Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 341 May 27, 2003

27-Ka May: 15 Sanadood Kahor Iyo Gulufkii Ay Xoogagii SNM Ku Hilaaciyeen Burco.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Technologiyada Aduunka Iyo Heerka Somaliland Kaga Jirto.

Karis Xun Iyana Wax Ku La’.

Suaalo Jawaab u Baahan.

Yaan Laga Leexan Siyaasaddii Ruug Cadaagii Cigaal.

Libta Ninkii Keenay La Ogyahay Ninkii Doonaa Ha Sheegto.


27-Ka May: 15 Sanadood Kahor Iyo Gulufkii Ay Xoogagii SNM Ku Hilaaciyeen Burco.

27-Ka May: 15 Sanadood Kahor Iyo Gulufkii Ay Xoogagii SNM Ku Hilaaciyeen Burco.

27 May 1988 oo ay maanta ku beegnayd 15 guuradeedii, waxay ahayd maalin xusuus gaar ah u leh guud ahaan dadka Reer-somaliland, gaar ahaanna dadka Reer-Burco, waayo maalintaasi waxay ahayd maalin uu si lama filaan ah dagaal culusi uga qarxay gudaha magaalada Burco, ka dib markii ay cutubyo ka tirsan ciimadii dagaalyahanka ururka SNM ee mudada tobanka sannadood gaadhaysa halganka hubaysan kula jiray dawladdii Siyaad Ba rre salaad hore guluf milateri ku soo galeen xarunta gobolka Togdheer ee Burco, halkaas oo ay dagaal faraha lagaga gubtay foodda isku dareen ciimadii taliskii Siyaad Barre ee Burco fadhiyey iyo cutubyadii SNM,waxayna taasi keentay jawi Siyaasadeed cusub iyo xaalado milateri oo hor leh oo ka aloos-may mandaqadda bariga Afrika, gaar ahaan labadii dawladood ee Itoobiya iyo Somaliya.
Sidoo kale saddex maal-mood ka dib oo ahayd 31-kii may 1988, waxay cutubyo kale oo ciimadii SNM ahi weeraro milateri oo kaa la mid ah ku soo qaadeen gudaha magaalada Hargaysa iyo jiido kale.

Weeraradaa milateri ee ay xoogaggii ururka SNM ku soo galeen gudaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxay, ahaayeen kuwo miidaamo ah, waxayna taasi ka dambaysay markii ay labadii dawladood ee ka kala talin-jiray dalalkii Jamhuuriyaddii soomaaliyeed iyo Itoobiya ay isla gaadheen heshiis dhigaya inay qolo waliba dhinaceeda joojiso taageeradii ay siin jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray, iyadoo dawladdii Siyaad Barre taageeri jirtay jabhadii Ereteriya, halka ay dawladdii Mingistu Haile Mariam-na taageeri jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray taliskii Siyaad Barre sida: SNM iyo SSDF, waxaana waxyaalihii ay labada talis ku heshiiyeen ka mid ahaa in ciimadii SNM laga soo raro jiidaha hore ee dagaalka ,islamarkaana uu ururka SNM joojiyo hawl-galadii milateri ee uu ku hayey dawladdii Siyaad Barre. Sidaa darteed heshiiskasi waxa uu ururka SNM soo taagay marxalad aad u adag iyo mawqif xaraj ah, taas oo ay arintoodu noqotay “kala dooro laba daran”, waxayna taasi keentay inuu ururka SNM qaato mawqif xaraj ah, taas oo uu hogaankii ururka SNM go’aansaday wax lama filaan ah oo aad uga duwan wixii ay labada dawladood ku heshiiyeen, waxayna SNM talo ku gaadhay inay ciidamadeedu madax-madax isugu tuuraan gudaha, iyaga oo bartilmaameed ka dhiganaya saldhigyadii waaweynaa ee ciimadii qaybtii 26aad ee taliskii Siyaad Barre ee fadhigoodu ahaa goboladii waqooyi ee Jamhuuriyaddii Somaliya.
Sidaa awgeed waxay ciidamadii dagaalyahanka SNM gulufkoodii u horeeyay ku galeen magaalada Burco, subaxdaasina waxay guud ahaan dadkii ku dhaqnaa goboladii waqooyi (Somaliland), gaar ahaan dadkii reer-Burco, talisyadii Mingistu iyo Siyaad Barre, mandaqadda iyo guud ahaan dunida ku noqotay amakaag iyo qaadan-waa.

Ciidankii SNM ee Burco galay waxa uu xaddigiisu ahaa tiro aan ka badnayn ilaa 1200 oo dagaalyahan, taasina waxay ahayd tiro aad uga yar cududii milateri ee gaaskii ciimadii taliskii Siyad Barre ee fadhiyey jiidaha gobolka Togdheer iyo xarunta gobolkaa ee Burco,ee gaaskii Qaybdiid la odhan jiray, laakiin iswaydiintu waxay tahay maxaa dhacay, maxaase ururka SNM ku kelifay weerarkaa is miidaaminta ah.

Ciidamadii SNM ee Burco galay waxa uu ahaa taliyahoodii u sareeyay Muj: Axmed Mire Maxamed, iyadoo ay talayayaashii ku xigayna kala ahaayeen labada Marxuum: Aadan Saleebaan iyo Xuseen Axmed (Xuseen kharash-yare). Laakiin nooma ay suurta gelin inaanu la kulano Muj: Axmed Mire oo aanu kala sheekaysano xaaladdaa, isaga oo dalka ka maqan darteed. Haseyeeshee waxaanu dhacdadaa kala sheekaysanay Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii sar-sare ururka SNM, gaar ahaan garabkii milateri, gaar ahaanna waqtigaa ka mid ahaa guddigii dagaalka ee loo xil saaray hawl-galkaa, madaxna ka ahaa saldhigii Itoobiya ee ay ka soo dhaqaaqeen ciimadii Burco galay.

Sidoo kale waxaanu isna marxaladaa iyo sidii ay u saamaysay ururka SNM iyo sababta ay u qaateen mawqifka xarajka ah kala sheekaysanay sanadkii hore, xuskii munaasabadan 27-ka May, Muj: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo markaa ahaa Gudoomiyihii ururka SNM,ahaana Gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee soo mara hogaaminta SNM, isaga oo xilka Gudoomiyaha ururka SNM hayey muddo 6 sannadood ah.

“Waxyaalihii ay dawladihii Mingistu iyo Siyaad Barre ku heshiiyeen waxa ka mid ahaa inay ciimada SNM dib uga kacaan jiidaha hore ee dagaalka oo ay dib ugu guuraan gudaha Itoobiya, taasna waxay SNM u aragtay inuu dhabar-jab ku yahay halgankii ururka SNM”ayuu yidhi Maxamed Kaahin, wuxuuna intaa ku daray “ waqtigaa ururka SNM labo mid ayey isu soo taagtay inuu halgankii ururka SNM halkaa ku baaba’o iyo inuu go’aan adag qaato oo uu halgankii sii socdo, sidaa darteed hogaankkii ururka sida: Gudoomiyihii, guddigii fulinta ,golihiii dhexe, talisyadii ciidamada , waxgaradkii iyo waayeelkii ururku wada tashi ballaadhan ka dib waxa la go’aansaday in hawlagal ballaadhan oo milateri lagu galo gudaha”.

Muj: Maxamed Kaahim isaga oo ka waramaya xaaladii Ciidan ee ururka SNM iyo sidii wax loo qorsheeyey iyo sidii ay ahayd isu dhiganka cududda labadii Ciidan ee SNM iyo ciimadii Siyaad Barre ee ay is-waajahayeen, waxa uu yidhi “ Ciidankii SNM labo qaybood baa loo qaybiyey oo kala ahaa aagga galbeed iyo aagga bari oo la kala odhan jiray MAKA iyo MADIINA, iyadoo ay ciimadii SNM ee weeraray aagga Cadaadley oo uu hogaaminayey Muj: Xuseen dheere ay ciidamo laga soo dheegay labada qaybood, intaa waxa dheeraa taliskii ciidamada SNM, ciidankii Burco galay ee SNM-na waxay tiradiisu ahayd ilaa 1200 oo nin iyo midhadh ,waxayna wateen labo qori oo jiibab ah, labo qori oo suugag ah, 6 qori oo siikow ah ,islamarkaana ciidanka umaanu hayn wax taakulo ah oo xataa baabuurtii ay wateen qaar baa shidaalku ka go’ay markii ay magaalada soo galeen, halka uu ciidankii gaaska 3aad eeSiyaad Barre ee Burco fadhiyey ay ka koobnaayeen 4guuto oo ciidanka dhulka ah, guuto taangiyo ah, laba guuto oo madaafiicda goobta ah, urur PM. Ah , laakiin anaga waxa PM iyo tangiyo u ahaa tayo iyo moral, waxaanuna hawlgalkaa ku gaadhay guul weyn oo milateri iyo mid Siyaasadeed-ba waayo khasaare kasta oo na gaadhay waxa ka weynaa khasaarihii gaadhay ciimadii taliskii keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre”.

Muj. Maxamed Kaahin, isaga oo tilmaamaya sidii ay xaaladda ururka SNM u ekayd maalmihii la qaadanayey go’aanka is-miidaaminta ah waxa uu yidhi “Runtii xaalad adag iyo go’aan adag ayey ahayd, laakiin waqtigaa ururka SNM wuu u bislaa inuu qato go’aamo ad-adag siyaasiyan iyo milateri ahaan-ba, waayo waxaanu soo maray marxalado ad-adag oo hore”.

Axmed Maxamed (Siilaanyo) waxa aanu isna ugu horayn waydiinay waraysi aanu la yeelanay sanadkii hore, munaasibadan 27-ka May, sababta ku keliftay go’aanka is-miidaaminta ah wuxuuna ku jawaabay “Markii ay heshiiska gaadheen dawladihii Mingistu iyo Siyaad Barre waxaanu u aragnay inuu halgankii oo waqtigaa meel fiican marayey sidaa ku baaba’ayo haddii aanaan go’aan adag qaadan, dabadeedna waxaanu go’aansanay in sidaa la yeelo’.

Axmed-siilaanyo mar la waydiiyey sidii uu ururka SNM u saameeyey go’aankii ay isla gaadheen talisyadii Mingistu iyo Siyaad Barre iyo sidii ay markii dambe urur ahaan u go’aan qaateen waxa uu ku jawaabay “Runtii markii hore waxa uu heshiiskaasi nagu keenay niyad-jab weyn, waxaase lagama maarmaan noqotay inaanu go’aan adag qaadano, ka dibna waxa uu markii hore hagaankii sare ee ururku ku tashaday magaalada Dirir-dhabe, markii dambena waxaanu isugu nimi magaalada Dhoobo-guduud, halkaas oo aanu ku tashanay, kuna samaynay guddigii dagaalka, wuxuuna hawlgalkii u horeeyay 27may ka bilaabmay magaalada Burco ,maalintaana si aan niyadda ugu dhiso dadkii halganka ku jiray waxaan ka hadlay BBC-da oo waxaan idhi dawladuhu hadi ay doonaan ha heshiyeen, laakiin anagu waanu wadaynaa halgankayaga ilaa inta ay jiraan wixii aanu ka dagaalamaynay”.

Axmed-Siilaanyo, isaga oo tilmaamaya natiijadii ka soo baxday Go’aankii xarajka ahaa ee ay qaateen waxa uu yidhi “ Waxaan odhan karaa maalintaasi waxay ahayd maalintii uu nidaamkii keli taliska ahaa ee Siyaad Barre dhabarka ka jabay, SNM-na waxay hawlgalkaa ka gaadhay guul-weyn, waxayna ka heshay taqo iyo awood ballaadhan”.

Marka laga hadlayo go’aankii ururka SNM ee gudogalkii dabayaaqadii bishii may 1988 waxa mararka qaarkood la sheegaa in ay arintaa isku khilaaafeen hogaankii milateri iyo hogaankii Siyaasadda ee SNM , taas oo la yidhaahdo hogaankii siyaasaddu kama raali ahayn in sidaa la yeelo, laakiin Maxamed Kaahin oo aanu arintaa waydiinay wax uu ku jawaabay “ Dabcan markii laga doodayey qaabka loo fulinayo hawl-galka waa lagu kala aragti duwanaa qaabka loo dhigayo,laakiin go’aankii kama dambaysta ahaa waxa uu ahaa go’aan wadajir ah oo ay u dhan yihiin hogaankii siyaasiga ahaa iyo hogaankii Ciidan-ba oo ilaa gudoomiyhii ururka waxa la isugu yimi jiidda hore ee dagaalka ,magaalada Dhoobo-guduud, la iskumana khilaafsanayn go’aankaa”.

Axmed-Siilanyo oo isna la waydiiyey arintaa waxa uu ku jawaabay “Waxa jirtay farsamo Siyaasadeed oo aad u heer saraysay oo aanu talada ku darsanay, taas oo ahayd inaanu nidhaahno hogaankayagu ma ogayn arintaa ee ciimadaa sameeyey, taas ayaa mararka qaarkood loo turjumaa in la isku khilaafsanaa hawlgalka, taasina may jirin ee hogaanka ururku arinta wuu isku raacsanaa, aniga oo gudoomiyhii ururka ahaana waxaan imi labada aag-ba waana saxeexay go’aanka dagaalka, waxaana la isku raacsanaa oo la lahaa ma jiro jaanis kale oo inoo furani”.

Qaybo kale oo ku saabsan munaasibadan guda-galkii SNM ee Burco, iyo dhacdooyinkii la xidhiidhay waxaanu idiinku soo gudbin doonaa cadadyada soo socda.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Technologiyada Aduunka Iyo Heerka Somaliland Kaga Jirto.

Dalka somaliland ayaa ah mid ay aad uga muuqato waxa caalamka maanta kala wada ee technologiyada[TECHNOLOGY],taas oo ay somaliland ku kasbatay in ay kaga hormarto dalal badan oo africa ah.Somaliland oo ah jamhuuriyad maanta ka dhex muuqata dalalka africa ayaa waxaa aad u saameeyey horumar[developement]ah xag telefons ka iyo weliba xaga internet ka oo aanay gaadhin dalal badan oo aduunka ka mida.

Dhinaca kale waxa jira in dalka somaliland ay dadkiisa qurba joogta ahi ay u soo jeedsadeen sidii dalkooda ay u horumarin lahaayeen taas oo muujisay in dalku yeesho hotels ka loo yaqaan 5 stars ka iyo weliba nolol lagu soo hirto,Dhinaca dowlada somaliland ayaa sida muuqata 9 kii sanadood ee la soo dhaafay qabatay waxyaabo muhiima,iyada oo dhinacna dhaliil lagaga sameeyo,laakiin si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in dalka somaliland uu aad ula socdo amaba ka dhex muuqdo aduunweynaha iyo heerka ay ka gaadheen technologiyada.

Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta waxyaabaha lagu amaano ay ka mid yihiin nabada iyo qaabka doorashada ay u dhacday iyo weliba heerka technologiyada ay ka gaadhay,laakiin runtu waa in la hirgeliyo meelo lagu barto maadooyinka kobciya horumarka dal iyo weliba in jaamacadaha dalka ay dowladu u sameeso hay'ad u qaabilsan horumarintooda.

Dowlada somaliland waxaan u soo jeedin lahaa in dalka xaga shaqo siinta la kobciyo iyo weliba wax barashada sare [jaamacadaha ]waayo beri generation ka soo socda weeye halkay wax kabaran lahaayeen,dadka somaliland ayaa u raadsada asia amaba europe wax barasho iyada oo dalkooda jaamacado kuyaalaan.

isku soo gunaanad oo waxaa muuqata in somaliland riyadeedii run noqotay oo ay hadhay hal riyo oo keliya oo ah ictiraafka kaasna aan laga baryeen caalamka ee ay si khasaba nagu siin doonaan,riyada rumoowday oo ah in somaliland maanta gaadhay heer ka caalmaka oo aanay u baahneen wax caawimaada iyo weliba gaahday technologiyad da caalamka ee xidhiidhka.

waxaa qoray: ABDULFATAH SHEIKH OMER ARALE.

ARALEVIP2hotmail.com, Madras, INDIA.

Top


Karis Xun Iyana Wax Ku La’.

Waxaad mooda sida dadweynaha qaar u dhaqmayaan in laba dal oo Soomaalilanad ihi jiraan. Waxaad arkaysaa dad u arka inay jiraan laba dal oo Udub iyo Kulmiye kala xukumaan. Waxaad si gaar ah u arkaysa rag Udub ah oo ciddii ay Kulmiye u arkaan ku leh 'Lagaa bedi ee is dhiib' iyoo waxaanu eryi doonaa hebel iyo hebel. Waxaad moodaa inay dhammaan yihiin madaxweynayaal. Ma oga in dalku mid qudha yahay oo haddii uu xumaadana dhammaan inaga xumaanaayao, hadduu hagaagana inoo wado hagaagay. Udub iyo Kulmiye midna keli uma leh.

Nin aanu saaxiib nahay oo igala hadhi waayey: lagaa bedi oo qosol iyo dheel dheel la socdo, ayaan ugu jawaabay "Karis xun iyana wax ku la'". Hadalkii wuu qaatay dibna dheeldheel iilamuu iman. Haddaba wanaaga aan Kulmiye ku arkay haddii uu yimaaado waa mid kherkeeda aynu u simanay, sidoo kale ayaa waxii Udub inagaga yimaadana aynu u simanahay. Waxa aan ka cararayaa waa caddaalad darro, waa musuqmaasuq, waa eex, waa tamar darro, waa aqoon la'aan, waa caafimad darro, waa cudud la'aan, waa dal diir iyo ayax u tashaday. Waa xaalku sida uu maanta yahay. Berrito haddii u ka fiicnaado, waa guul iyo badhaadhe aan la wadaagi doono dhammaan inta Soomaliland ku abtirsata. Danta guud cidina uma xidhna. Waa mid wanaageeda iyo xumaanteedaba loo siman yahay.

Waxaan rabaa inaan adkeeyo distoorka, inaan meesheeda ku dhidbo xuquuqda wadaniga. Bal akhri wergeysyada: waxa la xidhay weriyahii Haatuf ee Boorame, waxa la xidhay Guudoomiyihii Kulmiye ee Boorame, waxa la xidhay Maamulihii Jaamacadda Hargeysa, yaa xidhay? maxayna ku xidhan yihiin? Waxa la yidhi wasiiro iyo badhasaabo ayaa na amray. Halkay arrintani kaga jirtaa Soomalilandta cusub? Yaa yidhi wasiirbaa cid xidhi karaa. Bolisku ma yaqaano shaqadiisa, waddaniguna ma yaaqaan xuquuqdiisa, barlamaan iyo guurtina hadalkoodba daa.

Sharcigu waxa uu dhigaaya in bolisku ay xidhi karaan qof 48 sacaadood marka ay ku qancaan inay jirto sharci uu jabiyey, deedna ay sii deyn doonaan amba ay dacwad ku oogi doonaan. Ma aha hadal sharciga waafaqsan inuu bolisku yidhaahdo hebel, hebalbuu u xidhan yahay. Mawaadiniintu ma aha addoon madaxda dawladdu leedahay. Madaxweyne cid ma xidhi karo. Isaga iyo ka ugu itaalka yar, ee ugu duuno yari wey siman yihiin, marka sharciga la eego.

Waxa la gudboon in muwaadin kasta oo xuquuqdiisa lagu xad gudbaa, dacwad ku oogo cida ku xad gudubtay. Ha noqdo wasiir amba sarkaal sare. Ma aha inay tii hore socoto, ee ahayd : Mahadsanid marka xabsiga lagaa sii daayo, adigoon waxba galabsan. Dadow toos, oo garo xaqaaga, heeryada tuur oo dacwee daalanka gardarada kugu xidha. Kaalin qiimo badan ayey ka qaadan karaan arrintan jaraa'iidku. Waa inay wacyi geliyaan dadweynaha oo laga maydhaa baqdinta ku lingaxantay qalbigooda, kana dhalatay sannado ay ku hoos jireen, xukun dulmi iyo duudsi u boqranaa.

Dad iyo dawladba Soomalilanaday ogow waxa keliya ee dad deeqa inay tahay cadaalad. Ma aha sharci, la jiifiyaana banaan, ma aha dow, in danyarta la duudsiyo, ma aha gar, in cashuurta laga qaado caano diiqda, marka ayna jirin cashuur ay baxshaan ragga ugu dakhliga badani. Ma toosna, in wasiirkii la eryaaba ku sii jiro gurigii dawladda, oo sifo lahaansho u yaasho isticmaalkiisa.

Iskuulada oo la kordhiyaa, cisbitaalka oo la dayac tiraa, dadkoo la shaqo geliyaa, beeraha oo la taageeraa, iyo wershadeynta oo la gacan qabtaa, waa inoo dan. Waxii inoo soo kordha ee dhisaaya dhaqaalaha dalka waa in loo soo jeedaa. Waxii duminaayana waa inaynu dhan ka wado ahaano. Dadow, iska jir kan kugu laaluushaaya maalkii intaas lagu qaban lahaa. Ka feejignow, afmiinshaarka kiisa fooda leh, iyo kana gadh cadka ah. Ka dheerow kuwa siyaasadda u galay inay ku lacagaystaan. Waa dar ka madhan mabda' iyo dan guud. Waa qaar aan xigto iyo xigaal midna u naxayn. Waa dar is daba wareega, oon arrinkoodu madax iyo minjo lahayn.

Waxa guusha ugu weyn ee aynu gaadhnay tahay inaynu xididka u adkeynay nabadda. Waxaad se ogaataa in nabadda waxa waraabiyaa yahay dheecaan ka dindima geedka loo yaqaan CADDAALAD. Waa kan keliya ee xaqiijin kara in aan marna loo baqan in qas iyo qalalaase dhaawaco degaankeena. Awood kasta oo jirta waxa laciifiya oo dabadeedna dumiya waa caddaalad darro. Shacabweynaha in badan ayaa lagu celceliyaa. Nabadda ha la ilaasho laguma daro CADDAALADA HA LA DHOWRO. Waxa xaqiiq ah oon cidina diidi karin, in nabaddu tahay tan u baahan caddaalada. Waana mid waajib ah inaynu labadaba dhaqaalayno,kobcino oynu dhowrno.

Arrimahani ma aha , qaar cidna si gooni ah u anfacaya. Waa danta guud,aan ku celiyee, waxa arrinku yahay: KARIS XUN IYANA WAX KU LA'.

Ahmed Arwo.

ahmed_arwo@yahoo.co.uk.

Top


Suaalo Jawaab u Baahan.

Waxaan akhriyey waraysigii uu Tviiga Somaliland siiyey Mudane Cabdiqaadir Jirde, Guddoomiye ku xigeenka Golaha Barlamaanka. Waraysi xiiso leh ayuu ahaa oo runtii muhiim u ah taariikhda Somaliland, marka sannado ka dib - haddii ilaahay yidhaahdo - dib loo eego sidii wax u dhaceen.

Hase yeeshe, waxaa jirey laba suaalood oo muhiim ah oo iiga soo baxay hadalkii Mudane Cabdiqaadir Jirde laakin aanu Tviigu wayddiin. Labadaa suaalood waxa weeye:

1. Wuxu yidhi Mudane Cabdiqaadir Jirde ‘Waxa dhacday habeenkii berrito oo kale natiijada lagu dhawaaqayey ayaanu la kulanay dad kacsan oo ragga qaarkood oo wasiiro ahi aad u fogaaday oo ay taagnaayeen natiijada yaan lagu dhawaaqin oo Komishanku dembi buu galay ee tallaabo ha laga qaado.’ Suaasha halkaa ku jirtaa waxa weeye: WAA MAXAY SABABTA AY RAGGAASI U KACSANAAYEEN? WAA MAXAY WAXA AY OGAADEEN EE KICIYEY?

2. Suaasha labaad waxa weeye: GOORMAY DEGEEN? WAXA DHACAY EE RAGGAA KICITAANKII KA BAABI’YEY MUXUU AHAA?

Arrin kale oo uu Mudane Cabdiqaadir Jirde ku soo qaaday waraysigaa waxay ahayd tartankii doorashadii Madaxweynaha ee wadanka Maraykanka ka dhacday sannadkii 2000. Wuxuu yidhi Mudane cabdilqaadir ‘Algor [Murashaxii Madaxweynaha ee Maraykanka ee la tartamayey Bush] wuxuu yidhi kuma kalsooni Maxkamadda, laakiinse waan qaatay natiijadii’.

Waxaan u malaynayaa inaan la is barbar dhigi Karin labada doorasho. Sababtu waxa weeye, Al Gore kama ashtakoon oo kuma eedayn dawladda inay isticmaashay awooddii qaranka si ay ugu guulaysato doorashada.

Ta kale, Al Gore ma odhan waxaa jira sanaadiiq uu filayey inay dani ugu jirto oo aan la tirin. Ma waxaad u malaynaysaa haddii ay jiri lahaayeen sanaadiiq aan loo tirin inuu aqbali lahaa natiijadii maxkamada? Waxaan hubaa inuu odhan lahaa ‘absolutely not’. Sidaa awgeed, waxaan u malaynayaa inaanay laba arrimood oo isku dhigma ahayn oo aan ‘comparison’ lagu samayn karayn. Waa kaaf iyo kala dheeri siday Somalidu tidhaahdo. Marka ‘comparison’ la samaynayo waxa habboon in arrinta oo dhan la wada ‘compare’ gareeyo, ma aha in laba dhibcood inta la soo qaado la yidhaahdo ‘eeg waa isku mide’. Sidaasi cilmi kuma dhisna.

Suleiman Mohamoud (smohamoud@hotmail.com).

Top


Yaan Laga Leexan Siyaasaddii Ruug Cadaagii Cigaal.

Waxan halkan ka salamyaa shaqaalaha bahda haatuuf waxan raba inaa ka soo gudbiya fikerkya siyaasadeed xalad somaliland idinka oo mahadsan inataas kadib waxan raba in aan aad u hanbalyeeyo shacabka somalialnd ee sida xilkasnimada ah u gutay wajiibadkooda siba doorashadii ka dhacday 14April, 2003waxa muuqata in shacabka somaliland ay noqdeen dad aad u bisil oo baal dahab ah ka soo hooyey sida xilkasnimada h ee ay u ilaashadeen nabadooda qaaliga ah hadab waxan kula talinayaa siyaasiyiinta somaliland in waxa shacabkii gartay ah iany wajiibadkooda ka soo baxan inay iyaguna gartaan waxan xisbiga kulmiye oo doorweyn ka soo ciyaaray doorashada markuu xisbiga udub ee talada dalk haya uu aad ugu dhowaaday laakiinseaany sura gelin inuu gulaystowaxa uu u muuqdaa inuu yahay xisbi culus lakiinwaxan rab inan u soo jeediyo lab arimood aoo kal ah inay ku qan caan go.aanka aay soo saarto maxkamda sare ee somalilandtaas oo ah iany ilaaliyaan sharciga tan labaadwaxa xilweyni ka saran yahay nabad gelyada waayo maanta dadku uma baana nin kursigiisa keliya ka fekera tusaale waxad uga qaadan kartan k|somaliya tan kalewaxan u soo jeedinaya xukuumada inay inay ak fogaato wax kast a oowax u dhimaya midnimada iyo wadajirka umada somalialnd iyo inayidho dheer u yeelatatoinanay ka leexansiyaadaii ruugcadagii geeryooday al ha u naxariistee mohamed ibarahim cigaal waxa muuqda calamado muujinay injabouti doonay inay door lixaad leh ku yeelato somaliland marka waa iany xukuumadu ka taxadirtainay iska ilalisoqorsha uu wado ismail cumar geele ah in uumajaxaabiyo qaranimada somaliland taas oo uu woodi kari wayey wakhtigii uu cigaal noola la ha u naxaristeetan labad waa in dawladu inay aad u ilaalisaa xidhiidhkii wanagsanaee ina dhexeeyey inag iyo eithopia waayo?? jabouti iyo wadamda carabtu inooma qaban waxay ethopiai inoo qabatay hadaba waxan hanbalyo u soo diraya riyaale oo suura geliyey inay doorasho ka dhacdo somalialnd waxan hadalkayga ku soo koobaya waa inxisbiga kukmiye iyo xisbiga udub labdabu ay ka midaysnadan qaranimada somliland waa raygii.

Abdi Rasak Ibrahim Xadhigle.

Top


Libta Ninkii Keenay La Ogyahay Ninkii Doonaa Ha Sheegto.

Waa maalin ka mid ah maalmaha dhammaan reer Somaliland ku faani doonaan, waa dharaar ay dadweynahu muujiyeen bislaan siyaasadeed oon lagu arag dunida seddexaad,waa taariikh hore leh oo ka marag kacaysa qaangaadhka dimuquraadiyadda Somaliland. Abril 14 keeda 2003, doorashada dhacday waxa ay muujisay in dadweynaha Somaliland yihiin dad aad u fahmay dimuquraadiyadda.

Waxa aad hoos ugu dhacay codkii UDUB oo xukunka hayey 10 sano, waxa si lama filaan ah kor ugu kacay codkii xisbiga ugu dada yare ee KULMIYE. Tani dunida seddexaad kama dhacdo. Dawladda oo ilaa imika aad loogu shaqaysto si ujeedooyin xisbi lagu gaadho, mey qancin inta badan oo shacbiga ka mid ah. Kolka dhab loo qiimeeyo doorashada waa mid ay ku guul daraysatay xisbiga UDUB, waa mid caddeyey in hogaanka UDUB yahay mid ka mas'uul ah jabkiisa.

Codka yar ee u dhexeeya labada xisbi,waxay tahay mid aad khatar u ah.Waad ogtihiin tii Maraykanka ka qabsatay, haddana waxa KULMIYE muujiyey in danta guud ka weyntahay tan gaarka ah. Wax dhibaato ah oo meelna ka dhacay ma jiraan.Xataa markii loo diiday banaan bax, waxay noqdeen dar iska gaabsada.

Sidoo kale Madaxweyne Riyaale, waxa uu muujiyey deganaansho iyo daneyn danta guud. Halka ay ka degdegeen wasiirada qaarkood iyo rag odayaal ah oo ay ahayd inay arrinta dhexdhexaad ka ahaadaan. Waxa muuqata in xataa, suldaano ay arrintan si dhinac ah uga hadleen. Haddaba suldaanka xisbi u xagliya xalkuu kaga tegay beesha inta xisbiyada kale la socota. Haddaan la helin dar daneeya danta dalka marka arrini murugto, oo dhexdhexaad la waayo,daawo lama helo. Miyirka ay labada hoggaamiye muujiyeen,waa inay ka muuqata bulshada inteed kale.

Si gaar ah waxa laga doonayaa in Wasiiradu noqdaan dar dhowra sharciga dalka oo aan u isticmaalin awoodda dawladda inay ku daafacaan dan xisbi. Sidoo kale ma aha in ciidanka dalka loo adeegsado si dano gaar ah loogu fushado. Warfaafinta qaranku waa inay iyana muujisaa dhexdhexaadnimo, maalka lagu wado hawsha dawladdu ma leha xisbi, waa mid qaran oo loo siman yahay. Waa sidaas sida sharciga dalku dhigaayo, ahna tan aynu u soo halganay, ay tahayna inaynu midheheeda goosano.

Madaxweyne Riyaale waxuu tibaaxay inuu diyaar u yahay in la dhiso dawlad loo dhan yahay, si loo helo dawlda tayo leh. Waa mid aan ku hanbalyeynaayo.Waana mid looga fadhiyey inuu markii uu xilka qabtayba sidan yeelo. Waxba ka odhanmaayo kartida dawladda hadda dhisan oo waxa tamar yarideeda ka marag kacay Madaxweynaha.

Haddaba anigoo warbixino hore baadhaaya, ayaa waxa aan helay war-saxaafadeed uu Ahmed Silaanyo, oo xiligaas ahaa Guddoomiyaha SNM, ku bixiyey af Ingiriisi, kana kooban toban safxadood, Hoteelka, Royal National,Bedford Way, Londaon 20 January 1989. Ahmed waxuu xiligaas soo bandhigay dhibaatada dadkeena heysay. Waxa maanta meesha ka baxay xadhigii,dilkii iyo qaxii, waxa se weli taagan arrimo badan oo Silaanyo soo qaaday. Tan u horreysaa waa musuqmaasuqa, ood odhan karto haddaanu maanta ka xumeyn,kolna kama fiicna siduu markaas ahaa. Tan xigtaa waa sharci ku tumashada ka muuqata wasiirada qaarkood,eexda, ku tagri falka hantida ummadda, sida idaacadda, Jaraa'idka, gaadiidka iyo guryaha, oo loo isticmaalo dano gaar ah. Waxa kaluu soo qaaday,falalkii xumaa ee NSStu dadweynaha ku haysay, isagoo tibaaxay sida foosha xun ee aadmiga loogu jidh-dilo goobaha ay NSStu ku lahaayeen degmooyinka dalka oo dhan.

Gebagebe, Axmed Silaanyo iyo madaxda kale ee Kulmiye, waa dar u tefaxaytay sidii ay mar kale ummaddan ugu horseedi lahaayeen dhismo dawlad dhammeystirta inta ka dhiman barnaamijkii Silaanyo 1989 ku soo bandhigay London. Waana taa tan ay danayniyaan, iyagoo wax walba ka hormarinaaya nabadda iyo dhismaha Jamhuuriyadda cusub oy iyagu dhagax aasaaska u dhigeen.Waa rag ay dhab ka tahay gooni isu taaga Soomaaliland , oon rag marba gees u cararaa ayna dhexgeli kareen.

Haddaba iyadoo libta iyo guusha aynu gaadhnay ay sal u tahay isku duubninada dadweynaha Soomaaliland,haddana isteerinka ragbaa u hayey,waana la og yahay libinta ragga leh,waxa maanta guushan ku faana dar aan meelna u soo marin.Horaa loo yidhi libinta ninkii keenay la og yahay ninkii doonaa ha sheegto.

Ahmed Arwo, U.K.

ahmed_arwo@yahoo.com

Top