Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 351 June 10, 2003

Xisbiga KULMIYE Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Aqbalay Natiijadii Doorashadii Madaxtinimada Dalka: “Iyadoo Xisbiga KULMIYE Aaminsan Yahay In Cadaalad-Darro Ka Jirtay Doorashadii, Hadana Waxa Uu Tixgeliyay Danta Guud Ee Umadda Somaliland,” Bayaan Qoraal Ah.

Bilayska Somaliland Oo Ku Guulaystay Inay Gacanta Ku Dhigaan Wiil Yar Oo La Waayay, “Qoyska Aanu Qabanay Wakhtigaas Bay Ilmaha Yar Heleen, Waxaana Lagu Sameeyay Jidh-Dil, ”Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland.

Darmaan Oo Sheegtay Inuu Yahay Madaxweynaha Somaliya.

Djibouti Oo Isku Diyaarinaysa Inay Noqoto Singapore-ta Afrika.

Wasiirka kaluumaysiga oo xilkii laeeg waray.

13 Ka Mida Shaqaaalaha Dawlada Hoose Oo Ka Cawday Musuqmasuq Iyo Caddalad Daro Lagula Ka Cay.

Inqilaabkii Madaxweynaha Dalka Mauritania Oo Fashilmay Dagaalo Qadhaadh Kadib.

Hindisaha Nabadda Bariga Dhexe Oo Khatari Soo Foodsaartay.

Kuuriyada Waqooyi Iyo Hubkeeda Nuclear-Ka Ah.

Dagaalo Qadhaadh Oo Ka Socda Daafaha Caasimadda Dalka Liberia.

Nabsigii Foosto-Riix, Q: 3aad, Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Golaha Deegaanka Hargeysa Maxay U Qabteen Shacbigii Doortay?

Somaliland Sidii La Rabay Umay Xoroobin.

Maamul-Xumada Kastamka Madaarka Hargeysa Sidan Haloo Dhaamo.


Xisbiga KULMIYE Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Aqbalay Natiijadii Doorashadii Madaxtinimada Dalka: “Iyadoo Xisbiga KULMIYE Aaminsan Yahay In Cadaalad-Darro Ka Jirtay Doorashadii, Hadana Waxa Uu Tixgeliyay Danta Guud Ee Umadda Somaliland,” Bayaan Qoraal Ah
“Awelba Maanaan Wadin Wax Xumaan Ah Oo Dalka Iyo Dadka Ku Lid Ah, Laakiin…” Axmed Siilaanyo.

Xisbiga KULMIYE Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Aqbalay Natiijadii Doorashadii Madaxtinimada Dalka: “Iyadoo Xisbiga KULMIYE Aaminsan Yahay In Cadaalad-Darro Ka Jirtay Doorashadii, Hadana Waxa Uu Tixgeliyay Danta Guud Ee Umadda Somaliland,” Bayaan Qoraal Ah
“Awelba Maanaan Wadin Wax Xumaan Ah Oo Dalka Iyo Dadka Ku Lid Ah, Laakiin…” Axmed Siilaanyo

Hargeysa (Haatuf): Xisbiga KULMIYE ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ogolaaday natiijadii doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday 14-kii bishii April, taasoo ay Guddiga doorashooyinka iyo maxkamadda sare sheegeen inuu ku guulaystay xisbiga UDUB. Waxaanu sidaa xisbiga KULMIYE ku cadeeyay bayaan qoraal ah oo uu xisbiga KULMIYE soo saaray habeenkii xalay, kaasoo uu ku saxeexan yahay af-hayeenka xisbiga KULMIYE, Maxamed Iid Dhimbiil, waxaanu ku sababeeyay go’aankan uu xisbiga KULMIYE ku aqbalay natiijadii doorashada isaga oo tixgelinaya marxaladda adag iyo duruufta welwelka leh ee dalka ku gadaaman, isla markaana xeerinaya danta guud ee umadda Somaliland ayuu qaatay xisbigu taladii ay soo jeediyeen ergadii salaadiinta ahayd, waxaanu sidaa ku aqbalay natiijada doorashada.
Balse waxa uu bayaanka KULMIYE tilmamay in ay cadaalad-darro weyni ka jirtay doorashadii madaxtinimada dalka, laakiin ay xeeriyeen arrimahaa aynu soo sheegnay. Isla markaana waxa uu ku bogaadiyay umadda Somaliland sidii ay uga qaybqaateen cod-bixintii doorashada.

Bayaankan KULMIYE waxa uu ka dambeeyay markii ay ergadii salaadiinta ahayd ugu baaqeen xisbiga KULMIYE inuu aqbalo natiijadii doorashada iyagoo isla markaana xukuumadda ugu baaqay inay furto wadahadal lagu soo afjaro murankii ka dhashay natiijadii kasoo baxday doorashadii madaxtinimada.

Bayaanka uu soo saaray xisbiga KULMIYE isaga oo dhammaystirana wuxuu u qornaa sidan:

“KULMIYE, waxa uu u taagan yahay midnimada umaddeena, difaaca jiritaanka qaranimadeena, horumarinta dalkeena iyo hawlgalka xaqiijinta ictiraafka Somaliland.

KULMIYE, waxa uu u taagan yahay ku dhaqanka shuruucda dalka, dhawrida dastuurka iyo ixtiraamka hay’adaha dastuuriga ah ee J.Somaliland.
Astaamaha aan kor ku xusnay ee uu ku tilmaaman yahay xisbiga KULMIYE dhammaantood waxa ay si cad ugu qeexan yihiin xeerka iyo barnaamijka xisbiga.

KULMIYE isagoo u mahadnaqaaya ergooyinkii salaadiinta, culimada iyo SOLJA (ururka saxaafadda Somaliland) waxa uu hore ugu cadeeyay in uu marwalba aaminsan yahay in wixii khilaafaad ah wadahadal lagu dhameeyo.

Haddaba, iyadoo xisbiga KULMIYE aaminsan yahay in cadaalad-darro weyni ka jirtay doorashadii Madaxweynaha iyo ku xigeenka ee ee ka dhacday dalka Jamhuuriyadda Somaliland 14/04/2003, haddana isagoo xeerinaya danta guud ee umadda Somaliland, marxaladda adag iyo duruufaha welwelka leh ee inagu gedaaman waxa uu isku qanciyay inuu qaato talada ergada salaadiinta ee ahayd inuu ogolaado natiijadii doorashada.
KULMIYE, waxa uu ku bogaadinayaa dadweynaha reer Somaliland sidii wanaagsanayd ee ay u guteen xilkoodii cod-bixinta doorashada. Isla markaana hoggaanka xisbiga KULMIYE waxa uu si gaar ah ugu mahadcelinayaa xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga sidii xilkasnimada iyo kartida lahayd ee ay ugu codeeyeen xisbigooda. Waxa kaloo uu ku boorinayaa xubnihiisa iyo taageerayaashiisa meelkasta oo ay joogaanba inay u diyaargaroobaan sii anba-qaadka loolanka siyaasadeed ee lagu xaqiijinayo himilooyinka xisbiga iyo dhammaystirka guusha.”

Bayaankan uu soo saaray xisbiga KULMIYE waxa uu ku soo beegmay iyadoo uu guddoomiyaha xisbigaasi Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waraysi uu shalay siiyay Idaacadda BBC-da uu ku xaqiijiyay inay aqbaleen ergadii salaadiinta, sidaa daraadeedna ay aqbalayaan natiijadii doorashada.

Isla markaana wuxuu intaa ku daray in xisbiga KULMIYE uu markasta ka shaqaynayay maslaxadda dalka iyo dadka, laakiin ay muujiyeen cabashada ay ka qabeen cadaalad-darradii ay tirsanayeen, balse taasi ay dadka qaarkood si khaldan u turjunteen.

“Awelba anagu maanaan wadin wax xumaan ah oo dalka iyo dadka ku lid ah ee wixii aanu muujinaynay wuxuu ahaa cadaalad-darradii nagu dhacday oo aanu cabasho ka qabnay, laakiin waanu aqbalnay ergadii salaadiinta anagoo eegaynaya maslaxadda dalka iyo dadka, taasoo aanu horeba u aqoonsanayn,” ayuu yidhi Siilaanyo.

Arrintani waxa la filayaa inay soo afjarto murankii ka dhex-aloosnaa labada xisbi ee KULMIYE iyo UDUB oo soo bilaabmay tan iyo markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashada.

Top


Bilayska Somaliland Oo Ku Guulaystay Inay Gacanta Ku Dhigaan Wiil Yar Oo La Waayay, “Qoyska Aanu Qabanay Wakhtigaas Bay Ilmaha Yar Heleen, Waxaana Lagu Sameeyay Jidh-Dil, ”Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland.

Hargeysa (Haatuf): Ciidanka bilayska Somaliland qaybtiisa Hargeysa ayaa guulaystay inay gacanta ku dhigaan qoyskii haystay wiil yar oo la yidhaahdo Subeer Axmed Ismaaciil oo da’diisu tahay 5 sano iyo dhawr bilood, oo muddo saddex bilood ku dhaw la la’aa.

Wiilkan yar waxa la sheegay in la ogaaday habeen hore, markaas oo la gaadhsiiyey ciidanka booliska, oo xoog ku galay goobtii ilmaha yar lagu haystay oo ah guri ku dhaw xeradii Ruushka, oo ku taal Koonfur Galbeed magaalada Hargeysa, iyaga oo ciidanka boolisku gacanta ku dhigay Sahra Cismaan Maxamed oo lagu eedaynayo inay ilmahaa yar xaday, sidoo kale waxa la qabtay Xasan Aadan Cali (Xasan Qoolaabi) oo ah ninka qaba gabadhaas. Waxaana gacanta ku haya ciidanka dambi baadhista oo wax ka weydiinaya dhacdadaasi.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland C/Qaadir Muuse oo aanu xalay arrintaa wax ka weydiinay ayaa sheegay in ilmahaas yari uu ka lumay qoyskii dhalay 15/03/03, isla markaana qoyskan ay imika soo qabteen ay wakhtigaas ba wiilka yar heleen.

Mudane C/Qaadir oo arrintaas ka hadlayaana wuxuu yidhi “Ilmaha yar waxa uu qoyskii dhalay ka lumay 15/03/03, qoyskan aanu imika soo qabanayna wakhtigaas bay wiilka yar heleen, ilmaha yar waxa lagu sameeyey jidh-dil, xalay 10:00 habeenimo ayaa bilaysku gacanta ku dhigay ilmihii yaraa ee la doon doonayey, laftiisii iyo dadkii gacanta ku hayey, wiilka dadweyneayaa markii hore bilayska u soo sheegay oo yidhi Ilmo yar oo fal naxariis darro ah lagula kacayo, ayaa halkan jooga ka dibna, bilayska ayaa hawlgal ku qaadayoo soo qab-qabtay wiilka iyo cidii haysatayba”.

C/Qaadir isagaa oo qoyska wiilka yar haystay ka hadlaya wuxuu yidhi “Horta in ay caadi yihiin iyo in kale waxa cadayn kara dhakhtarada, way jirtaa waalid ubadkiisa si yar oo naxariis darro ah u haya, ama u dila, hase yeeshee maanu arag waalid falkan wiilka yar lagula kacay, sameeya, hore nooma ay soo marin noocan oo kale, ee labadan qof, nabarada ama dhaawacauu qabaa wiilka yari waa dab lagu dhadhajiyey, laakiin dab uu qaadii karo maaha, oo waa wax ku reebaya jidhkiisa iyo maskaxdiisaba cawaaqib xun, dabkaasi oo meelo badan kaga yaal jidhkiisa, ilama aha in qof caadi ahi waxan sameeyey”.

Taliyuhu wuxuu kaloo sheegay in dad gaadhaya ilaa 3 qof ay falkan hore ay ugu xidhnaayeen, isla markaana dambigu kuma cada iyaga sidaa darteedna la sii dayna doono dadkaas xidhnaa, “Qoyskan la soo qaybtayna maxkamad ayaa maantaba la geeyey, “kiiskana waa la soo dhamaynayaa, ilmihii yaraa dawladda ayaa gacanta ku haysa, si loo xanaaneeyo, xanaanada ka dibna ehelkiisii ayaa loo dhiibi doonaa, caruur magaalada dhexdeeda lagu kala xado oo la soo qabto waanu aragnay, balse ilmo la dhoofinayo anagu bilays ahaan maanu arag”, ayuu taliyuhu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

Top


Darmaan Oo Sheegtay Inuu Yahay Madaxweynaha Somaliya.

Muqdisho (BBC) - Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ballaadhan oo ay ka soo qeybgaleen boqollaal dadweyne ah, kaasoo uu soo qabanqaabiyey xisbiga Jamhuuriga Midninada Soomaaliyeed. Shirkani oo ahaa midka duwan wixii shirar ahaa ee hore loo soo qaban jiray ayaa xiisad gaar ah lahaa, kaasoo ay dadna kaftan siyaasadeed u arkayeen, qaarna ay ka dhab ahayd xaajada.

Waxay ahayd munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta Xisbiga Jamhuuriga Midnimada Soomaaliyeed oo ah halkii hore loogu yaqaannay IFKA XALANE ee waddada warshadaha. Waxaa halkaasi laga dhisay hall aad u weyn oo ay fadhiisan karaan boqollaal dadweyne ah, halkaasoo xubno noocyada ergooyinka ah iyo hal-ku-dhegyaba gudaarrada lagu dhejiyey. Halka laga galo xarunta xisbiga Jamhuuriga waxaa ku qornaa magaca xisbiga, waxaana ku ag-dhegsanaa boodh ay ku qornayd 'Siyaasadda Waa Horumarka Nolosha' iyo qoriga dhig nabadda iyo qalinka qaad iyo kuwo kale.

Inta aadan hore u gelin hall-ka waxaad arkaysaa qolooyinkii muusikada baambayda oo muusig soo dhoweyn ah u garaacayey dadka iyo gaar ahaan ninka ay maanta munaasabaddan sida weyn u khuseynaysay.

Markii aan hore u galay hall-kii shirka, waxaan arkayey in inkastoo uu hall-ku buux-dhaafay in haddana aanay ka muuqan siyaasiyiin la yaqaanno ama hoggaamiye kooxeedyo midna, taasoo aan anigu u qaatay in aananba midna la casumin.

Waxaa heeso madadaallo ah halkaasi ka ciyaarayey hobollada Waaberi, waxaana khudbadaha lagu billaabay masuuliyiinta ergooyinka kuwaasoo sida uu ii sheegay Axmed Maxamed Faarax oo loo yaqaanno Axmed Yare kana tirsanaa hawlwadeennada shirka in heshiis mubaayaco ah ay ergooyinbka qabaa'ilka iyo qeybaha kale ee bulshaduba kula galeen Cabdinuur Axmed Darmaan in ay u doortaan madaxweynenimada Soomaaliyeed waqti aanan la cayimin, waxaana ergadaasi ka mid ahaa Cilmi Macallin Axmed (Cilmi Yool), oo ku hadlaayey magaca xisbiga Jamhuuriga.

Dadkii maanta halkaasi joogay oo qaar badan oo ka mid halkaasi lagu keenay basas loo soo ijaaray waxay isugu jiraan qaar u jibaanay xisbiga Jamhuuriga oo rumaanay in Cabdinuur uu taageero buuxda ka haysto waddamo waaweyn oo sidaasina ay dowladdiisu ku hirgelayso iyo qaar ku fekerayey bal in ay iska soo arkaan waxa meesha ka socda, waxaana ay ragga qaar lahaayeen oo is-weydiinayeen haddii ay madaxweynenimadu ku iman karto shir hal maalin ah maxay hoggaamiye kooxeedyadu dadka u layn jireen iyo erayo kale oo ay ku muujinayaan in ayna u haanay in maanta ay halkani dowlad ka dhalatay.

Si kastaba ha ahaatee, markii ay ergooyinka dhammaadeen, ayaa waxaa markaa loo yeedhay Cabdinuur Axmed Darmaan oo ah ninka maanta la caleemo-saarayey madaxweynenimo tii ugu dhibka yarayd, waxuuna halkaa ka jeediyey erayo kooban.

Inkastoo Cabdinuur maanta loogu dhawaaqay in loo doortay madaxweynenimo aanan waqti loo qaban, haddana qaar ka mid ah hawlwadeennada shirku waxay ii sheegeen in dhowaan xaflad dhaarin ah loo sameynayo Cabdinuur.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale joogay kooxaha barbaarta gaashaaman oo ciyaarayey ciyaaraha ay Muqdisho hiddaha u leedahay.

Top


Djibouti Oo Isku Diyaarinaysa Inay Noqoto Singapore-ta Afrika.

New-Delhi: (Haatuf) madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan booqasho ku tagay dalka India isaga iyo wefti uu hogaaminayo oo ka kooban ganacsatada dalkaasi iyo wasiiro ka tirsan xukuumadiisa. waxaanay muddadii ay joogeen dalkaasi kulamo la yeesheen madax ka tirsan dalkaasi.

haddaba waxyaabihii ka soo baxay booqashadaasi waxa warbixintan nooga soo diray weriyaha haatuf ee koonfur bari eeshiya c/casiis axmed muuse, isaga oo waraysiyo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah wasiiradda Djibouti, ee weftigaasi ka tirsanaa. waana tan warbixintiisii. “madaxweyne ismail omer gelle oo booqasho ku yimid carriga India bishii aynu soo dhaafnay ee may ayaa mar uu la hadlaayey ganacsatadda reer India u sheegay in ay jibouti albaabada u furayso xidhiidh-ka ganacsi ee ay la leedahay dalalka soo koraya ee koonfur bari eeshiya.

warmartuyeed ay soo wada saareen labada dal ayaan ka madhnayn arrimaha somaliya. waxaana ay cadeeyeen labada dal sida ay u taageersan yihiin midnimada somaliya iyo hashiisaydii somalidu ku gaadhay carta iyo kan ka soconaya kenya.

wasiir-ka arrimaha dibadda ee jamhuuriyadda Djibouti mudane Cali Cabdi Faarax ayaa isna sheegay in jibouti dhaqaalaheedu soo wanaagsanaaday Djibouti waxa ay heshay caawimo hal milion-gaadhaysa oo ay siisay India halka 9 million oo dollar Djibouti la amaahiyay, taas oo looga dan lahaa sii xoojinta dhaqaalaha labada dal.

wasiir-ku waxa uu xusay sida uu yahay xidhiidh-ka labada dal.

Ganacsatada jibouti laba million iyo badh dollar ayey sanadkii hore ka faa,iiday ganacsiga India la leedahay halka ay ganacsatada India ka faa,iiday Djibouti 16 million oo dollar.

wasiir-ka gadiid-ka iyo qalabaynta Cilmi Obsiiye Wacays oo aan isna wax ka waydiiyay xidhiidh-ka ay la leeyihiin dunida ayaa xusay sida ay xidhiidh fiican u leeyihiin dawladda maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeed-ka ..wasiir-ku waxa uu xusay in jamal cali oo ah shirkad laga leeyahay dubai ay horumarin aad u weyn ka sameysay port-ka ama dakadda jamhuuriyadda Djibouti. Wasiirku waxa uu carabaabay dakadd cusub oo 8 km u jirta port-ka ama furdaddii hore. Waxana hadda uu dhismihiisu bilaabmay dakaddaa cusub taas oo culays-ka ka dhimi doonta port-kii ama dakaddii hore ayuu yidhi wasiir-ku .

wasiir-ka gadiid-ka iyo qalabaynta jamhuuriyadda Djibouti oo ka hadalayey xaalka somaliya ayaa qiray in uu aad uga xun yahay dhibaatadda ka taagan somaliya taas oo uu u rajeyay shacbiga somaliya nabad qab.

wasiir-ka waxbarashadda obsiye ayaa isna ii sheegay mar aan waraysi la yeeshay hashiis-ka waxbarasho ee ay gaadheen India.

waxanu ku heshinay dawaladda India in araday ilaa 200 ah naloo siiyo scholarship kuwaas oo waxbarasho jaamacadeed iyo mid dugsi sare ahba leh taas oo ay naga aqbaleen madaxda waxbarasho ee India wasiirku waxa uu sii faahfaahiyay nidaam-ka lagu codsan karo scholarship-kaa waxanu yidhi. Aradayada badh waxa laga soo diri doonaa dibouti oo dawladda ayaa halkaa ka soo diraysa. Kuwa halkan jooga ee aan awoodahayn in ay kharash-ka jaamacadda iska bixiyaan waxanu go'aansanay in ay la xidhiidhan urur-ka aradayda ee Djibouti ee India, gaar ahaan ninka madaxda ka ah oo uu wasiir-ku ku sheegay cumar.

Waan la kulmay ardayda reer Djibouti urur-kooda wanan is afgaranay ayuu yidhi waxanan go'aansanay in ay xidhiidh la soo sameeyaan safaradda cusub ee Djibouti ka sameysan doonto dhawaan newdelhi”.

Top


Wasiirka kaluumaysiga oo xilkii laeeg waray.

Hargeysa (Haatuf) Wasiirka cusub ee wasaaradda ganacsiga iyo wershedaha ayaa shalay la wareegay wasaaradda ganacsiga isagoo maalintii doraad la wareegay xilkii wasaaradii wershedaha, labadaa wasaaradood oo laysku daray waxa loo magcaabay wasiirka cusub Eng Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuuna shalay xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga.

Xafladii ay labadaa wasiir ee xil wareejinta oo ka dhacday dhismaha wasaaradda ganacsiga waxa kasoo qayb galay masuuliyiinta laamaha kala duwan ee wasaaradda, waxaana ugu horayn ka hadlay wasiirkii hore ee ganacsiga Rashiid x C/laahi, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay maah maah soomaaliyeed ayaa tidhaahda, “nin is faanshay waa Ri, is nuugtay, xil wareejinta halkan aan ku wareejinayo iyo tii hore siday kala tahay injineerkuba wuu kala arki.” Wasiirkii hore ee ganacsigu waxa uu ka waramay mudadii uu joogay wasaaradda oo uu sheegay inuu sameeyay xeerar badan oo dhaxal gal ah oo kuwii wasaaradu ku shaqayn lahayd ah iyo inuu ku guulaystay inuu aad u kordhoy dakhligii wasaaradu, waxa kaloo uu sheegay inay jirto deeq waxbarasho oo afar sanadood ah oo shaqaalaha wasaaradda la siiyay iyo laybareeri wasaaradu leedahay oo aan weli la dhamays tirin.

wuxuuna intaa ku daray inay jiraan waxyaabo dhaxal gal ah, isagoo ka waramay aqoonta uu u leeyahay shaqaalaha iyo sida uu u kala garan karo ka wax baranaya iyo ka saaqidka ah ee aan ku fiicnayan waxbarashada Wasiirkii hore waxa uu sheegay inay wasaaradda maaliyaddu tahay wasaaraddii ugu horaysay ee imtixaan laga qaado shaqaaleheeda, wasaaradda ganacsiguna ay tahay tii ugu horaysay ee shaqaaleheeda laysku bedelo oo nin walba deegaan aanu u dhalan la geeyo, taasoo keentay inuu kordho dakhligii wasaaraddu.

Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi: “Raggii hadhuudhka cuni jiray berberay kaluunka ku cunayaan, kuwa halkan fadhiyaana reer galbeed ayay u badan yihiin”. Waxa qudha ee aan ka doonayay waxay ahayd, waxa kordhay 36,000,000. (Lix iyo sodon milyan), wakhtigaa hore ee aan isku bedelay shaqaalaha, markii dambena mudo sagaal bilood gudohood ah, injineerkay u taalaa’e, waxa kordhay 1,300,000,000 (hal bilyan iyo saddex boqol oo milyan), oo u dhiganta shan wasaaradood miisaaniyadooda. Mr Rashiid isagoo ka hadlaya shuruucda uu diyaariyay mudadii uu joogay wasaaradda , wuxu yidhi, “dalkani wuxu u baahan yahay shuruuc lagu xukumo, sidaa awgeed waxanu samaynay oo aan hore u jirin mudadaa tobanka sanadood ah oo aan kugu wareejinayaa,oo aanu labadaa sanadood ku dhamaynay, sagaal sharci oo uu ugu horeeyo ka horyaala golaha wakiiladu”.

Wuxuuna sheegay inuu xeerkaasu yahay kii lagu maamuli lahaa, waxyaabihii aynu ka dhaxalay dawladii hore oo ah hanti fara badan oo ay ka mid tahay , wakaalada biyaha ,garoomada diyaaradaha , haamaha shidaalka, dekedaha wersheda sibidhka iyo meelo kale, xeerkan oo lagama maar maan u ah haddii sheer laga siinayo dadka hantidaa.

Waxa kaloo uu xusay inaanay dadkeenu aqoon u lahayan sida loo sameeyo shirkadaha oo inta ay shuraakoobaan hadhowna is qabsadaan, sidaa awgeed ay wasaaraddu diyaarisay xeerkii shirkadaha oo ka kooban 328 qodob, waxa kaloo uu sheegay inay sameeyeen sharcigii ganacsiga oo aan hore dalka uga jirin iyo xeerkii badaha.

Mudane Rashiid waxa uu intaa ku daray inay wasaaradanu tahay mid balaadhan hadii laga shaqaysiiyo, isagoo sheegay inay sameeyeen xeerarka kale ee ay ka mid yihiin xeerka maalgelinta shisheeye iyo xeerka ugu xaasaasi san oo ah xeerka kala xadaynta ganacsiga, islamarkaana ay wasaaraddu leedahay hanti ma guurto ah oo kuwa ugu belaysani ay yihiin, bakhaarada iyo kaalmaha, kuwaasoo ay hanti badan oo dhawr bilyan ahi kaga maqan tahay dawlada, waqtigana loo baahan yahay sidii looga soo xerayn lahaa, hantidaa oo uu sheegay inay ku maqan tahay qaar ka mid ah tijaarta ugu waaweyn dalka oo ay u kiraysnaayeen, waxa kaloo uu xusay inay kaalmaha wasaaradan hoos yimaadaa gaadhayaan ilaa dhawr iyo labaatan kaalmood oo qaarna dunsan yihiin qaarna ay dad shiciba laga kireeya.

Wuxuna isagoo la dar-daarmaya wasiirka xilka kala wareegay yidhi, “Aniga waan kuu balan qaadayaa inaan kula shaqeeyo habeen iyo maalin markaad ii baahato, adiguna waxad ii balan qaadaa, waxan ahay nin daar intuu dhisay saqafka geeyay, inaad adna ku hubsato jiingada inta hadhay”. Dhinaca tayada shaqaalaha wuxu sheegay in dalkeenu horumar gaadhi lahaa, haddii dadka wax la baro,isagoo yidhi, “wax soo saarku wuxu kordhaa, marka dadka wax la baro”. sidaa awgeed uu ku dedaalay intii uu joogay wasaaradda, sidii shaqaalaha aqoontooda kor loogu qaadi lahaa, isagoo sheegay inuu ku guulaystay inuu sameeyo laybareeri wasaaraddu leedahay oo ah kii ugu horeeyay ee ay yeelato wasaaraddi iyo kooras waxbarasho oo la siinayo shaqalaha oo uu sheegay inay ku jiraan xil wareejinta. wuxuna isagoo la hadlaya wasiirka cusub yidhi, “Aad baad u qoraal jeceshahay, ana aan u qoraal jecelahay. Aad baad u qod qod jeceshahay, ana aan u qod qod jecelahay, waxyaabo badan oo aad ku taami jirtay oo qudbado badan ku jeedisay, maantay kuu taal.”

Wuxuna intaa raaciyay inaanay jirin wax deyn ah oo uu ku wareejinayo wasiirka cusub ee xilka la wareegay, islamarkaana uu aad ugu mahad naqayo masuuliyiinta wasaaradda ee la shqaynayay oo la diyaariyay sharciyadaa badan ee ay sameeyeen.

Wasiirka cusub ee xilka la wareegay oo munaasibada ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu farax sanyahay, hawsha intaa leeg ee uu sii qabtay wasiirku oo aanu filayn, wuxuuna uga mahad celiyay wax qabadkaa, isagoo yidhi, “Rashiid awoow ayaan u ahay, inta hadhay ee saqafkana waynu saaraynaa”. Wuxuna intaa ku daray inay fiican tahay in dadka wax la baro, islamarkaana shaqaalaha waxbarashada la siinayo looga baahan yahay inay balan qaadaan inay hadhow kusoo noqonayaan halkan wasaaradda si ay uga hawl galaan.

Eng Xaashi waxa uu balan qaaday inuu hawsha wasaaradda halkaa kasii wadi doono, isagoo la tashanaya shaqaalaha oo mar walba uu la kulmi doono, wuxuna sheegay inay caado u tahay isaga inuu kulamo iyo shirar marwalba la yeesho dadka ay wada shaqeeyaan. Mar uu ka hadlayay waxa ay dadku isaga ku tilmaamaan wuxu yidhi: “Dadku waxay yidhaahdaan waa digtaytar, laakiin ma ihi digteytar, ee maya ayuun bay neceb yihiin dadku.” Wasiirka cusub ee xilka la wareegay isagoo saxaafada la hadlaya wuxu yidhi, “ qolyahan jaraaidka waxan leeyahay colkayagii maalintii dhowayd la magcaabay waxan arkayay weeraro aad u xad dhaafa iyo amaan xad dhaafa labaduba,” markaa waxan leeyayahay, dadku haduu isku qadiyad yahay oo wada shaqaynayo in birma geydada la ilaaliyo way ku fiican tahay, laba nin oo is hayana in laysu waraystaa meeshaba ma taal, aniguna wax ii qariya idinma lihi ee waxan idin leeyahay wax badan ilaaliya.

Dhinaca kale wasiirka cusub ee kaluumaysiga Maxamed siciid gees ayaa shalay xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee kaluumaysiga axmed xuseen oomane, xil wareegintaa oo ka dhacday xarunta wasaarada waxa kasoo qayb galay masuuliyiinta laamaha wasaaradda iyo marti sharaf kale.Wasiirkii hore ee wasaaradda kaluumaysiga ayaa si kooban uga waramay wixii u qabsoomay wasaaradda mudadii ay jirtay iyo waxyaabaha ka qabyada ah, islamarkaana wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xilka ku wareejiyo wasiirka cusub ee Maxamed siciid gees, wuxuna ugu baaqay shaqaalaha wasaaradda inay la shaqeeyaan wasiirka cusub.

Wasiirka xilka la wareegay Maxamed siciid gees ayaa isna balan qaaday inuu khayraadka bada uga faa,idayn doono dadka oo uu dhamays tiri doono waxyaabaha qabyada ah ee aan u qabsoomin mudadii ay jirtay wasaaraddu, wuxuuna ka codsaday inay shaqalaha wasaaraddu la shaqeeyaan.

Top


13 Ka Mida Shaqaaalaha Dawlada Hoose Oo Ka Cawday Musuqmasuq Iyo Caddalad Daro Lagula Ka Cay.

Gebilay(Haatuf) Dawladda hoose ee Gabilay ayaa la sheegay inay ka jiraan dhibaatooyin dhinaca maamulka ahi iyadoo ay qaar ka mid ah shaqaaluhu cabashooyin ka muujiyeen hab-dhaqanka maamulka dawlada hoose, waxa kale oo jira dhibaatooyin ay dadweynuhu kala kulmaan hab-socodka shaqada dawlada hoose ee Gabilay.

Sida uu ku soo waramay wariyaha haatuf ee degmada gabilay Maxamad Xasan 13 kamid ah shaqaalaha dawlada hoose ayaa soo saaray bayaan ay kaga cabanayaan maamulka dawlada hoose gaar ahaana agaasimaha waaxda canshuuraha oo ay sheegeen inay kala kulmaan cadaalad daro taasoo ay sheegeen inay kamid tahay in aan ilaa hada shaqaalaha loo hawlgalin sidii loogu kala qoray shaqooyinka iyo in ay jirto eexasho dhinaca shaqo siinta iyo gunada ah, waxa kaloo ay sheegeen inay jiraan shaqaale cusub oo la qoray, kuwaasoo aan ku jirin shaqaalihii imtixaanka laga qaaday.

Waxayna cabashadooda ku sheegeen inay cadaalad daradaasu kaga timaado Agaasimaha waaxda cashuuraha ee gebilay islamarkaana ay cabashadooda u gudbiyeen masuuliyiinta dawlada hoose, balse ay waxba ka qaban waayeen
Dhinaca kaleXog-hayaha dawlada hoose ee gebilay Maxamed ciise dhergiye ayaa ka waramay caqabado hor taagan hawshooda oo ka mashquuliyay wixii ay qaban lahaayeen. Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “aroor walba waxaanu qancinaa dad aan xaq u lahayn inay waqtiga naga lumiyaan, intaanu umada u shaqayn lahayn.”

Wuxuuna intaa ku daray inay taasu ka dhigtay shaqadoodii kuwo maalinba guri ololaya daminaya , islamarkaana wuxu sheegay inay mushkiladaha haysta ka midyihiin dadweynaha oo caadaystay inay kusoo ururaan xafiisyada dawlada hoose, taasuna ay keento in shaqadii laga wadi kaaray iyo inay jiraan masuuliyiin aan garanayn shaqadoodii iyo wadadii ay u mari lahaayeen, kuwaasoo uu ku tilmaamay kuwa aan marnaba loo maara helayn, laakiin wuxu ka gaabsaday inuu faah- faahin ka bixiyo masuuliyiinta aan garanayn shaqadooda.

Top


Inqilaabkii Madaxweynaha Dalka Mauritania Oo Fashilmay Dagaalo Qadhaadh Kadib.

Nouakchott (W.Wararka) - Wararka ka imanaya caasimadda dalka Mauritania ee Nouakchott ayaa sheegaya inuu fashilmay inqilaabkii la isku dayay in lagu af-gebiyo Madaxweynaha dalkaasi Mucawiye Welad Sayidi Daa’ic, maalintii shalay waxaana la sheegay in ciidamada daacadda u ah madaxweynuhu ay dib u qabsadeen goobihii muhiimka ahaa ee ay ciidamada falaagoobay maalintii shalay gacanta ku dhigeen oo ay ka mid yihiin qasriga madaxtooyada, xarunta idaacada iyo telefishanka iyo saldhiga ciidanka Aarteleriga iyo gegida Diyaaradaha sida ay sheegeen warfidiyeeno ku sugan halkaasi goobtii ugu dambeysay ee ay ka huleelaan ciidamada falaagadu waxay ahayd xarunta taliska ciidanka jandermaariiga.

Sida ay wararku sheegayaan kooxda inqilaabka isku dayday waxa horkacayay kornayl lagu magacaabo Saalax Walad Xanaana inkastoo aanay ilaa iyo hadda cadayn halka uu ku dambeeyay, waxaase la sheegay inay ciidamada dawladdu gacanta ku dhigeen saraakiil farabadan oo lagu tuhunsan yahay inay ku luglahaayeen falkaas.

Madaxweynaha dalkaasi Mr. Mucaawiya ayaa xalay dadweynaha dalkiisa kala hadlay telefishanka iyo idaacada isagoo ugu baaqay dadku inay isdejiyaan, isla markaana ay xasiloonida dhawraan. Boqolaal ka tirsan dadweynaha dalkaasi oo taageersan Madaxweynaha inqilaabka ka badbaaday ayaa isugu soo baxay suuqyada iyo wadooyinka waaweyn, iyagoo ku dhawaaqayay halku-dhegyo ay ku taageerayaan Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.

Inkastoo la sheegay inuu inqilaabku fashilmay, haddana xaalad walaac leh ayaa ka taagan magaalada, iyadoo dadkiisa badankiisa aanay u kala cadayn xaaladu.

Top


Hindisaha Nabadda Bariga Dhexe Oo Khatari Soo Foodsaartay.

BBC - Ra'iisal Wasaaraha Israel, Ariel Sharon, ayaa sheegey in dalkiisu uuna tanaasulaad uga sameeneynin Falastiiniyiinta qorshaha cusub ee nabadda ee Barigga Dhexe, ilaa iyo inta la soo afjarayo rabshadaha hadda socoda.

Mr. Sharon waxaa kale oo uu si weyn ugu gacanseydhay dalabaadka Falastiiniyiinta ee la xidhiidha in qaxootiga Falastiiniyiinta loo ogolaado in ay dib ugu soo noqdaan Israel.

Hadalkiisaani waxaa uu soo baxay ka dib markii weerar ay iska kaashadeed seddex kooxood oo Falastiiniyiin ah oo lagu diley afar askari meel kontorool ah oo ku taala Marinka Qaza.

Nabiil Abu Rudeyna oo ah Sarkaal sare oo Falastiini ah ayaa sheegey in go'aanka Sharon uu muujinayo in Israel aanay dooneyn nabad iyo in la sii wado qorshaha cusub ee nabadda ee lagu magacaabo Roadmap.

Saraakiisha Mareykanka ayaa iyaguna ku adkeystey mar sii horeysey, in weerarada aan loo ogolaan in ay burburiyaan qorshaha nabadda.

Top


Kuuriyada Waqooyi Iyo Hubkeeda Nuclear-Ka Ah.

Kuuriyada Waqooyi Iyo Hubkeeda Nuclear-Ka Ah.

BBC - Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtey markii ugu horeysey in ay ku howlan tahay in ay sameysato hubka nukliyeerka.

Faalo ay qortey Wakaalada Wararka ee rasmi ah ee Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu sheegey haddii aanay dowladda Mareyakanku joogin fikradaha colaadeed ee ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi, in markaa ay dowladdu aanay jirin wax kale oo u banaan oo aan ka aheyn in ay sameysato hub nukliyeer ah oo looga baqo.

Wararku waxay intaa ku dareen in tilaabadani aanay aheyn baqo ku maal loogu danleeyahay cid kale, hase yeeshee ay tahay in la tashiilo lacagta, iyadoo hoos loo dhigayo miisaaniyada hubka caadiga ah ku baxda.

Faaladda Wakaalada Wararka ee Kuuriyada Waqooyi, waxaa kale oo lagu sheegey in haddii dowladda Mareykanku ay badasho mowqifkeeda, in markaa dowladda Kuuriyada Waqooyi ay dooneyso in ay wax ka qabato waxyaabaha ay dowladda Mareykanku ka welwelsan tahay ee la xidhiidha barnaamijka Nukliyeerka.

Mashaakilka Nukliyeerku waxaa uu bilowdey Oktoobartii hore markaas oo ay dowladda Mareykanku sheegtey in dowladda Kuuriyada Waqooyi ay ku sheegtey wadahadalo dibulumaasiyadeed oo ay yeesheen, in ay dib u bilowdey barnaamijkeedii Nukliyeerka, taas oo xad gudub ku aheyd hashiis labada dhinac ay kala saxeexdeen sanadkii 1994tii.

Top


Dagaalo Qadhaadh Oo Ka Socda Daafaha Caasimadda Dalka Liberia.

Monrovia (W.Wararka) - Dagaalada ka socda dalka Liberia ayaa sii xoogaysanaya iyadoo ay ciidamada Dawladda iyo kooxda falaagada ahi fooda iskula jiraan agagaarka caasimadda Monrovia, iyadoo gariirka iyo gurxanka hubka kala duwan laga maqlayo magaalada dhexdeeda, mararka qaarkoodna waxa la sheegay inay ku soo dhacayaan meelo ka tirsan magaalada.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kooxaha falaagadu dhinaca waqooyi ay kasoo galeen caasimadda, iyagoo maalintii shalay Madaxweynaha dalkaasi u qabtay muddo 72 saacadood ah inuu kaga dego talada dalkaasi, balse ilaa iyo hadda lama sheegin mawqifka Madaxweynaha dalkaasi Mr. Charles Taylor.

Ciidamo gaar ah oo ka socda Faransiiska ayaana gurmad ahaan ku tegay caasimadda Monrovia si ay halkaa uga daadgureeyaan ilaa 500 oo qof oo ajaaniba kuwaasoo la sheegay inay isugu jiraan dad u dhashay Maraykanka iyo Yurub.

Dhinaca kale, waxa dib u dhacay wadahadalo la filayay inay maalintii shalay labada dhinac uga bilaabmaan dalka Ghana, iyadoo sabab looga dhigay wufuudii dhinaca mucaaradka ka socotay oo la sheegay inay dib uga dhaceen madasha shirka lagu qabanayo.

Dalka Liberia oo ku yaala galbeedka Africa oo ay muddaba ka socdeen dagaalo soo jiitamayay, waxa ay sababeen khasaare farabadan oo soo gaadha dadka rayidka iyo barakac ku yimaada shacbiga dalkaasi.

Top


Nabsigii Foosto-Riix, Q: 3aad, Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

Ninkii foosto riix waxa uu qorshihiisu noqday inuu guursado si aytaasi ugu hir-gashana waxa uu haasaawe la bilaabay fatxiya oo uu u arkay inay nolosha wadaagi karayaan isaga oo ku raacay hanaankeeda wanaagsan iyo sida kartida leh ee ay uga soo baxdo shaqadeeda dawaarka aah halkaasoo ay ka soo saari jirtay quutal daruuriga qoyskooda iyada oo reerkooda u weynayd islamarkaana u ahayd ciidan ka kaliya ee ay haysteen maadaama ay caruurta in tooda kale ka wada yaraayeen isla markaana waalidkeedu waxa ay ahaayeen kuwo ay xaaladoodu iska liidato oo aan haysan ay ku filan iyaga oo la tacaalayey inay koriyaan ubadka yar yari taas oo ay gacan ku siinaysay farxiya.

Foosto Riix waxa uu la bilaabay Farxiya Haasaawe uu uga gol lahaa aakhirka inuu ku kasbado, iyo inay noqoto ooridiisa, xalaasha ah, balse dhibaatada meesha taalay waxay ahayd iyada oo u arkaysay inaanu nolosheeda ku filnaan karin, maadaama waxa uu qaataa iyo yoomkiisu ay ahaayeen kuwo isagaba aan dhaafsiisanayn, laakiin isagu waxa uu miciin ka dhigtay inuu waano iyo tusaalayn la dul-taagnaado, maalin kasta si uu ugu qanciyo guurka uu maagan yahay, kaas oo aanay iyadu mabda ahaan ka soo horjeedin, laakiin ay ka gaws adaygaysay iyada oo xeerinaysa duruufta labadooduba ay ku nool yihiin, iyo iyada oo door bidaysay, inay hesho nin dhaqaale ahaan ka buuran foosto Riix, waxaanay hal qabsi u lahayd, maah maahda tidhaahda “Laba qaawani isma qaado”.

Laakiin ninkii Foosto Riix ereyadaasi may noqon kuwo qanciya isaga oo odhan jiray Ilaahay baa arsaaqda bixiya, waxna la waayi maayo, inta la nool yahay, waxaaba laga yaabaa, in aynu arsaaq iyo adduun-ba ku korodhsano, haddii aynu si xalaal ah isku guursano.

Wuxuu haasaawuhu socdaba iyada oo kolba uu heer maraayey xidhiidhkoodu, isla markaana maalinba maalinta ka dambaysa ay isaga soo dhawaanayeen, halkii ay kala marayeen. Waxaanay taasi keentay in labadoodu ay noqdaan, kuwo ay dad badani tuhmaan, inuu ka dhaxeeyo, cilaaqaad iyo xidhiidh qoto dheeri, kal-koodana uu ku jiro jacayl ay isu qabaan.

Maalin kasta Foosto Riix waxa caado u noqotay inuu fadhiisto meherada ay dharka ku tolaysay Farxiya, taasoo uu iman jiray, haddii uu meel kasta joogo, iyada oo aanay meel kale fadhiga iyo joogsi u qaban jirin, had iyo jeerna indhihiisu ay jeclaystaan araga Farxiya, iyo meheradeeda. Taasoo ay la qabtay Farxiyana oo markasta jeclayd araga iyo haasaawaha Foosto Riix. Maalin maalmaha ka mid ah ayey weydiisay magaciisa saxa ah, iyada oo tidhi “Had iyo jeer waxa laguugu yeedhaa Foosto Riix, laakiin waxaad ii sheegtaa magacaaga rasmiga ah”.

Su’aashaas oo uu aad uga helay, darteed inta uu qosol ku dhuftay ayuu ugu jawaabay “Walaahi sidii la iigu yeedhayey magacaasi ayuu noqday magacaygii ay hooyaday iyo aabahay ii bixiyeen, mid aan anigaygiiba iloobo, iska dadka kaloo, markaa haddii aan magacaygii saxda ahaa kuu sheego, waxa uu ahaa, Guuleed, balse maanta cidinaa iima taqaan, aniguna waxaad moodaa inaan iloobayo”.

Isaga oo intaa u raaciyey sheeko dheer oo ku saabsan waayihii uu soo maray iyo sidii uu ugu baxay magaca Foosto Riix, sheekadaas oo ay aad uga heshay.

Maadaama uu Foosto Riix ahaa nin aftahan ah waxa uu noqday mid maskaxda ka qabsada Farxiya, oo had iyo jeer jeclaan jirtay sheekooyinkiisa, mararka qaarkoodna waxa uu raacin jiray ciyaaro hidaha iyo dhaqanka ah, gabayo, maah maaho, iyo murti kala duwan, oo dhaqanka la xidhiidha.

Su’aal kale ayay haddana Farxiya weydiisay Foosto Riix, iyada oo tidhi haddii aad tahay nin murti yaqaan ah waxaad garataa “Geel xeradii, Rag gogoshii iyo Gesiin Iidaankii” jawaabta su’aashaasi kumay qaadan daqiiqado, isaga oo ahaa nin aad ugu ba’an dhinaca dhaqanka, waxaanu yidhi “Geel Xeradii waa nabad, rag gogoshiina waa godob la’aan, gesiin Iidaankiina waa rumay ama caday”.

Haasaawaha iyo sheekadu waxay socotaba aakhrikii ninkii Foosto Riix waxa uu ku qanciyey Farxiya inay Ilaahay la kaashadaan, oo ay bilaabaan dhismaha iyo yagleelida reer cusub, oo ay galaan qabanqaabada iyo u diyaar garawga guur dhakhso ah.

La soco.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Golaha Deegaanka Hargeysa Maxay U Qabteen Shacbigii Doortay?

Waxaa caasimada Somaliland ee Hargeysa 34 sano ka dib markii u horeysay xilka maayarnimada la wareegtay ingineer Xuseen Jiciir, waa masuul si dimuqraadiya ay shacbigu codkooda ugu doorteen inuu ka mid noqdo golaha deegaanka Hargeysa, sidoo kalena cod aqlabiyad ah ku doorteen golaha cusub ee deegaanka Hargeysa ee uu ka mid yahay.
Sidoo kalena duqa gudoomiyaha Hargeysa oo ah nin mutacalin ah nasiibkiisuna siiyey inuu muddo dheer dabadeed noqdo maayar si rasmi ah cod shacab ku yimaada jagada gudoomiyaha caasimada Hargeysa, haddaba iyada oo uu in badan shacbigu u oomanaa helitaanka golayaasha deegaan oo cod shacbiga ku yimaada iyaga sugaya sidii mar uun looga bixi lahaa ku soo magacawga madaxweynaha ee maayarka iyo maayar xigeenka maalinba ninka dan laga leeyahay, si kastooy ahaydba waxaa maanta la soo gaadhay cahdigii shacbigu dooran lahaa, madaxdii masiirkooda hagi lahayd inta badana dabooli lahayd baahiyaha shacbiga ee aasaasiga ah, iyada oo kaalinta shacbigu kulahaa horumarka iyo hana qaadka dimuqraadiyada maalintii uu u dareeray doorashada golayaasha deegaanka.

Maxay ku soo kordhiyeen madaxdii ay doorteen, maxaase laga hayaa hogaanka la doortay?, maxayse u qabteen shacbigii sharciyeeyey golahan cusub ee deegaanka ee hadda ku magacaaban maamulka caasimadda?

Sida laga warqabo waxaa xilalka maayarnimada Hargeysa isaga dambeeyey oo kala ahaa Bare Laangadhe, Cumar Boobe, Maxamed Xaashi, Cali Asad, C/Raxmaan Cadami iyo cawl Cilmi Cabdala, Axmed Maxamed Maxamuud, oo midkastaba watay dhib iyo dheefba, waxaase lagu majeertaa waxqabad iyo horumar intii maayarnimada Maxamed Xaashi Cilmi, waxyaabaha uu soo kordhiyeyna waxaa ka mid ahaa nadaafada guud ee magaalada, banaynta wadooyinka iyo qaabaynta guryihii sharci darrada ahaa ee (Own Plan) rasmi ah u sameeyey, caasimada daryeelka shaqaalaha la dagaalanka musuqmaasuqa, kobcinta iyo daryeelka dakhliga cashuuraha mid ka horeeyey iyo mid ka dambeeyey ilaa hadda lagama hayo kaalintii ummadu ku lahayd.

Golaha deegaanka cusubi iyo maayarkoodani maxay u qabteen caasimada Somaliland ee ilaa hadda laga hayaa?

Xilka umadu maaha mid lagu danaysto, lagagana faa’iidaysto muddada aad xilka ku magacaaban tahay amaanada ummadani waa shay goonidiisa miisaanka alle lagu saari doono, haddii aan tusaale u soo qaadanayo maayar Cawl Cilmi Cabdala maxaa laga hayaa maamuladii iska dambeeyey, maxayse ilaa imika soo kordhiyeen. Bal aan qiimayn ku sameeyo laba saddex qodob oo dawladda hoose ku saabsan.

Golaha Deegaanku waxay ka kooban yihiin 25 xubnood oo gabi ahaanba soo wada shaqa tagtay.

Haddaba muddo imika laga joogo lix bilood oon ahayn is-dhexyaal iyo is jiidasho iyo iyagoon badiba ka soo daahirin, waxaa kale oo ay ku soo kordhiyeen mushaharo xad dhaaf ah oo aanay qaadi karin, wax soo kordhay dhaqaale ahina aanu jirin, 25-kaa qof calaa qof waxay u qaataan 1700,000, waxaanay u dhigantaa 350 shaqaale rasmi ah mushaharkood kaba sii darane waxay isku qaybiyeen qaybo, iyaga oo ku xoomaya dhamaan ilaha dhaqaalaha diciifka ee ay dawladda hoose ka koobantahay, waxaanay kale oo ay adeegsadaan jeegaga boonooyin shaanbado ay shaanbadu jeebabka ku qaataan, waxaa kale oo ay isku qaybiyeen degmo degmo, iyo waax, waax, iyaga oo ka baadi doonaya waxaa loogu yeedho xaqul golo deegaan oo laga rabo mulkiilayaasha dhisanaya dhulkooda, kuwaas oo aan sheeganayn waxaa ka mid ah degmada Gacan Libaax.

Joomitir daa hadalkii dheh.

Sideedaba dal ama dad waxaa horumarkiisa iyo waxqabadkiisu ku xidhan yahay, haddaba inta hamiga hawlqabadkiis leegyahay iyo haddaba sida ay uga faa’iidaystaan ama uga midho dhaliyaan, waxay hayaan, ama gacmahooda ku jira, hadday noqoto muruq iyo hadiise loo miidaan dayi waayo, waxay ku dambayn qaataye,qaado, bulshadeenu waxay la tiicaysaa dhaqaale darro awoodeed, haddiise loo farsameeyo dakhliga laga ururiyo wadhatada, qiyaas ahaan maanta waxa uu marayaa 20 Milyan, aaway-se dadkii ka shaqaysan lahaa ee aan ku takri-faleen hantida ummadda.

Caafimaad.

Nolosha adduunkawaxaa bud dhig u ah daryeelka caafimaadka iyo ilaalinta faya-dhawrka nolosha, balse lagama yaqaan dawladda hoose ee Hargeysa, waxaa Hargeysa gudaheeda is dul-tuulan qashiniyo gudaafad goobaha wehelkau ah nolosha,sida xayndaabka dambe ee dayrka wasaaradda warfaafinta,agagaarka madarasada Daarul-Qur’aan, sidoo kale iyadana waxa xashiishku ceegaaga meelaha biya-mareenada ah ee badhtamaha magaalada, iyada oo ay mararka qaar waxaa dhacda in goobtii laga faqay xashiishka, haddana lagaga dul-tago, waxaa kale oo dhacda gawaadhida waaweyn ee xamuulka ah oo magaalada dhexdeeda mar iyada oo ay gudaafadi ka butaacayso.

Maamulkaa iyo maayarka.

Habsami u socodka shaqo waxaa halbawle u ah isku-xidhnaanta shaqo eeka dhaxaysa maamulka, iyada oo la eegayo danta guud, maamulka saxda ahi waa isku xidhka shaqaalaha iyo shaqada, kana madhan kooxaysiga iyo tuhunka soo dhexgala shaqaalaha iyo madaxda.

Maamulka dawladda hoose, waxay fuliyaan maalinta khamiista olole ay ku qaadaan magaalada gudaheeda, iyada oo ay ku noqnoqdaan iskuna koobaan saddex wado kaliya.

Gabagabadii akhristow bal u fiirso dhacdadan kooban ee uu fuliyey masuul sare oo ka tirsan dawladda hoose. Waxay dhexmartay gabadh iyo masuulkaasi waa Gabadh Aqoonyahanad ah oo damacday inay dhisto dhulkeeda hooyo, waxay la kulantay mid ka mid ah masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa, iyada oo doonaysa inay sharciyeysato dhulkeeda, balse wuxuu ku yidhi anaa kuu sharciyeyna, balse keen lacag aan kuugu sharciyeeyo, ka dib fara ka saartay, iyada oo adeegsanaysa kamarad duubaysay falkii ka dhacay goobtaas, markii se dambe waxay noqotay inuu masuulkii iska fududaysto hawshii ka dibna markii ay u timid dafiray, waxaase nasiib wanaag ahayd, iyada oo maalin uu goluhu shirayo ayey gabadhii timid golaha, bartiina ku sheegtay falkii argagaxa lahaa ee musumaasuqa, waxayse golihii ku noqotay naxdin iyo amakaag ugu dambayntiina waxaa la isku raacay in ceebteena alla asturo.

Haddaba arrimaha noocan ahi ma mid madaxdu ay ku wada jiraanba hadayse ay arrintani gooni ku tahay cid gaar ah, maxaa loola xisaabtami waayey cidii fulisay dhacdadaas, waxaanse ku dhaafi lahaa ninkii isha dabana aadmigaa arkaya, kii uurka dabana Allaa la socda.

Mawliid Saleebaan Gaboobe (Ilka Case).
Hargeysa.

Top


Somaliland Sidii La Rabay Umay Xoroobin.

Dalkan Somaliland waa dal soo maray xaalado kala duwan, oo lahaa duruufahooda, kuwaas intooda badani dhaceen dabayaaqadii qarnigii labaatanaad, kuwaas oo qarnigaas ku xidhmay, balse weli waxaan meesha ka bixin wax badan oo khaldamay, xiligii maamulkii dawladdii Soomaaliya, ee milatariga ahayd kuwaas oo raadkoodii dalkan Somaliland ay ka sii muuqdaan.

Maqaalka kale ee ku soo baxay Maandeeq cadadkiisa 986 Isniin 16-ka December, 2002,wuxuu ka hadlayaa xorriyadda qofkasta oo muwaadini uleeyahay lab iyo dhedigba iyo inaan da’yarta maskaxdooda lagu shubin waxyaabihii foosha xumaa ee dhacay qarnigii labaatanaad, xiligaas oo uu jahligu uu xad-dhaaf ahaa.

Waxa 7-dii May 2002 madaxweynihii xilgaa marxuum Cigaal iyo gudoomiyayaasha labada gole saxeexeen hirgelinta iyo faafinta dhaqan gelinta dastuurka, iyada oo xiligaadalkugalay nabad unkatay, ayaan tagay magaalada Burco 2000-kii aniga oo u shaqeeya Somaliland, tii anigoo u shaqo tagay, ayaa waxa dhacday in la I xidho, anigoo shaqadii ku jira, ahna suxufi ka madaxbanaan dawladda Somaliland una shaqeeya wakaalad maqal iyo muuqaal ah oo dawladda ka madax banaan, dawladda Somaliland ayaa anigoo dhexmaraya suuqa Burco ayaa ciidan boolisi ay qasab igu kexeeyeen, I xidheen, iyada oo aanan garanayn waxaan galay, oo dambiya, xadhigii ka dib waa la I sii daayey, iyada oo aan lay qancin, saldhiga dhexe ee Burco ee laygu xidhay waxa taliye ka haa Cabdi Kurtin, anigoo xiligaa anigu isku qanciyey waxaan jirin dawlad adag iyo ciidan boolis oo aqoon u leh sharciga ciidanka booliska ama dastuurka dalka ee codka lagu ansixiyey 97%.

Aniga oo xadhigaa hore iska qanciyey ayaa waxaasoo martay arrin la mid tii hore waxa dhacday in aniga oo jooga meherad Studio ah oo anigu aan leeyahay ayey ii yimaadeen ciidan boolis ah oo gaadhi wata, waxay igu yidhaahdeen waanu kuu baahanahay, ee soo yara xidh meherada ee ina keen, waxaana noo kaa soo diray taliye ku xigeenka qaybta, anigu dhibaato umaan arag ee waan raacay, ka dibna waxay yidhaahdeen waad xidhantahay, 4 saacadood ka dib iyada oo la qancin laygu xidhayna aanan garanayn ayaa laygu yidhi iska tag, markaa xadhiga noocan ah wata xorriyad ka qaadista waa mid raad weyn ku leh dhaqankii dawladdii Soomaaliya.

Iyada oo shacbiga Somaliland meel kastooy joogaanba si nabad gelyo leh ugu codeeyey doorashadii dastuurka,deegaanka, madaxweynenimada, u codayn dastuurku waa tii sida fiican u hirgashay, markii uu geeriyooday marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, ee saacado gudahood Mudane Daahir Rayaale loogu dhaariyey balse xadhigaXasan Siciid iyo kaykanba waxay dawladdu jabisay qodobada xuquuqda muwaadinka ee dastuurka.

Dawladdana waxaa looga baahan yahay inay dhawrto xuquuqda muwaadiniinta, ee xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ahba ku xusan.

Khadar Abiib Cusmaan, Hargeysa.

Top


Maamul-Xumada Kastamka Madaarka Hargeysa Sidan Haloo Dhaamo.

Aniga oo ka mid ah ganacsatada macmiilka laleh ee bucsharada kala soo dega madaarka Hargeysa ayaa waxaan hagardaamo weyn kala kulmay maamulka kastamka iyo dawladdii aan cashuurta u xereynayey ee dhaqaalaheeda wax ka dhisaysay.

Arrimaha iga fajiciyey waxa ka mid ah oo aan arkay madaxa kastamka Cabdi Muuse oo kaligii ka shaqaynaya dhamaanba hawlihii ay qaban jireen shaqaalaha kala gedisan kaasoo la ii sheegay in la xuurteeyey, shaqaalaha shaqadan lahaa, ka dibna waxay sababtayin ganacsatadii waxa u soo degeeninay isagii raadiyaan oo dabadiisa la gaadhi waayo, taasoo kolba maqaaxi laga raadiyo, oo gebi ahaanba hawshu istaagto.

Taasoo sababta in aniga iyo ganacsatada kale wakhti kaga lumo, xiligii cashuurta dawladda loo xereyn lahaa, haddaba kastamka Hargeysa oo toban qof ganacsatada ka midi u xereeyaan lacag dhan 300,000 waa maxay sababta loo candadawlayo dadka cashuur bixiyayaasha ah.
Ma dawladda lacag ka dheregtay mise kastamka ayaa maamulku ka xumaaday.

Xasan Cabdi shide, Hargeysa.

    Top