Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 336 May 20, 2003

BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Istaag! Nalka Dami, Ka Gudaha Daar.

“Waxaynu Eegi Doonaa Waxa Uu Rayaale U Yaqaano Dawlad Tayo Leh”,
Waraysi Khaas Ah, Faysal Cali Waraabe (Guddoomiyaha Xisbiga UCID).

Dhaq-Dhaqaaqa Gaadiidka Magaalada Hargeysa Oo Xalay Xayiraad Lagu Soo Rogay; Haweenay Uur Leh Oo Laga Keenay Cusbitaalka Edna Ayaa Ka Mid Ahayd Dadkii Laga Rogay Gaadiidka.

“Xadhiga Ku Simaha Guddoomiyaha Jaamacaddu Wuxuu Ahaa Mid Xaq-Darro Ah”, Qareen Fawsi.

Sindiko Oo Wareejiyay Xilka Gudoomiyenimada Ciyaaraha Bariga Iyo Badhtamaha Afrika.

Xarunta Dr. Jimcaale Oo Cambaaraysay Dilka Muqdisho.

Madaxweynaha Kenya Oo Martiqaadaya C/Qaasim Salaad.

Burco Oo Shalay Laga Xusay Munaasibadda 18-Ka May.

Dalalka Yurub Oo Lacag Ugu Deeqay Ladagaalanka Miinada Ee Somaliya.

Falastiiniyiinta Oo Fuliyay Hawlgalo Cusub Oo Isbiimayn Ah.

Ciidamada Indooniisiya Oo Hawlgal Miletari Ka Bilaabay Gobolk Aajee.

Dadweynaha Reer Ciraaq Oo Isugu Soo Baxay Mudaharaado Ay Ku Diidan Yihiin Ciidamada Maraykanka.

Itoobiya Oo Ciidamo Nabad-Ilaalin Ah U Dirtay Dalka Burundi.

Daadad Khasaare Weyn U Geystay Dalka Siri-Lanka.

Qurbaha - Xaaladda dhaqaale ee Soomaalida Maraykanka, Qore: Abdisamad Mohamed.

Doorashoyinkii Tognaan iyo Tabnaan waa Iyama?

Waxaynu U Codaynay In Cadaalad La Helo.

Dalalka IPF oo Kulan Isugu Yimid.

New-Delhi, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti Mudane Ismail Omer Geele Iyo Wafti.

Jilba Dhiig.

Ma Qaloocshe.


BADHEEDHAHA WARGEYSKA: Istaag! Nalka Dami, Ka Gudaha Daar.

Tan iyo wixii ka dambeeyay ku dhawaaqistii natiijadii ku meel-gaadhka ahayd ee doorashadii madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa soo siyaadayey falalka ku lidiga ah xorriyadaha distooriga ah sida xoriyadda dhaq-dhaqaaqa, taas oo muddooyinkan dambe si buuxda looga dareemayay qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland siiba caasimada Hargeysa, iyada oo aad arkayso kol haddii qoraxduba dhacdo askar hubaysan oo wadooyinka tuban oo baadhaya wixii dad iyo gaadiidba ah ee ay arkaan, waxaanay dadka gawaadhida wata inta badan ku yidhaahdaan erayo ay ka mid yihiin “waa la seexanayaa” iyo “mar dambe ha soo noqonina haddii kale gaadiidkaa la idinka dhigi doonaa.” Kaaga darane haddii aad is tidhaahdo bal askarta weydii sababta ay dadka u joojinayaan una baadhayaan, kama helaysid jawaab ku qancisa oo aan ahayn inay amar ku qabaan inay sidaas yeelaan.

Dabcan wadamada kaleba waxa mararka qaarkood dhacda in bilaysku ay kontoroolo dhigtaan wadooyinka. Laakiin tallaabadan oo kale waxa lagu kacaa marka lagu daba-jiro cid fal-dambiyeed geysatay, ama rabta inay geysato oo markaas laga hortegayo.

Hase yeeshee, tallaabada noocan ahi maaha mid fudud oo cid walba ay go’aaminteeda awood u leedahay, mana dhici karto in xayiraad lagu hakinayo dhaq-dhaqaaqa la go’aansado iyada oo ay jiraan asbaabo culus oo la xaqiijiyey mooyaane.

Haddaba, inkasta oo distoorka u dejisan dalka Jamhuuriyadda Somaliland u kafaalo-qaadayo xoriyadaha aas-aasiga ah ee dadka, haddana dawladddu si hawl-yar ayay ug xad-gudubtaa sharciga mar alaale markay doonto.

Waxaana tusaale u ah xayiraadda ay ayaamahan dambe ku soo rogtay dhaq-dhaqaaqa dadweynaha ee magalooyinka qaar dhexdooda, iyada oo aanay jirin sabab kalliftay, falalkaas oo dadku si nugul uga damqadaan si dhakhso ahna ugu sifeeyaan hagar-daamooyinkii ku dhici jiray xilligii dawladdii Faqash.

Waxa kale oo la caadaystay in qofka la iska xidho isaga oo aan wax dembi ah lagu hayn ama la curyaamiyo dhaq-dhaqaaqii gaadiidka isaga kala gooshi jiray daafaha magaalooyinka sida Hargeysa ka dhacday gelinkii hore iyo gelinkii dambe ee 18-kii May oo halkii ay dadku iyaga oo faraxsan xusi lahaayeen munaasibaddaas qaaliga ah ay la kulmeen hatigaad iyo bad-xidhan xagga gaadiidka ah siiba basaska ay danyartu isticmaasho. Sidaas ayaanay weliba dadka badankiisu wax ka ogayn wixii ka dhacay xafladdii lagu qabtay qasriga madaxtooyada dhexdiisa cawaysinkii habeen hore halkaas oo falal badraanimo leh oo laga khajilo ay ka dhaceen habeenkaas.

Haddaba dadku siiba kuwa caasimadda ku dhaqani waxay inta badan ayaamahan isweydiinayeen Madaxweyne Rayale ma isaga aya ka mabsuud ah xayiraadaha ay xukuumaddiisu kolba ku soo rogayso xoriyadaha distooriga ah mise arrintu ma dhaafsiisna mashruuc lagu abuurayo xaalado aan jirin oo ay wasiiradiisa qaarkood dabada ka wadaan? Haddaba jawaabtu dhinaca ay doonto ha u dhacdo’e waa mid dhawaan soo shaac bixi doonta.

Top


“Waxaynu Eegi Doonaa Waxa Uu Rayaale U Yaqaano Dawlad Tayo Leh”,
Waraysi Khaas Ah, Faysal Cali Waraabe (Guddoomiyaha Xisbiga UCID).

Hargeysa ( Haatuf) Gudoomiyaha xibiga UCID,Faysal cali waraabe ayaa sheegay inay maalmaha soo socda kala cadaandoonto xukuumada uu madaxweyne Rayaale ku balanqaaday ee tayada leh marka uu madaxweynuhu soo dhiso xukuumadiisa cusub,sidaana wuxu faysal ku sheegay waraysi uu siiyay weriyayaal ka tirsan Haatuf oo maalintii doraad wax ka weydiiyay sida uu u arko siyaasada S/land shanta sanadood ee soo socda, laakiin gudoomiyaha UCID,waxa kaloo uu ka hadlay mudakordhi ntii labada gole ee baarlamaanka dhowaan loo sameeyay oo ay axsaabta mucaaradku ku tilmaameen mid aan sharciga waafaqsanayn oo labada gole ku cimri dherer sanayaan sidii ay ugu sii fadhiyi lahaayeen kuraasta,wuxuuna muda kordhintaa ku macneeyay mid aan cilmi ku fadhiyin,islamarkaana ka hor imanaysa hadafkii iyo ujeedooyinkii ay lahaayeen dadka reer s/land. Gudoomiyaha UCID,Faysal cali waraabe, wuxu isagoo arrintaa ka hadlaya, yidhi “ kordhiska Baarlamaanku wuxu ahaa, kordhis aan cilmi kufadhiyin, sababna aan ku fadhiyin.”

Mr Faysal, wuxu intaa ku daray in halkii la doonayay in laga baxo ha'yadaha ku dhisan beelaha ay nasiib daro tahahay in loosii cimri dheereeyo, taasoo ka hor imanaysa hadafkeenii iyo fekerkeenii ayuu yidhi. Faysal waxa kale oo uu ka hadlay xukuumada tayada leh ee uu madaxweyne Rayaale sheegay inuu soo dhisayo, markii dhowaan loo dhaariyay xilka shanta sanadood ee soo socda, wuxuuna Faysal isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ waynu eegi waxa uu madaxweyne Rayaale u yaqaan xukuumad taya leh.”

Top


Dhaq-Dhaqaaqa Gaadiidka Magaalada Hargeysa Oo Xalay Xayiraad Lagu Soo Rogay; Haweenay Uur Leh Oo Laga Keenay Cusbitaalka Edna Ayaa Ka Mid Ahayd Dadkii Laga Rogay Gaadiidka.

Hargeysa (Haatuf) Magaalada caasimada ee Hargeysa,ayaa xalay la adkeeyey dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, waxaana ay ciidamada amaanku dadka ka reebayeen gaadiidka ay wataan, islamarkaana waxa la xanibay gaadiidkii u kala soconayay xaafadaha magaalada, weriyayaal ka tirsan Haatuf oo xalay fiidkii booqday saldhiga dhexe ee hargeysa ayaa sheegay inay halkaa ku arkeen baabuurta oo ay ciidanku dadka ka dhigayaan iyadoo aan waxba la weydiinayn, waxayna weriyayaashu la kulmeen dad maata ah oo halkaa lagu cadibay, iyadoo ay qaarkood ka yimaadeen cusbataalo lagu eegayay xaaladooda caafimaad. Dadkaa waxa ka mid ahaa Fu,aad c/laahi ciise oo waday xaaskiisa Nafiisa maxamed xuseen oo ah haweenay uurle , watigaana laga keenay, ADNA HOSPITAT,oo lagusoo baadhay xaaladaeeda caafimaad, laakiin ay ciidanku ula dhqmeen si aan waafaqsanayn sharciga, kadib markii ay ka dhigeen gaadhi landcuruser ah oo ay wateen, waxayna ciidanku dheg u dhigiwaayeen dhawaaqii dadka maatada ah, “aniga ha iila dhaqmin sidii faqashta ee sabab sharci ah ii sheeg”.

Laakiin markii danbe waa la siidaayay ninkaa iyo haweenydiisa, waxa kaloo iyana jiray gaadiid badan oo ay wateen qaarkood madax dhaqameedyo sare,wasiiro iyo dadkale oo ka kooban qaybaha bulshada oo iyagana laga reebay gaadiidkii ay wateen,waxaana dadkaa ka mid ahaa suldaan maxamuud guuleed oo laga reebay gaadhigii uu watay, waxa isna gaadhigii uu watay laga reebay wasiirka xanaanada xoolaha balse markii danbe la sheegay in la sii daayay gaadiidka qaarkood,waxa kaloo xalay ay wararku sheegeen in gaadiidkii u bixi lahaa dhinacyada galbeedka iyo barigaba hargeysa lasoo celiyay, laakiin masuuliyiinta xukuumadu oo uu xalay H aatuf isku deyay inuu wax ka weydiiyo arrimahaa uma ay suurta gelin, mana jirin wax tafaasiil ah oo ay xukuumadu kasoo saartay sababaha keenay bandowda habeenadii u danbeeyay magaalada hargeysa, iyadoo ay habeenadii u danbeeyay dadku dareemeen culays kaga imanayay dhinaca xukuumada, kaasoo dadka xusuusiyay hab dhaqankii xukunkii milateriga ahaa ee askartii siyaad bare waqtigii sideetanaadkii.

Top


“Xadhiga Ku Simaha Guddoomiyaha Jaamacaddu Wuxuu Ahaa Mid Xaq-Darro Ah”, Qareen Fawsi.

Hargeysa (Haatuf):- “Falkii ka dhacay jaamacada ee lagu xidhay ku simaha gudoomiyaha jaamacada Hargeysa ahna Maamulaha Jaamacada C/raxmaan Axmed Shunuuf, waxaanu ahaa mid aan loo soo marin sifo sharci ah” Sidaa waxa yidhi Qareen Fawsi Sh. Yuusuf oo ka tirsan sida uu sheegay ururka Xuquuqda Aadamiga ee bariga afrika oo ay goob joog ka ahaayeen isaga iyo qareen kale oo layidhaa C/raxmaan Ibraahin Caalin dhacdadii lagu xidhay ku simaha Gudoomiyaha Jaamacada maalintii Axadii ee todobaadkan, isaga oo ka hadlaayey sida ay arintaasi u dhacday mar uu u waramaayey wariye ka tirsan Haatuf.

Isaga oo arintaa faafaahin ka bixinaaya waxa uu yidhi: “ Jaamacadda ayaanu tagnay maalintaa arintu dhacday waxaanuna ugu tagnay askar haysata xafiiskii gudoomiyaha jaamacadda oo uu joogay ku simaha gudoomiyuhu, waxaana askarta watay taliye saldhig boolis, hadalkii oo ka taagtaagan ayaanu xafiiska ugu galnay taliyihii ciidankaa watay ayaanu markaa su’aal waydiiney waxaananu waydiinay inuu sito wax waaran ah oo sharci ah oo uu mas’uulkan ku kaxaysaan, maya ayuu yidhi sidoo kale waxaanu waydiinay wax kiis ah oo danbi ah maad u haysaan taana maya ayuu yidhi, markaa waxaanu ku nidhi hadii aanad midna sidin siday ku dhacaysaa inaad xidho waxaanu noogu jawaabay aniga amarbaa la i soo siiyey ah bilaa waaran ku soo kaxee, sidoo kale waxa uu noo sheegay inuu wasiirka wax barashadu meesha yimid oo uu amar bixiyey, amarkaas oo ahaa in la xidho maamulaha jaamacada siina hayey gudoomiyaha jaamacada,” ayuu yidhi isaga oo intaa ku daray inaanu wasiirku ku jirin gudida jaamacada amarkaana aanu bixin Karin sharcina aanu ahayn marka loo eego laba arrimoodba oo kala ah:

Waa marka hore eh jaamacada ma maamulo mana hoos timaado wasaaradda waxbarashada.

Mar labaadkana wuu dhamaaday xiligii ay dawladu sharciyan jirtay, oo ku eekayd 15 May 2003 marka laga reebo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo ay dadku si sharci ah u soo doorteen.

Balse taliyihii ciidankaa watay waxa noo sheegay inuu tix-galiyey amarkii la soo siiyey “Laakiin mar hadii sifo sharci ah loo soo marin waxaanu u aragnaa mid xaaraan ah oo aan sharci ahayn,” ayuu yidhi Qareen Fawsi.

Waxaanu intaa ku daray in qabashada mas’uulkaasi inuu qas rabshado ka dhalin gaadhay jaamacada, iyada oo ay ardaydu buuq sameeyeen isaga oo sheegay inay haatan ku hawlan yihiin sidii ay jaamacada ugu samayn lahaayeen xeer iyo sharci iyaga oo arinkaa ka caawinaaya maamulka jaamacada.

Marka la waydiiyey qareenka in gudida jaamacadu ay xilka ka qaadi karaan gudoomiyaha jaamacada waxa uu yidhi “Gudoomiyaha Jaamacada Cali Qaadi waxa digreeto madaxweyne ku soo magacaabay madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal, markaa gudida jaamacadana sharcigoodu ma dhama oo anaga ayaa gacanta ku hayna imika si aan u dhamays tirno marka qaabka sharci ee loo dhigo ayey taasi ku xidhan tahay, laakiin hada ma haystaan sharci ay wax ku badalaan” Ayuu yidhi Qareenku, waxaanu waraysigani ka danbeeyey markii maalintii Axadii la xidhay ku simaha gudoomiyaha jaamacada Hargeysa C/raxmaan Axmed Shunuuf oo laga xidhay saldhiga Axmed Dhagax ee Caasimada Hargeysa.

Top  


Sindiko Oo Wareejiyay Xilka Gudoomiyenimada Ciyaaraha Bariga Iyo Badhtamaha Afrika.

Nairobi (Haatuf): Guddoomiyaha guddiga Olombikada K Somaliya Farax Wehliye Caddow (sindiko), oo in muddo ah hayey xilka guddoomiyanimo ee Bariga iyo Bartamaha qaaradda africa ee CECAFA, isagoo ku wareejiyay guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Wadanka Ethopia.

Xil wareejintaasi oo loo sameeyay xaflad weyn oo ka dhacday magaalada Nairob, ayaa sindiko si Muu cayim ah iskaga wareejiyay jagadaasi.
Arrintan ayaa wariyayaasha ku sugan Nairobi ay ku tilmaameen in ay tahay mid uu ku doonayo in uu kaga baxo masraxa sportiga, isagoo la sheegay in uu siyaasi isku bedelayo.

Sidoo kale waxa la shageeyaa in ay xilwareejintiisu ay ka dambeysay cadaadis kaga yimid dhinaca dalalka ku jira bariga iyo badhtamaha qaaradda Africa, kadib markii ay isqilaafeen guddoomiyaha FIFA S.Plater.

Ku biiritaankiisa dhinaca siyaasadda inuuna wax soo dhaweyn ah kaga helin marka loo eego siyaasiyiinta kale ee jira, marka laga reebo koox yar oo wariyayaashu ay ku tilmaameen in ay yihiin kuwa isaga u jajaban, oo ka tirsan guddiga Olyombicada Somaliyeed, oo sheegay in ay taageerayaan.

Faarax Sindiko Waxa uu sheegay in uu wax weyn kusoo kordhin doono haddii uu soo galo siyaasadda Koonfurta Soomaaliya, oo 13sano qasneyd, makala cadda waxa dhab ahaantii qarsoon ee uu faarax garanayo, ee uu kusoo kordhin karo siyaasadda koonfurta.
 

Top


Xarunta Dr. Jimcaale Oo Cambaaraysay Dilka Muqdisho.

Muqdisho (Haatuf): Xarunta xuquuqda aadanaha Dr,Ismaaciil Jimcaale ayaa cambaareeysay kooxaha dilka, afduubka,iyo qalalaasaha ka wada gudaha magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed ay soo saartay oo uu ku saxiixnaa madaxa baadhista xadgudubyada xuquuqda aadanaha C/Laahi Calas Jimcaale, ayaa loogu baaqay kooxaha falalkaasi ka dambeeya in ay ka waantoobaan, iyadoo warsaxaafadeedkana loogu sheegay in ay imaanayso maalin la isxisaabinayo oo maxkamado laisa soo taagayo.

Ugu dambeyntii waxaa kaloo warsaxaafadeedkaasi uqowda dhaqanka loogu sheegay in ay u talaabsadaan sidii ay usoo badbaadin lahaayeen dad dhowr ah oo la sheegay in madaxfurasho loogu haysto magaalada Muqdisho.

Top


Madaxweynaha Kenya Oo Martiqaadaya C/Qaasim Salaad.

Nairobi (Haatuf): Madaxweynaha dalaka Kenya Mowai Kipaki ayaa waxa lagu wadaa in uu warqad casumaad ah u diro madaxweynaha DKMG C/Qaasim salaad xasan arinta ayaa ah sidii madaxaweynaha DKMG uu ugu qeyb geli lahaa shirka dib u heshiisiinta Somalida ee ka socda
dalkaasi.

dhanka kale ayaa madaxweyne Mowai Kipaki uu kala xaajoon doona C/Qaasim qaabkii lagu gaadhi lahaa in xal waara loo helo arinta dalka Soomaaliya,lama garanayo in uu aqbali doono iyo in kale madaxweyne C/Qaasim casuumada la filayo inay kaga timaado dhanka iyo dalkaasi Keny.

Warar ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in tegitaanka madaxweynaha ay ku xiran tahay shuruudo dhowr ah.

Wasiirka arimaha dibada ee DKMG Yusuf Dheeg oo isagu haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa maanta kulan la leh dhigiisa Kenya.

Top


Burco Oo Shalay Laga Xusay Munaasibadda 18-Ka May.

Burco (Haatuf) : Waxa maalintii shalay laga xusay magaalada Burco 18-ka May oo ah maalintii dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland kadib markii ay baaqatay maalintii dorraad, waxaana xaflad ballaadhan lagu qabtay fagaaraha Khayriyada ee magaaladaasi. Xafladaasi waxa hadalo ka jeediyay duqa magaalada Burco, Maxamed Diiriye Xayd iyo Badhasaabka Togdheer, Cabdi Xuseen Dheere, waxaanay ka warameen qiimaha ay maalintaasi ugu fadhido dalka iyo halgankii loo soo galay madax-banaanida Somaliland.

Xuska maalintan oo ku beegnaa maalintii doraad ayaa ahaa mid aan laga xusin magaalada Burco marka laga reebo xaflad lagu qabtay xafiiska KULMIYE ee Burco halkaas oo ay mas’uuliyiinta xisbigaasi ka jeediyeen khudbado kala duwan.

Top


Dalalka Yurub Oo Lacag Ugu Deeqay Ladagaalanka Miinada Ee Somaliya.

BBC - Guddiga Midowga Yurub ayaa dhawaan qalinka ku jiidey ogolaansho uu siiyey Mashruuc weyn oo waddanka Soomaaliya oo dhan looga baadhayo wayeelada ay Miinooyinku geesteen.

Miisaaniyadda guud ee Mashruuca la siiyey waa hal milyan iyo bar Euro. Waxana gargaarkani iska leh qeybaha Mashruuca ee kala ah:
-Qalab iyo tababar la siinayo Gole ka shaqeeya isuduwidda tallabooyinka miinada laga qaadayo.

-Awood Dhis loo sameenayo isuduwidda qaran ee tallaabooyinka miinooyinka looga hortagayo.

-Baaris lagu sameenayo waxyeelada ay dadka ku reebto miinadu.

-Wacyigalin dadka loogu sheegayo sida ay miinooyinka isga illain karaan. Iyo Tababar ku saabsan sida loo furfuro miinooyinka iyagoo aan qofka ku qarxin.

Hawlahaas oo dhamidod hoos imaanaya wajiga labaad ee Mashruuca loo qorsheeyey Hawlaha Miinooyinka la xidhiidha ee laga hirgalinayo Woqooyi Bari Soomaaliya oo ah Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya, waxana qanbanaya heya'adaha UNDP iyo UNOPS Soomaaliya ee QM.

Miinooyinka dhulka lagu duugayo waxa aad Soomaaliya looga isticmaalay wakhtigii lagu jirey dagaalkii Ethiopia iyo markii uu socdey kacdoonkii looga soo horjeedey dowladdii Maxamed Siyad Barre iyo weliba dagaalkii sookeeye ee dhawaa.

Gobolada Soomaaliya intooda badan wey saameysey mashaakilka la xidhiidha miinooyinka aan qarxin. Agagaarka Magaalooyinka waxa aafeeyey miinooyinka nooca loo yaqaanno UXO, halka ay xuduudaha waddanka iyo gobolada ay ku aasanyihiin Miinooyinka lidka Taangiyada.

Miinooyinka loogu talagalay in dadka ay ku qaraxdo, waa qeyb yar oo ka mid ah mashaakilada guud ahaan ay leeyihiin miinooyinka dhulka la galsho ee UXO ee Soomaaliya yaal.

Warbixin sanadkii 2000 la daabacey ayaa qortey in ugu yaraan waddanka Soomaaliya ay 109 qof miino dishay, iyadoo waddanka ay joogaan 242 qof oo Miinooyin ay u geesteen dhaawacyo kala duwan. Waxana la qiyaasayaa in shilalkaas 70% ka mid ah ay geesatey miinada UXO.

Dhaqaalaha Soomaalidu waxa uu si weyn ugu tiirsanyahay xoola dhaqashada iyo ka ganacsigooda. Waxyeelada ay miinada dhulka lagu aaso ee UXO u geysato dhul daaqeedaka iyo xoolaha ayaa leh cawaaqib xun oo khatarta wata, dhaqaalahana dhaawacaya.

Khibraddo laga helay adduunka meelo kala duwan tobankii sano ee na soo dhaafey ayaa tusmeenaya in haddii si habboon loo maamulo , warar fiicanna laga helo meelaha ay miinooyinku ku aasan yihiin, in la ilaalin karo ama la kontorooli karo cabsida ay dadka ku heyso miinadu.

Soomaaliya waxa ay heysataa fursad ay uga faa'iideysato duruustii laga bartey waddamada kale ee miinooyinku ay aafeeyeen. Waxana Soomaaliya loo sameyn karaa istraatijiyada diiradda saarta sidii loo cidhib-tiri lahaa ama loo kontorooli lahaa mashaakilka Miinadu leedahay.

Top


Falastiiniyiinta Oo Fuliyay Hawlgalo Cusub Oo Isbiimayn Ah.

Quddus (W.Wararka) - ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay 18 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii ay hawlgal isbiimayn ah haweenay Falastiiniyad ahi ka fulisay degmada Cufuula ee waqooyiga Israa’iil.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya halkaasi ma cadda ilaa iyo hadda cidda dhab ahaan uga dambaysay oo ah hawlgalkii 5aad ee noociisa ah ee dhaca ilaa maalintii Sabtidii, balse sida ay sheegeen dad goob-joog ahi gabadh iyo wiil dhallinyaro ah ayaa soo galay suuqa kuwaasoo isku qarxiyay halkaas.

Qaraxani wuxuu kusoo beegmay iyadoo ay ciidamada Israa’iil xayiraad adag ku soo rogeen dhulka Falastiiniyiinta oo dhan iyagoo goob kasta dhigay ciidamo iyo kaantaroolo dadka lagu baadho.

Dhacdadani waxay keentay in ciidamada Israa’iil ay kordhiyaan, isla markaana ay xoojiyaan xayiraadii ay dhulkaa kusoo rogeen. Waxa kale oo uu kusoo beegmay qaraxani iyadoo lagu wado inay markale kulmaan labada Ra’iisal-wasaare ee Falastiin iyo Israa’iil.

Top


Ciidamada Indooniisiya Oo Hawlgal Miletari Ka Bilaabay Gobolk Aajee.

Jakarta (W.Wararka) - Ciidamada Indooniisiya ayaa bilabay hawlgal ballaadhan oo ay kula dagaalamayaan gooni-u-goosatada gobolka Ajee si ay u burburiyaan kooxda fallaagada ah ee halkaa ka dagaalanta, waxaana la sheegay in ciidamada Indooniisiya ay adeegsadeen Diyaaradaha dagaalka iyo Taangiyada gaashaaman, iyagoo garaacay saldhigyada iyo fadhiisimada Jabhadda.

Af-hayeen u hadlay jabhadda gooni-goosatada ah ayaa sheegay inay kahortagi doonaan, isla markaana ay iska caabiyi doonaan weerarka kaga yimid ciidamada Indooniisiya. Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Indooniisiya ayaa sheegay isaguna inay ujeedadoodu tahay sidii ay xididada ugu siibi lahaayeen isla markaana u burburin lahaayeen jabhadda gooni-goosatada ah.

Weerarkani wuxuu saacado ka dambeeyay markii ay burbureen wadahadalladii labada dhinac uga socday dalka Japan, markaasoo ay Madaxweynaha dalkaasi ku dhawaaqday in gobolkaa lagu soo rogo xukun deg-deg ah.

Gobolka Ajee oo 1700km dhinaca waqooyi bari ka xiga caasimadda dalkaasi waxa ka taagnaa muddo dheerba dagaal u dhaxeeyay ciidamada Dawladda iyo jabhadda gooni-goosatada.

Top


Dadweynaha Reer Ciraaq Oo Isugu Soo Baxay Mudaharaado Ay Ku Diidan Yihiin Ciidamada Maraykanka.

Baqdaad (W.Wararka) - Tobonaan kun oo dad ah ayaa isugu soo baxay mudaharaado ay kaga horjeedaan ciidamada Maraykanka caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad maalintii shalay, waxaanay ku baaqeen in la dhiso dawlad ay leeyihiin dadka reer Ciraaq.

Mudaharaadkan oo ay soo qabanqaabiyeen axsaabta iyo kooxaha xagga diinta ee dalkaasi waxa kale oo ay ku baaqeen in dawlad islaami ah laga dhiso dalkaasi, isla markaasna inay midoobaan dhammaan kooxaha iyo qaybaha kala duwan ee dalkaasi, sidoo kale waxay dalbadeen dadkaasi in maxkamad lasoo taago lana xukumo dadkii iyo mas’uuliyiintii ka tirsanaa maamulkii Sadaam Xuseen ee xasuuqyada ka geystay dalkaasi sannadihii lasoo dhaafay.

Mudaharaadkani wuxuu kusoo beegmay iyadoo ay goobo badan oo dalkaasi ka mid ah dadweynuhu kasoo faqeen meydkii iyo lafihii dad farabadan oo la laayahay cahdigii Sadaam Xuseen, waxaana la sheegay inay mudaharaadadu sii socon doonaan tan iyo inta laga dhisayo dawlad ay leeyihiin dadka reer Ciraaq.

Top


Itoobiya Oo Ciidamo Nabad-Ilaalin Ah U Dirtay Dalka Burundi.

Bujumbura (W.Wararka) - Kooxdii ugu horaysay ee ciidamada Itoobiya oo ka qaybqaadanaya hawlgalka nabad ilaalinta ee ay dalkaa ka wadaan ciidamo Afrikaan ahi ayaa maalintii shalay gaadhay dalkaasi.

Ciidamada ay dalalka Afrikaanku u direen dalkaasi Burundi waxa lagu qiyaasay inay dhan yihiin 3500 oo askari oo ka kala socday dalalka Koonfur Afrika, Musaambiig iyo Itoobiya, waxaana la filayaa inay Dawladda Itoobiya u dirto dalkaasi 980 askari. Waxaanay ujeedadoodu tahay inay ilaaliyaan heshiiska nabadeed ee ay dalkaasi ku kala saxeexdeen qoomiyadaha tuudsiga iyo huutuuga si loo soo af-jaro colaadii muddada dheer ka taagnayd dalkaasi oo lagu qiyaasay inay ku dhinteen 300,000 oo qof ilaa 1993-kii.

Sidoo kale waxa dalkaa tegay 43 qof oo kormeerayaal ah kuwaasoo ka kala socda dalalka Burkino Faso, Gabon, Mali, Togo iyo Tunisiya.

Top


Daadad Khasaare Weyn U Geystay Dalka Siri-Lanka.

Hay'adda Laanqeyrta Cas ee dalka Sri lanka ayaa sheegtey in ay aminsantahay in ay ku dhinteen ilaa iyo laba boqol oo qof daadadkii weynaa ee ku fatahay Koofurta Sri Lanka.

Raadiyaha dowladda Sri Lanka ayaa sheegey in ay boqol iyo konton qof dhinteen, qaar kalena ay dhaawacmeen ka dib markii uu dhulku dildilaacey, wararku waxay intaa ku darayaan in qaar kale oo badanna la la'yahay.

Dadaal dadka lagu badbaadinayo ayaa hadda socoda, waxaana wali go'doon ah toolooyin badan oo halkaa ku yaala.

Daadadkii ugu xumaa ee dalkaa ka dhaca sanado badan ayaa dhibaatooyin badan geystey, waxaana lagu soo waramayaa in tobonaan kun oo qof ay ku xaniban yihiin goobaha ay daadadku ku fataheen.

Hay'adda Laanqeyrta Cas ayaa dalabtey in gargaar dibadda iyo dalka gudihiisaba laga keeno, iyadoo daadadku ay burburiyeen guryo, xidheena wadooyinkii, gooyeenka xadhkihii korontada.

Markab laga leeyahay dalka Hindiya ayaa ku sii jeeda Sri Lanka, isagoo sida qalabka badbaadinta oo ay ku jiraan doomaha la buufiyo.

Ciidamada cirka ee Sri Laanka ayaa bilaabey in cuno iyo dhalooyin biyo ah ay ku dul daadiya tuulooyinka masiibadu ku dhacdey ee fog ee ayna doomuhu gaadhi karin xaalada daadadka awgood.


Top


Qurbaha - Xaaladda dhaqaale ee Soomaalida Maraykanka, Qore: Abdisamad Mohamed.

Labadii sano ee ugu dambaysay ayaa guud ahaanba dhaqaalaha Maraykanku sii xumaanayay. Markii dhaqaalaha waddanku hoos u dhaco waxaa yaraada shaqooyinka waxaana sare u kaca qiimaha badeecadda. Markii shaqooyinku yaraadaanna dadka dhibaatadu isla markiiba saamayso waa Qaxootiga iyo dadka kale oo aan xirfado heer sare ah lahayn ama aan lahayn waxbarasho heer jaamicadeed ah. Soomaalidii Maraykanka intoodii shaqaynaysay ayaa isla markiiba laga caydhiyey ama ay ka dhammaadeen shaqooyinkoodii. Intii shaqo raadinta ku jirtayna waxaa baaba ay rajadoodii shaqo helidda. Dhallinyarada Soomaalida intooda badan hadda waxay ku nool yihiin dhaqaale ka soo gala dowladda oo la yidhaahdo unemployment benefit. Unemployment Benefit waxaa la yidhaahdo barnaamij lagu caawiyo qofka markii shaqadiisu ka dhammaato ilaa muddo lix bilood ah inta uu qofku shaqo kale ka helayo.

Dhibaato kale oo aad u wayn waxaa soo food saartay qoysaska Soomaaliyeed oo Maraykanka ku nool. Sannadkii 1993-dii ayaa madaxwayne Clinton soo bandhigay qorshe uu leeyahay waxaa wax lagaga beddalayaa barnaamijka Welfare Caydha . Wuxuu madaxwaynuhu soo bandhigay fikrad ah in laga caawiyo dadka caydha qaata sidii ay shaqo u heli lahaayeen oo ay caydha uga maarmi lahaayeen. Haddaba qorshihii Madaxwayne Clinton waxaa la dhaqan galiyey sannadkii 1997-dii oo la soo rogay sharci dhigaya in qoysaska qaxootiga ku ah Maraykanka ay xaq u leeyihiin caydha muddo shan sano ah oo kaliya, ka dibna laga rabo in qofka mas uulka ka ah qoyska uu shaqo bilaabo oo reerkiisa masruufto. Qoysas badan oo Soomaali ah oo ka kooban hooyo iyo dhowr carruur ah ayaa arrintaani ku noqotay dhib soo korodhay. Sida uu sharcigan welfare reform dhigayo, waa in hooyo kasta oo Soomaali ah oo da deedu ka yar tahay 60 jir ay shaqo raadsataa.

Dowladda Maraykanku waxay lacag badan ku bixisay in la sameeyo hay ado caawiya dadka noocaan ah sidii ay shaqo u heli lahaayeen. Marka hore qofka waxaa laga caawinayaa sidii uu luuqadda u baran lahaa iyo xirafado yar-yar oo u sahlaya sidii uu shaqo u heli lahaa. Qofkii diida inuu shaqo raadsado ama qaato tababarka noocaan ah muddada shanta sano ah oo caydhu u socoto waa la ganaaxayaa. Ganaaxu inta badan waa in laga jaro qayb ka mid ah ama kulligeedba xoogaagii lacagta ahaa oo uu qoysku qaadan jiray. Si ay taas uga badbaadaan hooyooyin badan oo Soomaali ah oo aabbihii carruurtooda uga soo qaxay xeryo qaxooti ama ay ku kala tageen dalka Maraykanka oo furriinku aad u badan yahay ayaa waxaa dantu ku kalliftaa in ay waagu markuu baryo carruurta inta iskuulka aadda mooyee inta kale u kexeeyaan xannaanada carruurta childcare , oo ay markaas ama aadaan iskuul ay ingiriiska ka bartaan ama ay shaqo raadin bilaabaan. Waqtiga hadda lagu jiro in ay hooyo Soomaali ah oo konton jir ah shaqo hesho waa wax aad u adag. Xitaa dhallinyaradii Soomaaliya jaamacadaha uga soo baxay ama kuwa hadda ka qalin jabiyey jaamacadaha Maraykanka ayaa dhibaato ka haysataa inay shaqo helaan.

Dhaqaalaha ay dowladdu siiso qoysaska caydha ku nool aad buu u yar yahay. Malaayiin qoys oo Maraykan ah oo inta badan ka kooban hooyo iyo dhowr carruur ah ayaa bishii waxaa soo gala lacag aan ka badnayn $600.00. kirada labada qol, meeshay doonaan ha ku yaallaan waa ka badan yihiin lacagta soo gasha qoysaskaan. Waana sababta ay qoysaska carruurta leh oo Maraykanku ay ugu badan yihiin kuwo aan hoy lahayn homeless . Waxaa jira guryo ay dowladdu leedahay ama ay dhaqaale ku bixiso in dadka danyarta ah ay kiro riqiis ah ku dagaan affordable housing . Qoysas badan oo Soomaali ah ayaa deggan guryaha noocaan ah. Dhibaatada lagu qabo guryahaan waa iyagoo ku yaal meelo aad u nabad galyo xun ayna ku badan yihiin daroogada, fusuqa, iyo dilku, sidoo kale waxaa xaafadahaan aad uga fog shaqooyinka iyo iskuullada wanaagsan. Qoysas badan oo Soomaali ah oo deggan xaafadaha noocaan ah ayaa carruurtoodu halis ku sugan yihiin xagga akhlaaqda, caafimaadka iyo waxbarashadaba.

Bisha hadda lagu jiro ee June 2002, ayaa waxaa bilaabanaya qoysaskii ugu horreeyey oo dhammaystay shantii sano ee ay xaqa u lahaayeen lacagta caydha ee dowladdu bixiso. Waxaa wax laga naxo ah in qoysaskaani ayan wali wax shaqo ah helin lagana goosan doono xoogaagii dhaqaalaha ahaa ee ka soo gali jiray dowladda. Gobollada Minnesota Ohio iyo California oo ay deggan yihiin qoysaska ugu badan ee Soomaalida ayaa ka walwalsan sida laga yeelayo qoysaskaan oo haddii laga goosto lacagta caydha laga baqayo in laga saaro guryaha oo markaas ay Homeless noqdaan. Gobolka Minnesota ayaa waxaa maamulka u socda dood ah sidii loogu sii wadi lahaa extention qoysaskaan caawimaadda ay dowladda ka helaan. Maamulku wuxuu ka fiirsanayaa qoysaska ay tahay in loo kordhiyo muddada iyo kuwa laga goynayo gabi ahaanba caawimaadda.

Waxaa jira dhowr arrimood oo ka hortaagan in hooyada 50 jirka ah ee Soomaalida ah ay shaqo ka hesho dalka Maraykanka. Waxaa ugu horreeya luuqadda, shaqooyinka uu heli karo qofka aan luuqadda aqoon waa kuwo aad u liita una lacag yar. sidoo kale shaqooyinka oo aad u fog una baahan in qofku baabuur leeyahay. Dumarka Soomaaliyeed oo inta badan haysta carruur badan ayaa waxaa dhib ku noqda inay helaan cid ay carruurta uga tagtaan inta ay shaqo raadiska ku jiraan. Xannaanooyinka carruurta ee Maraykanka Soomaalidu kuma kalsoona oo dhaqanka ayaa kala duwan, dadkana intooda badani ma wada heli karaan ehel iyo qaraabo carruurta ay uga tagtaan. Goobaha shaqada inta badan waxaa dadka lagu amraa inay u soo labbistaan qaab aan Islaami ahayn taasna dumarka Soomaalidu ma oggola inay dhaqankooda iyo diintooda dhaafsadaan shilimaad yar.

Iyadoo uu dhaqaalaha Soomaalida Maraykanka aad u yar yahay, haddana dad badan oo Soomaali ah oo dalkii ku nool iyo kuwo kale oo xeryo qaxooti oo adduunka ah ku xeraysanba waxay ku tiirsan yihiin caawimaadda dadkooda Maraykanka jooga oo xil wayn iska saara sidii ay masruuf ugu heli lahaayeen dadkaas dhibaataysan. Lacagta ugu badan oo loo xawilo Soomaaliya waxaa dira Soomaalida Maraykanka.

Top


Doorashoyinkii Tognaan iyo Tabnaan waa Iyama?

Jawigii fiicnaa ee ay u qabsoontay doorashaddii madaxtinimada ee 14 April, iyo tii ka horaysay ee dawlada hoose, ayaa ahaa dadaal wax ku oola oo ay amaanteeda lahaayeen dhamaan intii ka qayb qaadatay oo ay ugu horeeyaan shacbiga sida xilkasnimada ah u codeeyay, waxa kale oo iyaguna amaan mudan Guddida doorashada, xisbiyada siyaasiga ah, iyo Xukumada talada haysa, Runtii waxay ahayd talaabo Mudakara, oo aynu kaga Hayaanay, hanaankii Qabiilka ku dhisnaa kuna badalanay Hanaanka xisbiyada badan. Haddaba tan iyo markii Lagu dhawaaqay natiijadii doorashada waxa soo ifbaxay galdalooyin badan oo ka muuqda sidii loo agaasimay doorashada, iyo Gudida doorashada oo loo fahmay inaanay ahayn dad cadaalad ka ahaa hawshan ay gudanayeen xaqiiqda marka loo dhaadhacana waxa eedeeda inta u badan dusha u ridanaya Gudidii doorashada ee hawsha loo dhaariyay, sida muuqatana waxa ay ku kaceen qaladaad fara badan oo murug keenaya, waxa ka mid ah qaladaadkaasi, Dib u dhigidii doorashada ee ay kala daaheen xiligii loo asteeyay,kaasi oo ah ka keenay shakiga faraha badan, waayo somalidu waxay tidhaa "Gudi raagtay Hal meesha ku jirta ayay ka saaraysaa, ama Mid ka maqan ayay ku daraysaa", markaa may hayn in ay dib ugala dhacaan wakhtigii loogu talagalay sida la ogana xiligaa wax dhul ka yaalay ma jirin commissionka doorashada wax waliba way u dhamaayeen, Arrintani haddaba waa ta kentay in guddida kalsoonidii lagu qabay oo awalba iska wagash wagash ahayd ay sii xumayso.

waxa iyaduna aan la moogayn qaladaadkii ay ka sameeyeen xaga isku gaynta oo uu kulmiye ku helay 133 cod, kaasi oo ay iyagu ku macneeyeen, qaladaad mabici ah (print error).

waxa kale oo ka mid ah, Sanaaduuqdii taalay ceelcalane ee tirintooda ay goaanka ka qaadan waayeen, Waxa taa ka sii daran, Eedaha kaga yimid labada xisbi iyadda oo ay aad ku kulayd eeda ay ka la kulmeen xisbiga Udub, taasi oo sii cadaysay Karti xumada ay ku maamuleen hawsha walaw ay Udub arrinteedu ahayd "xus xus ka horgee" oo ay ka ahayd uun inay Quusiyaan kulmiye iyaga oo sheeganaya codad fara badan oo aan la garanayn meesha ayka keeneen.Isku soo wada xooriyo, Karti darada gudidii dorashadu Waa mid aan Sinaba u qarsoomayn,waxa Iyadduna Arrin Qaloocan ahayd faragalintii,shirgudoonka ,guurtida iyo baarlamaanka, oo ahayd mid iyaduna Niyad jabkeeda leh, waxana arrintaa Qiray inaanay qumanayn C/qaadir x. ismail jirde, oo ah gudoomiye ku xigeenka golaha baarlamaanka , waxa kale oo aad hadalkaa cabdiqaadir ka dhadhansan kartaa Arinta soo kicisay Odayaasha guurtida, waxana ka mid ahaa hadaladiisii, "Odayadu waa odayadii dhaqanka, laakiin hawshani hawshii lagu halayn lahaa maaha, dee nuxurkeeda iyo waxa la isku hayana ma fahamsana".

Haddii aynu sii yara balaadhino sababta shirgudoonka soo galisay arrinta natiijada,ay ahayd Cabsi ay ka qabeen in Udub meesha lagaga badiyo , waxana carabka loo badinayay, in Kulmiye soo baxo, Arrintaasi oo sababtay in qolooyin wasiiro ahi ay xiisad ka abuuraan ,isla markaana ay cadaasi iyo caga juglayn joogto ah ay saareen gudida doorashada, taaasi waxa markale ka hadlay cabdiqaadir oo yidhi "Waxa dhacday habeenkii berrito oo kale natiijada lagu dhawaaqayey ayaanu la kulanay dad kacsan oo ragga qaarkood oo wasiiro ahi aad u fogaaday oo ay taagnaayeen natiijada yaan lagu dhawaaqin oo Komishanku dembi buu galay ee tallaabo ha laga qaado."

Taasi oo macnaheedu tahay Raggii talada dalka hayay oo si qaldan u adeegsanaya masuuliyadii loo igmaday. waxa kale oo Cabdiqaadir jirde cadeeyay in cabsi habayaraatee ayna ka qabin xisbiga kulmiye isagoo yidhi ",waxa na soo geliyey maaha cabsi aanu KULMIYE ka qabnay, runta ayaa wanaagsane ee waxay ahayd cabsi aanu UDUB ka qabnay oo rag wasiiro ah oo ku talinaya Komishanku yaanay hadlin ee afka ha la qabto leh aragnay, taas ayaa na keentay ee cabsi aanu KULMIYE ka qabnay nama keenin".

Haddaba akhristow ,caga juglaynta iyo cadaaska lagu hayay gudida doorashada, waxay kuu cadaynaysaa in Kulmiye guusha lahaa, balse laga maroorsaday, waxa laakiin mahadeeda leh ilaahay, ilaaha inaga dabaalay dhibaatadeeda, waxa iyaguna amaan mudan xilkasnimada masuuliyiinta kulmiye iyo sida wanaaga ah ee ay u waajaheen xaqdarada ku habsatay, waayo haddii Kulmiye lagu dhawaaqi lahaa waxaan qabaa in aanay masuuliyiinta udub Sameyeen wax wanaag ah, balse ay Nabadgalyada khalkhal galin la'haayeen sida aynu ku aragnay ficilada ay ku kacayaan wasiirada talada hayaa.

waxa iyana wax lagu qoslo ah, dhawaaqii maxkamada sare walaw laga filayay inay sidaasi u dhacdo laakiin wax ay noqotay mid layaab badan, ka dib markii ay dacwadihii labada xisbi iyo tii gudida doorashada ay midna qaateen kuwii kalena ay tuureen,isla markaaana ay ka baydheen sidii ay komishanku cadeyeen.

isku soo wada xooriyoo, waxa is waydiin leh doorashadu ma u dhacday sidii ugu haboonayd? Suaashaas oo aan filayo inaanay wax jawaaba u baahayn balse ay cadahay jawaabteedu.

Ugu danbayntii waxa iyana is wadiin mudan doorashadii dhacday Qalad iyo saxnaan miday doonto ha mutaysatee, Mustaqbal keedu muxuu ku danbayn , Tognaan iyo Tabnaan iyamay noqon. Iyaddo haddii masuuliyiinta udub sidan ku sii socdaan ay dhaawici doonto sharafta iyo karaamada dalkan, isla markaana Nabad galyada oo ah waxa kaliya ee aynu ku fani karno meel dheer laga dooni doono, Waxaan ilahay laakiin ka rajanayaa inaanay Wax hoos u noqoda inagu keenin balse ay noqoto mid horumar ina gaadhsiisa,masuuliyiinta Udubna waxa aan kula dardaarmayaa in ay madax u yihiin kuwii u codayay, iyo ku ka codeeyay labadaba ,sidaa daradeed ay cadaalada ka raacaan kana waatoobaan falalka Nabada ku lidiga ah. waxa kale oo aan Qolooyinka Kulmiye ka codsanayaa in wanaaga ka shaqeeyaan isla markana wax walba ay ka raacaan Nabad galyada iyo Danta Umadda.

Dhamaanteena waxaan inoogu nasteexaynayaa Cabsida ilahaay.
Mohamed Dubbe, Hyderabad , India, m_dubbe@hotmail.com

Top


Waxaynu U Codaynay In Cadaalad La Helo.

Ugu horeyn waxaan halkan salaan diiran uga tebinayaa dadka shacabka ah ee reer Somaliland iyada oo ay bulsho-weynta Somaliland ku nooli marwalba ay wadaagaan kana dhaxayso dal iyo dan, iyo aayaha noloshuba, sidaa awgeedna ugu horeyn waxaan Ilaahay ka rajaynaynaa in uu isagu keen afgaradsiiyo sidii aan aayaha dalkeena uga wada tashan lahayn, gaar ahaana waxaan salaamayaa bulshada xisbiga KULMIYE meel kasta oo ay joogaan dalka iyo dibadiisaba, waxaan aynu wada ognahay in himilooyinka codkeena u bixinay uu ahaa horumarka iyo badbaadinta dalkeena, Somaliland ee aynaan u codayn, cabadul qaasim iyo Jabuuti, cadaw iyo Puntland kaambaynka UDUB iyo odayaasha waxaan doonay cadaalad, haddii la waayana cadaalad darro uma afduubnaanayno, waxa kale oo xusid mudan in markii uu geeriyooday madaxweynihii hore Somaliland Maxamed Ibrahim lagu dhaqmay distuurka dalka u yaal sida u noqday madaxweyanah Somaliland dadka reer Somaliland ay ku hambalyeeyeen, haddaba ragga maanta u ku baaqay in madaxweyne Rayaale yahay daaf Somaliland ah, sidaa awgeedna ay ugu hiiliyeeen waxay si toos u caddeeyeen in distoorkii qaranka ee uu ku yimid Madaxweyne Rayaale ay ku tunteen, qudh aahan iyo beel aahana ay meel kaga dhaceen, dalkii ay ugu dhaareen inay dawladnimo ku hogaaminayaan si ay dimuqraadiga ah ugu gefeen, waxaa kale oo si toosa ay u cadeeyeen in aanay garsoor jirin, oo komishan qaran iyo mid gobol toona aanay jirin, ee ay jiraan gudoomiyayaasha labada gole iyo Cabdi Waraabe, haddaba haddaanu nahay codbixiyayaasha xisbiga KULMIYE waxaanu odayaasha ogaysiinaynaa in ay arrintani ka qaraweyntahay farsamooyinkii ay danahooda gaarka ah ugu adeegsan jireen.

Siilaanyo Mujaahid baad ahayd ee samir oo adiga iyo saraakiishuba sharaftii SNM hagoogta, hadday abaal marintoodii halgankoodii noqday waanu idin dhacnay ee idinku samra, waa nasiib darro, waxaananu ka leenahay haddaanu codbixiyayaasha xisbiga KULMIYE, anaga marwalba xidhan hogaanka xisbiga KULMIYE, xaqdhawranana nabadgelyada iyo xasiloonida Somaliland, ma qaadan karro cadaalad xumada a y odayaashu caadaysteen, waanu idin dhacnay waxaanu u qabnaa inay tahay gef ay ka galeen codbixiyayaasha xisbiga KULMIYE, wax ummad lagu qancin karro maaha”.

Caydiid Warsame, Cumar Cali (Timaweyne), Burco.

Top


Dalalka IPF oo Kulan Isugu Yimid.

Wararka ka imanaya Addis abeba, ayaa sheegay, in ay kooxda ku bahooday 17ka dal ee daneeya somalia ee lagu magacaabo IPF, shir guddomiyana bishan uu ka yahay Safiirka mareynka ufadhiya Addis abeba, inay aad uga baraan dagayaan, xaalada cusub ee kusoo koradhay dalka Kenya, ee dhinaca nabadgalyada xummida, joojinta Duulimaadka diyaaradii British Airway ee kenya, iyo lugta arrinkani kuleeyahay Soomaliya, oo lagu tuhmay in ay "koox Al-Qaida" ahi ka soo gudbayaan xadka u dhaxeeyay Somliya iyo kenya. Waxaa kale oo Guddiga IPF aad u dhuuxeen wajiga uu gallay Shirka nabadaynta Somliya, ee haatan ka socda Kenya. Waxaa safiirka Kenya ee Addis soo gudbiyay qoraal dheer oo sir ah, loona diiday in saxaafada lasiiyo lifaaq, qoraalkaasi oo uu soo diray Guddoomiyaha guddiga farsamadda IGAD Danjire Bathuel A. Kiplagat.

Guddoomiyaha guddiga farsamadda IGAD Danjire Bathuel A. Kiplagat iyo Wasaarada Arrimaha Dibada ee Kenya ayaa shirka ergooyinka ee ka furmay Xerada Mbagathi ee ay ergooyinku kaga doodi doonaan, isla markaana ay ku ansixin doonaan qodobo ay ka mid yihiin qoraalladii ay soo diyaariyeen lixda guddi, ayaa cad, inay qoraalkiisa kamid yihiin habkii dalalka IPF ku abtirsada, ay ergooyinka Somalida ugu adkayn lahaayeen ansixinta, iyo ugudbida wajiga 3aad ee shirka, Si loo gaadho himmiladii ahayd dhamaystirka Shirka wakhtigii loogu tallo gallay.

Guddiga ku midoobay IPF(Igad Partnership Forum) waxay isla garteen sidii ay mawqif middaysan uga qaadan lahaayeen wajiga sadexaad iyo inay farta isugu fiiqaan Shakhsiga ay u arkaan inuu maanta kasaari karro "Boholaha Mugdiga ah" ee ay kujirto Somalia iyo inay taageeran Mushara uqalma lashaqaynta "Istiraatiijiyada ay IPF ka leedahay Somaliya".

Top


New-delhi.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jibouti Mudane Ismail Omer Geele iyo wafti.

New Delhi (Haatuf) Hogaaminayo ayaa Maalintii sabtidii ka dagay Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda New-delhi Ee Dalka India Madaxweynaha Ismail Omer Geele waxa la filayaa in uu la Kulmo Madaxweynaha Hindiya A.P.J Abdul kalam iyo Raysal wasaaraha Hindiya Atal Baheri Vajapyee, iyo wasiirka Arrimaha Dibadda yashwan Singh Mudane ISmail waxa uu la kulmay Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Ee Dalka Hindiya waxana ay ka wada hadleen Xidhiidh Ganacsi ee U Dhaxeeya Labada Dal waxana la Sheegayaa in waftiga Madaxweynuhu ay la Socodaan Ragg Badan Oo Ganacsadayaal ahi.

Madaxweynaha Jibouti Mudane Ismail Omer Geelle waxa La filayaa In uu Booqasho Ku Tago Bombay, Hyderabad, iyo Magaaladda Technologyadda Ee Hindiya, Banglore.

Freelance Journalist, Abdiaziz Ahmed Mousa.

Hindiya,Abdiaziz2@hotmail.com

Top


Jilba Dhiig.

Dabadeedna markii ay Biixi labadiisa waalid u sheegeen inay doonayaan inaanu ka fogaan wuuu isna u sheegay inaanu doonayn dhoof iyo inuu beled shisheeye qabto toona laakiin uu doonayo inuu arrimihiisa ku dhamaysto dalka gudihiisa, ka dibna gudoon iyo hagaag ayey Biixi iyo labadiisii waalid arrintii ku soo gabgabeeyeen, isla markaana labadiisa waalid faraqa ugu xidheen iyaga oo yidhi “Wiilkayagiiyow duco ayaanu faraqa kuugu xidhnay waxaananu Ilaahay kaaga baryaynaa inuu muraadkaaga san oo dhan si hawl ya kuugu dhameeyo, gabadha aad calmatayna rabbi ha kaaga dhigo ubad kheyr qabana eebbe haydin kala siiyo, aamiin”.

Biixi waayahaay Aabe iyo hooyo ayuu isna tiraabtiisa, ku soo xidhay, waana la kala hurdo tagay, laakiin Biixi intii aanu seexan wuxuu u yimid Xayaad oo aan weli seexan, oo jiifta ardaagii gogosha loo dhigay, ee aqalka sintiisa, iyada oo iyada lafteedu aad u dhego muugsanaysa ama ugu dhegtaagaysa xaaladda guriga duleedkiisa, ka socota ee u dhaxaysa Biixi iyo labadiisa waalid.

Dabadeedna Biixi waxa uu soo dul-kadaloobsaday Xayaad oo dermadii loo dhigay ku jiifta, laakiin il-galaclaynaysa, wuxuuna ugu bishaareeyey inay isaga iyo waalidkii si fiican isu afgarteen, arintoodiina ay hawraarsan iyo gudoonsan ku dhamaatay," isaga oo yidhi “Walaal Xayaad taladii aniga iyo labadayda waalid na dhexmartay is-afgarad iyo gudoon wanaagsan, aroortiina haddii Eebe waa san inoo berriyo waynu baqoolaynaa, labadeenu”.

Xayaad markii uu Biixi la hadlayey qaarka sare ayey la soo kacday, taas oo ah qof jiifkiina ka soo kaccay, fadhi dhamaystirana aan u laba xaadsan, laakiin hadal badan kamay ay celin, warkii Biixi waxayse tiraab kooban ku tidhi “Walaal waan fahmay, waana Ilaahay mahadii, markaa iska seexo, waa inoo aroortiiye” dabadeedna sidii ayaa habeenkii la kala seexday, iyada oo ay Xayaad iyo Biixi labadooduba ku seexdeen farxad iyo dareen, jimcoon, oo ay nayaayiro ku dheehantahay, laakiin islaantii Biixi hooyadii ayaa ileyn waa beer wax dhalaye, makii ay raggii oo dhami ardaayadii duleedka guriga u baxeen ee ay hurdo tageen, gabadhii Xayaad afka u soo dhuubtay oo waxoogaa dardaaran ah ku tibixsiisay, waxaana ka mid ahaa hadaladii ay ku tidhi “Gabadh yahay, adiga iyo wiilkani haddii aad is-doonteen, waanu isugu kiin ducaynay, waxaanse kugula dardaarmayaa haddii aad is-qabataan ama wax idin dhexmaraan nagu soo sin, isagana intaa waa kula dardaaranay”.
Xayaad waxay hadalkaa kaga jawaabtay, iyada oo si ixtiraam iyo macaan badani ka muuqdo u hadlaysa, “Hooyo Ilaahay xumaan iyo is-qabad hanaga hayo, dardaarankaaggana waan qaatay.”

Intaa markii lays yidhi waa la kala seexday.

Top


Ma Qaloocshe.

Halkani waa Raadyow Ma Qaloocshe oo aad ka dhagaysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq buurka, akhyaartayada indhaha buur-buuranaw waxaynu soo gaadhnay wakhtigii aan idin huluuqsiin jirnay warkii adduunyada, ninka maanta idinku jejebin doonaa waa weriye Mr. Fur Digsi.

Warkii Oo Kubeysan

Biqlo iyo bardoodan buurtaa leeg oo loogu damaashaadayo, biqlo guuradda labiyo tobnaad ee ka soo wareegtay dib ula galgalashadii gobinimada Jamhuuriyadda Shankaroonland.

Biqladaas darteed waxa isna barbarkiisa ka botoriyey madaxyuubka Shankaroonland, oo khudbad tenegaas leeg ka saydhiyey khuuriyadda Hargeysa.

Khudbadaas oo ay dhagaha u gogladeen dadweyne tammuuxaa ka badani, kuwaas oo sacab dhagoole ka dhergiyey. Sidoo kale madaxyuubka, iyo yuub ka yarihiisa waxa kaloo daba durdurinayey awyo ka tirsan geedadka golayaasha, madax uuubka waxa khudbada la soo qaaday wasiiro xoog waaweyn, khudbadan oo ahayd bahal dabo dheer, iyada iyo madax-yuubkaba waxa gaadh dable ku gadaamay guuto dhako cas si fulaynimo leh, u heensaysan, ciidankaas oo cilinkooda la saarin, waxa jirabay.

Balse anigu u kala garan waayey, inay madax-yuubka dawacada ka ilaalinayeen iyo hallawga ka ilaalinayaan. Kuwaas oo markii danbana madax-yuubka oo ka soo qardo kacay, xumadii iyo xanaf-wareenkii foodkii fooshiisu dheertahay, ayaa khudbadda wada laydh qabaw ah la guud baxay dhalada khuurisada, khudbadda madax-yuubku nagta ka saaray wuxuu ku fara-fareeyey, wax-yaabaha uu maaganyahay iyo halka uu ku dhufan doono, iyo damaca Dublamaasi, danta qaran, duruufta dhaqaale, doorasho dabadeed, iyo dimuqraadiyad iyo camalkeed.

Madax-yuubku mar uu ka hadlay halka uu dalka u didinayo, iyo sida uu siyaasadda u cayntaarin doon wuxuu yidhi “Insha Allaahu dee, waxaanu doon-dooni doonaa dee Harumar inin gaadhsiinaa dee”.

Madax-yuubka oo ka sheekeeyey waalidkii Jamhuuriyadda dhalay, iyo bataatanba munaasibadani la xusayo maanta. Halka laga keenay iyo naagtii sidatay, wuxuu yidhi “Walaalayaal Mujaahidiin fariidada ahaa, waagii dalka ay qabteen waa kuwii kalgacaylka ku beeray, beelihii nacasnimadu dhexmartay, dabadeedna jacaylkii ka dhashay ayaa dhalisay oo Burco-kurus kaga dhawaaqday bahashan aan maanta xukumayo”.

Madaxyuubka oo ka mid ahaa kuwii dalka qabsaday kuwii ka sii qabsaday, wuxuu ka waramay sidii raganimada lahayd iyo badawnimada lahayd ee bahashan loola soo raftay, iyo intii nin ee soo fuul-fuushay, ninba wuxu soo tarayba, waa siduu hadalka u dhigaye wuxuu cadeeyey Jamhuuriyaddan Ingiriisku sodah u ahaa, oo afartan baxeedii col-qaaday oo cadaawe kalena ka sii qaaday, cadaawahaasna SNM ka xoogtay, SNM odayaal u dhiibtay, odayaashiina afar xaraf ku biiriyeen, oo, magacii hore ee Somali la odhanayey ee kolba meel loola kacayey, intay eegeen, eegeen, ayey odayaashii yidhaahdeen, “Nacal Abu waar esta, laanka ku reeba”.

Ka dibna, waxay soo baxday Somali laan lagu reebay, Somaliland= Somaliland, ka dibna wuxuu sheegay in alla u naxariisaygii, xaqu helayna, ka dhigay, beelo la kor dheay dawlad la hoos dhabay, dayday, laga reebay, Dimuqraadi dal yar lagu beeray, ashahaadana u qoray UDUB-na ku taagay.

Madax yuubka mar uu ka hadlay xisbiyadda wuxuu yidhi “markastiba waxaan ku dadaali doonaa ay u sii jiri lahaayeen, insha Allaahu waansii wadi doonaa, dee,”.
Mar uu ka waramay nooca ay tahay dawladda u soo walwaalayo, wuxuu yidhi “markastiba waxaan ku dedaali doonaa dee, in qofkastiba, oo dalka wax u qabanayiba inuu nagala qaybgalo, oo xisbigan dooni ha ahaadee, cid waliba, waanu ku dari doonaa dee, si aan u heli lahayn dawlad buuran, oo barwaaqona ina walo gaadhsiisa, insha Allaahu, sidaas ayaan rajaynayaa dee.”

Khudbadaas oo qadaro, qadaro u badnayd wuxuu mahad-naqyo huluuqsiiyey askar yuuga dalka ee nabada xasiloonida dalka ku xejiyey, Kuwaas oo salaan xuluuliyay iyaga iyo guddidii koomboshirka ahaaba.

Waxa kaluu mahad la xigsaday galayaashii iyo odayaashii dhaq-dhaqaajinta yiqiinay. Mar uu ka hadlay khaarajka iyo xidhiidhka ayuhalnebiga ahi, wuxuu tilmaamay in wadamada jaarka ah iyo dunida kaleba uu kalgacayl ka raadin doon, citiraaf-yeeladiiye, si loo helo buu yidhi sadaqada dunida iyo dhawrtada aadanaha, kaas oo uu doonayo in xeer jajab lagula macaamilo.

Ugu dambayntii khudbadiisii wuxuu ku daba karay baaq garnaqsiya, baalo xoofto yar isugu jiray oo uu kala dirayey xulufooyinka, ama NGO-yada waaweyn sida, baho, amaarikaan, baho yuuraad, baho igaad, iyo baho aasiyaad-ba baalo-xooftadaana waxa ka mid ahaa “dalkani oo buuxiyey dhamaanba axkaamtii dimuqraadiyada oo baad iyo biyaba u dhamacayey, waxaanu doonaynaa in dunidu qiimaysato oo na siiso bahalkii aqoonsi ahaa, iyo bahashii yaryaraydba.

Si kastaba ha ahaatee munaasibadani waxay ku soo beegantay xilli laga soo dareeray aaskii iyo agaskii doorashada, kaas oo xisbiga UDUB-na isu qaawiyey inuu xilka dib u fuulo, shhanta sano ee soo socda, xisbigii KULMIYE-na cadho la duuban yahay, isla markaana cadho dibnaha ruugayaan, kuwaas oo hambalyana laga waayey, hadimana gaysan waayey.

Hargeysa

Maamulihii Jaamicadda Hargeysa ayaa subax dhawayd shookiga lagu xidhay, ka dib markii la sheegay in ministarka tacliintu u xoog sheegtay oo cawaandinimadiisa ku tijaabiyey. Inkasta oo aan xadhigaas sababtiisa loo abtirin, haddana waxa lagu soo waramay in siyaasadu ku dhe qubtay jaamicadda Hargeysa, oo la sheegay in ay tahay bahal isguulada ka weyn wasiirkanu waxa la sheegay in waxa uu maamulo isguuladu ugu roonyihiin, lamase oga sababta jirabtay.

Hees

Waaryaa Dhageyste war halkaas ayuu ku joogaaye iga hooya hssstan kibirtay
Inanyahay islaameed
Jacayl baan il daranee
Intikhaabkii dhacay iyo
Sidii elag-shankoo kale
Ma isugu codaynaa
Aqlabayad maysku raacnaa
Sida udub-ka oo kale,
Ma dhaqaajinaa oday,
Aayar ma u heshiinaa
Shufta edebleh baad too
Shansanaan ku doortee
Ma xariifad baad noqon
Mise xaawa food xadda.
KULMIYIHII cadhoodaan
Dirqi kaaga reebee
Ma dumaal is-waashoo
Ninkii qabay dilaayoo
Marxuumkii u yeedhoo
Muusanaabaysaad tahay.
Nacasadbaad moodee
Bilisteenan been badan
Kaambayn ma kicinaa.
Kuraasida ma boobnaa
Kala qaybsanaa qaran
Geelayaga kud-laayaa.
Dadka soo banaanbaxa.
Inaan been ku hanaq-goyn.
Oo habruu waalay la odhan.
Anaa badiyey noqon lahayd,
Haddaad buuq ka keentana.
Kulmiyiyo sidii UDUB.
Kala qabtaaydu badan layd
Waar miyay kaftamaysaa.

Top