Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 344 June 1, 2003

Xisbiga KULMIYE Oo Ku Eedeeyay UDUB Inaanu Fulin Qodobadii Ay Ku Heshiiyeen Labada Dhinac, “Xisbiga KULMIYE Jawaab Ayuu Ka Bixin Doonaa Haddii Aan Loo Wada Hogaansamin Heshiiskaas,” War-Saxaafadeed - Afhayeenka KULMIYE.

9 Xildhibaan Oo Ka tirsan Dawladda Carta kana Soo Jeeda Somaliland Oo U Firxaday Waqooyiga Muqdisho.

Agoonka Cabdi Aw Daahir Iyo Been-Abuurkiisa, Ambassador Cawil Cali Ducaale.

Maxaabiis Siyaasad U Xidhan Oo Aan Maxkamad Lasoo Taagin.

Sheekada Ninka Aadka U Dheer Ee Ina-Bisad.

Shir-Madaxeed Paris Uga Furmaya Dalalka G-8.

Madaxweynaha Maraykanka Oo Taageeray Dhismaha Dal Madaxbanaan Oo Falastiin Leedahay.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Imisa Qof Ayaa Sanad Walba U Dhinta Sigaar Cabista?

Mudane Siilaanyo Tabashooyinkaaga Uga Tanaasul Shacabkaaga Somaliland.

Xeeraw Maxaad Tahay? Gar-Yaqaan Rooble Maykal Mariano.

Samirbaa Wax Suureeya.

Dhallinta Somaliland Iyo Isticmaalka Internet-Ka.


Xisbiga KULMIYE Oo Ku Eedeeyay UDUB Inaanu Fulin Qodobadii Ay Ku Heshiiyeen Labada Dhinac, “Xisbiga KULMIYE Jawaab Ayuu Ka Bixin Doonaa Haddii Aan Loo Wada Hogaansamin Heshiiskaas,” War-Saxaafadeed - Afhayeenka KULMIYE.

Hargeysa (Haatuf): Xisbiga KULMIYE ayaa ku eedeeyay xisbiga UDUB inuu weli sii wado dacaayadihii ay ballantu ahayd in la kala joojisto, taasoo uu sheegay inay ka socoto Radio Hargeysa iyo wargeyska MAANDEEQ.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga KULMIYE oo uu ku saxeexan yahay af-hayeenka xisbigaasi, Maxamed Iid Dhimbiil dhinacooda weli way u hoggaansan yihiin ballan-qaadkii ay la galeen salaadiinta iyo ururka suxufiyiinta ee SOLJA, balse waxa uu ku dooday inaan xisbiga UDUB u hoggaansamin ballantaasi oo uu sii wado dacaayadihii, waxaanu ku hanjabay inay ka jawaabi doonaan dacaayadahaasi haddii aanu joojin UDUB. War-saxaafadeedkaas oo dhammaystirana wuxuu u qornaa sidan:

“Xisbiga KULMIYE weli waxa uu u hoggaansan yahay ballan-qaadkii uu siiyay salaadiinta iyo SOLJA ee ahaa in la joojiyo wixii dacaayada, waxase weli wada dacaayadii xisbiga UDUB, taasoo cadaynaysa in aan xisbiga UDUB u hoggaansanayn ballanqaadkii uu galay.

Maandeeq iyo Raadyow Hargeysa-ba waxa maanta iyo shalayba (Sabti iyo Jimcihii) ay sii wadeen caytankii. Su’aal ayay naga tahay in heshiiskii labada dhinac siiyeen Solja iyo salaadiinta miyuu ka baxay xisbigoodu.

Haddaba xisbiga KULMIYE jawaab ayuu ka bixin doonaa haddii aan loo wada hoggaansamin heshiiskaas. Waxa kaloo xisbiga KULMIYE uu farayaa taageerayaashiisa in ay ilaaliyaan heshiisyada iyo wixii kale ee nabada wax u taraya.”

Top  


9 Xildhibaan Oo Ka tirsan Dawladda Carta kana Soo Jeeda Somaliland Oo U Firxaday Waqooyiga Muqdisho.

9 Xildhibaan Oo Ka tirsan Dawladda Carta kana Soo Jeeda Somaliland Oo U Firxaday Waqooyiga Muqdisho.

Muqdisho (Haatuf): 9 Xubnood oo ka tirsan baarlamaanka dawladda C/Qaasim ayaa la sheegay inay u firxadeen waqooyiga Muqdisho, ka dib markii ay xaaladoodu cidhiidhi gashay. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Muqdisho Yaasiin Maxamed Xubnahaasi waxay rajo ka qabaan in loo qaado shirka Nairobi, balse waxaa loo badinayaa in halkaa loo afduubay, loona qafaashay xubnahaasi oo ku jira Hotelka la yidhaahdo Global waxa warbixintan xaaladooda ka soo diray weriye Yaasiin Maxamed waana tan”Waxaa muddo laba toddobaad ah ku sugnaa hotelka GLOBAL e ewaqooyiga Muqdisho Sagaal xildhibaan iyo hal wasiirodowle oo katirsan dowladda kumeelgaadhka ah kana soojeeda Somaliland.

Sida auu iixaqiijiyay xiis muuse cawaale iyo saalax badbaado mar aan ku booqday hotelka ay deggan yihiin Waxay iisheegeen in hotelka ay kusoodegeen casuumad looga fidiyey inay kudegaan hotelka kadibna laga qaadayo oo loogudbinaayo shirka kasocda Nairobi iyagoo aan golaha baarlamaanka latashan iyo cidkale toona maanta nin waliba halki dni ugu jirto ayuu la qabsanayaa sidaa waxaa igu yidhi xiis muuse oo dhoola cadeenayaa oo ii sheegay in ay ka heleen soo dhaweyn wanaagsan mar aan wax ka waydiiayay cidda ka bixinaysaa kharashka oo qofkiiba uu ku seexdo habeenkii $30 dollar wuu ii sheegay in aanu diyaar aheyn in uu ka jawaabo balse mar aan u kuurgalay ayaa dadka qaar kood iisheegeen in ganacsadaa oo layidhaahdo Bashiir Raage oo ay isku heeb yihiin maxamed Cumar xabeeb (Maxamed dheere) waxayna ii sheegaeen in viisoonyinka iyo waxa uu ku howlan yahay Maxamed warase Cali mar aan wax ka waydiiyay in ay casuumada cidka hadhay iyo in kale waxey ii sheegeen in ay dadbani ka hadhay oo iska diideen waxeyna ii sheegeen in ay dad badan ka xunyihiin in aanu kaligayo meel marno waxaan wax ka weydiiyay sidee ay u arkaan shirkaan Nairobi iyo booska ay ku yeelan karaan in ay aad ugu han wayyihiin in ay wax ka soo helaan.

Dhinaca kale oo aan la kulmay Xildhibaan C/llaahi Cabdi Cigaal (suna cirro) mar aan wax ka weydiiyay kooxda ku xareysan Hotel Golobal wuxuu ii sheegay (soomaali waxa ay tidhaahdaa meeshaa ku qoysato ayaa lagu qalajistaa) nimankaas way shakiyeen siyaasada waa laba miishaaroodoo is dhexmareysa waxaanan ogahay in ay cidla gudayaan oo aanay meel u socdaan iyo meel ay ka socdaan midna garaneyn markii ugu danbeysay ayee manta ka haraan may aheen.

Haddaba macagyada nimankaas waa sidan:

1. Xiis Muuse Cawaale
2. Khadar binu caalim
3. Sahal Nuux Ismaaciil
4. Maxamed c/ Cawad
5. Maxamed Cali Ismaaciil
6. Sh.xasan Ismaaciil Bille
7. Xuseen Cabdi Salaan
8. C/rax,maan Cusmaan Dirir
9. Ismaaciil Aadan Samaale

Xildhibaan Sh. Xassan oo gacanta ugu jira koox dabley ah waxaa maalin 15naad gacanta ugu jira Sh. Xasan Ismaaciil Bille oo ka tirasan xildhibaanada ka soo jeeda Somaliland mar aan u kuurgalay qabashada Xildhibaanka ayaa waxa la ii sheegay in uu afduubay nin darawal u ahaa oo u kireysnaa gaadhi 124 oo isagu ku shaqa tagi jiray sanadkii ugu danbeeyay waxaana la iis heeg in uu lacaga gaadhaysa $ 15 Dollar kirada gaadhiga bishi waxay ay aheyd sida la ii sheegay $250 Dollar.

Mar aan wax ka waydiiyay xaaladiisa caafimaad wiil uu adeer u yayhay iyo wixii xaalkiisa laga yeelayo iyo ciddii ka bixinaysa kharashka wuxuu iisheegay in aanu hadda carabaabi karin cidda ka bixinaysa balse in uu ka war-sugayo nimanka Hodheelka dajiyay in ay ka bixiyaan ka warsugayo in kastoo waqtiga isi sii gurayo haddan muddo laba wiik ah gacanta ugu jiro waxa ay dadbadi walaac ka muu jiyeen dableyda haysata mar hadii lacag laga bixin waayo ay dhibaato u soo jiidi doonto sheikha.

Top


Agoonka Cabdi Aw Daahir Iyo Been-Abuurkiisa, Ambassador Cawil Cali Ducaale.

Hargeysa (Haatuf): Ambassador Cawil Cali Ducaale ayaa na soo gaadhsiiyey qoraal uu ugu jawaabayo Cabdi Aw Daahir iyo C/Raxmaan C/Qaadir oo eedaymo ugu soo jeediyey war ku soo baxay wargeyska Haatuf maalintii jimcihii, iyaga oo daba socday dood uu Ambassador Cawil kaga qayb galay Radio Hargeysa, qoraalka Ambassador Cawil ee jawaabta uu iskaga difaacayo eedaymahaas waxa uu u qornaa sidan:

“Waxaan jawaab ka bixinayaa maqaal uu Cabdi Aw Daahir ku qoray maalmihii Khamiistii iyo Jimcihii Wargeyska Haatuf, kuwaasii oo ahaa aflagaado cad. Wiilka ku lamaanaa Cabdi Aw Daahir, weligiis ma arkin, mana aqaano, waxaana la ii sheegay inaaney maskaxdiisu hagaagsanayn.
Hadalkii aan Radio Hargeysa ka idhi, ayey rag niyadoodu buktaa si khalad ah u fasireen. Masaal ayaan bixiyey in beelaha Somaliand, la dagaalameen beel sheegatey iney federal yihiin, iyaga oo badbaadinaya midnimada iyo jiritaanka Somaliland.

Taasoo beelaha Somaliland xeer ma guuraan ah u noqotay in cid kasta oo jiritaanka iyo midnimada Somaliland ka hortimaada meel looga soo wada jeesto. Waxaan tilmaamey inuu bayaankii xisbiga KULMIYE, xeerkii beeluhu hore u dhigteen si cad uga soo horjeedo, isaga oo gebi ahaanba dafirey shuruucdii dalka u yaalay dhamaantood, oo xambaarsanaa iney dafirsan yihiin jiritaanka Somaliland. Hase yeeshee Cabdi Aw Daahir iyo wiilasha yar yar ee la socdaa, waxay ka dhigeen iney ujeedadaydu ahayd inaan beelo iska horkeeno. Waxay kaloo ka dhigeen iney hadalkaygii u ku jiray, in beelaha qaarna adkaadeen, qaarna laga adkaadey, taasoo been abuu cad ah. Xaasha ujeedada hadalkaygu taasi may ahayn, waanu ka fog yahay sida guracan ee ay u turjumteen, dad meeli bukto.

Sharaftayda maaha inaan la yooyootamo inan oo geeli ba’ay, agoon siyaasadeed noqday oo dhaxal raadis ah.

waaa hubaal in marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, uu Cabdi Aw Daahir ka dhigtay wiilkiisa siyaasadeed meel sarena u qorshaysanayey markuu hawl gabo. Marxuumkii ayaa tii alle u timid, isaga oo aan dhaxalkii u qorin Cabdi Aw Daahir Waan garan karaa jaho wareerka haya, wiil uu ka lumay dhaxalkii aabihii.

Cabdi Aw Daahir, waxaan xusuusinayaa in carruurtii uu dhalay Marxuum Cigaal ee jidhkiisa ka soo go’day ay samir iyo iimaan ka qaateen dhimashadii aabahood. Cabdi Aw Daahir-na waxa la gudboon inuu samir iyo iimaan ka qaato, dhimashada aabihiisii siyaasadeed marxuum Cigaal, niyadana u sheego inaanu Cigaal dib dambe u soo noolaanayn, dhaxal uu meelnaba ka helayaana aanu jirin.

Cabdi Aw Daahir waxaan kula talinayaa, inuu ka xishoodo iskana dhaafo hadal haynta faraha badan ee magaca Marxuum Cigaal, ee siyaasadeysan, sida erayadii uu ka yidhi xuskii marxuum Cigaal ee ahaa “Ninkii dhaxalkii la dhuuntaw, ma dhulkaad la hoos geli” iyo tan maanta uu sheegay ee ah “Marxuum Cigaal ayaa igu odhan jiray, Cawil ha aaminin”.
Waxase isweydiin leh wacadka aan la galay inankan yar ee halawsan ee aan kaga baxay, isaga oo hadalkiisa u dhigay inaanu wax isku ogayn oo aan kaga baxay. Cabdi Aw Daahir, waa wada dun xumaadaada inaad qof mootan hadallo been abuur ah aad ka sheegtid.

Cabdi Aw Daahir, waxaan kuu sheegayaa inaanu marxuum Cigaal is naqaanay, markaad miyi joogtay ee aad qaawanayd. Arrimaha geeska Afrikana, marxuum Cigaal mar walbana wuu igala tashan jiray, saaxiibtinimo fiican ayaana naga dhaxaysay, Eebe naxariistii janno ha ka waraabiyo.

Cabdi Aw Daahir wuu igu dhaleeceeyey inaanan dagaalkii sokeeye ee ay beeshu la gashay beelaha kale ee Somaliland aan ka soo horjeeday, xaqiiq weeye, waanan ku faanaa, inaanan dagaal sokeeye ka qayb gelin, taariikhdana ii markhaati furtey, xaasha inaan dagaal sokeeye ka qayb galo, mid hore iyo mid dambeba.

Cabdi Aw Daahir waxaan u sheegayaa in markaan safiirka ka ahaa dawladdii Maxamed Siyaad Barre, aan ahaa safiir la ixtiraamo, hawshiisana si hufan uga soo baxa.

Cabdi Aw Daahir waxaan u sheegayaa in Ilaahay dalkayga igu dhex siiyey hanti igu filan, una baahnayn dawlad iyo cid kale toona, sida maanta intuu sanaati kuu tuuro, madaxa KULMIYE, kugu dirqiyayo inaad I aflagaadayso. Wuxuu ku siiyo aniga ayaa ku siin kara, oo aan weliba hayaanad lahayn.

Cabdi Aw Daahir, waxaan weydiinayaa meesha aan dad ku laayey, anigu sidiisa kuma fool-dhaqan dhiigga beelaha uu ka dhashay ee uu iska horkeenay.

Cabdi Aw Daahir, waxaan xasuusinayaa inuu ahaa markay dawladdu ka shirtay khilaafkii salaadiinta ninkii ku adkaystay in guriga Suldaan Bare, ee lixda Suldaan e kale ku jireen, in madaafiic lala dhaco, oo dhulka lala simo, salaadiintuna halkaasi ku wada dhintaan, iyo maataddii ag deganaydba.

Cabdi Aw Daahir, waxaad tahay inan yar oo ku faraxasha dhiig-daadinta, taasoo ah shaqaada keliya ee aad khabiirka ku tahay, sida beelaha walaalaha ah ee aad dhiigooda isugu daadisid.

Cabdi Aw Daahiraw, markaad dooneysay in salaadiinta la gumaado, aniguna marxuumkii Cigaal, telefoono ayaan uga soo dirayey Nairobi, anoo uga digaya falkaasi khatarta xambaarsanaa. Xataa marxuum Cigfaal waxaan la hadalsiiyey shakhsi ay aad u saaxiib ahaayeen, oo isna ka waaniyey marxuumkii, in salaadiinta oo la gumaadaa sumcad xumo weyn u soo jiidi doonto madaxtinimadiisa.

Cabdi Aw Daahiraw, waxaan kuu sheegayaa inaan dalkayga Somaliland iyo dadkiisaba aan jecelahay, una rajaynayo nabad, barwaaqo, horumar iyo Ictiraaf, dalkayga waxaan u qabtana aanad hadaad boqol sano oo dambe aad noolaato, aanad u qaban karin.

Cabdi Aw Daahiraw, waxaan kuu sheegayaa inaanan ciddii danta ummaddan ka hor-timaada aanan ugu habranayn saaxiib, shakhsi, beel amaba xisbi. Markaan sii raaco dun-xumida Cabdi Aw Daahir, waxaan xasuusta in aniga Suldaan Cismaan iyo Maxamed Baar-Jeex heshiisiiyey isaga iyo Cali Waran Cade, oo ka cadhooday jagada xoghayaha guud ee Madaxweyne Cigaal u dhiibey Cabdi Aw Daahir, markii aanu gacmaha isu saarnay, isaga iyo Cali Waran-Cade, ayaanu isla fadhigaasi aniga iyo Suldaan Cismaan go’aansanay inaanu heshiisiino Cali Waran-Cade iyo Madaxweyne Cigaal, una tagno Cigaal 11:00-ka subaxnimo, isla habeenkii ayuu Cabdi Aw Daahir u dusey Madaxweyne Cigaal, una sheegay qasdiga aanu kulankaasi ka leenahay. Maalintii aanu aniga iyo Suldaan Cismaan la kulmi lahayn madaxweynaha ayuu 9-kii subaxnimo madaxweyne Cigaal xilkii wasiirnimo ka qaaday Cali Warancade, isaga oo madaxweyne Cigaal u arkey inuu hadiday , baqdina geliyey, wiilkiisii siyaasadeed, uuu soo barbaarinayey, Cabdi Aw Daahir, wuxuu ku ahaa Marxuum Cigaal khasaare joogto ah, isaga oo kala fogeeyey marxuum Cigaal iyo wax-garadkii beesha, iyaga oo dhamaantood u arkayey, inaanu Cabdi Aw Daahir u qalmin jagada uu madaxweyne Cigaal u dhiibay, oo aad u muhiim ahayd, ay cadaatayna marxuumka oo weli nool markii isaga iyo guddigii fulinta iyo golihii dhexeba ay is naceen markii uu la kufay, la jeesay lana marin-habaabiyey awoodii aanu qaadi karin ee garbaha laga saaray.

Wax-garadka beeshu wey indha-dheeraayeen, nasiib darro haddana Cabdi Aw Daahir, Madaxweyne Cigaal oon lix bilood mootanayn ayuu xisbigii ku dur-duriyey oo isaga oo kaba la’ uu banaanka is dhigey.

Cabdi Aw Daahiraw, waxaa ku dhibtey cambaareyntii aan u soo jeediyey bayaankii KULMIYE, bal aan kuugu celiyo si uu kuugu sii duxo, bayaankii KULMIYE wuxuu ahaa mid u adeegayada cadawga Somaliland, dhaawac-weyna u geysanaya Ictiraaf-raadinta Somaliland. Anigoo ka mid ah, ragga ku hawlan Ictiraaf raadinta Somaliland.

Cabdi Aw Daahiraw, xisbiga UDUB wuu caafimaaday markay banana ku dhigeen, waayo waxaad ahayd kansar ku dhex jira. Waa ayaan darro inaad dubuurtii iyo cudurkiiba aad ula tagtay oo aan ka garan karo, sida ay xisbiga KULMIYE, ugu adkaatay iney erey yidhaahdaan “Xisbiga KULMIYE wuu aqbalay go’aankii maxkamadda sare ee doorashada”.

Ugu dambayntii, waxaan kula talinayaa iney xisbigooda ka ilaashadaan, wiilkan yar, ee beelo iyo xisbiba soo gubey, dhaxal-raadiska ah, haatana u jooga inuu xisbigiina ka tuuro jar iyo haadaan aydaan weligiin ka soo bixin. Waxaan kaloo Siilaanyo leeyahay iga jooji wiilashan yar-yar ee aan adeerka u ahay, aad intaad nac-nac soo siisid, ku amreysid Cawil soo shiida, aniguba wey I ag-joogaan qaar aad adeer u tahay, oo aan odhan karo Siilaanyo soo shiida.

Ambassador Cawil Cali Ducaale, Hargeysa.

Top


Maxaabiis Siyaasad U Xidhan Oo Aan Maxkamad Lasoo Taagin.

Hargeysa (Haatuf): Ugu yaraan dhawr iyo toban qof oo ay hay’adaha amnigu xabsiga u taxaabeen intii ka dambaysay 18 May ayaa ku jira xabsiga dhexe ee Hargeysa.

Maxaabiistaa oo ka mid ahaa dagaalyahankii SNM, wakhtigan badankoodu ahaayeen taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ilaa hadda si rasmi ah daboolka loogama qaadin sababaha dhabta ee ay u xidhan yihiin iyo nooca xadhigooda.

Hase yeeshee warar ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha ayaa hore u sheegay inay maxaabiistani u xidhan yihiin, sababo la xidhiidha nabadgelyada.

Maxaabiistan oo u badan rag dhalinyaro ah, ilaa hadda ma jirto maxkamadda sharci ah oo la horgeeyey, isla markaana lagama warhayo muddada uu xadhigoodu qaadan doono.

Nimankan oo dagaalyanadii SNM- ahaa, waxa ka mid ah Maxamed Axmed Xaashi Madar (Ina Weere), Maxamed Daahir, Axmed Barkhad, C/Casiis Aadan Habane, iyo qaar kale.

Top


Sheekada Ninka Aadka U Dheer Ee Ina-Bisad.

Wargeyska Telegraph - Weriyaha la yidhaahdo Adam Lusher oo ka tirsan wargeyska “Telegraph” oo kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa maqaal dheer ka qoray dadka ku uuman carriga Ingiriiska, isla markaana ah ninka labaad ee ugu dheer dunida, Mr. Xuseen Bisad oo ku dhashay Somaliland una dhashay.

Maqaalkaas oo uu weriyuhu kaga faalooday dhererka iyo qotonka aan caadiga ahayn ee Xuseen Bisad iyo mashaakilka ka haysta mujtamaca uu ku dhexnool yahay ee uu ka mudh-baxay wuxuuna qoraalka uu ninkaa kaga sheekaynayo ku bilaabay:

“Intuu sidii ilmo-yar madaxa ii salaaxay ayuu igu yidhi: “waar ninka gaaban iska waran,” taasoo aanan qoonsan, marka uu taagan yahay Xuseen ee aanu kabo gashanayn waa 2.31 mitir, kabaha uu gashadana qiyaastoodu waa 22, taasoo u dhiganta 22 inch, miisaankiisuna waa 171kgm, aniga oo dhererkaygu yahay 1.75mtr, markaan ishoos taagay Xuseen Bisad waxaan ugu dhacay meel xundhurta iyo laabta u dhaxaysa, markii dambena kor baan u eegay, waxaanan la tiigsaday salaan gacan-qaad ah, wuxuuna ii soo laalaadiyay wax gacan ka weyn oo taygiid ku dhex-luntay, waana gacanta ugu weyn dunida sida la sheegay, taasoo dhex-roorkeedu yahay marka laga bilaabo cukurka baabacada ilaa baarka fardhexada 27.15cmtr.”

dhakhaatiirta dalka Ingiriiska oo baadhitaan ku sameeyay Xuseen Bisad ayaa sheegay in qanjidhada koriinka oo dheecaan saayid ah sii daynayaa ay sabab u yihiin koritaankiisa deg-dega ah, taasoo dhakhaatiirta ku kelliftay inay Xuseen ku mudaan irbado joojiya koritaankiisa. Mr. Xuseen Bisad waxa ka dheer dunida nin keliya oo u dhashay dalka Tuuniisiya oo magaciisa la yidhaahdo Radwaan Sharbiib oo dhererkiisu yahay 2.35mtr. Hase yeeshee, Xuseen wuxuu aaminsan yahay inuu noqon doono ninka dunida ugu dheer marka dhowaan loo toosiyo lugta midig oo miisaankiisa la qaloocsantay.

Waxaana la sheegay inuu dhowaan tegi doono dalka Holland, halkaas oo loo geynayo mishiinka maskaxda baadha, kadib markii mishiinada dalka Ingiriiska yaala madaxiisu ka weynaaday, iyadoo dalka Holland loo geyn doono mishiinada lagu cabiro maskaxda oo noca fardaha loo isticmaalo ah.

Weriyaha oo uu uga waramay dhibaatooyinka uu kala kulmo carriga Ingiriiska Xuseen wuxuu yidhi; “Wadayaasha Basaska oo inta ay I geeyaan marka aan dhulka marayo shil geli gaadha, waxaana dhacday maalin maalmaha ka mid ah in nin gaadhigiisa watay uu firka-naxay markuu I arkay, isagoo markeliya bireega ku qabtay gadhigii, dabadeedna uu gaadhi kale dabada ka galay kiisa, waxa kaloo iyana aan la kulmay gabadh gaadhigeedii, iyadoo wadata intii ay isoo eegaysay gaadhi kale gashay.”

Top


Shir-Madaxeed Paris Uga Furmaya Dalalka G-8.

Paris (W.Wararka) - Waxa maanta ka furmaya dalka Faransiiska shir ay ku kulmayaan kooxda dalalka hore ugu maray dhinaca wershadaha ee loo yaqaan “G-8” waxaana shirkoodaasi Jadwalka ugu jirta ladagaalanka waxa loo yaqaan argagixisada iyo xadaynta fiditaanka hubka halista ah, sidoo kale waxay ka wadahadli doonaan arrimo ay ka mid yihiin kuwa ka taagan dalalka Ciraaq, Kuuriyada Waqooyi, mushkiladda Bariga Dhexe iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka taagan dunida.

Shir-madaxeedkan waxa loo arkaa mid ay ku doonayaan madaxda dalalkaasi inay ku xoojiyaan kaalintooda dhaqaale ee ay dunida ka taagan yihiin iyo hagaajinta cilaaqaadka Maraykanka iyo dalal ka tirsan Yurub, kaasoo xumaaday muddadii uu socday dagaalkii ay Maraykanka iyo Ingiriisku ku qaadeen dalka Ciraaq.

Madaxda shirka ka qaybqaadanaysa waxa ka mid ah Madaxweynaha Maraykanka oo isku dayaya inuu madaxda dalalkaasi ka dhaadhiciyo inuu sax ahaa dagaalkii ay ku qaadeen Ciraaq. Madaxweynaha Faransiiska Shaak Shiraak oo ka hadlayay shirkan uu dalkiisu martigelinayo ayaa sheegay inay ka wadahadli doonaan sidii loo hagaajin lahaa mustaqbalka dhaqaalaha adduunka iyo arrimo la xidhiidha hagaajinta horumarka adduunka ee dhinacyada biyaha, deegaanka iyo gaar ahaan sidii wax loogu qaban lahaa dalalka Afrika.

Shirkani waxa lagu wadaa inuu furo wadahadal ballaadhan oo laga yeesho dhaqaalaha caalamka, iyadoo lagu martiqaadayo dooda arrintaa ku saabsan 12 dawladood oo ka mid ah kuwa soo koraya oo ay ka mid yihiin Masar, Aljeriya, Nayjeriya, K/Afrika, Senegal, Mexico, Brazil, Shiinaha, Switzerland, Morroco, Malaysia iyo Hindiya, iyadoo la doonayo in la sameeyo iskaashi cusub oo dhexmara dalalkaasi iyo kuwa G-8 oo kala ah; Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Japan, Ruushka, iyo Kanada.

Top


Madaxweynaha Maraykanka Oo Taageeray Dhismaha Dal Madaxbanaan Oo Falastiin Leedahay.

Warsaw (W.wararka) - Madaxweynaha Maraykanka, George W. Bush oo ay u dhammaatay booqasho uu ku tegay dalka Poland ayaa sheegay inuu dedaal u geli doono sidii nabad waarta looga islaaxin lahaa Bariga Dhexe iyo sidii ay heshiis waara u gaadhi lahaayeen Falastiiniyiinta iyo Israa’iiliyiintu, si taasi ay dhabada ugu xaadho dhisitaanka dawlad ay leedahay Falastiin oo ka dhinac samaysanta Israa’iil, iyadoo labada dhinac ay nabad isku ag-deganaadaan. Waxaanu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyay gebogebadii booqashadii uu ku tegay Poland, isagoo wadahadal la yeeshay Madaxweynaha dalkaasi Alexander Kefaranivisk, isagoo intaa ku daray in tallaabooyinka ay qaadeen labadaasi dhinac beryahan dambe ay tahay mid dhiirigelinaysa sidii loo horumarin lahaa wadahadalka nabadeed ee ka socda Bariga Dhexe. Waxa kale oo uu ku baaqay in dalalka caalamku ay la dagaalamaan waxa uu ugu yeedhay argagixisada iyo in la iska kaashado sidii looga dabar-jari lahaa adduunka.

Booqashadan kadib madaxweynuhu waxa uu u ambabaxay booqasho uu ku tegay Ruushka, kadibna waxa maanta ka qaybgelayaa shir-madaxeedka G-8 ee ka dhacay dalka Faransiiska, kadibna waxa uu amba-bixi doono booqasho uu ku soo mari doono dalal ka tirsan Bariga Dhexe si uu u dhiirigeliyo hanaanka nabadda Bariga Dhexe oo lagu wado in shir lagaga wadahadlo arrintaasi lagu qabto dalalka Masar iyo Urdun toddobaadkan soo socda.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Imisa Qof Ayaa Sanad Walba U Dhinta Sigaar Cabista?

Sannad kasta waxa u dhinta sigaar cabista dad gaaraya ilaa 2.5 million oo qof aduunka oo dhan, Maraykanka keliya ayaa waxa u dhinta ilaa in kabadan 400,000 oo qof, iyada oo laga mam nuucay meelaha baarar ka ah iyo meelaha shaqooyinka iyo weliba in laga iibiyo sigaarka dadka da'doodu ka yar tahay 18 jir, iyada oo dadku u dhimanayaan sigaarka ayaa haddana shirkadaha soo saara ay ka helayaan faa'ido [profit] aad u badan.

Sidee bay u helaan faa'idadaas? Waxaa jira intaas oo sharci oo ka soo horjeeda sigaarka sannadkii 1998 ayaa sharci la soo saaray in aan sigaarka lagu cabin baarar ka [maqaayadaha], document laga helay shirkada weyn ee Philip Morris ee sigaarka ayaa sheegtay in arintaasi u yeelan doonto xaalad dhaqaale oo xun shirkadaha, sedex amaba shan sigaar oo uu yareeyo qofka cabaa ayaa khasaaro ugu filan shirkadahaas oo wayaya lacag dhan nus million dollar sanadkiiba.

Dedaal ay ku rabaan inay jeclesiiyaan dadka sigaarka caba ee u ah macaamiisha ayay sameeyaan, beeno iyo waxyaabo khayaali ah oo xayeysiina ayay soo bandhigaan si ay u soo jiitaan dadka caba sigaarka, una sameeyaan dedaal ay hoose ugu dhigayaan kuwa ku ah mucaaradka ee soo saara shuruucka ku lid ka ah, si ay u helaan faaiido.

Bal kawaran waxyeelada uu u gaysto sigaarku caafimaadka qofka aan cabin? Sannadkii 1993 ayaa waxaa warar shegeen in qofka aan cabin sigaarka laakiin agtiisa lagu cabo uu ku dhaco sanbab xanuuna uuna qaado cudurka Cancer-ka iyo laguna arko dhuunta oo cuduro ku dhacaan, waxaana arintaas sii cadeeyey boqolaal baadhis oo la sameeyey, iyada oo ay hadda leeyihiin shirkadaha sigaarku waxaas oo dhan ayaa been ah.
Philip Mosrris war uu sii daayey sanadkii 1987 ayuu ku sheegay in dedaalka ka dhan ka ah sigaarku uu 600,000 oo dhalinyaro ah ka xanibay inay cabaan balwadaas sigaarka, sanadkii 1978 ayaa la sheegay in ay ugu badan yihiin dadka caba sigaarka nooca Marlaboro dadka da'doodu ka yar tahay 17 sanno iyo weliba kuwa dhigta iskuulada sare, waxaana la ogaaday in sigaarku uu dilo in kabadan 20,000 oo qof Maraykan maalintiiba.

Mucaaridida sigaar cabida ayaa ah mid hadda aad loo maqlo dalka Maraykanka. Sigaar cabdidu waa dilaa dila dadka in ka badan inta ay dilaan shilalka, cabista khamirga iyo weliba isdilka iyo AIDS-ka.

Shirkadaha sigaarka ayaan kala eegin qofka waxa uu yahay ee laakiin waxay eegtaan doolarka jeebkooda kusoo dhacaya.

Qofkasta ayaa og dhibtiisa sigaarka iyo sida uu wax u dilo, markaa waa inaan iskaga fogaanaa, ma igu raacsantahay akhristow?

Dalka Somaliland ayaa uu sigaarku ka helay fursad aan la maamulayn [control], iyada oo ay sigaarka cabaan dad aan yarayn oo aad u badan oo dhalinyarada u badan, mana ku fikirayaan inay joojiyaan sigaarka xataa ma yaqaanan inay kala baxaan qolka ay kujiraan ciyaalkoodu amaba qolka jiifka.

Badnaanta sigaarka Soomaliya waxaa sababay iyada oo yar yihiin wacyi galinta halista sigaarku u lee dahay caafimaadka qofka, Somaliya ma jirto hay'ado dawli ah oo xakeemeeya isticmaalka sigaarka oo aan lahayn goobo xuduudeed uu ka xaniban yahay.

Cabista sigaarka ugu badan Somaliya waxaa aad loo cabaa marka la cunayo Jaadka (qaadka) Waxaa jira qaylo badan oo ka digaysa cabista sigaarka ee Afrika, hay'ada caafimaadka aduunka ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan WHO ayaa sheegtay dhowaan in dadka Afrika ay cabaan sigaarka inta ugu badan aduunka, waayo waxaa u geeysanaysa aqoon la'aanta iyo shaqo laanta ku badan Afrika.

Shirkadaha sigaarka ka ganacsada ayaa ka sameestay Afrika xarumo waa weeyn oo warshado ah, iyagoo ka soo cararaya lacagta tirada badan ee dalalka horumaray ku soo rogaan canshuurta warshadaha sigaarka soosaara, waxaana afrika ugu baaqda lacag badan oo ay ku bixin jireen canshuurta, waxaana wax lala yaabo ah iyada oo aanay waxba ka qaban dowladaha ka jira Afrika.

maamul ka jira Somaliland ayaan xil iska saarin halista sigaarku ku hayo dadkooda gaar ahaan dhalin yarada, iyadoo ay maalinba maalinta ka danbeeysa ay sii badanayso dadka baranaya sigaarka dalka Somaliland, si gaara dhalinyarada.

Sigaarka oo guba amaba madoobeeya wejiga qofka oo dila quruxda ilkaha ayaa waxa ugu daran ee uu keeno ay tahay cancer ka iyo sanbabada oo madoobaada iyo weliba shaxaad aan xishood lahayn.

Cabdulfataax Sheikh Cumar Caraale.

ARALEVIP@hotmail.com

Madras,INDIA.

Top


Mudane Siilaanyo Tabashooyinkaaga Uga Tanaasul Shacabkaaga Somaliland.

Waxaa aan shaki lahayn inay jiraan waxyaabo badan oo ay ka cabanayaan xisbiga Kulmiye oo ubaahan in la daaweeyo lagana wada hadlo oon layska dhaga tirin iyada oo lagu mashquulsanyahay guusha uu gaadhay Xisbiga UDUB, Xisbiga Kulmiye waa Xisbi ay ku hoos jiraan Mujaahidiintii Somaliland ka soo dhiciyey Faqash iyo Afwayne waana kuwa loo baahan doono haday khatari Somaliland kaga timaado cadowga ku gadaaman ee marnaba ogolayn inay Somaliland taabo gasho. Xisbiga Kulmiye doorashooyinkii dalka ka dhacay waxa uu ka soo hooyey natiijo aad iyo aad u saraysa taas oo uu ku sigtay inuu ka guulaysto Xisbiga Xukuumadda oo isticmaalayay waxyaabo badan oo uuna haysan Xisbiga Kulmiye, hadii uu heli lahaa ayna “laba cali” kuwada hadleen guushiisa Madaxtinimada Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Ahmed Mahamed Mahamoud “Siilaanyo” oo ah Mujaahid Qaaliya oo waxbadan u soo qabtay dib u xoraynta Somaliland ahaana gudoomiyihii SNM hay’adii uu ka biyo diiday arimuhu sida ay u dhacayeen maaha in la laalo wax qabadkiisii hore iyo sharafta iyo xaqa uu ku leeyahay Somaliland mana haboona in laga dhaleeceeyo warbaahinta, dareenka dadkana lagu soo jeediyo iyada oo la leeyahay Somaliland ayuu burburinayaa.

Bal u fiirso ereyada qaaliga ah ee mudane Siilaanyo ku jawaabay waraysigii BBC du la yeelatay markii Xisbigiisu diiday natiijadii kumeel gaadka ahayd ee Komishanka doorashooyinku soo saaray waxa Mr. Siilaanyo la waydiiyey talaabooyinka ay qaadi doonaan hadii ay diideen natiijadii la soo saaray. ( Wariyuhu wuxuu filayey in Mr. Siilaanyo ku jawaabo dagaal baanu qaadi doonaa) laakiin waxuu ku jawaabay sidatan:- (annagu ka dhigi mayno wadankayaga sidii Cali Mahdi iyo Caydiid yeeleen xaasha dadka reer Somaliland na uma qalmaan arintaas) ereyadaas oo dajiyey dadwaynaha, hadaba aniga oo ah Muwaadin dhalin yar ah waxaan si xishmad leh ugu soo jeedinayaa Mudane Siilaanyo in uu uga taanaasulo tabashooyinkiisa iyo waxyaabaha uu ka biyo diidsanyahay, isaga oo ku furanaaya shacabkiisa iyo Somaliland soona saaro bayaan uu ku aqbalay wixii ka soo baxay Maxkamada sare. Si ayna uga faaiidaysan siyaasiyiinta uu loolanku ka dhaxeeyo isaga iyo shacabkana aan laysugu dhufan.

C/Casiis Maxamed Yoonis(Ansaari).

Hargaysa, Somaliland.

Top


Xeeraw Maxaad Tahay? Gar-Yaqaan Rooble Maykal Mariano.

Waxaan hambalyaynayaa ummada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ba sidii nabadgelyada iyo is xilqaanka lahayd ee ay uga soo baxeen doorashooyinkii dhawaan dalka ka dhacay. Mar labaad waxaan si gaar ah u hambalyaynayaa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka loo doortay hogaaminta dalka shanta sano ee soo socota.

Xisbiyada tartarka ka qayb galay si wadajir ah ayey u ogolaadeen gudida doorashooyinka iyo maxkamada sare ba inay u garsooraan ( wax rag ku heshiiyey ayaana u xeer ah),doorashooyinka iyo xukumada soo baxay na xeerka hortiisa waxay noqonayaan xalaal. Sidaa darteed ha laga gudbo muranka ku saabsan doorashooyinkaas.

Labada xisbi ee ah UDUB iyo KULMIYE waxaan kula talinayaa ama ku baraarujinayaa in ay metelaan ummada Somaliland oo dhan ee aanay iska dhigin inay metelaan koox yar. Sidaa darteed xaalad abuur ka timaada Udub iyo dawlada ama Kulmiye iyo mucaaradka maaha mid ummadu qaadanayso. Idaacadaha, jaraaidka iyo Telefishanka yaan loo adeegsan ama laga dhigin mikrifoon nin mansab ama darajo doon ahi ku adeegto iskuna cadeeyo.

Madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale Kaahin mid baan leeyahay; markii hore kabo aanu lahayn buu gashanaa, oo waxay ahaayeen kuwo dhaxal ugu soo wareegay oo hadii talaabadiisa la garan waayo waa loo garaabayey. Maantase mar haddii ummadu dooratay waxaa loo geliyey kabo le’eg, waxaynuna daawan doonaa talaabadiisa, laguna xisaabtami doonaa. Golaha maamulka erigooda iyo magacaabidoodu isaga ayey u taalaa, kana sugi mayno xal ee xul ayaanu ka sugaynaa.

Tu labaad, golayaasha loogu talogalay maamulka Somaliland iyo masuuliyiinta sheeganaya masuuliyad ( G/Wakiilada, G/Guurtida iyo Golaha Xukuumada) wax la doortay oo sharci maanta kursiga ugu fadhiya waxa jira madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Sidaa darteed si loo xalaaleeyo maamulka Somaliland waxaynu ku qasbanahay ummad ahaan kol hadii doorasho u dhacaysa golayaasha aanay jirin in la qabto shir degdeg ah oo lagu bedelaayo golayaasha hadda jira, shirkaas oo ay la gudboon tahay sadex arimood:-

Gobolada iyo degmooyinka doorasho aanay ka dhicin in lala talo wadaago.

Distoorka Somaliland ee qabyada ah ee kala dhantaalan in la dhamaystiro lana toosiyo.

Golayaasha la doortay 1993kii ee loo arkaayey xal ee aan xulka ahayn in lagu bedelo cid xul ah oo dadku ka wada raali yahay. Golayaashu waxay muujiyeen inaanay diyaar u ahayn doorashooyin iyo inay madashii soo magacowday masiirkeeda dib ugu celiyaan. Talo ahaan arinta u taala mucaaradka iyo madaxweynaha la doortay ee shirkooda la naawilaayo arintaas ha noqoto.

Ragga ku waageersan madaxweynaha ee mansab doonka ah hadday qiimo leeyihiin oo ummadu ku kalsoon tahay golayaasha ha soo galaan hana la arko cida rabta.

Raga ku waageersan madaxda mucaaradka ee is bidaya ee iyaguna mansab doonka ah ha ka soo qaybgalaan golyaasha oo kalsoonida lagu qabo ha muujiyeen. Madaxweynaha iyo madaxda mucaaradka ba xal bay u tahay, culayska lagu hayo na way ka dul qaadaysaa, ummada Somaliland na tababar iyo tartan rasmiya ayey u ahaanaysaa qiimaynta raga isu sharaxi doona golayaasha marka doorasho rasmi ahi timaado sanad ama laba sano dhexdood.

Waa qosol iyo maadays; qas iyo khilaaf abuuraya golayaal aan la dooran oo had ba is dooranaya ama riiq dheeraysanaya hadii ay labadaa sano sii haystaan, doorashada madaxweynaha ee hadda rasmiga u dhacday na way qiimo tiraysaa.

Kama rabo dawlad iyo mucaarad toona mansab ee waxaan u baanayaa nabadagelyada iyo jiritaanka Somaliland.

Dhanxiirkana mid baan u sheegayaa Burco waa halkii lagaga dhawaaqay Somaliland markii la waayey magaalo iyo gobol kale oo lagu qabto shirka. Burco waa magaalada qudha ee Somaliland u ah xabagta iyo tolmada isu haysa qaranimada Somaliland. Haddii aanay ku gadoodin dagaal sokeeyayaashii dhacay waqtigii C/raxmaan Axmed Cali iyo Maxamed Ibraahim Cigaal. Burco iyo Bari toona maaha kuwo ku gadoodaaya doorasho xalaal ah oo aan wax ba la is dheerayn. Dhanxiir malaha waanu toban sano jirsan ee wuu ogaan lahaa warkan danbe ee aan u soo jeedinaayo.

Garyaqaan Rooble Maykal Mariano.

Top


Samirbaa Wax Suureeya.

Asal ahaan marka la eego dalkan maanta aynu ku noolnahay ee JSL waxa uu soo maray marxalado aad u adag, amase aad u balaadhan taas oo dhalisay in dhiig badani ku daatay, taas oo ay u dheerayd dhimasho, dhaawac, iyo hanti burburtay.

Taasi waxay dhalisay in aynu maanta la soo noqonay xornimada iyo jiritaanka JSL, isla markaana aynu hadhsanayno waxa haddaba Somaliland waa mid cadawgeeduna uu badan yahay, markaa taas laga yimaado Somaliland waa mid haykal dawladnimo iyo hanaan xukuma sharciyo iyo nidaamyo adag, kuwaas oo samaystay dastuur shacbweynaha Somaliland isla markaana u codeeye 97% dastuur.

Haddaba haddaan dulucdayda faaladan hoos ugu yara dhaadhaco, waxa aad iyo aad ugu batay hadalada ka soo yeedha gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, isaga oo ahaa kii ku hadlay xisbiga KULMIYE Axmed Siilaanyo ka dib markii xisbiga UDUB uu ku guulaystay in uu noqdo madaxweynaha Somaliland.

Haddaba waxa fajiciso ku noqotay filanwaagii ku dhacay Siilaanyo isaga oo aan ku qancin, waxaanu noqday sidii ardayga iskuulka dhigtay marka imtixaan la qaado odhan jiray waxa dan gaara ama si gooni ah ayuu cidhiidhin jiray”.

Oo isaga oo iga goostay imtixaankii oo iriday sidaas ayan u dhacay, ee ha la ii baadho, imtixaankaygii.

Axmed Siilaanyo soo kii diidanaa markii distoorka ama distuurka uu samaynayey marxuum Cigaal, markuu dhintayna samaystay xisbi, haddaba markee ayuu saxsanyahay waxyaabo badan ayaa jira wax u dhimi lahaa Somaliland, in Ilaahay fashiliyey.

Waxaan aan kugula talin lahaa waxaad noqotay geed qolofi ka dhacday ee nasiibkaaga ayuunbaad heshay, ee ka daa ummadda waxa qas iyo muran u keenaya shacbiga.

Axmed Cali Saasaale.

Hargeysa.

Top


Dhallinta Somaliland Iyo Isticmaalka Internet-Ka.

Waxa la ogsoonyahay in beryahan danbe ay aduunku noqotay xaafad yar oo iska war heysa taas oo ay keentay heerka laga gaadhay technologiyada caalamka, taas oo ah mid wax tar weyn u leh binu aadam ka iyo waxii la xidhiidhaba.

Laakiin dhinaca kale ayaa waxa aad arkaysaa dhibaatooyin ay keenayso tehcnologiyadu iyada oo ah si xun u isticmaalka iyo weliba khatarta ah in aan laba aqoon wax yaabaha qaar oo la iska soo saaray uun.Dalka aya waxaa aad ugu soo kordahaya waxa la yidhaahdo technologiyada,taas oo sababtay in wax yaabo aan la heli jirin la helo sida is gaadhsiin jaban iwm. Laakiin waxa ay sababtay in dadka qaar u isticmaaleen technologiyada si khaldan waxaana tusaale loo soo qaadan karaa waa internet ka shabakada ,oo ay dadka qaar u isticmaalaan si aan habaysneyn weliba waxaa u badan dadka ku nool dibadaha weliba europe amaba america iyo dalalka horu maray, kuwaas oo gala saacado aad u tiro badan kuna khasaarsha lacag aad u badan Taas waxaa kelifaysa dadka oo sheega in ay boring kaga dhuumanayan laakiin maaha sidaa ee waa iyaga oo hela lacag ku filan oo ay ku baxshaan net ka isticmaalkisa taasoo sababta in kii wax baran jirayna ay kusoo laabtaan maadooyin amaba looga reebo wax barashada absent kiisa oo batay kii shaqeeyn jirayna uu la midyahay.waxa aad arkaysaa dad gelaya meelo badan oo ka mida net ka sida MIRC da iyo PALTALK ga iyaga oo ku khasaarinaya waqti in ay la chat-amaan qof aanay aqoon amaba aragba oo ay is weedaarsadaan jacayl aan u badneen inuu rumoobo.

Net ka ayaa waxa badanaa isticmaala dadka dhalinta ah ee da doodu u dhaxeeso 18 ka ilaa 33 ka waa baadhitaan la sameeyey taas oo keenta in uu qofku ka helo wax yaabo badan oo xumaana iyo wanaaga dadka ayaa waxaad arkaysaa qof dul fadhiya net in kabadan 8 saacadood kaas oo xata aan ka caajisayan,waxaa is weydiin leh qofkaasi miyaanu xisaabtamayn,laakiin jawaabtu waa ,dadka qaarbaa ayaguba jaadka cuna in kabadan 24 saacadood oo isku xiga waana la mid uun.

Waalidka dhalinta ayaa u heysta inay dhalintoodii ay wax soo baranayaan laakiin ma oga in ilmahaasi uu ka kacayo hurdada 4 galabnimo uuna u kacayo cunto iyo internet ka,habeenkiina uu seexanayo xili ay tahay 4ta amaba 5ta danbe ee salaada subax isaga oon tukan. Waa wax laga murugoodo oo aad u naxdin leh waxaana u soo jeedinaya dhalinta in ay iska daayaan falkaas xun ee isticmaalka saacado badan internet ka iyo kuluminta waqti badan. waxaa lagu cadeeyey baadhis cilmiyeed in qofka badana istcimaala computer ka saacado badan uu la kulmo indha la aan iyo fadhiga badan oo u keena dhibaato badan.

ABDULFATAH SHEIKH OMER ARALE.

ARALEVIP@hotmail.com

India, Madras.

Top