Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 343 May 30, 2003

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Si Kulul U Beeniyay War Uu Ururka SOLJA Ku Baahiyay Saxaafadda “Bayaankaasi Sal Iyo Raad Toona Ma Leh, Ururkiina Way Fadhiyaan” Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin.

Wiil Dhallinyaro Ah Oo Caawimo U Soo Ururiyay Dhakhtarka Hargeysa.

Wargeyska Haatuf Oo Dacwad Lagu Oogay.

31-Ka May: 15 Sanadood Kahor Iyo Gudo-Galkii Xoogagii SNM Ee Hargeysa.

Rabshado Ka Dhashay Dhismayaal Ay Dumisay D/Hoose Ee Hargeysa.

Ra’iisal-Wasaaraha Ingiriiska Oo Booqday Ciraaq.

Dawladda Sucuudiga Oo Xabsiga U Taxaabtay 21 Qof.

Iftiinka islaamka, Siiradii Rasuulka Iyo Faafitaankii Islaamka, Siciid Guraase - Q:4aad.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Xisbiga KULMIYE Ma Waxa Loo Arkay Inuu Aasayo Qaranimada Somaliland.

Baaq - Koox Mujaahidiin Ah.

Halgankii Yaanu Noqon Hal Bacaad Lagu Lisay.

Waadiga ciyaaraha, C/fataax M. Caydiid.


Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Si Kulul U Beeniyay War Uu Ururka SOLJA Ku Baahiyay Saxaafadda “Bayaankaasi Sal Iyo Raad Toona Ma Leh, Ururkiina Way Fadhiyaan” Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin.

Hargeysa(Haatuf) Madxweyne xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa si kulul u beeniyay war habeen hore iyo shalay subaxnimadii lagasii daayay idaacada radio hargeysa,islamarkaana shalay lagu baahiyay wargeyska jamhuuriya. Warkaas oo nuxurkiisu ahaa, Madaxweyne Daahir Rayaale iyo gudoomiyaha kul miye Axmed Siilaanyo oo dhexdhexaadin ka ogolaaday (SOLJA) oo ka mid ah ururada saxaafada somalilad. Laakiin Madaxweyne xigeenka oo shalay madaxtooyada ku qabtay shirjaraa'id ayaa warkaa ku tilmaamay mid aan sal iyo raadtoona lahayn, wuxuuna sheegay inay doraad u yimaadeen ururkaas iyo odayaal salaadiin ah, kuwaasoo sida uu xusay ku wargeliyay, Madaxweyne xigeenka inay kulan lasoo yeesheen KULMIYE iyo ragiisii, kuna qanciyeen inay soo saaraan bayaan ka duwan kii hore.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin wuxu ku tilmaamay beyaankii hore ee xisbiga KULMIYE mid f ood saaro u ahaa jiritaanka, ama hay'adaha dawliga ah, sidaa awgeed in beyaankii la bedelo ayay isku soo afgarteen ka dibna ay wada hadaladu furmaan ayuu yidhi madaxweyne xigeenku, isagoo faah faahin ka bixinaya kulankii u horeeyay ee ay yeesheen. Wuxu sheegay inay intaa ka dibna ay israaceen oo ay u tageen madxweynaha, islamarkaana ay ka dalbadeen ururkaasu in wixii loo arko borabagaando laga hakiyo idaacada iyo jaraaidkaba inta uu soo baxayo bayaanka xisbiga KULMIYE, wixii intaa ka danbeeyana la wada hadlo, sidaana ay ururka iyo salaadiintaba isku ogaayeen, madxweynuhuna sidaa si leeg ku yidhi.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, wuxu isagoo warkaa beeninaya yidhi, “ waxa dhacday anigoo tixraacaya cadadkii Jamhuuriya soona baxay 29may ee shalay, nuxurkiisuna ahaa, in Madxweyne Rayaale iyo gudoomiha kulmiye Axmed Siilaanyo, wada hadal bilaa shuruud ah isugu gola fadhiistaan, waa war aan sal iyo raadtoona lahayn”.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu cadeeyey mawqifka madaxweyne rayaale ee arrintaa, wuxuuna yidhi, sida aynu ka warqabno baaqii ugu danbeeyey ee xisbiga kulmiye waxa uu duutiyay hay'adaha sharciga oo dhan iyo jiritaankii qaranimada s/land. Sida distoorka qaranka iyo maxkamadda sare. Sidaa darteed marka hogaanka kulmiye aqoonsado sharciyada dalka iyo natiijadii kama danbaysta ahayd ee doorashooyinka madaxtooyada ayay xukuumadu la kulmaysaa isaga iyo cidwalba oo danaynaysa qaranimada s/land, nuxurka wada hadalkuna intaas ayuu ahaa, wanaa la badnaa waxanuna filaynay saaka in aanu aragno bayaankii, kadibna wada hadalka la furo. Waxan leeyahay beyaankaasu sal iyo raadtoona ma leh, way fadhiyaan ururkiina.”

Top  


Wiil Dhallinyaro Ah Oo Caawimo U Soo Ururiyay Dhakhtarka Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf): Wiil dhallinyaro ah oo la yidhaa, Chris Hassan oo asal ahaan u dhashay Somaliland, balse haysta jinsiyad Ingiriis ah oo uu ku dhashay ayaa yimid dalka Somaliland, isagoo sida kaalmo iyo mucaawinooyin uu u soo ururiyay dhakhtarka Hargeysa qaybta xannaanada caruurtda, kaalmadaasi oo dhan $3362 US dollar.

Chris Hassan oo macallin ka ah degmada Hull ee gobolka Yorkshire, wuxuu markii ugu horeysay yimid Hargeysa bishii February ee ina dhaaftay, isagoo ay ujeedadiisu ahayd inuu wax ka ogaado Somaliland oo uu asal ahaan kasoo jeedo aabihii, kahor intii aanu u dhoofin Ingiriiska sanadkii 1937.

Markii uu yimid Hargeysa bishii February, dhakhtarka Hargeysa ayaa ka mid ahaa goobihii uu booqday, halkaas oo uu ku arkay dhibaatada haysatay dadka bukaanka ah ee ku jiray dhakhtarka, kadib markii uu ku noqday Ingiriiska ayuu daawaday barnaamij laga ururiyay dhakhtarka Hargeysa oo laga sii daayay telefishanka Ingiriiska ee BBC1, kaasoo soo bandhigay dhibaatada qotoda dheer ee ka taagan dhakhtarka.

Barnaamijka ama filimka oo uu soo bandhigay xiddiga dhinaca filimada ee Ingiriiska, Bill Colony, kaasoo taabtay damiirka Chris Hassan, waxaanu sawiro ka mid ah filimkaa u soo bandhigay ardayda iskuulka uu wax ka dhigo oo la yidhaa Endeavor High School, isagoo ka codsaday inay dhakhtarka u ururiyaan kaalmo ay ku tabarucaan, taasoo keentay inuu ururiyo kaalmo dhan $3362 US dollar, taasoo uu haatan keenay Hargeysa isagoo u dhiibay guddi mutadawiciin ah oo ka shaqeeya daryeelka Dhakhtarka.

Waraysi uu siiyay wargeyska Haatuf habeen hore waxa uu ku sheegay in ujeedada ololihiisani ay tahay inuu ku ururiyo kaalmo dhan $15000 US dollar, taasoo uu sii wadi doono.

Muddadii uu joogay Hargeysa waxa kale oo uu ku talaabsaday inuu ka duubo dhakhtarka filim Fiidyow ah si uu dad kale ugu qanciyo inay kaalmo u soo ururiyaan dhakhtarka.

Chris Hassan oo maalintii shalay ka dhoofay Hargeysa, isagoo ku laabtay dalkiisii waxa uu rajeeyay inuu si deg-deg ah usoo laabto si uu u xaqiijiyo hadafkiisa ah inuu wax ka qabto baahida haysata qaybta caruurta ee dhakhtarka Hargeysa.

Top


Wargeyska Haatuf Oo Dacwad Lagu Oogay.

Hargeysa (Haatuf): Dacwad ka dhan ah wargeyska Haatuf ayaa maalintii shalay la horgeeyey maxkamadda degmada Hargeysa, taas oo ay ku soo oogeen wasaaradda arrimaha gudaha iyo gudoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha Guurtida, taaasoo ka dhalatay war ku soo baxay wargeyska Haatuf cadadkii soo baxay 25-kii bishan May 2003, kaas oo ka hadlayey kulan dhexmaray wasiirka arrimaha gudaha iyo gudiga joogtada ah ee golaha Guurtida.

Warkaas uu wargeysku qoray, waxa uu ku sheegay in wasiirka arrimaha gudhu kulankaasi uga waramay guddiga joogtada ah ee golaha Guurtida, xaalaadda nabadgelyada gaar ahaana koox dhalinyaro ah oo todobaadkii hore la sheegay inay isku dyeen khalkhal galin dhinaca amaanka ah.
Waxa kale oo uu warku sheegay in wasiirka arrimaha guduhu u sheegay guddiga joogtada aah inay jiraan taageero ay kooxdaasi ka haystaaaan qaybo ka mid ah ciidanka qaranka.

Balse wasiirka arrimaha guduhu Ismaaciil Aadan cismaan ayaa si kulul u beeniyey maalintii uu warkaa wargeyska qoray jiritaanka arrintaasi, isaga oo ku tilmaamay inaanay sal iyo raad toona lahayn, warkaa ku soo baxay Haatuf, waxaanu sidaa ku cadeeyey shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen wasiirka difaaca Ismaaciil Cumar Aadan isaga oo carabka ku adkeeyey in aanay waxba ka jirin gaar ahaana macluumaadka ku saabsan dhinaca ciidamada qarankaa, oo aanu marna ku soo qaadin kulankaasi.

Sidoo kale waxa warkaa beeniyey gudoomiyaha guddiga joogta ee Guurtida Gaax-Nuug Boosh Cadde maalintii axadii, isaga oo sheegay in aanu wasiirku kulankaa ku soo qaadin wax ku saabsan dhinaca ciidanka qaranka.

Taliyaha ciidanka qaranka Col. C/Samad ayaa isaguna cadeeyey in wadciga ciidanka qaranku uu yahay mid degan, isla markaana aanaay waxba ka jirin warar sheegaya inay jiraan amar-diido ka dhex jirta ciidanka qaranka. Haddii ay wax jiraana ay yihiin uun kuwo la xidhiidha dhinaca xaaladdaha nololeed, kuwaana si deg deg aah loo xaliyey dhamaan jawaabaha ay bixiyeen masuuliyiintaasi ee beeninta ah waa lagu qoray wargeyska Haatuf, isaga oo faahfaahsan, laakiin wasiirka arrimaha gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan iyo gudoomiyaha guddiga joogtada ah ee golaha Guurtida Gaax-Nuug Boosh-Cadde ayaa go’aansaday inay dacwad ku oogaan wargeyska Haatuf, iyaga oo baadhitaanka dacwadaa u gudbiyey laanta dambi baadhista ee C.I.D-da, iyo xeer ilaalinta gobolka Hargeysa, taas oo keentay in xarunta ciidanka C.I.D-da looga yeedho ku simaha tifaftiraha wargeyska Haatuf Siciid Ismaaciil Guraase, iyada oo uu shaqada sababo caafimaad uga maqnaa tifaftiraha wargeyska A. Ducaale, si ay wax uga weydiiyaan warkaasi ku soo baxay Haatuf. Mar kale ayaa haddana Siciid Guraase looga yeedhay halkaasi, maalintii arbacadii, iyada oo la horgeeyey xeer ilaaliyaha gobolkaa Hargeysa, kaas oo dacwadiisa, u gudbiyey maxkamadda Degmada Hargeysa.

Maalintii shalay ayaana dacwadaa la horgeeyey gudoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa, taas oo damiin ahaan ku sii daysay Siciid Guraase, iyada oo dhegaysiga dacwada u muddaysay maalinta ay bsiha Juun tahay 5 oo la dhegaysan doono dacwaddaa lagu soo oogay wargeyska Haatuf.

Warar oo uu helay wargeyska Haatuf ayaa sheegaya in gudoomiyaha Guddiga joogtada ah ee goluhu aanu la tashan madaxda Guurtida iyo xubnaha guddiga joogtada ah talaabadana uu qaaday isaga oo wax wada-tashi ah ka samayn.

Top


31-Ka May: 15 Sanadood Kahor Iyo Gudo-Galkii Xoogagii SNM Ee Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf) Berri oo ay bisha May tahay 31,2002 waxa weeye sannad-guuradii 15aad ee markii ay xoogagga ururka SNM dagaalka is-miidaaminta ah ku soo galeen gudaha goboladii waqooyi ee dalkii jamhuuriyadda Somaliyeed, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn sida: Burco iyo Hargaysa, iyadoo ay taasi ka dambaysay heshiis dhex-maray labadii dawladood ee Siyaad Barre iyo Mingistu, heshiiskaa oo dhigayey inay qolowaliba taageerada ka joojiso jabhadihii ku kala kacsanaa labada talis, taas oo uu Mingistu heshiiskaa ka dib hogaankii ururka SNM ku wargeliyey inay ciidamadooda ka soo saaraan jiidaha dagaalka oo ay dib ugu soo raraan gudaha Itoobiya, taas oo macneheedu ahaa inay halkaa ku hakiyaan dirirtii ay kula jireen ciidamadii taliskii Siyaad Barre, laakiin hogaankii ururka SNM waxay arintaa ka qaateen mawqif xaraj ah,waxayna go’aansadeen inay ciidamadoodu madax-madax isugu soo tuuraan gudaha, iyagoo bartilmaameed ka dhiganaya xarumihii iyo saldhigyadii ciidamadii Taliskii Siyaad Barre ee fadhiyey goboladii waqooyi (Somaliland).

27-kii May 1988, ayey ciidamadii ururka SNM gulufkoodii u horeeyay ku galeen gudaha magaalada Burco, sidoo kale afar cisho ka dib oo ahayd 31-kii May 1988 ayey qaybo kale oo ciidamadii SNM ahi guluf-dagaal ku soo galeen gudaha magaalada Hargeysa oo xarun u ahayd ciidamadii qaybtii 26aad la odhan jiray ee taliskii Siyaad Barre, iyadoo qaybo kale oo ciidamadii SNM ahi isla maalintaa 31-ka May duulaan ku galeen aagga deegaanka Cadaadley oo uu fadhiyey gaas ka tirsan ciidamadii qaybtii 26aad,waxaana ciidamadii SNM ee jiidda Cadaadley ka dagaal galay hogaaminayey Muj: Xuseen Axmed Guuleed (Xuseen-dheere), laakiin ciidamadii SNM ee Hargaysa ka dagaal galay waxa uu taliyahoodii u sareeyay ahaa Muj. Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Ibraahin-dhegaweyne), waxa kale oo ka mid ahaa saraakiishii iyo hogaamiyayaashii taliskii ciidamadii SNM ee Hargaysa soo galay C/raxmaan Aw-Cali Faarax, Muuse Biixi Cabdi, Cabdilaahi Askar, Maxamed Axmed Ibraahim (Dayib-guray), Cali-guray iyo rag kale, laakiin Ibraahin-dhegaweyne oo aanu kala sheekaysanay waayihii dagaal ee maalintaa waxa uu xusay rag kale ,waxaanu yidhi “Runtii halkan kuma soo koobi karo raggii qiimaha lahaa ee u kala sareeyay hogaamintii iyo hawl-gelintii ciidamadii SNM ee maalintaa ka dagaal galay jiidaha Hargaysa iyo Cadaadley, laakiin waxaan ka xusuustaa Maxamed Cilmi Samatar, Gacma-dheere, Axmed-dhagax, Maxamuud Haybe, Aadan-cadde, C/kariin Xaashi, koosaar, Alif-doon, Yuusuf-gadhle, weerar, Axmed-waysacadde, Maxamed Ismaaciil, Aadan-dheere, C/laahi Cige Obsi, Siilaanyo-yare iyo rag badan oo kale oo dhamaantood ka kala tirsanaa Guutooyinka Seyid-Cumar, San-caani,20aad, Guuto 3aad iyo Seyid-cali oo dhamaantood ka tirsanaa aaggii Makal-mukarama”.

Sida uu sheegay Ibraahin-dhegaweyne ciidankii SNM ee aagga Hargaysa soo galay waxay tiradoodu ahayd ilaa 1300 oo dagaalyahan,waxayna wateen tiro aad u yar oo tikniko ah “raggu xataa ma haysan maalin-dagaal hadii ay tahay, rasaas,raashin, dawo, shidaal IWM,tiknikadayaduna waxay ahayd 2 jiib, 2 sekow,3 garaan-B,hal beebe,iyo hal brown” ayuu yidhi Muj. Ibraahim dhegaweyne,sidaa darteedna awoodda ciidamadii SNM waxay ahayd mid aad u yar oo aan tiro iyo hub toona wax cidi le’eg uga dhigmayn ciidamadii qaybti 26ad ee Hargaysa fadhiyey, wuxuuna Ibraahin,isaga oo awoodii ciidamadii ay waajahayeen ka waramaya yidhi “Marka la isku daro guutooyinkii Ciidanka dhulka, saldhigyadii Ciidanka cirka iyo difaaca cirka ,jabhadihii hubaysnaa Oromada iyo Somalida isugu jiray, maleeshiyaadkii hubaysnaa ee qaxootigii Jiidaha Hargaysa deganaa, waxay ciidamadii aanu waajahaynay tiradoodu gaadhaysay ilaa sideetan-kun oo nin”.

C/raxmaan Aw-Cali oo timaamaya Mooralkii ciidankooda ayaa yidhi “Markii aanu ka soo dhaqaaqaynay bartii dagaalka oo ahayd meesha la yidhaahdo Balli-samatar oo ah meel xuduudka saaran waxaad moodaysay inaanu aroos tegayno farxadda iyo rayn-raynta Ciidanka ka muuqatay”.
“Ciidanka aanu wadanay waxa uu ahaa Ciidan bir ah tayo iyo mooral-ba ” ayuu intaa ku daray Ibraahin-dhegaweyne, laakiin Ibraahin isaga oo ka waramaya sidii ay dagaalka u bilaabeen iyo sidii ay wax u dhaceen waxa uu yidhi “Ilaa 1:30 ayaanu soo dhaqaaqnay, waa nalaga sii diyaar-garoobay,dabadeedna laba jid-gooyo iyo diyaarad na duqaysay ayaa jidka nagala kulmay,laakiin 6:00 maqribnimo ayaa dagaal culusi nagu qabsaday meesha la yidhaahdo Garabis oo ilaa tobaneeyo KM Hargaysa u jirta, waxaanuna halkaa ku gaadhnay ilaa tobankii habeenimo, roob baa nagu da’ay, waxay noqotay habeen madow ah, is-gaadhsiin ma haysano, xagga hore iyo labada dhinacba ciidamo ayaa naga fadhiya, waxaana la doonayay inuu halkaa waagu noogu beryo oo inta nala hareereeyo gam nalaga siiyo, laakiin intaanu ciidankii ilaa 600 jidgooyo uga nimi, gaadiidkii waaweynaana iskaga nimi ayaanu soo lugaynay anaga oo baabuurtii fududayd ee tiknikada ahaydna riixayna si aan guuxooda loo maqal sidaa ayaanu magaalada soo galay abaara 2:30 saqdii dhexe waxaanuna markii u horaysay dagaalka ka bilownay taliskii qaybta 26aad, oo aanu qabsanay,meelo kale oo badan xaruumahoodii ahna waanu ka qabsanay, waxayna taliyihii qaybta Morgan iyo raggii taliska joogay, iyaga oo shooksan u carareen dhinaca Madaarka”.

Dagaalkaa ay xoogagga SNM maalintaa ku soo galeen waxay gudaha Hargaysa ku jireen in ka badan laba bilood, iyaga oo sheegay inay inta badan magaalada haysteen.

Sida aynu xagga hore ku soo xusnay dagaalka ay ciidamada SNM ku soo galeen magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxa uu ahaa dagaal miidaamo ah, taas oo ay hogaamiyayaasha SNM sheegeen in ay xaaladoodu ahayd bakhtiyaa-nasiib. “xaaladayadu waxay ka dhignayd cadawgiina waa ka hortaada joogga, waxaana kaa dambaysa bad oo ma jirto meel aad u noqotaa” ayuu yidhi C/raxmaan Aw-Cali oo dareen ka bixinaya sidii ay xaaladoodu ahayd xiligaa,laakiin, Ibraahin iyo C/raxmaan, iyaga oo tilmaamaya natiijadii u soo baxday dagaalka ka dib waxay yidhaahdeen “jawaabta noo soo baxday waxay ahayd guul, waayo waxaanu ku guulaysanay inaanu sii jirno oo aanu halgankii sii wadno, umadduna way noo soo gurmatay, dumarku haba ugu daraadeene, waayo tiro ma leh inta dumar dawo, raashin, mashxarad iyo guubaabo nala daba socotay”.

Marka laga hadlayo dagaalkii is-miidaaminta ahaa ee ay xiligaa ciidamadii SNM ku soo galeen gudaha waxay dadka qaarkood sheegaan in la isku khilaafsanaa go’aanka is-miidaaminta oo aanay hogaanka Siyaasaddu sidaa doonayn, laakiin ay hogaanka milaterigu arinta khasbadeen, balse C/raxmaan Aw-Cali iyo Ibraahim Dhega-weyne, iyaga oo taa ka jawaabaya waxay yidhaahdeen “Arrintaa waxba kama jiraan haba yaraatee,khilaafka dadka qaar sheegaana kama ay badnayn doodihii laga yeelanayey sida hawl-galka loo gelayo, laakiin marna ma jirin khilaaf mabdi’iya oo arintaa ku saabsani, hogaanka SNM-na siyaasiyan iyo milateri ahaan-ba 100% go’aankaa way isku raacsanaayeen” .

Hawl-galkaa is-miidaaminta ah ee ay ciidamadii ururka SNM ku soo galeen gudaha waxay ahayd arin lama filaan iyo amakaag ku noqotay labadii talis ee heshisku dhex-maray (Siyaad Barre iyo Mingistu Haila Mariam). “Mingiste iyo Siyaad Barre iyo ninkii waqooyiga haystay ee Morgan waxay xiligaa wada fadhiyeen meesha la yidhaahdo Nasareed (Itoobiya), dabadeedna markii la, maqlay Burco ayaa la qabsaday ayuu Siyaad Barre ku yidhi Mingisto waad i khiyaamaysay, dabadeedna Mingisto ayaa ku jawaabay kuma aan khiyaamayn, waayo waxba kamaan ogayn arintaa” sidaa waxa yidhi Axmed_Siilaanyo oo tilmaan ka bixinaya saamayntii uu hawlgalkaasi ku yeeshay talisyadii Siyaad Barre iyo Mingistu, isaga oo Axmed-Siilaanyo xiligaa ahaa Gudoomiyihii ururka SNM.

Haddaba dagaalkii maalintaa qarxay waxa uu arlada ka dhigay kab-riid gaas lagu qabtay, waxayna ciidamadii Siyaad Barre, hawlgalkaa kaga jawaabeen dagaal aan loo aabo-yeelin, taas oo ay hub culus iyo diyaaradaha wax duqeeya u naceen magaalooyinka, taasina waxay galaafatay kumanaan rayid ah, iyadoo dhinaca kalena uu xadhiga iyo xasuuqu batay, islamarkaana dadkii shicibka ahaa waxay u firxadeen dhinaca Itoobiya oo ay ka galeen kaamam qaxooti, laakiin ciidamadii SNM Inkasta oo ay muddo ka dib ka baxeen magaalooyinka, haddana waxay fadhiisimo ka samaysteen gudaha, waxayna sii wadeen halgankii hubaysnaa ee ay kula jireen dawladdii keli-taliska ahayd ee Siyaad Barre ilaa markii uu taliskaasi dhacay, kadibna 1991-kii magaalada Burco lagaga dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland.

“Maalintaasi waxay ahayd maalin adag oo lagu jiro marxalad qalafsan oo dagaal, laakiin maanta waxay somaliland ku jirtaa nabadgelyo iyo nidaam dawladnimo, iyo iyadoo laga fekerayo horumar, taasina waa midhihii halgankii SNM,waayo, Inkasta oo weli wax dhiman yihiin inta badan SNM way gaadhay wixii ay u halgamaysay oo ah Somaliland oo Madaxbanaan oo dawlad ah oo nabad qabta” ayey yidhaahdeen C/raxmaan Aw-Cali iyo Ibraahim-dhegaweyne oo dareenkooda ka bixinaya faraqa u dhexeeya dabayaaqadii May 1988-kii iyo maanta oo ay maalintaa ka soo wareegtay 15 sannadood.

Marka laga hadlayo Halgankii hubaysnaa ee uu ururka SNM ku qaaday dawladdii keli-taliska ahayd ee Siyaad Barre waxa inta badan naanaystiisa taariikheed la siiyaa ama loo badiyaa qabiilka Isaaqa, laakiin Ibraahin-dhegaweyne oo taa ka jawaabaya ayaa yidhi “Runtii halgankii SNM ma wadin Isaaq oo qudhi ee waxa uu ahaa halgan ballaadhan oo ay dadka reer-Somaliland iyo dad kale oo Somaliyeed-ba ka qayb qaateeen, laakiin inkasta oo aanan wada xusuusin karin waxaan raggii hogaamiyayaasha ahaa tusaale u soo qaadan karaa C/raxmaan Aw-Cali (Awdal), Kabtan: Cabdi Cabdilaahi (Awdal), Cali-gaab (Awdal), Yaasiin Axmed-“Yaasiin-dheere" (Sool), Siciid Cali-giir(Sool), Yaasiin tamaad (Sool), Ciise Soofe (Sool), Cabdi Cali Bayr (Sanaag), Faarax-gamuute (reer Boosaaso), Kornayl-gadh-dheere (reer-boosaaso), Cumar Salaad (hawiye), Cilmi Cali (Hawiye),Yuusuf Cabdilaahi (Ugaden), Aadan khabaas (Ugaden), C/naasir Sheekh (dir), C/shukuur (dir ), iyo rag kale oo badan”.

Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururka SNM ayaa isna ka hadlay maalintan wuxuuna yidhi “maanta waa 15 guuradii gudo-galki Hargeysa, markaa Illaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo intii ku geeriyootay halgankii SNM, waxa jira dad caado ka dhigtay canbaaraynta iyo ceebaynta halgankii SNM,laakiin SNM waxay u badheedhay ciidamadii dawladdii kelitaliska ahayd ee Afrika ugu awoodda badnayd, waxayna xoraysay Somaliland, guushaasina SNM qiimo weyn bay ku joogtaa ,muruqa laba suulena ninba si ku ah, laakiin dad caadaystay in ay SNM si fudud makarafoonka uga dhaleeceeyaan maxaa u diiday inay gartaan qiimaha ay SNM dalka iyo dadkaba ku joogto iyo xaq-dhawrka waalidkii ay halyeeyadii ay dhaleen ku shahiideen, ubadkii iyo ooryihii ay ka dhinteen intii shahiiday iyo kuwii ku laxaad beelay ama ku soo dhibaatooday ee maanta nool, waxaanse ku soo gunaanadayaa gabaygii Qaasin ee ahaa “ haddii ay halkii kuu macaan muhato labtaadu, ama aanad madadaaladeed igala maarmayn iska soo mar waa kuu bannaan marinkaad doontaaye”.

Dhinaca kale mujaahid Axmed Maxamuud Hure iyo axmed Koosaar Tarabi (Siilaanyo) ayaa nooga waramay gulufyo dagaal oo ay guutooyin ka tirsan dagaal yahankii ururka SNM ku hilaaciyeen 28-kii iyo 29-kii May Saldhigyo iyo dhufaysyo milatari oo ay ciidamada Siyaad Barre ku lahaayeen jiidaha deegaanka Cadaadlay, taas oo ay labada mujaahid tafaasiil naga siiyeen waxyaalihii ay dagaalyahanka SNM halkaa kala kulmeen, iyo sidii uu dagaaalkaasi u dhacay.

La Soco Cadadka Dambe.

F. G. qaybo ka mid ah waraysiyadan waxaanu qaadnay sanadkii hore.

Top


Rabshado Ka Dhashay Dhismayaal Ay Dumisay D/Hoose Ee Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf) Dawladda Hoose Hargeysa ayaa subaxnimadii hore ee shalay bilawday inay dumiso hudheelo, ku yaala badhtamaha suuqa Hargeysa, taasoo keentay inay rabshado iyo dagaal la isku adeegsaday rasaas oo halkaa ka dhaco.

Hudheeladaasi oo aanay caddayn sababta ay dawladda hoose ugu talaabsatay dumintooda, ayaanu wax ka weydiinay dhinacyadii arrintaasi khusaysay.

Ugu horeyn maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa C/Raxmaan Dheere oo aanu arrintan wax ka weydiinay ayaa sheegay in dadka hudheeladdaa leh hore ogaysiis u siiyeen oo ay sii ogaayeen in la duminayo halkaasi.

Mar uu ka hadlayey xabadaha halkaa ka dhacayey waxa uu sheegay inuu adeegsaday mid ka mid ah dadka hudheeladaasi lihi, “Waar Ilayn magaaladu way wada hubaysantahay, waxaanu moodaynay in hubkii la iska dhigay” ayuu yidhi Maayarka ku xigeenku.

Sida ay sheegayaan wararka dhacdadan ku saabsani waxa jira dad ka mid ah mulkiilayaashii hudheeladaa oo xabsiga loo taxaabay, kuwaas oo tiradoodu gaadhayso ilaa 3 qof, oo kala ah C/laahi Xasan Yuusuf, Saleebaan Barre Yaasiin, Ismaaciil Khuuriye, balse khasaare dhaafsiisan hantida halkaa ku khasaartay lama sheegin.

Dhinaca mulkiilayaasha meheradahaasi ayaa ku dooday in si bilaa digniin ah, weerarka loogu soo qaaday, waxaanaay aad uga cawdeen, dhibaatadan ka soo gaadhay halkaasi.

Bayaan ay soo na soo gaadhsiiyeena ururka Diihaal Reeb oo ay arrintaasi kaga hadlayaana waxa uu qornaaa sidan. “Waxaanu la kulanay maayarka caasimadda Hargeysa 20-kii bishan May 2003, anaga oo ah ururka hudheelada ee Diihaal Reeb xuna ka kooban oo ay ka mid yihiin gudoomiyaha ururka iyo ku xigeenka iyo gudiga fulinta waxaanu maayarku noo qaabilay si fiican ka dibna waxa noo bilaabmay shirkii oo uu noo furay maayarku. Waxaanu ku bilaabay salaanta Islaamka waxaanu u dhaafay ujeedadii shirka oo ahaa dumin dawladda hoose ku dumisay olole barandayaasha hudheeladda arrintaasi oo ahayd tii cabashada ururku ku saabsanayd.

Haddabaa markii arrintaa D/Hoose iyo ururku qaadaa dhigeen waxay isla garteen in loo saaro laba guddi oo kala ah Agaaasimaha qorshaynta ee dawladda hoose iyo Engineerada dawladda hoose iyo gudoomiyaha ururka iyo gudoomiye ku xigeenka ururka iyo xubin kale.

Ka dibna labada guddi way balameen waxaanay bilaabeen 21-kii bishan May hawshoodii loo xil saaray, waxaananu isla garanay shaarac waliba wixii uu qaadi karo, tii aanu eegayno danta guud iyo duruufta wakhtigan jirtaba, taasina labada guddi way isla garteen.

Waxaanay guddiga dawladda hoose iyo guddiga ururku isla eegeen dhinac kasta. Sidaasi ayaanu ugu gudbinay qoraalkii guddiga Diihaal Reeb soo saartay, kaasi oo ku socda agaasimaha guud ee wasaaradda qorshaynta, ayna ogaysiiyeen maayarka caasimadda.

Ka dibna way isku khilaafeen guddiga dawladda hoose sidaasaanaa maayarka loogu gudbiyey markaa halkaa ayay hawshu noo maraysay markii hore.

Ka dib 27-kii bishan 5aad 2003, ayaanu samaynay kormeer mar kale dhinaca bulaacadaha ah, waxaana labada guddi isla garteen in nadaafadda guud ee hudheeladda aad loo ilaaliyo, taasoo ay balan qaadeen guddiga ururku inay hawshaa iyagu galaan.

Haddaba iyada oo hawshu si fiican noogu socoto ayuu bilaabmay ololihii khamiista 29-ka bishan May 2003, kaasi oo uu hogaaminayey agaasimihii qorshaynta iyo agaasimaha caafimaadka, balse waxa dusha kaga maayar ku xigeenka, waxaanu kala wareegay amarkii shaqada, waxaanu dumiyey hudheeladdii hore looga heshiiyey, iyada oo ay wax waliba bisil yihiin, waxaanay dadkii hudheelada lahaa ka codsadeen inay maanta iibsadaan raashinka bisil, taasi oo maayar ku xigeenku wuu ka diiday waxaanu dalbaday ciidankii, oo ka dhigay wax la burburiyo iyo wax la daadiyo, halkaasaanay ka bilaabantay rabshadii oo ahayd dhagax tuur iyo xabad iyo dagaal, suuqaasi oo ah meel xasaasi ah. Waxaana lagu sigtay khatar macnaha maayar ku xigeenkana maanu garan, waxaananu ku soo gabagabaaynaynaa hawsha wada jir haloo qabto waxba inaga xumaan maayaane”.

Top


Ra’iisal-Wasaaraha Ingiriiska Oo Booqday Ciraaq.

Basra (W.Wararka) - Ra’iisalwasaaraha Ingiriiska, Tony Blair ayaa maalintii shalay gaadhay magaalada Basra ee koonfurta Ciraaq, isagoo booqanaya ciidamada Ingiriiska ee ku sugan dalkaasi, taasoo ah booqashadii ugu horaysay ee uu hogaamiye ka tirsan reer-galbeedku ku tago Ciraaq tan iyo markii la riday Sadaam Xuseen.

Blair waxa uu halkaa kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan bulshada reer Ciraaq, ciidamada qalabka sida iyo maamulaha uu Maraykanku u magacaabay Ciraaq, Mr. Paul Primer. Marka uu dhameeyo booqashadiisa Basra waxa uu booqan doonaa dekedda Umu-qasar isagoo kadibna uga amba-bixi doona dalal kale oo ka tirsan Bariga Dhexe.

Booqashada Blair waxay ku soo beegantay iyadoo ay socdaan weerarada gaadmada ah ee lagu qaadayo ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq.

Top


Dawladda Sucuudiga Oo Xabsiga U Taxaabtay 21 Qof.

Riyaad (W.Wararka) - Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Sucuudiga, Amiir Naa’if bin C/casiis ayaa shaaca ka qaaday inay ciidamada amaanka ee dalkaasi gacanta ku dhigeen 21 qof oo lagu tuhunsan yahay inay lug ku lahaayeen weeraradii qaraxyada ahaa ee 12-kii bishan May ka dhacay caasimadda dalkaasi ee Riyaad.

Wasiirka oo ka hadlayay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Tabuuk, waxa uu intaa ku daray in dadka la qabtay ay ku jiraan rag culimaa’udiin ah, waxaanu beeniyay inay cidi ku dhimatay markii ay qaadeen hawlgalka ay dadkaa ku soo qabqabanayeen, balse wararka kasoo baxaya mucaaridiinta Sucuudiga ayaa sheegaya inay arrintan dawladdu uga faa’iidaysanayso inay ku qabqabato ama ku cabudhiso dadka siyaasad ahaan kasoo horjeeda.

Weeraradaas hore uga dhacay Riyaad oo ay ku dhinteen dad ku dhow boqol qof waxay ahaayeen weeraradii ugu xumaa ee soo mara taariikhda dalkaasi Sucuudi Arabiya oo ay ku badan yihiin muslimiinta lagu tilmaamo asal-raacu.

Top


Iftiinka islaamka, Siiradii Rasuulka Iyo Faafitaankii Islaamka, Siciid Guraase - Q:4aad.

Markuu cadaadiskii iyo ciqaabkii lagu hayey dadkii muslimiinta ahaa ee joogey Makka oo aad u kordhay iyadoo waxa lagula dagaaallamayey ay ahayd tawxiidka iyo ciqiidada saliimka ah oo ay qaateen ayaa Rasuulku scw amray asxaabtiisii mar labaad iney dhulka Xabashida u hijroodaan oo sidaan soo sheegnayba uu ka talinayey boqor caaddil ah. Waxaa marka baxay oo hijroday 83 rag ah iyo 18 dumar ah oo ku baxay si qarsoodi ah. Ilaahna waa u fududeeyey jidkii oo nabad qab ayey ku gaadheen dhulkii Xabashida.

Madaxdii qureysheed markay maqleen in dadkii muslimiinta ahaa ay dhulka xabashida u hijroodeen iyagoo ah caddad tiro badan, oo tegey meel ay diintooda iyo naftooda ku ammaan helayaan, aad ayay u cadhoodeen waxayna isla markiiba qaateen tallaabo degdeg ah oo ay uga hortegayaan arrintaas. Waxay direen laba nin oo la kala odhan jirey Cumar binu Caas iyo Cabdullaahi ibnu abii Rabbiica, waxayna u dhiibeen hadiyad badan, waxayna ku yidhaahdeen "waxaad hadiyaddan u geysaan boqorka Najaashi iyo wasiirradiisa, kuna hormara wasiirrada oo intaad arrinka ka dhaadhicisaan u kaxaysta boqorka, boqorka markaad la kulantaanna waxaad u sheegtaan inuu gacanta idinka soo geliyana dadkaas isagoo aan ka hadalsiin".

Labadii nin waa ay baxeen iyagoo xoolo badan oo hadiyaad ah daadihinaya, siday arrintu ahaydna waxay ku hormareen wasiirradii, nin walba oo ka mid ahaana waxay siiyeen hadiyad fiican, go'aankii ay wateen way ka dhaadhiciyeen, ka dibna labadii nin iyo wasiirradii oo wada socda ayaa u wada tegey boqorkii ahaa Najaashi, hadiyaddiisiina waa loo geeyey. Ka dibna labadii nin ee wafdiga ahaa mid ka mid ah ayaa istaagay si uu barnaamijkii ay boqork iyo dowladda Xabashida ugu yimaadeen u soo gudbiyo, wuxuu yir "boqorow waxaa dhulkaaga soo galay niman dhallinyaro ah oo aan caqli lahayn oo diintoodii kuwii u sharaf badnaa oo ahaa odeyaashoodii noogana ogaal badan xaalkooda iyo waxa ay ku ceebeynayaan". Intaa markay soo bandhigeen labadii nin ayaa waxaa hadalkii qaatey wasiirradiii, oo sidaan soo sheegnayba ahaa niman xoolo cunay waxayna yidhaahdeen: "boqoroow run bay sheegayaane u dhiib ha celiyaane".

Najaashi oo siduu Rasuulka scw sheegayba aha boqor caaddil ah, markuu dhegaystay hadalkii ay soo jeediyeen nimankii wafdiga ahaa ee hadiyadda keenay iyo ayiditaankii wasiirradiisa ma aanu qaadan hadalkoodii kumana kedin arrimaahaasi inu caddaaladda ka tago oo hal dhinac keliya dhegaysto ee wuxuu yidhi: "ha la ii keena dhinaca kale".
Markii loo tegey dadkii muslimiinta ahaa oo loo sheegay in boqorku rabo ayna yimaadeen niman loo soo diray ayey ka wada hadleen siday u qaabbili lahaayeen arrinkaas, ugu dambeyntiina waxay qaateen go'aankii lagu yaqaanney qofka iimaanka macaankiisa dhadhamiya inaanu qofna uga cabsoon Ilaahay diintiisa waxayna go'aansadeen wax kasta oo ku yimaada in aanay diintooda marna ka soo dabcin.

Waxayna af-hayeen ka dhigteen Jacfar binu abii-dhaalib oo ahaa Nabiga scw ina adeerkiis, dabadeed boqorkii ayaa loo yimid, hadalkiina waxaa bilaabay Jacfar wuxuuna yidhi: "boqoroow waxaan ahaan jirnay dad jaahiliya ah, sanamkaan caabudi jirney, bakhtigana waan cuni jirney, faaxishadana waan la imaan jirney, qaraabadana waan goyn jirney, deriskana waan xumeyn jirney, midkayaga xoogga lehna wuxuu boobi jirey kan tabarta daran, sidaas ayaan ahayn, markaasaa Ilaahay wuxuu noo soo diray Rasuul annaga naga mid ah, oo aan naqaan nasabkiisa, runtiisa, ammaanadiisa iyo dhowrsanaantiisa, wuxuuna noogu yeedhay Ilaahay keliya inaan waxidno oo aan caabudno kana dhex baxno wixii annaga iyo aabbayaashayo aannu caabudi jirney; sido kale wuxu na amray inaan warka ka run sheegno, ammaanadan gudanno, qaraabadana xiriirinno, deriskana wanaajinno, xaaraamta iyo dhiigga dadkana ka fogaanno; sidoo kale wuxuu naga reebay xumaan oo dhan, markhaati beenaalaha, xoolaha agoonta oo la cuno, gabdhaha dhowrsoon oo la af-lagaadeeyo (qadfo); sidoo kale wuxuu na amray Allaah keliya inaan caabudno oo aanan u shariik yeelin; haddaba Rasuulkaas ayaannu rumeyney waana raacnay wuxuu noo keenay oo Ilaahay diintiisa ah; Ilaah keliya ayaanna caabdunay, waxna ugu shariik yeeli mayno, waanna xarrimnay wuxuu Ilaahay naga xarrimay, waana xalaalaynay wuxuu Alle noo xalaaleeyey; sidaa markaan yeelnay waxaa nagu xad gudbay dadkayagii, way na cadaabeen, diintayadii ayey naga fitneeyeen, waxayna doonayaan inaan bannaysanno xumaataan bannaysan jirnay, markay na dirqiyeen, na dulmiyeen oo ay na ciririyeen oo annaga iyo diintayadii ay kala dhex galeen ayaan waddaankaaga u soo baxsannay oo adiga ku doorannay, derisnimadaadaanna jecel nahay, waxaanna rajayney inaan agtaada nalagu dulmineyn", intaas markuu Jacfar ku soo koobay hadalkiisii aadka u qiimaha badnaa dhinac walbana wax ka ishaaray, ayaa Najaashi su'aal weydiiyey Jacfar oo ku yidhi: "waxa uu Nabigaasi xagga Ilaahay ka keenay wax ma ka haysaa", Jacfar wuxuu yidhi haa, Najaashi ayaa yidhi "akhri", markaasuu Jacfar akhriyey Suuratu Maryam oo si fiican uga hadashay qisadii Maryam iyo wiilkeedii Nabi Cise.  Najaashi markuu dhegaystey suuraddaas oohin ayuu la dhacay ilaa uu gadhkiisii ka qoyey, wasiirradii meesha fadhiyeynaa sidoo kale way ooyeen markay maqleen Ilaahay aayaatkiisaas. Najaashi ayaa markaas hadlay oo yidhi: "waxaad akhriday iyo wixii Nabi Ciise la yimid hal meel bay ka soo baxeeen", ka dibnay wuxuu ku jeestey labadii nin ee qureysh soo dirsatay oo ku yidhi "Ilaahay ku dhaartaye inaanan idiin dhiibayn dhibna looma geysan karo".

Intaas markuu fadhigii ku dhammaaday oo lagu kala dareeray ayaa Camar binu Caas ku yri saaxiibkiisii Cabdullaahi ibnu Rabbiica "Ilaah ayaan ku dhaartaye shirqool ayaan u samaynayaa dadkaas berrito aan ku dabargooyo markaasoo Cabdullaahi ku yidhi "ha samynin arrintaa, maxaa yeelay waa tolkeen haba na khilaafaane', hase yeeshee Camar waa ku adkeystey go'aankiisii wuxuu mar labaad ku laabtay Najaashi isaga iyo saaxiibkiis waxayna ku yidhaahdeen "boqoroow dadkaani Ciise ibnu Maryama waxay ka sheegaan hadal weyn", markaasaa mar kale loo yeedhay muslimiintii, markay yimaadeenna Najaashi ayaa hadlay oo yidhi "maxaad ka aamminsan tihiin Nabi Ciise?", Jacfar ayaa u jawaabay oo yidhi 'waxaan ka aamminsannahay wixii Nabigayagu noo sheegay oo ah inuu yahay Ilaahay addoonkiisii, Rasuulkiisii, ruuxdiisii iyo kalimmaddiisii uu Maryama ku riday", markaasaa Najaashi qori yar kor u qaaday oo yidhi "iska taga aammin baad ku tihiin dhulkayga qofkii dhib idiin geystana waa dambiile, mana jecli in la siyo buur dahab ah oo qof idinka mid ah dhib loo geysto", labadii nin ee qureysh ka socdeyna wuxuu u yidhi "ha loo celiyo hadiyaddooda uma baahniye".

Ka dibna isagoo hadalkiisii sii wata wuxu yidhi "Ilaah baan ku dhaartaye hadda ka hor markii inqilaabka la igu sameeyey ee Ilaahay iiga gargaaray laaluush igama aanu qaadan, qof bini aadan ahna arrinteyda kalama aanu tashan, aniguna arrintiinna laaluushna ku qaadan maayo qof binu aadan ahna ku raaci maayo". Hadalkaas oo ula jeedo in Ilaahay u gargaaray, isna Ilaahay diintiisa iyo xisbigiisa uu u gargaarayo, sidaas ayaana arrintii ku dhammaatay, wafdigii qureyshna ku laabtay isagoo la murug geliyey, hadiyaddiina lagu soo celiyey, muslimiintiina waxaa Ilaahay siiyey ciso iyo wanaag, waxayna dhulkii Xabashida ku joogeen nabadgelyo iyo wanaag.

Madaxdii qureysheed markii wafdigoodii ku soo laabtay una warramay wixii uu dhulka Xabashida kala soo kulmay ayey aad u cadhoodeen kana xumaadeen, waxaa kaloo murugo kale ku sii noqotay in Ilaahay diintiisii ay Makka dhaaftay oo ay gaadhay Afrika ammaanna ku heshay, ayna baab'day arrintii ay doonayeen oo ahayd in diintu ayna Makka dhaafin oo ay halkaas ku cabudhiyaan.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Xisbiga KULMIYE Ma Waxa Loo Arkay Inuu Aasayo Qaranimada Somaliland.

Aniga oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo degan magaalada Hargeysa waxaan doonayaa in aan fekerkayga saliimka ah ka dhiibto hadalada ayaamahan soo baxaya ee ku waajahan xisbiga KULMIYE, ee lagu baahiyey saxaafadda, hadaladaas oo ka dhigaya xisbiga KULMIYE mid ka soo horjeeda qaranimada Somaliland haddaba waxa jirta oo aan indhaha laga qarin karin in madaxdaa xisbiga KULMIYE ay yihiin raggii bahasha ka soo saaray, u soo jihaaday naf iyo maalba u soo huray, qaranimada Somaliland.

Taas oo aasnayd muddo 30 Sanadood ah, haddaba waxaa ayaan darro iyo nasiib darroba ah in maanta lagu tilmaamo niman dib u aasaya, ama duminaya, waxay keeneen, iyaga oo uga lexejeclo badan kuwa maanta kursiga ku fadhiya, waxaan ku soo gabagabaynayaa taariikhdu waa silsilad xusinaa doonta nin waliba waxa uu uu gudo iyo waxa uu galo.

Xasan Maxamed Shire, Hargeysa.

Top


Baaq - Koox Mujaahidiin Ah.

Baaq ay soo saareen mujaahidiin ka mid ah dhalinyaradii ka qayb galay dagaalkii xoreynta dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu u qornaa sidan:

Waxaanu si adag u diidanahay war saxaafadeedkii uu soo saaray xisbiga KULMIYE 25kii bishan May 2003, oo ku ahaa xad-gudub fool-xun jiritaanka qaranimada dalkan Somaliland oo dhiigayaga ku dheehan gooni-isu-taagiisu, jiritaankiisana aan cidna lagula gorgortami karin, cid aanu aqbalnaana aanay jirin in uu kula kaco, wax, waxa u dhimaya masiirka ummadda reer Somaliland.

Liiska mujaahidiinta:

C/Raxmaan Bashiir Abdi (Naafo Culus), Hasan Yusuf Huseen, Fu’aad Mawliid Yusuf, Husein Abdi Weerar, Nasir Qalinle, Shiine Aw Yusuf Ibrahim, Abdi Adan Bucul, Mustafe Muxumed Good, Abdi Aadan Qayliye, Abdi Hasan Dalmar, Abdi Gadhle Xaamud Muuse Bare, Ali Qorane Mohamed, Mohamed Mohamuoud Abdilaahi, Jimcaale Mohamed Ciise, Abdi Idaan Dhuule, Hasan Osman Ali, Omar Muxumed, Adan Abdi Xoore, Omar Sheekh Mohamed Carte, Abdi Filfil, Mohamed Qawdhan Cumar, Abdillahi Muxumed Mohamed, Hasan Abdi Dhoobaale, Kayse Axmed Abdi, Abdilaahi Muxumed Mohamuoud, Yusuf Muxumed Dhoobaale, Huseen Jaamac Ali, Osman Qawdhan Omer, Dayib Abdi, Aadan Abdi Mohamed, Khadar Abdi Cumar, Kayse Mohamed Suldan, Abdi Aadan Muuse, Khadar Aw Mahdi, Mohamoud Omar Aw Hassan, Mawliid Omar Aw Hassan, Mawliid Ciise Cisman, Abdi Muxumed Nour, Mohamed Xasan Cigaal, Ibrahim Mohamed Hassan, Ali Axmed Halas, Abdi Ali Saban, Muxumed Ibrahim Jama, Khadar Mohamed Hassan, Muse Abdilahi Nour, Mohamoud Cumar Jir, Sacad Jama Askar, Mujaahid Jibaax, Mahdi Iimaan Cayngal, Saleebaan Xuseen (Saalo), Mahdi Nour (Lixle), Axmed Bashiir (Budh-Jabay), Ibraahim Xasan Dalmar, Ibraahim Raabi, Jamaal Xoogsade Yusuf, Dheeg Abdi Osman, Muse Dalal Axmed, Mohamed Tubeec, Ismaaciil Hassan Nour (Ismaaciil Jiib), Hasan Jaamac Ali, Saciid Lafo, Axmed Bireeye, Cabdi Warsame (Bahaa), Saleebaan Caag, Sandheere Abdilaahi Dubbad, Abdi Saxardiid Caabi, Ibraahim Xiiray, Ibraahim Ismaaciil Dheeg, Abdi Yuusuf Aadan, Caydiid Yusuf Guray, Hasan Aabo (Naafo), Abdilaahi Mohamed Dhuule, Axmed Qawdhan Muxumed (Generaalka).

Hargeysa.

Top


Halgankii Yaanu Noqon Hal Bacaad Lagu Lisay.

Waxaan dhamaan shacbiga Somaliland, madaxweyne Daahir Rayaale, Axmed Siilaanyo iyo Muj C/Raxmaan Aw Cali u soo jeedinayaa talooyinka soo socda:

A. Dadka Somaliland.

Waxaan walaalayaal dumar iyo rag, caruur iyo cirooleba doonayaa in aan idin idhaahdo nimco ayaa ku jirtaane ha iska daadinina qof dan isaga u gaar ah wataana yaanu jar idinka ridin. Qof kasta waxaa waajib ku ah in wadanka nabad gelyadiidsa ilaaliyo ciddii khatar ku ahna uu farta ku fiiqo.

Ahmed Mohamed (Siilaanyo) Iyo Abdirahman Aw Ali.

Waa in aydin ku qanacdaan go'aanka maxkamadda haddii kale waxaydin u soo dagaalanteen waa “HAL BACAAD LAGU LISAY” ama “Biyo Col Dhaanshay”.

Isbedelka fiican ee aydin rabtaanna ma imanayo. Waxaa nagu leedihiin xaq iyo abaal badan ilaahay ayaa idiin gudi kara, taariikhda Somalilandse waxaa kaga jirtaan meel aad u wayn. Walaalayaal waynu wada dhimanaynaa ee ilaahay ka baqa oo ku qanca qadarka iyo nasiibkiina.

Waxaanu walaalayaal idinka codsanaynaa oo idinka rajaynaynaa in aydin si wanaagsan oo qalbi furan oo niyad fiican iyo walaaltinimo ku jirto u taageerrtaan Daahir Riyaale iyo dawladdiisa. Daahir waa qof malakul mawtna wuu sugayaa dhulka iyo dad intii noolba way hadhi waqti kow iyo laba la yidhina waxba maaha oo waa berito.

Haddise aydin sidaas yeeli waydaan waxaad ogaataan in dad badan oo wanaagga Somaliland jeclayni ka faa’iidaysanayaan mawqifkaas aad qaadateen oo wadanka qas ku abuuri karaan. Dadka xabad qori ka dhacdaa uun ma layso (disho) ee siyaabo badan oo kale ayay dadku u dhintaan kaneeco yar oo cuntayna ku daroo. Waad xusuusan kartaan markii aad dagaalka kula jirteen ciidamadii dawladdii Siyaad Bare idinka oo dagaalamaya ay dadkiina kaneeco laysay oo dabadeed dagaal kale halkaas idinkaga furmay.

Walaalayaal waa in aydin u wada shaqaysaan dhamaantiin sidii wadanku ku gaadhi lahaa horumar dadkuna nabad ku wada noolaan lahaayeen .

A. DAAHIR RIYAALE KAAHIN.

Waxaan kuu hambalyaynaynaa nasiibka aad u yeelatay in aad taariikhda Somaliland noqotay madax weynihii u horeeyay ee si sharci ah lagu doorto, nasiib darose aan weli adduunku ictiraafin. Madaxweyne waa masuuliyad aad u wayn ilaahay ha kula qabto.

Anigu kuguma eedaynayo in aad tahay musuq iyo laaluush cune laakiin waddanka in badan ayaad iminka ka ahayd madax wayne ku xiggeen iyo madax wayneba maamul xumo badan ayaana wadanka ka jirta. Anigu haddaan tusaale u soo qaato Somaliland ilaha dakhligu ka soo galaan waa yar yihiin taas oo ay dadku u siman yihiin meel kasta oo dalka ka joogaan. Haddaba su’aasha aan ku waydiinayaa adiga iyo dawladdaada waxay tahay sidee ayay u dhacday in dadkii ilaha dhaqaalaha loo dhiibay laga soo bilaabo 1992 ilaa hadda ay haystaan? Ma dhaxal ayay u heleen? Somaliland si fiican ayay isugu filaan kartaa haddii dhaqaalaheedda si fiican loo maamulo.

Waxaa madax weyne adiga oo iga raaliya kuu soo gudbinayaa dhawrkan qodob ee hoos ku qoran:

Madax weyne waa in ay meesha ka baxdo sadaqada ay ururada shisheeye idin siiyaan ee idinkuna ku darsataan miisaaniyadda sanad laha ah. Waa in aad si fiican ula xisaabtantaa dadka ka masuulka ah xoolaha ummadda.

Madaxweyne waa in aad ilaaliso xuquuqda dadka xasuusatona in ilaahay mar walba kula xisaabtamayo. Wixii hore u dhacayna aanay dhicin mar labaad qofna xaqiisa yaan la duudsiyin.

Dadka haya meelaha sar sare ee dawladda la galiyo diiwaan wixii ay hanti leeyihiin intaan xilka loo dhiibin una samayso guddi u gaar ah oo daba gasha laaluushka iyo lunsiga xoolaha qaranka.

In aad u saarto guddi sidii wadanka sucuudiga loogala xaajoon lahaa sidii xoolaheena loogu iib gayn lahaa wadankooda. Madax weyne xitaa haddii aad adigu tagi karto waa in aad tagtaa. Haddii kalena aad u saarto guddi balaadhan oo aad xoog saarto sidii dhaqaalaheena kowaad u soo noqon lahaa mar labaad.

Mar haddii aanaynu weli hayn ictiraaf waxaa wanaaggu ku jiraa in aad la tashato mucaaridka si fiicanna u wada shaqaysaan.

Wax badan ayaynu isku maaweelinay in aynu helnay dad khayraadka wadanka inoo soo saara, mase dhicin taasi oo been ayaynu nafteena in badan hadda ku maaweelinaynay. Sida kaliya ee aynu khayraadkeena uga faa’iidaysanaynaa waxa weeye inaga oo isu tagna oo qof waloo Somaliland ahi uu qaybtiisa ku darsado ha yaraato ama ha waynaato’e.

Laguna dadaalo sidii loo soo saari lahaa. Waxaan haddaba haddii aad dawladdii tihiin la idinka baahan yahay in aydin ka shaqaysaan sidii arintaas loo suurto gelin lahaa.

Waxaa madax weyne kale oo aan kaa doonaynaa in aad samayso gudi ka wakiil ah baytul maal. Maalkaas oo ka imanaya xagga dawladda iyo dadkaba lana siinayo dadka xaqa u yeeshay. Nidaamkaas oo suurto galinaya siddii loo soo ururin lahaa sakada, sadaqada iyo dawladdu waxay ku darto si loo caawiyo dadka badan ee tabaalaysan. Sidaad og tahayba maanta waxaan leenahay ururo badan oo samofal ah waxaase aynu u baahan nahay in aynu awooddeena meel isugu gayno.

Madaxweyne waa in aydin ansixisaan sharci gaar ah oo khuseeya sidii warshad loogu samayn lahaa sibidhka Berbera. Dawladdu waa in ay samayso mashruuc baadhaya sida ay suurto gal u tahay in mar labaad la isku dayo in la sameeyo sibidhkii taas oo wadanka u celin lahayd lacagta adag ee dibedda uga baxda soona gelin lahayd lacag adag marka loo iib geeyo dalalka aynu jaarka nahay. Waa in aydin isku daydaan sidii aydin ula xidhiidhi lahaydeen shirkaddii qandaraaska lagu siiyay in ay maamusho warshadda sibidhka ee Berbera 1984 kii. Taas oo ahayd Fransiis magaceedana loo yaqaanay Lafarge Coppee Laualin. Bishii February, 1985 waxaa dawladdii Somaliyeed saxeexday heshiis ay la gashay shirkaddii la odhan jiray French Agency Caisse Centrale De Cooperation Economique. Taas oo bixisay US$16.4 milyan oo amaah ah. Lacagtaas wax yar ayaa mashiino lagu soo iibiyay intii kalena waxa loo kala qaatay dilaalnimo oo halkii lagu saxeexay ayaa lagu kala qaybsaday.

A. JAMA -Accountant (ACPA-ASA), AUSTRALIA.

Top


Waadiga ciyaaraha, C/fataax M. Caydiid.

AC Milan Oo Markii Lixaad Ku Guulaysatay Horyaalnimada Kooxaha Yurub
1963, 1969, 1989, 1990, 1994 iyo 2003.

Manchester, England (Haatuf): Wakhtigii rasmiga ahaae ciyaartu muu ahayn mid ku fillan, xataa labadii wakhti ee dheeraadka ahaa ee lagu daray may noqon qaar ku fillan. Ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee tartanka horyaalka yurub ee dhexmaray kooxda AC Milan iyo Juventus habeenkii Arbacadii, waxaana la go’aansaday in rigoorayaal lagu kala baxo. Kadib markii la isweydaarsaday darbado xiise iyo xamaasadba leh, waxa horyaalnimadii loo caleemo saaray kooxda AC Milan (Rossoneri), taas oo ka dhigtay markii lixaad ee ay kooxdani ku guulaysato hannashada horyaalka Yurub (European Champion).

Si kastaba ha ahaatee, ciyaartaas oo ku dhammaatay barbardhac aan wax goolal ah laysku dhalin, haddana waxay ahayd ciyaartaasi mid aad u tayo saraysay oo lagu ciyaarayay garoonka jawiga wacan ee Old Trafford. Ciyaartu waxay bilowgii horeba ahayd mid saraysa oo labada kooxoodba isku dayayeen in ay ciyaarta hore ugu maraan, xataa daqiiqadihii hore ee ciyaarta. Kooxda Milan ayaa weerarka qabsatay, Rui Costa ayaana jebiyay gidaarka difaaca Juventus sagaal daqiiqadood kadib bilowgii ciyaarta. Ciyaartoyga Bortaqiiska ahi, waxa uu helay Pippo Inzaghi oo dhanka bidix ka ordaya, kadibna wuu u baasay, waxaanu Inzaghi kubadii u karoosay Shevchenko oo aan markaa cidi ilaalinayn, waxaa kubadda ku laaday goolwade Buffon oo ka dhaliyay goolka, balse caawiyaha garsooraha ciyaarta ayaa ku tilmaamay in Rui Costa diilinta ofsaydhka (offside) ku jiray. Goolkaasina waxa uu noqday mid aan sharci ahayn, waa la diiday.

Dhinaca kale, David Trezeguet ayaa lumiyay fursad dahabiya, kadib markii uu kubad uu Lilian Thuram u soo karoosay madaxa ku dhuftay, laakiin kubadaasi ay goolka dul martay. Kubaddaa kadibna waxa kooxda Juventus la saaray baragshar xoog ah oo ciyaarta qay bteedii hore lagu hayay.

Shevchenko, ayaa ka faa’iidaystay khalad uu galay ciyaartoyga Juventus ee Paolo Montero, waxaanu u tuuray kubaddaa Clarence Seedorf oo midigtiisa ka ciyaarayay, waxaanu Seedorf kubaddaa u karoosay Pippo Inzaghi oo madax ku dhuftay, balse Buffon ayaa si wanaagsan kubaddaa uga qabtay.

Qaybtii dambe ciyaartu waxay ahayd sidii tii hore, walow ay kooxda Juventus weerarkeeda xoojisay, waxaanay samaysay beddel ciyaartoy, Mauro Camoranesi ayaa ciyaarta ka baxay waxaana lagu soo bedelay Antonio Conte, waxaan ciyaartoygan cusubi madaxa ku sigay kubad uu u soo karoosay Del Piero, waxaanay kooxda Milan la kulantay baragshar xoogan, tan iyo daqiiqadii 60aad markii Maldini helay fursad uu ku furi lahaa gool dhalinta, isagoo madaxa ku dhuftay kubad xor ahayd oo uu soo laaday Andrea Pirlo.

Tababaraha Juventus, Lippi ayaa bedelay ciyaartoyga reer Holland Davids, isagoo ku soo bedelay Zalayeta daqiiqadii 65aad, halka kooxda Milan uu Ancelotti bedelay Costacurta iyo Pirlo, laguna soo bedelay Roque Junior iyo Serginho. Ciyaartoyga reer Brazil ee Serginho, ayaa si degdeg ah dhaqaaq u sameeyay kadib markii uu kubad u karoosay Inzaghi oo mar labaad madaxa ku dhuftay balse ay markan goolka garab martay. Anzelotti, ayaa mar kale Rui Costa bedel ku sameeyay, waxaanu soo geliyay ciyaarta Massimo Ambrosini.

Seedorf ayaa isaguna tijaabiyay nasiibkiisa, waxaanu ku laaday goolka darbad khafiifa oo uu si sahal ah u badbaadiyay Goolwade Buffon, waxaanu wakhtigii rasmiga ahaa ee ciyaartu ku dhammaaday iyadoon wax goolal ah aanay labada kooxood midna dhalin.

Wakhtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray oo wakhtigiisu dhan yahay 30 daqiiqadood kooxda Milan waxay ahayd mid curyaan lagu tilmaami karo, kadib markii ciyaartoyga Roque Junior uu soo gaadhay dhaawac, taas oo aan u saamaxay inuu awoodo orod, suurta-galna ahayn in la bedelo, sababtoo ah waxay Milan dhammaysatay tiradii ciyaartoyda ahayd ee loogu talo-galay in ay beddeli karto, waxaanay ciyaartii ku socotay sidaa.

Conte iyo Del Piero, ayaa iyagu min hal fursadood helay wakhtigii dheeraadka ahaa, balse may awoodin in ay kooxdooda siiyaan hogaanka ciyaarta, ciyaartiina waxay noqotay in rigoorayaal laysu dhigto.
Rigoorayaasha labada kooxood oo ah mid kiiba 5 rigoore, ayay kooxda Juventus noqotay ta ku horeysay laadida rigoorayaasha, waxaana rigoorihii koowaad u laaday weeraryahanka David Trezeguet, kaas oo uu goolwadaha Milan ka qabtay rigoorihii koowaad.

Waxaanay u kala laadeen kooxuhu sidan soo socota:

Juventus:

Waxa dhaliyay; Birindeli, iyo Del Piero.

Waxa laga qabtay: David Trezeguet, Marcelo Zalayeta, Paolo Montero

AC Milan:

Waxa dhaliyay: Serginho, Alessandro Nesta iyo Andriy Shevchenko.

Waxa laga qabtay: Clarence Seedorf iyo Kakka Kaladze.

Sidaa daraadeed, waxay kooxda AC Milan ku guulaysatay 3-2 kadib markii ay rigoorayaasheedii shanta ahaa Saddex ka mid ah dhallisay, halka Juventus ay laba ka mid ah dhallisay saddexna laga qabtay.

Andriy Shevchenko, oo ah ciyaartoyga kooxda Milan u laaday rigoorihii ugu dambeeyay ee ay guushu ku raacday, isla markaana ahaa rigooraha beddelay go’aankii sii wadida rigoorayaasha, ayaa ka waramay arrintaas sidii uu arkayay, waxaanu yidhi; “Naftayda ayaan weydiiyay in aan laado rigooraha ugu dambeeya, ma aan baqayn, maxaa yeelay, waxaan yiqiinsanaa inuu yahay mid aad iyo aad u muhiim ah. Aad ayaan u deganaa markii aan taagnaa goobta aan ka laadayay rigooraha, kadibna markii aan arkay kubadii in ay dhaaftay Buffon (Goolhayaha Juventus), waxaan mar keliya ku fekeray oo aan isweydiiyay ‘Miyaynu u baahannahay in aynu rigoore kale laadno’. Runtiina, umaanu baahan. Aad ayaanan ugu faraxsanahay kooxda, ciyaartoyda iyo taageerayaashaba. Guushan waxaanu ka soo shaqaynaynay tan iyo maalintii ugu horeysay ee xilli-ciyaareedkani bilaabmay.”

Hannashada Horyaalka Tartankani, waxa uu ciyaartoygan reer Ukrayn ugu fadhiyay qiime aad u weyn, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi: “Horyaalkani wuxuu iila macne yahay wax kasta noloshayda, halka aan fursado yar u haysto in aan ku guulaysto koobka adduunka anigoo ku ciyaaraya magaca xulka wadankayga.”

Ciyaartoyga Rino Gattuso ayaa isaguna ka waramay dareenkiisa ku waajahan guushan ay gaadhay kooxdiisu, waxaanu yidhi: “Waa dareen aan caadi ahayn, kadib afar sannadood oo aad u adkaa ayaan ku guulaystay. Waxaan weligayba intii aan soo barbaarayay aan ku riyoon jiray anigoo ciyaaraya ciyaaraha kubadda cagta ugu heerka sareeya, waxaanay tani aniga ii tahay tii ugu wanaagsanayd. Ugu dambayntiina Milanello, waxa la dhigi doonaa sawir aniga oo kor u haya koobka horyaalka Yurub. Waxaan guushan ugu hambalyaynayaa magaaladaydii, saaxiibaday iyoi qoyskaygiiba.”

Seedorf, ciyaartoyga Dutchka ee khadka dhexe ka ciyaara oo isagu hore ugula guulaystay koobkan kooxaha Ajax Amsterdam sannadkii 1995-kii iyo Real Madrid 1998-kii, ayaa isagu aad u ilmeeyay ciyaarta kadib markii uu ku guulaystay horyaalnimada Yurub markii saddexaad oo uu kooxdii saddexaad kula guulaystay, taas oo uu Saddex jeerba ciyaarta kama-dambaysta kaga qaaday Juventus.

“Aad ayaan deggenahay uguna faraxsannahay, waa shay cajiib ah.” Sidaa waxa yidhi Seedorf oo ay qiiro ka muuqato, ka hor intii aan loo gelin miidaaliyadiisii saddexaad, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi: “Jawigu, waxa uu ahaa mid aad u macaan.”

“Waxaan u malaynayaa ugu dambeyn in aanu u qalano, dhammaan horyaalnimada, waxaanu samaynay wax weyn, shaqo weyn.” Ayuu raaciyay Seedorf.

Kabtanka kooxda Milan, Paolo Maldini, oo aabihii horyaalnimada qaaday afartan (40) sannadood ka hor oo ku qaaday garoonka Wembley ee dalka Ingiriiska, ayaa isaguna markii afraad ku guulaystay miidaaliyadda lix ciyaarood oo kama-dambays ah oo uu u saftay kooxdiisa.

Top