Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 349 June 8, 2002

Wasaaradda Maaliyadda.

“Doorashooyinkii Waxay Muujiyeen Sida Dadka Reer Somaliland Ugu Bislaadeen Dimuqraadiyadda,” Waraysi - General Maxamed Nuur Galaal.

Duqa Boorama Oo Ka Hadlay Xaaladda Deegaanka Iyo Arday Shahaadooyin La Gudoonsiiyay.

Shir Lagu Falanqeeyay Qadiyadda Somaliland Iyo Sidii Wax Loola Qaban Lahaa Oo Ka Dhacay Magaalada Washington DC Waxa Ka Qaybgalay Shakhsiyaad Caalami Ah Iyo Aqoonyahano Reer Somaliland Ah.

Ma Dhabbaa Inay Dhicisowday Dhexdhexaadintii UDUB Iyo KULMIYE.

Duruufaha Boorama Iyo Dayaca Adeegyada Bulshada Ka Muuqda, Warbixin --- Weriyaha Haatuf Ee Gebilay.

Ma Taageersanin Maamulka Cusub Ee Laascaanood, Bayaan ---- Koox Odayaal Ah.

Askar Jarmal Ah Oo Lagu Laayay Weerar Gaadmo Ah Oo Lala Beegsaday Kolonyadoodii Dalka Afqaanistaan.

Weerarada Loo Geysanayo Ciidamada Maraykanka Oo Sii Kordhaya Dalka Ciraaq.

Xiisad Ka Dhex-Aloosantay Maamulka Iyo Kooxaha Falastiin.

Xaaladda Ninka Sucuudiga Ah Ee Qoorta Ka Jara Dadka Dembiilayaasha Ah.

Arrimaha Bulshada: Ilaalinta Nadaafadda Ka Bilow Gurigaaga.


Wasaaradda Maaliyadda

Wasaaradda Maaliyaddu sida laga warqabo waa halbowlaha hanaanka dawladnimo, waana hay’adda aanay baylahdeedu qarsoomayn maadaama ay iyadu gacanta ku hayso adduunyadii lagu kala wadi lahaa dhamaan hawlaha Dawladda.

Wasaaradan oo ilaa intii la aas-aasay ahaan jirtay mid aan magaca lagu sheegayo u qalmin oo ay qayrkeed ka reebeen farsama-xumo, musuqmaasuq iyo siyaasad-darro mas’uuliyiinta madaxda looga dhigo, waxa kale oo u weheliyey aafooyinkaas wasiiradii loo magacaabi jiray oo ahaa qaar ku iman jiray hanaankii beelaha ee xalka loo yiqiin.

Haddaba maanta oo ay tahay markii ugu horeysay ee uu hanaanka hogaamineed ee wasaaradda uu qabto wasiir uu soo magacaabay Madaxweyne lagu soo doortay nidaamka xisbiyada badan, waxa Wasiirka cusub Mudane Cawil Cali Ducaale lagu soo dhoweyn doonaa dhisme laba dabaq ah, foojaro iyo faylal badan oo aan lahayn raad-raac maamul, dhismahaas oo ah mid aan intaas waxba uga hoosayn oo marka Wasiirka cusubi fadhiisto waxa kusoo xoomi doona dad aad u farabadan oo doonaya mushaharkii shaqaalaha Dawladda ee ugu yaraan labadii bilood ee ina soo dhaafay, iyo mushaharka ciidamada iyo bilayska oo iyaguna xad-dhaafa. Waxa iyana xafiiska hor-dhoobnaan doona qaansugeyaasha shirkadaha ganacsiga ee xukuumadda wax ka iibiya.

Dhammaan waxaas oo dhan ookhasnadii laga siin lahaa madhan tahay baahidooduna dib-u-dhigasho aqbalayn, waa arrimo loo baahan yahay in laga fekero waxa saamaxay sababaha ay ku yimaadeen.

Haddaba, Wasiirka cusub waxa looga fadhiyaa inuu la yimaado isla markaana hirgeliyo qorshe iyo siyaasad wax lagaga qabto dhibaatooyinka waxqabadka wasaaradda yuururisay, taas oo ay ugu horayso:
In la dejiyo nidaam maaliyadeed oo leh si loo raaco iyo hab loo baadhaba.

In la sameeyo nidaam miisaaniyadeed oo ka run-sheega isuna dheeli-tira dakhliga iyo kharashka.

In qiimayn lagu sameeyo nidaamka dakhli-ururinta iyo hawl-wadeenada sare ee u xilsaaran arrintaas si looga tab helo tallaabana looga qaado xeeladaha musuqa ee lagu lunsado dakhliga Dawladda.

In la sameeyo guddi baadha dakhliga Dawladda laga lunsaday xilligii kala-guurka, taasoo loo baahan yahay in wasaaradda maaliyaddu iskaashi kala samayso wasaaradaha kale ee dakhli-ururinta.

Wasaaradda Maaliyadda iyo wasiirkeeda cusub waxa laga sugayaa in lacagta shillinka Somaliland waddanka oo dhan la gaadhsiiyo, iyada oo wasiiro hore oo badan oo kasoo jeeda dhinaca gobollada bariga Somaliland ay iskaga dambeeyeen wasaaradda maaliyadda mid walbana xilka laga beddelay isaga oon arrintaas waxba ka qaban.

Waxa kale oo mudane Cawil sugaysa sidii uu wax uga qaban lahaa sicir-bararka hadheeyay dhaqdhaqaaqa ganacsiga dalka, taasoo loo baahan yahay in si habsami ah loo yareeyo si shillinka Somaliland wax ugu gooyo dan-yarta suuqa ku dhibban.

Danjire Cawil X. Cali oo wax ku soo bartay kuliyadda ciidamada ee Sand-Hurst, kana mid ahaa saraakiishii reer Somaliland ee isku dayey 1961-kii inay inqilaab miletari kula soo noqdaan madax-banaanidii Somaliland, wuxuu maanta fursad u helay inuu ismuujiyo, waxaan laga sugayaa inuu noqdo wasiirkii dhaxlay khasnad madhan ee dalkiisa iyo dadkiisa uu uga tegay nidaam dhaxalgal ah oo hantidooda qaran ay ku ilaashadaan, kharashkana lagu bixiyo hab-raac raandhiis ah oo loo aayo.

Top  


“Doorashooyinkii Waxay Muujiyeen Sida Dadka Reer Somaliland Ugu Bislaadeen Dimuqraadiyadda,” Waraysi - General Maxamed Nuur Galaal.

Muqdisho (Haatuf) General Maxamed Nuur Galaal oo ka tirsan hogaamiyayaasha siyaasada ee Muqdisho, kana tirsan guddida loo xilsaaray dhismaha gobolka Banaadir ayaa ka waramay halka ay hawlahoodaasi u marayaan, iyo wixii ay kala kulmeen dib u heshiisiinta kooxaha ee dhawaanahan lagu hawlanaa, mar uu waraysi siiyey weriyaha Haatuf ee Muqdisho Yaasiin Canjeex oo ka waraystay arrimahaasi, iyo sida uu arko xaalada iyo jiritaanka Somaliland.

Ugu horeyn isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd halka ay wax u marayaan maamul u samaynta gobolka Banaadir waxa uu ku jawaabay “Waxaanu samaynay golaha maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ka madax banaan hogaamiye kooxeedyada ee Dawladda ku meelgaadhka ahba, waxaanu ka koobanyahay 61 xubnood oo u kala baxa guddiyo ay ka mid yihiin guddida sare, guddida gobolada, guddida fulinta, guddida sharciga, guddida maaliyada, guddida nabadgelyada, iyo guddiga amaanka iyo dib u dhiska, ka dib waxaanu magacaabynaa gudoomiyaha gobolka, duqa magaalada iyo xubnaha kale ee maamulka. Kuwaas oo aanay fara-gelin ku samaynayn hogaamiye kooxeedyadu, maamulkuna wuxuu ka koobnaanayaa qabaa’ilka Soomaaliyeed oo dhan, waayo Xamar caasimadii dalka ayay ahayd, cid sheegan kartaana ma jirto, balse qabaa’il ayaa u badan, sida Hawiyaha oo 95% leh, waxa soo raaca Xamar cad cadka iyo jareerta”.

General Galaal oo la weydiiyey cida kale ee ay wax ka siinayaan maamulka waxa uu yidhi “Xataa waxaan wax ka siinaynaa Puntland iyo Somaliland” balse faahfaahin kamuu bixin sida ay arrintaasi ku imanayso.

Mar la weydiiyey sida ay ugu suurtoobayso maamul u samayntaasi waxa uu ku jawaabay “Waxaanu ku shaqaynaynaa waa heshiisyadii lagu saxeexay Eldoret oo ay wada saxeexeen hogaamiye kooxeedyadu, marka ay arrintaasi timaado ee ay awooda qaybsadaan qabaa’ilka Soomaaliyeed ayaanu hirgelinaynaa, balse waxa qorshe kalana na dhinac wada Muuse Suudi, oo si kale wax u arka, waxaanan kula talinayaa inuu arrintaa ka noqdo, kamana maarano taageerada Muuse Suudi, iyo Xuseen Caydiid, anaga oo qorshahayagu yahay in marka aanu qaabka maamulka dejino inaanu iyaga u bandhigno, si ay wax ugu daraan, ama wax uga dhimaan.

Ka dibna aanu isku meel qorshayagu u noqdo.” Isaga oo rajeeyey in ay arrintaasi si fudud ku dhamayn doonaan.

“Dadka reer Somaliland sidii u roon Ilaahay baa oge, allaha u fududeeyo, gooni isku taaga, iyo dalka ay dhisteen, haddii kale oo ay dani ugu jirto wada jirka iyo midnimadana waxaan odhan lahaa, ilaahay ha u fududeeyo, oo ha garansiiyo, Somaliland nabad bay noqotay, inkasta oo ay beesha caalamku ka gows adaygtay oo ay leeyihiin wixii aad tabanaysaan noo sheegta, inta aan kala go’a la socodsiin, doorashadiina si dimuqraadi ah ayey uga dhacday, waxaanay muujisay siday dadka reer Somaliland ugu bislaadeen dawladnimada, natiijadii ka soo baxdayna waynu ka war haynaa” ayuu yidhi General Galaal isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd sida uu u arko mustaqbalka Somaliland.

General Galaal isaga oo ka waramaya ciidamada la sheegay in nabad ilaalin ahaanta loo keenayo Soomaaliya iyo weftigii xaqiiqo raadinta ahaa ee dhawaanta tagay Muqdisho waxa uu sheegay inay weftigaasi ula muuqatay inay lagama maarmaantahay Soomaaliya oo la keeno ciidamo nabad ilaalineed oo ka kala socda aduunka si nabadgelyada loo sugo, balse faah faahin kamuu bixin, dalalka ay ciidamadaasi ka imanayaan iyo meelaha la gaynayo.

Top


Duqa Boorama Oo Ka Hadlay Xaaladda Deegaanka Iyo Arday Shahaadooyin La Gudoonsiiyay.

Boorama (Haatuf): Duqa Magaalada Boorama C/Raxmaan Sh. Cumar ayaa sheegay inay ka sii darayso xaaladda deegaanka ee deegaanada Boorama iyo nawaaxigeeda, taas oo ku soo beegantay xuska maalinta deegaanka Aduunka, 5-ta June, isaga oo duqu kormeer ku soo maray deegaano la xidhiidha Boorama oo ay ka mid yihiin Xariirad, Boon, Qul-Ujeed, ka dibna waxa uu sheegay in deegaanadaasi ay xaaladoodu ka sii darayso, ayna noqdeen dhul xaaluf ah, maadaama si xoog ah loo jaray dhirta dhulkaasi, duqa oo u waramayey saxaafada kormeerkiisaas ka dib waxa uu sheegay in la ganaaxi doono lacag dhan 250,000 oo shilin cidii lagu qabto goynta dhirta, waxaanu amaan u soo jeediyey dadka ku nool deegaanka Sh. Awaare, oo uu sheegay inay wax ka qabteen arrimaha deegaankaasi.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Boorama Maxamed Cumar duqa Boorama waxa kale oo shahaadooyin gudoonsiiyey shaqaale ka qalin jabiyey dugsiga loo yaqaano Jibril Computer Training, xaflad lagu qabtay habeen hore Hotel 7 Star oo ay ka qayb galeen, masuuliyiin ka kala socotay degmada, iyo Jaamacada Camuud, waxaanu duqu amaan u soo jeediyey maamulka dugsigaasi, isaga oo sheegay inay aqoonta Computer-ku tahay aqoonta haatan adduunka kala wada.

Dhinaca kale booliska Boorama ayaa qabtay khamri tiro badan, mar ay hawl gal ka ay kula dagaalamayaan mukhaadaraadka ka fuliyeen magaaladaasi. Sida uu weriyaha u sheegay taliyaha saldhiga Boorama Muuse C/laahi Hanfi, waxa ay ciidanku qabteen ugu yaraan laba boqol iyo konton quraaradood oo khamri, waxaana u xidhan 8 qof, oo ku lug lahaa arrintaasi, ciidanku waxa kale oo ay qabteen afar kiiloo oo xashiishad ah, waxaanu taliyuhu hawlgaladaa ku tilmaamay kuwo lagu sugayo amaanka iyo xasiloonida magaalada Boorama.

Top


Shir Lagu Falanqeeyay Qadiyadda Somaliland Iyo Sidii Wax Loola Qaban Lahaa Oo Ka Dhacay Magaalada Washington DC Waxa Ka Qaybgalay Shakhsiyaad Caalami Ah Iyo Aqoonyahano Reer Somaliland Ah.

Washington (Somaliland News Network): Waxaa maalintii Isniintii oo bishu ahayd June 2, 2003, ka dhacay magaalada Washington ee dalka Mareykanka shir ay soo qabanqaabiyeen mac-hadka caalamiga ee horumarinta dimuqraadiyadda ee xisbiga Jamhuuriga ah (IRI), oo gacan ka geystay doorashooyinkii kala duwanaa ee dalka ka dhacay. Shirkaas oo dad fara badani ka soo qayb galeen, layskuna waydaarsadey arrimo badan oo wax ku ool ah una gaar ah Somaliland, sida aqoonsiga, caawimooyinka dhaqalaha, horuumarinta bulshada iyo sidii looga caawin lahaa arrimaha doorashooyinka Baarlamanka ee soo socda ayaa waxa furay shirka Mr. Jeffrey Krilla,oo ah Directorka Africa Division IRI isaga oo muujiyey sida ay IRI u caawisey Somaliland uguna diyaar tahay in ay mar walba ka qayb gasho wixii horuumar u horsedaya wadanka, Krilla waxaa uu miiska wada hadalka si diiran ugu soo dhaweeyey Dr. Ahmed Hussien Essa,inuu guddoomiyo shirka.

Dr. Essa waxa uu si kooban uga waramay xaalada ay Somaliland marayso khaas ahaan doorashooyinkii ka dhacay Somaliland siday dhamaanba nabadgelyo iyo xasiloon ugu dhaceen. Dr. Essa wuxuu kale oo uu cadeeyey in Somaliland muujisey wax kasta oo dowladnimo laga rabey ayna maanta diyaar u tahay in addunku u soo jeesto una ogolaado xuquuqda ay ku leeyihiin iyo in la aqoonsado sida fiican ee ay u muujiyeen doorashada sida nabadgelyada leh u dhacdey.

Dr. Essa wuxuu markaa hadalka ku wareejiyey saddex ka mid ah xubnaha shirka khubara ah. Kuwaasoo ahaa Ambassador Lange Schermerhorn, Ambassador David Shinn iyo Mr. John Prendergast oo iyagu si gaar ah u daneeya arrimaha horumarka Somaliland ku saabsan aadna u xiiseeya in ay had iyo jeer ka jawaabaan taariikhda lama iloowaanka ah ee Somaliland.

Waxaa iyaguna hadalo iyo su'aalo wax ku ool ah goobtaas ka soo jeediyey Dr. Osman Ahmed, oo ka socday Baanka Adduunka (WorldBank), Ms. Qania Ismail Aden,oo ka socotay American Somaliland Friendship Association, Ms. Elaine Samson, oo ah US Embassy Nairobi-Kenya, Jennifer Paramlee iyo Ms. Fregenet Asseged, oo International Broadcaster u ah VOA, iyo Mr. Doug Brooks, President International Peace Operations, Anthony Burke Boylan IRI Country Director Zimbabwe, George Colvin, oo ah Somalia/Djibouti Desk Officer, iyo in Marti sharaf kale oo badan oo aan la soo koobi kareyn.
Waxa kale oo isna halkaa joogay Wakiil ka socda safaaradda dalka Norway ay ku leedahay Maraykanka, UNDP, USAID, National Endowment for Democracy, National Democractic Institute, Mine Action Survey, Overseas Development Council iyo dadbadan oo kale oo ay ka mid yihiin lawyaro ay qaar caan ku yihiin magaaladda Washington sida Dan Guttman oo kale oo ah Professor/Lawyer wax ka qora sida loo sameeyo State cusub.

Xagga warbaahinta waxa ka soo qayb galay shirka the Wall Street Jounranl iyo Voice of America.

Su'aalo aad u badan ayaa halkaa la iska weydiiyey oo dhinac walba leh. Waxa ka mid ahaa su'aalahaa shirarka Nairobi ka socda iyo sida ay u saamayn karaan xaaladda Somaliland, dhamaan dadkii halkaa isugu yimidna waxay isku raacsanayeen in ay haboon tahay in Somaliland aan la dhexgelinin habayaraatee shirka Nairobi. Dadka qaar waxa ay soo jeediyeen in muddo 10 sannadood ah ay kala nastaan Somaliland iyo Somalia, markaa dabadeedna la isku dayo in la isasoo horfadhiisto.
Jawiga shirkaas oo ay ka muuqatey sida loogu han weynyahay Somaliland ayaa waxa uu ku dhamaadey is afgarad laysku afgartey sidii Somaliland loo gacan qaban lahaa looguna dadaali lahaa in Adduunku aqoonsado.
Talooyinkii shirka ka soo baxay waxa loo gudbiyey IRI oo la faray inay isku daydo inay waxka qabtaan sida ugu dhakhsaha badan.

Waxaa mahad celin mudan Sharkada Dahabshiil oo iyadu door weyn ka ciyaartey shirka, siiba wakiilKa u fadhiya Virginia/Washington DC Mr. Osman Yuusuf Geedeeye.

Abdulsalam Ismail Adan.

Abdisalan@Somalilandnews.com

SNN Correspondent Washington DC, USA.

Top


Ma Dhabbaa Inay Dhicisowday Dhexdhexaadintii UDUB Iyo KULMIYE.

Hargeysa (Haatuf): Waxa muddooyinkan dambe socotay oo la hadalhayay waanwaan laga dhexwaday xisbiyada UDUB iyo KULMIYE, kadib markii uu is-maandhaaf ka yimid natiijadii doorashadii madaxtinimada dalka, taasoo ay wadeen dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; salaadiin, culimaa’udiin iyo waxgarad kale, balse ilaa hadda wax natiijo ah oo arrintaa ka soo baxday shaaca lagama qaadin.

Qaybo ka mid dhinacyadii ku jiray waan-waanta ee isku deyay inay is-afgarad ka dhexdhaliyaan labada xisbi ayaa ka baxay arrintaasi, kuwaasoo ay ugu horeeyeen ururka SOLJA ee suxufiyiinta oo sheegay inay arinta ku wareejiyeen salaadiinta iyo culimada, laakiin todobaadkii tegay ayay culimaa’udiinkuna sheegeen inay arrintii ku wareejiyeen salaadiinta oo markii dambe ay arrintu isugu soo biyo-shubatay, balse lama oga ilaa hadda halka ay wax marinayaan. Wararka qaar ayaana sheegaya in arrintu ay haatan marayso meel is-mari waa ah.

Guddiga salaadiinta ahi sida wararku sheegayaan markii hore waxay la kulmeen xisbiga KULMIYE oo ay kala kulmeen jewi isfaham leh, iyagoo markii dambe kulan la yeeshay dhinaca xukuumadda iyo xisbiga UDUB, waxaanay wararku sheegeen inkastoo aan la xaqiijin in kulankaa lagu kala kacay oo aanu isfaham ka dhalan kadib markii ay xisbiga UDUB gaadhaanka ku dhufteen inay odayaasha kala xaajoodaan dhexdhexaadinta iyaga iyo KULMIYE. Kulankaas oo la sheegay inay dhinaca xukuumadda uga qaybgaleen xubno uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenku ayna ka mid yihiin xubno wasiiro ah waxa la sheegay inay ku gacan saydheen inay wax kulamo ah la yeeshaan xisbiga KULMIYE, iyagoo shardi uga dhigay ilaa inta uu KULMIYE aqoonsanayo in lagaga guulaystay doorashooyinkii, taasina sida la sheegay waxay dhalisya in kulankaas lagu kala kaco iyadoo ay ergadii salaadiinta ahayd ay rajo-xumo gelisay arrintaas, gaar ahaana rajadii ay ka qabeen dhinaca UDUB.

Inkastoo aanay noo suurtogelin inaanu arrintaa wax ka weydiino ergada salaadiinta ah, waxayse u muuqataa inaanay weli ka fara-bixin hawshaasi mashquulna ay ku yihiin inay isu soo dhoweeyaan labada dhinac kahor inta aanay wax war ah kasoo saarin hawshooda, waxaana la filayaa inay dhowaan ku warceliyaan xisbiga KULMKIYE oo ay ahayd inay la kulmaan marka ay is arkaan xukuumadda si ay kadibna labada dhinac wadahadal isugu keenaan.

Top


Duruufaha Boorama Iyo Dayaca Adeegyada Bulshada Ka Muuqda, Warbixin --- Weriyaha Haatuf Ee Gebilay.

Boorama (Haatuf): xarunta gobolka Awdal ee Boorama ayaa muuqaal ahaan ah, magaalo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaysa, isla markaana ay sii badanayaan dadweynaha ku nooli, taas oo keentay inay ka socdaan hawlo ka duwan, oo isugu jira dhismayaal iyo dhaq-dhaqaaq badan oo dhinaca ganacsiga ah.

Haddaba xaalada guud ee ay ku sugantahay wakhtigan xaadirka ah waxa warbixintan ka soo qoray weriyaha Haatuf ee Gebiley Maxamed Xasan Xuseen, oo dhawaan booqday magaalada Boorama waana tan warbixintiisii:

“Magaaalada Boorama ah oo ah xarunta gobolka Awdal ee looga taliyo guud ahaan gobolka Awdal intiisa kale, intii ka dambaysay goonistaaga Jamhuuriyadda Somaliland oo loo aqoonsaday magaalo madaxnimada gobolka Awdal oo hore u ahaan jirtay magaalada Baki.

Magaalada Boorama oo ah magaalada kaliya ee ka badbaaday burbur ka soo gaadha, dagaaladii dib u xoreynta iyada oo aan la odhan karin dhamaan hantidii gobolku way ka badbaaday dagaaladaas, haddana magaalada waxa ka muuqda horumar weyn oo dhinacyo badan leh iyo dhibaatooyin badan oo haysta bulshada ku nool qaarkood.

Sanadadii u dambeeyey magaalada waxa ku soo kordhay dadweyne aad u tiro badan oo u dhashay deegaankaas, kuwaas oo kala yimid meel kala duwan, sida qaxootiyada Itoobiya, dad dibada ka soo laabtay iwm.

Camiraada magaalada ka sokow, koriinka magaalada ayaa ah mid maalin maalinta ka sii dambaysa sii kordhaysa.

Magaalada waxa ka socda maalin iyo habeenba dhaq-dhaqaaqa ganacsi noocyo badan, oo isugu jira oo ay dadku nolol maalmeedka kala soo baxaan, sida ganacsiga, bakhaarada, bacadlayaasha, tukaamada, kala ee lagu iibiyo alaabooyinka iwm. Iyo ganacsato yar oo geeya bucshirado, kana keena Itoobiya iyo Djibouti, ganacsiga qadka ayaa ah mid ay dad badani ka shaqeeyaan, oo rag iyo dumar-ba leh, malaha magaaladu shaqooyin waaweyn oo ay dadku badi aroortii u kalahaan, badi ragu ma hayaan wax camal ah marka laga reebo koox yar oo u shaqa tagta laamaha dawladda iyo hay’addo tiro yar oo degan.

Dhinaca waxbarashada ayay tahay ta kaliya ee magaaladu horumar weyn ka gaadhay, marka loo eego gobolada dalka. Waxaad arkaysaa dad aad u tiro badan oo waxbarasho u soo doonanaya Boorama.

Magaalada waxa ku yaala saddex dugsi oo ah dugsiyada sare oo arday tiro badani ay wax ku barato, jaamacadda Camuud ayaa ah mid ay iyadana wax ka bartaan sanadadan arday badani, taasi oo lodkii ugu horeeyey sanadkan ka qalin jabiyeen jaamacadda. Sidoo kale waxa magaalada ku badan dugsiyada gaar ah oo lagu qaato culuunta kala duwan.

Magaalada Boorama waxa si weyn uga hawl gala ururada bulshada wadaniga ah, kuwaas oo ka hirgeliyey mashaariic badan oo wax ku ool ah.

Magaalada Boorama waxa ku yaala garoon diyaaradeed, oo todobaadkiiba laba jeer ay ka degaan duulimaadyo ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Djibouti Airlines , waxa dhawaan iyana laga hirgeliyey janal telefishan ah oo laga sii daayo wararka dalka iyo dibadaba oo la yidhaa Boorama TV. Badi dadku waxay awood ugu badan saaraan xagga waxbarashada iyo in magaalada lagu sameeyo horumar.

Dadka ku nool magaaladan waxay si weyn u taageersan yihiin xukuumadda talada haysa ee xisbiga UDUB, marka aad eegto adeegyada bulshada ee magaalada sida caafimaadka, iyo waxbarashada xukuumiga ah ayaa ah bartilmaameedyada ugu waaweyn ee dadku sida weyn ay uga cabanayaan, tusaale ahaan ardayda wax ka barata dugsiyada sare ayaa bishii laga qaadaa ardaygii 43500 S.L Sh/= halka laga qaado ardayda dugsiga hoose dhexe 20 bir oo u dhiganta 17000 SL. Sh/=.

Taas oo aad uga durugsan ardayda Gebiley wax ka barata oo laga qaado dugsiga sare bishii 12000 Sh. Sl/= dugsiyada h/dhexana 6000 Sl. Sh/=.
Hooyo qaadlay ah oo aan kula kulmay magaalada Boorama ayaa ii sheegtay in dhibta ugu weyn ee haysataa ay tahay 6 arday ah oo agoon ay iyadu dhashay, kuwaas oo wax ka barta iskuulada dhamaantood, bilkastana laga doonayo lacagtaa ay wax ku baranayeen, oo ah lacagta Itoobiya, kuwaas oo ay sheegtay in laba ka mid ahi ay ku jireen dugsiga sare, bilkastana laga rabo midkiiba 5o Birr afarta kalena laga midkiiba 20 Bir, lacagtaas oo ay sheegtay inaanay awood u lahayn bixinteeda.

Sidoo kale waxa jira hooyooyin caruurtoodii ka saaray dugsiyada ka dib markii ay ka bixin kari waayeen fiigii dugsiga.

Marka caafimaadka la eego ayaa iyadana waxa jira dad badan oo si weyn uga cabanaya dhakhaatiirta magaalada, iyaga oo sheegay in cusbitaaladii laga dhigay meelo gaar ah oo ganacsi, islamarkaasna wax kasta oo dhakhtarada looga baahdaa ay lacag yihiin. qaar ka mid ah dadweynaha magaalada ku dhaqan ayaa sheegay in ay dhibaato dadka ka haysato in qofka dhibanaha ah e dhaawaca sita warqada dhaawac muujinta ee booliska oo marka lala tago cusbitaalka 20 bir laga qaado, iyaga oo intaa ku daray marka aad soo dhamaysato 7-da cisho ee baxnaanada ee laguu qoro, hadii kiis jiro xagga maxkamadda, warbixinta natiijada dhakhaatiirtu ka bixinayaa dhaawac qofka laga rabo lacag dhan 100,000 Sh. Sl ah, lacagtaas oo ku adag bay yidhaahdeen badi dadka, haddii kale layska daayo oo qofkii halkaa kaga hadho dacwadiisa. Taas oo keenta in ay dadku kala aargoostaan.

Haddaba dadku waxay uga fadhiyaan xukuumada talada dalka haysa wax ka qabashada dhibaatooyinkan.

Guud ahaan magaalada Boorama intii aan joogay waxa la odhan karaa waxyaabaha la odhan karo wey kaga duwantahay magaalooyinka kale ee Somaliland, waxa ugu nolol fiican macalimiinta dugsiyada wax ka bara, iyaga oo ardayda ka qaada lacag dollar ama bir ah, waxaana ugu liita dadka danyarta ah, ama waalidiinta danyarta ah ee dhalay ardayda dugsiyada wax ka barata.

Halka ay degmada Gebiley dadka ugu nolosha fiicani yihiin mudanayaasha golaha deegaanka ee talada degmada haya, halka ay macalimiintuna yihiin kuwa ugu nolosha liita.”

Top


Wasiirada La Magacaabay Iyo Dareenada Ka Dhashay.

Wasiirada La Magacaabay Iyo Dareenada Ka Dhashay.

Hargeysa ( Haatuf); Madaxweyne rayaale ayaa maalintii khamiistii soo saaray liiska hordhaca u ah golihiisa xukuumada cusub oo ka kooban todoba wasaaradood, islamarkaana waxa meesha ka baxay wasiiro iyo wasaarado hore uga tirsanaa maamulkiisa, kuwaas oo ay ka mid yihiin wasaarada gancsiga iyo wershedaha oo layskaga dhigay wasaarad qudha, iyadoo ay xilkoodii waayeen labadii wasiir ee wasaaraddahaasu. Waxa kaloo iyana meesha ka baxday wasaaraddii arrimaha qoyska oo ahayd wasaarad uu madaxweyne rayaale kusoo kordhiyay wasaaraddaha mudadii uu xilka hayay, taasoo aan cidna loo magcaabin. wasiirkii kaluumaysiga oo ka mid ahaa wasiirada ugu cimriga dheer golaha xukuumada ayaa isna xilkii waayay.

Liiska hordhaca xukuumadda rayaale marka laga yimaado isku bedelka wasiirada waxa golihiisa xukuumada ku cusub laba xubnood,waxayna arrintaasu dhalisay su,aalo ay rayalcaamku iska weydiinayaan masuuliyiinta uu madaxweynuhu hordhaca uga dhigay golihiisa xukuumada, iyadoo ay wasaaradahanu yihiin kuwii ugu mihiimsanaa, waxayna dadku ka muujiyeen dareemo kala duwan, islamarkaana waxay miisaanka u saareen qofwalba gaarkiisa masuuliyiintan iyagoo u eegaya wasaaradda loo magcaabay,waxayna dad badani u dheg taagayeen dhawaaqyadii iyo balan qaadyadii madaxweyne rayaale ee ahaa inuu soo dhisi doono dawlad tayo leh oo ay dadka oo dhami ka muuqdaan, taasoo ay dad badani u fasirteen inay meesha ka bixi doonaan golaha wasiiradda ee ku xeeran oo lagu dhaliilayay tamar daro, maamul xumo iyo musuq-maasuq,laakiin markii ay soo baxday liistada hordhaca ah ee masuuliyiintani, waxay lama filaan ku noqotay dad badan oo u dheg taagayay dhawaaqaa hore, hase ahaatee waxa iyana jiray qaar badan oo ku tilmaamay xulkii uu balan qaaday madaxweyne rayaale, marka loo eego xisbi ahaan dadka ku xeeran, inkasta oo ay doodaha qaar leeyihiin maxaa qofkasta meesha uu ku haboon yahay loo geyn waayey.

Waxayna kuwa arragtiyahaas qabaa tusaale usoo qaateen wasiirada loo magcaabay maaliyadda, qorshaynta iyo labada wasaaradood ee laysku daray oo loo magcaabay Eng maxamed xaashi oo magcaabistiisa lasoo dhoweeyay, laakiin aan lageyn halkii uu ku haboonaa oo ahayd maaliyada ama qorshaynta,waxayna dadku si weyn uga doo dayeen wasiirka loo magcaabay maaliyada iyo wasaarad ahaan wuxuu kusoo kordhin doono,waxa iyana doodaha dadku qaadaa dhigeen ku jirtay wasaaradda arrimaha gudaha iyo wasiirka loo magcaabay, taasoo aanay dad badani rumaysnaayeen in lakeeni doono masuul cusub, wasaarada qorshaynta oo wasarad ahaan noqon lahayd halkii qorshaha wasaaradaha lagu deji lahaa ayaa iyana aan lasoo dhowayn oo mid ahayd meelaha aad loo hadal hayo, laakiin lama odhan karo may jirin aragti dhaliilaysa masuuliyiinta kale ee la magcaabay iyo in aan la geyn meelihii ay ku haboonaayeen.

Marka laga yimaado taas waxa jiray faalooyin calaamatu su,aal saarayey tayda ay yeelan doonto xukuumad ka kooban xisbi aan haysan aqlabiyadii dadku,maadaama aanay ka muuqan golaha xukuumada cusub ee rayaale labadii xisbi ee la tartamayay oo midkood ay ku kala bexeen tiro yar oo aan badnayn, inkastoo ay ka dhex aloosantay labadaa xisbi xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay dhawaaqii natiijada ee doorashada, balse waan waan lagu dhex dhexaadinayaa ay tadobaadyadii danbe socotay,laakiin xisbiga ucid oo loo tirinayay inay gacan saar leeyihiin udub ayaan ka muuqan isaguna liiska hordhaca golaha xukuumada cusub ee rayaale, waxa iyana aad loo hadal hayaa wasaaradaha hadhay iyo waxa dib loogu dhigay.

Top


Ma Taageersanin Maamulka Cusub Ee Laascaanood, Bayaan ---- Koox Odayaal Ah.

Anaga oo ah odayaasha, cuqaasha iyo waxgaradka gobolka iyo degmada Laas-caanood, waxaanu si cad uga soo horjeednaa magacaabista maamulka cusub ee degmada Laas-caanood oo dhawaan magaalo madaxda Hargeysa lagaga dhawaaqayey, waxaananu si cad u raacsanahay una taageersanahay maamulkii hore ee degmada Laas-caanood, ka jiray, anaga oo ku dooranayna aqoon ahaan iyo waaya-aragnimo ahaanba.

Diidmadayadan waxaan ku sababaynaa:-

Iyadaa oo magacaabista maamulka cusubi aanay waafaqsanayn dastuurka JSL.

Iyadaa oo aanay magacaabistaasi kalsooni yarna ka haysan shicibka iyo madax-dhaqmeedyada magaalo madaxda Laas-caanood.

Iyada oo aan lahayn aqoon iyo waaya-aragnimo shaqo oo ay ku hanan karaan hawlaha adag ee u yaalla Laas-caanood.

Haddaba, waxaan codsanaynaa in magacaabista oo niyad jab weyn iyo buuq ka dhalisay Laas-caanood laga noqdo, loona daayo in dadweynaha reer Laas-caanood soo xusho, madaxdiisa, iyo golayaashiisa deegaanka.

Dadka bayaankan saxeexay:

Axmed cabdi gaas Chief Caaqil, cabdi cilmi faarax caaqil, maxamed c/laahi faarax, cumar x. maxamed goonle, axmed xirsi cawl, c/kariim xasan saalax, maxamed cali xarago, caydiid Warsame cangoome caaqil, c/laahi Jaamac gaas, cabdi barre ciise, cabaas ibraahim bayle, Yuusuf sulub garbiye, cali xirsi salaad, axmed maxamed abyan, cabdi faarax Jaamac, maxamed yusuf Muuse, cumar Maxamuud igare, qamaan garaad c/qani, ruush garaad ismaaciil, axmed faarax dhagan, c/rashiid Maxamuud cabdi, axmed cali daad, maxamed Maxamuud faarax, rashiid maxamed yusuf, Warsame Saleebaan cali, hurre Yuusuf cadan, axmed Maxamuud faarax, carfi Jaamac faarax, ururka hooyooyinkaa, khadiija Jaamac, iyo dhamaan ururada bulshada Laas-caanood iyo madaxda iyo shaqaalaha laamaha dawladda badankooda iyo dadweyne badan.

Top


Askar Jarmal Ah Oo Lagu Laayay Weerar Gaadmo Ah Oo Lala Beegsaday Kolonyadoodii Dalka Afqaanistaan.

Kabul (W.Wararka) - Ugu yaraan afar askari oo Jarmal ah ayaa dhintay 29 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii maalintii shalay weerar is-qarxin ah lala beegsaday kolonyo ay wateen ciidamada Jarmalku oo siday koox ka tirsan ciidanka nabad-ilaalinta caalamiga ah ee ku sugan Afqaanistaan ee loo yaqaan Isaaf.

Sida uu xaqiijiyay Wasiirka Difaaca ee Jarmalku askartaasi waxay dhinteen markii gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala beegsaday kolonyada ciidanka ah, taasoo keentay inuu qarax weyni halkaa ka dhaco ayna ku dhintaan afarta askari ee Jarmalka ahi qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Ilaa iyo hadda lama garanayo cidda fulisay weerarkaasi, balse waxa loo malaynayaa inay fuliyeen kooxaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda ciidamada shisheeyaha ah ee ku sugan Afqaanistaan.

Madaxweynaha Afqaanistaan iyo Ra’iisalwasaaraha Jarmalka ayaa labaduba cambaareeyay weerarkaasi oo ay ku tilmaameen kuwo ay fuliyeen kooxo argagixiso ahi waxayna sheegeen in cadaaladda la horkeeni doono kuwii fuliyay falkaasi.

Dawladda Jarmalka ayaa Afqaanistaan u dirtay 2300 oo askari, kuwaasoo qayb ka ah ciidamada nabad-ilaalinta ah oo ay tiradoodu dhantahay 4700, taasoo ka dhigtay Jarmalka dalka ugu ciidanka badan marka la eego dalalka ciidamada u diray dalka Afqaanistaan.

Top


Weerarada Loo Geysanayo Ciidamada Maraykanka Oo Sii Kordhaya Dalka Ciraaq.

Tikrit (W.Wararka) - Ugu yaraan hal askari oo Maraykan ah ayaa dhintay afar kalena way ku dhaawacmeen markii maalintii shalay weerar lala beegsaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan halkaasi oo ah degmada Tikrit oo uu ku dhashay madaxweynihii talada laga tuuray ee Sadaam Xuseen.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay taliska ciidanka Maraykanka, weerarkan waxa loo adeegsaday madaafiicda dagaalka iyo gantaalaha lidka Taangiyada iyo noocyo ka mid ah hubka fudud, halkaasoo ay gurmad ku tageen ciidamo ka tirsan Maraykanku iyagoo adeegsanaya Diyaaradaha Helicopter-ta loo yaqaano.

Demgada Tikrit oo ah halka uu ku dhashay madaxweynihii hore ee Ciraaq, Sadaam Xuseen waxa la sheegay inay weli taageerayaashiisu awood kusii leeyihiin, xaaladeeda dhinaca amaankuna aanay sugnayn, iyadoo ciidanka Maraykanku legdan ugu jiraan sidii ay u sugi lahaayeen amaanka goobahaasi.

Top


Xiisad Ka Dhex-Aloosantay Maamulka Iyo Kooxaha Falastiin.

Gaza (W.Wararka) - Muran dhinaca Siyaasadda ah ayaa la sheegay inuu ka dhex-aloosmay kooxaha Falastiiniyiinta iyo xukuumadda Ra’iisal-wasaare Abu Masim, taasoo ka dhalatay iyadoo la isku afgaran waayay qodobadii ka soo baxay shirkii madaxda Isra’il iyo Falastiin ku dhexmaray dalka Urdun dhowaan uuna qabanqaabiyay Madaxweynaha Maraykanku.

Sida ay sheegayaan wararku kooxaha Xamaas, Jihaadul-Islaami iyo jabhadda xoraynta Falastiin ayaa ku gacan-saydhay xabad-joojintii ay ku heshiiyeen Falastiiniyiinta iyo Isra’iliyiintu, iyagoo ku baaqay in halganka la sii wado tan iyo inta ay Isra’il haysato taako ka mid ah dhulka reer Falastiin.

Dawladda Masar iyo dawlado kale oo Carbeed ayaa la sheegay inay ku hawlan yihiin dhexdhexaadinta dhinacyada reer Falastiin ee ay xiisadu ka dhex aloosan tahay, balse ilaa iyo hadda waxa la sheegay inaan lagu guulaysan in la isusoo jiido dhinacyadaasi kala duwan ee Falastiiniyiinta.

Top  


Xaaladda Ninka Sucuudiga Ah Ee Qoorta Ka Jara Dadka Dembiilayaasha Ah.

Qoraalkani waxa uu ka kooban yahay wareysi dhawaan lala yeeshey Mr Muxamad Sacad Al-beshi oo ah ninka Sucuudiga ee shaqadiisu tahay in dadka dowladdu go'aamiso in la dilo isagu qoorta ka jara.

Muxammad Sacad Al-beshi ayaa sheegaya in uu si weyn ugu faraxsanyahay in uu fuliyo shaqada Ilaah, ay haatanna ma laha fagaara ka naxii uu hore u dareemi jiray marka uu seeftiisa hal mar qofka dembiilaha ah qoorta kaga jarayo.

Shaqadiisa ayuu sheegay in ay waxba ka qabanin bulshada Ilaah ay aqoonsan ee uu ku dhex nool yahay. Qoyskiisana wax diidma ah kama qabaan shaqadiisa, waxaana ay xitaa u tirtiraan oo ay u nadiifiyaan seeftiisa, marka uu shaqadaasi fuliyo.

Ma kala jecla inta qof ee uu qudha ka jara maalin kiliya, farqina uma sameyso haddii dadka uu madax ka goynayo ay yihiin dumar ama rag.
Balse waxaa uu la yaabanyahay kuwa iyagu u imaado in ay howshaasi uu qabanaya dawadan ka dibna suuxaan. Maxay u yimaadeen haddii aanay u adkaysan kareynin, ayuu weydiiyay.

Sida uu isaga hawsha uu qabto ayaan marnaba horumarineynin sumcadda hooseysa ee waddankiisa uu ku dhex leeyahay kooxaha u doodo xuquuqda aadanaha.

Hayadda Amnesty International ee fadhigeedu yahay London ayaa ku sheegtay Sacuudiga in uu ka mid yahay waddamada ugu dad daldalaad badan caalamka, waxaana ay ka deyrisay sida habka demiyada loogu soo oogo dembiilayaasha oo ay sheegtay in ay si weyn u tixgeliso qirashada dembiyada oo ay u isticmaasho caddeyn ahaan.

Amnesty ayaa sheegtay in dad badan lagu dilo Sacuudiga sanad walba, iyagoo intooda badan lagu helo dembiyo aan wax rabshada ah wadan, waxaana dadkani qeyb weyn oo ka mid ay yihiin Haween iyo shaqaale ajnabi ah.

Top  


Arrimaha Bulshada: Ilaalinta Nadaafadda Ka Bilow Gurigaaga.

Qore: Carraale M. Jaama

Hargeysa(Haatuf): Nadaafad xumada ka dhalata goob qashin la dhigay, meelaha cuntooyinka iyo cabitaanadu dhamaantood waxay halis ku yihiin caafimaadka bulshada oo dhan.sidoo kale qoysku hadii aanay ilaalin nadaafada waxa ka dhalan kara halis caafimaad oo saamayn karta bulshada inteeda kale. Arrintaasu waa mid xaqiiq ah oo aan layska indho tiri karin.

Marka laga hadlayo mujtamaca s/land waxa la dareemi karaa mushkiladaha ka dhashay dagaaladii iyo qaxii ee raadka ku reebay inaanay ahayn burbur dhaqaale, siyaasadeed iyo nafeed oo keliya, balse waxay wax ka bedeleen nadaafada bulshada, waxana si weyn looga dareemi karaa meelaha magaalooyinka ee ay dadku ku badan yihiin dhaqamo kala duwan oo lagala meelihii ay waqtiyadii dagaalka u qaxeen dadka reer s/land ay qaarkood kala yimaadeen dhaqamo lid ku ah nadaafada.

Wixii ka horeeyay xiliyadii dagaaladii waxay mujtamaca s/land ahaayeen dad aad u jecel nadaafada, laakiin wixii mudadaa ka danbeeyay waxad moodaa inay yaraatay sidii ay dadku isugu xilqaami jireen ilaalinta nadaafada, waxaana laga yaabaa in qofka ka hadla nadaafada lagu eedeeyo mid shaki hayo ama lagu sheego mid aan dalkiisii joogin, iyadoo ay ka mid yihiin ereyada loogu jawaabo, “meeshu waa afrika,” iyo weedho kale.

Arrintaasu waxay tusaale u tahay isbedelka dhinaca nadaafada ee bulshadeena, iyadoo goobaha maqaaxiyaha, hudheelada, macmacaan-layaasha iyo goobaha kale ee ay dadku ku kulmaan ay inta badan nadaafadoodu aad u hoosayso.

Waxa iyana lagama maarmaan ah inaynu maanka ku hayno khatarta caafimaad daro ee ka dhalan karta qashinka lagu daadiyo goobaha aan loo cayimin iyo meelaha u dhow xaafadaha ama meheradaha wax laga cuno, laakiin waxad arkaysaa goobaha xashiishka lagu daadiyo oo ay dadku baal marinayaan qalabkii loogu talo galay qashinka, taasoo keenta inuu qashinkii dib ugu soo laabto gurigii laga qaaday oo ay dabayshu soo celiso, arrintaasu waa mid uu diidayo damiirka fayoobi. Waxa iyana khatarteeda leh meelaha aanay ool qalabka lagu ururiyo xashiishka oo ay xaafadaha qaar ku daadiyaan xashiishka laagaha u dhow, halkaas oo xiliga ay roorabka waaweyni da,aan uu qaado daadku, islamarkaana halista caafimaad daro ee ka dhalan karta goobahaas ayaa waxyeelo gaadhsiin karta nadaafada bulshada oo dhan.

Iyadoo xiliyada roobabka iyo marka ay cimiladu kululaatoba ay goobaha qashinka ka dhalan karaan dhibaatooyin halis gelin kara caafimaadka bulshada, mana aha inaynu xashiishka guryeheena iyo nadaafadeena la sugno dawlada hoose ee waa inaynu xal u helaa,sidaa awgeed waxa lama huraan ah inay qofkasta oo ka mid ah mujtamaca masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta nadaafada,laakiin waxa loo baahan yahay inay fahmaan waajibka gaarka ah ee saaran dadka gacanta ku haya meelaha ay bulshadu ku kulanto, sida maqaaxiyaha, hudheelada goobaha sharaabka iyo caanaha, kuwaasoo halis gelin kara caafimaadka bulshada, hadii aan la ilaalin nadaafadooda. Masuuliyiinta golayaasha deegaanka ee gobolkasta iyo degmo kasta waxa laga sugayaa edeeg bulsho laakiin dhamaanteen si aynu u helo saxa wanaagsan iyo caafimaad waa in aynu ilaalinta nadaafada ka bilawno guryeheena.

Top