Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 338 May 23, 2003

“Waxa Farxad Ii Ah Inaan Markii U Horaysay Imaado Geyigan Ka Tirsan Qaarad-Weynta Afrika Ee…" President Helmut Kutin - Hogaamiyaha Sos Oo Uu Qaabilay Madaxweyne Rayaale Isagoo Booqasho Ku Yimid Somaliland.

Koox Sheegatay Inay Ka Tirsan Yihiin Baarlamaanka Carta Oo Cambaareeyay Somaliland.

Golaha Amaanka Oo Isku Raacay Qaraar Cunaqabataynta Lagaga Qaadayo Dalka Ciraaq.

Sirdoonka Maraykanka Oo Ku Jaha-Wareeray Qaabka Ay Hawlgalada U Fuliyaan Al-Qaacida.

700 Qof Oo Ku Dhintay Dhul-Gariir Ku Habsaday Dalka Aljeeriya.

Israel Oo Qabatay Dooni Hub U Siday Falastiiniyiinta.

IFTIINKA ISLAAMKA, Siciid Guraase, Siiradii Nebi Muxamed Scw Iyo Faafitaankii Islaamka Q:4aad.

Dawlada Jabuuti Oo Xidhiidh Ganacsi La Yeelanaysa Hindiya.

Ardayda Shiinaha Oo Dib Ugu Laabatay Waxbarashadoodii.

Waxyaabaha Ay Qoreen Wargeysyada Caalamku.

TV-ga Aljazeera Oo Baahiyay Cajalad Ay Alqaacida Leedahay.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ma Tageersanin UDUB.

Dildilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga Waxa turjumay Muuse M. Muuse.

JILBO-DHIIG: Waxa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale.

Arday ka qalin Jabisay Mac-hadka Iqra.


“Waxa Farxad Ii Ah Inaan Markii U Horaysay Imaado Geyigan Ka Tirsan Qaarad-Weynta Afrika Ee…" President Helmut Kutin - Hogaamiyaha Sos Oo Uu Qaabilay Madaxweyne Rayaale Isagoo Booqasho Ku Yimid Somaliland.

Hargeysa (Haatuf): Ninka u sareeya hay’adda SOS, President Helmut Kutin, ayaa markii ugu horaysay shalay booqasho ku yimid dalka Somaliland, kaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay gagida Diyaaradaha ee caasimadda Hargeysa iyo qasriga madaxtooyada oo ay ku qaabileen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.

Mr. Helmut Kutin warbixin kooban oo uu warbaahinta shalay ku siiyay madaarka, taasoo uu ku sheegay ujeedada socdaalkiisu inay la xidhiidho u kuurgalka mashariicda ka socda Somaliland ee ay hay’adda SOS taageerada siiso iyo sahaminta mashruuc cusub oo ay ka hirgelinayaan Hargeysa, waxaanu warbixintiisa ku yidhi, “Waxa farxad ii ah markii u horeysay inaan imaado geyigan ka tirsan qaarad-weynta Afrika ee dadku u xusul-duuban yahay inay wax dhistaan nabadna ku noolaadaan, taasoo ka duwan wax burburinta ka jirta meelo badan oo kale oo dunida ka tirsan, waxaan aaminsan yahay inuu iskaashi fiicani dhexmaray hawl-wadeenada hay’adda SOS iyo shacbiga Somaliland si ay mustaqbalkan ka wanaagsan ugu sameeyaan carruurta Somaliland siiba dhinaca waxbarashada anigoo u hamuumaya inaan soo arko dugsiga sare ee Sheekh oo muddo dheer ka mid ahaan jiray xarumaha waxbarasho ee ugu muhiimsan dalkan, taasoo aanu doonayno inaanu si hagar la’aan ah usii wadno taageerada koolajkan waxbarasho si ay uga soo baxaan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka ee dalkan gaadhsiin lahaa guul iyo barwaaqo oo caruurtuna walaaltinimo ku wada noolaato.

Waxa iyana ku talogal noo ah in caasimadda Hargeysa aanu ka dhisno xarun lagu daryeelo caruurta “SOS Children Village” mashruucaas oo aanu ku hindisoonay 20-sano kahor balse xilligan uun ay suurtolgal noqotay in laysku dayo hirgelintiisa kadib markii aanu iskaashi buuxa ka helnay xukuumadda Somaliland oo noo fududaysay hawshan. Ugu dambayntii waxa aan leeyahay nabadu ha waarto si dadku mustaqbal wanaagsan u helaan.”

Mas’uulkan oo ay garoonka Diyaaradaha ku soo dhoweeyeen Maayarka caasimadda Hargeysa Xuseen Maxamuud Jiciir, Wasiirka waxbarashada Cismaan Xasan, wasiirka duulista hawada Maxamed Cabdi Dheere iyo saraakiil ka tirsan hay’adda SOS oo uu horkacayo C/laahi Ashcari oo xubin ka ah golaha sare ee maamulka hay’adda SOS ahna nin u dhashay Somaliland oo si aad ah ugu dhaqdhaqaaqay in hay’addani mashaariic ka hirgeliso dalka.

Sidoo kale, waxa Mr. Kutin iyo weftigiisu ay qasriga madaxtooyada kulan kula yeesheen Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, kulankaas oo gaabnaa wuxuu mas’uulka SOS Madaxweynaha ku yidhi, “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa sida kalgacaltooyada leh ee laygu soo dhaweeyay magaaladiinan quruxda badan.”

Madaxweyne Rayaale oo Mr. Kutin ugu mahadnaqay imaatinkiisa Somaliland si uu xaqiiqada ka jirta waddankan u arko waxa uu sheegay in hay’adda SOS ay dalka Somaliland ka hirgelisay waxqabad la taaban karo sida dugsiga sare ee Sheekh, waxaase uu Madaxweynuhu ka codsaday hay’adda inay mashaariic kale dalka ka qabato, gaar ahaana wuxuu weydiistay hoggaamiyaha SOS inay wax ka qabtaan dugsiga farsamada gacanta ee Burco uu sheegay inuu muhiimad weyn u leeyahay bulshada Somaliland, codsigaa oo Mr. Kutin uu u bogay ballanqaadayna inuu dhaqangelintiisa u hawlgeli doono, isagoo sheegay Kutin in dalka Jarmalka oo gacanta ku hayn jiray dugsiga Farsamada gacanta Burco ay hawlo badani hay’adda SOS uga socdaan oo xidhiidh la samayn karo, isla markaana uu hay’ado kale gacan uga heli karo mashruucaa.

Mr. Kutin iyo weftigiisu waxay gelinkii dambe ee shalay u amba-baxeen gobolka Saaxil iyagoo booqan doona dugsiga sare ee Sheekh oo hay’adda SOS dib u dhistay oo qalabaysay, isla markaana barnaamijkiisa waxbarasho ay gacanta ku hayso, dugsigaa oo ay wax ka dhigtaan 50-kii arday ee u horreeyay.

Hay’adda SOS oo xarunteedu tahay dalka Austria ee qaaradda Yurub waxa la aas-aasay dhammaadkii dagaalweynihii 2aad ee adduunka, si ay u daryeesho caruurta tabaalaysan ee agoomoobay ama waalidkood kala tageen, ama kala maqan yihiin, kuwaasoo ay u samayso xarumo lagu koriyo iyo meelo lagu quudiyaba.

Haddaba, Mr. Helmut Kutin oo ah sarkaalka ugu sareeya hay’adda SOS waxa la sheegay in asalkiisii hore uu ahaa agoontii ugu horaysay ee lagu bilaabay xarumaha daryeelka ee hay’adda SOS, kaas oo noqday ninka beddelay ninkii hay’addaas aas-aaskeeda lahaa oo dhowaan dhintay.
Sida la sheegay sarkaalkan iyo weftigiisu waxay dalka ka amba-bixi doonaan maalinta berito ah oo ay ka duuli doonaan garoonka Diyaaradaha ee Berbera.
 

Top


Koox Sheegatay Inay Ka Tirsan Yihiin Baarlamaanka Carta Oo Cambaareeyay Somaliland.

Muqdisho (Haatuf): Koox sheegatay inay ka tirsan yihiin Baarlamaanka Dawladda C/qaasim kana soo jeeda Somaliland oo ay ugu yeedheen gobollada waqooyi siday ku andacoodeen ayaa soo saaray baaq ay u direen ururada caalamiga ah kaasoo ay ku cambareeyeen gooni-isutaaga Somaliland oo ay ku tilmaameen mid khatar ku ah Geeska Afrika. Kooxdan oo ay tiradoodu gaadhayso 20 xubnood waxay baaqooda sida la sheegay ku hagaajiyeen Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midnimada Afrika iyo urur-goboleedka IGAD iyagoo sidoo kale dalbaday in wax laga beddelo majaraha uu ku socdo shirka dib-u-heshiisiinta ee haatan ka socda duleedka magaalada Nairobi oo ay ku tilmaameen haddii uu ku sii socdo iyadoo ay ka maqan yihiin dadka reer Somaliland inay kasoo baxayso dawlad ay iska leeyihiin koonfurta oo keli ahi, isla markaana uu sii adkaynayo sharcina ka dhigayo inay Somaliya u kala qaybqaybsanto dawlado kala madaxbanaan, iyagoo ku hanjabay inay ka baxayaan shirka haddii aan wax laga qabanin qaabka uu haatan u socdo.

Kooxdan sheegtay inay kasoo jeedaan Somaliland oo aan magacyadooda la faafin ayaanay cadayn sida ay wax uga jiraan warka laga sheegay, balse haddii uu dhab yahay waxa uu noqonayaa dacaayado ay ka faa’iidaysanayaan kuwa kasoo horjeeda gooni-isutaaga Somaliland, gaar ahaana Dawladda C/qaasim, iyadoo la ogsoon yahay in xubnihii kasoo jeeday Somaliland ee ka tirsanaa Baarlamaanka dawladdaasi inay horeba uga yaaceen magaalada Muqdisho, iyagoo badankoodu ku soo laabtay Somaliland kadib markii ay ku hungoobeen rajadii ay ka qabeen dawlad ka islaaxda Muqdisho oo ay xubno ka noqdaan iyo inay carqaladeeyaan gooni-isutaaga Somaliland.

Xubnahani oo aanay cadayn inay ka tirsan yihiin Baarlamaanka Dawladda Carta ee C/qaasim madaxda ka yahay ayaanay cadayn inay wax jawaab ah ka heleen ururada la sheegay inay u direen baaqooda.

Top


Golaha Amaanka Oo Isku Raacay Qaraar Cunaqabataynta Lagaga Qaadayo Dalka Ciraaq.

New York (W.Wararka) - Golaha ammaanka ee Q. Midoobay ayaa cod aqlabiyad ah ku ogolaaday in cuna-qabataynta laga qaado dalka Ciraaq, taasoo saarnayd muddo 13 sanadood ah kadib markii ay maalintii shalay xubnaha golaha amaanku ansixiyeen mashruuc cuna-qabataynta lagaga qaadayo Ciraaq oo uu soo hordhigay Maraykanku, waxaana ogolaaday arrintaasi dhammaan xubnaha Golaha Amaanka marka laga reebo dalka Suuriya oo ka maqnaa kulankaasi.

Qaraarkani waxa uu awood u siinayaa ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska ee qabsaday dalkaasi inay kontoroolaan dhaqaalaha dalkaasi iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed, kaasoo loo arko inuu guul diblomaasiyadeed u yahay Ingiriiska iyo Maraykanka.

Wakiilka Maraykanka u fadhiya golaha amaanka ayaa bogaadiyay go’aankan oo uu ku tilmaamay mid isbeddel taariikheed ku keenaya dalka Ciraaq, isla markaana waxtar u ah dadka reer Ciraaq ayna awooda saari doonaan sidii dib-udhis loogu samayn lahaa dalkaa.

Dawladaha Ruushka iyo Faransiiska ayaa kahor intii aan la ogolaanin go’aankan ka codsaday Dawladda Maraykanka inay isbeddel ku samayso qaar ka mid ah qodobada mashruucan iyagoo kadibna ogolaaday in la ansixiyo.

Dawladda Faransiiska ayaa si gaar ah wer-wer uga muujisay iyadoo aan mudo go’an loo qabanin waqtiga lagu dhisayo dawlad uu leeyahay dalka Ciraaq.

Top


Sirdoonka Maraykanka Oo Ku Jaha-Wareeray Qaabka Ay Hawlgalada U Fuliyaan Al-Qaacida.

Washington (W.Wararka) - Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Maraykanka ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha ururka Al-qaacida ee ka baxsaday Afqaanistaan markii uu Maraykanku weerar ku qaaday Afqaanistaan inay awood u leeyihiin inay hawlgalo fuliyaan iyo inay amaradooda gaadhsiiyaan xubnaha iyaga ka tirsan, kuwaasoo ay ula xidhiidhaan si sir ah oo aanay ogaan karin sirdoonka Maraykanku, taasoo ku riday jaho-wareer.

Mas’uuliyiinta Maraykanku iyagoo hadalkooda sii wata waxay intaa ku dareen inaanay wax cadayn ah u haynin in ay Al-qaacida lug ku lahaayeen weeraradii todobaadkii tegay ka dhacay dalka Sucuudiga, balse waxay tilmaameen in marka la eego farsamadii saraysay ee loo fuliyay hawlgaladaasi inay muujinayso inuu qorshahooda lahaa hogaamiyaha Alqaacida ee Usaama bin Laden. Waxa kaloo ay sheegeen in kooxaha Al-qaacida xubno ka tirsani inay isticmaalaan telefoonada Mobilada taasoo u fududaysa inay fariimahooda isku gaadhsiiyaan si dhibyar, sidaana ay ku fuliyaan hawgaladooda.

Arrintani waxay ka dambaysay markii habeen hore uu sii daayay Telefishanka Al-jazeera fariin ka timid Ayman Al-dawaahiri oo ah hogaamiyaha labaad ee ururka Al-qaacida, kaasoo uu ugu baaqay muslimiinta inay fuliyaan weeraro ay ku qaadaan goobaha dalalka reer-galbeedka.

Top


700 Qof Oo Ku Dhintay Dhul-Gariir Ku Habsaday Dalka Aljeeriya.

Alger’s (W.Wararka) - Ugu yaraan 700 oo qof ayaa ku dhintay 5000 oo kalena way ku dhaawacmeen kadib markii uu dhulgariir laxaad lihi ka dhacay dalka Algeria iyadoo ay kooxaha gurmadku ku hawlan yihiin sidii loo gurman lahaa dadka ay masiibadu haleeshay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dalwada Algeria ayaa booqasho deg-deg ah ku tegay goobta uu dhulgariirku ka dhacay oo ah magaalada Ruwayba oo 30km dhinaca waqooyi ka xigta caasimadda dalkaasi ee Alger’s, iyadoo uu caasimadda lafteedana saameeyay dhulgariirku iyadoo ay dumeen ugu yaraan 57 guri.

Dhulgariirkan oo ay qiyaastiisu ahayd 6.7 qiyaasta dhulgariirada caalamka waxa uu khasaare laxaad leh gaadhsiiyay dhulka uu ka dhacay iyadoo gurmad iyo gargaarba la gaadhsiiyay goobahaas uu dhulgariirku ku habsaday.

Top


Israel Oo Qabatay Dooni Hub U Siday Falastiiniyiinta.

Qudus (W.Wararka) - Dawladda Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday inay qabatay Dooni hub ah oo kusii jeeday deegaanka Falastiiniyiinta iyagoo ku eedeeyay ururka Xisbulaah ee ka dagaalama dalka Lubnaan inay hubkaa u soo direen Falastiiniyiinta.

Sida ay sheegeen wararka kasoo baxaya ciidamada amaanku Dooni kuwa dagaalka ah oo ay Israel leedahay ayaa Doonidan si lama filaan ah ugu qabatay biyaha Bada, iyagoo halkaasi ku qabtay laba xubnood oo saarnaa doonidaasi loona malaynayo inay ka tirsan yihiin Xisbulaah, waxaany intaa ku dareen in doonida hubka lagu qabtay ay lahaayeen kaluumaysato Masaari ahi.

Sida la sheegay Doonidan waxa uu dhererkeedu gaadhayaa 7 meter, waxaana la sheegay in haatan lagu hayo deked miletari oo ku taala waqooyiga Israel, iyadoo la sheegay inay markii hore ka timid dhinaca dalka Lubnaan. Balse wararku may sheegin nooca iyo tirada hubka ee saarnaa Doonidaasi.

Top


IFTIINKA ISLAAMKA, Siciid Guraase, Siiradii Nebi Muxamed Scw Iyo Faafitaankii Islaamka Q:4aad.

Kufaartii qureysh markay maqlaan qof maal ama magac leh ama qabiil xoog leh ka dhashay ayaa islaamay waxay sameyn jireen iney canaantaan, caayaan oo ku diraan eheladiisa, inta badanna gacanta ulama aanay tegi jirin. Hase yeeshee markay maqlaan waxaa islaamay qof aan qabiil xoog leh ka dhalan ama addoon ah ama cid difaacaysa aanay jirin aad ayeey u ciqaabi jireen dhibaatooyin xunxunna wey u geysan jireen. Dadkii sidaa oo kale ahaa oo aadka loo ciqabay waxaa ka mid ahaa Bilaal, Cammaar binu Yaasir iyo aabbihiis Yaasir iyo hooyadiis Sumaya, Nahdiya iyo gabadheedii Ummu Cumeyr, Khabaab, Muscab ibnu Cumeyr iyo kuwo kaleba.
Bilaal wuxuu addoon u ahaa oo ciqaabi jirey Ummaya ibnu Khalaf. Siduu u ciqaabi jireyna waxay ahayd intuu xadhig qoorta ka geliyo ayuuu ku jiidi jirey ama qorrax kuleylka duhurkii intuu seexiyo oo dhagax weyn xabadka kasaaro ayuu odhan jirey "ama waad dhiman ama Maxammed baad ku kufrin". Bilaal wuxuu ku odhan jirey "AXAD" oo uu ula jeedo Ilaah keliya baan rumays nahay oo aan caabudayaa, dhib kasto loo geystana wax kale afkiisa waa soo mari waayeen. Maalinkii dambe ayaa isagoo sidii loo cadaabayo waxaa soo maray Abuubakar Al-siddiiq, markaasuu ku yidhi ninkii ciqaabayey: "maad Ilaahay uga baqdid ninkaan miskiinka ah", markaasuu yidhi: "wax u qabo adigaa diintiisii ka fasahaadiyee', markaasuu Abuubakar yidhi: "waxaan ku siinayaa addoon aniga ii jooga oo aad isku diin tihiin, kanna waan xoreynayaa", sidaas ayuuna ku xoreerey Bilaal. Markuu Abuubakar xoreeyey Bilaal waxaa suuqa loo geliyey inuu axsaan hore ka dhexeeyey (labadooda) hase yeeshee Allaah ayaa difaacey oo u jawaabey dadkii waxaa ku hadlayey. Wuxuuna ku soo dejiyey aayadahan:

Wuxuu Alle SW yidhi: ((Waxaa ka fogaada (naarta) kan cabsada, waa kii bixiyey maalkiisa si uu isu dahiriyo, ruux wax siiyey ee u u gudayana ma jirin ee wuxuu u bixiyey Rabbiga sarreeya dartii, dib dambuuna u ralli noqon doonaa)), (Suuratul- layl 17-21).

Sidoo kale Cammaar ibnu Yaasir iyo Aabbihiis Yaasir iyo Hooyadiis Summaya, oo ka mid ahaa dadkii dhibaatooyinka dardaran loo geystey, ayaa maalin iyadoo la ciqaabayo waxaa soo maray Nabiga SCW markaasuu ku yidhi: "sabra reer Yaasirow, mowcidkiinnu waa jannee", Odeygii Yaasir iyo Sumayaba waxay u dhinteen ciqaabkaas oo weliba habarta waxaa gacantiisa ku diley Abii-jahal oo iyadoo la ciqaabayo ayuu waran farjiga uga dhuftay halkaas oo ay ku naf baxday kuna noqotay qofkii u horreeyey ee ummaddaan Nabi Maxammed SCW Alle dartiis loo dilo. Willkoodii Cammaarna intay aad u ciqaabeen ayey ku yidhaahdeen "hadaad Maxammed caydid, Ilaahyadayada Laata iyo Cussana ammaantid waan ku sii deyneynaa markii uu xanuunkii ka batay ayuu sameeyey siday ku dirqiyeen, ka dib markay sii daayeen ayuu Nabiga SCW u tegey una sheegay waxay ku dirqiyeen, Allaah ayaa markaas soo dejiyey aayaddaan:
Alle sw wuxu yidhi: ((waxaa abuurtay been kuwa aan rumayn aayaadka alle, kuwaasi waa beenalayaal, kuwa alle ku kufriyey iimaankoodii ka dib (waa halaagmeen), ruux lagu khasbay qalbigiisuna ku xasilan yahay iimaanka mooyee, ruuxiise xabadkiisu u waasic noqdo gaalnimada waxaa korkooda ahaaday cadho xagga alle ka ahatay, waxayna leeyihiin cadaab wayn)), (suuratu-naxli 105-106).

Sidoo kale dadkii la ciqaabi jirey waxaa ka mid ahaa Sumayra, Nahdiya iyo gabdheedii Ummu Cumeyr oo wada ahaa addoomo dad gacantood ku jirey, hase yeeshee waxaa wada xoreeyey Abuubakar Al-sidiiq. Markuu Abuubakar dadkaas xoreeyey ayaa aabbihiis abu-quxaafa oo aan weli islaamin ku yidhi: "Maandhow maad xoolahaaga ku bixisid dad xoog leh oo ku difaaci kara hadhow intaad dad ducafa ah ku bixineysid, hase yeeshee Abuubakar waxa uu caddeeyey in uu arrinkaas Alle dartiis ula jeedo.

Sidaan soo sheegnay Muscab ibnu Cumeyr oo ku jirey dadkii aadka loo ciqaabay oo ay dhashay islaan maalqabeen ah, ahaana nin dhallinyaro ah oo qurxoon oo aad u xarrago badan, maalinba dhar nooc ah qaata, kana tilmaannaa Makka. Muscab markay hooyadiis maqashey inuu islaamay ayey xabbistay oo cuntadii u diiddey aadna u cadaadisay hase yeeshee markay intaas oo dhan wax uga qaadi weydey ayey dayrisay, ka dibna waxaa u dambeysey inuu rafaado oo uu jirkiisii jilif yeesho, wuxuuna ku jrey dadkii u hijrooday Xabashida. Markuu xabashida ka soo laabteyna waxaa Rasuulku SCW dacwo ahaan ugu direy Madiina halkaas oo uu muddo yar ka dib dacwadii wada gaadhsiiyey guryihii reer Madiina kuna noqday macallinkii reer Madiina.

Sidoo kale Khabaab wuxuu isna ka mid ahaa dadkii ay gaaladu dhibka ku hayeen ilaa uu maalin u tegay Rasuulka SCW oo Kacbada hooskeeda jooga isagoo doonaya in uu Ilaahay u baryo si dhibka looga fududeeyo wuxuuna ku yidhi Rasuulkii Allow maad Alle noo baridid, markaasaa Rasuulku SCW fadhiistay oo ku yidhi: waxay ahaayeen dadkii idinka horreeyey (muminiinta ahaa) kuwo loogu feedho hilibka iyo lafta dhexdooda gadh-feedh bira, arrinkaasna kamana kala dhambali jirey, kamana reebi jirin diintooda, Allena wuu taamyeelin isagoo Alle maahee aan cid kale ka baqayn, sidoo kale waxa uu Khabaab shaqo u qabtay Caas binu Waa'it oo ka mid ahaa kufaartii Quraysheed, markaasaa Khabaab ku yeeshay xoolo markaasuu u tegay oo ku yidhi:

"isii waxaygii hase yeeshee Caas waa diiday wuxuuna yidhi, ku siin maayo ilaa aad Maxamed ku kufridid. Khabaabna waxa uu guu jawaabay ku kufrin maayee ilaa aad ka dhimato oo haddana lagu soo bixiyo, Caas wuxuu yidhi: "ma intaan dhintaa qiyaamaha la i soo saarayaa,? Khabaab ayaa ugu jawaabay "haa," waxa uu yidhi: "halkaasna waxa aan helayaa maal iyo ilmo oo markaasaan kuu gudayaa. Allena isagoo ninkaas ficilkiisa iyo waxa la midka ah tilmamaya waxa uu Qur'aankiisa ku yidhi:

(Ka Warran Kan Ku Kufriyey Aayaadkayagii Oo Yidhi(Aakhiro) La I Siinayaa Maal Iyo Carruur, Ma Wuxuu Daalacday Qaybka, Mise Allaha Raxmaanka Ah Agtiisa Ayuu Ballan Ka Yeeshay, Saas Arrinku Ma Ahane Wannu Qorin Wuxuu Leeyahay, Waxaana U Fidinaynaa Cadaabka Fidin, Waan Dhaxlaynaa Waxa Uu Sheeganayo (Ee Uu Ku Faanayo) Wuxuuna Noo Imaanayaa Isaga Oo Kaligiis Ah)), (Suuratu-Maryam 77-80).

Dhibaatooyinkaas aan soo tilmaannay oo isugu jiray dil, ciqqab, cadaaadis, dulmi, boob, iyo aflagaaddo ayaa dadkii asxaabta aha lagu hayeysiiba kuwoodii taagta darraa ee cid difaacaysa aanay jirin aad ayuuna dhibkaasi uga batay wax walba ayaana lagula dhaqmay, hase yeeshee Alle iyo Rasuulkiisa ayaa intaas amrayey inay dhibka ku samraan oo taqwada iyo daacada Alle ku dadalaal dagaalna aanay samyn ee ay gacmahooda laabaan, hase yeeshee asxaabtu waxay jeclaayeen in ay is difaacaan oo iska celiyaan cadowga Alle, marar badanna waxa ay u yimaadeen Rasuulka iyagoo ka sheeganaya dhibka lagu hayo oo jecel inay is difaacaan, sida dhacday maalin in Cabdiraxmaan bin Cawf iyo koox kale oo asxaabta ka mid ahayd u yimaadeen Rasuulka kuna yidhaahdeen: "Nabi Allow markaan shirkiga ku jirnay awood baan lahayn, markaan iimaanka qaadanayna xaqiiriin baan noqonnay". Markaasaa Nagibu SCW ku yidhi: "waxaan idin amrayaa iska dhaafid hana la dagaalinina qowmka, sidaas ayaa asxaabtii Rasuulku u fuliyeen amaradii Alle iyo kuwii Rasuulka SCW uguna samreen dhibkii iyo cadaadiskii ka imaanayey acdaadii Alle, Allena mar walba waxa uu soo dejinayey aayado uu ku amrayo inay ay samraan oo gacmahooda laabaan, Rasuulkuna arrintaas ayuuu ku boorrinayey, Cabdullaahi bin Cumar isagoo tilmaamaya dhibaatadii asxaabta lagu hayey waxa uu yidhi: 'Islaamku waa yaraa sidaa darteed ninka diintiisa ayaa laga fidnaynayeey, way dili jireen ama wa cadaabi jiree".

DAARTII ARQAM BINU ABII ARQAM.

Daarta Arqam binu abii Arqam waxay ahayd rugtii ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu ku kulmi jireen oo uu diinta ku bari jirey kuna tarbiyeyn jirey, kuna kala war qaadan jireen intii Makka la joogey.

In kastoo ay dacwadu jahri (qarsoodi) aheyd, haddana xikmadda dacwadu waxay keentay in meel qarsoodi ah la isugu tago oo ay diinta ku bartaan howlahoooda khaaska ahna ku qabsadaan, maxaa yeelay haddii ay bannaanka ku shiri lahaayeen ama ay diinta isku bari lahaayeen dhib weyn ayaa soo food saari lahaa, sidii dhacdayba maalin ay Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu tageen buuraha Makka oo ay ku tukanayeen, waxaa markaa arkay gaaladii oo dagaal ku soo qaadday halkaasoo dhibaatooyin la isku gaadhsiiyey sida saxaabiga la yiraahdo Sacad ibnu abii Waqaas oo muslimiinta ka mid ahaa uu laf madaxa ugu jeexay nin mushrikiinta ka tirsanaa oo caayey diintiisa, dhiiggaasuna wuxuu ahaa dhiiggii u horreeyey oo Alle dartiis loo daadsho intii Rasuulka SCW la soo diray.

HIJRADII U HORREYSEY EE XABASHA LOO HIJROODAY.

Sidaan soo sheegnayba dhibkey qureysh ku heysey dadkii rumeeeyey Rasuulka scw ee qaatey caqiidada islaamka ayaa marba marka ka dambeysa aad u sii siyaadayeey ilaa la gaadhsiiyey asxaabtii Rasuulka scw heer aad u adag oo ay xammili kari waayeen iney ku noolaadaan magaaladii Makka oo ay ku dhasheen tolkoodna degganaa, iyadoo waxa lagula dagaallamayaana ay ahayd caqidadaas islaamka oo ay qaateen iyo iyagoo ka baxay wixii qabiilkoodu ku dhex jiray ee shirkiga iyo caadooyinka foosha xun ahaa Xaaladdu markay halkaa marayso ayaa Allaah subxaanahu watacaalaa sheegay muslimiintii in uu dhulka Alle waasic yahay.
Rasuulku scw markuu arkay heerka adag ee asxaabtiisu marayso iyo dhibaatooyinka daran ee soo gaadhaya dadkii islaamka qaadanayey siiba kuwoodii masaakiinta ahaa ayuu u sheegay iney u hijroodaan dhulka xabashida oo uu ka talinayey boqor caaddil ah si fiicanna u heystey diintii Nabi ciise magaciisana la odhan jirey Najaashi. Sidaa darteed ayaa waxaa baxay bishii Rajab ee sannadkii ee sannadkii shanaad kooxdii ugu horreysey oo u hijroota xabashida. Kooxdaas oo ka koobnayd 12 rag ah iyo 4 dumar ah waxaa hoggaaminayey Cismaan binu Caffaan oo ay la socotey xaaskiisii Ruqiya oo ahayd gabadhii Rasuulka. Wuxuuna Rasuulku scw yidhi isagoo ka hadlaya labadooda "waa ehelu-beytkii u horreeyey ee u hijrooda jida Alle intii ka dambeysey Nabi Ibraahiim iyo Nabi Luud". Waxay kooxdaasi ku baxday si qarsoodi ah iyagoo baxaya habeennimo maxaa yeelay si caddaan ah uma bixi karin, gaaladii qureysheed markay ogaadeen in kooxdaasi baxday waxay ka daba direen ciidan si loo soo qabto, maxaa yeelay baadilku waqti kasta oo u joogo iyo meel kasta oo u joogo waa isku af, raallina ugama ahan xaqa inuu ku fulo gudaha dibeddaba.

Nasiib wanaag kooxdii muslimiinta ahayd waxay isla markiiba tageen baddii Ilaahna wuxuu uga sahlay doonyo kiro ah oo meesha marayey, waxayna tageen dhulka Xabashida iyagoo Nabad qaba. Ciidankii gaaladu soo dirtey waxay tageen baddii oo cidla ah dabadeedna waxay ku soo laabteen Makka, xaaladdu markay halkaas marayso laba bilood ka dib, bishii Ramadaan ee isla sannadkii shanaad ee soo diriddii Rasuulka scw, ayaa maalin Rasuulka scw uu ugu yimid madaxdii qureysheed oo kacbada fadhiya, markaasuu sidii caadadiisa ahaan jirteyba in aanu xaqa cidna uga cabsoon cid walbana gaadhsiiyo diinta Alle ha yeesho ama ha diiddee, ayuu odeyaashii ku dul akhriyey suuratu al-najmi oo ah suurad aad cajiib u ah. Odeyaashii meesha joogay markay maqleen suuraddaas waa is hanan kari waayeen markaasay si fiican u dhegaysteen uguna khushuuceen, maxaa yeelay in badan fursad ma siin iney qur'aanka dhegaysteen oo waxay iska ilaalin jireen iney maqlaan wayna ku buuqi jireen, laakiin maanta ilaahay ma haleeshiin iney ku buuqaan. Rasuulku scw markuu dhammeeyey akhriskii suuraddaas ayuu sujuuday sida mashruuca ah in la sujuudo marka suuraddaa la dhammeeyo.

Odeyaashii qureysh ee dhageysanayey iyagoon is ogeyn ayey hal mar sujuud la wada daateen dhammaantood, markay sujuuddii ka soo kaceen ayey is haaraameen waliba kuwii meesha ka maqnaa ayaa canaantay kuwii dhagaystey oo sujuudey kuna yidhi: "ma maantaad qur'aankiisii iyo ilaahiis u sujuuddeen!?". Odeyaashii waxay isla markiiba degsadeen jawaab been ah si ay isu difgaacaan waxayna yidhaahdeen: "ilaahyadayaduu ammaanay oo markuu marayey Laata, Cussa iyo Manaat ayuu yidhi "kuwaasu waa asnaamtii sarreysey, shafeecadoodana la rajaynayey", sidaa darteed ayaannu u sujuudney". Waxaa kale oo culimada qaarkood yiraahdaan hadalka ay sheegayaan shayaaddiintoodii ayaa dhegahooda ku akhrisey, markaasey sujuudeen.

Markii qisadaani dhacday ayaa kooxdii muslimiinta ahayd ee dhulka Xabashida u hijrootey waxaa la gaadhsiiyey warkii oo la bedelay, oo waxaa lagu yidhi: "odeyaashii qureysheed waa islaameen" markaasay si halhaleel ah uga soo laabteen dhulkii Xabashida maxaa yeelay awalba waxaa geeyey dhul aanay garaneyn dadkiisa iyo dhaqankiisa carar ay diintooda la cararayeen. Muddo markay soo socdeen oo ay soo gaadheen duleedka Makka ayey ogaadeen xaqiiqdii iyo in warkii sidii loogu sheegay aanu ahayn cadaadiskii iyo dulmigii Makka yaalleyna uu sidii hore kaba daran yahay, markaasaa talo ku caddaatey waxayna ka tashadeen waxay samayn lahaayeen. Ugu dambeyntii waxay u kala qeybsameen saddex qeybood: Qeyb ku noqotay dhulkii Xabashida, qeyb dhuumasho ku soo gashay Makka iyo qeyb magangelyo weyddiisatey qaar ka mid ah odeyaashii qureysh. Qureysh markay arkeen in dadkii shalay fakaday ay soo laabteen ayay kordhiyeen dhibkii iyo cadaadiski ay muslimiinta ku hayeen waxayna soo saareen go'aanno cusub oo ah: in qabiil walba uu wiilkooda ama gabadhooda ku filnaado oo ciqaabo cadaasna saaro.

Kooxdaan dhowr iyo tobanka ahayd ee xabasha u hjrootay waxaa ka mid ahaa Abuu Bakar siddiiq hase yeeshee markay sii marayeen Barkul Qimaad ayaa waxaa la kulmay nin la odhan jiray ibnu Daqinna oo oday u ahaa reer Qaara markaasuu Abuu Bakar ku yidhi: "xaggee u socotaa, Abuu Bakar ayaa markaa ku yidhi: tolkay ayaa isoo bixiyey waxaana doonayaa in aan dhulka ku socdo oo (tago meel aan) Rabbigay ku caabudo. Ibnu Daqinna ayaa hadlay oo yidhi: "adigoo kale ma baxo lamana bixiyo ee laabo oo baladkaaga Rabbigaa ku caabud anigaa ku meggan geliyeye, markaasuu Abuu Bakar Ibnu Daqinna la soo noqday, Ibnu Daqinnana ogeysiis ayuu bixiyey inuu Abuu Bakar meggan geliyey. Qureyshna wa ay ka aqbashay (laakiin waxay Abuu Bakar u ogalaadeen) in uu gurigiisa dhexdiisa ku caabudo Rabbigiisa oo aanu muujisan. Sidaas ayuu markaa Abuu Bakar ahaa ilaa muddo wuxuuna sameyn jirey Qur'aanka ayuu kor u qaadi jirey isagoo gurigiisa joooga markaasaa waxaa ku soo ururi jirey dumarka iyo carruurta gaalada iyagoo eegaya oo la yaabban, wuuna ooyi jirey Abuu Bakar marka uu Qur'aanka akhrinayo, arrinkaasi wuxuu dhibay Qureysh waxay markaa u tegeen Ibnu Daqinna oo ka codsadeen inuu ka laabto (meggan gelyadii uu Abuu Bakar u fidiyey), Ibnu Daqinna ayaa markaa Abuu Bakar u tegey oo kala doorransiiyey inuu (Abuu Bakar) cibaadada siraysto ama kala noqdo meggan gelyadii, Abuu Bakar ayaa markaa u celiyey meggan gelyadiisii kuna yri: "waa kuu celiyey meggan gelyadaadii, waxaana ku raaali ahay meggan gelyada Alle.

Top


Dawlada Jabuuti Oo Xidhiidh Ganacsi La Yeelanaysa Hindiya.

Bangalore, (Haatuf) Madaxweyne Ismail Omar Guelleh oo ku sugan shalay, Banaglore ayaa Sheegay in uu jeclyahay in uu Xidhiidh Ganacsi oo Aad u fiican la yeesho Dalka Hindiya. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee dalka India C/Casiis Ahmed Musa Madaxweyne Geele waxa uu yidhi “waxanu U baahanay Qaybaha Information technology-ga (IT).”

Halkan waxan u Imid Inaan wax ka Barto Technolog-yadan Casriyaysan ee Dalkan Gaar ahaan Qaybaha (IT) Madaxweyne Gelle waxa uu joogi Doona Laba Cisho Magaaladda Banaglore Isagoo Iman Doono Bari 22 bishan Bombay . Mar ay Saxaafaddu wax ka waydiiyeen Madaxweynaha U jeedadiisa Dalkan India waxa uu yidhi Waxa Ugu Muhiimsan Ee Aan HalkanU Imid waa in Aan Ka faa,iidaysto Technology-ada Casrigan Ee Dalkan".

Inta uu Booqashada Ku Joogo Madaxweyne Gelle waxa uu Booqan Doonaa Labada Company ee Ugu Waaweyn Eeshiya kuwaas oo Horumar ka Gaadhay Qaybaha Kala Duwan ee software-ka Infosys and Tata BP Solar.

Magaaladda Bombay Oo uu Iman Doona Madaxweynuhu Bari waxa loo Sii Diyaariyay in uu dago Hotel Taj oo Ah Hotel ay ku Soo Dagaan Madaxweynayaashu Halkaas oo Aan Goor Dhawayd Booqday.

Top


Ardayda Shiinaha Oo Dib Ugu Laabatay Waxbarashadoodii.

BBC- Kumannaan ardey oo jooga caasimaddaha waddanka China ee Beijing ayaa bilaabey in ay ku noqdaan dugsiyadoodii.Iyadoo imtixaanadii dugsiyada sare iyo kuwii Jaamacadaha lagu galayey ay todobaadyo yar ka harsan yihiin ayaa waxa jira culeys xooggan oo ku baaqayey in mar kale dib loo furo dugsiyadii waxbarashada.

Maanta kumannaan ardey ah ayaa dib ugu laabanaya fasaladii dugsiyada sare oo ku faraxsan in takoooristii bisha dhameed ee ay ku soo jireen ay dhammatey.

Qaar badan oo ardeydaas ka mid ah ayaa ka cawdey caajiski ay aqalada ugu xidhnaayeen iyo walaaca ay ka qabaan wakhtigii imtixaanadooda oo ku soo dhawanaya. Dib u furista dugsiyadu waxa ay taageero u tahay sheegashada ay dowladda China sheeganeyso in cudurka SRAS intiisii xumeyd haatan ay ka soo dhammaatey Beijing.

Top


Waxyaabaha Ay Qoreen Wargeysyada Caalamku.

Wargeyska The People

BBC- Wargeyska The People On Sunday ee ka soo baxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa uu bogiisa hore ku daabacey maqaal uu cinwaan uga dhigey.Mareykanku waxaa uu dagaalkiisa ka dhanka Argagixisada uu hadda keeney Geeska Afirka.

Wargeysku waxaa uu maqaalikiisa ku bilaabey, "Kumanyaal ka tirsan ciidanka mariiniska Mareykanka ee sida weyn u tababaran ayaa la keeney dhowrkii bilood ee ugu danbeeyey xeebaha Kenya iyo Jabuuti, iyadoo bartimaameedka dagaalka ka dhanka ah argagixadada uu si isa soo tareysa uga wareegayo Gacanka, kuna wareegayo Geeska Afrika.

In ka badan 3000 oo ciidamada Mariiniska Mareykanka ayaa hadda saldhig ku leh dalka Jabuuti oo ah meel Istaraatiijiyad joqoraafiyadeed leh. Ciidamada Mareykanka ee jooga xeebaha Kenya ayaa waxaa ay yihiin kuwo sida degdeg ah u howlgala oo amar weyn ku heysta in ay ilaaliyaan xuduudada iyo hawadda todobada dal ee ku yaala gobolka Geeska Africa.

Iyadoo uu Mareykanku ku howlan yahay in uu sameysto saldhig milatari ee weyn, ayaa saraakiisha Mareykanku waxay hadda la shaqeynayaan bangiyada dhexe ee ku yaala dalalka ka duwan ee gobolka, waxayna kala shaqeynayaan sidayaabaha dabagal loogu sameyn karo lagacaha u gudba dadka looga shakiyo argagixisada.

Wargeysu waxaa kale oo uu qorey in la garowsan yahay in bartilmaameedka ugu weyn ee Mareykanku uu ka leeyahay Gobolka in uu yahay dalka Soomaaliya, oo tobankii sanadood ee la soo dhaafey aan laheyn dowlad dhexe, taasna macnaheedu inta badan ma aha baa uu yidhi Wargeysku, in Mareykanku uu doorbidayo in uu weerar weyn ku qaado dalkaasi.

Wargeyska The Observer.

Wargeyska todobaadlaha ah ee Observer ee ka soo baxa dalka Britain ayaa isna qorey maqaal uu kaga hadlayo dadka Magangalyo doonka ah oo uu cinwaan uga dhigey: Balankii dowladda ee wax ka qabashada arrimaha socodaalka ayaa ah mid dhicisoobi doona.

Wargeyska Observer oo soo xiganaya warbixin ay qorey haweyney horey ugu shaqeyn jirey wasaarada Arrimaha Guddaha ee Britain ayaa sheegaya in haddii la joojiyo hubka laga iibiyo dowladda ku gala xadgudka in ay wax weyn ka tiri karto in la yareeyo dadka Qaxootiga ah ee dalalka ka soo cararaya.

Iyadoo la soo xiganayo khuburo ka tirsan ma'xadka baaritaanka siyaasada dadweynaha ayaa lagu doodayaa sida uu wargeysku qorey, in dagaalada iyo cabudhinta ka dhex dhacda dalalka gudahooda, ay tahay arrinta ka danbeysa in dadku inta badan ay qaxaan, balsse aanay aheyn waxa dadka qixiynayaa saboolnimo jirta.

Wargeysku waxaa uu qorey in Ra'iisal wasaare Tony Blair uu balan qaadey in araajida dadka cusub ee nabad galiyo doonka ah hoos loo dhigi doono ilaa iyo kala badh bisha Sebtember.

Hase yeeshee, Heaven Crawley oo ah haweyneysa qortey warbixinta oo la hadashay wargeyska Observer ayaa sheegtey in tirada rasmiga ah ee dadka magangalyo doonka ah ee la soo saari doono bishan dabayaaqadeeda ay muujisey tiro aad u hooseysa. Waxayna hayeneydu u sheegey wargeyska Observer in ay ka shaki ka qabto sida tiradaa loo xisaabiyey.

Wargeyska Al-Bayaan.

Jariidada Albayaan ee ka soo baxada dalka Isutaga Imaaraaadka Carabta, ayaa magaal uu qorey waxaa uu cinwaan uga dhigey...."Khuburo xagga siliida oo u dhashey Israel oo ku sugan Gobolada Waqooyi ee Ciraaq."
Al - Bayaan oo arintaa ka faalooneysa waxaa ay sheegtey, iyadoo soo xiganeysa madax dhaqameedyo isku jira Kurdiyiin iyo carab oo dagan waqooyiga Ciraaq, in ay ku sugan yihiin magaalooyinka Karkuuk iyo Mowsil, khuburo Israeliyiin iyo Mareykanka ah ee xagga saliida, iyadoo waliba amaanka gobolada Ciraaq uu hadda inta badan wanaagsaneyn.

Wargeyska A l-Bayaan waxaa kale oo uu sheegey, in ciidamamda Mareykanka islamarkii ay qabsadeen magaalooyinka Karkuul iyo Mowsil in ay durbaba isku hareereeyeen ceelashii saliida iyo xurumaha betroolka lagu sifeeyo.

Ilaa iyo haddana shacabka Ciraaq iyo suxufiyiinta looma ogola in ay goobahaas u soo dhaafaan masaafo dhan shan iyo toban KM.

Wargeyska Al qudus Alcarabi.

Wargeyska Al qudus Al carabi ee ka soo baxa magaalada London ayaa isna daabacey waraaq kale oo la sheegey in ay ka timid madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saddaam Xusseen.

Saddaam waxaa uu waraaqdiisa ku bilaabey aayado quraana, waxuuna uga baaqey dadka Ciraaq in ay jihaadka u soo baxaan.

Sida uu wargeysku qorey, Saddaam waxaa uu dadka Ciraaq u sheegey in ay arkaan sida ciidamada dalkooda xooga ku heysta ay maalin waliba u dilayaan walaalhood iyo caruurtooda, dambiyadaas ay galayaana aan la canbaareyneyn..Saddaam waxaa uu warqadiisa ku sheegey in Suuriya ay soo dhaweysey dadka khaa'imiinta ah ee mucaaradka, una ogolaatey in ay la xidhiidhaan CIA-da iyo Britain. Waxaa uu intaas ku darey in Suuriya ay u diidey dhulkeeda in ay dhowr maalmood joogaa dadka dagaalamaya.

Saddaam waxaa uu ku timaamey dowladda Sacuudiga sida lagu qorey wargeyska Al Qudus Alcarabi, in ay bixisey kharash aan macquul aheyn oo ka dhan ah Midowga carbeed iyo muslimiinta Ciraaq, iyadoo u adeegeysa baa uu yidhi danaha Zahyuuniyada Cadowga ah iyo Mareykanka.

Top


TV-ga Aljazeera Oo Baahiyay Cajalad Ay Alqaacida Leedahay.

TV-ga Aljazeera Oo Baahiyay Cajalad Ay Alqaacida Leedahay.

BBC_Telefishinka Aljasiira ayaa sii daayey cajalad maqal ah oo ay ku sheegeen in ay tahay mid sida fariin ka timid mid ka mid ah hogaamiyeyaasha Ururka Alqaacida. Fariintaasi waxay Dunida Muslinka ka dalabtey in la weeraro bartilmaameedyo ay leeyihiin Reer Galbeedku.
Aljasiira ayaa sheegtey in cajaladan uu soo duubey, Ayman Alzawahiri, oo ah mid ka mid ah madaxda sare ee Ururka Usama Bin Ladin ee Al Qaacida, Fariinta cajalada uu ku duubey waxay fareysaa muslimiinta in ay weeraraan safaaradaha iyo danaha ganacsiga ee Mareykanka, Britian, Australia iyo Norway. Waxayna leedahay ka dhiga dhulka hoostooda ah cadaab, kana saara dalalka muslinka. Fariintu intaa waxay ku dartey in Yahuuda iyo mucatabeeyeyaashu ay fahmaan oo kaliya luqada ah dil iyo dhiig daadin. Cajalada uu u muuqata in la soo duubey intii uu socdey dagaalkii Ciraaq, ayaa sidoo kale lagu canbaareeyey dowladdaha Carabta, waxayna ku eedeeysey dowladdahaas in ay taageeraan dagaalka uu Mareykanku horseedayo.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ma Tageersanin UDUB.

Waxaa hanbalyo u soo jeedinayaa dadwaynaha Somaliland, ee sida sharafta leh u gutay xaqooda Dastuuriga ah. Waxaanan amaan u soo jeedinayaa KULMIYE, UCID iyo xisbiga Dawlada ee UDUB ee sida xilkasnimadu ku jirto uga qayb qaatay doorashada dalka.

BOQOLKIIBA KONTAN IYO LIX, ama 56% dadkii footeeyay ma ay dooran Riyale iyo xisbigiisa UDUB. Maantana ma ay doonayaan dawlad UDUB soo dhistay, oo maanta way cadeeyeen inaanay doonaynin dawladii Riyaal iyo UDUB xukumaysay. Hadaba dadkani waa inay helaan dawlada ay doorteen, oo ah mid wadaaga oo saddexda xusbiba ka dhex muuqdaan. Su’aasha in la is waydiiyo ahi waxaa weeye, dadkan aan dooran Riyale iyo xusbigiisu, maxay doonayaan? Dadkani waxaa ay doonayaan:

1) In la helo gudi kooban oo ka timada xisbiga dawlada iyo xisbiyada mucaaridka. Gudidan oo ah gudi ka madaxbanaa awoodna u leh ay ku baadhi karto meesha ay marto Hantida dadwaynaha, daba gali kartana Musuqmaasaqa. Gudidan waa inay ka koobnaato saddexda xusbi, 42% Udub, 42% Kulmiye iyo 16% Ucid ah. Gudidan waa inay soo
doortaan Gudida dhexe ee xisbi kasta.

Tusaale ahaan haddii ay 10 qof ay gudigani ka koobantahay waa inay 4 UDUB ah, 4 Kulmiye ah, iyo 2 bo UCID ah. Waana in ay gudidani maamusho Radyawga Hargaysa iyo Jariiradaha, iyo Goobaha dadka looga khudbadeeyo ee ay ka midka tahay Khayriyada iyo kuwo la mida. Dadka weeye ka laga qaado cashuurta, maantana dadkani 56% ma ayna
dooran UDUB inay dawlad u noqoto oo ay hantidooda maamusho, hadaba gudigani oo kale ayaa ka dhigi karta dawlada Somaliland dawlad dadku ku kalsoonyihiin oo ay ku qanci karaan. Gudigana waxaa la xisaabtami kara oo kaliya Baarlamanka ku meelgaadhka ah, ama Baarlamanka la soo doorandoono. Baarlamankaasi ayaa 2/3 ku ansixinkara dadka ay xisbiyadu soo magacaabeen.

2) Waa in saddexda xusbi ay soo doortaan Baarlamanka ku meel gaadha.
Baarlamankuna waa inuu ka koobnada 42% UDUB ah, 42% Kulmiye ah iyo 16% UCID ah.

Baarlamankani waa in ay shaqadiisu ahaato:

a) Inuu si ku meelgaadh u an sixiyo dawlada cusub ee imika la dhisi doono.

b) Inuu dhamaystiro sharciyada qabyada ah, si ay u timaado
doorashada Baarlamanku lix bilood gudahood.

3) Guurtida:

a) Waa in Guurtidu noqoto Caaqilo iyo odayaal aan faraha la soo galin
arimaha dawlada oo shaqadoodu tahay inay kala dhexgalaan haddii Reero is ka horyimaadaan. Dadwaynuhu waxa ay u baahanyihiin in ay ogaadaan in la dhaafay dawladii BEELAHA ku dhisnayd, markaa waa inayna jirin odayaal awood leh oo aanu dadku soo dooran. Haddii wasiiradii aan BEELLO lagu soo dooranaynin, mar haddii uu yahay Dastuurka iyo Maxkamada sare ta kala saaraysa xisbiyada mucaaridka iyo dawlada, maxaa ay qabanayaan odayaal aan la soo doorani?

b)Haddii kale waa in degmo kastaa ay iska soo saarto tiro go'an oo ah (e.g. 1000 qof) Mutacalimiinteeda, wadaadadooda, odayaashooda dabadeedna waa in dadkani ay doortaan qof ama labo qof oo u matala degmadooda guriga GUURTIDA, waana in Gobal kasta ay ka soo baxaan tiro go'aan oo guurtida matashaa. Qofkan la dooranayaana waa inuu aqoon ilaa Dugsi sare lahaado, da'diisuna aanu ka yaraan 50 jir, iyo qodabo kale oo la mida. Qofka aan aqoon dugsi sare lahayni, waa inaanu loo ogalaan inuu ka taliyo danta dalka.

Top


Dildilaacii ubaxa iyo kacaankii dhergiga Waxa turjumay Muuse M. Muuse.

Mingistu: Dagaaladii dhinaca waqooyiga ka socday waxaanu ku waynay boqolaal kun oo qof, sidoo kale dableyda nala dagaalamaysay waxay ku wayday boqolaal kun oo qof. Laakiin marka la eego taariikhaha dagaal ee dunida in goobaha dagaalka ciidan lagu laayaa waa wax iska dhaca ama wax caado ah oo dhaca, tusaale ahaan dagaalkii labaad ee dunida dhufayskii ay Jarmalka iyo Faransiisku samaysteen ee la odhan jiray Maajno waxa jirtay guuto uu Jarmalku lahaa oo la odhan jiray Paanzar, ahaydna guuto Dubaabado ah ayaa dhufaykaa dhulka la sintay oo burburisay, waayo ciidankii Faransiisku ma awoodi karayn inuu guutadaa Jarmalka is hortaago si aanay u baabi’in dhufayska, laakiin waxa meesha timi dhaliil la saaray ciidankii Faransiiska, taas oo taliyayaashii ciidankii Jarmalka lagu yidhi sidee baad u xadidi kari waydeen khasaaraha loo geystay dhufayska, ka dibna imisa Maarshaal iyo imisa Janaraal ayaa maxkamad la soo taagay, dabadeedna dil lagu xukumay, sidaa darteed dagaalku waa wax qadhaadh, markaa dhimasho, dhaawac, dil iyo gacan-kudhigid (qabsi) intuba way ka dhacaan goobaha dagaalka. Mararka qaarkoodna in talaabooyinkan oo kale la qaado dantu way kugu khasbaysaa, wayna ka dhacday ciidankayaga dhexdiisa, laakiin waxyaalahaasi ma ahayn wax aan anigu si toos ah u xukumayey ama aan fulinayey, waayo goobaha dagaalka ilaa janaraalada u sareeya iyo ilaa taliye unugyada ilaa askariga cid waliba waxay leedahay awood u gaar ah, taas oo uu sharcigu u fasaxayo inay u madax banaan yihiin fulinta iyo isticmaalka awoodahooda u gaarka ah, sidaa awgeed ama ciidan qarran ha ahaato ama guuto ha ahaatee anigu maan ahayn ninka amrayay, waayo dal iska dhan hogaaminayey ma awoodi karayn ama uma ay suurta gelayn inuu guuto kasta inta uu dhextago ogaado ama baadho wax kasta oo yar oo jira, waxayse iswaydiintu tahay sharciga guud iyo ismaamulka milateri ma la sugay, mise lama sugin, laakiin waxaan leeyahay waa maxay sababta looga hadlayo niman ducufo ah ee loo leeyahay waxa loo dilay si sharci daro, iyadoo ay intaas oo geesiyaal ah iyo intaas oo ciidan ahi dhamaadeen, ta kale intaas oo janaraal iyo intaas oo sarkaal miyaanay ku naf-waayin u dagaallanka midnimada dalkooda hooyo, kuwaas oo inta ay guulo waaweyn soo hooyaan furrin kasta ka dagaalamayey, taas darteed dagaalada kumanaanka qof ku dhinteen, maxaa dad tiro yar oo weliba ducufo ah loo hadal hayaa dhimashadooda, laakiin sababta iyaga had iyo goor loo hadal-hayo ee aan loo soo hadal qaadayn kumanaankii qof ee u dhintay dalkooda hooyo midnimadiisa, taasi waa mid aan aniga iga dhaadhici karayn, masalan nimankaa la sheegayo imisa kun oo qof ayey iyagu sabab u ahaayeen dhimashadooda, dhaawacooda, dhiig-baxooda iyo silicooda. Maxaase looga warami waayey dableydii dagaalamaysay, waxaase ku filaan lahayd ama ay ahayd in la iswaydiiyo warka yaa soo sheegay, halkee buuse ka soo baxay, taasi waxay keeni lahayd in runta la ogaado, masalan adigu (Gannat) si aad u ogaato xaqiiqdii xiligaa jirtay waxaad u tagtaa xubnihii ciidanka ka tirsanaa ee nool oo arimahaa waydii, hadii aad waydiisona way ku sheegi doonaan xaqiiqda, waxaana laga yaabaa inay iyagu sidayda si ka wanaagsan kuu fahamsiiyaan ama kaaga dhaadhiciyaan., masalan waxaad ku tidhaahdaa “Kuma ayuu ahaa Taariku, yuu ahaa ninka la yidhaahdo Yahawlaa Iishat”, maxaa yeelay si kasta oo la yeelo runtu ma qarsoonto.

Ganat: Masalan guutada la odhan jiray Naaqfa oo ahayd guutada 3aad oo ah guutadii aad adigu ka soo baxday waxa la sheegaa si aanay dagaalkii waqtigaa u gelin inaad adigu amarka siisay inaanay dagaalka gelin, taas darteedna aad adidu guushii halkaa laga soo hoyn lahaa baajisay, taas maxaad ka odhan?

Mingistu: Aad baan uga xumahay wararka caynkaas oo kale ah inaad qaadato, hadii aanay guutada Naaqfa gelin dagaalkaa yey ahaayeen ciidanka gacanta ku dhigay ee ku dhamaaday dhufayska Naaqfa, miyaanay kuwaasi ahayn guutadii 3aad (Guutada Naaqfa) iyo guutadii 17aad, hadii aan wax kuu sheego’e taliyihii guutada 3aad waxa magaciisa la odhan jiray Kornayl Tashaagar, waxaanu u dhashay gobolka Goonder, sidoo kale taliyihii guutada 3aad waxa magaciisa la odhan jiray Kornayl Warqu, wuxuuna sarkaal aad u degan, sidoo kale waxa aagga dagaalka taliye ka ahaa sarkaal da’yaraa oo la odhan jiray Janaraal Wubatu.

La soco.

Top


JILBO-DHIIG: Waxa qoray Xasan Faarax Maxamed, waxaa tifaftiray A. Ducaale.

Biixi iyo Xayaad habeen iyo maalin ayuu roob dartii dhexda kula sii jiray, laakiin nasiib daro baabuurkii markii uu magaalada Hargeysa waxoogaa u soo jiray ayuu taayir u baxay, ka dibna jir-jir-cadka ayuu iska rogay, halkaana waxa ku dhintay dhawr qof, halka ay dhawr qof oo kalena ku dhaawacmeen, laakiin Biixi iyo Xayaad waxay ka mid noqdeen dadkii dhaawaca ahaa , taas oo ay Xayaad ka jabtay lafta dheer ee bawdada, halka uu Biixina ka jabay laba meelood oo kale ah kalxanta gacanta midig iyo dhudhunta bidix, dabadeed waxa meeshii soo maray baabuur kale, kuwaas oo dadkii dhaawaca ahaa u daad-gureeyey dhinaca magaalada Hargeysa, sidaa darteed Xayaad iyo Biixi oo dhaawac ah ayaa la soo wada saaray baabuur, ka dibna waxa la dhigay cusbataalka Hargeysa, iyadoo uu mid walba dhiiggu haydhafayo.

Sidii ay caadadu ahayd Xayaad waxa la dhigay cusbataalka dumarka, halka Biixina la dhigay cusbataalka haweenka. Laakiin Biixi shilka baabuur ee haleelay isaga iyo Xayaad ka sokow waxa ku habsaday naxdin iyo murugo dheeraad ah, taas oo uu ka dayriyey ama canaantay nasiibkiisa, isaga oo hoosta ka hallaanhalay “Tolow waalidkayna ima habaarine xagee bay nasiib daradani igala socotaa, waayo wixii aan farta u taagaaba geeri iyo goobataal dhiig leh ayey soo baxaysaa, yaab !!!”.

Xayaad lafteedu nafteeda uma canaan la’ayn, waayo iyana waxay canaanatay nasiibkeeda, isla markaana waxay u calaacashay Biixi laftiisii, iyada oo hoos ugu calaalaysay “Alla nasiib daradaydu maanta ayey iigu darayd oo ay dadku igu odhanayaan wiilkii Biixi waa tii belaayo gabadh ah oo habaar qabta meel looga soo halalaq siiyey, alla ilaahow maanta tiisii haka dhigin, anigana nasiibkayga ha xumaynin”.

Biixi reerkoodii markii ay laba maalmood cusbataalka yaaleen ayey maqleen waxa dhacay, halkaas ayey odaygii iyo islaantiiba ka soo yaaceen oo ay cusbataalkii Hargeysa ee la dhigay ugu yimaadeen, sidoo kale waxa iyaguna dhinacooda ka soo cararay Xayaad reerkoodii , sida Hooyadeed iyo qaar ay walaalo yihiin oo rag iyo dumar-ba leh. Xayaad iyo Biixi muddo saddex bilood gaadhaysa ayey ku jireen cusbataal, laakiin labadoodaba mid-ba meel ayuu ka naafoobey.

Biixi waxa uu ka naafoobay kalgaxanta gacanta ee garabka midigta, halka ay Xayaad-na ka naafowday canqowga lugta bidix, taas oo Biixina gacan naafo ka noqday, Xayaadna lug naafo ka noqotay, hase yeeshee markii ay ladnaadeen ayaa cusbataalka laga soo saaray, iyadoo ay labadoodii waalid-ba dul-joogaan. Laakiin Xayaad waalidkeed sheekada lama socdo, sidaa darteed markii ay cusbataalkii ka baxeen ayey damceen inay gabadhooda kaxaystaan oo la qabtaan xagaa iyo Ingiriiska.

La soco.

Top


Arday ka qalin Jabisay Mac-hadka Iqra.

Hargeysa (Haatuf): Xaflad lagu maamuusayay 35 arday oo ka qalin jabiyey mac-hadka Iqra Interantional ayaa shalay lagu qabtay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

Ardaydaas oo dhamaysatay maadooyin isugu jira luqadda Ingiriiska, iyo Computer-ka, kuwaas oo ay baranayeen muddo lix bilood ah oo ay Ingiriisi ah iyo afar bilood oo computer ah, waxa xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen maamulka, macalimiinta iyo waalidiinta ardayda mac-hadkaasi lagu gudoonsiiyey shahaadooyinkii ay mutaysteen.

Xafladaasi waxa hadalo ka jeediyey maamulaha mac-hadkaasi C/Raxmaan Xasan Macalin, maamule ku xigeenka Sacad Muuse Bashiir, iyo Guuleed Axmed oo macalin dhinaca computer-ka ah. Waxaanay ka warameen, marxaladihii uu soo maray dugsigaasi, halka uu haatan marayo, isla markaana waxay tilmaameen culuunta iyo duruusta kala duwan ee lagu qaato mac-hadka iyo, waxa kale oo ka hadlay mid ka mid ah waalidiinta ardayda mac-hadkaasi, isaga oo aad ugu mahad naqay maamulka iyo macalimiinta Dugsigaasi.

Top