horay ku xoreeyeen kana manta cidi kama horjoogto, dawladana wax kama aha, madoonayaan oo waa kuwaa cidlada iska jooga “laakiin waxyaabahaasu waxay ahaayeen dacaayad ay UDUB ku gabanayso.

Waxayna intaa raacisay inuu xaakinka maxkamadu isla warqadii ku meelgaadhka ahayd ee komishanka akhriyay oo raf ah isla markaana aan lasiin looyaradii KULMIYE wax koobi ah, iyadoo ay xaq u lahaayeen in lasiiyo koobiyo wixii ay maxkamadu gaadhay, si ay umadu ugu qanacdo, taasuna waxay na tusaysaa inay meeshaa wax ka dheceen,taasuna waxay noqotay mid argagixiso.Anaguna hadaanu KULMIYE nahay, maadaama aanu borosiskaa dheer soo galay oo aanu nahay xisbi weyn oo balaadhan waxa noo muuqatay, marhadii dadkii caddaalada hayay, sida baarlamaanka, komishanka, iyo guurtida, markaad eegto in UDUB mooyee aan la doonayn in cidkale soo baxdo, taasuna waa mid baabiinaysa xisbiyadii aynu ku dhawaqnay ee ku sheegnay distoorkeena, laakiin waxay taasu keentay inay dhicisowday oo uu baabay hadafkii aynu lahayn ee aynu doonaynay inaynu caalamka citiraaf kaga doono, iyadoo ay sabab u tahay UDUB , guurtida iyo baarlamaanka oo dastuurkii umada u dhexeeyay ka dhigtasy dastuur ay iyagu leeyihiin oo marba isbedelka ay doonayaan ku saleeya.

Doorasho marka la galo cidii doontaa ha ku guulaysato, laakiin waxa muuqata in baarlamaankii lasii sheegtay oo lagu ceshaday, iyadoo baarlamaanka manta joogaa yahay mid ku salaysnaa beelo, balse waxa muuqata inaan horeba loo doonayn dumuqraadiyad ee ladoonayay mid qiiq ah, qiiquna dadka indhuhuu ka ridaa, sidaa awgeed waxan qabaa doorashadii aynu galnay iyo dumuqraadiyadii aynu ku talaabsan lahayn inay noqdeen kuwo qiiq ah.Markaa marhadii baarlamaankua iyo guurtidu ay yihiin kuwa kordhistay laba sano iyo sadex sano oo guurtidu kordhisatay uu yahay xisbiyada manta soo baxay wax loo hayona garanmaayo. Anaguna asbaabahaa aan soo sheegay, waxanu u aragnaa mid dhicisowday, anaguna aanaan ictiraafsanayn inay cidi ku guulaysatay, laakiin ay tahay inuu KULMIYE ku guulaystay oo afar gobol oo s/land ah KULMIYE looga footeeyay, kana codbadnaa, sidaa awgeed mana ogolaanayno, mana aqoonsan doono, waxaanuna kalsooni buuxda siinaynaa taageerayaashayadii, kuwa gudaha jooga iyo kuwa debeda joogaba,xisbiga KULMIYEna uu yahay ka guulaystay, haddii ay taasu dhici weydana, sidaa maantaba dhacday ay tahay boob cad oo ay ku heshiiyeen,dawlada baarlamaanka iyo guurtidu, anaguna ma aqoonsanayno, waxaana taageerayaasha KULMIYE iyo shacbigaba u sheegaynaa inay ilaashadaan nabad gelyada, hana u qaadanina, in dhibaatada aanu uga hadhayno dadkayaga, kumana baylihin doono dalka gacantaa baylahda ah ee aan ogolayn inay caddaalad iyo horumar gaadhin’.

Marwo siraad waxay aad ugu nuux nuuxsatay inay aaminsan yihiin inaan la kala badin oo cidii u hanbalyaysa, waxay tidhi sida Ucid isagu hayska hadlo, laakiin yaanu soo qaadin xisbi kale, sida KULMIYE. Dadkayagana waxanu u sheegaynaa inaanay jirin caddaalad iyo xaqsoortooni.

Dhinaca kale gudoomiyha xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa musharaxii u tartamayay jagada madaxweynaha ayaa waraysi uu shalay siiyay idaacada bbc da ku sheegay in aanay go’aankaa qaadan karayn oo aanay naftooda been u sheegayn, wuxuna intaa ku daray inay maxkamadu tixgelin weyday tirooyinkii ay komishanku yidhaahdeen UDUB ayay dheedaad ku yihiin ee ha laga jaro, islamarkaana ay ka tagtay kuwii kale ee meelaha kale laga keenay oo aan dheg jalaq loo siin, waxyaabahaa khaladaadka ah eey komishankuba qireen ayay malaa maxkamaddu ka dabaalan kari weyday, sidaa awgeed niyadayada iyo dadkayaga been baanu u sheegaynaa hadaanu nidhaahno waanu ku qac sanahay ayuu yidhi.

Top


Madaxweynaha Iiraan Oo Booqasho Ku Tegay Lubnaan.

Beirut (W.Wararka) - Madaxweynaha dalka Iiraan, Maxamed Khaatimi ayay maalintii shalay u bilaabantay booqasho uu ku tegay magaalo madaxda dalka Lubnaan ee Bayruut, taasoo ah booqashadii ugu horraysay ee uu Madaxweyne ka socda Iiraan ku tago dalkaasi tan iyo markii uu curtay kacaankii islaamiga ahaa ee ka dhashay Iiraan 1979-kii.

Madaxweynaha Iiraan muddada uu joogo Lubnaan waxa uu wadahadallo la yeelan doonaa madaxda dalka Lubnaan, kuwaasoo ay ugu horrayso xaaladda ka taagan dalalka Ciraaq iyo Falastiin.

Madaxweyne Khaatami oo si diiran loogu soo dhoweeyay dalka Lubnaan waxa lagu wadaa inuu sidoo kale booqdo dalal kale oo ay ka mid yihiin; Suuriya, Yemen iyo Baxrayn.

Top


40-Qof Oo Ku Dhintay Qarax Laxaadle Oo Ka Dhacay Caasimadda Jejniya.

Garozni (W.Wararka) - Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 70 qofna way ku dhaawacmeen kadib markii uu qarax weyn ka dhacay dhismaha xukuumadda ee Jejniya.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa waxa loo malaynayaa inay ka dambeeyeen dagaalyahaniinta ku kacsan Dawladda Ruushka, taasoo ay wadeen laba nin naftood-hurayaal ahi, kuwaasoo ay rasaas ku rideen askartii ilaalinaysay dhismahaasi, balse xoog ayay ku dhaafeen.

Madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin ayaa kulan deg-deg ah u qabtay xukuumaddiisa si looga gun-gaadho cidda ka dambaysay weerarkaas, waxaanu xaqiijiyay inaanay tani carqaladaynayn dedaalka nabadeed ee ay ka wadaan Jejniya.

Sida ay sheegeen goob-joogayaal u dhuun-daloola arrimaha Jejniya dedaalka nabadeed ee lagu doonayo in xasilooni lagaga dhaliyo Jejniya.

Top


“Wax Halaga Qabto Wiilkayaga La Xaday” Qoys Wiil Laga Xaday.

Hargeysa (Haatuf): Qoyskii dhalay Subeer Axmed Ismaaciil oo ah wiil Shan (5) jir ah oo laba bilood ka hor laga xaday magaalada Hargeysa ayaa warqad qoraal ah oo ay soo gaadhsiiyeen wargeyska Haatuf, xukuumadda kaga codsaday in wax laga qabto arrintaa, iyagoo qoraalkooda ku socodsiiyay xukuumadda, ciidanka Booliska iyo ciidanka CID-da, qoraalkaasina wuxuu u qornaa sidan:

“Annaga oo ah qoyskii dhalay Subeer Axmed Ismaaciil oo ahaa wiil yar oo shan (5) jir ah, waxaanu caddaynaynaa in wiil kayagu maqan yahay muddo laba bilood ah, waxaananu caddaynaynaa in wiilkayaga ay qaataan qoys ka soo jeeda beesha Gabooyaha, lamana garanayo meel ay geeyeen iyo si ay yidhaahdeen toona. Waxaanu caddaynaynaa in aanay cuqaashooda iyo dadkooduba aanay noo iman waxna ka qaban arrintaa. Wiilkan Subeer Axmed, waxa u xidhan sideed qof oo mid waliba uu dawladda ku sheegay in u dhiibay ka kale, ilaa ka Maraykan ka soo hadlaya oo la sheegay in uu Inankayagii hayo, markaa falkaas oo marag iyo markhaati buuxa hortooda la keenay, kaas oo ay dawladdu dhegaysatay, taas oo ahayd silsilad xidhiidhsan. Haddaba, waxaanu Xukuumadda iyo Ciidamada amniga ka codsanaynaa in falkaas, si degdegga wax looga qabto annaga oo ilaalinayna nabadgelyada, dhibanayaalna ah.”

Top


“Waxaan is-lahaa Caqligiisa Eeg.”

Anigoo ah muwaadin reer Somaliland ah, waxaan jecelahay in aan faallo ka bixiyo halkan, sidii ay u dhacday natiijooyinkii doorashada Madaxtooyada Somaliland oo ay Maxkamaddu ku dhawaaqday in ay ku guulaysteen xisbiga UDUB, kaas oo uu gacan saydhay xisbiga KULMIYE.

Haddaba, waxaan jecelahay in aad ila eegtaan maahmaahdan inta aanaan guda-gelin nuxurka hadalkayga, waxaa la yidhi, Beribay Gabadhi u soo ashkatootay nin Xaakima, waxay tidhi, “Xaakim, waxa xalay ii soo dhacay nin tuug ah.” Wuxuu xaakimkii ugu jawaabay, “Miyaad arkaysay.”

Waxay ugu jawaabtay, “Haa. Waan arkayay.” Wuxuu haddana xaakim yidhi, “Maxaad u qaban wayday.” Waxay ugu jawaabtay Gabadhii, “Waxaan islahaa caqligiisa eeg. Kadibna wuu I fara xumeeyay.” Xaakimkii ayaa dabadeedna ugu jawaabay, “Maxaad u qaylin wayday.” Waxay dabadeedna tidhi, “Waxaan islahaa caqligiisa eeg. Dabadeed markuu hawshiisii dhamaystay ayuu gurigii ka baxay.” Xaakimkii ayaa ugu jawaabay, “Miyaad arkaysay markuu aqalka ka baxayay.” Gabadhii ayaa tidhi, “Haa.” Xaakimkii ayaa ugu jawaabay, “Maxaad uga jeeday.” Dabadeedna waxay ugu jawaabtay, “Waxaan islahaa caqligiisa eeg.” Xaakimkii ayaa gabadhii ku yidhi, “Miyaad garanaysay ninka” waxaanay ugu jawaabtay, “Haa. Waan garanayaa.”

Xaakimkii wuxuu ku daray laba askari oo ilaaladii Maxkamadda ah, waxaanu yidhi: “Soo qabta ninka tuuga ah.” Dabadeedna askartii way keeneen. Xaakim wuxuu weydiiyay ninkii, “Ma samaysay dambigii ay gabadhu ku soo eedaysay.” Wuxuu ninkii ku jawaabay; “Haa waan sameeyay waxaa ay gabadhu sheegtay oo dhan.” Markaa xaakimkii ninkii wuxuu yidhi, “Fasax baad tahaye iska tag.” Gabadhii ayaa soo booday oo Xaakim ku tidhi, “Xaakim, maxaad iiga sii daynaysaa ninku hadduu dambigii qirtay.” Xaakimkii wuxuu uga jawaabay gabadhii, “Waxaan isleeyahay caqligiisa eeg.”

Haddaba, waxaan odhanayaa xisbiga KULMIYE, waynu arkaynay maalintii Guddiga Komishanku xisaabta kala qoora-goynaysay, waanu arkaynay maalintii odayaasha la dhaqdhaqaaqijinayay, waynu arkaynay maalintii wasiirka arrimaha guduhu ina lahaa natiijadii komishanku ku dhawaaqay ayay Maxkamadduna ku dhawaaqaysaa, waynu arkaynay intii madaxtooyada layskaga yeedhayay, waynu arkaynay intii golayaasha qaranku midba midka kale u kordhinayay wixii ka dhimman, waynu arkaynay markii baanka lacag cusub laga daldalayay.

Haddaba, waxaan hadalkayga ku soo ururinayaa, maadaama oo aynu intaas oo dhan arkaynay oo aynu ogolaanay in aynu Maxkamadda sare u dacwoono, waxaan qabaa in xaq laynoogu leeyahay inuu gudoomiyaha Maxkamadda sare ku dhawaaqo UDUB baa heshay, marka sababta la weydiinaya uu ku jawaabo: “Waxaan islahaa Caqligooda eeg.”

Cali Ismaaciil Carab (Cali-Duulduul), Hargeysa.

Top


Raadiyow Maqaloocshe.

S: Waxaan ku waydiiyay musharaxnimadaadii dawladii reer Miyigu xagay ku dambaysay?

J: Horta waxa isoo jirabay kursi doonmayn ahayn ee qaradkaygu wuxuu ahaa bal in musharixiintan reer magaal in ay ogaadaan in dadkii reer miyi wadeeco u idlaaday, markaa haddii dawladdan magaal iga xil furata anigu waan u ducayn, haddii kale aniyo reer miyi dantayo ayaanu xugufsan.

S: Barnaamijkaagii aad soo samaysay dawladdan reer magaal ma u gudbisay?

J: Waar miyaad silantahay ma nimankan xaashiyuhu xiijiyeen ee ilaa imika hangooladu iska sudhan yihiin, igawalla waxan ka baqday in aanu kala bixi wayno, sidii labadii bahal ee KULMIYE iyo bahalkii kale ee UDUB.

S: Adigu oday badow ah baad u egtahay, markaa sideed doonaysaa in aad Madaxweyne ku noqoto, miyaad dibadaba wax ku soo baratay?

J: Horta, anigu badownimo ii daa, laakiin waxaan kuu sheegayaa haddaanu Soomaali nahay in aan weligayo dibada talo nooga iman ee annagu aanu tashan jirnay, dibadna wuxuun baa nooga yimaada dharka, sonkorta, bagaashka, gabadh faruuryo cas-cas leh iyo rag waaweyn oo adhiga ka baqa. markaa adeer, taladda ma bagaash baad mooday.

S: Dibadda aqoonsi dawladdaada ma uga doonaysaa Ictiraaf?

J: Adeer, Ictiraafkaan dhexdayada ka waayo, dibad u dooni maayo, kaasuun baa na dhaqaya.

Gabay

Gudi xagale,
Xaal wada guracan,
Xaajo wada tuurle,
Xaraan faras ah,
Urur xiiqsanoo
Xanan la jiidhsiiyay,
Xisaab lagu murmaayiyo
Wareer xaal istari waayay,
Xaakin iyo wadaad xiimayoo,
Dhaar ka xagafsiiyay.
Kornayl xadhiga soo goostayoo,
Xilafurka u jiiday.
Xulufaysi UDUB yeelatiyo
UCID u xiiraysa.
Xansas laysu wada ururiyoo,
Xoolo laga qaaday.
Xarbi iyo dagaal laysgu galay,
Geel xiradiisa.
Xarbu dirarka maalintii,
Kursiga laysku xaydaabay,
Waatii hadhgalay laga xajaray
Xoon walaalo ahe.
Xidigay lahaayeen la waa,
Xaajiyaaladiyo,
Xanbaarada hadeerbay
Dheguhu weli la xiimaane.
KULMIYE-ba wuxuu xiiqsanaa,
Ooda laga xoorye,
Xaawaley ka liiteen
Raggay wada xamuuraayeen.
Wiilashii xanaaqyada dhawaa,
Xoday la jiidhsiiye.
Xafxafta iyo iswaalkoodu,
Waa xaafadaha qaare.
Xanuunkii la baday ayay
Hadeer xanaf wareeraane.
UDUBkay xanjada moodayeen,
Xoog ku soo celiye.
Xisaabiyo waxay soo qorteen
Kala xawaareeye.
Hadday libin u xusul duubayeen,
Xaasid baa helaye,
Imikay sidii xiidka bahal
Xagi ka qaylshaane.
Xaaraanta ururkii cunney
Xero ka saartaaye.
Xariifnimo daraadeed,
Miyaynu kala xishoonwaynay.

Top