Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 333 May 16, 2003

“Odayaasha Maanta Lagama Filayn Cambaaraynta KULMIYE Iyo Siilaanyo,”
C/Qaadir X. Ismaaciil Jirde Oo Jawaab Ka Bixinayay Shir-Jaraa’id Oo Ay Qabteen Guurtidu.

Meher Wacan.

Hambalyo.

Muran Ka Aloosmay Qiimaha Markabkii La Iibiyay Ee Lug-Haya.

“Madaxweyne Rayaale Wuu U Baahan Yahay Siilaanyo Iyo Faysal-Ba Inay La Shaqeeyaan,” Axmed Aadan Cige (Khabiir Culuunta Afafka Ah).

URURKA QIIMEYNTA WAXQABADKA, Qaybtii: 7aad, Baananka.

Ururka EHEPO Oo Deeq U Qaybiyay Toddoba Dugsi.

Iftiinka Islaamka, Siciid I. Guraase.

Waadiga Ciyaaraha.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Taageero Iyo Talo-Bixin Xukuumadda Cusub.

Yaa Ka Mas’uul Ah Waxbarashada Dayacan Ee Degmada Sheekh.

Jilba Dhiig.

Garta Dhaqanka.


“Odayaasha Maanta Lagama Filayn Cambaaraynta KULMIYE Iyo Siilaanyo,”
C/Qaadir X. Ismaaciil Jirde Oo Jawaab Ka Bixinayay Shir-Jaraa’id Oo Ay Qabteen Guurtidu.

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda C/Qaadir X. Ismaaciil Jirde ayaa ka waramay hawshii ay wadeen shirgudoonka labada gole iyo sida ay hawshaasi u bilaabantay, isla markaana mudane C/Qaadir wuxuu ku dhaliilay odayaasha shirgudoonka golaha guurtida ee ay hawsha ku wada jireen inay lumiyeen kalsoonidii dhinaca xisbiga KULMIYE oo ay cambaareyn iyo canaan u soo jeediyeen hogaamiyaha xisbigaasi, taas oo uu sheegay inay ahayd mid lama filaan ah oo aanay odayaashu xaq ugu lahayn, sidaana wuxuu ku sheegay waraysi uu siiyey TV-ga Somaliland ee Hargeysa oo xalay la baahiyey.

Mudane C/Qaadir wuxuu ugu horeyn ka waramay sidii ay ku galeen hawshii Komishanka ee eedda badan looga soo jeediyey, isaga oo arrintaaa ka hadlayana wuxuu yidhi “ waxa na soo galiyey hawshan may ahayn cabsi aanu ka qabnay KULMIYE, ee waxay ahayd cabsi aanu ka qabnay UDUB, markii aanu aragnay rag wasiiro ah oo leh Komishanka ha la xidh-xidho iyo rag wasiiro ah oo ku talinaya yaanu hadline afka ha la qabto, ta meesha na keentayna taasay ahayd ee may ahayn cabsi aanu KULMIYE ka qabnay ee dadweynuhu ha ogaado.”

Mudane C/Qaadir wuxuu sheegay inay odayaasha guurtidu yihiin odayaal dhaqameed, niyad wanaag-na way hayaan balse aanay fahamsanayn hawshan oo kale iyo waxa ka dambeeya, isla markaana hawshani aanay ahayn tii iyaga lagu halayn lahaa, arrintaasna dedaal weyn baanu ka galnay, dedaalkii aanu ka galnayna waanu ku qanacnay, laakiin Mudane C/Qaadir wuxuu sheegay inay arrintaasi dhinaca KULMIYE markii dambe ka keentay shaki iyo dareen tuhun balse ay markii dambe kala hadleen xisbiga KULMIYE, inaanay iyagu wax xumaan ah oo KULMIYE ku lid ah aanay u socon, wuxuuna intaa ku daray in isaga C/Qaadir ahaan loo xil saaray dhinaca KULMIYE, waayo odayaashu waxaa ku adkaatay guriga Siilaanyo oo marwalba dad badan, sidaa awgeed ay odayaashu u xilsaareen isaga iyaga oo yidhi adaa nooga fara dhuudhuuban xagga KULMIYE, laakiin marwalba waxaan dareensanaa inaanay arrintu ahayn tii odayaasha guurtida faraha looga qaadi lahaa, sababta oo ah ka garnaq doorasho xeerna uma lihin, xaqna uma lihin, indhahana iskamaanaan tuurayn, laakiin cabsidaan aragnay iyo maxaa ka iman kara ayaa nagu kaliftay inaanu xuduudayadii ka talaabsano, haddii aanu ka talaabsanayna waxaanu isku daynay inaanu si mustuur leh, oo aan eed lahayn inaanu uga talaabsano, waananu ku guulaysanay, labadaa musharax inta jeer ee aanu u tagnay iyo balanqaadyadii ay noo balan qaadeen, laakiin mudane C/Qaadir wuxuu sheegay inay odayaasha isku diideen oo ay isku k hilaafeen ma imikaynu ummadda u sheegnaa mise hadhaw markay maxkamaddu ku dhawaaqdo, sidaaa awgeed aniga doodaydu waxay noqotay in maxkamaddu inta aanay dhawaaqin aanu bulshada u sheegno wixii aanu isla gaadhnay labada musharax, si ay markhaati uga noqdaan, waayo waxaan u sheegay odayaasha inaanu hadhaw hadalkayagu qiimo yeelanayn marka lagu dhawaaqo maxkamadda, taas oo anigu jeeday mar haddaanay jirin talaabo sharci ah oo noo furan, inay dadweynuhu markhaati ka noqdaan, oo labada musharax kii ka baxa hadhaw wixii lagu heshiiyey ay ku ogaadaan, laakiin waxa nasiib darro ah in dedaalkii aan waday uu ku dhacay mija xaabis, ee ay odayaashu ka hadheen, isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi “dedaalkii aan waday ee aanu halkaa soo gaadhsiinay waatii odayaashu ka hadheen ee mija-xaabisku ku dhacay, ama odayaasha garasho la’aan ha ka ahaato ama cid kale lugta ha qabatee, waatii la mija-xaabiyey.”

Mudane C/Qaadir wuxuu sheegay in Kalsoonidii uu xisbiga KULMIYE siiyey shirgudoonka labada gole, iyo C/Qaadir ahaanba ay weydawday, “waatii shalay odayaashu shir jaraa’id qabteen, loogamana fadhiyin manta waano iyo canaan ku waajahan KULMIYE, sida ka muuqatay shirkooda jaraa’id, laakiin waxa looga fadhiyey tii ay aniga igu diideen, ee ay la lahaayeen marka ay maxkamaddu dhawaaqdo ayaanu jeedinaynaa taladayada, inay jeediyaan, oo haddii ay igala bakhayleen aniga oo yidhaahdeen aniga kuguma raacsanin kuguma raacsanin inaad imika hadasho imika wakhtigoodii la gaadhay, waxayna ahayd inay kaalintooda qaataan, oo wax isu soo dhaweeyaan, oo ay ka hadlaan sidii wax la iskugu soo dhaweyn lahaa iyo wixii aanu ka hadalnay, ee aanay hadalka ku soo koobin guubaabo, waano iyo canaan isku dhafan oo ku waajahan Axmed Siilaanyo iyo KULMIYE” Sidaa waxa yidhi Mudane C/Qaadir Jirde oo faahfaahinayey kaalinta ay odayaasha isku diideen.

Mudane C/ Qaadir Jirde wuxuu sheegay inuu Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE la kulmay afar jeer, oo laba ka mid ah ay gaar isku ahaayeen, inta kalena ay masuuliyiinta sare ee xisbigu goob joog ahaayeen, isla markaana uu hogo-tusaaleeyey, inaanay xataa maxkamadda isku halayn, maadaama aan la garanayn wax ka soo bixi doona, taasuna waxay ahayd mid aan ugu nasteexaynayey iyaga, sababta oo ah maxkamadda waxa laga yaabaa inay xisaab dib ugu noqoto, ama tiro dib ugu noqoto oo ay soo baxaan khaladaad yar yari labada dhinac-ba, sababta oo ah macluumaadkii ay maxkamaddu heshay ayaa khaladaad ka buuxay, ee intay goori goortahay qaraar gaadha, maxkamaddana ha xujaynina, ujeedadayduna waxay ahayd adiga (Axmed Siilaanyo) oo Mujaahidkii weynaa ah, ayaad isa soo sharaxday, 42% dadkii codeeyey ayaa kugu aaminay xilka hogaanka dalka, xaqiiqadda marka loo hadlo waxaad haysataa waa 42%-kaa hadday maanta adiga kuu kuu xukunto Maxkamaddu iyo Hadday Daahir u xukunto labadiinaba aqlabiyaddii dadku way idin diiday, laakiin xeerkaynu dhiganay ee inoo yaala sax iyo khalad midkuu yahay, ninka nin hal dheeraada ayaa Madaxweyne ah, taana muran kama taagna, laakiin 58%-ka labadiinaba idin diiday, ahmiyad waxay yeelanaysaa markaad wax dhisayso, dad aqlabiyadiisii ku diidayna talada kaligaa ma yeelan kartaa, intii ku diiday sideed u soo xero gelinaysaa, maxaad ku qancinaysaa, dariiqeed-se u maraysaa.”

Mudane C/Qaadir wuxuu intaa raaciyey in waxa kaliya ee la isku qancin karaa ay yihiin in la is hor-fadhiisto, oo nin waliba uu isku qanciyo marka hore ama Daahir ha ahaado ama Siilaanyo ha ahaadee, inaanu talada dalka kaligii la jeesi Karin, isaga oo aaminsan inaan aqlabiyaddii dadku midna dooran, laakiin mudane C/Qaadir inaanay iyagu u yeedhinayn oo aanay odhanaynin sidaa yeela iyo sidaa yeela, laakiin ay tahay wadada loo marayo heshiiska axsaabta, isla markaana marka la is-horfadhiisto ay iman doonaan proposalo, marka ay arrintaa isku afgaran waayaan axsaabtu waxa loo baahanayaa ayuu yidhi C/qaadir kaalintayadda, laakiin inta ka horeysa ay hawshooda u daayaan. Balse wuxuu intaa ku daray inay labadaba khasab kaga dhigeen, inaanay ka maarmi Karin inay kulmaan, tii aan odayaasha ka filayeyna waxay ahayd inay arrinta halkii ka sii ambaqaadaan, ee aanay ku soo gebagebayn waano, canaan, iyo hoga-tusaalayn dhinac kaliya ku wajahan.

Mudane C/Qaadir waxa uu sheegay inay iyagu go’aanka maxkamadda ka hor ay arrintan galeen, iyaga oo is weydiinaya marka uu dhaco go’aanka maxkamaddu waxyaabaha ka dambeeya, sidaa awgeed aanu shaki ku jirin oo la isku hayn madaxweynaha ee waxa la isku hayaa ay tahay madaxweynahaasi kaligii wax ma dhisi karaa, wuxuu dhisaa ma shaqayn karaa, laakiin Mudane C/Qaadir wuxuu intaa ku daray in go’aanka maxkamaddu uu yahay mid aan la dhaafi Karin, isla markaana aanu jirin dariiq kale oo furan KULMIYE wuxuu tusaale u soo qaatay tartankii muranka dhaliyey ee doorashada Maraykanka oo ay ku tartamayeen Madaxweyne Bush iyo Algore oo uu markii ay maxkamaddu ka xukuntay Algore yidhi “go’aanka waan qaatay, laakiin maxkamadda kuma kalsooni.”

Mudane C/Qaadir wuxuu ka hadlay siyaasadda Somaliland ee ku waajahan cadawga dibadda wuxuu xusay in Somaliland oo xiniinyaha is-haysata iyo xukuumadda oo talada la jeesta aanay waxba ka tari doonin dawladda la doonayo in loo soo dhiso Soomaalida iyo C/Laahi Yuusuf toona, balse ay wax ka tarayso haddi la dhiso dawladda loo dhan yahay oo tayo leh, Oo iska caabiyi karta cadawga dibadda.
 

Top


Meher Wacan.

Ifraax Maxamed Isxal, Muna Khaliif Cabdi, Muwaahib Maxamed, Saamiya Axmed Ibraahim, Fataax Cali Diiriye, Khadra Aadan Bul-Bul, Suhuur Muuse Muxumed, Samsam X. Cabdi, Hodan Axmed, Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka Axmed Muuse Muxumed Iyo Sucaad Maxamed Warfaa Oo Isku Mehersaday Dalka Faransiiska; Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Raaga, Ubad Khayr Qabana Kala Hela. Aamiin

Meher Wacan

Aabo Muuse Muxumed, Hooyo Aamina Aadan, Ibraahim Muuse Muxumed, Xasan Muuse Iyo Xaaskiisa, Rooda Muuse Iyo Wiilkeeda, Cabdi Muuse Iyo Xaaskiisa, Maxamuud Muuse Iyo Xaaskiisa, Suhuur Muuse Iyo Carruurteeda, Ayaan Xasan Raabi, Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka Axmed Muuse Muxumed Iyo Sucaad Maxamed Warfaa Oo Isku Mehersaday Dalka Faransiiska; Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Raaga, Ubad Khayr Qabana Kala Hela. Aamiin.

Meher Wacan

Roda Muuse Muxumed Iyo Wiilkeeda Khaalid, Maxamed Baashe, C/Raxmaan Baashe, Axmed Xasan, Siciid Xasan, Ikraan Xasan, Caydaruus Xasan, Hodan Axmed, Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka Axmed Muuse Muxumed Iyo Sucaad Maxamed Warfaa Oo Isku Mehersaday Dalka Faransiiska; Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Raaga, Ubad Khayr Qabana Kala Hela. Aamiin.

 Top


Hambalyo.

Sahra Muuse Madar, C/Rashiid C/Laahi Cabdi, Mukhtaar Ismaaciil Xuseen, Ifraax X. Maxamuud, Ifraax Atadhe Iyo Wiilkeeda Ismaaciil Cali, C/Kariim Maxamed Atadhe, C/Casiis Maxamed Atadhe, C/Wasiic Maxamed Atadhe, Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Nimcaan X. Maxamuud Iyo Nimco Maxamed Yuusuf Atadhe Oo Ku Aqalgalay Magaalada Jigjiga Ee Dalka Ethiopia. Waxaanay leeyihiiin noqda kuwii isku waara, ubad kheyr qabana kala hela. Aamiin.

Top


Muran Ka Aloosmay Qiimaha Markabkii La Iibiyay Ee Lug-Haya.

LUG-HAYE (Haatuf) Markabkii kusoo caaryay xeebaha woqooyiga hargeysa ee lug-haye dabayaaqadii sanadkii hore ee oktoobar oo ay dhowaan xukuumada s/land ka iibisay ganacsato shisheeye ah isaga iyo alaabtii saarayd,ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran ku saabsan qiimaha lagu iibiyay, taasoo keentay inay hakad gasho alaabtii lagu wareejinayay labada markab ee dultaagan oo ay ganacsatada laga iibiyay markabkaasu. Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya magaalada lug-haye waxa jira ismaandhaaf u dhexeeya masuuliyiinta hawshaa uga wakiil ahaa xukuumada iyo ganacsatadii laga iibiyay makabka iyo xadiidka saarnaa oo qiimaha markii ho re la siiyay ahaa (2,000 000) laba milyan oo dolar,lacagtaas oo ay xukuumadu ku gashay kaanbeynkii doorashada, laakiin sida wararku sheegayaan waxa muran ka dhashay qiimaha lacagta ee markii hore lagu heshiiyay, kadib markii ay xukuumadu ka dalbatay ganacsatada shisheeyaha ah inay kordhiyaan lacagta, iyadoo sida waraku sheegayaan uu wasiirka arrimaha gudaha ismaaciil aadan cismaan fara gelin ku sameeyay isagoo aan markii hore ku lug lahayn,balse ay diideen ganacsatada markabka iyo xadiidka saran iibsatay.

Waxana wararku intaa ku darayaan inay arrintaasu keentay inay hakad gasho hawshii markabka lagaga wareejinayay xadiidka saran,warku wuxu intaa ku daray in murankani kusoo beegmay iyadoo uu mid ka mid ah labada markab ee qaadi lahaa xadiidku qaaday shixnadii u horaysay ee laga qaado markabka soo caaryay. Markabkan oo ay dhowaan iibiyeen wasiirka kaluumaysiga axmed xuseen oomane oo hawshaa uga wakiil ahaa xukuumada iyo koox ganacsato ah oo labada dhinac ee xukuumada iyo ganacsatada wax iibsanayay u dhex eeyay ka mid ah wakiilada maraakiibta, waxana halkaa ku sugnaa laba markab oo qaadi lahaa xadiidka saran iyo laba taag oo oo loo qorsheeyey inay jiidaan. Markabkan oo magiciisu ahaa Naadi, waxa lahayd shirkad magaceeda la yidhaahdo Naadi, wuxuuna kasoo kicitimay, 30 ogost, 2002,kinaalka suweys,isagoo markii hore ka yimi dekeda Novorossifk ee ku taal dalka ruushka wuxuna u siday shixnada saarayd dalka shiinaha,laakiin markii uu soo gaadhay marinka biyaha ee baabal- mandab ayay ku timi cilad xaga mishiinka ah,taasoo keentay inuu kusoo caaryo xeebta Somaliland ee lug-haye.
 

Top


“Madaxweyne Rayaale Wuu U Baahan Yahay Siilaanyo Iyo Faysal-Ba Inay La Shaqeeyaan,” Axmed Aadan Cige (Khabiir Culuunta Afafka Ah).

Hargeysa (Haatuf) Axmed Aadan Cige oo ah ruug caddaa khabiir ku ah culuunta afafka Soomaaliga iyo carabiga ayaa ka hadlay sida ay lagama maarmaanka u tahay in dawlad wadaag ah la dhiso, dawladaas oo ay u dhan yihiin saddexda xisbi ee ay dadweynuhu soo doorteen ee KULMIYE, UDUB iyo UCID.

Khabiirku shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Ming Sing Hotel waxa uu kaga hadlay arrimo door ah oo dhinacyo badan taabanaya, isaga oo sheegay inay saddexda xisbi ee aqlabiyadda dadweynuhu ku soo doorteen ay isu baahan yihiin, haddaanay maanta wax wada qabana taasi ay keeni karto dib u dhac ku yimaada dalka, hogaamiyayaasha saddexda xisbi ee la doortay laguma dooran qabyaalad, balse axsaab baa lagu doortay, waxa markaa saddexda xisbi hogaamiyayaashooda looga doonayaa si wanaagsan in ay hogaanka dalka u qabtaan ayey dadweynuhu ka rajaynayaan.

Khabiir Axmed isaga oo arrimahaas ka hadlayana wuxuu yidhi, “Madaxweyne Rayaale wuu u baahan yahay Gudoomiye Siilaanyo, iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ay la shaqeeyaan, dadwenahana ay u sheegaan in xilligan qabyaaladda laga gudbay oo imikana loo gudbay xilli cusub, hogaamiyayaasha xisbiyadda ayey dadweynuhu wax ka maqlayaan markaa waa in ay taas u sheegaan, inta ay axsaabtu ka gaadhayso wakhtiga baarlamaanka iyaga ayuun baa la doortay.”

Axmed mar uu ka hadlayey sida aanay axsaabtu u kala maarmi karin wada shaqayntoodu wuxuu yidhi, “Ragga ay boqolka kun ee qof ee aanay garanayn u codeeyeen waa madaxda sadexdaa xisbi ee kalsoonida ay dadweynuhu siiyeen, markaa haddii ay wada shaqayn waayaan ama wixii kale ee meesha soo galaa waxay dib inoogu celinayaan tii hore, axsaabtu inta ay siyaasadda baarlamaanka gelayaan, madax kale malaha, markaa raggani waxay madax u yihiin umadda oo dhan, sidaa darteed waa inaad wada shaqaysaan, oo umadda ka saartaan dhibaatadda, waad ogtihiin waxbarasho la’aanta maanta dhalaankeena haysata, haddaan maanta wax loo dhigin ama caafimaadka wax laga qaban ma 20-sano dabadeed baa wax loo qaban doonaa, waxaan hadalka ku soo koobayaa waad isu baahantihiin arrinka idin horyaala-na waa dagaal, waxaad-na ka gudbaysaan, dagaalkaas idinka oo wada shaqeeya garbahana is-qabsada, qabyaaladda sida looga tagayo oo dawlad tayo leh oo sharci tayo leh oo sharci loo samaynayo waa dagaal, saddexdaa xisbi ragga u madaxda ah ee la doortay ayuun baa inaga saari kara, idinkuna ha is-dhayalsanina, axsaabtana waxaan leeyahay ma’aha haddaan idin leenahay heshiiya in aad tidhaahdaan hal la qalay baa lagu soo qamaamay ee inoo qaybiya, waxba la qaybin maayo, wax la qaybiyaaba meesha ma yaalaan, ragga axsaabta badankoodu waxay u haystaan in kuraasta la qaybsanayo oo ninba halka hashu u macdahay oo qiimo roontahay isku beegayo, taasi ma’aha wax dadku u jeedo ta dhibaatooyinka inaga saaraysana ma’aha, xisbiyadda laftoodu waxaan anigu qabaa in ay u baahan yihiin dib habayn, dagaalkaas aynu galayno ee ah in qabyaaladii laga saaro maamulka dawladda oo tayo loogu yeeli karaa, markaa axsaabta iyo ragga foodka la siiyey in ay midhkaas isugu tagaan oo dagaalka ay wada jir u galaan, doorashada ka dib waxaan anigu aaminsanahay in raggii la doortay ay rag qiimo leh yihiin, rag noloshoodii weligood siiyey sidii ay umadan loo horumarin lahaa, markaa jaanis maanta way wada haystaan oo in ay wax wada qabtaan weeye, oo jiilka yar yar iyo kuwa dhexe loo iftiimiyo intaba bal in ay dawlad wanaagsan dhici karto oo jiri karto idinkaana u haya kartideediina waad leedihiin, huuhaa-dii horena aad uga baxdaan kartideedii waad leedihiin markaa waa inaad wada-jir u shaqaysaan.”

Top


URURKA QIIMEYNTA WAXQABADKA, Qaybtii: 7aad, Baananka.

Baananku kaalin weyn ayey ku leeyihiin horumarinta dhaqaalaha dalalkoodu, waxaynuna wada ogsoonahay Baananku maalgashiga iyo maalgelinta ay la garab taaganyihiin ganacsiga iyo dhaqaalaha dalalkooda. Shirkadaha waaweyn ee aynu aragnay tirada iyo tayada waxsoosaarkooda ee magacyadoodu dunida ku fideen [sida Toyota, Microsoft, Bayer, Sony, iwm] umay hanaqaadeen sida ay hadda yihiin haddii aanay Baananku siinin taageero dhaqaale iyo aqooneedba.

Waxay baananku ku taakuleeyaan ganacsiga, iyo guud ahaan dhaqaalahaba, xirfad lagaga baaraandego qorshaha horumarinta dhaqaalaha, waxayna macaamishooda ugu deeqaan macluumaadka looga baahan yahay barnaamijyada la fulinayo iyo suuqyada loo ganacsi tegayo. Taas macneheedu wuxuu yahay waxay noqdaan sahanka dhaqaalaha, islamarkaana waxay ka qeyb qaataan fulinta hawshii ay sahankeeda wax ku lahaayeen, waxayna heshiis laba dhinac ah ku oggolaadaan kuna bixiyaan qayb ka mid ah hantida mashruucyada ganacsi.

Halkaas waxaa inooga cad in ay baananku yihiin udub dhexaadka ay isku taagaan dhaqdhaqaaqyada ganacsiga iyo guud ahaan dhaqaalaha aduunka. Baananku waxay qaadaan xilka ilaalinta qiimaha lacagta iyo maalgelinta ilaha dhaqaalaha dalalkooda. Kaydka lacageed iyo hantiyeed ee kale ee baananku ururiyaan wuxuu waxtar u yeeshaa xafididda hantida umadda iyo miisamidda xadka lacageed ee suuqyada, waxana hantidaas ururtay looga faa’iideystaa maalgelinta ilaha dhaqaalaha dalka. Sidoo kale, haddii Baanka Dhexe la yimaaddo maamul qorshaysan oo ku qotoma aragti dhaqaale oo miisaaman, waxay sabab u noqotaa xal u helidda sicirbararka dhaqaalaha soo waajaha. Qabashada kaydka lacagta iyo ku bixinta qayb ka mid ah kaydkaas oo uu baanku siiyo mashaariicda maalgelinta u baahan ayaa saldhig u ah qorshaha miisaaman ee lacagta dalka, taasina waxa ay keenta dhaqdhaqaaqa lacagta ee xawliga geliya adeegyada ganacsatada.

Haddaba, haddii taas la waayo maxaa meeshooda soo gelaya? Waxaa dalka aafaynaya laba cudur-dhaqaale oo is xambaarsan: fadhiidnimo dhaqaale iyo sicir barar. Maalgelin la’aanta ilaha dhaqaale ee dalku waxay keentaa dhaqaale burbu, shaqo la’aan iyo busaarad baahda. Sidaas si le’egna, kaydin la’aanta iyo kala-horid la’aanta lacagtu waxay hooyo u noqdaan sicir bararka maciishadda aafeeya.

Haddaba, su’aashu waxay tahay, si looga badbaado mixnad dhaqaale, maxaa looga baahanyahay in ay qabato dawladdii quudaraynaysa in ay maarayso mishkaladahan is huwan?

Su’aashaa jawaabteeda waxaynu ka dhex heli karaynaa inagoo eegna nidaamka baananka ee caalamiga ah iyo xidhiidhka ka dhexeeya baananka iyo dhaqaalaha suuqa xorta ah [Market economy] dabadeedna aynu ku biirino talo bixinta nidaamka hadda baankeenan loo agaasimo. Waa suuragal in ay baananka adduunku ku kala geddisanyihiin dhinacyada awoodda dhaqaale laakiin waxaa macaamilka ganacsi ee dunida ka dhexeeyaa ku khasbay in ay baananku, qaarad kasta oo ay ku yaallaan, ka midaysnaadaan arrimaha qaarkood taasoo gundhig u noqonaysa in ay is fahmi karaan, is aamini karaan isla markaana yeelan karaan xidhiidh aan carqalado lahayn. Taasi waxay ku kelliftaa dawlad kasta oo go’aansata in ay ku dhaqanto nidaamka dhaqaalaha furfuran in ay raacdo hannaanka baananka ee la isla ogolyahay. Waxaa jira ururro (Associations) iyo machadyo (Institutes) caalami ah oo nidaamiya habka laga doonayo wada shaqaynta baananka kuwaasoo habraacyo (Procedures) u sameeya waxyaalaha ugu muhiimsan ee looga baahanyahay in ay hay’adda baananku ku dhisnaato. Sidoo kale waxaa kaalin weyn kaga jirta habka wada shaqaynta baananka hay’adda loo yaqaano Rugta Ganacsiga Ee Caalamka (International Chamber of Commerce). Talooyinka ka soo baxa meelaha aynu kor ku soo sheegnay waxay isugu soo biyo shubtaan astaynta tilmaamaha ay yeelanayso hay’adda baananka ee hanaqaadka ah, gaar ahaanna Baanka Dhexe oo ah saldhigga laga diiwaan geliyo, laga kormeero, ayna ka soo abuurmaan baananka kale.

Markaynu qodobada ugu muhiimsan ka soo qaadano tilmaamaha lama huraanka u ah Baanka dhexe ee dal dhaqaalihiisu furfuran yahay [aan shuuci ahayn] yeelan karo, waxaynu ka soo qaadan karaynaa:

Hay’ad kastaa waxay ka bilaabantaa shuruucda. Ugu horrayn Baanka Dhexe waa in loo dhammaystiro shurciyadii lagu maamuli lahaa hawlihiisa: xeer hoosaadyadiisa, daabacaadda lacagta, abuurista iyo ilaalinta baananka madaxa bannaan, maalgelinta, nidaaminta hay’adaha kale ee hoos yimaadda, iwm.

Waxaa hay’adaha baananku leeyihiin qaabdhismeed kala saara Baanka Dhexe iyo baananka kale ee gaarka ah ee shacabka iyo sharikaduhu adeegyadooda isticmaalaan. Baanka Dhexena waa diiwaangeliyaha iyo kormeeraha baananka kale.

Waxa Baananka Dhexe leeyihiin xafiisyo leh dad aqoon leh, isla markaana qaabilsan diiwaangelinta, talo siinta iyo dabagalka baananka ganacsiga iyo hay’adaha maaliyadeed ee kale.

Baananka dhexe waxay golayaasha sharci dejinta iyo xukuumadda soo hordhigaan miisaaniyadooda iyo lacagaha ay soo daabacayaan, waxayna ku hawl galaan marka loo ansixiyo.

Baananka Dhexe waxay sannadkiiba hal mar sameeyaan warbixinta xisaabxidhka baanka iyo soo koobidda xisaabxidhyada baananka kale ee ay liisamada siiyeen waxaana lagu faafiyaa wargeysyada aadka loo akhristo iyo qoraallo gaar ah oo la qaybiyo. Waxaa si gaar ah loogu gudbiyaa una faaqida Golaha Wakiilada, Wasaaradda Maaliyadda iyo Golaha Wasiirada. Warbixintani ma noqon karto qarsoodi. Baananka dhexe waxay soo saaraan warbixinaha dhaqaalaha dalalkooda iyo saadaashoodaba, waana saldhigga ugu weyn ee had iyo goor laga helo xogaha dhaqaalaha iyo ganacsiga dalkaas.

Baananka dhexe waxay kaalin xooggan ka qaataan jihaynta iyo kobcinta dhaqaaalaha dalalkooda iyagoo dhiirigelinaya maalgeinta (shisheeyaha iyo muwaadiniintaba) islamarkaana sahaminaya, tilmaamayana tiirarka dhaqaale ee maalgashiga u darban. Sidaasi si le’eg waxay jiheeyaan deynka ay bixinayaan baananka dalalkoodu si saamiyada ku habboon loogu kala maalgeliyo tiirarka dhaqaalaha.

Baanka dhexe waa hay’adda keliya ee gaar u leh mas’uuliyadda ilaalinta qiimaha lacagta dalka. Wuxuu xil gaar ah iska saaraa la dagaalanka sicir bararka.

Baanka Dhexe waa hay’ad leh xilka soo daabacaadda iyo suuq soo gelinta lacagta.

Baananka Dhexe waxay mar kasta la socdaan heerka teknoolojiyada, aqoonta xisaabaadka iyo maamulka lacaguhu marayaan. Waxay shaqaalohooda iyo shaqaalaha hay’adaha ay diiwaangeliyaanba u fidiyaan aqoon isweydaarsiyo iyo tababarro la xidhiidha kobcinta xirfadaha mihnadooda.

Haddaba, marka aynu u fiirsano qodobbada kor ku xusan waxaa inoo muuqanaysa waxyaabaha looga baahanyahay Baanka Dhexe inuu ku talaabsado si uu u noqdo mid leh tilmaamaha Baananka aduunka isla markaana awood u leh inuu buuxiyo kaalinta shaqo ee qaranka iyo umadduba ka sugayaan. Haddaynu si kooban u muujino qorshaha maanta wax loogu qaban karayo hay’addeena baananka waxaynu ka tilmaami karaynaa baahida jirta:

In la dhammaystiro shuruucda ka dhiman hawlaha baanka: Waa in la sameeyo dhammaan xeerarkii kala hagi lahaa hawlaha baananka. Xeerarkani waa in ay ku bilaabmaan in dib loo eego laguna dhaqmo xeerkii baanka dhexe lagu aasaasay. Waa in bal marka hore lagu hawl galo inta uu qorayo, kadibna daraasad lagu sameeyo sidii loogu soo biirin lahaa qodobbada muhiimka ah ee ka maqan. Waa in xeerka laga dhigo mid aan mugdi gelinayn la socoshada maamulka hantida baanka ee ay la soconayaan hay’adaha sharcidejinta iyo maaliyadda iyo hantidhawrku.

In la Kala saaro Baanka Dhexe iyo Baananka kale: Waxaa dunida oo dhan looga aqoonsanyahay baanka dhexe in uu yahay baanka diiwaangeliya, tilmaama, isla markaana kormeera baananka kale. Ma jirto, dunida ku dhaqanta nidaamka dhaqaalaha furfuran, ee Dastuurkeenuna ina farayo, meel ay Baanka Dhexe (Central Bank) iyo Baankii ganacsigu (Commercial Bank) isku dhex milmaan. Mar haddii uu Baanka Dhexe yahay kan baadhaya, kormeeraya, dabagalkana ku samaynaya waxa haboon in la kala saaro sida ku cad xeerka baanka Somaliland lagu aasaasay qodobkiisa 48aad. Sidaas darteed waxa uu Ururka “WAX U QABO” u arkaa qodob aad u muhiim ah in sida ugu dhakhsaha badan Baanka Dhexe loogu sameeyo shakhsiyaddiisa sharciyeed oo u gaar ah lagana dhex saaro hawlaha baananka ganacsiga. Arrintani waxay keenaysaa in uu baanka dhexe fursad u helo inuu guto waajibaadka ballaadhan ee uu qaranku ka sugayo.

In Baanka lagu tayeeyo teknoolojiyada cusub: Mar haddii Baanka Dhexe iyo baananka abuurmaba laga sugayo in ay yeeshaan awood xirfadeed oo ay kula xidhiidhi karaan Baananka Caalamka waxaan sinaba looga maarmayn in kor loo qaado tayadiisa shaqo taasoo lagu qiyaasi karayo sida ay hay’addani ula socon karayso nidaamyada casrigan ee la wada isticmaalo. Waa in tababarro loo furo madaxda iyo shaqaalaha baanka lana baro adeegsiga iyo faa’iidooyinka qalabka casriga ah.

In Baanku samaysto xafiisyo (departments) waxkuool ah oo ka hawlagala ururinta xogta dhaqaalaha, saadaasha dhaqaalaha iyo sahaminta ilaha u darban maalgelinta: Khayraadka badda, beeraha, xoolaha, macaadinta, dalxiiska iyo qaar kaleba waxay u muuqdaan kuwo leh baaxad lagaga faa’iidi karo haddii si fiican loo adeegsado. Mid ka mid ah nabarada ugu waaweyn ee dhaqaaleheenu la liigayo maanta waxaynu ku tilmaami karaan xog-uruin iyo bandhigis la’aanta ina haysata. Si taasi wax looga qabto, baanku (iyadoo ay jiraan hay’ado dawli ah oo kale oo xilkan la haysa) waa in uu aqoon ahaan iyo miisaaniyad ahaanba si gaar ah xil isaga saaro abuurista istaraatijiyad iyo xafiisyo ka hawl gala ururinta iyo kala shaandhaynta xogta dhaqaalaha iyo ganacsiga dalka.

Waa in iyadoo laga duulayo xogahaasi la hayo la sameeyo saadaasha itijaaha dhaqaaleheena, loona gudbo sahaminta meelihii lagu jeedin lahaa maalgelinta. Xogahaasi waxaa laga hindisi karayaa barnaamijyo dhaqaale/ganacsi oo faa’iido-dhal ah. Sahan ku dhisan aqoon iyo waaqiciyad wuxuu inoo soo jiidayaa in dalkeenu hanto damaca maalgeliyeyaasha shisheeye (Foreign Investors) iyo kuwa maxalliga ahba. Waa in baanku abuuro qoraallo (publications) lagu soo bandhigo xaaladda dhaqaale ee dalka iyo ilaha u baahan maalgashiga. Ma jirto cid oggol in ay hanti gashato meel aan wax war ahba laga hayn.

Soo bandhigidda dhaqdhaqaaqa Baanka dhexe iyo baananka abuurma: Si aynu u hubsan karno sida loo maamulayo hantideena isla markaana aynu mugdiga iyo tuhunka xaaraanta ah meel isaga dhigno waa in la raaco hanaanka baananku u shaqeeyaan. Waa in Golayaasha xeer dejinta (Baarlamaanka), Golaha Xukuumadda iyo shacbigeenaba loo soo bandhigo sannad walba warbixinaha guud ee maaliyadda baananka.

Hantidhawrka (badhista) Baanka Dhexe: In baadhis ama hantidhawr madax bannaan lagu sameeyo warbixinta maaliyadeed ee baanka dhexe waa qodob sharci ah, sida ku cad qodobka 54aad ee xeerka Baanka Somaliland lagu aasaasay. Waxana haboon in si degdeg ah qodobkaas loogu dhaqmo. Taasi waxay toosinaysaa qaabka loo adeegsanyo hantida baanka, sidaasi si le’egna waxay meesha ka saaraysaa tuhun badan oo la kala qabo.

Top


Ururka EHEPO Oo Deeq U Qaybiyay Toddoba Dugsi.

Hargeysa (Haatuf) ururka Samafalka wadaniga ah ee la yidhaa EHEPO ayaa maalintii shalay deeq qalabka wax lagu barto ah kana kooban buugaag, qalimaan, iyo tamaashiir u qaybiyey 7 dugsi oo ay iyagu maal geliyaan, kuna kala yaal Hargeysa.

Xafladdii qaybinta qalabka oo lagu qabtay British Institute oo ku yaal waaxda 26 June waxa ka hadlay agaasimaha guud ee ururkaas C/Wahaab Daa’uud Guuleed waxaanu sheegay in aanay deeqdani ahayn mid ay cid kale ku caawisay balse ay tahay mid xubnaha ururkaasi iska ururiyeen si ay u dhiirigeliyaan ardayda iyo macalimiinta dugsiyadaas. Waxaanu intaa ku daray inay deeqdan u bixinayaan maadaama ay dadka maanta Hargeysa ku dhaqani aanay wada awoodi karin inay carruurtooda u iibiyaan qalabka waxbarashada, sidoo kale ay macalimiinta dugsiyadaasi ay ku shaqeeyaan Volantary inay iyagu ka caawiyaan qalabka waxbarashada. Isla markaana ay ku dhiiri geliyaan ardayda inay waxbarashadooda wataan.

C/Wahaab waxa uu intaa ku daray in ururkoodu qabto hawlo kala duwan oo ay ka mid yihiin ilaalinta deegaanka, wacyigelinta iwm, balse ay awooda saareen dhinaca waxbarashada maadaama ay ururka intooda badani yihiin macalimiin isla markaasna ay dadkooda ku caawiyaan khibaradooda.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay madaxa wacyi-gelinta ururkaas Axmed Xasan Diiriye oo u mahad celiyey martida ka soo qayb gashay xafladaasi.

Deeqda ururkan oo isugu jirtay buugaag iyo qalimaan iyo tamaashiir ayaa loo qaybiyey dugsiyadaasi.

Top


Iftiinka Islaamka, Siciid I. Guraase.

Siiradii Nebi Muxamed Scw Iyo Faafitaankii Islaamka Q:3aad.

Markii ugu horreysey ee Rasuulka uu waxyiga ku bilaabanayey waxaa lagu bilaabay riyo wanaagsan oo hurddada ugu imaaneysey oo u cad sida oogga waabberi oo kale. Riyaadaas waxay socotey muddo lix bilood ah Rasuulku SCW wuxuu jecleystey inuu meel gaar ah ku cibaadeysto wuxuuna tegi jirey god la yidhaahdo Qaaru Xiraa oo ku yaalley buurta Nuur oo Makka laba mayl u jirta, halkaas oo uu soo joogi jirey habeeenno intuu sahaydiisa (cuntaddiisa) qaato, waxaa uu Rasuulka SCW ku cibaadeysan jirey iney diintii Nabi Ibraahiim aheyd iyo in kale ma kala cadda, laakiinse waxaa cad in shirkigii iyo asnaamtii taalley Khaliijul-carab uu ilaahay ka dhowray uuna nacay.

Wuxuu Nagiba SCW hadba sahaydiisa qaato oo uu godkaas ku khalweeyaba, maalinkii dambe ayaa Malag u yimid wuxuuna ku yidhi: "akhri", markaasuu Nabigu SCW ku yidhi: "wax ma akhriyo", ka dib intuu qabtey oo majuujiyey ayuu mar labaad yidhi: "akhri" Nabiguna wuxuu yidhi: "wax ma akhriyo", mar saddexaad intuu qabtey ayuu yidhi: "ku akhri magaca Rabbigaagii abuuray (koonka), akhri Rabbigaana waa kan sharafta lehe, oo baray (dadka) qalimka, dadkana baray waxaanay ogeyn). (Suuratul-Calaaq 1-5) Markaasuu Rasuulku ka daba akhriyey, intaa ka dibna malagii waa uu tegey.

Rasuulku SCW isagoo naxsan oo wadnihiisu boodboodayo ayuu gurigiisii yimid markaasuu ku yidhi xaaskiisii Khadiija: "I deda I deda" iyana way dedday ilaa uu argagaxii ka tegey, markii naxdintii ka ba'day ayuu qisadii u sheegay Khadiija kuna yidhi: "naftayda ayaan maanta u baqay" markaasay tidhi: "ilaah baan ku dhaartaye Alle ku hoojin maayo weligaa mxaa yeelay martidana waad soortaa, xaqana waad u kaalmaysaa", markaa ka dib ayey Khadiijo wadday Rasuulka SCW waxayna u tageen Waraqata ibnu Nawfal oo ahaa Khadiijo ina adeerkeed, diintii Nebi Ciisena haystey ahaana nin oday ah oo aad u da'weyn oo indho la'kuna turjumi jiray kitaabka Injiil luuqadda Carabbiga. Markay u tegeen ayaa Khadiijo tidhi: "ina adeer bal dhegayso wiilka aad adeerka u tahay", Waraqa wuxuu Nabiga ku yidhi: "maxaad aragtay?" markaasuu Rasuulku SCW u sheegay qisadii. Waraqa markuu qisadii dhegaystey ayuu fahmay arrintii wuxuuna yidhi: "kaa kuu yimid waa kheyr wadihii Nabi Muuse u imaan jirey" wuxuuna intaa sii raaciyey "halaagaygee maan noolaado marka qoomkaagu ku bixinayo."

Rasuulka SCW waxa uu la yaabay wanaagga iyo jaceylka uu dadkiisa dhexdiisa ku leeyahay iyo hadalkan ah Makka ayaa laga saari doonaa, markaasuu yidhi: "oo ma i bixinayaan", Warqaa wuxuu yidhi: "Haa, qof lama imaan waxa aad la timid ilaa waa lala colleytamay, haddii aan maalinkaa gaadhana waan kuu gargaari" hase yeeshee Waraqa markaa ka dib muddo badan ma sii noolaan, waxyigiina waa is raacraacay. Ka dib Rasuulka SCW waxyigii muddo ayuu ka kala go'ay si argagaxu uga tago, debadeed wuxuu yidhi Rasuulka SCW: "anigoo soconaya ayaan samada markaan arkay malaggii Qaaru Xiraa iigu yimid oo kursi ku fadhiya samada iyo dhulka dhexdooda markaasaan ka argagaxay ilaa aan dhulka ku dhacay.

Ka dib reerkaygii ayaan u tagay oo ku idhi: "I deda i deda" markaasay i dedeen. Alle ayaa markaa soo dejiyey aayadahan: "(NABIGA) IS DADAYOW, KAC OO DIG RABBIGAANA WAYNEE, DHARKAAGAN DAAHIRI, WAXA XUNNA KA HIJROOD" (sida asnaamta) (Suurat Al-Mudathir)
HABABKII UU WAXYIGU UGU IMAAN JIRAY RASUULKA SCW
wuxuu waxyigu ugu imaan jiray Rasuulka SCW toddoba nooc oo kala ahaa sidatan:

1) Riyo wanaagsan oo hurdada ugu imaanaysay, taasoo u caddayd sida oogga waabberi waana tii waxyigu ugu bilaabmay.
2) Arrimo uu malaggu qalbigiisa ku rido isagoon malagii arag.
3) Malagga ayaa nin isugu soo matali jiray oo la hadli jiray ilaa ay mararka qaarkood asxaabtu ka arkeen.
4) Waxyiga ayaa ugu imaan jiray sida qaylada gambaleelka waxayna taasi ahayd habka ugu daran Rasuulka SCW ee waxyiga ugu imaan jiray oo wuu dhididi jiray.
5) Malagga ayaa ugu imaan jiray suuraddiisii Alle abuuray oo u waxyoon jiray, waxayna arrintaani dhacday labo jeer sida ay tilmaantay suuratu Wannajmi.
6) Alle ayaa uga waxyooday samawaadka dushooda sida habeenkii la dheelmiyey ee salaadaha lagu soo farad yeelay Alle ayaa toos ula hadlay siduu Nabi Muuse ula hadlay.

DADKII DIINTA UGU SOO HORREEYEY

Rasuuka SCW markii Allaah subxaanahu wataacaalaa soosaaray mas'uuliyaddaa weynanka badan oo ah mid qof bini aadan ah la saaro tii ugu cusleyd una baahan juhdi, dadaal iyo sabir, waxa uu bilaabay u qumitaankeedii isagoo ka bilaabaya meeshii laga soo direy ee Makka oo ahayd xaruntii diinta ee carbeed, kacbadiina ay ku taalley dadkii ku noolaana ahaayeen dad aad uga fog xaqa iyo islaamka. Wuxuu markaa Rasuulku SCW markii ugu horreysey dacwadii ku bilaabay si qarsoodi ah maxaa yeelay waxa dhici kari lahayd haddii uu markii u horreysey kala dhex kici lahaa inay dhib u keeni lahayd dacwada, sidaa dareeed Allaha Xakiimka ah ayaa ku ilhaamiyey Rasuulkiisa inuu bilowgii dacwada qarsoodi u guto, waxayna dacwadu sidaa ku soo socotey saddex sano.

Ugu horreyntii wuxuu Rasuulku dacwada ka bilaabay ehelkiis (gurigiisa), qaraabadiis iyo saaxiibbadiis intii ugu kheyrka badneyd ee uu wanaagga ku yaqaanney isna lahaa wey ajiibayaan xaqa. Waxaa dacwadii ajiibey oo noqday dadkii ugu horreeyey ee islaamka qaatay xaaskiisii Khadiijo bintu Khuweylad, saaxiibkiis Abubakar alsidiiq, mowlihiisii Seyd binu Xaarith iyo ina adeerkiis Cali binu Abii-dhaalib oo wiil yar ahaa.

Ka dib Abubakar alsiddiiq oo ahaa nin magac iyo sharaf ka leh Makka dhexdeeda, ahaana nin ganacsade ah ayaa markuu xaqa qaatey waxa uu sameeyey habkii lagu yaqiin qofka daaciga ah oo ahayd inuu markuuu xaqa qaato uu naftiisa ku tadbiiqiyo dabadeedna dadka kale u gudbiyo, wuxuu markaa Abuubakar dacwadii gaadhsiiyey qaar ka mid ahaa saaxiibbadiisii uu ku kalsoonaa, waxaana isla markiiba dacwadiisii ku islaamay shan saxaabi oo Ilaahay diintiisa ku ciseeyey kana mid ahaa tobankii jannada loogu bishaareeyey, waxayna kala ahaayeen:

Cusmaan Binu Cafaan
. Subyr binu Cawaama
. Cabdiraxmaan binu Cawf
. Sacad binu abii waqaas
. Dalxa binu Cubeydillah

Ka dib waxaa ku soo xigsaday oo soo islaamay Bilaal binu Rabaaxa, Abuu Cubeyda Caamir ibnu Jarraax, Abuu Salama binu Cabdilasa, Arqaam ibnu abii Arqam, Cusmaan binu Madcuum iyo laba walaalihiis ah Quddaama iyo Cabdullaahi, Cubeyda binu Xaarith binu Mudhalib, Siciid binu Seyd iyo xaasikiisii Faadumo bintu Khadaab (Cumar binu Khadaab walaalishiis), Khabaab ibnul-arat, Cabdullaahi binu Mascuud iyo kuwo kale waxaa uuna ibnu Haashim gaadhsiiyey illaa 40 qof. Intaasoo dhan waxay ahaayeen dadkii islaamka ugu horreeyey, dabadeedna qof ayaa loo soo gelayey ilaa uu islaamkii magaaladii Makka ku fidey o lagu sheekeystey.
Odeyaashii qureysheed markii ay maqleen arrinkaas dan kama gelin oo waxay iska dhaadhiciyeen in Maxammed raacay diin ka mid ah diimihii jirey sidii markaa ka horba ay niman qureysh ka mid ahi u raaceen diimihii kale, laakin markay maqleen in dad badani Nabi Maxammed raaceen, maalin walbana ay sii siyaadayaan ayay baraarugeen hase yeeshee tallaabo weyn ma aanay qaadin saddexdii sano ee dacwadu qarsoodiga ahayd.

MUUJINTII DIINTA & DIGITAANKII RASUULKA SCW

Waxay dacwadii islaamku qarsoodi ku socotaba markii saddex sano la marayo ayaa Allaah Rasuulkiisa SCW amray inuu dacwadiisa muujiyo ummaddana uga digo cadaabka Alle waxaana ka mid ahaa aayadihii soo degay waqtigaas aayaddan.

Wuxuu Allah SW yidhi: (u dig qaraabadaada kuu sii dhaw). (Suuratu-Shucaraa:214).

Rasuulka SCW markay aayaddani soo degtay wuxuu fuulay buurta Safa wuxuuna yidhi: "Waa saabaxaa (waa wareey)", markaas ayaa dadki Makka joogay oo dhan ay soo yaaceen oo meeshii yimaadeen qofkii imaan kari waayeyna qof ayuu soo dirsaday oo ku yidhi: "soo eeg wuxuu yahay". Markii meeshii la iskugu yimid ayuu Rasuulka SCW yidhi: "ka warrama haddaan idin idhaahdo toggaan fardo duullaan idinku ah ayaa soo maraya ma rumaynaysaan", markaasey yidhaahdeen "haa been kuguma aannaan baran", markaasuu yidhi Rasuulka SCW, "waxaan idinkaga digayaa cadaab daran oo idinka horreeya", Sidoo kale Rasuulku SCW wuxuu u yeeray qabiil walba oo qureysh ka mid ah illaa uu ka soo gaarey qabiilkiisii oo uu isna reer ugu sii dhawaaqay ilaa uu kasoo gaadhay gabadhiisii Faadumo ahayd oo uu ku yidhi, "faaduma bintu Maxammedey naftaada ka badbaadi naar anigu Allaah ayaan ku dhaartaye inaanan Alle waxba kaaga tarayn". Sidoo kale muslim waxa uu wariyay in markii ay aayaddaani soo dagtay uu Rasuulku si guud iyo si khaas ahba ugu yeeray (quraysh) wuxuuna yidhi qurayshey ka badbaadiya naftiina naar reer baniii kacabow ka badbaadiya naftiina naar. Arrintaas dadkii qureysheed way ka caraysiisey waxayna kicisey buuq magaaladii oo dhanna waa la isla dhex maray. Adeerkiis Abii-lahab oo ka mid ahaa dadkii meesha isugu yimid wuxuu Rasuulka SCW ku yidhi: "halaag ha kuu sugnaado maalinta inta ka hadhaye ma waxaan baad noo soo kulmisay". Allaah ayaa u jawabey oo ku soo dejiyey Suuratu Tabbad.Wuxuuna Allaah ugu bishaareeyey ninkaas iyo xaaskiisa cadaab daran maxaa yeelay Alle iyo Rasuulkiisa iyo dintiisa ayey la colleytameen. Ka dib Allaah wuxuu soo dejiyey aayadan.

Wuxuu Allaah SW yidhi: (Muuji waxa lagu amrayo, Isagana jeedso Mushrikiinta). (Suuratul-Xijri:94) Aayaddan waxa uu Allaah Rasuulka ku amray inuu muujiyo xaqa, gaaladana ka jeesto, Rasuulkuna SCW waa uu u qumay meel walbana waxa uu ka caddeeyey shirkiga iyo khuraafaadka ay ku jiraan iyo xumaatada ay asnamtu leedahay iyo iney Allah keliya waxidaan oo Ilaahnim u qiraan.

Odeyaashii qureysheed markey arkeen Maxammed SCW iyo diinta cusub ee uu la yimid iyo inuu khilaafay diintoodii iyo ilaahyadoodii kuna sheegay iney yihiin baadi ayeye olole qaadeen si ay dacwadaas iyo nuurkaas Alle u damin lahaayeen, baaddilka iyo xumaatada ay ku jiraanna u difaaci lahaayeen. Odeyaashii qureysheed tallaabooyinkii ay qaadeen waxaa ka mid ahaa in qaar ka mid ah ay u tageen Abii-dhaalib kuna yidhaahdeen "Abii-dhaaliboy, wiilka aad adeerka u tahay ilaahyadadii ayuu caayey, diintayadiina wuu ceebeeyey, waxgaradkayagiina wuxuu ka dhigey maangaab, aabbayaashayona wuu baadiyeeyey, marka ama naga qabo ama isku kaaya daa, adiguna annagaad nala mabda' tahay oo waad is khilaafsan tihiin makra aan kaa kaafino'.
Abii-dhaalib wuxuu ugu jawaabay hadal jilicsan", odeyaashina wa laabteen.

Qureyshi markii intaas oo tallaabo ah ay waxba ku qaadi waayeen; dacwadii islaamkuna ay dhowr sano soo socotey, dadkii raacayeyna ay marba marka ka dambeysa sii siyaadayeen, ayey waxay saareen guddi ka kooban 25 nin oo ka mid ahaa odeyaashii qureysheed waxayna madax uga dhigeen Abii-lahab, waxayna u xilsaareen iney soo dejiyaan wixii Maxammed iyo asxaabtiisa lagula dhaqmi lahaa. Abii-lahab iyo ragiisii waxay soo go'aamiyeen in dadka Maxammed raacey gacan loola tago oo la ciqaabo. Dhibkii gacanta ayaana halkaas ka bilaabmay oo aad ayaa dhib loogu geystey Nabiga SCW iyo asxaabtiisa haba u sii darnaadeen dadkii masaakiinta ahaa ee qabiilka yar ka dhashay ama addoomada ahaa ee Nabiga raacay sida Bilaal, Suheyb iyo reer aala Yuusir iwm. Nabiga SCW isaga dhib badan oo loo geysan lahaa waxaa looga baqayeey adeerkiis Abii-dhaalib iyo shacabka laftooda oo uu sumcad weyn ku lahaa oo qof walba ka xishoonayey inuu gacan ula tago, hasa yeeshee sidaas oo ay tahay haddana dhib wayn ayaa ku dhacayey.

Dadkii dhibka Nabiga SCW ugu darnaa waxaa ka mid ahaa adeerkiis Abii-lahab oo aan soo marnay dadka kulmiyey Rasuulka SCW inuuku yidhi "halaag ha kuu sugnaadee ma waxan baad noo soo kulmisey". Sidoo kale laba wiil oo uu Abii-lahab dhalay lana kala odhan jirey Cutba iyo Cuteybaa waxay kala qabeen laba gabdhood oo Nabiga SCW uu dhalay kuwaas oo kala ahaa Ruqiya iyo Ummu-kalthum sidaan soo sheegnayba Abii-lahab oo Nabiga SCW ku colaadinaya wuxuu amray labadiisii wiil inay gabdhaha Rasuulka scw furaan, iyaguna way ka yeeleen. Waxaa kale oo ay siiradu werisey in markuu dhintey wiilkii Nabiga SCW ee Cabdullaahi ahaa uu Abii-lahab u tegay odeyaal qureysheed oo meel fadhiya kuna yidhi: "bishaareysta Maxammed wiilkii ayaa ka dhintey oo waa abtar (gablan)".

Dhibkaas Abii-lahab keligiis ma maamuli jirin ee reerkiisa oo dhan ayaa ka qeyb qaadan jirey oo sida la ogsoon yahay haweentii Abii-lahab oo la odhan jirey Ummu Jamiil binu Xarbin waxay ahayd mid qodxaha dhigta dariiqa Rasuulka SCW isla markaasna aflagaaddo u geysata Nabiga SCW. Ummu Jamiil waxa ahayd haweenay aad u carrab dheer oo dhib badan, markii ay soo degtay suuratu Lahab oo ilaahay iyada iyo ninkeeda cadaab ugu bishaareeyay, dhagax ayaey soo qaadatey waxayna u timid Rasuulka SCW iyo Abuubakar oo kacbada wada fadhiya iyadoo rabta iney dhagaxa Rasuulka SCW ku dhufato. Hase yeeshee Ilaahay wuu ka indha saabay Rasuulka SCW oo Abuubakar keliya ayey indheheedu qabteen markaas ayey ku tidhi: "meeyey Maxammed waatuu hadda kula fadhiyaye, waana maqlay inuu i caayey ee haddaan arki lahaa dhagaxan ayaan ku dhufan lahaa", intaas keliya kuma hadhine waxay tirisay gabay yar oo leedahay "Mudamamaan waan caasinney amarkiisana waan diidney diintiisana waan nacney". mudamaman waxay ula jeeday Maxammed oo ay si khalad ah ugu dhawaaqaysay Allaah ayaana ka dhawray magaca Rasuulka caydeedii; Rasuulka SCW isagoo ka hadlaya sida Alle uga dhawray cayda nacaladda qureysh waxay caayayaan oo nacaladayaan mudamam maxamed ayaan ahay.

Top


Waadiga Ciyaaraha.

AC Milan Iyo Juventus Oo Isugu Soo Baxay Ciyaarta Kama-Dambaysta Ah Ee Horyaalka Yurub. Waa Markii Ugu Horaysay Taariikhda Yurub Ee Ay Isugu Soo Baxaan Laba Kooxood Oo Talyaani Ahi.

AC Milan 1-1 Inter Milan

Milan, Turin (Haatuf): Van Basten, Ruud Guliet, Redcard, George Weah iyo xiddigo badan oo kale ayaa ahaa ragga biladaha iyo magaca weyn kala qaybqaatay kooxda AC Milan guulaha ay ka gaadhaysay tartamada kala duwan, gaar ahaan tartanka Horyaalka kooxaha Yurub ee loo yaqaan Champions League, waxaanay raggaasi ku suntanaayeen baalasha dahabka ah ee taariikhda naadigaasi, kuwaas oo lugtooda iyo kartidoodaba kor ugu soo qaaday magacooda iyo magaca naadigoodaba.

Si kastaba ha ahaatee, waxa isaguna baal-dahaba ka galay taariikhda naadiga iyo tiisa gaarka ahba weeraryahanka khatarta ah ee Andriy Shevchenko oo ay dhalashadiisu tahay Ukraine, waxaanu toddobaadkan u dhaliyay kooxdiisa AC Milan goolkii noloshiisa ugu qiimaha badnaa, goolkaas oo noqday mid qiime weyn u yeeshay kooxda AC Milan oo ay ugu soo gudubtay ciyaarta kama-dambaysta ah ee Tartanka Horyaalka Yurub oo bishan 28-keeda ay la ciyaari doonto kooxda kale ee Talyaaniga ah ee Juventus oo iyaduna u soo gudubtay ciyaarta kama-dambaysta, kadib markii ay xadhkaha u jartay kooxda isbaanishka ah ee horyaalka gacanta ku haysay sannadkii ugu dambeeyay Real Madrid oo ay 3-1 kaga adkaatay habeenkii Arbacadii, waxaanay taasi noqotay markii ugu horeysay ee ay ciyaarta kama-dambaysta ah ee tartanka Horyaalka Yurub isugu yimaadaan laba kooxood oo Talyaani ahi, waxaana ciyaartaas lagu qaban doonaa magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska, garoonka ay leedahay kooxda Manchester United ee Old Trafford.

Haddii aynu u soo labaano ciyaartii habeenkii salaasadii ee dhexmartay labada kooxood isku magaalada ah ee AC Milan iyo Inter Milan, waxa ay ahayd mid aad u xiiso u xamaasad badnayd oo adduunka oo dhan aad looga daawanayay, labadan kooxood ee isku magaalada ah oo hirdan gaar ahi ka dhexeeyo, ayaa ciyaartii is-aragii koowaad ee toddobaadkii hore ku dhammaatay iyadoo aan wax goolal ah la isku dhalin oo ay ku dhammaatay 0-0, waxaana faa’iidada ciyaartaa lahaa kooxda AC Milan oo ay ahayd mid gurigeeda ku ciyaaraysay ciyaartaa hore, Inter-na marti u ahayd, balse ciyaarta kooxda AC Milan ayaa ahayd kooxda martida, halka ay Inter gurigeedii ku ciyaaray, sidaa daraadeed kooxda AC waxa keliya oo ku filnaa barbardhaca laysku barbareeyo inta uu gool u yar yahay iyo badisba, halka ay kooxda Inter ciyaarta kama-dambaysta ah ugu soo gudbaysay badis keliya.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid xidhan oo labadaba dhinacba difaaceedu xidhaa, taas oo ahayd habkii ciyaartii hore ay ku ciyaarayeen labada kooxoodba, balse wakhtigii dheeraadka ahaa ee isla qaybtaa hore ee ciyaarta ayuu geesiga ama xiddiga habeenka taariikhda ka galay kooxdiisa Shevchenko uu dhaliyay goolkii u horeeyay ee ciyaarta, kaas oo wax weyn ka bedelay ciyaarta.

Ciyaartoyda khadka dhexe ka ciyaara ee Hollandiiska ah, Clarence Seedorf oo isagu ka soo horjeeday ciyaartan kooxdiisii uu hore ugu ciyaari jiray ee Inter, oo rajaynaya inuu noqdo ninka ku guulaysta tartankan (Champions League) markii saddexaad oo uu kula guulaysto saddex kooxood oo kala duwan, ayaa kubad u baasay ciyaartoyga reer Ukraine, Shevchenko oo uu ilaalo ka ahaa difaacyahanka Ivan Cordoba, balse wuxuu awooday inuu la dhaafo, isagoo weliba khalad uu ku sii galay Cordoba, laakiin taasi kama horjoogsan weeraryahankan inuu kubad si habsan dusha uga marayo goolwadaha kooxda Inter, Francesco Toldo oo uu ku hubsado shabagga goolka. Goolkaas oo ahaa goolkii afraad ee Shevchenko ka dhalliyo tartan horyaalka Yurub xilli-ciyaareedka sannadkan.

Qaybtii dambe ee ciyaarta Cuper, tababaraha kooxda Inter Milan ayaa sameeyay isbedelo dhawr ah, kaas oo ahaa bedelkii uu ciyaarta ka saaray Alvaro Recoba oo uu ku soo beddelay ciyaartoyga da’da yar ee 20jirka reer Nayjeeriya ee Obafemi Martins, balse wakhtiyadii hore ee qaybtii dambe ciyaarta AC Milan waxay sii waday kantaroolka ciyaarta, iyadoo Seedorf iyo Gattusi ay khadka dhexe si wanaagsan u xidheen oo ay muuqatay sida ay uga caddahay dariiqa geynaya Old Trafford. Maxamed Kallon, ayaa isaguna soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta oo lagu bedelay Hernan Crespo.

Inter Milan, waxay ugu dambeyn heshay in ay kooxda AC Milan barakshar saarto si ay u hesho gool ama in ka badan oo ay ka guulaysato, taas oo keentay in daqiiqadii 84aad uu ciyaartoyga dhaqdhaqaaqa badnaa Martin uu dhaliyo goolka barbardhaca.

Maxamed Kallon ayaa kubad madaxa ah sii ciyaartoyga ay ka soo wada jeedaan Afrika ee Martins, kaas oo isaguna ku guulaystay inuu ka farsameeyo Maldini, lugtiisa bidixna si habsan ugu dhaafiyo Abbiati oo uu goolka ku rideeyo.

Dhawr fursadood ayay heshay Inter in ay ku dhashan karto gool ay ciyaarta ku badiso, balse fursadahaasi ma noqon qaar si wanaagsan looga faa’iidaysto, ciyaartiina waxay wakhtigeeda rasmiga ahaa ku dhammaaday 1-1, taas oo keentay in ay kooxda AC Milan in ay ugu gudubto ciyaarta kama-dambaysta ah ee tartanka Horyaalka Yurub.

Shevchenko, goolka uu qaybtii hore ciyaarta dhaliyay ayaa ahaa ka sababay in ay u gudubto AC Milan ciyaarta finalka, waxaanu ciyaartoygu ku tilmaamay in isaga laftiisa uu u ahaa mid qiime weyn ugu fadhiya, waxaanu isagoo taa ka hadlaya yidhi: “Run ahaantii waxa uu goolkani kii ugu muhiimsanaa intii ay kubadda soo ciyaarayay. Waxaanu haysanaa rajo wanaagsan in aanu ciyaarta kama-dambaysta ahna aanu ku guulaysan doono.”

“Kubadda waxaan goolka ku laaday aniga oo sii dhacaya, sababtoo ah waxa xagga dambe iga faawalay Ivan Cordoba, taas oo noqonaysay rigoore.” Sidaa waxa yidhi Shevchenko, oo ka hadlayay sida uu goolka u dhaliyay, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; “Ciyaarta caawa, si adag ayaanu ugu dagaalanay, runtiina waanu u qallanaa in aanu u soo gudubno ciyaarta kama dambaysta ah.”

“AC Milan ayaa wakhtigan ahayd mid xooggan, waananu ku guulaysanay in aanu u soo gudubno ciyaarta kama-dambaysta ah, taas macnaheedu ma aha in aanay Inter gayin gooshan oo kale. Taageerayaasha iyo kooxdaba aad ayaan uga xumaaday, balse kubadda cagta ayaa sidaas ah oo kolba dhinac tagta.” Sidaa waxa yidhi ciyaartoyga dhajka ah ee Clarence Seedorf.
Juventus 3-1 Real Madrid.

Habeenkii Arbacadii, ayaa isaguna ahaa habeen taariikhda kubadda Yurub ku soo kordhiyay wacdaro gaar ah oo in badan la hadal hayn doono, taas oo aan ahayn guusha keliya ee ay gaadhay kooxda Juventus iyo badiska laga badiyay kooxda Real Madrid, balse waxa uu ahaa mid taariikhda ku soo kordhiyay in ay markii ugu horeysay tartanka Horyaalka Yurub iskugu soo baxaan laba kooxood oo ka socda dalka Talyaaniga, kadib markii ay kooxda Juventus daris aad looga shaqeeyay loo dhigay kooxda Horyaalka haysata ee Real Madrid, oo ay ku dhufteen 3-1 ciyaartan oo ahayd is-aragtii labaad, iyadoo kooxda Real ciyaartii is-aragii koowaad 2-1 kaga soo badisay kooxda Juventus gurigeeda Madrid, taas oo natiijada labada ciyaarood ka dhigaysa 4-3 ay kooxda Juventus ugu soo gudubtay ciyaarta kama-dambaysta ah.

Ciyaarta oo ahayd mid ay ku gacan saraysay kooxda Juventus, balse dhibaatada ugu ee kooxda Real ayaa ahayd khadka difaaca oo aad u liitay, awoodina kari waayay in ay horjoogsadaan weerarka xoog ah ee ay ku hayeen weeraryahana Juventus, waxaanay Juventus goolkeedii ugu horeeyay heshay daqiiqadii 12aad, kadib markii kubad uu dhinaca midig ka soo karoosay Nedved uu Madaxa ugu baasay Del Peiro ciyaartoyga Faransiiska ah ee Trezeguet, kaas oo si wanaagsan u maamulay kubadana goolhayaha ka dhigay koone cidhiidhi ah.

Laba daqiiqo ka hor dhammaadkii qaybtii hore ee ciyaarta, ayay kooxda Juventus goolkeedii labaad ku guulaysatay in ay hogaanka ciyaarta ku sii hayso, kadib markii Del Piero uu kubad uu la soo galay khadka Real, taas oo uu isagu laftiisa ka banaystay fursad, si wacana u garaacay goolhaya Real ee Casillas.

Toddoba daqiiqadoo markii ay qaybtii dambe ee ciyaartu socotay, ayuu Tababaraha kooxda Real Madrid soo galiyay ciyaarta xidiga reer Brazil ee Ronaldo, kadib 14 daqiiqadoo ayaa xidiga adduunka ee sannadkan Ronaldo lagu galay khalad khadka Juventus gudihiisa, waxaana ku galay difaacyahanka Paolo Montero, taas oo ay ciyaartoyda raseefka ahayd ka cawdeen in ciyaartoygaas oo kaadhka huruuda ahaa hore u qaatay in la siiyo, balse uu ka markan ka baxsaday. Rigoorihii kooxda Real loo qabtay, waxa laaday ciyaartoyga Boortaqiiska ah ee Luis Figo, balse goolhayaha Juventus ee Buffon ayaa ka qabtay kubaddaa Figo.
Rajadii kooxda Real ee ahayd in ay rikoodhkooda ka dhigaan markii 13aad ee ay u soo gudbaan ciyaarta kama-dambaysta ah ee Horyaalka Yurub, ayaa u ekaatay mid aan habeenkaa suurto-galayn, kadib markii baas aad iyo aad u qurux badnaa uu Gianluca Zambrotta u dhigay ciyaartoyga Nedved, kaas oo si habsan uga dhaliyay Casillas, kana dhigay ciyaartii 3-0 ay ku gacan sareyso Juventus.

Zidane ayaa isagu dhaliyay gool ka keliya ee ay Real habeenkaa dhalisay, kaas oo aan wax ka bedelin ciyaarta iyo guusha Juventus, ciyaartiina waxay ku dhammaatay 3-1 ay ku guulaysatay Juventus.

Si kastaba ha ahaatee, kooxaha AC Milan iyo Juventus ayaa ku guulaystay in ay u soo gudbaan ciyaarta kama dambaysta ah, taas oo taariikhda ciyaaraha tartanka Horyaalka Yurub markii ugu horeysay ay laba kooxood oo Talyaani ahi isugu soo baxaan, waxana taasi ka turjumaysaa in sannadkani marka miisaanka la saaro ciyaaraha kooxaha Yurub, ay kooxaha Talyaanigu yihiin kuwa ugu awooda badan, taas oo meesha ka saaraysa dhaliilo lagu tilmaami jiray ugu yaraan shantii sannadood ee ugu dambeeyay, taas oo ahayd hoos u dhac ku yimid sumcadda kubadda Talyaaniga, balse sannadkan ama xilli-ciyaareedkani uu isbedel muuqda keenay, waxaanay ciyaarta kama-dambaystu noqonaysaa mid tusaale fiican u noqoto ciyaaraha kooxaha Talyaaniga.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Taageero Iyo Talo-Bixin Xukuumadda Cusub.

Anigoo ah Cali Maxamed C/Raxmaan waxaan hambalyeeynayaa madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne Ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasin oo aan ku hambalyeeynayaa natiijadii ugu dambaysay ee maxkamadda sare ka soo baxday ee ay ku guulaysteen.

Waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu xilka culus ee laydiin doortay in Ilaahay idinku guuleeyo, anaga oo idinku siinayna taageero buuxda. Waxaan xukuumadda cusub talo ugu soo jeedinaynaa.

In ay ummadda si buuxda wax ugu qabto wixii awoodeedda ah.

Waa in ay musuqmaamusaqa la dagaalanto, oo ay ilaaliso hantidda ummadda.

Waa in nabadgelyada si aad ah u ilaaliso, oo ay sugto, oo ciidamadda loo dhiibo rag u qalma.

Waa in ay wax ka qabato, cusbitaaladda, waxbarashada, biyaha, iyo cadaalaadda iyo wixii la mid ahba ee daryeelka umadda Somaliland ah.
Waa in sayladdo deg deg ah loo doonaa xoolaha nool oo adduunka laga raadiyo.

Waa in kaalmo mucaawimo laga raadiyo adduunka, waa in aan la eegin rabitaanka hay’addaha ee la eego rabitaanka umadda, oo wixii lagu helo wax lagu qabto si haboon.

Waa in si dhakhso ah aqoonsi loogu raadiyo dalka.

Waa in dalalka jaarka ah xidhiidhkoodu la wanaajiyo oo nabadgelyo lagula dhaqmo.

waxaan u sheegayaa xukuumadda in ay muujiso sidii ay wax u qaban lahayd oo ay kaga bixi lahayd waxba qaban mayso.

Cali C/Raxmaan, Hargeysa.

Top


Yaa Ka Mas’uul Ah Waxbarashada Dayacan Ee Degmada Sheekh.

Sida qofkasta oo reer Somaliland ahi ogyahay degmada Sheekh waxay xudun u ahayd waxbarashadii ka hana qaaday geyigan Somaliland badhtamihii qarnigii hore taas oo ay dhaman aqoonyahanada reer Somaliland intooda badan ay ka soo baxeen dugsigii sare ee Sheekh, balse wax maanta ayaan darro ah in Sheekh oo heerkaas taagneyd ay maanta heerkeeda waxbarasho yahay mid calool xumo ku ridaya qof kasta oo aqoon u lahaa waxbarashadeeda haddaba marka laga tago dugsigii sare ee Sheekh oo ay maanta gacanta ku hayso hay’adda (SOS), oo runtii ay si hawlkarnimo iyo qiimo leh waxbarashada uga socota, hase ahaatee qaybihii kale ee waxbarashadu waxay ku sugan yihiin arrin murrugo leh.

Runtii mar aanu muddo ku sugneyn magaalada Sheekh waxa aanu la kulanay ardeydii dugsiyada oo dugsiga ka soo rawaxaysa wakhtigii daraasadu socon lahayd oo 9:30 subaxnimo soo dareeraya iyaga oo ku leh saaka oo dhan hal xiisad ayaanu qaadanay halka ay qaar kale odhanayaan waxba maanu qaadan maantoo dhan waliba ha ugu darnaadeen ardayda dugsiga sare ee Dawladda oo ka kooban saddex fasal oo kala heer ah ( form one, form two, form three) kuwaas oo ay ka muuqato niyad xumo iyo rajo beelay ay ka qabaan mustaqbalkooda waxbarasho iyo waliba imtixaanka ku soo fool leh iyo xaalada dayacan ee ay ku suganyihiin, haddaba su’aasha taagan waxay tahay yaa ka masuula waxbarashada dayacan ee degmada Sheekh?

Si aan shaki ku jirin waxa xilkaas dayacan masuul ka ah maamulka waxbarasho ee gobolka Saaxil iyo Degmada Sheekh iyo guud ahaan maamulka Somaliland ee talada haya oo runtii dayac balaadhan ka muujiyey arrimihii bulshada ee lama huranka ahaa sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo adeega kale ee bulshada balse su’aasha taagan waxay tahay maamulka dayacay waxbarashadii degmada Sheekh iyo guud ahaanba adeegyadii kale ee bulshada sida Cusbitaalka Sheekh oo noqday meel dugaagu u hoydo, iyada oo waliba madaxweyne Rayaale ku jiray ololihiisii doorashada ee golaha deegaanka dabayaaqadii sanadkii hore uu dadweynaha degmada Sheekh ugu balan qaaday inuu wax ka qabanayo cusbitaalka iyo adeegyada kale ee bulshada sida waxbarashada.

Haddaba waxaanu qormadan ku soo gabagabaynaynaa ha loo gurmado ardayda reer Sheekh inta dayacan hana loo hambalyeeyo hay’adda iyadu gacanta ku haysa dugsiga sare ee Sheekh ee boodhinka Sheekh.

Axmed Cabdi Xasan.

Xamse Khadar Cali.

Khaliil Ibraahim Cabdi.

Sheekh, Somaliland.

Top


Jilba Dhiig.

Biixi iyo Xayaad waxay sheekadooda duluc uga dhigeen wixii dhacayba dhece, qadder allena u daa, ee haatan iyo dan ka dib waxay xaajadda ku soo gunaanadeen inay hadda meel cusub wax ka bineeyaan, iyaga oo jacaylkoodii dhicisoobay dib boodhka uga jafay, isla markaana wixii ka qaloocday bogsiimo uga dhigay halku dhegga “Igama qudhunto, igama gubato.”

Biixi iyo Xayaad sidii ay habeenkii oo dhan geed yar u hoos-yuurureen ee ay bahal sheeko ah shaxdaa ugu hayeen ayaa waagu galalac yidhi, laakiin inkasta oo ay ahaayeen laba qof oo aan sheeko ku kala xiisa goynayn, haddana waxa waagu u beryey, iyaga oo sheekada inteedii badnayd gebogabeeyey, waxayna ugu dambayntii isla garteen inay Biixi reerkoodii miyiga u tagaan, ka dibna ay dhinaca magaalada u bixitimaan si ay arrimaha qabyatirkooda halkaa ugu bud-dhigaan.

Waagii markii uu beryey ayey dadkii rakaabka ahaa oo jir digada ka dhigay geedaha hoostooda ka soo kaakaceen, ka dibna waxay isa soo dul-tubeen baabuurkii oo ay afarta shaag-ba lib-dheen, dabadeed-na dadkii markii ay qoraxdii soo baxday ee ay yara diireen ayey baabuurkii qodis ku bilaabeen si ay dhiidhiga uga saaraan, dabadeed-na waxay wadaan-ba goor ay hadh-sookii tahay ayey baabuurkii meeshii ka saareen oo uu dhaqaaqay, laakiin ilayn waa dhul uu roob meel walba dhasaye baabuurkii marka uu cabaar socdaba meel buu galaa oo saacad dhaw dhaw laga qodaa, dabadeedna maalintii oo dhan dadkii rakaabka ahaa iyo baarbuurkoodii waxay ku jireen dhul cidlo ah oo aanay magaalo iyo dad reer baadiye ahi toona u dhawayn, balse waxay socdaanba goor ay cadceedu sii liicayso ayey soo galeen tuuladii uu baabuurku u rarnaa, tuuladaas oo ah tuuladii uu Biixi reerkoodu u soo magaalaysi tegi jiray, ee Bender ugu dhawayd.

Dadka rakaabka ahi waxay tuulada yimaadeen iyaga oo aan bir iyo bes midna doonayn oo laba habeen iyo laba maalmood cidla roob ku hayey, sidaa awgeed way wada gataati dhaceen, oo qof waliba markii uu wax dhadhamiyey ayuu meel ku dhacay, taas darteedna qof-na reerkiisii uma carraabin, xataa haddii uu tuuladda duleedkeeda yaal.

Biixi iyo Xayaad markii ay cuneen ee ay diiftii gaajadu ka hadhay ayey u tageen gabadh tuuladda degan oo ay Biixi ilma-adeer yihiin, dabadeedna gabadhii ayaa ardaagii gurigeeda gogol u dhigtay, halkaas ayeyna ku qaateen, laakiin goor ay saacaddu tahay abaaro 11:00 habeenimo ayuu Biixi magaaladiisa hurdo u tagey, Xayaad-na gurigii ayey seexatay, iyada oo ay ballantoodu ahayd inay berrito miyi iyo Biixi reerkoodii u baqoolaan oo ay ugu yaraan habeen amalaba ku maqnaadaan.

La soco.

Top


Garta Dhaqanka.

Waxa kale oo isna gabay tiriyey suugaanta garaha la xidhiidha ninka la yidhaahdo Cumar Aaadan Dibbi wuxuuna yidhi, “Aabow gartana waad taqaan, guunna waad tahaye, ama geedka joog maalintuu rag is-gadh-xiiraayo, ama geela raac talo adduun gumuxsi weeyeene.”

Gabyaaga la odhan jiray Cali Dhuux ayaa isaga oo la dacwiyeya nin kale oo gabyaa ahaa, lana odhan jiray Qamaan Bulxan wuxuu yidhi “Dhankaan ka hadlay Qamaan waa kaa dhaafay hadalkiiye.”

Sidoo kale aniga laftayda (C/Salaan Caara-Dhuub) ayaa gabayo dhawr ah ka tiriyey suugaanta gar-naqsiga la xidhiidha waxaanan idhi “Ragguna markay gobaad ka hadlayaan geed dacwigu yaalo, garyaqaanadiyo loo bandhigo guud-cadaha feensha, muducigu wixii uu gar qoolaaliyo, wixii uu gufaanaayo, marka uu guhaad iyo naq iyo goodi kale dhaafo, gallad iyo wixii uu naf bido, gebagabeeyaaye, gaashaan madaacaalay u dhigay, gamasyo liishaamay, inay guunyadii neefku tahay gororihii sheegay, hawraar guddidu haysato marag la geys-geystay, gudoon iyo dariiqii haddii laysla garran-waayo markaan garasho qoodhoodo noqon, quud-na laga eegto, gudoonkiyo haddii fallamihii laysla garan-waayo, Googaale iyo waad tawdaa guurti kaa maqane.”

Sidoo kale nin la yidhaahdo Faarax Afey ayaa isna ka gabyey gar-naqsiga suugaanta, wuxuuna yidhi “Duqaydiinan bagaadsaneey, haddaan deelkiyo qur’aankiyo dalaaq lay maqashiin, halka reer-Dalal joogo anigu soo degi-maayo.”

Faarax Afey marka uu sidaa leeyahay wuxuu doonayey aamin (Wacad), laakiin Faarax Afey, isaga oo markhaati gashanaya nin la yidhaahdo Xayle wuxuu yidhi “Qasan-xii dhawaa, maalmihii laysku qalanaayey, qaaxadda markaan uga onkoday sida libaax qoodh ah, qummanow Xayle wuu garanayaa dhulkan qiime ku lahaa.”

Gabyaagii la odhan jiray Salaan Carabey ayaa xaajo ka gar-naqayey isla markaana ka dhigaya in fidnada laga fogaado wuxuuna yidhi “Deel-qaaf fagaare ayaa dibno hadal ka yimid baa laga geel loog dawgalaye.”

La Soco. 

Top