Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 354 June 15, 2003

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Weftigii Uu Hogaaminayay Maal-Qabeenka Reer Qatar, “Xayiraada Xoolaha Waxaanu U Aragnaa Arrin Siyaasadeed Oo La Rabay In Nalagu Riixo Midnimo…” Madaxweyne Rayaale.

Wefti Golaha-Deegaanka Hargeysa Ah Oo Tegay Dalka Finland.

ARRIMAHA BULSHADA: Kaalinta Qoyska Ee Bulshada, Carraale M. Jaamac.

Hambalyo Meher.

Dareenka Reer Boorama Ee Aqbalaadii Xisbiga KULMIYE Ee Natiijadii Doorashadii Madaxtinimada, Faallo - Maxamed Cumar (Weriyaha Haatuf Ee Boorama).

Guddoomiyaha Baanka Boorama Oo Beeniyay Inay Musaafiriinta Ka Qaadaan Lacag Sharci-Darro Ah.

“Guddoomiyaha Kooxda Carta Kamuu Waantoobin Inuu Majara-Habaabiyo Siyaasadda Somaliya,” M-Rashiid Sh. Xasan.

“Ma Jiro Wax Faragelin Ah Oo Aanu Ku Leenahay Arrimaha Ka Socda Somaliland,” Waraysi - Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Dawladda C/Qaasim Salaad.

Maraykanka Oo Hawlgallo Uu Kula Dagaalamayo Kooxo Hubaysan Ka Bilaabay Ciraaq.

Gantaalo Lagu Weeraray Ciidamada Maraykanka Ee Afqaanistaan.

Cadaadis Siyaasadeed Oo Lagu Hayo Dalka Iran.

Bandhig Dhaqanka Somalida Ah Oo Lagu Qabtay Ingiriiska.

Kofi Anan Oo Ka Hadlay Xaaladda Bariga Dhexe.

Amnesty International Oo Talooyin U Soo Jeedisay Shirka Kooxaha Somalida.

Gantaalo Lagu Weeraray Ciidamada Maraykanka Ee Afqanistan.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Goormay Noqon Dawlad Tayo Leh.

Gabay.

Nabsigii Foosto-Riix, Q: 6aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.


Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Weftigii Uu Hogaaminayay Maal-Qabeenka Reer Qatar, “Xayiraada Xoolaha Waxaanu U Aragnaa Arrin Siyaasadeed Oo La Rabay In Nalagu Riixo Midnimo…” Madaxweyne Rayaale.

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin ayaa maalintii shalay xafiiskiisa ku qaabilay Sh. Na’if bin Sulaymaan bin Xasan Al-taani oo ah maal-qabeen ka tirsan qoyska xukuma dalka Qatar oo isaga iyo wefti uu hogaaminayo oo ka kooban todoba xubnood ay dalka booqasho ku yimaadeen maalintii Khamiistii.

Sida uu sheegay war-saxaafadeed uu kulankaa kasoo saaray af-hayeenka madaxtooyada Somaliland Cabdi Idiris Ducaale, Sh. Na’if waxa uu ugu horayntii uga waramay xidhiidhka qotada dheer ee u dhaxayn jiray labada dal iyo ujeedada socdaalkooda oo uu sheegay inay tahay maalgelin uu ku sameeyo Somaliland oo noqon doonta mid talaabo talaabo u xidhiidhsan. Wuxuuna intaa ku daray inay tahay markii ugu horaysay ee uu yimaado Somaliland uuna aad ugu faraxsan yahay wixii uu ku arkay, isagoo ka mahadceliyay sida kalgacaltooyada leh ee loogu soo dhoweeyay, isagoo Ilaahay uga beryay inay Somaliland guul iyo barwaaqo gaadho, kadib waxa uu Madaxweynaha guddoonsiiyay Sh. Na’if hadiyad Seef ah oo ah nooca lagu maamuuso madaxweynayaasha.

Madaxweyne Rayaale oo isna halkaa hadal ka jeediyay waxa uu Sheekha uga mahad-celiyay imaatinkiisa Somaliland iyo hadiyadda uu gudoonsiiyayba, isagoo soo dhoweeyay maalgelinta uu ku samaynayo Somaliland, isagoo si qoto dheer uga waramay cilaaqaadka dhinacyada badan leh ee ka dhaxeeyay Qatar iyo Somaliland.

Kadib waxa uu madaxweynuhu ka waramay sida aanay Somaliland wax waxtar ah iyo taageeraba uga helin dalalka Carbeed ee ay walaalaha yihiin iyo sida ay Somaliland uga xidhan tahay sayladii ugu weynayd ee ay xoolaha u dhoofin jirtay. “Arrimahaas oo aan u arkayo inay tahay arrin siyaasadeed oo la rabay in nalagu riixo isku noqosho aanu kula midowno Somaliya, taasoo uu hadalkeedu ka dhamaaday Somaliland laga soo bilaabo 1991-kii oo aanu dib ula soo noqonay xornimadayadii 1960-kii, taasoo anagoo madax-banaan aanu Somaliya ula tagnay,” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Madaxweynuhu waxa kaloo uu soo qaaday talaabooyinkii ay Somaliland qaaday ee la xidhiidhay gooni-isutaageeda sida af-tidii Dastuurka iyo doorashooyinkii ka dambeeyay “waxa aanu qabsanay waa sidii aanu Qaran lugaha ugu taagno iyadoo aanay cidi gacan naga siin oo waliba carqalado badan iyo cadaadis aanu la soo marnay” aayuu yidhi madaxweynuhu.

Isaga oo madaxweynuhu ka hadlaya dhinaca malgelinta waxa uu yidhi “wadankayagu waa hodan waxaase uu u baahanyahay maal-gelintii midhaha uga dhalin lahayd shacbigan iyo cidii maal gashanaysaba sidaa awgeed waad naga raagteene gacmo furan ayaan kugu soo dhaweynayna, waxaanay xukuumadaydu gacan kugu siin doontaa goobaha aad rabto inaad maalgelinta ku samayso, anagoo wixii tasiilaad ahna kuula diyaar ah” ayuu yidhi madaxweynuhu.

Sida uu sheegay war-saxaafadeedku kulankaa waxa Madaxweynaha ku wehelinaayay Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiirka arrimaha dibada Edna Aadan Ismaaciil, wasiiru dawlaha arimaha dibada iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Qaasim iyo Diktoorka.
Dhinaca kale war-saxaafadeedku waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu isla shalay qaabilay wafti ka socda dalka Denmark balse faah faahin lagama bixin weftigaasi iyo u jeedada socdaalkiisaba.

Top


Wefti Golaha-Deegaanka Hargeysa Ah Oo Tegay Dalka Finland.

Helsinki (Haatuf): Waxaa wadanka Finland gaadhay shalay wafdi ka socada golaha deeganka ee Hargaysa, oo kala ah Gudoomiyaha Dhaqaalaha iyo mashaariicda Khadar Axmed Likeh iyo Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Keyse Axmed Cali. Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Scandinavian-ka Cumar Cabdi Nuux, booqashada weftigani ay ku tageen Finland, waxay ka dambeysay casuumad ay ka heleen golaha deegaanka ee magaalada Vaanta, oo ka tirsan Findland, iyaga oo halkaa booqasho ku joogi doona muddo laba todobaad ah, waxaana la filayaa inay muddada ay booqashadu u socoto inay la kulmaan golaha Deegaanka Vaanta oo ay isla soo qaadi doonaan xidhiidhka labada magaalo ee Hargeysa iyo Vaanta iyo arrimo kale oo khuseeya iskaashiga iyo danaha labada dhinac.

Wefdigani markii ay shalay madaarka Helsinki-Vantaa airport waxaa ku soo dhaweeyay wafdiga Ing: Abdiqadir Billeh, Dr: Mohamud Mohamed iyo Gudoomiyaha jaaliyada Somaliland Abdiqadir Maacaleesh.

Top


ARRIMAHA BULSHADA: Kaalinta Qoyska Ee Bulshada, Carraale M. Jaamac.

Qoysku waa unuga bulshada ugu mihiimsan, wuxuuna ka aasaasmaa lamaane lab iyo dhedig ku heshiiyay inay is guursadaan, si ay u yagleelaan guri cusub oo salka ku haya diinta iyo dhaqanka bulshada islaamka, kaas oo ku dhisma kalgacal iyo muxubo heshiis lagu yahay oo ku salaysan daacadnimo. Waana mid le ujeedooyin mustaqbal oo ay ka midaysanyihiin lamaanaha wada yagleelay qoyska ee doonaya inay wagaan nolosha.

Qoysku wuxu ka kooban yahay Aabo, Hooyo iyo ubad yar yar, wuxuna u baahan yahay hogaamiye qaadi kara masuuliyada culus ee ka saaran hooyada iyo caruurta. Sida quudinta, daryeelka caafimaad iyo waxbarasho ee qoyska, waxa kaloo lagama maarmaan ah inuu sameeyo qorshe dhaqaale, mid siyaasadeed iyo miisaaniyad lagu horumariyo qoyska, taasoo doorweyn ku yeelanaysa horumarka qoyska iyo ta bulshadaba.

Waxa lagama maarmaan ah lamaanaha qoysku inay fahmaan waalid ahaan xilka waajibaadka ka saaran daryeelka iyo xanaanaynta caruurtooda, islamarkaana ay ilaaliyaan xuquuqda waxbarasho iyo ta caafimaad ee lagama maarmaanka u ah nolosha. Marka laga hadlayo marxalada ay maanta marayso bulshadeenu waxa jira dhibaatooyin badan oo ka dhashay dagaaladii, burburkii iyo qaxii ka dhacay s/land xiliyadii 1988dii oo saamayn weyn ku yeeshay dhaqanka, dhaqaalaha iyo nolosha bulshada.

Dhaqaale xumada shaqo la,aanta ayaa keenay saboolnimada sii siyaaday ee sababtay inay burburaan qoysas badani, kuwaas oo qaarkood ay Aabayaashood ku waayeen dagaaladaa iyo colaadahaa, qaar kalena ay waalidkood kala tageen kadib markii ay isku khilaafeen nolosha qoyskooda. Mushkiladaha sababay inuu lumo xidhiidhka qoysas badani waxay inta badan ka dhashaan dhibaatooy dhaqaale, kuwaas oo badanaa aan xal loo helin, waxayna aad uga yar yihiin kuwa salka ku haya isbedelka dhaqanka bulshada oo la odhan karo waxay ka mid yihiin raadadkii ay ka tageen dagaaladii. Duruufaha noocaas ah ayaa hooyooyin badan ku khasbay inay u tafa xaytaan sidii ay dhabarka ugu ridan lahaayeen masuuliyada caruurtooda ee ay ugu raadin lahaayeen wixii ay quudan lahaayeen ee ay ku noolaanayeen, waxayna hooyooyinkaasu dabaysha , siigada iyo cadceeda u fadhiyaan inay daboolaan intii karaan kooda ah, baahida ubadkooda, laakiin arrintani waxay keentay inuu yaraado xidhiidhka hooyada iyo ilmuhu, taasoo meesha ka saartay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin tarbiyada iyo xanaanaynta hooyada ee caruurta, islamarkaana waxa muuqatay sida aanay caruurtu uga maarmi karin hooyadood marka ay yar yar yihiin, iyadoo aanay marnaba buuxin karin cidii kale ee gacanta ku haysaa kaalinta hooyada.

Haseyeeshee marka laga yimaado caruurta ay hooyooyininkood kala dabaasheen marxaladan, waxa jira qaar badan oo ka mida bulshada oo waalidkood ay kala xidhiidh furteen, kuwo ku agoomoomay dagaaladii oo waalidkood dhinteen iyo qaar waxba ka qaban kari waayay mushkilada dhaqaale ee qoysaskooda, taasoo u xanbaarisay dayac iyo duruufo qalafsan oo dhinaca nolosha ah, waxayna arrintani keentay inay caruur badan oo ka dhashay qoysas saboola oo ay walidkood waayeen meel ay wax uga soo saaraan taasoo keentay inay caruurtaa yar yari doorbidaan inay bilaabaan dibjirnimo oo ay maqaaxiyaha, hudheelada, goobaha baabuurta laga raaco iyo meelaha qaadka lagu iibiyo ku dhex wareegaan. Marka aynu usoo noqono kaalinta qoyska ee bulshada, waxa mihiin ah inaynu isweydiino sida wax looga bedeli karo mushkiladahan aynu ka sheekaynay ee haysta qoysas badan iyo caruur kuwaas oo marba marka ka danbaysa tiradoodu sii kordhayso waxay raad weyn ku yeelanayaan bulshada.

Sidaa awgeed waxa loo baahan yahay in xal loo helo dhibaatadan oo ah mid qaran, tasoo hadii aan xal loo helin keeni karta dhibaato saamayn weyn ku yeelata mujtamaca. Waxa iyana lagama maarmaan ah in lays weydiiyo sida ay bulsho ku gaadhi karto horumar iyo siyaabaha loo badbaadin karo dhalaankaa yaryar ee u baahan daryeelka, laakiin jawaabahaa iyo arimo kale oo xiisa leh lasoco todobaadka danbe xal loo helo shaqo la,aanta iyo saboolnimada sii siyaaday ee qoysaska tirada badan ee dayacan. Waxaana lagama maarmaan ah in maanka lagu hayo dhibaatada iyo saamaynta ay arrimahanu bulshada ku yeelanayaan.

Top


Hambalyo Meher.

Liibaan Maaweel Shire Iyo Xaaskiisa Ayaan Axmed, Maxamed Axmed Maxamuud, C/Raxmaan Axmed Maxamuud, Sucaad Axmed Maxamuud, Muna Cali Adaan, Hibaaq C/R axmaan C/Laahi, Ayaan Cabdi Maxamuud, Kaltuun C/Raxma an C/Laahi, Dhamaan Dadkaasi Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka Axmed Cabdi Maxamed Iyo Xaliimo Daahir Ibraahim
Oo 14/06/03 Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Hargeysa, Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Waara Ubad Kheyr Qabana Kala Hela Aamiin

Hambalyo Meher

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Iyo Xaaskiisa, Aamina-Weris Sheekh Maxamed Iyo Carruurtooda, Luul Axmed Maxamed, Hodan Axmed Maxamed, Kulmiye Axmed Maxamed C/Salaan Axmed Maxamed, C/Rashiid Axmed Maxamed, Dhamaantood Waxay Waxay Hambalyo Iyo Bogaadin U Dirayaan Meherka
C/Raxmaan Maxamuud Jaamac Mataan Iyo Aamina Cabdi Cawed Cali
Oo 02/06/03 Meherkoodu Ka Dhacay Magaalada Burco, Waxaanay Leeyihiin Noqda Kuwii Isku Raaga Ubad Kheyr Qabana Kala Hela, Arooskoodana Bash Bash Iyo Barwaaqo Ku Gaadha, Aamiin.

Top


Dareenka Reer Boorama Ee Aqbalaadii Xisbiga KULMIYE Ee Natiijadii Doorashadii Madaxtinimada, Faallo - Maxamed Cumar (Weriyaha Haatuf Ee Boorama).

Tan iyo markii lagasoo gudbay ama ay dhammaatayba doorashadii Somaliland ka dhacday 14kii bishii april ee lagu soo dooranayey cidda Somaliland u qaban doonta jagooyinka madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa waxay badi dadka reer Boorama aaminsanaayen inay ilaawi doonaan dhibtii kasoo martay ololihii xisbiga UDUB ay u galeen sidii uu ugu guuleysan lahaa doorashadaa oo Daaahir rayaale u noqon lahaa madaxweynaha dalka iyagoo dadka ku nool gobolka guud ahaanba ay isa siiyeen guusha kama dambaysta ah ee Xisbiga UDUB. Waxay guusha isu siiyeen ayaa sababaha ugu weyn waxa ka mid ah in asalkaba axsaabta ka jirta dalalka Afrika kolleyba kan dawladdu leedahay guuleysanayo xoog ama xeer labada mid uun. Xaalku sida la moodayey ma noqon oo mid ka mid ah axsaabtii mucaaradka ahayd ayaa shaki geliyey guusha UDUB. Waxayna arrintani Boorama ka abuurtay cadho, niyadxumo iyo sheekooyin cusub oo anay shacbiga Boorama halkan soo dhigan. Dhinaca kale natiijadii laga sheegay doorashadaa iyo diidmadii uu xisbiga KULMIYE diiday aqoonsiga natiijadaasi waxay neef qabow kasoo saartay madaxdii iyo taagerayashii xisbigaasi ku lahaa gobolka awdal gaar ahaanna Boorama.mid ka mid ah Rag badan oo si xoog leh ugu soo ololeeyey Xisbiga UDUB ayaa isagu yidhi'' may ahayn in guusha UDUB shaki lageliyo ee waxay ahayd in sideeda loogu dhaqmo ciddii ka hortimaaddana cagta la mariyo".

Arrintu si kastaba ha ahaatee waa dhawaanta aamusay murankii ka dhex taagnaa Xisbiyada UDUB iyo KULMIYE kaddib markii cid kasta oo wax garad ah, culimo iyo siyaasiyiin kaleba aakhirataankii golaha salaadiintu uso jeediyey in XisbigaKULMIYE aqbalo natiijada doorashada ee uu daadifeeyey saddex goor oo hore waxayna aakhirataankii ku qanciyeen in xisbiga Kulmiye aqbalo talada salaadiinta kana soo saaro war cad Haddaba aqbalaadda kulmiye aqbalay natiijadaa si kasta ha u dhacdee maxaa raad ah oo ay ku yeelatay Boorama .Run ahaantii maaha mid qarsoon raadka ay taageerayaasha labada Xisbi ku yeelatay tallaabadani. Waxaan u tagey Madaxda KULMIYE oo warkaa kadiib fadhiyey goob ay isgu yimaaddaan.inkasta oo ay iiga muuqatay walaac ay qarsanayeen haddana waxay ii sheegeen inay taabacsanyihiin go'aanka hoggaankooda saresida uu ii sheegay guddoomiyaha Gobolka u qaabilsan kulmiye Axmed Muxumed Dacar.

Dhinaca kale maamulka dawladda ayey markiiba dardar gelisay waxana la qaaday dhowr olole oo ay dib uga joogeen intii anay KULMIYE natiijada aqbalin,waxaana ka mid ahaa ololaha la dagaalanka mukhaadaraadka, kor u qaadidda cashuuraha,deegaanka iyo qabqabashada dad ay u arkayeen dambilayaal .dadka raacsan UDUB oo boqolkiiba 75 ka ah haalkan waxay bilaabeen kaftan aanay jeclaysan taageerayaasha kulmiye sida ''Imisaan isdhiiba idin lahayn" hase yeeshee ma yara hadalada laga sheegeyo hoggaanka sare ee KULMIYE tallaabadiisan aqbal keenka ah Maxamed Axmed Maydhane, Wehel, 51 jir ah ayaa isagu yidhi "waxan go'aaankan KULMIYE qaatay u arkaa burburin Xisbiga la baabiinayo oo loo gu danaynayo xamaaliinta berbera.waxay ahayd in tallaabadan shirweyne Xisbigu iskaga yimaaddo, isla markaana waxa uu go'aaaankan madaxdayadu u fasaxayaa in Daahir Rayaale gacanta loo geliyo dadkii kaso horjeeday een ka mid ahaa,isla markaana waxay madaxdayadu cidlo kaga tegeen cid kasta oo dadaal usoo gashay xisbiga ee gobolkan lagaga badanyahay joogta.'' Radiya cali aadan oo iyadu mar iskusoo sharraxday jagada madaxweynaha dalka 96kii ayaa tidhi"waan ku taageeray go'aankan siilanyo qaatay .''Maxamed yuusuf Xisrsi ayaa isna yidhi '' waan ku raacay KULMIYE taladan".Cabdi Baashe Idiris Meecaad 21jir ah ayaa isna yidhi'' Ma filayn dhibyaraantaa in xisbigayagu u galo heshiis aan la ogeyn waxa ka dambeeya ,waxan aaminsanaa ''haka yaabintii guddoomiyaha''.

Maxamed Cilmi 19 jir ah ayaa isna yidhi"wuu fiicanyahay kulmiye talada uu qaatay"Guud ahaan hadaladaa iyo kuwo kale waxay ahaayeen hadalada maanta Boorama yaalla ee ay hadal hayaan heshiiskaasi labada xisbiwaxa u ku dambayn doono waxanay reer Boorama inta badan isweydiiyaan waxa Hargeysa ka socda ee ka farxin kara ama ka nixin kara marka ay timaaddo dhammaystirka xukuumadda tayada lagu sheego.

Top


Guddoomiyaha Baanka Boorama Oo Beeniyay Inay Musaafiriinta Ka Qaadaan Lacag Sharci-Darro Ah.

Boorama (Haatuf): Guddoomiyaha baanka Somaliland laantiisa Boorama Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in shaqada Baanka ee garoonka dayuuradaha Boorama aanu ahayn mid dadka lagu dhibo sarrif ama lacago kale oo si sharci-darro ah inay ku bixiyaan loogu khasbo. Hadalkan madaxa Baanka Boorama, oo shalay u sheegay weriyaha Haatuf ee Boorama waxa kale oo uu ku beeniyey warar ay sheegeen qaar ka tirsan tagsiilayaasha Boorama oo ay ku eedeeyeen in Baanka Boorama Laantiisa u qaabilsan garoonka dayuuraduhu ay dadka musaafirka ka qaataan ama ku khasbaan lacag an juuwan lahayn inay sarriftaan haddii kale baasabooradooda laga qaado.,waxana madaxa Baanku ku tilmaamay hadalkan mid been ah ,isla markaana anay jirin lacag lagu khasbo musaafirka, balse ay jirto in si loo muujiyo maamulka dawliga ee baanka, dadka sita baasaboorada ajnebiga loo sarrifo lacag qalaad oo qaddarkeedu xadidanyahay ,waxanan siinaa ayuu yidhi resiid muujinaya lacagta loo Sarrifay qaddarkeeda,isagoo hadalka tagsiilayaasha ku tilmaamay mid ayku dambabasayaan boobka ay ku hayaan musaafirka.

Dhinaca kale Urur dhallinyaro oo dhawaan laga sameeyey Booraa ayaa deeq isgu jirta bustayaal iyo dhar kaleba u fidiyey dadka ku jira xarunta dadka maskaxda wax uga dhimanyihiin oo ku taal Boorama. Ururkan oo lagu magacaabo AYODA,ayaa munaasabaddii uu deeqdan ku wareejinayey shalay waxa kasoo qaybgalay badhsaabkuxigenka gobolka Awdal Maxamed Xasan, guddoomiyaha Ururkan, wax-garad kale iyo maamulka Xaruntaasi dadka maskaxda wax uga dhimanyihiin oo ah ururka samafalka haweenka ee Nasrulah.

Hadal guddoomiye ku xigeenka maamulka Gobolka awdal Maxamed Xasan u jeediyey kasoo qaybgeleyaasha xafladdasi waxa uu ku ammaanay ururka AYODA oo deeqdan soo gaadhsiiyey Xaruntan isagoo sheegay in hawlahan samafalka ee loo geysnayo dadkan oo kale ay ajar if iyo aakhiroba u
leedahay dadka geysta. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay guddoomiyaha ururka AYODA Cabdirashiid Muxumed Maygaag oo ka warbixiyey sida ay ugu dadaalayaan inay hawlahooda samafal ee noocan oo kale ah u doonayaan inay ugu baahiyaan goob kasta oo u baahan taageero bani aadaminnimo isagoo tilmaamay inaanay deeqdan noqon doonin tii u dambaysay balse ay tahay tii u horreysay ee ay u fidiyaan
xarunta. waxa kale oo iyadna halkkaa ka hadashay Yusur Cabdi oo halkaa ka sheegtay in baahida xarunta dhinacyo badan leedahay,cid katsa oo naxariis lihina gacan ka geysato. Dhibaatada ug daran ee ka sheegtay gxaruntaassi ayaa waxay tahay biyo la'aan iyo laydh la'aan cidina anay weli wax kala qaban, balse ay rajaynayso in sida taageradan oo kale biyaha iyo laydhakana ay ugu heli doonaan dadka ay xerada ku xanaaneeyaan.

Top


“Guddoomiyaha Kooxda Carta Kamuu Waantoobin Inuu Majara-Habaabiyo Siyaasadda Somaliya,” M-Rashiid Sh. Xasan.

Anigoo tixraacaya waraysigii BBC-du shalay la yeelatay C/qaasim Salaad, wuxuu markale ku celiyay hadaladiisii hadoofka ahaa ee xaqiiqda ka fogaa, isagoo weli faraha ku soo taagaya Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha kooxda Carta weli muu garowsan dhacdada hadalkii dhowaan uu siiyay saxaafadda gudoomiyaha shirka magaalada Imbagati, Mr. Kiblaget, isagoo sheegay in Somaliland aanay haba yaraatee shuqul ku lahayn shirarka ka socda Nairobi, isaguna aanu wax awooda ku lahayn faragelinta Somaliland.

Waxaa kaloo dhowaan loo sheegay kuwii Somaliland ka irdhoobay ee ku andacoonayay inay Somaliland matalaan ee shirka ku sugnaa oo iyagana loo sheegay in aan Somaliland cid matalaysa loo oggolayn inay shirka Nairobi kasoo qaybgalaan, taasoo ay aad ugu farxeen dadka reer Somaliland meel ay joogaanba.

Dhacdo siyaasi ah oo muhiima ayay ahayd, marka la eego aqoonsiga Somaliland, waxaa layaab leh guddoomiyaha kooxda Carta inuu arki kari waayo warka dhagahiisa ku soo dhacaya ee loo sheegay in uu xaqiiqda ku dhaqmo kana waantoobo inuu marajara habaabiyo siyaasada Somaliya, ee uu qayb yar uun ka yahay.

Waxaa haboon dadka reer Somaliland inay u sheegaan guddoomiyaha kooxda Carta, inuu xaqiiqda ku dhaqmo, dadka uu sheeganayo inuu siyaasi u yahayna iyo umadda idaacdaha ka dhegaysanaysa hadalada hadoofka ah ee micna darada ah yaanu uga dhigin siyaasad.
Maxamed-rashiid sh. Xasan.

Top


“Ma Jiro Wax Faragelin Ah Oo Aanu Ku Leenahay Arrimaha Ka Socda Somaliland,” Waraysi - Wasiirka Arrimaha Dibedda Ee Dawladda C/Qaasim Salaad.

Muqdisho (Haatuf) - Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dawladda ku-meelgaadhka ah ee Somaliya, Yuusuf Ibraahim (Yuusuf-Dheeg) ayaa sheegay in C/qaasim Salaad Xasan uu dhowaan booqasho ku tegi doono magaalada Nairobi si uu uga qaybgalo shirka dib-u-heshiisiinta ee kooxdaha Somaliya uga socda degmada Imbegati oo ku dhow magaalada Nairobi, isagoo intaa ku daray inay ujeedada shirkaasi tahay sidii loo heli lahaa dawlad Somaliyeed oo loo dhanyahay, waxaanu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay weriyaha Haatuf ee magaalada Muqdisho. Waxa kale oo uu waraysigaa Yuusuf-Dheeg kaga waramay arrimo kale oo khuseeya arrimaha Somaliya iyo sida uu u arko arrimaha Somaliland, waraysigaasina ugu horayn waxa uu weydiiyay safarka uu C/qaasim dhowaan ku tegayo caasimadda Kenya waxaanu ku jawaabay: “Safarkayagani wuxuu ku yimid martiqaad uu Madaxweynaha Kenya usoo diray C/qaasim Salaad Xasan oo isaguna aqbalay, waxaana laga wadahadli doonaa arrimo badan.”

Isagoo ka hadlayay mawqifkooda ku saabsan shirkaa waxa uu yidhi, “marka horeba gogasha shirkan anagaa codsanay si shir balaadhan oo dib-u-heshiisiin ah loo qabto, anaga iyo hogaamiye-kooxeedyada iyo sidoo kale maamul-goboleedyada jira, waana nalaga aqbalay shirkaa, sidaasaanu ku yimid qabashadiisu.”

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu ka hadlay rajada ay ka qabaan shirkaa in heshiis lagu gaadho shirkaasi. “Raali ayaanu ka nahay in lagu heshiiyo oo ay dawlad loo dhan yahay kasoo baxdo si looga baxo dhibaatada dawlad la’aanta ee soo jiitamaysay muddada tobanka sano ka badan,” ayuu yidhi wasiirku.

Yuusuf-dheeg oo la weydiiyay khilaafkii ka dhexjiray maamulkiisa ee shirkaa ku saabsanaa waxa uu yidhi; “Khilaafkaasi wuu jiray, balse muu weynayn, wuxuuna ahaa fikrado laga kala qabay arrintaasi kadibna waa la iska fahmay oo wadahadal baa lagu soo afjaray, kaasoo dhexmaray madaxda sare ee maamulka, iminkana arrintu waa caadi oo hal meel ah ayaa wax loo wadaa iyadoo isku mawqif la yahay,” ayuu yidhi wasiirku.

Mar uu ka hadlayay arrimaha Somaliland iyo inuu jiro wax xidhiidh ah oo ay la leeyihiin waxa uu yidhi, “Hadii aanu nahay maamulka ku-meelgaadhka ah iyo xubnaha Somaliland kasoo jeeda ee ku jira maamulka ku-meelgaadhka ah ma jiro wax faragelin ah oo aanu marnaba isku daynay inaanu ku samayno arrimaha Somaliland, mana jiro cid xidhiidh na dhexmaray, anagoo aan doonayn in la yidhaahdo lug bay ku leeyihiin arrimaha ka socda Somaliland, mana doonayno in dhibaato ay ka dhexdhacdo dadka reer Somaliland oo naloo aaneeyo, si kaadhka nalooga gubo, waxaanan ku guubaabinayaa dadka reer Somaliland in nabadda ay haystaan aanay cidna uga abaal-dhigan ee ay danahooda iyo nabadgelyadooda ka horumariyaan mawqif kasta oo ku yimaada, waxaana ku guubaabinayaa dadka iyo siyaasiyiintaba in nin walba lala xisaabtamo waxa uu umadda u hayo,” ayuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyay wasiirku.

Top


Maraykanka Oo Hawlgallo Uu Kula Dagaalamayo Kooxo Hubaysan Ka Bilaabay Ciraaq.

Baqdaad (W.Wararka) - Ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq, ayaa wada olole iyo hawlgallo ay ku qaadeen kooxo ay ku sheegeen inay yihiin argagixiso dhinaca waqooyi iyo galbeed ee magaalada Baqdaad, halkaasoo la sheegay ilaa iyo haatan inay ku dhinteen tobonaan Ciraaqiyiin ahi.

Sida laga soo xigtay taliska ciidanka Maraykanka kooxahan ay weerarka ku qaadeen waxa ay yihiin hadhaagii kasoo hadhay taliskii Sadaam Xuseen iyo xisbigiisii Al-bacas, waxaanay u adeegsadeen Diyaaradaha dagaalka iyo noocyada kala duwan ee hubka waaweyn. Balse wararka qaar ayaa sheegaya in ay hawlgaladaa ku dhinteen ilaa 80 qof oo rayid ahi, markii ay ciidamada Maraykanku dagaal ba’an ku qaadeen goob 150 km dhinaca waqooyi galbeed ka xigta Baqdaad, halkaasoo ay ciidamada Maraykanku ka weerareen cirka iyo dhulkaba.

Arrimahani waxay kusoo beegmeen iyadoo ciidamada Maraykanku ay wadaan hawlgalo balaadhan oo ay ku baadi-goobayaan waxay ugu yeedheen hadhaagii Sadaam Xuseen, wasaaradda gaashaandhiga ee Maraykanka ayaana sheegtay in hawlgaladan ay sii wadi doonaan ilaa laba todobaad oo kale, waxaanay arrimahani keeneen in dad badan oo Ciraaqiyiin ah ay ku waxyeeloobaan.

Top


Gantaalo Lagu Weeraray Ciidamada Maraykanka Ee Afqaanistaan.

Kabul (W.Wararka) - Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya dalka Afqaanistaan, ciidamada Maraykanka ee ku sugan dalkaasi ayaa weeraro dhinaca gantaalaha ah lagu qaaday inkastoo aan la sheegin khasaare halkaa ka dhacay, waxaana sidaa xaqiijiyay af-hayeen u hadlay ciidamada Maraykanka ee Af-qaanistaan ku sugan, balse wax tafaasiil ah oo intaa dhaafsiisan muu bixin.

Sida ay sheegayaan wararku waxa caado ah dhacdooyin lid ku ah ciidamada Maraykanka iyadoo lagu qaado weeraro kediso ah, balse inta badan khasaare weyni kama dhaco kuwaasoo haatan sii kordhaya, iyadoo aan ilaa iminka la garanayn cida weeraradaas ka dambaysa ee soo qaada.
Dhinaca kale waxa la sheegay in ay jiraan dagaalo goos-goos ah oo dhexmara ciidamada reer Afqaanistaan iyo kooxo ku kacsan oo dagaalo iyo hawlgalo ka fuliya goobo ka tirsan gobollada dalka Afqaanistaan. Ma cada cida weeraradaa fulisa, balse waxa loo malaynayaa inay ka dambeeyaan dagaal-yahaniin ka tirsan ururada Al-qaacida iyo Daalibaan oo laga qaaday Xukunka Afqaanistaan, balse waxay wadaan hawlgalo qarsoodi ah oo ka dhan ah ciidamada ku sugan dalkaasi.

Ciidamada is-bahaysiga ah ee ku sugan Afqaanistaan oo lagu qiyaasay 11500 oo askari oo ka kala yimid dalal kala duwan balse uu horkacayo Maraykanku ayaa hawlgalo ay ku baadi-goobayaan Al-qaacida ka wada bariga iyo koonfurta bari ee dalkaasi.

Top


Cadaadis Siyaasadeed Oo Lagu Hayo Dalka Iran.

Vienna (W.wararka) - Sida uu sheegay diblomaasi ku sugan magaalada Vienna, Dawladda Maraykanka ayaa wada cadaadis ay ku hayso wakaaladda caalamiga ah ee arrimaha hubka halista ah si loo cambaareeyo Dawladda Iiraan oo uu ku eedaynayo Maraykanku inay horumarinayso hubkeeda halista ah. Sida uu sheegay maamulaha wakaaladaasi Maxamed Baraadici oo lagu wado inuu soo saaro warbixin uu gudbiyo golaha amaanka, Dawladda Iiraan waxay ka baxday heshiisyadii ku saabsanaa adeegsiga hubka halista ah, iyadoo sida uu sheegay samaysatay goobo ay ku kaydiso hubka halista ah kuna andacoonaysa inay u adeegsanayso arrimo dhinaca nabadgelyada ah.

Mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa Arbacadii xaqiijiyay inay dawladiisu wado cadaadis ay ku hayso Dawladda Iiraan si dalkaasi loogu soo rogo cuna-qabatayn dhinac kasta ah oo caalami ah.

Dhinaca kale waxa la sheegay in midowga Yurub ay wadaan inay saxeexdo heshiisyada caalamiga ah ee hubka halista ah si looga hortago faafitaanka hubka halista ah ee Nuclear-ka.

Arrimahani waxay kusoo beegmeen iyadoo ay dalka Iiraan ka socdaan mudaharaado lagu diidan yahay wadaadada xukuma dalkaasi iyo kuwo lagu taageerayo, kuwaasoo rabshado ka dhexdhaliyay labada dhinac.

Top


Bandhig Dhaqanka Somalida Ah Oo Lagu Qabtay Ingiriiska.

BBC_ Magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska, ayaa dhowaan lagu qabtay munaasabad dhaqameed loogu talogalay in lagu soo soo bandhigo Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida.

Waxaa qabanqaabada barnaamijka iska lahaa Barnaamijka BBC-da ee Voices oo xooga saara wararka iyo arrimaha la xidhiidha bulshooyinka laga tiro badan yahay ee ku nool guud ahaan Britain.

Soo saaraha Barnaamijka Voices ee Leicester, Helen Cockle ayaa gacan ka gaysatay qabsoomidda bandhigan, iyadoo ay caawinayaan qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Leicester, oo uu hor kacayay Hashim Ismaaciil Ducaale.

Waxaa munaasabadan oo lagu qabtay Matxafka magaalada Leicester ee New Walk, lagu soo bandhigay waxyaabo kala duwan oo ka tarjumaya dhaqanka Soomaalida ay hidaha u leeyihiin.

Waxaa ka mid ahaa waxyaabihii hakaasi la isugu keenay dharka hidaha iyo dhaqanka sida, dhiillo, xeedhooyin, waxyaabo lagu xardhay aleelo, sawiro muujinaya dhaqanka Soomaalida sida xoolo dhaqashada, dharxidhashada reer guuraaga iyo qaababka timo-feedhka, noocyo kala duwan oo cunto ah, iyo farshaxanka Soomaalida, waxaa kaloo bandhiga ka qaybqaadanaysay gabadh Soomaaliyeed oo cilaan ama xinne u saaraysay gabdhihii ka soo qaybgalay kuwooda doonayay in ay saartaan, iyadoo qaar ajnabi ahna ay saarteen.

Waxaa ka mid ahaa sawirada Bandhiga la keenay kuwa weriyaha BBC-da Raage C/laahi Oomaar, oo isla markaana fariin laga soo qaaday oo ku aadan dadka laga tiro badan yahay lagu dhagaystay, waxaa uu ku dhiirigalinayay in dadku ay ku dadaalaan sidii ay horumar u gaadhi lahaayeen, taasoo ay u baahan yihiin in ay sameeyaan dadaal laba laab ah maadaama ay ku dhex nool yihiin dad ka tiro badan, waxaana uu ka hadlay dhibka uu u soo maray in uu noqdo qof bulshada ka dhexmuuqda.

Haashin Ismaaciil Ducaale, oo magaalada Leicester kala shaqeeya qaybta caafimaadka iyo horumarinta Soomaalida, ayaa sheegay in barnaamijkan uu wax ka qabanqaabiyay oo ay ka soo qaybgaleen dad fara badan oo ajnabi iyo Soomaaliba isugu jira laga gaaray ujeeddooyinkii laga lahaa.

Waxaa uu Hashim sheegay in ujeeddada ugu wayn ay ahayd in Jaaliyadaha kala duwan ee ku nool magaalada Leicester la baro dhinaca wanaagsan ee Soomaalida oo aan iyagu u muuqan, balse aaminsanaa in Soomaalidu maadaama ay ka yimaadeen dhul dagaal ka socdo ay yihiin dad dabeecad xun oo xanaaq badan, dagaalna badan, taasoo uu sheegay in uu filayo in uu bandhigan wax ka taro.

Gabadha soo saarta Barnaamijka Voices ee Leicester, Helen Cockle, ayaa waxay sheegtay in bandhigan uu ahaa mid guul ku dhamaaday.

Top


Kofi Anan Oo Ka Hadlay Xaaladda Bariga Dhexe.

BBC_ Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Koffi Annan ayaa ku baaqay in ciidamo nabadda ilaaliya la geeyo Bariga Dhexe si loo soo afjaro rabshadaha ba'an ee u dhaxeeyo Israa'iil iyo Falastiiniyiinta.

Mr Annan ayaa wareysi uu siiyay wargeyska Israa'iil ee Ha'aretz ayaa sheegay ilaalada Mareykanka uu sheegay in uu ka sameynayo gobolka Bariga Dhexe toddobaadka dambe uu yahay biloow fiican, balse uu jeclaan lahaa in uu arko ciidamo hubeysan oo kala dhexgala Israa'iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta.

Wafdi Mareykan ah oo uu hoggaaminayo ergayga Cusub ee Mareykanka u qaabilsan bariga Dhexe John Wolf, ayaa la filayaa in uu tego Quddus, Sabtida si ay uu u bilaabo kormeeridda dhaqan gelinta qorshaha nabadeed ee dhawaan loo hinddisay Bariga Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, weriyaha BBC ayaa sheegaya inkasta oo ay bariga dhexe ka jiraan dadaalo cusub oo dibloomaasiyadeed, haddana waxaa soo baxaya talooyin cusub oo lagu doonayo in lagu baajiyo in xaaladda ay ka sii xumaato sida ay haatan tahay.

Top


Amnesty International Oo Talooyin U Soo Jeedisay Shirka Kooxaha Somalida.

BBC-Iyadoo wufuudda shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ay maalmahan soo socda bilaabi doonaan in ay doortaan xubnaha Baarlamaan ku meel gaadh ah ayaa hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International waxaa ay ugu baaqday wufuudda in ay xaqiijiyaan in dadka loo dooranayo Baarlamaanka iyo xilalka kale ee Dowladda ay noqdaan kuwa dhowraya xuquuqda aadanaha inta lagu jiro dib u dhiska waddanka Soomaliya.

Warbixin magaalada London ay ka soo saartay ayaa Amnesty International ay ku sheegtay in ka dib 12 sanadood oo dagaalo sokeeye ay ka socdeen Soomaaliya oo waddankana uu burburay ka dib 21 sanadood oo dowlad keli talis ah ay ka talineysay ayaa Soomaaliya maanta ay u baahantahay bilow cusub dhinaca Xuquuqda aadanaha.

Waa arin aan la aqbali kareynin in hoggaamiye kooxeedyada iyo saraakiishii hore ee ku lug lahaa dembiyada dagaalka, dembiyada ka dhanka ah baniaadminimada iyo gabood falka ka dhanka ah baniaadminimada in la siiyo xoriyada islamarkaana ay ka mid noqdaan dowlad laga doonaya in ay u hoggaansanaato shuruucda caalamaiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya hore u saxiixday ilaa iyo haatanna ah kuwa lagu dhaqmo, ayay tidhi warbixintu.

Hayadda waxaa ay ugu baaqday wufuudda shirka in ay doortaan madax ay ka dhab tahay ilaalinta xuquuqda muwaaddiniinta waddanka Soomaaliya.

Musharixiinta Baarlamaanka iyo Madaxweynenimada ayay hayaddu ku talisay in ay wufuuddu ka dalbadaan in ay ka jawaabaan taariikhdooda iyo in ay balanqaadaan in ay mustaqbalka dhowrayaan xuquuqda aadanaha.

Waxaa ay ka dalbatay shirka in uu soo saaro shuruuc ay ku shaqeeyaan madaxda oo lagula xisaabtamo. Waxaa kaloo ay amnesty ku talisay in la sameeyo guddi heer qaran ah oo madax banaan oo ka shaqeeyo ilaalinta iyo adkeynta dhowridda xuquuqda aadanaha.

Waxaa kaloo warbixinta Amnesty International ay ka dalbatay bulshada rayidka ah ee Soomaaliya in ay horumariyaan xuquuqda aadanaha iyagoo isticmaalaya saxaafadda iyo hayadaha aan dowliga ahayn iyo kuwa maxaliga ah.

Top


Gantaalo Lagu Weeraray Ciidamada Maraykanka Ee Afqanistan.

BBC Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafey waxaa ka dhacay dalka Ciraaq dagaaladii milatari ee ugu xooga badnaa tan iyo markii ay Mareykanku sheegeen in uu halkaa ka dhamaadey howlgaladii waaweynaa ee milatari. Saraakiil ka tirsan wasaarada Gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa wali ku adkeysanaya in xaaladda guud ee xagga howlgalka ee dalka Ciraaq ka jirta in ay sidaa tahey, hase yeeshee waxaa cad in ciidamada Mareykanku ay go'aansadeen in ay badelaan tabtii ay ku howlgalayeen oo ay qaadaan weeraro kale si ay wax uga qabtaan iska caabinta wali ka socota dalka Ciraaq.

Mar kasta oo ay jiraan warar sheegaya konlonyo taanigiyo ah oo socoda waxay tilmaan u yihiin in uu jiro howgal weyn oo milatari. Hase yeeshee saraakiisha wasaarada Gaashaadhigu waxay u arkaan howlgaladii dhowrkii maalmood ee la soo dhaafey in ay ahaayeen kuwo guul laga soo hooyey, isla markaana waxay xusuus u yihiin in heerka iska caabintu uu ka sareeyo heerkii laga filayey wasaarada gaashaandhiga ee Mareykanka.
Hadda waxaa Ciraaq ku sugan ciidamo ka badan boqol iyo fartan iyo shan kun oo askari, Wasaarada Gaashaandhiga Mareykankuna waxay u muuqataa in ay halkaa ku sii heyn doonto intii muddo ah ciidamada intaas le'eg.

Sida laga soo xigtey saraakiisha Gaashaandhiga, howlgalkii la qaadey todobaadka horaantiisii ee loogu magacdarey, weerarka Jasiirada, ayaa waxaa uu la mid yahay howlgalada ka socda ee dalka Afqanistaan ee xididada loogu siibayo hadhaagii dagaalyahanaada Talabaan iyo Alqaacida.

Saraakiishuna waxay intaa ku darayaan in howlgalo noocan oo kale ah oo badan la fili karo. Ciidamada Mareykanka oo isticmaalaya xog la heley ayaa weerar ku qaadey meel ay ku timaameen xero tababar oo ku taala waqooyigga Galbeed ee Magaalada Baqdaad.
Waxayna sheegayaan ciidamadu in ay khasaare weyn ka geysteen halkaas, waxayna ku adkeysanayaan in xeradaas ay joogeen dagaalyahano Ajnabi ah oo farobadan.

Weerarkan ay qaadeen hurin ka tirsan ciidamada gaadiidka gaashaaman ee Mareykanka ayaa u muuqda in looga jawaabayey weeraro lagu qaaday ciimada Mareykanka, hase yeeshee, waxaa lagu soo waramayaa in weerarkaa lagu dilay todobo iyo labaatan Ciraaqiyiin ah.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Goormay Noqon Dawlad Tayo Leh.

Waxa maanta laga sugayaa madaxweyne Rayaale sida uu isaguba hore u sheegay ee uu yidhi waxaan dhisayaa ama aan samayn doonaa dawlad tayo leh.

Iyada oo aad maant nasiibkaagii ku siiyey in aad madaxweyne u noqoto shacbiga JSL.

Dadka aad xilka wasiirnimo aad u magacaabaysanaa waa in ay ahaadaan masuuliyiin tayo leh oo aan noqon, kuwo noqda (keeneebaa cir weyn) isla markaana musuq maasuq lahayn iin sidii kuwii hore uga aragnay ee masuuliyiinta u ahaa shacbi weynaha ku nool JSL.

Inkasta oo hadda laga baxay nidaamkii lagu soo dooran jiray beelaha, haddaba waa inaaad labadii xisbi ee kula tartamayey UCID iyo KULMIYE aad ahmiyadda saartaa, in aad ka soo xulataa niman tayo leh.

Maata shacbigu waxay soo mareen dhibaatooyin aad u badan oo maanta u baahan dawlad musuqmaasuqa ka hortagta. Hantida dadkana daryeesha.

Maanta waxa loo baahan yaahay waa in dalka laga soo saaro kheyraadka dabiiciga ah. Korna loo qaado dhaqaalaha dalka uu hoos u dhacay.

Waa in shaqaalaha dawlada la siiyaa mushahar ku filan, waayo taasi waxay qudha kaantaroolaysaa waxyaalaha lagu xanto ee loo yaqaan laaluush, dawladda tayada leh waa dawladda laga arko nidaamka iyo sharciga cadaalad ku dhisan, isla markaana isku filan.

Axmed Cali Muxumed, Hargeysa.

Top


Gabay.

Caabudoo Ilaaha cisee waa Rasuul camala waa kheyre.
Caafimaad lagama maarmo, nabadgelyana nolosha waw caane.
Codkaan ka hadlayaa waa dan guud cidhib dambeedkeed.
Calaacal iyo guubaabada iyo talada midba waa cayne.
Calaamooyin badan baan arkoon cidi malayneyne.
Casha noola waageedu waa u cayn u gooniyahe.
Col-qaadii mar hore halis gashaa daaqday ciin kale’e.
Cadaadin iyo aargoosigana dad wuu kaaga cararaaye.
Carab daarka macuunka waa lagu celiyaaye.
Cidhiidhiga hasheena gashay aan cadaw ka soo reebnay.
Colaad iyo dhibtii loo mutay ee cdududu soo reebtay.
Cuudkii ku baxay iyo intii curad u geeriyootay.
Curyaanka iyo agoomahaan hadeer cidi gargaaraynin.
Cadiig iyo haday garasho tidhi ciiro soo kiciye.
Canaan reebtay maantana haday col u hagoogteene.
Ciqaabtii la soo maray haddaan cidi ku faa’iidin.
Ceebeeye Somaliland cuurka madaxa Boobe.
Cuyub keentay gees loo rogoba cag u taageeda.
Calooshoo fayaw yaa midnimo calan dal sheegtaaye.
Ciiil beel inuu ciil dhalaa waa caddaan midaha.
Caydoo wasiir lagu baxshaa caawa waa ugube.
Ciiddaa malla iibsan iyo ceel shidaalada’e.
Caadadii gumaystuhu baraa caabuqeed kacaye.
Canaad gacan shisheeyaa jiriyo cid aan la dhaadayne.
Cakaara iyo looma fadhi iyo waa calool bahale.
Culimo iyo salaadiin dhexnimo cyanta ugu gashay.
Cambaareeye kuwii sama wadaan cidi ku guurayne.
Cadli gar ah nin diidaba dulmigaa ceel ku buuxsamayne.
Citiraaf sidaa laguma helo caalamkuna diidye.
Ciidan Inqilaab iyo hadday caadil haga wayday.
Carigeeda hawl kala kacdee haysu cayntaynin.
Cutub markuu gar-qaataba midbaa caariyaad noqone.
Cisayn iyo barwaaqo iyo ceel biya leh diiday.
Carigeeda haw kala kacdee haygu caynaanin.

Jaamac Ismaaciil Hawd
Calawi.

Top


Nabsigii Foosto-Riix, Q: 6aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

Foosto riix farxad buu dilaaci gaadhay maadaama ay fatxiya aqbashay wixii uu mudada dheer ku taamayey oo ah inuu guursado Fatxiya balse wali fari kama qodna oo waxa u hadhay jaran-jarooyin kale oo badan oo ay ugu horayso inuu aqbalaad ka helo Fatxiya aabaheed.
Fatxiya ayaa kadib u sheegtay inuu diyaar garoobo iyadoo uu aabaheed sugayo inuu arko Foosto riix oo ay fatxiya ugu sheegatay Guuleed, taasaa naxdin ku noqotay Foosto riix isaga is weydiiyey waxa uu la hor tegayo Aw-geedi oo uu ka yara war waray waxa uu kala kulmi doono.

“ mar hadii aad adigu I aqbashay arrimaha inta kale waan ka soo diyaar garoobayaa ee nabad galyo” ayuu kaga tagay Foosto-riix maalintaa Fatxiya “ waayahaye calool adayg raganimaa arrimaha lagaga dabaashaaye” ayay ka daba tuurtay Fatxiya isaga oo ka sii baxaya irida.

Foosto-riix taladii way ku balaadhatay waxaanu guda galay furdaaminta arrimaha la soo gudboonaaday, balse markiiba waxa ku soo dhacday inuu la tashado saaxiibadiisa ugu dhadhaw iyo cidii uu is yidhi arrimaha guurka way kaaga wanaagsanyihiin. Waxaana lagula taliyey inuu kaxaysto rag mudakar ah oo u raaca odayga ama uu u diro si ay marka hore uga soo dhaadhiyaan ciduu yahay iyo sida uu yahay.

Aakhirataankii isaga iyo laba waayo arag ah ayaa u tagay odaygii geedi,markii la is xog waraystay mudana arrimaha la rog rogay odaygii wuu aqbalay inuu gabadhiisa siiyo Foos-riix isaga oo mudadii yarayd ee uu la joogay fahmay dabeecadiidsu inay tahay mid lagu aamini karo inuu xil qaado aayaha Fatxiya “ arsaaqda ilahay baa bixiya oo anigu kugu xidhi maayo balse mar hadaad tahay nin gabadhii xil qaadi karaya waa iga gudoon illaahayna ha kuu fududeeyo waa xil culuse” ayuu geedi hadalkiisii ku soo gaba-gabeeyay, waana la balamay.

Foosto riix waxa uu guda galay isu diyaarinta inuu doono Fatxiya islamarkaana uu mehersado maadaama aanu gacanta wax buuran ku hayn marka laga reebo woxogaa lacag ah oo uu ururiyey waxa uu u baahday inuu kaalmo kale raadsado. Markiiba wuxuu xasuustay neefaf adhi ah oo uu kaga yimid miyigii qaylo dhaan baanu u dirtay si loola soo gaadho si uu markaa u iibiyo hawshana ugu galo waxa intaa u dheeraa woxogaa kaalmo ah oo uu ka helay saaxiibadii iyo dad qaraabadiisa ah oo uu tooyasho ku helay.

Waxay maalmuhu is guraanba waxa timid maalintii uu u geed fadhiisanayey Fatxiya isaga ay galbinayaan odayaal iyo saaxiibadii ayaa laga duldagay gurigii Reer Geedi oo looga sii diyaar garoobay. Mashxarada iyo sacabkaa isu yeedhay, qol si fiican loo goglay ayaa daf layidhi sidii caadada ahaydna ruug cadaayadii guurka ayaa weedho talantaali ah is dhaafsaday aakhirkiina Gabadhii waanu idin siinay iyo waanu gudoonay ayaa la is dhaafsaday,meherkiina dhag baa laga siiyay ducana waa lagu khatimay iyadoo si fiican loo mirqaamay.

Foosto-riix oo dhidid waaweyni ka soo yaacay ayaa gurigii kasoo baxay, wuuse ku faraxsanaa inuu guul ka gaadhay arrintii uu mudada dheer ku taamayey.waxaana loo diyaar garoobay aqlgalkii Fatxiya iyo Foosto-riix, kaasoo maadaama aan hanti badan aan loo hayn deg deg loo qaban qaabiyey isaguna si fiican buu ugu dhacay Foosto-riix.

Durba waxa uu noqday nin odaya oo xaasleh isaga iyo Fatxiyana way isla fahmeen nolosha cusub ee u bilaabantay habeenadii arrooskana waxay ku dhamaysteen farxad iyo haasaawe iyagoo dib u milicsanaya waayihii soo maray.

La soco.

Top