Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 334 May 18, 2003

Arrimaha Bulshada: Carraale M. Jaamac.

Xisbiga UDUB Oo Xaflad Ugu Dabbaal-degay Guushii ay Ka Gaadheen Doorashooyinkii; “Umaddii Way Dil-Dilaacday Oo Way Qaybsantay, Waxay U Baahan Tahay UDUB-bay Wax Dil-Dilaaca Tola,” Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal).

Maamulaha Jaamacadda Hargeysa Oo La Xidhay.

Sannad-Guurada 12aad Ee Lasoo Noqoshada Madax-Bannaanida Somaliland Oo Maanta Dalka Laga Xusayo.

“Haddii Muddadu Dhammaan Weydo Tartankuna Dhammaan Maayo,” Xubno Odayaal Ah Oo U Jawaabayay Guurtida.

Ninkii Al-Qaacida Ugu Qaalisanaa Oo Lagu Sheegay Somaliya.

Walter Sisulu Oo Lagu Aasay Dalka Koonfur Afrika.

Dayaxa Oo Jimcihii Madoobaaday.

Odhaahda Akhristaha: Xornimadii Somaliland Iyo Xuska Maanta.

Waxaad Moodaa Inaanay Dalka U Dhalan.

Gudoomiyuhu Isma Yeel-Yeelayo.

Garta dhaqanka iyo xeerarka Somalida Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub.

JILBO-DHIIG: Waxa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale.


Arrimaha Bulshada: Carraale M. Jaamac.

Walbahaarka haweenka iyo waxay badbaadeen.

Qaar badan oo ka mid ah haweenka Somaliland ayaa soo maray ama ku jira ilaa waqtigan marxalad la mid ah ta ay soo martay Hodan ama mid ka duwan, mana aha marxaladahaasi kuwo ku kooban haweenka Somalida iiyo kuwa Somaliland oo keliya ee kuwo lasoo dersa haween badan oo ku dhaqan dawladaha dunida, kuwaasoo inta badan ka dhasha duruufaha iyo waayaha colaadaha ee mar walba ka dhaca ama hore uga dhacay dunida.
Duruufaha noocan ah iyo marxaladahan ayaa sababa wer-wer iyo walbahaar, laakiin waxa had iyo jeer loo baahan yahay inay haweenku ka badbadiyaan naftooda.

Haweenay Maraykan ah oo ay arrintan walbahaarku hoggaanka sudhatay ayaa sheegtay inay qaadatay go’aan adag waqtigii dagaalkii labaad ee dunida, markii uu dhintay ninkeedii, isla markaana labadii carruur ahaa ee ay dhashay ka tageen, taasoo ku noqotay marxalad aanay weligeed hore usoo marin, laakiin haweenaydaasi waxay sheegtay markii ay arrintani lasoo kulantay inay u keentay wer-wer iyo walbahaar badan oo saamayn ku yeeshay nolosheeda, kaasoo ka dhashay wehel la’aanta iyo dhaqaale xumada lasoo deristay, balse waxay sheegtay inay dhibaatada ay arrintaasi u keentay kaga gudubtay dedaal iyo farsamo. Kadib marki ay go’aansatay inay dedaal u gasho sidii ay u kordhin lahayd dakhligeeda, waxayna iyadoo arrintaa ka hadlaysa tidhi, “Waxaan go’aansaday sidii aan dakhli u abuuri lahaa ee aan uga bixi lahaa dhibaatada, aniga oo aan isku qoomamaynayn wixii hore.” Haweenaydaasi waxay sheegtay inay samaysay meel shaaha laga cabo, si ay u abuurto dakhli, taasoo ay ku guulaysatay, iyadoo muddo kadib uu kordhay dakhligeedii, taasina ay dhiirigelisay inay kordhiso wax-soosaarkeeda, isla markaana ay dareentay inay yaraadeen cabsidii iyo wer-werkii ay badeen wehel-la’aanta iyo dhaqale xumadu, inkasta oo ay jiraan haween badan oo colaadaha iyo dagaaladu saamayeen nolosha qoyskooda, nafahooda iyo ubadkoodaba, haddana lama odhan karo werwerka iyo walbahaarka lasoo dersa haweenku waxay ka dhashaan oo keliya arrimahaa aynu soo sheegnay, laakiin waxa jira kuwo ka dhasha muran iyo is-faham la’aan dhexmarta labada hoggaamiye ee qoyska oo ah haweenayda iyo ninkeeda, waxayna marar badan taasi keentaa muran sabab u noqda burbur ku yimaada qoyska oo ay hormood ka yihiin haweenayda iyo ninkeedu.

Mushkiladaha noocan ah ayaa la sheegay inay qaarkood salka ku hayaan hinaase ama dareen shaki, waxyaabahaasi waqtiyadan dambe ee dunidu horumartay way la jaan-qaadeen oo waxa la odhan karaa waxa qayb ka qaatay horumarka iyo tignoolajiga cusub ee casriga ah iyo xadaaradaha ama waxyaabaha il-baxnimooyinka ah ee soo kordhay waayahan dambe, waxaynuna qaybaha dambe ee mawduucan kusoo qaadan doonaa dhibaatooyinka walbahaarka iyo werwerka ka dhashay waxyaabaha aynu soo sheegnay iyo horumarka.

Lasoco cadadka toddobaadkan dambe ee Axadda.
 

Top


Xisbiga UDUB Oo Xaflad Ugu Dabbaal-degay Guushii ay Ka Gaadheen Doorashooyinkii; “Umaddii Way Dil-Dilaacday Oo Way Qaybsantay, Waxay U Baahan Tahay UDUB-bay Wax Dil-Dilaaca Tola,” Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan-Gaal).

Hargeysa (Haatuf): Xisbiga UDUB oo dhawaan ku guulaystay natiijaddii rasmiga ahayd ee doorashooyinkii madaxtooyadda, ayaa shalay xaflad dabaal-deg ah oo ku saabsan guushaa ay gaadheen ku qabtay xarunta guud ee xisbiga UDUB ee Hargeysa, munaasibadaa oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin, siyaasiyiin iyo taageerayaasha xisbiga UDUB waxa lagu soo bandhigay heeso, gabayo iyo majaajilooyin.

Gebagebadii xafladaa waxa ka hadlay masuuliyiin ka tirsan xisbiga UDUB oo ka waramay sida ay ku timid guushoodu iyo waxyaabaha loo baahanyahay ee wakhtigan xaadirka ay u tabaabushaysanayaan, masuuliyiinta halkaa ka hadashay waxa ka mid ahaa Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan xisbiga UDUB, ayaa u hambalyeeyey taageerayaasha, masuuliyiinta iyo xubnaha xisbiga UDUB guusha ay gaadheen, laakiin wuxuu sheegay in loo baahanyahay sidii loo midayn lahaa ummadda isla markaana la iskugu soo dhaweyn lahaa kuwii guulaystay iyo kuwii laga guulaystay-ba Saleebaan isaga oo ka hadlaya canaan ay xubnaha xisbigu isku soo jeediyeen wuxuu yidhi “Canaan badan ayaan arkayaa, waana is-hiifaynaa, waanan guulaysanay meesha kuma jirto, hawshuna waa qabyo wixii qabyo ahna waynu u dhaadhici, laakiin canaanta iyo cambaaraynta shakhsiga ah aan iska dayno, haddaynu xisbiga UDUB nahay-na xil weyn bay guushaasi ina saartay, cadaaladdii bulshada Somaliland bay ina saartay.”

Mr. Saleebaan isaga oo ka hadlaya macnaha dawladnimada, wuxuu yidhi “Shayga dawladnimada la yidhaahdo haddaan dib ugu yar noqdo, madaxnimadii dalka uunbaynu qabsanee guul balaadhan oo inoo soo hoyotay ma jirto UDUB-eey, laba meelood ayay ummaddii u qaybsantay, oo laba boqol iyo woxoogay ayay qolo waliba heshay, qaarna UCID ayaa xaggaa ula faagtay, laakiin UDUB ayaa madaxtinimadii qaatay, sidaa awgeed guul la yidhaahdo waa ku nasanaynaa maaha.”

Saleebaan wuxuu intaa ku daray, inay umaddu u dil-dilaacday oo qaybsantay, oo ay u baahantahay wax dil-dilaaceeda tola oo isku soo dhaweeya, oo isu soo ururiya, wuxuuna isaga oo arrintaa k a hadlaya yidhi “Ummaddii way dil-dilaacday oo way qaybsantay, waxay u baahantahay UDUB-eey wax dil-dilaaceeda tola, waxay u baahantahay isu soo dhaweyn iyo ururin, waxay u baahantahay wadanka waa la wada leeyahee mindida daabkeeda uunbaynu haynaaye, hilibka waan ku cunayaa maaha, waar waa lagu qaybinayaa.”

Saleebaan wuxuu intaa ku daray in raggii ay iska soo horjeedeena hadday UDUB yihiin ay iyaguna tartanka ku baaseen, isaga oo sabab uga dhigay, haddii aanay tartanka la gelin oo aanay oofin in la tartamo aanay jirteen cid madax loo noqon lahaa, sidaa awgeed ay dhismaha wadanka ku soo dhaweynayaan isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi “kuwii inaga soo horjeeday-na tartanka waa ku baaseen, waayo haddaanay tartanka gelin oo aanay inala oofin, yaa madax loo noqon lahaa, iyagana waxaanu leenahay oo aanu ku soo dhawaynaynaa inay dhismaha wadanka ka qayb galaan, oo xukuumadda waa la wada leeyehee ka soo qayb galaan.”

Saleebaan waxa uu ku guubaabiyey taageerayaasha iyo masuuliyiinta ee xisbiga UDUB in looga baahan yahay dul-qaad isaga oo yidhi “Inaga waxa la inaga rabaa dul-qaad, dawlad gabigeeduba waa dul-qaad iyo daryeel, haddii dul-qaad la idinka waayo ummaddani jiri mayso, dawladina jiri mayso, daryeelkiina waa adeegyadda Bulshada oo la kobciyo oo aynu soo dhaweyno kuwii inala baratamay ee ina sigay waliba, waayo dalkay inala leeyihiin, oo dadkay inala leeyihiin oo manfac ayey inala leeyihiin, waananu u mahadinaynaa tartankaa ay galeen.”

Mr Saleebaan waxa uu xusay in markii ay ku soo biireen xisbiga UDUB garabkoodii ASAD uu u tilmaamay dhaliilo iyo is-dhigasho markaa ka muuqatay, taasuna ay keentay inay maanta sigtaan, isaga oo yidhi “Dadkaa inoo hiiliyey, oo ina bixiyey oo hal dheeridaa ina siiyey ee waynu siganay, waxaynu ilaashan kari weynay codadkii dadku ina siiyey, oo la rifay, laakiin hawshu maantay bilaabmaysaa, ee maaha shantaa sanadood ayaan sugayaa, oo maalinta ay dhawdahay ayaan dhaq-dhaqaaq samaynayaa, maaha imtixaankii carruurtu galaysay ee dadku in la UDUB-eeyo ayey u baahan yihiin, oo dhidibada loo aaso, wuxuuna dadku ku UDUB-oobayaa inaga oo dhaqaalaha kobcina, oo siyaasadda bislayna oo dulqaadkaa aan sheegayo aan yeelano.”

Saleebaan Maxamuud Aadan mar uu ka hadlayey garabka haweenka ee xisbiga UDUB waxa uu sheegay inaanay haweenku canaan-ba lahayn, oo aanay guushaasi UDUB u soo hoyateen haddii aanay haweenku jirin, wuxuuna isaga oo u jawaabaya marwo Sucaad oo ka hadashay kaalinta dumarka ee dawladnimada uu sheegay inay soo dhaweynayaan dumarka, haddii ay ka qayb galayaan tartaka doorashooyinka dambe ee dalka ka dhacaya, waxa kale oo uu iyana mahad u soo jeediyey garabka dhalinyarada ee xisbiga UDUB, laakiin wuxuu yidhi “Ragga ninkii haleelay inuu codeeyaa wuu dedaalay.”

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Cabdi Xasan Buuni oo ah siyaasi ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga UDUB, ahna xubnaha guddida fulinta, ayaa isaguna halkaa ka hadlay wuxuuna sheegay inuu xisbigu yahay waxa kaliya ee ummad lagu noqdo, sidaa awgeed ay xisbinimadu noqoni wax lagu abtirsanayo.

Mr. Buuni oo ka hadlaya guusha xisbigooda waxa uu yidhi “waxaynu isku barbar dhacnay xisbi, ee waa inaynaan isaga dhigin inaynu inagu Somaliland xaq u leenahay, oo aanay iyagu xaq u lahayn, laakiin xukunka ayaynu leenahee, manaafacaad ee kale waa la wada leeyahay dalkana waa la wada leeyahay,” wuxuuna intaa ku daray in marka xaafadaha la joogo xisbiyo la kala yahay, laakiin loo simanyahay oo aan la kala xigtaysanin hawlaha qaranka xisbiga mucaaradka ahina uu yahay kii iyaga toosin lahaa, ee dhaliishooda u sheegi lahaa, isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi “Mucaaradku waa kuwa ina toosinaya markaynu khaldano, xaafadaha marka la joogo waxa la kala yahay xisbiyo, laakiin waa inaan la kala xigtaysan hawlaha qaranka”
Marwo Sucaad oo ah xoghayaha garabka haweenka ee UDUB ayaa hadal kooban oo ay iyaduna halkaa ka jeedisay kaga warantay kaalinta iyo doorka ay haweenku leeyihiin, iyo sida marwalba waxyaabaha nabadgelyo darrada ka dhashaa ay haweenka iyo maatada u saameeyaan, waxayna aad ugu nuux-nuuxsatay in loo baahanyahay inay raggu wada hadlaan, oo wixii khilaaf ah dhameeyaan, sidaana ay u arkaan inay ku jirto danta ummaddu, maadaama ay haweenku yihiin ayey tidhi “kuwa marwalba dhibaatadu soo gaadho”.

Waxa kale oo ay ka codsatay xisbiga UDUB iyo madaxweynahaba inay ilaaliyaan caddaaladda iyo sinaanta, iyada oo tidhi “madaxweynuhu uma aha UDUB madaxweyne ee wuxuu u yahay kuwii doortay iyo kuwii aan dooranba, sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah oo aan ku dardaarayaa madaxweynaha inuu fuliyo xilka culus ee uu qaaday, ummaddana waxa looga baahanyahay inay ku garab galaan.”

Marwo Sucaad waxa kale oo ay ka codsatay madaxweynaha in haweenka kaalintooda aan la dhayalsan, oo dumarka laga qayb geliyo dawladda la soo dhisayo iyo doorashooyinka dambe-ba. Lagana shaqeeyo ummadda sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa.

Afhayeenka xisbiga UDUB Axmed Xaashi ayaa isaguna ka hadlay, isaguna ka hadlay munaasibadda wuxuuna sheegay inuu xisbigoodu yahay xisbigii ugu horeeyey uu ku guulaysta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen la soo doortay, isaga oo xusay inay taariikhda baal dahab ah ka geli doonaan, nidaamka siyaasiga ah ee Somaliland-na uu dhigayo in hal qof lagu kala guulaysto, sidaa awgeed-na waxaan aaminsanahay inay tahay guul balaadhan, ayuu yidhi, wuxuuna intaa ku daray “Inkasta oo dhaliilo la sheegayo inay dhaliishaasu wakhtigeeda iyo awoodeeda tahay oo ay u taalo xisbi ahaan, laakiin ay maanta munaasibadani tahay mid farxadeed, balse waxan ku cudur daaranayaa oo aan aad iyo aad uga xumahay inaanay bahweyntii UDUB ee guusha soo hoysay aanay maanta halkan isugu iman, sababta oo ah meesha oo inagu yaraatay, taana xoghayaha ayaa ka hadli doona.”

Xogahayaha guud ee xisbiga Maxamed Ismaaciil Bulaale ayaa sheegay in xisbiga UDUB uu maalinta sabtida ee todobaadka dambe ka samayn dambe ee ku beegan 24-ka bishan shanta waaxood ee magaalada Hargeysa iyo magaalooyinka dalka oo dhan Alla bari.

Bulaale waxa kale oo uu sheegay inay taariikhda Somaliland ay ku soo korodhay 11-ka bisha May ee 2003, maalintaas oo ah maalintii xisbiga UDUB ku guulaystay si dastuurka waafaqsan talada dalka, oo ay maxkamaddi ku dhawaaqday, wuxuuna intaa ku daray inay maalintaasu tahay maalin taariikhda Somaliland ee taxanaha ah iyo wixii ay soo qabsatay ku biirtay meel qaali ahna ka gelaysa, isla markaana ay maalintaasi tahay maalintii u horeysay ee taariikhda Somaliland soo marta ee madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen la soo doortay ay Somaliland yeelato.

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Ismaaciil Mire oo ka mid ah xubnaha guddida fulinta ee xisbiga UDUB wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in dalka lagu hogaamiyo cadaalad iyo sinaan iyada oo la raacayo dastuurka qaranka, wuxuuna intaa ku daray inuu ku taageersanyahay Saleebaan hadalka uu jeediyay ee ku waajahnaa sidii loo soo dhaweyn lahaa mucaaradka, maadaama ay isku barbar dhaceen, balse guusha waxa ina siiyey dastuurka oo dhigaya in cod hal dheeri ah lagu kala badinayo ayuu yidhi Ismaaciil, laakiin wuxuu sheegay in loo baahan yahay in marka hore saaxiibadoodii la tartamayey ay soo galaan xayndaabka oo ay hambalyeeyaan guusha UDUB.

Xafladdani waxay ka dambaysay ka dib markii galabnimadii jimcihii ee doraad loo dhaariyey shanta sano ee soo socda hogaanka dalka labadii musharax ee xisbiga UDUB ugu tartamayey jagada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, kuwaas oo kala ahaa Daahir Rayaale Kaahin iyo Axmed Yuusuf Yaasiin Oo doraad loo dhaariyey xilka hogaaminta dalka.

Top


Maamulaha Jaamacadda Hargeysa Oo La Xidhay.

Hargeysa( Haatuf) maamulaha Jaamacadda Hargeysa ahna kusimaha gudoomiyaha jaamacada hargeysa C/raxmaan axmed Shunuuf oo uu xilka kaga tagay maamulihii jaamacadu Dr.Cali Qaadi oo haatan dalka dibada kaga maqan iyo Maxamad Axmed Sunuuf oo ah macalin si mutadawacnimo ah wax uga dhiga jaamacadaasi ayaa shalay lagu xidhay mudo dhawr saacadood ah saldhiga ciidanka Booliiska ee degmada Axmed Dhagax kadib markii uu wasiirka waxbarashda cismaan Xasan mire uu sidaa amar ku bixiyey.

Xadhiga xubnahani waxa uu ka dambeeyay kadib markii ay wasiirka waxbarashada isku af garanwaayeen bedalaad uu ku sameeyay kusimaha maamulka oo uu u magacaabay ninla yidhaa Cabdi Haybe taasoo uu ku gacansaydhay C/raxmaan Axmad Shunuuf isaga oo sheegay in aan ninkaa lagu soo magacaabin sifo sharci ah.

Wasiirka waxbarashada oo ay arrintaa waxka wediinay ayaa kagaabsaday inuu arrintan wax tafaasiil ah ka bixiyo balse waxa uu si kooban u sheegay inuu hayo cadaymo arrintan ku saabsan balse aanu haatan soo bandhigayn.

C/raxmaan Shunuuf oo aanu isagana arrintan wax kaweydiinay isagoo ay saldhiga Axmed Dhagax ku booqdeen wariyayaal ka tirsa Haatuf ayaa yidhi ‘markii aan maanta (shalay) shaqada imid ayaan ugu imi nin la yidhaahdo cabdi Haybe oo ii sheegay in maamulka Jaamacada isaga loo soo magacaabay,ka dibna waxan ku idhi sifo sharci ah lagugu soo magacaabo, intaas markii aanu is nidhi ayuu wasiirka waxbarashada cismaan xasan uu noo soo galay wuxuu hadal iigu bilaabay cadhadii makaa baday, waxaan ugu jawaabay maan cadhaysnayn ee waxaan jeclaa inaynu u wada shaqayno qaab sharciga waafaqsan, waxaanu iigu jawaabay adiguba sifo sharci ah kumaad iman, taasaana nagu kaliftay in aanu ninkan u dhiibno maamulka,balse wasiirka waxaan u sheegay inaan xilka aan hayo oo aan qabtay 22kii March ee sanadkan in aan sifo sharci ah ku qabtay kadib markii jaraa’idka lagu qoray oo aan imtixaan ku helay.”

intaa markii aan u sheegay ayuu wasiirku iigu hanjabay in uu xoog igaga saari doono xafiiska hadii aan ka bixi waayo iyadoo sida uu sheegay ay goobjoog ka ahaayeen ina aadan Fakin oo ah sarkaal ciidanka qaranka ka tirsani sida uu sheegay C/raxmaan shunuuf waxaanu in taa ku daray in marka kadib ciidan loo soo diray lana geeyay saldhiga Axmad dhagax isaga iyo macalinkaa waxaanu ku andacooday in ciidamada kaxeeyay ay ka dhego adaygeen markii laga codsaday in ay sifo sharci ah usoo maraan xadhiga taasoo ay ka codsadeen looyarada max kamadu.

Balse c/raxmaan axmed shunuuf iyo macalinka kale waxa lasoo daayay shalay 5;30kii galabnimo kadib markii uu sidaa amaray wasiirka waxbarashadu.

C/Raxmaan Axmed Shunuuf oo ah nin aqoon sare leh, waxna ku soo bartay dalka Maraykanka, gaar ahaana jaamacadaha, University of California Berkeley, Portland Sate University, isaga oo haysta shahaado PHD ah waxa uu wax weyn ka bedelay Jaamacadda Hargeysa muddadii yarayd ee uu maamulka Jaamacadda Joogay. Maadaama uu muddo badana ka soo shaqeeyey jaamacadaha Maraykanka ayaa taasi waxay u sahashay inuu wax badan ka taro baahida Jaamacadda Hargeysa.

Sidoo kale Maxamed Axmed Shunuf oo isagana lala xidhay C/Raxmaan ayaa ah wiil dhalinyaro ah oo aqoon sare leh, haystana Masters, isla markaana ah nin maraykanka wax ku soo bartay, imika si mutadacwnimo ah ugu shaqeeya Jaamacadda Hargeysa, wax badana ka caawiya ardayda Jaamacadda, taasi oo loo malaynayo in iskaashigoodu wax weyn ka taray adeegyadda Jaamacadda.

Dhinaca kale Xuseen Xarbi oo ka tirsan Wargeyska Maandeeq isla markaana ah ardayda jaamaacahda Hargeysa wax ka dhigta ayaa sheegay inuu kala kulmay ciidamada booliiska hadidaad isla markaana ay u hanjabeen oo ay ka faro maroojiyeen rikoodhkiisii, isaga oo markaa ku sugnaa goobta muranki u ka dhacay ee jaamacadda isaga oo rabay inuu xog-ogaal u noqdo rarimaha ka socday jaamaacaddda.

Top


Sannad-Guurada 12aad Ee Lasoo Noqoshada Madax-Bannaanida Somaliland Oo Maanta Dalka Laga Xusayo.

Hargeysa (Haatuf) Waxa maanta dalka jamhuuriyadda Soomaaliland laga xusayaa sanad guurada 12aad ee ka soo wareegtay markii lagu dhawaaqay dib-u-la soo noqoshada madaxbanaanida jamhuuriyada Soomaaliland oo 18-kii May 1991-kii lagaga dhawaaqay magaalada Burco.

Kudhawaaqista madaxbanaanida soomaaliland waxa ay kadambaysay markii ururkii S.N.M uu ku guulayastay in uu gacanta ku dhigo dhamaan goboladii waqooyi oo uu ka xoreeyey taliskii siyaad Bare kadib markii uu halgan dheer u soo galay,waxaanu ururkii S.N.M lsmarkiiba abaabulay shirar ay isugu yimaadeen beelaha Soomaaliland si ay usoo afjaraan colaadii iyo cadaawadii uu dhexdhigay taliskii siyaad Bare, kuwaasoo lagu soo gunaanaday magaalada Burco oo lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Soomaaliland.

Maalintii lagu dhawaaqay gooni isu taaga Somaliland oo ay ansixiyeen golihii dhexe ee SNM kalfadhigoodii 2aad ee ka socoday Burco iyagoo tixraacaya go,aanadii ka soo baxay shirweynihii beelaha Soomaaliland waxa radio Hargeysa laga sii daayey khudbadihii ay ka jeediyeen munaasibadaasi gudoomiyihii ururkii SNM C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Tuur), gudoomiyihii golihii dhexe ee SNM Ibraahim Meygaag Samatar waxaana hordhaca u sameeyey Boobe Yuusuf Ducaale oo markaa ahaa xoghayihii warfaafinta ee SNM, waxaanu hadalkiisa ku bilaabey “waxa halkan ila jooga gudoomiyaha ururka SNM iyo gudoomiyaha golaha dhexe si ay ereyo kooban uga yidhaahdaan go’aan taariikhi ah oo raad ku yeelan doona guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan dadka gobolada waqooyi waxaana hadalka ku horeynaha gudoomiyaha golaha dhexe Ibraahim Meygaag Samatar” ka dib waxa hadalka qaatay Ibraahim Maygaag waxaanu yidhi: “galabta goloha dhexe ee SNM waxa uu go’aansaday inuu taloyinkii ka soo baxay shirweynihii beelaha waqooyi inuu dhamaantood sidooda ku aqbalo waxaanay arintaasi ku saabsantahay markii la eegay taariikh dheer oo soo maray gobolada waqooyi, markii la eegay halgankii dheeraa ee ay u soo galeen gobanimadooda inay helaan oo calankooda taagaan kana xoroobaan gumaysigii shisheeyaha, markii la eegay hilawgii ay u hiloobeen inay la midoobaan walaalahoodii kale ee iyagana uu gumaysigu haystay oo ay la wadaagaan gobanimadooda, markii la eegay taariikhdii dheerayd ee la soo maray iyo hungawgii arintaa ka raacay, markii la eegay in waqooyigu waligii dulmanaa hadana marna aanu raali ka noqon dulmigaa, markii la eegay dadku markuu is yidhi xaq ku dhawaaq oo ay yidhaahdeen ummaddu ha sinaatoo waqooyi iyo meel walba ee la maqli waayey iyada oo arinta uu sii dhooqeeyey melatarigii xukunka qabsaday iyada oo la ogyahay halkay arintu gaadhay magaalooyin dumay 150 sanno wixii ay ummaddu dhisaysay ay baaba’een, diyaarad magaaladii ay ka kacday duqaysay xoolo la boobay dad la xasuuqay dumar la kufsaday dhiidhigii ay dadku ka dhiidhiyeen ee ay halgameen gobanimadoodiina dib u soo ceshadeen, waxaas oo dhan markii la isku soo duuduubey dadweynaha waqooyiga ku dhaqani waxay garteen inay xaqtahay oo ay mudantahay inay dawladooda gaarka ah dhistaan iyada oo uu ku raacay golaha dhexe ee
SNM taasi waa mid ay xaq u lahaayeen oo ay markii horeba ay dhashadeen markii ay gumaysigii ay eryeen, israacii ay keeneena mid gabi ahaanba aan sharci lagu xaqiijin buu ahaa mid aan dadka afti laga qaadin buu ahaa markii afti laga qaadayna sannad dabadii 90% dadka gobolada waqooyi raali ka may noqon wixii ka danbeeyey-na af-duub ayaa lagu haystay shacbiga halgamay xaqbay u leeyihiin inay dawladooda gaarka ah dhistaan, koonfurna dad Soomaaliyeed oo taliskii faashiga ahaa ee Siyaad Barre uu dulmaayey baa jira iygana lidi kuma aha dawlada gaarka ah ee waqooyiga dhistay jaar ah oo walaalo ah oo is aqoonsada inaanu noqono ayaanu ugu baaqaynaa.”

Ka dib halkaa waxa ka hadlay Gudoomiyihii ururka SNM C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Tuur) waxaanu hadalkiisii ku bilaabay: “Sidaa uu idiin sheegay mujaahid: Ibraahim Meygaag Samatar galabta oo Burco la Joogo waxa uu golaha dhexe ee SNM go’aansaday in waqooyigu gooni isu taago oo uu samaysto dawlada madax banan, taasina ma aha wax ku kooban golaha dhexe ee waxa uu ka turjumayaa dareenka dadka ku nool waqooyiga waana la socoteen shirarkii u socoday dadka waqooyiga, ummaddii way shirtay waxaanay gaadheen talooyin waaweyn golaha dhexe ee SNM wuxuu isku raacay in waqooyigu gooni isu taago taas macnaheedu maha in colaad cadaadaw iyo calool xumo ay jirayso koonfur iyo waqooyi, waxaanu anagu diyaar u nahay maamulka golaha dhexe iyo ummadda waqooyiga ku nool in walaalahayaga koonfureed inaanu la yeelano cilaaqad wanaagsan oo walaaltinimo ah oo wax tar leh oo danahooda guud ahaaneed kawada hadli kara, anaga oo ah laba dal oo labaduba madaxbanaan-yihiin iyada oo ay dantu ku kalifayso inay wax badan iska kaashadaan iyaga iyo dawladaha kale ee aanu jaarka nahayba sidaas ayaanu anagu jecelnahay waxaanuna ka rajaynaynaa walaalahayaga koonfurta inay iyaguna sidaa u arki doonaan taas oo aan iyagana waxa dhibaato ah u lahayn, waxaan ilahay ka rajaynayaa in uu go’aankani noqdo mid waara” ayuu yidhi gudoomiyihii SNM, in yar ka dibna waxa la doortay dawladii ugu horeysay ee ay Somaliland yeelato iyada oo madaxweyne loo doortay C/raxmaan Axmed Cali (C/raxmaan Tuur) madaxweyne ku xigeenna loo doortay Xasan Ciise Jaamac iyadoo uu madaxweynuhu soo dhisay dawladiisii u horeysay oo ay ansixiyeen golihii dhexe ee SNM waxaanay kala ahaayeen:

Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Gaal) Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose.

Sh. Yuusuf Sh. Cali Sh. Madar, Wasiirka Arrimaha Dibada.

Ismaaciil Maxamed Hurre (Buubaa), Wasiirka Maaliyadda.

Xasan Aadan Wadaad-diid, Wasiirka Dib-U-Dajinta iyo Dib-U- Dhiska.

Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Gaashaan Dhiga.

Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi), Wasiirka Diinta & Cadaaladda.

Daahir Maxamed Yuusuf, Wasiirka Warshadaha & Ganacsiga.

Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timo Cad), Wasiirka Caafimaadka & Shaqaalaha.

C/raxmaan Aw-Cali Faarax, Wasiirka Waxbarashada Dhalinyarada & Ciyaaraha.

Cumar Ciise, Wasiirka Kaluumaysiga Horumarinta Xeebaha & Dekedaha.

Siciid Maxamed Nuur, Wasiirka Beeraha & Deegaanka.

Jaamac Rabiile Good, Wasiirka Qorshaynta & Horumarka.

Maxamed Cali Caateeye, Wasiirka Macdanta & Biyaha.

Mahdi Cabdi Amarre, Wasiirka Hawlaha Guud & Guryaynta.

Cismaan Aadan Dool(Quulle), Wasiirka Warfaafinta & Dalxiiska.

Yaasiin Axmed Cabdi-Nuur, Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

Maxamuud Cali Cabdi Bayr, Wasiirka Gaadiidka & War-Isgaadhsiinta.

Maalinta lagu dhawaaqay gooni isu taaga Soomaalilanad waxa warka ka akhriyey radio Hargeysa Weriye Xuseen C/Laahi Deeqsi waxaanu nooga waramay sida uu maalintaa dareenkiisu ahaa iyo jawigii guud eedalka ka jiray waxaanu yidhi:

“Waxay ahayd markii ugu horeysay ee anigoo war Idaacadda toos (live) uga akhriyaya aan helo jawaabta (feedback) ay ka bixiyeen isla wakhtigaa shacbigu.

Waxaanay ahayd markii ugu horaysay ee lagu dhawaaqo in Woqooyi gooni isutaago, samaystana dawlad madax banaan, taas oo shir ay isugu yimaadeen beelaha Somaliland magaalada Burco ee gobolka Togdheer lagu go’aamiyey.

7:30 fiidnimo ayaa warka idaacadda habeenimo aanu baahinay anigoo microphone fadhiya ka dib markii aan ku dhawaaqay madax banaanida Somaliland oo ahaa qodobka koowaad ee warka waxa isla markiiba, aan maqlay dhawaaqa xoogan ee rasaasta qoryaha kala duwan oo isaga dayaamaya ubucda iyo daafaha magaalada Hargeysa, waxa aan isweydiiye anigoo weli qodobadii kale ee warka sii wada waxa dhacay ee xadigan xad-dhaafka ah ee rasaasta ahi u dhacayso, markii aan dibadda uga soo baxay studio-ga ayaan ogaaday in damaashaadkii loogu riday rasaasta badan madaxbanaanida dalkan inay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac-ba leh ay geysatay, habeenkaas.

Waxyaabaha aan si aad ah u xusuusto waxa ka mid ah Idaacada xiligaas hadleysay oo ahayd mid xoogan, (Powerful transmitter), kaasoo awoodiisii ahayd 10 Kilowat, isla markaana saarneyd gaadhi guudkii, waxayna ahayd mid ciidamada SNM ay dalka ku qabsadeen, waxaana laga maqli jiray goobo aanay hore u gaadhin Idaacadda Hargeysa ka hadasha haatanse waxay u fadhidaa dayactirkeeda, oo adduunka laga waayey, laba jeer oo aan kala duwan ayaa la kala sheegay, oo kala ahayd madax banaanida woqooyiga iyo magaca uu yeelanayo dalku.

Sidaas awgeed inta aan magacan Somaliland lagu dhawaaqin waxa idaacadda aanu ku xidhiidhin jirnay “Halkani waa Hargeysa Radio Somali), hase yeeshee maalintii warka aan ku akhriyey in dalkan magaciisu yahay Somaliland ayaa hal-ku dhegii magaca Saldhiga Idaacadda ee Hargeisa waxa uu isbedelay kala-badhka warka ama dhextaalka warka oo la magacaabo Idaacadaha Soomaalida saldhiga aad ka hadlaysaa ka uu yahay, waxaana halkii ahayd “Hargeysa Radio Somali” ay noqotay, “Halkani waa Radio Hargeysa codka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Maalmaha soo socda ayaanu idiinsoo gudbin doonaa waraysiyo kala duwan oo ku saabsan munaasabada 18-ka may oo ay soo ururiyeen Xasan Xoosh iyo Maxamed Amiin oo katirsan Haatuf iyadoo uu sawirada mawduucan kujirana uu noo soo diray Cumar Cabdi Nuux oo jooga dalka Finland anagoo uga mahad naqayna dadaalka weyn ee uu arrintaa ka sameeyey iyo sida uu isugu hawlay inuu sawiradan nasoo gaadhsiiyo.

Top


“Haddii Muddadu Dhammaan Weydo Tartankuna Dhammaan Maayo,” Xubno Odayaal Ah Oo U Jawaabayay Guurtida.

Hargeysa (Haatuf): Barre Warsame Shire oo ka mid ahaan jiray odayaasha guurtida, Maxamuud Axmed (Dhoola-dahable) oo isaguna ah ganacsade iyo Cismaan Jaamac Guuleed oo dhamaantood ka mid ah odayaashii ka qayb qaatay nabadayntii beelaha Somaliland ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxayna odayaashanu dhaliil u soo jeediyeen xubnaha golaha guurtida, iyaga oo sheegay in gaadhay wakhtigii ay banayn lahaayeen kuraasta si ay dadku u soo doortaan cida ay doonayaan, maadaama laga baxay wakhtigii beelaha oo loo gudbay wakhtigii xisbiyadda.

Shirkaa jaraa’id waxa ugu horeyn ka hadlay Bare Warsame Shire oo sheegay kaalinta ay iyo doorka ay leeyihiin Golaha guurtidu, isaga oo sheegay in loo sameeyey golahan khilaafka soo kala dhexgala beelaha ay ka koobantahay Somaliland, isla markaana ay noqdaan kuwa soo dhexgala arrimahaas oo kale marka ugu dambaysa ee dadka kale waxba ka tari waayaan, laakiin intii aanu u gelin waxyaabaha uu ku dhaliilayo guurtida wuxu sheegay in markii ugu horeysay golahan la sameeyay, xiligii la joogay Qaaxa ee Halganka, waxaana wakhtigaa loogu talo-galay inuu ahaado rag isugu dhexjira madax-dhaqameedyo, la xulay oo ah kuwa dadka ugu caqliga wanaagsan, raggii hore ee mutacalimiinta ahaa ama madaxweyne hawlgab ha ka soo noqdo ama meel kale ha ka soo shaqeeyeene, inay halkaasu (Guurtida) noqoto halka ay hadhaw isugu noqonay dabadeedna ay noqoto halka dalka lagaga xalilo arrimihiisa, marka ay dhibaatooyin yimaadaan, laakiin waxa nasiib darro ah markiiba waxa isbedelay wajigii loo sameeyey, maanta marka la eego golaha guurtida, ma jirto cid ajande keeni karta oo golaha ka mid ahi.

Inkasta oo ay golaha ku jiraan rag badan, haddana waxaad moodaa in golaha kooxi iska maamulanayso, wuxuuna xusay Barre, in cida is-tidhaahda ajande keen ama la eryo, ama la yidhaahdo reerahoodii ha soo bedeleen, wuxuuna ku tilmaamay kooxdaas kuwa saaran buur dheer, oo ninka is-yidhaahda soo fuul, oo taladda dalka wax ku darso ama ka arrimi dhagxan lagu soo tuurayo, taasina ay keento inay bada ku darto dhagxanta lagu soo tuuray. Oday Barre wuxuu sheegay inay dadkeenu lahaayeen dhaqan lagu tixgeliyo odaytinimada, laakiin odayaashu waxay noqdeen lama canaantaan ayaa caanihii qubay, in badana waa lagu eegayey, waxyaabihii intii aynu dalka soo galnay ka dhacay, waa laga shaqeeyey, rag aan iyaga ahayn ayaa ka shaqeeyey oo u xaytay, wuxuuna tusaale u soo qaatay raggaa qaar ka mid ah oo ay qaarkood dhinteen Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee, wuxuuna yidhi “Raggii arrimihii ugu horeeyey u soo gurmaday waxa ka mid ahaa Sh. Abuu Bakar oo reer Boorama ah ala ha u naxariistee, Jaamac Maxamed, Suldaan Guray iyo odayaal kale oo reer Sool ah iyo kuwa gobolada kaleba ka yimid, aniguna waxaan ka mid ahaa ragga ilaa maalintaa ku jiray hawshan ee xog-ogaalka u ahaa mana jecli inaan ku sii gondo dego dhaliilaha faraha badan ee aanu ognahay ilaa maalintaa.

Barre wuxuu u soo noqday wakhtigan xaadirka ah golaha guurtida wuxuuna sheegay inay ku kala biireen axsaabtii iyo ururadii dalka laga aasaasay, balse markay ururadii tartamee ay ku kala fayleen saddexdii xisbi ee soo hadhay, waxaan u malaynayaa nin aan xisbi ka diiwaan-gashanayn waxa jira Sh. Ibraahim, isaguna markaa wuxuu u soo jeediyey canaa golaha guurtida, mar haddii xisbiyo la galayna guurtinimadii meesha way ka baxaysaa, raggii maanta waxyaabahan yar yar ee dhacaya wax ka qaban lahaana, waxay ku biireen ragga wax isku sheeganaya, sidaa awgeed maanta guurti inoo jirta oo inoo dhisani ma jirto.

Oday Barre waxa uu ku eedeeyey odayaasha guurtida turunturooyin ay u dhigeen dadka kuwaas oo uu yidhi “Waxa u dambeeyey kuwii maalintii dhawayd ay shirka jaraa’id ka qabteen, iyaga oo la hadlaya nin boqol talaabo u jira, ay ku canaanteen taa hala yeelo, halkii ay u tagi lahaayeen ee ay dadka isu soo dhaweyn lahaayeen ayey sii kala fogaynayaan, taasina waxay ka mid tahay turunturooyinka aanu sheegayno, anaga oo taa u arkaynay fadeexad iyo kala fogayn, dadka oo dhamina u arkeen, maantana mar haddii xisbiyo la sameeyey waxay ahayd inay saddexda xisbi isku yimaadaan oo ka hadlaan kordhinta golayaasha, oo ka tashadaan, maalmihii la kordhiyey waxay dadka ugu hanjabeen, haddaad sii had-hadashaan shan sano ayaanu u kordhinaynaa.”

Cismaan Jaamac Guuleed ayaa isaguna si kooban uga hadlay dhaliilaha ay u soo jeediyeen golaha guurtida, wuxuuna sheegay inay ahaayeen golahaasi golihii ummadda nabadgelyadeeda ka shaqayn lahaa, laakiin ay nasiib darro tahay in laga qaban kari la’yahay khaladaadkoodii, iyo magacyadii xisbiyadda oo ay qof ku sheegaan ama qof ku canaantaan, magaca guurti la yidhaahdaana waa kuwa guuriya (meesha ka saara) khaladka, balse maanta waxa nasiib darro ah in masuuliyadda dalka lagu kala gato, waan kuu kordhinayaaye ii kordhi, taasina waxay u egtahay mid aan lugooyadeeda laga baxayn, ninka maalin walba waxaa wadaana inuu cid canaanto maaha, miyaanu wakhtigoodu muddo ku xadidnayn, markay leeyihiin cid baa qaanuunka ogolaan weyday iyo waa la tartamay, haddii muddadu dhamaan weydo tartankuna dhamaan maayo, tartankana waxaba loogu talo-galay inta raggu ifka ku noolyahay inuu tartamo, laakiin muddadu wakhti bay leedahay, maanta waa mid u eedaysan guurtidu ummadda Somaliland 12-kaa sano waxa inaga dhimani. Waxaana laga la’yahay raggaa muddadii way naga dhamaatee meesha cid u soo dirsada, dadkana waxay ku yidhaahdaan haddaanu meesha ka tagno waa la is-dilayaa, mar walbana waxay u badanyihiin xagga xukuumadda dhisani jirto, sidaa awgeed ragga noocaas ahi maaha inay ummadda ay halkaa dhigeen maalinba makarafoon meel uga fuulaan.

Maxamuud Axmed Dhoola Dahable ayaa isna ka waramay kaalinta uu ku lahaa guurtida iyo aasaaskeedii, wuxuuna sheegay inuu ka mid ahaa raggii isku soo ururinayey ka hor intii aan dalka la soo galin wuxuuna yidhi “Nimankaa odayaasha waxaanu ku soo dooranay Cadaroosh, waxay maalintii dhawayd ka hadlayeena waxa ka duwan ayaa la iskugu keenay, waxayna ahayd wakhtigii dalka la inaga saaray, iyada oo ujeedada loo aasaasay ahayd inay isu keenaan dadka oo nabadeeyaan, isla markaana ay dhexgalaan wixii khilaafaad ah ee yimaaada, laakiin aanay ku ekaan arrintii loo sameeyey ee ay ku soo durkeen awoodii dalka oo ay kaga mid noqdeen maamulkii dalka, sheekhu meel kuma qorna sida Barre sheegay laakiin hadba halka awoodu jirto ayuu jiraa, X. Cabdi Waraabena isagaaba afkiisa ka qirtay, maantase tartan doorasho ayaa dhacday, tartankaana inay iyagu dibadda ka ahaadaan ayay ahayd, laakiin mar hadday xisbiyadda ku jiraan oo Cabdi Waraabe iyo rag kale golaha dhexe ee UDUB ku jiraan inuu haddana yidhaahdo oday dadka u dhaxeeyaan ahay, taasi maaha mid dadku liqayo, kolkaa waaanu leenahay meeshu Boqortooyo maahee 13 sano ayaad na haysateen’e Sool-na kuwii ereyey ee Garaadadoodii yaraystay idinkay ahaayeen, haddii aad tihiin odayaal talo wanaagsan oo si fiican u dhaqma dadku wuu idin daba gali lahaa, laakiin dadku maanta isbedel buu doonayaa, idinkuna marba awooda joogta ayaad ku dhegantihiin, sidaa awgeed waxaan leenahay dadku doorashuu u baahnaa idinkuna dib baad u celiseen korodhsiimo maalin walba ahna looma baahna, ee hadday Sool tagtay xagana way tagaysaa baad leedihiin’e ee xagani ma tagaysee doorashaa dadku u baahan yahay oo waa la kala badinayaa, ama kanaa badinaya ama kanaa badinaya.

Waxayna ahayd inaad noqotaan odayaal dadka u dhaxeeya oo xaqsoor ah waanad noqon weydeen, iyada oo ay ahayd inaad maalintii dhawayd labada dhinac-ba u tagtaan oo eegtaan faraqa u dhaxeeya, laakiin way noqon waydoo, waxaad tidhaahdeen hadduu hebel joogo iyo hadduu hebel joogo kaamaanaan hiilineen, laakiin waanu kaa hiilinoo ninkaasaanu kaaga hiilinay, oo daraf ah, waxanu waxay ahaayeen wax meel idiin yaala, sidaa awgeed waxaanu leenahay kaligiin waxgarad ma tihidin oo odayaal ma tihidin, ee meesha baneeya”.

Top


Ninkii Al-Qaacida Ugu Qaalisanaa Oo Lagu Sheegay Somaliya.

Nairobi (W.Wararka) - Ciidamada Britain, kuwa Maraykanka ee FBI iyo dambi-baadhayaasha Kenya ayaa la sheegay inay raadco ugu jiraan Faysal C/laahi Maxamed oo ah ninka lagu tuhunsan yahay falal argagixiso iyo inuu geystay isla markaana qorsheeyay qaraxyadii ka dhacay dalka Kenya. Ninkaas oo la sheegay inuu Saddex bilood kahor sameeyay weeraradii sanadkii hore laga fuliyay dalka Kenya iyo kuwii lagu qarxiyay huteelkii magaalada Mombassa iyo gantaalihii isla waqtigaa lagu riday diyaaraddii Israel lahayd ee isla waqtigaa ka duulaysay garoonka Mombassa bishii November ee sannadkii hore.

“Run ahaantii ninkaasi waa qofka ugu qaalisan ee aanu aadka u doonayno,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah ragga FBI-da ah ee qorshahan dabogalkiisa wada. FBI, waxay ninkan hore ugu doonaysay $40,000,000 (afartan malyuun) oo dollar, balse waxa la sheegay in haatan la kordhiyay oo laga dhigay $63 milyan oo dollar oo la siinayo ciddii keenta ninkaas, waxaanay sheegeen FBI-du inuu ninkaasi ka mid yahay ragga loo haysto qaraxyadii loo geystay safaaradihii Maraykanka ee Kenya iyo Tanzania sannadkii 1998-kii. Ninkani had iyo jeer si taxaddir leh ayuu uga baxsanayay qorshaha lagu doonayo in lagu qabto isagoo sheegay in gurigiisa koowaad yahay Comoros, balse waxay FBI-du sheegtay inay dabagalkiisa kasii raaceen iyagoo intaa ku daray inuu Imaaraadka diyaarad ku tegay kadibna kusoo noqday oo si hawl yar ama dhuumasho leh ku soo galay Geeska Afrika iyo waddamada Kenya la jaarka ah, halkaasoo la sheegay in Al-qaacida kusoo noqnoqonaysay muddo toban sannadood ah.

Warbixintaasi waxay sheegtay in ninkaas wadaadka ah uu dabo-yaaqadii sannadkii hore uu xaaskiisa ka qaatay halkii gurigiisu ku yaalay, isagoo soo maray magaalooyinka Kenya oo uu uga sii gudbay dhinaca Somaliya, waxaan la tuhunsan yahay inuu gabadh ka guursaday halkaasi maalmo yar kadib markii qaraxu dhacay.

Warbixinta ninkaas ee taala xarunta dhexe ee FBI, waxa lagu sheegay inuu ninkaasi ku hadlo luqadaha Faransiiska, Sawaaxiliga, Carabiga iyo Ingiriisiga, waxa kaloo la cadeeyay inuu leeyahay qaab wacan oo uu isugu bedbedlo lacagaha kala duwan mujtamaca dhexdiisa.

Sirdoonka Al-qaacida ee Kenya sida ay yidhaahdeen in toddobaadkan ay ku soo rogaal-celiyeen argagixisadu, kuwaasoo ay doonayaan inay Bariga Afrika ka fuliyaan hawlo argagixiso ah.

Madaxa xafiiska Kenya u qaabilsan la dagaalanka argagixisada ayaa sheegay inuu ninkaasi ahaa hoggaamiyihii weeraradii lagu qaaday Mombassa ilaa iyo waqtigaana ay ku daba-jireen.

40 Qof Oo Ku Dhintay Qaraxyo Laxaad Leh Oo Ka Dhacay Dalka Morooko.

Daaru-baydaa - Ugu yaraan 40 qof ayaa ku dhintay ilaa 100 qof oo kalena way ku dhaawacmeen kadib markii habeen hore ay qaraxyo ka dhaceen magaalada Daaru-baydaa ee dalka Morooko. Sida uu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha ee Marooko waxa uu ku eedeeyay weeraradaa inay ka dambeeyeen kooxo argagixiso ah oo ku xidhan ururka Al-qaacida, isagoo isku xidhay weeraradii toddobaadkii hore ka dhacay caasimadda Sucuudiga ee Riyaad, ciidamada Booliiska ee Morooko ayaana la sheegay inay gacanta ku dhigeen Saddex qof oo lagu eedaynayo inay ka dambeeyeen qaraxyadaasi.

Qaraxyadan oo lala beegsaday goobo ay reer-galbeedku ku leeyihiin halkaasi iyo kuwo ay leeyihiin kooxo Yuhuud ahi waxa la sheegay in toban ka mid ah kuwii weerarka geystay ay ku dhinteen, goobaha la weerarayna waxa ka mid ah Hoteel ay leeyihiin dad Isbaanish ah, iyadoo ay dadka dhimashada iyo dhaawaca ka mid yihiin dad badan oo ajaanib ahi.

Sida ay sheegeen dad goob-joog ahi, kooxaha qaraxa geystay waxay halkaa yimaadeen iyagoo xidhan dhar mad-madow iyagoo gawracay qofkii ilaalada ahaa kahor intii aanay qaraxa geysan.
Qaraxyadan waxa adduunyada looga soo jeediyay cambaarayn ballaadhan, iyadoo ay ka hadleen madax iyo hoggaamiyeyaal badan oo adduunka ka tirsan.

Top


Walter Sisulu Oo Lagu Aasay Dalka Koonfur Afrika.

Johannesburg - Walter Sisulu oo ka mid ah hoggaamiyeyaashii aas-aasay ururka ANC oo 5-tii bishan geeriyooday ayaa maalintii shalay lagu aasay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Aaskaas oo ka dhacay halkaasi waxa kasoo qaybgalay kumanaan kun oo reer koonfur Afrika ah oo uu horkacayo Nelson Mandela, madaxweynihii hore ee dalkaasi oo ay halgan dheer soo wada galeen Walter Sisulu isla markaana ay muddo 26 sanadood ah xabsi ku wada jireen, iyagoo ku jiray halgankii uu ururkii ANC kula jiray taliskii midab-takoorka ahaa ee dalkaa ka talin jiray. Waxa kale oo iyaguna aaskaa ka qaybgalay madax sare oo ka tirsan Dawladda iyo xisbiga ANC ee ka taliya dalkaa, sidoo kale waxa ka qaybgalay madax ka kala socota Afrika.

Walter Sisulu oo dhashay sannadkii 1912-kii, waxa isaga iyo Mandela la wada xidhay sannadkii 1963-kii, iyadoo lagu eedeeyay inay horkacayeen halgankii uu waday ururkii ANC.

Top


Dayaxa Oo Jimcihii Madoobaaday.

Habeenkii Jimcihii ayuu Dayaxu madoobaaday kadib markii la sheegay inuu dhulku isku gudbay. Dayax-madoobaadkas oo laga arkay qaaradaha Yurub, America iyo Afrika waxa la sheegay inuu bilaabmay 4:5 habeenimo isagoo dhammaaday 5:5 saacadda Afrikada Bari.

Sida laga war-qabo Dayax-madoobaadka oo u dhaca qunyar-qunyar waxa la sheegay inuu ka duwan yahay Cad-ceed-madoobaadka oo markiiba dhaca. Dad si fiican u arkayay ayaa ku qiyaasay in dunida badhkeed laga arkayay Dayax-madoobaadkan.

Mr. Robin Stagell oo ku xigeen ka ah Jamciyadda saadaasha cirka iyo hawada ayaa ahaa dadka ka hadlay dhacdadan isagoo sheegay inaan la saadaalin karin sida uu u dhacay, isagoo yidhi “wuxuu ku beegmay meel sare waann ka baqay wax kasta oo aad ku eegtana maad arkayn haddii aanay daruuri jirina waxa laga yaabaa inaad si fiican u aragto, maxaa yeelay wuxuu bilaabmay subax Dayaxu hoos u soo noqonayo.”

Dayax-madoobaadkan waxa la sheegay inay keentay Dayaxa iyo Dhulka oo is-weydaaranaya, iyadoo uu dhulku iskaga gudbay ifkiinka cad-ceeda.

Sheekh Maxamed Yuusuf oo ah xiddigyahanka wargeyska Haatuf uga warrama arrimahaas ayaa sheegay in toddobaadkii bishan uu xiddiga ama meeraha la yidhaahdo Mercury uu isku gudbay cad-ceeda. Sidoo kale, waxa uu sheekhu sheegay 6-da bisha June ee fooda inagu soo haysa inuu dhaco Dayax-madoobaad kale.

Top


Odhaahda Akhristaha: Xornimadii Somaliland Iyo Xuska Maanta.

18 May waa munaasabad wayn waxaana loo dabbaal degayaa sannad guuradii 12naad ee kasoo wareegtay dib ula soo noqoshada xornimadii Somaliland ee saqiirtay lixdankii.

26 Juun 1960kii bay ahayd markii Somaliland xornimadeeda ka qaadatay maxmiyaddii Ingiriiska oo maamulaysay muddo 76 sano ah. muddo 5 casho ah ayay Somaliland ahayd dawlad madax bannaan waxaana aqoonsaday 30 dawladood oo katirsan jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa.

MIDOW KU SHEEGII SOMALILAND IYO SOMALIYA

Koonfurta Somaliya oo uu gumaysanaayey Talyaanigu waxaa xornimadooda qaadatay 01 Luulyo 1960kii isla sannadkaas bay labada dal midoobeen.

Inkastoo midawgaas mad madaw badani ku jiro oo siyaasiyiinta labada dhinac iyagaan labada shacbi kala tashan ay ku dhawaaqeen inay midoobeen. Laba dawladood oo midoobayna maaha arrin hawl yar mana jirin wax heshiis ah oo labada dhinac dhex maray oo lakala saxeexday.
Waxaana loo walqalay magacii midowga labada dal ee Somaliland iyo Somaliya ee loogu magacaabay Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Somaliya.

Islamarkii la midoobay waxaa shacbiga Somaliland filayeen inay ka dhabeeyaan riyaddii ahayd in bulshada Somaliyeed ee degta geeska Afrika ay yeeshaan hal maamul oo qudha oo buuxisa baahida loo qabay in la helo dawlad Somaliyeed. Hasayeeshee riyadaasi markiiba waa dhici sawday waxaana caddaatay in walaalahooda reer Somaliya ay khiyaamiyeen bulshadii reer Somaliland oo ay xitaa ka duudsiyeen xuquudoodii shacabnimo una arkeen dabaqadda labaad ee Shacbiga. Taasoo aan loola dhaqmin sidii dad walaalo ah ee isu yimid ee loola dhaqmay dad waalan oo markay is xukumi kari waayeen isa soo dhiibay waxaana halkaas loogu baxshay magaca khaldaan oo macnihiisu yahay kuwii aan garanayn micnaha dawladnimada ee isa soo dhiibay. Waxaanay dad badani u arkaan in Somaliland eriday gumaysigii caddaa oo ay si voluntary ah u doonteen gumaysi cusub oo jiiraankooda ah.

Xagaagii 1961kii waxaa Somaliland loo codeeyey distoorkii qeexayey midnimada labada dal waxaana shacbiga Somaliland cod aqlibiyad ah ku diideen distoorkii qeexaayey midnimada labada dal, laakiin nasiib darro codkii shacbiga reer Somaliland lama dhegaysan ee waxaa la hadoodilay wixii loogu yeedhay midnimo ku sheegtaas. Taasoo aan u dhacin sifo sharci ah oo aan la hayn wax cad oo qeexaya midnimo ku sheegtaas . Dhammaadkii 1961kii waxaa saraakiil ka tirsan ciimada qalabka sida ee Somaliland ay dhigeen inqilaab. Inqilaabkaas oo fashilmay waxaa ciidamada qalabka sidaa doonayeen inay xoog kula soo noqdaan xornimadoodii saqiirtay ee raacday dabbaaldeggii xornimada Somaliya.

Waxaana xaqiiq ah in labadii dal ee Somaliland iyo Somaliya aanay waligoodba u midoobin sifo sharciya. Somaliland ay ahayd la haystayaal u xidhan dalkii walaalaha ahaayeen ee Somaliya.

AFGANBIGII SIYAAD BARRE IYO CURASHADII KACAANKA

Waxaana rajadii laga qabay midnimo ku sheegtaas sii god gashay 21 Oktobar 1969kii markii ciidamada qalabka qabsada uu hoggaaminaayo Mohamed siyaad Barre uu inqilaab aan dhiig ku daadan ku qabsaday dalka ee afduubay taladii dalka, taasoo muddo ka badan labaatan sanadood gacan bir ah ku hayay dalkii Somaliya oo ognahay waxa maanta ka xaasilka ah.

Mr. Siyaad Barre wuxuu joojiyey distoorkii dalka ee qeexayey midnimo ku sheegtaas, wuxuuna mamnuucay asxaabta siyaasadda. Wuxuuna markiiba xidhiidh sokeeye la samaystay dalkii midowga Soofiyeet si uu uga helo caawimo millateri.

Islamarkuu taloada qabtayba wuxuu Siyaad Barre guluf ku qaaday bulshada reer Somaliland gaar ahaana qabiilka Isaaqa oo hujuum u arkaayey oo markaas u badnaa dadkii hayey maamulka sare islamarkaasna gacanta ku hayey baaycamushatariga dalka, waxaanu ka ruqseeyey shaqooyinkii sare ee ay hayeen. Waxaanu xukunka ku teediyey qabiilkiisa oo xoolo dhaqato u badnaa si uu xukunkiisa ilaashado.

Intii intaas ka danbaysana waxaa Siyaad Barre isku hayey inuu talada kaligii isku koobo, waxaanu cabudhin iyo cagajuglayn kula dhaqaaqay bulshadii reer Waqooyiga ahaa.

Sannadkii 1977 waxaa siyaad Barre dagaal ku qaaday Itoobiya taasoo ujeedadu ahayd inuu ku mashquuliyo ciidamada qalabka sida oo uu ka baqday inuu xukunka ka qaadaan. Dagaalkaas oo sababay qasaare balaadhan oo labada dhinacba waxaa uu dhamaaday kadib markii ciimado shisheeye uu Ruush iyo Kuubaan ahi soo faragaliyeen dagaalkii lana soo safteen dhinaca Itoobiya. Arrintan oo sababtay in Somaliya ciidamadoodii kala soo noqdo Itoobiya.

Haddaba dagaalkaas oo maxsuulkiisu noqday hoos u dhac dhaqaale oo badan waxaa ay keentay in ciidamadii kasoo noqday dagaalka la dejiyo gobolada waqooyi, waxaanay shacbigii kula dhaqmeen si ban’adnimada kabxsan waxaanay boobeen hantidii qaranka, waxaanay dil iyo dhac kula dhaqmeen bulshadii reer Somaliland.

XUKUNKII MILLATERI IYO KACDOONKII BULSHADA

Bilawgii sideetanadii waxaa Somaliland ka bilawday kacdoon bulsho, waxaana loo badalay waqooyiga Mr. Mohamed Xaashi Gaani. Mr. Gaanni oo ahaa taliyaha qaybta lix labaatanaad waxaa oggolaansho loo siiyey inuu wuxuu doono ka sameeyo gobolada waqooyi. Waxaana waqooyiga Somaliya lagu soo rogay xukun milateri, bulshadiina wuxuu kula dhaqmay dil, xadhig, dhac iyo cagajuglayn. Taasoo dareenkoodii kicisay dadkii reer Waqooyiga ahaa oo sababtay inay ka horyimadaan xukuumaddii markaas talada haysay.

BILAWGII HALGANKII SNM IYO HADAMADII TALISKII BARRE
06 april 1981 waxaa magaalada London lagaga dhawaaqay xisbigii Dhaq dhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM) oo taageersanaayeen inta badan dadka reer Waqooyiga. SNM oo ahaa dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo lagaga soo horjeedo kaligii taliyo Siyaad Barre. Waxaa ujeedadiisu ahayd inuu dalka iyo dadkaba ka xoreeyo nidaamkii markaas dalka ka jiray. Waxaanu taliskii Siyaad Barre la galay halgan qadhaadh oo isugu jira dagaal siyaasadeed iyo mid millateriba.

Bilawgii sannadkii 1982 waxaa gobolada Waqooyi ka bilawday kacdoon shacbi oo ka danbaysay bishii febraayo 1982kii markii dilka lagu xukumay aqoonyahanno ka tirsan ururkii UFFO. Aqoonyahanadan oo isugu jiray macalimiin iyo dhakhaatiir waxaa ay wadeen hawlo samafal oo dalkooda wax ugu qabanayaan. Laakiin taliskaa markaas u arkay hujuum oo waxaanu xidh xidhay badankoodiina dil buu ku xukumay. Intaas ka dibna waxaa dhacay kacdoon shacbi oo ay bilaabeen ardaydii dugsiyada kana bilawday magaalooyinka waa wayn ee gobolada waqooyi.

Waxaana kacdoonkaasi sababay inay dalka ka baxaan aqoonyahanno iyo saraakiil badan kuna biiray xisbigii xornimo u dirarka ahaa ee SNM. Waxaana maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaayey halgankii shacbi ee lagaga soo horjeeday taliskii hore ee Siyaad Barre.

Sannadkii 1988kii waxaa kaligii taliye Siyaad Barre si kadiska heshiis ula saxeexday madaxweynihii Itoobiya Mr. Mingiste Hayle Maryam. Heshiiskaas wuxuu doonaayey Siyaad Barre inuu ku wiiqo halgankii qadhaadhaa SNM ee kaga soo horjeedeen taliskaas isaga ah. Ciimadii SNM waxay weerar ku qaadeen fadhiisimadii ciidamadii Siyaad Barre ee magaalooyinka waaweyn ee gobolada waqooyi gaar ahaana Hargeysa iyo Burco. Dagaaladaas waxaa SNM kasoo hoysay guulo balaadhan.

Haddaba taliskii Siyaad Barre markuu u babac dhigi kari waayey dirirtii SNM wuxuu guluf aargoosasho ah galaa baxshay shacbigii masaakiinta ahaa ee aan waxba galabsan ee deganaa gobolada Waqooyi. Laanta xuquuqda aamiga ee African Watch waxay ku qiyaastay in intii udhaxaysay sannadkii 1988-1989 uu talisku ku xasuuqay dad shacbi ah oo ka badan 50, 000 qof. Halka kumanaan kalena ku dhaawacmeen, inkaloo badinina waxay u barakaceen waddamada jiiraanka iyo daafaha dunida.

Markii la gaadhay bilawgii sagaashanaadkii waxaa sii yaraanaysay awoodii dawladda waxaanay isugu ururtay magaaladii madaxdii Muqdisho oo kaliya. Waxaana dhinaca koonfurta ka bilawday dhaq dhaqaaq siyaasadeed iyo gadood shacbi oo horseed ka ahaayeen xisbiyadii USC iyo SPM oo ay wadashaqayn jireen xisbigii SNM.

BURBURKII TALISKII SIYAAD BARRE IYO DIBU SOO NOQOSHADII QARANIMADA SOMALILAND

Dhammadkii bishii Jannaayo 1991 bay ahayd markuu dhacay maamulkii Siyaad Barre, taasoo dhammaan gobolada waqooyi ay gacanta ku dhigeen ciidamadii SNM.

Isla markay SNM dalka qabsatay waxaa ay isku dayday kuna guulaysatay inay heshiisiiso beelihii walaalaha ee reer Somaliland ee uu iska horkeenay taliskii hore ee Siyaad Barre, waxaana bilawday shirar dibuheshiisiin iyo turxaan bixin ah oo ka dhacay Berbera iyo Burco.

Ugu danbayna 18 May 1991 shirkii dibuheshiisiinta beelaha Somaliland ee ka dhacay magaalada Burco ayaa dhammaan beelaha Somaliland go’aansadeen dibusoo noqoshada qaranimada Somaliland. Taasoo ay dhabawday riyadii shacbiga Somaliland in mar qudha dib ula soo noqdaan qaranimadoodii luntay.

Haddaba Somaliland oo hadda laba toban jirtay loona dabbaal degaayo qaranimada Somaliland. Muddadii ay Somaliland goonida u taagnayd waxaa ay gaadhay horumar ballaadhan oo la taaban karo. Somaliland waxay leedahay laba gole, golaha wakiilada iyo ka guurtida waxaana ka dhacay doorashooyin is daba jooga sida kii degaanka iyo kii madaxweynaha oo dhammaantood u dhacay si xasiloon oo soo jiitay indhaha caalamka, inkastoo dhinaca xisbiyada dhexdooda ay kasoo yeedhayso eedaymo farabadan iyo waxyaabo la tabanayo oo aan u dhicin sidii la filaayey taasoo ay keenayso khibrad la’aanta aan u leenahay doorashada noocan ah. Waxaana Somaliland ka guuraysaa hab siyaasadeedkii ku dhisnaa qaab beeleedka waxaanay u guuraysaa habka asxaabta badan. Somaliland waxay leedahay saddex xisbi oo qaran oo leh afkaar siyaasadeed oo kala duwan, laakiin waxaa ururadu iskaga mid yihiin danta guud ee ku aadan jiritaanka qaranimada Somaliland, horumarka iyo dhismaha dalka.

Doorashooyinka ka dhacay Somaliland waxaa ay u tahay guul usoo hoyatay geeska Afrika iyo dhammaan qaaradda Afrikaba, waxaanay baal dahab ah u furtay bulshada afsomaliga ku hadasha ee deggen geeska Afrika oo aan iyaga laga filayn horumarka deg deg ah ee ku dhaqaaqday Somaliland.

Waad mahadsantihiin.

Cabdi Cabdillahi Xasan, London

Top


Waxaad Moodaa Inaanay Dalka U Dhalan.

Waxa maalin walba kaa ag toosa dad farabadan oo lagu qiyaasay boqolaal qof oo isugu jira dad dantu ka yeeshay inay noqdaan sidii qof waalan, iyo dad aan maskaxdoodu dhammayn oo jirran, haddaba muwaadin miyaanad ogayn inuu adiga xil kaa saaran yahay dadkaasi, waxaad dareemi kartaa marxaladda uu dalkeenu marayo, qof walbana waa mas’uul, midda kale waxaan dhaliil u soo jeedinayaa Dawladda gaar ahaan hay’adda u qaabilsan oo ah wasaaradda caafimaadka iyo shaqada oo weliba kaaga sii darane noqotay meel sida sayladda xoolaha ay dilaalo usoo shaqo-tagaan, waxa taa u daliil ah iyadoo qofka dhaawaca ah lagu odhanayo intaa bixi haddii kale ka saar meesha iyo iyadoo qofka la geeyo jeel magnuunka oo aad bixinayso deebaaji, iyadoo markay kaa dhammaatana Haddaad isla markaaba geyn weydo laguu soo daynayo, Magaaladana uu soo dhexgalayo isagoo sil-siladiisii jiidanaya.

Isku soo wada duuboo waxaan bulsho-weynta Somaliland ee sharafta mudan u soo jeedinayaa inay fadhiga ka kacaan oo ay wax u qabtaan dalkooda iyo dadkooda.

Mustafe Cabdi Yoonis

Top


Gudoomiyuhu Isma Yeel-Yeelayo.

“Tixraac wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii soo baxay 16-kii 05, 03 waxaam leeyahay haddii ay tifaftirayaasha Jamhuuriya la yaabeen, warsaxaafadeedkii gudoomiyaha wakiiladda ee uu kaga jawaabayey beentii uu wargeysku ka faafiyey waxaa iyana yaab yaabkiis ah qoraalka aflagaadada ah ee uu ay ugu jawaabeen gudoomiyaha.

Marka hore gudoomiyuhu magac saddexan ayuu leeyahay, sidaa darteed waa ixtiraam darro inuu wargeysku isticmaalo naanaystiisa oo kaliya.

Mar labaadka gudoomiyuhu isma yeelyeelayo waxna si kama aha, hadalkaas oo uu wargeysku qoray na waa aflagaado qaawan, oo aan geedna loogu soo gaban.

Ta saddexaad sida wargeysku qoray gudoomiyuhu ma kala garan waayin farqiga u dhaxeeya fikradda wargeyska iyo fariinta, akhristayaasha, balse waxaad moodaa inay iyagu garan la’yihiin akhristaha been abuurka soo qora, iyo wargeyska faafiyaa, inay cadaaladda horteeda isku kiis yihiin, sharcigana isku si loola tiigsanayo.

Waa run oo wargeysyadu xaq bay u leeyihiin inay gutaan xilkooda dastuuriga ah iyo kooda saxaafadeed, laakiin dastuurku uma fasaxayo inay faafiyaan, aflagaadada iyo been abuurka lagu dhaawacayo sumcadda madaxda iyo muwaadiniinta kaleba.

Ugu dambayn waxaan xasuusinayaa inaanu gudoomiyuhu ahayn nin wax loogu sheegi karo sida aad wax ugu sheegaysaan. Sidaas darteed awrkiinu ha idin qaado.

C/Qaadir Maxamuud xasan, Hargeysa.

Top


Garta dhaqanka iyo xeerarka Somalida Waxa qoray Cabdi Caara-dhuub.

Abwaanka la odhan jiray Cabdi Iidaan ayaa ka mid ahaa raga suugaanta kaga hadlay garaha dhaqanka iyo arrimaha la xidhiidha, wuxuuna gabay uu tiriyey ku yidhi “Muduc iyo Mudaacalay, haddii laysu kala miidho, markhaatiga safka ah deedefaa lagu maquunshaa.”

Run ahaantii rag badan oo suugaanta kaga hadlay garaha iyo dhaqamadeeda, laakiin halkan kuma soo koobi karno, waxaana tusaale inagaga filan inta aynu soo xusnay. Hase yeeshee garaha dhaqanka iyo xeerarka Soomaalida waxay had iyo goor ku fadhiyi jireen micne iyo xikmad wax ku ool ah, isla markaana Soomaalidu aad bay isaga Ilaalin jirtay, garta eexo, taas darteedna dhif iyo naadir ayey dhici jirtay gar eexo, taasina waxay reebi jirtay naanayso iyo dheg-xumooyin aan hadhin oo taariikhda gala.

Waxay ahaan jireen kuwo ay ixtiraamaan, kuna dhaqmaan, beesha ama beelaha dhigtay, waxaana la arki jiray xeer ama boon la dhigtay maalin ay wax dhaceen ama ay laba qolo wax dhexmareen, oo lagu dhaqmayo 30 sanadood ama 50 sanadood, balse maanta xeerka ama boonka la dhigtaa maalinta la saxeexo maalinta ku xigta ayaa la jebinayaa ama cidiba ku dhaqmi mayso, taasina waxay muujinaysaa sida uu u sii dabargo’ayo hiddo samihii dhaqankeenu. Laakiin anigu waxaan ku talinayaa in la nooleeyo, lana soo celiyo xikmaddii uu xanbaarsanaa.

Ugu dambayn akhristayaasha sharafta leh ee bogaga wargeyska Haatuf kala socday waxaan xasuusinayaa in garta dhaqanka iyo xeerarka Soomaalida wixii aan ka iqiin ay yihiin inta aan ka soo sheekeeyey, sidaa awgeed wixii aan dhaafay ee ka dhiman kuma ceeboobo, cidii taqaan ayaana inoo sheegaysa.

Sidoo kale waxaan ka cudur daaranayaa haddii ay jiraan waxaan aan xumeeyey ama iga qaloocsamay uma jeedin wax xumee, waxaanse u dhaafayaa cidii xikmad aan si u qoray, ama uga hadlay ama aan qalday u haysa, si ka duwan ama sidoo kale ciddiii jecel inay wax ku kordhiso, sida: maahmaaho, gabayo, iyo suugaan kaleba ama haysa dhacdooyin iyo xikaayado la xidhiidha garaha dhaqanka iyo xeerarka Soomaalida waan ku marti qaadayaa mawduucan, aniga oo ku talo jira inaan mawduucan garta dhaqanka iyo xeerarka Soomaalida ka sameeyo buug, sidaa darteedna cidii arrintaa wax ku kordhinaysa waxaan jeclaan lahaa inay ila soo xidhiidhaan oo ay xikmadooda igu kordhiyaan, ama haddii kale ay la xidhiidhaan xarunta Wargeyska Haatuf iyo qorayaasha iyo madaxda Haatuf.

Dhamaad.

By C /Salaan Maxamed Xirsi (Ina Caara-Dhuub).

Top


JILBO-DHIIG: Waxa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale.

Biixi Iyo Xayaad habeenkaa waxay u hoydeen tuuladdii, waagii beryeyna waxa labadoodiiba quraacisay gabadhii ay Biixi ilma-adeerka ahaayee, ee tuuladda deganayd, sidoo kale maalinimadiina way u hadhimo karisay.

Biixi iyo Xayaad maalintaa galinkeedii hore waxay joogeen tuuladdii, isla markaana may yeelayn sheeko badan oo ay ku mashquulaan, waayo afar caano-maal oo uu baabuurku kabaha dhiidhiga leh kula jiray ayey aad u kala ciil-bexeen, taas darteedna waxay tuuladda soo galeen, iyaga oo dhinaca sheekadda wabax ka ah, balse wuxuu hadda qalbigoodu u hamuumayaa sidii ay halkaa uga sii dhaqaaqi lahaayeen, oo ay jacaylkoodii baaliday boodhka uga jafi lahaayeen.

Biixi iyo Xayaad waxay ku heshiiyeen inay Biixi reerkooda oo yaal miyi waxoogaa u jira tuuladda, taas oo uuku talo-galkoodu yahay inay habeen reerkaa u soo hoydaan, ka dibna ka soo noqdaan.

Goor ay casar dheer tahay ayey Biixi iyo Xayaad tuuladdi ka caraabeen, iyaga oo tuurta ku sita waxoogaayo miis-miis ah, oo sonkor iyo timiriyo alaabooyin yar yar oo kale iskugu jira, waxayna tahay sababtaay goor hore magaalada uga soo caraabeen waxay doonayeen inay guriga tagaan intaay qoraxdu soo jeeddo.

Biixi iyo Xayaad intii ay sii carawsanaayeen, waxa u socotay bahal sheeko ah oo halaasi ah, waxayna Xayaad iyo Biixi galabtaa u ahayd galab wanaagsan iyo jawi farxadeed, laakiin galabtaa qorshaha ay reerka ula tagayaan iyo sida ay arrintooda ugu bandhigayaan, waxaanaa ka mid ahaa hadaladii ay galabtaa is-dhaafsadeen:

Biixi Walaal odayga aabahay iyo islaanta hooyaday labaduba waxay igulaa taliyeen inaan degmada miyiga gabadh ka guursado, oo aan barbarkooda ku furo, waayo markii aan dhibaato ka bixi-waayey, ayey magaaladiiba cuqdad u qaadeen, dabadeedna waxay doonayaan inaanan mar dambe ka fogaan oo xataa haddii aan magaalaada qabto ay noqoto magaalo aan ka fogayn oo marka an ka maqanahay ay warkayga maalin walba heli karaa. Laakiin haddii aan dhoof iyo socdaal dheer la soo hadal qaado way ka naxayaan, balse anigaa qancinaya.

Xayaad : Walaal Maadaama ay waalidkaa ra’yigaa caynkaas ah qabaan, anigu waxaan ku odhan lahaa ha u sheegin wax ay ka naxaan, isla markaana mar dambe ha ku dhaqaaqin wax ay dhibsadaan, ama aanay raali ka ahayn, waayo haddii marar hore oo dhawr ah ku dhaqaaqday waxyaalo aad adigu go’aansatay, dhibaatona, aad la kulantay, maanta si ay kaa raali yihiin mooyaane si kale ha yeelin.

Biixi: Laakiin walaal sidee baynu isu waafajin karaynaa arrimaheena, iyo raali gelinta waalidka. Waayo arrimaheenu waxay ku xidhanyihiin magaalo, adigunaa waadigan Ingiriiska jooga.

Xayaad : Walaal taasi shiddo weyn malaha, arrimaheenana meesha aynu doono ayeynu ku dhamaysanaynaa, laakiin waxa muhiim ah inaanay arrinteenu mar dambe dhicisoobin, isla markaanaa aaynu ka suurta-gelino meel alaale meesha ay suurta galayaan, duruuf kastaa oo inaga hortimaadanaa waa inaynu u dul-qaadanaa, wax kasta ooinasoo dersana aynu si fiican uga fekernaa, maantana waxaan doonayaa in wax kasta oo inaga horyimaada aanaay arrinteenu walaac iyo mooral-jab ku keenin, waayo wax kasta rabitaankeena ayaa ka weyn.

Biixi: Waa si fiican, waalidkana anigaa qancinaya, arrimahenana hadhaw baynu is-waafajinaynaa.

La Soco.

Top