Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 358 June 20, 2003

Sarkaal British Ah Oo Faah-Faahiyey Mawqifka Dawladiisu Ka Leedahay Shirka Soomaalida Ee Kenya “Yaan Walaac Idinka Gelin In Shirka Nairobi Wax Kasoo Baxaan, Kuraastii Somaliland Loo Qoondeeyayna..” David Bell.

Abwaan Khadar Macallin Qaasin: Daahir guushi ku raacday,
Gurubbadii tartamayeyna
Gacan diirran ku siiye,
Gaboobo metelaayey
Gobolkeennan Seattle-na
Hambalyadii wuu gudbiyey.

Weftigii Golaha Deegaanka Hargeysa Oo La Kulmay Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Finland.

Safiirka Britain Ee Adis Ababa Oo Lasoo Qaaday Madaxweyne Rayaale Xaalada Maxaabiista Siyaasada U Xidhan.

Qalabkii caafimaadka ee Jaamacada Camuud oo markii u horeeyay la bililiqaystay /iibsaday.

Wax Khilaaf Ahi Kama Taagna Jaamacadda Camuud, Warsaxaafadeed - Gudida Siyaasada Ee Jaamacadda Camuud.

Tababar Caafimaad Oo Lagu Soo Gaba Gabeeyay Boorama.

Bayaan Beenin Ah Odayaal Reer Burco Ah.

Golaha Deegaanka Ee Gabilay Oo Xilkii Ka Qaaday Maayarkii Ay Doorteen.

Macal Cune Muuqan Doonee, Wasiirkii Hore Ee Kaluumaysiga.

Dhoodaan Iyo Bandhigiisii Xalay Ee Ming-Sing.

Shirka Soomaalida Kenya maxaa ka soo baxay?

Soomaali iyo Eritrean lagu xidhay Suudaan.

Qaramada Midowbey maxay ka qabaneysaa amaanka Afqanistaan?

Laybeeriya Oo La Kala Saxeexday Heshiis Cusub.

Madax-Weynaha Kiinya Oo Isku Shaan Dheeyay Dawladiisa.

Senator Eedeeyay Siyaasadda Bush.

Saddex Askari Oo Maraykan Ah Oo Lagu Dilay Weerar Gaadmo Ah Dalka Ciraaq.

Oklahoma Oo Amaanka La Adkeeyay.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ku Dayo Daacadnimadii Marxuum Axmed Xasan Ibraahim.

Ganacsiga Dalka Wax Ka Beddel.

Weftiyadu Maxay Soo Kordhiyaan?

Talo-Bixin Ku Socota Wasiirka Ganacsiga.

WAADIGA CIYAARAHA, Cabdifataax M. Caydiid.

“U Wareegista Real Madrid waxba uma dhimayso Mustaqbalkayga England,”
David Beckham.

Koobka Qaaradaha Adduunka iyo Maalintii 1aad.


Sarkaal British Ah Oo Faah-Faahiyey Mawqifka Dawladiisu Ka Leedahay Shirka Soomaalida Ee Kenya “Yaan Walaac Idinka Gelin In Shirka Nairobi Wax Kasoo Baxaan, Kuraastii Somaliland Loo Qoondeeyayna..” David Bell.

Hargeysa (Haatuf): “Yaan walaac idinka gelin in shirka Nairobi wax kasoo baxaan. Kuraastii ay shirka uga qoondeeyeen Somaliland weli way banaantahay waxaanay fahamsan yihiin inaan lagu fadhiisin karin cid samays ama fool-jari ah,” sidaa waxa yidhi David Bell oo ah xog-hayaha 1aad ee safaaradda Britain ee Nairobi, mar uu maalintii Arbacadii magaalada Hargeysa uga waramayay hogaanka xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE shirka dib-u-heshiisiinta Somaliya ee ka socda dalka Kenya iyo mawqifka Britain ee ku aadan shirkaas, isagoo intaa ku daray inuu mawqifkoodu yahay inay Somaliya ama koonfurtu heshiiso waxna dhisato, kadibna wadahadalo ay dhexmaraan labada dhinac.

“Waxaan idin odhan lahaa idinka mawqifkiina ku saabsan shirka heshiisiinta Somaliya ha noqdo mid ah waar nimankaasi hawshooda ha iska wataan. Waanu ognahay inay halkaas joogaan dad raba Somaliya midaysan, hase yeeshee anaguna waxaanu ognahay inaanu doonayno Somaliland madax-banaan,” ayuu yidhi xog-hayuhu isagoo ka waramayay mawqifka iyo arrimaha loo baahan yahay inay mabda’ ahaan iska taagto Somaliland shirkaasi.

Mar uu ka waramayay mawqifka xukuumadiisa Britain waxa uu yidhi Mr. Bell, “Mawqifka aanu ka leenahay shirka Kenya waxa weeye in koonfurta Somaliya heshiiso waxna dhisato, taas kadibna ay wadahadalo ku saabsan waxa laga yeelayo dalkii hore la isugu jiray Somaliya ay dhexmaraan iyaga iyo Somaliland.”

Isagoo ka hadlayay dareenka hadda ka jira ergada shirkaasi ka qaybgelaysa waxa uu yidhi, “Dareenka hadda ka jira ergada shirka dhexdeedu wuxuu odhanayaa Somaliland teedu ha inoo dambaysee bal horta koonfurta Somaliya wax ha ku heshiiso.” Waxaanu intaa raaciyay, haddii ay isaga lasoo gudboonaato arrinta shirkaasoo kale wixii uu yeeli lahaa oo uu sheegay inuu u diri lahaa dad shirkaasi casharo ka bixiya. “Haddaan idinka ahay waxaan Mbegathi (halka uu shirku ka socdo) u diri lahaa dad casharo ka bixiya oo ergada shirka wax uga sheegay sidii aad u heshiiseen waxna u dhisateen, waayo waxay idiin arkaan tusaale fiican oo ku dayasho leh,” ayuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyay Mr. David Bell.

Mr. David Bell waxa uu ka mid ahaa wefti ka socda Dawladda Britain oo uu hogaaminayo safiirka Britain u fadhiya Itoobiya Mr. Myles Wickstead oo ay wehelinaysay afadiisa Shelaj Wickstead iyo Owen Richards oo ah xog-hayaha arrimaha Siyaasadda ee safaaradda Addis Ababa oo dalka booqasho ku yimid maalintii Salaasadii iyagoo muddadii ay dalka joogeen la kulmay Madaxweyne Rayaale iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah ee KULMIYE iyo UCID. Sidoo kale waxay la kulmeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Top


Abwaan Khadar Macallin Qaasin:
Dahir guushi ku raacday,
Gurubbadii tartamayeyna
Gacan diirran ku siiye
Gaboobo metelaayey
Gobolkeennan Seattle-na
Hambalyadii wuu gudbiyey.

Maansadan la yidhaahdo "Gobaad" waxa curiyay Abwaan Khadar Macallin Qaasin, waxaanu ka tiriyay xuski May 18 ee Seattle ka dhacay. Abwaanku wuxuu si farshaxan ku jiro uga hadlaya marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland laga soo bilaabo gumaysigii ingiriiska ilaa laga soo gaadho marxaladan ay haatan marayso. Waana tan maansadii oo dhamaystiran:-       

       Gobaad.

Guusha May xusiddeeda
Goleheennan wanaagsane
Gabdhuhu ay hiddeheenniyo
Ku gedfeen sharraxaadda
Dhallintaa gees iyo gees
Igu gaafa wareegsan iyo
Gargaarow calankeennan
Iga guud lulanaaya
Ayaa Shiikh i yar geeyey iyo
Geedki deebta lahaa.

Guban oo ah barwaaqo iyo
Guga oo hawd ku darrooray
Gal xareed iyo doog.
Guunyadoo dhereg joogta
Iyo geel ramadoobay.
Rashiidow gabaygaygu, carro aan garanaayiyo
Gol Jannuu ku wacnaayoo
Anigoo caawa goshii
Garbadiir iyo jooga.
Golis baan ka jeclaaye
Ha yeeshe gola fuulkaan
Sangaa goosan aqiin iyo
Geeraarkuu ina Saala
Ku gardaadshay naftayduba
Isa soo gure haatanoo
Waxaan gaafka higaadda
Ku gadaangad aqiin iyo
Godlanti socon wayday.
Geddaasaan se itaalka
Nin qurbaa ku gaboobiyo
Abwaan kaa maskax guuray.
Gaarriyow u sitaayoo
Sangubkaad garanaysay
Ganna’ soo rogan mayo
Gudhan buu ku jiraa.
Anna waygu gabaabsiye
Gun dhabeendhowga hanta
Go’bo’ dii u dambaysiyo
Haddan dhiig isku gaadho
Waan gunaanadayaaye
Kistoo aan isu geeyeyoo
Xuska goobta ku saabsan
Baan ku soo guntayaaye
Cammow ii geli buugga.
Afartaa gigta maanso
Iyo guuxa libaax dheh
Afartaana gidaar cad
Isagaa garan doonee
Xasan Kayd ugu geeya.

Taariikh guuniyo fallo
Aan ka soo gaadhaya awowgay
Gumaystihi ina haystay
Ee googooyey dhulkeenna
Rag baa cawda u gooyey.

Geyigan soo dhicintiisana
Gabannaa nafta siistay
Giib iyo Koofilba eede
Gaaladiina la caydhi
Gugii aan dhalandoono iyo
Gobannimaa isku beegmay
Xorriyaddaa gelbinteeda iyo
Geeridii tacsideedanan
Gibinbaa u dhexeeyey
Kamanaad garanaynin
Gooyadii i lisaay iyo
Gaagexee iska daaya
Isku goor ku goor ku dhawaaqday
Goosankii hor kacaayeyee
Isu geynta dadkooda iyo
Gobolladooda la haysto
Gadhlow soo dhicintooda
Guntiga dhiisha lahaana
Waqdii meesha ka gaadhay
"Watergate" iga dheh.

Laga soo gudub taa
Geesiyaa hadhi waayey.
Haddaad aar wax gumaada
Guunyadaa uga yaabto
Godkiisaa loogu tagaaye
Shoooladday u galeen
Xeelad loogu gurguuray
La soo taabay gadaanka
Gaadmadaa lagu toos
Goolkaasi noo dhalanwaa.

Gaal ooga madow iyo
Gocorraa ka afduubay.
Gungumaa mar kaleeto
Garbahaarray la aaday
Kacaanka loo tun gurbaanno
Wadaadkii gar ma qaate
Tareenkii guuxa badnaa
Hadba gees u carrabi
Reer galbeed wax u doonay
Afkiisii garanwaaye
Ruushka gaajo ka soo rog.
Daba dheer wax gumaadday
Gaha loo rar qolooyin.
Waqal dhiig la guduutay
Seer ma weydo guyaad iyo
Dirir gaaxday la mood.
Gabgabtiisiyo faanka
Weli gaara u qaate
Aqoon gaabku jibboodka
Guul wadoow la hor boode
Gurboodkii yar yaraa iyo
Gabdhihiina la duufsay.
Nin gu' weyn taladiisa
laga hoos guri waa.

Hal abuurka gunuus iyo
Gurxan hoose bilaabe
Gidaar taage hummaag qof.
Jacayl loo geli shaadh
Gayaankii xilligaana
Goobistii saxarlaad iyo
Gabadh aanay arkaynin
Gabaahiir ku harraade
laga soo gudub taana
Deelley laysu golaysay
Gammaan heenso taqaanna
Ninba goolad ka soo rog.
Rag dameero ku gooshe
Markuu gaydhan hujuunka
Gantaalii xigmadaa iyo
Googaadii fahmi waayey
Xoog ku aar guday shiikhu
Hadraawaa la ganaaxay
Qaysna goof lagu tuur
Cabdi meel lagu gowrac
Garba duub niman loo xidh
Dabeedna guun ku caddaysay
Guddoonshuhu waa aniga
Gaadhku waa cidahayga
Gam wixii hadal keena
Gaal shiruuna ha buuxo
Bay ku soo goday sheeko.

Laga soo gudub taana
Geesiyaa hadhiwaayay
Galaayuuska tollayda iyo
Guubaabaa la bilaabay
Gurmadkii UFO xiinku
Gama' ii rag ka toosi
Galowgu fiinta u qayshay
Xarshin dhiiladu gaadhay.
Gurdan Yoolku miciinsay
Ninba goor ka dhaqaaji
Golongoolka harraadkiyo
Gaajo diin rag cunsiiyay
Wax la soo gucla rooraba
Gubadle laysku uruursay
SNM loo gogol xaadhay
Gabayaagu kacdoonka
Kaalintiisa ka soo gal.
Geney doodda su'aasha
Gorgorkii rida raaciyo
Galaydh muu la hadlaynine
Sarbeeb baa guntanayd
Ninkay geed u baxsheenna
Inkastuu is yar giijay.
Misna geydha canaantiyo
Goldaloolada qaaday.
Ninkii haanta garaysan
Guriga loogu xareeyey
markuu guushku filaayey iyo
Gunta xaydho ka waayey
Garan waa micnaheeda.
Ninku wiilka gadoodsan ee
walaashi garcan gaadhay
u galaystay ableyduna
Geeddi baabow ma ahayne
Rag baa loo go' lahaa
Guuleedkii ka badbaadshay
Goodka qoorta ka saaran
Guutadii daba joogtayna
Micidu may geli waayine
Daacad baa u gar qaadday
Gadh cawskii sawiraayey
Gumartaad qodaxdeeda
ka soo taagtay galoolka
Ayaad guud haldhaa ku aroosi
Gummudka may arki wayine
Gelgelintii ka sokaysay
Bay go' doy ku ogaatay
Gadaal neefka ka tuustay
Waxaanay garanaysay
Guul darraantiyo ceebta
Inaanu guun arki doonin
Hashuu guudka ka fuulay.
Habartii gurgurkeeda
Ku gangaantay culayskuna
markuu gaw kici waayey
Wadaadkay afgobaadso
Uga yeedhay godkiisu
Inaanay gaasira Luula
Gambiyo taano wadaagin
Garayoo ka adkaysay.

Gooja been dayaxii
Isku gooyay cadceeddana
Markuu Gaarriye maagay
Gudub yoo ka dhaqaaji
Ninkay geeddu la duushayna
Markuu gaadhay daruurta
Isdiidsiinta garwaaqsay.
Waxay gaafa wareegtoba
Lagu goosay dagaal tag
Gudmo laysu afaysay
Laysu soo guray seefo
Dabaabaadka gurguurta iyo
Garnaydh aan arxamaynin
Garruun loogu badheedh
Gacan laysula teg.
Goollibaadhka rasaasta
Fulayaashu ka giige
Rag garoomo bilaasha
Ku casaystay garbaa iyo
Gaani fiid la carraabi
Gurduf gaarduf ka raynay
Garab raaratadii iyo
Faqashtiina ka guure.
Raggii guushan lahaana
Gobabkii Igarre
Dawlad goonni u taagan
Gooste oo ku dhawaaqe.

Laga soo gudub taana
Gadaal bay ka xumaatay.
Gacal baa xidid laayey
Xigtaa gaw iska siisay
Xil gub baa si badheedha
Gaashaan loogu daruuray.
Ragbaa soodhka waxa gooya
Bir ma geydo u quudhay.
Niman haybta gudboon baa
Gaashaan buuro samaystay
Niman ann gob u hastay baa
Hilbo aanay geyayn iyo
Garanuug ku casheeyey
Gorayaa haad noqotay
Hadaf baa lumay guud
Ummaddii shalay guulka
Isku goobta u jeedday
Gebi baa ka dhex jeexmay
Guntu aad u fogtay.
Geenyadaan indhosaabay een
Hays gamiinto lahaana
Gadaal bay uga maagtay
Waxaan xaajo gorfaystay iyo
Halkay goolka u laaddayna
Geeddii bay noqotay
Hangoolkii gantadiisa iyo
Frraruu lab geed
midba gees ugu yiillay.
Kaa go'yoo kugu go'
Is gumaadis sokeeyo oon
Mabda' gaaraa lahayni
Caqligii geli weyday
Ninba diifta guhaadda
Wax colaadda u geeyey
Nafta gaar u waraysay
Ma gashi baad cid ku leeday?
Ma geel bay rag dhaceen?
Ma geyi baan xor ahayn?
What's going on, Man?
Gadh rif layskula waalay
Dhulka goobo al jeexay
Giraanta faalka af yuub ku
Gondohooda tilmaantay
Guradii dib u baadhe
Guntiyo taabte dhallaaxda
Gardarray ku aroortay
Godobteeda la raadi
Raad abeeska la soo gur
Nin dan gaara lahaa iyo
Afmiishaar gunna doona
Dhaafi waa gurigooda
Ahey layskula goobay
Odayaal go'o xayte.
Wax aqoon garadkii iyo
Guurti Boorama loo dir.

Gadhba waa ku gadhkeedee
Ninba geedka cid keensay
Garnaq laysugu soo bax
La gorfee dhacdo taallay
Ninba gooddi ka meeri
Nabar hoos ka gunaadmay
Gees biciid lagu toobin
Runta loo gonda dhaadhac
Wixii uu khalad gaystiyo
Ninba qaaday gefkiisa
Goyaal shaaliyo xaalka
Goolal naaxay lakeen
Markuu shiikh garab daar leh iyo
Aw galbeed ku duceeyey
Darka loo guray yeelka
Dowlad aad u gun weyn oo
Gebi beelaha deeqdiyo
Gadhwadeen la samaysay
Cigaal loo garay doorkan
Isna caynka u giiji
Garaar tuug ta u soohay
Giniyo siisayAmmaanka
Hubka dayday ka soo gur.
Guhaad waa la illaawiyo
Gammuutaa wada qaatiyo
Gambooley hadalkeeda
Dhegihii ka gufaysay.
Naba guud ku tuntuunsay.

Markuu meel wacan gaadhay
Godka eebbe u nuurki
Geeriyood xilligiisa.
Loo gunaanad si fiican
Dabeed hawl adag loo gel.
La gargaarsay dastuurka
Guddidii la xil saaray
Degded xaalka u gaadhay
Riyaale loogu guddoomi
In garaadka taleex iyo
Wasiirka ina gees iyo
Reer gadiidka hargaysiyo
Gabooyaa dhinac yaal iyo
Gadabuursiga haystiyo
Ilma geeddiga Ciisiyo
Gurguraa ka shisheeyo
Akishaa reer gebilay
Loo gudboonyay hoggaanka
Gayaxaa ka Caddaatay.
Dacaayaddii gurracnayde
Meeshu waa god Isaaq iyo
Gudhuudii socon weyday.
Niman aan garanaayo
Cadhadii ku gadhoodhay
Gudoonshii dadku doortay
Inkastooy gilgileen
Misna geeddiga sii wad.

Habkan loo wada guuxay iyo
Xisbiyaasha u guurnay
Afartii gu' dhammaade
La gaadh doorashadiina
Codka loo gel kuuyuuga
Sanaaduuq lagu soo gur.
Guddidii tirinaysay
Go'aankii ku dhawaaqday
Mar labaad galladdii iyo
Dahir guushi ku raacday
Gurubbadii tartamayeyna
Gacan diirran ku siiye
Gaboobo metelaayey
Gobolkeennan Seattle-na
Hambalyadii wuu gudbiyey.
Waa innagaa caawa GOBAAD-na
Gaaweheeda dhamayna.
In guryii lagu laabto oo
loo geddoomo dalkii oo
Ubadkaa galbanaaya
Dhaqankii lala gaadhona
Wayga waanada guud.
Halyeygii guntinteeda iyo
Gundhiggeeda lahaana
In fardowsa la geeyo.
Al-Faataxa.

Top


Weftigii Golaha Deegaanka Hargeysa Oo La Kulmay Mudane Ka Tirsan Baarlamaanka Finland.

Helsinki (Haatuf) - wafdigii golaha deegaanka Hargaysa ee booqashada ku joogay Finland ayaa la kulmeen xubin ka tirsan golaha baarlamaanka Finland oo magaciisu yahay Dr. Kimmo Kiljunen, waxayna ka wada hadleen heerarkii kala duwanaa ee Somaliland soo martay iyo xaalada ay hada ku sugan tahay iyo sidii wax loola qaban lahaa.

In kastoo uu kulankani gaabnaa taasoo ay sababtay dhibaato ka jirtay golaha baarlamaanka dhexdiisa oo ku saabsanayd ra,iisal wasaaraha Finland Anneli Jateenmakki oo lagu haystay waraaqo sir ah oo ku saabsanaa waqtigii la doonayay in Ciraaq maraykanku dagaal ku qaado, mar uu raiisalwasaarihii hore ee finland la kulmay Bush.

Waxa ay wafdigan oo ka koobnaa Eng. Keyse Yusuf Cali iyo Khadar Axmed Likeh ay dhagaysanayeen mudadii ay socotay doodadii golaha baarlamaanku kaga hadalaayay arinkaa ra,iisal wasaaraha, taasoo ku dambaysay in ra,iisal wasaarahii Finland Anneli Jateenmakki ay is casisho isla 18.06.2003, waxaa gabadhani ay xilka haysay muddo aad u gaaban oo ah 54 maalmood oo kaliya, waxayna ahayd gabadhii ugu horaysay ee xilkan oo kale ka qabatay dalkan Finland.

Hadal iyo dhamaan waxaa kulankani ku dhamaaday is af garad, waxaanay wafdigini ay ka qayb galeen maalintan oo taariikhda Finland lagu dari doono.

Top


Safiirka Britain Ee Adis Ababa Oo Lasoo Qaaday Madaxweyne Rayaale Xaalada Maxaabiista Siyaasada U Xidhan.

Safiirka Britain Ee Adis Ababa Oo Lasoo Qaaday Madaxweyne Rayaale Xaalada Maxaabiista Siyaasada U Xidhan.

Hargeysa (Haatuf): Safiirka Dawladda Britain u fadhiya Itoobiya Mr. Myles Wicksead ayaa walaac ka muujiyay maxaabiista dhinaca Siyaasadda ee ku jira xabsiga Hargeysa, gaar ahaana koox dhallinyaro ah oo ay xukuumaddu xabsiga u taxaabtay 19-kii bishii May, 2003, oo ilaa hadda ku jira xabsiga Hargeysa iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin mar uu Safiirku la kulmay Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin maalintii Arbacadii.

Sida ay sheegayaan wararku, Safiirku waxa uu Madaxweynaha weydiiyay sababta aan ilaa iyo hadda loo soo taagin maxaabiistaa wax maxkamad ah. Safiirka oo kadib kulankaasi arrintaasi ka hadlayay ayaa sheegay in xukuumaddu loo baahan yahay inay xaqiijiso isla markaana baadhitaan ka furto wararka sheegaya xad-gudubyo dhinaca xuquuqul-insaanka oo dhacay kadib doorashooyinkii madaxtinimada ee dalka ka dhacay, isagoo intaa ku daray in talaabooyin ku haboon laga qaado kuwii falalkaa ku kacay marka ay sugnaato.

Kooxdan dhallinyarada ah ee xabsiga ku jirta waxa lagu eedeeyay inay ku kaceen falal wax u dhimaya nabadgelyada, eedayntaas oo ka timid dhinaca Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaanay u badan yihiin taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee mucaaradka ah, waxaana lagu tilmaamay inay yihiin maxaabiistii ugu horaysay ee dhinaca Siyaasadda loogu xidho Somaliland.

Top


Qalabkii caafimaadka ee Jaamacada Camuud oo markii u horeeyay la bililiqaystay /iibsaday.

Jaamacadda Camuud.

Hargeysa (Haatuf): Gudoomiye ku xigeenka jaamacadda Camuud Axmed Xaashi Abiib ayaa na soo gaadhsiiyey qoraal uu kaga hadlayo muran iyo khilaaf u dhaxeeya isaga iyo gudoomiyaha Jaamacadda Camuud, Prof: Saleebaan Maxamuud Guuleed, murankaas oo ka dhashay sida uu ku sheegay qoraalkiisa, ka dib markii xoog lagu qaatay qalab caafimaad oo ay jaamacaddu leedahay, wuxuuna qoraalkiisu u qornaa sidan:

“Jaamacada Camuud waxay ahayd Jaamacadii u horeysay ee laga aasaaso dalkan Somaliland,waxaana la furey 4, November 1998-kii, Intii aan laga dhigin Jaamacadda Camuud waxay ahayd meelihii ugu horeeyay ee dugsi sarre laga sameeyo xiligii gumaysiga, waxayna taariikh dheer ku leedahay waxbarashada Somaliland. Hadaba furtaanka Jaamacadda waxa si wayn uga hawl galay dhalinyarada, aqoonyahnada iyo duqayda reer Somaliland. Arintaas waxa lagu gaadhay daacadnimo,wadatashi iyo is qancin. Jaamacada mudadaas soo socotay waxa ka jirta dhibaatooyin la qarinayay oo ay ka mid yihiin eexda ardayda loo kala eexdo, shaqaalaynta oo eex qabiil ku salaysan, sida Cabdiraxman Adan Maxamuud looga eexday Cabdixakiim Axmed Farax, iyo waxyaale la mid ah, oo uu sabab u yahay Guddoomiyaha Jaamacadu Suleyman Axmed Guleed, waxase mar walba qarinayay magaca Jaamacada oo aad loo xiisaynayay. Maalinba wax ay soo martaba waxaa dhacay 27/05/2003 in qalabkii kuliyada caafimaadka ee Jaamacada ee uu Guddoomiye-xigeenka arimaha dibadda, Cabdillaahi Xaashi Abib u keenay uu Suleyman Axmed Guleed, Guddoomiyaha Jaamacadu amray in la siiyo cusbitaal ganacsi oo la yidhaahdo “Allaale” oo uu leeyahay Hormoodka Kulliyadda Caafimaadka, Dr. Saciid Axmed Walhad, arintaas oo aan lagala tashan Cabdillaahi Xaashi Abiib oo ahaa ninka u keenay Kulliyadda qalabkaas caafimaad oo horayba ugu sheegay inaan loo ogoleyn in la siiyo ama la amaahiyo qalabkaas rug caafimaad oo ganacsi loogu talagalay, waxa isna diiday ilaaliyihii bakhaarka oo yidhi amar qoraal ah ha la i siiyo,waxa dhacay in Guddoomiyaha Jaamacada uu warqad ku amray in la siiyo sariirta haweenku ku umulaan, hase yeeshee nimankii uu warqada uu u qoray inta ay baabuur kaxaysteen ayay bakhaarkii tageen oo ay jabsadeen, waxayna kala baxeen wixii ay uga baahnaayeen ee ay shaqada isbitaalkoodu ku soconaysay oo ay ku jirto sariirtii u qornayd. Falkaas waxuu dhacay markii uu Jabuuti u baxay Guddoomiye-xigeenka kowaad Axmed Xaashi Abiib oo toos masuul uga ahaa hantida Jaamacadda oo ay ku jirto qalabka caafimaadka loo keenay Jaamacadda, ayagoo og inaanu weligii u ogolaadeen in la siiyo ama la amaahiyo qalabka ummadda u dhex ah dad danaysi gaar ah wata. Markii ay ogaadeen in Cabdillaahi Xaashi Abiib la wargeliyay dhacdada falkaas, waxay ku wada hadleen telefoonka Cabdillaahi Xaashi Abiib iyo Guddoomiyaha oo arintaasi inay dhacday dafiray.

Si ay falkaas tuugada ah ee ay ku kaceen Guddoomiyaha iyo Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka difaac ugu helaan ayay waxay qabteen shir maalintii ku xigtay oo ay taariikhdu ahayd 28/05/2003 ay ku ansixinayeen in Cusbitaalka “Allaale” oo ah rug ganacsi oo uu iska leeyahay Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka uu noqdo meel lagu tababaro ardayda Kulliyadda si ay u xalaashadaan hantida ummadda ee laga soo biliqaystay Jaamacadda Camuud. Cusbitaalka kaliya ee loo ogolyahay in la amaahiyo qalabka caafimaadka Jaamacaddu waa Cusbitaalka Boorama oo ah mid ummadda u dhex ah oo aan shakhsi gaar u lahayn, waana meesha kaliya ee ay xalaal tahay in lagu tababaro ardayda Kuliyadda Caafimaadka intii Jaamacaddu ay ka samaysanayso Cusbitaal ay iska leedahay.

Arintaasi waxa la is waydiiyaynayaa ma bililiqaa mise waa la kala iibsaday. Suuqa Boorama ayay guux ku abuurtay dhacdadani, waxa taa ka sii daran markii la is weydiiyay iyada oo Guddoomiyaha Jaamacadu iyo Hormuudka Kulliyadda Caafimaadka gudi ay ku jiraan uu ku ansixisay in Cusbitaalkaas qalabka qaatay uu yahay meel ardayda wax lagu baro,warqadaas waxa la qoray maalin kadib markii qalabka la qaatay oo ah, 28/05/03 ,taasoo caddaynaysa in bililiqa/iibka ay wax ka jiraan,waxa warqadaas dadka saxeexay ka mid ah kuwii qalabka qaatay (walhad).

Arintaasi iyo fara gelin badan oo hawleed, waxay khilaaf ka dhax abuurtay Guddoomiyaha Suleyman Axmed Guleed iyo Guddoomiye-xigeenka kowaad Axmed Xaashi Abiib oo masuul ka ah hantida Jaamacaddu leedahay.Bishan lixaad todobadeedii, markii ay ku murmeen labadoodu arintaas iyo faro gelin hawleed, Guddoomiyuhu, Suleyman Axmed Guleed waxuu ku yidhi Guddoomiye-xigeenka kowaad Axmed Xaashi Abiib Jaamacaddu waa NGO aan iska leeyahay, aniga, Gudoomiyaha gobolka Awdal, Guddoomiyaha Degmada Boorama iyo Madax-weynaha Soomaalilandba waxaanu nahay beesha Makaahiil waxaad ku noqondoontaa meeshi aad ka timid. Markii uu lahaa arintaas waxa goobjoog u ahaa shaqaalaha Jaamacad in ka mid ah iyo ardayda dugsiga sare ee imtaxaanka shahaadada dugsiga sare ku galaysay Jaamacadda Camuud. Khilaafkaas waxuu keenay inay guddidii ansixisay qaadashada qalabkaas si aan waafaqsanayn shuruudihii qalabka lagu keenay aay soo sareen go’aan xaq ahayn oo darajada kaga qadayaan Guddoomiye-xigeenka kowaad iyadoo ay go’aankaas ay raacsheen ka qaadka darajada Guddoomiye-xigeenka labaad Axmed Cabdillaahi Boqore oo la xulafa ah, xaaskiisuna ka shaqayso Cusbitaalka ‘Allaale’ kana mid ahaa Guddida ansixisay qadashada qalabka caafimaadka ayadoo ay qiiqa ku qarinayaan sida badheedhka ah ee loogu xadgudbayo qofka xaqa ku taagan. Daraja ka qadaadkaas ma aha mid sharciya. Waxa magacaabay Guddoomiyaha, Guddoomiye-xigeenada iyo Hormuudada Kulliyadaha Guddida Sare (Duqayda, Amoud University council) ee Jaamacadda Camuud oo ka kooban saddex duqayti, gudidaas oo kaliya uun baana leh awooda darajo kaqaadkana.

Guddiga Sare (Amoud University Council) duqay ah ayaa laga sugayaa inay go’aan ka gaadhaan falalkan xun ee ka dhacay Jaamacadda Camuud.”

Top


Wax Khilaaf Ahi Kama Taagna Jaamacadda Camuud, Warsaxaafadeed - Gudida Siyaasada Ee Jaamacadda Camuud.

Hargeysa (Haatuf): Guddida Siyaasadda ee Jaamacadda Camuud ayaa beeniyey qoraal ku soo baxay wargeyska Haatuf 17-kii June, kaas oo sheegayay in Jaamacadda camuud khilaaf dhinaca maamulka ahi ka taaganyahay, isla markaana alaab laga bililiqaystay.

Guddida siyaasadda ee Jaamacadda Camuud ayaa si weyn u beeniyey, qoraal ay habeen hore na soo gaadhsiiyeena waxa uu qornaa sidan:
“Jaamacadda Camuud waa jaamacaddii ugu horeysay JSL ugu horeysay laguna hirgaliyey dedaalka dadka reer Somaliland gudaha iyo dibaddaba, maanta Jaamacadda Camuud waxay maraysaa heer ay la tartamayso qaar ka mid ah Jaamacadaha geeska africa. Waa Jaamacad maamul karti badani hogaaminayo.

Mana jiro wax khilaaf ah oo ka taagan jaamacadda, haba yaraatee, hadday tahay dhinaca waxbarashada iyo haday tahay dhinaca maamulkaba iyo xidhiidhka ay la leedahay taageerayaasheeda dibada iyo gudahaba. Waxaanay wakhti walba ku talaabsanaysaa horumar. Hantida jaamacadda waxaa ka masuul ah maamulka oo wakiil ka ah guddida siyaasadda ee Jaamacadda Camuud, (University Policy Committee), waxaana loo daryeelaa hantidaas si aan dhaliil lahayn, waxaana lagu bixiyaa hab sharciga waafaqsan.

Tusaale ahaan magaalada Boorama waxaa ku yaala laba (2) cusbitaal oo kala ah cusbitaalka guud ee Boorama iyo cusbitaalka Allaale kuwaasi oo loogu talo galay in ardayda kuliyadda caafimaadka u noqdaan cusbitaalo waxbarasho (teaching hospitals), sababta oo ah jaamacaddu wakhtigan ma awoodo in ay samaysato cusbitaal u gaar ah. Waxaa jirta in cusbitaalka guud soo codsaday hal X-Ray, cusbitaalka Allaale oo hadda ah xarunta kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda wuxuu isna soo codsaday hal sariir, oo kuwa qaliinka ah lagu sameeyo ahna la amaahiyo.

Qalabkaana waxaa u ogolaaday guddida in si ku meel gaadha loogu isticmaalo cusbitaaladaasi.

Haddaba hadalkii dhawaan uu ku faafiyey Axmed Xaashi Jaraa’idka ee uu ku andacoonayey in Jaamacadda laga qaatay ama laga bililiqaystay qalab caafimaad wuxuu ahaa sida aan kor ku soo sheegnay ee sharciga waafaqsan.

Hadalkiisuna waa dacaayad rakhiis ah oo uu doonayo in uu Jaamacadda sumcadeeda ku xumeeyo, laakiin Jaamacadu way ka waynaatay in dacaayadaha noocaasi wax yeelaan. Axmed Xaashi Abiib, wuxuu ku kacay in uu ka faafiyo jaamacadda markii laga wareejiyey xilkii gudoomiye ku xigeenka ee uu ka hayey Jaamacadda sababahan soo socda awgood.
Isaga oo si buuxda ugu guul daraystay oo uu ka soo baxo xilalkii loo dhiibay, noqdayna sarkaalka ugu kartida daran ee xil ka qabta Jaamacadda Camuud.

Isaga oo dabeecad xumo awgeed ay iska wada horyimadeen dadkii uu la shaqaynayey iyo kuwii uu u shaqaynayeyba, sida maamulka, barayaasha, shaqaalaha kale, ardayda iyo bulshada ay Jaamacaddu xidhiidhka la leedahay. Tusaale ahaan Jaamacadda waxa ka shaqeeya 61 qof, intaas oo qof mid aanay is qaban, ama isku dhicin wuu yar yahay.

Isaga oo aan lahayn sifo hogaamineed (leadership quality), haba yaraatee, oo aan laba qof kala saari karin.

Isaga oo nuqsaamihiisa ku daboolaya arrin walba u jiheeya sifo qabiil.
Isaga oo aan lahayn dhaqan iyo karti macalinimo (Teaching Ethics), kuna haboonaynba in uu goob waxbarashaba ka hawl galo.

Dhibaatadda uu sheegayaa Jaamacadda Camuud ma taalo waxayna ku socotaa xawligeedii hore, tayada waxbarashadeeda iyo maamulkeedana dalka Somaliland oo dhan ayaa laga ogyahay, dhibta Axmed Xaashi, waa mid isaga oo kaliya ku kooban (oo shakhsi ah), Jaamacadana haba yaraatee waxba aan u dhimaynin.

Gudida siyaasadda ee Jaamacadda Camuud (Policy Committee).
Prof: Suliaman Ahmed Gulaid, Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud.
Abdi Rahma H. Dahir Elmi Gud. Guddida taakulaynta.
Maxamed Xirsi Qalinle Hormoodka Kuliyadda waxbarashada.
Cabdiraxmaan M. Muuse Xubin guddida taakulaynta
Dr. Siciid Axmed Walhad Hormoodka Kuliyadda caafimaadka
Jaamac Aadan Cali Diiwaan hayaha (Registrar).
Abokor Sh. Cabdi Maxamed Hormoodka Kuliyadda beeraha (Dean Designate).

Top


Tababar Caafimaad Oo Lagu Soo Gaba Gabeeyay Boorama.

Boorama (Haatuf):- Isuduwaha wasaaradda Caafimaadka Gobolka AwdaL Dr.Cabdiraxmaan Jaamaca Hadi ayaa shalay tababar Boorama ugu xidhay ilaa 23 qof oo ka hawlgala xarumaha caafimaadka degmooyinka GobolkaAwdal.Tababarkan oo socday muddo lix casho waxay xubnahan oo lo o yaqaan daryeelayaal muddadaa baranayeen habka loo ururiyo xogta cafimaadka ama xanuunada ka dilaaca ama ka jira degmooyinka iyo tuulooyinka ay ka shaqeeyaan,iyo siyaalaha ugu wanaagsan ee loo isticmaalo daawooyinka. Dr. C/raxmaan Jaamac Hadi oo la hadlay daryeelayaasha degmooyinka Saylac,lughaya,Baki iyo Boorama wuxu u sheegay inaanay daaweynta dadka buka ku xidhnayn oo keli ah lacag la qaato balse ay aakhirada iyo adduunkaba ajarka laga hlaayi ka weynyahay,sidaa darteedna anay adeeggooda dadweynaha ku nool tuulooyinka ay ka yimaadeen uu ku dhisnaado wadaninimo.

Dr. Cabdiraxmaan Jaamac Hadi waxa kale oo uu ka qaybgeleyaasha xusuusiyey in duruusta ay qaateen anay noqon mid aan ku koobnayn wakhtigaa ay joogeen Boorama basle ayla tegaan goobihii ay ka yimaaddeen ,muujiyaanna aqoonta caafimaad ee ay muddadaa qaateen.Tababarkan oo ay si wadajir ah usoo qabanqaabiyeen Hay'adda IFAD .iyo wasaaradda caafimaadku waxa kale oo ka hadlay madaxa qaaybta caafimaadka ee hay'addaasi.

Top


Bayaan Beenin Ah Odayaal Reer Burco Ah.

Anaga oo ah cuqaashii, odayaashii iyo waxgaradkii beesha Awal Bari, ee gobolka Togdheer, waxaanu halkan ku beeninaynaa oo aanu shacbiga Somaliland u sheegaynaa inaanay waxba ka jirin waxyaabaha ay maamulka gobolku ku qoren joornaalka Jamhuuriya cadadkii 2090 ee taariikhdu markay ahayd 01/06/03, kaas oo ay ku sheegeen inay soo afjareen khilaaf laba beelood isku horfadhiyeen meesha la yidhaahdo Madheedhka Qallalka oo ka tirsan degmada Duruqsi oo u jirta magaalada Burco 100km oo xagga koonfureed ah, khilaafkaas oo sida ay hadalka u dhigeen ka kacay dhul-daaqsimeed la doonayey in laga qodo berkedo lana deegaameeyo. Taas oo ay sheegeen inay soo baabiiyeen baraagihii.

Haddaba waxaanu halkan ku beeninaynaa inaanay jirin wax beelo ah oo is-horfadhiyey oo iyo cid arrinkaa ay masuuliyiinta gobolku sheegeen ku wada hadashay toona. Waxaanu kaloo beeninaynaa inaanay jirin haba yaraatee wax berkedo ah ama deegaamayn ah oo meeshaas laga sameeyey.

Haddii laga tegi waayo waxa jiray Balli yar oo gabood ah oo nin la yidhaahdo Maxamed Caawiye ka qotay, aqalkiisa sintiisa, si uu uga dhaansado biyaha roobka inta uu gurigan deggan yahay, marka uu ka guurana uu manaafacaadsan karo qof alla qofkii dega gurigiisa oo ah mid aan cidna laga lahayn. Waxa wax laga subxaanalaysto ah oo hore looma arag ah masuuliyiinta gobolka iyo kuwii deegaanka oo dhamaantood xad-gudub, gardarro iyo been abuur ah isku wada raacay iskagana mawqif ah noqday dulmiga.

Runtu waxay tahay in taariikhdu markay ahayd 25-kii bishii May ay weerar sharci darro ah ku qaadeen qoys halkaas deganaa, isla markaana ay cagta mariyeen dad iyo duunyo wixii goobtii reerku yaalay, ay kula kulmeen.

Iyaga oo watay shan gaadhi oo tikniko ah iyo 50 askari oo duub cas ay horkacayeen maayarka Burco (Maxamed Diiriye Xayd), gudoomiyaha gobolka, taliyaha ciidanka qaranka qaybta 12aad, Maxamed Daahir oo ka tirsan golaha deegaanka Burco, arrinkaa isagu abaabule ka ahaa, badhasaabka gobolka oo isaguna daaha dabadiisa ka hogaaminayey.

Masuuliyiintani waxay gelimaad ku ekeeyeen reer nabad ahaa, iyada oo la siin wax ogeysiis ah oo ku saabsan arrinta baliga yar odayaasha beeshana aan lala socodsiin, waxayna u geysteen waxyeelooyin dad iyo duunyaba leh iyaga oo wadanin sharci fulineed, oo maxkamadeed, waxayna jidh-dil ku sameeyeen ninkii guriga lahaa (Maxamed Caawiye) iyo carruurtiisii, iyaga oo la dhacay qori dabadii, ilaa uu dhiig tufay kamay dayn garaacis.

Waxaa kale oo ay waxyeeleeyeen hooyaddii carruurta dhashay (xaaska Maxamed caawiye), iyo laba qof oo kale oo la gaadhsiiyey dhaawac kaga yimid xagga askartii duub casta ahayd oo uu taliyihii qaybtuna goob joog ahaa amarkana isagu bixiyey.

Waxa masuuliyiintani ku xag gudbeen xuquuqda maxbuuska ka dib markii ay dhibanaha aan kor ku sheegnay iyo walaalkii ku laba diblaysnaayeen gaadhi weyn oo dul banaan. Dushiisa muddo laba maalmood ah (48) iyadoon la siin waxii uu xuquuqda u lahaa, sida cunto iyo biyo, iyaga oo ka horjoogsaday in dadkii ay laayeen ee dhaawaca ahaa loo gooyo refeerto si loo daweeyo, isla markaana aan dhegay jalaq loo siin odayaashii iyo dhibanayaashii markii ay gobolka cabasho ugu tageen, waxaana lagu yidhi “waxaad doontaan sameeya” badhasaabka gobolku markii uu dirayey hawlgalkan sharci darradda ah wuxuu ku yidhi odayaashii beesha Awal Bari “Idiinma baahni” markii ay weydiiyeen inuu wax gacan ah siiyo, ama talo ah oo arrinkaa la xidhiidha uga baahan yahay iyo inkale.

Taasina waxay noo cadaysay inuu yahay arrinku mid loo dhan yahay, marka la eego madaxda gobolka, sidaa daraadeed waxaanu u aragnay in nimankan masuuliyiinta sheeganayaa hoos ka gaashaaman yihiin, shaadh qabiil iyo mashruuc aan loo baahnayn, ujeedadiisuna tahay in fidmo cusub la dhexdhigo beelaha walaalaha ah, ee aan aagan ay arrintu ka dhacday wada degan.

Waayo hadalada ay goobta kaga hadlayeen oo aan ahayn kuwii dawladu ku hadli jirtay, balse ay u muuqdeen sidii niman ka wakiil ah beelo, taasi oo dareen nagu riday, su’aalo badana aan iska weydiinay waxa ay uga jeedeen.

Waxaanu isla soo qaadnay in ujeedada dhabta ahi ka damabayso mashruucani aanu dhaafsiisanaynba inuu yahay hab cusub oo lagu lunsanayo hantida qaranka.

Haddaba waxaanu ugu baaqaynaa hay’adaha ay arrintani khusayso ee qaranku inay si wax ku ool ah ugu hawl galaan arrintan si loo baajiyo, nabadgelyo xumo ka dhalata aagaasi, isla markaana la magacaabo guddi qaran oo dhex-dhexaad ah oo xaqiiqo raadis ah, oo ku tagta goobta waxani ka dhaceen, isla markaana soo qiimaysa waxyeelada iyo waxa meesha laga qoday, waxa uu yahay “Inuu yahay Berked sida ay masuuliyiinta gobolka iyo degmaduba ay warbaahinta u sheegeen, iyo inuu yahay bali yar oo dhex roorkiisu yahay 6m" ” taas oo aan aaminsanahay inay kala cadayn doonto kuwa beenta sheegaya inay yihiin xukuumadda (masuuliyiinta gobolka iyo degmada Burco) ama la xukumaha (0dayaasha beesha awal bari).

Caaqil Fu’aad C/Laahi Ciise, Caaqil Keyse Hayaan, Caaqil Cali Yaasiin Maxamed, Caaqil Sayid Aw Jaamac, Caaqil Maxamed Xaaji Cali Shire, Axmed Maxamed Beegsi, Siciid Ismaaciil Cagbuur, Axmed Yaasiin Goodir, Maxamed Caawiye Mire, Maxamed X. Cabdi, Haybe Jaamac Xasan, Aadan Xirsi Jaamac, Maxamuud Xuseen Rooble, Xuseen X. Cali Shire, Cali Curaagte Xuseen, Xuseen Siciid Cabdi, Yuusuf Aadan Maxamed.

Top


Golaha Deegaanka Ee Gabilay Oo Xilkii Ka Qaaday Maayarkii Ay Doorteen.

Gabiley (Haatuf): C/Qaadir Maxamed Cumar (Giriig) ayaa loogu doortay xilka gudoomiyaha cusub ee degmada Gabiley, isla markaana xilkii gudoomiyeyanimada laga qaaday gudoomiyihii hore ee degmada Gabiley, Muxumed Geelle Seed. Ka dib markii Kalfadhi aa caadi ahayn oo ay maalintii shalay yeesheen mudanayaasha golaha deegaanka Gabiley ayey xilkii kaga qaadeen Muxumed Geelle Seed, gudoomiyihii ugu horeeyey loo soo doorto intii ka dambaysay doorashadii dawladaha hoose ee dalka ka dhacday, wuxuu xilka hayay muddo ku dhaw 120 cisho, fadhigan oo shalay ka dhacay hoolka shirarka dawladda hoose ee Gabiley waxa isugu yimid 20 xubnood oo mudanayaasha golaha deegaanka Gabiley, oo uu shirgudoon u yahay, gudoomiye ku xigeenka degmadaasi. Maxamed X. Ibrahim, iyo xoghayaha dawladda hoose ee Gabiley Maxamed Ciise Dhergiye, ayaa isna ka soo qayb galay xafladaa.

Haddaba furitaankii xafladan waxa ugu horeyn madasha furay gudoomiye ku xigeenka degmada Gabiley Maxamed X. Ibraahim, waxaanu halkaa ka sheegay in fadhigan aan caadiga ahayn la qabtay ka dib markii ay soo jeediyeen 19 xubnood oo golaha deegaanka ahi in la qabto kalsoonida lagagala noqonayo gudoomiyihii hore ee degmada lana dooranayo gudoomiye cusub, wuxuuna sheegay in shirku furan yahay, intaa ka dib Maxamed Cumar Warsame oo ka tirsan mudanayaasha golaha deegaanka degmadaasi ayaa halkaa ka hadlay oo sheegay in uu ku hadlayo magaca 19 xubnood inay isku raacsan yihiin inay kalsoonidii kala noqdeen gudoomiyihii hore.

Ka dib waxa la bilaabay in cod loo qaado, halkaas oo 19 xubnood ay u codeeyeen in kalsoonida lagala noqdo halka hal xubinina ka aamusay. Iyada oo markaa ka dib la bilaabay in loo codeeyo doorashada maayarka cusub, taas oo c/qaadir Axmed Cumar Giriig loogu doortay gudoomiyaha cusub ee degmada Gabiley iyada oo loogu doortay cod aqlabiyad ah. Intaa ka dib waxa hadal kooban jeediyey duqa cusub, isaga oo rajeeyey inuu Ilaahay xilka u fudueeyo. 

Top


Macal Cune Muuqan Doonee, Wasiirkii Hore Ee Kaluumaysiga.

Hargeysa (Haatuf): Wasiirkii hore ee kaluumaysiga Axmed Xuseen Oomane ayaa na soo gaadhsiiyey qoraal uu kaga jawaabayo warbixin ku soo baxay Haatuf, 17-kii June 2003, oo ka hadlaysay xaaladda kheyraadka baddda, waxaanay jawaabta wasiirkii hore Kaluumaysiga u qornayd sidan:

“Wargeyska Haatuf cadadkiisii salaasada, 17 June 2003, waxaa ku soo baxay maqaal cinwaana looga dhigay (Bililiqada Khayraadka Badda, Dareenka Kaluumaysatada iyo Duruufaha Horyaal Wasiirka Cusub”, maqaalkan oo u soo diyaariyey weriyaha Haatuf ee Berbera C/Raxmaan X. Daahir Casaan, wuxuu ku doodayaa innay tahay dareemo iyo aragtiyo uu ka soo ururiyey kaluumaysatada Berbera oo uu ka magacaabay laba nin oo keliya, sida intiina akhriday maqaalka aad xasuusataan, marka aan iska dhaafo wixii aniga Oomane ahaan ii gaarka ah, maqaalka nuxurkiisu wuxuu ku qotomay laba qodob.

Maraakiib iyo doonyo shisheeye, adeegsanaya qalab casri ah oo xaalufiyey badda Somaliland, oo sida ay leeyihiin ogolaansho wasaaddu siisay.

Wasiirkii hore (Omane), oo muddo toban sano ah waxba ka qaban waayey burburka xarunta kaluumaysiga Berbera.

Waxaan bulshada u cadaynayaa in hadalada labada nin tahay been iyo dacaayad aan sal iyo raad toon alahayn. Maraakiib waaweyn oo wasaaradu rukhso kalluumaysi siisay ma jiraan, ee ha keenaan caddayn. Waxayse wasaaraddu ogtahay doonyo tiro badan oo laga leeyahay Yemen oo boob xad dhaaf ah ku haya kheyraadka dalka, gaar ahaana xeebaha bari, ka xigta Karin Berbera. Arrintan hore ayaan golaha wasiiradda kaga warbixiyey oo aad ayaa loola socdaa. Dhab ahaan, waxay arrintani ka mid tahay dhibaatooyinka badan ee wasiirka cusub ee wasaaradda horyaala, inuu wax ka qabto. Waxa intaa dheer, in wasiirka cusubi xubnaha kale ee golaha uga xog-ogaalsan yahay dhibaatooyinka tirada badan ee xeebaha yaala. Waayo, Gees wuxuu ahaa ninkii Eebe ha u naxaristee marxuum Cigaal igu daray sidii xal loogu heli lahaa, dhibaatadda ka jirtay, gaar ahaan, boobkii iyo dhacii lagula kacay laba markab oo dalka China laga lahaa, wakhti hore xal loogu heli lahaa, muddo hore.

Sidaa darteed, anniga oo hubay inuu Gees arrinta ka war qabo, waxaan raacay dhaqankii Soomaalida ee ahaa, kala tagnaye sheeg-sheegeen hadhan. Sababtaa awgeed, xil wareejintii iyo xog-warankii gaar ahaa midna uguma darin saaxiibkay Gees. Hase yeeshee, haddii arrintu marayso, ceeb ninkeedii calalka ka furayo, waxaan go’aansaday inaan si cad u shaaciyo xaqiiqda arrmaha taagan iyo cidda leh masuuliyadda ugu weyn.

Ugu horeyn, daydaygii, bariga aynu muddo hore ka safeynay, wuxuu hadda si xoogan uga jiraa badda, gaar ahaan, xeebaha bari ka xiga Berbera, in badan ayey bulshadu wargeysyada ku aragtay qaylo dhaan ah, maraakiib shisheeye ayaa baddii xaalufisay, maanta waxaan u sheegayaa cidda beenta noocan ah ka damabaysaa inay tahay shakhsiyad ay hormood ka yihiin ninka la yidhaahdo Cambar oo sheegta darajo aanu lahayn, oo ah gudoomiyeyanimo, iskaashato aan jirin, iyo wiilka kale ee isna la yidhaahdo Cali Xirsi (Buufaa), nasiib darro’se ma ah nin war la’ oo lagu khaldi karayo ilmada timsaaxa ee ay labadan nin qubayaan, iyo dareenka beenta ah ee ay ku qariya is leeyihiin indhihiina arrimaha ay faraha kula jirtaan.

Waxaa kale oo aan jecelahay in aan faah-faahin ka bixiyo xadiga dhibaatada, isla markaana cadeeyo in koox labadan nin ka mid yihiin tahay tan arrimaha ka masuulka ahi. Tusaale ahaan raggani:
Waa kuwa kula bahoobay shisheeyahay boobka iyo xaalufinta badda bari ka xigta Karin Berbera.

Waa kuwa xafiisyadda laga furtay Yemen si waraaqo been been loo siiyo doonyaha Yamanta, dhinaca Somaliland wakiilka uga ah ee shidaal iyo lacagba ka qaata.

Waa kuwa hortaagan inuu maamulka wasaarada kaluumaysigu bari ku baaho ee beelnimo ku sheegta xeebaha.

Waa kuwa Puntland ka keena baabuur qaboojiye leh iyo doonyo, isla markaana bil kasta aargoosto iyo kalluun cashuur la’aan Boosaaso ugu dhoofiyo, oo weftigii Madaxweyne Ku xigeenka ee doorashadii madaxtooyadda ka hor gobolka Sanaag tegay indhihiisa ku soo arkay baabuurta la rarayo.

Waa kuwii ka dambeeyey dhacii Soomaalida ka baxsanaa ee maraakiibta China ah nigisyadiina kala baxay.

Waa rag dabeecad ka dhigtay masabidka cid kale ee ka taxadir.
Qodobka labaad, waxaan ku soo koobayaa, aniga ayaa idinka lexejeclo badan NEC_FISh ilaa maanta oo aanan xilkii wasaaradda hayn. Waxa ilmada timsaaxa wasiir Gees ha u qubinee, macal cune muuqan doonee, ee bal waxtar uga dhiga joojinta boobka aad ku haysaan wixii ka hadhay qalabka iyo musuqa aad ka dhigateen xarunta.

Ninka la yidhaa Cambar ee sheegta magaca gudoomiye iskaashato aan dhisaynba waxaan u sheegayaa inaan geed dheer iyo mid gaabanba aan u fuulay dayactirka xarunta, shirkado ajanabi ahi iyo kuwo wadni ahba u bandhigay wasiirka cusubna ugu wada ducaynayo in noqdo ka ku guulaysta cahdiga badda dalka galay. Ilma ah in aad shaabad ceebeed dhabarka igaga dhufan lahayd haddii aad xog-ogaal u tahay xaaladda dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalkeenu wakhtigan marayo.”

Top


Dhoodaan Iyo Bandhigiisii Xalay Ee Ming-Sing.

Hargeysa (Haatuf): Hal Abuurka caanka ah ee C/laahi Dhoodaan ayaa xaflad caweys ah oo ay soo qabanqaabisay Akadamiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland ku qabatay Hotel Mingsing ee Magaalada Hargeysa.

Xafladaa waxa lagu dhegaystay gabayo iyo aqoon isweydaarsi guud oo uu ka jeediyey abwaan Dhoodaan, oo ah Soomaaliyeed, oo ka soo jeeda Kililka Shanaad ee Itoobiya, xafladaasi oo uu ka tiriyey gabayo uu ku tilmaamay luuqadiisa caanka iyo taariikh dhaqameedkii Soomaaliyeed, iyo xeerarkii ay lahaan jirtay, ugu horeyn wuxuu abwaanku amaan u soo jeediyey JSL, iyo wax qabsiga ummadan Somaliland.

Xafladaasi oo ay goob joog ka ahaayeen abwaano, aqoon yahano iyo dhalinyaro badani waxaa abwaan Dhoodaan lagu weydiiyey su’aalo aqoon korodhsi guud ah iyo xog-waraysi ku saabsan sooyaalkiisii taariikheed.

Abwaan Dhoodaan su’aalihii la weydiiyey waxaa ka mid ahaa waxyaabihii uu kaga soo horjeestay dawladdii Siyaad Barre, oo uu bilawgii hore ka mid ahaa mucaaradkii ka horyimid dawladdii barre ee galay dalka Itoobiya.

Abwaan Dhoodaan oo ah hal abuur ku caan baxay gabayada qotoda dheer, ee xambaarsan xeesha siyaasadeed, isla markaana ah, taariikhyahan fog oo wuxuu kaga waramay taariikhda ay soomaalidu leedahay, oo gaadhaysa ilaa 3000 oo sanadood, taas oo uu beeniyey inay soomaalidu ka soo jeedo Carab iyo Eeshiya, isaga oo tilmaamay in ay Soomaalidu ahaan jirtay qoomiyad balaadhan oo maamulkeedu carro edeg oo dhan gaadhi jiray.

Abwaanku waa markii u horeysay ee uu ku soo laabto Somaliland tan iyo markii uu dhawr iyo todobaatankii u talaabay dalka Itoobiya, isaga oo ka soo horjeestay taliskii milatariga ee Siyaad Barre, markaaasoo uu gabayo uu kaga soo horjeedo taliskii Afweyne ka sii dayn jiray Idaacadda afka Soomaaliga ee Itoobiya.

Top


Shirka Soomaalida Kenya maxaa ka soo baxay?

BBC Iyadoo weli uu socdo Shirkii Dib u heshiisiinta Soomalida daraad ay ku beegan tahay taariiqdii uu guudoomiyaha shirkaasi Mr Kipligat uu sheegay in la dhisayo Dowlad Soomaliyeed, ayaa ilaa hada ayna jirin wax dowlad ah oo la dhisay.

Gudoomiyaha shirka Kipligat shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay madasha shirka ayaa waxa uu sheegay in gudagalka wejigii seddexaad ee shirka dib loo dhigay ilaa 30ka bishan.

Hadaba Shirkan oo socday mudo sideed bilood iyo sadax maalmood ayaa waxaa la isweydiinayaa ilaa iyo hada waxa qabsoomay.

Abuukaate Maxamed Sheeq Gabyow oo ka mid Gudiga Dastuur dejin ayaa isagu waxa uu qabaa in waxa ugu weyn oo qaqbsoomay ilaa iyo hadda in yihiin dad aan kulmi jirin oo kulmay isna salaamay.

Cawad axmed Casharo oo isagana ah Afhayeenka Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa dhinaciisa waxa uu muujinayaa dareenkiisa ku aadan sida ay wax u socdaan, waxaana uu sheegay in ilaa iyo hadda wax badan qabsoomeen oo lagu heshiiyey tirada Xubnaha barlamaanka iyo qaabka lagu qaybsanayo uuna rajeynayo inta bishan ka dhiman in lagu dhameeyo waxa hadhsan oo la dhiso Dawlad qaran.

Waxaa isaguna sidoo kale qaba in ay wax badan qabsoomeen Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish oo ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxaha ka qaybgalaya shirka, waxaana ka mida ayuu yidhi waxa qabsoomay in dad iska soo jorjeeday ay isbarteen saaxiibeenna.

Si kastaba ha ahaatee, Ambasadar kiplagat ayaa isaguna waxa uu arkaa Ilaa iyo hada in ay dhamaystirmeen intii badnayd arimihii wejiga labaad looga hadlayay oo ay ka mid yihiin Warbixinadii shanta ahaa ee ay soo gudbiyeen shanta guddi.

Waxaana lagu heshiiyay qaabka ay dowladu noqonayso, In la doorto 450 Xilibaan oo baarlamaanku uu ka koobnaan doono taasoo lagu qaybsanayo afar Qabiil iyo badh, inkastoo lagu muransan yahay in xilibaanada laga dhex doorto ergada hada shirka joogta iyo in laga soo doorto dad ergooyinka ka baxsan.

Hase yeeshee waxaa la isku waafaqsan yahay ayuu yidhi in afar Qabiil iyo badh lagu qaybsado, uuna aaminsan yahay in ugu dambaynta meel la isugu iman doono oo xal la gaadhi doono hase yeeshee, uuna garanayn inta ay qaadanayso.

Si kastaba ha ahaatee, shir ay maanta isugu yimaadeen Mas'uuliin ka socda Dawladaha deeqda bixiya iyo gudiyada farsamada ayaa Dawladaha deeqda bixiya waxa ay sheegeen in aaney kaalmo siin doonin baarlamaan tiradiisu ay gaadheyso 450 xubnood iyagoo ku taliyey in tirada baarlamaanka lagu koobo 250 xubnood.

Waxay kaloo ku taliyeen in ay soo doortaan xubnaha barlamaanka hogaamiyeyaasha dhaqanka oo latashanaya hogaamiyeyaalka siyaasadda, arrintaani waxay ka soo horjeeddaa heshiis ay horey ugu heshiiyeen hogaamiyeyaasha kooxaha oo ahaa in barlamaanku noqdo 450 xubnood oo ay doortaan hogaamiyayaasha kooxaha oo latashanaya odayaasha dhaqanka.

Top


Soomaali iyo Eritrean lagu xidhay Suudaan.

BBC Wararka ka imanaya dalka Sudan, ayaa sheegaya in ciidamada dalkaasi ay qabteen ilaa boqol qof oo Soomaali iyo Eritrean isugu jira.

Dadkan, ayaa la sheegay in laga soo qabtay magaalada Xamar Sheekh oo sideed boqol oo kilometer u jirta caasimadda Khartoum, waxaana wararku sheegayaan in laga yaabo in loo qaado magaalada Khartoum si halkaasi maxkamad loogu soo taago.

Waxay dadka la qabtay isugu jiraan todobaatan Soomaali ah iyo Sodon u dhashay dalka Eritrea, kuwaasi oo isugu jira haween, caruur iyo ragba.

Dowladda Sudan, ayaa horay ugu dhawaaqday in ay xirtay xadka ay la leedahay dalka Libya kadib markii dad badan la waayay meel ay ku dambeeyeen.

Inta badan Soomaalida waxay u tagaan dalka Libya si ay uga sii gudbaan oo iyagoo badda maraya u tallaabaan dhinaca Talyaaniga sidaana ay Yurub ku galaan, hase yeeshee, waxaa qaar badan oo ka mid lagu la'yahay badaha, iyadoo qaar kalena maydkooda la helo.

Top


Qaramada Midowbey maxay ka qabaneysaa amaanka Afqanistaan?

BBC Sideetan hay'adood oo samafal ah ayaa ka dalbey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midowbey, Kofi Annan in uu ku cadaadiyo Golaha Amaanka ee Qaramada Midowbey in la balaadhiyo ciidamada nabad ilaalinta ee ka shaqeynaya amaanka caasimada Kaabul.

Hay'aduhu waxay doonayaan in howlaha amaanka la gaadhsiiyo oo lagu fidiyo gobolada kale ee dalka Afqanistaan, halkaas oo ay ku sheegeen in nidaamka nabaddu uu khalkhal kaga imaanayo hogaamiye kooxeedyada iyo qaabaa'ilka oo kula dhaqma dadka rayidka ah cagajuleyn iyo cabsigalin.

Wariyaha BBCda u jooga Qaramada Midowbey ayaa sheegaya in dowladda Mareykanku gaar ahaan, sida lagu soo waramayo, ay ka soo horjeedo kordhinta ciidamda Amaanka, taas oo laga yaabo in ay saameyn ku yeelato dadaalka uu Mareykanku wado ee lagu qaqabanayo ama lagu burburinayo canaasiirta ka hadhay Al qaacida iyo Ururkii Talabaan.

Top


Laybeeriya Oo La Kala Saxeexday Heshiis Cusub.

BBC Iydoo xabad joojin ay ka bilaabaneyso Libeeriya, ayaa Urur Goboleedka Afrikada Galbeed, ECOWAS uu dinidda inteeda kale ka dalbay in ay gacan ka geystaan sidii xal siyaasadeed loogu heli laa dagaalka sokeeye ee Liberiya.

Madaxa Ururka ECOWAS, Dr. Mohamed Ibn Chambas ayaa BBCda u sheegey in uu ku rajo weyn yahay in Mareykanka, Britian iyo Faransiisku ay ku soo biiri doonaan howlgalka Nabad Ilaalinta.

Afar iyo toban sanadood ku dhawaad oo uu socday dagaal sokeeye ayaa ka abuurtey Liberiya iyo dalalka kale ee Galbeedka afrika dhibaato dhaqaale iyo mid bini'aadanimo.

Ma jiraan wax warar ah oo sheegaya in xabadjoojintu ay meel martey iyo in kale. Hase ahaatee, waxaa jirey warar sheegayey in dagaalku uu socoday ilaa iyo laga gaadhayey waqtiga kama danbeysta ah ee xabad joojinta loo qabtey.

Top


Madax-Weynaha Kiinya Oo Isku Shaan Dheeyay Dawladiisa.

BBC Madaxweyne Kibaki ayaa dib u shaandheyn ku sameeyey jagooyinka wasiir hoosaadyada, iyo xoogyaheyaasha joogtada ah ee wasaaradaha. Madaxwynuhu sidoo kale waxaa uu magacaabey safiiro cusub iyo madaxda hay'adaha ay dowladdu maamusho iyo madaxda jaamacada dalka, inta badana waxaa uu meesha ka badaley madaxdii la shaqeyn jirtey dowladdii hore ee Madaxweyne Daniel Arap Moi.

Dadka shaqada uu madaxweynuhu ka saarey waxaa ka mid Mudane Wycliffe Usundwa oo hore wasiir hoosaad uga ahaa wasaarada Beeraha, ka dib markii uu dowladda u soo jeediyey eedeymo la xidhiidha sida dowladdu ay ula dhaqan tahay dadka beera qasabka.

Isbadeladda waaweyn oo uu madaxweynuhu sameeyey waxaa ka mid ah, isagoo Wasaaradii Beeraha iyo Horumarinta xoolaha u kala qeybiyey laba wasaaradood oo kala ah: Wasaarada Beeraha iyo Wasaarada Horumarinta Xoolaha.

Wasaaradda Cusub ee Hurumarinta Xoolaha waxaa uu madaxweynuhu wasiir uga dhigey Mudane Josef Konzolo, waxaan kaaliye wasiir u ah, mudanne Axmed Maxamed Khaliif.

Xafiiska madaxweyne ku xigeenka iyo wasaarada dib-u-dhiska qaranka waxaa xogyahe joogto uu madaxweynuhu u magacaabey Ambaasadoor Maxamuud Maxamed Macalim. Waxuuna Madaxweynuhu ka qaaday Jagada Xogyaha joogtada ee Wasaarada Isbortiga iyo Arrimaha Jinsiga, Cali Bonow Qorane.

Madaxda Jaamacada ee uu magacaabey madaxweynuhu waxaa ku jira Bethwel Kibligaad oo ah uu hadda madax ka ah gudiga farsamada ee dib u heshiinta Soomaalida ee ka socda Mbagathi. Kibligaad waxaa loo magacaabey in uu madax ka noqdo Jaamacadda Egerton.

Madaxweynuhu waxaa uu safiiro cusub u magacaagey dalalka Biljam iyo luxembourg iyo wakiilka joogta ah ee Kenya u fadhiyo doona Ururka Midowga Yurub.

Warsaxaafadeedka laga soo saarey madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegey in madaxweynuhu uu sameeyey isbedeladan si loo kordhiyo wax qabadka dowladda.

Top


Senator Eedeeyay Siyaasadda Bush.

BBC Mid ka mid ah tartamayaasha ugu cad cad ee musharaxnimada xisbiga Demoqraadiga Maraykanka, John Kerry, ayaa weeraray madaxwayne Bush, isagoo sheegay in Maraykanku ay qalad horseedeen kadibna ay dagaal ku qaadeen Ciraaq, iyagoo adeegsanaya warar sir ah oo aan dhamaystirnayn.
Dagaalka Ciraaq, waxaa uu kala qaybiyay Demoqraadiyiinta Maraykanka, waxaana uu u muuqdaa in uu xoojiyay muuqaalka awoodeed ee madaxwayne Bush dhinaca siyaasadda arrimaha dibedda.

Sagaalka musharax ee madaxwaynenimada xisbiga Demoqraadiga, ayaa u tartamayay musharaxnimada xisbigan, isla markaana ku dadaalayay sidii ay meel dabacsan oo ay ka weeraraan uga heli lahaayeen madaxwayanaha.
Senator-ka John Kerry eedayntii xooga lahayd ee madaxwayne Bush, waxay muujinaysaa in uu isagu rumaysan yahay in maamulka Bush uu ka taag daran yahay halka siyaasadiisu ku badbaadi lahayd ee ammaanka qaranka.
Fikradaasi Senator Kerry kuma kali ah, tartamaaga kale ee musharaxnimada xisbiga Demoqraadiga Guddoomiyihii hore ee magaalada Vermont, Howard Dean, ayaa xayaysiis ka bilaabay telefishinka Iowa, halkaasi oo tartamayaasha musharaxnimada xisbiga demoqraadiga si dhab ah loogu tijaabin doono senate-yada hortooda, kaasoo dhacaya bisha January.

Dean, wuxuu xayaysiintiisa ku furayaa erayada "waxaa la gaadhin waqtigii runta, sababtoo ah runtu waxay tahay siyaasadda dibedda ee George Bush ma aha mid aan ku badbaadayno.

Hadaba kumaa saxan Kerry iyo Dean? Madaxwaynuhu ma ka taag daran yahay dhinacyada difaaca iyo siyaasadda dibedda? Intaba waxaa muuqata in ay yihiin fursadaha ugu xooga badan ee madaxwaynaha.

Demoqraadiyiintana, waxaa guud ahaan loo arkaa in ay ku daciifsan yihiin dhinaca amniga qaranka, hase yeeshee, iyadoo ay socoto baadhitaan congress-ka uu wado oo ku saabsan wararkii sirka ahaa ee lagu marsiistay dagaalka Ciraaq, iyadoo ciidamada Maraykankuna ku dhowaad maalin kasta ay dhibaatooyin ka soo gaadhayaan dalka Ciraaq, oo ayna muuqan horumar dhab ah oo ka jira dalka Afghanistan, ayaa qaar ka mid ah khubarada istaraatiijiyadda ee Demoqraadiyiintu ay rumaysan yihiin arrintu ay dhinacooda u soo janjeedhsanayso, oo iyagu ay fursad wanaagsan yihiin.

Midda xiisaha leh, ayaa ah khabiir wayn oo dhinaca la dagaalanka argagixisada u qaabilsanaa aqalka cad oo is casilay wax yar uun ka hor dagaalka Ciraaq, ayaa haatan wuxuu saxiixay in uu qayb wayn ka qaato ololaha senator Kerry, kaasoo fikradiisa xog ogaalka ah oo la qiimaynayo ay gacan ka gaysan doonto qaabaynta eedaha loo jeedinayo siyaasadda madaxwaynaha.

Top


Saddex Askari Oo Maraykan Ah Oo Lagu Dilay Weerar Gaadmo Ah Dalka Ciraaq.

Baqdaad (W.Wararka) - Ugu yaraan 3 askari oo Maraykan ah ayaa dhintay, qaar kalena way dhaawacmeen kadib markii weerar gaadmo ah lagu qaaday koox ka tirsan ciidanka Maraykanka oo kormeer ku marayay koonfurta Baqdaad.

Sida ay sheegayaan dad goob-joog ahi weerarkan oo ay qaadeen dablay aan la garanayni waxay la beegsadeen mid ka mid ah gawaadhida gaashaaman ee Maraykanka oo ku jirtay kormeerka, taasoo sababtay inuu dab ka holco askartaasina ku dhimato, iyadoo askarta dhimatay si degdeg ah looga qaaday goobtaasi.

Wax war ah oo arrintan faahfaahin ka bixinayaa kamuu soo bixin Taliska ciidamada Maraykanka, balse waxay kusoo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan weerarada gaadmada ah ee lala beegsanayo ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq oo la sheegay inay haatan marba marka ka dambaysa sii kordhayaan.

Top


Oklahoma Oo Amaanka La Adkeeyay.

Oklahoma (W.Wararka) - Amaanka guud ee magaalada Oklahoma ee gobolka Michigan oo ka tirsan carriga Maraykanka ayaa la adkeeyay kadib markii ay halkaa ka dhaceen iska-hor-imaadyo dhinaca midabka la xidhiidhaa, taasoo sababtay in halkaasi lagu soo rogo bandoo lagu xayirayo dhamaan dhaq-dhaqaaqa iyo isu-socodka dadka iyo gaadiidka.

Iska-horimaadyadan oo la sheegay inay dhacayeen ilaa maalintii Isniintii waxay ka dambaysay markii halkaasi lagu dilay wiil dhallinyaro ah, taasina ay sababtay iska-horimaadyo baahay oo ka dhacay degaanada dadka madowga ah oo ka cadhooday dhimashada wiilkaa yar oo ka dhalatay markii ay ciidamada Bilaysku isku dayeen inay qabtaan isagoo wata Moto ah nooca dheereeya.

Oklahoma oo ay ku nool yihiin 12,000 oo qof, waxa la geeyay 300 oo ka tirsan ciidamada amaanka, si ay usoo celiyaan amarka iyo kala-dambaynta. Balse waxa uu qaanuunku u fasaxayaa in ciidamo dheeraad ah la geyn karo haddii ay rabshaduhu sii socdaan.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Ku Dayo Daacadnimadii Marxuum Axmed Xasan Ibraahim.

Marxuum Axmed Xasan Ibraahim “Alla ha u naxariistee”, waxa uu ahaa gudoomiyhii xisbigii la odhan jiray NUF (Nafta) 1960-dii, markii dambana waxa loo soo doortay uu ka mid noqday deegaanka dawladda Hoose ee Hargeysa, taariikhdiisa daacadnimo iyo muwaadinimo ee Marxuumku lahaa waxa ka mid ahaa.

In la siiyey hal baloodh oo cabirkiisu ahaa 40”X40”, lagana siiyey badhtamaha magaalada Hargeysa, waxa uu bixiyey cashuurtii, fiigii, waxaanu dhamaystay sharcigii dhulkaasi 12 bilood ka bacdi ayuu marxuumku dawladda hoose dib ugu soo noqday isaga oo sida warqadihii dhulkaasi, waxaanu yidhi “wakhtiga ayaa ii saamixi waayey inaan dhisto baloodhkii la I siiyey, muddadaas wax ka badana ma haysan karo dhulkaasi, ee waxaad siisaan dhulkaasi muwaadin dhisan kara, sidii ayuu marxuumkaasi dhulkii ku celiyey laguna siiyey nin kale oo muwaadin ah.

Haddaba waa kala maan mawqifka muwaadinkaasi iyo mid aynu maanta ognahay, waxaase hubaal ah in muwaadinimada iyo daacadnimadu wax walba ka qaalisantahay ee Eebbe ha ina garansiiyo, waxaana looga baahanyahay masuuliyiinta maanta gaar ahaana golaha deegaanka iyo dawladda hoose inay kaga daydaan daacadnimada iyo muwaadinimada taariikhdaasi dhabta ah ee marxuum Axmed Xasan Ibraahim.

Axmed Maxamed Faarax, Hargeysa

Top


Ganacsiga Dalka Wax Ka Beddel.

Aniga oo ah muwaadin Somalilander ah waxaan halkan talo u soo jeedinayaa wasiirka ganacsiga iyo dhamaan intay dhibayso wixii horumarka dalka wax u dhimaya.

Waxaa beryahan dambe isku qasmay ganacsigii dalka oo maraya heerkii ugu hooseeyey, ka dib markii ay ganacsatadu wayday wax la xisaabtama ama u qorsheeya habka ganacsiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha.

Tusaale haddaan soo qaato waxaa beryahan dambe soo baxay in la kala garan waayo, ganacsatada waaweyn iyo jeeblayaasha, bakhaaradda waaweyn iyo dukaamadda yar yar.

Waxaa jira in bakhaaraddu waxay la soo baxeen loo adkaysan waayo, oo ay ku tacadiyaan dukaamadda yar yar, iyo jeeblayaasha soo koraya, waxaad arkaysaa bakhaarkii oo iibinaya daasad boorash ah ama beer dacas ah, taas oo dhib ku ah dukaamadda soo koraya. Waxay gaadheen inay iibiyaan shan kiiloo oo sonkor ah sidaa darteed waxaan xukuumadda ka codsanayaa in ay wax ka qabtaan khal-khalka ganacsiga iyo ku tacadiga dan yarta.

Waxaa kale oo aan talo u soo jeedinayaa in ay ganacsatada yar yari samaystaan. Urur ka hadla xuquuqdooda.

Maxamed Sh. Daahir Qaalib, Hargeysa.

Top


Weftiyadu Maxay Soo Kordhiyaan?

Waxa laga joogaa xiligii lagaga dhawaaqay magaalada Burco JSL 12 sanadood, shaki kuma jiro in la soo maray xaalado kala duduwan, ma jecli inaan wax canaanto ama aan cid eedeeyo, hase ahaatee waxaan doonayaa inaan faallo ka bixiyo weftiyada shisheeye ee dalka gaalaa baxayey , taas oo aanay wax waxtar lihi ka soo bixin, ilaa iyo hadda.
Haddaba haddii aan u soo noqdo nuxurka hadalkayga waxay ila tahay arrintu waa laba xaalo midkood, ta koowaad oo ah inaanay xukuumaddu aanay run ka sheegin waxa ay ku wada hadleen wufuudaa, iyo ta labaad oo ah inaanay weftigu daacad ka ahayn waxa ay la socdaan ooo ay iyagu iska daba raraan munaafaqad, iyo ku xumayn ka kale. Oo ay matalan yidhaahdaan kuwii hore been bay idiin sheegayeen ee anaga ayaa runtii idiin sheegayna, sidaa daraadeed waxaan aad ula yaabay, wufuudu ma wax bay inoo keentaa oo waa la inaga qariyaa, mise waxbay inaga qaadaa oo la inaga qariyaa, mise waabay inoo soo xaraabo tagtaa, mise waa yaabe way inoo soo caawimo doonataayoo waxay maqleen Somaliland baa lacag lagu bixiyaa?

Haddaba waan ku dheeraadee, waxaan hadalkayga ku soo ururinayaa sheekadan, “waxa la yidhi berri baa reero isku darsadeen safar, awr ka kooban ilaa 100-awr, xiligaa waxa loo safri jiray magaalada Berbera, dabadeedna waxa la waayey safarkii, oo wuxuu dib uga dhacay xiligii looga bartay inuu yimaado, waxaa markaa la isku qanciyey in shil ku dhacay safarkii, dabadeed waxaa loo tagay nin faaliye ah waxaana lagu yidhi ka sheekee waxa ku dhacay safarkii, dabadeed faaliyihii markuu faalkii dhigay waxa uu ku jawaabay safarkii ama wuu nabad qabaa, ama ma nabad qabo, ama wuu sii socdaa ama wuu soo socdaa, ama habeen buu imanayaa ama maalin buu imanayaa, ama awr cad baa u horeeya, ama awr madaw,” sidaa awgeed waxaan u arkaa wufuudan ama run bay inoo keentaa, ama been bay inoo keentaa, ama waa ina aqoonsanayaa, ama la ina aqoonsan maayo, ama waa la ina caawinayaa ama la ina caawin maayo. Ama lacag bay inoo keenaan ama lacag bay inaga qaataan, Ama waa iyagaa inala yaaba ama inagaa la yaabna, sidii ay yeelaan ba waa mahadsanyihiin labada goorba.

Cali Ismaaciil Carab, Hargeysa. 

Top


Talo-Bixin Ku Socota Wasiirka Ganacsiga.

Aniga oo ka mid ah ganacsadayaashii hore, waxaan marka hore u hambalyeynayaa wasiirka cusub ee ganacsiga Mr. Maxamed Xaashi Cilmi, waxaanan u rajaynayaa in uu horumariyo ganacsiga dalka oo u keena Isbedel, taas oo u ganacsiga dalku u baahan yahay, wada tashi, wax wada qabad iyo tusaaleyn. Taas oo aan ganacsiga dalka ka socda u noqdo mid wax tar u leh dadka iyo dalkaba, balse aanu keenin waxyeelo. Waxaan kugu mahad naqney, kaana aragnay muddadii aad maayarka magaalo madaxda ahayd, wax qabad karti iyo dul-qaad, dhamaan raadadkii aad nooga tagtay.

Waxaan ka sugaynaa sidaas iyo si ka daran taas oo aan kaa rabno in ganacsatadii hore aad qorshahaaga ku dartid, haddii ay noqoto la tashi, waxtar (etc).

Ugu dambayn, waxaan kaa codsaneynaa in aad noo abuurto ururo ganacsi oo tayo yeesha, una faa’iideeya dadka iyo dalkaba.

Yusuf Cabdi Xandule (Haliil), Hargeysa.

Top


WAADIGA CIYAARAHA, Cabdifataax M. Caydiid.

Santos Oo u Soo gudubtay ciyaarta Kama-dambaysta Koobka Libertadores.

Medellin, Colombia (Reuters) - Kooxda Horyaalka dalka Brazil ee Santos, oo sannadihii lixdameeyadii uu soo caan-bixiyay boqorka kubadda cagta Pele ayaa ku garaacday 3-2 kooxda reer Colombia Medellin habeenkii Arbacadii, waxaanay ugu soo gudubtay ciyaarta kama-dambaysta ah ee tartanka kooxaha qaaradda Laatiin Ameerika ee loo yaqaan koobka Libertadores, kaas oo ay muddo 40 sannadood ah markii u horeysay u soo gudubtay.

Difaacyahanka Alex, ciyaartoyga bedelka ku soo galay ee Fabiano iyo ciyaartoyga baalka dambe ee bidixda ka ciyaara Leo ayaa u dhaliyay goolasha kooxda Santos, waxaanay ciyaartii is-araga labaad ee semi-finalka tartanka koobkan ku adkaatay 3-2, natiijadaas oo ka dhigay isu-geynta labadii ciyaarood 4-2 ay Santos kaga guulaysatay Medellin.

Santos, oo hore ugu guulaysatay koobkan Libertadores sannadihii 1962 iyo 1963, waxa kale oo ay meesha ka saartay aragtidii suurta-galka ka dhigaysay in ay ciyaarta kama-dambaysta isugu soo baxaan laba kooxood oo ka socda dalka Colombia, sidii ciyaartii kama-dambaysta ahayd ee tartanka horyaalka Yurub (European Champions League).

Santos, muddo dheer ayuu heerkeegu aad u hooseeyay, kadib markii uu Pele ka tagay sannadkii 1973-kii, waxaanay dib ugu soo noqday ciyaaraha sannadkii ina dhaafay koox ciyaartoy aad u da’ yar ka kooban oo uu tababare u yahay goolhayihii hore ee Brazil Emerson Leao, waxaanay ku guulaysteen horyaalka dalka Brazil, taas oo noqotay guushii ugu horeysay ee ay gaadhaan tan iyo sannadkii 1984-kii.
Meddelin, oo ah kooxda keliya ee dalka Colombia ka socota ee ku guulaysta koobka Libertadoras, ayaa ciyaar-wanaag ku bilowday ciyaarta, kadib markii Tressor Moreno uu jebiyay darbigii difaaca, kubad gaaban dul mariyay goolwadaha Santos, Fabio Costa, waxaanay goolkaasi dhashay keliya markii 13-daqiiqadood ciyaartu socotay.

Kooxdan Kolombiyaanka ayaa kantaroolka ciyaarta qabsatay, balse goolhayaha Costa ee kooxda Santos ayaa badbaadiyay laba darbadood oo ahaa shuut dheer oo meel fog lagaga soo laaday, waxaanu ciyaarta ku sii hayay kooxdiisa.

Kooxda Martida ahayd ee Santos oo uu gooldhaliyahoodii Ricardo Oliveira dib ugu soo noqday ciyaartan, kadib markii uu dhaawac jilibka ka gaadhay ayaa goolkii barbardhaca heshay daqiiqadii 36aad, kadib markii kubad karoos ahayd oo laga soo laaday dhinaca midig uu madax ku dhuftay difaacyahanka dhexda ah ee Alex.

Robinho oo kooxda Santos ah iyo Mauricio Molina oo Medellin ah ayaa labaduba birta garaacay bilowgii qaybtii dambe ee ciyaarta. Daqiiqadii 52aad ayuu Fabiano ayaa goolkii hogaanka ay 2-1 ku qabatay Santos u dhaliyay, kadib markii uu kubad shuut ah ka geliyay koonaha goolka.
Ciyaarta khatarka ah ee Molina oo habeenka madax xannuuun ku riday difaaca Santos ayaa goolkii ay barbardhaca 2-2 ku keentay Medellin u saxeexay daqiiqadii 81aad.

Kooxda Medellin, waxay u baahnaayeen gool si ay ciyaarta ugu riixaan rigoorayaal, waxaanay qaadeen weerar isdaba-jooga, balse waxaa taa ka hortegay ciyaartoyga Leo oo dhaliyay goolkii ay ku badisay Santos daqiiqadii 87aad, kadib markii uu kubad uu ku laaday goolhayaha Medellin, David Gonzalez kaas oo badbaadiyay, balse uu marlabaad kubadii ku celiyay ayna shabaga goolka gashay.

Ciyaartii waxay ku soo geba-gebowday Santos oo 3-2 kaga guulaysatay Medellin, waxaanay ciyaarta kama dambaysta ah isaga hor iman doonaan labada kooxood ee Boca Junior oo dalka Argentina ah iyo America de Cali oo dalka Kolombiya ah hadba kooga soo baxa, waxaanay labadan kooxood wada ciyaaraan maanta subaxa hore, iyadoo ay kooxda Boca ciyaartii is-araga hore ku guulaysatay 2-0, waxay kooxda America de Cali isku dayi doontaa in ay natiijada ciyaartan is-arag labaad ku guulaysato ugu yaraan 3-0, iyadoo waliba ku ciyaaraysa dalka Argentina oo ay faa’iido u tahay Boca.

America de Cali, waxay ciyaarta kama-dambaysta ah ee tartanka koobka Libertadores u soo gudubtay afar jeer, balse kumay guulaysan marnaba, halka ay kooxda Boca Juniors ku guulaysteen koobkan afar jeer oo ah sannadihii 1977, 1978, 2000 iyo 2001-kii.

Top


“U Wareegista Real Madrid waxba uma dhimayso Mustaqbalkayga England,” David Beckham.

Tokyo (Reuters) - Loolankii la wareegista xiddiga England, David Beckham ee ka dhexeeyay labada kooxood ee hirdanku ka dhexeeyo Barcelona iyo Real Madrid ayaa ku dhamaaday in ay kooxda Real Madrid ku guulaysato heshiis ay la gasho kabtanka England iyo kooxdiisii hore Manchester United. Heshiiskaas oo qiimihiisu dhan yahay € 25 m (Shan iyo labaatan Malyuun oo lacagta Euro ah), kaas oo mudddadiisu tahay afar sannadood.

Kooxda Manchester United iyo Real Madrid, ayaa warkan wareegista Beckham ku sheegay bayaan ay habeenkii salaasadii goor dambe soo saareen kaas oo rasmi ka dhigay war ay sii daysay idaacad isbaanish ahi.

Manchester ayaa bayaankeeda ku sheegay in ay kooxdu heshiis la gashay Real Madrid, kaas oo dhigaya inuu David Beckham ugu wareego Real Madrid qiime € 35 M (25 malyuun waa qiimaha mabda’iyan heshiiska afar sannadood, tobanka miyan ee kalena waxa lagu bixinayaa hadba heerka Beckham la yimaado) oo u dhigan Dollar Maraykanka $41 milyan, ciyaartoyga Beckham-na wuu ogolaaday heshiiskaas, waxana la filayaa in uu saxeexo toddobaadka ugu horeeya ee bisha July.

Heshiiskani wuxuu guul weyn u yahay Maamulaha kooxda Real Madrid Flornitino Perez, kaas oo muddo afar sannadood ah kooxda ku soo daray ciyaartoyga Boortaqiiska ah Luis Figo sannadkii 2000, xiddiga Faransiiska ah Zinedine Zidane sannadkii 2001 iyo Xiddiga Adduunka ee reer Brazil, Ronaldo sannadkii 2002. Sidoo kalena, wuxuu darbad weyn ku dhuftay riyadii Maamulaha dhawaan loo doortay madaxtinimada kooxda hirdanku ka dhexeeyo ee Barcelona, Juan Leaporta, kaas oo sheegay inuu heshiis kula gaadhay Manchester United la wareegista Beckham, ka hort intii aan Axadii toddobaadkan loo dooran Madaxtinimada Barcelona.

Dhinaca kale, David Beckham, ayaa tilmaamay in sababta uu doortay inuu ka wareego Manchester United oo uu u wareego Real Madrid ay tahay in aanu doonayn in ay fursaddan qaaliga ahi aanay dhaafin wakhtigan xaadirka. Waxaanu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi: “Waxaan ogahay in aan ciil-kaambiyi doono noloshayda oo dhan haddii aan diido fursada u ciyaarista Naadigan weyn ee baaxadda leh Real Madrid,” waxaanu intaa ku daray; “Waxaan qirayaa in ay ii tahay fursad qaaliya mustaqbalkayga ciyaareed iyo wakhtiga xaadirka ahba, waxaanay tijaabo u tahay ciyaarahayga iyo qoyskaygaba.”

Beckham, waxa uu u mahadnaqay dhammaan kooxihii ama naadiyadii ee soo bandhigtay in ay doonayso inuu u ciyaaro oo ay heshiis la galaan; “Gaar ahaan kooxda Barcelona, laakiin run ahaantii waxaan aad u jeclaa in aan ka qayb galo tartanka Horyaalka Yurub (Champions League) sannadka soo socda,” ayuu raaciyay Beckham.

David Beckham iyo xaaskiisa Victoria oo ah fannaanada heesta oo ka mid ahayd kooxdii la odhan jiray Spice Girls, waxay imika socdaal ku joogaan dalka Japan, waxaanu shalay mar uu warbaahinta u waramayay sheegay inuu saaxiibadiisa cusub reer Real uu ka raali-gelinayo khalkhal warbaahintu gelisay iyagoo ku dagaalamaya horyaalkii tartanka kooxaha Isbaanishka, isagoo sheegay ka tegistii Manchester United in aanay saameyn ku yeelan doonin mustaqbalka xulka wadankiisa.

“Ku biirista koox xajamkeedu weyn yahay sida Real Madrid oo kale ay tahay riyo.” Sidaa waxa uu u sheegay Beckham warbaahinta shalay khamiistii. “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ka mid noqday Real Madrid. Waana tijaabo xiise badan leh, waxaanay ii tahay aniga hirdan cusub oo kubadda cagta ah,” ayuu raaciyay.

“Ma aan ogolaadeen heshiiskan haddii ay wax u dhimayso mustaqbalka xulkayga England” ayuu yidhi 28-jirka reer England, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi: “Waxaan la xidhiidhay Maamulaha xulka England Sven-Goran Eriksson oo aan u sheegay arrinta oo dhan, sababtoo ah waxaan u filayaa inuu yahay qaybta ugu weyn ee mustaqbalkayga - waxaanu i-yidhi, ‘Waxkasta oo aad samayso, waxba kuma jabna naadiga aad u ciyaartaa, wax dhibaato ah kuma noqonayso in aad ahaato kabtanka England.”

Beckham, waxa uu ka gaabsaday inuu wax ka yidhaahdo tabaraha M. United, Alex Ferguson, waxaanu sheegay in uu yahay ka halka uu maanta joogo ka dambeeyay, waxaanu u mahadnaqay dhammaan saaxiibadiisii Man United iyo taageerayaashiiba, dhammaan ciyaartoyda kooxda Manchester oo uu sheegay in ay uga dhigan yihiin sida qoyskiisa oo kale.

Sidoo kale, mar wax laga weydiiyay inuu dhinaca lambarka uu ka qaadan doono kooxda Real Madrid marka uu wareego, waxa uu sheegay in aanay ahmiyad u lahayn inuu garanka lambar 7 ku dhigan yahay, kaas oo uu hadda xidho Raul, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi: “Marnaba ku aan fekerin in aan lambarkaa kala baxo Raul. Aniga ahaan, Raul waa boqorka kooxda Real Madrid. Lambarkasta oo lay siiyo waa ku faraxsanaan doonaa. Xataa weli kamaanu wada hadal kaalinta ay doonayaan in aan ka ciyaaro, laakiin tani waxay noqon doontaa mid aad ii xiise gelinaysa.” 

Top


Koobka Qaaradaha Adduunka iyo Maalintii 1aad.

Lyon, France (W. Wararka) - Dalka Faransiiska ee marti-gelinaya tartanka koobka Qaaradaha Adduunka, ahna wadanka koobka haysta ayaa guul aad u adag ka gaadhay ciyaartii doraad Arbacadii ay la yeesheen dalka Kolombiya, taas oo ahayd ciyaartii ugu horeysay ee wareegii koowaad ee group A ee tartanka qaarada adduunka, waxaanay kaga guulaysteen 1-0, goolkaas oo rigoore ahaa waxa u dhaliyay weeraryahanka Thierry Henry.

Ciyaartan oo ay ciyaar-wanaaga lahaayeen dalka Kolombiya, taas oo ay dhibaato ka qabsatay khad dhexe oo ay isla heli waayeen kubadda ciyaartoyda Faransiisku, balse waxa u suurta gashay in ay dhaliyaan gool keliya ee ciyaarta daqiiqadii 39aad, kadib markii uu ciyaartoy reer Kolombiya ahi kubad uu soo karoosay Wiltword gacanta kaga dhacday, taas oo uu garsoorihii ciyaartu rigoore ku tilmaamay, waxana u laaday dalka Faransiiska weeraryahanka Thierry Henry oo u dhaliyay.
Qaybtii dambe ee ciyaarta dhammaanteed waxa la wareegay ciyaarta ciyaartoyda Kolombiya, taas oo ay ku dhawaadeen in ay keenaan goolka barbardhaca, balse goolhayaha dalka Faransiiska ayaa kooxdiisa la baxsaday, waxaanu ugu yaraan ka badbaadiyay 10 fursadood oo ay kubadda ku laadeen goolka Faransiiska.

Dhinaca kale, tababaraha dalka Japan Zico, ayaa guulweyn ka soo hooyey ciyaartii uu la yeeshay dalka New Zealand, waxaanu kaga adkaaday 3-0.
Zico oo isla garoonkan ay ciyaartu habeen hore ka dhacday ku daawanayay ciyaartii ay wadanka Faransiisku kaga guulaysteen 3-0 dalkiisa Brazil koobkii adduunka 1998-kii, markaas oo uu u ahaa tababarihii Brazil caawiyihiisa, ayaa natiijadii mid la mid ah kaga baxay ciyaartan, taas oo laga yaabo in yar in ay kor u soo niyadiisa.

Dalka Japan waxa uu furay gool dhalinta daqiiqadii 12aad, kadib ciyaartoyga Nakata ee khadka dhexe uga kooxda Talyaaniga ah ee Parma uu baas wacan meel bannaan u dhigay ciyaartoyga isna khadka dhexe uga ciyaara Reginia, Nakamura oo dhinac banaan ka dhigay goolwadaha,
Nakata ayaa daqiiqadii 64aad gool aad u qurux badan ka dhaliyay dalka New Zealand, kadib markii meel 25 mitir u jirta goolka uu lugtiisa midig kaga laaday, waxaana goolka saddexaad u dhaliyay dalka Japan Nakamura daqiiqadii 74aad, taas oo ay hadhay rajadii ay ciyaartoyda dalka New Zealand ka qabeen in ay ciyaarta dib ugu soo noqdaan. 

Top