Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 342 May 28, 2003

Madaxweyne Rayaale, Shir-Gudoonada Baarlamaanka Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Jawaabo Cambaarayn Ah Ku Boobay Xisbiga KULMIYE “Cidda La Timaada Wax Ka Gedisan Sida Xeerku Jidaynayo Lama Aqbali Doono,” Madaxweyne Rayaale.

“Wasaaradda Arrimaha Dibeddu Kama Warhayso Meel Lagu Marti-Qaaday Iyo Fiise Loo Diiday G/Wakiilada,” Agaasimaha Guud Ee W/Arrimaha Dibedda.

27-Ka May: 15 Sanadood Kahor Iyo Gulufkii Ay Xoogagii SNM Ku Hilaaciyeen Burco, Q: 2aad.

Xiisad Ka Aloosantay Weeraro Lala Beegsaday Ciidamada Maraykanka Ee Ku Sugan Ciraaq.

Burco Oo Aan Sidii Hore Looga Xusin Maalinta 27-Ka May.

Shir Caalami Ah Oo U Furmay Suxufiyiinta Adduunka.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Urursiga Aqoonta Waxtarka Leh.

Waadiga ciyaaraha: C/fataax M. Caydiid.


Madaxweyne Rayaale, Shir-Gudoonada Baarlamaanka Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Jawaabo Cambaarayn Ah Ku Boobay Xisbiga KULMIYE “Cidda La Timaada Wax Ka Gedisan Sida Xeerku Jidaynayo Lama Aqbali Doono,” Madaxweyne Rayaale. “Bayaanka KULMIYE Waa: Ama Aan Helo Ama Yaanay Waxba Jirin,” Shir-Gudoonada Baarlamaanka. “Hay’adda Xuquuqda Ee African Rights Maaha In Loo Adeegsado Waxyeelaynta Sumcadda Somaliland,” Faysal C. Waraabe; “UDUB Markii Ay Soo Baxday Waan Ka Naxay… Ururka Waxaan U Sameeyay Inaan Siilaanyo Iyo Rakaabkiisa Dalka Ka Fadhiisiyo,” Faysal Cali Waraabe - Shir-Jaraa’id.

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiyaha xisbi Siyaasadeedka UCID Faysal Cali Waraabe ayaa shirjaraa’id uu shalay ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa waxa uu si kulul ugu canbaareeyey mawqifkii uu xisbiga KULMIYE ka qaatay go’aankii natiijada doorashadii madaxtinimada Somaliland, isaga oo ugu horayn kulan-saxaafadeedka uu qabtay ka akhriyey qoraal uu saxaafadda ugu talo galay, laakiin markii uu qoraalkaa akhriskiisa dhameeyey ayey weriyayaashu door ah ka waydiiyeen arimaha uu ka hadlay, waxayna su’aalaha iyo jawaabaha ay isdhaafsadeen weriyayaasha iyo Faysal Cali Waraabe u dhaceen sidan:

S: Waxaad sheegtay inuu markab WFP leedahay oo raashin sidaa uu Somaliland uga baydhay muranka ka dhashay natiijadii doorashada awgeed, taa maxaad ku cadaynaysaa?

J: Arinta markabku way jirtaa, waxaana la filayey inuu bisha Juun horaanteeda dekedda ku soo xidho, heshiiskana way kala saxeexdeen hayadda iyo dekeddu, waxaana loo leexiyey xagga Jabuuti, markaa arimahan KULMIYE ka soo yeedhayaa wax weyn ayey dalkeena u dhimayaan, anaguna ma doonayno inuu dalkeenu mar dambe burburo, ninkii nin kursi la jeclaayow tii ilaahay baa soconaysa,, aniguba markii ay UDUB soo baxday aad baan uga naxay, laakiin waa inaynu ogolaanoi go’aanka ilaahay, waayo go’aanka ilaahay lama dhaafi karo ee waa inaynu ka shaqayno sidii aynu wax u hagaajin lahayn.

S: Wargeyska Haatuf ayaa saadaal uu qoray ku sheegay inaad ka mid tahay wasiirada cusub ee xukuumadda la filayo inuu madaxweyne Rayaale soo dhiso, taa ka warran?

J: Anigu idinka (Jaraa’idka) ayaan idiin soo war doontaa ee qoladii qortay aynu ha inooga warranto.

S: Marka la leeyahay wuu leexday wararka qaar baa tibaaxaya sababta uu u leexday waxa la xidhiidhaa xidhiidhka xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya oo aan wanaagsan dartii, markaa adigu ma wax taa ka duwan ayaad haysaa?

J: Haa waan hayaa sababta uu u leexday, xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiyana ma xuma ee wax uun baa idiinku sheekeeyey Itoobiya Rayaale ma ogola, laakiin xidhidhka Somaliland iyo Itoobiya aad buu u fiican yahay, Itoobiyana mashaariic ayey inoo soo wadaa, markabkaana waxa loo celiyey dhacdooyinkan dhacay iyo rinjigan xun ee aynu dalkeena ku samaynay ee aad jaraa’idkiinu ka kow tihiin ee aad qoraysaan, idinka oo qof ama xisbi ku xumaynaya.

S: Xisbiga KULMIYE waxay sheegeen inay cadaalad daro tirsanayaa, adiguna markasta oo aad shir-jaraa’id qabato xisbiga KULMIYE ayaad canbaaraysaa, markaa miyaan laguu arki karin nindhinaca UDUB raacsan, sidii horeba laguugu sheegi jiray oo aad gacan saar leedihiin?

J: Horta KULMIYE iyo anagu (UCID) waxaanu isku nahay laba xisbi oo mucaarad ah, waxayna ahayd inaanu wax hagaajino, laakiin hadii aanu u aragno kii aanu wax ka hagaajinaynay inuu KULMIYE ka ficil xumaado sow inaanu nidhaahno joogso ma aha, dadka KULMIYE ku jiraana badiyaa waa axsaabtayda, inkasta oo aanan shakhsi ahaan Siilaanyo iyo qayrkii toona aanan doorteen, aniguna waxaan ururka u sameeyey inaan Siilaanyo iyo rakaabkiisaba dalka ka fadhiisiyo, hadana rag ay ka mid yihiin Ina Aw-Cali waa saaxiibkay, waana nin aan aad iyo aad u ixtiraamo, weligay Tolwaa kuma odhan, waana ka naxaa qofka ku yidhaahda, laakiin ma aha inuu qofku geedkii uu abuuray jaro, aniguna qofkii Somaliland ka soo horjeeda waan ka soo horjeedaa.

S: Waxaad carrabka ku dhufatay inaad aad uga soo horjeedo inuu Siilaanyo kursiga qabto, waa maxay sababtu, ma colaad shakhsiyaa, mise waa xumaan kale?

J: Ma aha colaad shakhsiya, kULMIYE-na xisbi ahaan uma nebci, laakiin laga soo bilaabo Cumar Carte oo lixdankii ah ilaa kuwaas ka soo baxay iskuulkii Maxamed Siyaad Barre intaas oo dhan waxaan ururka u sameeyey inaynu ka xorowno, laakiin shacabka ayaa garran-waayey oo u footeeyey, hadii uu Siilaanyo heli lahaana waan u hambalyeyn lahaa, waayo waa inaan ogolaado go’aanka shacbiga.

S: Adigu miyaadan ka mid ahayn qolada ka soo baxday iskuulka Siyaad Barre?

J: Anigu kama aan soo bixin ee waxaan ahaa Injineer, siyaasad-na aan gelin oo wasiir doon maan noqon.

S:Marka laga hadlayo doorashadii waa run, waana la qirayaa inay dadweynuhu si wanaagsan oo bisil u codeeyeeen, laakiin doodda taagani waxa weeye inaan natiijadii doorashada si wanaagsan loo maamulin, halkaana uu madmadowgu ka soo baxay, maantana aanu hadal taagnaadeen hadii si fiican loo maamuli lahaa, taa maxaad ka odhanaysaa?

J: Marka saddexda xisbi la eego cidda la boobay waa anaga (UCID), waxaana hubaa hadii uu si siman u dhici lahaa foodku inaanay ciddina naga badiseen, ee waxay isticmaaleen siyaasad ah ku noqnoqo, masalan qof reer KULMIYE ah oo mar qudha footeeyey ma jiro, labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE-na, xisbiga KULMIYE ayaa komishanka ku taqa roonaa oo ku socod badnaa, oo afar qof oo komishanka ah ayaa nasteex u ahaa KULMIYE, laakiin KULMIYE in laga badiyey waa inuu ogolaado, waayo hadii iyaga loogu dhawaqi lahaa way ogolaan lahaayeen.

S: Ma waxaad leedahay cadaalad baa lagu maamulay natiijadii doorashada ?

J: Haa cadaalad baa lagu maamulay natiijadii doorashada, laakiin cadaalad daradu waxay ka dhacday goobihii codaynta ee lagu noqnoqanayey, masalan 14 sanduuq oo aanu anagu 9200 oo cod leenahay ayaan la tirin oo aanu u aragnaa in khiyaamo loo tirin-waayey.

S: Sida la ogyahay Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo way kulmeen, laakiin Siilaanyo waxa uu sheegay inuu Rayaale u soo qadimay horta I aqoonso inaan madaxweynenimada ku guulaystay, taasina ay wada hadalkii soo afjartay, markaa marka uu madaxweyne Rayaale leeyahay horta I aqoonso, miyaan loo qaadan karayn inaanu doorashadii ku guulaysan?

J: Horta anigu lamaan joogin, laakiin sharcigu waxa uu yahay in loo hogaansamo go’aankii sharciga ahaa ee ay hayaddii dalka u saraysay (Maxkamadda) soo saartay, taas oo inkasta oo aad is leedahay way kaa eexatay, horta ixtiraam, marka aad ixtiraamto ka dib adiga iyo qofka soo baxay wixii idinka dhexeeya ka wada hadla, laakiin adiga oo subbeehi ah oo aynu simanahay noo kaalay waxay taasi noqonaysaa Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf oo kale ee uu yidhi Cadde Muuse horta iska dhiga bahasha.

S: Hayadda African Rights ee aad eedaysay waxa laga yaabaa inay ka hadashay waxyaalo xuquuqda aadamaha ka dhan ah oo dhacay, markaa ma waxaad leedahay waxyaalaha xuquuqda aadamaha ka dhanka ah ee ay xukuumaddu samayso yaan waxba laga sheegin?

J: Horta qofku marka uu ku jiro urur aan siyaasi ahayn waa inuu dhexdhexaad noqdaa, laakiin hadii uu noo muuseeyo oo kiiyoo xisbi ku jiraa u yidhaahdo wax baan qorayaa oo siidhiwale ayaan ahay dee waa been, warbixintaana Inter-netka ayaa la geliyey oo qofka qoray waanu garanaynaa oo qalbigiisu waxa uu ku fogaa mid ka mid ah xisbiyada.

S: Waxaad ku dheeraatay dhinaca xisbiga KULMIYE, laakiin dhinaca UDUB miyaadan waxba u soo jeedinaynayn?

J: Horta baaqa KULMIYE ayaan ka jawaabayey, laakiin UDUB-na waxaanu leenahay badh-badhaadhnay ha odhanina, waxaad badiseena ma jiro ee nasiib ayaa idin raaciyay bahasha ee waa inay xisbiyadu wax walba ka wada tashadaan, laakiin hadii aad tidhaahdaan anaga ayaa iska helay oo sida aanu doono yeelayna dawladdiinu dawlad tayo leh noqon mayso, ee waa inaad labada xisbi ee mucaaradka ah la tashataan oo ay dawladdu noqoto dawlad ay axsaabtu ka wada muuqdaan oo loo midaysan yahay oo shaqaysa.

S: Adigu madaxweyne Rayaale ma la kulantay oo talooyin ma siisay?

J: Haa waanu kulanay, wixii talooyin ahna waanu siinay, laakiin waxa ku socda boqol iyo toban talo, anaguse wixii waajibkayagu ahaa waanu ka yeelay.

S: Had iyo dawladaha afrikaanku dabeecad ayey isaga leeyihiin inay asxaabta mucaaradka ku yidhaahdaan waa qaran dumis iyo canbaarayn, markaa canbaaraynta miyaanay ka wanaagsanayn inaad nimankiina hogaamiyayaashu inta aad miiska soo wada fadhiisataan inaad mushkiladda xal ka gaadhaan?

J: In la wada hadlaa meesha way ku fiican tahay, danteenuna waxay ku fiican tahay in la wada tashado, dalkana waxaynu soo wadnay wada tashi iyo isu tanaasul, laakiin waxa wada hadalkii xidhay adiga oo aan waxba ahayn oo aan madaxweyne ahayn isu keen keen aniga oo gudoomiyihii KULMIYE ah iyo adiga oo gudoomiyihii UDUB ah, taasina wax la qaadan karo ma aha, markaa waxa weeye inaynu marka hore go’aanka maxkamadda ixtiraam-no , markaa ka dib wax waliba way inoo furan yihiin.

S: Maalma dhowayd dhalinyaro la xidh-xidhay arintaa miyaad raacsan tahay?

J: Horta waxaynu sas ka qaadnay xadhigii Afweyne, laakiin dawladi waa inay wax xidh-xidhaa, waayo qofka la xidhay inuu dembi leeyahay ayaa la baadhayaa ee habeenkii lama gawracayo, markaa xadhiga waa in la ogolaadaa, waayo waxa ka weyn khatarta uu qofku soo wado hadii ay jiraan wax lagu haystaa. Markaa la ydihaahdo qof baa la xidhay waa in la yidhaahdo qofka maxaa lagu xidhay, laakiin qaylada aad ku dhufanaysaan halaga daayo.

S: Waa adiga hadda lahaa sharciga haloo hogaansamo, markaa qofka waa la xidhi karaa, laakiin miyaanay ahayn xadhiga in dariiqa sharciga ah loo maraa oo masalan qofka waarran maxkamadeed lagu qabtaa, ama mudada sharcigu dhigayo maxkamad lagu horgeeyaa oo aan xabsiga layskaga hayn intii la doono?

J: Horta waa in sharciga la ilaaliyo way tahay oo qofka xuquuqdiisa la ilaaliyo oo looyarkiisa loo yeedho waa xaq taasi, laakiin waxaad ka cabaadasyaan hebel baa la qabtay oo waxaad doonaysaan inay jeelasheenu faaruq ahaadaan oo nin wadanka dilaya in la qabto ma doonaysaan oo tuug in la qabto ma doonaysaan, markaa wadanka nabadgelyadiisa waa inaynu ilaalino oo aynu booliska dhiiri gelino, masalan waxaad ka hadlaysaan baandawga, laakiin baabuur nabadgelyo ahaan loo jeegaranayo oo laga baadhayo kii hub soo gelinaya maxaad ku diidaysaan, waxaadse xaq ugu leedahay inuu si edeb leh kuu baadho, laakiin yeynaan odhan maxaa kontaroolo loo samaynayaa, maxaa milateriga suuqa loo gelinayaa, markaa habkii dawladnimo ma ogolin.

S: Marka la eego xisbiga KULMIYE ee aad isku mucaaradka tihiin waxa la leeyahay xisbiga UDUB ee uu loollanku ka dhexeeyo adiga ayaa kaga darran tahay, taa maxaad ka odhanaysaa?

J: Salaadiinta ayaa odhan jirtay dawladda waxa nagaga darran Faysal Cali Waraabe, markaa anigu qof kasta oo aan u arko in talaabada uu qaadayaa ay khatar dalka gelinayso waxaan leeyahay Yur, umana ham-ranayo.
 

Top


“Wasaaradda Arrimaha Dibeddu Kama Warhayso Meel Lagu Marti-Qaaday Iyo Fiise Loo Diiday G/Wakiilada,” Agaasimaha Guud Ee W/Arrimaha Dibedda.

Hargeysa (Haatuf): Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha debedda, Cabdi Aadan Nuur ayaa beeniyey war ku soo baxay wargeyska Jamhuuriya cadadkiisii shalay soo baxay oo sheegayey in gudoomiyaha golaha wakiilada, mudane Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) loo diiday fiise uu ku tegi lahaa dalka Koonfur Afrika, iyadoo uu wargeysku intaa ku daray inuu Qaybe ka mid noqon lahaa wefti Somaliland ah oo booqasho ku tegi lahaa dalka Koonfur Afrika, laakiin uu isagu kaga baaqday, ka dib markii loo diiday dal-kugalkii. Hase yeeshee agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha debeddu wuu beeniyey taa, isaga oo beenintiisa ku sheegay war-saxaafadeed kooban oo uu soo saaray shalay, wuxuuna warsaxaafadeedkiisa isaga oo dhamaystiran u qornaa sidan:

“Wasaaradda arimaha debeddu waxay cadaynaysaa in martiqaadkii wasiirka wasaaradda arimaha debedda ee Koonfur Afrika uu ahaa mid gaar ah oo uu casuumay wasiirka arimaha debedda ee Koonfur Afrika, waxaana martiqaadkaa kula qornaa wasiirka horumarinta qoyska iyo wasiirka horumarinta reermiyiga oo keliya.

Hadaba wasaaraddani kama war hayso wefti uu gudoomiyaha golaha wakiiladu raaci lahaa iyo meel ay dawladda Koonfur Afrika fiise uu dalkeeda ku galo ugu soo diiday sida uu qoray wargeyska Jamhuuriya”ayuu agaasimaha guud ee arimaha debeddu ku soo xidhay warsaxaafadeedkiisa.

Wargeyska Jamhuuriya inkasta oo aanu xusin cadadka uu warku ku soo baxay, hadana waxa uu sheegay inuu warkan ka soo xigtay wargeys la yidhaahdo La Figaro oo ka soo baxa dalka Faransiiska.

Qaybe sannadkii 1980-kii ayuu noqday wasiirka arimaha debedda ee xukuumaddii Somaliya, isaga oo marna ahaa agaasimaha guud ee wasaaraddii arimaha debedda ee xukuumaddii Somaliya iyo sidoo kale waxa uu dalal badan oo dunida ah ka soo noqday danjire.

Top


27-Ka May: 15 Sanadood Kahor Iyo Gulufkii Ay Xoogagii SNM Ku Hilaaciyeen Burco, Q: 2aad.

Intii akhrisatay cadadkii shalay ee Haatuf waxanu ku soo qaadanay qaybtii hore ee maqaal ka sheekaynaya xuska 27-ka May iyo gulufkii ay xoogagii SNM ku hilaaciyeen shan iyo toban sano ka hor magaalada Burco, iyada oo aanu soo qaadanay waraysiyo aanu la yeelanay, mujaahidiin iyo shakhsiyaad caan ah, oo ka waramayey dhacdadaas, iyo waxyaabaha lagu xasuusan karo.

Inaga oo halkii ka sii wadayna waxa arrintan si mug leh uga waramay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa guddidii dagaalkaa loo xilsaaray.

Go’aankan oo la odhan karo wuxuu ahaa kii ugu adkaa ee soo mara halgankii uu hogaaminayey ururkii SNM ee ay kula jireen taliskii Muqdisho waxay geesiyaashii SNM ku jiidheen cudud milatari oo markaas ahayd mid ka mid ah kuwa ugu xooga weyn qaaradda Afrika, waxaanay baabiiyeen cududii Milatari ee dalkii Soomaaliya oo mar ahayd mid looga baqo sida libaaxa.

Haddaba dhacdadan iyo guud ahaan halgankii SNM maaha mid ereyo lagu soo koobi karo ama waraaqo lagu dhamayn karo, balse waxa lama huraan ah, in xogta arrintaas laga qaato ciddii xog-ogaal u ahayd ama goob joog ka ahayd sidi ay ku timid iyo sidii ay u fushayba, waxaana shakhsiyaadkaa ka mid ah Mujaahid Maxamed Kaahin oo nooga waramay dhinacyo badan oo khuseeya dhacdadan. Iyada oo aanay noo suurto gelin inaanu shakhsiyaad kale oo muhiim ah ka waraysano.

Mujaahid Maxamed Kaahin isaga oo ka waramaya dhacdadan sidii ay ku timid wuxuu yidhi “arrintani waxay ka dambaysay markii ay heshiisyo lama filaan ah isla gaadheen taliskii Siyaad Barre iyo dawladdii Itoobiya, oo hore col daahii go’ay u ahaa, kaasoo ka dhashay shir ay iskugu yimaadeen magaalada Djibouti 1987-kii labadii madaxweyne ee Siyaad Barre iyo Mingestu kaas oo uu qaban qaabiyey ururka IGAD, mar labaadna shir kale ayaa lagu qabtay Djibouti bishii April 1988-kii, kaas oo uu ka soo baxay heshiis ay isla gaadheen labadii dhinac, kaas oo ay qodobadiisa ka mid ahayd in labada dal xuduudahooda aqoonsadaan, in ciidamada xuduuda laga raro, ilaa 15 mayl-na laga fogeeyo, iyo in aanu dalna caawinin mucaaradka ka soo horjeeda ka kale, taasaa markaa keentay in ciidamadii SNM inay ka guuraan goobihii ay deganayeen, taas oo sababtay in hogaankii siyaasadeed iyo kii milatari ee SNM inay hor timaado laba daran mid dooro, oo ahayd inuu halganku baaba’o, iyo in go’aan kale la gaadho, waxaanay taasi ku soo beegantay iyada oo aanay SNM haysanin taageeradii ay heli jirtay, iyo iyada oo uu hawlgabay ururkii SSDF ee ka horeeyey SNM. isla markaana uu socday qorshihii lagu xasuuqayey dadka reer Somaliland, taasi waxay keentay in la qaato go’aan ah in 27-ka May ay ciidamada SNM galaan magaalada Burco, halka 31-kii May -na laga galay magaalada Hargeysa”.

Mujaahidku isaga oo si gaar ah uga waramaya hawlgalka Burco waxa uu yidhi “Waxa hogaaminayey Mujaahid Axmed Mire, Waxa taliye ku xigeen ama abaanduule u ahaa Mujaahid Aadan Saleebaan (Alla ha u naxariistee), waxa sarkaalka hawlgalinta u ahaa Xuseen Maxamed Kharash yare, markaa ciidanka Burco galay wuxuu ahaa ciidanka la yidhaahdo 12aad ama C/Qaadir Koosaar (Alla ha u naxariistee). Oo ahaa Aag balse waxay u sii kala baxayeen qaybo kala duwan, salaad hore ayaanay ku waaberiisteen magaalada Burco, iyaga oo halkaa khasaare laxaadleh ugu geystay ciidamadii taliskii Siyaad Barre”.

Sidoo kale marka laga reebo ciidanka galay gudaha magaalada Burco waxa jiray ciidamo kale SNM ah oo jid-gooyo ka galay goobaha ku meersan Burco sida wadada weyn ee tagta Muqdisho, Oodweyne, iyo goobo kale oo muhiim ah oo ay dhabar-jebini kaga iman karaysay ciidanka jiida hore dagaalka.

Afar cisho ka dib ayey ciidamada SNM xoog ku soo galeen magaalada Hargeysa waxa kale oo dagaal kuwaa la mid ahi ka dhacay jiida cadaadlay iyo Berbera.

Haddaba la soco qaybo kale oo ku saabsan dagaalkaa ku saabsan dhacdooyinkan mucjisada ku reebay taliskii Siyaad Barre, guud ahaan Soomaalida iyo geedi socodka taariikhda dunidaba.

Top


Xiisad Ka Aloosantay Weeraro Lala Beegsaday Ciidamada Maraykanka Ee Ku Sugan Ciraaq.

Baqdaad (w.wararka)xiisado ayaa ka taagan qaybo badan oo ka tirsan dalka ciraaq kadib markii ciidamada maraykanka ee ku sugan dalkaasi ay la kulmeen weeraro isdaba joog ah oo lala beegsaday maalmahan.

Gaar ahaana waxay xiisadi ka taagnayd maalintii shalay degmada Fuluuja oo dhinaca galbeed ka xigta magaalada baqdaad ee caasimada ah,kadib markiiciidamada maraykanka ee halkaa degan lagu qaaday dhawr weerar subaxnimadii hore eeshalay , iyadoo ay weeraradaa ku dhinteen laba askari oo maraykan ah halka ay 9 askarina ku dhaawacmeen, gaarahaana markii weerar gaadmo ah lala beegsaday kantarool ay ciidamada maraykanku ka samaysteen agagaarka degmadaasi.

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay taliska ciidamada maraykanku waxa ay kaga jawaabeen iyagoo rasaas ooda kaga qaaday dablaydii weerarka sooqaaday iyagoo isla markaana gacanta ku dhigay 6 kamid ah dablaydii weerarka soo qaaday 2 kamid ahna dilay sida uu sheegay afhayeenku.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya halkaasi waxa kale oo uu khasaare ka soo gaadhay weerarkaa diyaarad helikobtar ah oo ay la haayeen ciidamada maraykanku waxaanua la sheegay inuu haatan socdo baadhitaan la xidhiidha arintaasi iyadoo wax la weydiinayo maxaabiista laga qabtay dablayda weerarka soo qaaday.

Top


Burco Oo Aan Sidii Hore Looga Xusin Maalinta 27-Ka May.Shir Caalami Ah Oo U Furmay Suxufiyiinta Adduunka.

BURCO (Haatuf) Shalay oo ay taariikdu ahayd 27may, waxay ahayd maalintii ugu horaysay ee ay ciidamadii SNM si badheedh ah ugu soo galeen guluf dagaal dalka,waxayna ciidamadaas SNM weerarkii ugu horeeyay la beegsadeen talisyadii milateri ee gudaha magaalada burco.waxaana munaasibadan sanad kasta si balaadhan looga xusi jiray magaalada burco si weyn, laakiin sanad guuradan oo ahayd tii 15aad ee kasoo wereegtay mudadaa oo ku beegnayd shalay sida looga xusay magaalada burco,waxa warbixin nooga soo diray Axmed Aadan Yuusuf oo ah hawlwadeen ka tirsan Haatuf, wuxuna warbixintiisa ku bilaabay sidan:

“shalay waxa fagaaraha khayriyada buro lagu qabtay xuska sanad guuradii 15aad ee kasoo wareegtay 27 may 1988, oo ahayd maalintii ugu horaysay ee ay xoogagii SNM guluf dagaal oo lama filaana kusoo qaadeen gudaha magaalada burco, laakiin marka loo eego munaasibadan sida ay dadka reer burco u xusi jireen kuwii sanadii hore waxay ahayd mid aad ugu duwan, iyadoo wadooyinka magaalada lagu xidhi jiray calam iyo guluubyo kala nooc ah, islamarkaana waxa la qurxin jiray goobaha taariikhiga ah, waxayna dadka reer burco subaxnimada hore iska xaadirin jireen waxana ahayd mid ay dadku aad u hadal hayn jireen xuskeeda maalmaha ka horeeya, laakiin waxaas oo dhami may kamay muuqan magaalada burco, waxaana khayriyada shalay 9;30 subaxnimo yimi gaadhiga badhasaabka oo uu ka babanayo calankii,iyadoo ay waqtigaa ku sugnaayeen xoogaa dhalinyaro ah iyo gaadhi ay leedahay dawlada hoose ee burco. Haseyeeshee inyar ka dib ayuu badhasaabku dib ugu laabtay magaalada, wuxuuna soo laabtay qadar nus saac ah iyadoo ay weheliyaan koox dhalinyaro ah oo ka tirsanaa mujaahidiintii dagaalyahankii SNM,islamarkaana waxa kusoo kordhay goobta xoogaa dad ah. Ka dibna waxa dadkii hadal kooban oo ku saabsan qiimaha maalintaa u jeediy Badhasaabka gobolka togdheer Axmed xuseen dheere iyo qaar ka mid ah mujaahidiintii ka qayb qaatay halgankii. Mujaahid jaamac digaal oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in markii ay labadii dawladood ee soomaaliya iyo itoobiya heshiiyeen ay madaxdii dagaalyahankii SNM go, aansadeen in dalka madax madax loo galo, wuxuuna intaa raaciyay inay dagaalyahankii SNM u dheedheen xoogii milateri ee dawladii siyaad bare, iyadoo dagaalyahanka SNM ee galay magaalada burco lagu amray inay jiidhaan difaackasta oo aan ahayn ka gudaha magaalada Burco.

Wuxuna mujaahidku intaa ku ladhay inay ciidankii magaalada burco galay ahaayeen qiyaastii 1000, mujaahid , islamarkaana ay wateen 40 , gaadhi oo toban ka mid ahi yihiin kuwa gaashaam inta kalena ay xamuul yihiin. Sidaana ay kusoo galeen magaalada burco, laakiin isagoo saluugsan sida aanay dadku uga soo qayb gelin, wuxuuna isagoo arintaa ka hadlaya yidhi, “ munaasibadan , ama kun ha timaado, ama afar ha timaadee, waa waajib inaanu qabano”.

Top


Shir Caalami Ah Oo U Furmay Suxufiyiinta Adduunka.

Paris (w.wararka)shirweyne caalami ah oo ay ku kulmeen wakiilo ka kala socda suxufiyiinta wargysyada aduunka oo ay ka qaybgalayaan 700 oo suxufi ayaa ka furmay magaalada Paris ee dalka Faransiiska kaasoo cinwaan looga dhigay (wargeysyadu waxay kaalin muhiima kaga jiraan Mujtamaca).

Shirkan oo uu soo agaasimay ururka midawga saxaafada aduunka oo socon doona mudo mudo laba maalmood ah waxa ka qayb galaya shakhsiyaad caalamiya oo lagu yaqaano dhinaca saxaafada oo ka kala socda dalal ka tirsan aduunka waxaana furitaanka shirkan ka qaybgalay ra’iisalwasaaraha faransiiska ,waxaanu shirku mudada uu socdo ahmiyada siinayaa daabacaada iyo qoraalka maqaaladu ah miyada ay u leeyihiin guul ka gaadhista qoraalka wargaysyada.

Waxaanay qabanqaabiyayaasha shirkani isla eegayaan qaabka lagu heli karo qoraalo tayo leh noocay doonaan ha ahaadaane iyo sidii lagu heli lahaa suuqyo waaweyn oo loo iibgeeyo wargeysyada iyo saxaafada la daabaco.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Urursiga Aqoonta Waxtarka Leh.

Qaadashada iyo urursiga aqoonta garaadka kobcisa ee afka ingiriisiga lagu yidhaa (factual knowledge) waa qayb aad muhiim ugu ah qofka hore-u-markiisa aqooneed iyo tiisa shakhsi ahaaneedba.

Sida ay aqoonyahanadu marar badan sheegeen aqoonta la bartaa marka ay dhamaato waxaa jirta xikmad,xikmadaas sida lagu helaana waxay tahay qofka oo badiya wax akhriska taasoo ah inuu qofku akhriyo kutub iyo buugaag farabadan,iyo inuu sameeyo qoraalo kala duwan.

Marka la doonayo in ummad la horumariyo wax yaabaha la adeegsado waxaa ka mid ah waxaa ugu muhiimsan waa hadba waa sida ay u sahlantahay helitaanka iyo baadhitaanka macluumaadka aqooneed ee garaadka kobciya, xidhiidh ayaana ka dhexeeya sida ay u sahlantahay helitaanka macluumaadka iyo iyo aqoonta iyo waliba xornimada bulsho.

Waa xaqiiq umadi kolba inta ay xor sii noqotaba waxa sii kordha helitaanka macluumaadka iyo aqoonta ,waxaanu shaki ku jirin umadii hodan ku ah macluumaadka aqoonta inay tahay umad hore-u-maraysa.

Nasiib daro helitaanka iyo baahinta aqoontu waxay ahayd meelaha ay umada Soomaaliyeed aad ugu liidato taasoo ay aad uga aradnayd mudadii 30-ka sanadood ahayd ee ay midaysnayd Jamhuuriyaddii soomaaliyeed,iyadoo ay arrintaasi ugu sii liidatay mudadii ay talada haysay xukuumadii milatariga ahayd ee mudada 21-ka sanadood ahayd dalka ka talinaysay.

Meelaha ay xakamaysay dawladii siyaad bare waxaa ka mid ahaa meelaha buugaagta lagu akhristo (Library) ee ay islahayd waxa laga heli karaa kutub, buugaag iyo qoraalo oo ay islahayd dadku way xiisaynayaan.

Dhamaan magaalo madaxdii Soomaaliya ee Muqdisho waxa ku yaalay 4 maktabadood oo ay lahaayeen Maraykanka, Masar, Kuuriyada waqooyi iyo ingiriiska. Dhamaan Maktabadahaana waxa iridaha loo xidhay 1969-kii markii uu dhacay inqilaabkii uu xukunka ku qabsaday Siyaad Barre.

Maktabadahaa oo ku yaalay dhismihii Jirde Xuseen ee ku yaalay badhtamihii muqdisho waxa u sabab ahayd xidhista la xidhay dawladii Siyaad bare oo markay talada qabatay wada baabi’isay shirkadihii madaxa banaanaa isla markaanaa waxay la wareegtay dhamaan goobihii madaxa banaanaa, sidaadarteed sanadahaa mugdiga ahaa may jirin meel waxlaga akhristaa manay jirin kutub la akhristo oo dalku leeyahay.

Waxa kale oo ay dawladii milatariga ahayd waxa kale oo ay albaabada u laabtay jaraa’ idkii madaxabanaanaa iyadoo aynu wada ognahay in jaraa’idku yahay indhaha iyo codka umada marka uu madax banaanyahay isagoo qayb laxaadle ka qaata hore-u-marka dalka iyo dadka.

Mar madaxweynihii sadexaad ee dalka maraykanka ee la odhan jiray (Thomas Jefferson) wax laga weydiiyey saxaafada xorta ah wuxuu yidhi “haddii la igu yidhaahdo dawlad aan jaraa’id xor ah lahayn iyo dawlad la’aan jaraa’id xor ah leh kala dooro, waxaan dooran lahaa dawlad la’aanta jaraa’idka xorta ah leh”.

Meelaha laga qiyaasi karo tayada ama baaxada dawladnimo ee dal ka jirta waxa waa hadba inta la ogolyahay madaxbanaanida fikirka qofka iyo qoraalka.

Hadaba si mustaqbalka soomaaliland u hagaago oo ay dadku wax u faa’iidaystaan waa in falawgeeda la qabto sidii sidii dalka loo soo galin lahaa dhamaan qoraalada kala duwan si canshuur ala’aan ah.

1990-kii dalka Ireland waxa haystay dhibaato xaga dhaqaalaha ah iyadoo ay jirtay 40-milyan oo dulsocod ku ah miisaaniyada dalkaasi, taasoo ay ku macneeyeen ianay sabab u ahayd aqoonta oo la hour-marinayey.

Colaadii, nacaybkii iyo xasuuqii ka dhacay dalkii soomaaliya la isku odhan jiray sanadihii dagaaladii sokeeye ee ay dunidu la yaabtay in dad yar oo walaalo ah ay waxasi ka dhex dhacaan waxaas oo kale waxay ku tusaysaa jahliga jahliga dalkaa ka jirayintuu le’ekaa, haddii uu dalkii Soomaaliya yahay dal aqoonta la dhiiri galiyo dalkuba ma burbureen markaa taa macnaheedu wuxuu yahay dalkaba waxaa burburiyey aqoon la’aan.

Qore: Maxamad Cabdi Sheekh (Ilig).

Top  


Waadiga Ciyaaraha: C/fataax M. Caydiid.

Hirdanka Caawa ee AC Milan iyo Juventus, Keebaa Hanan Doona Horyaalka Yurub. Labada kooxood aad ayay isku yaqaanaan, ciyaartuna waa ciyaar loogu tartamayo koob.

AC Milan Vs Juventus.

Manchester, England (W. Wararka) - Cidna Muran kagama jiro in ay kooxaha Talyaanigu Xilli-ciyaareedkan muujiyeen awood ay ku hanan karaan Horyaalka Kooxaha Yurub ee loo yaqaan Champions League. Caawa oo ah habeen Arbaca ah waxa ciyaarta kama-dambaysta ah ee tartankan iskugu iman doona markii ugu horeysay taariikhda tartanka laba kooxood oo talyaani ah oo kala ah AC Milan iyo Juventus, taas oo tusaale ugu filan dadka iyagu ku dooda in hoos u dhac ku yimid kooxaha Talyaaniga ah, waxaanay taasi ka dhigaysaa wax aan waxba ka jirin.

Waxase isweydiintu tahay labadan kooxood in ay awood u hayaan iyo in ay soo bandhigi doonaan ciyaar xumo mid ka mid ah ciyaaraha ugu weyn ee taariikhda koox kasta, iyadoo munaasibadda ciyaartani u dhiganto ciyaarta kama-dambaysta koobka adduunka oo kale.

Haddii kulankan 190th ee AC Milan iyo Juventus uu soo bandhigo qayb ahaan ciyaar-wanaagii ciyaartii xiisaha badnayd ee toddobada gool ka dhasheen ee ay ku hirdameen kooxaha Manchester United iyo Real Madrid, ciyaartaas oo ahayd is-aragii labaad ee wareegii sideeda kooxood (Quarter finals), taageerayaasha dhexdhexaadka ah ee ciyaartaa ka soo qayb-gali doonaa waxay ka tegi doonaan halkaas oo mabsuud ah.

Laakiin, kulaylka aadka ee ay ciyaartani ku hayso kooxkasta, waxa halkaa ka muuqda in ay baqasho ay koox waliba ka baqo qabto in ay ciyaarta ku guuldaraysato in ay ciyaarteeda ku soo bandhigto qaab difaac oo badiyaaba kooxaha Talyaanigu caan ku yihiin, taas oo keeni karta in goolasha ciyaartaa laga filayaa in ay dhashaan ay aad u yaraadaan.

Waxa iyaduna muhiim in ay labada tababare yihiin qaar is-aqoonsan.

Carlo Ancelotti, tababaraha kooxda AC Milan, tan markii xilka kooxda Juventus laga eryay sannadkii 2001, waxay rajadiisu tahay inuu ku hirdamo goobaha tartamada, laakiin wuxuu rajaynayaa inuu ciyaartan ku gacan sarayn doono, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Labada kooxood aad ayay isku yaqaannaan, ciyaartanna waa ciyaar lagu ciyaarayo koob, sidaa darteed waxay ciyaartani noqon doontaa mid aad u xamaasad saraysa. Laakiin, waxa munaasibad gaar ah ka dhigaysa, kadib markii xulka wadaniga ee Talyaanigu ku guuldaraystay koobkii adduunka sannadkii hore, waxa muhiim ah in ay kubadda cagta Talyaanigu muujisay iftiin wanaagsan.”

Kooxda AC Milan waxay ku tartamaysaa in ay markii 6aad ku guulaysato Horyaalka Yurub. Laakiin, markii ay ku guulaysteen in ay ilaashaan laba sannadood oo isku xiga in ay ku guulaystaan koobka tartanka kooxaha Talyaaniga ee Serie A, waa Juventus kooxda ay dadka qaarkii filayaan in ay ku guulaysato koobkan, waxaana dadka fikradaa qaba ka mid ah Sir Alex Ferguson, tababaraha kooxda Ingiriiska ah ee Manchester United.

“Waxaan filayaa aniga oo ah kooxda loo martida yahay ama garoonkeeda lagu ciyaarayo in aan ahaado dhexdhexaad, laakiin waxa aan sharaxayaa in ay ku guulaysato Juventus,” sidaa waxa yidhi Tababaraha kooxda Manchester United ee garoonkeeda lagu ciyaarayo ciyaarta kama-dambaysta ah, waxaanu intaa ku daray Ferguson; “Run ahaantii waxaan jantay ugu horeyntii uu tartanku bilaabmayba.”

Fillipo Inzaghi oo ah ciyaartoy hore ugu ciyaari Juventus, haddase ah gooldhaliyayaasha ugu khatarsan kooxda AC Milan, ayaa isagu 10 gool hore u dhaliyay tartankan xilli-ciyaareedkankan, waxaanu ku rajo-weyn yahay inuu ka faa’iidaysto ciyaartan kama-dambaysta ah, si uu u dhaafo
ciyaartoyga Ruud van Nistelrooy oo isagu rikoodhka ku haysta 12 gool.
Labada kooxoodba waxaa ciyaartan ka maqnaan doona mid ka mid ah ciyaartoyda aasaasiga ah, iyadoo Juventus uu ka maqnaan doono ciyaartoy aad muhiim ugu ah, waxaanu ahaa ciyaatoyga ugu awooda sareeya ciyaar dhisida Pavel Nedved, sababtoo isagoo qaatay laba kaadh oo huruud ah laba ciyaarood, kuwaas oo kala ah ciyaartii Barcelona ay la yeesheen iyo tii ugu dambeysay ee ay Real Madrid.

Dhinaca kale, tababaraha kooxda AC Milan, Ancelotti, ayaa shaki kaga jiraan in ay ciyaari doonaan labada ciyaartoy ee Jon Dahl Tomasson iyo ciyaartoyga reer Brazil ee Dida.

Ciyaartan caawa, waxay munaasibad gaar u tahay ciyaartoyga Dutch-ka ah ee kooxda AC Milan, kana ciyaara khadka dhexe Clarence Seedorf, kaas oo rajaynaya inuu noqdo ciyaartoygii ugu horeeyay ee ku guulaystay horyaalkan saddex jeer oo la guulaysto saddex kooxood oo kala duwan.

Seedorf waxa uu ka mid ahaa kooxda Ajax oo iyadu ku guulaysatay 1995 iyo kooxda Real Madrid oo iyadu kooxda Juventus kaga adkaatay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee horyaalka Yurub 1998.

Sidoo kale, ciyaartoyga ay isku kooxda yihiin ee Paolo Maldini, oo qayb weyn ka ah kooxda Milan dabayaaqadii sannadihii sideetameeyadii iyo sagaashanadii, ayaa noqonaya ciyaartoygii ugu horeeyay ee isagu afar jeer ku guulaysta horyaalka Yurub tan ciyaartoygii Kooxda Liverpool ee Phil Neal ee sannadihii 1984.

Dhinaca kale, ciyaartoyga xiddiga reer AC Milan, Andriy Shevchenko oo ciyaartoyga had jeer marka ay kooxdiisu ku jirto xaalad adag ka badbaadiya, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay inuu rajaynayo in ay kooxdiisu ku guulaysan doonto ciyaartan, waxaanu yidhi isagoo arrintaa ka hadlaya; “Waxaan rikoodh wanaagsan ka haystaa ciyaaraha aanu la yeelanay Juventus, waxaan ka dhaliyay ciyaartii aanu kaga badinay 2-1 tartanka Serie A dhawr toddobaad ka hor. Waxaan kaloon xasuustaa laba gool oo aan ka dhaliyay ciyaartii aanu kaga badinay 2-0, xilli-ciyaareedkii ugu horeeyay ee aan u soo wareego kooxda AC Milan.

Waxanan rajaynayaa in nasiibkaygu sii socon doono ilaa Old Trafford.

Waxaanay noqon doontaa mid aad aan u xiisaynayo in aan ka dhaliyo goolal, taas oo naga dhigi doonta horyaal. Wakhtigana waa mid noloshaydii oo dhan aan sugaayay. Ciyaartan kama dambaysta ahina, waxay noqon doontaa mid aad u xiiso badan.”

Isagoo dhinaca kooxda Juventus ka hadlayana wuxuu yidhi Shevchenko; “Juventus waa tiim wanaagsan oo u qalma inuu horyaalnimo, sidoo kalena annagu waanu u qaalanaa, waanan hubaa in aanu ka guulaysan doono, maxaa yeelay hore waxaanu uga soo badinay kooxo magacyo waaweyn leh sida: Bayern Munich, Deportivo La Caruna, Real Madrid iyo Inter Milan.

Top