Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 360 June 23, 2003

“Shirkii Maraykanka Waxa Lagu Soo Qaaday In Waxa Ka Soo Baxa
Shirka Nayroobi Aanu Saameyn Somaliland,” Dr. Axmed Xuseen oo golaha wakiilada uga xog waramay shirar uu ka qayb galay.

Shir Dhexmaray Wasiirka Ganacsiga Iyo Mulkiilayaasha Warshadaha Gaarka Ah.

Tacsi.

Dhul Gariir Ka Dhacay Kala-Baydh.

Wada-Hadaladii Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Oo Shalay Bilaabmay
Waxa Isa soo Hor Fadhiistay Ergo Labada Dhinac Ka Socota Iyo Xubno Salaadiin Ah.

“Jaamac Yare Waa Nin Caadeystay Inuu Meelahaa Ka Caayo Somaliland,” Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Xadhiga Jaamac Yare.

Gudoomiyaha Baanka Oo Dedefeeyay Inuu Shirkad Gaar Ah U Dan Leeyahay.

Muranka Lamaanaha Iyo Maxkamadaha, Warbixin - Xadiis M. Xadiis.

Nelson Mandela Oo Maraykanka Ku Tilmaamay Inuu Khatar Ku Yahay Caalamka.

Askar Maraykan Ah Oo Lagu Laayay Dalka Ciraaq.

Weerar Lagu Qaaday Saldhig Uu Maraykanku Ku Leeyahay Pakistan.

Qarax Laxaadle Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Dawladda Kenya Oo Hawada Ka Xidhatay Somaliya.

Dhuun Saliid Ah Oo Ku Qaraxday Nayjeeriya.

Wada-Xaajood Laga Yeeshay Xaaladda Barriga Dhexe.

Israa’iil Oo Dishay Hogaamiye Ka Tirsan Xamaas.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hala Dhawro Jiritaanka Camuud.

Wax Halaga Qabto Arrinta Subeer Axmed (Wiilkii La Xaday).

Mushaharka Rayaale Ayaa Ka Badan Ka Bush, Cali Guuleed, San Jose, California, USA.

Golaha Deegaanku Way Iska Tuureen Taajkii La Saaray.

Bayaan Taageerayaasha KULMIYE Ee Kanada.

WAADIGA CIYAARAHA: Kamaruun Oo U Soo Gudubtay Semifinalka Koobka Qaaradaha Adduunka.

Lewis Oo Sii Adkaystay Suunka Feedhka Miisanka Culus Ee Adduunka.

Tyson La Filayo In Hal Sanno Oo Xadhig Ah Loo Taxaabo.

Nabsigii Foosto-Riix, Q: 11aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.


“Shirkii Maraykanka Waxa Lagu Soo Qaaday In Waxa Ka Soo Baxa
Shirka Nayroobi Aanu Saameyn Somaliland,” Dr. Axmed Xuseen oo golaha wakiilada uga xog waramay shirar uu ka qayb galay.

Hargeysa (Haatuf): Dr Axmed Xuseen Ciise oo ka mida aqoonyahanada s/land ee u ololeeya sidii ay somaliland icitiraaf dunida uga heli lahayd ayaa shalay mudanayaasha golaha wakiilada uga xog waramay waxyaabihii kasoo baxay shirar badan oo uu ka qayb galay oo lagaga hadlayay qadiyada s/land intii ka danbaysay doorashooyinkii madaxtooyada, kuwaas oo ka dhacay dalalka marekanka, faransiiska iyo swedan.

Wuxuuna sheegay in shirkii ugu danbeeyey oo ka dhacay dalka faransiiska lagaga hadlayay xawaaladaha soomaalida oo wixii ka danbeeyay 11sebtembar 2000, ay dunidu si gaara isha ugu haysay, laakiin wuxu xusay inay u sheegeen dawlada faransiiska iyo dadkii ka qayb galay shirkaa inaanay xawaaladaha soomaalidu ahayn kuwa wax xidhiidh ah la leh argagixisada ee ay ka shaqeeyaan oo keliya biilasha dadka ehelka ah, islamarkaana ay ku qanceen. Dr Axmed waxa kaloo uu sheegay inay la kulmeen masuuliyiinta wasaaradaha arrimaha debeda iyo gudaha ee dawlada faransiiska oo ay kala hadleen horumarka ay somaliland gaadhay iyo sida ay ugu gudubtay nidaamka doorashooyinka xorta ah, iyadoo ay dawlada faransiiskuna dhinaceeda u sheegtay sida ay u arkaan shirka kooxaha somalida ee nayroobi, wuxuuna xusay inay dhowaan s/land imanayaan wefdi ka socda dawlada faransiiska, kuwaas oo balan qaaday inay imanayaan horaanta bisha fooda inagu soo haysa ee Julay.

Dr Axmed waxa kaloo uu mudanayaasha golaha wakiilada uga xog waramay shir haraantii bishan ka dhacay dalka mareykanka oo uu qaban qaabiyay maxadka caalamiga ah ee International Republican Institute oo marka magiciisa lasoo gaabiyo la yidhaahdo (IRI), kasoo uu sheegay inay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga talada dalka haya, aqoon yahano aad ugu xeel dheer arrimaha qaarada Africa iyo soomaalida oo u dhashay dalka mareykanka iyo dalal kale. Shirkaas oo lagusoo qaaday xaalada somaliland iyo soomaaliya, waxa uu sheegay inuu warbixin ka siiyay doorashooyinkii ka dhacay somaliland iyo sida loogu baahan yahay in la gacan qabto doorashooyinka baarlamaanka ee la filayo inay dalka ka dhacaan. Dr Axmed waxa uu intaa ku daray inuu isagu gudoominayay shirkaa, islamarkaana waxyaabihii lagu soo qaaday ay ka mid ahaayeen inaan laysku khaldin soomaaliya iyo somaliland , iyadoo shirka kooxaha soomaalida ee nayroobi lagu soo qaaday doodihii, wuxuuna isagoo ka hadlaya rayiga kasoo baxay yidhi, “ waxa lagu soo qaaday, inaan waxa kasoo baxa shirka nayroobi aanu saamayn somaliland, waana in mudo toban sanadood ah gooni la kala joogo.”

Waxa kaloo uu xusay inay somaliland imanayaan wefdi ka socda dawlada marekanka, wuxuna mudanayaasha u sheegay inay kala hadleen inay wax la qabtaan ee aanay ula iman siminaar iyo waxyaabaha ay qabsan karaan, sidaa awgeed loo baahan yahay inay iyaguna sidaa ugu sheegaan, isagoo yidhi anagu marka aanu sidaa ula hadlayno idinka iyo dawlada toona uma hadlayno, umana hadli karo ee waxa aanu si cad ugu sheegaynay inaynu wax qabad u baahan nahay ee aynaan siminaar aynu qabsan karo uga baahnayn, laakiin idinkay idiin taal taasu ayuu yidh, Dr Axmed, wuxuna intaa raaciyay in loo baahan yahay inaynu dhamaystiro doorashooyinka hadhay ee baarlamaanka, taasoo uu sheegay inay wax weyn ka tarayso qadiyada citiraafka s/land. Warbixintaa ka dib waxa fadhigii golaha xidhay Mudane C/qaadir jirde gudoomiye xigeenka golaha oo fadhiga gudoominayay, wuxuna mudanayaasha u sheegay in masiirka s/land ku xidhan yahay dad aan aqoon meesha aad khariirada kaga taal, isagoo ka hadlaya markii la kordhinayay mudada labada gole wuxu xusay inay shirgudoonka wakiiladu soo jeediyeen sannad, madaxweynuhuna lix bilood, laakiin ay guurtidu laba sanadood ka dhigtay, iyagoo eegaya mudada cidhiidhiga ah iyo waxa marba soo noqnoqonaya, iyadoo aan la dhamays tirin wax yaabihii qabyada ahaa.

Top


Shir Dhexmaray Wasiirka Ganacsiga Iyo Mulkiilayaasha Warshadaha Gaarka Ah.

Hargeysa (Haatuf) - Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa shalay kulan ballaadhan la yeeshay Mulkiilayaasha warshadaha yaryar ee gaarka loo leeyahay ee dalka Somaliland ka hirgalay, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, kulankaas oo ka dhacay xafiiska Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha, waxaa ka soo qayb-galay ganacsato farabadan oo matalaayay dhawr iyo toban wershadood.

Kulankan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee uu wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Maxamed Xaashi uu la yeesho ganacsatada warshadaha yaryar ee gaarka loo leeyahay tan iyo intii loo magacaabay jagadan.

Wasiirku oo halkaa ka hadlay, waxa uu faahfaahin ka bixiyay muhiimada uu leeyahay ganacsigu iyo kaalinta uu kaga jiro horumarka iyo nolosha bulshada.

Wasiirku waxa uu ku dhiiri-geliyay ganacsatada ka soo qayb-gashay kulankaasi in ay sii laban-laabaan waxqabadkooda siina ballaadhiyaan waxsoosaarkooda. Dhinaca kalena, wasiirku wuxuu ganacsatadaa u soo jeediyay in ay u naxariistaan bulshada, sicir jaban oo macquul ahna wax kaga iibiyaan, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi: “Sidaad la socotaan dhammaanteen wuxuu xil inaga saran yahay ilaalinta waajibaadka bulshada iyo ka qayb-qaadashada horumarka dalka iyo dadkaba. Ganacsatadiinana waxaan idiin soo jeedinayaa in aad bulshada u naxariisataan ood sicir macquulana wax kaga iibisaan, waayo, waxaynu u shaqaynaynaa waa iyaga (bulshada).”

Wasiirku isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi: “waxaan maanta (shalay) halkan isugu nimid waa aan wax bilowno, waana in aan joogtaynaa kulamadeena noocan oo kale ah.”

Eng. Maxamed Xaashi, wasiirka ganacsiga iyo warshaduhu, wuxuu sheegay in ay warshaduhu yihiin kuwo cusub oo dalka iyo dadkaba ku hor leh, sidaa darteed looga baahan yahay in ay sameeyaan iskaashi dhexdooda ah, sida wax lagu gaadhi karaana ay tahay buu yidhi “in laysku duubnaado.”

Dhinaca kalena, wasiirku wuxuu sheegay in isaga qudhiisu uu ku cusub yahay wasaaradiisa, isaga oo arrintaas ka hadlayana wuxuu yidhi: “Idinku waad cusub tihiin, aniguna waan ku cusubahay wasaaradan, markaa waxaa laynooga baahan yahay samir iyo dulqaad.”

Sidoo kale Wasiirku ganacsatada wuxuu u soo jeediyay intii isku nooc ahiba in ay midoobaan, si buu yidhi wasiirku uu wax-soo-saarkiinu u noqdo mid tayo leh, wixii faa’iido ahna aad u qaybsataan intii uu mid waliba meel keligii waxyar la fadhiisan lahaa.

Wasiirku waxa uu sheegay in wasaaradiisu ganacsiga iyo warshaduhu mustaqbalka dhow gaadhi doonto guul wax ku ool ah, isagoo ganacsatadana u rajeeyay sidoo kale, waxaanu yidhi: “Sidaad idinkuba u cusub tihiin ayay dawladuna u cusub tahay, balse mustaqbalka dhow waxaan rajaynayaa in aan gaadhi doono guulo farabadan oo wax ku ool ah.”

Wasiirku wuxuu ka hadlay baahida loo qabo in la helo Baan Horumarineed (Development Bank), kaas oo uu sheegay muhiim u yahay ganacsiga iyo horumarka dalka, waxaanu sheegay in aanu Baanka maanta jiraa ahayn mid ku filan, loona baahan yahay in la helo baan horumarineed oo ay dadka faa’iidaysan karaan, isagoo arrintaa ka hadlaya wasiirku wuxuu yidhi:

“Waad ogtihiin, maanta baan ma lihin Baanka maanta inoo jiraa Baan maaha, dahabshiilna baan maaha. Baankii ganacisiga iyo kii horumarka midna la furin. Markaa ma furi karnaa aynu ka sheekaysano, dabadeedna wixii talooyin ah ee aynu isu geyno wasaarad ahaan, ganacsato ahaan iyo warshado ahaan isu gayno dawlad ula tango, waana lagama maarmaan in la helaa Baan horumarineed.” Wasiirku wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi: “Haddii uu suurta geli waayo ka dawladdu, aynu is weydiino dahabshiil ma ka dhigan karnaa Baan horumarineed, jawaabtuna waayo maxaa loogu diidayaa, hadii uu inagu filan yahay oo hawsheeni qabanayo, maantaba lacagta aad dhiganayso oo uu jeeg ku siinayo oo aad wixii kuu yaalay aad ku qoranayso, LC-gii haddii uu dibadda inooga furayo, markaa waa in ay fasaxii u heli karnaa, yaa kale isu tagaya ee samaysanaya. Dalkani kama maarmo Baan ganacsi iyo ku horumarineedba.”
Dhinaca kale, waxaa halkaa ka hadlay qaar ka mid ah ganacsatada, waxaana ka mid ahaa ganacsade ku hadlayay magaca warshada hargaha ee Burco, kaas oo faahfaahin dheer ka bixiyay guud ahaan warshadaasi u shaqayso iyo wax-soo-saarkeedaba, waxaanu sheegay haddii ay heli lahaayeen waxyaabo ay dawladda uga baahan yihiin inuu wax-soo-saarkoodu ka badan lahaa kay hadda soo saaraan, waxaanu sheegay in warshadoodu hadda maalintiiba ugu yaraan ay qalaan 1,000 neef, halka buu yidhi haddii dawladdu naga caawiso waxyaabahaa qaarkood aanu ka dhigi lahayn wax-soo-saarkayaga maalintii 1500-2000 oo neef.

Geba-gebadii kulankaasi, wasiirku waxa uu soo jeediyay in ay ganacsatadani samaystaan urur u gaar ah oo metela warshadleyda Somaliland, waxaanay xidhitaankii shirkaa kadib ganacsatadu sheegeen in ay samaysteen guddi maanta laga bilaabo ku hadli doona magaca ururka warshadleyda madaxa bannaan ee gobollada dalka, waxaanay gudoomiye u doorteen sida ay sheegeen C/rashiid Haybe Dubad oo ka mid ahaa ganacsatada halkaa iskugu timid, sida uu sheegayna matalayay saddex warshadood oo qaarna isagu leeyahay, qaarna sheer ku leeyahay.

Top


Tacsi.

Mawliid Maxamed Shaqale Iyo Xaaskiisa, Siciid Cabdi Xasan Cismaan Cali Cilmi, Naasir Yuusuf Kudhoyare, Cabdi Siciid Ismaaciil, Cabdi Siciid Salaan, C/Laahi Salaan Aw Yusuf, Muuse Buraale Qoob-Cadde, Dhamaan Dadkaasi Waxay Tacsi U Dirayaan Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Geeriyootay Ala Ha U Naxariistee Marxuumad Hodan Yuusuf Ismaaciil Oo Dhawaan Ku Geeriyootay Magaalada Hargeysa, Waxaanay Ilaahay Uga Baryayaan Inuu Janadii Ka Waraabiyo, Eheladii Iyo Qaraabadii Ay Ka Baxday Samir Iyo Iimaan Ka Siiyo. Aamiin.

Top


Dhul Gariir Ka Dhacay Kala-Baydh.

Kala-baydh (Haatuf) - Dhul-gariir socday daqiiqado yar ayaa la sheegay inuu habeen hore waaberigii ka dhacay magaalada Kala-baydh iyo nawaaxigeeda oo ka tirsan degmada Gebilay.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee Gebilay, Maxamed Xasan oo booqday maalintii shalay magaalada Kala-baydh, dhul-gariirku waxa uu dhacay habeen hore saacadu markay ahayd 4:40 galabnimo, isagoo u dhaxeeya jidka u dhaxeeya Tog-wajaale iyo Kala-baydh ku arkay dil-dilaac soo gaadhay dhulka, kaasoo gaadhaya qiyaastii 60meter, ballaciisuna yahay meter iyo badh, joogiisuna yahay ilaa hal meter iyo badh iyadoo loo malaynayo inay arrintani ka mid tahay dhul go’ dhowaan ka dhacay deegaanka u dhaxeeya Kala-baydh iyo Geed-ballaadh.

Dadka Kala-baydh degen ayaa weriyaha u sheegay in dhul-gariirkani uu dhibaatooyin soo gaadhsiiyay dhismayaal badan oo magaalada ku yaal, kuwaas oo dhul-gariirkani dil-dilaacyo soo gaadhsiiyay, isla markaana uu guryaha qaar ka daadiyay sibidhkii. Sidoo kale dhismaha madaarka Kala-baydh ayaa isagana dhaawac fududi kasoo gaadhay dhul-gariirkan.
Sida la sheegay dhul-gariirkani waa kii ugu horeeyay oo noociisan oo kale ah ee ka dhaca magaalada Kala-baydh iyo nawaaxigeeda, balse waxa hore u dhacay dhulka oo dilaacay, arrintanna dad badan oo degaankaas ah ayaa ka muujiyay werwer iyo walaac iyadoo ilaa iyo hadda sababta keentay aan xog laga hayn.

Top


Wada-Hadaladii Xukuumadda Iyo Xisbiga KULMIYE Oo Shalay Bilaabmay
Waxa Isa soo Hor Fadhiistay Ergo Labada Dhinac Ka Socota Iyo Xubno Salaadiin Ah.

Hargeysa (Haatuf): Wada hadalkii beryahanba la dhawrayey inuu u bilaabo xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo hogaanka xisbiga mucaaradka ee KULMIYE ayaa shalay ka bilaabmay guriga Madaxtooyada, halkaas oo ay ku kulmeen madaxda labada dhinac, oo ay kala hogaaminayaan madaxweyne Daahir Rayaale iyo Gudoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, goob joogna ay ka ahaayeen xubno ka tirsan guddida Salaadiinta, ee dhexdhexaadinta ka dhex-waday labada dhinac.

Sida ay sheegayaan ilo ku dhaw dhaw labada dhinac kulankaa laguma lafo-gurin arrimihii labada dhinac isku khilaafsanaayeen, balse wuxuu ahaa mid loogu gogol xaadhayo kulamo kale oo qorshuhuyahay inuu dhexmaro labada dhinac, waxaana la filayaa in labada dhinac ay isugu soo noqdaan kulan dambe si is-faham looga gaadho, meelna la isula dhigo mabaadii’da guud ee khilaafku ka taagan yahay, waxayna wararku intaa ku dareen in kulankaasi uu ku dhacay jawi is-faham ka muuqdo.
Iyaga oo soo bandhigay fikradda ay ka qabaan wada hadalka, iyo in xal laga gaadho arrimihii khilaafku ka taagnaa.

Waxa ay ilahaasi sheegeen inay halkaasi hadalo kala duwan ka soo jeediyeen, xubnaha salaadiinta ah, ee dhexdhexaadinta, sameeyey, kuwaas oo hadalkoodu u badnaa ahmiyadda uu leeyahay wada hadalku, iyo in la soo afjaro khilaafka labada dhinac, waxa kale oo la sheegay inay halkaa ka hadleen Madaxweyne Rayaale iyo Gudoomiye Siilaanyo, oo ka hadlay mawqifyadooda, wada hadaladaasi.

Waxayna wararku intaa raaciyeen in xisbiga KULMIYE ay wada hadalkii shalay ku soo hadal qaadeen dhalinyaradii la xidh-xidhay doorashadii ka dib, taas oo uu madaxweynuhu sheegay inuu dhakhso wax uga qaban doono, waxa kale oo ergada KULMIYE ka hadleen, arrinta xaaladda deg deg ah, inkasta oo aan taa wax jawaab ah laga siin.

Sida ay tibaaxeen ilahaasi waxa qorshuhu yahay in kulan dambe ay iskugu yimaadaan Madaxweyne Rayaale iyo Gudoomiye Siilaanyo, iyaga oo kulankaa iskula meel dhigi doona, guddi farsamo oo ay labada dhinac u saaraan sii wadista wada hadalada labada dhinac.

Kulankaa waxa la sheegay in dhinaca xukuumadda ay uga qayb galeen ergo uu hogaaminayo Madaxweynuhu, xubnana ka yihiin, madaxweyne ku xigeenka, iyo xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin wasiirada arrimaha gudaha Ismaaciil Yare, Dib Dejinta C/laahi Dirawal, Maaliyadda Cawil, iyo Ganacsiga iyo Wershadaha Maxamed Xaashi.

Dhinaca KULMIYE-na waxa la sheegay inay uga qayb galeen wada hadalkaa ergo ka kooban 12 xubnood oo ay hogaaminayaan gudoomiyaha KULMIYE Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa, Maxamuud Fagadhe, waxa iyaguna goob joog ka ahaa todoba xubnood oo ka tirsan golaha salaadiinta.

Top


“Jaamac Yare Waa Nin Caadeystay Inuu Meelahaa Ka Caayo Somaliland,” Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Ka Hadlay Xadhiga Jaamac Yare.

Hargeysa(Haatuf); Wasiirka arrimaha gudaha ee somaliland Eng, Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa ka hadlay xadhiga siyaasiga u dhashay s/land ee aaminsan soomaali weynta iyo federaalka Gen. Jaamac maxamed qaalib (jaamac yare) oo ay xukuumada somaliland xabsiga u taxaabtay habeen hore. Ka dib markii uu kasoo degey madaarka diyaaradaha ee Hargeysa oo sida la sheegay uu taraasit ku ahaa,laakiin wasiirka arrimaha gudaha oo shalay xafiiskiisa ugu waramayay weriyayaal ka socday Haatuf iyo TV Hargeysa oo faah faahin ka bixiyay xadhiga jaamac yare ayaa sheegay inay xukuumada somaliland ka war heshay inuu dalka imanayo oo doonayo inuu mudo dhawr maalmood ah kusoo dego Huteelka Ambassador, sidaa awgeed ay diyaar u ahayd xukuumadu.

Wasiirku waxa uu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “markii aanu ogaanay waxa loogu diyaar garoobay madaarka, jaamac yare waa nin caadaystay inuu meelahaa ka caayo s/land, wuxuuna u ahystay inaanay jirin dawlad qaban kartaa, laakiin waajibkiisii ayaanu marinay.”
Wasiirku waxa uu beeniyay inuu jaamac yare taraasit ku ahaa madaarka oo aanu u socon somaliland. Mar la weydiiyay inay jiraan siyaasiyiin kale oo la mabda ahaa jaamac yare oo xukuumadu soo dhowaysay iyagoo aan ka tanaasulin mabdii ay aamin sanaayeen, waxa uu sheegay inay taasu tahay been wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “C/raxmaan tuur, wuxu madxweynaha soo weydiistay cafis sidaa ayuuna ku yimi , markaa c/raxmaan iyo jaamac yare isku mid maaha, waana qaran dumis, waxana lala tiigsanayaa sharciga, nina loogu habran maayo qabiilna lagaga biqi maayo.”

Wasiirka oo la weydiiyay inuu C/raxmaan tuur beeniyay inuu cafis weydiistay xukuumada ka hor intii aanu iman somaliland, sidaa awgeed isagoo aan ka noqon mawqifkiisii hore ay xukuumada somali land soo dhowaysay, waxa uu sheegay inaan taas waxba ka jirin ee uu ahaa nin ku yimi cafis uu weydiistay xukuumada. Wuxuuna intaa raaciyay inuu jaamac yare yahay ninka dhex fadhiya Gen moorgan, gaani iyo ragii dadkan xasuuqay ee uu c/qaasim ula baxay gudida hubka dhigista, wuxuuna intaa ku daray in markii la xidhayey, la mariyey nidaamka sharciga, xeer ilaaliyaha guud iyo maxkamadda, iyada oo maxbuuska la weydiiyey inuu wax jawaab ah, ka bixinayo xadhiga, laakiin wuu ka aamusay.

Dhinaca kale qaar ka mida ehelada maxbuuska ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin xadhiga oo ay ku tilmaameen mid aan sharci ahayn, waxayna sheegeen in aanu u socon somaliland ee ay xukuumadu kasoo qabsatay madaarka Hargeysa oo uu taraasit ku ahaa, waxayna intaa ku dareen inay xadhiga maxbuuskaa kala hadleen madaxweynaha oo uu balan qaaday in lasii deyn doono, waxaana la filayaa sida ay sheegeen ehelkiisu in la sii daayo maanta oo uu ka dhoofo madaarka Hargeysa.

Gen. Jaamac Maxamed Qaalib (jaamac yare) oo kasoo degey habeen hore madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, waxaa isla habeenimadiiba loo taxaabay xabsiga dhexe ee Hargeysa. Waxaana sida la sheegay uu ka yimi dhinaca nayroobi ee uu ka socdo shirka kooxaha soomaalidu wuxuna u socday magaalada muqdisho. Jaamac maxamed qaalib waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta u dhashay somaliland ee u ololeeya soomaali weynta ee xaruntoodu tahay magaalada muqdisho.  

Top


Gudoomiyaha Baanka Oo Dedefeeyay Inuu Shirkad Gaar Ah U Dan Leeyahay.

Hargeysa (Haatuf): Guddoomiyaha Baanka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay digniin uu usoo jeediyay xawaaladaha iyo sarriflayaasha oo uu sheegay inay yihiin xawaalad iyo Baan isku jira oo fulinaya hawlaha Baananku qabtaan, isagoo sheegay in laga leexiyay ujeedadii uu ka lahaa digniintaasi iyadoo laga dhigay inuu ula jeeday xawaalad keliya, isagoo qiray in xawaaladuhu ay kaalin weyn kaga jiraan bulshada, waxaanu sidaa guddoomiyaha Baanka, C/raxmaan Ducaale ku sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray. Warsaxaafadeedkaas oo dhammaystirana wuxuu u qornaa sidan:

Baanka Somaliland, sida aad la socotaan wuxuu dhowaan soo saaray digniin culus oo ku saabsanayd xawaadlayaasha dalka jira, kuwaas oo digniintaas loogu sheegay inay ilaaliyaan nidaamka ay u abuuran yihiin meheradoodu. Waxa kaloo iyana looga digay in aanay magaca xawaaladda ku barbar darsan magac Baanki.

Arrintaas inuu Baanku soo saaro waxa keenay kadib markii la arkay qaar ka mid ah xawaaladlayaasha oo sheegtay inay yihiin xawaaladle iyo Baan isku jira oo fulinaya hawlaha Baanku qabtaan. Haddaba, bacdamaa xawaaladlayaashu ay xafiisyadooda ku maamulaan Lacag sida nidaamku yahay waxa hagidooda (guideline) xil ka saaran yahay Baanka Somaliland oo wixii ay ku qaldan yihiin ay tahay inuu u tilmaamo si ay u maraan dariiqa toosan ee meheradooda khuseeya. Haddaba, waxa nasiibb-darro ah in digniintii Baanka ujeedadii laga wayciyay oo si khaldan loo fasiray, waxaana taas u daliil ah in qaar ka mid ah wargeysyada dalka ka soo baxaa ay qoreen in loola jeedo xawaalado gaar ah, waxa intaas ka daran in la yidhaahdo Baanka Somaliland wuxuu la wareegayaa meheradihii xawaaladlayaasha dalka iyo weliba waxyaale kale.

Qodobadaas tarjamadda qaloocan ah oo aan marna ku iman digniinta uu Baanku soo saaray. Baanka Somaliland wuxuu qirayaa in xawaaladlayaashu ay umadda waqtigan u hayaan adeerg muhiim ah, Baanka Somaliland na uu qaddarinayo adeegaas oo aanu marna wax dhibaato ah oo carqaladeeya adeegooda kahor keenin.

Sidaa darteed, waxaanu u sheegaynaa xawaaladlayaasha inay ilaaliyaan nidaamka ka dhexeeya iyaga iyo Baanka, kana digtoonaadaan kuwa aan aan ehli u ahayn ee si xun wax ugu turjumaya, waxaana haboon in wixii aad garanweydaan kala soo xidhiidhaan Baanka si wada-shaqaynteenu u hagaagto, isla markaana xidhiidhkeenu u noqdo mustaqbalka mid ummadeena dariiqa toosan ugu adeega.

Top


Muranka Lamaanaha Iyo Maxkamadaha, Warbixin - Xadiis M. Xadiis.

Wargeyska Haatuf wuxuu akhristayaashiisa u soo gudbin doonaa qoraalo taxane ah oo ka hadlaya mashaakilka qoyska siiba muranka ka dhex aloosma lamaanaha iyo saamaynta ay arrintaasi ku yeelato jiritaanka qoyska, ubadka iyo guud ahaanba bulshada.

Haddaba xilliyadii hore waxay labada qof ee isqabaa gurigooda dhexdiisa ku dhamaysan jireen wixii dhexmara, iyadoo kuwa sidaa ku dhamaysan kari waaya dhaqan ahaan arrintooda ay dhexgeli jireen qoyska uu ninku kasoo jeedo gaar ahaana ninka ilma-adeeradii oo gabadhana ugu toosan Dumaashi (Seedi).

Haday taa ku dhamaan weydo waxa geli jiray labada reer ee lamaanuhu kasoo jeedaan odayaashooda, xilliyadii dambe ee magaalooyinku samaysmeena dhif iyo naadir baa la arki jiray nin iyo xaaskiisa oo maxkamad isla taga, balse waayahan dambe waxa xad-dhaaf noqday kiisaska horyaala maxkamadaha ee ka dhex-aloosan lamaanaha is qaba kuwaas oo aan weli cidi u dhabogelin sababaha keenay.

Haddaba weriye ka tirsan Haatuf oo beryahanba ku hawlanaa sidii wax looga ogaan lahaa dhacdooyinka qoysaska kiisaskoodu hadda horyaaleen maxkamadaha iyo waxyeelooyinka ka dhasha ayaa arrimahaasi ka diyaariyay warbixino taxane ah, waxaanu ku bilaabay, “Waxay ahayd gabadh da’deeda lagu qiyaasi karo ilaa 30 jir oo leh 3 caruur ah oo ka u weyni yahay 12-jir, waxay hortaagnayd waxaana wejigeeda ka muuqday murugo iyo dhiif waxaanay ii sheegtay inay qabto dhaawacyo kala duwan oo ay sheegtay inuu u geystay odaygaeedu oo haatan ay iskula jiraan maxkamadda. Iyadoo intaa ku dartay inuu ninkaasi furay balse uu dafirsan yahay inuu furay.

Isagu waa nin da’ ahaan u muuqda inuu ka weyn yahay gabadhaas, waxaanu taagnaa halkii aan kula kulmay gabadhaas, waxaanu ii sheegay inuu khilaafkaasi jiro balse uu yahay mid la xallin karo sida uu sheegay.

Hase yeeshee, waxa uu sheegay in laga dhex shaqaynayay isaga iyo afadiisa, isagoo farta ku fiiqay inay yihiin gabadha qaraabadeeda.

Haddaba mar aan gabadha wax ka weydiiyay sababta khilaafka keentay waxay ii sheegtay inuu ninku dayacay oo uu mas’uuliyadoodii kasoo bixi waayay iyada iyo caruurteedaba kadibna ay dantu ku khasabtay inay iyadii u shaqo tagto reerkeedii mar haddii ninkii gabay mas’uuliyadisii, hase yeeshee shaqo tagii gabadhu ay shaqo tagtay wuxuu sababay inuu khilaaf soo kala dhexgalo isaga iyo gabadha, kaasoo ugu dambayntii sababay inay xaaladu isu rogto gacan ka hadal dhaliyay dhaawacyadan kala duwan ee gabadha soo gaadhay. Intaa kadib waxaan waraysi kooban la yeeshay kaaliyaha sare ee maxkamdda degmada Hargeysa Maxamed Faarax Siciid oo aan wax ka weydiiyay mushaakilka dhexyaala qoyskaas, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi; “Muranka iyo mushkiladaha qoysku maaha ku halkan lagu soo koobi karo, balse haddii aan waxyar ka taabto mashaakilaadka qoyska waxaa badan raga oo gabay kaalintoodii masuuliyadeed.

Maxamed Faarax Siciid waxaa kaloon weydiiyay bal inay jiraan dumar iyaguna mas’uulka ah amaba qayb ka ah mushkiladaha qoysaska, waxaanu yidhi; “Haa way jiraan kuwo farabadan oo dhibaatooyinka dhinacooda ka wada, waayo waxa jira kiisas aan jeclayn inaan halkan ka sheego kaasoo mararka qaarkood ay dumarku ka mas’uul yihiin balse inta badan mushkiladaha ragga uuni ka mas’uul yahay.”

Dhinaca kale, kaaliyuhu waxa uu sheegay inay mararka qaarkood soo maraan kiisas dhib badan oo muddo dheer jiitama, waxaana ugu dhib badan buu yidhi kuwa Itoobiyaanka oo uu sheegay in laga yaabo hal dacwad oo nin Itoobiyaan ahi leeyahay inay ka dhib badato 2000 oo dacwadood oo Somali ah, waayo buu yidhi iyaga dacwaduhu inta badan waxay la xidhiidhaan dumarka waanay isku dilaan haddii ay ku yara adkaato dacwadaasi.

Top


Nelson Mandela Oo Maraykanka Ku Tilmaamay Inuu Khatar Ku Yahay Caalamka.

Johannesburg (W. Wararka) - Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela ayaa sheegay inuu Maraykanku khatar ku yahay caalamka, isagoo ka hadlayay xaaladda ka taagan caalamka iyo dagaalka uu Maraykanku kula jiro waxa loogu yeedho Argagixisada.

Nelson Mandela waxa uu ku cambaareeyay Maraykanka inuu isu biday quwada keliya ee ka jirta caalamka iyo inuu xoog ku muquuniyo cid kasta oo uu u arko inay kasoo horjeedaan mabaadiidiisa isagoo tusaale usoo qaatay xaaladaha ka taagan dalalka Ciraaq iyo Afqaanistaan, isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu ku baaqay inuu Maraykanku isbeddel ku sameeyo siyaasadiisa iyo inuu ka waantoobo Siyaasadda xoog ku muquuninta ah.

Top


Askar Maraykan Ah Oo Lagu Laayay Dalka Ciraaq.

Baqdaad (W.Wararka) - Ugu yaraan Saddex askari oo Maraykan ah ayaa dhintay, qar kalena way dhaawacmeen kadib markii weerar qarax ah lala beegsaday ciidamada Maraykanka ee ku sugan Ciraaq, taasoo qayb ka ah weerarada isdabajooga ah ee lala beegsanayo mudooyinkan dambe ciidamadaas.

Weerarkan oo aanay cadayn cidda ka dambaysay waxa loo malaynayaa inay fuliyeen kooxo sheegay inay u tafa-xayteen sidii ay ciidamada Maraykanka uga saari lahaayeen Ciraaq.

Qaraxan kahor waxa si isdabajoog ah ciidamada Maraykanka loola beegsaday muddooyinkan dambe weeraro taxane ah oo ay ku dhinteen ilaa iyo hadda ciidamo badan oo Maraykan ah, kuwaasoo ka dhacay goobo kala duwan oo ka mid ah dalkaasi.

Dhinaca kalena ciidamada Maraykanka ayaa wada hawlgallo iyo olole ay kula dagaalamayaan kooxaha fulinaya hawlgalladaasi, iyagoo hawlgalladii u dambeeyay ku xidh-xidhay dad badan oo Ciraaqiyiin ah qaar badan oo kalena ku dhinteen.

Tani waxay shaki gelisay joogitaanka ciidamada Maraykanka ee dalkaasi oo la sheegay inay dad badan oo reer Ciraaq ahi kasoo horjeedaan.

Top


Weerar Lagu Qaaday Saldhig Uu Maraykanku Ku Leeyahay Pakistan.

BAGRAM:- Dad aan haybtooda la garanayn ayaa waxay soo weerareen maalintii shalay saldhig ciidamada maraykanku ku leeyahiin waddanka afghanistan oo la yidhaahdo BAGRAM MILITERY BASE,oo ilaa 50 km dhinaca koonfureed ka xiga magaalo madaxda waddanka afghanistan ee Kabul weerarkaasi saldhiga ciidamada maraykanku degena lala beegsaday waxaa loo adeegsaday ilaa todoba gantaal kuwaasi oo cuskaday gaydhka hore iyo saqafka dhismayaal ku dhex yaallay saldhiga sidaasi waxaa weriyayaasha u sheegay Colonel Rodney Davis, wuxuu colonelku sheegay in aanay wax khasaari oo naf ah halkaasi soo gaadhin cidina waxba ku noqonin balse dhaawac u geystay dhismayaasha keydka u ah ciidamada maraykanka, hadaba laga soo bilaabo markii ay ciidamada maraykanku rideen maamulkii Daliban kana dhiseen xukumadda Madaxweyne Hamid Karzai ayaa waxaa isa soo taraaya in ay ciidamadii taliban iyo weliba xoogaga Alqaacida isku urursanayaan duleedka koonfureed ee waddanka afghanistan ee xiga xuduudka pakistan kuwaasi oo weeraro dhuumalaysi ah ku soo qaadaya ciidamada maraykanka iyo weliba kuwa qaramada midoobay ee ilaalada u jooga waddanka afghanistan, wararka kale ee laga helaayo ilo ku dhaw dhaw hayadaha sirdoonka ee maraykanka ayaa sheegaya in ay jiraan tuhuno badan oo ah in Ra'isal wasaarahii hore ee waddanka Afghanistan Gulbadein Hekmateyar oo Washington ay ku dartay liiska ashkhaasta sida weyn looga doon doonayo waddanka maraykanka uu ka danbeeyey weerarada noocani ah lana doonayey in lagu khalkhaliyo maamulka daciifka ah ee madaxweyne Karzai, Hekmateyar wuxuu laba sanno ka hor ku joogay musaafuris waddanka Iran, halkaasi oo uu kaga dhawaaqay in jihaad lala gelo wuxuu ugu yeedhay "kufaarta" isaga oo ula jeeday ciidamada maraykanka iyo weliba dawladda madaxweyne Karzai.

Dhinaca kale qaxoonti tiradooda lagu qiyaasay 156000 oo qof oo afghanistaniyiin ah ayaa ka soo laabtay xeryaha qaxoontiga ee koonfurta waddanka Pakistan ku yaallay, halkaasi oo ay ku noolayeen ilaa muddo laba sanno ah iyaga oo ka soo cararay duqayntii ciidamada cirka ee maraykanku sida isdaba jooga ah ugu hayeen dabayaqadii sannadkii 2001 markii ay la dagaalameeyen xogaga talibanka iyo xulafadii alqaeda. dhinaca kale dad lagu qiyaasay ilaa 90,000 oo qof oo qaxoonti afghani ah ayaa iyaguna ka soo laabatay waddanka Iran sida ay sheegayso xafiiska haayadda qaramada midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA).

KARACHI, PAKISTAN.

Top


Qarax Laxaadle Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Haatuf) Qaraxii ugu waynaa ee soo mara ayaa ka dhacay magalada muqdisho maalintii shalay sadaxdii iyo badhkii galabnimo kaa soo ah qaraxii ugu waynaa ee laga maqlo magalada Muqdisho iyadoo geeswalbo laga dareemay.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha haatuf ee Muqdisho Yaasiin maxamad qaraxan ayaa waxuu kadhacay xaruntii hore ee fila Somalia ee hada uu gacanta ku hayo xuseesn caydiid isagoo qaraxani kiciyay qiiq aad u wayn oo cirka isku shareeray qaraaxan ayaa waxuu noqday mid siyaabo kala gadisan loofaasiray iyadoo wixii dhaliyay iyo sidii uu ku yimid aan lagaranayn taas oo aad ka garankarto iyadoo war sax aan ilaa hada laga helin ee ay adagtahay kadib markii ay ishortaageen maleshiyada gacanta uu ku hayo ay xidheen dhamaan wadooyinka soo gala oo ay u diideen gaadiidka iyo dadkaba in ay tagaan goobta wax ka dheceen qaraxan oo sida laa sheegay ka dhashay bakhaar hubka iyo rasaasta qoryaha waawayn iyo miinooyinka noocyada kala duwan lagu kaydiyo ayaa waxaa ku dhintay hal qof halka labo qof ay mid haweeni tahay ku dhawacmeen sida uu ixaqiijiyay mid kamid ah howlwadeenada hosbitaalka AL-XAYAAD.

qaraxan ayaa waxuu gilgilay masaafo wayn oo ku dhow madaxtooyada ay aan lahayn sababta ka danbaysay hasa yeeshee wararka waxay u badiniyaan marka aad la sheekaysato dadka isku yimid aagaas waxay sheegayaan in nin cadhaysan oo watay qoriga baasuukaha ah oo aan lagaranayn waxa cadhada ka keenay oo ku dhuftay bakhaarka hubku yaalay sida ay waariyaha u sheegeen dad aagaa ka dhawaa qaaraxan ninka loo malaaynayo inuu kudhintay ayaa lasheegay inuu ka tirsanaa maleeshiyada irida joogtay.

Qaraxan ayaa ku soobeegmay maalmo kadib markii xuseen caydiid uu sheegaay in uu hayo miinooyin gaadhaya 3500 oo miino ah in uu goob fagaaro ah ku burburinaayo isagoo ka qaybgalaaya shir ka dhacay JENEVA oo lagaga hadlayay miinooyinka iyo wax yeelooyinka ay leeyihiin lama oga in ay tani taas ku xidhiidhsantahay.

Top


Dawladda Kenya Oo Hawada Ka Xidhatay Somaliya.

Nairobi- Dawlada kiiniya ayaa joojisay dhamaan gaadiid kii dhinaca cirka ee uga imanayey dhinaca soomaaliya waxaanay tani ka dambaysay cabsi laga qabo dhinaca arga gixisada.

Sheekada argagaxisadu waxay noqotay utun kolba mar laga damaqda dalka Kenya, waxaana hadda ugu dambeeya ololle cusub oo baadhitaan ah oo ay qaadeen ciidanka booliiska khaaska ah ee dalka kuwaasoo baaritaan xoog leh ku sameeyey dhowr goobood oo ku yaalla xaafadda Eastleigh, waxaana ka mid ah meelaha la baadhay hotelka Dubai.

Mid ka mid ah dadaka haalkaasi ayaa yidhi, " Waxaa hoteelka hareereeyey ciidamo ka socda dowladda Kenya, waxayna baadheen qol walba oo ka mid ah hoteelka, waxaanay furfureen boorsooyinka, wax ay naga heleena ma jirto." wuxuu kaloo ka warramay waxa uu u maleynayo in ay keentay in xaafaddooda iyo hoteelladooda la baadho. Waxuuna sheegey,'' Ciidamadu ay sheegeen in hayaan macluumaad oo ay halkan ka raadinayaan qaar ka tirsan Ururka Al Qaacida." Waxaan sidoo kale oo hadlay Cali Xaaji Cumar oo loo yaqaanno Cali Soomaali oo ka mid ah dadka deggan hotelkaasi, wuxuu isagana ka sheekeeyey waxa uu dareemay markii ay askartu u yimaadeen, waxuuna yidhi, " aad iyo aad ayaa u naxnay, oo wax walba oo qolalka ku jiray ayaa la baadhey oo la rog rogay, meelaha qaarna dhowr goor ayaa la baadhey, oo qolkayga seddex goor ayaa la baadhey."

Dhibaatada hadal-haynta argagaxisada waxay sidoo kale maanta saameyn weyn ku yeelatay ganacsatadii jaadka iyadoo markii la raray jaadkii ay garoonka dayuuradaha ee Wilson tageen saraakiil amar ku soo rogtay in aanay jirin wax dayuurad ah oo Soomaaliya u duuli kara. Lama yaqaanno sababta waxaase la filayaa in arrimahan oo xidhiidh wada leeyihiin.
Nasteex Axmed Cali oo ka mid ragga ka ganacsada jaadka ayaa ka sheekeeyey inta diyaaradood ee baaqatay. Waxuuna yidhi, " Maanta waxaa baaqday shan iyo toban diyaaradood ee Muqdisho geyn lahaa qaad, arrintan ku soo boodo ayeey nugu noqotay oo cid hore wax noogu sheegtay ma jirto, saaka markii aan damacay in aan badeecadeena dhoofino ayaa naloo sheegey in ayna jirin wax diyaarad ay oo Soomaaliya aadi karta."

Dayuuradahan ayuu Nasteex sheegay in ay middiiba sidday ilaa afartan jawaan kuwaasoo qiime ahaan lagu qiyaasay in khasaaraha maanta gaadhay ganacsatada Jaadka uu gaarayo ilaa 15,600,000/= oo Shilinka Kenya oo u dhiganta US $ 211,239.

Ugu dambeyntii dhibaatadan argagaxisadu waxay kaloo keentay in albaabbada loo laabo safaaraddii Mareykanka ee magaalada Nairobi, iyadoo sida la sheegay ay heleen warar ku saabsan in ay soo wajahan yihiin weerarro argagaxiso. Lama hayo faah-faahin rasmi ah waxayse wararku sheegayaan in safaaraddu ay xidhnaan doonto ilaa maalinta Talaasada ah ee soo socota ugu yaraan.

Dhibaatada argagaxisada oo dadka qaarna ay leeyihiin waaba siyaasad ayaa waxaa sidoo kale maanta ka hadlay wasiirka ammaanka qaranka Kenya, Mr Chris Murungaru, isagoo wakaaladda wararka ee AFP-da u sheegay in ay khaldan yihiin isla markaana yihiin kuwo jaho-wareersan digniinta Mareykanka ee odhanaysa waxaa jira weerarro argagxiso oo soo fool-leh oo ka dhan ah danaha Mareykanka ee Nairobi.

Waxana uu intaasi ku daray in tahay in ay Mareykanku ogaadaan in aanay magaalada New York waxba ka ammaan fiicnayn magaalada Nairobi.

Top


Dhuun Saliid Ah Oo Ku Qaraxday Nayjeeriya.

Wararka ugu danbeeya ee ka imaanaya Nigeria ayaa sheegaya in ciidamada dabdamiska ay ku guuleysteen in ay damiyaan dab ka dhashay qarax ka bilowday dhuumo saliideed maalintii Khamiistii.

Ilaa iyo hadda waxaa la ogsoon yahay in ay dabkaasi ay ku nafwaayeen in ka badan boqol qof.

Ciidamada Dabdamiska ayaa laga keenay magaalada Harcourt ee xeebta ku taala ee caanka ku ah saliida, ka dib markii ay cadaaday inta uu khasaaruhu le'eg yahay.

Isbitaalada ku yaala goobahaas ayaa ku dadaalaya sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadka badan ee dabkaas ku dhaawacmay, oo qaarkood jidhkoodu uu boqolkiiba boqol gubtay.

Su'aalo ayaa hadda la is waydiinayaa la xidhiidha sababta dhuumaha saliida loo xidhi waayey lix todobaad ka hor markaasoo la soo gudbiyay warbixin ah in ay saliidi ka daadaneyso dhuumaha.

Dadka deegaankaas dagan ayaa saliida ku qaadanayay baaldiyaal iyo caagag ilaa iyo markii danbayna uu dab kacay dhaliyay qarax.

Top


Wada-Xaajood Laga Yeeshay Xaaladda Barriga Dhexe.

Toogashada loo geysta mid ka mid ah hogaamiyeyaasha Xamaas ayaa dhacday, iyadoo saraakiisha Mareykanka, Ruushka, Ururka Midowga Yurub iyo Qaramada Midowbay ay ku kulmayaan Urdun, diyaarna u yihiin in ay kawada xaajoodaan qorsha nabadda ee Barigga Dhexe ee loo yaqaano Roadmap.

Kulankan maanta ee saraakiishu waxaa uu ka dhinac socodaa Shirka Dhaqaalaha Adduunka ee ka socoda dalka Urdun.

Furintaanka shirka, ayaa boqorka Urdun, boqor Cabddah ayaa waxaa uu ka sheegay in Barigga Dhexe ay ku jirto waqti aad xasaasi u ah, waxuuna dalbay taageero caalami ah oo lagu meelmariyo qorshaha nabadda ee Barigga Dhexe ee loo yaqaano Roadmap-ka.

Dhanka kale, Sacuudiga oo iyana wax ka gudoominaya shirka dhaqaalaha Adduunka, ayaa iyana sheegay in ayna u ogolaan karin dadka xag jirka ah in ay dunidda u sameeyaan ajende.

Waxuuna intaa ku daray in shirku uu hogaan wanaagsan ka yeelan karo, waxa uu ku sheegay dhiiqada lagu dhex jiro.

Top


Israa’iil Oo Dishay Hogaamiye Ka Tirsan Xamaas.

Qudus (W. Wararka) Maamulka Falastiiniyiinta ayaa canbaareeyey dilka ay ciidamada Israel u geysteen, Cabdullahi Kawasme oo ka tirsanaa hogaamiyayaasha ururka xamaas Sabtidii. Ninkaasina waxaa uu ka mid yahay hogaamiyeyaasha Xamaas, waxaana lagu dilay Daanta Galbeed.

Wasiir ka tirsan golaha wasiirada ee Falastiiniyiinta, Yasser Abed Rabbo ayaa sheegey in toogashada lagu dilay hogaamiyahaas magaalada Hebron in ay cadeyn deeraad ah u tahay in Israel ay wali wado siyaasadeeda ah in hogaamiyeyaasha Falastiiniyiinta lala beegsado khaarijin siyaasadeed.

Mr. Kawasme ayaa lagu eedeeyey in uu madax u ahaa koox ka tirsan Ururka Xamaas oo lagu eedeeyey in ay weeraro isdabajoog ah ka geysteen Israel dhexdeeda.

Weerarka ugu danbeeyey ee lagu eedeeyey Ururka Xamaas waxaa uu bishan June 11keeda uu ka dhacey magaalada Qudus, halkaas oo ay ku dhinteen 17 qof iyo isbiimeeyihii weerarka qaaday.

Saraakiisha Israel waxay sheegayaan in ninkaas oo kaliya la toogtay, laguna dilay magaalada Hebron, iyadoo ciidamada Israel ay isku dayayeen in ay soo xidhaan ninkaasi.

Israel waxay sheegaysaa in ciidamadeedu ay ku dhaqmayaan siyaasad ay deganaani ka muuqato, iyagoo ka dhursugaya in Falastiiniyiintu ay talaabo wax ku ool ah ka qaadaan dadka xag jirka ah.

Hase yeeshee, Israel waxay sheegeysaa in ay xaq u leedahay in ay wax ka qabato waxa ay ku sheegtey bom sugaya in uu qarxo ama rag xag jir ah oo ay aaminsan tahay in ay qaadayaan weeraro.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hala Dhawro Jiritaanka Camuud.

Tixraac haatuf cadadkiisa 356 soona baxay 17 June 2003, cinwaankiisa ahaa qalabkii caafimaadka Jaamacadda Camuud ayuaa la bililiqaystay ee uu qoray Axmed Xaashi iyo jawaabtii ay kaga jawaabeen cadadkiisii 358 Jimce June 20 2003, cinwaankiisunaa ahaa khilaaf kama jiro Jaamacadda Camuud ee ay qoreen guddida siyaasadda aniga oo ah Axmed Y Faarax Abraar jawaabtoodana ku sii talax gabayn kana soo qaatay markay guddida siyaasaddu leedahay tusaale ahaan magaalada Boorama waxaa ku yaala laba cusbitaal oo kala ah cusbitaalka guud ee Boorame iyo cusbitaalka Allaale dhinaca kale Axmed Xaashi Gudoomiye ku xigeenku jaamacaddu oqray cusbitaalka kaliya ee loo ogolyahay waa cusbitaalka Boorama.

Danta aan ka leeyahay labadan qoraalna ku salaysantahy magaca cusbitaalka Boorama waxaan leeyahay labada dhinacba idinka oo ah aqoonyahankii Awdal ahna maamulkii Jaamacadda Camuud una soo hiloobay inaad waxbartaan ama aad u faa’iidaysaan barbaarta reer Somaliland ilama qurux badnayn inaad maqaarsiib isku samaysaan balse isna isna General (Abraar Hospital) Boorama haa maqaarsiibina waxa loogu magac daray alla ha u naxariistee Dr. Aadan Faarax Abraar oo ku geeriyooday qaraaxii ka dhacay diyaaaaradii ka soo kacday Muqdisho kuna qaraxday Balcad. Isaga iyo 50 qof oo kale, Ilaahay ha u naxariistee, oo dhamaantood ahaa reer Waqooyi, walaw aanaay eed ku lahyn maamulkan Jaaamacaddu oo ay ka soo xigteen maamulka General Abraar Hospital oo huursaday magaca dhakhtarka Boorama boodhkii uu lahaana intay ka jareen waa maamulkii ugu horeeyey ee cusbitaalka soo maray, balse waxay ahayd kuwa hadda jooga inay sameeyaan.

Magacana ninkaas loogu magac daray oo wax badan u soo qabtay umadda ayaa loogu magac daray, Sidaa daraadeed waxaan kula talinayaa labada dhinac inay joojiyaan dacaayadaha burburka jaamacadda u horseedi kara.

Axmed Yuusuf Faarax Abraar

Boorama.

Top


Wax Halaga Qabto Arrinta Subeer Axmed (Wiilkii La Xaday).

Aniga oo ah Saleebaan Xuseen Axmed, ahna Subeer Axmed Ismaaciil Adeerkii oo degan Magaaalada Hargeysa, waxaan halkan kaga hadlayaa arrinta ugubka ah, ee cawaaqib xumada reebaysaa haddii aanay hay’adaha ku shaqada lehi waajibaadkooda qaran aanay si sharci ah u gudanin.
Haddabaa anigoo hadalkaygan dhawr dhinac kaga hadlaya aan ku horeeyo maqaal dhawaan ku soo baxay Wargeyska Haatuf kaas ee qolada Gabooye ku dedafaysay arrinkii Subeer Axmed Ismaaciil. Haddaba waxaan dadkaa leeyahay waxa lays weydiinayaa Subeer yare 5 jirka yar oo si la ogyahay aad u gasheen oo xataa wax uu galabsaday aanu jirin, haddana aad kula kacdeen fal argagixiso ah oo cawaaqib xumo keeni kara haddana aad ku andacooteen waa nala xumeeyey, oo nala hadiday waa wax lala yaabo.

Xukuumadda iyo hay’adaha garsoorkana waxaan leeyahay arrintan baadhisteeda iyo soo ururinteeda iyo dhamaystirkeedaba idinkaa laydiin daba fadhiyey, haddaba iska daa dhamaystire ilaa iyo haddana kiiskii caasimada ayeydaan dhamaystirin, gaar ahaan C.I.D-da iyo booliska marka ay dhibanayaashu u tagaana waaba nala hadida ama waanu baadhaynaa ayaa ka soo yeedha, ciddii gacanta ku haysay kiiska Subeer Yare waa wax lala yaabo oo damiirka fayawi aanay aqbali karin, haddabaa arrinakani waa waxaan la qaadan karin oo gaal iyo islaam iyo bani-aadamkii arkaaba ka yaxyaxayo.

Haddaba waxa guul ah oo magac iyo sumcadba inoo ah shicib iyo xukuumadba kiiskan afkiisii waa la helay oo la hayaaye in si caddaaladda waafaqsan loo soo gabagabeeyo oo silsilada mijaheda la helo mise arrinkan waxaa dabada loo hayaa, waxa soo galy ama gelaya rag masuuliyiin ah oo magac iyo sumcadba ku leh bulshadaa dhexdeeda, oo loo daadifeynayaa, arrinkan cawaaqib xumada keenayaa ee bahalnimada ah ee laga wada dheregsan yahay bulshada dhexdeeda mise dhibanayaashu haku kacaan falal la doonayo in arrinkoodan cadceeda cad lagu masaxo, haddaba waxaan leeyahay haddii aanu nahay eheladii Subeer yare waxaanu idinka fadhinaa waxaanu ku qanacno, oo noo cuntama anaga iyo bulshada reer Somaliland ee nala aragtida ah.

Bulshada Somaliland waxaan leeyahay arrinkan ugubka ah ee aan hore inoo soo marin halaga hadlo, haddii kale berri ma maalin waa wax idin sugaya.

Saleebaan Xuseen Axmed, Hargeysa.

Top


Mushaharka Rayaale Ayaa Ka Badan Ka Bush, Cali Guuleed, San Jose, California, USA

Sida hoos ku qoran miisaniyada Somaliland ee sanadka 2003 oo dhan shilinka Somaliland (101,687,066,649) oo u dhiganta US$16,140,804 oo ay labada aqalba ansixiyeen (guurtida iyo wakiillada), wax yaalo aad u fool xun, qaar laga yaxyaxo, qaar lagu qoslo iyo qaar aad is odhanayso caqliga ma galaanba ayaa ku qayaxan: (Wasaarada maaliyadu markii miisaaniyadda la samaynaayey waxa ay ku salaysay sarrifka doollarka (US$ 1 = 6300 Shillin Somaliland ah)).

1. Bushaaro bushaaro! Mushaharada Madaxweyne Rayaale waa (3,250,524,000 Sh. Sl) sannadkii oo u dhiganta dollar ahaan US$519,956.. Ta Madaxweyne ku-xigeenkuna waxa ay ahaan jirtay (1,000,000,000) intii sannadkan ka horeeysay. Sannadkan ayaa loo kordhiyay oo looga dhigay (1,189,000,000 Sh. Sl), taas oo u dhiganta US$188,700. Dakhliga soo galay wadanka sannadkii 2003kii, boqol kiiba shan (5%) in ku dhowdhow ayaa ku baxda mushaharooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka. Shaqaalaha Madaxweynaha Mushaharadoodu waxa ay ka baxdaa W/Madaxtooyada (political fund), markaa in aan khaldamay yaan loo qaadan. Midkoodna kiro ma bixiyo, waxayna isticmaalaan Gaadiidka iyo qalabka Dawladda.

2. Sida la ogsoon yahay mushaharada Madexweynaha Maraykanku waxa ay ahaan jirtay US$200,000 ilaa muddadii Madaxweyne Clinton. Intii aanu wakhtigu ka dhammaan Madaxweyne Clinton ayuu ansixiyay in Mushaharada Madaxweynaha la kordhiyo oo laga dhigo US$400,000 iyada oo laga bilaabayo wixii isaga ka danbeeya. Sidaa awgeed Mushaharada Madaxweyne Bush waa US$400,000. Halkaa waxaa ka cad in mushaharada Madaxweyne Rayaale in ay dheer tahay ta Madaxweyne Bush US$119,956 Sannadkii.

3. Sidoo kale miisaaniyadda W/Madaxtooyada (political fund) waxa weeye sannadkii (6,275,539,852 Sh Sl) oo u dhiganta US$996,117 Dollar. Mushaharada shaqaalaha Madaxweynaha waxa ay ka baxdaa W/Madaxtooyada waana (426,396,000Sh. Sl). Mushaharka shaqaalaha W/Madaxtooyadu waxa ay ka badan tahay mushaharka toddoba (7) wasaaradodd oo kala ah, ta Dibbeda, Guddiga Qandraasyada, Miina saarka, labada gole, xidiidhka golayaasha iyo Maxkamadda Sare. Miisaaniyadda W/Madaxtooyadu waxa kale oo ay ka badan tahay Miisaniyadda labada gole (guurtida iyo Wakiillada) oo isku noqotay (5,019,766,770 Sh Sl), ta W/Waxbarashada (6,189,811,991 Sh. Sl) iyo ta caafimaadkaba (3,434,965,447 Sh. Sl). Sideeday darxumadu uga muuqataa macalimiinta iyo dhakhtarka Hargeysaba.

4. Mushaharada Madaxweynuhu waxa ay ka badan tahay Miisaniyadda Maxkamadda Sare (378,069,588 Sh. Sl), Miisaaniyadda Maxkamadaha hoose (1,752,580,350 Sh. Sl), xeer ilaalinta guud ee qaranka (403,897,703 Sh. Sl) iyo W/Cadaaladda (267,038,292 Sh Sl). Afartaas oo isku noqday (2,801,585,938 Sh. Sl). Alleylahe sideeday Maxkamada sare codkii dadka tidhi waa saambuusihii laga adimay. Nin waliba aqoontiis ayuu hadladdaa.

5. Mushaharada Madaxweyne Rayaale waxa kale oo ay ka badan tahay miisaaniyadda lix iyo tobban (16 ) wasaaradood oo ay ka mid yihiin Wasaarada Beeraha, Wasaarada horumarinta reer Miyiga, Wasaarada Macdanta/Biyaha iyo saddex iyo tobban (13) wasaaradood oo kale.

6. Waxa kale oo isku dhowdhow Mushaharada Madaxweynaha (3,250,524,000 Sh Sl) iyo miisaaniyadda Koomishanka Doorashada (3,397,395,000 Sh. Sl) iyo miisaaniyadda Wasaarada caafimaadka (3, 434,965,447 Sh. Sl)

7. Mushaharada Madaxweyne ku-xigeenku waxa weeyi (1,189,000,000 Sh Sl) oo u dhiganta US$188,700. Waxa ay ka badan tahay miisaaniyada shan (5) wasaaradood oo ay ka mid yihiin, Wasaarada Qorsheynta, Wasaarada dib-u-dejinta, Wasaarada Qoyska, Wasaarada Diinta iyo Wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha.

8. Waxa kale oo iyana isku dhowdhow Mushaharada Madaxweyne ku-xigeenka (1,189,000,000 Sh. Sl), Miisaniyada W/hawlaha guud (1,215,262,601 Sh. Sl) iyo miisaaniyadda W/duulista iyo Gaadiidka Cirka (1,241,299,954 Sh. Sl).

9. Mushaharada Madaxweynaha, Madaxwene Ku-xigeenka iyo Miisaaniyada Madaxtooyada (political fund) marka la isku daro (10,715,063,852 Sh. Sl) waxa aay isku noqonayaan 10% marka loo qiyaaso miisaniyada wadanka oo dhan. Waxa kaloo ay ka badan tahay Mushaharada Ciidanka booliska Somaliland oo dhan (9,479,316,000 Sh. Sl). Haddii tira-koob lagu sameeyo iyada oo lagu saleynayo mushaharka askariga oo ku dhowdhow US$18 bishii oo ah $216 sannadkii, Ciidanka boolisku waxa uu noqonaya 6,966 oo qof.

10. Askariga hubka sidaana waxa uu qaataa US$216 Sanadkii. Ninka sarkaalka (senior officer) ah ee xafiis ka shaqeeyaana waxa uu qaataa US$480 Sannadkii. Wasiirkuna waxa uu qaata sannadkii inta la ogyahay US$3,000. Gaadhi land-kuruuser ah, ciidankii ilaalinayay, iyo gurigiina waa u dheer yihiin. Waxaase ka badan inta aan la ogsoonayn.

11. Ciidanka qaranka waxa ku baxa (29,164,850,400 Sh Sl), Ciidanka booliskana (14,413,531,493 Sh. Sl), ciidanka Asluubtana (5,555,136,250 Sh Sl), W/Gaashaandhigana (532,779,300 Sh Sl), nabadgelyaddana oo daakhiliga hoos timaadana (200,000,000 Sh. Sl). Intaasi waxa ay isku noqotay (49,866,297,443 Sh Sl), waana 50%. Taasi waxa ay u egtahay mashruucii ina Cigaal sheegay. Marka lagu daro mushaharada Madaxweynaha, ta madaxweyne ku-xigeenka, iyo Madaxtooyadana waxa ay isku noqdeen (60,581,361,295 Sh. Sl). Intaas oo isku noqotay 60%.

Tacliintii, caafimaadkii, cadaaladii iyo wixii kale oo dhan waxa u hadhay 40%.

12. Mushaharada ciidanka qaranka waxa weeyi (20,250,384,000 Sh. Sl).

Haddii ciidanka qaranka tirakoob lagu sameeyo iyada oo lagu salaynayo in uu askarigu qaato bishii $18, taas oo noqonaysa $216 sannadkii, tirada ciidanka qaranku waxa ay noqonaysaa 14, 881 oo qof. Talow ma sirbaa?

13. Miisaaniyadda Ciidanka Asluubtu waa (5,555,136,250 Sh Sl). Waxa ay ka badan tahay miisaaniyadda (15) wasaaradood oo ay ka mid yihiin ta cadaaladda, beeraha, reer miyiga, xoolaha, macdanta, diinta, dalxiiska iyo siddeed (8) wasaaradood oo kale. Waxa aanay ku dhowdhowdahay miisaaniyada W/waxbarashada oo ah (6, 189,811,991 Sh. Sl). Mushaharka Ciidanka asluubtu waa (2,653,728,000 Sh. Sl). Haddii sidoo kale tira koob lagu sameeyo, waxa ay gaadhayaan 1950 qof. Haddii sidani ay dhab tahay reer Somaliland badidoodu jeel bay kuwada jiraan sida Maraykanka madow ee Maraykanka ku nool.

14. Ciidanka Somaliland marka la isku wada daro waxa uu isku noqonayaa 23,797 oo Askari iyada oo ay qiyaastaasi ku salaysan tahay in askarigu uu qaato $216 sannadkii. Ciidanka Qaranka (14,881 qof), ciidanka booliska (6,966 qof) iyo ciidanka Aslubta oo ah (1,950 qof). Talow Cabdilaahi Yuusuf ma ogyahay, in ay Somaliland Afrika wadano badan ka ciidan badan tahay?

15. Miisaaniyada Gurmadka iyo hawlaha lama filaanka ah (3,300,000,000 Sh. Sl) oo hoos timaada Madaxtooyada. Saddexdii Sannadood ee u dambeeyay waa la kharash gareeyay miisaaniyadda. Markaa macnaheedu waa sannad walba Somaliland waxa ay ku jirtay gurmad iyo arrimo aan la filanayn! Malaha waa arrintii Laas-caanood, mise waa odayaashii waqooyiga Hargeysa lagu xidhxidhay? Wax ila socodsiiya wadankaan in badan ka maqnaaye.

16. Fidinta Maamulka oo Wasaarada Arrimaha Gudaha hoos timaadaa (600,000,000 Sh Sl). Radio Somaliland iyo Maamulka Rayaale waxa la ogsoon yahay midna inaanu dhaafsaneyn Hargeysa. Haddaan gartay. Muusa Madoobe ileyn waxa loo igmaday in uu maamulka gaadhsiiyo Puntland.

17. Miisaaniyada Wasaarada Dalxiisku (412,172,285 Sh. Sl) waxa ay ka badan tahay miisaaniyada Wasaarada Caddaalada in ku dhow laba jeer (267,038,292 Sh Sl). Taasi ma caddaalad baa?

18. Miisaaniyada warfaafintu (963,275,665 Sh. Sl) waxa ay ka badan tahay miisaaniyada saddex (3) Wasaaradood oo isku noqotay (950,189,652 Sh Sl) oo kala ah Wasaarada caddaalada, hantidhowrka qaranka iyo hay’adda shaqaalaha.

19. Miisaaniyada warfaafintu waxa ay ka badan tahay laba jeer (2) in ka badan miisaaniyada Wasaarada beeraha, waxa kale oo ay ka badan tahay miisaaniyada Wasaarada xannaanada xoolaha (679,348,048 Sh Sl).

Hantidii xoolaha lagu xannaaneyn lahaa Radio UDUB ayaynu ku khasaarinnay. Maxaynu Sucuudiga u cannaananeynaa?

20. Miisaaniyada W/Maaliyada waxa weeyi (6,293,677,942 Sh Sl) Taasi waxa ay ka badan tahay miisaaniyada W/Waxbarashada (6, 189,811,991 Sh Sl) iyo ta Caafimaadkaba (3,434,965, 447 Sh. Sl). Waxa wax lagu qoslo ah in xisaab-xidhka iyo iskudhowga miisaaniyada ay ku baxdo (233,301,053 Sh. Sl). Waxa aan kuu hubaa in aanay aheyn wakhti dheeraada ah oo la shaqeeyay (Over-time). Nin la jecel yahay ayuun baa ka qaybgala iskudhowga miisaniyada.

21. Miyaad waligaa maqashay wax la yidhaahdo W/Xidhiidka Golayaasha.

Waxa loo qoondeeyay (62,987,374 Sh. Sl). Malaha, labada gole mid baa af talyaaniga ku hadla, mid si uu yahay baynaan garaneyn.

Waxa halkan ku qayaxani waa inta la og yahay, in ay halkii loogu talagalay ay ku baxaan iyo in kalena cidi kama war hayso. Waxaa wax lala yaabo ah oo taariikhda galaya in Madaxweynaha wadankii adduunka ugu faqiirsanaa uu ka mushahaaro bato Madaxweynaha wadanka adduunyada ugu qanisan ah! Waxaase ka daran wasaarada dalxiisku in ay ka miisaaniyad badato ta cadaaladda. Waxa aad iyadana ka warantaa W/Xidhiiddhka golayaasha! Walee ninkaan dhimanin in uu tu walba arki.

Waxaa kale oo la ogsoon yahay intaa iyo in ka badanba in la garab mariyo khasnada dawladda. Taasi maalin kalaan u dhiganayaa. Sidaa uu la soco.

Top


Golaha Deegaanku Way Iska Tuureen Taajkii La Saaray.

Waxay ahayd horaantii February 2003 markii golaha deegaanka ee caasimada hargayse uu so rasmi ahaan aa ula wareegay xilkii dawlade hoose oo mudo dheer ay hogaaminayeen maamulo aan ku iman nidaam doorasho, hase yeeshe ku iman jiray xil wakiilasho maddexwayne nidaamkan golayaasha deegaanka oo ku soo neegmay marxaled ay shacbiga baahi wayn u qabeen adeegyo dhinaxyo badan leh oo asaas uah rabitaankooda, ayaa dhinaca kalena waxay noqdeen goleyeeshin deegaan ee dadwaynuhu si xor ah u soo dooreen mudo ka badan sodon sandood, talaabadano waxay keentay inay noqdaan golayaasha deegaanku qaarka duwen maamuladii hore maadamo ay ku yimaadeen nidaamka sida foojiga diirada ay ugu hayaan indhahe bul shadu waxqanadkoode iyo side ay hewlgalaheen ugu weejahaan waxkaqabeshade masuuliyada beexada leh ee ay shacbiga u xambaareen.

Marka haddaba loo dhaba galo dareenka bulshada reer hargaysa iyo doodihii wakhtigee ku abeerna golaha deegaan ayaa waxay ahaayeen qaar laba dhinac aragtidoode ku salaynayaan hade ahaatee bulshada badankeedu waxay ka midaysanyd aragtida odhenaysa on golaha deegamka la doortay ay waxkaqaban doonaan dhaliilihii iyo mushkilidihii horyaalay dowlada hoose ‘halka ay qaarkalana rumaysnaayeen in aan ashkhaata lasoo doortay badan kooduu umu qalmin xubno aqoon ahaan iyo iyo khibead haamba aan jibo keenin doonin hawlihii loo igmaday aratidan labada dhinac ah ee wakhtigaas waaa kasoo dhexbaxay su aa nuxurkeeduu ahaa golaha deegaanku macaqli soo kaordhaybuu noqday mise wuxuunoqday calool sookorodhay?

Marka haddaba lasoo gundhigo wixii aygolayaasha deegaanku kafuliyeen arimahaasi iyo jawaabtii ay ka bixiyeen tabashooyinkii faraha badna ee dadwaynuhu iswaydiiyeen aynoqdeen kayaa waxaa ay umuuqdeen hawlo aan fari kaqodnay ila markaana aan walaga qabtay aanay jirin, mushkiladihii dhulku wali xal loomahelin murankii dadkuna waasidisii wadooyinkii iyo meelihii aasasiga ahaa ee aybulshadu sida wayn utabaysay lagana filayaya inay maamulkan cusubi waxkaqabandoonaan ayaan haba yaraatee aanay jirin walagaqabtay islamarkaana nadaafadii xaafadaha iyo bilicdi caasimada ayaa hoos udhacday haddaba dadka sida aadka ah indhaha waayaha dowladaq hoose ee marxaladancusub ee geedisocsdka howlmaalmeed eelagujiro ayaa waxay kudoodayaan in golaha deegaanku aanu wali islameeldhigin itijaha iyo qorshe cad oo lagu dhaqaajiyo howlaha maamulfulineed ee dowladahoose axdigancusab ,islamarkaan aanay ilaahada kuguulaysan inay samaystaan xeerhoosaad kaasoo gundhig unoqonlahaa howgalkooda shaqo taasina waxay daliilicad utahay tayadooda waxqabad iyo waxalagafilkaro maadaama ay iyagiiba qabyo yihiin maamul ahaan.

Ragaadka kamuuqda howlgalka shaqo iyo guud ahaamba dhaqdhaqaaqa maamul ee dowlada hoose ee xiligan waxaakamaragkacayaa isda uumeelkasta oo magaaladaka mida utuulanyahay qashinka iyo gudaafada xad dhaafka ah gaar ahaan farasmagaalihii caasimada yaa iisurogay goobxeroqaad mhalkii ayka hayd inloosameeyo suuqlagu iibiyo ayaa nasiibdaro jidadki cvaasimada waxaa xayioray kabadhada qaadka lagu iibiyo ceebtasina waxay dhabta usaarantahay maamulka cusub ee dee golaha deegaanka hargaysa, hadal iyo murtiba wax hormar ah kama muuqdo mudada shanta bilood ahayd maamulka cusub ee golaha deegaanka xilkeeda la wareegay waxa la filayey in maamulka sifaha doorasho ku yimid in ay la yimadaan qorshe cusub iyo maamul hufan oo ku saleysan waxqabad dhab ah balse nasiiib daro maamulka golaha deegaanka Hargeysa wali ma daruurayn {wax maqaban } arintu sikastaba ha aheedee golaha deegaanka Hargeysa ee xilka loo cumaamaday magac sami iyo naanays midkeebay ku maamuleen gabgabadii su aashu waxay tahay golaha deegaanka Hargeysa taajkii la saaray way iska tureen.

Maxamed Sagax, Hargaysa

Top


Bayaan Taageerayaasha KULMIYE Ee Kanada.

Taageerayaasha Xisbiga kulmiye ee Dalkan Kanada oo beryahanba ku howlanaa dood iyo wadatashi ku wajahan xiisadaha in dhoweydba ka oognaa Dalkii Hooyo ee ka dhashay doorashooyinkii dalka ka dhacay, ayaa isugu yimid shir doodaas lagu soo gebegebeynayo, aragtida kala duwanna la isugu soo ururinayo, kaas oo ka dhacay magaaladan Toronto June 13, 2003.

Shirka oo ay ka soo qeybgaleen odayaal, aqoonyahano iyo waxgarad kaleba, waxa si gaar ah loogu falanqeeyey ismaandhaafkii ka dhashay habkii loo maamulay natiijadii doorashada Madaxtooyada, kaas oon weli xal door ah helin. Shirku wuxuu abbaray fahamka mushkaladda iyo talo bixinta sidii looga gudbi lahaa midda taagan, isla markaana looga gaashaaman lahaa in aanay dib inoogu dhicin.

Dood dheer dabadeed, waxa uu shirku isku raacay qodobada bayaankan soo socda:

Waxa uu shirkanu ammaan iyo mahadnaq u soo gudbinayaa dhammaan intii ka howlgashay, welina ku howlan, xal-u-helidda xiisaddan ee dalkeenna la soo deristay, gaar ahaan Hogaamiye Dhaqameedyada dalka oo u guntaday siday u furdaamin lahaayeen khilaafkan siyaasadeed, markii ciddii xilkaas dalka u haysay ay kaalintii ku banneyeen.

Waxa uu Shirkanu gorowsaday, si buuxdana u taageersan yahay go’aanka Hogaanka Xisbiga Kulmiye ku ogolaaday guddoonkii Hogaamiye Dhaqameedyada, in kasta uu shirkanu guddoonkaas u arko mid qabyo ah oon isu-dheelli-tirneyn, oo cadaadiska saaraya keliya dhinaca ay Odayaashu isku halleynayeen in ay u qabsoomi doonaan, oo ah dhinaca Kulmiye. Nassib darrose, xukuumaddu waxay ka sii qaadday madax adeyg iyo islaweyni.

Waxa uu Shirkanu ka digayaa in aan marnaba tanaasulka Kulmiye iyo u damqashada dalkiisa loo fasiran qaar burinaya mowqifkii iyo aragtidii Kulmiye ka qabay sidii loo maamulay Doorashada Madaxtooyada. Iyo sidoo kale, in aan loo qaadan mowqifka cusub ee Kulmiye mid xalaaleynaya natiijadii la maxlalay ee dacwooyinka la taaban karo uu ka dhiibtay.

Waxa shirkanu si adag u cambaareynayaa gabood falka sharci ee ay ku kaceen xubno ka mid ah Guddoonka labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada, oo iyaga oo aqoonsan in sharci-darro tahay, sida uu caddeeyey Mudane Cabdulqadir Jirde, si badheedh ah faragelin ugu sameeyey howshii Guddida Doorashooyinka, kuna kalifay in ay qorshahoodii beddelaan,. “ Indaha aynu isku qabano, in kasta uu sharcigu diidan yahay.” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, Mudane Qeybe.

Waxa foolxumo weyn Dalka ku ah in xubnahaas oo ah hogaamiyaasha sharci-dejinta dalka aan ilaa hadda falkoodaas cidi isweydiinin, in kasta oo ay iyaga naftoodu idaacadaha kaga faaneen, iyaga oo ku andacoonaya wasiiro xukuumadda ka tirsan oo xanaaqsan ayaanu dalka ka badbaadineynay.

Gebegebadii, waxa uu shirku ummadda Somaliland u soo jeedinayaa talooyinka soo socda si looga baxo ismarinwaaga taagan, mustaqbalkana looga badbaado mid la mid ah:

In Hogaamiye Dhaqameedyadu ay sii wadaan dhexdhexaadintooda inta laga gaadhayo xal waara, iyo in ay joogteeyaan hanashada xilka cusub ee ay qaadeen ee xallinta khilaafaadka siyaasiga ah, mar haddii hayadihii dowliga ee u xilsaaraa ay lumiyeen kalsoonidii ummadda.

In baadhis heer qaran ah oo madaxbannaan laga furo habdhaqankii xubnaha ka tirsan Guddoonka labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada, ee faragelintii sharci-darroda ahayd ee ay ku sameeyeen howshii Guddiga Doorashooyinka, gebegebadii Doorashadii Madaxtooyada.

In dib loogu noqdo sharciyadda muddo isu-kordhinta ee ay isdhaafsadeen labada gole, iyada oonay jirin sabab distuuri ah oo kaliftay ammaba bannaynaysaa. Isla markaa, in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka labada Gole si maamulka dalku u noqdo mid isu-dheelli-tiran, oo ay ummaddu ka wada qayb qaadato, oo koox yari aanay keligeed ku amar-ku-taagleyn. Jirista golayaal shacbigu toos u soo doortay, een magacow ku iman, waa habka keliya ee lagu xaqiijin karo nidaam dowli ah oo dimuqraadi ah, iyo ka hortaga keli-taliska.

In xisbiga Kulmiye, marnaba aanu ka qeybgelin xukuumad wadaag ah, inta laga hirgelinayo golayaal baarlaman oo madax-bannaan, si aanu isaguna maamulka jira ugu milmin, oo xilkiisii muhimka ahaa ee ilaalinta iyo toosinta maamulka jira aanu u luminin.

In Guddiga doorashooyinka ee haatan jira la beddelo, mar haddii siday iyaba qirayaan, uu ka maragkacay Mudane Cabdillahi Jawaan, ay ku howlgaleen amarkii mudanayaashii Golayaasha ee soo farageliey howshoodii, taas oo ah arrinta keentay dhibaatada maanta taagan.

In xubnaha Maxkamadda Sare uu soo xulo guddi madaxbannaan, oo aanu soo magacaabanin qof qudhi, ka dibna laga ansixiyo Golaha wakiilada ee la soo doortay, isla markaa la joojiyo habka howlgelinta ku meelgaadhka ah ee howlwadeennada sarsare, kaas oo ah hab sharciga lagu xarfadeynayo.

Guul ummadda Reer Soomaaliland! Guul Xisbiga Kulmiye!.

Guddiga Wadajir Soomaaliland ee Toronto.

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Kamaruun Oo U Soo Gudubtay Semifinalka Koobka Qaaradaha Adduunka.

Kamaruun Oo U Soo Gudubtay Semifinalka Koobka Qaaradaha Adduunka

Paris, France (W. Wararka) - Dalka Kamaruun ayaa soo guul aad u qiime weyn oo uu ugu gudbay wareega semifinalka tartanka koobka qaaradaha 2003 ee ka soo socda dalka Faransiiska, kadib markii dhammaadkii wakhtigii rasmiga ahaa ee ciyaarta uu u dhaliyay ciyaartoyga Geremi gool rigoore ahaa, taas oo ay 1-0 kaga adkaadeen dalka Turkiga ciyaartaas oo ka mid ahayd ciyaaraha Group B.

Kamaruun waxay ugu sareysaa dalalka group B, waxaanay leedahay 6 dhibcood oo ay ka urursatay ciyaartan iyo ciyaartii hore ee horyaallada adduunka ku garaaceen 1-0 maalintii Khamiistii, waxaana goolkaas u dhaliyay Samuel Eto’o.

Dalka Brazil ayaa isaguna helay guushii ugu horeysay, kadib markii ay dalka Maraykanka kaga adkaadeen 1-0 isla sabtidii doraad, waxaana goolkaas u dhaliyay Andriano daqiiqadii 22aad ee qaybtii hore ee ciyaarta, taas oo ay saddex dhibcood la hoydeen, waxaanay ciyaarta dambe wada yeelan doonaan dalka Turkiga oo isna 3 dhibcood leh, taas oo ay ku soo kale bixi doonaan si ay u noqdaan dalka labaad ee u gudba semi-finals.

Ciyaarta qaybteedii hore waxa iska lahaa dalka Kamaruun, waxaanay heleen dhawr fursadood oo ay isku dayeen in ay dhaliyaan ciyaartoyda Mark Vivien, Samuel Eto’o iyo Maxmed Idriis, laakiin goolwadaha Turkiga ayaa ka badbaadiyay goolkiisa kubadda oo khatar geliyay.

Bilowgii qaybtii labaad ee ciyaarta, heerka ciyaarta dalka Turkigu way ka fiicnaatay, waxaanay isku dayeen in ay jaanta isla helaan taas oo ay marar badan khatar geliyeen goolka Kamaruun, balse goolhayahay Kamaruun ayaa ku guulaystay inuu badbaadiyo darbadahaas.

Daqiiqadii 91aad ee wakhtigii ciyaarta ayaa khalad lagu ciyaartoyga reer Kamaruun Mbami, khadka gudihiisa. Xiddiga khadka dhexe ka ciyaara Geremi, ayaa rigoorahaa u laaday Kamaruun, waxaanay libaaxyada Afrika taasi ka dhigtay in ay noqdaan dalkii ugu horeeyay ee u gudba semifinals-ka tartankan koobka Qaaradaha adduunka.

Ciyaarta saddexaad ee ugu dambeysa wareega hore waxa ay la yeelan doonaan maanta dalka Maraykanka, halka dalka Brazil iska horiman doonaan dalka Turkiga.

Top


Lewis Oo Sii Adkaystay Suunka Feedhka Miisanka Culus Ee Adduunka.

Los Angles (W. Wararka) - Feedhyahanka Ingiriiska ah ee Lennox Lewis ayaa ka guulaystay darbad feedhyahanka reer Ukraine Vitali Klitschko wareegii lixaad, waxaanay taasi ka dhigtay inuu sii haysto horyaalka suunka tartanka feedhka adduunka ee miisaanka culus, ciyaartaas oo ka dhacday maalintii sabtida magaalada Los Angles ee dalka Maraykanka.
Garsooraha ciyaarta ayaa joojiyay ciyaarta iyadoo Klitschko (31 jir) uu xaga dhibcaha kaga horeeyo ninka la tartamayay Lewis (37 jir), waxaanu kaga horeeyay 58-56, sida ay sheegtay warbixinta saddexda garsoore ee ciyaarta, laakiin dhakhtarka u xilsaarnaa ciyaarta ayaa amray in la joojiyo ciyaarta, kadib markii dhaawac isha dusheeda ka soo gaadhay feedhyahanka reer Ukraine, taas oo uu dhiig badani ka socday.

Lewis, ayaa ka hadlay kadib markii uu guulaystay, waxaanu yidhi: “Wuu nasiib badan yahay mar haddii garsooruhu ciyaarta joojiyay, eega xaaladda wajigiisu ku sugan yahay, feedh farsamaysan ayaan dhulka ugu tuuri lahaa labada wareeg ee ku xigay, arrintu waxay ahayd arrin wakhti ku xidhan.”

Balse, ra’yiga dadweynuhu ma ahayn kaas, sidoo kale ka Klitschko-ba, kaas oo diiday qaraarkii dhakhtarka, waxaanu doonayay in ciyaartu sii socoto, waxaanu dadweynaha dhexdiisa kaga dhawaaqayay “Arrinkaasi maaha arrin la rumaysan karo, ma garanayo sababta uu dhakhtarku u amray in ciyaarta la joojiyo, anigu waan arkayaa, waxaanan kari karaa in aan sii dagaalamo, anigu waxaan ahay geesiga shacabka.”
Laakiin, garsooraha ciyaartu kuma qancin foodhida iyo sawaxanka dadweynuhu samaynayeen, xataa diidmada feedhyahanka reer Ukraine ee doonayay inuu ciyaarta sii wato, waxaanu u ogolaaday Lewis guushii badiska ee 41aad, iyadoo laba jeerna laga badiyay , hal marna uu barbareeyay.

Ciyaartan oo ahayd mid goor dambe la soo diyaariyay, kadib markii uu ka cudur-daartay feedhyahanka reer Kanada Kerik Johnson inuu la feedhtamo Lewis, dhaawac soo gaadhay maalmihii carbiska uu ku jiray awgeed, waxay ahayd haddana ciyaarta heerkeedu aad u sareeyay, gaar ahaan dhinaca feedhyahanka reer Yukreen oo muujiyay inuu leeyahay dhiiranaan geesinimo.

Klitschko oo dhererkiisu gaadhayo 2.02 mitir waxa uu gacan sareeyay ciyaarta oo dhan, waxaanu ka weerar badnaa Lewis, isagoo darbado badan oo gacanta midig ah si toos ah ugu dhuftay wareegii labaad, waxaanay u ekeyd in aanu Lewis si fiican ugu soo diyaar-garoobin feedhkan, taas oo ay ka muuqato miisaankiisa oo gaadhayay 115 kiiloo garaam.

Klitschko, oo la kulmay guul-daradii labaad, isagoo 32 feedhna guulaystay oo uu 30 ka mid ah darbad dhulka uu ugu tuuray feedhyahankii ka soo horjeeday, waxa uu yidhi: “Waxaan doonayaa ciyaar la noogu celiyo.” Taas oo uu isla markiiba ka jawaabay Lewis, waxaanu yidhi: “Way dhici dooni doontaa ciyaar labaad, haddii uu dalbado, oo aan lacagna ku helayo.”

Top


Tyson La Filayo In Hal Sanno Oo Xadhig Ah Loo Taxaabo.

New York (W. Wararka) - Bilayska magaalada New York, ayaa ku eedaysay feedhyahanka weyn ee caanka ah Mike Tyson inuu xadgudub iyo dhibaatayn u gaystay nidaamka guud subaxii maalintii sabtida hotel ka mid ah hoteelada New York, kadib markii ay gacan-ka-hadal is dhaafsadeen laba nin iyo qof dumar ah.

Tyson waxa la xukumi doonaa hal sanno oo xadhig ah haddii lagu helo eedaynka koowaad oo ah xadgudubka, isla markaana waxa lagu xukumi doonaa 15 cisho oo xadhig, haddii lagu helo eedaynta labaad oo ah dhibaato geysasho, laakiin waa la sii daayay, waxaanu Maxkamadda hor iman doonaa wakhti dhow oo la soo go’aamin doono.

Afhayeenka Bilayska New York, Kermin ayaa intaa ka hor xustay oo tidhi: “Waxa dhacay khilaaf dhexmaray Tyson iyo saddex qof oo asalkoodu yahay Isbaanish oo kala laba nin iyo qof dumar ah, iyagoo ku sugnaa qaybta istiqbaalka ee Hotel Marriott Brooklyn, kadibna waxa dhacay gacan-ka-hadal isaga iyo labadii nin.”

Tyson ayaa gargaarka caafimaadka ee degdegga ah ku qaatay goobtii shilku ka dhacay, isagoo qabay dhaawac khafiif ah oo gacanta ka soo gaadhay, ka hor intii aan loo gudbin saldhigga bilayka, halka labadii nin iyo gabadhii loo qaaday mid ka mid ah Cusbitaallada si loogu daweeyo, laakiin dhaawacoodu wuxuu ahaa iyagana mid khafiif ah, waxaana saddexdan qof lagu eedayn doonaa dacwad ah ah hanjabaad iyo khalkhalin.

Top


Nabsigii Foosto-Riix, Q: 11aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

Foosto-riix wuxuu ka caweeyey jeelka isagoo ku xukuman xabsi daa’im, islamarkaana waxa reerkiisii dambe ku habsatay masiibo aanay ka soo waaqsan kadib markii uu gaadhi jiidhay xaaskiisii fahiima isla markaana ay dhimatay balse wiilkii yaraa ee Warsame ayay reer kale qaadeen iyagoo la sugayay inta ay helayaan cid garata, laakiin may helin cid garata taasoo sababtay inay iyagu koriyaan oo ay gurigooda ku hayaan sababta ugu weynina waxay ahayd iyaga oo aan lahayn wax caruur ah sidaaa darteed isagaabay ka dhigteen wiil ay dhaleen oo kale.

Iyagoo u koriyay sidii ilmo ay dhaleen oo kale isla markaana markii uu koray waxay ku dareen dugsiyada waxbarashada.

Balse markii uu caqliyeeshayba waxa ay reer kii u sheegeen inay heleen isaga oo ay hooyadii iyo isaga uu gaadhi jiidhay sidaa darteedna ay iyagu ka naxeen oo ay koriyeen, waxaanay taasi ku dhalisay inuu marwalba isweydiiyo cida uu reerkoodii ahaa iyo halka ay ku dambeeyeen hooyadii iyo aabihii.

Caaruurtii kale ee uu dhalay Foosto-riix waxay meelfiican ka gaaadheen waxabarashadii iyaga oo Jaamacadihii ay galeen marba marka ka dambaysa ku sii dalacayey, hamadooda iyo fikirkooduna wuxuu ahaa goormaad u abaal gudi doonataan Hooyadiinii idin soo korisay ee dhibaatada faraha badan idinla soo martay iyagoo maarkasta ku ducaysan jiray ilaahayaw na gadhsii iinta aanu hooyo u abaal gudayno.waxa kale oo ay isweydiin jireen halka uu ku dambeeyay aabahood oo aanaay mudo dheer wax war ah ka maqal, waxaana ugu wardambaysay isagaoo lagu sheegay inuu aad u nimcaystay isla markaana uu galay nolol kale iyagana uu iska ilaaway.

Waxaaysidaa ahaataba mudo kadib ayuu inankii faarax ka soo qalin jabiyay jaamacadii injineernimada ee uu ku jiray, maalintii uu imanayayna reer koodii oo fatraxsan ayaa madaarka kaga hortagay iyagoo rajaynaya inuu noqdo mid degdeg wax uga badala noloshii ay ku jireen isla markaana laga helo abaalkii iyo tacabkii lala soo maray. Markii uu soo dagayba waxa uu dhunkasho kula booday hooyadii iyo caruurtoodii isaga oo ku yidhi maantaan idiin abaal gudayaa oo aydin ilaawi doon taan dhibaatadii ina soo martay iyo dayacaadii inagaga timid odaygii na dhalay.

Markii gurigii la yimid ayaa markiiba la gawracay neef adhi ah iyadoo loogu duceeyay inuu ilaahay degdeg u siiyo shaqo fiican oo loo aayo.
Maalintii dambe ayuu isagoo akhrisanaya wargeys isha ku dhuftay shirkad u baahan qof uga shaqeeya dhinaca maamulka soona bartaay cilmiga injineernimada, markii uu inataa arkay ayuu amarkiba aad u farxay. Maalintii dambe ayaaanu ku kalahay halkii laga doonayay qofka shaqaalaha ah isgoo sita dhamaan shahaadooyinkiisii iyo cadaymihiisii.

Markii laga qabtay faylkii uu sitay ayaa looshegay inu u soo diyaar garoobo imtixaan laga qadayo dadka shaqadaa soo codsaday oodhici dona todobaad ka dib kaasoo uu si fiican ugu diyaara garoobay.

Markii la gadhay maalintii imtixan ka ayuu subaxnimadii hore tagay halkii ay balantu ahayd isaga oo hoosta ka ducaysanaya waxaanu ufadhistay imtixaankii, markii uu hdamaadayna waxa loo shegay isga iyo dadkii kale ee imtixaanka u fadhiistayba inay jawaabta soodoontaan laba cisho ka dib.

La soco.

Top