Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 337 May 21, 2003

Boorama.

URURKA QIIMEYNTA WAXQABADKA DAWLADDA & HORUMARKA BULSHADA (Wax u qabo): DAWLADDA HABOON (qeybta 8aad).

Qaxooti Soomaali ah oo loo qaadayo dalka Mareykanka.

Maraykanka oo ka digay qaraxyo.

Ruushka oo ku baaqay in laga qaado cuna-qabataynta dalka Ciraaq.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Booqashada Madaxweeynaha Jibouti ee dalka India.

Indho Gar-darani Markay Ooyaan Kuwo Gar Lehna Maxaad u Malayn?

Gacmihii Iswada Caawiyaan.

WAA SU’AAL DA’WEYNOO MADAXA DAALINEYSA.

Laba Sir Ku Heshiiyey Caadkay ku Diriraan.

Toronto iyo Munaasabaddii 18 ka May.

Isgiijintu Kulmiye Ma Faa’iidaa Ugu Jirta?

Rayaale iyo ku xigeenkiisa.


Boorama.

Boorama (Haatuf) Maxkamadda Gobolka Awdal ayaa shalay ku xukuntay hal sanno oo xadhig dibad joog ah gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Axmed Yuusuf Faarax, iyada oo saddex bilood oo xadhig dibad joog ahna ku xukuntay weriyaha Wargeyska Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar Sheekh.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gabiley Maxamed Xasan, oo haatan ku sugan magaalada Boorama, xukunka ay maxkamaddu ku riday weriyaha iyo gudoomiyaha KULMIYE ee Awdal waxa ay sabab uga dhigtay war ku soo baxay wargeyska Haatuf 7-dii bishan May, kaas oo ahaa waraysi uu weri yuhu la yeeshay gudoomiyaha KULMIYE ee Awdal, kaas oo uu kaga hadlay arrimo ku saabsan gobolka Awdal gaar ahaan, isaga oo xisbiga UDUB ku eedeeyey inay gobolkaasi ka wadaan falal ku lid ah qaranimada Somaliland.

Weriyuhu sida uu ku soo waramay, markii weriyaha iyo masuulka KULMIYE, waxa markii hore sida la sheegay soo xidhay guddida nabadgelyada gobolka Awdal iyada oo weriyaha iyo gudoomiyaha loo nisbeeyey warka ku soo baxay wargeyska Haatuf, cadadkiisii soo baxay 7-dii bishan May, kaas oo ka cadhaysiiyey masuuliyiinta xisbiga UDUB iyo maamulka dawladda ee gobolkaasi, hase yeeshee markii shalay labada maxbuus la horkeenay maxkamadda waxa eedayntooda la wareegay xeer ilaaliyaha gobolka, iyada oo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Awdal lagu soo eedeeyey inuu ku kacay dambi ah war been abuur ah, waxaana loo cuskaday qodobka 327 ee xeerka ciqaabta, halka ay weriyaha Haatuf xeer ilaalintu ku soo oogtay dacwad ah faafinta war been abuur ah.

Maxkamaddu may aqbalin doodii uu soo jeediyey masuulka xisbiga KULMIYE ee ahayd inuu isagu wax ka sheegay saraakiil ka tirsan xisbiga UDUB, oo uu tartan ka dhaxeeyey, balse maadaama ay iyagu aanay muduci ku ahayn uu u baahan yahay in loo cadeeyo dambiga uu qaranka ka galay, iyo halkay xukuumaddu dacwadda ka soo gashay.

Sidoo kale maxkamaddu may caddayn inay su’aalo ka weydiisay masuuliyiinta UDUB, eedaynta uu u soo jeediyey gudoomiyaha KULMIYE ee Awdal ee uu ku andacooday,in saraakiil ka tirsan xisbiga UDUB ay gobolka ka wadeen, falal ku lid ah qaranimada JSL.

Weriyaha Haatuf ayaa isna sheegay in warka loo haystaa u yahay war uu siiyey wakiilka xisbiga KULMIYE, oo ah masuul ku magacaaban xil degmo oo xisbi, sidaa darteedna aanu wax dambi ah qabin, balse Maxkamaddu labada eedaysane ee ay xukunka ku riday fursad umay siinin inay wakiishaan qareeno difaaca, isla markaana maxkamaddu qareeno iyada ka socda umay magacaabin difaaca labada eedaysane.

Labada eedaysaneba way diideen xukunka ku dhacay, waxaanay ku tilmaameen mid cadaalad darro ah.

Waxay tani u muuqataa inay ka mid tahay talaabooyinka cusub ee xukuumadda Madaxweyne Rayaale, muddooyinkan dambe kula kacday weriyayaal iyo masuuliyiin, taas oo ka horimanaysa xorriyatul qawlka ay jideeyeen qawaaniinta dalka u yaal, iyada oo ay beryahan dambe ay jireen masuuliyiin amar ku bixiya qabashada dad muwaadiniin ah, iyaga oo aan sifo sharci ah u soo marin.

Ururada Saxaafadda Somaliland ee kala ah SSJW iyo SOLJA ayaa labaduba hore u cambaareeyey xadhiga ay masuuliyiinta gobolka Awdal kula kaceen weriyaha Haatuf ee gobolkaasi.

Top
 


URURKA QIIMEYNTA WAXQABADKA DAWLADDA & HORUMARKA BULSHADA (Wax u qabo): DAWLADDA HABOON (qeybta 8aad).

Xukunka

Doorashadii madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeeku waxa ay soo afjartay cahdigii madaxweynihii hore (Alle ha u naxariistee) Maxamed X. Ibraahim Cigaal, waxana bilaabmay cahdi cusub oo ah ka Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin.

Doorashooyinkii (dawladaha hoose iyo madaxtooyada) waxa kale oo ay soo af jareen nidaamkii ku dhisnaa hab-beeleedka, xaaladda maanta taaganina waa mid ka duwan tii beeluhu ka talinayeen. Waxa furmay ama abuurmay xisbiyo ay tahay in ay talada dalku ku soo ururto, kana soo fusho, waana marxalad u baahan in isbedel dhab ah oo muuqda xukuumadu la timaado, taasi oo waxtar u yeelan doonta dadka iyo dalkaba.

Isbedelka ay dadweynuhu u baahan yihiin ayna filayaan in ay helaan, waxa ka mid ah in:

Hawlaha dalka uu gadhwadeen u noqdo dastuurka iyo xeerarka dalka u dejisan.

Musuq-maasuqa lala dagaalamo, ragii ku caan baxayna aanay ka muuqan maamulka cusub.

Tayo, karti iyo hufnaani aasaas u noqdaan xulka xubnaha wasiirada
Haddaba, guud ahaan ummad kasta waxa ay leedahay nidaam ama hab ay raacdo, kaas oo qeexaya qofka talada u qabanaya iyo waajibaadka laga rabo. Habkaasi waxa uu cadaynayaa nooca uu maamulkaasi noqonayo iyo aasaaska xukunkaas, kaas oo inta badan ay sal u tahay caqiidada ay ummadaasi rumeysan tahay, ama ku dhaqanto.

Waxa jira qawaaniin ay dadku dejiyaan, kuwaasi oo aan inta badan xidhiidh la lahayn diinta ay ummadaasi aaminsantahay, iyada oo mararka qaarkood ay madaxda ummadaasi ku kacaan falal lid ku ah caqiidada ay ummadaasi aaminsantahay sida islaamka.

Umadda muslinka ahi way ka duwan tahay umaddaha kale. Xeerarkooda iyo dastuurkoodana waxa ay intooda badan ka soo qaataan caqiidada islaamka, taasi oo si fiican isugu dheeli tireysa nolosha qofka iyo ta bulshada. Waxa ay diinta islaamku qofka u dejisay nidaam uu raaco oo uu ku dhaqmo, kaasi oo ay astaamihiisa ka mid yihiin:

In uu qofku ka fog yahay nin jecleysi, daneysi, kooxaysi, goboleysi iyo qabiil, midab ama isir jecleysi.

Waa hab sugan oo aanu wakhtiga iyo goobta lagu fulinyaaba isbedel ku keeneyn.

Waa mid sidiisa u taagan oo aan is burineyn, iskana hor imaneyn.

Waa mid is dhamays tiraya oo isku xidhan, haddii qeyb ka mid ah laga tagona uu dhaawac ku imanayo dhiska inta kale. Sidoo kale looma kala qaadi karo qeyb u gaar ah ku dhaqanka nolosha iyo qeyb aakhiro u gaar ah.

Waa mid iimaanka muslinka ku xidhan oo qofka u danaynaya, waana waajib in la fuliyo Aayadaha iyo Xukunka uu ina farayo, maadaama loo soo dejiyey in lagu dhaqmo.

Waajibaadka Madaxda (qofka xil ummadeed qaada).

In uu Diinta Islaamka ilaaliyo kuna dhaqmo.

In uu si cadaalad ah ummada u maamulo, nabadgelyadoodana ilaaliyo
In uu hantida ummada u maamulo sida sharciga waafaqsan ee uu islaamku waajibiyey, isaga oo aan waxba dulmin.

In madaxweynuhu raali gelinta Illaahay ka horeysiiyo raali gelinta dadka, dawladana ku maamulo xadka ay diintu dhigtay.

In madaxweynuhu maamulka ama talada u dhiibo dad aamin ah oo karti leh
In madaxweynuhu si joogto ah uga war hayo dadka iyo dalkaba, isla markaana uu horumariyo ku dhaqanka diinta. Waxa waajib ku ah in uu wada tashi la yeesho dadka aqoonta iyo cilmiga ehelka u ah, waana mid ay ummadu xaq ugu leedahay.

Top


Qaxooti Soomaali ah oo loo qaadayo dalka Mareykanka.

BBC - Kooxdii ugu horeeysay ee qaxootiga Soomaaliyeed ayaa u safraya dalka Maraykanka si ay nolol cusub halkaa uga bilaabaan.

Kooxdani waxay ka kooban tahay 74 qof, waxana lagu soo waramayaa in ay kala dhoofi doonaan Arbacada iyo Khamiista.

Ilaa sanadka soo socda ayaa waxaa magaalooyin ku yaala meelo badan oo Maraykanka ah waxaa la dajin doonaa dadkaasi.

Qaxootigaasi waxay ka soo jeedaan beelaha laga badan yahay ee daga Soomaaliya, waxayna inta badan u badan yihiin dad beeraley ahaa oo sabool, kana soo qaxay Soomaaliya markii uu dagaalka sokeeyey halkaa ka bilowdey 1991dii, waxaana dib loo dajiyey xeryo qaxooti ah oo ku yaala Waqooyi Bari ee dalka Kenya ee kala ah Dhadhaab, Ifo iyo xagdheere.

Afar sanadood ka hor ayaa dowladda Maraykanku sheegtey in ay dadkaasi ay la soo gudboonaadeen dhibaatooyin badan, waxaanna la go'aamiyey in ilaa iyo laba iyo toban kun dib loo dajiyo dalka Mareykanka.

Qaxootigaasi badankoodu waxaa weeye dad aan wax qorin waxna akhriyin, waxayna Hay'ada Qaxootigga ee Qaramada midoobey ay ku caawineysey daruus afka Ingiriisi lagu baranayo iyo la qabsashada nolosha kaga horeysa dalka Mareykanka.

Qaar ka mid dadkaasi ayaa BBCda u sheegey in ay ku faraxsan yihiin in dib loo dajiyo Maraykanka.

Top


Maraykanka oo ka digay qaraxyo.

Riyaad (W.Wararka) - Dawladda Maraykanka ayaa ka digtay weeraro cusub oo argagixiso oo ka dhaca dalka Sucuudi Careebiya, waxaanay sheegtay inay xidhayso safaaraddii ay ku lahayd magaalada Riyaad ee caasimadda Sucuudiga iyo qunsuliyadihii ay ku lahayd magaalooyinka Jeddah iyo Dahraan laga bilaabo maanta oo Arbaca ah. Balse Dawladda Sucuudiga ayaa beenisay inay arrintaa wax ka jiraan.

Sida uu sheegay mas’uul sare oo ka tirsan Dawladda Sucuudigu, ma jiraan wax weeraro ah oo laga cabsi qabo inay ka dhacaan dalkaasi, waxaanu sheegay in Maraykanka iyo Sucuudigu ay u siman yihiin weeraro lama filaan ah oo ka dhaca. Arrintani waxay ka dambaysay markii ay toddobaadkii hore magaalada Riyaad ka dhaceen weeraro qaraxyo ah kuwaas oo ay ku dhinteen dad 100 gaadhaya, weeraradaasi oo ay Maraykanka iyo Sucuudigu ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen kooxo argagixiso ah oo xidhiidh la leh ururka Al-qaacida.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga ayaana xoojisay ammaanka goobaha muhiimka ah ee dalkaasi si looga hortago weeraro argagixiso ah oo ka dhaca dalkaasi.

Top


Ruushka oo ku baaqay in laga qaado cuna-qabataynta dalka Ciraaq.

Moscow (W.Wararka) - Dawladda Ruushka ayaa ku baaqday in laga qaado cuna-qabataynta dalka Ciraaq, waxaana sidaa sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Igor Ivanov oo haatan booqasho ku jooga dalka Ukraine. Waxaanu intaa ku daray inay suurtogal tahay heshiis laga gaadho mashruuc qaraar oo arrintaa ku saabsan oo haatan horyaal Golaha Ammaanka ee Q.Midoobay, kaasoo ay soo hordhigeen dalalka Maraykanka iyo Ingiriisku, waxaanu intaa ku daray in Dawladda Ruushku ay taageersan tahay arrintaasi. Wasiirku isagoo arrintaa kasii hadlaya waxa uu shardi uga dhigay arrintaasi inay sugnaato awooda iyo waxqabadka ciidamada nabad-ilaalinta u jooga dalka Ciraaq iyo qaabka cuna-qabataynta looga qaadayo dalkaasi.

Dawladda Ruushka ayaa si weyn uga soo horjeeday weerarkii ay xulafada Maraykanka iyo Ingiriisku ku qaadeen dalka Ciraaq, waxaanay haatan olole ugu jirtaa sidii dalka cuna-qabataynta looga qaadi lahaa.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Booqashada Madaxweeynaha Jibouti ee dalka India.

New Delhi (Haatuf) Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti Ismail Omer Gelle ayaa La kulmay Shalay Madaxweynaha Hindiya Mudane, A P Jalaludiin Abdulkalam iyo Raysal wasaare Atal Baheiri Vajpayee. Madaxweyne Geele waxa uu kala hadlay madaxda hindiya Sidii Loo Sii Balaadhin lahaa Ganacsiga U Dhaxeeya Labada Dal iyo Gabi Ahaanba Dalalka Afrikadda Bari president Geele ayaa taageeray Hashiis-yadii ay Gaadheen labada Dal ee pakistan iyo India.

Raysal wasaaraha Hindiya A,B. Vajpayee oo Hadlay ayaa yidhi ku soo Dhowow Madaxweyne Dalkayga waxanay labad madaxweyne Yeesheen Kulan Aad u Dheer oo Badidiisu ku Saabsanaa Sidii loo Sii Xoojin lahaa Xidhiidhka Ganacsi ee labada Dal.

Djibouti ayaa Safaaradd ka Furanaysa New-delhi waxana la Dhigayaa Wakiil ama Qusul Magaaladda Ganacsi Ee Bombay Madaxweynaha ayaa la Filayaa Goor Dhow oo Maanta ah in uu yimaado Magaaladda Hyderabad halkaas oo uu kula Kulmi Doono. Raysal Wasaaraha Gobolka A.P. (hyderabad) Mr. Chander Babu Naidu iyo Madaxda Ganacsi Ee Dalkaasi.

Madaxweynaha waxa la Filayaa in 22 bishan uu la Kulmo Raysal wasaaraha Gobolka Maharshtra Mr Shinde oo ay ka wada Hadlaan Xidhiidh Ka Ganacsi ee u Dhaxeeya labada Dal . Booqashadiisu waxa ay Soo Gabgaboobaysaa 23 bishan oo uu ku laaban Doonaa Dalkiisa Hindiya oo baryahan Sii balaadhinaysay Xidhiidhkeeda Afrikadda Bari iyo Gabi ahaanba Qaaradda afrika ayaa Damacsan in ay u Laalaabto Suuqii uu Shiinuhu ku Lahaa Afrika.

ABDULFATAH SHEIKH OMER ARALE, ARALEVIP@hotmail.com.

INDIA, Madras.

Top


Indho Gar-darani Markay Ooyaan Kuwo Gar Lehna Maxaad u Malayn?

Waxan salamayaa dhaman shacbiga s/land yar iyo wayn dal iyo dibad mucaarid Marka hore muxaafid iyo dhex dhexaadba. Marka xiga waxan Hambalyeynayaa madaxda axsaabta Ucid, Udub, Kulmiye iyo taageerayaashoodaba, waxan ku hambalyeynayaa tartanka dorasho ee ay galeen iyo sida ay ugu kala badiyeen, waxan soo dhawaynayaa sida ay isu hambalyeeyeen iyo sida ay isugu cadhaysanyihiinba.

waayo waxan sidaa u leehay farxada iyo cadhadaba eebaa abuurayqofkuna markasta inuu faraxsanaado ama wuxuu arkaba uu ku qancaa faral maaha,ogow qofku waa bashar sibay wax isu tusi karaan, in loo dejiyo loo farsamo sheego oo la hogatusaaleeyo uunbaa taalla. Runtii shacbiguna dadaal buu galay in wixii uu udaalay laga daadiyo maaha, madaxda kulmiyana waxan leehay wuxu tartanbuu ahaa inaad hesho waa la arkaa in lagaa helana waa la arkaa laakiin maaha inaad guusha dusha usii ridato oo aad bisha oon bilanba iska sii ciiddo. Sababtoo ah hadhow waxay leedahay dhibteeda ha noqoto dhinaca madaxda ama dhinaca taageerayaasha intaba, adiguna waa lagaa helay liqi maysid taageerayaashaadiina sidaad u qancin lahayd baa kugu adkaanaysa.

Balse madaxda kulmiye waxan leehay malaha dheeliga udubka uunbaad inuu dhacayo moodeen, oo kursigii uunbaad sheed ka bildhaansateen markasuunbaad is tidhaahdeen aleylehe kan waxba idinkama xigaan, idinkoon iskaba fiirin in fayga kale laga joogo iyo inkale. Alaylehe komishanku kaalin fiican buu idin soo gaarsiiyey kolba hadaad mansabkii udub lahayd muran galiseen. Laakiin waxa layidhi shaydanku minankaagana wuu kasaaraa kuwiisana kuma geeyo. Hadii aan hadaba usoo noqdo dulucda hadlkayga anigu waxan is waydiinayaa komishanka iyo kulmiye maxaa ka dhexeeyey xiligii doorashada madaxtooyada S/land? komishanku ma kulmiyuu ahaa mise kulmiye laftiisaaba komashan ahaa? waaa su'aalaha ilaaa imika aan jawaab ula'ahay waxan se jawaab ka sugayaa cidda ay khusayso. Waxad arkaysay oo si cad oo aan qarsoodi lahayn umuuqday wada shaqaynta gaarka ah ee ka dhexaysay xisbiga kulmiye iyo komishanka heer degmo/gobol illaa heer Qaran. Runtii anigu ma doonayo inaan idhaahdo xisbi hebelbaa waxaa iyo waxaa sameeyey,oo axsaabta ninba wuxuu doono dadka haku soojiitee way tartameen, shacbiguna way guteen waajibkoodii.

Laakiin komishanka oo ahaa hay'ad madax banaan oo loogu talo galay inuu udhexeeeyo axsabta loona dhaariey inay xilkooda u gudanayaan si cadaalad, garsoor iyo dhexdhexaadiyayaal xalaal ah ahna ay ahaadaan iyagna ku balan qaaday kuna dhaartay masxafka ayaa iyagu noqday kuwa ka baaqsaday wacadkii waxayna ku kaceen khiyaamo cad, waxay galeen gef wayn, waxay ku gafeen dadkooda, dalkooda, iyo diintooda intaba, komishanku wuxu baalmaray oo uu beenkasheegay kitaabkii qur aanka ahaa ee lagu dhaariyey, komishanku wuxu sameeyey safasho cad oo dhinac walba leh. Kulmiyana wuxu ka faa'iidaystay uun oo kaliya fursado badan oo ay Udub siisay. 1)-udub wuxu baylihiyey taaageerayaashiisii, Kulmiyana wuxu cidla ka helay shicibkii oo anay udub waxba gashan.

2)- Udub wuxu aad uga daaahay xiligii ololaha,tasina waxay niyad jab iyo kalsoni darro ku riday taageerayaashii xisbiga oo is yidhi malaha udub way quusatay kadib markay isugu biirtay aamusnaantii udub iyo ololihii kulmiye ee xaamiga ahaa. 3) - Udub waxa ku dhacday arimo la yaableh"xubnihii xisbiga xoog haye guud, mid fulineed,mid gole dhexe,mid gobol ku degmo, wasiiradii xisbiga taabacsanaa iyo xubno kale oo ka tirsan golayasha xukuumada isu wada duuboo hasii kala daraadeene dadkii ururku wuxuu fan lahaa iyo farsamadiisiiba lagu aaminay waxay sameeyeen khiyaamo, nin walbaa dhaqaale wixii loo dhiibay uunbuu sahay uqaatay.

Markaad hadaba arintaas ukuurgasho kuligood waxay aaminsanayeen in Udub laga badinayo, sidas darteed waxay ukala qaybsameen ku xisbi kale meel kasii xaadh xaadha, ku guriga oo ka qabya ahaa ku habeysta, ku gaadhi taagan ku soo iibsada isagoo dadkana u sheegaya inuu gaadhigani kiro yahay, ku fara qabsiin ba qoyskiisa u siiya,iyo mid wali rodaash bixinaya (guntan) oo leh anigu wixii la ii dhiibay waan qaybiyey oo waanigaa codka intaa le'eg ka keenay deegaan kaygii. Allahayow nimaan wax ogayn ha cadaabin. Arimahan iyo kuwo kaleba waxay ku rideen taageerayaashii udub niyad jab iyo kalsooni darro wayn, dhacdooyinkaas iyo kuwakale oojirayba waxay ku noqdeen xisbiga udub caqabad wayn oo halis galisay.

Dhinaca kale arimahan iyo kuwa kale oonan halkan kuwada dhamays tiri karayn waxay u ahaayeen xisbiga kulmiye oo ahaa urur si wayn u tartamayey fursado dahabi ah oo uu ka faa’iidaystay. Runtii xisbiga Udub waxa la tacaalay oo roole fiican ka cayaaray xubnihii kasoo googa'ay ururadii hadhay iyo kuwa hadda tartamayeyba iyo shakhsiyaad magac leh oo iskood isu xilqaamay, garabadii haweenka kii dhalinyarada isu soowada duuboo waxa la odhan karaa dadkani waxay ahaayeen gurmad Eebbe. Nimankaa xisbiga (old udub) ee aan kor kusoo xusayna waxad arkaysay iyagoo deedafeynaya xubnahan cusub iyo shakhsiyaadka arinta ka daacada ah oo leh si kalay wax u wadaan iyo lacag bay doonayaan IWM. Komishanka iyo kaalintii uu ka galay doorashadii madaxtooyada. 14th April 2003 waxay u ahayd guud ahaan shacbiga s/land malin wayn oo taariikhi ah, waxay ahayd maalintii u horeysay ee shacbiga Somaali land udareero doorasho heer madaxwayne, waxay ahayd maalin uu qof kasta oo buuxiyey shuruudda doorashadu uu rabitaankisa ku cadeeyey warqad yar oo cad,waxay ahayd maalin ay musharaxiintooda ku tartamayey jagada madax waynaha ku kala saarayeen codkooda qaaliga iyagoon ku kala saarayn qori iyo qabiil toona.iyo si xor ah nadiif ah sahraf leh codkooda u bixiyey. Run aahaantii dadwaynaha rer Somaliland waxay muujiyeen bisayl wayn waxan odhan karaa waa mid qaangaadhay.

Mudnaan iyo tix galinba waxa leh shacbiga iyo dhamaan axsxaabtii tartamaysay, taariikh lama ilaawaan ah iyo tilmaanna waxa mudan m/wayne Rayaale oo isu dayey inuu ka hirgaliyo wadanka doorashooyin xor ah. Isagoo og dhaqaala xumada dalkisa iyo waaya aragnimo la’aanta dadkiisa isagoon cidina ka damaanad qaadin kursigiisa ayaa wuxu ka doorbiday horumarinta dalkiisa, wuxu isagoo ku kalsoon shacbigisa ku dhiiraday arintan.Si uu caalamka ugu shaaciyo sida dadkiisa iyo dalkisuba ula jaan qaadi karayaan wadamada xorta ah. Runtii riyadaasi way dhabowday fikirkii wadamada dunida qaarkood iyo dalalka jaarka ah qaarkood inaga qabeenna wax wayn baa iska badalay, waxa laba kala fog noqotay walaacii laga qabay waaya aragnimo la’aanta shcbigeena iyo wacdarihii ay dhigeen!!!!!Hadaba waxay calaamatu su’aal wayni sarantahay komishanaka iyo kalintii uu ka galay doorashooyinkiii madaxtooyada s/land ee 14th April 2003 ka qabsoontay dalka.

Komishanku madhex dehexaad buu ahaa, mise dhanbuu jirey? komisahnku dhaartii lagu aaminay maku dhaqmay mise waa dhinac maray? Komoshanku axsaabtii tartamaysay siduu ula wada shaqeynayey siduuse ula kala shaqaynayey?.komishanku ma si isku wada mid ah ayuu uga wada hawl galay gobolada iyo degmooyinka dalka mise si kala duwan? Haddii aan su’aalahan si kooban uga jawaabo komishanku dhex ma ahayn ee dhinac buu jirey.Anigoo jawaabtan sii tafsiirinaya komishanku wuxu geed dheer iyo ged gaabanba u fuulay sidii uu ug a taqalusi lahaa xisbiga talada hayey ee UDUB, taana waxa kuu cadaynays sidii aan qarsoodiga lahayn ee uu u naas-nuujinayey xisbiga KULMIYE.

Marka laga tago casimada oo aan odhan karo dhexbay u ahayd labada musharax, magaalooyinka sida wayn loo dareensanaa ee la filayay in ay si aad ah ugu kala horeyn doonaan labada musharax oo uu midba midka kale cod badan ku hagaamin doono waxay ahaayeen magalooyinka Burco iyo Borama oo ay ka soo kala jeedaaan labada musharax ee sida wayn isu eryanayey.Hadaba labadii gobol ee togdheer iyo awdal ma si isu midaa komishanku uga hawl galay mise……? Jawaabtu waa maya, Komishanku wuxu ula dhaqmay gobolka awdal si qeyrul sharci ah wuxu ka takooray gobolada kale ee dalka, wuxu uga hawl galay si ay taariikhdu qori doonto, oo dhamaanba dadwaynaha reer awdal ay ka biyo diideen khaasatan taageerayaasha xisbiga guusha ee UDUB.

komishanku wuxu qaaday taalaabooyin ka dhan ah guud ahaanba gobobolka gaar ahaana lagu wiiqayeytaageerada wayn ee xagga codadka aha ee uu xisbiga UDUB uu ka filananayey degaamada Borama,Baki,Dilla,Lughaya iyo Zeylac 1)- komishanku wuxu gabi ahanba meesha ka saaray in ay ka hawlgalaan dadkii u dhashay, ha noqdeeen kuwii kasoo shaqeeyey doorashadii hore ee deegaanka ama hanoqdeen kuwa cusub intaba.

2)- gabi ahaanba goobihii codbixinta ee gobolka wuxu keenay dad uu isagu watay,kuwaas oo uu ugu talo galay inuu ku fushasdo barnaamujkiisa.wuxu keenay dad ay aqoontoodu hoosayso (Elementary) iyo qaar ololihii wax ku bartay (LOw-speed) ah. Waayeel, haween iyo wiilal yar yar oo anan xilkas ahayn oo rabay inay wakhtiga lumiyaan siay u dhaqan galiyaan wacadkii ay komishanaka iyo kulmiye sookala galeen.arintan iyo kuwa kale oo jirayba waxay keentay in uu nambarkii codeeyey 31% ka yaraado marka loo eego kiidawladaha hoose ee 15 Dec2oo2dii, xiligaas oo ay ay goobaha codbixint ee gobolka dhamaantood ka hawl galan dad heer jaamacadeed ah 88% waxay ahayeen ardayda jaamacada camuud iyo macalimiinta dugsiyada sare wax ka dhiga iyo dadkale oo masuuliyiin ah.

taasi waxay suura galisay inay dad badani fursad u helaan inay codkooda dhiibtaan imikase waayey fursad ay ku dhiibtaan, iyadoo waliba doorkan la filayey inay dadka codaynayaa kasii badan doonaan kuwii xiliigii deegaanka codeeyey. Maxaase dhacay? 3-komishanku waxay dhamaanba ka xayireen gobolka miyi iyo magaaladba gaadiidkii oo haba yaraatee ay diideen in wax gaadhi ahi ka dhaqaaqo,iyagoo u adeegsanay askarta oo aad arkeysay hawsha ugu wayn ee ay komishanku hayeen maalintii codbixntuba inay taa ahayd, halka gobolada iyo degmooyinka kale ee dalkaba uu gaadiidku Free ahaa, oo ay dadka laba dhigayeen goobaha codbixinta. 4- komishanku wuxu ka baaqsaday (diidey) inuu haba yaraateewax salfeyn ah soo sameeyo si sanaaduuqda loogu dhaweeyo meelaha cusub ee dadku u guur-guureen oo laga qaado meelaha laga hayaamay abaaraha darteed sida deegaamada kale ee dalkaba uu ka sameeyey komishanku. 5-komishanku gobolka Awdal wuxu keenay wraaqo aad utiro yar marka loo eego kuwa uu gobolada kale geeyey 6-Komishanku waxay lumiyeen 60% minites kii maalintii codbixintu socotaysi ay xataa waraquhu haba yaradeene hadana intii ay hayeenabay dadkii ka hagradeen.Waxan u joogay oon ka markhaati kacayaa for example: goobaha ugu dhawaa xarunta komishanka oo aan uga fogayn 50m-150m oo ay waraaquhu gabi ahaanba ka go'naayeen 10:30am.2:00 pm halka qaarna casarkii ay ka go'een dadwaynhiina ay tugnayeen illaa lixdii maqribnimo (Dugsiga sh.c/raxmaan, Trafikada, H/dhexe iyo Aloog) kuwii umuuqday xarunta komishanka ayaa sidaa ahaa meel ka durugsan iyo degmooyinkii kale hadalkoodaba daa. Dhacdooyinkan iyo kuwa kale oo badanba waxay ahaayeen kuwo u gaar ah G/ Awdal oo aany la qabin gobolada kale ee dalku, waxay ahaayeen kuwo lagu wiiqayey guud ahaan gobolka xiligan kala guurka.

Halka uu komishanku magalooyinka kale la wareegayey waraaqaha codbixinta halkana markay kaa go'aan eed doonato waxa lagu lahaa" kii qarankaa qureec ku maqan, kii gobokaa qada tegay, mise kii degmadaa yara daahsan IWM. mararka qaarkood waxay iska samaysanayeen buuq aan jirin, iyagoo kulmiye la shiraya yaawaxay askarta amar ku siinayeen in aanan cid loo soo dayn oo ay dhahayeen shirbay ku jiraan, garo' oo shacbigii qoraxdii bay taaganyhiin. Waxa layidhi marka indha gardarani ooyaan kuwa garle-na maxaad mooday" waxan layaabaa marka kulmiye komishanka wax ka sheegto show horaa loo yidhi indhoole ma laqanyoodo.

Isu soo wada duuboo dhamaan arimahan iyo kuwa kalaba waxay ahaayeen dagaal cad iyo meel ka dhac wayn oo uu koomishanku ku qaaday gobolka isagoo uga dan lahaa (A)-inuu curyaamiyo oo uu fashiliyo numberkii badnaa ee gobolka kasoo baxay xiligii doorashooyinkiii dawladaha hoose (B)-iyo iyo inuu ka hortago oo uu lumiyo taageerada balaadhan ee uu xisbiga kulmiye ka filayo gobolka, halka Burco oo la tartamaysay Borama ay wax waliba biyo yaa shuban ahaayeen.

xataa degaamada sida burco iyo meelo kalaba waxa loo isticmaalay codbixintii waraaqo foojari ah, intaa waxa dheeraa sanaaduuqdii iuo waraaqihii loogu talo galay meelo ka mid ah degaamada Sool iyo Sanaag oo ay ka suura gali wayday in Burco la dhigay oo goobaha qaarkood ay sadex sanduuq yaaleen waxan xasuustaa nin reer Dillaad ahaa oo sida awrta u doobin jirey oo marka wax laga waydiiyo afcaashiisa qaarkood sida ay ukala duwanyihiin hal hays ulahaa "Ninla udoobiyey" miyaanse la odhan karin udub lafteeda arimahan qayb ka ahayd Somaalidu waxay tiraa "Hadal nin badiyey ma wada odhan, nin yareeyeyna kama wada tegin", ee su'aasha in laga jawaabo u baahani waxa weeye Komishanka iyo Kukmiye maxay isku ogaayeen xiligii doorashada madaxtooyada s/land Udub-se siday u arkaysay arrintaa maxayse ka tidhi?

Jawhar C/samad Qalinle , Copenhagen.

Top


Gacmihii Iswada Caawiyaan.

Waa ilaah mahadii in Somaliland lagaga ciido farxad iyo Bashbash sannad guuradii 12aad ee maalintii lagula soo noqday madaxbanaanidii Somaliland Magaalo Madaxda 2 baad ahna xudunta Dalka (Burco) hannaan wanaaga iyo horumarka ay muuujinyaan danyarta Somaliland mar uun baa abaalkeeda la heli.

Hadaba dhawr arimood oo had iyo goor lagu beer laxawsado danyarta Somaliland oo ah Ictiraafbaanu raadin iyo anagaa sidna iyo waanu doondooni doonaa ninba siduu doono ha u yidhaahdo, kalmadahan had iyo goor waxaa la isticmaalaa marka danyarta la soo jiidanyo , se waxaa hubaala ah in kalmadahaa dhabayntooda aanay aad isugu taxalujin nin walba oo maqaam ku leh Golaha madaxtooyadda.

dhawaan doorashooyinkii dalka ka dhacay waxay muujiyeen horumarka Danyarta iyo dadaalka ay ugu jiraan dalkooda hadaba tolow siyaasiyiintan kala duwan ee loo codeeyey ma awrkooday si qayax inoogu kacsan doonaan mise iyagoo kacsanaya ayay hadana dalka u miciin noqon doonaan ? aynu dhawrno?

18 May waxaa la dareemi karaa sida isbadalka weyn ugu dhacay dalka ka dib marka loo eego tii hore ammaan xad dhaaf loo adkeeyo magaalooyinka qaar oo dabaaldagoodu danbeeyey Siyaasiyiintii laxaadka lahaa oo aan muuqan halgamayaashii dalkan jaray oo maalmahani yihiin maalmahay ku faani lahaayeen oo aanay meelna ka muuqan. Hadaba shacabku kala qaybsanaan ma laha isagu oo waynu ognahay ee siyaasiyoow maxaa kuu dan ah. Mud. Daahir Riyaale Kaahin adoo ah Madaxweynihii dalka waxaad arki kartaa Isbadalka ku yimid dalka 18 may ee kal hore iyo tan maanta.

18 may ee kal hore meel walba oo Somaliland ah iyo meel walba oo Somalilanderkastaa joogaaba waxay ahayd mid laguu riyaaqayay ayay ahayd maanta se taageeradii kala badh baa luntay maxaad ku kasban kartaa baa meesha taala Mud. Madaxweyne dalka iyo dadkuba maaha kuwo la cabudhinkaro adoo haysta in ka yar kala badh intii codaysay ayaad hadana tahay Madaxweyne, Mud. hadaad doonayso in aad dalka oo dhan xukuumadaada gaadhsiiso jiil walba oo soo kacaa taariikhdaada loo akhriyo Ka tali cadaalada dalkan horumarkiisa maanta Xisbbiga Kulimye Sida aad isugu dhawaydeen baad ogtahay kala badh in uu umada fikradooda xanbaarsanyahay ayaad ogtahay. Iyadood xaq u leedahay dawlada inaad kaligaa dhisato hadana maanta dabarbaa ku xidhaya oo waxaa lagaa huwanyahay dadka intoodii badnayd marka labada xisbi ee Kulmiye iyo Ucid la isku daro dalkan waxaad eegtaan xaaladaha la soo darsi doona sida dawlad qasab ah oo laga soo dhiso koonfur, sida jaar xumada ka jirta Jiho walba, sida u qaybsanaantan siyaasadeed u jirto.

Gabogabo Mud. Madaxweyne daadi wasiiradan tayada xun ee beeleedka ku yimid oo keen wasiiro ka socda 3 xisbi si looga gudbo xiligan xun.

iyo siyaasadan dunidee is badashay dimuqraadiyada raadi ictiraafkaad shalay ku qudbadaysay gudaha ka suurto gali oo dalka gudihiisa dawlad laga ictiraafsanyahay keen.

C/laahi suldaan Tima -Cadde alla ha u naxariistee isaga oo sheegaya is kaashiga umada is kaashataa sida ay wax u qabsan karto (Gacmihii is wada caawiyaan shayna ku cuslayne Caqligii si wada biirsaday baa ceel biyayn karo e) alla ha u naxariisto sidoo kale mar labaad isaga oo sheegaya sida taya darrada umadaan is kaashan waa kii lahaa (biyahaan dhaqaaqini dhagxaan badan ma riixaan) hadaad tayo u yeelin Mud. oonad keenin Dawlad loo wada dhanyahay Xisbi iyo Wax garad ba waa taayar banjar ah ilaa 5 sanno ee soo socta hadana.

Mudanayaasha Xisbiga kulmiye mar kale ayaa loo baahanyahay in aydun Dalkan u halgantaan oo aydun dhamaystirtaan hanaan socodka geedigaad rarteen 1982 maanta oo dimuqraadiyad aynu daydayayno iyo cadaalad waxaa haboon in aynu is kaashi samayno dhan walba ah Gudoomiye Muj. Siilaanyo iyo Mud. Madaxweyne Riyaale kusoo af gunaanada Danta dalka sidaad u qaybsan lahaydeen dalkani wax wax tara ayuu u baahanyahay midkiina shacbiga awood dheerada ka ma haysto uu kan kale ku dheeryahay waxa lagu kala awooda wayn yahay waa qodbada dasutuurka ee aynu dhiganay mid walowba eeg Cisbitaalada Somaliland danyartu hoos hadhsato siday u egyihiin. Ka dhisa Somaliland dawlad wax matali karta u dhisa sida uruka Somalilandforum u dhisanyahay dhabeeya Qurbajoogayaashu hamaday soo wadaan wada jir ahaada soo xusha wixii talo ah sida ragga cadaalada iyo xaqqa jecel somaliland na wax ay u biiriyaan maahaane waxay ka dhimaan aanay jirin ilaahay ha la garabgalo C/qaadir Jirde iyo raguu ka midka yahay ee ku dhex jira Shicibka.

Wabillaahi Towfiiq, Cumar Cabdi Nuux, Helsinki, Finland.

Top


WAA SU’AAL DA’WEYNOO MADAXA DAALINEYSA.

Soo noqdi badan ayaa sooyaalka taariikhda laga helaa, dhaxalkeeduna waa hadba sida aad uga faa’ideeysato, dabadeed manfaceedana u badsato, dhibkeeduna ka yaraado kii ay hore kuu gayeysiisey.

Dharaaraa ina soo marey aynu SNM iyo FAQASH kala aheyn, dharaaraa ina soo marey aynu Somaliland iyo Somali weyn kala aheyn, welli inamey soo marin tan manta ee aynu kala nahey KULMIYE, UDUB, UCID, HUBSATO iyo IDIN KALA GARAN MEYNO EE GUULEYSTA DHAMAANTIIN, unuga saldhiga u ah sababtan ayey dad badani u aaneynayaan Dimuqraadiyada aynu kabbaney, iyadoo dimuqraadiyadu tahey in la qaybsamo(divide & rule), hase yeeshee la is maamulo, waxaad moodaa in la ina kala qaybiyey balse aan la ina xukumin(kabashada cimiga yar waa lagu kadeedmaa. M.C.Faruur).

Akhristoow iyadoo la odhan karo waxyaabo badanbaa dhiman ama khaldan, hadana waxaa ay u muuqataa in halka ugu muhiimsani tahey laaxin ku jira NIDAAMKA (system), NIDAAMKU waa hanaan qaabeysan oo lagu saleeyo bulsho dhaqankeeda, dhaqaalaheeda, fikirkeeda, dabiicadeeda, deegaaanteeda, carqaladaheeda iyo dhamaan waaxayaha nolosha lama huraanka u ah, hanaankaas waxaa gundhig u ah ISIR-WEYNAHA ay wadaagaan bulshadaasi iyo DHUFSANE-YARAHA ka dhaxeeya, dabadeed waxaa loo unkaa hab maamul oo la raaco kaasoo leh jaranjaro kala sareyn ah iyo xuquuq kala duwan oo ay kala leeyihiin shaqaalaha, loo shaqeeyaha iyo muwaadinku, hadiiba ay dhaliili ka soo dhex baxdo maamulkaas su aashu waxey noqoneysaa ma mas’uulka ayaa tixgelin waayey nidaamkii uu raacyey mise nidaamkaa wax ka bedel/ku darid u baahan, waxaa iyana lama huraan ah in meel loo noqdaa jirto taasi oo uu yaalo miisaan cabirkiisa la isla garanayo, dabadeed waa in saxa ama xalku halkaas ka soo dhex baxo, dood kale ayaa odhaneysa nidaamkii marka la dhiso lama tixgelinayo oo masuulkii kolkuu doonana jeebka ayuu kala soo baxayaa marka kalena hoosta ayuu dhigayaa, sababta keeneysa tixgelin la’aantu waa nidaamka oo aan dhameys tirneyn ama qalooc ku jiro arintan iyada ah laguma nuuxnuuxsado ee markaas waxaa dhacda in bulshada la lumiyo loona jeediyo maskaxdooda ninkii wax falley/qofkii tixgelin waayey nidaamka/shuruucda, dhaxalkeeduna noqdo is-nac, xumaan, waxaan daal iyo dhib aheyna lagama taransado, qofkood badashaa maaha xalka dhabta ah, dhibaatadii halkii ayey taalaa oo ay sii siyaasdeysaa welibana.

Hadeynu dib u jaleecno dhaqaalihii, tamartii, waqtigii iyo hawshii aynu geliney wadar ahaan axsaabta dhismahooda iyo doorashooyinkiiba (D/H iyo M/WEYNAHABA) nuskeed ma aynu gelin toosinta, dhameystirka iyo daboolida galdaloolooyinka ka muuqda NIDAAMKA, maxsuulkii ka soo baxey dhismayaashaas axsaabta iyo doorashooyinkaasi wuxuu noqdey in ISIRWEYNIHII inaga dhaxeeyey astaantiisii (18MAY) si wada jir ah looga xusin dalkeenii waxeyna sababteedu kusoo gurya noqneysaa NIDAAMKA. Mar hadii dadkii ayna fahamsaneyn loona qeexin, lana barin macnaha dawladnimo waxey tahey, koll hadii xaqa iyo faa’iidad ugu jirta qofka shicibka ahi aanu garaneynin/fahamsaneyn waxey ka dhignaaneysaa nimaan weligii guursan balse yaqaan malabka macaankiisa oo aad la daba taagnaato guurka macaankeeda soo dawakhaad iyo hawl kamaad korodhsan.

Isweydiintu waxey tahey ma aqoon la’aanbaa mise waa jahawareerin ku talagal ah sida bulshada mareykanka ee la dagaal galiyey laguna dawkhiyey waxaan jirin oo la yidhaa argagixso, waxaan qabaa iney tahey badheedh jaho wareerin ah, waxaanan si gaar ah uga codsanayaa mac-hadyada IPRT, Somaliland Peace and Development, aqoonyahanada, Gudida xumaan reebista iyo wanaag farista (Hadraawi, sh.Mustafa, Prof: Suleimaan, Gaariye, Boobe, sh.Dirir), ururka Wax U Qabo, Jaamacadaha iyo Saxaafadaba in la qabto/furro cilmi-baadhis iyo dood cilmiyeedyo si loo dhameys tiro waxa dhiman.

Guntii iyo gebgebadii akhristoow waxey iila muuqatey sidaas aan kor ku soo sheegey in nidaamkeenu kala dhantaalan yahey oo inka badan 40 sanno aynu ku dawakhsanahey hebel marna loo sacab tumo kolna laga tumo ee waa SUAAL DA’ WEYNOO MADAX DAALINEYSEE ADIGA MAXEY KULA TAHEY, WAA MAXEY DHIBKA DHABTA AH EE JIRAA? XALKIISUNA SIDEEBUU KUULA MUUQDAA?

Ismail M Gadiid, LONDON.

Top


Laba Sir Ku Heshiiyey Caadkay ku Diriraan.

Bulshey adigey boqraday, adaa bili igu shakalay, markii laguu biliqaysto, markuu baqaagu yeedho, ayaa bahowyow gabyaa, dareenku baraarugaa, dantaada haddaan la bi'in, miyeynu is baran lahayn.

Tan iyo markii ay ku dhawaaqday maxkamadu go,aankii qabyada ahaa ee doorashada madaxtooyada SL 11 May 03,waxaa soo baxayey dareeno cadho leh oo badiba dadka somaliland gude iyo debadba ay ku muujinayaan dareenkooda ku waajahan madmadow badan ee ku jira go,aankaa danbe oo ka dhigay kii hore ee koomishanka: ka daroo dibi dhal; waxa la yidhi dundumo dheraatay dhulkay ku soo noqotaa.

waxyalaha aan maskaxdu qaadi karin waxaa ka mida sida go'aannkaasi aanu u qeexin sifihii sharciyeed ee ay mareen, waxyaabihii muranku ka taagnaa ee lagu muransanaa tiradii natiijadii kumeelgaadhka ahayd iyo qalaladkii ay qirteen koomishanka in ay ku sameyeen tiradii hore oo ay shegeen in udub la jaro iyo waxyaalo kale oo shegeen in go,aankooda ay maxkamada u dayeen ,waxaasi oo dhami waxay ahayd wax loo baahna in dacwadeeda la qaado iyadoo sharciga la waafajinaayo,taas oo ku dhacday sidii ay go,aanku u dhacay faahfaahin la'aanta, cadayn la'aanta, qoraal la'aanta in la siiyo dacwada laba qaybood ee isku haystay dacwada, weli waxay dadku su'aalo iska weydiinyaan xagee udub wax looga helay ma sanduuqii balicalanle ayaa loo tiriyey, dacwadii laysku hayey weli go'aankeedii miyuu hadhay ma dacwad kalaa jirtey weli waa su,aal taagan,oo aan jawaab loo hayn oo ay dadku is weydiinayaan mise waxaan ku daynaa : Haday dunida ceebtahay, dusduskiyo khiyaamadu, noo dabeecad weyaan, haday dunida ceebtahay dulmi loo badheedhaa, dadkayagu ma libiqsado(Gaariye).

Go,aanka intii ka talisay iyo intii ku raacday waxay ahayeen kuwa ka soo horjeeda cadalada iyo sharciga somaliland,arinkooduna yahay;Dhego ma leh wax kama dego,Indho ma leh wax lagu dayo,Nabadana dan kama laha :wax la aqbali karona aan ahayn,runtiina ah wax aad looga yaqyaqsoodo ,taas oo qurbo jooga SL ku riday niyad jab aad weyn, runtiina inagoo og ,Gardaro ma guulaysato,; Daymiyo garashay rabtaa,hog loo dayo bay rabtaa,runteeda qofkii duwaa,xaquu kaga deyro yahay,dawgeeda hadaan la marin,daliil rabi looga dhigin,deynkeeda waxaad gudaa,mar aanad u daafad hayn,ninkii dabinkeeda gala dib bay u xuusisaa, Waxu yidhi degmadayda diriradu ma horaan,dadka uma sinadaan,meeshaanu donaa lagu soo dabalaa arinkuna waa Garweecsan,iyo gudoon jilicsan,waxaa la yidhi laba belood haday wada degaan ,labadooda benaale ayaa isu horbarta, Arinkuna wuxuu ku danbeynayaa ,laba sir ku heshiisay caadkey ku diriraan, xaquna ma qarsoomo, isagaa iskii u dildilaaca.

Shirka jaraa'id ee ay qabteen odoyaasha Sh.ibraahim iyo Cabdi Waraabe runtii masuulyada ay hayaan iyo xaqdarada ay qiranayeen maxa wax isleh markay yidhaahdeen, siilanyo waanu kaaga hiilanlahayn Saleban Gaal iyo Faysal A Waraabe lakiin Daahir Riyaale waa reeraha daafaha oo isagaanu u hiilinaynaa, waxaa la yidhi qufac iyo uur midna lama qarin karo, ogaadana qorigaad jebisaan, qarjaftiisa lagama naxo,xantaadana xiinkeeda ayaa ku baxa ( Bulshey ninkii balankaaga qaaday,ka baaqday xilkaad u dhiibtay, ka baydhay ujeedadaada,ku boobay adoo saboola,ku wiirsaday babaa'ga, adoo bogan waayey taada,ninkii u buseylay raaxo,buurtuu korey waarin mayso,hadiisuna baajin meyso,kub iyo bawduu ka jabi, runtii waxaa ka soo baxaya : waxay dawadaan hebel,lagu yidhi dantiinba duubka loogu xidhay, Runtii dadku si milgo iyo sharaf leh ayey wax u doorteen, safaf dhadheer daal farabadan,isu dulqadasho,farxad,rajo wanagsan,quluub wacan intaba way soo mareen dareenkaasina waxaa maanta laga sugayaa xisbiyadii ay u kala codeyeen inay ka soo baxaan waajibaadka saaran iyadoo si gaara diiradu maanta u saaran tahay labada xisbi ee udub iyo kulmiye ,waxa udub ay la shir yimadaan iyo go,aanka kulmiye.

Runtiina waa in la sameyaa maxkamad tayo leh oo cadalad xaqsoorta si looga badbaado cadaalad daro soo noqnoqota,dhanka kalena waxaa loo baahanyahay in la helo maamul tayo leh oo daboola ama wax ka qabta baahida dalka oo dalka taladiisana mayalka u qabta ,waxna ka qabta musuqmaasuqa dalka curyaamiyey iyo ragaadka maamulka ku habsaday waxna ka qabta baahida adeegyadii bulshada ,sida caafimaadka , biyaha ,
waxbarashada,cadaalada,wadooyinka iwm iyo siyasad cilmiyeysan oo dhinaca debada taas oo keenta icraaf caalamiya.

Waxaan leeyahay xisbiga ucid haku hambalyeeyo siyasadiisa uu leeyahay lakiin yaanu xusbi kale kaga doonid sucmad doonis liidata ku aqbal cadalad daro aanu isagu miisaan u lahayn haduu diido iyo haduu ogolaado midna waxba u kordhineyn, Doorashadii iyo dimuqraadiyadii aynu galnayna waxaad modaa inay noqonayso Ceeryaamo waxba lagama arko,mar haday barlamaankii yihiin kuwa kordhistay 2,3sano iyo wixii kale ee ay doonaanba,xisbiyada kale waxaa loo hayo ayaan jirin iyo halka ay ka soo galayaan qaab mucaradeed iyo wixii ay xaqa u lahayeen waa su,aal aan u ogaandoono waqtiyada soo socda jawaabteeda sida looga jawaabo. iyadoo jirto cadalad daradan dhacday+hambalyada Haji geele+iyo hambalyadiisa kale ee shirkadiisa carta.

Waxaan rajeynayaa in kulmiye uu go'aankiisu noqdo mid lagu hormarinayo waxkasta oo dhaca danta guud ee dadka iyo dalka ee la biliqaystay,iyadoo waxaa la donayaa ay tahay in dalka lagu celiyo halkii uu tobaneeyo sano soo dhaafay, waxkasta laga hor mariyo danta guud, iyo horumarinta dalka iyo sii xoojinta nabadgelyada, in kastoo sawirka dhacay aanu qurux badnayn. Waxaan qabaa in hadii la doonayo in marxaladan laga gudbo in distoorka dalka wax laga bedelo, si xal loogu helo boobkii qawanaa ee dhacay waa in la waafajiyo si distoorku u ogolaado in la sameeyo madaxweyne iyo raysarwasaare laba jagana la kala siinayo laba xisbi ee aqlabiyada badan leh wasaradana lagu sar gooyo saamiyada xisbiyada ay ku heleen aqlabiyada dadka ,dowladaas wadaagina ay xilka hayso mudo 3sano ah, ka dib la qabto doorasho danbe oo xalaala, sidaas weeye xalka keliya ee dalkan ku badbaadayo Rabow dowladnimaduna kuma iman dalxisoo,dooroonayaalbaa u daldalay naftadoo,dumarbaa hugoodiyo dahabkooda u iibshoo,doondoonisteedii dhiig baa ku datoo,rabow dowlad curatoo,ubadkeeda deeqdoo,dakharada boksiisiyo,dawo laysku baantiyo,ka dhig malabkii docaan.

Mubaarik Yusuf Elmi (bidhi).

Top


Toronto iyo Munaasabaddii 18 ka May.

Toronto (Haatuf): Munaasabad loogu talagalay sanad guuradii 12aad ee kasoo wareegtay maalintii ay Jamhuuriyadda Somaliland Xornimadeeda dib ugala soo noqtay Jamhuriyaddii Dimoqraadiga Soomaliya taas oo ahayd isku darkii labada wadan ee British Somaliland iyo Italian Somalia 1960 1dii Bishii Julay. Xafladaas oo ka dhacday magaalada Toronto Xalay oo ay ahayd ahayd Axad bisha May 18dii ee 2003.

Xafladan oo si aad iyo aad u qurux badan loo soo agaasimay waxay ka dhacday 940 Progress Road, Scarborough ee magalada Toronto halkaas oo runtii ay isugu yimaadeen dad afar ama shan jeer ka badan intii la filayay ama loo qiyaasay, dadkaas oo aan ka yarayn 1000 qof ayaa waxay ka kala yimaadeen Toronto iyo dhamaan Magaalooyinka ku xeeran.
Dadka halkaas isugu yimi oo markii ugu horaysay ka kala socday dhamaan gobolada Jamhuuriaydda Somaliland ayaa waxay ka koobnaayeen dhamman qaybaha bulshada sida Siyaasiyiin, Waxgarad, Abwaanno, Fanaaniin, Odayaal, Dumar, iyo Caruur. Dadakan waxa wajiayadooda aad uga muuqday rayrayn riyaaq iyo u hanwaynaan ay ku faanayeen horumarka siyaasadeed iyo nabadgalyo ee Jamhuuriyada Somaliland ay gaadhay mudadii laba iyo tobanka sano ahayd ee la soo dhaafay.

Waxa xafladan shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay Jim Karyganis oo ah Xubin ka tirsan Xisbiga Liberalka (MP) ah ee Dalkan Canada oo laga soo doorto Xaafadda Agincourt ee Scarborough. Shahaadadaa waxa gudoonsiisay Marwo Sahara Yusuf Xaaji Adan oo ku hadlaysay magaca ururka Haweenka Somaliland ee Gobolka Ontario oo runtii waayaydan danbe qayb libaax ka qaata abaabulka iyo isu keenka bulshada reer Somaliland ee Ku dhaqan Ontario. Waxayna uga mahadnaqday sida hagarla’aanta ah ee mudanahu arinta Somaliland uu uga qayb qaato.

Mudane Jim oo ay Micro foonka ku soo dhawaysay Marwo Sahra Yusuf waxa uu halkaas ka jeediyey Khudbad dheer. Mudane Jim oo ka mid ahaa goob joogayashii caalamiga ahaa ee ka qaybgalay doorashadii ka dhacaday Somaliland, goobjoogna ka ahaa Degmada Gebiley waxa uu si qurux badan uga waramay horumarka ay gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida aanay kaalmo debedda ah ugu tirsanayn ee ay iyadu u tashatay.

Mudanahan ayaa isku darsigii Somaliland ay ku darsatay Koonfurta ku sifeeyay Laba ruux (nin iyo haweenay) is guursaday kuwaas oo guur koodii shaqayn waayay, isla markaasna kala tagay oo aanay dhici karin in dhinac ku qasbi karo dhinaca kale in ay khasab isugu soo noqdaan; sidaas darteedna Somaliland ay furtay markii guurkaasi guuldaraystay, waxa uu sheegay in sida taariikdu dhigayso, in ay Somaliland suuragalisay isqabka markiisii horaba haddana ay u argatay in aan khasaare mooyee khayr marna ugu jirin.

Mudanahu waxuu xusay in sida la aqoonsanyahay qaaradda Africa ay Dimoqraadiyad rasmi ahi ka jirto saddex wadan oo ka kaliya kuwaas oo kala ah South-Africa, Nigeria iyo Somaliland.

Waxa kale oo ka hadlay munasabadan mudane Ducaale Mohamed Xirsi oo ka mid ah odayaasha laga qadariyo magaladan Toronto isla markaasna ka mid ahaa dhalinyaradii lixdamaadkii u tartamayay xisbiyadii siyaasiga ahaa ee somaliland khaasatan Ururkii (NUF).

Ducaale oo halkaa ka akhriyay taariikdii dheerayd ee ay Somaliland soo martay iyo ilaa manta oo ay Madaxweynaheedii soo dooratay. Mudane Ducaale waxa uu si faah faahsan uga sheekeyay marxaladahii kala duwanaa ee ay soo martay ilaa waqtigii Gumaystahii Ingriiska. Isaga oo xusay mujaahadiintii SNM iyo halgankii ay xorimadan maanta u soo mareen. Waxa uu ugu danbayntii Ducaale u mahadnaqay halgamayaashii SNM iyo dhamaan hogaamiyaasheedii wax dhintay iyo wax noolba isaga oo walibana xusay in ay dadka reer Somaliland la gudboontahay in ay ilaashadaaan, xornimadaas, sharaftaas iyo nabadgalyadaas. Mudane Ducaale waxa uu yidhi “ waxaan u sheegayaa kuwa ku dhadhabaya Somalia oo Somaliland ku jirto ayaa muqadas ah, waxaan ku leeyahay Somaliland oo gooni isu taagta ayaa ah Muqadas.”

Dr. Taani oo ka mid ahaa mujaahidiintii Xabsiga dheer uu u taxaabay taliskii macangaga ahaa oo noogana yimi magaalada Ottawa ayaa halkaas isna ka hadlay waxana uu wax ka sheegay taarikhdii isku darsiga isaga oo xusay sidii musuqmasuqa iyo laaluushka lay noogu salaamay waqtigii isku darsiga waxana hadaladiisii ka mid ahaa “ Walaalayaal ma ogtahiin waqtigii isku darksiga in aaynaan Dalkii Konfurta Somaliya marnaba Background, Credit, and Crimanal check ba (maxay ahaan jireen) ku samaynin balse ay walaalnimo jacayl iyo wadaniyaddii ina laab qaaday oo aynnu Libaax afka uga galnay.” Waxa uu ka sheekeeyay Afar iyo Toban hal oo ay ka mid ahaayeen “ Hal Calan oo kaanna ah, hal madaxwaynae oo kaanna, hal Raiisal wasaare oo kaanna ah, hal Caasimad oo kanna ah hal wasiiru difaac oo kaanna ah, IWM oo waqtigii aynnu calankeenna Konfur gaynay Dawladii koonfureed inoola timi inaguna aynu ka yeelay Somalinimo jacayl awgeed.

Taas oo nin ka mid ahaa ergadii Somaliland ee Tagtay Muqdisho waagaas yidhi “waar nimanku Afar iyo tobanka Halaad malaha midna inama siinayaan” isaga oo la yaabay nimanka hunguriwaynaantooda. Dr. Taani waxa uu yidhi “ Miyay suura galaysaa kuwaa in aynnu dib u aamminno?” Sawaxan Wayn oo ka soo yeedhay Dadwenaha ayaa Yidhi marqudha "Maya, Maya Maya".

Runtii Xafladii halkan ka dhacaday way ka ballaadhnayd mid qoraal lagusoo koobi karo iyada oo ay xafladda ka hadleen dad fara badan oo dhamaantood ka hadlay arimaha iyo taariikhda Somaliland. Waxa heeso wadaniya halkaas ka qaadayay fanaaniin farabadan oo ay ka mida haayeen Cabdijibaar Al Khaliji iyo Cumar Jabuuti, iyo Shamis QardaJardeex (Uma Kaltum ta Somaliland) Waxa goobtaas ka dhacaday ciyaaro heeso, casho sharaf iyo waliba iyadoo lagu soo bandigay Film Documentary ah oo laga soo duubay Somaliland siiba Cisbitaalka Hargaysa oo intii cashada la cunayay si wanaagsan dadku u daawadeen.

Ahmed Ali Ubaxle.

Mustafa Cabdi Cartan.

Toronto.

Top


Isgiijintu Kulmiye Ma Faa’iidaa Ugu Jirta?

Marka hore waxaa mahad leh Ilaahay oo inoo suurogeliyay in doorashada si nabadgelyo ah inoogu dhammaato. Haddaba, anaga oo ah muwaadiniin u dhashay dalkan Somaliland si weyna u taageersanaa xisbiga KULMIYE ayaa waxa si weyn nooga cadhaysiisay hadalkii kasoo yeedhay guddoomiyaha KULMIYE, Axmed Siilaanyo, kadib markii maxkamaddu ku dhawaaqday go’aankii rasmiga ahaa ee natiijada kama-dambaysta ahayd. Anagoo taageersanayn tallaabaduu qaatay hoggaanka xisbiga KULMIYE markii lagu dhawaaqay natiijadii kumeelgaadhka ahayd, taasoo aanu u arkaynay mid gar ah oo distoorka waafaqsan, balse waxa qaadan waa nagu noqday diidmadii qayaxnayd ee xisbiga KULMIYE ku diiday go’aankii maxkamadda sare. Haddaba haddii aanu usoo noqono dulucda maqaalkayagan ayaa waxaanu isweydiinay su’aashan ah; isgiijinta KULMIYE ma faa’iidaa ugu jirta mise khasaare?

Haddaba hadaan isku dayno inaanu ka jawaabno su’aashan, runtii waxay nalatahay mid khasaare u ah xisbiga KULMIYE mustaqbalkana caqabad ku noqon karta taariikhda xisbigana madaw gelin karta.

Guntii iyo gebogebadii waxa naga talo ah oo aanu u soo jeedinaynaa madaxda xisbiga KULMIYE:

Inay ka tanaansulaan sheegashada ah inay guulaysteen.

Inay hambalyeeyaan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Inaanay odhan doorashadu xaq-daro ayay ahayd.

Taasi oo gelinaysa mugdi sawirka caalamku ka haysto Somaliland ee aynu ku doonayno aqoonsiga.

C/risaaq C/laahi Ismaaciil.

Aadan Jaamac C/laahi (Aadan Deeq).

Iyo Maxamed Maxamuud Jaamac.

Hargeysa.

Top


Rayaale iyo ku xigeenkiisa.

Aniga oo ah muwaadin u dhashay jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana jecel inaan fikradayda u soo bandhigo dadweynaha Somaliland, marka aan ka soo bilowno doorashooyinkii madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacay 14-kii April, sida ay u dhacday iyo natiijooyinkii kala dambeeyay ee koomishanka iyo maxkamadda ee farqiga weyni u dhaxeeyay, taasoo dadweynaha qaarba si u arkayeen. Laakiin anigu ra’yigayga shaqsiyadeed aan u arkayay inay dadweynuhu si xor ah u codeeyeen balse anigu aan leeyahay codkii dadweynaha jarbaa laga tuuray oo waa la xaaraantimeeyay waxaana ka dambeeyay mas’uuliyiintii la igmaday haddii ay tahay komishanka iyo haddii ay tahay maxkamadda oo xaalkeedu uu noqday “wilwaalow labada cad mid ku darso.”

Haddaba, aniga oo u arka in dimuqraadiyadii sebiga ahayd ee dalka u dhalatay inay gawraceen maxkamadda, komishanka iyo weliba xukuumaddu.
Dadweynaha Somaliland-na waxaa la xusuusiyay taariikhdii madoobayd ee ay soo mareen, iyadoo hoggaankii dalka kol iyo lababa ku guulaystay laga boobay, hogaanka dalka oo keliya maahee umadda oo dhan ayaa la boobay, markaas waxa socon kara umaddu waxay doonayso laakiin dano shaqsiyadeed ma socon karaan.

Mawliid C/raxmaan Jaamac

Top