Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 345 June 2, 2003

Wefti Ka Socda Baanka Aduunka Oo Socdaal Ku Yimid Somaliland.

Weftiga Somaliland Ee K/Afrika Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Ra’iisalwasaaraha Mozambique Johansburg.

Imaaraadka Carabta Oo U Digay Dadka Aan Ruqsada Haysan.

Guddi Xaqiiqo Raadis Ah Oo Booqday Puntland.

Faaqidaada adduunka: Askari Maraykan Ah Oo Lagu Dilay Magaalo-Madaxda Ciraaq Ee Baqdaad, Siciid Guraase.

Shir-Madaxeed Faransiiska Uga Furmay Dalalka G-8.

Mucaaradka Zimbabwe Oo Halis Ku Haya Madaxweynaha Dalkaasi.

Bush Iyo Putin Oo Ku Kulmay Russia.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Halkuu UCID Kaga Toosay Waajibaadkiisii.

Wax Ka Baro Waayaha Nolosha.

Luqada Carti Luli Mayso Hargeysa.

Waadiga ciyaaraha: C/fataax M. Caydiid.

Riyada Ronaldinho ee Manchester United.

AC Milan oo ku guulaysatay Koobka Talyaaniga.


Wefti Ka Socda Baanka Aduunka Oo Socdaal Ku Yimid Somaliland.

Hargeysa (Haatuf): waxa dalka Somaliland shalay booqasho saddex cisho ah ku yimid wefti ka socda baanka adduunkaa oo ka kooban 7 qof.

Weftigan oo uu hogaaminayo Mukhtaar Diouf oo ahaan jiray wasiirka maaliyadda Sinigaal, waxa ujeedada socdaalkiisa lagu sheegay mid la xidhiidha mashaariic yar yar oo baanka adduunku ku talo jiro inuu ka fuliyo dalkii hore la iskugu odhan jiray Soomaaliya, waxayna weftiga isla shalay booqasho sharaf ugu la kulmeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, weftigu mudada ay joogaan Somaliland waxa la filayaa inay la kulmaan masuuliyiinta wasaarada kala duwan, sida ay sheegayaa ilo ku dhaw dhaw xafiiska qaramada midoobay ee Nayrobi, baanka adduunkaa uu danaynayo inuu wax ka qabto waxa ka mid ah, ka hortaga cudurka HIV/AIDS iyo mashaariic yar yar oo la xidhiidhaa abuuritaanka ilo dhaqaale oo ay dadka manafacaafsadaan.

Booqashadani waa tii ugu horeysay ee xubno ka socda baanka adduunku ku yimaadaan Somaliland, tan iyo intii madaxbanaanidiisa la soo noqday.
Baanka adduunka oo inta nabada maal geliya mashaariic horumarineed oo laga fuliyo dalalka caalamka saddexaad, haddana kama muuqato ujeedooyinka weftigaa Somaliland u yimid wax hawlo aho oo ku saabsan mashaariic horumarineed.

Hase yeeshee waxa suurta gal ah in xubnaha weftigan ay ku taliyaan in baanka adduunku uu wax ka qabto baahiyaha dalka ka jira, dhinaca horumarinta.

Top  


Weftiga Somaliland Ee K/Afrika Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Ra’iisalwasaaraha Mozambique Johansburg.

(Haatuf): weftiga Somaliland ee booqashada ku marayay dalalka Koonfurta Afrika ayaa shalay ka soo ambabaxay dalka Koonfur Afrikaa iyaga oo u soo jeeda dhinaca dalka Itoobiya.

Weftigu intii uu dalka Koonfur afrika joogay waxa la sheegay inuu la kulmay wasiirka arrimaha dibada ee dalkaasi, iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga ANC oo ah xisbiga talada dalkaasi haya.

Sida ay noo sheegtay Jawaahir Maxamed cali oo ah wakiilka Somaliland ee dalka Mozambique, waxay weftigu booqasho gaar ah ku tageen dalka Mozambique 29-kii May, iyaga oo halkaa kula kulmay ra’iisal wasaaraha dalkaasi Mr. Mocumbai, waxa kale oo caasimada dalkaas ee Mabuto kula kulmeen wasiirka Deegaanka John Kachamila oo isagu mar hore booqasho ku yimid Somaliland sida ay noo sheegtay Jawaahir Maxamed Cali, weftiga oo ka kooban wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Siciid Gees, wasiirka deegaanka Maxamed Muuse Cawaale iyo wasiirka qoyska Edna Aadan waxay booqashada ay Mozambique ku tageen kala kulmeen soo dhaweyn aad u fiican, hawlihii ay u tageen waxay ku dhamaadeen guul.

Waxa la filayaa weftigu inay maanta wada hadalo Addis Ababa kula yeeshaan wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya.

Top


Imaaraadka Carabta Oo U Digay Dadka Aan Ruqsada Haysan.

BBC-Waddan dadka u dhasahay ay 25% kaliya ka yihiin tirada dadka jooga arimaha socdaalka iyo dadka ku jooga sharci-daradu waa mowduuc xasaasi ah.

Waxa loo arkaa socdaalku in uu saameyn ku leeyahay ammaanka, dhaqanka, diinta iyo mowduucyo kale oo haatan kulul..oo ah fursadaha shaqo ee Imaaraatka yaalla.

Marka, la yaab malaha in masuuliinta Imaraatku ay siddeetan ilaa boqol kun oo qof oo aan sharci lahayn ay u ogolaadaan in ay waddanka ka baxaan iyagoo aan la ganaaxin.

Dadka ka baxaya Imaaraatka intooda badan waxa ay ka yimaaddeen Koonfurta Asia iyo Bariga Fog. Intooda badan dadkaasi waa shaqaale ka shaqeeya dhismayaasha oo aan xirfado lahayn iyo kuwa hawlaha guryaha ka shaqeeya.

Qaar ka mid ah dadkaas ayaa Imaaraatka ku galey Viise ziyaaro ah, ka dibna iska joogey si ay u shaqeeyaan.

Dadkaas qaar ka mid ah waxa ay Imaaraatka ku xanibmeen iyagoo qaarkood lacag yar heysta, markii shirkadihii ay u shaqeenayeen la xidhey.

Markii cafiskii koobaad loo fidiyey dadkii sharci-darada ku joogey Imaaraatka sanadkii 1996dii, in ku dhow laba jibaar dadkii lagu tuhunsanaa in ay sharci darado ku joogaan ayaa waddanka ka dhoofey.

Wakhtigan haatan la joogo, sharciyo adag iyo nidaam cusub oo loo dajiyey socdaalka ayaa qaar badan oo dakaas ah marka horaba waddanka dibaddiisa ku reebey oo u diidey in ay Imaaraatka soo galaan.

Cafiskan waxa uu soo galitaanka ku adkeenayaa kuwa laga yaabo haddii ay Imaaraatka soo galaan in ay sharci darro hadhow ku sii joogaan.

Si haddaba loo adkeeyo in aanay Imaaraadka ku soo laaban dadka haatan cafiska la siiyey ee sharci la'aanta ugu dhofaya halkaas, waxa qof kasta la marsiinayaa fara qaadis iyo in laga masawiro barta madow ee qofka ishiisa ku taal.

Waddanka Imaaraatka Isku tagey waxa ay rumeysanyihiin in mashruucani lagu dhoofinaya dadka aan waddankooda Iqaamadaha ku lahayn, in ay hoos u dhigeyso guud ahaan dambiyada waddankaas ka dhaca, iyadoo islamarkaana wanaajineysa ammaanka kuwa halkaas sharciga ku heysta ee ku nool.

Waxa weliba la qorsheenayaa in ciqaabta lagu sii adkeeyo kuwa iska dhaga tira sharcigan cusub, iyadoo qofkii sharcigan ku gafa laga yaabo in la xidho xadhig gaadhaya toban sanadood iyo ganaax lacageed oo ka badan $2500 oo doolar.

Top


Guddi Xaqiiqo Raadis Ah Oo Booqday Puntland.

BBC_ Wafdigii xaqiiqa-raadinta ee maalmahanba socodka ku marayay Soomaaliya ayaa Axaddii ka ambabaxay magaalada Bosaso oo ay yimaaddeen galinkii dambe ee maalintii Sabtida.Wafdigan oo ka koobnaa xubno ka kala socday Midowga Yurub, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo xubno ka tirsan guddiga hubka dhigista waxa uu subaxnimadii Axadda Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Cabdullahi Yusuf Axmed iyo xubno ay ka mid yihiin Cabdullahillahi Sh. Ismaacil, Hilowle Imaam Cumar, Max'ed Max'ud Guuleed iyo General Max'ed Siciid Xirsi Morgan.Cabdullahi Yusuf Axmed oo kulankii shalay ka hadlay ayaa u sheegay guddigan xaqiiqa raadisaka ah inuu aad u soo dhowaynayo arrinta ku saabsan hub-ka-dhigista Somaliya isla markaana uu oggol yahay in ciidamo shisheeye ah oo hawshaas fuliya la keeno Somaliya sida uu ii sheegay Wakiil Ku-xigeenka Wasiirka Warfafinta Puntland Cabdishakuur Mire.

Waxa uu intaas ku daray Cabdullahi Yusuf in ciidamada Puntland ay diyaar u yihiin inay ka qaybgalaan hawshan hub-ka-dhigista isagoo intaa raaciyay in aanay jirin dawlad uu ka horjeedo inay ka qaybgasho barnaamijka hub-ka-dhigista ee laga fulinayo Somaliya.

General Masobe oo u dhashay dalkaasi Kenya isla markaana ahaa madaxa guddigan oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhoweeynayo heshiiskii dhowaan magaalada Bosaso ku dhexmaray maamulka Puntland iyo mucaaradkii ka horjeeday.Waxa kaloo uu sheegay Jananku in ujeeddada socodka ee wafdigiisu yahay in uu u kuurgalo sida uu u hirgalay heshiiskii xabbad joojinta ee ay hogaamiyayaasha Somalida ku saxiixeen shirka Kenya iyo inuu daraasad ku sameeyo sida hub-ka-dhigis looga hirgalin karo Somaliya.

Intaa ka dib waxa guddiga loo gudbiyay qoraal ay wadajir u saxiixeen Madaxweynaha Puntland Cabdullahi Yusuf Axmed, Cabdullahi Sh. Ismacil, Hilowle Imam Cumar, Max'ed Max'ud Guled iyo Jeneral Morgan. Waxa uu qoraalkan ku saabsanaa mowqifka siyaasiyiintan ee ku saabsan barnaamijka hub-ka-dhigista Somaliya iyo talooyin kale oo isla arrintan la xidhiidha oo ay soo jeediyeen.

Arrimaha muhimka ah ee uu qoraalkan xambaarsanaa ayaa waxa ka mid ahaa in hub-ka-dhigista Somaliya aanay la jaanqaadi Karin duullaanada iyo kooxaha doonaya inay xoog ku qabsadaan ama ku haystaan degaanada dadka kale sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in arrimahas meesha laga saaro marka hore.

Waxa kaloo uu soo jeedinayaa qoraalkan in hub-ka-dhigistu ay mar kaliya ka wada hirgasho dalka oo dhan, isla markaana meelo cayiman iyo mashaariic dhaqan celineed loo sameeyo malleeshiyooyinka hubaysan iyo weliba in hubka noocyadiisa oo dhan dadka laga dhigo.
Arrimaha kale ee ay qoraalkan ku soo jeediyeen siyaasiyiintan waxa ka mid ah in lagama maarmaan loo arko in Somaliya la keeno ciidamo faragalin iyo nabad-xoojin oo caalami ah safka horena ay kaga jiraan dalalka ku jira ururka IGAD.

Malleehiyooyinka aadka u hubaysan ee ay leeyihiin ganacsatada,kuwa hay'adaha samafalka iyo kuwa madaxa bannaan ee ka jira Somaliya ayaa qoraalku ku talinayaa in lagu daro hub-ka-dhigista.

Ugu dambayntii waxa ay hogaamiyeyaashani soo jeediyeen in meelaha uu qasku ka jiro oo ay ku tilmaameen laga bilaabo muqdisho ilaa xuduudaha Kenya iyo Itobiya laga hormariyo qaybaha kale ee Somaliya ee ay nabaddu ka jirto waa sida ku cad qoraalka'e.

Marka la soo ururiyo waxa madaxda qoraalkan saxiixday aad ugu wayn in nabadayn lagu soo dabbaalo Somaliya ay shardi u tahay sida uu caalamku ugu soo jeesto hub-ka-digista Somaliya iyadoo waliba hirgalinta arrinkaas loo adeegsanayo ciidamo shisheeye ah.

Guddigan xaqiiqa raadiska ahi waxa uu isla manta ka ambabaxay magaalada Bosaso isagoo ku sii jeeda dalkaasi Kenya hase ahaatee sii maraya magaalada Gaalkacyo.

Top


Faaqidaada adduunka: Askari Maraykan Ah Oo Lagu Dilay Magaalo-Madaxda Ciraaq Ee Baqdaad, Siciid Guraase.

Baqdaad (W.Wararka) - Askari Maraykan ah ayaa dhintay kadib markii banbaano nooca gacanta lagu tuuray Kaare ama Taangi ay leeyihiin ciidamada Maraykanku, kaasoo ag-taagnaa masaajidka Abu-xaniifa Al-nucmaani oo ku yaala magaalada Baqdaad. Waxaanay sheegeen dad goob-joog ahaa in halkaasi la isku weydaarsaday rasaas dhexmartay ciidanka Maraykanka iyo kooxda Ciraaqiyiinta ahayd ee soo weeraray halkaasoo ay ku dhinteen askariga Maraykanka ah iyo laba qof oo Ciraaqiyiin ahi.

Warku wuxuu intaa ku daray in ciidamada Maraykanku ay u hanjabeen warfidiyeenadii goobtaa taagnaa ee dhacdadan warka ka qaadayay iyagoo diidan in warkaasi la tebiyo.

Dhacdadani waxay kusoo beegantay iyadoo ay ciidamada Maraykanku bilaabeen inay ururiyaan hubka ay haystaan dadka rayidka ah ee reer Ciraaq, taasoo ay u qabteen muddo laba toddobaad ah inay dadku kusoo ururiyaan hubka ay haystaan, iyadoo muddadaa wixii ka dambeeyana la ciqaabi doono cidii aan kusoo gudbinin hubka ay haysato.

Dhinaca kale, waxa weli dalka Ciraaq kasii socda mudaharaadada iyo rabshadaha dhanka ka ah ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska, taasoo keentay inay dad badan waxyeelo ka soo gaadho labad dhinacba.
Dhinaca kalena Dawladda Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay xidhiidhkii Dimlomaasi u goysay dalka Ciraaq, iyadoo albaabada u laabtay safaaraddii ay ku lahayd Baqdaad una yeedhatay dhammaan shaqaalihii ka joogay halkaasi.

Sida ay sheegtay Dawladda Liibiya qaraarkeedani wuxuu ka dambeeyay iyadoo diidan waxay ugu yeedhay falalka ay ciidamada gumaysiga ahi ka wadaan dalka Ciraaq. Arrintani waxay ka dambaysay markii todobaadkii hore uu sheegay Wasiirka Arrimaha dibedda ee Maraykanku in dhamaan diblomaasiyiinta jooga dalka Ciraaq inay waayeen haybadoodii diblomaasiyadeed.

Top


Shir-Madaxeed Faransiiska Uga Furmay Dalalka G-8.

Paris (W.Wararka) - Shir-madaxeed ay ku kulmeen 8da dal ee dhinaca wershadaha ugu horeeya adduunka ee loo yaqaan “G-8” ayaa malintii shalay ka furmay meel ku dhow caasimadda dalka Faransiiska, iyagoo ka wadahadlaya xaaladda dhaqaalaha adduunka iyo waxyaabaha ka dhashay kadib markii uu dhammaaday dagaalkii lagu qaaday Ciraaq.
Sida ay sheegayaan dadka u kuurgala arrimaha siyaasaddu shirkani wuxuu ahmiyad weyn siinayaa hagaajinta xidhiidhka u dhaxeeya Maraykanka iyo dalalka Yurub oo uu mugdi soo dhexgalay intii uu socday dagaalkii Ciraaq.

Shirka waxa ku kulmay ugu horeyntii madaxweynayaasha Maraykanka iyo Faransiiska, kaasoo ah kulankii ugu horeeyay ee dhexmara labada Madaxweyne tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii Ciraaq, iyadoo uu Faransiisku horkacayay dalalkii sida weyn u diidanaa dagaalkaasi.

Marka laga yimaado dalalka horumaray waxa kale oo shirka ka qaybgelaya dhawr ka mid ah dalalka soo koroya oo ay ka mid yihiin Masar, Sucuudiga, Aljeeriya, Marooko, Nayjeeriya, K.Afrika, Senegal iyo Maleesiya, kuwaasoo la sheegay inay dhiirigelin siinayaan dalalkaasi.

Sidoo kale waxay isla eegi doonaan madaxdaasi hoos u dhaca ku yimid dollarka Maraykanka iyo sidii sare loogu qaadi lahaa dhaqaalaha adduunka.

Dhinaca kale, waxa shirka mudaharaado kala hortegay kooxaha diidan isku furanka dhaqaalaha adduunka, kuwaasoo ay rabshado dhexmareen iyaga iyo ciidamada amaanka ee Faransiiska.

Top


Mucaaradka Zimbabwe Oo Halis Ku Haya Madaxweynaha Dalkaasi.

Harare (W.Wararka) - Maxkamadda sare ee Zimbabwe ayaa kahorjoogsatay xisbiga mucaaradka ee dalka Zimbabwe mudaharaado ay qorsheeyeen inay qabanqaabiyaan toddobaadkan, kuwaasoo ay ku diidan yihiin Madaxweyne Robert Mugabi sida lagu sheegay warkaasi ay soo saartay maxkamaddu waxay maxkamaddu qaraarkan u gaadhay si aan dadweynaha dalkaasi ugu dhaqaaqin dhaqdhaqaaq Xukunka lagaga tuuro Madaxweynaha dalkaasi.

Qaraarkani wuxuu ka dambeeyay markii ay mucaaradku dhigeen shaqo-joojin socotay muddo shan maalmood ah, iyagoo isla markaana qorsheeyay in ay dhigaan mudaharaado socon doona muddo dhawr maalmood ah si ay Xukunka uga tuuraan Robert Mugabi.

Robert Mugabi oo dalkaa soo xukumayay ilaa 1980-kii, markii uu dalkaasi qaatay gobonimadiisa waxa la sheegay inay arintani tahay halistii ugu weynayd ee soo foodsaarta xukunkiisa iyadoo musharaxa mucaaradku ku doodayo inuu isagu Madaxweynaha xaqa ah ee lasoo doortay, taasoo uu taageero weyn kaga haysto dadweynaha rayidka ah.

Top


Bush Iyo Putin Oo Ku Kulmay Russia.

BBC_Madaxweyn Bush waxa uu joogaa St. Petersburg, halkaas oo uu shir yar kula yeeshey Madaxwynaha Russia Putin.

Inta aanay iskugu imaanin kulankoodan koobaad, xataa markii laga soobaxay dagaalkii Ciraaq ee sida daran u kala qeybiyey labada waddanka ka dib, Bush iyo Putin waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay dhinac iska dhigaan khilaafaadkooda oo loo dhaqaaqo sidii loo sameyn lahaa iskaashi istraatijiyeed.

Wareysi uu Telefeshan Russian ah siiyey waxa uu Bush ku sheegey in ay muhiim tahay in adduunka intiisa kale la tuso in labada waddan ee Mareykanka iyo Russia ay doonayaan in ay iskaashadaan.
Madaxweyne Putin ayaa isna hadal uu ku abaalmarinayo kan Bush ku sheegey in shirka St Petersburg uu iskaashiga labada waddan siinayo quwad cusub oo dhan kasta leh.

Waxyaabaha uu shirkani wax ka qabanayo waxa ka mid ah, daweynta khilaafaadkii Ciraaq, dib u habeynta Qaramada Midoobey, xakameynta Nuclearka, arinta Bariga Dhexe iyo wadahadallo ay labada dhinac ka yeelan doonaan tamarta iyo teknolajiyooyinka sare.

Mr Putin waxa uu Bush ku ammaaney doorka shakhsiyad ahaaneed ee uu ka qaatey xalinta dooddii ka dhalatey qaraarkii Ciraaq, iyadoo labada dhinacba ay ogolaadeen tanaasulaad.

Russia ayaa beeneyse eedeymaha Mareykanka ee ku sabsan in Russia laga yaabo in ay Iran ka gargaareyso sidii ay u sameysan lahayd hubka sida daran wax u gumaada, mowduucaas ayaa isaguna u baahan in Mareykanka iyo Russia ay ka gaadhaan tanaasulaad kale.

Laakiin, calaamad muujineysa in Russia ay mowqifkeedii hore bedelayso, ayey Russia Iran ugu baaqdey in ay adduunka u muujiso in aanay heysan hubka laga sheegayo iyadoo waddankeeda u ogolaaneysa in hey'adda Caalamiga ee Atomikada ay baadho dhulkeeda.

Labada Madaxweyne markii uu u dhamaado shirka St. Petersburg waxa ay u safri doonaan France halkaas oo ay kaga qeybgalayaan shirka waddamaga ku jira G-8. Waxana ay Russia u noqoneysaa markii ugu horeysey ee si buuxda ay xubin uga noqoto naadiga G-8.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Halkuu UCID Kaga Toosay Waajibaadkiisii.

Tan iyo intii nidaamka xisbiyada badani ka bilaabmeen Somaliland ee ay ku soo baxeen saddexda xisbi-siyaasadeed ee kala ah; UDUB, KULMIYE iyo UCID, sida aynu la socono mar walba waxa madow iyo mugdi soo kala dhexgalayay labada xisbi-siyaasadeed ee UDUB iyo KULMIYE, taasoo ilaa hadda aan dhammaanin, iyadoo ay inagala gudboon tahay inaynu kula talino inay soo af-jaraan yooyootanka iyo khilaafka u dhaxeeya oo ay u midobaan meelna uga soo wada jeestaan danta dalka iyo dadkaba, waayo uma baahna bulshada reer Somaliland kala qaybsanaan iyo khilaaf dhex yimaada, oo aynu dib ugu burburino wixi aynu ka kabanay muddadii dhawr iyo tobanka sano ahayd ee aynu dib ugala soo noqonay madax-banaanideena wixii la odhan jiray Jamhuuriyadda Somaliya. Waxa kale oo haboon inaynu ka feejignaano inay inaga faa’iidaystaan hadhaagii taliskii Siyaad Barre.

Haddaba, mugdigan iyo madowgan soo kala dhexgalay labada xisbi-siyaasadeed ee UDUB iyo KULMIYE, waxay ahyd oo ug dhowaa in uu dhexda u xidho oo u hawlgalo maarayntooda xisbiga kale ee UCID oo aanu cidna ku hallayn, maadaama uu ahaa xisbigii saddexaad ee la tartamayay cid kastana uga fara-dhuudhubnaa. Siilaanyo iyo C/raxmaan aw Cali waa mujaahidintii inaad maanta saxaafadda sidaad doonto ugu hadasho kuu suurtogeliyay Ilaahay kasokow ee usoo maray rafaadka abaalkooduna ma aha in hadba shir-jaraa’id aad ku eedayso oo ku af lagaadayso iyagoo hadalkaaga iyo xorriyad qawlkaaga inaad sidii aad doonto ugu hadashoba sababbbtooda lahaa.

Gebogebadii, waxaan mahad iyo bogaadin u soo jeedinaynaa culimaa’udiinka, salaadiinta iyo waxgaradka Somaliland ee ku hawlan dhexdhexaadinta iyo isu soo dhoweynta labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE.

Saleebaan cawil Abokor, Hargeysa.

Top


Wax Ka Baro Waayaha Nolosha.

Guud ahaan noloshu waxay noqotaa laba marka hore waa mar ay liid iyo diciif tahay. Mar kalena waa mar badhaadhe sidaa darteed waa mid jirta in dadku nolosha ku kala duwanaadaan , ma dhacdo in dadku si isku mida u wada noolaado.

Hase yeeshee iyana waxa jirta in fiiro gaarana loo yeeshana ay tahay arrin lama huraan ah in loo qiro doona ogaado qofkastabaaba kaalinta uu bulshada kaga jiro, xagga waxqabadkaa iyo xaga wax qabsiga, arrintani maaha mid loo dhasho, ama la iska dhaxlo, ee waa mid ku xidhan hadba qofka sida uu wax u qabanayo. Qofkastaaba waxa uu qabanayo waa in la ogaado, laguna xaq mariyo, haddii taa la waayo dulmi baa dhacaya, mana aha dulmigaasi mid loo baahan yahay, haddaba labada qaybood ee nolosha waxa ugu fiican ee lagu heli karaa waxa weeyi iyada oo midkastaba sida ugu haboon ee ay ku soo marta aad ula wajahdo.

Intaa mida hore marka ay tahay liid iyo diciif wa marka dedaalka bulshadu liitaan waxaana nolosha lagaga guulaysan karaa akhristaw inaad ku dedaasho sidii aad uga hortegi lahayd waayaha dalkaaga haba kugu adkaatee.

Isbed-bedelka hadaba ay waayaha noloshu isbedbedelayso ayaa waxay kula geli kartaa duruuufo adag iyo kuwo barwaaqo, ahba waxaana haboon inaad marwalbaa ka dabaalato duruufaha kaa horyimid sida ay kaaga horyimaadaan, laakiin marka labaad ee badh-badhaadhaha iyo barwaaqada tahaay markaan qudheeda dadku barwaaqo kuma wada jiro hase yeeshee haddii ay suurtawdo noloshuna kaa farxiso, waxa lagaaga baahanyahay in lagaa dareemo waayo-aragnimo badan oo ku waajahan dabaqyada nolosha hana ku xadgudbin hana ku dheel dheelin inta maxaysatada ah, haddaba akhristaw lama odhan karo dalkeena Somaliland waa dal horumaray hase yeeshee wada horumarka laga curdina ah dedaal badaninaa ka muuqdo ged-gedoonka waayahanaa raba, inuu la qabsado, sikasata oo uu yahay aan lana rabin in dib loo celiyo.

Haddaba haddii aad waayahay nolosha iyo duruufaha barwaaqada dhaman lahaa yaan qaadi kari waydo waxa haboon inaad jidkan raacdo. “Die if you want to be praised) haddaad amaan rabto dhimo).

Maxamed Cabdi Sheekh.

Top


Luqada Carti Luli Mayso Hargeysa.

Aniga oo ku hadlaya afka guddida jaaliyadda Somaliland ee magaalada Riyaadh iyo dhamaan qurba joogta Somaliland ee dalka Saudi Arabia waxa aad noo naxdin geliyey ereyadii iyo qoraalkii aan madaxa banaanayn ee ka soo yeedhay xisbiga KULMIYE oo aan ahayn afkii reer Somaliland.

Ereyadaas oo aan farxad gelinayn naafada ku naafoobay xoreyntii dalkna, agoomaha dugsanaya xabaalaha aabahood, odayaasha iyo hooyooyinka ku goblamay ee deecaansanaya halkii uu ku geeriyooday curdinkoodii iyo ciidamada qalabka sida ee ugu dhabar adaygay gaajo, iyo oon xornimada dalkooda oo had iyo jeer u heegan ah inay dalka ka difaacaan cadawga shisheeye.

Dalka Somaliland meel walba waxay leedahay tilmaan dhiig ah oo lagu tilmaansado goobtuu hebel ku dhintay ama ku dhaawacmay.

Xisbiga KULMIYE ee doonayey inuu hogaankaa dalka ku guulaysto in badana ka hadli jiray dimuqraadinimo.may ahayn kelmadihiisii, dadweynihii u codeeyey abaalkooda ma ahayn wadanka Somaliland naa xusmadiisa, ma ahayn inuu baaqana oo kale ugu abaal gudo.

Waxaan ka xunahay inuu noqdo badheedhaha xisbiga KULMIYE oo dada badan oo reer Somaliland ahi u codeeyeen inuu ku hadlo afkii lagu yaqaanay qaybo ka mid kooxaha Soomaaliya isku haysta.

Waxaan xusuus leh inay noqoto markii ugu horeysay ee nin siyaasi ah oo Somaliland ku abtirsanayaa mustaqablakana rajo ka qaba hogaanka dalka inuu deedifeeyo jiritaanka dalka, xaraantimeeyana wixii dhamaan hay’adaha distooriga ahaa ee dalka ka jira.

Dhaqan uma laha Somaliland inay odayaal sharaf iyo xishmad mudan aflagaado aan meela u soo marin loola badheedho.

Waxaanu madaxda xisbiga KULMIYE kula talin lahayn inuu ilaaliyo dhaqanka qaranka Somaliland iyo xurmada golayaasha, guddida komishanka, maxkamadaha, ciddii u codaysay iyo dhamaan dadweynaha reer Somaliland.

Dawladana waxaanu leenahay xilka idin saarani waa dhamaystirkii dawladda iyo inaan wakhtigan lagu lumin jawaab ka bixin hadalada deel-qaafka ah taas loo daayo muwaadiniinta reer Somaliland.

Axmed M. Sa’eed, Gudoomiyaha Jaaliyadda.

Top


Waadiga ciyaaraha: C/fataax M. Caydiid.

Barcelona oo loo ogaaladay in ay Beckham ku iibsato ₤ 30 Milyan.

Kooxda Barcelona ayaa soo bandhigtay qiime dhan ₤ 30 milyan (sodon milyan oo giniga ingiriiska ah) si ay David Beckham u keento dalka Spain. Sidaa waxa warbixin ku sheegay Wargeysyo badan oo shalay axadii soo baxay.

Waxbixintani waxay soo jeedisay in kooxda Manchester United ay ogolaatay qiimahaas mabda’iyan, kadib markii kulan bilow ahi dhexmaray kooxda ka socotay Barcelona.

Kooxda Barcelona lama geli karto Beckham heshiis adag, ilaa iyo inta Madaxweynaha cusub ee kooxda la dooranayo, kadib doorashada la qaban doono bisha June 15keeda.

Madaxweynaha laga rajo qabo inuu ku guulaysto doorashada, Joan Laporta, ayaa u sheegay wargeysa Sunday Express “Aniga aragtidayda, qiimahani waa mid ku munaasib ah Beckham,” ayuu yidhi Laporta.

“Waxa uu ka mid yahay (Beckham) ciyaartoyda tirada yar ee adduunka ee aad awoodi karto in aad dib ugu soo celiso lacagtaada keliya dakhliga ganacsigiisa,” ayuu raaciyay Joan Laporta.

Kooxda AC Milan ayaa la sheegay in ay rajaynayso in ay soo bandhigto qiime ka sareeya ka Barcelona, halka ay kooxaha Inter Milan, Roma iyo Real Madrid iyaguna xidhiidh la sameeyeen 28 jirka reer England
Agaasimaha fullinta ee kooxda Manchester United, Peter Kenyon ayaa caddeeyay in kooxdiisu ay dhegaysan doonto ama dheg u dhigi doonto qiimahayaa ₤ 30 Milyan (sodon milyan oo giniga Ingiriiska ah) iyo wixii ka sareeya ee loo dhigo ciyaartoyga khadka dhexe ka ciyaara.

David Beckham, oo imika fasax ku jooga dalka Maraykanka isaga iyo qoyskiisu, ayaa sheegay inuu doonayo inuu sii joogo Old Trafford.

Top


Riyada Ronaldinho ee Manchester United.

Xiddiga reer Brazil ee Ronaldinho ayaa sheegay in ay ku jiro “Damac aad u gubaya oo ah inuu u ciyaaro Manchester United”.

Ronadinho oo ah 23 jir, waxa uu sameeyay xidhiidh ah inuu xagaaga ka wareego Paris Saint Germain una wareego Old Trafford, waxaanu si cad u helay rajo uu ku biro kooxda horyaalka Premiershipka.

“Waan u qushuucay kooxda Manchester United.” Ronaldinho ayaa sidaa u sheegay Wargeyska ka soo baxa Ingiriiska ee Independent shalay Axadii, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan jecelahay in aan daawado marka ay ciyaarayso Man United. Dabcan, waxaan doorbidayaa in aan ka mid noqdo koox weyn oo sidan oo kale ah, cidna kastaana way jeceshahay.”

“Fikradda ah inaan ku biiro kooxda Manchester United, waxa iga dhigtaa sidii oon riyoonayo, maxaa yeelay waa koox weyn, oo guulo badan gaadhay, waxaanay ciyaaraan kubadda noocayga aan doorbido. Waxa igu jira damac i gubaya, kaas oo ah in aan ka mid noqdo koox ciyaar aad u weyn wakhti kasta,” ayuu raaciyay Ronaldinho.

Ronaldinho, waxa uu ka ciyaari karaa kaalin ah ciyaartoy furan oo xor ah, ama sida uu doorbido oo ah inuu ka dambeeyo ciyaartoyga xaga hore ka ciyaaraya, kama werwer qabo inuu ka ciyaari karo kubadda Premiership-ka, waxa hore loo arkay ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal Gilberto Silva oo u wareegay halkaas, mana sugi karo inuu ciyaar kubadda cagta ee Champions League.

“Waan in aan qiraa taa, marka aan daawado tartankan, waxay i gelisaa xaalad xun oo aan doonayo in aan ka mid noqdo. Waxay u egtahay ilma yar oo doonaya inuu berkad biyo ah ku ciyaaro. Waxaad doonaysaa in aad ku dhex boodo,” ayuu raaciyay Ronaldinho.

Top


AC Milan oo ku guulaysatay Koobka Talyaaniga.

Milan, Italy (Haatuf) - kooxda AC Milan waxa ku filnaaday barbardhac ay la gashay kooxda Martida u ahayd ee Roma 2-2, ciyaar habeenimadii sabtidii ku dhexmartay labada kooxood garoonka San Siro ee magaalada Milan, taas oo ka ahayd ciyaartii is-aragii labaad ee wareega kama dambaysta ah ee koobka Talyaaniga, waxaana ciyaartan daawanayay 70 kun oo daawade.

Kooxda AC Milan ayaa ku guulaysatay ciyaartii is-aragii hore 4-1, ciyaartaas oo ka dhacday caasimada dalka Talyaaniga ee Roma, iyadoo ay kooxda Milan ka maqnaayeen ciyaartaas ciyaartoydeeda ugu cadcad, sababtoo ah dhaawacyo soo gaadhay iyo iyadoo tababaraha Ancelotti doonayay in ay u sii nastaan ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee Horyaalka kooxaha Yurub.

Tani waxay noqonaysaa koobkii labaad ee ay ku guulaystaan xilli-ciyaareedkan muddo afar cisho gudahood ah, kadib markii ay Arbacadii toddobaadkii hore ku guulaysteen Horyaalka Kooxaha Yurub, kana guulaysteen kooxda kale ee Talyaaniga ah ee Juventus 3-2 oo ay kaga guulaysteen rigoorayaal, kadib markii wakhtigii rasmiga ahaa iyo kii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaartuba ku dhamaadeen barbardhac aan wax goolal ah laysku dhallin.

Waxa ay kooxda AC Milan iyo Juventus ku kulmi doonaan koobka Super Cup ee Talyaaniga, kaas oo ay ciyaaraan labada kooxood ee ku kala guulaysta koobka Talyaaniga iyo koobka Tartanka wareega kooxaha Talyaaniga ee Serie A.

Kooxda Roma ayaa hogaanka ciyaarta furtay, kadib markii uu fursad helay kabtanka kooxda Roma Francesco Totti, taas oo uu ku laaday khalad loo dhigay kubad xor ah kana dhaliyay si toos ah daqiiqadii 56aad, isla ciyaartoygaas ayaa kordhiyay hogaankii ciyaarta, kadib markii uu mar labaad kubad xor ah ku laaday goolka, kana dhaliyay daqiiqadii 64aad.

Kabtanka Roma, Francesco Totti, waxa uu ciyaartoyga dhaliyay goolkii keliya ahaa ee ay kooxda Roma dhalisay ciyaartii is-aragii koowaad oo uu ku dhaliyay iyadan kubad xor ah oo uu laaday. Laakiin ciyaartoyga reer Brazil, Rivaldo ayaa natiijada wax ka bedelay daqiiqadii 65aad, kadib markii uu darbad madaxa ku dhuftay kubad uu ka helay ciyaartoyga ay isku wadan yihiin ee Serginho, goolkaas oo ahaa goolkii koowaad ee ay dhaliso kooxda Milan.

Kadib goolkaas Milan, ciyaartu waxay noqotay kulaylkeedu sareeyo, waxaana ciyaar-xumo, Antonio Cassano ayaa la siiyay kaadhka cas, kadib markii uu isticmaalay af xun ama cay, iyadoo garsooraha ciyaartu ka diiday inuu u dhigo darbad xor ah khalad lagu sameeyay.

Francesco Totti ayaa isagana laga saaray ciyaarta kadib markii uu mar labaad helay kaadhka huruudda ah. Milan waxay isku dayday in ay ka faa’iidaysato dhinaanshaha kooxda Roma, waxaanay soo qaaday weerar aad u xoog badan, iyadoo raadinaysa goolka barbardhaca ah, waxaanay heshay goolkaas daqiiqadii ugu dambeysay wakhtiga ciyaarta, waxaan goolkaas u saxeexay Pippo Inzaghi, kadib markii uu baas ka helay Rivaldo, waxaanu si xoogan ugu laaday goolka oo ay ku dhacday birta midig, waxaanay gashay goolka.

Waa markii ugu horeysay kooxda Milan in ay guulaysato koobka Talyaaniga muddo 26 sannadood ah, taasi waxay ka dhigtay in ay kooxda Juventus mar labaad ku kulmaan ciyaar kama-dambays ah oo ay ku tartami doonaan koobka Super Cup ee kooxaha Talyaaniga.

Top