Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 347 pt. 1 June 4, 2003

Gees Oo Beesha Caalamka Uga Digay Cawaaqib-Xumo Ka Iman Karta Ictiraaf La’aanta Somaliland.

Culimo’udiinka oo xilkii waan-waanta ku wareejiyey salaadiinta.

Dedaalka Waan-Waanta, Mawqifyada Kala Fog Iyo Su’aalaha Taagan.

Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Dil Ku Xukuntay Gacan Ku Dhiigle.

Shirkada TOTAL Oo Diiday Amaro Ka Soo Baxay Xukuumadda Somaliland.

Waddo-Xidhantay Iyo Dhismo Sharci Daro Ah.

Shirka Dalalka Warashadaha Ku Horumaray Oo Dhamaaday.

Iiraan oo siideysey askar.

Dad Qaxooti Ah Oo Doonyo.

30 Ka Culima'udiinka Labada Gobol Ee Gobolka Hargeisa Iyo Awdal Oo Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Cudurka Hiv, Aids Iyo F.G.M Oo Uga Furmay Gabiley.

Warar Kooban: Wararkan waxa noo soo diray weriyaha Haatuf ee Muqdisho.

Itoobiyaan Lagu Dilay Burco.

Shirki Carabta Ee Sharmi Sheekh Iyo Maraykanka.

Hambalyo Meher.


Gees Oo Beesha Caalamka Uga Digay Cawaaqib-Xumo Ka Iman Karta Ictiraaf La’aanta Somaliland.

Johansburg (Haatuf): wasiirka arrimaha debadda ee dawladda Somaliland, Maxamed Siciid Gees ayaa beesha Caalamka, gaar ahaan dawladdaha jaarka la ah Somalilad ugu baaqay inay Ictiraaf diblomaasiyadeed oo buuxa u fidiyaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka arrimaha debaddu waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu saxaafadda Koonfur Afrika ku siiyey magaalada Johansburg horaantii todobaadkan, ka dib markii ay wefti uu hogaaminayey soo gabagabeeyeen booqasho ay ku joogeen dalka Koonfur Afrika, wuxuuna wasiirku beesha caalamka uga digay caaqib xumo ka dhalan karta Ictiraaf la’aanta Somaliland, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Adduunyaddu kama taag-hayso inay naga gasho qaladkii ay dawladaha carabtu ku diideen berri hore inay Ictiraafaan dawladda Israa’iil taas oo caalamka u horseeday xasilooni darro dami weyday iyo khasaare dad iyo duunyaba leh, oo ku yimaada dadka reer Falastiin iyo Israa’iil, sidoo kale geeska Afrika iyo caalamkuba uma taag hayaan in khasaarahaas oo kale dhaco, haddii la iska indha tiro xasiloonida ka jirta Somaliland iyo nidaamka ku dhisan hanaanka dimuqraadiyadda ee ka hirgalay, taas oo ay ugu dambeeyeen doorashooyinkii dawladaha hoose iyo kuwii madaxtinimada ee dhawaan dalka ka qabsoomay”.

Weftigan oo muddo todobaad ka badan safar ugu maqnaa Koonfur Afrika waxa uu socdaalkoodu ka dambeeyey marti qaad uu madaxweynaha Koonfur Afrika Imbeki hore ugu soo diray dawladda Somaliland, waxayna muddadii ay joogeen kulamo la yeesheen madax ay ka mid yihiin madaxweynaha, wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka deegaanka, iyo gudoomiyaha xisbiga ee ANC ee talada dalka Koonfur Afrika haya.

Sidoo kale weftiga Somaliland waxay halkaa kula kulmeen wasiirada arrimaha debadda ee Mozambique iyo Sudan iyo waliba ra’iisal wasaaraha dalka Mozambique Maputo, iyada oo ay weftiga Somaliland halkaa kula kulmeen guddiga qaban qaabinaya shirweynihii dalalka Afrika oo ka furmaya magaalada Lagos ee dalka Nigeria.

Weftiga Somaliland waxay ka koobnaayeen wasiiradda arrimaha dibadda Maxamed Siciid Geess, iyo arrimaha qoyska Edna iyo wasiirka deegaanka Maxamed Muuse Cawaale, waxay sida lagu soo waramay muddaddii ay halkaa joogeen ku talaabsadeen dhaq-dhaqaaqyo la xidhiidha qaddiyadda Somaliland iyo xidhiidho ay ku doonayaan u ololaynta ka qayb galka shirka midawga Afrika, waxayna wararku sheegeen inay safarkooda ku soo gabagabaynayaan dalka Itoobiya.

Top  


Culimo’udiinka oo xilkii waan-waanta ku wareejiyey salaadiinta.

Hargeysa (Haatuf): Koox culimo’udiin ah oo qayb ka ahaa dhaqdhaqaaq waan-waan iyo dhexdhexaadin ah oo ay wadeen dhinacyo isugu jiray culimo’udiin iyo salaadiin, taas oo dedaalkeedu ahaa in xal loo helo khilaafka u dhexeeya labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE ayaa sheegay inay xilkii ku wareejiyeen salaadiinta, sidaana waxay ku sheegeen bayaan qoraal ah oo ay shalay soo saareen, iyaga oo intaa ku daray inay hawsha waan-waantu meel fiican marayso, laakiin qoraalkaasi isaga oo dhamaystiran waxa uu u qornaa sidan:

“Ka dib markii aanu muddo dheer ku hawlanayn ka war-haynta iyo la socodka xaaladaha ka dhallan karayey tartankii doorashada madaxtooyada, gaar ahaan dhinaca nabadgelyada iyo wadajirka ummadda. Anaga oo kulamo badan la yeelanay ka hor doorashada iyo ka dib-ba madaxweynaha iyo madaxda xisbiyada, mudada dambe si gaar ah ugu hawlanayn sulux raadin ku saabsan hadalkii ka dhashay diidmadii KULMIYE ee uu ku diiday natiijadii go’aankii doorashada. Iyadoo ay hadaba arintani soo gaadhay heer fiican oo wax ku ool ah, waxa dhowaan suluxan ka soo qayb galay salaadiinta dalka, isla markaana waxay salaadiintu jeclaysteen in arintan dhamaystirkeeda loo daayo iyaga, ka dibna culimadani waxay go’aansadeen inay hawsha uga baxaan salaadiinta, iyadoo ay madaxda xisbiga KULMIYE ay arintan la qaateen salaadiinta, sidaana aaanu dhinaca kale kula socod siinay, waxaanuna ummadda reer Somaliland u sheegaynaa in arintu meel fiican marayso, culimaduna ay dedaal badan arinta ka galeen.

Waxa kale oo aanu xusuusinaynaa salaadiinta, xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE inay ahmiyadda koowaad siiyaan danta, xasiloonida iyo horumarka ummadda.

Ugu dambayn waxaanu mahad-naq gaar ah u jeedinaynaa madaxweynaha Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga KULMIYE sidii wanaagsanayd ee niyad samida lahayd ee ay u qaabileen dedaalkii ay culimadu wadeen.

Waxa kale oo aanu mahad-naq balaadhan u jeedinaynaa ummadda reer Somaliland meel ay joogaan-ba sida xilkasnimada leh ee ay meel uga soo wada jeesteen ilaalinta nabadgelyada iyo isku duubnaanta. Anaga oo ummadda xusuusinayna cabsida ilaahay iyo inay ilaahay uga mahad celiyaan nabadgelyada iyo xasiloonida uu ku mannaytay”.

Magacyada culimo’udiinka qoraalka saxeexay:

Sh. Maxamed Cumar Dirir
SH. Ismaaciil Cabdi xasan
Sh. C/laahi Cabdi Cali
Sh. Aadan Axmed Ducaale
Sh. C/raxmaan Axmed Aw-Cabdi
Sh. Xasan C/salaan
Sh. Muxumad Cali Geedi
Sh. Cismaan Cali Xuseen
Sh. Mustafe X. Ismaaciil Haaruun.

Top


Dedaalka Waan-Waanta, Mawqifyada Kala Fog Iyo Su’aalaha Taagan.

Hargeysa (Haatuf): Maalmihii u dambeeyey waxa socday dedaal waan-waan ah oo lagu doonayo in xal loogu helo khilaafka iyo xurgufta siyaasadeed ee xooggan ee ka dhex-ooggan labada xisbi ee UDUB iyo KULMIYE , kaas oo ka dhashay go’aankii natiijada doorashada madaxtooyada, taas uu xisbiga UDUB ee uu hogaamiyo madaxweyne Daahiur Rayaale ku guulaystay, laakiin uu xisbiga KULMIYE ee uu hogaamiyo siyaasiga Axmed-Siilaanyo ayaa isna dhiniciisa gaashaanka ku dhuftay aqbalaadda go’aankaa, kuna tilmaamay mid cadaalad daro ah oo aanay marnaba ku qancayn, isla markaana aanu aqoonsanayn wax kasta oo ku salaysan natiijada doorashada.

Toddobaadkii hore ayey hogaamiyayaasha KULMIYE soo saareen bayaan ay si adag ugu qaadaceen aqbalaadda go’aanka natiijada doorashada, laakiin waxay intaa raaciyeen inay diyaar u yihiin wada hadal lagu furdaamiyo mushkiladda, laakiin madaxweyne Daahir Rayaale iyo xisbigiisa UDUB iyo weliba dhinacyo ay ka mid yihiin shirgudoonada baarlamaanka ayaa canbaareeyey mawqifka KULMIYE, kuna tilmaamay mid dafiraya haykal dawladeed ee Somaliland ka jira iyo shuruucda dalka u taal, isla markaan waxay qoraalo iyo shirad jaraa’id oo ay dhinacyadani qabteen ku sheegeen in wada hadal la isugu yimaadaa ay shardi u tahay inuu KULMIYE horta aqbalo go’aankii natiijada doorashada, balse hogaamiyayaasha KULMIYE ilaa hadda kama soo debcin mawqifkooda, waxayna labada dhinac maalmihii ina dhaafay atmosfeerka warbaahinta isku dhaafsadeen dhanbaalo kulkulul oo ay qolaba qolada kale si kulul ugu durayso. Laakiin markii ay arintu halkaa istaagtay ayey kooxo isugu jira culimo’udiin iyo salaadiin bilaabeen dedaal ay ku dhexdhexaadinayaan labada dhinac si khilaafka xal loogu helo.

Inkasta oo aanay qolada dhexdhexaadintu wax tafaasiil ah ka bixin halka ay ka duulayaan iyo qaabka ay doonayaan inay wax ku dhexdhexaadiyaan ama halka ay doonayaan inay arinta ku dhuftaan, hadana warar ku dhowdhow ayaa tibaaxay inay ugu horayn hiigsanayaan inay arinta wada hadal ku soo dabaalaan oo aan sidaa lagu kala jiiddan, laakiin su'’asha ay dad badani iswaydiinayaan waxay tahay inta aan wax kaleba la gaadhin aqlabaadda wada hadalku intee inle’eg ayey labada dhinac suurtagal ka tahay, taas oo ay dadku uga jeedaan mawqifyada kala fog ee ay labada dhinac kala taagan yihiin.

Waayo madaxweyne Daahir Rayaale iyo hogaamiyayaasha kale ee UDUB wada hadal ay KULMIYE la yeeshaan waxay shardi uga dhigeen inuu KULMIYE horta aqoonsado go’aankii maxkamadda sare ee natiijadii doorashada, laakiin hogaanka KULMIYE waxay taa kaga jawaabeen “Waxaanu diyaar u nahay wada hadal bilaa shuruud ah”, taas oo loo macnaysan karo iyadoo ay qolo waliba mawqifkeeda xanbaarsan tahay aynu wada hadalo”.

Sida ku cad qoraal ay shalay soo saareen kooxdii culimo’udiinka ahayd waxay hawshii dhexdhexaadinta u daayeen salaadiinta oo keliya, iyaga oo sababtana ku macneeyey salaadiinta oo jeclaystay inay hawsha keligood wadaan, hase yeeshee su’aasha meesha taal waxay tahay salaadiinta oo la aaminsan yahay inay yihiin rag mawaaqiifta siyaasadda kula duwan, kuwaas oo qaarna loo tiriyo dhinaca mucaaradka, qaarna loo tiriyo dhianca muxaafidka ama dawladda, iyagu intii aanay arinta gelin ma qaateen mawqif dhexdhexaad ah iyo istaraatijiyad ay ka midaysan yihiin.

Sida ay wararka amuurtan la xidhiidhaa tibaaxayaan qolada waan-waanta waxay dhinacyada bilowgii waydiisteen inay kalsooni ay arinta ku galaan siiyaan, taas oo la sheegay inay dhinacyadu yeeleen, laakiin lama oga inay jirto cid shuruud fartay, balse wixii intaa ka dambeeyey waxa dhacay kulamo gooni-gooni ah oo ay qolada dhexdhexaadintu la yeesheen dhinacyada, iyadoo ay qolada dhexdhexaadintu kulamada qaarkood isu dhamaayeen, qaarna ay iyaga oo goosamo kala duwan la yeesheen, taasna waxay wararka u dhuundaloolaa ku macneeyey mawaaqiifta iyo istaraatijiyadda kooxaha waanwaanta wada oo aan aad isugu dhillayn, taas oo la leeyahay tifaftir shilis kuma ay samayn istaraatijiyadda ay ka duulayaan iyo dariiiqa ay u marayaan ka midho-dhalinta xal u helidda khilaafka dhumucda leh ee meesha yaal iyo weliba ajandayaasha bud-dhigga u ah bartilmaameedkooda, taas darteedna waxay wararka qaar leeyihiin waxaad arkaysaa iyaga oo mararka qaarkood kala goosmay oo aad mooddo inay qoloba si jeceshahay in arinta loo daadihiyo, laakiin ma jiraan warar xaqiijinaya inay hanaanka geedisocodka iyo istaraatijiyadda barnaamijka loo wadayo isku khilaafsan yihiin, isla markaana hawshii waan-waantu way socotaa, laakiin marka taa laga yimaado waxa meesha yaal dhawr su’aalood oo arinta khilaafka la xidhiidha, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Mawqifka runta ah ee xisbiga KULMIYE hadda muxuu yahay, isla markaana KULMIYE ma ku qancayaa wax ka sokeeya kursiga madaxtooyada oo uu helo. Sidoo kale madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa waa maxay mawqifkoodu, maxaase madaxweyne Rayaale la gud-boon, laakiin hadiiba ay dhacdo in lagu guuldaraysto waanwaanta hadda la waddo oo sidaa lagu kala dhaqaaqo “ilaahay inaguba keeno’e” maxay noqonaysaa cidhibta dambe ee Somaliland?

Marka laga yimaado mawqifka KULMIYE ee ah inaanay marna ismacayn go’aankii natiijada doorashada iyo wixii la xidhiidha toona waxa la iswaydiin karaa ama ay dadka qaar u arki karaan “malaa KULMIYE iminka shardi ka dhigi maayo ilaa Madaxweyne Rayaale iyo Kuxigeenkiisa, Axmed Yuusuf Yaasiin kuraasta nalooga soo rogo waxba naga juusi maayaan”, laakiin hadii ay taasi tahay inay sharuudahooda laf-dhabar u tahay waxay dad badan ugu muuqataa mid adag oo fogaan karta xalkasta oo la baadidoono, laakiin dood kale ayaa jirta, taas oo ay dadka arimaha siyaasadda ka faalooda qaarkood gole keenayaan, iyaga oo leh
“Asalkaba xisbiyada mucaaradku hadii ay waayeen kuraasta madaxtooyada iyo xukuumadda, isla markaana aanay mudanayaal ku lahayn golayaasha baarlamaanka, waxay isu arkayaan niman gebi-ahaanba ka qatan talada dalka, taas darteedna way adagt tahay waxa ay ku qancaan”, iyaga oo dadka aragtidan qabaa intaa ku daraya, taas oo kale kama dhacdo dunida ku dhaqanta hanaanka axsaabta badan iyo nidaamka dimoqraadiyadda ee hadii uu xisbigu madaxtooyada waayo waa inuu ka mid yahay baarlamaanka si uu hogaanka dalka mar walba isaga dhex arko, hadii ma jiro karo, lamana odhan karo waa xisbi qaran”.

Masalan dalka Maraykanka hadii ay labada xisbi ee ku tartama hogaaminta dalka uu mid ka mid ahi ku guuldaraysto tartanka madaxtooyada koleyba waxa uu ka mid yahay labada gole ee wakiilada iyo senet-ka, taas darteedna mar qudha talada banaanka kama joogo ee doorkiisa ayuu ciyaarayaa. Sidaa awgeed dadka qaar waxay aaminsan yihiin xisbiga KULMIYE hadii uu golayaasha dawladda dhamaantood ama qaarkood iska dhex-arki lahaa kuma dheganaadeen mawqifka fog ee uu taagn yahay. Laakiin iminka maadaama ay madaxtooyadii waayeen, isla markaana baarlamaanku ay muddo dhawr sannadood ah korodhsadeen, sidaana ay taladii kaga qatan yihiin waxay arintoodu u ekaanaysaa inay banaanka joogaan, isla markaana aanay la shaqayn xukuumad kasta oo uu madaxweyne Rayaale dhiso.

Dhinaca kale madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa waxay wararku leeyihiin way rabaan inay mucaaradka kalsooni ka helaan, isla markaana ay dawladda ka mid noqdaan. Laakiin dadka arimahan u dhuundaloolaa waxay leeyihiin istaraatijiyadda madaxweyne Rayaale ee arintaa ku waajahani kama badna inuu xukuumadda uu dhisi doono mucaaradka dhawr wasiir siiyo, sidaana ay kula shaqeeyaan, laakiin khud-bad uu fagaaraha khayriyadda Hargeysa ka jeediyey waxa uu ku sheegay inuu dhisi doono xukuumad wadaag ah oo uu ay mucaaradku qayb ka yihiin, balse tafaasiil kama bixin sida ay arintaasi noqonayso. Isla markaana waxay dadku su’aalo iska waydiinayaan sida ay noqonayso dawladda wadaagga ahi.

“Marka dawlad wadaag ah laga hadlayo waa inuu xisbiga mucaaradka ahi ka mid yahay baarlamaanka, laakiin laba-saddex wasiir oo nalaga qaato, beritona la soo eryo ma noqonayso dawlad wadaag ah” sidaa waxa ku tiraabay mid ka mid ah hogaamiyayaasha xisbiga KULMIYE oo arintaa ka hadlaya. Laakiin madaxweyne Rayaale laba arimood mid uun baa la gudboon inuu dhiso xukuumad xisbigiisa ka kooban uu sidaa kaga talo baxo KULMIYE dabka ay doonto ha kulaashee iyo inuu talaabo adag, taas oo ah inuu dhiso dawlad wadaag ah oo sal-balaadhan, mucaaradkana uu la gaadho heshiis qoto fog, waxayse dad badan ugu muuqataa inay lagama maarmaan tahay in la helo wax loo dhan yahay si ay dawladda cusubi u noqoto mid dhaqaaqda oo wax ka bedesha hanaankan maamul ee fadhiidka ah, laakiin waxa hogaanka UDUB iyo hogaanka KULMIYE waxa labadaba looga baahan yahay inay ka fekeraan sidii loo gaadhi lahaa xal wax ku ool ah, dalkana looga saari lahaa duruufta adag ee ku gadaamman.

Top


Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Dil Ku Xukuntay Gacan Ku Dhiigle.

Berbera( Haatuf ): Maxkamada gobolka saaxil ayaa dil ku xukuntay gacan ku dhiigle, Maxamed Ciise Xayir oo dadiisu ahayd 30 jir, ka dib markii ay ku maxkamadu sheegtay inay ku cadaatay inuu si ula kac ah dil ugu fuliyay al haw naxariistee marxuum C/ qaadir maxamed ismaaciil oo lagu naanaysi jiray cabdi( madoobe ). Marxuumkaas oo dadiisu ahayd 24 jir waxa uu gacan ku dhiigluhu ooda kaga qaaday rasaas 21/4/ 03 , isagoo sida la sheegay waqtigaa ku sugnaa meherad uu ka shaqaynayay oo ku taal badhtamaha magaalada Berbera , halkaas oo uu ku nafwaayay marxuumkaasi. Sida uu noosoo tebiyay weriyaha Haatuf ee berbera C/raxmaan, x dDahir casaan waxay maxkamada gobolka saaxil dil ku xukuntay maalintii doraad , gacanku dhiigle maxamed ciise xayir markii ay ku cadaaay inuu si badheedh ah u fuliyay dilkaas.

Top


Shirkada TOTAL Oo Diiday Amaro Ka Soo Baxay Xukuumadda Somaliland.

Berbera (Haatuf) Masuuliyiinta shirkada Total ee gacanta ku haya Haamaha shidaalka ee berbera ayaa diiday inay fuliyaan amar ka yimi dhinaca masuuliyiinta sare ee xukuumada iyo kuwa gobolkaba, kaas oo ahaa xafiis serfay dhinaca maraakiibta ah oo loo ogolaaday inuu furto Eng xuseen axmed khayre.

Xafiiskaas oo shaqadiisu tahay inuu qiyaaso oo hubiyo shidaalka ay maraakiibtu sidaan ee lagu shubayo haamaha shidaalka iyo maraakiibta badeecadaha sida ee kusoo xidhata dekeda berbera, hase ahaatee xafiiskaa oo dhowaan laga furay magaalada berbera ka dib markii uu buuxiyay shuruucdii looga baahnaa, isla markaana ay masuuliyiinta sare ee maamulka xukuumadu siiyeen ogolaansho, iyadoo sida ku cad qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta oo tixraacaya qoraal kale oo hore ugasoo baxay xafiiska madaxweynaha jsl mudane daahir rayaale oo kala tashaday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, qoraalkaas oo uu madaxweynuhu ku amrayay inay masuuliyiinta gobolka saaxil gacan buuxda ku siiyaan hawl gelinta xafiiska farsamada bada ee loo ogolaaday muwaadinka magiciisu yahay xuseen faarax khayre. Sidoo kale gudoomiyaha gobolka saaxil maxamed c/laahi maxamed iyo xeer ilaaliyaha gobolka ayaa ku amray shirkadaha wakiilada maraakiibta in la tix geliyo hawsha xafiiskaa ee sharciga ah, waxayna masuuliyiintu qoraalkooda ku sheegeen inaan debed laga keeni karin dad ajaanib ah oo hawshan qabanaya, gudana laga keeni karin xafiiska ogolaanshaha haysta mooyee, laakiin waxa is-hortaagay fulinta amaradaa masuuliyiinta shirkadda TOTAL ee gacanta ku haysay haamaha kaydka shidaalka, iyadooo Tanker kuwa shidaalka qaada ah oo dhowaan yimi, isla markaana shidaal u sidday shirkadda TOTAL dalka Senegaal looga soo kiraystay dad qabta hawsha baadhitaanka iyo qiyaasta shixnadda markabku xanbaarsan yahay, laakiin hadda ka hor dadka hawsha sarfeyga qabta waxa laga keeni jiray dalka Jabuuti, balse wixii ka horeeyey intii ay shirkadda TOTAL la wareegtay gacan ku haynta haamaha kaydka shidaalka hawsha sarfeyga waxa qaban jiray dad muwaadiniin ah oo ay ka mid yihiin EnG: Maxamed Xoore (Laakiyaane), kaas oo meesha ka baxay markii ay shirkadda TOTAL la wareegtay maamulka haamaha shidaalka.

Arintan ay shirkadda TOTAL isku hortaagtay qoraalada masuuliyiinta dawladda dhexe iyo kuwa heer gobol-ba waxay la yaab ku noqotay dadka reer Berbera, iyadoo ay shirkadda TOTAL gacan ku haynta maamulka haamaha kaydka shidaalka iyo iibka shidaalkaba xukuumadda Somaliland ku wareejisay muddo dhawr sannadood ka hor ah, lana gashay heshiis waqtigiisu gaadhayo muddo 50 sannadood ah, laakiin xiligaa wixii ka horeeyey waxa shidaalka keeni jiray ganacsato wadaniya, qiimaha shidaalkuna waxa uu ahaa mid aad u jabban. Hase yeeshee hashiiska ay xukuumaddu la gashay shirkadda TOTAL golaha wakiilada ayaa diiday ansixintiisa, balse taasi meesha kama saarin heshiiskii ee wuu dhaqan galay oo xukuumaddu way socod siisay.

Waxa kale oo ka mid ah amarrada ay shirkadda TOTAL fulin wayday dacwad ay shirkadda ku oogeen niman dhalinyaro ah oo shirkadda ku yeeshay lacag mushahar iyo xuquuq ay ugu yeesheen shirkadda muddo ay u shaqaynayeen, taas oo ay maxkamadda sare u xukuntay, laakiin aanay shirkaddu ilaa hadda fulin.

Weriyaha Haatuf ee gobolka Saaxil, C/raxmaan Casaan oo isku deyey inuu sababta ay shirkadda TOTAL amaraddan u fulin-wayday wax ka waydiiyo maamulaha shirkadda ee xafiiska Berbera , C/wahaab Xuseen uma ay suurtagelin weriyaha inuu ka kulmo.

Top


Waddo-Xidhantay Iyo Dhismo Sharci Daro Ah.

Hargeysa (Haatuf): “waxaan ku farayaa inaad banaysaan goobta sida sharci darada ah looga seestay meesha wadada ah”; sidaa waxa yidhi maayar-xigeenka Hargeysa, Aadan Ismaaciil Jirde oo 16-kii Jananweri 2003 qoraal amar ah ka soo saaray dhisme laga seesay meel waddo ah, iyadoo uu maayar-xigeenku amar ku bixiyey in dhismaha halkaa laga seestay la dumiyo, maadaama uu sharci daro yahay, isla markaana uu waddo ku yaal.

Dhismahani waxa uu ku yaal meel waddo ah oo dhinaca koonfureed ka xigta dhismaha STAR MINI-MARKET ee waaxda Maxamuud Haybe, wuxuuna dhismaha halkaa laga seesay gebi ahaanba jaray waddo dhinaca galbeed uga bixi lahayd waddo laami ah oo ay afar waddo ku kulmaan, sidoo kalena dadka wadada xidhan hareeraheeda dhismayaasha ama jagooyinka ku leh ayaa cabasho xoog leh ka muujiyey dhismaha halkaa laga seesay, iyaga oo ku cawday inuu xidhay albaabadii ay guryahooda ka soo geli lahaayeen.

“Afarta dhinac-ba way naga xidhan tahay, xaafadda oo dhamina way ooyeysaa” sidaa waxa tidhi hooyo ka mid ah dadka halkaa guryaha ku leh. Sidoo kale Ibraahim Muxumad oo isna ka mid ah dadka ugu darran ee ay arintani saamaysay ayaa yidhi “Muddo dhawr iyo toban sannadood ah ayaan qurbaha ku maqnaa wixii aan soo shaqaystayna waxaan siistay jagadaa, tiina afarta albaaba waa layga xidhay”.

Sidaa awgeed waxay madaxda dawladda hoose iyo kuwa dawladda dhexe qaarkood-ba soo saareen amaro dhigaya in dhismahaa la dumiyo, kuwaas oo ku sinaa ilaa sannadkii 2002.

Agaasimaha guud ee wasaaradda daakhiliga, C/raxmaan Daahir Cajeb ayaa qoraal uu ka soo saaray dhismahaa waxa uu ku yidhi “Waxa cabasho noo soo gud-biyey Ibraahin Muxumad Askar oo ku cabanaya in wadooyinkii gurigiisa la dhistay oo aanay jirin meel uu ka galo iyo meel uu ka baxaa, waxaana sida warqadaha kor ku xusan ku cad xidhista wadadaa ka dambeeya Maxamed Cabdi Ismaaciil (Bidhaan), sidaa darteed cabashadaasi hadii ay jirto wax halaga qabto”.

Sidoo kale gudoomiyaha waaxda Maxamud Haybe, Maxamed Aw-Aadan Wayrax ayaa isna soo saaray amar lagu duminayo dhismaha halkaa laga seesay, sidoo kale Maayar-xigeenka, Aadan Ismaaciil Jirde ayaa mar kale soo saaray amar ah in la fuliyo duminta dhismahaa.

Kooxo Joomitiro ah oo marar kala duwan meesha soo qiimeeyey ayaa iyaguna cadeeyey inuu dhismahaasi ku fadhiyo meel waddo ah, sidaa darteedna ku taliyey in la dumiyo.

Madaxa qaybta dhulka ee dawladda hoose ee Hargeysa, C/laahi Yuusuf iyo Madaxa joomitirka dawladda Hoose, Mursal Saleebaan Maxamed ayaa iyaga oo wada jira qoraal warbixin ah ka soo saaray dhismahaa, iyadoo uu maayar-xigeenku hawshaa u diray, waxayna qoraalkooda ku yidhaahdeen “Anaga oo tixraacayna amarkaagii afka ahaa ee aad noo dirtay inaanu ka soo warbixino dhulka wadada ah ee la dhistay xaqiijinteeda. Hadaba gudoomiye markaanu tagnay meesha waxaanu ku soo aragnay waddo laamiga tagta oo galbeed u socota ayaa waxa lagu jaray sees laba ah oo uu nin qudhi leeyahay, sidaa darteed qorshe ahaan waa waddo, wayna xidhan tahay, in la furanaa waa lama huraan maadaama ay wadadaasi ummad dhan ka xidhantahay”.

Amarada iyo qoraalada laga soo saaray dhismaha sharci darada ah iyo banaynta wadada xidhantay way badan yihiin, laakiin ilaa hadda waxba kama socon, waxayna dadka goobtaa degani aaminsan yihiin inay tahay arin hadda laga hadhay, taas oo uu ninka dhismahan leh oo ah ganacsade caan ah ka saayid-caleeyey maamulayaasha dawladda iyo amaradoodaba, laakiin waxay wararka qaar leeyihiin sababaha ay amaradani u fuli la’yihiin waxa ka mid ah madaxda dawladda hoose oo aanay qaarkood raali ka ahayn in dhismahan la dumiyo, iyadoo uu masuulkii markii hore bixiyey dhismahan sharcidarada ah ka mid yahay hawl-wadeenadda dawladda hoose.

Maayarka Hargeysa, Eng. Jiciir hadal uu maalintii la doortay ka jeediyey madashii lagu doortay waxa uu ku sheegay in waxyaalaha ugu waaweyn ee uu wax ka qaban doono ay mushkiladdu ka mid tahay, laakiin taasi ilaa hadda uma muuqato mid meel martay, waxaana intaa soo yeedhaya qaylodhaan la xidhiidha mushkiladda dhulka, hadii ay tahay murran iyo hadii ay tahay boobistiisaba.

Top


Shirka Dalalka Warashadaha Ku Horumaray Oo Dhamaaday.

BBC-Hogaamiyeyaasha sideeda dowladood ee xagga warshadaha ugu horumarsan ayaa gabagabadii shir ay ku yeesheen Ivian ee Faransiiska ku baaqey, in dabogal xoog leh lagu sameeyo hubka iyo sawaariikhda gantaalada ay suurogal tahay in ay argagixisadu adeegsato.
Baaq ay hogaamiyeyaashu soo saareen dhamaadka shirka ka dib, ayaa waxaa ka muuqatey tilmaan cad oo lagu xusay wadamada Iiraan iyo Kuuriyada Waqooyiga, iyadoo loogu baaqey labadoodaba in ay u hogaansanmaan heshiisyada Nukliyeerka ee Caalamiga ah. Shirkan Magaalada Evian lagu qabtey ayaa waxaa uu ahaa kulankii ugu horeeyey oo tiro intaan le'eg oo hogaamiyeyaasha dalalka waaweyn ay fool ka fool u kulmaan, tan iyo intii uu dhacey dagaalkii Ciraaq oo ay si aad ah uga kala qeybsanaayeen. Kulan dhex marey Madaxweynaha Faransiiska iyo madaxweynaha Mareykanka George Bush ayaa waxay labaduba ku tilmaameen in wadahadaladooda ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah oo midho dhal ah. Waxaa kale oo hogaamiyeyaashaasi baaqooda ay ku xuseen in argagixisada caalamiga ah iyo faafida hubka wax gumaada ay yihiin arrimaha khatarta galinaya amaanka caalamka.

Waxayna soo jeediyeen si xakameyn lagu soo rogo qalabka la dhoofiyo iyo la adeegsado qaabab kale oo looga hortagayo khatarta huba sida baahsan wax u gumaada haddii loo baahdo.

Kuuriyada Waqooyi ayaa si gaar ah loogu dalbey in ay cad oo Kama danbeyn ah oo la hubin karo u furfurto hubkeeda Nulkiyeerka.
Sidoo kale waxaa laga digey in barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan ay suuro gal tahay in uu soo saaro hub wax gumaada.

Top


Iiraan oo siideysey askar.

BBC-Dowladda Iiraan ayaa qabatey afar ka mid ah ciidamada Mareykanka iyo Shan qof oo rayid ah oo saarnaa doon yar oo mareysey Marinta Shadil Carab.

Taliska Hogaanka Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ayaa sheegey in Dadkaas ay ciidamada Iiraan u qaadeen meel aan la garaneyn iyaga oo indhaha ka xidhan.

Afhayeen u hadley ciidamda Mareykanka ayaa waxaa uu sheegey, in dadkaas Mareykanka ah ee la xidhay ay u socodeen dakeda Albakar, si ay goobtaas baadhitaan ugu sameeyaan. Hase yeeshee, si kadis ah ayaa ciidamada Iraan ay dadkaasi xoog ugu kaxeysteen.

Afhayeenku waxaa uu intaa ku darey, in Iiraaniyiintu ay sii daayeen afar askari ee ka tirsanaan ciidamda Mareykanka iyo seddex qof oo rayid ah oo uu ku jiro nin ka ganacsada saliida. Hase ahaatee, Iiraaniyiinu waxay ilaa hadda hastaan laba badmaax oo ka tirsan dadkii la qabtey. Waxaa uu cadeeyey afhayeenku in ay suurogal tahay in ay ciidamada Mareykanku ay si khalad ay u galeen biyaha dalka Iraan.

Baaritaan lagu sameeyey ciidamadii Mareykanka ahaa ee la sii daayey ayaa cadeysey in raggaas aan wax jir dil ah lagu sameyn. Waxaa xusid mudan in dekada Albakar ee Ciraaq ee ku taala Shadul Carab in ay ku dhowdahay xuduudka biyaha ee Iiraan, horey ayaa waxaa deegaankaas ku muransanaa dalalka Iiraan iyo Ciraaq.

Murankaasina waxaa uu sababey dagaalkii dhexmarey labada dal ee seddeeda sanadood socdey.

Top


Dad Qaxooti Ah Oo Doonyo.

BBC-Hawada oo ficaan iyo badda oo daggan ayaa waxaa ay sababayaan in doonyo badan oo sida dad muhaajiriin ay ku soo qulqulaan xeebaha konfurta Talyaaniga.

Ku dhawaad kun qof oo u kala dhashay dalal kala duwan ayaa 48 saacadood ee dambeeyey soo gaadhay xeebaha ku yaal gobolada konfurta Talyaaniga.

Dadkaasi waxa la sheegay inay u kala dhasheen Soomaaliya, Kurdistan, Pakistan, Mauritania, Sudan, Falastiin, Hindiya, Gana, Chad iyo Liberia. Iyago saarnaa doonyo laga naxaayo sida ey u baaba'san yihiin ayaa dadka muhaajirinta ah qaarkood, waxaa u soo gurmaday ciidamada xeebaha ilaaliya ee Talyaaniga inta aanay la gaddomin doomaaha, qaar kalena waxaa u suurogashay inay soo gaadhaan ilaa iyo xeebta.

Doon aad u yar oo dhererkeeda lagu qiyaasay 15 mitir waxaa ciidamada xeebaha ilaaliya ee talyaaniga ey ku arkeen uguna soo gurmadeen meel konfur kaga aadan jasiiradda yar ee la yidhaahdo Lampedusa ee ka tirsan gobolka Sicilia.

Waxa saarna 200 oo qof oo isugu jiray Soomaali, Ciraaqiyiin iyo Falastiniyiin.

Waxaana ka mid ahaa laabatan dumar oo mid xaamilo tahay iyo labaatan caruur ah.

Saacadihi ka horreyey doon siday 137 qof oo la sheegay inay Soomaali yihiin ayaa soo gaadhay isla jasiirada Lampedusa.Waxaana dadkaasi ka mid ahaa saddex dumar ah, saddex caruur iyo wiil yar.

Xeebaha gobolka kale ee la yiraahdo Calabria waxaa ku soo caariday doon nooca kalluumeysiga ah oo ey la socdeen in ka badan 200 oo Kurdiyiin ah. Boqolaalkaasi muhaajiriin oo naftooda ku soo biimeyey doonyo bolol ah oo bakhtiyaa nasiib ah ee soo gaadhay xeebaha talyaaniga waxaa la kala geeyey xeriyaha lagu hayo dadka bilaa sharciga, halkaasi oo lagu baari doono heybtooda iyo xaaladooda.

Inkasto dawladda midig dhexe ee Talyaaniga ey soo saartay sharci mudnaanta kowaad siinaya in tallaabo adag laga qaado soo galowga bilaa sharciga, ayaa haddana waxaa isdhimi là muhaajiriinta bilaa sharciga ah ee iskudeyeysa inay soo galaan dhulka Talyaaniga. Waxaana la qabaa in dadkaasi badankooda ey ka soo tahriibaan xeebaha waqoyiga Afrika.

Top


30 Ka Culima'udiinka Labada Gobol Ee Gobolka Hargeisa Iyo Awdal Oo Dood Cilmiyeed Ku Saabsan Cudurka Hiv, Aids Iyo F.G.M Oo Uga Furmay Gabiley.

Gebiley (Haatuf) Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Dr Axmed cabdi jaamac ayaa shalay 9:00 saac ee subaxnimo dood cilmiyeed ku saabsan dhibaatooyinka uu keeno cudurka dilaaga ah ee HIV-AIDSka, gudniinka fircooniga ah iyo xuquuqda ay wiilasha iyo gabdhuhu u wada leeyihiin wax-barashada ka furay.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Degmada Gebiley Maxamed Xasan, dood cilmiyeedkan oo ay soo qabanqaabisay haa'yada wadaniga ah ee RED SEA ACTION, ayna maalgalisay hay'ada jimciyada quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan xanaanada caruurta ee UNICEF, ayaa waxa ka soo qaybgalay 30 ka mida culima'udiinka ugu waawayn ee labada gobol ee Hargeisa iyo Awdal, kaasi oo socon doona mudo afar maalmooda. Ayaa waxay culima'udiinku ku lafo guri doonaan mudada dood cilmiyeedkani socdo - mawqifka ay diinta islaamku ka qabto, sida uu cudurku ku yimaado, waxa lagaga hortagi karo iyo sida daawo loogu heli karo, waxaana kala qayb qaadanaya dood cilmiyeedkan saraakiiil ka kala socota wasaarada caafimaadka, UNICEF iyo wasaarada diinta iyo awqaafta oo kala ah, Dr. Deeq Siciid (caafimaadka), Mr Xasan Aaden cali (UNICEF), iyo Sheekh Yousuf Cali Xoore (Awqaafta).

Hadaba dood cilmiyeedkan labada gobol oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga qabanqaabiyey dalka ayaa waxa furitaanka xafladan oo lagu qabtay hoolka wasaarada waxbarashada gabiley ugu horayn warbixin waxyaalaha laga doodi doono ka soo jeediyey sarkaal ka socda hay'ada UNICEF. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Dr Axmed Cabdi Jaamac oo culima'udiinka uga waramay taariikhda uu cudurkani leeyahay halka uu aduunyada ka marayo, sida uu dalkeena uga jiro iyo kaalinta looga baahanyahay inay culima'udiinta Somaliland ka qaataan kaasi oo kula dardaarmay inay culimadu umadooda fadhiga uga kacaan oo aan lagu jirin wakhtigan xaalad la sii eegto. Intaa ka dib waxaa halkaa ka hadlay duqa degmada gabiley Mr Muxumed Geele Seed oo u mahad naqay hay'adaha soo qaban qaabiyey. Red sea action iyo uncef iyo culimaa'diinka iskaga kala yimid dhulalka kala fogfog si ay u gudtaan waajibka ka saaran iyo xilka umadooda gebogabadii waxa halkaa ka hadlay sh.yuusuf cabdi xoore, oo ah caalin ka socday waaarada diinta iyo awqaafta ayaa culimawdiinka u sheegay in ay iyagu yihiin kuwa looga baahanyahay inay diinta ka baadhaan xal u helida daawaynta cudurkan oo sida uu sheegay tahay mida kaliya ee lagu dawayn karaa cudurkan HIV/AIDS inay tahay diinta islaamka.

Waxa isna halkaa ka hadlay sarkaal ka socday hay'ada wadaniga ah ee red sea action.

Md.yuusuf cilmi ayaanle (dahab lule) waxaana hadaladiisii ka mid ahaa "umada xageena ayaa looga soo dhacay hadaynu nahay masuuliyiinta ubadka dhalay kaasi oo canaan u jeediyay waalidiinta reer Somaliland oo uu u tilmaamay inay yihiin halka ay sartu ka xumaanayso, ayna ka hagaagi karto loona baahanyahay in ubadkooga ku barbaariyeen dhaqanka suuban ee ayna jidhkooda uun korin.

Top


Warar Kooban: Wararkan waxa noo soo diray weriyaha Haatuf ee Muqdisho.

Wafdigii xaqiiqo raadinta ee ku sugnaa Gobolka Hiiraan oo kulamadoodii soo gebagebeeyey.

Wafdigan oo uu hogaaminayey Col.Cusmaan Nuur Cusmaan ayaa waxa ay la shireen dhamaan Mas'uuliyiinta Gobolka, saraakiisha, ugaasyada ,nabadoonada, ururada haweenka iyo xubno kale oo ka tirsan ururada bulshada,hase yeeshee wuxuu shirkaasi ku dhamaaday si wanaagsan waxaana lagu heshiiyay hub ka dhigis dhan walba ah.

Waxaa kale oo laysla ogolaaday in Gobolka Hiiraan laga sameeyo Sadex meelood. sadexdaasi meelood ayaa waxa laysku afgartay in laba laga dhigo magaalada Beledweyne mida kalena laga dhigo degmada Buulo Berde.

Dhanka kale waxaa wafdiga la filayaa inay maanta ka ambabixi doonaan degmada Beledweyne iyagoo ku laaban doona magaalada Nairobi si ay ugudbiyaan warbixinadii ay halkaasi ka ururiyeen.

Dhiilo colaadeed oo ka jira Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Galguduud.
Wararaka ka imanaya Tuulada masegawaay oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegay in dhiilo colaadeed ay ka jirto deegaano ay ka mid yihiin Galcad Ceeldheer Cali Afrax Mesagawaa iyo kuwo kale oo ka tirsan Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Galguduud.

Deegaanadaasi ayaa lagu weramayaa inay ka jiraan is urursi maleeshiyooyin beeleed iyo diyaar garow dagaal iyadoo sidoo kale la sheegay in maleeshiyooyin ku hubaysan tiknikooyin ay markaasi ka ambabaxeen magaalada Muqdisho ayna gaadheen deegaano ka tirsan goboladaasi.

Colaadihii horay uga dhacay deegaanadaasi ayaa xabad joojin ay sameeyeen waxgarad ay ka mid ahaayeen Cali Ugaas Cabdulle iyo Imam Max'ud Imam Cumar ayaa la sheegayaa in haatan ay u muuqato mid aan meel marin.

War goor dhow naga soo gaadhay deegaanka Cadale waxa uu sheegayaa in Max'ed Cumar Xabeeb oo beryahanba ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa haatan gaadhay halkaasi isagoo sheegay inuu xoog wax kaga qabanayo arimahan haatan halkaasi kasoo cusboonaaday.

Qoys shan ruux ka kooban oo ay miino dishay.

Shan qof oo isku qoys ah ayaa geeriyooday saaka waa birigii ka dib markii ay gurigii ay jiifeen ay kula qaraxday miinada kaawooyinka lagu jebiyo oo halkaasi taalay ee xaafada Waxar Cadde.Miinada oo uu guriga keenay odayga reerka oo ka shaqeyn jiray (Godadka Ciida laga guro).kaawooyinka ayaa ka mid ah inta geeriyootay oo ay wehliyeen sadex caruur ah iyo hooyadood.

Lama sheegin sababta rasmiga ah ee dhalisay inay miinadani waxyeelda ba'an geysatay iyadoo wararku ay sheegayaan in miinada iskeed isaga qaraxday balse laga yaabo in wax uun ay saameyn ku yeesheen, iyadoo dadka deegaanka ay u gurmadeen balse ay waxba ka qaban Karin marka laga reebo inay ururiyaan maydadka.

Dhibaatooyinka ay miinadu geysato ayaa ah mid si balaadhan u saameysay gebi ahaanba dalka Soomaaliya iyadoo dhibaatadeeda ay leedahay.

Top  


Itoobiyaan Lagu Dilay Burco.

Burco (Haatuf) Nin ay dhalashadiisu tahay Itoobiyaan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Cali ayaa maalintii axaddii maydkiisa laga helay magaalada Burco, ninkaas oo loo malaynayo in la dilay, ilaa iyo hadda ma cadda ciddii iyo sababtii keentay dhimashada ninkaasi, oo lagu soo waramay inaan maydkiisa la aasin ilaa maalintii shalay.

Sida uu ku soo waramay weriye Liibaan Maaweel shire maydka ninkaasi waxa uu yaalay qolka maydka ee cusbitaalka Burco.

Masuuliyiinta gobolkaas ayaa ilaa iyo hadda ka gaabsaday inay ka hadlaan dhimashada ninkaas.

Wararkii ugu dambeeyey ee ka yimid dhinaca Burco ayaa sheegay in shaqaalaha dawladda hoose ee Burco oo gaadhaya ilaa boqol qof ayaa isku xilqaameen aaska ninkaas maalintii shalay magaalada Burco.

Ma aha dhacdadani tii ugu horeysay ee ka dhacda Burco balse dhawr goor oo hore ayey dhaceen falal noocan oo kale oo lagu waxyeelaynayo ajaanibka ku nool magaalada Burco.

Top  


Shirki Carabta Ee Sharmi Sheekh Iyo Maraykanka

Sharma Sheikh (W. Wararka): Khilaafaad ayaa hadheeyey shir-madaxeedkii ay ku kulmeen madaxda Maraykanka iyo qaar ka tirsan hogaamiyayaasha dalalka Carabta Degmada Sharma Sheikh ee dalka Masar oo la soo gabagabeeyey maalintii shalay.

Sida ay sheegayaan wararka imanaya halkaasi khilaafaadku waxay ka dhasheen qodobo ku saabsan qorshaha uu maraykanku ugu talo galay bariga dhexe, oo la sheegay inay Israa’iil dalbatay in wax laga bedelo, taas oo uu Maraykankuna ku taageeray.

Sida la sheegay waxaa arrintaa isku mari waayey wasiiraddii arrimaha dibada ee dalalka shirka ka qayb galay, taas oo keentay inay markii dambe fara-galiyaan hogaamiyayaashii shirkaa ka qayb galay.

Taasina waxay keentay inuu dib u dhaco bayaankii laga soo saari lahaa gabagabada shirka, kaas oo la sheegay inuu ka hadlayo qorshaha maraykanka ee bariga dhexe, dhismaha dawlad Falastiin oo madax banaan iyo in la joojiyo rabshadaha gacan ka hadalka ee u dhaxeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Dawladda Maraykanka ayaa dhinaca kale cadaadis ku saartay dalalka Carabta inay hagaajiyaan cilaaqaadka ay la leeyihiin Israa’iil.

Top  


Hambalyo Meher.

Hambalyo

Cumar Axmed Gaas Dubbe, Xaaskii Iyo Caruurtiisa, Maxud Abokor Dubbe (Dhega-Weyne),Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Xuseen Axmed Dubbe (Lamuumbe), Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Haybe Dubbe, Abokor Dubbe, Mustafe Axmed Dubbe, Farxaan Axmed Dubbe, C/Xakiim Xasan Dubbe,Axmed Xasan Dubbe, Deeq Ibraahim Dubbe, C/Naasir Ibraahim Dubbe,Sidiiq Abokor Dubbe,Dhamaan Reer Dubbe Waxay Hambalyo- u Dirayaan Meherka, C/Raxmaan Maxamuud Jaamac Mataan Iyo Aamina Cabdi Cawed Cali, Oo 02/06/2003, Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Burco, Waxayna Leeyihiin Noqda Labadii Arooskooda Ku Gaadha Bash-Bash Iyo Barwaaqo.

Hambalyo

C/Raxmaan Maxamed Aadan, Xaasaskiisa Iyo Caruurtiisa, Cumar Axmed Gaas, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Maxamuud Maxame Ducaale, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Axmed Aadan Cadhood, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Axmed Aadan Cadhood, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa Cadnaan Xaaji Raage, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Cali Maxamuud Xaashi, Xaasaskiisa Iyo Caruurtiisa, Yaasiin Xuseen Cawed, Xaaskiiskiisa Iyo Caruurtiisa, Maxamed Cali Faarax, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Yaasiin Cabdi Cabdulle, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Faarax Caydiid Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, C/Risaaq Dhabayaco, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Dhamaan Bahda Xawaaladda Mataan Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka C/Raxmaan Maxud Jaamac Mataan
Iyo Aamina Cabdi Cawed Cali Oo 02/06/2003, Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Burco, Waxayna Leeyihiin Noqda Labadii Arooskooda Ku Gaadha- Bash-Bash Iyo Barwaaqo, Aamiin.

Hambalyo

Jaamac .X. Maxamuud Cigaal, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Dr- Nuux Maxamed Raage, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Dr-Xuseen Maxamuud .X. Ducaale (Record), Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Nuux Cusmaan Abokor, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Cali Maxamed Janaale, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Axmed Cige Maxamed,Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Khadar Cusmaan Geele, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Siciid Axmed Doodi , Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Cabdi Maxamed Janaale, Maxamuud Maxamed Janaale, Jaamac Xuseen Yalaxle, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Axmed Cali Mataan, Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa, Maxamed Daahir Cali, Libaam Maaweel Shire Iyo Xaaskiisa, Dhamaan Asxaabtaas Waxay Hambalyo- Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka C/Raxmaan Maxamuud Jaamac Mataan Iyo Aamina Cabdi Cawed Cali Oo 02/06/2003,Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Burco, Waxayna Leeyihiin Noqda Labadii Arooskooda Ku Gaadha- Bash-Bash Iyo Barwaaqo. Aamiin.

Top