Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 353 June 13, 2003

Maal-Qabeen Qatari Ah Oo Hogaaminaya Wefti Maal-Gashadayaal Ah Oo Dalka Booqasho Ku Yimid “Waxaanu Culayska Saari Doonaa Wershadaynta Iyo Wixii Kale Ee Dani Dalka Iyo Dadkaba Ugu Jirto,” Sheekh Naa’if Bin Sulaymaan Bin Xasan Al-Tani - Hogaamiyaha Weftiga.

Maamulka Burco Oo Bilaabay Hawlgallo Dib-U-Habayn Ah.

Shir Lagaga Hadlay Madax-Banaanaynta Biyaha Boorama.

Aqoon-Isweydaarsigii Kaalinta Raga Iyo Haweenka Ee Bulshada Oo Lasoo Gebogebeeyay.

Boos Casri Ah Oo Laga Furay Somaliland.

“Beesha Gabooye Shuqul Kumay Lahayn Xadistii Subeyr Axmed,”
Bayaan Odayaasha Beesha Gabooye.

Xisbiga KULMIYE Oo Ku Baaqay Sii Daynta Maxaabiista Siyaasadda U Xidh-Xidhan, “Xadhiga Xubnahaasi Wuxuu La Mid Yahay Kii Gaani Iyo Moorgan...” Maxamed Kaahin.

Xukuumadda Oo Soo Dhoweysay Go’aankii KULMIYE Uu Ku Aqbalay Natiijadii Doorashadii Madaxtinimada.

“Xukuumaddu Waxbay Ku Leedahay In Gobolka Sool Ka Baxo Gacanta Somaliland,” Aadan X. Xuseen - Xog-Hayaha UDUB Ee Sool.

Mareykanka oo faragelinaya mashaakilka Burma.

Wadahalada Liberia oo dib u bilaabanaya.

Amiirka Qatar Oo Booqday Dalalka Yemen Iyo Djibouti.

Mudaharaado Ka Dhacay Dalka Iiran.

Hogaamiyeyaashii Xisbigii Islaamiga Ee FIS Oo Xabsiga Laga Sii Daayay Algeria.

IFTIINKA ISLAAMKA: Siiradii Rasuulka (SCW) Iyo Faafitaankii Islaamka
Q: 6aad, Siciid I. Guraase.

Nabsigii Foosto-Riix, Q: 3aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

Brazil oo 3-0 ku garaacday Nigeria.

Isreeb-Reebka Koobka Yurub Ee 2004-Ta Iyo Ciyaarihii U Dambeeyay, Cabdifataax M. Caydiid.


Maal-Qabeen Qatari Ah Oo Hogaaminaya Wefti Maal-Gashadayaal Ah Oo Dalka Booqasho Ku Yimid “Waxaanu Culayska Saari Doonaa Wershadaynta Iyo Wixii Kale Ee Dani Dalka Iyo Dadkaba Ugu Jirto,” Sheekh Naa’if Bin Sulaymaan Bin Xasan Al-Tani - Hogaamiyaha Weftiga.

Hargeysa (Haatuf): Maal-Qabeen Qadari ah oo layidhaa Sheekh Naayif Bin Sulaymaan Bin Xasan Al-Taani iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminaayo ayaa maalintii shalay booqasho dhawr maalmood ah ku yimid caasimada dalka ee Hargeysa.

Maal-qabeenkan iyo weftiga balaadhan ee ku weheliya socdaalkiisan waxay ujeedada booqashadoodu la xidhiidhaa u kuur galida sidii ay Somaliland uga bilaabi lahaayeen mashaariic maal-galineed oo ay iyagu fuliyaan, waxa habeenkii xalay casho-sharaf ugu sameeyey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi huteelka ay daganyihiin ee Maansoor.

Weftiga waxa la filayaa inuu maanta qaabilo Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, iyaga oo ka wada hadli doona sidii ay u bilaabi layaaheen maal-galinta ay ku samaynayaan Somaliland.

Sheekh Naayif oo u waramaayey wariyayaal ka tirsan Haatuf ayaa sheegay inay dalka u yimaadeen sidii ay maal-gashi uga samayn lahaayeen, “Waxaanu culayska saari doonaa warshadaynta iyo wixii kale ee ay dani ugu jirto dadka iyo dalkaba anagana faa’iido noogu jirto anaga oo arintaasi wada hadal kala yeelan doonna madaxdda Somaliland” ayuu yidhi Sheekh Naayif waxaanu intaa ku daray inay samayn doonaan daraasado iyo kormeero ay ku samaynayaan goobo kala duwan oo dalka ah si ay xog uga helaan meelaha ay maal-gashiga ka samayn karayaan.
Mar la waydiiyey Sheekh Naayif sida ay diyaarka ugu yihiin xidhiidh ganacsi oo ay la yeeshaan ganacsatada Somaliland waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin xidhiidh ay la yeeshaan ganacsata Somaliland balse ay ka taxadirayaan fara-galin ay ku samayeeyaan ganacsiga u gaarka ah ganacsatada Somaliland iyaga oo jecl iskaashi ay wada yeeshaan.

Sheekh Naayif mar uu ka hadlaayey booqashadoodan waxa uu sheegay inay qorshaysnayd sannad ka hor balse ay dib u dhigeen duruufo yimid oo ay ka mid dagaalkii ka dhacay Khaliijka iyo cudurka SARS ee ka dilaacay eeshiya.

Weftigan uu hogaaminaayo Sheekh Naayif oo ka kooban todoba (7) xubnood waxa kale oo weheliya khubaro ku takhasusay maal-galinta mashaariicda ganacsi oo ka kala socda dalalka Singapore, Hong Kong, Vietnam, Pakistan iyo India, iyada oo uu Sheekh Naayif Bin Sulaymaan Bin Xasan xidhiidh ganacsi la leeyahay dalalkaasi oo ku kala yaala Koonfurta iyo koonfur bari ee qaaradda Asia. Waxa kale oo la socda laba muwaadin oo reer Somaliland ah, balse deggan dalka Qatar.

Booqashada weftigan oo ku soo beegantay iyada oo maalintii shalay booqasho uu ku yimid amiirka dalka Qadar Sh. Xamad Bin Khaliifa Al-Taani dalka Djibouti taas oo qayb ka ah booqasho uu ku maraayo dalal ku yaala mandiqada Bada Cas oo uu ka mid yahay dalka Yemen, waxaana la filayaa inay arintani muujinayso dalka Qadar oo u soo biyeystay sidii uu xidhiidh balaadhan oo ganacsi iyo Siyaasadeedba ula yeelan lahaa dalalka mandiqadan oo ay Somaliland ay ka mid tahay.

Top


Maamulka Burco Oo Bilaabay Hawlgallo Dib-U-Habayn Ah.

Burco (Haatuf): Masuuliyiinta degmada Burco ayaa bilaabay doraad hawlgal balaadhan oo lagu samaynayo degsiimo cusub iyo saaqiyadaha biyo mareenka ah oo loo samaynayo dooxa magaalada gudaheeda mara, ee Xaar-Wada, waxaynaa ka bilaabeen degsiimo cusub oo lagu samaynayo duleedka magaalada, haddaba Axmed Aadan Yuusuf oo ka tirsan Haatuf ayaa ka soo waramay wuxuuna ku bilaabay sidan:

“Hawl-galkan balaadhan oo ahaa laba qaybood ka hore wuxuu ahaa degsiimo cusub oo loo samaynayo dadka qurbo jooga ah ee Somaliland u dhashay, kuwaas oo ku kala nool wadamada Ingiriiska, Iskaandeneefiyaanka iyo waqooyiga Ameerika.

Xaafadda cusub oo kaga taal magaalada dhinaca waqooyi bari, waxay magaaaalada u jirtaa masaafo ku dhaw 4Km, degsiimadaa oo ku fadhida dhul gaadhayaa 6km, oo isku wareeg ah, waxaana loogu talo galay in laga dhiso 300 guri, lana dejiyo (300) qoys, dhulkaas oo ah goob ay dad lahaayeen balse iska kaashadeen jaaliyadaha dibadu inay iibsadaan, masuuliyiinta deegaanka Burco ayaa balan qaaday inay u qabanayaan wixii danta guud ah iyo sefaynka oo ay uga saaraan xaafadaas.

Duqa degmada Burco Maxamed Diiriye Xayd ayaa ugu horeyn halkaa ka hadlay wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay “Arrintaas markii aanu aragnay aad baanu ugu faraxnay, anaguna haddii aanu nahay golaha deegaanka Burco waxaanu go’aansanay in xaafadan cusub aanu qayb libaax ka qaadano, xaafadan oo noqon doonta xaafad weyn oo ku soo korodhay magaalada, iyada oo aanu u qabanayno wixii danta guud ah, ee ay baahan tahay, xaafadani sida biyo gelinta, cusbitaal, saldhig booliis iwm.

Marka dhisku ka bilaabmo qayb weyn baanu ka qaadanaynaa, cid alaale iyo cidii danaynaysa hadday noqoto ganacsatada iyo hay’adaha samafalka, waxaanu ku soo dhaweynaynaa gacmo furan, waad aragtaan oo waxaanu gacanta ku haynaa wadadii oo aanu dhamaynay 2km, waxaanu dhigaynaa caro tuul, hawshana waxaanu u kiraynay 13 iska rogo, waxaanu doonaynaa in aanu hawshan si dhakhso ah u dhamayno, qolyaha qurba jooga ah, ee fikirkan keenay waa fikir wanaagsan oo ku dayashadiisa leh, waana Ilaahay mahadii mar haddii ay maanta dalkooda maalgashadeen, anaguna haddaanu dawladda hoose nahay waa in aanu hawlahayaga kuwiina ka fuudh yeelnaa, 40%”.

Waxa kale oo la bilaabay mashruuc wado biyo maren ah oo laga samaynayo dooxa dhex mara magaalada ee Xaar-Wada la yidhaahdo, kaasoo ay gooyeen dhulkii biyo mareenka ahaa dhul boob, iyada oo ay biyihii ay waayeen meel ay maraan.

Haddaba mashruucan saaqiyadaha biyo mareenka ah dhagaxii u horeeyey dhigay badhasaabka gobolka Togdheer Cabdi Xuseen dheere, waxaanu halkaa ka jeediyey hadalo kooban isaga oo dadweynaha ku booriyey muhiimada ay u leedahay mashruucan, wuxuuna soo jeediyey in gacan lagu siiyo shaqaalaha hawshan ay ka gurtaan, dhiska iyo ooda hortooda, taala, wuxuuna sheegay in la dhiirigeliyo cidii dalkaa wax u qabanaysa, wuxuuna hadalkiisa, ku soo gabagabeeyey maanta ka dib magacii hore waa laga bedelay, oo golaha deegaanka ayaa magaca cusub u bixinaya magacaas oo noqonaya biyo-wada, waxaadna ka raysan doontaan, dhibaatadii uu idinku hayey dooxani iyo biyihii dariiqooda la xidhay, waxaynaa si fiican biyuhu u geli doonaan Toga markaa mashruucani dhamaado.

Top


Shir Lagaga Hadlay Madax-Banaanaynta Biyaha Boorama.

Boorama ,(Haatuf): Shir lagaga hadlayey dedejinta madaxbannaanaynta maamulka Biyaha Boorama ayaa shalay, lagu qabtay xarunta dawladda Hoose ee magaada Boorama. Sida uu ku soo waramayo weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal Maxamed Cumar, Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen Agaasimaha Gud ee wasaaradda Macdanta iyo Biyaha eng.Cali Cabdi Odowaa iyo Madaxa caafimaadka iyo fayadhowrka guud ee hay'adda UNCEF Mr.Lindon, Duqa Boorama Craxmaan sheekh Cumar,iyo maamulka biyaha ee Boorama. Shirkan oo ka mid ah shirarka xidhiidhka ah ee beryahanba u socday hay'adda UNICEF oo iyadu maalgelisay mashruuca Biyo Ballaadhinta Booarama, ganacsato reer Boorama ah iyo maamulka Dawladda Hoose ee Boorama waxa ujeedadaa ka dambaysaa ay tahay sidii maamulka Biyaha Magaalada loogu wareejin lahaa dad shacbi ah maadaama mashruucaasi haatan uu gebogebo yahay.

Sida uu noo sheegay Agasimaha Guud ee wasaaradda Mcadanta iyo Biyaha oo booqasho hawleed ku yimi Boorama,"Maaha ujeedadu in dad gaar ah gacanta loo gelinayo maamulka Biyaha oo siday doonaan ka yelaan dadweynaha,balse waxa weeye mid ujeedadiisu tahayin la dhowro qalabka biyaha lana tashiilo biyaha taasoo ka wanaagsanaan doonta sida maanta maamulka biyuhu yahay." Waxa kale oo agaasimuhu sheegay in bishan dhammaadkeeda ama bilowga bisha soo socota hawshaasi dhammaan doonto.

Hawsha madaxbannaanaynta Mammulka Biyaha Booarama ayaa waxa loo bandhigay dadweyne isgu jira ganacsato,iyo dad gaar ah oo tiradoodu gaadhayso ilaa 73 xubnood kuwaasoo la kala saari doono aakhirataanka inta soo hadhaana noqon doonaan saamileyda gacanta ku qaban doo nta maamulka Biyaha,waxana kala saariddooda loo adeegsan doonaa shuruudo ay soo saartay ama soo saari doonto hay'adda UNICEF. Dhinaca kale isuduwaha wasaaradda Dhirta iyo deegaanka Gobolka Awdal Muuse ibraahim Obsiiye ayaa Maamulka Magaalada Boorama uga mahadceliyey qorshaha uu ku doonayo in wasaaradda wax lagala qabto daryeelka deegaanka Boorama iyo la dagaalanka xallufka. Mr. Obsiiye oo u warramay HAATUF ayaa sheegay in la gaadhay wakhti dadka gobolku ku baraarugaan xaalufka saameeyey dhulka, waxana hadalkiisani ka dambeeyey shir dhawaanta ay isugu yimaadeen maamulka wasaarada Deegaanka gobolka iyo Duqa Boorama kaasoo ay kaga wadahadleen sidii gacan loo siin lahaa guddi hoosaadyo laga dhisay tuulooyin ku yaal gobolka oo ay madaxdhaqameedyada deegaanadaasi ku dhowdhow Boorama tallaabooyin kaga qaadayaan in cidda lagu arko jartidda dhirta iyo dhululaysiga xad-dhaafka ah, waxan isuduwuhu soo jeediyey ama ku boorriyey dawladda Hoose maamulkeeda inaanay wax cashuur ah ka qaadin dhuxulaysatada an fasax ka haysan wasaaradda dhirta iyo deegaanka, kana wada tashadaan waxa laga yeelayo dadka lagusoo qabto xadgudubka deegaanka gobolka.

Top


Aqoon-Isweydaarsigii Kaalinta Raga Iyo Haweenka Ee Bulshada Oo Lasoo Gebogebeeyay.

Hargeysa (Haatuf)- Aqoon isweydaarsi mudo sadex maalmood ah socday oo lagaga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha lamaanaha qoyska iyo horu marka bulshada ayaa shalay lagusoo gebegebeeyay hoolka wasaaradda arrimaha qoyska oo ku yaal dhismaha cusbitaalka Adna ee magaalada hargeysa. Aqoon isweydaarsigan oo ay kasoo qaybgaleen ilaa afartan qof oo ka socday qaar ka mida hayadaha dawlada, kuwa madaxa banaan iyo qaybaha bulshadu, waxay aad uga doodeen isbedelada dhaqan dhaqaale ee bulshada iyo sidii wax looga qaban lahaa. Laakiin waxay ka qayb galayaashu si gaara ugu dheeraadeen lamaanaha qoyska iyo sidii loo heli lahaa qoys wanaagsan, kaasoo aan la,aantii la helayn bulsho wanaagan iyo qaran horumar gaadhi kara.

Waxa kaloo lagusoo bandhigay dhibaatooyinka haweenka ee xuquuqda shaqo, waxbarasho iyo sida looga gudbi karo caqabadahaa, waxaana ka dhashay doodahaa in sida qudha ee lagu heli karo bulsho wanaagsan ay tahay inay bulshadu hesho hogaan fiican, caddaalad iyo sinaan, taasoo suurta gelinaysa horumarka, islamarkaana waxa laysa qaaytay in la sameeyo wacyi gelin bulshada ah iyo in la abuuro guddi daba gasha dhibaatooyinka qoysaska saboolka ah ee u baahan kaalmada. Waxa kaloo ay ka qaybgalayaashu isla garteen in loo soo jeediyo golayaasha sharci dejinta in wax laga bedelo dastuurka qodobada khuseeya Garsoorka, haya,da shaqaalaha, iyo Hanti dhawrka guud ee qaranka, kuwaasoo loo arkay inay leeyihiin dhaliilo badan oo hadii aan la hagaajin aanay bulshadu noqon karin qaran horumar gaadhi kara.

Waxana la doortay gudi ka kooban todoba xubnood soo dabagasha waxyaabaha kasoo baxay aqoon isweydaarsigaa . Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha qoyska marwo Amran cali xiis oo xidhitaankii ka hadashay ayaa sheegtay sida uu lagama maarmaanka u yahay aqoon isweydaarsigu iyo faaidada uu bulshada u leeyahay, waxayna balanqaaaday inaan lagu deynayn kan oo keliya, laakiin ay qabandoonaan qaar kale oo la mida. Aqoon isweydaarsigan oo socday mudo sadex maalmood ah, Waxay ka qaybgalayaashu u mahad celiyeen cashar bixiyayaashii oo ahaa, Marwo maryan c/laahi ibraahin iyo Marwo faadumo xasan xirsi

Top


Boos Casri Ah Oo Laga Furay Somaliland.

Hargeysa (Haatuf)- Gudoomiye xigeenka gudida doorashooyinka C/laahi X Cumar (c/laahi jawaan), ayaa xadhiga ka jaray Boos cusub oo casri ah, taasoo xafiiskeedii u horeeyay shalay laga furay dhismaha hore ee cusbitaalka Adna ee magaalada Hargeysa. Xaflad loogu tala galay furitaankii (Boostada somaliland)oo lagu qabtay dhismaha sare ee cusbitaalka Adna,waxa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socotay Hayadaha Qaranka, shirkadaha madaxa banaan, madax dhaqameedyo iyo marti sharaf kale.

Mulkiilaha Boosta somaliland Siciid Jibriil Faarax (saajab) oo warbixin kooban ka bixiyay sida ay u sahaqayn doonaan iyo waxyaabaha u fududaynaya hawshan, ayaa sheegay inaanu hirgelinta Boosta ku dhiiradeen, haddii aanay dalka ka jirin nabadgelyada maanta ka jirtaa, taasoo uu ku tilmaamay mid dhiiri gelisay muwaadiniin badan, wuxuna yidhi, “Anaga qurbaha joogna nina masoo dhiiradeen, inuu awoodiisa, kartidiisa iyo maaliyadiisa halkan keeno, hadaanay nabadi jirin. Mahadna waxa leh dadkeena nabada jecel ee anagana rajada na geliyay.”

Wuxuna intaa ku daray inay Boostu u shaqayn doonto saddax qaybood oo kala ah. Inuu qofkasta oo degan somaliland helo sanduuq booseed oo uu furihiisa haysto, kaasoo kharashkiisu aad u yaraan doono marka loo barbar dhigo wadamada kale, qaybta labaad oo ah waraaqaha wadanka gudihiisa oo gobolwlba xafiis looga furay, iyadoo xafiiska ugu weyn ee xarunta shalay laga furay hargeysa, kaasoo shaqadiisa bilaabay, waxa kaloo uu sheegay inay xafiisyo kasoo fureen magaalooyinka, Berbera, Burco, Boorama, Arabsiyo iyo wajaale, islamarkaana ay qorshaha ugu jirto inay dhowaan xafiisyo ka furaan magaalooyinka kale.

Mr. Siciid waxa uu xusay inay shirkadaha diyaaradaha qarkood heshiis la galeen oo ay ka caawin doonaan qaadista iyo keenista waraaqaha, wuxuuna intaa raaciyay inay heshiis lasoo galeen Boosaha aduunka oo ay waraaquhu ku bixi doonaan shaanbada iyo calaamada s/land.wuxuna u mahad celiyay wasiirka wasaaradda boosaha iyo isgaadhsiinta, Xasan cabdi khayre oo uu sheegay inuu gacan weyn kula lahaa hirgelinta hawshan, waxa kaloo uu xusay inay kala shaqeeyeen wasiirada Marwa Adna aadan, C/laahi xuseen iimaan iyo Xuseen cali dhuux oo ah maamulaha boosta ee somaliland oo uu sheegay inaanay la'aantii waxba u hirgaleen.

Gudoomiye xigeenka golaha wakiilada, Mudane C/qaadir jirde ayaa sheegay sida ay lagama maarmaanka u tahay in dadka loo daayo fursadaha ay wax ku qabanayaan oo la dhiiri geliyo, isagoo yidhi, “Dumuqraadiyadu maaha sanduuq cod lagu rido oo keliya ee waa iyadoo fursadaha la siiyo dadka.” Mudane Jirde waxa uu intaa raaciyay inay s/land furfurtay siyaasadii oo ay axsaabtii soo baxday, doorashooyinkiina ka dheceen ilaa heer degmo ilaa qaran. Sidaa awgeed loo baahan yahay dhaqaalahana in la furfuro, xukuumaduna ay hagto, lakiin dawladu aanay carqalad ku noqon dadka dalka maalgelinta ku samaynaya muwaadiniinta qurba jooga iyo ajaaanibkaba.

Gudoomiye xigeenka gudiga doorashooyinka C/laahi X Cumar ayaa isaguna ka waramay baahida loo qabay Boosta iyo sida ay wax uga tari doonto adeega bulshada iyo arrimaha citiraafkaba, wuxuna talo ahaan ugu soo jeediyay inay xidhiidh la sameeyaan shirkadaha qaadka oo ku tilmaamay inuu meel walba si deg-deg ah u gaadho, gaadiidka qaadaana ay yihiin kuwa isaga gudba gobolada dalka oo dhan.

Top


“Beesha Gabooye Shuqul Kumay Lahayn Xadistii Subeyr Axmed,”
Bayaan Odayaasha Beesha Gabooye.

Waxaanu xagan ku soo gudbinaynaa haddii aanu nahay odayaasha beesha gabooye in ayna beesha gabooye wax raad ah aanay ku lahayn xaditaankii la xaday “Subeer Axmed Ismaaciil” haddii ay yihiin kuwa hadda u xidhan iyo haddii ay yihiin kuwa banaanka joogaba.

Sidaa daraadeed waxaanu leenahay horena ugu sheegnay waalidka dhalay wiilka yar ka dib markii aanu samaynay baadhitaan dheer iyo xog-ogaal dhexdayada ah waxaanu soo ogaanay in aanaan ku lug lahayn arrinta wiilka yar.

Sidaa ayaanu ugu sheegnay waalidka iyo odayaasha wiilka yar ee nalagu eedeynayey, haddaba waxaa Ilaahay mahadii ah in la helay wiilkii yaraa lagana helay qoys degan magaalada Hargeysa, isla markaana ay soo heleen ciidanka boolisku gacantana lagu hayo dadkii lagu qabtay, wiilka yara isla markaana uu sidaa cadeeyey taliyaha ciidanka booliska ee JSL oo uu sheegay in la helay wiilkii yaraa ee Subeer Axmed Ismaaciil” dadkii hore loogu eedeeyey ee u xidh-xidhnaana lagu waayey dambigii loo haystay dad kalena lagu qabtay wiilka yar, dadkii hore ugu xidhnaana si dhakhso ah loo sii dayn doono.

Haddaba waxaanu baaqayagan ku cadeynaynaa in aanaan wax raad ah ku lahayn wiilka ee la xaday waxaanu xagan ugu cadaynaynaa waalidka dhalay wiilka yar iyo bulshaweynta Somaliland in aanaan arrintaa wax raada aanaan ku lahayn, wiilka ee hadda la helay.

Waayitaanka la waayey wiilka yar ee Subeer Axmed Ismaaciil waxaa beesha gabooye ka soo gaadhay muddadii uu maqnaa dulmi iyo tacadi fal dambiyeedyo aad u waaweyn oo aanaan halkan hadda ku sheegin, blasé marka la soo dhameeyo baadhitaanada hawaha wiilka yar cidii qaadatay iyo cidii ku lug lahayd aanu soo bandhigi doono, fal dambiyeedkaa.

Haddaba wareysigii uu Wargeyska Haatuf siiyey wiilka yar aabihii Axmed Ismaaciil waxaanu u aragnaa mid lagu daadifeynayo, dulmiga iyo tacadiga beesha gabooye, ka soo gaadhay arrintan.

Odayaasha bayaanka soo saaray:

Caaqil cali faarax axmed, caaqil ibraahim caaqil axmed, caaqil Yuusuf mooge axmed, xuseen axmed muxumed, xuseen muxumed c/laahi, Maxamuud cabdi ismaaciil, cabdi dayib xuseen, naasir aw c/laahi cismaan, ibraahim xasan digaale, axmed racwi cilmi.
Hargeysa.

Top


Xisbiga KULMIYE Oo Ku Baaqay Sii Daynta Maxaabiista Siyaasadda U Xidh-Xidhan, “Xadhiga Xubnahaasi Wuxuu La Mid Yahay Kii Gaani Iyo Moorgan...” Maxamed Kaahin.

Hargeysa (Haatuf): Xisbiga KULMIYE ayaa ugu baaqay xukuumadda inay ooda ka qaado dadka u xidhan fikradooda siyaasiga ah ama inay taageeraan xisbiga KULMIYE, waxaana shalay sidaa ku baaqay xog-hayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE, Daa’uud Maxamed Geelle iyo Maxamed Kaahin oo ka tirsan xubnaha sare ee KULMIYE oo maalintii shalay ka hadlayay shir-jaraa’id.

“Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda maanta joogta inay sii dayso dadka u xidhan fikirkooda iyo aaminsanaantooda KULMIYE iyo xataa haddii ay u xidhan yihiin xisbi kaleba waa in la sii daayo,” sidaa waxa yidhi Xog-hayaha guud ee KULMIYE. Isagoo intaa ku daray inay xisbi ahaan arrintan hore uga hadleen, ayna ka mid ahayd waxyaabihii ay salaadiintu dhexdhexaadinta ka galeen.

“Xisbiga siyaasiga ah ee mucaaradku wuxuu u taagan yahay inu xukuumadda saxo, wixii ay ku khaldan tahayna ka qabto, wixii ay ku hagaagsan tahayna ku booriyo, xukuumadduna inay iska dhegotirto maaha ee waa inay wixii loo soo jeediyo wax ka qabato,” ayuu yidhi. Isagoo intaa ku daray in dadka oo sharci-darro lagu xidhaa ay ka mid ahayd dhaqamadii foosha xumaa ee taliskii Siyaad Barre.

Waxa isna halkaa ka hadlay Maxamed Kaahin, isagoo yidhi, “Arrinta dadka xidhani waxaanu anagu u aragnaa inay tahay mid siyaasadeed, xadhiga dhallinyarada faraha badani ay iminka jeelka ugu jiraana waa mid sharci-darro ah kuwaasoo aan la marin sida xeerku dhigayo maxkamadna aan lasoo taagin, waxaanu la mid yahay xadhigii Gaani iyo Moorgan dadka Hargeysa ku qabqaban jireen sida tacadiga iyo dhibka ah, weliba waxaan aad uga xumahay maalmaha dhallinyarada la xidhxidhay inay ahaayeen maalmihii mudnaa ee ku suntanaa halgankii dib-u-xoraynta dalka,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin. 

Ugu dambayntiina waxay ku baaqeen in si deg-deg ah loo sii daayo xubnahaa xidh-xidhan xoriyadoodiina loo soo celiyo.

Top


Xukuumadda Oo Soo Dhoweysay Go’aankii KULMIYE Uu Ku Aqbalay Natiijadii Doorashadii Madaxtinimada.

Hargeysa (Haatuf) - Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhaweysay go’aankii uu xisbiga KULMIYE ku aqbalay natiijadii doorashadii Madaxtinimada dalka ee uu xisbiga KULMIYE soo saaray maalintii Isniintii ee toddobaadkan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed laga soo saaray Madaxtooyadda oo uu ku saxeexan yahay Af-hayeenka Madaxtooyadda Cabdi Idiris Ducaale, waxa kale oo lagu sheegay in ay xukuumaddu diyaar u tahay wada-hadal ay la yeelato xisbiga KULMIYE.

War-saxaafadeedka ay soo saartay xukuumaddu, waxa uu u qornaa isagoo dhammaystiran sidan:

“Xukuumadda Somaliland waxay soo dhawaynaysaa go’aankii xisbiga KULMIYE uu ku ogolaaday natiijadii Doorashada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna ku ammaanaysaa Hogaanka Xisbiga KULMIYE tallaabadaa ay ku jirto danta Qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Xukuumaddu sidoo kale waxay u mahad celinaysaa Salaadiintii hawshaasi gacanta ka gaystay, waxaanay cadaynaysaa sidii horeba ay u ballan qaaday in ay wada-hadal ka yeelato KULMIYE.”

Top


“Xukuumaddu Waxbay Ku Leedahay In Gobolka Sool Ka Baxo Gacanta Somaliland,” Aadan X. Xuseen - Xog-Hayaha UDUB Ee Sool.

Hargeysa (Haatuf) - Xoghayaha Xisbiga UDUB ee gobolka Sool, Aadan X. Xuseen Ismaaciil, ayaa ka hadlay xaaladda Maamul ee ka jirta gobolka Sool iyo gacan ku haynta Maamulka majeerteeniya ee sii xoogaysanay.

Qoraal uu shalay soo gaadhsiiyay xoghayuhu Wargeyska Haatuf oo uu kaga waramayo Maamul-xumada ka jirta gobolka Sool dhinaca Maamulka Somaliland, wuxuu ku bilaabay qoraalkiisa sidan:

“Waxa ugu horeyn ah in la isweydiiyo waa maxay sababta keentay in gobolka Sool marka laga reebo degmada Caynabo ka baxdo gacan ku haynta Maamulka Somaliland, xukuumaddu wax bay ku leedahay arrintaas baan odhan karaa, waayo iyadoo xukuumaddu had iyo jeer dadka ay gobolka u magacawdaa ay yihiin dad labo-labood yaalla, kuwaas oo Somaliland-na jila, dhinaca Maamulka Majeerteeniyana aan tusin in ay maamul ka socdaan, taas oo weliba ay dwladduna u sahashay ragaan inay had iyo jeer dhegaha u raariciso cabashadooda beenta ah ee lacagta lagu doonayo; markaa maanta oo aan gobolka Sool ku jirin gacanta Maamulka Somaliland, waxaan anigu qabaa xoghaye ahaan in Xukuumaddu ay la gudboon tahay talona aan ku jeedin lahaa in la helo rag dhallinyaro ah aqoontooda leh oo Maamulka loo dhiibo, beeluhuna isu dheeli tiran yihiin ee aan loo eegin raggii maamuladii hore ka tirsanaan jiray oo maanta dhammaantood wada hawl-gab ah ama hawl-gab ku dhow. Raggaa hawl-gabka ah oo aan u ba-bac dhigi karin ragga ay iska soo horjeedaan, markaa haddii dawladdu gobolka wax ka qabanayso waa in la helaa maamul ka hor tegi kara xoogaa lagu haysto gobolka.
Waxa xaqiiq ah in aan maanta Sool maamul ka jirin marka laga reebo degmada Caynabo, waxaana u sababay kuwii dawladdu u magacawday oo ahaa odayaal labo-maalmood yaal ah “Somaliland iyo Puntland”
Waxa lagama maarmaan ah in la helo maamul firfircoonidiisa wata oo gobolka loo magacaabo, haddaan taas la helayn ha loo magacaabo Janan maamula arrimaha Sool, sida adduunyada qaar ka dhacday. Waxaan kale oo aan soo jeedinayaa yaaney Maamulka noqonin kuwii Madaxweynaha hoos mariyay meel calanka Soomaaliyeed dul sudhan yahay, kadibna dejiyay guriga ku dhegan saldhigii booliiska ee Puntland. Xil loo dhiibo iska daayoo haddii la doonayo in wax hagaagaan waa in la soo taago maxkamad, haddaan kuwaa sharcigu qabana oo wax lagu sii aaminan arrintu waxay ku dambaynaysaa dhabano-hays.”

Gebagebadii wuxuu xoghayuhu xusay dhawr qof oo waxqabadkoodu ka muuqday gobolka markii uu Madaxweyne Rayaale safarka ku tagay xarunta gobolka Sool bishii 12aad ee sannadkii ina dhaafay, wuxuuna yidhi:

“Dhawr qof ayaa shaqadoodu si dhab ah uga dhex muuqatay gobolka, kuwaas oo kala ahaa; Yaasiin Faratoon oo markaa Xildhibaan ahaa; Wasiirka Cadaaladda oo markaa cusbaa; Xildhibaan Cali Sandule, Xildhibaan Dhakool, Xildhibaan Indho-Indho iyo kornayl Cabdi Xaaji oo aan odhan lahaa isaga xilka gobolka haloo dhiibo si uu Gambadhe Maamulka u dhaafiyo. Anigu ma ogi maamul is dhaqaajiyay, Caynabo dhibkay nooga geysteena xukuumaddu way ka dheregsan tahay oo cidi uga sheekayn mayso Maamulka Gobolka.”

Top


Mareykanka oo faragelinaya mashaakilka Burma.

Xogahayaha Arimaha Dibadda ee Marekanka Colin Powell ayaa sheegay in inuu waydiisan doono waddamada ay jaarka yihiin Burma in ay mowqif adag ka qaataan xadhiga hogaamiyaha mucaaradka Burma Aung San Su Kyii. Mr Powell waxaa uu sheegay in codsigiisaasi ka jeedin doona shir sanadeedka Waddamada Ururka Koonfur Bari Asia oo dhawaan ka dhici doono waddanka Cambodia.

Qoraal ku soo baxay wargeyska Wall Street Journal, ayaa Mr powell wuxuu ku sheegay in loo baahan yahay in la tuso militriga Burma in aan loo dul-qaadin doonin cabudhinta ay ku hayaan dimuqaradiyadda.

Isla markaana Aqalka odayaasha ee Mareykanka ayaa cod u qaaday in Mareykanka laga mamnuuco dhammaan waxyaabaha laga soo dhoofiyo Burma oo dhan, lana xayiro lacagaha Mareykanka u yaal dalka Burma.

Top


Wadahalada Liberia oo dib u bilaabanaya.

Wadahadalada nabadda ee ku saabsan dagaalada sokeeye ee dalka Liberia, ayaa lagu wadaa in ay mar kale ka bilowdaan waddanka Ghana, kuwaasi oo u dhaxeeya dowladda madaxwayne Charles Taylor iyo dhaqdhaqaaqyada mucaaradka oo isku deyayeen in ay Mr Taylor xukunka ka tuuraan afartii sano ee ugu dambaysay.

Afhayeen u hadlay mid ka mid ah labada kooxood ee mucaaradka, ayaa sheegay in ujeeddadooda ugu wayn ay tahay sidii xukunka looga qaadi lahaa Mr Taylor.

Hase yeeshee, weriye BBC-da uga soo waramaya caasimadda Monrovia, ayaa sheegay in taageerayaasha madaxwaynuhu ay dalbanayaan in hadii laga doonayo in uu xilka ka dego ay tahay in loo ogolaado in uu sidaasi yeelo iyadoo la sharfay.

Nolosha caasimadda, ayaa lagu soo waramayaa in ay tartiib tartiib caadi ugu soo noqonayso kadib markii xabadjoojin aan rasmi ahayn shalay la gaadhay.

Dukaamada ayaa dib loo furay, dadkuna waxay wax ku iibinayaan bannaanada iyo wadooyinka.

Top


Amiirka Qatar Oo Booqday Dalalka Yemen Iyo Djibouti.

Sanca (W.Wararka) - Amiirka dalka Qatar, Sh. Xamad bin Khaliifa Al-thani ayay maalintii shalay u dhamaatay booqasho uu ku maray dalalka Yemen iyo Djibouti isagoo wadahadal la yeeshay madaxweynayaasha labadaasi dal, Cali Cabdala Saalax iyo Ismaaciil Cumar Geele oo ay ka wadahadleen sii xoojinta cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dhinac iyo arrimo khuseeya mandaqadda.

n meelmWasiirka Arrimaha Dibedda ee Qatar ayaa beeniyay warar soo baxay oo sheegayay inuu amiirku dhexdhexaadin ka dhex-sameeyay labada dal ee Yemen iyo Jabuuti oo la sheegay iahan mad-madow soo dhexgalay cilaaqaadka ka dhaxeeya Yemen iyo Djibouti kadib markii Dawladda Djibouti ay todobaadkii hore baajisay booqasho uu Madaxweyne Geele ku tegi lahaa dalka Yemen, taasoo aan la cadaynin sababta ay ku timid, wuxuuse sheegay inay booqashadani la xidhiidho sii xoojinta xidhiidhka uu dalka Qatar la leeyahay dalalkaasi.

Top


Mudaharaado Ka Dhacay Dalka Iiran.

Tehran (W.Wararka) - Mudaharaado ballaadhan oo lagaga soo horjeedo wadaadada ka taliya dalka Iiraan ayaa maalintii shalay ka dhacay dalkaasi, iyadoo ay ka qaybqaateen dadweyne gaadhaya 3000 oo qof oo u badan ardayda Jaamacadaha wax ka barata, balse dhinaca kale waxa ka horyimi mudaharaado kale oo lagu taageerayo hogaamiyeyaasha Iiraan, taasoo keentay inay labada dhinac dhexmaraan rabshado fooda la isdaray.

Siday wararku sheegayaan ciidamada amaanka ee Iiraan ayaa xabsiga u taxaabay 80 qof oo lagu eedeeyay qabanqaabada mudaharaadadaas.

Hogaamiyaha Iiraan, Aayatulah Cali Khamani oo maalintii shalay ka hadlayay mudaharaadadaa ayaa ku eedeeyay Dawladda Maraykanka inay ka dambaysay mudaharaadadaa iyo inay dabada ka wado kooxo ku kacsan kacaanka islaamiga ee Iiraan, isagoo ka digay cawaaqib-xumo arrintaa ka dhalan karta. 

Top


Hogaamiyeyaashii Xisbigii Islaamiga Ee FIS Oo Xabsiga Laga Sii Daayay Algeria.

Algier’s (W.Wararka) - Cabaas Madani iyo Cali Bil-xaaj oo ahaa hogaamiyeyaashii xisbigii FIS ee ku guulaystay doorashooyinkii madaxtinimada ee dalka Aljeeriya sanadkii 1992-kii, balse ay dhiciseeyeen ciidamadu ayaa shaaca laga qaaday in xisbiga laga sii daynayo kadib markii ay xidhnaayeen muddo toban sano ka badan, waxaana sidaa shaaca ka qaaday guddoomiyaha hay’adda Xuquuqal-insaanka ee Aljeeriya C/nuur Cali Yaxya oo maalintii shalay u waramayay warfidiyeenka.

Sida uu sheegay guddoomiyuhu sii daynta hogaamiyeyaashani waa la dhamaystiray dhamaan arrimihii la xidhiidhay soo dayntooda, balse haatan waxa hadhay uun in ooda laga qaado iyadoo la sii hordayn doono Cabaas Madani, halka Cali Bil-xaajna laga sii daynayo horaanta bisha soo socota.

Top


IFTIINKA ISLAAMKA: Siiradii Rasuulka (SCW) Iyo Faafitaankii Islaamka
Q: 6aad, Siciid I. Guraase.

Xamsa binu Cabdimudhalib oo ah Nabiga SCW adeerkiis sida uu ku islaamay waxay ahayd, maalin ayuu ugaadh doontay intuu leebkiisii iyo qaansadiisii qaatey, goor uu ugaadhashadii jiro ayuu Abii-jahal Rasuulka SCW aad u caayey gacanna ula tegey.

Markuu Xamsa soo laabtay ayaa arrintii loo sheegay oo lagu yidhi "haddaad arki lahayd maanta Abii-jahal waxa uu ku sameeyey wiilkaad adeerka u ahayd waad yaabi lahayd", Xamsa markii arrintii loo sheegay loo sheegay ayuu xanaaqay markaasuu dhaqaaqay isagoo qaansadiisii iyo gammuunkiisii wata wuxuuna tegay kacbada oo ay fadhiyaan Abii-jahal iyo rag kale oo qureysh ah, markaasuu caayey Abii-jahal dhinaciisa fadhidey soo yaacday si ay Xamsa u waxyeeleeyaan.

Abii-jahal ayaa markaa hadlay oo yidhi "iska daaya waa gartiise, anigaa wiilkii uu adeerka u ahaa dhib u geystaye", iyadoo Abii-jahal sababtuu sidaa u yeelayey ay ahayd biqid uu ka baqayey in Xamsa islaamo ama ay arrintu gaadho heer laboa qabiil loo kala safto.
Xamsa oo xanaaqsan ayaa hadlay oo yidhi "wiilkaan adeerka u ahaa baad dhibaysaa, anigu diintiisaan qaatay", sidaas ayuu Xamsa ku islaamay.

ISLAAMIDDII CUMAR BINU KHADHAAB.

Cumar wuxuu ka mid ahaa raggii markii hore islaamka iyo muslimiinta aadka u dhibi jirey, Sannadkii lixaad ee soo didhiddii Rasuulka SCW ayuu maalin soo kacay isagoo raba inuu Rasuulka SCW dilo, goor uu dhexda marayo ayaa nin ka hor yimid oo ku yidhi "Cumar xaggee u socotaa?", wuxuu yidhi "waxaan rabaa inaan Maxammed soo dilo, maxaa yeelay dadkii buu kala geeyey", markaasuu ku yidhi "ma waxaad u malaynaysaa haddii aad disho inaad reer binu Cabdimanaaf ka nabadgelaysid, haddiise aad wax tarayso walaashaa Faadumo iyo ninkeedii Siciid way islaameene maad iyaga wax ka qabatid!".

Cumar ayaa markaa tagay gurigii walaashii isagoo xanaaqsan, markuu gurigii irriddiisii soo marayo ayuu maqlay qur'aan la akhrinayo waxaana guriga joogey walaashiis, ninkeedii iyo Khabaab oo qur'aan u akhrinayey. Albaabka ayuu tegey oo ku garaacay, dadkii guriga ku jirey markay ogaadeen inuu Cumar yahay ayaa Khabaabna dhuuntay, gabadhiina waraaqihii qur'aanku ku yiilley xaseysey (qarisay).

Cumar markii guriga laga furay ayuu gabadhii ku yidhi "keen wixii aad akhrineyseen", markey u diideenna Siciid ayuu la dagaallamay, markaasay gabadhii difaacday ninkeedii ilaa uu iyadii dakharro gaadhsiiyey. Markii la dagaallamay oo nabarro la is gaadhsiiyey, la iskuna xanaaqay ayey yidhaahdeen "waxaad doonto samee annagu Ilaah ayaannu rumeyney waannuna islaamnay". Cumar markuu arkay meeshay xaaladdu marayso iyo dhibkuu reerka u geystey siiba walaashiis, ayaa naxariis qabatay, markaasuu tartiib ula hadlay oo yidhi "i tus waxaad akhrineyseen", waxay yidhaahdeen "waxaad tahay nijaas ee soo maydho haddaad rabtid inaan ku tusno", wuu soo maydhay markuu soo taabtayna waraaqdii ay akhrinayeen oo ay ku taallay suuratu Dhah ayey u dhiibeen. Cumar markuu suuraddii akhireyey ayuu yidhi "hadalkaan waa hadal cajiib ah".

Khabaab oo dhuumanayey ayaa markuu maqlay hadalka Cumar iyo siduu u soo dabcay ayuu soo baxay oo ku yidhi "Cumarow waxaan rajaynayaa iney kugu dhacday ducadii Rasuulka SCW kolkuu lahaa "Ilaahow laba Cumar (Cumar binu Khadhaab iyo Abii-jahal) midkaad kheyr ku og tahay islaamka ku xooji". Cumar intuu durba aad isu beddelay oo Ilahay qalbigiisa hanuun ku soo riday ayuu yidhi "xaggee joogaa Nabigii?", markaas ayaa loo tilmaamay meeshuu joogo. Cumar isagoon weli hubkiisii iska dhigin ayuu meeshii tegey oo ku garaacay gurigii Rasuulka SCW iyo asaxaabtiisu ay joogeen. Asxaabtii markay arkeen Cumar, ayaa la yidhi "waa Cumar", markaasaa Xamsa oo muddo yar ka hor sii islaamay meeshana joogey yidhi "soo daaya, hadduu wanaag u socdana waan arkaynaa, hadduu xumaan u socdana seeftiisaan ku dileynaa'. Cumar gurigii ayuu galay, ka dibna halkaa ayuu ku soo islaamay.

Cumar iyo Xamsa markay soo islaameen Ilaahay wuxuu muslimiintii siyaadiyey Cissi iyo xoog, xaaladdii Makkana way is beddeshay. Cumar isla markiiba wuxuu qaadey tallaabooyin wuxuuna yri "waxaan is weydiiyey ninka dadka ugu neceb islaamak markaasaan xasuustay inuu Abii-jahal yahay, markaasaan gurigiisii ugu tegey oo ku garaacay, albaabka ayuu iga furay oo i soo dhoweeyey yidhina "maxaad iigu timid Cumar", waxaan ku idhi "waxaan kuugu imid inaan ku ogeysiiyo inaan islaamay oo rumeeyey Alle iyo Rasuulka SCW , waxaan haysan jirneyna aan beeniyey", Abii-jahal intuu naxay ayuu yidhi "waxaad la timid baa xumtagay" gurigii buuna ku cararay. Sidoo kale wuxuu Cumar yidhi "waxaan is weydiiyey ninka ugu warqaadka badan reer Makka oo dadka oo dhan hadalka gaadhsiin kara, waxaan xasuustay inuu yahay Sumeyn ibnu Camar al-juhani", markaasaan u tegay oo ku idhi "waan islaamay " markaasuu u qeyliyey isagoo leh "Cumar ibnu Khadhaab waa iishay" Cumarna wa ka daba hadlay isagoo leh "ma iilane waan islaamay".

Waxaa kale oo Cumar sameeyey markuu islaamay ayuu Rasuulka SCW ku yidhi "Rasuulkii allow sow xaq kuma taagnin, waa inaan baxnaa oo dhammaanteen aan kacbada ku soo tukannaa", Rasuulkuna SCW waa ka yeelay, markaasaa waxaa soo baxay asxaabtii oo laba saf ah oo safna Cumar ku jiro safna Xamsa. Qureysh talo ayaa ku caddaatay waxayna ka cadhoodeen waxyaalaha uu Cumar sameeyey, waxay markaa ku tashadeen ineyba dilaan hase yeeshee waxaa arrintaa is hor taagay Cumarna gaadhsiiyey Caas ibnu Waa'il.

Allaah wuxuu u soo hooyey dadkii muslimiiinta ahaa cissi waxayna bilaabeen in waxyaalo badan oo ay la dhuuman jireen ay bannaanka soo dhigaan siduu Bukhaari ka weriyey Cabdullaahi ibnu Mascuud inuu yidhi "kama aannaan suulin cissi intuu Cumar islaamay".

Ergeygii Qureysheed Ee Rasuulka Scw U Tegey.

Duqowdii qureysheed markay arkeen xaaladdu meesha ay ka sii degeneyso iyo ineysan waxba ku joojin karin dagaal iyo xumaan ayey beddeleen go'aankoodii ahaa in Rasuulka SCW la dilo, waxayna bilaabeen iney tartiib iyo wada hadallo ku wadaan hawsha sidaa darteed ninkii la odhan jirey Cutba binu abii Rabbiica, oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii qureysh ayaa ku yidhi odeyaashii "ka warrama haddaan Maxammed u tago ooarrimo u bandhigo, waxa la arkaa inuu naga aqbalee", odeyaashii waa ku farxeen waxayna dhaheen waa yahay.

Cutba wuxuu u tegey Rasuulka SCW wuxuuna ku yidhi "i dhegeyso wiilkaan adeerka u ahaayow, waad la socotaa sharafta iyo wanaagga aad tolkaa ku lahayd iyo meeshaad ka joogtay, sidaad sidaa u ahayd waxaad la timid arrin weyn oo is haysigii tolkaa kala geeyey, caqligoodiina waa durtay, ilaahyaashoodiina waad ceebaysey, aabbayaashoodii tegeyna waad baadiyeysey, haddaba dhowr arrimod baan kuu soo bandhigayaaye dhegeyso" Rasuulka SCW wuxuu yidhi "dheh Abaa Waliid, waan ku dhegeysanayaaye" wuxuu yidhi Cutba "wiilkaan adeerka u ahaayow haddaad arrinkaan u samaynaysid maal badsasho, maal ayaan kuu ururineynaa ilaa aad ka noqoto kan noogu xoolo badan, haddaad dooneyso sharafna sayid baan kaa dhiganaynaa, haddaad boqornimo dooneyso boqor ayaan kaa dhiganaynaa, haddii waxa kuu imaanaya uu yahay jinni oo aad jirran tahay dhakhtar ayaan kuu geynaynaa, maalkaygana waa kugu bixineynaa ilaa aad ka caafimaaddo".

Rasuulka SCW wuxuu ku yidhi "ma dhammaysatay abaa Waliid?", wuxuu yidhi "haa", markaasuu Rasuulka SCW yidhi "anna bal i dhegayso" markaasaa Rasuulka SCW bilaabay oo ku dul akhriyey suuatu Fusilat.

Cutba markuu qur'aankii dhegaystay ayuu aad ugu khushuucay ka dibna wuxuu yidhi "iga jooji". Rasuulku SCW markuu aayaatkii dhammeeyey odeyaashii ayuu ku laabtay isagoo beddelan. Odeyaashii markay arkeen Cutba oo cagajiid ah oo soo laabtay ayey isu yidhaahdeen "Ilaah ayaan ku dhaaranaye, wejigii uu idin kala tegey weji aan ahayn ayuu la soo socdaa". Ka dib markuu yimid ayaa la yidhi "maxaad waddaa?" wuxuu ku jawaabay waxaan soo maqlay hadal aanan weligey maqal isagoo kale, Ilaah baan ku dhaartaye inuusan ahayn sixir, mana ahan curraafinnimo, ee nimanyohow maanta hadalka igu raaca oo ninkaas iyo arrintuu wato faraha ka qaada, waxa uu akharinayana wuxuu la imaan doonaa sha'ni weyn, ninkaasna faraha ka qaada oo isu daaya isaga iyo carabta kale oo hadday dilaan oo ay idinka kaafiyaan waa sidaad rabteen, haduu isagu guuleystana boqortooyadiisu waa tiinna, cissigiisuna waa cissigiinna oo idinkaa iska leh, waxaadna noqon doontaan kuwa dadka ugu nasiib badan".

Odeyaashii qureysh oo ahaa niman aan Ilaahay xaqa la doonin si walba oo wax loo tusaaleeyana aan ku qancayn, wax walbana ka hor keenaya madax adayg iyo caniidnimo markay dhagaysteen fikraddaas wanaagsan ee ninkaa odeyga ihi u soo jeediyey waxay yidhaahdeen "wuu ku soo sixray oo carrabku kugu soo sixray". Cutba wuxuu yidhi "waa taas aniga taladaydii ee waxaad doontaad sameeya".

Top


Nabsigii Foosto-Riix, Q: 3aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

Inta ay kala maqanyiin Foosto-Riix iyo Fatxiya mid walba waxa gaarkiisa u haysatay werwer iyo fikir ku saabsan waxa ay kala yeelayaan. Foosto-riix maadaama uu isagu jeclaa fatxiya waxa uu ka fikiri jiray tolaw maad ku guulaysan inaad mar uun guursato fatxiya oo iyadu dhan walba markii uu ka eegay noqotay qof uu ku qancay waxaanu mar kasta ilaahay ka baryi jiray inuu arrintaa ku guuleeyo.

Fatxiya iyada lafteeda kamuu maqnayn jacayl ay u qabto Foosto-riix laakiin waxa qudha oo ay ka warwarsanayd gacan madhnaantiisa iyadoo ka jeclayd inuu guursado nin hanti buuran lihi,hadana dhinaca kale waxay kacabsi qabtay inay nabsi kala hadho Foosto-riix sidaa darteed xaaladeedu waxay ahayd laba ka dhexeeye iyadoo is weydiin jirtay ma iska aqbashaa mise waad diidaa mayae aan iska aqbalo ilaahay baa arsaaqda bixiyee.

Guur baa ka salaglahe, galab buu ku soo baxay fatxiya oo fadhida meheradeedii dawaarlaha ahayd maalintaa waxay ku mashquulsanayd tolista waaraad farabadan oo dhar ah oo loo keenay kuwaasoo ay qandaraas ku qaadatay waxaana wajigeeda ka muuqday farxad maadaama ay ogayd inuu macaashbadani ugu jiro tolista dharkaasi sidiiran oo ka duwan sidii maalmihii hore waxaanay u keentay sharaab iyo macmacaan aanu hore u arag ,markiiba waxa laabtiisa ku soo dhacday maanta arrinku wuu saxan yahay malaha waabay ku aqbashay fatxiya ayuu is weydiiyay foosto-riix .kaftan buu markiiba ku tuuray Fatxiya isaga oo yidhi “ maanta waad faraxsan tahaye maxaa soo kordhay?” Fatxiya ayaa ugu jawaabtay “maanta waxaan xasuustay waalidiintii xaq iyo xurmo nagu lahaydee nabi aadan u weynaa nabi maxamadna u aftalsanaa ee ilaahayaw ka sawaabi” aamiin buu kadaba yidhi laakiin isaga tixraacaya ayuu yidhi “intan haddiii loo qaybiyo intaasoo dhan waxba kuusoo hadhi maayaane maad adigu isku koobtid ajarkeeda” waxanay ugu jawaabtay “ kolba wixii la helo waa in waalidiintii la gaadhsiiyaa"”waa arrin wanaagsane malaha inaad neef gool ah qasho ayaa ka fiicnayd aniguna aan aad u duceeyee ayuu raaciyey.

Kaftankii wuu sii durakay maadaama hore la isku ogaa iyadoo fatxiya ku tidhi “maanta casuumadani adiga ayuun bay gaar kuu tahay miyaanad arkayn waxa aan dhar tolayo ee sidaa ula soco” “waan filayay in aad icasuunto balse ilaa aad arintii iga aqbasho iima aha taasaana casuumad kasta iiga fiican” ayuu ka daba tuuray Fatxiya oo garatay halka uu u dan leeyahay ayaa tidhi “ nin walba halka buktaa isagay bal bashaaye miyaanad arrintaa iskaga hadhin sawnigii inta badan kaala hadlay,ee mawqif kayga kuu sheegay” aFoosta riix ayaa yidhi “ taasi wali maaha mid aynu isla meel dhignay ee maanta ayaanay inooga dambayn arrintaasi,aniga oo filaya inaad iga aqbasho codsigayga” waayahaye soo daa ayay tidhi Fatxiya.

Wax haasaawaha la wadaba aakhirataankii Fatxiya waxay codsatay inay si kama dambays ah uga soo fikirto guurka uu foosto-riix uu la daba taagnaa inta mudada ah sidaasaana maalintaa lagu kala tagay.

Fatxiya waxa ay bilawday inay kasoo tashato arrinta guurka iyadoo u soo ban dhigtay ugu horayn gabdho ay saaxiibo ahaayeen markii danbena u gudbisay waalid keed waxaanay talo isugu soo ururtay inay iska aqbasho guurka maadaama aanay si kale u diidayn oo ay akhlaaq ahaan ku qanacday Guuleed ama Foosto-riix. Balse aabaheed oo la odhan jiray Geedi ayaa ka codsaday inuu marka horre arko inanka si uu markaa go’aaan uga gaadho arrinta.

Maalintii dambe ayuu foosto riix goor hore u yimid Fatxiya isaga oo hamuum u qaba jawaabta fatxiya warwarna uu ka muuqdo, markii la is bariidiyey ka dib ayay fatxiya tidhi “ fardo la isku hayo maxaa la iskaga faanin in badan baa lagu kari la’ aaye maanta bushaarayso.”

La soco.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Brazil oo 3-0 ku garaacday Nigeria, Cabdifataax M. Caydiid

Abuja (Reuters) - Gooldhaliyayaasha Gil iyo Luis Fabiano u dhaliyay kooxda Horyaalka Addunka ah ee Brazil, taas oo ay guul aad u fududayd kaga adkaatay 3-0 dalka Nayjeeriya habeenkii Arbacadii, waxaanay guushani ahayd tii ugu horeysay ee uu gaadho dalka Brazil tan intii uu tababaraha Carlos Alberto Parreira xulkan la wareegay bishii January ee sannadkan.

Laakiin, ciyaartan oo ay Nayjeeriyiintu ugu yeedheen “Ciyaartii Qarniga” oo ay kaga horyimaadeen dalka shanta jeer ku guulaystay koobka Adduunka, waxa kharibay buuq dhibaato dhaliyay ka hor intaan ciyaarta la bilaabin.

Ciidamada Bilayska ayaa u isticmaalay gaasta dadka kaga ilmaysiisa, waxaanay isku dayeen in aanay taageerayshan cadhaysan ee xarunta tigidhka ku buuqayay garoonka soo gelin.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaartii sidii ay u soo qorshaysteen ayay ugu dhacday dalkan horyaalka adduunka ah oo habeenimadii isniintii dalka Nayjeeriya soo gaadhay kadib safar dheer oo qaatay 20 saacadood oo diyaarad ah oo ay ka soo duulleen dalka Brazil.

Gooldhaliyaha kooxda Corinthians iyo dalka Brazil, Gil ayaa helay baas uu u soo dhigay ciyaartoyga Ricardinho, taas oo uu ku furay gooldhalinta daqiiqadii 34aad, kadib weeraryahanka kooxda Sao Paulo iyo dalka Brazil, Luis Fabiano ayaa goolkii labaad ku daray afar daqiiqadood kadib kubad madaxa ah oo uu u soo karoosay Belleti.

Ciyaartoyga kooxda Parma, Adriano Leite ayaa goolkii saddexaad dhaliyay daqiiqadii 81aad, taas oo xadhkaha u jartay gorgorada afrika ee Nayjeeriya oo ay ka muuqatay in aanay si fiican ugu diyaargaroobin ciyaartan iyo diciifnimo badan, waxaanay taasi rikoodhka Brazil ka dhigtay 100% ciyaaraha ay kooxaha Afrikaanka ah kaga hortimid.

Guushani waxay u ahayd kooxda Brazil mid aad u wanaagsan oo ay si sahal u badiyeen iyagoo 40 daqiiqadood oo keliya tababar qaatay maalintii salaasadii, kadib safar aad u dheeraa oo ay soo galeen. Ciyaartoyda Rivaldo, Ronaldo, Roberto Carlos iyo Gilberto Silva, dhammaantood waa la nasiyay kadib xilli-ciyaareed aad u dheer oo ay ku soo qaateen Yurub.

Tababaraha Brazil, Parreira, ayaa sheegay in aaanay ciyaar ahayn mid sahlan, waxaanu isagoo taa ka hadlaya yidhi: “Dadku waxay eegayaan natiijada 3-0 oo ay u arkayaan mid fudud, laakiin may ahayn. Ciyaartoyda Nayjeeriya ayaa dhibaato badan nagu keenay qaybtii hore ee ciyaarta, waxay na saareen xoog badan, balse difaacayaga ayaa aad u adkaa, oo aad u xoog badnaa, waxaanuse ka faa’iidaysanay fursadii aanu helnay.”

Tababaraha Nayjeeriya ayaa isaguna yidhi: “Brazil waxay na tustay in ay tahay horyaalka adduunka. Xulka Brazilna waxay ka faa’iidaysteen fursadahoodii, annaguna waanu ku guuldaraysanay in aanu ka faa’iidaysano.”
 

Top


Isreeb-Reebka Koobka Yurub Ee 2004-Ta Iyo Ciyaarihii U Dambeeyay, Cabdifataax M. Caydiid

London (W. Wararka) - Wadamada Turkey, England, Talyaaniga iyo Giriiga ayaa guulo ka soo hooyay ciyaarahoodii Arbacadii ay yeesheen, kuwaas oo ka mid ahaa isreeb-reebka tartanka Koobka Qaarada Yurub ee sannadka 2004 (Euro 2004).

Group 7.

England v Slovakia.

Weeraryahanka kooxda Liverpool Michael Owen, ayaa wadan England u hogaamiyay in ay ku guulaysato saddex dhibcood, kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay kooxda Slovakia, waxaanu u dhaliyay Owen laba gool oo uu dhaliyay qaybtii dambe ee ciyaarta, ciyaartaas oo lagu ciyaarayay magaalada Middlesbrough waxay ka mid ahayd ciyaaraha isreeb-reebka tartanka koobka qaarada Yurub ee sannadka 2004 oo lagu qaban doono dalka Boortaqiiska.

Dalka Slovakia ayaa ku horeeyay gool dhalinta, kadib markii ciyaartoygooda Vladimir Yokono u saxeexay wadankiisa Slovakia daqiiqadii 31aad, laakiin Michael Owen oo ciyaarayay ciyaartiisii 50aad ee uu u safto wadankiisa, noqdayna ciyaartoygii ugu da’da yaraa wadankiisa ee tirade ciyaaraha intaa le’eg u safta wadankiisa (23 jir) ayaa wadankiisa ka badbaadiyay mushkilad, kadib markii uu kubad rigoore ah oo shaki ku jiray in ay sax tahay oo isaga lagu galay uu u shabagga u dhigay goolka daqiiqadii 61aad, kadibna uu dhaliyay goolkii ay ku badiyeen daqiiqadii 72aad, waxaanu goolkaasii ka dhigay tirada goolasha ee uu dhaliyay 50-kaa ciyaarood ee uu u saftay England 22-gool.

Wadanka England ayaa ciyaartan ciyaarayay iyadoo uu ka maqan yahay kabtankii kooxda David Beckham oo laga joojiyay, iyo weliba difaacyahanka Rio Ferdinand iyo Sol Campell. Ciyaartaasi waxay ku dhammaatay England oo 2-1 kaga adkaatay Slovakia.

Turkey 3-2 Macedonia.

Ciyaartii labaad ee isla guruubkan (Group 7), wadan Turkiga ayaa iyaduna ka dul tallaabsatay dalka Macedonia, waxaanay kaga adkaatay 3-2, waxaanu dalka Turkigu sii watay hogaankii guruubka oo hogaanka u hayo isago ciyaar dheeraad ah ciyaaray, waxaana goolka badinta u dhaliyay Hakan Sukur daqiiqadii 60aad.

Turkigu waxa uu guruubkan (group 7) ku hogaaminayaa 15 dhibcood.
Group 9.

Italy 2-0 Finland.

Dalka Talyaaniga ayaa dib ugu soo hirdanka, kadib markii uu ka guulaystay dalka Finland oo ay kaga guulaysatay 2-0, waxaana goolasha u dhaliyay Francesco Totti oo dhaliyay daqiiqadii 23aad iyo Alessandro Del Piero oo dhaliyay daqiiqadii 73aad, waxaanay yeelatay in ay hesho 10 dhibcood oo ay ka urursatay shan ciyaarood, waxaana ka horeeya wadanka Wales oo leh 12 dhibcood, balse aan habeenkii arbacada ciyaarin oo 4 ciyaarood oo keliya ciyaaray.

Azerbaijan 2-1 Serbia and Montenegro.

Dalka Azerbaijan ayaa garaacday dalka Serbia and Montenegro (Yuguslaafiyadii hore) kadib markii ay kaga adkaatay 2-1. Tababaraha dalka Serbia and Montenegro, Dejan Savicevic ayaa shaqada ka tegay guul-daradaa kadib, taas ay dalkaasi rajadii ay ku tegi lahaayeen koobka Yurub 2004 ee dalka Portugal ay halkaa ku hadhay.

Group 5.

Germany 2-0 Faeroe Islands.

Dalka Jarmalka oo koobkii adduunka ee ugu dambeeyay u soo ciyaarta kama-dambaysta ah, ayaa dhaliyay labadii daqiiqadood ee ugu dambeeyay ciyaarta laba gool, kan hore oo uu u saxeexay Miroslav Klose daqiiqadii 89aad, iyo kan labaad oo uu u saxeexay daqiiqad kadib ciyaartoyga Fredi Bobic, waxaanay 2-0 kaga adkaadeen dalka Faeroe Island oo isagu diciif ku ah ciyaaraha kubadda cagta. Waxaaanay Jarmalku guruub 6 ku hogaaminayaan 11 dhibcood oo ay ka urursadeen 5 ciyaarood, waxaana ku soo xiga dalka Iceland oo leh 9 dhibcood oo uu ka urursaday 5 ciyaarood.

Iceland 3-0 Lithuania.

Dalka Iceland ayaa isaguna 3-0 kaga adkaaday dalka Lithuania, waxaana goolasha u kala saxeexay: Thordur Gudjonsson, Eidur Gudjohnsen iyo Hernan Hreidarsson.

Group 6.

Greece 1-0 Ukraine.

Dalka Giriiga ayaa kala wareegay dalka Spain hogaanka Group 6, kadib markii si lama filaan ah uga guulaystay dalka Ukraine oo kaga adkaatay 1-0, goolkaas oo uu dhaliyay Angelos Charisteas daqiiqadii 87aad, waxaanay yeelatay 12 dhibcood halka ay dalka Spain ka leedahay 11 dhibcood, kadib markii ay barbaro aan wax goolal ah laysku dhalin la gashay dalka North Ireland.

Group 2.

Norway 1-1 Romania.

Dalka Norway ayaa ciyaartii ay la yeesheen dalka Romania ku dhameeyay barbardhac 1-1 kadib markii weeraryahanka u ciyaara kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjaer u dhaliyay dalkiisa Norway goolka barbardhaca ay ku noqdeen daqiiqadii 78aad, goolkaas oo ahaa rigoore loo qabtay dalkiisa.

Denmark 2-0 Luxembourg.

Ciyaartii labaad isla guruubkan (Group 2), ayay dalka Denmark hogaanka sii qabteen, kadib markii ay 2-0 ku dhirbaaxeen dalka Luxembourg, waxaana goolasha u dhaliyay Clause Jensen iyo Thomas Gravesen. Sidaas darteed, waxay Denmark hogaan ku haysaa 13 dhibcood, Norway-na waxay leedahay 11 dhibcood.

Group 3.

Czech 5-0 Moldova.

Dalka Czech ayaa xoog ku muuqinayay in ay 5-0 kaga adkaadaan dalka Moldova, waxaanay heshay 13 dhibcood oo ay isku mid yihiin dalka Netherland.

Austria 5-0 Belarus.

Dalka Austria ayaa isna ku dhirbaaxay 5-0 dalka Belarus, waxaanu yimid kaalinta 3aad oo uu leeyahay 9 dhibcood.

Group 4.

Sweden 3-0 Poland.

Dalka Sweden ayaa 3-0 ugu xoog sheegtay dalka Poland, waxaanu dhibcihiisii ka dhigtay 11 dhibcood.

Hungary 5-0 San Marino.

Dalka Hungary ayaa isna waxa uu yeeshay 11 dhibcood, kadib markii 5-0 ku garaacay dalka San Marino. Latvia oo aan toddobaadkan ciyaarin ayaa iyana waxay leedahay 10 dhibcood.

Group 8.

Croatia 1-0 Estonia.

Groupka 8 ayay dalka Croatia ku garaacday dalka Estonia 1-0, waxaanay leedahay Croatia 10 dhibcood, halka ay Bulgaria guruubkan ku hogaaminayso 11 dhibcood, balse habeenkii arbacadii may ciyaarin.

Group 10.

Switzerland 3-2 Albania.

Dalka Switzerland ayaa ka guulaysatay 3-2 dalka Albania, taas oo ka dhigtay in ay hogaanka sii hayso iyadoo leh 12 dhibcood.

Dalka Ireland ayaa tagay kaalinta labaad, waxaanu leeyahay 10 dhibcood kadib markii ay gurigeeda ku badisay 2-0 oo ay goolasha u kala dhaliyeen Gary Doherty iyo Robbie Keane. 

Top