Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 348 May 6, 2003

Sannad-Dugsiyeedka Dugsiga Al-Aqsa Ee Boorama Oo Xidhmay.

Deeq Ka Timid Bisha Cas Ee Imaaraatka Carabta Oo Berbera Ka Soo Degtay.

Madaxweyne Rayaale Oo Soo Saaray Hormadii Ugu Horeysay Ee Xukuumadiisa Cusub; Wasiirada La Magacaabay, Kuwa Jagooyinkoodii Waayay Iyo Wasaaradaha Banaannaaday.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Warbixin Ka Soo Saaray Hawlihii Ay Soo Qabteen.

Qaadka Ka Soo Degga Madaarka Djibouti Oo Sas Ku Riday Ciidamada Maraykanka.

“Gunada Aanu Qaadanaa Waa $ 200, Dakhliga D. Hoosena Wuxuu Marayaa 30 Milyan Maalintii...” Warysi-Xasan Xaydh Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa.

Loolanka Madaxtinimada Somalia Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Xubnaha Ugu Cad-Cad.

Weerarro Cusub Oo Lagu Qaaday Ciidamada Maraykanka Ee Ciraaq.

17-Askarta Ruushka Ah Oo Ku Dhintay Weerar Is-Miidaamin Ah.

“Masuuliyiinta Burco Waxay Iska Qaadeen Karaamadii La Huwiyay,” Ismaaciil Aadan Madar, xubin Golaha Dhexe ee UDUB.

ODHAAHDA AKHRISTAHA Doorashadii Xaq Ma U Dhacday?

Wargeysyada Caalamka ee todobaadkan, Star Tribune.

Bush Oo La  Kulmay Ra'iisal-Wasaarayaasha Israa'iil Iyo Falastiin.

Cusbitaalka Madina Oo U Dabbaldegey Sannad Guridi 3-aad.

IFTIINKA ISLAAMKA: Siiradii Rasuulka (SCW) Iyo Faafitaankii Islaamka, Qaybtii: 5aad, Siciid I. Guraase.


Sannad-Dugsiyeedka Dugsiga Al-Aqsa Ee Boorama Oo Xidhmay.

Boorame (Haatuf):- Munaasibad lagu soo gabogabaynaayey sannad dugsiyeedka wax barashada 2002-2003, ayaa lagu qabtay dugsiga sare ee Al-Aqsa ee magaalada Boorame, waxaana ka soo qayb galay waalidiinta iyo wax-garadka magaalada ayaa waxa ka hadlay maamulaha dugsiga Al-Aqsa Maxamed Sh. Jalan, oo sheegay in tirada ardayda dugsigaasi ay gaadhayso in ka badan 2000 oo arday, kuna laka baahsan dagmooyinka iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Awdaol.

Maamuluhu waxa kale oo uu ka waramay sida loogu baahan yahay in waalidiinta, Xukuumada iyo hay’adaha dowliga ahba inay ka qayb-qaataan horumarinta wax-barashada gaar ahaan dugsiga Al-Aqsa.

Waxa kale oo munaasibadan abaal marino la gudoonsiiyey ardaydii kala gaylay 3 kaalmood ee ugu horeeyey, dugsiga Al-Aqsa waxa kale oo uu leeyahay wax-barashada Hoose, Dhexe iyo Sareba oo wiilal iyo gabdhabo leh.

Top  


Deeq Ka Timid Bisha Cas Ee Imaaraatka Carabta Oo Berbera Ka Soo Degtay.

Berbera (Haatuf): - Bisha Cas ee Emaaraadka Carabta ayaa deeq timir ah soo gaadhsiiyey magaalada Berbera, deegdaa oo dhan 10,000 ayey waxay dhawaan ka soo dageen, deeqdaas oo ay bisha cas ee Emaaraadku ku kaalmaysay dadka jilicsan ee Somaliland kuwaas oo ay wakiil ka yihiin Bisha Cas ee Somaliland, anaga oo ka xog-waraysta gudoomiyaha Bisha Cas ee magaalada Berbera Xuseen Maxamed Cismaan waaanu yidhi “kaalmadan na soo gaadhay ee Bisha Cas ee Emaaraadku ugu deeqday dadka jilicsan ee Jamhuuriyada Somaliland, tirada guud ee kaalmadaasina waxay tahay 10.000 oo kartoon, qaybinta deeqdaasina waxa ku shaqo leh oo hawsheedu qaabili doona xarunta Bisha Cas ee Caasimada Hargeysa, hadaan ka waramo saamiga loo qorsheeyey gobolka Saaxil waa 700 kartoon, anaga oo qaybinta timirtaasi kala kulanay sidii loo siin lahaa dadka rayidka ah, taaso oo aanu u qaybin doono dadka markay ay noo dhamaato hawlaha diiwaan galinta iyo tiro-koob” ayuu yidhi Xuseen, isaga oo intaa ku daray in qaybinta deeqdaas ay u maridoonaa wadadii sharica ahay ee loo qoondeeyey. Ayuu ku soo gabobabeeyey xuseen hadalkiisii.

Top


Madaxweyne Rayaale Oo Soo Saaray Hormadii Ugu Horeysay Ee Xukuumadiisa Cusub; Wasiirada La Magacaabay, Kuwa Jagooyinkoodii Waayay Iyo Wasaaradaha Banaannaaday.

Hargeysa (haatuf) madaabis wasiiro xweynaha jamhuuriyada Soomaaliland Daahir Rayaale kaahin ayaa shalay magacaabay qaybtii ugu horaysay ee dawladiisa oo ka kooban 7 wasiir, kuwaasoo isugu jira magacaabis cusub,dib-u-magacaabid wasiiro hore iyo wasiiro hore oo laga badalay wasaaradihii hore loona badalay wasaarado kale.
Magacyada wasiirada uu madaxweynuhu magacabayna waxay kala yihiin:

axmed xaaji Daahir Cilmi waxa dib loogu magacaabay wasiirka Qorshaynta.

Edna Aadan Ismaaciil wasiirka arrimaha Dibada.

Maxamad siciid Gees, wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka Badda.

Ismaaciil Aadan Cismaan, waxa dib loogu magacaabay wasiirka arrimaha Gudaha.

Cawil Cali Ducaale, wasiirka Maaliyada.

Ismaaciil Cumar Aadan(Boos), waxa dib loogu magacaabay wasiirka Gaashaandhiga.

Maxamad xaashi Cilmi, wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ,kuwaasoo markii hore kala ahaa laba wasaaradood balse haatan la isku daray. Sida uu sheegay war saxaafadeed uu magacaabistan ka soo saaray af-hayeenka madaxtooyadu Cabdi idiris Ducaale waxa uu madaxweynuhu magacaabistan soo saaray markii uu tix geliyey kartida, Aqoonta,iyo hufnaanta shaqo ee xubnahan uu magacaabay isla markaana uu la tashaday waxgaradka ummada. Balse warsaxaafadeedku muusheegin waxay xaaladoodu noqonayso wasiiradii hore u hayn jiray wasaaradaha loo magacaabay wasiirada cusub laakiin waxay u muuqataa inay xilkoodii waayeen lagana saaraay golaha wasiirada waxaana ka mid ah wasiiradaa xilkoodii waayey:

1-Axmed Xuseen Oomane oo ahaa wasiirkii kaluumaysiga iyo khayraadka badda.

2-Rashiid xaaji Cabdillaahi oo ahaa wasiirkii Ganacsiga.

3-Axmed jaamac Bootaan (daaniye) oo ahaa wasiirkii Warshadaha. Inkasta oo wasaaradihii ganacsiga iyo wershedaha wasiir keliya loo magcaabay, laakiin wasaarada arrimaha qoyska oo ay wasiirad ka ahayd marwo Adna ma jirto cid loo magcaabay, lamana cadayn inay sii jiri doonto.

Madaxweyne rayaale magcaabista liistada hor dhaca u ah golihiisa xukuumada waxa kusoo kordhay laba xubnood, halka ay shanta xubnood ee kale ka mid ahaayeen golihii xukuumada ee hore, islamarkaana waxay ka tirsanaayeen xisbiga UDUB,laakiin labada xubnood ee kale waxay ku cusubyihiin golaha xukuumada rayaale, inkastoo aanay cadaysan inay udub yihiin, balse waxay ahaayeen kuwo loo tuhunsanaa inay xubno qarsoon ka yihiin. Madaxweyne rayaale oo balanqaadkiisa marar badan ku cel celiyay inuu doonayo inuu soo dhiso dawlad wadaag ah oo tayo leh, islamarkaana uu qorshaha ku darsan doono cidkasta oo uu u arko inay dalka wax u qaban doonto, laakiin liistada hordhaca u ah xukuumada rayaale ayaanay ka muuqan labadii xisbi ee mucaaradka ahaa iyo wejiyo cusub tooni marka laga reebo labadaa xubnood.

Top


Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Warbixin Ka Soo Saaray Hawlihii Ay Soo Qabteen.

Hargeysa (Haatuf):-Gudida doorashooyinka qaranka ayaa warbixin ka bixiyay hawshii doorashooyinka madaxtooyada ee dhowaan dalka ka dhacay, waxayna gudidu ka warameen baaxadii hawshaasu lahayd iyo siday uga dabaasheen, isla markaana waxay soo bandhigeen shax muujinaysa miisaaniyadii ay isticimaaleen iyo wixii kharash kasoo hadhay,waxa kaloo ay gudidu ku baaqeen in lasoo dedejiyo hawsha doorashooyinka baarlamaanka iyo in axsaabta laga caawiyo dhinaca miisaaniyada si ay usii jiraan oo aanay u baabi'in.

Qoraalkaas warbixinta ah oo ay ku saxeexan yihiin todobada xubnood ee gudida doorashooyinka qaranku oo ay kaga hadlayaaan arrimahaas wuxu u qornaa sidan, “Sida laga warqabo waxay komishanka doorashooyinka qaranka ku qaadatay muddo ku siman saddex bilood intii hawlgalka baaxadaa leh ee la xidhiidha, doorashooyinkii madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka lala soo baaxaadegayay.

Shaki kuma jiro in lagala kulmay turun-turooyin iyo caqabado badan oo aan lasoo koobi karin. Hawlgalka doorasho waxay majaraha toosan ku dhacday,markii si cilmiyaysan loo dejiyay barnaamijkii qorshe hawleed(plan of action), kaasoo run ahaantii noqday hadafkii diirada lagu hayay, laguna cabirayay goorkasta heerka amase marxaladda hawshu marayso,meesha xagal daaco ka jirto ee sixitaan u baahan, waxa marag madoonto ah, in barnaamijka qorsho hawleed ku hirgalay hanaankii farsamo iyo hawlgalkii waqtiyaysnaa ee loogu talo galay, kaasoo aanay ka iman wax sarmaseegto ah iyo dib u dhac tooni.

Iyadoo la wada ogsoon yahay heerka isgaadhsiinta dalku gaadhsiisan tahay, xaaladda kala fogaanshaha masaafada goobaha codbixinta ee gobolada , awooda dhaqaalaha iyo tayada aqoonta hawlwadeenada doorashada ee laga heli karo degmooyinka iyo gobolada. Duruufaha dabiiciga ah ee ku wareegsanaa saaxadda doorashada, waxaas oo dhan waxa lagaga gudbay, tawfiiq Eebe,talo midaysan iyo dedaal hagrasho la,aaneed, iyadoo arrimahaa looga midho dhaliyay sidan;
Tababaradii hawlwadeenada doorashooyinka ee heer gobol, degmo iyo goobeed oo ku qabsoomay xiligii loogu tala galay.

Cabbayntii agabka doorashada oo ka koobnaa 12 shay (item) oo ay ku jireen kuwii xaasaasiga ahaa (sensative materials), waxa rarkoodii la fuliyay xiligii loo qorsheeyay, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen wakiilo ka socday axsaabta siyaasiga ah.

Qaybintii sanaadiiqda codbixinta oo dhamaantood la gaadh siiyay goobihii loogu talo galay, iyadoo aanu sanduuqna sanduuq dhaafin, shaanbadina shaabad ku qaldamin.

Hawlwadeenadii goobaha codbixinta loo magcaabay oomid waliba heegan ku ahaa goobtii loo xil saaray, doorashada ka hor.

Wakiilada axsaabta oo ka taya fiicnaa kuwii doorashadii hore, kana faa,idaystay tababarkii loo fidiyay, kaasoo komishanku lahaa qorshaha loo dejiyay, isla markaana xaadir ku ahaa goobihii axsaabtu u cayintay, laguna soo dhoweeyay, inkastoo qaarkood ku kaceen xikasnima daro.

Komishanku isagoo xeerinaya hirgelinta doorasho xor ah oo xalaal ah (free and fair elections), kana faa,idaysanaya waaya aragnimadii iyo duruustii laga kasbaday doorashadii hore wuxuu dhaqan geliyay, isku bedelka hawlwadeenada goobaha codbixinta degmooyinka, hawlgalkaas oo ku kacay waqti qaali ah iyo kharash lacageed horaysay soo saray shalay liisto hordhac u ah golihiisa xukuumada.

Top


Qaadka Ka Soo Degga Madaarka Djibouti Oo Sas Ku Riday Ciidamada Maraykanka.

Djibouti (Haatuf) Ciidamada maraykanka ka jooga xeebta Djibouti ayaa xukuumadda Djibouti ka dalbaday in qaadka dhulka la soo mariyo, ka dib markii ay u adkaysan waayeen sawaxanka iyo buuqa ka dhasha qaadka ka soo dega gegada diyaaradaha ee Djibouti.

gaar ahaan arritani waxay aad u saamaysay sida la sheegay, kuwa degan airport-ka dhiniciisa waqooyi ee xiga badda, oo lagu soo waramay inay sas ku riday sawaxanka iyo buuqa ka dhasha marka uu madaarka Djibouti ka soo dego xamuulka qaadku oo ka yimaada dalka Itoobiya.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Djibouti, diyaaradaha qaadka sida ee ka keena Itoobiya oo ay ku kaltamaan shirkadaha diyaaradaha ee Ethiopian Airline Air Djibouti soona gaadha madaarka ilaa 1-da duhurnimo ayaa mashquuliya guud ahaanba adeegyada madaarka iyada oo ay halkaa isugu yimaadaan dadka iyo gaadiidka daabula qaadka, taas oo ka dhigta madaarka goob uu ka dhasho sawaxan iyo qaylo badan, taasoo sababtay sas iyo far-ka-naxa ku yimid ciidamada maraykanka ee jooga Djibouti. Kuwaas oo ay tani ku keentay inay galaan feejignaan iyo ilaalo dheeraad ah.

Sida la sheegay shakigu wuxuu ku sii kordhay intii ay soo baxeen wararka sheegaya weeraro laga yaabo inay argagixisadu weeraro ka fuliyaan meelo ay ka mid yihiin Djibouti iyo Kenya.

Wararku waxay intaa ku darayaan in ciidamada Maraykanku ay ka dalbadeen dawladda Djibouti in qaadka la soo mariyo dhinaca dhulka, iyaga oo ku balan qaaday inay bixinayaan kharash-ka ku bixi doona talaabadaasi, balse ilaa hadda wax jawaab ah oo arrintaa ay ka bixisay dawladda Djibouti lama sheegin.

Top


“Gunada Aanu Qaadanaa Waa $ 200, Dakhliga D. Hoosena Wuxuu Marayaa 30 Milyan Maalintii...” Warysi-Xasan Xaydh Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf): Xasan Xaydh oo ka tirsan golaha deegaanka Hargeysa ee la soo doortay ayaa difaacay wax qabadka iyo hawlaha ay hayaan golaha deegaanka ee Hargeysa isaga eedaha dhawaanahan soo baxayey ee ku saabsan waxqabadkooda ku tilmaamay dacaayado ay fidinayaan dad ujeedooyin gaar ah ka lihi.

Xasan Xaydh oo xalay u waramayey Haatuf waxa uu intaa ku daray in ilaa iyo hadda hawlaha ay soo qabteen ay yihiin kuwo ay ugu talo-galeen hagaajinta bilicda iyo qorshaha magaalada, hawshana ay u qabteen inay u adeegaan dadkooda, ee aanay ujeedadoodu ahayn inay ka danaystaan.

“Anagu waxaanu u nimid meel albaabadu u xidhan yihiin, shaqaaluhu yahay xad dhaaf, inta shaqaysa iyo inta kale ay isleegtahay, wax gaadiid ahi aanu jirin, markii aanu nimid meesha ugu horeyn waxaanu isku daynay inaanu nidaam u samayno, anaga oo shaqaalihiina dhinay 120 shaqaale ah, dakhliga yoomkii waxaanu ugu nimid isaga oo ah 8 Milyan oo shilin maalintay ugu badantahay siday yidhaahdeen raggii hore u joogay, waxaanuse maqli jirnay dakhligeedu afartan milyan ka badan, balse dedaal aanu muujinay ayaanu kaga baxnay, maantana dakhligu waxa uu marayaa yoomkii in ku dhaw 30 Milyan, inaanu ka sii kordhinana waanu ku rajo weynahay” ayuu yidhi Xasan Xaydh isaga oo ka waramay sidii ay dawladda hoose ugu yimaadeen, iyo siday waxa uga qabteen.

Isaga oo ka hadlaya dakhligaa kordhay waxay ku qabteen waxa uu yidhi “Anagu dakhliga ummadda kamaanu cunin, ee waxna waxbaanu ugu qabanay, waxna qorshaheedii ayaa socda, hawlaha aanu qabanayna waxa ka mid ah dib u hagaajin lagu sameeyey qaar ka mid ah wadooyinka magaalada, kawaankii xoolaha dib u hagaajintiisii ayaa socota. Waxa kale oo aanu wadnaa qorshayntii magaalada, waxa kale oo aanu joojinay dhisashadii sharci darrada ahayd, anaga oo rajaynayna in dhawaan uu isbedel ka muuqdo Hargeysa. Waxa kale oo aanu ugu nimid xashiishka magaalada oo ay muddo dheer aan laga gurin balse dadku maanta way arkayaan”.

Isaga oo ka jawaabaya su’aal ahayd sida ay sharciga ku tahay mushaharka ay qorteen oo lagu sheegay Milyan iyo todoba boqol xubintii golaha ahba, waxa uu yidhi “Arrintaasi waa mid la buun-buuniyey gaar ahaana jaraa’idka dalka, oo uu ka mid yahay Cartoon-kii ku soo baxay Wargeyska Haatuf. Wax mushahar ah oo aanu qaadanay ma jiro, balse waxa jirta guno ah laba boqol oo dollar qofkii, laakiinse malaha dadku waxay doonayeen anaga oo lacag sharci darro ah qaadana oo badhna ku qayilna, badhna mushahar ka dhigana. Halkii aanu bishii mar ama laba ka fadhiisan lahayna waxaanu ka dhignay joogto, taasoo ay sabab u tahay duruufta taala dawladda hoose inta ay wax iska bedelayaan.

Haddaanu nidhaahno fadhigii 50’000 shilin waxay noo noqon lahayd dhawr Milyan, intaa aanu gunnada u qaadanaana waxay u dhigantaa marka loo eego dakhliga dawladda hoose bishii maalin iyo badh, 29-ka kale ee soo hadhay waxaanu ugu talogalay in dalka iyo dadka wax loogu qabto, ilaa inta aanu sifaynayno musuqii soo jiray muddada 40-ka sano ah”.

Mar uu ka jawaabayey su’aal ah inay golaha deegaanka galeen dad u soo shaqo tagay halkii ay ahayd in dad isku filan la doorto, taas oo ka mid ahayd dhaliilaha loo jeediyo golaha deegaanka waxa uu yidhi “Dadka hantida haystaa hawlahaa diyaar uma aha, oo toodiibay ku mashquulsanyihiin, iyaga oo ka xishoonaya dawladda hoose, balse anagu waxaanu golaha u galnay inaanu magaalada wax u qabano, anaga oo raacayna sida uu sharcigu dhigayo isuna qaybinay qaybaha uu sharcigu dhigayo”.

Waxaanu beeniyey eedaynta ah inay golaha deegaanku qayb ka noqdeen muranada dhulka oo ay isu qaybiyeen waaxaha, waxaanu sheegay in sharcigu uu dhigayo inay noqdaan guddiyo qolaba meel qaabilsan tahay, sida dhulka, maaliyadda,iwm. Qolaba waliba ay qabsato kuna mashquulsantahay hawsheeda.

“Dalka waxa dhisa dakiisa, dawladda hoosena waxay u baahantahay in ay dawladda hoose wax la qabtaan oo ay ku caawiyaan wixii ay karayaan, ragga na canaanayana waxaan leeyahay weli waxaan la idiin dirin xashiis baco iyo saxaro u badan, habar fadhidana legdini la fudud,”
ayuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa Xasan Xaydh.

Top


Loolanka Madaxtinimada Somalia Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Xubnaha Ugu Cad-Cad.

Muqdisho (W.Wararka): - Iyada oo ay haatan gabaabsi ku dhawdahay mudadii sadaxda sannadood ahayd ee madaxtinimadii shirkii carta loogu doortay C/qaasim Salaad Xasan ayaa haadan waxa socda loolan loogu jiro cidii badali lahayd waxaana saaxada iskeenay ilaa 6 musharax oo kale oo tartan kula jira C/qaasim Salaad Xasan.

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Muqdisho raga ugu muhiimsan ee la loolamaaya C/qaasim waxa ka mid ah Xuseen Caydiid, Cabdi Nuur Darmaan oo labaduba la sheegay inay sitaan jinsiyad Maraykan ah, waxa kale oo ka mid ah C/laahi Yuusuf Axmed oo madaxweyne ka ah maamul Goboleedka Puntland, C/laahi Axmed Cadaw oo ahaa musharixii ugu dhawaa ee la tartamay C/qaasim shirkii Carta, C/raxmaan Jaamac Barre oo ay ilmaadeer ahaayeen Maxamed Siyaad Barre ahaana wasiirkiisii Arimaha Dibadda muddo sannado ah.

Waxa kale oo liiska musharixiinta ku jiray Aadan Nuur Gabyaw oo doraad ku geeriyooday Nairobi sidaana kaga hadhay liiska musharixiinta.

Dhamaan musharixiintani waxay ka qayb-qaadanayaan sida la sheegay doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo qorshuhu yahay in lagu doorto shirka kooxaha Soomaalida uga Socda duleedka caasimada Kenya ee Nairobi taasoo la sheegay inay dhici doonto 18 bishan June ee aynu ku jirno, waxaase la sheegay inuu ka horayn doono barlamaan ay tiradiisu dhantahay 225 xubnood oo dooran doona madaxweynaha.

Waxaana la sheegay in natiijada tartanka madaxtinimada lagu dhawaaqi doono horaanta bisha July oo ku began sannad guuradii 43aad ee markii ay Soomaaliya ka xorawday gumaysigii talyaaniga iyo midawgii Somaliland & Somalia 1960-kii.

Sida la filaayo C/qaasim Salaad Xasan waxa soo waajahday loolan adag oo kaga imanaaya musharixiinta qaarkood waxaana farta lagu fiiqayaa rag ay ka mid yihiin C/laahi Cadaw oo la sheegay inuu taageero weyn haysto isaga oo hore u ahaa mudo dheer wasiirka maaliyada ee dawladii Siyaad Barre ka dibna safiir ka noqday dalka Maraykanka taasoo uu hayey ilaa burburkii dawladii Siyaad Barre ee 1991-kii.

C/laahi Yuusuf Axmed ayaa isna loolan adag ugu jira tartanka madaxtinimada isaga oo ilaa 1998-kii ka haa madaxweyne maamul goboleedka Puntland lana sheegay inuu xidhiidhka uu la leeyahay dawlada C/qaasim uu mudooyinkan danbe sii adkaanaayey.

Xuseen Caydiid ayaa isna safka hore kaga jira loolanka isaga kacan ka xaysta dawlada Itoobiya, waxayse raga siyaasada u kuur-gala sheegayaan inay adagtahay sidii uu ugu guulaysan lahaa jagada madaxtinimada, taas oo ay cilad uga dhigayaan isaga oo haysta jinsiyada Maraykanka, sidoo kale waxa la mid ah Cabdi Nuur Axmed Darmaan oo isagu shalay isku magacaabay inuu yahay madaxweynaha Somalia, taasoo aanay cadayn sida uu taageero ugu haysto.

Arimahani waxay ku soo beegmeen wakhti gabaabsi tahay madaxtinimada C/qaasim Salaad Xasan oo xilka si ku meel gaadh ah u hayey xilkaasi muddo 3 sanno ah.

Top


Weerarro Cusub Oo Lagu Qaaday Ciidamada Maraykanka Ee Ciraaq.

Baqdaad (W.Wararka):- ugu yaraan hal askari oo maraykan ah ayaa dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii weerar algu qaaday ciidamada Maraykanka ee degan dagmada Faluuja ee ku dhaw caasimada dalkaasi ee Baqdaad.

Siday sheegeen taliska ciidamada maraykanku waxay tani ku soo beegantay iyada oo halkaasi ay u direen maraykanku ciidamo dheeraad ah oo suga amaanka ka dib markii halkaasi ka dhaceen weeraro hore oo loo gaystay ciidamada Maraykanka, ilaa iyo hada ma cada cida ka danbaysay weeraradaasi oo baryahan danbe isasoo tarayey khasaraha ka dhashayna uu marba marka ka danbaysa sii kordhayaan taasi waxay keentay in ciidamada maraykanku ay xoojiyaan ilaalada ay ka wadaan dalkaasi iyaga oo sameeyey goobo cusub oo ay ka kantaroolaan dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadkaba si ay uga digtoonaadaan weeraro cusub oo loo gaysto ciidamada Maraykanka.

Dhinaca kale madaxweynaha Maraykanka ayaa booqday xarunta taliska guud ee ay ku leeyihiin ciidamada Maraykanku Khaliijka Carabta oo ku taal Dalka Qatar waxaanu sheegay in dagaalkii ay ku qaadeen dalka Ciraaq inuu ahaa mid ay qiil u haysteen iyada oo sida uu sheegay ay dawladii Sadaam Xuseen haysatay hubka halista ah ee wax gumaada dhawaana ay cadaymo arinkaa ku saabsan soo dhigi doonaan.

Top


17-Askarta Ruushka Ah Oo Ku Dhintay Weerar Is-Miidaamin Ah.

Moscow (W.Wararka): - Ugu yaraan 17 askari oo Ruush ah ayaa dhintay ilaa 20 kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii ay weerar is miidaamin ah ku qaaday haweynay nafteeda hurtay gaadhi xamuul ah oo ay lahaayeen ciidamada Ruushku goob ku taala jamhuuriyada Usitiya oo 80Km u jirta xuduuda jamhuuriyada Chechnya ee ciidamada Ruushku dagaalka ka wadaan.

Sida uu sheegay Af-hayeen u hadlay wasaarada Difaaca ee Ruushku waxa uu qaraxani dhacay ka dib markii ay gaadhiga ku soo dhawaatay haweynay xidhan maryo cad-cad taasoo isku qarxisay, waxaana loo malaynayaa inay ahayd nafteed hurto ka tirsan dagaalyahanka Chechnya ee halganka ugu jira madax-banaani ay hesho jamhuuriyadaasi oo ay xoog ku haystaan ciidamada Ruushku.

Top


“Masuuliyiinta Burco Waxay Iska Qaadeen Karaamadii La Huwiyay,” Ismaaciil Aadan Madar, xubin Golaha Dhexe ee UDUB.

Aniga oo tixraacaya war ku saabsan magaalada Burco oo soo afjaray rabshada ka dhalatay dhul daaqsimeed laga qoday Berked. Kaas oo ku soo baxay boga hore ee joornaalka Jamhuuriya cadadkiisii 2090 kuna taariikhaysnaa 1-dii June, 2003.

Waxaan doonayaa inaan wax uga sheego sidaay dhacdadan xaqiiqo ahaan wax uga jiraan. Masuuliyiintani waxay iska qaadeen karaamadii ka dib markii iyaga oo 5 askari oo duub cas wata kaga habsaden muwaadin la yidhaahdo Maxamed Caawiye, kaas oo bali yar oo gabood ah cabirkiisuna yahay 6mX6M joogiisuna yahay ilaa ruuga ka qotay aqalkiisa sintiisa meel magaalada Burco u jirta 100km xagga koonfureed.

Muwaadinkii baliiga qoday, ooridiisii iyo carruurtiisaba waxa lala dhacay qori dabadii waxaana la gaadhsiiyey dhaawacyo halis ah oo ay la jiifaan. Anigoo ka mid ahaa dad xaqiiqo raadis u tegay goobta wax ka dhacen oo ay direen niman odayaal ahi, waxaanu soo aragnay inaanay jirin berked sida ay sheegeen uu qotay dhibanuhu haba yaraatee. Annagu waxaanu goobtaas ku soo aragnay bali yar oo aqalka sintiisa laga qoday.

Waxaanu kaloo soo aragnay oo ay nagu yidhaahdeen dadkii goob jooga ahaa markii dhacdadu dhacaysay, “Sida yuhuudu falastiiniyiinta u gasho si la mid ah ayaa loo galay qoyskan ka dib markii ay 48 saacadood ku labadublaysnaayeen gaadhi weyn dushiisa iyada oo aan haba-yaraatee la siinin wixii maxbuuska xaqa u lahaa”.

Waxa kaloo ay noo sheegeen dadkaasi goob jooga ahaa inuu ina Daahir-Qasiis ninka la yidhaahdo oo ka mid ah golaha deegaanka Burco uu arrinkana isagu hogaaminayey, uu ku yidhi maxbuuska isaga oo u jeeda beesha uu ka soo jeedo “Iskaa daa Baliye xabaalaha ayaad birmidh u qaadanaysaan”. Taas oo aan ahayn hadalkii ka soo bixi lahaa ruux masuul ah ummadda xil u haya.

Nimankan masuuliyiinta sheeganaya waxay kaloo karaamadii iskaga qaadeen markay saxaafadda u tebiyeen been qaawan, waxayna ka dhigan yihiin awrkii heeryadii cunay ka ilaalin lahayd waxyeeladda culayska aqalka lagu rari doono geediyadda dhaadheer ee xiliga kaliisha.

Xaqiiqda biyo kama dhibcaanka ahi waxay tahay inay ku takri faleen ammaanadii shacbiga u dhiibtay iyaga oo ku xadgudbay xuquuqda muwaadin aan waxba samayn aan ka ahayn gabood kaa yar ee uu islahaa biyaha roobka aad ka dhaansatid, iyada oo aanay jirin sharci xaaraantinimaynaya qodista baliyada ha yaraado, hase weynaadee.

Marka la qiimeeyo waxyaabihii ay goobta ka lahaayeen oo runtii aan ku haboonayn in wax caynkaas oo kale ah lagu qoro warbaahinta, taasoo fidmo ka dhex abuurtay beelihii nabada ku wada deganaa jawigana ka dhigtay mid cakiran. Masuuliyiintani waxay abuureen jawi colaaded oo ayna ugu meermeeraysan karin cudur daarna u heli karin.

Magaalada Burco hadaynu u soo noqono iyo nawaaxigeeda waxa ka muuqda oo jira baylaho iyo dayac fara badan sida dariiqyadii magaalada oo la degay guryihii dawladu lahayd oo dayrkoodii la dhistay, qashinkii oo meel walba tuulan, tuulooyin cusub oo fara badan oo meel kasta laga aasaasay oo la qoday iwm.

Haddaba iyada oo ay waxaas oo dhami u yaaliin oo ay jiraan, sababta ay masuuliyiinan isku beesha ahi intay waxaas oo dhan u garab mareen, miskiinkan madheedh qalal ka qotay gaboodka yar si uu uga cabbo ugu duuleen maxay tahay waa su’aale? Haddaan sacabka xeeladi ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa?

Guntii iyo gabagabadii nimankani waxay soo dhigeen qodxo aan wakhtigan loo baahnayn in beelada nabadda ku wada deggan la dhexdhigo. Waxay soo aaseen miinooyin haddaan laga gaadhin galaafan karta dad masaakiin ah. Mashruuc bay soo fuliyeen aan la garanayn waxa ka dambayn doona. Mana jirto haba yaraatee wax beelo ah oo is horfadhiyey ama kuwada hadlay arrintan gaboodkan yar. Balse wuxuu ahaa filin uu aktar ka yahay ina Daahir Qasiis ayna la jilayeen maayarka magaalada Burco iyo badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer.

Sidaa darteed waxaan ra’yi ahaan ugu soo jeedin lahaa hay’adaha nabadgelyada ee qaranku inay arrintan si firfircoon uga hawl galaan si loo baajiyo dhibaato dhici karta. Waxaa kaloo u soo jeedin lahaa shacbiga reer Burco, golihiisa deegaanka iyo dawladaba inay talaabada ku haboon ka qaadaan masuuliyiintan sidii sharciga hortiisa loo soo taagi lahaa ka dib markii laga xayuubiyo sharaftii ay huwanaayeen isla markaana lagala noqdo kalsoonida la siiyey.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA Doorashadii Xaq Ma U Dhacday?

Xiligan aynu ku talo galay in aynu ka talaabsano hab beeleedkii ayey xurgufta siyaasadeed keentay wer wer iyo walaac aynu ka qabno in ay lunto wixii aynu ku soo tabacnay tobanka sanadood. Haddii xal la waayo waxa imanaysa tilmaan aan hore u bixiyey( Jamhuriya August 2,3,4 1999 Xayndaabka Nolosha ee Somaliland) oo ahayd in inamaddii wax inoo bartay ay ku guul daraysteen hogaaminta bulshadda, dabadeed sida diinku ugu noqdo qoloftiisa markuu xasilooni la’aan dareemo ay ugu noqoto hanaanka qudha ee ay taqaanay oo ah qabiilka.

Doorashaddii dhacday Abriil 13dii 2003dii natiijadeedii muran iyo diidis baa ka dhalatay.Aynu is waydiinee ma doorashada ayaa ah wax inagu cusub oo aynu fahmi waynay, mise xaq darro ayey u dhacday?

Haddii ay xaq darro u dhacday yaa ka masuula? Ma gardiidnimaa cabashadda Kulmiye mise garawshiiiyo ayey u baahan tahay?

Way adagtahay in aynu bixino jawaabo shaafiya dareenkeena. Shaki kuma jiro in doorashaddu inagu cusbayd oo dhac-dhac badani ka imanayo, laakiin horaa loo yidhi daacadi ma hungowdo; way samaan kartaa wixii gurac u dhacaa. Dunida oo dhan way dhacdaa ku shubasho iyo cabashaba.
Laakiin ugu dhawaan si doorasho xalaal ahi u dhacdo waa in uu qabyo la’ yahay hanaanka dimuqraadiyadeed ee bulshadaasi. Taasoo macneheedu tahay in saddexda hay’adood ee dimuqraadiyaddu wakiilatay uu mid waliba u madax banaan yahay hawshiisa. Inkasta oo taasi jirto hadana siyaabo kale ayaa loo hirgelin karaa doorasho lagu qanco. Saddex ka mid ah tilmaantaasi waa in gudiga doorashooyinka magacaabistiisa loo dhan yahay, ta labaad in doorashadda ay qabanqaabiso dawlad (care taker) aan ka qayb geleyn tartanka doorashadda isla markaana aan ka tirsanayn xisbiyadda. Waxa kale oo doorasho xaq ahi ku dhici kartaa dawladda markaa awooda haysa oo ay aamin bideen dhamaan garabadda tartamayaaa.

Haddii dedaalkaasi yimaado wixii dhac dhac ah waa loo dulqaadan karaa.
Ugu horayn Somaliland waa dal curdin ah sidaa darteed, laguma dhiiran karo in saddexda hay’adood kala madax banaanaayeen. Bishii Sebtembar 2002dii iyo ka dibba waxaan soo jeediyey in talada dalka loo dhiibo dawlad doorashadda abaabusha. Gudiga doorashadda magacaabistiisa wuxuu ahaa saddex madaxweynuhu doortay laba Guurtida iyo laba xubnood oo xisbiyadda mucaaridku ku bahoobeen. Marka la eego guurtida oo marwalba u garab gorayeynaysay dhinaca madaxweynaha waxaa cad in aan miisaan cadaaladeed ku jirin magacaabistii. Meesha ma oolin kalsooni la siiyey dawladda.

Gebegebadeena, hawlgalkii doorashadeenu ma dhamays tirnayn. Taasina ugu yaraan waxay furaysaa in cid kastaa diidi karto natiijadda soo baxda.

Halkan waxaan ku saafayaa turxaanta ka dhalatay doorashaddii. Waxaan u arkaa in dhamaan Ururka Udub, Kulmiye, Golayaasha, iyo Gudiga doorasaduba ay masuul ka yihiin muranka ka dhashay natiijaddii doorashadda. Aan mid mid u tilmaamo.

Guddiga Doorashooyinka.

Waxaa loo wakiishay in ay waddo cad kala mariyaan xisbiyaddii tar tamayey. Go’aanaddii ay soo saareen waxaa ku jiray khaladaado ay qaar ku tilmaameen mid madbaciya, iyo dheeraad, taasoo runtii ahayd mid si fudud loo hufi karayey. Gudigu waxay soo gudbiyeen go’aan aan dhamays tirnayn. Go’aanadda guddigu ka qaatay labada sanduuq ee tirsigoodu yahay 667 (Dhalaax) iyo 627 (Bali Calanle) ma sugna. Ka danbe waxay xuseen in aanay diidanayn tirintiisa, taasoo ay u diidey nabadgelyo la’aan. Iyagoo aan tirin isla markaana aan laalin (cancelled) ayey ku dhawaaqeen go’aankii. Ta kale may sheegin jiritaanka sanduuq aan la tirin taasoo si fudud u bedeli karaysay natiijadda ay ku dhawaaqeen.

Gudiga waxa isu raacday farsamo xumo iyo go’aan jileec. Runtii way ku amaanan yihiin waayaha adag ee ay dhexgaleen iyo sida ay u hawl galeen.

UDUB.

Waxaa looga baahnaa xisbiga Udub in uu aad isu banbaaniyo, waayo wuxuu adeegsaday awoodii iyo hantiddii qaran ee dhex dhexaadka u noqon lahayd xisbiyadda. Waxay ahayd in adeegsigaas uu ku ekeeyo ka hor codbixinta dabadeedna uu isnabo. Taasi waxay noqon lahayd geesinimo u hogaaminaysa ugu yaraan garashadda dimuqraadiyadda oo ah bal in uu nasiibka ka qaado doonista dadku codkooda ku bixinayaan. Hawlgalkii wasiirka arimaha guduhu wuxuu ahaa faragelin qaawan markii uu yidhi in go’aanka maxkamadda sare soo saaraysaa la mid yahay kii Guddiga Doorashaddu ku dhawaaqeen. Mid la mid ahi waxay ahayd markii Wasiirka arimaha guduhu ka kacay goob ay fadhiyeen gudiga doorashadda iyo labada xisbi. Xilgaas wasaaradda waxaa lagu eedeeyey faro gelin goobihii sanaaduuqda loo qoondeeyey. Sidoo kale qaylo dhaantii ay koox golaha wasiiradda ahi kula dhex dhaceen Shir Gudoonka iyana waa markhaati kale sida uu xusay C/qaadir Jirde “Waxa dhacday habeenkii berrito oo kale natiijada lagu dhawaaqayey ayaanu la kulanay dad kacsan oo ragga qaarkood oo wasiiro ahi aad u fogaaday oo ay taagnaayeen natiijada yaan lagu dhawaaqin oo Komishanku dembi buu galay ee tallaabo ha laga qaado, waanu diidnay oo waxaanu ku nidhi Komishanka cid la hadli kartaa ma jirto. Meesha wax miyir qaba waxaanu ugu tagnay Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka.”

Qof waliba wuu is waydiin karaa haddii go’aanka Guddigu ahaa sidan uu u soo baxay maxaa gil gilay wasiiradda? Miyeynaan odhan karayn wasiiraddu guuldaro ayey ogaayeen? Taasoo iftiiminaysa in sida Kulmiye sheeganayo natiijaddii la bedelay. Guud ahaan marka la soo duuduubo Udub wuxuu ahaa “Gardaro garab og baan ahee ma garateen.”

KULMIYE.

Waxay u ekayd in Kulmiye iyo xisbiyaddii kale ee hadhayba ay ku hawl galeen bal ku day. Runtii taasi ma xuma waxaanay leedahay in aad ku sii talo gasho wixii ka yimaadaba in aad dhabarka uridatid. Kulmiye waxay leeyihiin dhaliil taasoo ah is khilaafka wixii ay ku hawl galeen iyo go’aanka ay maanta taagan yihiin. Dad badan baa qaba rayiga in Kulmiye gaysto dacwadiisa Maxkamadda Sare iyo in uu go’aankeeda diido uu yahay mid iska hor imanaysa. Waayo, waa halkii ugu saraysay meel loo noqdo wadanka. Kulmiye wuxuu ku amaanan yahay iyadoo aan Guddiga Doorashaddu mar qudha dhaliil u soo gudbin. Sidaas tarteed, kulmiye eed ku yeelan maayo doorashaddii dhacday marka laga hadlayo sidii wax u dheceen aan ahayn diidmadda oo u taal mid ay garowshiiyo ku heli karaan ama ku gardaran yihiin.

Shir Gudoonka.

Sidii aynu ka maqalay shirgudoonka labada gole sababta u gaysay Komishinka xiligii la sugayey natiijaddii doorashadda waxay ahayd cabasho ka timi Udub waraysiga Hal adayg ee uu bixiyey C/qaadir “….waxa na soo geliyey maaha cabsi aanu KULMIYE ka qabnay, runta ayaa wanaagsane ee waxay ahayd cabsi aanu UDUB ka qabnay oo rag wasiiro ah oo ku talinaya Komishanku yaanay hadlin ee afka ha la qabto leh aragnay, taas ayaa na keentay ee cabsi aanu KULMIYE ka qabnay nama keenin.”

Marka la eego waayaha siyaasadeed ee Somaliland shir gudoonka guurtidu wuxuu taageero buuxda la garab taagnaa madaxdii Udub ee kala danbaysay. Hawl gal kaas oo ay qayb ka ahayeen isla markaana aan khusayn wuxuu qayb ka yahay cabashadda Kulmiye ee natiijadda la bedelay. Sidii aan qoraal hore ku tilmaamay kuwa ugu waawayn guurtida ayaa duudsiyay tartamayaashii mucaaridka ka dib markay isku raaceen in dood laga soo jeediyo telefishinka wadanka. Xubintaasi wuxuu is hortaagay in Rayaale qayb ka noqdo doodaas. Golayaashu mar qudha go’aan kamay soo saarin awooda sharci daradda ah iyo maalkii qaranka oo Udub ku ololaysay. Arimahaas oo dhami waxay inoo hogaaminayaan in golayaashu faragelin ku sameeyeen natiijaddii doorashadda ama ay gudan waayeen waajibkoodii.

Maxkamadda Sare.

Go’aankii maxkamaddu wuxuu ahaa mid duuduub ah. Aynu u fahanno maxkamaddu in ay bixiso go’aanka kama danbaysta ah oo aanay jirin meel danbe oo loola ciirsan karaa. Taasise ma aha in ay xukun hawaawi ah bixiso, waxa looga fadhiyaa in go’aan kasta oo ay qaadataa uu waafaqsan yahay xeerka isla markaana ay soo ban dhigtaa. Taasi ma dhicin, waxaa is waydiin leh markaa kalsoonida laga qabi karo go’aanadeeda? Waxay qayb ka tahay garsoorka oo ah hay’adda ugu liidata saddexda qaybood ee qaranimadeenu ku taagan tahay. Markii Rayaale la wareegay xukunka waxaa la sugaayey in uu wax ka bedelo waxaan candhuuftayda dib u liqay markuu keenay ninka maanta haysta Maxkamadda Sare oo waxyar ka hor ka yimi Puntland oo uu masuul ka ahaa. Qoraal aan soo saaray Aug 2002dii waxaan ku tilmaamay “Maantana madaxweyne Riyaale inkastoo aynu soo dhawaynayno hawlgalka dib u habayneed ee garsoorka, gudoomiyaha cusubi ma aha kii aynu uga fadhinay. Shalayto fadhigiisu Puntland buu ahaa, dagaalna wuxuu kula jiray qarankeena marka aan ka tago shakhsiyadda isaga dabqaadaysa mashriq iyo maqrib.
Waana iska cadaan in aanu ahayn masuuliyad qaranka u gar qaadi karta.” Eeg Haatuf, Cadadki 142, Aug.21, 2002 ama internetka baadh (search Haatuf, Cadadki 142, Aug.21).

Waxaan ku soo gebo gebaynayaa in aan maxkamaddu lahayn kufka iyo awooda ay qaran ku kala saari karto. Raggii masuuliyaddaa qaban lahaa waxaa xiniinyaha ka saaray dawladeenii laga soo bilaabo 1997kii. Imisa garsoore ayaa iska casilay ama masuuliyaddii laga qaaday ka dib markii uu diiday in uu gacan yare u noqdo dawladda.

Maxaa Xal ah.

Doorashaddii nashuushad baa la geliyey suuro galna ma aha in aynu siino guusha nin xaq u leh iyo mid aan u lahaynba, waayo tabaabulshaheeda ma hayno. Sida ugu fudud ee lagu dawoobi karaa waa iyadoo labada xisbi mid tanaasulo. Ta kale badintu waxay u muuqataa hal dheeri (margin). Haddii aynu odhon lahayn Kulmiye maxkamad baa xukunka ku ridey ee ha hibeeyo, tooduna waxay taagan tahay geeridaba gabow baa ii kaday oo haddii faragelin la’aani jiri lahayn in ay badin lahayeen, maxkamadna aanay tagneen.

Dhinaca kale haddii maanta Rayaale ku dhawaaqo dawladda oo Udub cidna u joojin waydo maadaama golayaashii iyo Maxkamaddiiba hareero taagan yihiin, guul iilama eka saddex sababood dartood, Udub horay u dhaxal xumaysatay oo wadanka maamulka may wada gaadhsiin. Ta labaadna, Somaliland cidi ma aqoonsana, markaa way ka duwanaanaysaa dawladaha mucaaradkooda muquuniya. Xataa kuwaa laftoodu waxay ku danbeeyaan bur bur ka bilaabma dhaqaale xumo iyo xasilooni darro keenana guntiisa waynu ognahay. Aynu u fahamno Somaliland mid ku dhisantay is ogolaansho iyo doonis shacab. Ta saddexaadna, waa dabka hareeraha inaga shidan taas waxa aad u faahfaahiyey C/qaadir Jirde: “Horta marka dawlad la dhisayo, dawlad, dawlad laga hoos dhisi maayo, ee waxaynu taaganahay xaalad ay innagu xeeran tahay, oo la leeyahay bisha Juun ee soo socota ayaa Soomaaliya laga dhisayaa dawlad federal ah oo aynu [Somaliland] ka mid nahay. Waxaan aaminsanahay in Somaliland lumisay fursad qaaliya sababtuna ay tahay hogaamiyayaashii wadanku soo maray oo lagu calaameeyey musuqmaasuq iyo iyagoon hayn waddo (vision) ay umadda ku hogaamiyaan. Taas waxa sii dhiiri geliyey Baarlamankeena oo meesha ku hayey siiba Guurtida.

Waxaan soo jeedinayaa in wadanka gacanta loo geliyo dawlad doorasho gaadhsiin ah (care taker) oo si wayn looga wada arinsaday. Somaliland waxay leedahay dad badan oo wadaniyiin ah masuuliyad cadaaladeedna qaadi kara, ha loo dhiibo dawladaas.

Yuusuf Goodir M. Bakistaan.

Email:goodir@yahoo.com

Top  


Wargeysyada Caalamka ee todobaadkan, Star Tribune.

BBC_Wargeyska lagu magacaabo Star Tribune ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa qorey maqaal uu kaga hadlayey in dowladda Mareykanku laga yaabo in ay Musaafuriso nin qaxooti ah oo Soomaali ah. Wargeysku waxaa uu sheegey in Maxkamad racfaan ee ku taala Mareykanka in ay xukuntey in la masaafuriyo, Keyse Jaamac oo ku noolaa Gobolka Minnesota, waxuuna wargfeysku intaa ku darey in xataa aysan Soomaaliya ka jirin dowlad shaqeyneysa ee ninkaa kala wareegta dowladda Mareykanka.

Wargeysku waxaa kale oo uu sheegey, in xukunkan musaafurinta ah uu si toos ah u saameyn doono Keyse Jaamac oo kaliya, waxuun intaa ku darey in amar lagu bixiyey in la musaafuriyo ninkan ka dib markii lagu helay danbi.

Hase yeeshee wargeysku waxaa uu sheegey in go'aanka si weyn loo la socodo iyo saameynta uu ku yeelan karo Soomaalida kale ee iyana laga yaabo in laga musaariyo dalka Mareykanka.

Wargeysku waxaa uu sheegey in dadka arrinta musaafurta ah ay u quseeso in ay sheegeen, in aysan u cadeyn saameynta ay arrintani yeelan karto.
Hase ahaatee, Dad qareeno u ah Qaar ka mid ah Soomaalida ayaa sheegey in arrintani ay walaac iyo jiho wareer ku dhalisey dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Mennesota.

New York Times.

Wargeyska New York Times ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa isna qorey maqaal uu kaga hadlayo Islaamka iyo sida dadka aaminsan diintaa lagu badali karo.

Wargeyska ayaa sheegey in dadka kala yimid dhowr State oo ka mid ah Mareykanka in ay shir maalin socodey oo aqoon isweydaasi ahaa, ku yeeshey magaalada Grove City ee Gobolka OHIO, waxayna kaga hadleen siminaarkaa sida dadka Muslinka loogu jiidan karo diinta Islaamka.

Wargeysku waxaa uu soo xigtey nin macalin ah oo ka qeyb galey Siminaarka, islamarkaana ah dadka dacwada masiixiyada fidiya oo ka yimid dalka Lebnaan, in uu dalbadey in si naxariis leh loo dhaqmo muslinka. Waxuuna yidhi, sida ku xusan wargeyska New York Times, mar kasta mulimiinta u muujiya kalgacal iyo soo dhaweyn, hadiyadna u siiya kutubka masiixiga ee Biblka ee aad sidataan.

Wargeysku waxaa kale oo uu soo xigtey haweyney la yiraahdo Pat Mc Evoy oo xoghayn ka ah dugsiga sare ee Kolombus, oo tiri, wax yar baan ka aqaaney Islaamka siminaarkan ka hor.

Wargeysku waxaa intaa ku darey in haweyneydaas oo ka shaqeysa school ay dhigtaan ardey badan oo Soomaali ah, in marka ay dhex socoto Iskooka in ay u argto qaxooti Soomaalida in uu waajib ka saaran yahay in ay la qeybsato caqiidadeeda iyo waxa ay aaminsan tahay, Waxayna arrintaa barbardhigtey sida uu qorey wargeysku New York Times, in haddii ay taqaano daawada cudurka Kansarka, oo aysan u sheegin dadka qof bini'aadam ah oo sidee ah ayaa ahey.

The people.

Wargeyska the People ee ka soo baxa dalkan Kenya ayaa daabacey warqad furan oo uu u qorey gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee Kenya ee waqooyiga Ameerika, madaxweynaha dalka Kenya, Mr Kibaaki.

Wargeyska oo daabacey warqadan bishii hore waxaa uu ku bilaabey , in cumar warqadiisa uu ku yidhi, madane madaxwenaye waxaa sharaf iyo farxad ii ah in aan warqdan furan kuu soo diro.

Waxaan marka hore kuugu hanbalyeenayaa adiga iyo xisbigaana Narc guusha taariikhga ah ee aad ku guuleysateen doorashada dalka Kenya.

Marka intaa laga gudbo waxaa uu yidhi wargeysku warqada waxaa ku xunaa...in Bishii Okober ee sanadkii 1987dii ayaa koox Soomaali Kenyan ah oo ka niyad jabey habkii siyaasadeed ee xisbiga KANU ee dowladda ahaa ee ku dhisnaa sinji faquuqa iyo siyaasada caburinta ah, ayaa waxaa ku dhashay in ay sameeyaan xisbi lagu magacaabo Kenyan Democratic Party.

Xisbigaasi waxaa looga golahaa in uu doodo in la sameeyo isbadel dimuquraadiyadeed.

Cumar waxaa uu u sheegey madaxweynaha in ururkoodii uu badashey magaca si uu u kordho tirada dadka xubnaha ka ah, isla markaana ay meel marto howlaha siyaasada ka madaxbanaan ee Ururka. Ururka waxaa loo bixiiyey baa uu yidhi Cumar Jaaliyada Soomaalida Kenya ee Waqooyiga Ameerika.
Warqada Cumar waxay madaxweynaha ku wargalisey sida uu qorey wargeysku, in dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan Waqooyi Barri Kenya in lagu xukumayey xukun degdeg ah oo ka baxsan dastuurka. Sharuucdaasna waxaa ku magac yeeshey dowladdii madaxweynihii hore ee Moi.

Waxyaabaha ay dowladdaasi u sameysay Soomaalida Gobolka waxaa ka mid ahaa iyadoo loo magacaabey nin Soomaali ah gudoomiyaha Gobolka.
Cumar waxaa uu warqadiisa ku talo siiyey madaxweyne Kibaaki sida uu wargeyska People qorey in sidaas si la mid ah uu gobolka Soomaalida u magacaabo nin Soomaali ah.

Taasina ma aha in loo arko in loo yareeyo dalabaad ka qabaa'ilka halkaa ku dhaqan. Badalkeeda waa in loo arkaa in ay qeyb ka tahay nidaamka lagu xalinayo mashaakilka u gaarka ah goboka Waqooyi Bari ee Kenya.

Cumar waxaa uu u sheegey madaxweynaha in gobolka Soomaalida oo qani ku ah xagga xoolaha nool in dowladdii hore ee dalka ka talin jirey aysan waxba ka qaban, waxuuna amaaney in uu la dhacey qorsha dowladiisu sheegtey ee la xiriira gobolka.

Cumar waxaa kale oo uu warqadiisa ku xisay oo uu madaxweynaha u sheegey in dowladda Kenya ay dowr wax ku ool ah ka qaadato xallinta siyaasada miriqsan ee dalka Soomaaliya. Waxuuna ku soo gabagabeeyey warqadiisa in dowladda aysan ka baaqsan dadaal kasta oo nabad loogu raadinayo dhibaatada Soomaalida.

Top  


Bush Oo La  Kulmay Ra'iisal-Wasaarayaasha Israa'iil Iyo Falastiin.

BBC_Madaxweyne George W Bush ayaa rajo ka muujiyey mustaqbalka Bariga Dhexe, ka dib markii uu Ra'iisalwasaarayaasha Israa'iil iyo Falstiin uu la kulmey.

Hadalkiisu waxa uu si daran uga soo horjeedaa jawaabta cadaawaddu ka muuqato ee ay soo saareen dagaalyahanada Falastiiniyiinta iyo Yuhuudda ku nool deegaanka Israa'iil haysato.

Shirkan taariikhiga ah waxa uu dhammaadey iyadoo Israa'iil iyo Falstiinba ay ku baaqeen in la taageero qorshaha caalamiga ee nabadda ee loo baxshey 'Road map'.

Labada Ra'iisalwasaare, kan Israa'iil, Ariel Sharon iyo kan Falstiin Mahmoud Abbas oo loo yaqaanno 'Abu Mazen', wey taageereen qorshahan oo odorosaya in la dhiso dowlad Falstiin leedahay oo si nabadi ku jirto u ag deggan Israa'iil.

Dhinaciisa, Mr Bush waxa uu sheegey in ay jiri doonto koox Mareykan ah oo dusha ka ilaalin doonta hirgalinta hindisayaasha qoprshaha nabadda.

Top  


Cusbitaalka Madina Oo U Dabaaldegay Sanad-Guuridii 3aad.

Muqdisho (Haatuf): Waxaa todobaadkan xaflad lagu maamuusayo sanadguuradii sadexaad ee kasoo wareegtay markii Isbitaal madiina dib u howl galay lagu qabtay isla Isbitallak gudihiisa xafladaas oo ay ka soo qeeyb galeen Taliyaha Booliska Gobolka banaadir iyo Wasiirka Caafimaadka ee Dowlada ku meelgaadhka ah Dr. Dufle.

Sida uu ku soo waramayo weriyaha Haatuf ee Muqdisho Yaasiin Canjeex, Waxaa warbixin dheer oo uga waramayo qaabka uu cusbitaalku u shaqeeyo kasoo jeediyay Agaasimaha Cusbitaalka Madiina Dr Shekhdoon Salaad Cilmi, waxaana uu agaasimuhu sheegay waqtigii dibloo furay May 28/2000, dadaal badan oo uu sameeyay Agaasimuhu kuna guulaysteen inay Bishaas ay u suurta gashay in cusbitaalku shaqo bilaabo ayadoo ay suuta galiyeen furista Cusbitaalka Hay’ada laan qeeyrta cas ee aduunka, oo ilaa hadda gacanta ku haysa bixisan 100/70 (boqolkiiba todobaatan) sodonka kalena waxaa soo saara Cusbitaalka wxaana hay’adu bixisaa Dawada cusbitaalku iyo Mushaarka Shaqaalaha Mudadaa 3 sano aha isbitaalak waxuu qabtay waxaa la jiifiyay 10.000 oo qof waxa qalin lagu samayay 12.000 qof waxaa lagu daweyay bukaan socod 16.000 oo qof waxa Cusbitaalka dhexdiisa ku dhintay 800 oo qof oo dhawac hub ah u badnaa waxaa dhiigoda HIV/IDS laga baray 3208 qof oo dhiig ku deeqayay kuwaas oo 45 ka mid ah laga helay HIV taasoo u dhiganta 1% qeybaha Cusbitaalka waxaay ka kooban yihiin Qeybta bukaan socodka qeybta gargaarka deg dega ah qeybta saalada qalinka o.t qeybta naaxinta IGU qebta qaklinka dumarka qeybta qalinka raga qeybta sheybarka qeybta raajada qeybta farmashiga iyo qeybta kaabayaasha aqeya 8 daqtar 50 akal kaaliye 50 farsamiiqano Ciidanka nabad galyada oo ah 60 Askari oo boolis ah Cusbitaalka waxa looga yimadaa dhamaan Gobolada koonfurta somaliya oo dhan waxaa kaloo oo looga yimadaa Kilinka 5 naad ee Itoobiya iyo Gobolka waqooyi Barri ee Kenya marka aad u fiirsato cusbitaalka iyo habka uu u shaqeyo waxaad ka arkeysaa in kala danbeyin iyo nidaam uu ka jiro taasoo aay ugu wacantahay maamulka Cusbitaalka oo si wanaagsan aad moodo in uu isga xil saaray Agaasimaha isbitalka

Mar aan wax ka weydiiyay Agasimaha Cusbitaalka qof aan waxba heysan ee xabadi ku soo dhacdo wax aay ka yelaan waxa uu ii sheegay Agasimuhu in aay Daweyaan oo aay qalaan inta uu miiirsanayo iyadoo aan shuruud ku xidhnayn ilaa inta aay ka sugayaan Eheladiisa inta aay ka yimadan hadii uusan awood uusan laheyn aay cafiyaan hadii uusan wax dhaqalo ah haysan taasoo Isbitalka koos gareysay in uu magic ku helo isla markaana dadku aay ku soo dhiiradaan Agaasimaha cusbitalka Sheekh Doon Salaad Cilmi oo ka mid ahaan jiray Jabhadiii ka soo horjeedi jiry dowladii la riday ee Maxamed Siyaad Bare siiba Jabhadii SSDF markii danbana ku biiray Ururkii SNM markii laga furay magalada Adisababa taasoo uu ii sheegay in uu ragbadan aay saxiibo ahayen sida Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, Maxamed Mooge iyo Maxmed Xashi cilmi taasoo uu u rajeynayo in uu maanatay wax qabadkii SNM isku badalay Dowlad nidam iyo kala danbeyn leh isla markaana ugu hanbaleynayaa guusha ay gadheen oo ay dooroshooyin ku qaban qabiyen guushii Aay SNM Hooyada u aheyd.

Top  


IFTIINKA ISLAAMKA: Siiradii Rasuulka (SCW) Iyo Faafitaankii Islaamka, Qaybtii: 5aad, Siciid I. Guraase.

Qureysh markay tallaabo walba oo ay qaadday, oo ay rabtey in ay dacwada islaamka ku joojiso, ay u suurtageli wayday, dacwadii islaamkuna ay marba marka ka dambeysa sii fiideyso, dadka raacayana sii badanayo, ninka ka dambeeyaana uu yahay Nabi Maxammed SCW oo ay uga heybeysanayeen adeerkiis Abii-dhaalib oo ay hore ugu tageen waxna aan ka qaban Nabi Maxammed ayey mar labaad ku noqdeen waxayna ku yidhaahdeen "Abii-dhaalibow waxaad tahay nin oday ah oo sharaf agtayada ka leh hadda ka horna waan kuu nimid annagoo kaaga dacwooneyna wiilkaad adeerka u tahay, hase yeeshee nagama aadan qaban oo kaalintaadii waad ka soo bixi weydey, haddaba ilaah baan ku dhaarannaye ku sabri mayno mar dambe wuxuu nagu samaynayo wiilkaad adeerka u tahay, oo ah aabbeyaashayo oo la caayo, ilaahyadayada oo wax laga sheego iyo caqligayaga oo la duro, marka ama naga qabo ama noo daa", Abii-dhaalib dacwadaas ay odeyaashu ula yimaadeen oo ka dhex taagan wiilkiisa iyo tolkiis aad ayey u cusleysey, wuxuuna u yeedhay Rasuulka SCW oo ku yidhi "adeer reer tolkaa waa ii yimaadeen sidaasayna i yidhaahdeen baaqi yeel naftayda iyo naftaada, waxaanan awood u lahaynna ha igu kallifin". Rasuulka SCW markuu dhegaystey fikraddii adeerkiis u soo jeediyey, arkayna in adeerkiis ka soo dabcay mowqifkiisii hore ayna dhici karto inuu ka baxo garabkiisa, cadaadiska tolkiis uga yimid awgiis ayuu ku yidhi "adeer Ilaah ayaan ku dhaartaye ma awoodo in aan ka tago arrinka la ila soo diray, markaasuu abii Dhaalib yidhi: "Ilaah baan ku dhaartaye been ma sheegin wiilkaan adeerka u ahay weligiis e iska noqdo". 

Ka dibna Rasuulka SCW meeshii ayuu ka istaagay isagoo ilmo ay indhihiisa ku soo joogsatay waayo arrinka uu maanta adeerkiis soo jeediyey waxaa weeye in xaqa iyo diinta laga hadho oo kufri la raaco.

Abii-dhaalib markuu arkay go'aanka kama dambaysta ah ee uu Rasuulka SCW qaatay ayuu u yeedhay oo ku yidhi "adeer Ilaah baan ku dhaartaye kuma ay soo gaadhayso awooddoodu (dhibkoodu) ilaa ciidda la igu xabaalo ee amarkaaga la jahar wax dhib ahi korkaaga ma ahaanayso, kuna bishaarayso indhahaaguna ha ku qaboobaan sidaas". 

Madaxyaweyntii qureyshee d markay arkeen Abii-dhaalib in aanu waxba ka qaban arrinkii ay ula tageen, Nabi Maxammedna SCW uu weli ilaahyadoodii iyo diintoodii uu ku sheegayo baadi uguna yeedhayo iney Ilaah kaliya caabudaan ayey mar saddexaad Abii-dhaalib ku laabteen waxayna ku yidhaahdeen "Abii-dhaalibow waxaad tahay nin akhyaar ah wiilkaagana wuxuu samaynayo waad la socotaa, adiga laftaaduna nala diin baad tahay oo m araacsanid diintiisa haddaba wiilkaan dadkiieennii kala geeyey oo diinteennii ku ciyaaray noo dhiib aan kaa kaafinnee, (dilnee) adigana waxaan kuugu beddelaynaa wiil kale oo uu dhalay Waliid abnu Muqiira oo la yidhaahdo Cimmaara, oo ah wiil aad u fiican, marka qaado wiilkaas noloshiisa iyo diyaadiisaba", Abii-dhaalib wuu ku qoslay wuxuuna yidhi "ma waxaad iigu timaaddeen inaan wiilkiina idiin koriyo, keygana aad dishaan", meeshiina waa lagu kala tegey.

DHIBAATOOYINKII QUREYSHI KU HAYSEY RASUULKA SCW.

Qureysh markii ay intaas oo tallaabo ah qaadeen, Nabi Maxammed SCW iyo dacwadi islaamkana ay wax ka qaadi kari waayeen oo maalinba maalinka ka dambeeya ay sii xoogeysaneyso, Nabigana SCW ay difaacayaan reerkuu ka dhashay ee reer binu Haashim oo Abii-dhaalib u weyn yahay, ayey waxay go'aansadeen iney Nabiga SCW ka takhalusaan. Abii-jahal oo ahaa hoggaamiyihii qureysh ayaa qureysh la hadlay oo ku yidhi: "waad u jeeddaan waxa uu Maxammed samaynayo, wuuna diidey xal kale inuu arrintiisaa ku socdo maahee, Abii-dhaalibna inuu wax ka qabto wuu diiday, haddaba ilaah baan ku dhaartaye haddaan arko Maxammed oo tukanaya intaan dhagax soo qaato ayaan madaxa fujin oo aan kaga takhalusi, markaa qureyshey ama reer binu Haashim ii dhiiba ama i difaaca", dadkii qureysh waxay yidhaahdeen "waa ku difaacaynaa abal-xakam". 

Abii-jahal maalin dambe ayuu arkay Rasuulka SCW oo tukanaya markaasuu dhagax soo qaatay oo ku soo dhaqaaqay si uu u fuliyo go'aankiisii, sidii loo dhowrayey inuu ficilkiisii fuliyo ayuu dib dib u soo boodey, markaasaa la yaabay oo la yidhi "maxaa kugu dhacay", wuxuu yidhi "waxaan arkay neef awr ah oo weligey wax luquntiisa oo kale leh aanan arag, anigana igu soo dhaqaaqay", Rasuulka SCW wuxuu yidhi "kaasi malaku Jibriil buu ahaa, hadduu Abii-jahal ii soo dhowaan lahaana wuu dhufan lahaa".

Sidoo kale ninka la yidhaahdo Cuqbata ibnu abii Muceydh ayaa maalin arkay Rasuulka oo kacbada ku tukanaya, markaasuu inta mara soo qaatey luqunta ka geliyey oo ku ceejiyey, markaasaa Abuubakar al-siddiiq meeshii yimid oo ka qabtey kuna yidhi "ma waxaad dileysaan nin yidhi 
Rabbigey waa Allaah", markaasey qureyshtii meesha joogtey Abuubakar ku jeesteen oo rifeen. Abuubakar waxaa meesha laga qaaday isagoo tacbaan ah. 

Arrimahaas oo dhan waxay ku tusinayaan in markey wax walba oo ay sameeyeen ku joojin waayeen Ilaahay diintiisa afna wax kaga qaadi waayeen ay gacan ula tageen Rasuulka SCW iyagoo ay ujeeddaddoodu tahay iney dilaan Nabi Maxammed SCW oo ay joojiyaan Ilaahay diintiisa, Allese waa diiday.

La Soco.

Top