Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 356 June 17, 2003

“Ma Jiro Mushahar Laga Jaray Naafada Iyo Agoomaha W/Gaashaan-dhigga”
War-Saxaafadeed - Wasiirka Gaashaan-Dhiga Somaliland.

Bililiqada Khayraadka Badda, Dareenka Kalluumaysatada Iyo Duruufaha Horyaal Wasiirka Cusub Ee Kalluumaysiga Warbixin - Weriyaha Haatuf Ee Saaxil.

Cabdalla Deeraw Oo Loo Caleemo Saaray Madaxtinimada Soomaaliya
“Kuwaasi Waa Kuwii Somaliland Ay Ka Go’day, Waana Ceeb…”

Heshiis Dhexmaray Dawladda Itoobiya Iyo Shirkadda Patrol-Ka Ee PETRONAS “Waxa Suurtogal Ah In Itoobiya Muddo Afar Sanadood Gudahood Ah Ku Iib-Geyso Patrol-Ka,” Maxamuud Dirir - Wasiirka Macdanta Itoobiya.

Raadiyaw Ma Qaloocshe.

Ciidamada Amaanka Ee Sucuudiga Oo Sii Wada Dagaalka Ay Kula Jiraan Kooxo Mitid Ah.

Dagaalo Kasii Socda Burundi.

Iiraan Oo Shuruud Ku Xidhay Kormeerka Hubkeeda Nuclear-Ka.

Maxaa Dhexmarey Gudoomiyaha Barlamaanka Iyo Ku Xigeenkiisa?

Wargeysyada Caalamka ee Todobaadkan.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hala Taageero Naafada Boorama.

Nabsigii Foosto-Riix, Q: 8aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

WAADIGA CIYAARAHA, Cabdifataax M. Caydiid.

Somaliland Democracy Watch.

6 Dal Oo African Ah Oo Cadeeyay Inay U Tartami Doonaan Martigelinta Koobka Adduunka 2010.


“Ma Jiro Mushahar Laga Jaray Naafada Iyo Agoomaha W/Gaashaan-dhigga”
War-Saxaafadeed - Wasiirka Gaashaan-Dhiga Somaliland.

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Gaashaan-dhiga ee Somaliland, Ismaaciil Cumar Aadan (Boss) ayaa beeniyay in mushaharka laga jaray Naafada iyo Agoomaha W/Gaashaan-dhiga taasoo ka dambaysay markii ay soo baxeen hadalo la isla dhexmarayo oo arrintaa ku saabsan, taasoo dhalisay mudaharaado la sheegay inay shalay ka dhaceen magaalada Burco, kuwaasoo ay dhigeen dad ka tirsan Naafad iyo Agoomaha oo ka cabanayay dhinaca mushahaarooyinka.

Wasiirku wuxuu sidaa ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray maalintii shalay, isagoo intaa ku daray in arrinta qudha ee dhacday ay tahay mushahaarooyinka oo uu dib-udhac ku yimid oo ay sababtay baahiyaha jira oo loo kala horaysiiyo kolba sida wax loo hayo.

War-saxaafadeedka Wasiirka oo dhammaystirana wuxuu u qornaa sidan:

“Waxa toddobaadkanba ka dhex aloosnaa Naafada iyo Agoomaha Burco been-abuuro aan sal iyo raad toona lahayn oo ay ujeeadadoodu tahay in lagu niyad-jebiyo si loo kiciyo dareenkooda, xasiloonidana wax loogu dhimo.

Sida kusoo baxday wargeyska Maandeeq cadadkiisii 1092 ee 12/06/03 maqaal ay kaga cabanayaan mushahaarooyinka oo ay sheegeen in laga jaray, taasoo ay ku eedeeyeen maamulka cusub ee wasaaradda Gaashaan-dhiga. Inkasta oo isla maqaalkaa cabashadooda ku beeniyay Taliyaha qaybta 12aad ee Burco oo u khudbadeeyay Naafada iyo agoomaha Burco, haddana taasi uma qudh-qudhsamin ee waxa la sheegayaa banaan-baxyo iyo dacaayado la buun-buuniyay oo arrinkaa ku lug leh oo weli halkaa ka socda.

Waxaanu haddaba markale halkan ku cadaynaynaa inaan cidna mushahar iyo raashin toona laga jarin lagana jari doonin, sababta ku kelliftay iyo meesha ay waxaa ka keeneena aanaan garanaynin! Waxaase dhacday oo keliya raagid mushahar oo aan iyaga uun ku ekayn, balse caam ku ah shaqaalaha Dawladda oo dhan, ciidan iyo rayidba, taasna waxa ka marag ah Baanka dhexe ee Somaliland oo isagu kala hora baahiyaha iyo marba haynta jirta. Waxa kale oo iyana jirtay in naafada iyo agoomuhu hoos iman jireen maamulka taliska guud ee ciidanka Qaranka, sidaa darteedna mushaharkoodu uu raaci jiray tan ciidanka Qaranka, dabadeedna muddo kahor intaanan imanin wasaaradda Gaashaan-dhiga ayaa maamulkoodii loo soo wareejiyay agaasinka guud ee Wasaaradda, taasina waxay keentay in mushahaarooyinkii ciidanka iyo kuwii naafada iyo agoomuhu aanu mar soo wada bixin ee Burco oo kale laba hormo ay kala noqoto. Tusaale ahaan, ciidanku mushaharkii April waxa uu helay 09/06/03, naafad iyo agoomuhuna waxay heleen loona diray 16/06/03. sidaa darteed waxaanu agoomaha iyo naafada xusuusinaynaa inaanay cuqdadoobin meel aan hagrasho jirin ee ay marba marxalada dalkooda iyo dawladoodu marayso la socdaan, anaguna waxaanu ballan-qaadaynaa anagoo la kaashanayna Baanka Dhexe inay hormooyinka mudnaanta koowaad la siiyo noqon doonaan si ay uga badbaadaan saxalka iyo dabaylaha siyaasadaysan ee warxumo-tashiilku bulshada inteeda jilicsan ugu diiqo kuna tashwiishiyo.”

Top


Bililiqada Khayraadka Badda, Dareenka Kalluumaysatada Iyo Duruufaha Horyaal Wasiirka Cusub Ee Kalluumaysiga Warbixin - Weriyaha Haatuf Ee Saaxil.

Bililiqada Khayraadka Badda, Dareenka Kalluumaysatada Iyo Duruufaha Horyaal Wasiirka Cusub Ee Kalluumaysiga Warbixin - Weriyaha Haatuf Ee Saaxil.

Berbera (Haatuf): Madaxweyne rayaale ayaa dhowaan u magcaabay wasiirka wasaaradda kaluumaysiga maxamed siciid gees oo ka mid ahaa xubnaha golaha wasiiradda ee xukuumada, isagoo xilkii ka qaaday wasiirkii hore ee wasaaradda kaluumaysiga Axmed xuseen Oomane.

Isbedelka wasaaradan lagu sameeyay waxa uu saamayn ku yeeshay hawlaha kaluumaysiga, iyadoo ay hore u jireen dhaliilo loo jeedinayay madaxda wasaaradaa iyo cabashooyin ka imanayay muwaadiniinta kaluumaysatada ah , taasoo la xidhiidha xeebaha dalka s/land oo ay xaalufiyeen kaluumaysato shisheeye ah, kuwaasoo adeegsanaya qalab casri ah, islamarkaana intooda badan lasheegay inay ogolaansho ka haystaan, wasaaradda kaluumaysiga.

Hadaba isbedelkan lagu sameeyay wasaaradda kaluumaysiga iyo sida looga dareemay magaalada berbera oo xarun u ah kaluumaysatada wadaniga ah waxa warbixin nooga soo diray weriha Haatuf ee berbera, C/raxmaan casaan.wuxuuna warbixintiisa ku bilaabay sidan; “Magaalada berbera oo ku taal duleedka badda cas ee xeebta somaliland oo ku dhereran silsilada buuraleyda golis, waa magaalo taariikhiya oo istiraatiijiya, islamarkaana waxa ku taala dekeda ugu weyn xeebaha somaliland.

laakiin waxa magaalada berbera sanadii u danbeeyay bartilmaameed ka dhigtay maraakiibta kaluumaysiga ee shisheeye iyo doonyaha dheereeya ee kaluumaysatada carbeed, kuwaasoo si joogto ah uga kaluumaysta xeebta dheer ee somaliland oo ay xudun u tahay magaalada berberi.

Waxayna xeebta badda s/land noqotay miday xaalufiyeen maraakiibta iyo doonyaha shisheeye, waxaana baylahda iyo boobkaas xad dhaafka ah ee khayraadka badda xudun u ahaa maamulkii mudada dheeraa ee wasaaradda kaluumaysiga oo noqotay ta u fududaysay maraakiibtaa iyo doonyahaa xaalufiyay xeebta s/land, kuwaasoo ay ka qaadato qadar lacageed oo fara guudkood ah. Iskaashatooyinka kaluumaysatada somaliland oo ka cawday in badan dhibaatada iyo khatarta ay gaadiidkan shisheeye ku hayaan khayraadka badda, laakiin cabashada kaluumaysatada ayaanay xukuumaddu dheg u dhigin. Waxaana dhibaatooyinka iyo darxumada maamulkii hore ee wasaaradda laga dareemayaa xarunta wasaaradda kaluumaysiga ee berbera iyo dhaawacyadii gaadhay xarunta NEC fish xiligii dagaalkii 1988kii, kaasoo aafeeyay qalabkii iyo adeegii xaruntaa, sida qaboojiyayaashii, iyo dhamaan qalabkii kale ee mihiimka ahaa, iskaashatooyinkii khayraadka badda ee wadaniga ah oo aan wax dhiiri gelin ah ka helin dhinaca maamulkii hore ee wasaaradda kaluumaysiga, kaasoo ku guul daraystay inuun dib usoo nooleeyo sidii looga faaidaysan lahaa khayraadka badda oo wax weyn ka tari lahaa shaqo la'aanta iyo duruufaha dhaqaale ee ku habsaday bulshada s/land.
Laakiin waxay waxaas oo dhami u muuqdeen raqo ninkii lahaa dabada hayay dhowr iyo tobankaa sanadood. Haseyeeshee madaxweyne rayaale ayaa dhowaan xilkii ka qaaday wasiirkii hore ee kaluumaysiga Axmed xuseen Oomane, wuxuuna wasaaradaa u magcaabay Maxamed siciid gees, ibedelkan wasaaraddu wuxu kusoo beegmay iyadoo ay xarunta kaluumaysatada ee berbera ku sugan yihiin in ku dhow 70 laash oo waaweyn iyo yar-yarba leh, kuwasoo ka mida iskaashatada wadaniga ah oo aan qaarkood wax ka weydiiyay sida ay u arkaan isbedelka wasaaradda iyo rajada ay ka qabaan.

Gudoomiyaha iskaashatada kaluumaysiga berbera, Yuusuf canbaar ayaa isagoo aragtidiisa ka hadlaya yidhi, “rajadayadii aad ayay usoo noolaatay, waxanuna taagnayn quus, iyadoo ay nooga ayaan bateen khayraadkii baddeena dad ajaanibi, qaylo dhaan kasta oo aanu wasaaradda u dirina waxay ahayd mid aan dheg loo dhigin, waxaanuse rajaynaynaa in xuquuqdii muwaadinka iyo bililiqadii khayraadka maanta wax iska bedelayaan.” Waxan filayaa inuu wax weyn ka tari doono wasiirka cusubi, tabashooyinkii kaluumaysatada wadaniga ah, waxanuna filaynaa inuu ahmiyada koowaad siin doono kaluuumaysatada wadaniga ah, halka uu maamulkii hore ahmiyada siinayay maraakiibta iyo doonyaha xaalufiyay baddeena. Sidaana waxa yidhi, cali xirsi (cali buufaa), oo ka mida iskaashatada. Si kastaba ha ahaatee waxa jiray dhibaatooyin iyo dayac si weyn looga dareemayay xeebaha s/land tobankii sanee u danbeeyay, taasoo ka dhalatay maraakiibta iyo doonyaha kaluumaysatada ee shisheeye oo xaalufiyay khayraadkii badda, islamarkaana waxay arrintaasu dhalisay inay kaluumaysatada muwaadiniinta ah u suurta geli weydo inay helaan kaluun, waxayna in badan ka cabanayeen dhibaatada haysata iyo khatarta badda, balse marnaba xukuumadda somaliland kama ay helin garawshiiyo, laakiin waxay dadka xaalada xeebaha s/land ka war hayay ee muwaadiniita ah iyo iskaashatada kaluumaysiguba indhaha ku hayaan wasiirka xulka ah eedhowaan uu madaxweyne rayaale u magcaabay wasaaradaa iyo sida uu wax uga bedelo baylahda iyo boobka lagu hayo khayraadka xeebaha Somaliland

Top


Cabdalla Deeraw Oo Loo Caleemo Saaray Madaxtinimada Soomaaliya
“Kuwaasi Waa Kuwii Somaliland Ay Ka Go’day, Waana Ceeb…”

Mbagathi (W. Wararka): Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah, Cabdalla Deerow Isaaq, ayaa shalay ku dhawaaqay inuu xilkii ka xayuubiyey Cabdilqaasim Salaad Xasan- kaddib markii uu sheegay in ay 57 xildhibaan oo kaa tirsan baarlamaanku u soo gudbiyeen motion lid ku ah Madaxweynaha.

Sidaa ay sheegayaan wararku Cabdalla Deerow, waxa uu tilmaamay wixii shalay ka billowda inuu isagu yahay Madaxweynaha KMG ah. Waxa uu xusay inuu jagadan sii hayn doono muddo 30 cisho ah, sida uu qeexayey distoorkii 1960-kii, illaa lagaga dooranayo shirka Madaxweyne cusub.
Guddoomiyaha Baarlamaanku, waxa uu yidhi “aniga ayaa kala wareegay xilka Cabdilqaasim Salaad, markaan arkay inuu ku tuntay axdiga KMG ah.” Mar la weydiiyey waxa keenay in xilka halkan lagaga dhigo Madaxweynaha oo lagaga qaadi waayey Muqdisho, waxa uu qiray in Cabdilqaasim uu wato 30 iyo dhowr tikniko. “Wax lid ku ah Cabdilqaasim Salaad Xasan lagama sameyn karo Muqdisho” ayuu yidhi.

Cabdalla Deerow, waxa uu tusaale u soo qaatay sidii badheedhka ahayd ee Cabdilqaasim Salaad uu u argagax-geliyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare. “Cabdilqaasim wuxuu baa bi’iyey sharcigii uu Madaxweynaha ku ahaa iyo garsoorkii [judiciary], wuxuuna sameystay Wasiir maaliyad oo jeebkiisa ah” ayuu yidhi. Deerow, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Cabdilqaasim lala tiigsan doono sharciga, lana horgeyn doono Maxkamad distoori ah. Waxa uu weydiistay Mareykanka iyo Midowga Yurub inay taageeraan. “Xukun doon ma ahi, mana is magacaabin, waxaana sii haynayaa xilka inta Madaxweyne laga dooranayo” ayuu yidhi. Motion-ka waxaa xubnaha Golaha Baarlamaanka ee ku sugan Mbagathi ka hor akhriyey Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.

Maxamed Warsame Cali oo ka hadlay munaasabaddaas, waxa uu tibaaxay in kooxo la soo shaqeystay Maxamed Siyaad ay ku cel-celinayaan mar walba Somaliland shirka ha timaado. “Kuwaasi waa kuwii Somaliland ay ka go’day, waana ceeb inay maalin kasta Somaliland ku hadal-qabsadaan,” ayuu yidhi. Xildhibaan Tahliil Maxamed ayaa isna ka codsaday dowladda Kenya in aanay kalsooni Madaxweyne siinin Cabdilqaasim Salaad Xasan, waayo waa dambiile ayuu yidhi. “Hadduu yimaado waa inuu ergooyinka caadiga ah ka mid noqdaa” ayuu sii raaciyey. Xildhibaanku, waxa uu sheegay in burburka iyo kala firxadka TNG uu sabab u yahay Madaxweynahooda. “Cabdilqaasim wuxuu cuuryaamiyey shaqadii dowladdu qaban lahayd, mana fulinin ballan-qaadyadii Carta lagaga soo doortay” ayuu yidhi. Xildhibaan Saalax Nuux Ismaaciil (Badbaado) oo xafladdaa xidhiidhinayey waxa uu yidhi “waxay maraysaa xisaabi xil ma leh.”

Waxa uu sheegay in xeer hoosaadkii Golaha Baarlamaanku uu lumay.

“Xildhibaan Xamar jooga ayaa xilkii laga qaadayaa oo la leeyahay waa Ethiopian” ayuu yidhi. Xildhibaan Khaliif Jire Warfaa, waxa uu ka dalbaday dadweynaha Soomaalida meel ay joogaanba inay is-cafiyaan.

“Wuxuu Cabdilqaasim Salaad ku dhaqmayo laba sano baan qarinaynay” ayuu yidhi. “Sharcigii uu madaxda ku ahaa ayuu qaarna dafiray, qaarna, ku dhaqmayaa yidhi,” ayuu raaciyey intaa.

Munaasabadda caleemo-saarka Deerow inta aanay furmin, waxaa ka dhex qayliyey Maxamed Meydhane Buraale oo ka tirsan TNG, kana mid ah dadka taageersan Cabdilqaasim Salaad Xasan oo yidhi “Magaca TNG cid kasta kuma hadli karto.” Kaddib ciidamo police ah oo Kenya u dhashay ayaa shirka ka saaray.

Top


Heshiis Dhexmaray Dawladda Itoobiya Iyo Shirkadda Patrol-Ka Ee PETRONAS “Waxa Suurtogal Ah In Itoobiya Muddo Afar Sanadood Gudahood Ah Ku Iib-Geyso Patrol-Ka,” Maxamuud Dirir - Wasiirka Macdanta Itoobiya.

Addis Ababa-Dawladda Itoobiya ayaa dhawaan heshiis la saxeexatay shirkadda batroolka soo saarta ee magaceeda la yidhaahdo Petronas.

Sida heshiiskani dhigayo shirkadda Petronas oo laga leeyahay dalka Malaysia waxa saliida Batroolka ka baadhi doontaa gobolka “Gambella” ee ku yaala galbeedka Itoobiya warkan oo uu soo saaray wasiirka macdanta ee dalka Itoobiya Maxamuud Dirir, waxa u intaas ku daray in maadaama dhulka saliida laga baadhayaa ku dhawyahay, goobaha ku yaala dhinaca dalka Sudaan ee hore Batroolka looga helay, ay kolkaas jirto yididiilo fiican in dhinaca Itoobiyana shidaalka laga helo.

Isaga oo faah-faahin ka bixinaya heshiiska dhexmaray shirkadda Petronas iyo dawladiisa, Maxamuud Dirir wuxuu sheegay in shirkadda loo cayimay masaaxad lagu qiyaasay 15,000 km oo wareeg ah, kuna taala meel ku dhaw xadka Itoobiya la leedahay Sudaan.

Shirkadda Petronas waxay mashruucaas baadhitaanka saliid ku kharash gareyn doontaa shan Milyan oo Doolar oo shirkadaha Petronas waxa kale oo ay wasaaradda macdanta ee dalka Itoobiya ka taageeri doontaa dhinaca kor-u-qaadida aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha si loo gaadhsiiyo heer ay ku hanan karaan hawlaha la xidhiidha wax-soo-saarka saliida Batroolka, taas oo ku kici doonta kharash dhan hal Milyan oo doolar, iyada oo hal milyan oo kale loo qoondeeyo in wax lagaga qabto dhibaatooyinka ka jira deegaanka laga baadhayo saliida sida caafimaadka.

Wasiirka macdanta ee Itoobiya oo rajo weyn ka muujiyey in mashruucan guul laga gaadhi doono, waxa u yidhi “Waxa suurta gal ah in Itoobiya muddo afar sanadood gudahood ah ay dibadda batroolka ugu dhoofiso”.

Heshiiskan oo muddadiisu tahay 25 sanadood wuxuu dhigayaa in marka batroolka la soo saaro ay Itoobiya yeelato 5% (royalty) qiimaha foosto kasta oo saliid ah ee la dhoofiyo.

Top


Raadiyaw Ma Qaloocshe.

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydin ka dhegaysataan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq-dhuubka.

Akhyaartayada indhaha buurbuuranow, waxaynu soo gaadhnay xilligii warka dunida aan idinku gadh qaban jiray, waxana maan-buqda idinkaga saari doona weriye Mr. War Agjoog.

Isagii Oo Kambadhuudha.

War aan ka helay islaan looga qaateen ah oo aan kula xidhiidhay quraaradaha kookaha laga cabo, ayaa ii tibaaxday in Madaxyuubka Shankaroonland la legdamayo sidii uu wasiiro shilshilis ula soo shir tegi lahaa, iyadoo la sheegay in hormadii hore ee odaygu soo daayay ay qaar ka mid ahi caato la fadhiisteen, waxaanay habartaasi ku tiraabtay in qaarkood laga keenayo wadamada cuntada badan lagu cuno ee qaadkuna ka mamnuuca yahay ee carabta iyo ferenjiga.

Habartaasi waxay ku calaacashay oo ay tidhi: “Talow la garqabye, kuwii hore ee dhuudhuubnaa baanu u taag la’nahaye, kuwo aan firaakh iyo casiir toona loo hayn sidee looga geyoonayaa.”

Madaxyuubka Shankaroonland, ayaa beryahanba loo dhegtaagayay inuu soo daayo xayn wasiiro ah oo ka shaqeeya meheradiisan loo doortay, waxaana la sheegay inuu hadhaaga dambe madaxyuubku ku soo dooran doono hab-beelleed xisbiyaysan oo hoostana ka Salaadaysan.

Shirka Qab-qablayaasha.

Warka ka imanaya magaalada Nayroobi ee cariga washaysiga ee uu uga socdo qabqablayaasha kooxaha Soomaaliya siminaarka muddada dheer laga dhigtay ee mashruuca noqday ayaa la sheegayaa in kubaayado iyo miisas la isla dhacay, kadib markii uu afku ka duulay Mastar Deero gaad iyo gacanyarihiisii.

Sida ay noo soo tebisay war-boobkayaga Canji ugadh oo ku jabanaysay goobtaas, waxay intaa raacisay in mastar Deero gaad badhigooyo loo siin doono inuu la wareego halkii uu cabdi qasbaaye ka cago-damdamlayn jiray.

Gabay.

Asli Internet, waxay tidhi:
Ma qaloocshihiiyow,
Adaa meel kasta u kacee,
Mijo qaada goortaad cuntaa,
Yara mirqaantaaye,
Marmar baad is waashaa
Adeer sida Maraykaane,
Sidii Midowgii Soofiyiti
Baad madaxa taagtaaye,
Is-maqiiqa waxa kuugu wacan,
Mawjad baad tahaye,
Magacaaga dheere,
Arlada meelkastaba gaadhay,
Ee laga maqsuudaayabaan,
Cidi ka maarmeyne,
Bal imaqal waxaan maagay
Baan idin muquursiine.

Macnaheega Somaliland
Waa mid saayid ahe,
Maalintii la taagiyo
Ilaa milaygan aan joogno,
Wasiirbaa la magacaabayiyo
Duul mageyna ahe,
Misna waxay qabtaan
Iga walloy habar macaashsiine,
Ninkii meel la geeyaaba
Waa maanka laga qaadye,
Macmacaanle iyo wuxuu furtaa
Goob makhaayad ahe,
Madhibka iyo jibiskuu
Islaan wacan ka miistaaye,
Maar katuuyo iyo buu gataa
Dhiish la maanacaye,
Sidii maayar maalbadan dhacoo
Toban malyuun haysta,
Ayuun buu xarago miidhaniyo
Midab san yeeshaaye,
Bal maad aragtid weligaa
Cidlaad mala awaashaaye.

Waxaan marin jiray iyo,
Ma hadhadaydii dheh,
Maahmaaho aan odhan jiriyo
Maraq digaageed dheh,
Moofiyo hadhuudh aan dubiyo
Shay macaan badan dheh,
Maareeyaha marsada maalayiyo
Mid aan la baadhayn dheh,
Mirqaaniyo nin miiroo cuniyo
Mool wadaniyeed dheh,
Meel kaloo haddana aan arkoo
Cidina moogeyn dheh.

Ma qaloocshihiiyow
Adaan maanta kuu imide,
Marwo iyo islaan boqol jirtoo
Miigan baan ahaye,
Miciyaha halkaan saaro,
Baan malow ka siiyaaye,
Maalmahakan maagaagu
Waa igu majiirnaaye,
Wiilyahow maqiiqani
Sidii mudane dhameel ah,
Maalqabeenka reer Qatara.
Baad magac wadaagtaane,
Macdantiyo ugaadhuu gurtaa
Maaliniyo layle,
Maaweeladiisaa ka badan
Midhaha geedaha’e,
Marka uu isagu soo degee
Madasha soo gaadho,
Madaxdeenu siday caashaqdaa
Loo mashxaradaaye,
Midab goo ugaadhii fadhiday
Marinadii land’e,
Magoolkiyo markii uu dhamaan
Maqashii soo laastay,
Makulaashii iyo wuxuu rabaa
Midhadh ka daahnaaye,
Wuxuu maago maagaba
Hadduu naga muraad gaadhay,
Allow yaa mar qudha
Nagaga rida maato naga yeelye.

Top


Ciidamada Amaanka Ee Sucuudiga Oo Sii Wada Dagaalka Ay Kula Jiraan Kooxo Mitid Ah.

Riyadh (W. Wararka) - Ciidamada amaanka ee Dawladda Sucuudiga ayaa sii wada ladagaalanka ay kula jiraan waxay ugu yeedheen kooxaha argagixisada ah, kadib markii ay iska-hor-imaado iyo dagaalo ka dhaceen 24-kii saacadood ee tegay magaalada barakaysan ee Maka Al-mukarama.

Siday sheegayaan wararka ka imanaya halkaasi, ciidamada amaanku waxay xabsiyada u taxaabeen kooxo kale oo ay ku eedaynayaan inay lug ku leeyihiin argagixisada, isla markaana ay wadeen shirqoolo ka dhan ah Dawladda Sucuudiga si ay u fuliyaan hawlgalo is-qarxin ah, balse may cadaynin goobta laga helay macluumaadkaa.

Sida laga soo xigtay wargeysyada kasoo baxa Sucuudiga waxaa xabsiga loo taxaabay 6 qof meel ku dhow magaalada Jeddah, iyadoo lagu eedaynayo inay wateen baabuur ay kasoo buuxiyeen waxyaalaha qarxa, kuwaasoo la sheegay inay ciidamada amaanka isweydaarsadeen rasaas goos-goos ah.

Arrimahani waxay ka dhasheen markii ay bishii May qaraxyo waaweyni ka dhaceen magaalada Riyadh ee caasimadda Sucuudiga, taasoo ay Dawladda Sucuudigu sabab uga dhigtay ololaha ay ku qaaday muslimiinta mayalka adag ee lagu tilmaamo argagixisada.

Top


Dagaalo Kasii Socda Burundi.

Bujumbura (W.Wararka) - Waxaa weli ka socda dalka Burundi dagaalada u dhaxeeya ciidamada Dawladda iyo kooxo ka tirsan qoomiyadda Huutuuga, kuwaasoo muddo saddex maalmood ahba ka socday badhtamaha iyo koonfurta Burundi kadib markii ay kooxaha falaagada ahi weerar ku qaadeen gaadhi siday dad rakaab ah oo la sheegay inay ku dhinteen 15 qof.

Sida uu sheegay warkasoo baxay taliska ciidamada Burundi 12 ka mid ah kooxaha falaagada ah ayaa dhintay qaar kalena way dhaawacmeen markii ay labada dhinac isaga horyimaadeen dagaalo qadhaadh meel dhinaca bari ka xigta caasimadda dalkaasi ee Bujumbura.

Ma cada sababta keentay dagaaladan cusub iyadoo uu jiray dhowaan heshiis la dhaqangeliyay oo dhexmaray labada qoomiyadood ee Tuutsiga iyo Huutuuga oo dagaalo ay u dhaxeeyeen ilaa 1993-kii, dagaaladaas oo la sheegay inay ku dhinteen dad gaadhaya 200,000 oo qof, halka ay malaayiin kalena u firxadeen dalalka la jaarka ah Burundi.

Top


Iiraan Oo Shuruud Ku Xidhay Kormeerka Hubkeeda Nuclear-Ka.

BBC-Iran, waxay mar kale sheegtay in ayna saxiixi doonin sharci dheeraad ah oo ogolaanaya in Hay'adda Quwadda Atomic-ada Caalamiga ah loo ogolaado in ay galgal dheeraad ah u yeeshaan saldhigyadeeda nuclear-ka.

Wasiirka arrimaha dibedda, ayaa sheegay hadii cunaqabataynta uu Maraykanku saaray Iran dhoofinta tecknology-ada Nuclear la qaado in markaasi xukuumadda Tehran ay ka fiirsanayso in ay mowqifkeeda wax ka badasho.

Hadalkaasi, waxaa suurtagal ah in uu wal wal ka dhex abuuro Midowga Yurub oo iyagu ku dhiirigalinayay Iran in si shuruud la'aan ah ay u saxeexdo sharcigan.

Iran, waxay aad ugu baahan tahay taageerada midowga Yurub ganacsi ahaan iyo caddaadiska kaga imanaya Maraykanka.

Hase yeeshee, Sade Saba oo ka tirsan faalo qorayaasha BBC-da ee gobolka, ayaa eegaya su'aasha ku aadan awoodda nuclear ee Iran oo noqotay walwalka ugu wayn hogaamiyayaasha dalka, taasoo xitaa ay ku midaysan yihiin kooxaha iska soo horjeeda ee ku wadajira dowladda:

Kooxaha isbadaldoonka ah iyo kuwa mayalka adag ee ku wada jira dowladda Iran oo aad ugu kala qaybsan arrimo dhowr ah, waxaa ay si aan caadi ahayn ugu midaysan yihiin difaacidda barnaamijka hubka nuclear-ka ee dalku leeyahay.

Madaxwayne Maxamed Khatami, oo taageersan isbadalka Iran, ayuu ahaa ninkii si isku kalsooni ah uga dhawaaqay telefishinka Iran bishii February in Iran ay xor noqotay in ay shidaal u soo saarato saldhigeeda quwadda Nuclear-ka.

Hogaamiyayaasha Iran ee ka kala tirsan labadan kooxood dhawaaqan oo lama filaan ahaa ay ku tilmaameen guul aad u wayn oo u soo hoyay kacaanka islaamiga ah ee dalka Iran.

Waxaa ay sheegeen in Teknolojiyadda Nurlear-ka Iran ay sameeyeen saynisyahano u dhashay dalka, iyagoo isla markaana tilmaamay in ay tahay awood iyo isku kalsoonaan u korodhay dalka iran.

Dood dhowaan ka dhacday baarlamaanka oo ku saabsanayd barnaamija nuclear-ka Iran, ayaa mudanayaasha baarlamaanka ee isbadalka taabacsan ay aad uga adadkaayeen saaxiibadooda baarlamaanka kula jira ee mayalka adag kuwaasi oo ku adkaysanayay in ay tahay in Iran aysan madaxa u laalaadin cadaadiska dibedda oo aan la joojin awoodda nuclear-ka.

Dabcan Iran, waxay wali ku adkaysanaysaa in ujeeddada ay ugu haminaysa helitaanka nuclear-ka in ay tahay mid nabadeed, hase yeeshee, Iiraaniyiintu xitaa kuwa ka soo horjeeda dowladda Islaamiga ah waxay hubka nuclear ee Iran u arkaan helitaankiisa mid sharci uu u leeyahay dalka Iran.

Waxaana ay ku doodayaan in iyadoo qaar ka mid ah deriska Iran Sida Pakistan iyo cadowgooda ugu daran ee Israel ay yihiin wado leh quwad nuclear in ay si walba xaq ugu leeyihiin in ay samaystaan hubka noocaasi ah si loo sugo ammaanka dalka iyo gorgortanka awoodeed.

Qaar ka mid ah xubnaha ku jira dowladda Iran, waxay rumaysan yihiin in Iran oo Nuclear noqotaa, Maraykanku aanu caddaadis wayn saari karin dowladda Islaamiga ah.

Top


Maxaa Dhexmarey Gudoomiyaha Barlamaanka Iyo Ku Xigeenkiisa?

BBC_Shir Xubnaha DKMG ka jooga shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee kenya ay ku yeesheen Magaalada Nairobi habeen hore ayaa waxaa ka dhacay muran isu bedaley markii danbe Gacan ka hadal.

Murankuna waxaa uu bilawday ka dib markii Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka KMG ah Maxamed Cabdi Yusuf uu soo jeediyey war bixin Go'aamo ay horey u gaadheen labada gole, golaha Shacabka iyo golaha wasiirada oo ku saabsan shirka Kenya soomaalida uga socda,Go'aamadaas oo ay ka mid ahaayeen in DKMG ahi aaney ka qweyb galeyn shirka haddii aaney Soomaali land ka soo qeyb galin shirka, arrintaas oo ay horey u diiday dawladda Somaliland.

war bixintaas ayaa la sheegayaa in ay ka careysiiday guddoomiyaha baarlamaanka KMG ay Cabdalla deeroow Isaaq iyo xubno la socday ka dibna ay Gacmaha isula tageen Deeroow iyo ku xigeenkiisa Koowaad Maxamed Cabdi yusuf, dabadeedna ay arrintu isu badashay in ay is feeraan labo mas'uul oo mid wasiir yahay oo u soo kala danaaniyey labada Xildhibaan hasa yeeshee ay ugu danbeyntii ay ku guuleysteen ra'sul wasaaraha DKMG xasan Abshir Faarax iyo xubnihii kale ee halkaas ku sugnaa in ay qaboojiyaan xasaradda.

Maxamed Cabdi Yusuf oo BBCda uga waramayey sida wax u dhaceen ayaa sheegay in Cabdalla Deeroow iyo Rag la socday ay bilaabeen iyagu waxa uu ku tilmaamay kiis iska waal iyo gacan ka hadalkaba, dhib weyna aanu haatan dhicin.

hasa yeeshee Cabdalla Deeroow waxaa uu isaguna BBCda u sheegay mar uu ka jawaabayey su'aal ahayd in uu kursi ku dhuftay ku xigeenkiisii Maxamed Cabdi yusuf in uu isdifaacayey oo shirkuna ahaa shirqool isaga loo dhigay.

Waxuuna intaa ku darey in uu madaxweynaha Kmgka ah oo ku xadgudibey qodobo badan oo ka tirsan dastuurka, sidaa darteena uu dastuurka u ogolaanayo in uu xilka la wareego isagu intii madaxweyne kale laga dooranayo.

Dhanka kale, shir jiraa'id oo uu Cabdalla Deerow Isaaq ku qabtey madasha shirka ee Mbagathi waxaa ku sheegey in hadda uu Madaxweyne Abdi Qaasim uu xukunkii kala wareegey inta madaxweyne kale la dooranayo, sababtana waxaa uu ku sheegey in xildhibaano asaga taageersan in ay shirka Jaraa'id ay ka akhriyeen dacwad ay tahay in xilka laga qaado madaxweyne Cabdiqaasim.

Dacwadaas markii la jeedinayey waxaa la akhriyey magacyada 57 xildhibaan, hase yeeshee intii shirka Jaraa'id joogtey aad bay uga yaraayeen tiradaas.

Ergooyinka kale ee DKMG-ka ka mid ah ayaa qaarkood buuq ka sameeyey shirkii Jaraa'id iyagoo sheegay in uu Cabdalla Doorow ku hadli karin magac dowladda ku meel gaadhka ah. Tiblaabooyinka uu ku dhaqaaqeyna waxay ku sheegeen in ay yihiin kuwa ka soo horjeeda dastuurka ku meel gaadhka ah.

Dhibaatooyinka shirka haatan hortaagan ayaa waxaa ka mida khilaafka u dhexeeya Xubnaha DKMG ah gaarahaan kuwa ka qayb galaya shirka, iyo dhanka kale khilaafka Dastuurka ee u dhexeeye kooxaha G8 labaxay iyo kooxda SRRCda kaas oo ay labda kooxoodba ay ku muransan yihiin ciddii baarlamaanka ka mid noqon lahayd sidii loo dooran lahaa iyadoo SRRCdu qabto in barlamaanka laga dhex doorto ergooyinka haatan shirka jooga halka kooxda G8 oo Qanyare iyo Cusmaan Caato ay ka mid yihiin ay qabaan in hogaamiye kooxeedyada oo latashanaya Odayaalka dhaqanka.

Si kastaba ha ahaatee labada kooxoodba waxay ka midaysan yihiin in qabiil lagu qaybiyo xubnaha Baarlamaanka 4 qabiil iyo bar hogaamiyeyaashuna soo maga caabaan xubnaha baarlamaanka iyagoo latashanaya Odayaalka dhaqanka, arrintaas oo ay diidan yihiin dad badan oo haatan shirka jooga oo iyagu qaba in odayaalka dhaqanku soo magacaabaan xubnaha baarlamaanka.

Top


Wargeysyada Caalamka ee Todobaadkan.

The Observer.

Wargeyska The Observer ee maalinta Axadda ka soo baxa dalka Britaina ayaa daabacey maqaal uu kaga hadlayo baaq boqorada Britian ku lumineyso madaxtimada Kaniisada England.
Wargeysku waxaa uu qorey isaga oo soo xiganaya warbixin weyn oo ka hadeysa boqortaayada, in boqorada ay tahay in laga qaado magaca ah in ay tahay madaxa ugu sareeya ee Kaniisada England, si qoyska boqortooyada ay si wanaagsan uga muuqato in dalka Britain uu yahay dal ay ku wada dhaqan yihiin dad isiro kala duwan iyo diimo kala duwan leh.

Wargeysku waxaa uu intaa ku darey, warbixintan ay soo saareen gudi howshiisa wadey muddo sanad ah, oo ka baaraandagayey mustaqbalka Boqortooyada ayaa soo jeediyey isbedelkii ugu weynaa ee boqortooyada lagu sameeyo tan iyo marka laga soo bilaabo Henry-gii Sideetaad ee u noqoday madaxa Kaniisada England.

Wargeysku waxaa uu sheegey in warbixintan la soo saari doono labada todobaad ee soo socota laguna soo jeediyey in boqoradu ay noqoto madaxa dalka oo aanay u go'naan diin gaar ah.

Wargeysku waxaa uu sheegey in gudiga soo saarey warbixinta in ay wada-shaqeyn buuxda ka heleen qasriga boqortooyada, waxayna sheegayaan sida uu wargeysku qorey in aanay dooneyn in ay arkaan in burbur buuxa uu ku dhaco Kaniisada England, hase yeeshee, ay doonaayaan in Kaniisadu ay joojiso xidhiidhka ay la leedahay boqortooyada.

The Monitor.

Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa qorey maqaal uu kaga hadlayo in madaxwene Musevene uu doonayo in uu mar saddexaad jaggada madaxweynenimada uu helo.

Wargeysku waxaa uu sheegey Ra'iisal wasaare ku xigeenkii hore ee dalka Uganda, Eriya Kategaya in uu sheegey in madaxweyne Yoweri Musevene oo ka danbeeyo hindise wax looga badalayo qodob ku xusan dastuurka oo xadidaya inta goor ee madaxweynaha uu u tartami karo jagadda Madaxweynenimada dalka.

Sida uu qorey wargeysku, madaxweyne Musevene ayaa weydiistey shirkii Guddiga sare ee dhaqdhaqaaqa Qaranka ee la qabtey bishii March in la qaado xadidaada lagu soo rogey inta goor ee uu madaxweyne xukunka qaban karo.

Wargeysku waxaa uu intaa ku darey in madaweyne Museveni uu sheegey in aanu naftiisa u dooneyn waxa lagu sheegey xili seddexaad, hase yeeshee uu u doonayo in madaxweyne kasta uu u tartami karo xili seddexaad.

Hase ahaatee, Mr. Kategaya oo isga laftiisu ahaa Wasiirka Arrimaha Guddaha ka hor inta aan la badalin bishii la soo dhaafey, ayaa sida uu wargeysku qoray, ka soo horjeeda dooda madaxweyne Musevene.

Cukaaz.

Wargeyka Cukaaz ee ka soo baxa dalka Sacuudu Careebiya ayaa waxaa uu daabacey maqaal uu kaga hadalayo kooxaha argagixisada ah ee Sacuudiga ka jira.

Wargeysku waxaa uu sheegey in shaley weerar ay ku qaadaan ciidamada amaanka ee sacuudiga guri ku yaala xaafadda Al-khaalidiya ee magaalada barakeysa ee Maka Al Mukarama, in ay ku dhinteen shan qof, toban kalena ay ku dhaawacmeen. Wargeysku waxaa uu sheegey in howlgalkaas lagu qabtey todobo qof oo ka mid ah kooxaha argagixisada.

Wargeysku waxaa uu intaa ku darey in kooxahaas iyo ciidamada amaanku in ay isweydaarsadeen xabado, hase yeeshee ay kooxuhu galeen guri ku yaala xafadda Al Khaalidaya ee Maka, halkaas oo ay ku dhinteen laba ka mid ah ciidamadii booliska oo uu midkood uu yahay sarkaal seddex xidigle ah, ka kalena yahay wadihii baabuurka booliiska.

Waxayna ciidamada booliisku sheegeen sida uu wargeysku qorey, in gurgii nimankaasi ay galeen laga heley hub iyo waxyaabaha qarxa oo ka badan kuwii lagu qarixiyey dhawaan magaalada Riyaad.

Al Qudus Al Carbi.

Wargeyska Al Qudus Al Carabi ee ka soo baxa magaalada London ayaa isna daabacey warqal la sheegey in uu soo direy hogaamiyii la riday ee Ciraaq Saddaam Xuseen.

Wargeysku waxaa uu sheegey isaga oo soo xiganaya warqad faks loogu soo direy 12kii Bishan Jun in Saddaam uu ku hanjabey in uu weerar ku qaadi doono dowladda Ciraaq heysta.

Waxuuna ugu digey dadka ajnabiga ah ee Ciraaq hadda joogaa in ay isaga baxaa inta ka horeysa 17 bishan Juun oo uu wargeysku sheegey in ay ku beegan tahay maalintii la aasaaskey xigiga Albacthi Al carabi ee dalka Ciraaq.

Sida uu wargeysku qorey waxaa kale oo uu Saddaam warqadiisa uu ku sheegey in uu mar dhow qaadi wajigii koowaad ee dagaal looga xoreenayo Ciraaq ciidamada Ajnabiga ah ee heysta.

Waxaa kale oo warqada Saddaam ku xusan sida uu wargeysku qorayo, in wajigaan koowaad ka dib ay dhici doonaan waxyaabo badan oo lagu sheekeysto, haddii uu ajnabiga sii joogaan dalka Ciraaq.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hala Taageero Naafada Boorama.

Xarunta curyaamiinta G/Awdal Boorama waa xaruntii hore ee cashuuraha maaliyadda ee dawladdii hore ee Soomaaliya, haddaba wakhtigii dawladdii hore dhacday waxaa meeshii maaliyadda galay curyaamiintii G/Awdal, halkaas oo naafada raashinka quudinta ah bixin jirtay, hay’adda IIRC. Aqalka maaliyadda waa la gubay, laakiin waxaa dhisay oo dayactiray hay’adda IIRC, si naafada gobolka Awdal u hadhsadaan ugana faa’iidaystaan, hay’adda raabidadu naafada ay quudin jirtay waxay dhamaayeen 279 qof.

Intii ka dambaysay sanadahaas naafada gobolka Awdal may helin macaawimo dawladeed iyo mid hay’adeedba, iyada oo ay naafadu ay qabaan dhibaatooyin iyo macaluul aad u badan.

Wakhtiyadii hore waxaa la heli jiray waxbarasho lacag la’aan ah, caafimaad lacag la’aan ah iyobiro lacag la’aan ah.

Laakiin imika intuba waa lacag, qofka naafada ahina maba shaqeeyo mana leh cid gargaarta, oo ka caawisa waxa uu u baahdo.

Hay’adihii qalabka curyaamiintu samaynayayna imika wey iska daayeen, samafalkii oo haddii aad lug u baahato waa inaad lacag keento haddii kale lagu samayn maayo lug sanaaci ah, biraha lagu boodana waa lacag.

Curyaamiinta agoonta leh waa in la shaqaalaysto si ay ummaddooda ay ugu shaqeeyaan, iyaga oo kaashanaya aqoontooda, laakiin haddii qofka loo diido shaqo wuu niyad jabayaa, wuxuu ku siganayaa in uu is-dilo, maadaama uuna haysan wax uu noloshiisa ku dabaro, oo lacaga ah.

Curyaamiintu horumarka wadanka wey ka qayb qaadan karaan, haddii garaadkooda la kobciyo loona sameeyo mac-hadyo dhaqan celineed si aqoontooda kor loogu soo qaado, loona sameeyo abaabul ka saar, jiheyn iyo mashaariic yar yar.

Curyaamiinta aan shaqeysan karin waa in loo sameeyo xanaanooyin lagu daryeelayo, noloshooda si looga warqabo waayo haddii la iloobo waxaa muuqaynaysa in uu is-qaxiyo oo uu nolosha ka tago.

Curyaamiinta qaliinka u baahan ama buka waa in loo diyaariyaa dhakhaatiir dibadeed ama in loo diyaariyaa kuwo gudaha ah, si niyadoodu u dhisanto, oo ay bulshada wax ula qaybsadaan.

Curyaamiinta waa in loo sameeyaa mashaariic horumarineed loona soo jeediyaa hay’adahan tirada badan ee wadanka ka buuxa ee waxba u qabaneyn naafada gobolka Awdal.

Waxaan baaq u soo jeedinayaa xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah in ay wax u qabtaan naafada gobolka Awdal oo qatan una baahan gargaar bani-aadminimo.

Cali Abiib Axmed, Boorama.

Top


Hanala Qanciyo.

Aniga oo ah Sh. Cali Samatar Carraale oo ka mid ah odayaashii Bali-Calanle ee soo gelbiyey sanduuqii Shacabku codadkooda ku dhiibtay ee sida wadanimiada leh u codeeye.

Haddaba marka aanka waramo sifaha sanduuqaas, waxaanu ku kharash garaynay naf iyo maal, waayo laga bilaabo lixdii subaxnimo ilaa lixdii galabnimo, ayaa bacadka loo taagnaa, halkaas oo dadka codeeyey ka mid ahaayeen dad waayeel ah, dad xanuunsanaya, dumar iyo dhalinyaroba, inkasta oo aan cidi waxba ku noqon, inkastoo ay jireen xoolo dayacmay oo laga yimid carruur aan quraac iyo qado midna la siinin.

Haddaba sanduuqii sifahaas lahaa waxaa komishanka iyo maxkamadda sare labaduba ka soo qaadeen waxba kama jiraan, taasina namay qancin, haddaanu reer Bali-Calanle nahay, markhaatina waxaa u noqday xukuumadda Somaliland, sharciga iyo caddaaladda labaduba way ka soo horjeedaan sidaas darteed, haddaanu nahay reer Bali-Calanle kumaanu qancin ee ciddii ay khusayso ayaanu uga fadhinaa inay arrintaas naga qanciyaan.

Sheekh Cali Samatar Carraale.

Hargeysa.

Top


Nabsigii Foosto-Riix, Q: 8aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

Waxa u bilaabmay Foosto-riix wakhti cusub oo raaxo leh, isaga oo kolba meel dalxiis iyo socdaal ugu baxay islamarkaana sidaa ku ilaabay reerkiisii iyo caruurtiisii oo uu soo foodsaaray wakhti adag iyo duruufo qalafsani taasoo ahayd mid aanay filayn.

Fatxiya waxa ka soo hadhay “ tana yaa filaayay ma markuu nimcays tay ayuu reer kiisii ilaabay, waaba dhibaato aan na helin markii uu kuuliga ahaa” taasoo ay ku calaacali jirtay. Dhibaatada ugu daranina waxay soo food saartay caruurtii ilma foosto -riix oo markaa dugsiyada wax barashada meel fiican ka marayey in kasta oo aanay markaa darajo sare gaadhin.

Fatxiyada oo ay soo food saartay hawl culusi waxa ay go aan satay inay u dhabar adaygto hawsha la soo gudboonaatay ee ah korinta caruurteeda yar yar ee uu kaga baxsaday Foosto-riix oo markan ah fadhi-lacag.
Waxaabad moodaysay inaanu waligii waxba dhalin oo aanay caruuri ka dambayn sida uu isugu ilaaway raaxada uu helay iyo la cagta ku soo butaacday ee aanu hawsha badan u galin isaga oo ay la fogaatay jacayl uu u qaaday Fahiima oo noqotay gabadh uu aad u jeclaaday aakhirkiina ay taasi ku khasabtay inuu guursado.

Iyada lafteedu waxay isku hawshay inay sii kala fogayso Foosto-riix iyo reerkiisa waxyaa bahaa ay adeegsan jirtayna waxay ahayd iyada oo had iyo jeer iyadu iska dhaadhicin jirtay markastana tusi jirtay jacayl ay u qabto iyo inay ilawsiiso reerkiisa oo ayku tlmaami jirtay inay qaxar miidhan yihiin Maalinmaalmaha ka mid ah ayuu Foosta-riix u yimid nin ay saaxiibo hore u ahaayeen oo isaga ku yidhi: “Waar foosto-riix ma markii aad dalacday ayaad reerkaagii ilowday, waxaan arkay iyagoo darxumaysane.” Foosto-riix baa si cadho leh u yidhi, “adeer Foosto-riix la ima yidhaahdee magacayga soo baro.” Ninkii baa yidhi; “oo muxuu yahay magacaagu, kaasuunbaan kuu aqaanee.” “magacaygu waa Fadhi-lacag ee mardambe ha igu odhan waxaa aad tidhi,” ayuu yidhi ninkii Foosto-riix. Ninkii oo yaaban baa yidhi; “ma markii aad dalacday ayaad magacaana la baxday, weligaaba Foosto-riix ayuunbaad tahay wax kastoo aad sheegataba.”

Halkii baanay isku fara-saari gaadheen iyagoo dirqi lagu kala kaxeeyay, laakiin taasi waxay ku dhalisay Foosto-riix inuu xasuusto reerkiisii, waxaanu go’aansaday inuu waxoogaa biil ah u qoro reerkiisa, balse nasiib-daro waxay noqotay isagoo ugu dhiibay biilkii minyaradiisa cusub ee Fahiima, taasoo intay ka qaado aan gaadhsiin jirin reerka loogu dhiibay oo meel dhigan jirtay.

Fatxiya waxay iyadu dedaal u gashay sidii ay caruurteeda u korin lahayd, iyadoo maankeeda ka saartay Foosto-riix oo ay ka samirtay markii nuurigiisiiba la waayay, waxaanay dib u shidatay meheradeedii dawaarlaha ahayd, halkaasoo ay kasoo saari jirtay quutal-daruuriga caruurteeda iyo masaariifta si ay u sii wataan waxbarashadoodii ilaa ay ka hana-qaadeen.

Faarax oo caruurta ugu weynaa markii uu hanaqaaday markiiba waxa uu go’aansaday inuu hooyadii caawiyo kana qaybqaato shaqada reerka waxaanu markuu gelinka hore kasoo rawaxo iskuulka gelinka dambe tegi jiray meherada hooyadii isga oo markii dambe bartay dawaar kii oo uu Hooyadii ka caawin jiray tolmaha dharka.

Farxaan oo ka yaraa ayaa isaguna fariidnimo la yimid isaga oo marka uu iskuulka ka yimaado bilaabay inuu baabuurta masaxo si uu yoomka uga soo helo.

Foosiya oo caruurta ugu yarayd waxay ku aaday shaqada ugu culus ee guriga iyadoo inta la kala maqanyahay kasoo dhalaali jirtay hawsha guriga oo dhan.

Gacmo wadajirkay wax ku gooyaane waxay noqdeen reer isku filan oo in kasta oo ay dhibaato ka soo gaadhay maqnaanshaha odaygii reerka hadana dadaal weyn muujiyey si ay uga dabaashaan duruufaha adag ee nolosha.
Foosto-riix isagu marna muu dareemin gafka weyn ee uu galay markii uu aayar ka dhaqaaqay reerkiisii balse wuxuu ku mashquulay raaxadiisa sida uu moodaayay.

Lasoco.

Top


WAADIGA CIYAARAHA, Cabdifataax M. Caydiid.

San Antonio Spurs Oo Markii 2aad Ku Guulaysatay Horyaalka NBA.

San Antonio (W. Wararka) - San Antonio Spurs ayaa ku guulaysatay koobka tartanka kubadda koleyga reer Heerka ugu sareeya adduunka ee loo yaqaan NBA, kadib markii 88-77 dhibcood kaga guulaysatay kooxda New Jersey Nets, ciyaartan oo ahayd tii lixaad ee dhexmartay labadan kooxood ciyaaraha kama-dambaysta NBA-Finals, waxay shalay ku soo geba-gebeeyeen San Antonio Spurs 4 ciyaarood oo ay iyadu guulaysatay iyo 2 ciyaarood oo laga badiyay.

Tani waa markii labaad ee ay ku guulaysato San Antonio Spurs horyaalkan NBA-ga taariikhdeeda, kadib markii ay ku guulaysatay kan ka hor sannadkii 1999-kii, taas oo ay soo afjareen guulihii isdaba jooga ahaa ee ay kooxda Los Angles Lakers ku guulaysteen saddexdii jeer ee ugu dambeeyay. Waxaana xusuus muddan in ay kooxdan San Antinio ay ciyaarihii semi-finalska ay ku saartay kooxda L. A. Lakers, kadib markii ay 4 ciyaarood ka badisay 2 ciyaaroodna ay kooxda Lakers guulaysteen, halka ay kooxda New Jersey Nets oo markii labaad oo xidhiidh ah ku guuldaraystay ciyaaraha kama-dambaysta ah, kadib markii sannadkii ay kooxda Lakers-ku ka adkaadeen ciyaaraha kama-dambaysta NBA-da.

Guushan kooxda Spurs ma uu ahayn mid sahal ah, waxaanay qaybtii ugu dambeysay ee ciyaarta (Quarter 4) ay soo galeen ciyaarta iyagoo laga horeeyo 10 dhibcood oo ay ciyaartu maraysay 57-67, laakiin way dedaaleen waxay dhaliyeen 19 dhibcood oo isdaba joog ah, halka ay kooxda Nets ku fashilantay in ay wax dhibco ah dhaliso muddo 5daqiiqadood iyo 34 ilbidhiqsi.

Waxaa guushaa qayb weyn ka qaatay xiddiga Tim Duncan, kaas oo dhaliyay 21 dhibcood iyo 20 jeer oo riinka ka qabsaday kubadda (rebounds), waxaanu sameeyay 10 caawimo (assist), waxaanu taasi u horseeday inuu ku guulaysto in loo doorto ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ciyaaraha kama dambaysta ah (MVP), iyadoo uu tan oo kalena ku guulaystay wareegyadii hore ee NBA-ga, waxaanu noqday ciyaartoygii 9aad ee taariikhda NBA-da ku guulaysta laba jaa’isadood xilli-ciyaareed kaliya.

Tababaraha kooxda Spurs, ayaa ku tilmaamay Tim Duncan inuu muujiyay xiddignimadiisa, waxaanu yidhi: “Waxa uu muujiyay Duncan ciyaartan in aanu shaki ku jirin inuu yahay xiddiga ugu wanaagsan sannadkan taas oo uu tusay indhaha dadka.”

Xiddiga weyn ee San Antonio Spurs, David Robinson oo xilli-ciyaareedkan bilowgiisii sheegay inuu ciyaaraha ka fadhiisan doono dhammaadka xilli-ciyaareedkan, ayaa isaguna ku guulaystay inuu dhaliyo 13 dhibcood iyo 17 rebounds.

Robinson oo 37 jir ah oo 14 sannadood ku soo dhexjiray ciyaaraha kubadda kolayga ayaa yidhi: “Hore ayaan u imid kaalintan oo kale (Horyaalka), laakiin tan aanu maanta (shalay) ku guulaysanay waa tii ugu sareysay, waana arrin aad u weyn.”

Robinson wuxuu hore ugu guulaystay ciyaartoyga ugu wanaagsan (MVP) sannadkii 1995-kii, waxa kale oo ku guulaystay biladda dahabka ah laba jeer oo wadankii kula guulaystay Barcelona 1992 iyo Atlanta 1996-kii.
Dhinaca kale ciyaartoyga kooxda New Jersey Nets, Jason Kidd oo kooxdiisa u dhaliyay ciyaartan ugu dambeysay 21 dhibcood, ayaa ka hadlay khasaaraha ku yimid kooxdiisa, waxaanu yidhi: “Miisaanka ayaa naga lumay rubucii ugu dambeeyay (quarter), kadib markii iyadoo ay arrintu gacantayada ku jirto, laakiin waxa naga badiyay koox naga wanaagsan, waana in aanu u hambalyaynaa.”

Tartanka loo yaqaano NBA waa tartanka ugu heerka sareeya adduunka, waxaana lagu qabtaa dalka Maraykanka oo aad looga tixgeliyo ciyaaraha kubadda koleyga, waxaanay ka taagan tahay dalka Maraykanka gudihiisa ciyaaraha labaad ee ay aadka u daawadaan dadyowga ku dhaqan Maraykanka, iyadoo keliya ay ka horeyso ciyaaraha loo yaqaano Baseball oo ay dadka Maraykanku aad u xiiseeyaan ama u ciyaaraan.

“Waxaanu U Hawlgalnay In Dhallinta Agoomaha Hargeysa Ka Qaybgalaan Norway Cup 2000, Balse…” Waraysi - Guddoomiyaha Ururka Somaliland Youth And Sports Association.”

Top


Somaliland Democracy Watch

London (SDWO) - Waxa dhowaan lagu aasaasay Waqooyiga magaalada London urur la yidhaah Somaliland Youth & Sport Association. Ururkaas waxa gudoomiye u ah Xassan Maxamed Waraabacade oo ku caan ah qabanqaabinta iyo isku dubaridka Ciyaaraha kubada cagta, taakuleyn badana ka soo geestay horumarinta Ciyaaraha Somaliland. Xassan sanadadii 1977 - 1983, wuxuu ka mid ahaaa ciyaartooyadii heerka koowaad u safan jiray naadigii kubada cagta ee la odhan jiray Madbacada ee ka dhisnaa magaalada Muqdisho.

Xasan waxa wareysiyo dhinacyo badan leh la yeeshay SDWO (Somaliland Democracy Watch), waxaanu wareysigaasi u dhacay sidan.

SDWO: Xassan ugu horeyn goormaa la aasaasay ururkan Somaliland Youth & Sprots?

Hassan: Marka hore waad mahadsantahiin. Hadii aan ka jawaabo su,aashii aad i weydiisay, ururkan Somaliland Youth and Sports waxa la aasaasay sanadkii 1999 kii oo lagu aasaasay dalka Norway halkaas oo aan markaas degenaa, Imikana si rasmi ah uga dhismay dalkan ingiriiska, anoo mudo ku hawlanaa dhamaystirka iyo dhidib u taagida ururkan.

SDWO: Ujeedada ka danbaysay aasaaska ururkan wax yar ma nooga taataaban kartaa?

Hassan: Ugu horeyn aasaaska ururkani wuxuu qayb libaax ka qaadan doonaa sidii loo xoojin lahaa amaba loo caawin lahaa ciyaaraha Somaliland iyo sidii ciyaartoyga Somaliland uga qayb geli lahaayeen tartamada caalamiga ah.

SDWO: Madaama aad hawlaha ururkan soo waday ilaa iyo sanadkii 1999kii marna ma idiin suurto gashay in ciyaartooy Somaliland ka socda aad casuumad u fidisaan?

Hassan: Runtii haa, waxaan u hawlgalnay sidii dhalinta agoomaha Hargeysa ay uga qayb geli lahaayeen tartanka caanka ah ee Norway Cup 2000, Nasiib daro waxa noqotay in ay fikradaasi ku dhicisowday markii ay yimaadeen magaalada Dubai ee Isu Taga Imaaraadka Carabta, taasi oo ka timid cilad farsamo xumo ah oo ka timid xaga maamulkii dhalinyaradaas, taasina waxa ay igu reebtay niyadjab weyn, anigoo wakhtigaa laga soo bilaabo ka yara gaabsaday halkii markii hore aan aad isugu taxalujin jiray.

SDWO: Markaa ilaa wakhtigaasi ma halkaasi baad kaga hadhay waxqabadkaagii ee ku jiheeysnaa dhinaca ciyaaraha?

Hassan: Maya, inkastoo labadii sanadood ee aan London joogay aanan waxweyn oo muuqan kara u qaban ciyaaraha Somaliland, hase yeeshee waxaan aad uga shaqeeyay Ciraatoyda ku nool Waqooyiga magaalada London ee aadka ugu harraadan in la tababaro sidii ay uga badbaadi lahayeen dhibaatada qurbaha taala oo ay helaan wax ay mashquul ku noqdan.

SDWO: Maxaa urur ahaan hada idiin qorsheysan?

Hassan: Waa su’aal fiican, waxaa aan ku tala jirnaa sidii loo abuuri lahaa kooxo Ciyaartooy oo tayo leh, isla markaana wacyi gelino dhalinta sidii ay uga badbaadi lahaayeen mukhaadaraadka oo uu ka mid yahay jaadku iyo wixii kale ee ka sii daranba. Qorshahayaga waxa kale oo ku jira sidii loogu qabanqaabin lahaa tartamo ciyaartoyda dhexdooda dhexmara.

SDWO: Maadaama imika ururkan aad hawshiisa ka waday maagaladan London weli tartamo noocaas oo kale ah ma qabateen mise idiin qorshaysan yihiin mustaqbalka dhow?

Hassan: Sida aad sheegtay imika muddaan ku dhexjiray kuna hawlanaa sidii uu ururkani u noqon lahaa urur jira isla markaasna da’ yarta waxtara dhinaca ciyaaraha, imika waxaan mudoba ku hawlanaa qabanqaabada koobkii u horeeyay ee aan dhexdhigno dhalinta ciyaaraha jecel, koobkaas oo aan ugu magacdarnay maalinta 26ka Juun oo ah maalin taariikh ku leh reer Somaliland. Waxa kale oo qorshahayaga ku jirta haddii uu Illaahay noo suurto geliyo sannadka dambe in aan qabanqaabino tartan koob kubada cagta ah oo lagu maamusayo maalinta qiimaha leh ee 18ka May ee gooni isu-taaga Somaliland.

SDWO: Maadaama aad maanta fursad u heshay in wareysigaagan dacalada aduunka oo dhan laga akhristo, maxaad ku soo gebogebeyn lahayd warbixinta aad na siisay?

Hassan: Horta gaar ahaan SDWO waxaan idiin soo jeedinayaa mahadnaq balaadhan, marka xigta waxaan mahad u celinayaa dhaliyarada ciyaaraha jecel ee habeen iyo maalinba ku dadaalaya horumarinta ciyaaraha Somaliland iyo kooxaha sida hagar la’aanta ah u ururiya dhalinyarada, sida Hilaac, Togdheer, North Stars, Al-Hijra, Iftin iyo inta kale ee aanan halkan ku xusin imika.

Top


6 Dal Oo African Ah Oo Cadeeyay Inay U Tartami Doonaan Martigelinta Koobka Adduunka 2010.

Lixdii wadan ee afrikanka ahaa ee hore u muujiyey in ay rabaan martigelinta koobka adduunka 2010 (FIFA WORLD CUP) ee ciyaaraha kubada cagta.oo kala ah Masar. Libiiya. Maroco. Neyjeeriya. Koonfur Afrika iyo Tuniisiya ayaa kuligoodba si rasmi ah u cadeeyey in ay u tartami doonaan martigelinta koobka aduunka ee kubada cagta ee sanadka 2010, taas oo noqon doonta markii koowaad ee lagu qabto wadan Afrikaan ah.
Gudoomiyaha xidhiidhka kubadda adduunka Joseph Sepp Blatter ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in lix wadan oo afrikaan ahi soo codsadeen. "Waa markii ugu horeysay ee ciyaaraha lagu qaban doono Afrika, waanan hubaa inay halkaa ka dhici doonaan ciyaaro xiiso leh" ayuu yidhi Blatter.

Wadan waliba ugu dambayn 30 sebtember waa inuu soo bandhigaa qaabkii uu u martigelin lahaa tartanka ciyaarahaas. .Isla markaana FIFA waxay baadhitaan ku sameynayaan wadan walba inuu buuxiyey shuruudihii Abril 2004 ayaana la go'aaminayaa wadankii martigelin lahaa ciyaaaraha.

Top