Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 347 pt. 2 June 4, 2003

Dhalasho Farxad Leh.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Dawladdii Wey Dhisan Tahay.

Xasuusin iyo Talo Gudbin.

Qaadaye Xagguu Ku Cuni.

Rayaale Dawladdiisii Miyey Ka Baahday Mise Way Ku Baahday?

NIN DAAD QAATAY XUUNBO CUSKAY!

Daryeel (Jiifto).

IRMAANTA SUUGAANTA.

Waadiga Ciyaaraha.


Dhalasho Farxad Leh.

Siciid Guraase, Axmed Ismaaciil Guraase, C/Qani Xariir Ismaaciil, Nagiib Saleebaan Warsame, Khadar C/Laahi Badeed, Yaxye Iid Dhimbiil, Mahad Muxumed Faarax, Xasan C/Laahi Diiriye, Siciid Xuseen Guuleed, Maxamed Xasan Diiriye, Cismaan Axmed Cali, Xasan Cabdi Barkhadle.Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaana
Khadar Bayle Jaamac Iyo Sahra Aadan Cumar Oo Wiil Ugu Dhashay Magaalada Hargeysa 31-Kii May 03. Wiilkaas Oo Loo Bixiyey C/Baari
Khadar Bayle waxaanay Ilaahay uga baryayaan inuu ka dhigo kii dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba anfaca, aamiin.

Top  


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Dawladdii Wey Dhisan Tahay.

Aniga oo ah Aadan Geedi Liibaan (Jadheeye) waxaan had iyo jeer ka maqlaa BBC_da iyo wargeysyadaba dawladda had maa la dhisayaa iyo waxaa loo dhisi waayey?

Haddaba waxa ay aniga ila tahay in ay dawladdu sidii ay u dhisnayd u dhisantahay, waxa la galay doorasho, madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen,. Tiina waxaa ku soo baxay 2badoodii markii hore xilka hayay. Haddaba dadkan leh maxaa dawladdii loo dhisi waayey, ma dad ay iyagu wataan jeebkood ku jira ayey doonayaaan, inta hore la burburiyo, mid damba la dhiso oo ay iyagu doonayaan.

Waxaan leeyahay rag qabqablayaasha ah ee qas wadeenka ahi waa raggii xukuumadihii hore wasiiradda ka soo wada qabtay, ee markii ay waxba wadi kari waayeen xilkii laga qaaday, ka dibna mucaaradnimo wada galay. Hase yeeshee,ma haboona meeshana kuma jirto in la yidhaahdo dawlad cusub hala dhiso, waxaan leeyahay arrintaasiwaa mid dawladda u taalee faraha ka qaada.

Waxa kale oo aan idiin sheegayaa in inta aad daarta jiingadda sare ka bilaabaysaan in ay haboontahay in gunta iyo seeskalaga soo bilaabo. Haddaba,raggiinan hadlayaa ee dawladda uun aflagaadaynayaa maxay u arki waayeen maxkamadaha lagu dul baaba’ay ee ninkii wax dilaiyo kii wax qasa sii daynaysa ee xaalkeedu noqday “Miskiin baa misko la fuulo leh”. Waa maxay maxkamaddda toggii rogmaday u taakinaysa ee sharciga qabadsiinaysa uun ka miskiina ah, ka kalena aanay sharcigaba qabadsiinayn.

Waxa lagu baaba’ay oo u baahan in waxa laga qabto maxkamadaha, dawladaha hoose, iyo dembi baadhayaasha, haddii kuwaa wax laga qaban waayo halis baynu ku jirnaa. Bal maxkamadaha taga 9-ka ilaa 12-ka subaxnimo, waxaad arki doontaan meeshaasi waxa dulmi ka socda ee dilaal iyo malaaliini hortaagan yihiin, iyada oo ka la eryanayaana uu noqonayo mukhalas, iyo mid qareen noqday, iyaga oo markii garsoore xil laga qaadaba u shaadh kale gashanayo oo uu noqonayo mukhalas ama qareen.

Aaden Geedi Liibaan.

Jadheeye, Hargeysa.

Top


Xasuusin iyo Talo Gudbin.

Mudane Madaxweyne iyo Madaxweyne Ku Xigeen, aniga oo ka mid ah culimada muwaadiniinta ah waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa talo ku salaysan diinta Islaamka, Marka hore Waxaan idin xusuusinayaa inaad ummadda u dhaarateen, magaca Ilaahaayna ugu dhaarateen inaad si daacad ah u maamulaysaan dalka.

Mar labaad, waxaan idinkula talinayaa inaad dawladda ku dhistaan shareecadda Islaamka, isla markaana culimada diinta ka qayb gelisaan talada dalka.

Ugu dambayna waxaan idinka codsanayaa inaydaan ku deg degin oo ka midha dhalisaan magacaabista golaha wasiiradda.

Xaaji Maxamuud C/laahi Cigaal.

Ururka Islaamka ee Nasrum Mina Laahi Wabillaahi Tawfiiq.

Top


Qaadaye Xagguu Ku Cuni.

Waxa la yidhi berri baa nin reer magaal ah u yimid reerkiisii, oo miyiga yaala, markii uu in muddo ah joogay ayaa habeenkii dambe saqdii dhexe roob qabsaday, sidii looga jirsanayey roobkii ayaa waxa u soo dhacay xeradii adhiga waraabe wuxuu la tagay ri’, had iyo gooraale waxay riyuhu caado u leeyihiin inay ciyaan (qaylyaan) ninkii wuxuu cagta cagta u saaray waraabihii, markii is-yidhaahdo ka hadh-ba wuxuu maqlaa ridii oo meel dhaw ka qaylinaysa, markaasuu haddana orod hor iska dayaa, markaasuu gaadhi waayaa, markii dambe ayuu meel iska fadhiistay, haddana wuxuu maqlay qayladii ri’da oo meel ku dhaw ka baxaysa.

Ninkii intuu iska soo noqday ayuu yidhi “Ilaahayaw waalidiintayadii ka sawaabi” markii uu ku soo laabtay ayaa islaantiisii aad ugu canaantay maxaad ri’dii uga soo dhicin weyday waraabihii, ninkii wuxuu ugu jawaabay bal qaadaye halkuu ku cuni ilayn dhulkoo dhani waa wada qoyaan’e, wuxuu intaa raaciyey haynaga xumayn sadaqada’e ee aamus waxaan ula niyooday waalidiinteenii dhimatee, haddaba waxan uga socdaa hadalkayga, dawladda la dhisayo xaggee la geynayaa, haddii dalkiiba muran ka taagan yahay. markaa qoodhiin iyo xaradiin miyaanu xaalku ahayn qaadaye xagguu ku cuni. Haddaba waxaan odhan lahaa, xaqiiqada ha lagu soo dhawaado oo hala dhameeyo khilaafaadka ilayn dawlad laan-gadhe ahi ishaasay inoo yeeshay, ee laba iyo tobanka sano ina daashatay. Haddiise ay tahay la isku joojin maayo, geediga wadaay.

Abwaan Cali Ismaaciil Carab (Duul Duul).

Top


Rayaale Dawladdiisii Miyey Ka Baahday Mise Way Ku Baahday?

Waa su’aal aan jawaab lahayn. sidaynu wada ogsoonahay 16-kii May 2003, maalintii la dhaariyey madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee hogaamin doona shanta sano ee soo socda Somaliland, iyada oo uu gudoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Siciid Faarax ku dhaariyey qur’aanka kariimkaah madaxweyne Rayaale iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf, muddada xilka ay haynayaan oo ka bilaabantay maalintii xilka loo dhaariyey waxay talaabadani soo afjartay xubnihii golaha xukuumadda ee hore ee Somaliland, kuwaasoo mudadii xilkoodu ku soo afjarmay xukuumaddii hore, wakhtigan xaadirka ahna laga sugayo madaxweynaha cusub ee la dhaariyey inuu soo dhiso xukuumad hor leh, oo la jaan qaada wadciga maamul, taas oo ka dhigi doonta mid laga dhugto xamilka hogaamin siyaasadeed maamul, karti iyo wax qabad ee uu kasban karo mustaqbalka dalkan Somaliland.

Shacbiga Somaliland wuxuu si foojigan wakhtigan iyo hanaanka ay yeelan doonto xukuumad cusub ee laga sugayo madaxweyne Rayaale, iyaga oo dareenkoodu ka mid yahay inay noqoto mid tiro kooban oo tayo wax qabad u leh hawlaha qaranka isla markaana qancisa dareenkooda. xukuumadda laga filayo madaxweyne Rayaale maaha mid u hanaan eg xukuumadii hore ee lagu tilmaami jiray musuqmaasuq iyo maamul xumo, balse arrinta maanta way ka duwantahay qaab-dhismeedka xukuumadda waxay shacbiga isku raacsanyihiin inuu dhisi karo dawlad kooban 15 ilmaadeera balse waxa shardi ka dhigayaan dadweynuhu inay noqdaan 15 leh tayo waxqabad, tayo aqooneed, tayo adeeg, tayo siyaasadeed, waayo muhiim maaha inay dawladdu ilmaadeer wada noqoto balse waxa muhiima in golaha xukuumadda noqdo mid mug leh, oo maangal ah hase ahaatee looma baahna meeshana kama tage waxna kuma tare, madaxweyne Rayaale maanta laga yeeli maayo xul maahee waa xal, waxaase looga baahan yahay inuu daneeyo dareenka iyo doonista shacbiga uu amaanada u hayo.

Balse looma baahna inuu mudnaan siiyo damac siyaasiyiinta kursi ku dirirka ah maxaa yeelay shacbigu waxay ku doodayaan damaca siyaasiga waxa ka weyn doonista Somaliland, sidaa darteed hogaanka cusub karti maamul wax qabad iyo fadhiid midkuu noqon doono waxa laga dheehan doonaa dawladda uu soo dhiso Rayaale, hadal iyo murti waxaa looga baahan yahay in madaxweyne Rayaale aad uga fiirsadooo fahmo inta aanu ku dhawaaqin dawladda cusub, waayo alikfa kaa xumaadaa albaqra kaagama hadho.

Gebagebadii Rayaale waxaa laga filay xukuumad kooban oo dhinac kasta raacsan, isla markaana dheelitiran, dadweynaha waxa laga doonayaa inay si miyir iyo masuuliyaddii ku jirto.

U qiimeyaan waxqabadka, xukuumadda cusub hadal iyo murti Rayaale ma rumayn doonaa balanqaadkii uu ka bixiyey xukuumadda uu soo dhisi doono, xigmadaasi waxay ku rumoobaysaa ragga uu soo xusho Rayaale hase ahaatee waa yaab iyo yaabka yaabkii wuxuu Daahir Rayaale ugu dhiiran la’yahay inuu dawladda soo dhiso wali dadku may garan hadaanay ahayn (Hal libaax arkaysaa ma godlato).

Maxamed Ibraahim Sagax, Hargeysa.

Top


NIN DAAD QAATAY XUUNBO CUSKAY!

Tan iyo intii ay dhamaatay doorashadii madaxtinimada Somaliland, doorashadaas oo shacabweynaha Somaliland ay u badinayaan in xisbiga kulmiye uu ku guulaystay madaxtinimada somaliland, balse markii uu ogaaday xisbiga udub in lagaga guulaystay doorashadii ka dhacday lixda gobol ee jamhuuriyadda soomaali-land,ay hawl-gal aad u culus ku dhaqaaqeen haddii ay noqon lahayd gudiga komishanka oo ay u caga-jugleeyeen,labada gole oo ay ku dhexdhaceen, iyaga oo ku yidhi maanta haddii aad kulmiye si cadaalada nooga raacdaan ogaada in labadiina gole aydaan meesha sii joogayn oo ay noqonayso kab iyo xaarkeed waa laysku - tuuraa, markii ay eegeen labada gole hadalkaas loo soo jeediyey wuxuu u noqday caqligooda mid sax ah, balse kumay xisaabtamin haddii ay runta sheegaan sumcadda iyo sharafta ay ku yeelanayaan shacabkooda iyo aduunweynahaba, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa hibo eebe ku siiyey, habeen layskama qaado, soomaalidu waxay ku maahmaahdaa wixii uurkaaga ku -jira afkaaga ayaa kaa xada, xaq-daradii ay ku wada raaceen labada gole, gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka komishanka, maxkamada sare,waa tii uu fashiliyey xaaji cabdi waraabe, hadaba waxaa isweydiin leh xisbigaas loogu dhawaaqay ee aan taageero aad u weyn ka haysan lixda gobol ee dalka, habkee, qaabkee, nidaamkee ayey waxku maamuli karaan, dawladaasina muddo intee leeg ayey soconkartaa, siyaasada dibada xoogeedu intee ayuu- leekaankaraa, wasiirada la-magacaabo iyagoo xora hayriyadaha gobolada ma ka khudbadeeyn karaan, maah-maah soomaaliyeed ayaa odhanaysa dhagaxna meel dhoow ayuu ku dhacaa, warna meel fog ayuu ku dhacaa.

Waxaa isweydiinleh mar haddii aqoontii xisbiga udub u la mid yahay dhagax-meel dhow ayuu ku dhacay, warka fog ee ka horeeyaana u yahay ka xaaji cabdi waraabe sheegay, sidee ayey xukumadaasi u soconaysaa?

Xukuumada laba arimood ayaan u soo jeedinayaa, xisbiga udub waa in uu talada ku wareejiyaa xisbiga kulmiye, waayo soomaalidu waxay ku maahmaahdaa biyo kaa badan iyo dadkaa badan labaduba way ku hafiyaan, mar haddii aydaan shacabka taageero ka haysan, kulmiyena haddii uu leeyahay golaha baarlamaanka iyo golaha guurtida hala baabiiyo,oo hala sameeyo laba gole oo cusub,cilmi iyo tayaba leh,dawladana 70% hala isiiyo,udub iyo ucidna 30 % ogol ayaanu nahay,balse udubeey waxaanu ka baqaynaa in sidii aad ugu hanjabteen qoladii komishanka iyo maxkamada,uu kulmiyena noo caga-jugleeyo ileyn udubeey bad ayaad gasheenoo shabeel dhashii ayaad qaadateen, shabeelkuna sida u wax nooga dhegaysanayo anagu garan mayno. Waxaan maqaalkayga ku soo geba-gebaynayaa, nin daad qaatay xunbo cuskay.

AXMED AADAN CADHOOD (SAKATUURI).

BURCO-SOMALI-LAND.

Top


Daryeel (Jiifto).

Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa jiifto ku haboon wakhtigan oo la yidhaahdo Daryeel.

Dalka nimankiisoo gubay oo dariska isku diri jiray.
Inta ay doolar dugayaan haddaan loo dardaar warin.
Isku duubnida dhiman iyo dawlad wada jira
Deegaan waxaa meteli kara qof damiirku buuxee.
Kuwii dadka hore u cunay haddii aan lakala dirin.
Isku duubnidaa dhiman iyo dawlad wada jira
Majeerteenka bari degay haddaan doonyo lagu fidin.
Aan degelkii yoocadda calankani dul fuulayn.
Isku duubnidaa dhiman iyo dawlad wada jira.
Haddaan reerkii daal-jire beerihoodii loo dayn.
Ciddii daar ka haysaana deg deg ayaan uga bixin.
Isku duubnidaa dhiman iyo dawlad wada jira.
Dadka gobolka sool Dega dulmigay tirsanayaan.
Haddaan daaha laga rogin oo hoos loogu daadegin.
Isku duubnidaa dhiman iyo dawlad wada jira.
Inta doqon fariid yahay xilna loogu sii daro.
Abwaana uu damiin yahay, daaqadaha laga xidho.
Isku duubnidaa dhiman iyo dawlad wada jira.
Aqoonyahan la soo dumey haddaan baadhis loo dirin.
Meeshii dalooshana cilmi lagu daboolayn.
Isku duubnidaa dhiman iyo dawlad wada jira.
Inta diiqyada roob darka ayna dhaafayn.
Shicibkuna dulmane yahay cidi ayan daryeelayn.
Isku duubnidaa dhiman iyo dawlad wada jira.
Inta faraskii doolaal uu daaf wareeg-yahay
Daacadina hungawgii daaraha la jiifaan.
Isku duubnidaa dhiman iyo dawlad wada jira.
Hadaan doorka maanta ah Qaybe Baashe loo dayn.
Tuugta doca-docaysana digniin culus la wada siin.
Isku duubnidaa dhiman iyo dawlad wada jira.

Dr. Faarax Cali Shire.

Hargeysa.

Top


IRMAANTA SUUGAANTA

Maansadan oo aanu ka soo xiganay hoyga Suugaanta Somaliland ee shunuuf.tripod.com waa tii labaad ee Abwaanka weyn ee Maxamed Xaashi Dhamac "Gaarriye" ugu jawaabay nin bawdeynta Deelleyda iska soo muquurtay oo uu uga baqay inay mawjadaha maansadu Hafiyaan. Ninkaas oo difaacayey Adeerkii Siyaad Barre wuxu tirshey wuxuu ku magacaabay Deelley oo aan dux lahayn hase ahaatee difaacaysey dulmigii waddanka markaas ka jirey.

Abwaanku wuxuu ku bilaabay gabaygiisa sida tan: -

-Dood wali tixraaceed
Daad waliba taagtii
Duddo wali yagleelkeed
Sabo waliba daaqeed
Damiir wali canaantii
Dawan waliba yeedhii
Dacar wali hulaaqeed
Deelleydu waa shaxe
ninba waa godkuu dego


Dig dheh Faraski Doolaal
Mar labaad ha dananee
majaraha u sii daa
Hadraawoow ku soo durug
Malmal iyo dabqaad keen
Ila didi abeesyada


Dib-ka-naaxa laba kacay
Iyo diradiraaluhu
Yuu innoo dardaar werin
Dumbuqeenna shiishka leh
Duwi mayno weligeen
dad hadduu is toydona
danyarbaa sokeeya leh
Dugsigeennu wayaga
Ifkaan daaray waakaa
Dalka iyo Jaboutiba
ragga iga danbeeyaa
Kolba dogob ha saaree
Colka wadhaf ma lagu deyey


Deji oo rogaal celi
Dulmar weeye ee garo
Kadantii duqeedii
lagu yidhi ragbaa dilay
Ee aan Ma-Diiddada
Garan duurxulkeedee
Dhaqso loo dumaalee
Dadabtiyo arooskii
ayadoo dabbaal dega
Ninkay duugtey soo galay
Ma inay is dooxdoo
Shaamareer dayowdaa
waxan uga dan lee yahay
Cirka Danab ka soo dhacay
dabka fiday kamuu iman
Digaa hoos ka noolayd
Degdeg iyo hubsiinona
mid kastaaba duuggeed


Afartaa dheh deelleey
Deji oo rogaal celi
gabbal dumay habeennimo
Dayaxiyo Cadceeddii
Inuu damiyey moodee
carshigeedi degayee
isagoon digniin qabin
Kolkii waagu daalacay
Casilaadda loo diray
Ma inuu dudaayoo
hadba doc isu qaadaa
Belo waa danbaysaa
Durba fadalku waa maxay


Nin Muraayad daawaday
Foolxumo is diidsiin
kuma doorin karayee
Ma inuu dillaacaa
Duxda hadalku meel lehe
Dusha boogta laga dhayo
aan mililka loo degin
Dawadeeda lama helo
Darbbaddii qabiilkiyo
Hadduu doogtey nabarkii
Gacantii wax duugtaay
Dufan baad u baahnayd


Afartaa dheh Deelleey
Deji oo rogaal celi


maska xuub-dillaacsaday
Dabarkiyo Mareegtii
Dar Ilaahay uma furin
Goortuu Ris daaqee
Dildiluu maqaarkiyo
???
Ka dallacay hugiisii
Waa duluc ujeeddo leh
war jiraa dareenkii
danyareey wax garadkaa
Intaa tahay darkaa madhan
Ee layska dawdabo
darxumada ku nooloow
Anna aan dagaallamo


Afartaa dheh deelley
Deji oo rogaal celi


Xididdada dawaafka ah
ee hoos u daadegey
dhulka uma dalxiis tegin
Dantoodaa fogeysoo
diga-rogashadoodii
Didibkay qasbeenee
Dardar iyo awoodbay
GebiyadaKu dumiyeen
Buuraha ku didiyeen?
Waa duluc ujeeddo leh


Daganeey Qabiilkiyo
Kala Firidhku deyr iyo
Derbi adag hadduu yahay
kuu diidey socodkii
Intaad duluglahaa tahay
dabatada ku nooloow
Waa daabac kugu yaal
Ha la daayo iyo Hees
Duco iyo habaar iyo
Amar Dawlo kuma baxo


Diburaac tusaalaha
Inta ciiddu dihintahay
dhaqaaluhu daleel yaal
dadna kala sed roon yahay
weligaaba duudduub
Dusha ubax ka saarsaar
dakhar waa halkiisii

- DHAMAAD-

Top


Waadiga Ciyaaraha.

Real Sociedad Oo Hal Dhibic ah ku hogaaminaysa La Liga.

Madrid, Spain (AP) - ciyaartoyga khadka dhexe ka ciyaara ee Xabi Alonso, ayaa daqiiqadii 34aad u dhaliyay goolal Axadii kooxda Real Sociedad, taas oo ay kooxda hogaanka kooxaha hogaaminaysaa barbardhac 1-1 kula gashay kooxda Horyaalka difaacanaysa ee Valencia, waxaanay hal dhibic kor ugu martay kala-horeynta liiga kooxaha Isbaanishka, iyadoo ay laba ciyaarood ka hadheen dhammaad liiga.

Ciyaartoyga Faransiiska ah ee khadka dhexe ka ciyaara ayaa laba daqiiqadood kadib keentay goolka barbardhaca ah ee kooxda Valencia, kooxdan oo ku ciyaaraysay 30 daqiiqadood ee ciyaarta ugu dambeeyay ku ciyaaraysay 10 ciyaartoy kadib markii ciyaarta laga saaray ciyaartoyga reer Argentina ee khadka dhexe ee difaaca ka ciyaara, Roberto Ayala.
Ciyaar kale oo ka mid ah wareega 36 ee liiga Isbaanishka, ciyaartoyga khadka dhexe ka ciyaara ee Juan Carlos Valeron ayaa shabagga dhigay goolka ay ku guulaysatay kooxda Deportivo de La Caruna oo 10 ciyaartoy ku ciyaaraysay, kadib markii kooxda Atletico de Madrid ku garaaceen 3-2, taas oo soo noolaysay rajadeeda ku hirdanka horyaalka.

Haddaba, iyadoo laba wareeg ka hadhsan ciyaaraha tartankan, waxay kooxda Real Sociedad haysataa 73 dhibcood, waxaanay hal dhibic ah ka horeysa kooxda Real Madrid oo leh 72 dhibcood, halka kooxda Deportivo haysato 69 dhibcood.

Ciyaaraha kooxda Real Sociedad u hadhsan labada wareeg ee hadhsan, waxay kala yidhi; ciyaarta koowaad waxay marti u noqonaysaa kooxda Celta Vigo, halka ay ciyaarta labaadna waxaa marti u noqonaysa kooxda Atletico Madrid.

Dhinaca kooxda Real Madrid oo iyadu xilli-ciyaareedkani noqday mid nasiib xun, kana hadhay koobka Isbaanishka, iyo Horyaalka Yurub oo ay ku kooxda Juventus ku reebta wareega Semi-finals-ka.

Sabtidii toddobaadkan ayay lumisay fursadii ay hogaanka kala-horeynta kooxaha Isbaanishka kula wareegi lahayd, kadib markii ay barbardhac la gashay kooxda Selta Vigo. Ciyaartaas oo lagu ciyaarayay garoonkeeda Santiago Bernabeu, waxaanay kooxda Selta Vigo ku hor joogsatay 1-1, iyadoo ay kooxda Selta Vigo ku dagaalamayso in aanay kaalinta afraad ka hadhin si ay uga qaybgasho Horyaalka Yurub ee sannadka dambe.
Kooxda Real Madrid, ayaa wakhtigii ciyaarta gacan sareysay, waxaanay weerarka isdaba jooga ahaa dhalisay laba gool qaybtii hore ee ciyaarta, balse garsooraha ciyaarta ayaa ka diiday, waxaanu ku tilmaamay qaar offside ah. Balse kooxda Celta Vigo ayaa hogaanka ciyaarta furtay fursad uu helay ciyaarta khadka dhexe ka ciyaara ee ruushka Alexander Mostovoi, kaas oo awooday inu jabiyo difaaca Real, goolkana kaga dhaliyo madax 10 daqiiqadood markii ay ka hadhsanayd qaybtii hore ee ciyaarta.

Daqiiqadii 68aad, ayay kooxda Real Madrid heshay goolka barbardhaca, kadib markii uu xiddiga reer Isbayn Raul, kubad uu ka helay Salgado madax aad u qurux badan kaga dhaliyay goolka.

Real Madrid waxay isku dayday in ay weerarkeeda sii xoojiso si ay gool kale dhashato, balse taasi uma suurta gelin, waxaanay ciyaartii ku dhammaatay 1-1 ay isku mari waayeen.

Real Madrid, labada ciyaareed ee u hadhsan waxay ta hore Atletico Madrid, ta labaadna waxa ay la yeelan doontaa kooxda Althletic Bilbao.
Halka ay kooxda Deportivo marti u noqon doonto kooxda Bilbao, iyaduna ay marti gelin doonto kooxda Espanyol.

Van Nistelrooy oo Doonaya in kooxdiis uu ku soo biiro Kluivert.

London (AFP) - Ciyaartoyga afka hore uga ciyaara kooxda Manchester United, Ruud van Nistelrooy ayaa ku dooday in kooxdiisa haysata horyaalka Premiership-ku ay heshiis la gasho weeraryahanka Dutch-ka ah ee ay isku wadanka yihiin, kana soo kaxeeyaan kooxda Isbaanidhka ah ee Barcelona.

Van Nistelrooy, oo ah gooldhaliyaha ku guulaystay Premiership-ka gooldhalintiisa xilli-ciyaareedkii hore oo uu dhaliyay 25 gool, waxa uu sheegay haddii uu ku soo biiro kooxda Kluivert inuu ka caawin doono in ay kooxdu ku guulaysato Horyaalka Yurub oo ay markii ugu dambeysay ku guulaysatay 1999-kii.

“Waxa noqon karnaa gooldhaliyaasha shuraakada ah ee ugu fiican adduunka.” Sidaa waxa uu van Nistelrooy u sheegay Wargeyska the Sun, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; “Waxaanu jecelnahay in aan wada shaqayno labadayaduba, waxaanan aad anigu u sii jecelahay haddii aan tababarka wada qaadan lahayn maalin kasta oo aanu ka wada ciyaari lahayn kaalmaha naadiyada. Waxaanu noqon lahayn shuraako la yaab leh.”
Ruud van Nistelrooy, isagoo ciyaartoyga Kluivert ka hadlaya, waxa uu yidhi: “Mararka qaar marka Kluivert iyo anigu wada ciyaarayno, waxa aanu ciyaarnaa kubad aan la qiyaasi Karin, wakhtigaasina waa marka aad dareemayso sida ay kubaddaasi heerkeedu u sareeyo, haddii ay noqoto taageerayaasha iyo ciyaartoydaba.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi; “Waxaan xanaaneeyaa wakhtiyadaa xusuustooda, markii aanu ka wada ciyaari jirnay Holland ciyaaraha dhexdooda iyo goobaha tababarkaba.”
Kluiverta mustaqbalkiisa kooxda Barcelona, ayaa ahayn mid sugan, taas oo ay sabab u tahay ragga ku tartamaya musharaxnimada jagada Madaxweynaha kooxda oo ku soo jiita dadka u coddeynaya in ay kooxda keeni doonaan ciyaartoy magacyo waaweyn leh, haddii ay ku guulaystaan jagadaa.


Kooxda Horyaalka Yurub Ku Guulaysatay Oo Ugu Horaysa Kala-Horeynta CNN/World Soccer Top 10.

London (SI.com) - Kadib markii ay ku guulaysatay koobka Horyaalka Yurub iyo Koobkii Talyaaniga wiigii ina dhaafay, kooxda AC Milan waxay haddana ku guulaysatay in u kaalina u sareysa ka gasho tobanka kooxood ee toddobaadkan soo saareen CNN/World Soccer oo ay ku miisaamaan naadiyada adduunka ugu wanaagsan.

Milan, waxa ay soo geba-gebaysay afar toddobaad oo ay kooxda Juventus haysatay kaalintan, kadib markii ay 3-2 kaga adkaatay rigoorayaashii ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee Horyaalka Yurub ee ay ku kulmeen labadan kooxood oo ku wada ciyaareen Old Trafford ee magaalada Manchester. Andriy Shevchenko, ayaa dhaliyay goolka badiska ah, kadib markii ay labada kooxood 0-0 isla dhaafi waayeen muddo 120 daqiiqadood ah, waxaanay ku guulaysatay markii lixaad horyaalka Yurub, taas oo ay ka badan tahay uun kooxda Real Madrid.

Sabtidii toddobaadkan ayay haddan kooxdan Milan ku guulaysatay koobkii Talyaaniga oo ay ku ciyaaraysay San Siro, waxaanay ku dhammaysay 6-3 marka laysku daro natiijada labadii ciyaarood oo Roma kaga guulaysatay, waxaanay ciyaartii labaad 2-2 ku barbareeyeen labada kooxood. Francesco Totti ayaa kor u qaaday kooxda martida ahayd rajadeeda, kadib markii uu laba darbood oo ah kubad xor ah u dhaliyay kooxdiisa, balse Rivaldo ayaa madaxa ku dhaliyay, halka uu Pippo Inzaghi goolka barbardhaca dhaliyay wakhtigii ugu dambeeyay ciyaarta.
Horyaalka kooxaha Talyaaniga Juventus, waxa ay hoos u dhacay hal kaalin, waxaanay soo gashay kaalinta labaad.

Kooxda Horyaalka koobka UEFA Cup-ka iyo Horyaalka kooxaha Boortaqiiska ee Porto ayaa iyadu sii joogta kaalinta 3aad, waxaanay kooxdani bishan June 15keeda la ciyaari doontaa kooxda Leiria oo ay iskugu iman doonaan ciyaarta kama-dambaysta ah ee koobka Boortaqiiska, waxaanay rajaynayaan in ay ku guulaystaan koobkii saddexaad xilli-ciyaareedkan.

Kooxda Manchester United ayaa oo aan iyadu wax dhaqdhaqaaq ciyaareed ku jirin ilaa iyo bisha july oo tegi dalka Maraykanka, ayaa kaalinta afraad kala wareegtay kooxda Real Madrid oo iyaduna kaalinta 5aad soo gashay, kadib markii kooxdan Isbaanishka ah ay soo gaadhay dhaawac ah in ay guulaysato horyaalka Isbayn, iyadoo 1-1 gurigeeda ku barbaraysay kooxda Celta Vigo toddobaadkan.

Kooxda Horyaalka Jarmalka (Bundesliga Champion), Bayern Munich ayaa laba kaalmood kor u soo booday oo timid kaalina 6aad, kadib markii ay dhamaystir markii afraad ee ay laba koob wada qaadato, waxaanay 3-1 kaga guulaysatay kooxda Kaiserslautern oo ay ciyaarta kama-dambaysta koobka Jarmalka isugu yimaadeen. Michael Ballack ayaa ahaa muftaaxa guushaas, kadib markii uu u dhaliyay labada gool oo wakhti hore dhashay, goolka labaadna uu u salaxay ciyaartoyga Claudio Pizarro, taas oo ay kooxdu markii 11aad ku guulaysatay koobka Jarmalka.

Kooxda Boca Juniors, ayaa iyadu kaalinta 7aad sii joogta, kadib markii ayaa dib uga soo dagaalantay laba gool oo lagu lahaa, barbardhac kula noqotay 2-2 kooxda River Plate oo ay ku wada ciyaarayeen tartanka Buenos Aires “superclasico” axadii toddobaadkan, waxaa mahada lahaa Guillermo BArros Schelotto, oo qaybtii ee ciyaarta u dhaliyay labada gool ee barbardhaca.

Kooxda Santos ee dalka Brazil, ayaa hal kaalin kor u soo kacday, waxaanay timid kaalinta 8aad, kadib markii ay u gudubta wareega semi-finalka ee tartanka kooxaha koonfur ameerika ee la yidhaa Libertadores, oo ay markii u horeysay u gudubtay tan iyo markii Pele lixdameeyadii oo ay ciyaartii is-aragii labaad 1-0 kaga adkaadeen kooxda reer Mexico ee Cruz Azul. Xiddiga da’da yare e Robinho ayaa u dhaliyay gool qaybtii hore ee ciyaarta, waxaanay 3-2 natiijadii labada ciyaarood ku gulaysatay. Kooxda Horyaalka Brazil, weli lagama guulaysan tartanka Libertadores xilli-ciyaareedkan.

Dhinacaz kale kooxda Santos, tartanka Horyaalka wadanka Brazil, waxay ku jirtaa kaalinta saddexaad, kadib markii ay 3-2 kaga guulaysatay Sao Paulo.

Kooxda Real Sociedad ayaa saddex kaalmood hoos u dhacday waxaanay soo gashay kaalinta 9aad, waxaanay weli ku dagaalamaysaa in ay sii haysato dhibicda ay ku hogaaminayso horyaalka kooxaha Isbaanishka, kadib markii ay toddobaadkan 1-1 ku barbaraysay kooxda horyaalka haysata ee Valencia, waxaana goolka u dhaliyay Xabi Alonso.

Kooxda reer Holland ee PSV, ayaa ku soo biirtay kaalmaha tobanka ee hore, waxaanay soo gashay kaalinta 10aad, kadib markii ay Khamiistii ku guulaysatay horyaalka Dutchka, waxanay barbardhac aan waxba laysku dhalin la gashay kooxda Groningen.

Kooxda Inter Milan ayaa iyadu hoos uga dhacday 10-ka kaalmood ee hore.
Kooxaha kale ee codadka helay waxa ka mid ah: Inter Milan, Celtic, Deportivo La Caruna, Arsenal, Cruzeiro iyo Lyon.

CNN/World Soccer Top 10, waa saadaalin aan caadi ahayn oo ay ka saadaaliyaan kooxaha adduunku sida ay u kala sareeyaan, waxaanay soo saaraan toddobaad maalinta Isniinta ah.

Top