Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 332 May 14, 2003

Cudur- Daar.

Maxkamadda Sare Ha Qabyo-Tirto Go’aankii Natiijada.

Madaxweyne Daahir Rayaale Oo La Filayo In Maalinta Jimcaha Loo Dhaariyo Jagada Madaxtinimada 5-ta Sanadood Ee Soo Socda.

Ururka SSJW Oo Xukuumadda Rayaale Ku Canbaayeeyey Falal Lid Ku Ah Xorriyatul- Qawlka.

Mas’uuliyiinta KULMIYE Ee Tog-Dheer Oo Ku Gacan-Saydhay Go’aanka Maxkamada Sare.

Maxkamad lasoo taagayo mas’uuliyiintii Xukuumaddii La Riday Ee Sadaam Xuseen.

Hambalyo.

Ra’iisal-wasaarayaasha Israel iyo Falastiin Oo lagu Wado Inay Kulmaan.

Boqol Qof Oo Ku Dhintay Qarax Laxaad Leh Oo Ka Dhacay Sucuudiga
Dhimashada Iyo Dhaawaca Waxa Ka Mid Ah 50 Qof Oo U Dhaashay Maraykanka.

Pakistan Iyo Hindiya Oo Gaadhay Heshiis Ka Dhigan Sidii Film Hindiya Oo Akhirka Ku Danbeynaya Hoog Iyo Halaag.

Guul Baa U Soo Hoyatay Somaliland.

Jilba Dhiig, Waa Sheeko Taxane Ah Oo Uu Qoray Xasan Faarax Maxamed,
Waxaana Tafaftiray A. Ducaale.

Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa Qoray Cabdi Caara-Dhuub.

Cudur- Daar.

Cudur- Daar

Labada sheeko ee Garta Dhaqanka iyo Jilba Dhiig oo ka maqnaa maalmahan wargeyska Haatuf ayaa waxa u sabab ahaa cilad xagga farsamada ah sidaa darteed ayaanu uga cudur daaranaynaa akhristayaasha sharafta leh, maanta ayaanay suurta gashay inay ku soo baxaan wargeyska ee ka akhri gudaha.
 

Top


Maxkamadda Sare Ha Qabyo-Tirto Go’aankii Natiijada.

Subaxnimadii 11-kii bishan May ayay maxkamadda sare ee Somaliland ku dhawaaqday natiijadii kama-dambaysta ahayd ee doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacay 14 April, taasoo xalaalaysay in xisbiga UDUB ku guulaystay doorashadaas.

Haddii aynu falanqayno habkii ay maxkamaddu u soo bandhigtay go’aankeeda, waxa dadka badankoodu ay aaminsan yihiin oo ay maxkamadda ku dhaliilsan yihiin siday u maamushay ku dhawaaqistii natiijada.

Waxyaalaha dadka iyo ra’yul-caamka u cuntami waayay waxa ka mid ah faah-faahin la’aanta aanay maxkamaddu si cad u kala qeexin asbaabihii sharciyeed ee ay u cuskadeen go’aankooda ee ay isku waafajiyeen tirooyinkii natiijadii ku-meel-gaadhka ahayd, jawaab-celintii Guddiga doorashooyinka iyo qodobadii ay ku dacwoonayeen labada xisbi ee natiijada ku muransanaa.

Faah-faahin la’aanta kasokow, waxa iyaduna jirtay maxkamadda oo shuuqsatay gar-qaadistii Kiiskii oo marka laga reebo fadhigii u horreeyay ee Khamiistii aanay jirin cid ay ka marti-geliyeen oo goob-joog ka ahaa dhegaysigeeda. Xataa markii ay go’aankeeda ku dhawaaqaysay ma jirin wax qoraal ah oo maxkamaddu u qaybisay labadii dhinac ee ay gartu ka dhaxaysay ama weriyeyaashii warbaahinta dalka ee goobta joogay.

Kiiskan oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah isla markaana laga warqabay culayska iyo saamaynta uu leeyahay, taas oo wargeys ahaana hore talooyin loogu jeediyay maxkamadda sida loogu baahan yahay in dadweynaha warkiisa aad looga dhergiyo. Haddaba, waxa isweydiintu tahay maxa keenay inay maxkamaddu hab-qarsoodi ah garta ku qaaddo.
Waxyaalaha dadku jawaabta u la’yihiin oo ay weli isweydiinayan waxa ka mid ah ma sanaaduuq dambe ayaa dib loo tiriyay, ma tirooyinka gobollada iyo degmooyinkaa is khilaafsanaa marka horeba, maxkamaddu halkay ka keentay 5-ta cod ee ay ka goysay natiijadii ku-meel-gaadhka ahayd ee xisbiga UDUB helay.

Su’aalahaas iyo kuwo kaleba oo ay dadku qabaan, weli looma hayo jawaabo shaafi ah, taasoo sabab u ah shakiga iyo muranka weli ka taagan siday wax u dhaceen.

Tafsiir yaraanta maxkamaddu waxa kale oo ay ra’yulcaamka adduunka shaki ka gelin karta kalsoonidii ay ku qabi lahaayeen doorashadii dalka Somaliland ka dhacday oo ka mid ah waxyaalaha lala shir-tegi doono marka beesha caalamka lagala garamayo ictiraafka Somaliland.
Sidaas darteed, maxkamadda sare intaan la dhaarin Madaxweynaha dib loo doortay waxa ku waajib ah inay faahfaahin iyo raad-raac cad ka soo saarto go’aanka natiijadii ay soo saartay.

Top


Madaxweyne Daahir Rayaale Oo La Filayo In Maalinta Jimcaha Loo Dhaariyo Jagada Madaxtinimada 5-ta Sanadood Ee Soo Socda.

Hargeysa (Haatuf) madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa la filayaa in loo dhaariyo jagada madaxtinimada maalinta jimcaha ee fooda inagu soo haysa ,kadib markii uu si rasmi ah ugu guulaystaay jagada madaxtinimada kadib markii ay maxkaamada saare ku dhawaaqday natiijadii dooraashooyinkii madaxtinimada ee dalka ka dhacay 14-kii abril.madaxweyne rayaale oo uu dhaarin doono gudoomiyaha maxkamadda sare maalinta jimcaha 16.05.03 muddo shan sanadood oo dambe ah iyada oo xukuumadda horena sida dastuuurka ku cad ay muddadii sharciyan kaga dhantahay berrito 15.05.03.

Waxaana sidaa xalay Haatuf u xaqiijiyey afhayeenka madaxtooyadda Cabdi Idiris isaga oo intaa ku daray in ay dhacdo jimcaha dhaarinta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku, iyada oo la sheegay in xafladaha loogu dabaal degayo munaasibadda 18 May oo ah maalinta dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland, munaasibadaa oo ay xukuumaddu si weyn ugu diyaar garoobayso markay la dhaariyo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenku ka dib.

Markaa ka dib waxa la filayaa in madaxweyne Rayaale inuu guda galo dhismaha xukuumadiisa cusub, waxaanay dad badani naawilayaan inay xukuumadda cusub ee Madaxweyne Rayaale noqoto mid xul ah oo tayo leh, oo bedesha xukuumadda haatan jira, inkasta oo aanu xisbiga mucaaradka ugu weyn, isla markaana ay isku codadka dhawaayeen aanu ku qancin go’aankii ay maxkamadda sare ku dhawaaqday in madaxweyne Rayaale uu ku guulaystay jagada madaxtinimada dalka, isla markaana aan la ogayn waxa ay ka yeeli doonaan arrintaasi, iyaga oo intaa ku daray inaanay aqoonsanayn go’aaanka guusha madaxweyne Rayaale.

Dhinaca kalena waxa la rajaynayaa in ay ka soo qayb soo galaan munaasibadda 18 May wufuud ka kala socota dalalka aynu jaarka nahay. Iyada oo haddii ay yimaadaan ay noqonayso markii ugu horeysay ee ay wufuud shisheeya ahi ka soo qayb galaan dabaal dega 18 May, oo ah maalinta qaranimada Somaliland.

Top


Ururka SSJW Oo Xukuumadda Rayaale Ku Canbaayeeyey Falal Lid Ku Ah Xorriyatul- Qawlka.

Hargeysa (Haatuf): ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha madaxa banaan ee Somaliland (SSJW) ayaa xukuumadda Rayaale ku cambaareeyey inay wado falal lid ku ah xoriyatul qawlka iyo dimuqraadiyadda, isla markaana lagu cabudhinayo xorriyadda iyo madax banaanida saxaafadda, sidaana waxay ururku ku sheegeen qoraal ay xalay soo saareen, waxayna qoraalkaas ku sheegeen in muddooyinkan dambe ay xukuumaddu samaysay falal iskugu jira xadhig, cabudhin, caga-juglayn iyo boob ay kula kacday weriyayaal ka tirsan Wargeyska ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ee dalka iyo dadka kale oo isugu jira masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradk ah ee KULMIYE iyo taageerayaal, kuwaas oo ay qaarkood ilaa wakhtigan xidhan yihiin.

Ururku wuxuu qoraalkiisa ku xusay inay falalkaa ay xukuumaddu kula kacday weriyayaasha ay u muuqato kuwa la doonayo in lagu cabudhiyo madax banaanida iyo xorriyadda saxaafadda.

Ururka suxufiyiinta iyo qorayaasha ee Somaliland ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaahdo (SSJW) wuxuu xukuumadda ugu baaqay inay ka waantowdo cabudhinta, cadaadiska iyo xadhiga noocaas ah ee isa soo tarayey bilahan u dambeeyey, kaas oo lid ku ah xorriyadda saxaafadda, xorriyatul qawlka iyo nidaamka dimuqraadiyadda, wuxuuna ururku qoraalkiisa ku sheegay in xukuumadda looga baahan yahay inay ku dhaqanto oo ilaaliso qawaaniinta, xeerarka iyo dastuurka dalka, isla markaana ay tixgeliso baaqa iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.

Ururka wuxuu ugu baaqay inay sii dayso weriye Maxamed Cumar oo ah weriyaha Gobolka Awdal oo ka tirsan shabakada warbaahinta Haatuf oo soo saarta saddexda wargeys ee Haatuf (Soomaali), Al-Haatuf Al Carabiya iyo Somaliland Times (Englisho) weriyahaas oo la xidhay 8-deedii bishan, welina xabsiga dhexe ee Boorama ugu xidhan si cadaalad darro ah.

Top


Mas’uuliyiinta KULMIYE Ee Tog-Dheer Oo Ku Gacan-Saydhay Go’aanka Maxkamada Sare.

Burco ( Haatuf) Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee goblka togdheer oo ay weheliyaan, garabka haweenku ayaa wadajir u cadeeyay inaanay ku qanacsanayn go,aanka maxkamada sare ay soo saartay Axadii todobaadkan ee ku wajahnaa natiijadii doorashooyinkii dalka ka dhacay. Sidaana waxay ku sheegeen shirjaraa,id oo ay shalay ku qabteen magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer, sida uu kusoo waramay Axmed Aadan yuusuf oo ah hawlwadeen ka tirsan Haatuf,waxa ka mid ahaa xubnaha halkaa ka hadlay gudoomiyaha gudida fulinta cali xasan maxamed, C/raxmaan yuusuf cabdi,Xasan maxamed axmed, Maxamed yuusuf liibaan iyo caaqil saleebaan guray (gadh-cade) oo dhamaantood ka tirsan xisbiga KULMIYE. Laakiin gudoomiyaha gudida fulinta, Cali xasan maxamed ayaa sheegay inaanu xisbigoodu ku qanac sanayn go,aankii ay maxkamadu ku dhawaaqday , wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlayana wuxu yidhi, “ go'aanka ay maxkamadu ku dhawaaqday,waxaanu u aragnaa, mid aan sharciga waafaqsanayn, xalaalna aanu ahayn oo layskaga dahawaaqay, waxaanuna aaminsanahay oo aanu ku qanacsanahay inaanu doorashadii dhacday 14kii bisha aanu ku guulaysanay”.

Gudoomiyaha gudida fulinta ee KULMIYE, wuxu intaa ku daray inay kulankaa isugu yimaadeen dhamaan garabyadii xisbigu, islamarkaana ay ayidsan yihiin go,aanka iyo jawaabta uu ka bixiyay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Axmed maxamed maxamuud siilaanyo,wunxuna intaa raaciyay inaanay natiijo sax ah ahayn, isla markaana aan la qeexin, sida lagusoo saaray go,aankaas.Gudoomiyaha gudida fulinta ee gobolka togdheer, Cali xasan maxamed, waxa uu sheegay inay jiraan, dad muwaadiniin ah oo codkoodii sharciga waafaqsanaa oo aan la kansalgarayn, lana tiring,sida sanduuqii bali calanle, sidaa awgeed dadkanu ma qaadanayaan cadaalad daradii ay hore uga diideen digtaytarkii siyaad bare. Mr cali waxa uu xisbiga UDUB ku eedeeyay inay kala qaybinayaan bulshada, iyagoo dadkii u codeeyay xisbiga KULMIYE ay doonayaan inay shaqada ka sifeeyaan, taasuna waa waxyaabaha nabadgelyada xumaynaya ee ay UDUB ku kacayso ayuu yidhi.

C/ raxmaan yuusuf cabdi oo ka mid ah xubnaha KULMIYE ayaa isna sheegay inay shacabku doorashadii u codeeyeen si fiican oo ay u dhacday si aanay uga dhicin caalamka dumuqraadiyada ku faana, laakiin waxa nasiib daro ah ayuu ydhi inay hayadihii ay khusaysay ee umada dhex u noqon lahaa, ama axsaabtu ay garab noqdeen, haddii ay komishanka tahay iyo haday maxkamada tahayba, islamarkaana ay sababta labadaa ha,yadood loo kala danbaysiiyay ay tahay, haddii ta hore khaldanto inay ta danbe saxdo ,laakiin cidwaliba ay garanayso in wixii ay dadkanu ka dagaalameen ay ahaayeen caddaalad daradii dadka loo geystay, maantana ay tii bilaabantay oo aynu dib ugu noqonay, balse waxa masuuliyadeeda iska leh cidii samaysay oo ay dib ugu noqonay.

Mr c/raxmaan wuxu ku eedeeyay xibiga UDUB, inay wadaan nabadgelya daro iyo kharbudaad, islamarkaana ay ku afgobaad-sadaan inuu KULMIYE wado nabad gelya daro, laakiin wuxu sheegay inuu xisbiga KULMIYE yahay , mid ay nabad gelyadua iyo dalkuba qaali ku yihiin oo uu dhiig badani kaga daatay, sidaa awgeed aanay doonayn inay nabad gelyo daro horseedaan, isagoo intaa raaciyay inay bulshadu aragto cida dhibaatada wada. Sidoo kale garabka haweenka KULMIYE ee gobolka togdheer iyo haweenka jamciyada mujaahidiinta sooyaal ayaa sheegay inaanay marnaba ku qanacsanayn go,aanka maxkamada, islamarkaana ay taageersan yihiin jawaabta uu ka bixiyay gudoomiyohoodua axmed siilaanyo. Marwo sahra maxamed yuusuf oo ka tirsan golaha dhexe ee KULMIYE iyo Shamis yuusuf cartan oo ka tirsan Ururka haweenka ee KULMIYE ayaa sheegay inuu go,aanka ay maxkamadu ku dhawaaqday yahay mid xaaraan ah, islamarkaana aanay taageer sanayn go,aankaa, balse ay taageer san yihiin, jawaabtii uu go'aankaa ka bixiyay gudoomiyaha KULMIYE, iyagoo intaa ku daray inay u codeeyeen haweenku cidii ay u arkayeen inay waxa u qabanayso maatada iyo dadka jilicsan, laakiin ay nasiib daro tahay inay UDUB, sidaa wax u boobto oo aanay aqbalayn in codkii xaqa ahaa ee ay bixiyeen la duudsiyo, waxa iyaduna halkaa ka hadashay, Sahra x, yuusuf oo u hadashay garabka haweenka ee sooyaal, wxayna sheegtay inay go'aankaa u arkaan dulmi oo aanay marnaba qaadanayn.

Top


Maxkamad lasoo taagayo mas’uuliyiintii Xukuumaddii La Riday Ee Sadaam Xuseen

Baqdaad (W.Wararka) - Mas’uul sare oo Maraykan ah ayaa kaga dhawaaqay magaalada Baqdaad in la samaynayo maxkamad gaar ah oo eegaysa dembiyadii laga galay shacbiga reer Ciraaq muddadii u talada hayay Sadaam Xuseen oo Xukunka laga tuuray daboyaaqadii bishii hore. Dhawaaqidda mas’uulkani waxay dhalisay su’aalo badan oo la iska weydiinayo nooca ay noqonayso maxkamaddani iyo sida loo hirgelin karayo Xukunka lagu qaadayo dadka uu liis gareeyay Maraykanku oo tiradoodu gaadhayso 55 qof oo uu Maraykanku raadinayo.

Sahki kuma jiro in dembiyo dhinaca banii’aadamnimada ahi ay dhaceen mudadii uu Xukunka hayay Sadaam Xuseen, laakiin waxay dad badani qabaan in ay maxkamadda madax ka noqdaan dad reer Ciraaq ahi iyo in tafaasiil dheeraad ah laga bixiyo nooca dembiyada loo haysto dadka la tuhunsan yahay.

Markii uu dhammaaday dagaalkii lagu qaaday Ciraaq, Madaxweynaha Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in la baadi-goobi doono dadkii dembiyada ka galay reer Ciraaq si maxkamad loo soo taago. Laakiin tafaasiil kamuu bixinin nooca ay noqonayso maxkamadda lasoo taagay mas’uuliyiintaas.

Dadka qaar ayaa qaba in maxkamadda dembiyada dagaalka ee Hague loo gudbiyo dadka mas’uuliyiinta kasoo ahaa Ciraaq, inkasta oo ay dadka qaarkood kasoo horjeedaan arrintaas, halka ay qaar kalena aad u diidan yihiin in maxkamad lasoo taago dad mas’uuliyiin hore uga ahaa dalka Ciraaq.

Top


Hambalyo.

Dhamaan Shaqaalaha Mohamed Yousuf Elmi, Mohamed Osmaan Ismail, Ali Dul-Dul Axmed Omar Fureh, Mustafe (Babta), Sakadi Jaamac, Shoobe Abdi Elmi, Jama Osman Ismail, Mohamed Elmi Samatar, Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka Ibrahim Sigad Misan Iyo Hodan Husien Bile Oo Meherkoodu Ka Dhacay 9/05/03 Magaalada Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara, Ubad Khayr Qabana Kala Hela. Aamiin.

Hambalyo

Hooyo Maryam Aadan Cumar, Yoonis Cumar Sh. Yuusuf, Daariq Cumar Sh. Yuusuf, Ismaaciil Cumar Sh. Yuusuf, Hibaad Cumar Sh. Yuusuf, Sahra Cumar Sh. Yuusuf, Faadumo Cumar Sh. Yuusuf, Safiya Cumar Sh. Yuusuf, Shukri Aadan Cumar, Axmed Aadan Cumar, C/Raxmaan Aadan Cumar, C/Casiis Aadan Cumar, Amuun Giire, Faadumo Shacib, Nuura Qalinle, Caasha Xaaji Jirde, Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Ibraahim Sigad Miisaan Iyo Hodan Xuseen Bile Oo Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa 09/05/03 Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara, Ubad Kheyr Qabana Kala Hela. Aamiin.

Hambalyo

Aabo Muuse Axmed Shirwac, Hooyo Xaliimo Sh. Yuusuf Sh. Madar, Deeqa Axmed Muuse, Hodan Axmed Muuse, Yuusuf Axmed Muuse, Maxamed Axmed Muuse Sihaam Axmed Muuse, Yasmin Axmed Muuse, Foosiya Axmed Muuse, Sahra Axmed Muuse, Guuleed Axmed Muuse, Waleed Axmed Muuse, Ayeeyo Faadumo Muxumed Ismaaciil, Ayeeyo Aamina Muxumed Ismaaciil, Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Ibraahim Sigad Miisaan Iyo Hodan Xuseen Bile Oo Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa 09/05/03 Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara, Ubad Kheyr Qabana Kala Hela. Aamiin.

Hambalyo

Adeero Axmed Yuusuf Cumar, Hooyo Sahra Sh. Yuusuf Sh. Madar, Aamina Xuseen Bile, Safiya Xuseen Bile, Ayaan Xuseen Bile, Nimco Xuseen Bile, Maxamed Xuseen Bile, Yuusuf Xuseen Bile, Cumar Xuseen Bile, Ayeeyo Caasha Muxumed Ismaaciil, Faadumo Bile Cumar Ardo Bile Cumar, Caasha Bile Cumar, Xabiiba Bile Cumar, Carfi Bile Cumar, Ayeeyo Xabado Muuse Magan, Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Ibraahim Sigad Miisaan Iyo Hodan Xuseen Bile Oo Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa 09/05/03 Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara Ubad Kheyr Qabana Kala Hela Aamiin

Hambalyo

Aabo C/Raxmaan Sh. Yuusuf Sh. Madar, Hooyo Roda Ileys, Maxamed C/Raxmaan Sh. Yuusuf, Sahra C/Raxmaan Sh. Yuusuf, Marwo C/Raxmaan Sh. Yuusuf, Nuura Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Khaliil Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Xabiiba Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Farxiya Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Xasan Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Xuseen Sh. Ibraahim Sh, Yuusuf, C/Rixiim Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Yuusuf Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Shukri Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Raxma Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Sacdiya Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Saynab Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf, Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Ibraahim Sigad Miisaan Iyo Hodan Xuseen Bile Oo Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa 09/05/03 Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara, Ubad Kheyr Qabana Kala Hela. Aamiin.

Top


Ra’iisal-wasaarayaasha Israel iyo Falastiin Oo lagu Wado Inay Kulmaan.

Qudus (W.Wararka) - Shir ay ku kulmayaan Ra’iisal-wasaarayaasha Israel iyo Falastiin ayaa lagu wadaa in la qabto maalinta Sabtida ee soo socota. Shirkan oo la filayo inuu ka qaybgalo Guddoomiyaha Barlamaanka ee Falastiiniyiinta waxa haatan socota qaban-qaabadii sidii uu kulankaasi u suurtogeli lahaa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Colin Powel ayaa dhawaan la kulmay labada Ra’iisal-wasaare booqashadii uu ku marayay Bariga Dhexe, isagoo labada dhinacba lasoo qaaday sidii loo hirgelin lahaa qorshaha nabadda lagaga dhalinayo Bariga Dhexe ee uu Maraykanku gadh-wadeenka ka yahay.

Ra’iisal-wasaaraha Israel, Ariel Sharon aqbalaada uu muujiyay inuu la kulmo Ra’iisalwasaaraha Falastiin, Maxamuud Cabaas waxa ay muujinaysaa inuu u soo debcay cadaadiskii ay adduunyadu ku haysay si uu u aqbalo nabad waarta oo ka dhexdhacda labada dhinac.

Dhinaca kale, ciidamada Israel ayaa sii wada cadaadiska ay ku hayaan dadka Falastiiniyiinta ah, iyagoo maalinba magaalo cusub weerar ku qaada, iyagoo dhimasho iyo dhaawacba u geysta dadka Falastiiniyiinta.

Top


Boqol Qof Oo Ku Dhintay Qarax Laxaad Leh Oo Ka Dhacay Sucuudiga
Dhimashada Iyo Dhaawaca Waxa Ka Mid Ah 50 Qof Oo U Dhaashay Maraykanka.

Riyadh (W.Wararka) - Dad ku dhow 100 qof ayaa ku dhintay in ka badan 160 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii uu qarax laxaad lihi ka dhacay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad habeen hore, kaasoo lala beegsaday goob ay ka deggan yihiin muwaadiniin reer Galbeed ahi.

Sida uu sheegay af-hayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Guduhu dadka weerarka geystay waxay adeegsadeen baabuur ay kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa oo ay la beegsadeen Saddex goobood oo la deggan yahay, waxaanu intaa ku daray in qaraxyada baabuurtaa laga dhex helay sagaal qof oo meyd ah, kuwaasoo loo malaynayo inay yihiin kuwii fuliyay weerarada.

Af-hayeenka oo ka hadlayay qaraxyadaasi waxa kaluu sheegay in dadka goobahaa deggan iyo kuwa weerarka soo qaaday ay is-weydaarsadeen rasaas intii aanay qaraxyadu dhicin kahor, isagoo intaa ku daray inuu socdo baadhitaanka arrintaasi loogu jiraa.

Dadka ku dhintay qaraxyadan oo gaadhaya 100 qof, inkastoo ay iska soo daba-dhacayaan wararka arrintaa ku saabsani, waxa la sheegay in 10 ka mid ah dadkaasi ay u dhasheen Maraykanka sida uu xaqiijiyay Madaxweyne ku xigeenka Maraykanku, hal qofna uu u dhashay Ustareeliya.

Dadka dhaawacmay oo iyaguna gaadhaya 160 qof, waxa la sheegay in 40 qof oo ka mid ahi ay yihiin Maraykan, kuwa kalena ilaa haatan lama kala sheegin meelaha ay u kala dhasheen.

Madaxweynaha Maraykanka oo ka hadlayay qaraxyadan ayaa si weyn u cambaareeyay, waxaanu ballan-qaaday inay ka aar-goosan doonaan ciddii ka dambaysay, isagoo intaa ku daray in dagaalka lagula jiro Argagixisadu u yahay mid ilaa hadda taagan waxaanu ku tilmaamay inay ahaayeen falal waxashnimo ah.

Qaraxyadani waxay ku soo beegmeen iyadoo uu haatan booqanayo dalka Sucuudiga Xog-hayaha arrimaha dibedda ee Maraykanku, waxaana soo dhoweeyay Wasiirka arrimaha dibedda ee Sucuudiga oo u muujiyay sida uu uga xun yahay dadka Maraykanka ah ee ku dhintay qaraxyadaas.

Dalka sucuudiga waxa la sheegay inay ka shaqeeyaan 30,000 oo Maraykan ah iyo ilaa 30,000 oo kale oo Ingiriis ah, kuwaasoo ka hawlgala wershadaha iyo shirkadaha Shiidaalka ee dalkaasi.

Top


Pakistan Iyo Hindiya Oo Gaadhay Heshiis Ka Dhigan Sidii Film Hindiya Oo Akhirka Ku Danbeynaya Hoog Iyo Halaag.

New-Delhi(Haatuf) Ergayga Maraykanku u Diray dhexdhexaadinta labada Dal Ee Hindiya Iyo Pakistan Richard Armitage Oo Ahna Ku Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Maraykanka Ayaa wadahadal Xoogleh la Yeeshay Hogaamiyayaasha labada Dal.

Mr Armitage oo la Hadlay Saxaafadda ayaa Sheegay In Uu ku Guulaystay Heshiis Dhex Maray Dalalka Pakistan Iyo Hindiya Taas oo Sababtay ayuu Yidhi Waa cusub Oo U Baryay Labad Dal Raysal wasaaraha Hindiya Atal Behari Vajpayee iyo Madaxweynaha Pakistan President Musharraf ayaa labadooduba Qiray Sida ay Uga Go,antahay Heshiis Dhex Mara Labada Dal Ee Ood Wadaagta ah Ee Inta Badan Isla Soo Maray Colaada Gamuurantay ee ka Taagan Gobolka Qaniga ah Ee Kashmir.

Hindiya ayaa U dirtay Ergay Cusub Caasimadda Islaamabad Halka Ay Pakistana U Dirtay Ergay Cusub New-Delhi Waxa la Furay Xadka labada Dal U Dhexeeya iyo gabi ahaanba Diyaaradaha labada Dal Iskaga kala Goosha Hindiya ayaa Xidhatay xuduudaheed iyo hawadeeda ka dib markii Sanadkii 2001 bishii December 13-keedii ay Kooxo Reer Kashmir ahi ay werar ku soo qaadeen Baarlamaanka Dalka Hindiya. Werarkaas oo Ay Hindiya Dusha Ka saartay Dalka Pakistan Taas oo Sababtay in Labada Dal kala Qaataan Diblomaasiyiintii u Joogtay New-delhi iyo Islamabad, xidhayna Xuduudaha iyo Hawadda Dalalkaasi.

Maalimahan Xiiso Gooniya waxa ay Dadka Reer Hindiya u hayeen Jaraa,idka Dalka Ka soo baxa kaas oo si faahfaasan uga waramayey Heshiiska Dalalka Pakistan Iyo Hindiya waxana Farwaaweyn lagu Soo Dhigay Ciwaan Muujinaya is dhex-galka Labada Umadood iyo Xubno Baarlamanka Pakistan ah oo Xadka ka Soo Talaabaya iyagoo caleemo qoyan Sita Ku Xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Maraykanka Richard Armitage Oo Ah Odayga Ka Arrimanyey Muranka labada Dal u Dhaxeeya ayaa Shaaca ka Qaaday Saacdo kaliya in Hashiis la gaadhay. Taas oo fajicisa ku riday dadyaowga labada dal oo U Soo taagnaa Hashiisyadii Miiska loo Soo Wada Fadhiistay Ee lahor iyo Agra kaas oo ay aduunyaduna il Gooniya ku Eegaysay Akhirkiina la Ogaa waxa uu ku Danbeeyay.

Maanta Heshiiskan Labad Dal Gaadheen maaha mid ay kulmeen oo ay Miis isku soo hor Fadhiisteen Hogaamiyayaasha Labada Dal Waa Hashiis uu Gadhwadeen ka Ahaa maraykanku oo lagu kala saxeexday Telephone-ka Mana Noqon Doona Mid waaraya Sida uu yidhi Ku Xigeenka Raysal wasaaraha Hindiya L.K.Advani oo Ah Nin Hadalo Cad Cad. Waxanu Intaa ku Daray Mudane Advani .Haddii Pakistan Soo Dayso Argagixisadda Hoyga ay Siisay oo Ay na soo weraraan Heshiisku waa burburayaa.

Lala Krishna Advani Raysal wasaare ku xigeenka hindiya waa Ninka lagu tuhunsan yahay in uu yahay ninka daah dabadiisa ka maamula dalka Hindiya Mr Advani waa Nin Muslimiintu ugu yeedhaan in uu yahay Cadow-ga Muslimiinta waxan ay jabhadaha Reer Kashmiir ku Balan Qaadeen in ay qoorta ka Goyn doonan Mar ay ahaataba Raysal wasaare ku Xigeenka Mr Lal Kirshna Advani Siyaasadda Xisbiga Taladda Dalka Hindiya Haya ee la Yidhaa PJB oo ay is bahaysi la yihiin Urur-kale oo yar yar oo la isku yidhaa Dhamaantood NDA. Ayaa loo fasiran karaa in PJB heshiiskan ka leedahay Ololaheega ku wajahan Doorashadda Madaxtinimo Ee Bisha October ka Dhacaysa Dalka Hindiya. Hishiisakna yahay Riwaayad ay labada Dal Isku Dhigayaan Waxana Durbaba bilaabmay Ololaha Doorashadda. waxana Maanta Qudbad Ku wajahan Ololaha Doorashadda ka Jeediyay Magaaladda Lucknow, Gudoomiyaha Xisbiga Samajwadi Party oo Ah Xisbi Mucaaridda.

Xisbiga BJP ee uu Hormuudka ka yahay Rugcadaaga Atal Baheri Vajpayee Waa Reysal wasaaraha Hindiye waa Xisbi Ay Aad ugu Badan Yihiin Dadyowga Hinduga ah ee dalka U Badani Xisbiga BJP waa Xisbiga ka Danbeeyay Dumintii Misaajidkii Caanka ahaa Ee Sanadaha Badan Soo Jiray Ee Babri Masjid Kaas oo dhagaxdhagax ay u Qaadeen Boqolaal Kun Oo Hinduu ahi Sanadkii 1992.

Xisbiga BJP waxa ku Jira Ninkii Xasuuqay Muslimiinta Reer Gujarat Narayane Modi kaas oo Dilay In Ka Badan 5,000 oo Qof Oo Aan waxba Galabsan Mr Modi Mar kale Ayaa loo Doortay In uu Madax ka ahaato Gobolka uu ka abuuray Xasarada Ka Dib Markii uu Ololaha Siyaasadda Ku Galay in ay Muslimiintu Qabsan Doonan Dalka .Haddii Aad Na Dooran waydaan Waa sida uu yidhiye .. Mr Modi waxa Uu Si Toosa u Cadaystay in uu Yahay Nin Neceb Cid Kastoo Muslim Sheegata taas Oo Sababtay In uu Codod Badan ku Guulaysto. Gobolka Gujarat 15% waa Dad Muslima Halka inta kale ay Yihiin Hindu.

Mucjisadda Xisbiga BJP waxa ka Mida Madaxweynaha Hindiya A.P.J Abdul Kalam waligii Ma Guursan...Raysal wasaaraha Hindiya waligii Ma Guursan Ku Xigeenka Raysal wasaaraha Hindiya Ninka Daaha Dabdiisa ka Maamula Dalku waligii ma Guursan Modi Xubin sare oo pjb ka Tirsan Ahna Raysal wasaaraha Gobolka Gujarat waligii ma Guursan. Taas oo Loo Macneeyay in ay la Sifa Yihiin Culimadda laga Ducaysto Ee Hinduga Kuwaas oo ku sifaysan In Aanay Guursan inta ay Tample-ka Joogan. Madaxdaasina wax ay isk Dhigayaan Si ay Codod Shacbiga Uga Helaan Wadaado Jecel Diinta Hinduga.

Heshiiska labada Dal Dhex Maray waa Mu,aamarat Siyaasadeed oo la Doonayo In PJB ay kaga Dhaadhicso Dadka Hindiya in ay BJP tahay Xisbi ku Guulaystay Nabadii Cikranayd ee Mudada Dheer u Dhaxaysay Hindiya Iyo Pakistan. Hashiiskaa Oo La Aminsan Yahay hadhow In Uu Burburi Doono marka ay Dantooda Dhameystaan. Pakistan ayaa iyadana Dan weyn ka leh Heshiiskan iyadoo iyana wadata Kaarto Siyaasadeed ay ku Doonayso in Indhaha caalamka Tusto In ay diyaar u tahay La Dagaalanka Argagixisada iyo Ilaalinta Xariiqda kala Qaybisa Labada Kashmir ee labada dal kala haystaan.

Abdiaziz Ahmed Mousa, Hindiya, Abdiaziz2@hotmail.com

Top


Guul Baa U Soo Hoyatay Somaliland.

Waxa ku haboon in Xisbiga Kulmiye haddii guushii laga helay ileyn haddii laba berento mid uun baa badin lahaaye uu u haneeyo xisbiga ku guulaystay tartanka. Haddii inta lagaa badiyo tartanka marba aad tidhaahdo anagu kuma qanacsanin waa wax lala yaabo. Markii ay guddida doorashadu ay soo saartey natiijadii waxa xisbiga kulmiye yidhi kuma qanacsanin oo anagaa badinay, markaa waxaanu dacwadaayadii u gudbinaynaa maxkamada sare ee Somaliland. Waxa kaloo ay sheegeen inay ku qanci doonaan waxa ay maxkamadu goyso. Mudane Siilaanyo wuxuu BBCda u sheegay inanay Somaliland marnaba noqon doonin sida Somalida kale oo aanay dhisi doonin laba dowladood oo is hor orda. Hadaba waxa la yaab leh in markii ay maxkamadu qaraarkeedii goysey uu Mudane Siraayo yidhaahdo anagaa badinay oo maxkamadu way naga eexatay.

Waxaan kula talinayaa Xisbiga Kulmiye iyo gudoomiyihiisa Mudane Silaanyo in uu ilaaliyo Dastoorka iyo nabada ummada Somaliland oo uu ku qanco go'aanka ay Maxkamadu soo saartey. Dunidu shanta sano ee ina haysa maaha ee doorashooyin badan ayaa soo socda oo laga yaabo in uu xisbigiisu ku guulaysto. Hadaba wax ha yeelin mustaqbalka xisbigaaga oo ilaasho in aad haysato siina kordhisa taageerayaashaada. Haddii aad sidan ku socoto waxa runtii dhici doonta in aad weydo taageerayaal badan. Umada reer Somaliland dagaal way soo martey weyna baratey inaany wax uu dhimo moyee waxba kordhin, markaa haysku ciyaarina oo ha duminina kalsoonida ay idiin siyeen ummada reer Somaliland.

Waxaan maqlaa taageerayaasha Kulmiye oo ku dhawaaqaya waanu dagaalami doonaa, waxa is waydiin leh yeey la dagaalami doonaan: Ma waxay la dagaalami doonaan Ina Riyaale? Ma waxay la dagaalami Doonaaan Gudida Doorashooyinka? Ma waxay la dagaalami doonaan Maxkamada Sare ee Somaliland? Ma waxay la dagaalami doonaan Golaha Guurtida? Ma waxay la dagaalami doonaan Golaha Baarlamaanka? Ma waxay la dagaalami dooonaan Xisbiga Ucid? Ma waxay la dagaalami doonaan Xisbiga Udub? Ma waxay la dagaalami doonaan Ciidanka Somaliland? Ma waxay la dagaalami doonaan Walalahood, Abayaashood, ileeyn labadii wada dhashaa kala galey Udub iyo Kulmiye eh.

Waxaan kula talinayaa in ay dhamaan xisbiyada doorashada ka soo qeyb galey ay ku dadaalaan sidii ay hore ugu marin lahaayeen dalkooga hooyo. Dalka waa wada leedihiin waa in aydun ka wada shaqeeysaan sidii aydun u dhisi lahaydeen. Dowlada xukunka la siiyey waxaan kula talinayaa in ay isku dayaan in ay u sheqeeyaan ummada Somaliland oo idil kii doortey iyo kii aan dooranba. Waxa haboon in Madaxweynuhu Mudane Dahir Riyaale in uu dhiso Dowlad Tayo leh oo anfacda dadka iyo dalka. Kana tage taladii hore ee ahayd kursigaa waxa iska leh beesha reer hebel, una guuro ayaa kursigaa ku fiican oo hanan kara, haduu ka waayo cid hanata xisbigiisa dhexdiisa waa in uu eegaa xisbiyada kale oo uu ka soo qaataa kuna biiriyaa dowladiisa cusub. Waa in uu siyaa wasiir kasta shaqo cayiman oo la yidhaacdaa sanadka soo socda waa in aad qabataa a,b,&c haddii uu ka soo bixi wayana waa in la keenaa midkale oo ka soo bixi kara kaalintaa.

Ugu danbayn waxaan kula talinayaa ummada reer Somaliland in ay ilaaliyaan nabada ay halkaa ku soo gaadheyn, qofkii wax qoonsadaana ha ogaado in uu haysto fursad uu kaga guulaysanayo ninka siyaasiga ah ee imika xukunka hayo ileyn imika awood ayuu leeyahay wadanigu mar haduu isagu gacantiisa ku hayo doorashada qofka u talin doona. Waa guul u soo hoyatey shacbiga iyo dalka Somaliland.

Abdihakim Arwo, Cardiff, U.K.

Top


Jilba Dhiig, Waa Sheeko Taxane Ah Oo Uu Qoray Xasan Faarax Maxamed,
Waxaana Tafaftiray A. Ducaale.

Sidii uu roobkii u da’ayey ayuu gabalkii dhacay, baabuurkiina dhiidhi ayuu galay, dabadeed-na markii uu roobkii qaadi-waayey isla markaana uu baabuurkii taayirada dhulka la galay, ayey kirish-booyadii baabuurkii shiraaqa u xidheen, laakiin inkasta oo uu roobkii weynaa, haddana habeenkii oo dhan waxa da’ayey roob gufucle ah.

Sidaa awgeed dadkii rakaabka ahaa habeenkii oo dhan waxay jirsanayeen dhirta hoosteeda, waxayna la kulmeen dhaxan iyo hurdo-xumo, balse Biixi iyo Xayaad kama qasna, waxayna fadhiisteen geed-yar hoostii, waxaana u socota bahal sheeko ah oo xiise leh.

Biixi iyo Xayaad ma oga waxa dhaxan iyo qaboobe dhacaya, isla markaana halka ay dadka kale qadh-qadhyo awgeed bawd-yaha isla dhacayaan, laakiin Biixi iyo Xayaad waxay ku jiraan jawi diirimaad iyo farxadi ku hadhaysantahay, waayo inta ay geed-yar oo qudhac ah hoos-fadhiisteen oo ay laba bur oo yar-yar badhida saareen ayey bahal sheeko ah gadhka is-dareen, iyaga iyo sooyaalkii taariikheed iyo waayihii ay soo mareen mar-ba baal rogaya, waxaana ka mid ahaa hadaladii ay is-dhaafsadeen:

Xayaad: Walaal Biixi dhibaatooyinkii bad-naa ee I soo maray meel kale uma tiriyo ee keliya waxaan u aaneeyaa inay raad ku leeyihiin nabsigii aan kaa galay, waayo Soomaalidu hore ayey uga maah-maahday nabsiga, waxayna yidhaahdeen “Nabsi iyo gabaw mid-na kuma gafo”, sidaa awgeed maadaama aan aaminsanahay inay dibaatada igu dhacday ama ila soo deristay sababteedu u iilanayso dembigii aan kaa galay, waxaan go’aansaday inaan ka daba tago gefkii aan galay, waxayna taasi igu dhalatay markii aan yiqiinsaday xanuunka uu leeyahay boholyowga jacaylku, baahidaasina waa ta maanta halkan I marinaysa.

Biixi: Walaal Xayaad hadal qiimo badan oo murti iyo xaqiiq-ba xanbaarsan ayaad tidhi, laakiin aniga laftaydu nabsiga aad ka cabatay iskama aan fogayn, waayo waxaan xusuustaa maalintii aad iigu timid goobtii shaqada ee magaalada London iyo sidii foosha xumayd ee aan kuu qaabilay, taas-na dhaxalkeedu iima soo dhixin ee markiiba waan helay, waxaana si fiican u kabbadday abaalka uu nabsigu leeyahay. Sidaa awgeed wixii dhacay cudur daar ma leh, waayo wayba dhaceen, wax dhacayna lama odhan karo maxay u dhaceen, oo Ilaahay baa xukunka iska leh.

Biixi iyo Xayaad markii ay intaa dhaafsadeen ayey u gudbeen marxaladda hortooda taal, iyada oo uu qof waliba dhiniciisa diirka ka qaadayo mawqifkiisa waqtigan xaadirka ah iyohalka ugu haboon ee ay talo ka qaban karaan.

La soco.

Top


Garta Dhaqanka Iyo Xeerarka Soomaalida, Waxa Qoray Cabdi Caara-Dhuub.

Gabayada laga tiriyey garta dhaqanka iyo arrimaha la xidhiidha waxa kale oo ka mid ah gabay uu tiriyey abwaanka caanka ah ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), wuxuuna yidhi, “Inkastuu muduci madal-weyne yimi, wax kastuu marsado, marley eedda qabo, oo madaacalihi maansha allee garta marag ka yahay sharcigana metelo”,  tixdani waxay tafsiir ka bixinaysay meel ay cadaalad darro ka jirto oo ay kii kula dacwiyey iyo xukunka kii ridayey ee xaakinka ahaa isku mid yihiin, taasina marag u tahay in markhaati kasta oo wax kuu fura oo aad keento koleyba aad gar-waa tahay, madashu madal cadaalad darro tahay oo ay ragga garta qaadayaa yihiin rag cadaalad darro ku sifoobay sida xiliyadan dambe dhacda, laakiin raggii hore ceeb ayey agtooda ka ahayd inay gar eexo qaadaan, balse raggan qarnigan jooga waxba kuma aha inay gar-eexo qaadaan.

Aniga laftayda (C/Salaan Caara-dhuub) aya ka gabyey xiligan garaha weecsan, waxaanan idhi “Madal iyo sheeko lagu ballamay, meel xun iyo saymo, maalintay saraaay-na tahee lays muquunanayo, marka aan magta iyo geela iyo moodka ka hadlaayo, waxaan nin meeshuu turqado aan la soo marine, maageer adaan kuu ahiyo moos wax caabiya’e, siddan ahay hangool mee la yidhi malin reer-degayo, inta kale miscililaha la dhigo mangadiyo shiishka, ma duunyahaw sidiisii aniga hay mucaamiline”.

Saahid Qamaan ninkii la odhan jiray ayaa isna tiriyey gabay la xidhiidha garaha cadaalad darrada u dhaca iyo cadaaladdu u tahay tiir-dhexaadka nolosha, iyo weliba sida ay lagama maarmaanka u tahay in cadaalad wax lagu maamulo ama lagu gar-qaado ama lagu wada dhaqmo, wuxuuna Saahid Qamaan gabaygiisa ku yidhi “Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi maso inaanu nahay ooy tolnimo meerto noo tahaye. Masalaha ninkaan ii dhigayna uma muraad yeesho, ninkii aniga iga maarmi kara midig ma saaraayo. Muslinimo kuma cabiidsamo wallaah madaxa kaa goyne, muggii weel ma dhaafooy tolow mooska yaan jebine”.

Waxa kale oo isna gabay la xidhiidha garnaqsiga tiriyey Maxamed Geelle, wuxuna yidhi “Abas-kuul, Isaaq inaan la simo igama eegtaane, aanada rag kale haw dhintee erey kalaan yaanay”.

Sidoo kale waxa is-na tiriyey gabay garaha la xidhiidha Qamaan Bulxan, wuxuuna yidhi “Caliyow da’daan ahay waqaa looma duur-xulo’e, duq gaboobay iyo wiil yar baa loo dedaa hadale, diirkaan ka garran xaajadaad dabaqa saarteene, dib u joogso waan kula dacwiyi, doodna waan odhane.”

La soco.

Top