Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 341 pt.2 May 27, 2003

Xisbiga UDUB Oo Si Kulul Uga Jawaabay Bayaankii Uu Soo Saaray Hoggaanka KULMIYE: “Hoggaanka KULMIYE Waxa Uu Ka Dhigay Doorashadii Xalaasha U Dhacday Xaaraan, Waxaanu Si Cad Uga Horyimid Distoorka…” War-Saxaafadeed.

Xubin Ka Tirsan Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Laga Qabtay Madaarka Hargeysa.

“UDUB Iyo KULMIYE-Ba Waa Inay Gartaan Danta Dalkooda,” Dr. Axmed Xuseen Ciise.

Madaxweyne Rayaale Oo Xaflad UDUB Ku Qabtay Ingiriiska Kaga Qaybgalay Khadka Telefoonka.

Madaxweynaha K/Afrika Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Colaadaha Afrika.

Kolonyo Ka Tirsan Ciidanka Maraykanka Oo Weerar Gaadmo Ah Lagu Qaaday Dalka Ciraaq.

Yuhuuda La Degaameeyay Oo Khatar Ku Haysa Hanaanka Nabadda Bariga Dhexe.

“Waxaanu Kasoo Horjeednaa Cidkasta Oo Nabadgelyada Wax U Dhimaysa”
Bayaan - Koox Dhalinyaro Ka Tirsan KULMIYE.

RAADYOW MAQALOOCSHE, A.A.Garas.


Xisbiga UDUB Oo Si Kulul Uga Jawaabay Bayaankii Uu Soo Saaray Hoggaanka KULMIYE: “Hoggaanka KULMIYE Waxa Uu Ka Dhigay Doorashadii Xalaasha U Dhacday Xaaraan, Waxaanu Si Cad Uga Horyimid Distoorka…” War-Saxaafadeed.

Hargeysa (Haatuf): Xisbiga UDUB ayaa si kulul uga jawaabay dhawaaqii iyo jawaabtii uu maalintii shalay xisbiga KULMIYE ka bixiyay doorashooyinkii madaxtinimada ee ka dhacay dalka iyo natiijooyinkii rasmiga ahaa ee laga soo saaray.

War-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga UDUB oo uu ku saxeexnaa af-hayeenka xisbigaasi Axmed Xaashi Cabdi waxa uu ku eedeeyay xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisa inay dalka ka wadaan falal wax u dhimi karaya nabadgelyada, isla markaana waxyeelaya qaranimada Somaliland iyagoo shardi uga dhigay wadahadal ay la yeeshaan xisbiga KULMIYE inuu marka hore aqbalo natiijadii kasoo baxday doorashooyinkii dalka ka dhacay.

War-saxaafadeedka xisbiga UDUB soo saaray waxa uu u qornaa sidan:

“Marka hore waxa aan u hambalyeynaynaa ummadda reer Somaliland guulihii isdabajoogga ahaa ee ay soo hooyeen uguna dambaysay tii doorashada Madaxtooyada. Marka kale, annaga oo tixraacayna bayaankii uu soo saaray Hoggaanka KULMIYE ee ku taariikhaysnaa 24-kii May 2003, markii aanu derisnay nuxurkii uu xambaarsanaa bayaankaasi waxa ay nala noqotay in aanu jawaab cad ka bixino, iftiiminana mowqifka Hoggaanka KULMIYE taas oo ah:.

In Hoggaanka KULMIYE abuurayo fawda, khalkhal siyaasadeed, xasilooni darro, iyo kala qaybin ummada reer Soomaaliland;

In Hoggaanka KULMIYE si cad oo badheedh ah uga hor yimid Dastuurka Qaranka, Xeerka Doorashooyinka, Hay’adaha Dastuuriga ah, iyo jiritaanka xukuumada Soomaaliland;

In Hoggaanka KULMIYE ka dhigay Doorashadii xalaasha u dhacday xaaraan, taas oo shaki iyo tuhun ku abuuraysa beesha caalamka ee u hanweynayd Dimuqraadiyadii ka hirgashay Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, Xisbiga UDUB waxa uu u arkaa in Xisbiga KULMIYE lumiyay sharciyaddii xisbinimo, madaama uu si badheedha uga hor yimid Jiritaanka Qarannimada Somaliland, sida uu dhigayo Dastuurka Qoddobka 23aad, faqraddisa 4aad:

“Waxa reebban Urur kasta oo leh ujeedooyin lid ku ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama leh qaab ciidan ama hubeysan amaba kuwo kale oo khilaafsan xeerka waji kasta ha lahaadeene.”

Waxaanu dadweynaha Soomaaliland ku boorinaynaa in ay ilaashadaan nabadgelyadooda, midnimadooda, iyo dowladnimadooda, si wada jir ahna uga hor tagaan wax kasta oo wiiqaya Qaranimadooda. Marnaba xisbiga UDUB iyo shacbi weynaha reer Soomaaliland ogolaanmaayo in dalka laga abuuro hogaamiye kooxeedyo.

Xisbiga UDUB isaga oo dhowraya midnimada iyo wadjirka umada reer Soomaaliland, waxa uu aaminsan yahay in wada hadal kasta oo lala galo xisbiga KULMIYE ay fure u tahay aqbalaada Natiijadii Doorashadii Madaxtooyada Soomaaliland.”

Top


Xubin Ka Tirsan Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Laga Qabtay Madaarka Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf): Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shalay xabsiga u taxaabay Cabdi-casiis Aadan Habane oo ahaa xil-dhibaan ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, kana mid ahaa Mujaahidiintii SNM. Waxay ciidanku gacanta ku dhigeen isagoo doonayay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Sida ay xalay fiidkii noo sheegeen eheladiisii, wuxuu ninkaasi u socday hawlo ganacsi oo uu u tegi lahaa dalka Ingiriiska, wuxuna ku qornaa diyaarad ay leedahay shirkadda Diyaaradaha ee Daallo. laakiin waxa gacanta ku dhigay ciidanka Booliska ee joogay madaarka, waxaana lagu xidhay saldhiga dhexe ee Hargeysa.

C/casiis qoraal uu eheladiisa ugu soo dhiibay Haatuf wuxuu ku sheegay inay ciidanka Boolisku ku qabteen madaarka isagoo doonayay inuu hawlo ganacsi u tago dalka Ingiriiska, wuxuuna qoraalkiisa ku xusay inaanu garanayn waxa lagu xidhay isagoo yidhi, “Waxa layga soo xidhay madaarka Hargeysa anigoo u dhoofayay dalka Ingiriiska una socday hawlo ganacsi.”

Top


“UDUB Iyo KULMIYE-Ba Waa Inay Gartaan Danta Dalkooda,” Dr. Axmed Xuseen Ciise.

Washington (Haatuf): Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ah aqoonyahan u dhashay Somaliland, isla markaana u ololeeya qaddiyadda Somaliland ayaa ka hadlay, wakhtigana ku sugan dalka Maraykanka, aragtidiisa siyaasadeed ee xaaladda Somaliland, iyo murankii ka dhashay natiijaddii doorashada, wuxuuna qoraal dheer oo uu soo diray, qoraalkaasuna wuxuu qornaa sidan:

“Doorashooyinkii ka dhacay Somaliland bishii Abril 14dii waxay abuureen xiiso cusub. Dhamaaan goobjoogayaashii debedda ka yimid waxay siiyeen amaan buuxda sidii u dadku u codeeyey iyo nabadgelyada lagu codeeyey. Dadka reer Somaliland ee qurbaha joogaa meel ay tahayba waxa ka muuqata dardar cusub iyo ficil dheeraad ah, waxana muuqata inay diyaar u yihiin inay soo celiyaan dadaalkoodii waagii dagaalkii SNM uu socday oo ay meel walba kaga jireen dedaal. Sidaa idaacadaha laga wada maqlayba Sanadguuradii 13ad ee bishan May 18dii waxa dadka reer Somaliland meel walba uga ciideen si aan baryahan la arag. Waxaan anigu ka qayb galay xafladii ka dhacday gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka halkaas oo in ka badan 700 oo qof ku ciideen.

Hase yeshee natiijadii dorashooyinku waxay abuureen muran iyo xurguf iyada oo labada xusbi ee UDUB iyo Kulmiye aad isugu barbar dheceen.

Wadamo badan oo soo jireen doorashooyin leh ayuu ka dhacaa murankaas oo kale marka laba xusbi sidaas isugu barbar dhacaan. Murankaasu ma aha mid lala yaabo.

Laakinse waxa muhiim ah in murankaas laga baxo lagagana baxo si toosan oo haboon. Sida ka cad natiijadii dorashooyinka labada xusbi way isku barbar dheceen, mid weliba wuxuu helay 42%, midna dadku may siin kalsooni buuxda. In kasta oo Maxkamadu xukunku u riday xusbiga UDUB, haddana dhawr dhinac marka laga eego ma aha inuu UDUB u qaato xukunkaa guul buuxda:

1) Xusbiga UDUB wuxuu ahaa xusbigii maamulka dawladda hayey muddo 7 sanadood ka badanna madaxda UDUB waxay ahayd madaxdii dalka u talinaysay. In lagu barbar dhaco iyo in kalsooni buuxda la siin waayo waxay ku tahay canaan iyo dhaliil dadku usoo jeediyeen.

2) Lixdii gobol ee laga codeeyey 4 baa lagaga horeeyey.

3) Guusha loo xukumay UDUB waxa ku jira madmadow qancinwaayey dadbadan iyo xusbiga Kulmiye.

Wadamada soo jireenka doorashooyinka leh ama dimoqraadinamadooda sal adagi u dhisan yahay, si hawl yar baa lagaga bixi karaa isku barbardhaca natijooyinka iyo muranka ka yimaada. Hase yeshee, dawladnimada Somaliland waa curdin waxayna u baahan tahay isu dulqaadasho iyo wada tashi joogta ah.

Somaliland wanaaga ka jira iyo nabadgelyada ka jirtaa waxa lagu soo gaadhay talo wanaagsan, xurgufta maanta jirtana waxa lagaga bixi karaa talo wanaagsan. Madaxda labada xusbi ee Kulmiye iyo UDUB waxa hortaagan arrimo culus oo ka muhiimsan kursiga lagu loolamay.

1) Qadiyada Somaliland oo ka weyn labadoodaba

2) In la weydeeyo iyo in kale ficilkii fiicnaa ee dadka reer Somaliland muujiyeen markii ay u baxeen codbixintii kuna codeeyeen hufnaan iyo nabadgelyo.

3) In dadaalkii dadka reer Somaliland sameyeen 13kii sanadood ee ina soo dhaafay lumo iyo in kale.

Dhinaca aduunka, xiiso badan oo dheeraad ah ayaa imika loo hayaa Somaliland. Bishan June 2da waxa ka dhacaya magaalada Washington shir lagaga hadli doono horumarinta dimoqraadiyada Somaliland oo ay hogaamin doonaan saddex safiir oo dawladda maraykanka u joogi jiray geeska Afrika. Sidoo kale, waxaad moodaa in indha aduunku u furayo Somaliland oo la arkayo wanaaga badan iyo dadaalka ka jira. Dhamaan intaasi way lumi doonaan haddaan xal laga gaadhin muranka UDUB iyo Kulmiye horyaal.

Sidaa daraadeed, waxa lagama maarmaan ah, muhiimna ah, in Kulmiye iyo UDUB gartaan danta dalkooda Somaliland. Inay labaduba isku dayaan inay xal u helaan muranka dhexdooda yaala. Ma joogno meel la ismaquuniyo suuragalna ma aha maamul aan lagu qanacsanayne inuu horumar ina gaadhsiiyo. Dhibaato walba si lagaga baxaa jirta, tan hortaagan UDUB iyo Kulmiyana ma aha mid aan xal loo heli karayn haddii niyadsamiye jirto.”

Top


Madaxweyne Rayaale Oo Xaflad UDUB Ku Qabtay Ingiriiska Kaga Qaybgalay Khadka Telefoonka.

Sheffield (Haatuf): Xisbiga UDUB oo dhawaan ku guulaystay natiijaddii rasmiga ahayd ee doorashooyinkii madaxtooyadda, ayaa shalay xaflad dabaal-deg ah oo ku saabsan guushaa ay gaadheen ku qabtay Magaalada Shefield ee Cariga Ingiriiska. Sida lagu sheegay warbixintan oo naloogu soo diray khadka email-ka waxa xafladaasi khadka telafoonka kaga qaybqaatay madaxweynaha soomaaliland Daahir Rayaale kaahin isaga oo ka waramay arrimo ay ka midyihiin xaalada dalka iyo rajada uu ka qabo ictiraaf uu dalku helo.warbixintan oo uu noo soodiray C/raxmaan Cismaan qootaali xafladaasi goobjoog ka ahaana waa tan (Xafladan oo ahayd xaflad aad u heer saraysay oo baryahnba abaabulkeeda la waday ayaa waxay kudhamaatay si quruxbadan.

Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin, siyaasiyiin iyo taageerayaasha Xisbiga waxay udhacday si quruxbadan. Waxa xafladaaasi lagu furay ayadaha quraanka kariimka ah waxana shirka ku soo dhaweeyay gudoomiyaha jaliyada Somaliland ee gobolka Yorksher ee uu shirku ka socday Cismaan Cali Abokor Berbaraawi, isaga oo xusay in aan maanta loo kala fadhiyin beel beel ee loo kala socdo xisbi xisbi taasi oo uu Barbaraawi uu aad iyo aad ugu dheeraaday.

Waxa isna halkaasi ka hadlay xoog hayaha UDUB/UK Mr Ibrahim Maxamed oo isagu mahadnaq usoo jeediyay dhamaan xubnah udub/uk iyo sida fiican ee ay uga soo qayb galeen shirka waxa uu aad ugu dheeraaday hawsha xisbiga iyo sida looga sugaayo wax qabad umadeena ku dhaqan UK  iyo xoojinta xisbiga udub.

Waxa iyana si gooni gooni ah uga hadlay gudoomiy yaasha jaaliyadaha magaalooyinka UK.

Waxa iyna halkaasi ka hadlay madax ka mid ah hay'adha ajanabiga ah ee ka hawl gala Somaliland iyo saraakiil sar sare oo shisheeye ahaa waxa aanay aad u amaaneen Somaliland shicib ahaan dad ahaan iyo dawlad ahaan waxa aanay balan qaadeen in ay laba laabi doonaanaan wax qabadkooda iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Somaliland.

Waxa isna khadka telefoonka soo galay madaxwaynaha Somaliland oo isagu shirka kaga qayb qaadanaayay Telefoon ahaan waxaanu ka jeediyey khudbadan oo koobnayd waxa aanu ku bilaabay sida tani:

(Waxa aan hanbalyaynayaa dhamaan shicibka Somaliland meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan waxa aan hanbalyo u soo dirayaa idinka iyo sida aad u qabsateen xafladiinaasi waxa aan idinkula dar daarmayaa in aad ilaalisaan midnimada iyo wada jirka Somaliland waxa aan idinka codsanayaa in aad dalka u shaqaysaan idinkuna waa in aydun qaybtiina ka qaadataan hawsha wadanka iyo wax qabadkiisa), mar uu Madaxweynuhu taabtay xagga aqoonsiga wuxuu yidhi "waxaa jirta in ay Qaramada Midoobay ay ciidamo Afrikaana usoo dirayaan Somalia laakiin inaga (Somaliland) laga reebay, taasina waa bushaaro waxanaan kuraja weynahay in dhawaan layna aqoonsandoono".

Waxa shirkaasi amaan gaar ah looga soo jeediyay gudoomiye ku xigeenka UDUB/UK MUDANE Hassan Arab oo isagu qayb laxaadleh ka qaatay isu imaatinkan  waxa iyana halkaasi ka tiriyay gabayo aad uwanaagsanaa abwaan Ibrahin Wacays iyo Yasin Osmaan  oo isagu soo bandhigay gabay la yidhaa‘Maandeeq, ka bacdi waxa isna halkaasi war bixin aad u dheer ka soo jeediyay Abdi/risaaq Maxamuud Saleebaan oo ku magac dheer Mingiste.

Mingiste waxa uu aad u maanay habkii ay u dhaceen doorashooyinkii isaga oo isagu markii horena ka qayb qaatay doorashooyinkii ka dhacaayay Togdheer markii danbana Sanaag waxa uu amaanay sidii ay xisbiyadau u soo bandhigeen tartankooda waxa aanu xusay in ay yihiin dhamaan xisbiyadu kuwo walaalo ah oo wax uun wada doonaayay ee kaliyaata ee lagu tar tamaayay ay ahaayeen uun in la kala guulaysto waxa aana tarytankaasi ku guulaystay xibiga UDUB isaga oo ka hadlaayay Mingiste waxa uu sheegay in musharax kastaa uu ku guulaystayu magaaladii uu u dhashay hadii aan eegno magalada Burco waxa ku guulaystay Siilaanyo xaga magaalada Booramena uu ka soo jeedo madaxwayne Riyaale uu helay aqlabiyad badan laakiin kama uu hadal Faysal Cali Waraabe iyo magaaladiisa Hargaysa iyo inuu helay aqlabiyadii magaaladiisa xaga uu ka carbaabay Rayaale iyo Silaanyo.

Mingiste waxa uu sheegay in uu wadanka wax yar oo maal mo ah uun uu ka soo sokeeyay isla markaana aanu isagu qabin in ay jiraan wax wal wal ah oo laga qabo jiritaanka iyo xasiloonida nabada ee Somaliland oo wax kastba laga hortagay oo aanay dhici karin wax iska hor imaado ah waxa aanu dadwaynaha dibada jooga ugu baaqay in aanay hab yaraatee aanay wax walaac ah ka muujin tagi taankooda ay tagayaan ee meesha ay taalo sharci iyo kala danbayni aanu sidoo kale dhici karin waxyaabo uu ku tilmaamay iska hor imaadyo meeshuna ay tahay meel ay jirto sharci iyo kala danbayni sida hal;kani oo kalaba aad iyo aadna waxa uu u manaay dawlada Somaliland iyo xisbiyadaba iyo waliba shicibka.

Waxa isna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha UDUB/UK Mr Casoowe oo isaga laftiisu sheegay in uu dhawaan dalkii ka soo laabtay waxa aanu dadwaynihii u sheegay in lala shaqeeyo dadka dhalinta yar waa madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa oo uu sheegay in ay yihiin kuwo dalka lagu aamini karo oo isla markaasna ah asxaabu salaad oo aan salaadina dhaafin una heelan in ay dalka iyo dadkaba wax u qabtaan isla markaasna ah dhiig fir fircoon oo wadi kara wadanka iyo umada.)

Wareye: Cabdiraxman Cisman Qotaali.

Top


Madaxweynaha K/Afrika Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Colaadaha Afrika.

Pretoria (W.Wararka) - Madaxweynaha Koonfur Afrika, Tambo Imbeki ayaa ku baaqay in lala dagaalamo faqriga iyo in lasoo af-jaro loolanka ka socda qaaradda Afrika.

Mar uu ka hadlayay munaasibad lagu xusayay afartan-guurada aas-aaskii ururkii Midowga Afrika oo haatan isku beddelay Midnimada Afrika “AU” oo lagu qabtay garoon kubadda lagu ciyaaro oo ku yaala magaalada Johannesburg, taasoo ay ka qaybgaleen dadweyne iyo mas’uuliyiin ka tirsan qaardda Afrika, balse madaxweynayaasha dalalka Afrika oo ay tiradoodu gaadhayso 53 dal kamay qaybgelin xafladaasi marka laga reebo Madaxweynaha dalka Mali, Amado Tomano Toore.

Madaxweyne Imbeki oo haatan haya guddoomiyenimada ururka midnimada Afrika waxa uu uga faa’iidaystay xafladaasi fursad uu ku cambaareeyo fawdada iyo faqriga ka taagan Afrika, isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo soo afjaro.

Top


Kolonyo Ka Tirsan Ciidanka Maraykanka Oo Weerar Gaadmo Ah Lagu Qaaday Dalka Ciraaq.

Baqdaad (W.Wararka) - Ugu yaraan hal askari oo Maraykan ah ayaa dhintay qaar kalena way dhaawacmeen, kadib markii ay dablay hubaysani jid-gooyo u galeen kolonyo gaadiid ah oo ciidamada Maraykanku wateen meel ku dhow degmada Xadiisa oo u jirta caasimadda Baqdaad ilaa 180km dhinaca waqooyi-galbeed maalintii shalay.

Dhacdadani waxay kusoo beegantay iyadoo ay maalmahanba jireen weeraro lagu qaadayay ciidanka Maraykanka ee ku sugan Ciraaq, kuwaasoo geystay khasaare ballaadhan. Sida lagu sheegay war ay soo saareen taliska ciidamada Maraykanku, koox hubaysan ayaa rasaas ooda kaga qaaday kolonyada ciidanka Maraykanku wateen, taasoo ku kelliftay inay gurmad ahaan ugu yeedhaan Diyaaradaha dagaalka iyo ciidamo kuwa lugta ah si ay u badbaadiyaan. Waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada Maraykanku oo uu hawlgalkani ku ahaa lama filaan inuu soo gaadhay khasaare laxaad lihi, sidoo kalena waxa la sheegay in weeraro noocan oo kale ahina ay ka dhaceen goobo kale oo ka tirsan Ciraaq.

Top


Yuhuuda La Degaameeyay Oo Khatar Ku Haysa Hanaanka Nabadda Bariga Dhexe.

Qudus (W.Wararka) - Inkastoo ay xukuumadda Israa’iil aqbashay hindisaha cusub ee nabadda Bariga Dhexe ee loo bixiyay tubta nabadda ayaa haddana waxa sii socda degaamaynta dadka Yuhuuda ah iyo inay sii ballaadhiso goobaha kale ee ay degan yihiin Yuhuuda la degaameeyay, waxaanay tani u muuqataa mid halis ku ah hanaanka geedi-socodka hindisahan cusub.

Hindisahan oo ay soo jeediyeen dalalka Ruushka, Maraykanka, Midowga Yurub iyo Q. Midoobay waxa ka mid ah qodobadiisa in la joojiyo degaamaynta Yuhuuda la dejinayo dhulka Falastiiniyiinta ama in la ballaadhiyo kuwa hore u sii jiray, laakiin Ra’iisal-wasaaraha Israel oo ku guulaystay inuu xukuumadiisa oggolaanshiiyo uga helo hindisahan cusub ayaa haddana u muuqda mid sii wada falalka wax u dhimaya ama halis gelinaya hirgelinta hindisahan cusub.

Top


“Waxaanu Kasoo Horjeednaa Cidkasta Oo Nabadgelyada Wax U Dhimaysa”
Bayaan - Koox Dhalinyaro Ka Tirsan KULMIYE.

Anagoo ah dhallinyaro ka tirsan xisbiga KULMIYE, inbadana ka tirsanaa ayaa waxa ayaamahan ugu dambeeyay nalagu hayaa caga-juglayn iyo cabudhin aad iyo aad u badan, iyadoo kolba kiisas iyo shirqoolo naloo maleegayo anagoo aan waxba geysan.

Haddaba xaqiiqadu waxay tahay in ragayagii 1993-kii qoryahoodii xareeyay ee iskood u shaqo-tegay maanta nalaga dhigayo rag nabadgelyada khalkhal gelinaya.

Haddaba waxaanu Dawladda iyo dadweynahaba u cadaynaynaa inaanay jirin cid nabada iyo deganaanshaha naga jeceli, waayo ubadkayagii iyo reerahayagii ayaa naga jooga oo nin-na gurigiisa dab lama jecla umana quudho. Sidaa darteed waxa naga go’aan ah in cid kastoo nabadda wax u dhimaysa aanu kasoo horjeedno, gacan-na kasiin doono cid kastoo nabada jecel.

Waxaanu Baaqayagan kusoo gebogebaynaynaa; ayaan awoodii qaranimo oo aanu ka mid nahay dadkii tacabku kasoo galay aan naloogu adeegsan si shakhsi ah, si aanay u imanin wax dib inoogu celiya waayihii aynu kasoo gudubnay.

Magacyada Bayaanka ku saxeexani waxay kala yihiin:

Axmed Cumar C/laahi.

Mustafe Xasan Nuur.

Xasan Aw Cali.

Top


RAADYOW MAQALOOCSHE, A.A.Garas.

Halkani waa Raadyaw Ma Qaloocshe oo aydin ka dhageysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban, Ilaaq yaqaanka, akhyaartayada indhaha buurbuuranaw, waxaynu soo gaadhnay wakhtigii aan qawda idinkaga saari jiray.

Maantana waxa idiin baahin doona wariye Af-Madiil.

Warkii oo Kambadhuudha.

Xisbiga KULMIYAHA shankaroonland ayaa liqay oo laga soo saari waayey aqoonsigii doorashada. Ka dib markii ay doraad dareeriyeen war-saxaafadeed ay dookhooda kaga waramayaan, dookhaas oo ay la duubnaayeen, intii ka dambaysay nawdii natiijadda. Wakhtigaas oo nimcada cadhadu ku hoortay. Kaas oo markii labadii bahal ee lagu tartamayey maxkamadu UDUB bahalka la yidhaa ku rartay.

Xisbiga KULMIYE oo xayraan dartii hambalyada haleeli waayey ayaa mar labaa sheegay in aanu aqoonsanayn bahashaa basha maxkamaddi xukuntay, diidmadaas waxay ku dareen, baaq ay ku doonayaan faq guud, iyo geed loo dhanyahay.

Inkasta oo aanay sheegin cidda ay u yeedhayaan ee tala kaga xidhantahay, bayaankaas oo u badnaa calaacal iyo caynkii loo caydheeyey, waxa kaloo nimankaasi daydayayeen cadaalad ka carartay oo cid u haysa la garanayn. Waxa kaloo xayraan ku dafireen qaadiyaddii maxkamadda oo ay yidhaahdeen “Qaadiyadana maahee waxa la yidhi Gobabka Ina Igire, ayey dumarku ku laayaan, Xisbiga UDUB oo istareexii sii watay ayaa wanjalaad siyaasadeed ku dhuftay oo hadal KULMIYE ku tilmaamay in nimanku wax kala ujeed yihiin, waxaanu intaas u raaciyey cadaaladu inaanay ahayn oo keliya KULMIYaa guulaystay, waxaanu wanjaladaas igu daray in ay galeen gel iyo goodh xumo dalka ku faafinayaan, xisbigooduna cidii waxaa dalka ula timaada uu UDUB dabada u qaban doonaan.

Xisbiga UDUB oo indhawayd-ba lagu xamanayey inuu codad boobkii cawaandinimo ku darsaday wuxuu xabsiga ku duubay wiilal la sheegay in ay candhuuf indhaha kaga tufeeen nabadgelyo meel fadhida, oo UDUB-na ilaalinayso.

Ragaas oo ka dib markii caafimaadkooda la baadhay laga helay shan balaas oo KULMIYE ah, iyo afar balaas oo SNM ah, iyo laba balaas oo cudurka cawaandada loo yaqaano ah, waxa kaloo lagu sheegay in ay ahaayeen col ururay oo cirka toogtay.

Ragaas oo badhna la xidhay badhna baadhistooda lagu jiro. Kuwaas oo la sheegay in sidii al-bacas Ciraaq yihiin, laba iyo konton nin oo la daydayayo, arrintaasi waxay udbaha iska sudhay laba wasiir oo dawladda ah, ka dib markii la sheegay in ministarka daakhiligu ciyaal caydhsigiisii uu jiidhay guriga wasiir dawle kale oo ka idbna isaga iyo askartiisii kooka-koole ka daadiyeen rag ku qayilayay gurigaas. Halkaas oo aanu ka dhicin khasaare aan shaani ka badnayn, waxa la kala garan laayahay in wasiirka daakhiligu indha dareeyey iyo inuu wasiirkan harawsanayey oo yara qariibsanayey. Waxase dadka qaar sheegayaan tan dawladda ahi ay askar badan iyo il-kaliya leedahay, kaas oo ishii kaliya ee ay lahaydna ay KULMIYE mooyaane aanay wax kale ku arkaynin, Habar ka faalootay ayaa tidhi “Waaba cawaro oo camal heshayo”.

Hawlgalkaa gab-gabtaa ahaa waxa ka samata baxay war-boobe yar oo askartu ciyaar seel-seeli ku xidheen.

Dhinaca kale waxa laga baqa qabaa in xukuumadu dad xidh-xidhista balwad ay u noqoto, oo sida qaadka ugu xaraarooto warbaahinta iyo wareegtadaba ay xabsiga seexiso.

Si kastaba ha ahaatee hadalkan ugu dambeeyey ee KULMIYE ku luuqeeyey oo ahaa mid aan saani laxanka loo saarin, kaas oo ay ka muuqatay quusan waaa bilaa qiyaas ah, inkasta oo muddo dhawr usbuuc ah, ay arrinta ruquus ku wadeen, oo shir goroda iskula jireen, hadana soo may saarin siyaasad qoto dheer, iyo qorshe xal iyo xeel-ba waxa oo daymo mustaqbal iyo dama jeer dambe yeelan kara, inkasta oo xisbi xayraansan uu ugu af-wanaagsanaa, haddana waa loo dhaami lahaa, farsamadan ah “Natiijo ku dhega ah”.

Habar siyaasadda , ku qumayawday oo aan waraystay ayaa tidhi “Waar qolodan KULMIYE gunuus badanaa ma ilma yar oo abaydin ah, oo masaasadiisii laga qaadaybaa”, waa maxay siyaasada waa nala dhacay dhaafi weyday” Habartaasi iyada oo KULMIye la talinaysa tidhi “haddii Lagu qiyaameeyo lama qayl qayliyee waa la qarsadaaye, Hor Ilaahay isaga hambalyeeya, haddii kale hadimada dhacda ama habartii waxyeelawdaba waxa lagu wanjali doona KULMIYaa sameeyey”.

Waxa kalle oo ay sheegtay in KULMIYE jaanis u haysto inuu ku adkaysto in doorashadii baarlamaan saddex bilood gudahood la qabto, haddii kale kan jira la qaybsado oo loogu qiimeeyo qiyaastii codadkii ay ku heleen tii madaxweynaha, Habartaasi oo UDUB laftiisa ila xamatay ayaa tidhi “Waar heedhe alla doorigan UDUb wey asqaysanyihiin, waanay baqanayaan, oo qofkii la hadlaba waxay ku odhanayaan KULMIYaad tahay, xataa mirimirida magaalada UDUB way ka baqaan oo KULMIYey moodaa. Alla daymo badanaa, ma tuug tulud xaday oo la daba joogaa”.

Dhagaystayaal warku halkaa ha ii sii joogo waan u soo noqonayaaye.

Warkan ama buraaburkan oo laga soo weriyey islaanta Asli talada isugu jirta ee ay kula talinayso dhawr dhinac oo kal ah xukuumadda KULMIYE, SNM Dadweynaha, waxay u waramaysay nin odaya oo ka yimid hawdka sare oo aan kala garanayn maqalada waxay u sheegtay Asli oo ah islaan uga qaateena oo aad uga war haysa xaaladda dalka waxaa laga helaa www.Asli

Top