Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 361 June 24, 2003

“Madaarkeenu Wuu Ka Aamin Badan Yahay Kuwo Badan Oo Caalamka Ah, Laakiin…” Wasiirka Duulista Hawada Oo Ka Hadlay Falkii Ka Dhacay Madaarka Hargeysa.

Madaxa Xafiiska UNHCR Ee Bariga Iyo Badhtamaha Afrika Oo Booqasho Ku Tegay Boorama.

Caruur Reer Holland Ah Oo Deeq U Soo Diray Ardayda Somaliland.

Madaxweyne Rayaale Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Denmark.

Cumar Carte Oo Ku Baaqay In Laga Hortago Xiisad Ka Dhalata Xadhiga Jaamac-Yare.

Weftigii G/Deegaanka Hargeysa Oo Soo Dhamaystay Booqashadoodii Finland.

Degmada Arabsiyo Iyo Arrimaheeda Wada Saddexan, Warbixin - Weriye Maxamed Xasan.

Jaamac-Yare Oo Shalay Loo Mustaafuriyay Dhinaca Jabuuti.

Baaq Ku Socda Bulshada Reer Somaliland.

Wasaaradda maaliyada oo la wareegtay dakhligii Wasaaradda Duulista kasoo geli jiray Madaarada S/land.

Golaha Wakiilada: Dareenka iyo Doodaha.

Wasiiradda Maaliyada iyo Ganacsiga oo la shiray Ganacsatada.

Dablay Hubaysan Oo Shalay Soo Weerartay Madaarka Hargeysa.

RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas.

Golayaasha Deegaanka Waxa Iskaga Khaldan Fulintii Iyo Hawsha Golaha Deegaanka, “Saaxiibadaydii Lahaa Wax Baanu Badalnayoow Aniga Waad Igu Degdegteene C/qaadir-na Ha Ku Degdegina,” Duqii Hore Iyo Xafladii Xilwareejinta Gebilay.

Khilaaf Ka Dhashay Qaxootiga Ku Qul-Qulaya Talyaaniga.

Shir Laga Yeeshay Dib-U-Dhiska Ciraaq.

Ra’iisal-Wasaaraha Hindiya Oo Booqday Shiinaha.

Wargeysyada Caalamka ee Todobaadkan.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hala Dhawro Nabadgelyada Somaliland.

12 Sano Ayaan Shaqaynayay Mushaharna Ma Qaato.

Shirka Soomaalida EE Kenya iyo iyo Mudaharaadka Soomaaliland.

Qalalaase Ay Keento Mooyee, Qabta oo Xidha Qarankeena Dhisi Mayso.

Nabsigii Foosto-Riix, Q: 12aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.


“Madaarkeenu Wuu Ka Aamin Badan Yahay Kuwo Badan Oo Caalamka Ah, Laakiin…” Wasiirka Duulista Hawada Oo Ka Hadlay Falkii Ka Dhacay Madaarka Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf): Wasiirka Duulista Hawada Maxamed Cabdi Xuseen ayaa ka hadlay falkii ka dhacay madaarka Hargeysa wuxuuna sheegay inay ku soo beegantay xili ay uu madaarku saxmad badan yahay, islamarkaana ay dablaydii soo weerartay rasaas isweydaarsadeen booliska, taas oo keentay inay dhaawacyo ka soo gaadheen labada dhinacba.

Waxa kale oo uu sheegay in diyaaradihii madaarka yaalay rasaastaasi khasaare soo gaadhsiisay, inkasta oo uu ku tilmaamay khasaaraha labada diyaaradood soo gaadhay mid fudud, isaga oo xusay in mid ka mid ah diyaaradaha waxyeelo ka soo gaadhay dhinaca communication-ka (xidhiidhka) iyada oo diyaaradaas ay mishiinadeedu si fiican u shaqeeyeen, laakiin aan habka hagidu shaqaynayn, halka diyaarada kalena, uu khasaare ka soo gaadhay mid ka mid ah mishiinada hydarooliga.

Wasiirku waxa uu tibaaxay in diyaaradahaa wixii ka xun maanta loo keenayo, isla markaana uu madaarku ku soo noqday sidii caadiga ahayd ee uu shaqaynayey.

Wuxuuna intaa ku daray in madaarka Hargeysa iyo Berbera oo ah kuwa ugu caalamisan dalka, uguna dhaq-dhaqaaqa badan dhibaatada ugu weyn ee haysataa ay tahay iyaga oo aan lahayn shabag ama xayndaab, isla markaana wuxuu xusay inay jirtay shirkad ay heshiis la galeen maal-gelinaysa madaarada, sababta ay heshiiska ula galeena ay ahayd inay madaaradu yeeshaan silig ku wareegsan, kaas oo wax weyn ka taraya madaarada.

Laakiin wasiirku wuxuu sheegay inay injineeradii shirkadu u soo dirtay ay ku soo beegmeen xiligii doorashooyinka.
 

Top


Madaxa Xafiiska UNHCR Ee Bariga Iyo Badhtamaha Afrika Oo Booqasho Ku Tegay Boorama.

Boorama (Haatuf) – Duqa Boorama cabdiraaaxmaan sh. Cumar ayaa maanta xafiiskisa ku qaabilay sarkaal sare oo xafiiska unhcr ee qaxootiga u qaabilsan Bariga iyo badhatamaha Afrika Ilok Kamara. Intii sarkaalkaasi Joogay Boorama waxa isaga iyo duqa magaaladuba soo eegeen mashaariicda hay'adda UNHCR ka hirgelisay ama haatan ay maalgelisay ee ka socda Boorama.Waxa kale oo ay wafdiga Kamara hoggaaminayey soo eegeen mashaariicda kale ee ka socota Boorama sida Biyoballaadhinta, cusbitaalaka, xarunta Agoomaha e Kaalmo waxayna wafdigu duqa Boorama shir ay kula yeesheen xarunta dawladda hoose kala hadleen baahida dhinacyada badan leh iyo adeegyada dadweynuhu u baahanyahay in wax lagala qabto. Duqa Boorama iyo Kamara waxa kaleoo ay soo booqdeen Jaamacadda Camuud halkaasoo waxbarashadu sidii caadiga ahayd u socoto.intii ay jooggeenna waxa halkaa ku soo dhaweeyey waribixino kala duwanna ku siinayey Prof.saleebaan Axmed Guuleed.

Dhinaca kale, Taliska ciidanka nabadgelyada gobolka awdal, xeer ilaalinta, maxkamadda iyo wasaaradda awqaafta gobolka awdal ayaa maanta fagaare ku yaalla badhtamaha magaalada ku gubay  maandooriye  ama xashiishad  miisaankiisu dhanyahay saddex kiloo iyo afar boqol oo garaam.Maandooriyahan oo bishii hore lagu qabtay hawlaggalo ay Boorama ka sameeyeen ciidaanka nabadgelyadu ayaa, waxa  gubitaankiisii daawaanayey dadweyne farabadan oo aay qaarkood ugu horreysay maanta  aragtideedu.Hadallo koban oo  halkaa laga jeediyey ayaa xeer ilaaliyaha Gobolka Awdal Axmed Mire waxa uu ammaan u jeediyey dadkii isku hawlay soo qabashadada xashiishaddan, taasoo uu ku tilmaamay in isticmaalkeedu dadweynaha Boorama gelin karo xasiloonidarro iyo caafimaad darro. Waxana xeer ilaaliyuhu sheegay in dadkii lagusoo qabtay maandooriyahan lagu xukumay saddex sannadood iyo lix bilood iyo ganaax lacageed. Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay taliyaha Booliska gobolka Awdal Maxmuud Axmed ubaxle oo  u mahadceliyey dadkii  ciidankiisa ka caawiyey  qabashada maandooriyaha iyo khamriga faraha badan ee beryahan Boorama lagu qabtay. Taliyuhu waxa kale oo uu waaniyey dadweynaha reer Boorama inayBooliska kala shaqeeyaan nabadgelyadooda iyo la dagaalanka mukhaadaraadka. Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Awdal oo isagu goaanka lagu gubayo maandooriyaha ama xashiishddaasi ansixiyey, Axmed Qaadi, ayaa isna ka hadlay sidaan sharcigu ugu naxariisanayn cid kasta oo dembi waxyeelaaynaya bulshada la timaadda.Dhinaca diinta waxa isaguna waajibka shacbiga ka saaran la dagaalanka maandooriyaha halkaa ka jeediyey isuduwaha w. diinta iyo awqaafta ee gobolka awdal Sh. Xaamud Nadiif.

Dhinaca kale, Kulankii ugu dambeeyey ee ku saabsanaa madaxbannaanaynta Biyaha Boorama ayaa maanta lagu magacaabay 19 qof oo qaban doona xilkaasi.Shirkan oo saaka ka dhacay xarunta dawladda Hoose ee Boorama ooay kasoo qaybgaleen maamulka dawladda Hoose  e Boorama,Maamulka Biyaha,Hya'adda UNICEF iyo ganacsato hore iyagu u dalbaday inay ka qaybgalaan  maamulka loo samaynayo biyaha ee madaxa bannaan, ayaa aakhirataankii lasoo saaray go'aan dhinacyada maamulka biyuhu khuseeyo u arkeen inay buuxiyeen shuruudo hore loogu xidhay gacan ku qabashada  Mashruuca biyaha Boorama oo haatan gebogebo ah. Magacaabista saamileeyda Biyaha Boorama ee saaku waxay soo afjaraysaa muran ma tartan ku saabsanaa  hawsha biyaha mustaqbalka oo ay soo dalbadeen in ka badan 73 qof oo ka kala socday qaybaha Dadweynaha Boorama.

Top


Caruur Reer Holland Ah Oo Deeq U Soo Diray Ardayda Somaliland.

Hargeysa (Haatuf): Deeq qalab ah oo loogu talo-galay ardayda dhigata dugsiyada Maxamed Mooge iyo Faadumo Biixi ayaa la gudoonsiiyey dugsiyadaasi.

Deeqdaas oo ay ku deeqeen arday reer Holland ah, kuwaads oo da’doodu yartahay.

Waxa deeqdaasi soo gaadhsiiyey dugsiyadaas Aamina X. Maxamuud Warsame oo ka tirsan ururka SOWRAG (Somaliland Women’s Research and Action Group).

Warsaxaafadeed ay arrintaa ka soo saartay waxa uu u qornaa sidan:
“Waxaan Magaalada Den-Haag oo ka tirsan dalka Holland kula kulmay carruur yar yar oo u dhashay dalkaasi, mar aan halkaa shir u tagay bishii April, iyaga oo ii sheegay inay lacagtii nususaacah (Pocket Money) loo siin jiray ay ururiyeen hal bil, kuna hibeeyeen carruurta Somaliland, si lacagtaas loogu iibiyo carruurta yar yar ee Somaliland qalab ay ku ciyaaraan sportiga.

Lacagtaas oo dhamayd laba boqol iyo labaatan dollar waxa lagu soo iibiyey qalabka ciyaaraha oo kala duwan, iyada oo deeqdaas la gudoonsiiyey dugsiyada kala ah Dugsiga H/Dhexe ee Maxamed Mooge, iyo Dugsiga H/Dhexe ee Faadumo Biixi, kuwaas oo ku yaalla daafaha magaalada Hargeysa, iyada oo qalabkaas lagu wareejiyey dugsiyadaas maalintii shalay, kuwaas oo ay gudoomeen maamulayaasha labadaa dugsi.

Sidoo kale waxaa jira qayb kale oo ka mid ah qalabkaasi, oo aan ku wareejin doono iskuulo kale xilliga la furo.

Carruurta ku tabarucay deeqdan waxa kala yihiin Rachel, Robin iyo Johanna oo dhigta fasalka Afraad ee dugsiga la yidhaahdo Haagse School ee magaalada Hague ee dalka Holland, da’dooduna waa 8-deed jiro, sidaa darteed waxaan rajaynayaa in carruurtaasi reer Holland lagaga daydo sida fiican ee ay yeeleen, oo ay maal-qabeenada, dawladda iyo xisbiyaduba ay gacan ka geystaan hawlaha samafalnimo ee ay garteen carruurtaasi. Si ay taasi tusaale fiican ugu noqoto cid walba.
Sidoo kale waxaan rajaynayaa in xidhiidhka u bilaabmay carruurta labada dal uu noqdo mid horseeda xidhiidh noociisa ah oo dhexmara labada umadood ee u kala nool Somaliland iyo Holland.”

Aamina X. Maxamuud Warsame.

Xidhiidhiyaha carruuraha ku kala nool Holland iyo Somaliland.

Top


Madaxweyne Rayaale Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Denmark.

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay qaabilay Mr: Henrik Jespersen oo ka socda Safaarada Denmark ay ku leedahay Nariobi.

Diblomaasigan oo ah qunsul safaarada Denmark una qaybsan mashaariicda ay bixiso Denmark, waxa uu madaxweynaha ay ka wada hadleen arrimo khuseeya iskaashiga labada dhinac.
Warsaxaafadeed uu kulankan ka soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale oo faah-faahin ka bixinaya kulankaasi wuxuu u qornaa sidan:

“Xukuumadaydu aad ayay u raali gelisay sidii aad u fuliseen hawshii doorashada iyo sidii aad u xalilteen khilaafkii. Sidaas waxa madaxweynaha Somaliland ku yidhi Mr. Henrik jespersen oo ka socday, safaaradda Denmark ay ku leedahay Nariobi.

Diblomaasigan oo qusul iyo madaxa mashaariicda ka ah safaaradaa oo madaxweynaha shalay booqasho sharaf kula kulmay waxa uu sheegay in loo soo diray inuu soo gaadhsiiyo madaxweynaha, xukuumadda iyo shacbiga Somaliland-ba hambalyo la xidhiidha sidii wanaagsanayd ee hawshii doorashadu u dhamaatay oo uu sheegay inay u aragtay Denmark inay tahay arrin lagu diirsado (very imperssive), waxaanay arrintaasi muujisay sida aad u maarayn kartaan wixii dhibaato idinka horyimaada.

Waxa kale oo uu diblomaasigu u sheegay madaxweynaha in Denmark ay kordhisay taakuladdii ay u fidin jirtay Somaliland oo hadda la gaadhsiiyey toban ilaa laba iyo toban milyan Dollarka Maraykanka ah saddexda sanadood ee soo socda, iyada oo guud ahaanba ay dhintay dawladdiisu kaalmadii ay dawlada u fidin jireen.

Kaalmadaasi waxay ku bixi doontaa dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha tusaale ahaan, saddex meelood oo meel waxay ku bixi doontaa gobolka Sanaag oo hawlaha laga qabanayo ay ka mid yihiin biyo gelinta Ceerigaabo, shan iskuul iyo xafiis hawlaha guud ahaan gobolkaas laga qabanayo uu yeelan doono.

Madaxweynuhu waxa uu uga mahad celiyey, oo uu diblomaasiga ka codsaday inuu ka gaadhsiiyo dawladiisa hambalyada hawshii inoo qabsoontay, taas oo muujinaysa ayu yidhi madaxweynuhu sida uu dalkiisu u danaynayo arrimaha ka socda Somaliland.

Mudane Rayaale waxa kale oo uu aad uga mahad celiyey kaalmada ay sheegeen inay ku taakulaynayaan Somaliland, waxa uu ka codsaday si ay midho dhal u noqoto wixii kaalmo shacbiga loogu talo-galay inaanay faro dhexdood ka dhicin iyo waliba in wax rabno kaalmo toos ah.

Kulankaa waa madaxweynaha kala qaybgalay wasiiru dawlaha arrimaha dibada Mudane Qaasim.” Ayuu warsaxaafadeedkii ku soo gabagabeeyey.

Top


Cumar Carte Oo Ku Baaqay In Laga Hortago Xiisad Ka Dhalata Xadhiga Jaamac-Yare.

Cumar Carte Oo Ku Baaqay In Laga Hortago Xiisad Ka Dhalata Xadhiga Jaamac-Yare.

Hargeysa(Haatuf) siyaasiga cumar carte qalib ayaa ku baqay in laga hortago xiisad ka dhalata xadhiga Jaamac maxamad qaalib bayaan uu soo saaray malinti shalay kaa hor intiiaan lagu dhawaaqin mastaafurintiisa, waxaanu ku taliyay in arin taasi laga yeesho wada xaajood, wuxuuna arintaasi cumar carte shardi uga dhigay inuu marka hore Jaamac Yare caddeeyo mawqifkiisa Somaliland oo uu Cumar Carte ku tilmaamay inuu yahay Muqadas.

Top


Weftigii G/Deegaanka Hargeysa Oo Soo Dhamaystay Booqashadoodii Finland.

Helsinki (Haatuf) – Waxaa Soo Gabagaboobay Wakhtigii Ay U Joogeen Waftigii Ka Socday Golaha Degaanka magaalada Hargaysa dalka Finland. xubnaha waftigan oo kala ah Gudoomiyaha Dhaqaalaha iyo mashaariicda Khadar Axmed Likeh iyo Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Keyse Axmed Cali. Sida uu ku soo waramay weriyahayaga Findland, Cumar Cabdi Nuux waxay maanta la isugu yimid Jaaliyadda Finland halkaas oo ay waftigani warbixin ku  siiyeen dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Finland, warbixintan waxay kaga hadleen waftigu  geedi-socodka Somaliland 12 Sanno ee la soo dhaafay iyo hawsha Dawlada hoose ay u taagantahay.

Waxayna intaa raaciyeen in isbadal wayni dhici doono oo khuseeya baahida dawlada hoose sababta ay u dhigeen in ay ka taya roonaan doonto tii hore baa waxay tahay  in Golaah Degaanka lagu doortay xalaal iyo in ay shicibku  soo doorteen sidaa daraadeedna ay qaban doonaan hawshii ay ku aamineen dadweynaha.

Waftigu waxa uu xusay in baahi wayn Somaliland u qabto is badal ka yimaada dhinacyada kala duwan ee Adeega Arimaha Bulshada waxayna intaa raaciyeen in Somaliland Qurba joogaheeda looga baahanyahay horumar ama ha ahaato tacliin ama ha ahaato dhaqaale oo ayna Somaliland maanta u baahnayn nin intuu mudo dheer ka maqnaa la yimaada faramadhnaan xaadirkan.

Ugu danbayn waftigu waxa ay ku soo gabagabeeyeen hadalkoodii in somaliland ku horu martay iskaashiga dadka iyo ka warhaynta Qurba joogashaashu ka war hayaan dalkooda waxayna xuseen kartida ay muujiyaan Jaaliyadaha Dibadu  waxayna ku dhiiri galiyeen in ay sii wataan umadu ka tashiga aayahooda.

Waftigu waxa ay socdaalkooda bari ugu kicitimi doonaan Caasimada Dalka Norwey Oslo halkaas oo ay ku sognaan doonaan ilaa iyo weeg ka dibna ay dib ugu soo laabandoonaan Finland socdaalkoodana uga sii anba qaadi doonaan Somaliland.

Maalintii jimcaha waxaa weftigan lagu soo dhaweeyey magaalada Jarvenbنن oo u jirta Helsinki ilaa 40km  Xafladan oo ay soo abaabuleen xubnaha Udub. Waxaa halkaa hadal kooban ka jeediyay Gudoomiyaha Xisbiga udub Mr. Siciid Cumar Hurre xafladaa waxaa ka dhex muuqday sidoo kale Xoooghaya Xidhiidhka dibadaha ee udub Mr. Axmed Caymis iyo xooghaya Abaabulka Xisbiga udub Mr. Xassan iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Finland Mr. C/qaadir Maacaleesh.

Waxaa uu Siciid Cumar Soo tibaaxay guud ahaanba umadda reer Finland sida wanaagsan ee ay isula shaqeeyaan xisbigay doonaanba ha taageeraane, waxa uu Siciid Cumar Xusay in Umada Finland ay firfircooni dheeraada ay muujiyaan mar walba oo laga hadlayo wax qabadka Dalka.

Ugu danbaynna waxa uu u mahad celiyay Waftiga ka yimid hargaysa ee Golaha degaanka.

Top


Degmada Arabsiyo Iyo Arrimaheeda Wada Saddexan, Warbixin - Weriye Maxamed Xasan.

Arabsiyo (Haatuf): Gudoomiyaha Arabsiyo Maxamed Ibraahim Khaliif ayaa ka dayriyey xaaladda caafimaad magaalada, isaga oo xusay inay magaalada hayso cusbitaal la’aan, waxaanu intaa raaciyey inay imika ku shaqeeyaan MCH yar.

Gudoomiyuhu wuxuu sheegay inay magaaladu u baahantahay cusbitaal iyo dhakhaatiir.

Haddaba weriyaha Haatuf ee Degmada Gabiley Maxamed Xasan ayaa warbixintan nooga diyaariyey, waxaanu ku bilaabay sidan:

“Magaalada Arabsiyo waxay dhinaca galbeed 35 KM ka xigtaa Hargeysa, waxaana ku yaala bustaano waaweyn oo khudrada laga beero, sida rumaanka, liinta, (macaan iyo dhanaan, qadhaadh iyo baydariin) Cambaha (bay bay, laf, caad, caag, shaag,) iyo noocyo kale oo khudrada ka mid ah.

Waxayna ka mid tahay magaaladu meelaha dalxiiska loo tago. Dadka degan magaaladu waxay u badan yihiin dad reer Djibouti ah oo dhismayaal badan ku leh magaalada, waxayna u soo baxaan xilliyada xagaaga, iyaga oo ka yimaada dhinaca Djibouti.

Dhinaca nabadgelyada magaaladu way degantahay, iyada oo dadka looga baahdo saldhiga booliska telefoon loogu yeedho, taas oo caado u ah inay ku yimaadaan.

Waxyaabaha cajiibka ah ee ay magaaladu leedahay waxa ka mid ah in wax walba waa saddex saddex tusaale ahaan saddex askari xaafadood ayey leedahay, saddex askari oo jiifa jidka weyn ee magaalada mara, waxay leedahay saddex masaajid, saddex urur haween, saddex dugsi, saddex wadaad oo wax meheriya, saddex nabadoon, saddex doox, saddex xawaaladood, saddex hudheel oo wax laga cuno, saddex tiim oo kubadda ciyaara iyo saddex injineer.

Aw xoreeye oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka ee Degmada Gabiley, ayaa xaflad qado sharaf ah oo loogu sameeyey duqa cusub ee degmada Gabiley, ayaa isaga oo ka hadlaya xaflada yidhi ‘Saddex saddexdaa waxa idiinku biiray, saddex nin oo reer Arabsiyo ah oo isu soo sharaxay oo isku bedelay degmada Gabiley.”

Gudoomiyaha magaalada Arabsiyo oo aan la kulmay ayaa ii sheegay inay magaaladu u baahantahay cusbitaal iyo dhakhaatiir, wuxuu kaloo ii sheegay inay bustaanada magaaladu ay ka dayacyihiin xagga ceelasha oo dumay, intii dalka dagaaladu ka socdeen, isla markaana laga bililiqaystay mishiinadii waraabka, wuxuuna ii sheegay inay kaalmo uga baahan yihiin xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ahba.”

Top


Jaamac-Yare Oo Shalay Loo Mustaafuriyay Dhinaca Jabuuti.

Hargeysa (Haatuf): Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) ayaa shalay galabtii diyaarad laga saaray garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ka dib markii ay xukuumadda iyo odayaasha ku jiray arrinta Jaamac ay isla garteen in laga dhoofiyo dalka, taas oo sida la sheegay uu codsaday in dhinaca dalka Djibouti loo celiyo, inkasta oo aanay xukuumadda Somaliland ka soo saarin war rasmiya oo ku saabsan arrintaa, haddana sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ahi, waxa Jaamac Maxamed Qaalib diyaarad laga saaray shalay galabtii madaarka Hargeysa, ka dib markii laga soo qaaday xabsiga dhexe oo uu ku xidhnaa ilaa sabtidii.

Jaamac Maxamed Qaalib oo laga qabtay madaarka Hargeysa horaantii todobaadkan, isaga oo sida la sheegay transit u ahaa, dhinaca magaalada Muqdisho, waxa markiiba loo gudbiyey xabsiga dhexe ee Hargeysa, iyada oo xukuumadda Somaliland ku eedaysay Jaamac yare, inuu yahay nin ku caan baxay, ka ololeeya qaranimada Somaliland, isla markaana u banbaxay burburinta qaranimada Somaliland.

Jaamac Maxamed Qaalib oo la filayey inay xukuumada Somaliland shalay saarto diyaarad u socotay Muqdisho, laakiin diyaaradaasi may suurto galin in la saaro.

Iyada oo diyaaradaasi ay muddo nususaac ah taagnayd, isla markaana la hadal hayey, inay qaadi doonto maxbuuskaa.

Hase yeeshee wax yar ka dib markii ay duushay diyaaradii waxa madaarka soo galay koox dablay ah, kuwaas oo khasaare ka geystay madaarka. Jaamac Maxamed Qaalib wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee aaminsan fikirka federaalka, wuxuuna had iyo jeer u ololeeyaa midawga Soomaali weyn.

Top


Baaq Ku Socda Bulshada Reer Somaliland.

Baaq Ku Socda Bulshada Reer Somaliland

KU: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.

Og: Wasaarada Cadaalada ee Jamhuuriyada Somaliland.

Og: Wasaarada Arrima gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland.

Mudadii yarayd ee ay Somaliland jirtay, waxa ay shacbiga reer Somaliland iyo Xukuumadiisu ay ku dhaqaaqeen talaabooyin qiimo leh oo la taaban karo. Waxaa xasuus gaar ah mudan 18kii bishii May ee sanadkii 1991kii oo ahayd maalintii dadka reer Somaliland ay shirweyne isugu yimaadeen, dibna ay ula soo noqdeen xornimadoodii iyo madax-banaanidoodii. Waxa kale oo iyaduna taariikh lama ilaawaan ah ahayd aftidii dastuurka iyo doorashooyinkii Golayaasha deegaanka iyo Madaxwaynaha ee dhowaan dalka ka dhacay.

Dhamaan dhacdooyinkaasi waxa ay ahaayeen qaar taariikh leh, dadka iyo dalka Somalilandna u soo jiiday sumcad wanaagsan, taasoo ay lama huraan tahay in halkaas laga sii wado horumarka uu ku talaabsaday dalkeenu, lagana hor tago wax kasta oo wax u dhimaya sumcada dalkeena iyo xorriyada dadweynaha iyada oo maanka lagu hayo halgankii qadhaadhaa ee dadweynaheenu ay u soo galeen sidii ay ugu noolaan lahaayeen Cadaalad, Sinaan, Nabadgalyo iyo Sharciga oo la ixtiraamo.

Haddii aanu nahay ururka Somaliland Forum oo ay qurbo jooga reer Somaliland iyo aqoonyahankiisu ay ku midoobeen waxa aanu aad uga xunahay ku xadgudubka xuquuqda bani-aadamka ee maalmahan dambe dalkeena laga soo sheegayo,taasoo laamaha kala duwan ee nabadgelyada ee dalkeena ka jira lagu eedaynayo in ay ku kaceen marar kala duwan, waxaana wax laga murugoodo nagu noqotay xadhiga lagula kacayo muwaadiniinta Somaliland, gaar ahaan, waxa calool xumo nagu noqotay xadhiga xubno ka mid ahaa Mujaadihiintii SNM oo wali ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeysa, iyadoo aan maxkamad la soo taagin, loona fulin xadhigoodii si sharciga waafaqsan.

Urur ahaan, waxa aanu si adag oo cad u cambaaraynaynaa talaabo kasta oo aan sharci ahayn iyo wax kasta oo aan waafaqsanayn dastuurka Somaliland oo waxyeeleynaya xuquuqda shacbiga reer Somaliland, waxa aanu si weyn uga soo hor jeednaa talaabo kasta oo u muuqan karta cabudhin iyo cadaadis sharciga garab marsan oo lagula kaco muwaadiniinta Somaliland, taasoo dadweynaheena xasuusinaysa falalkii argagaxa lahaa ee xukuumadii haligantay ee Siyaad Barre ay ku kici jirtay.Waxaana Ururka Somaliland Forum uu ugu baaqayaa Dawlada Somaliland in ay hormuud ka noqoto ilaalinta sharciga, kana hor tagto wax kasta oo wax u dhimaya nidaamka xorriyadeed ee muwaadiniinta Somaliland, qofka danbi ku kacana waxaa waajib ah in la mariyo wadada sharciga ah lana horgeeyo maxkamada oo hadii uu danbi ku cadaado markaas lagu qaado danbigiisa lana xidho, hadii aan danbi lagu helina la sii daayo.

Ugu danbayn Waxaanu Madaxweyne kaa codsanaynaa in aad arrintan wax ka qabatid, oo Xukuumadu ay degdeg maxkamad u horgeyso muwaadiniinta xidhan, hadii kalena ay sida ugu dhaqsaha badan Ooda uga qaado xorriyadoodana ay ugu soo celiso maxaabiista jeelasha ku jira ee aan maxkamad xukunkeed ku dhicin dambi cadna aan lagu haynin.

Ururka Somaliland Forum

Top


Wasaaradda maaliyada oo la wareegtay dakhligii Wasaaradda Duulista kasoo geli jiray Madaarada S/land.

Hargeysa(Haatuf);Wasaaradda maaliyada ayaa la wareegtay dhamaan dakhligii Wasaaradda Duulista hawada uga soo xeroon jiray Madaarada Somaliland, sida fiiga laga qaado Diyaaradaha ee loo yaqaan (landing fees) iyo dakhliga laanta socdaalku ka qaadi jirtay dadka dhoofaya iyo kuwa soo gelaya dalka, sidaana waxa xalay Haatuf u sheegay Ilo xog ogaala oo ka hawl gala Wasaaradda Maaliyada. Inkasta oo aanay Xukuumada Somaliland wax wara kasoo sarin dakhliga Madaarada uga soo xeroon jiray Wasaarada Duulista ee ay la wareegtay Wasaaradda Maaliyadu, waxa wararka xog ogaalka u ah arrintaasu sheegayaan inuu maalintii shalay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadu soo saaray qoraal uu kula socod siinayo Wasaaradda Duulista Hawada ina Wasaaradda Maaliyadu la wareegtay wixii dakhli uga soo xeroon jiray Wasaaraddaa Madaarada somaliland, laakiin ay Wasaaraddu hawleheeda kale u madax banaan tahay, iyadoo isla qoraalkaa kula socod siiyay Shirkadaa Diyaaradaha ee isticimaala Madaarada inay wixii Cashuur (landing fees) ee laga qaado marka ay duulimaad sameeyaan si toosa looga qaadi doono oo aanay Wasaaraddu ogolaanayan inay dib u dhacdo Cashuurtaasu.

Warku waxa uu intaa ku daray in Wasaaradda Maaliyadu ay cid hawshaa dakhliga ah u ururisa usoo wakiilanay, laakiin Wasaaradda Duulista looga baahan yahay inay dhigtaan goobahaa dakhli ururinta ee ka wareegay Qof xog-ogaal u noqda inuu dakhligaasu si toosa ugu xerooday, taasoo looga jeedo inaanu dhicin musuq maasuq.

Sida ay sheegayaan wararku waxay arrintani ka danbaysay ka dib markii labadii maal mood ee u danbeeyay Wasiirka maaliyada Xuseen Cawil Ducaale booqasho aan cidi dhaadin ku tegey Madaarka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, taasoo ka danbaysay ka dib markii ay soo bexeen dhaliilo maamul iyo kuwo musuq maasuq oo ragaadiyay hawlaha madaarka , iyadoo ay jireen warar sheegaya inay jirto lacag gaadhaysa, 130,000$,(boqol iyo sodon kun) oo dolar, taas oo ku maqan Shirkadaha Diyaaradaha ee isticimaala Madaarka.

Maamul xumada ku habsatay Madaarka iyo musuq maasuqa ilaha dakhli ururinta ayaa keentay inay mararka qaar dhacdo inay shaqaalaha Madaarku waayaan toban litir oo shidaala oo ay ku shubtaan gaadhigii ay shaqada ku tegi lahaayeen. Waxa iyana jirta inay Askarta ka hawl gashaa ka mashquuleen ilaalinta Amaanka Madaarka iyagoo ku dhex milmay dadka shicibka ah ee sii dhowaynaya dadka dhoofaya, ama soo dhowaynaya kuwa soo degaya. Waxa kaloo ay Askartaas qarkood kireeyaan tagaasida dadka qaada, taasuna waxay keentay inay maalintii doraad koox dablay ah oo wata laba gaadhi si toosa usoo galaan gudaha Madaarka ee ay yaaleen Diyaaradihii rakaabka qaadi lahaa oo ay khasaare u geystaan, iyadoo aanay cidna hor istaagin intii ay soo socdeen, ilaa ay soo galeen gudaha, waxayna arrintaasu noqotay mid muujinaysa dayaca iyo maamulxumada ka jirta Madaarka.

Top


Golaha Wakiilada: Dareenka iyo Doodaha.

Hargeysa (Haatuf): Golaha wakiiladda ayaa fadhigii shalay soo qaaday muddo kordhintii labada Gole, oo ay beryahan aad u hadal hayeen saxaafadda Somaliland iyo bulshaduba, kulankaa shalay Gudoomiyaha golaha wakiiladda ayaa u sheegay mudanayaasha inay beryahan dambe saxaafadda Somaliland aad u hadal hayso muddo kordhintaa, wuxuuna sheegay inay tahay arrintaasu mid sharciya hadal haynteedu ay tahay mid khaldan.

Waxa kale oo jiray mudanayaal si cadho leh arrintaa uga hadlay, oo u arkayey inay khalad tahay in la soo qaado muddo kordhintaa, laakiin tan iyo markii ay xukuumaddu soo jeedisay in loo kordhiyo muddada labada gole waxay arrintanu ahayd mid ay aad uga soo horjeedeen xisbiyadda mucaaradka ah, iyaga oo u arkayey inaan wax talo ah lagala yeelan iyo muddad oo dheer.

Sidoo kale waxa jiray aragtiyo ka soo horjeeday muddada intaa le’eeg ee ay isku kordhiyeen labada gole, taas oo mararka qaar lagu tilmaamay mid aan qiilba loo hayn, hase yeeshee waxay arrintanu dareenka dadka dib ugu soo noqotay markii la soo afjaray tartankii doorashooyinka madaxtooyada, kuwaas oo uu guulaystay xisbiga Xukuumadda ee UDUB oo xiligaa talada hayey, laakiin wixii ka dambeeyey dhawaaqii natiijadda doorashada waxa soo baxayey dareemo iyo dhawaaqyo lagaga soo horjeedo muddo kordhinta labada gole, kuwaas oo dalbayey in la soo dedejiyo doorashooyinka baarlamaanka, si loo helo xukuumad dhamaystiran, oo ka soo dhex baxday nidaamka xisbiyada iyo hanaanka dimuqraadiyadda.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa xiligan u muuqda inay taageero intii hore ka badan u heleen doodooda ah, in la soo dedejiyo doorashooyinka baarlamaanka, taas oo suurta gelinaysa jiritaanka xisbiyo mucaarad ah, oo ka muuqda golayaasha baarlamaanka, isla markaana ay kaga qayb qaadan karaan talada hanaanka siyaasadeed iyo sharciyadeed ee qaranka.

Xisbiyadda mucaaradka ah ayaa ku celceliyey inaanay sharci ahayn muddo kordhinta golayaashu, iyaga oo ku tilmaamay inay noqonayso baarlamaanka beelaha ah iyo xukuumadda la soo doortay sidii qof kabo kala kaan ah gashan, oo aan wada shaqayn karayn.

“Dawlad ku timid doorasho, marka aanay helin baarlamaan la soo doortay, waxay noqonaysaa qof sita laba kabood oo kala jaad ah” sidaa waxa yidhi Faysal Cali Waraabe gudoomiyaha xisbiga UCID mar uu ka hadlayey muddo kordhinta golayaasha baarlamaanka.

Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ugu weyn ee KULMIYE Axmed Siilaanyo ayaa isaguna ku celceliyey inaan loo baahnayn in la iska indho tiro baahida loo qabo in la helo baarlamaan ay dadku soo doortaan. Mudane Siilaanyo waxa uu tilmaamay in xisbiyada mucaaradka ahi ay yihiin aqlabiyadda bulshada, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in dadkaa taageerayaashooda ahi ay wakiilo ku yeeshaan baarlamaanka.

“Dadku waxay u baahan yihiin golayaal metela, oo ay iyagu soo doorteen” sidaa waxa yidhi Mudane Siilaanyo oo ka hadlayey mawduuca muddo kordhinta, wuxuuna isaga hoosta ka xariiqay inay tahay arrin aan waafaqsanayn dastuurka Qaranka.

Guddiga Doorashooyinka oo dhawaan soo saaray warbixin ay kaga hadlayeen doorashooyinkii dhacay ayaa soo jeediyey in la soo dedejiyo doorashooyinka baarlamaanka, si loogu dhamaystiro nidaamka Dimuqraadiyadda iyo hanaanka xisbiyadda badan, isla markaana loo helo xukuumad dhamaystiran oo ku timid doorashooyin, waxayna intaa ku dareen inay hayaan kharash baaqi ka noqday doorashooyinkii madaxtooyadda, isla markaana haddii loo galo dedaal sidii loo qaban lahaa doorashooyinkaa ay qabsoomi karaan xag maamul iyo xag maaliyadeedba.

Waxa kale oo jira aragtiyo iyo talooyin dhiiri-gelinaya in la soo dedejiyo doorashooyinka baarlamaanka, kuwaas oo ka imanaya diblomaasiyiinta shisheeye oo qaarkood ay dhawaan dalka yimaadeen, isla markaana ku balan qaaday inay kaalintooda ka qaadan doonaan kharashka ku baxaya doorashooyinkaasi.

Sidoo kale dadka u dhuun-daloola arrimaha siyaasadda ee Somaliland ayaa iyaguna muujiyey sida loogu baahan yahay in la dhamaystiro nidaamka dimuqraadiga ah, taas oo suurto gelinaysa jiritaanka xisbiyo mucaarad ah oo ka hana qaada dalka, waxayna aragtiyahaasi qabaan haddii aanay helin axsaabtu inay wax ku yeeshaan talada dalka, iyo golayaasha sharci dejinta, inay taasi keeni karto inay shiiqaan axsaabta mucaaradka ahi. Taas oo waxba kama jiraan ka dhigaysa hanaanka aynu geedi u nahay.

Sidoo kale maalmo ka hor waxa golaha wakiiladda warbixin uu kaga hadlayo shirar muhiim ahaa oo uu ka qayb galay ka jeediyey Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ah aqoonyahanada u ololeeya qaddiyada Somaliland ayaa mar uu ka hadlayey sida loogu baahan yahay dhamaystirka nidaamka dimuqraadiyadda iyo tartanka doorashooyinka golayaasha xeer dejinta, waxa uu xusay aragtida ku saabsan doorashayoonkii dhacay Somaliland iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in la dhamaystiro, laakiin warbixintaa ka dib waxay mudanayaasha qaarkood aad uga cadhoodeen soo hadal qaadka mawduuc la xidhiidh doorashooyinka baarlamaanka, iyada oo mudane ka tirsan baarlamaanku inta uu istaagay yidhi “Waxaan joogay 10 sanadood inaan ka tagana dooni maayo, waayo ka aan u banaynayo, kursiga waa inaan wax uga sii tagaa, haddii lacag kasta loo hayana xiligan lama qaban karo doorashooyin”. “Maxaa doorashooyinka baarlamaanka dabar looga dhiganayaa” sidaana waxa yidhi mudane kale oo cadho kaga jawaabaya soo jeedinta in la soo dedejiyo doorashooyinka baarlamaanka.

Laakiin taa macneheedu maaha in mudanayaasha baarlamaanku ay ka soo wada horjeedaan in la soo hormariyo doorashooyin baarlamaanka, tusaale ahaan mudane C/Qaadir Jirde oo ah gudoomiye ku xigeenka golaha wakiiladda ayaa dhawr jeer ku ceceliyey sida loogu baahan yahay inay axsaabtu hana qaadaan, si aanay u shiiqin, wuxuuna soo jeediyey, inay xukuumaddu gacan qabato, oo ay talada dalka wax ku yeeshaan, iyo in la helaan mudanyaal ay ku yeeshaan golayaasha sharci dejinta.

“Maanta Adduunka waxaynu ugu faani karnaa waa axsaabtaa mucaaradka ah ee soo baxday, haddii aan la gacan qabana waa hubaal inay shiiqayaan, taas oo Somaliland ku ah guul darro weyn” sidaa waxa yidhi mudane C/Qaadir Jirde.

Si kastaba ha ahaatee waxa jira dareemo cadho leh oo ay mudanayaasha labada gole ka muujiyaan marka la soo qaado doodaha ku saabsan arrimahan iyo talooyinka laga soo jeediyo, tusaale ahaan markii ay guddida doorashooyinkii soo jeediyeen talooyinka aynu kor ku soo sheegnay waxay ugu hanjabeen qaar ka mid ah golayaashu inay iyaga (Guddida Doorashooyinka) ay kalsoonida kala noqon doonaan, haddii ay fari gelin ku sameeyaan muddo kordhintaa, sidoo kale maalintii shalay waxa uu gudoomiyaha golaha wakiiladda Mudane Qaybe ayaa mudanayaasha hadal kooban oo uu jeediyey ku soo qaaday arrintan, oo uu ku tilmaamay mid ay hadal haynteedu aad u badantahay, isla markaana aan xaq loogu lahayn in hadal laga daba keeno, oo ay tahay mid sharciya.

Si kastaba ha ahaatee waxa inta badan doodaha lagu soo qaado arrimahan lagu soo bandhigaa baahida loo qabo baarlamaan la soo doortay oo ay mucaaradku ka muuqdaan ay tahay danta somaliland, isla markaana waxay su’aalo ka taagan yihiin sida ay u wada shaqayn karaan madaxweyne la soo doortay iyo mudanayaal hab beeleed ku yimid, waxayna arrintanu u muuqataa, mid caqabad ku noqon karta himilooyinka iyo ujeedooyinka mustaqbalka Somaliland.

Haddaba marka la isku soo xooriyo waxa muuqda dareen cadho oo ka yimaada dhinaca mudanayaasha labada gole marka laga hadlayo arrintan, laakiin waxa taa ka soo horjeeda diidmo xoogan oo isa soo taray oo ka imanaysa dhinac ra’yul caamka iyo danta Somaliland sida ay ku jirto.

Top


Wasiiradda Maaliyada iyo Ganacsiga oo la shiray Ganacsatada.

Haargeysa(Haatuf): Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Wershedaha Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa shalay kulan la yeeshay ganacsatada waaweyn ee keenta badeecadaha kala duwan, kulankaas oo ka dhacay Xarunta Rugta Ganacsiga ee somaliland, waxa wasiirada iyo Ganacsatada waaweyn ku weheliyay Godoomiyaha Rugta Ganacsigsa, C/raxmaan Faarax Sugaal, waxaana kulankaa lagaga wada hadlay sidii ay Ganacsatada iyo Xukuumadu u wada shaqayn lahaayeen.

Waxyaabaha labda dhinac ka wada hadleen waxa ka mid ahaa, sidii ay Ganacsatadu u bixin lahaayeen Cashuurtii ku baaqatay . Wasiirka Maaliyada Xuseen Cali Ducaale ayaa u sheegay Ganacsatada in loo baahan yahay inay Baayacmushtarku yeeshaan xisaab xidh ay ku dhaqmaan, taasoo ay u keenayaan Xukuumada si ay dawladu u eegto qof walba wixii kusoo beegma dakhli sanadeed ee uu bixin karayo.

Wuxuuna ka waramay Tijaar hore oo uu garanayo oo maalkooda aan ka bixin jirin Cashuur, Sadaqad iyo Seko toona, kuwaas oo aan la garanayan meel ay ku danbeeyeen.

Wuxuuna ku booriyey tijaarta inay waajib tahay inay u soo xereeyaan dawladda wixii cashuura ee ku waajibay, taas oo ay dawladdu ku daboolayso baahiyaha bulshada, sida dugsiyada, cusbitaalada iyo adeegyada kale ee ay bulshadu u baahantahay.

Wasiirku waxa uu intaa ku daray inay tijaartu xaq u leeyihiin inay ogaadaan halka ay marto cashuurta ay dawladdu ka qaado, taas oo loo baahan yahay inay dhinacooda dawladda ku ilaaliyaan.

Wasiirka ganacsiga iyo wershadaha Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isaguna hadal dheer oo uu halkaa ka jeediyey uga waramay tijaarta kaalinta iyo doorka ay ku leeyihiin horumarka bulshada, wuxuuna sheegay inaan loo baahnayn inay tijaartu badeecadaha ay keenaan ay iyagu tafaariiqeeyaan, balse loo baahan yahay in la kala xadeeyo baayac-mushtarka, wuxuuna tusaale u soo qaatay badeecadaha faraha badan ee dalka dibadiisa ka yimaada, kuwaas oo aan qaarkood loo baahnayn.

Tijaartu waxay kulankaa ka soo jeediyeen cabashooyin ay kaga cabanayaan, cashuuraha qaaliga, iyaga oo tusaale u soo qaatay dekedda Berbera, waxa kale oo ay tijaartu sheegeen inaanay dawladdu la tashan marka ay arrimaha cashuuraha wax ka bedelayso.

Waxa kale oo ay soo jeediyeen sida loogu baahan yahay in la helo Bangi madax banaan oo ka shaqeeya arrimaha ganacsiga.

Wasiirka ganacsiga ayaa kulankaa ka qiray inay dekedda Berberi tahay mid culays badan cashuurteedu ku hayso ganacsatada, waxayna wasiiradu balan qaadeen inay xukuumad ahaan wax ka qabanayaan cabashooyinka ay soo jeediyeen tijaartu.

Gabagabadii kulankaa waxa la isla gartay sidii loo xoojin lahaa, wada shaqaynta ka dhaxaysa ganacsatada waaweyn iyo xukuumadda.

Top


Dablay Hubaysan Oo Shalay Soo Weerartay Madaarka Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf): Dablay hubaysan ayaa shalay soo weerartay abaaro tobankii iyo badhkii subaxnimo weerar gaadmo ah ku qaaday madaarka magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku dhaawacmeen saddex askari oo ka tirsan ciidanka booliska ee ka hawlgala garoonka diyaaradaha, waxayna waxyeelo u gaysteen laba ka mid ah diyaaradihii rakaabka ee wakhtigaa garoonka ku sugnaa.

Dablaydan oo watay ugu yaraan laba gaadhi oo ah nooca loo yaqaan MarkII, waxay garoonka kaga yimaadeen dhinaca oogada, waxaanay gaadiidkii ay wateen kaga degeen iyaga oo hubaysan gegadii ay taagnaayeen diyaaradaha shirkada Daallo, Star iyo Gallad, waxaanay tacshiirado rasaas ah huwiyeen askar bilays ah oo aan hubaysnayn, oo isku dayey inay ladqabeeyaan, dablaydii, ee sida kediska ah u soo gashay garoonka, waxaana halkaas dhaawac ka soo gaadhay saddex askari oo ka tirsan bilayska, taas oo keentay inay bilayskii kale ee ku sugnaa madaarku ay u cararaan dhinaca saldhiga bilayska madaarka, oo ilaa boqol talaabo dhinaca woqooyi ka xiga dhismaha guud ee madaarka.
Weerarkan dablaydu wuxu dhacay xili uu madaarku mashquul ku yahay kala hagista duulimaadyada diyaaradaha ee rakaabka u qaada dhinaca dalalka Emaraadka , Sucuudiga, Djibouti iyo Yurub.

Ciidanka bilayska madaarka ayaa markii dambe dablaydii hubaysnayd garoonka ka saaray, ilaa 15 daqiiqo ka dib markii ay garoonka soo galeen. Hawlgalkaas waxa sida la sheegay bilayska kaga dhaawacmay Cabdi Cali Good, Saalax Xuseen C/laahi iyo Cabdi Ibraahim ismaaciil, iyada oo ay bilaysku hawlgalkaas gacanta ku dhigeen shan nin oo ka tirsanaa dablaydii weerarka soo qaaday, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Cali Waraabe oo ka tirsan ilaaliyayaasha Shirkadda Star uga shaqeeya madaarka, oo Cusmaan Cali Xuseen iyo Saleebaan Kalaas oo dhaawacii u dhintay ka dib markii la keenay cusbitaalka.

Intii aan madaarka laga saarin dablaydu waxa ay koreen labada diyaaradood ee kala leeyihiin (kiro), labada shirkadood ee Daallo iyo Gallad, waxaanay labadii diyaaradood gaadhsiiyeen waxyeelo aan weli la ogeyn inta ay baaxadeedu tahay.

Hase yeeshee labadii diyaaradoodba waxay xalay ku negaadeen garoonka Hargeysa, ka dib markii ay cilado farsamo ka soo gaadheen rasaastii dablayda.

Afhayeen u hadlay shirkadda Daallo shalay galab ayaa sheegay in waxyeelo dhinaca dabka ahi soo gaadhay diyaaraddii u kiraysnayd oo ah nooca loo yaqaan IL-18 (IL-yooshan 18) oo qaada 110 rakaab ah.

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in rakaabkii ay qaadi lahayd diyaaraddu oo u socday dhinaca Dubia ay raaceen diyaarad kale, oo ay shirkadu isla shalayba u soo duday dhinaca Hargeysa.

Taliyaha booliska Somaliland C/Qaadir Muuse oo weriyayaal Haatuf ka tirsan ay kula kulmeen madaarka wax yar ka dib markii ay dablaydu halkaa soo weerartay ayaa ka gaabsaday inuu wax ka sheego sababta ay dablaydu u soo weerartay madaarka.

Hase yeeshee sida dad badani rumaysan yihiin weerarkani wuxuu ku lug lahaa xadhiga Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare), oo sabtidii dhaweyd ay ciidamada amaanku jeelka Hargeysa u taxaabeen, ka dib markii ay ka qabteen garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa.

Top


RAADYOW MA QALOOCSHE, A. A. Garas.

Halkani waa raadyow ma qaloocshe oo aydinka dhegaysatan mawjadaha kaftan aqoonka iyo hirarka gaagaaban ee ilaaq abuurka.

Akhyaartayada indhaha cad-cadow, waxaad ku soo durugtaa warkii dunida.
Warkii oo la ganteeyay.

Dagaal seel-seeli dad iyo dayuurado lagu cawaray ayaa shalay daf laysku yidhi istaanka dayuuradaha ee Cigaal Boori eer, kadib markii dablay xaragoonaysay oo laba tagsi ku soo duulay ay karbaash la dhaceen dayuuraddo xaqanaas oo istaanka ka rakaabsanayay. Waxa kaloo ay rasaas ka dhergiyeen dablaydaas dagaal seelseeliga soo qaaday oo ahaa rag maleeshiyana ka dhaadheer, mayo-aloolna ka gaagaaban, ciyaala suuqna ka waaweyn.

Duulaankaa waxa iska reebay askartii istaanka iyo kaariyadii garoonka. Duulaankaas waxa ku heermay oo nabaro ka soo gaadheen saddex duullane iyo saddex difaace oo boolis boodhka joogay, waxaana ku qudh waayay hal nin. Dagaalkani waxay ku soo beegantay xilli askarta madaarku bilaa qori ku ciyaarayso oo balaayo ka baydhsan tahay. Askari dable sare ah oo garoonka joogay oo aan waydiiyay siday dablayda ugu suurto gashay in ay garoonka dhexdiisa gasho oo dayuurka xaqanaas inagu layso? Wuxuu ku jawaabay; “Annaga oo cashuurta kala horeyna ayaanu aragnay tagaasi garoonka dhex yaacaysa, waxaanu moodnay Ciidagale iska ciyaaraya oo doonaya in ay tagaasida sida dayuuradaha u duuliyaan, balse markii dambe waxaanu aragnay nimankii oo intay dayuuradihii fuuleen wadnaha rasaas kala dhacaya.”

Waad ka yaacdeen baa la yidhiye ma runbaa? “Oo maxaanu u yaaci waynay, saw sahra tuugo garande ahi nama helin.” Oo dabadeedna? “Dabadeedna dagaal hoolmaan, tuu diyaaradood kambashu daaydh, xafiisyadii xabadu wiif-wiif.”

Dablaydan loo malaynayo in ay ahaayeen argagixiso is-magacawday, waxase wararku sheegayaan in ragaasi ay ahaayeen dad Jaamac Yare u dirir ah oo ka xanaaqsan xadhiga lagu soo dhaweeyay, kadib markii Federaalnimo laga furfuri waayay, kaas oo dayuurad wax kale u jeed ahi dhaxdin kula soo martay magaalada Hargeysa.

Odaygan ibtiladu ka dhacday oo la yidhaa Jaamac Yaroobe, waxa soo xidhay Ismaaciil Yaroobe oo ah wasiirka ammaanka iyo arrimaha gudaha, kaas oo lagu eedeeyay falal ay ka mid yihiin Federaal la meermeer iyo ambaasidoor arkiwaa iyo Shankaroon ka shaki iyo shuqulo kale.

Odaygan oo la sheegay inuu yahay boolatiishan weyn oo balaayada Banaadir uga yimi, kaas oo dantiisa fariid ku ah, balse dadka qaar u yaqaaniin nin carqalad gelinta Ciidagale caano uga fududahay, kaas oo ka mid ahaa macalimiintii nacasnimadii sokeeye iskaga soo horjeeday xilligii Alla ha u naxariisaygii isu soo ururinayay Jaamac Yaroobe oo ka mid ahaa ragii odaygaasi inkaarta kaga dhintay.

Waxa wararku sheegayaan markii dawladda iyo daa’uud ay awgii isku seegi gaadheen shalayto galabtii lagu yidhi: “Adeer, waxaad sidatay sido oo xageenu ku geynaa.” Kaas oo u yidhi; “Djabuuti igu celiya.”
Inkasta oo aanay ii suuro-gelin in aan waraysto Jaamac Yaroobaha laftiisa, haddana waxa la sheegay in isaga laftiisu aad uga cadhooday falkan Gaashaanbuur-gadoodka ahaa, kaas oo aanu raali ka ahayn, isaga oo aan doonahay in fikirkiisa Fedaraalnimada ahi fadqalalo abuuro.
Wasiirka ammaanka iyo arrimaha gudaha, Ismaaciil Yaroobe ayaa dadka qaar wax ka saareen xadhiga yaroobaha kale, kaas oo ay yidhaahdeen “tolow UDUB iyo federaaladu way is fahmi jireene, Jaamac mayuu keni adkaaday.”

Ismaaciil Yaroobe, ayaa warbaahinta ku yidhi, “waa oday weyn oo haddana garan la’ in Somaliland dawlad tahay oo ilaa imika gobol u haysta.” Xadhigiisa mar uu ka hadlay wuxuu yidhi: “Xukun dawladeed baa lagu xidhaye, xisaab samarbaa laguma xidhin.”

Habar nabadgelyada u halganta oo hay sheegin igu tidhi ayaa iigu warantay, “Dadku waa dawakhsan yihiin, nabaddana aanu helno, dadka fidnada wada yaan la xidhxidhin, xagay ka waalan yihiin,” iyadoo guul-wadanimadeeda sii wadata waxay tidhi; “Jaamac baa la xidhay baa leedihiine, Jaamac ma nuur buu ka samaysan yahay, sawtii Suldaankii iyo Saleebaanba inta la xidhay aan dayuuradna loogu aarin.”

Mid kale ayaa tidhi; “Eesh calaa dawlad, waar dawladii waatii garoomadeeda la soo weeraro, sidii Maraykan.”

Si kasta ha ahaatee, arrintani waxay ka nixnixisay dadweyne nabad ku calaacalka ku jiray, kuwaas oo ku waramay in ay waxay daayeen dib u bilaabeen.

Dhinaca kale, xukuumadda iyo UDUB waxa lagu yidhi, “Dawladiinii tayada lahayd, ma tan tobanka nin ku dhex tooganayaan dayuuradaha ee kari wayday in ay soo qabato tagsiyadii.”

Gabay - Asli Internet.

Kooxaha shiraayee
Fadhiya Kiinayada hoose
Kaabulada islaayayiyo
Habraha kow iskaga siiyay
Kursi laysu qaatiyo koob
Ama kubaayaadka
Kibligaatka kala qabanayee
Kala kaxaynaaya
Ka kac iyo ku ladi maysid
Iyo kaalay naga qaada
Kun baan dilay
Kun baan dhaawacayiyo
Kuman kalaa laayay
Kana kulul
Kanaa soo kalahay
Kanina waa diiday
Kadhkadhiyo iskala jiidkiyo
Kabadho jiidhjiidhka
Kibaakiga u yeedhyeedhashada
Kaarto weyn ma lahe’e,
Kaftan kuma hadlaaye
Haddii laysku kululeeyo
Koofiyadahaad tuuraysaan,
Amase dhawr koodhe,
Kabtan janan ku soo kidiyay
Waa inuu kashleeyaaye
Kabisee waxaad doonaysaan
Kaba layaaciiye,
Koonfurey na daa
Waxaanu nahay
Kuwaad tiqiineene.

Kontonkaa waxaan karin jiriyo
Kimista qaarkeed dheh,
Kuukuuyo ururtiyo
Islaan kabaysa ceesaan dheh,
Kadaloob nin weyniyo
Wasiir kuududsaday meel dheh,
Kuray kadin dameera watiyo
Kaarayaal qaxay dheh,
Ku kalana hadaan odhan lahaa,
Waa karaahiyo dheh.

Kolkii aan halkaa marayay
Baan kaahiyay naxaye,
Kibirkiyo isqaadqaadku
Waa ku aan haboonayne,
Kala roorkii shalay yaabayiyo
Kolanyadii jaane,
Kalabaydh anoo joogoo
Kolay ku meeraaya,
Kiishiyo war kabadh lagu sidoo
Habari koonlaysay,
Oo aan ka diday baan maqlaye
Kaalay ila qaada,
Kiishadaha ragii xidhan jiree
Kaalmada ku raadsha,
Kiiloo mid soo helay
Haddii jeelka lagu kaydshay,
Waa tii kuwii yimi la xidhay
Kiimamkii hore’e,
Ma kanaa wax dheer
Waan arkaa kor isku qaadkaase,
Ninna koodhka kama faani karo
Kamana weynayne,
Kaambaynka waxa loo ahaa
Yay iskaarihine,
Kiro kii la soo siiyo
Ee dib ula soo kaaja,
Kurkiyo wuxuu waayayaa
Kubada qaarkeede,
Kumanaan horaa nagaga maqan
Reerkii kildhaan ahaye,
Kasba nimaan lahayn bay hodaan,
Kaash xambaaraduye,
Kuubaan sidiisii
Dadbay kadabyo gooyaane,
Kud cunooyin waa waxa cawaray
Kaalinta u jooge,
Karamaadu waxay kaga luntaa,
Kimis yar doondoone.
Kariimow Allow noo gargaar,
Kaamil baad tahaye.

Top


Golayaasha Deegaanka Waxa Iskaga Khaldan Fulintii Iyo Hawsha Golaha Deegaanka, “Saaxiibadaydii Lahaa Wax Baanu Badalnayoow Aniga Waad Igu Degdegteene C/qaadir-na Ha Ku Degdegina,” Duqii Hore Iyo Xafladii Xilwareejinta Gebilay.

Gebilay (Haatuf): Xarunta dawlada hoose ee Gebilay ayaa shalay lagu qabtay xaflad ay xilka kula kala wareegayeen maayarka cusub ee degmada Gebilay C/qaadir Axmed Cumar Giriig iyo maayarkii hore ee degmada Gebilay Muxumed Geele Seed.oo ay horaantii todobaadkan xilkii ka qaadeen golaha deegaanka ee gebilay, islamarkaana ay doorteen maayar cusub.

Xafladii xil-wareejinta oo ay ka soo qayb galeen wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Jaanbiir , badhasaabka Gobolka Hargaysa C/laahi Shabeel Guure (C/laahi ciro,), mudanayaasha golaha deegaanka Gebilay,, shaqaalaha Dawlada Hoose iyo marti sharaf ka socota dadweynaha reer Gebilay.

Waxa ugu horeyn halkaa ka hadlay xog-hayaha fulinta dawlada hoose Maxamed Ciise Dhargiye waxaanu hadalkiisii ku bilaabay: “Anigu intii aan joogay waxa xilka la kala wareegay afar gudoomiye, waxaan ugu imid Xasan Xaaji waxa kala wareegay Abiib Xasan, isna waxa kala wareegay Muxumed Geele maantana wuxuu ku wareejinayaa gudoomiyaha cusub C/qaadir Axmed Cumar Giriig” intaa ka dib Cabdi Aw Xereeye oo ka mid ah golaha deegaanka ayaa halkaa ka hadlay wuxuuna yidhi isaga oo dadweynaha la hadlaaya: “Dadweynoow walalayaaal 21 kayaga si uunbaa noo soo wada doorateen, ninka aanu gudoomiye ka dhignona anaguun-baa ka dhigna, kaanu ka qaadnana anaguunbaa ka qaadnay, ayaan loo arkin inaanu dan gaar ah u bedelnay, iyo dan shkhsi waxaanu u bedelnay waa danta ummadda, anaga oo is-leh wax hagaajiya waxna toosiya”.
Wuxuuna intaa ku daray inuu dedaalkoodu yahay inay sare u qaadaan hawsha ay u hayaan dadka.

Ka dib waxaa isna halkaa ka hadlay wasiirku ku xigeenka arrimaha gudaha Mudane Axmed Jaambiir waxaanu yidhi “anigu waxaan halkan u imid inaan labada oday ee xilka la kala wareegaya u goob joog ka noqdo, Ilaahay ha ku garab galo hawshan loo xilsaaray, golayaasha deegaanka waxa iskaga khaldan fulintii iyo hawsha golaha deegaanka, waxaana haboon in golaha deegaanku ku ekaadaan shaqadooda oo kaliya, wixii hawl la qabanayo ku wareejiyaan fulintooda, fulintuna waa inay fuliyaan wixii ay gaadhaan golaha deegaanku”.

Intaa ka dib waxa halkaa ka hadlay duqii hore ee Gabiley Muxumed Geelle Seed, isaga oo ka waramay waxqabadkiisii muddadii uu xilka hayay, isaga oo sheegay inuu qabtay mashaariic badan.

“Saaxiibadaydii lahaa wax baanu bedelaynaayow, aniga waad igu deg-degteen, ee saaxiibkay C/Qaadirna ha ku deg-degina, waanan ku soo dhaweynayaa saaxiibkay, anigu halkan kumaan iman xoog, ee golaha ayaan xubin ka ahay, haddii wax la toosinayo waxaan ka mid ahay kuwa wax toosinaya, haddii wax la kharibayana anigu ka mid noqon maayo kuwa wax kharibaya” ayuu yidhi Muxumed.

Ugu dambayn waxa halkaa ka hadlay duqa cusub ee Gabiley C/Qaadir Axmed Cumar (Giriig), isaga oo u mahad naqay duqii hore, “Anigu odhan maayo waxaas iyo waxaasaan qaban doonaa, laakiin wixii golaha deegaanku soo gooyaan ee dadweynuhuna doonayo ayaanu qaban doonaa” ayuu yidhi. Wuxuuna ka codsaday golaha deegaanka iyo dadweynahaba inay la shaqeeyaan maayarka cusub ee aan keligii hawsha lagu eegin.

Top


Khilaaf Ka Dhashay Qaxootiga Ku Qul-Qulaya Talyaaniga.

Qulqulka ugu dambeeyay ee soo galitaanka sharci darada ah ee xeebaha koonfureed ee Talyaaniga, ayaa khalkhal iyo kala qaybsanaan ku dhex abuuray dowladda midigta dhexe.

Kuwii ugu dambeeyay ee yimaada waa ilaa boqol iyo konton qof oo ka soo tagay wadamada ka hooseeya Saxaraha, kuwaasoo isugu jira ilaa labaatan haween iyo caruur ah oo doontii ay saarnaayeen ay qasab noqotay in la badbaadiyo.

Waxaa la kordhiyay kormeerka badda ku hareeraysan jasiiradda yar ee Talyaaniga ee Lampedusa, iyadoo laga cabsi qabo in hawada oo wanaagsanaatay ay keento in ay soo jiidato kooxaha ka ganacsada kala gudbinta dadka in ay soo galaan safarka qaadanaya tobanka saacadood ee looga soo baxo xeebaha waqooyiga Africa.

Qulqulkan soo galootiga ah oo u muuqda mid aan la joojin karin, ayaa wuxuu ku abuurayaa kala qaybsanaan aad u wayn dowladaha isbahaystay.
Ururka reer waqooyiga oo doonaya in doomaha lagu soo safro xoog dib loogu celiyo, ayaa ugu baaqay wasiirka arrimaha gudaha, Beppe Pisanu in uu xilka ka dego, iyagoo sheegay in uu ku dhiiran waayay in uu wax ka qabto arrintan.

Waraysi uu wargays siiyay shalay, ayaa Mr Pisanu uu ku celiyay in dadka ay dhibaatadu ku haysato badaha ay tahay in la badbaadiyo, oo ay tahay in dhibaatada lagu xaliyo iyadoo runta la taabanayo ee aan la iska qaylin ama la is aflagaadayn.

Ururkan kuwa kale ee ay isbahaysiga yihiin sida Forza Italia iyo alleanza nazionale, ayaa si xoog leh u daafacay shaqada wasiirka uu qabtay.

Qaar badan oo iyaga ka mid ah, waxay aad uga sii xumaanayaan dhaqan xumada hogaamiyaha ururka reer waqooyiga Umberto Bossi.

Mid ka mid ah wasiirada dowladda, ayaa sheegay in ay wanaagsan tahay in qatarta la wajaho intii si joogto la isku hayshaysan lahaa.

Mucaaradka, ayaa sidoo kale difaacay Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxaana ay ku baaqeen dood deg deg ah in baarlamaanku uu todobaadkan ka yeesho arrinta soo galootiga.

Top


Shir Laga Yeeshay Dib-U-Dhiska Ciraaq.

Saraakiisha QM ee gargaarka ayaa sheegay in dalabkaan deeqda ah ee ugu dambeeya loogu talo galay in wax looga qabto baahida hadhsan ee ciraaqiyiinta ilaa iyo sanadka dabo yaaqadiisa.

Marka laga gudbo qiimayntii lagu saadaaliyin cunoyarida ka jirta Ciraaq ka hor dagaalka uu Mareykanku horseedayey ee lagu qaaday Ciraaq, hase yeeshee dadka reer Ciraaq dhibaatadaa uga gudbay si ka wanaagsan sidii la filayey. Iyadoo la sheegayo in dadka reer Ciraaq in ay si weyn ugu tiirsan yihiin cududda gargaarka ee Qaramada Midowbay iyo hay'adaha kale ee gargaarka.

Qaramada Midowbay waxay sheegaysaa in ay aad ugu qanacsan tahay kharashka lagu bixiyo cunadda keydka ah iyo daruuriyaadka kale sida adeega caafimaadka iyo dayactirka adeegyada aasaasiga ah.
Saraakiisha Qaramada Midowbay ayaa sheegaya in uu ku talgalkoodu yahay inta badan laga gudbo wajiga gargaarka aadaninimo sanadkan dhamaadkiisa.

Markaas oo ay rajadu tahay in la bilaabi doono dib-u-dhiska dalka ee mudda dheer. Arrimahaas ayaa waxaa laga wadaxaajoon doonaa maanta oo Salaasa ah.

Waxaana ka qeyb qaadanaya wadaxaajoodkaas,Hay'adaha Qaramada Midowbey, wakiilo ka kala socda dowladaha xooga ku heysta Ciraaq ee Mareykanka iyo Britian iyo tiro yar oo shaqaale dowladeed Ciraaqiyiin ah, kuwaas oo loo magacaabay maamulka ku meel gaarka ah ee magaalada Baqdaad.

Kulankan waxaa loo arkaa in uu hor u dhac u yahay kulan ka weyn oo la qorsheeyey in la qabto bisha September ee sanadkan oo isna looga hadli doono qorshaha dib u dhiska Ciraaq.

Top


Ra’iisal-Wasaaraha Hindiya Oo Booqday Shiinaha.

Heshiisyada India iyo Shiinaha, waxaa looga gol leeyahay sidii loo kordhin lahaa iskaashiga labada dhinac ee Sayniska iyo technologyogada, ganacsiga iyo waxbarashada.

Labada wadan waxay kaloo go'aansadeen in ay ka wada shaqeeyaan horumarinta adeegyada bulshada gaar ahaan dhinacyada quwadda iyo khayraadka biyaha.

Waxaa kaloo ay kala saxiixdeen heshiis la xidhiidha fududaynta dalku-galka labada dal, iyadoo labada ra'iisul wasaare ay isla ogolaadeen in la sii dardargaliyo isdhexgalka labada bulsho ee Shiinaha iyo India, iyo in la aasaaso xarumo dhaqan.

India iyo Shiinaha labadaba, waxay ku adkaysteen in loo baahan yahay iskaashi dhaqaale oo dheeraad ah, si loo laba jibaaro dhowrkii sano ee kasta ganacsiga sanadkiiba ay ku baxdo ilaa shan billion oo doolar.

Kulanka u dhaxeeyay labada ra'iisul wasaare, waxaa ka horeeyay soo dhowayn aad u wayn oo loo sameeyay hogaamiyaha India ee booqashada ku joga Shiinaha.

Qodobada aan laga wada hadlin waxaa ka mid ah muranka xadka, Tibet iyo xukuumadda Delhi waxa ay u aragto taageerada xukuumadda Beijing ay siiso xukuumadda Islamabad ee Pakistan.

Hase yeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibedda India Yashwant Sinha, ayaa u sheegay weriyayaasha in labada dhinac ay xooga saarayaan dhinacyada labada dalba faa'iidada u leh, isla markaana ay labada dhinacba ku dadaadalayaan in xal nabadeed loo helo farqiyada u dhaxeeya.

Top


Wargeysyada Caalamka ee Todobaadkan.

The Observer.

Wargeyska The Observer ee maalinta Axadda ka soo baxa dalka Britaina ayaa daabacey maqaal uu kaga hadlayo baaq boqorada Britian ku lumineyso madaxtimada Kaniisada England.

Wargeysku waxaa uu qorey isaga oo soo xiganaya warbixin weyn oo ka hadeysa boqortaayada, in boqorada ay tahay in laga qaado magaca ah in ay tahay madaxa ugu sareeya ee Kaniisada England, si qoyska boqortooyada ay si wanaagsan uga muuqato in dalka Britain uu yahay dal ay ku wada dhaqan yihiin dad isiro kala duwan iyo diimo kala duwan leh.

Wargeysku waxaa uu intaa ku darey, warbixintan ay soo saareen gudi howshiisa wadey muddo sanad ah, oo ka baaraandagayey mustaqbalka Boqortooyada ayaa soo jeediyey isbedelkii ugu weynaa ee boqortooyada lagu sameeyo tan iyo marka laga soo bilaabo Henry-gii Sideetaad ee u noqoday madaxa Kaniisada England.

Wargeysku waxaa uu sheegey in warbixintan la soo saari doono labada todobaad ee soo socota laguna soo jeediyey in boqoradu ay noqoto madaxa dalka oo aysan u go'naan diin gaar ah.

Wargeysku waxaa sheegey in gudiga soo saarey warbixinta in ay wadasheyn buuxda ka heleen qasriga boqortooyada, waxayna sheegayaan sida uu wargeysku qorey in aysan dooneyn in ay arkaan in burbur buuxa uu ku dhaco Kaniisada England, hase yeeshee, ay doonaayaan in Kaniisadu ay joojiso xidhiidhka ay la leedahay boqortooyada.

The Monitor.

Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa dalka Uganda ayaa qorey maqaal uu kaga hadlayo in madaxwene Musevene uu doonayo in uu mar saddexaad jagga madaxweynenimada uu helo.

Wargeysku waxaa uu sheegey Ra'iisal wasaare ku xigeenkii hore ee dalka Uganda, Eriya Kategaya in uu sheegey in madaxweyne Yoweri Musevene oo ka danbeeyo hindise wax looga badalayo qodob ku xusan dastuurka oo xadidaya inta goor ee madaxweynaha uu u tartami karo jagadda Madaxweynenimada dalka.

Sida uu qorey wargeysku, madaxweyne Musevene ayaa weydiistey shirkii Guddiga sare ee dhaqdhaqaaqa Qaranka ee la qabtey bishii March in la qaado xadidaada lagu soo rogey inta goor ee uu madaxweyne xukunka qaban karo.

Wargeysku waxaa uu intaa ku darey in madaweyne Museveni uu sheegey in uusan naftiisa u dooneyn waxa lagu sheegey xili seddexaad, hase yeeshee uu u doonayo in madaxweyne kasta uu u tartami karo xili seddexaad. Hase ahaatee, Mr. Kategaya oo isaga laftiisu ahaa Wasiirka Arrimaha Guddaha ka hor inta aan la badalin bishii la soo dhaafey, ayaa sida uu wargeysku qoray, ka soo horjeeda dooda madaxweyne Musevene.

Cukaaz.

Wargeyka Cukaaz ee ka soo baxa dalka Sacuudu Careebiya ayaa maanta waxaa uu daabacey maqaal uu kaga hadalayo kooxaha argagixisada ah ee Sacuudiga ka jira.

Wargeysku waxaa uu sheegey in shaley weerar ay ku qaadaan ciidamada amaanka ee sacuudiga guri ku yaala xaafadda Al-khaalidiya ee magaalada barakeysa ee Maka Al Mukarama, in ay ku dhinteen shan qof, toban kalena ay ku dhaawacmeen. Wargeysku waxaa uu sheegey in howlgalkaas lagu qabtey todobo qof oo ka mid ah kooxaha argagixisada.

Wargeysku waxaa uu intaa ku darey in kooxahaas iyo ciidamada amaanku in ay isweydaarsadee xabado, hase yeeshee ay kooxuhu galeen guri ku yaala xafadda Al Khaalidaya ee Maka, halkaas oo ay ku dhinteen laba ka mid ah ciidamadii booliska oo uu midkood uu yahay sarkaal seddex xidigle ah, ka kalena yahay wadihii baabuurka boliiska.

Waxayna ciidamad boliisku sheegeen sida uu wargeysku qorey, in gurgii nimankaasi ay galeen laga heley hub iyo waxyaabaha qarxa oo ka badan kuwii lagu qarixiyey dhawaan magaalada Riyaad.

Al Qudus Al Carabi.

Wargeyska Al Qudus Al Carabi ee ka soo baxa magaalada London ayaa isna daabacey warqal la sheegey in uu soo direy hogaamiyii la riday ee Ciraaq Saddaam Xuseen.

Wargeysku waxaa uu sheegey isaga oo soo xiganaya warqad faks loogu soo direy 12kii Bishan Jun in Saddaam uu ku hanjabey in uu weerar ku qaadi doono dowladda Ciraaq heysta.

Waxuuna ugu digey dadka ajnabiga ah ee Ciraaq hadda joogaa in ay isaga baxaa inta ka horeysa 17 bishan Juun oo uu wargeysku sheegey in ay ku beegan tahay maalintii la aasaasay xisbiga Albacthi Al carabi ee dalka Ciraaq.

Sida uu wargeysku qorey waxaa kale oo uu Saddaam warqadiisa uu ku sheegey in uu mar dhow qaadi wajigii koowaad ee dagaal looga xoreenayo Ciraaq ciidamada Ajnabiga ah ee heysta.
Waxaa kale oo warqada Saddaam ku xusan sida uu wargeysku qorayo, in wajigaan koowaad ka dib ay dhici doonaa waxyaabo badan oo lagu sheekeysto, haddii uu ajnabiga sii joogaan dalka Ciraaq.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Hala Dhawro Nabadgelyada Somaliland.

Waxaa wax ilaahay loogu mahadnaqo ah in dhamaan beelaha iyo waxgaradka wada dega dhamaan jamhuuriyadda Somaliland ay xal guud ku gaadheen in ay nabad iyo qaranimo iyo jiritaanka Somaliland ku wada nooladaan, taasi oo halbawle looga dhigay in nabadda la unkay ee Shacabka Somaliland ee dahabka ahi unkeen aan lagu xad gudbin meelna lagaga  dhicin, waxaa nasiib darro buuxda ah in laga soo bilaabo geeridii Madaxweynahii hore ee Somaliland alla ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ay dad waxma garato ah oo ku bahoobay xisbiga UDUB, ay ku dheel dheelayaan nabadda iyo xasiloonida umaddu kasbatay si kalana ay u isticmaalayaan, laga soo bilaabo ololahii doorashada ee Somaliland waxaa dalka ku soo laabtay rag madax adag oo qaranimada Somaliland aan ogolayn lana wada ogaa xukumadduna ogayd, soo laabadka ragaasi waxaa qayb weyn oo laxaad leh ka qaatay Dawladda uu madaxda ka yahay Madaxweyne Riyaale, taasi oo danno gaar ah ku fushanaysay, waxaa taasi aan marag ma doonto uga dhigaya ka hor doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday ayaa waxaa Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale wuxuu safar hawleed oo looga soo diray madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa ku yimid magaalada London ee Cariga Ingiriiska wuxuu halkaasi kula kulmay Cabdiraxmaan Axmed Cali (TUUR) kana codsaday in doorashada hadday xisbiga UDUB yahiin wax kala qabto, Cabdiraxmaan Tuur wuxuu yimid dhawr bilood ka hor magaalada Hargeysa isaga oo aan umaddii ogayd mawqifkiisa iyo halkuu qaranimada hadda Jaamac Maxamed Qaalib xabsiga loogu taxaabay ee dhiigu ugu daatay madaarka hargeysa ka taagna, marna lagama maqal meel uu ka yidhina lama sheegin Tuur inuu qaranimada Somaliland aaminsanyahay kana codsaday dawladda cafis, hadaba waxaa ayaan darro ah in maanta halkii ay umadda Somaliland ka soo baxday iyo xumaatadii umaddu ka ilbaxday warxuma tashiil badani ku celinayaan, waxaan umadda iyo shacabka Reer Somaliland ka codsanayaa inay nabadooda dhawrtaan oo ay ilaahay u noqdaan oo ay ka weynaadaan, balse haddii ay xukuumadda Riyaale ka badbadiso iyadaa og halka ay wax ku ogtahay. waxaanan leeyahay ma jirto meel cirka ka saraysa oo la taabta mudane.

WA BILAAHI TAWFIIQ.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA).

KARACHI, PAKISTAN

Top


12 Sano Ayaan Shaqaynayay Mushaharna Ma Qaato.

Waxaan ahay gabdh ka soo jeeda qabiilada tirada yar ee gabooyaha ama tumaasha, waxaan ka cabanayaa 12 Sano ee dalka lagu jiray, waxaan ahaa gabadh joogta cusbitaalka guud ee Gebiley, kana shaqaysan (Ogsan lari), waliba waxaan ahay shaqaalaha maalin walba sheeqeeya ee ay hawsha culusi ku dhacdo.

Ilaa iyo hadda maalin kali ah ma helin wax mushaaro ah, iyo xuquuqda shaqaaluhu leeyihiin.

Waxa ka sii daran taa, labadii todobaadba mar ayaan Hargeysaiyo Gebiley kala laba noqdaa oo ay kabihii igaga dhamaadeen.
Waxa dhooban gurigayga, qoraalo, isdaba joog ah oo aan u gudbiyo, dhinaca wasaaradda caafimaadka, kuwaas oo jawaab aan ka helaana ay tahay, malaha kuwa lagu qanciyo dadka aan la tirsanahay, jawaabaha la ii soo celiyaa waa noocyada, doorashadii baa lagu jiraa, miisaaniyadii baan la ansixin, xafiiskii shaqaalaha laguuma gudbin.

Aniguse waxaan ahay mid aan samrin, oo shaqo kale ma hayo, taa mooyaane.

Waxa igaga sii daran taasi markii laygu yidhi waxa la magacaabay wasiir ku xigeen, wasaaradda Caafimaadka ah oo reerkiina ah markaas oo aan farxad is-qaad qaaday, wali xiligaana aan waxba la ii qaban, oo aan rajo suge aan ahay. Shaqadaydiina aan wali wado.

Waxaan aan wasaaradda ka codsanayaa in si deg deg ah la ii soo shaqaleeyo.

Khadra Xasan Maxamuud.

Gebiley.

Top


Shirka Soomaalida EE Kenya iyo iyo Mudaharaadka Soomaaliland.

Waxaa laga soo wareegay 12 toban sanno markii xukunka laga tuuray keligii taliyahii xukunka adka ee dawladii kacaanka ee dalkii la isku odhan jiray Somaliya waa Maxamed siyaad barre, taariikhda lama qoro iyada is xaradha eh haddii dib aynu ugu noqono, sannadkii 19990, ayaa waxaa ciidamadii xoogaga SNM oo markaasi lagu tilmaami jiray Hanadadi hafiyey kacaankii hantiwadaaga, waxay u yabooheen, hawlwadeeno badan oo ay isku hadaf ahaayeen, waxaa ka mid ahaa xoogagii uu horkacaayey Jeneral Maxamed Faarax Caydiid, oo markaasi aan lahayn cudud militery oo ay ku afganbiye karaan hanfigii shuuciyadda ee Muqdisho, waxaa kale oo ay ururkii dhaqdhaqaaqa Wadaniga ee marka la soo gaabayo loogu yeedhi jiray SNM, hogaankiisa siyasadeed xeeriyey in tilmaam midaysan lagu abaaro, waa tii ninkii jiray ka yidhi:

Haddaanan haddaanan
Haddaanan dhawaaqa
Hireyda wireyda
Hayaay ka kacayda
Jahaadka Hargaysa
Barbaartu hagayso
Haweenka godoodey
Ka qayb gelin hawsha
Haddaanan haddaanan
Intii isku hiila
Hargaysiyo Bayla
Intii la hal maasha
Bakool hilinkeeda
Heeraarta Kismaanyo
Ilaa Hobyo geynin
Hiiraan u tallaabin
Runtay la hudmeene
Haddaanan haddaanan
Sidii hanqar yeedha
Hillaac iyo maayad
Dhulkoo dhan hadhaynin
Banaadir ka heesin!
Wixii hurda toosin!
Halyeyada ciilka
Ka haajirey ciidda
Halkay talo joogto
U sii farin haadda

Horaantii 91 kii ayaa ciidamadii halyeeyada ahaa ee SNM waxay si ismiidamisa u hujuumeen magaalooyinka Burco, berbera, iyo weliba xaruntii ay muddoyinka badan hiigsanayeen ee Hargeysa, Keligii taliye Maxamed Siyaad Barre iyo weliba Hogaankii Ciidamada aagga gobolka Hargeysa ee loo yaqaanay qabta 26aad, Gacan ku dhiigle Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, iyo xubno sare oo kalaba waxay ku sugnaayeen tuulada Hawash oo ay kala arrinsanayeen hogaankii sare ee dalka Ethiopia, in xoogaga SNM loo soo gacan geliyo shuuciyaddii Siyaad barre, taasi waxay noqoto hal bacaad lagu lisay, waxaanay ku noqotay Siyaad Barre iyo seedigii film hollywood jilayso, isla galabnimadii horaantii sannadkii 1991 ayaa wuxuu siyaad barre si deg deg ah kaga soo anbabaxay xarunta ethiopia ee addis ababa isaga oo hogaanka sare ee ethiopia ku eedeyey inuu khiyaamiyey, balse runtu waxay ahayd in aanay waxba kala soconin dawladda ethiopia hawl gelka xoogaga SNM, waxaa ciidamada SNM maalmo gudahood ku sifeeyen maamulkii argagaxa badna ee Siyaad barre, kumanaan qof oo ku bahalyoobay hareerada waddanka ethiopia iyo xuduudaha dhaw ee Somaliland na waxay u noqotay riyaaq iyo dabayl xoriyadeed oo aan abadan soo wajahin, akhristow, Xorrayntii SNM, waxay dhashay in Maxamed Siyaad uu ka huleesho, dhamaanba geyigii la isku odhan jiray Somalia, balse su,aashu waxay noqotay maxaa xigay?
dhanka kale ee bidix ayaa iyaguna waxaa soo huleeshay xoogagii USC oo aan runtii sidaa looga aqoon hirdankii halganka, Maxamed Faarax Caydiid, oo wakhtigaasi hammi badan ugu jiray sidii uu reerka uu ka dhashay ugu celin laha mansabka Siyaasadeed ayaa wuxuu isticmaalay Hammuun aan cadawga lala beegsan balse xanuun ku noqotay runtii birma gaydo farabadan oo degenayd xaruntii dhexe ee dawladi siyaad bare waa Muqdisho eh, waxaa halkaasi ay xoogagii USC ee magaalada soo gelay ka gaysteen falal foolxumo ah oo aargoosi lala beegsaday dumar iyo caruur aan waxba galabsan, taasi waxay akhristow dhashay in xabbadii muqdisho ka caafimaadka qabtay iyo hanfigii cadawadeed ee qarni jirsaday ee shacbiga reer Somaliland lala beegsaday markeliya usoo guuro magaaloyinka iyo tuulooyinka Somalia (koonfur) waxa hadraawi laga haya

Qabqabtiyo durbaannada
Daran doorri dhacayaa
Diihaal ma reebaan
Dayac beel ma haynee
Dundumaanu maydhnaa
Sida ogaxda diinkaa
Daymadu na korisaa"

waxaaba la odhan kara shanqadhii rasaasta, darandoorigii baroonku hadduu ka bilaabmay mudqisho badiba runtii dadka ku noola waxay ku maqli jireen xan iyo xanshaashuq "Diyaaradba waqooyi garaacda, iyo Hargeysa laga qaxay", akhristow dulucdaydu ka dheer tiigsi iyo nabar aad damqo, balse ma odhan karaa hanfiga cadawadeed ee muqdisho, waxaa lagu dhayi karaa kiniin uu dawaarle soo qoray, runtii taasi waa maya, aan u dego dulucda guud ee darmaanta aan wada xanbaarsantahaye, badiba dadka loogu yeedho hogaamiye kooxeedka (faction leaders) waxaa beesha caalamku u kasbatay hilaw farabadan waxaa badiba loo igmay tobanaan xeerbeegtiya waxaa la iskugu yeedhay madal qudha, balse intuba waxay noqdeen sidii tii laga yidhi

Ninkii digashada badnaa
Daaruhu tayo waa ka gaal
dulmay taran leeyihiin
bar duunyo ah waa ka caydh
waxay ku dul nool yihiin
nin daaqsada xoolo nool
dubbaha fakhrigay tumaan
waxay derbi jiifiyeen
barbaarkiyo doobka nool
carwada dibjirkay dhalaan
hadday kugu soo durkaan
ducaa laga hoos galaa
maxay damal weyn shiteen
maxay qudhac deebiyeen
waxay dab sudheen dhirtii
dhulkay midab dooriyeen
bal eeg degelkii hufnaa
bir iyo waxa daasad yaal
bal eega dalkii xalaa
waxay lafo daadiyeen

Shil baa dunidii ka dhacay
daacuun halisaa ku fiday
duufaan simay baa la tegay
doofaarrada aan gudnayn
diinlaawaha gaalku dhalay
maxay dulin faafiyeen
maxay samo duudsiyeen
maxay godob daaqsadeen
maxay denbi xoogsadeen
maxay dabar soo xardheen

Waa farriinta badana ay shacbiga Reer Somaliland u dirayaan kooxaha muqdisho isku dilaaya, waayo saaxiibayaal maanta anaga waxaa noo dan ah hadaanu nahay qaranka Somaliland ee aan sinaba loo duudsiyo karin, walaalahayga Somalia oo marin xalaal hela, nabadi ka aslaxdo, si nabad loogu wada noolaado geyiga fog ee beriga afrika, aan u dego dihin kale eh, hadda waxaa beesha caalamku yagleeshay shir kaasi oo badiba cidhifyo badani usoo hanaqal taagayaan, balse su,aashu waxa weeyi sideeba wax ay u dhisan karaan Somaliya? jawaabta su,aashu akhriste aad ayey u fududahay waxaanan ku soo xeeriyey hamuunta hoos ku taall:

1. In dhamaan Beelaha, waxgaradka, siyaasiyiinta, salaadiinta, cuqaasha garaadada, iyo waxgaradka iskugu yimid madasha eldoret ee asal ahaan ka soo jeeda Somaliya ay aqoonsi buuxda siiyaan JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

2. In dhamaanba beelaha iyo waxagaradka iyo siyaasiyiinta iyo cuqaasha, garaadadu ay go,aanshaan in shirku u gaaryahay SOMALIA, taasi oo xalka la raadinaayo loo raadinaayo SOMALIA ee dadka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland shirka dibadda looga saaro.

3. In la gorfeeyo iyada oo la is hor fadhiyo wixii dhibaato la isku geysto runta oo cadna la is waydaarsado lana xanuujiyo nabarkii hore loo dhaawacay lagana saaro viruska iyo bacteriayada ku dahaadhan.
4. In Somalia loo helo hogaan matali kara kuna hadli kara codka umadda Soomaliyeed kaasi oo haddii aanu nahay Reer Somaliland aanu kusoo dhawaynayno Magaalo madaxda Hargeysa Hogaankaasi oo aqoonsan jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland.

5. in la helo dawlad furfuran oo ka saafi ah ururada xanuunka ku ah xuquuqda aadamaha, argagixisada, iyo weliba dhamaan aqoonta militerya.

6. Dawlad aan cadaw u ahayn hirka nabadeed ee mandaqadda beriga iyo badhtamaha africa oo la dagaalanta argagixisada caalamiga ah.
qodobadaasi iyo kuwa kale haddii ay iska indho tiraan walaalaha Soomaliyeed ee ku xeeran madasha eldoret waxaan huba in ay ku fashilmi doonan hanaanka ay mudada badan u hureen ee ay u fadhiyaan kenya.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA).

KARACHI, PAKISTAN.

Top


Qalalaase Ay Keento Mooyee, Qabta oo Xidha Qarankeena Dhisi Mayso.

Sida aynu la wada socon halgankii hubaysnaa ee lagu dumiyey dawladdii Siyaad Barre , waxa kaw ka ahaa kacdoono ay shacbigu sameeyeen, taas oo ay inta badan ka timid dareenka dadweynaha, taasi markay xukuumaddii jirtay ku talaabsatay falal lid ku ah jiritaanka bulshada isla markaana iyada oo ku dedaalaysa jiritaankeeda ayey ku kacaysay talaabooyin cimri dedejiyey, iyada oo bilawday inay xidh-xidho dad aan waxba galabsan, taasoo keentay inay dacarta sii shido, islamarkaasna afartii dawladda ahaa ka dhigteen afartan kun, ka dibna halgankii hubaysnaa ee lagaga soo horjeeday oo qadan lahaa muddo dheer ay ey iyadu gacanteeda ku abuurtay, iyada oo hogaamadii milatari ee joogi jiray gobolka Hargeysa loo bixiyey magacyo ay ka mid yihiin (Diiriye), magacaas oo ka turjumaya falalka uu ku kacayo ama dedaalkii keenay, oo dhinaca kale u ah guul ama taageero.

Sidaa daraadeed tan maanta socotaana waxba kama duwana tii hore, marka aynu eegno ficilada ka muuqda.

Siyaasadda hogaanka dalku adeegsanayo iyada oo dastuurkeenii xaaraantinimeeyey in qof muwaadin ah bilaa maxkamad xorriyadiisa lagaga qaado, oo loo talaabo xabsiga muddo ka badan 24 saacadood, aanu ogolayn dastuurku. Haddaba xukuumaddu markay dadku ku eedaynayso, dastuurkii bay ka horyimaadeen, iyo markay jabinayso markeebay saxantahay?

Sida aynu la wada socon bishii hore waxa xabsiga loo taxaabay dad dhan dhawr iyo toban qof, oo ka tirsan KULMIYE oo ay qaarkood ku jiraan golaha dhexe ee xisbiga.

Kuwaas oo oo qaarkoodna muddo bil ah ay xidhan yihiin, iyada oo sida dastuurku dhigayo aan xaq loogu lahayn, inay iska xidhnaadaan, iyada oo aan haba yaraatee wax maxkamad ah aan la hor keenin, oo waxa lagu eedaynayo aan lagu soo oogin.

Haddaba sida haatan muuqataba xaaladda aynu maanta marayno may haboonayn in wixii laga dagaalamayey mar labaad lagu dhaqo dalkeena.si kale haddaynu u nidhaa cadaalad darrada ayaa haddaba dumisa, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Ninka waxa soo socda garanin, waxa jooga ma garto.”

Waxa aan xukuumadda leeyahay, nin baa laga hayey “Faraskaa orodkiisa waxaan ka baqay inuu col iila galo” haatan sida muuqata waxaan ka baqayaa in dedaalka ay xukuumaddu wado iyo talaabooyinka ay door biday ee ay ku doonayso jiritaanka nabadda inay qaran dumis noqdaan, waayo dadka maanta xidhan, qoysaskoodii ay dadkooda qaar ka mid ahi ay xisbiga UDUB ahaayeen, ayaa maanta noqday dad mucaarid ku ah UDUB iyo dawladda, sababta kaa keentayna ay tahay markii inankoodii xabsiga loo taxaabay isaga oo aan wax maxkamad ah aan la marin.

Iyada oo ay sidaa tahay waxa taa ka sii daran in sodomeeye qof liiskooda ay haystaan ciidamada sirdoonka, iyada oo aan kuwii horeba aan dambi lagu oogin, taasina waxay qayb ka tahay kacdoonka bulshada dhexdeeda lagu abuurayo ee la nacsiinayo dawladda iyada oo ay rag ka tirsan madaxda sarsare ee xukuumadda qaarkood ay ku doonayaan inay ku sii joogaan kursiga. Iyaga oo madaxweynaha isku tusaya inay u godoboobaan. Si kastaba ha ahaatee qalalaase ay keento mooyee qabta oo xidha, qarankeena dhisi mayso. Sidaa daraadeed waxaa haboon in madaxweyne Rayaale indho iyo dhego u yeesho ficilada lidka ku ah nabadda iyo jiritaanka qaranimada Somaliland ee ay ku kacayaan qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumaddiisa ka tirsani, isla markaana waa inuu ka bedelo siyaasadda noocaas ah, oo uu la yimaado siyaasad hufan oo cadaaladi ka muuqato, taasoo ku salaysan siday xeegana xeego u noqon lahayd, ilkana u badbaadi lahaayeen.

Dhinaca kale markaynu eegno doorashadii madaxweynenimada dalka ee dhawaan ka dhacday dalkeena, waxay ahayd mid aan tiro aqlabiyad ah aan lagu kala badin, isla markaana haddii aynu bar-bardhigno dadka xisbiga xukuumadda ee UDUB u codeeyey iyo dadkii xisbiyadda kale u codeeyey mar laysku geeyo, waxa badan dadkii xisbiyada mucaaradka ah u codeeyey, taas oo ina tusaysa inay aad u liidato kalsoonida ay xukuumaddu haysato, isla markaana muujinaysa mucaaradada loo hayo xisbiga dawladda ee UDUB.

Siyaasadda dawladduna maaha inay damaqdo muwaadiniinta ama noqoto mid dhafoor taabad ah, ee waxay ahayd oo looga fadhiyey, inuu noqdo ninkii dhayi lahaa naradadii la kala tirsanayey ee dadka kala taageersan xisbiyadda, maadaama uu isagu madaxweyne u yahay mucaarad iyo muxaafidba.

Bariba doorasho ayaa la qaban doonaa, markaa dadka maanta la fogaynayaa waa dadka bari codka laga doonayo, sidaa daraadeed waxa looga baahanyahay xukuumaddu inay bulshada isku soo dhawayso.

Dhinaca kale waxa jira dad ka tirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE oo shaqooyinkii xukuumadda ay ka hayeen lagaga eryey iyada oo loo aanaynayo hebel wuxuu u codeeyey xisbiga KULMIYE, taas oo ka mid ah falalka lagu kala fogaynayo bulshada, isku soo wada duuboo sidii ay u kasban lahayd xukuumaddu dadkeeda isla markaana iskugu soo dhaweyn lahayd aragtida kala fog ee ka jira mujtamaca dhexdiisa.

Guntii iyo gabagabadii maqaalka, waxaan ku soo gunaanadayaa dadka xabsiga loo taxaabay, ee loo haysto siyaasaddu waxay xaq uleeyihiin in la mariyo haddii ay ay dabe leeyihiin waa in sida ugu dhakhsaha badan loogu soo oogo, loona horgeeyo maxkamadda dastuuriga ah, haddii kalena loogu soo celiyo xorriyadoodii oo ooda laga qaado, waayo “Balaayo madax la qabto mooyee mijo la qabto ma leh.”

Ta kale waa in dadkii shaqada loogu eryey KULMIYE awgii xaq looguma laha talaabadaasi, sidaa daraadeed waa in iyagana sida ugu dhakhsaha badan loogu soo celiyo shaqadoodii, taasoo loo arko inay kaliday aan noolaado, waana talaabooyinka dabka shida ee xuqdiga iyo buqdiga abuura.

Fu’aad Ciise Yuusuf.

Journalist Madax banaan.

Hargeysa.

Top


Nabsigii Foosto-Riix, Q: 12aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

Markii uu Faarax subaxnimadii ay balantu ahayd ku kalahay goobtii imtixaanka lagaga qaaday ayuu eegay ogaysiis lagu soo dhajiyay gidaarka oo lagu soo qoray qofka ku guulaystay imtixaankii, magaca qofka helayna waxa uu noqday kiisii, farxad daraadeed ayaanu dilaaci gaadhay isaga oo farxadii uu qaaday la ordaaya ayuu gaadhay gurigoodii isaga oo u bushaareeyey reerkoodii oo iyaguna farxad tiisa la mid ah ku daray taasina waxay rajo fiican galisay reerkii oo dareemay inay haatan u bilaabmatay nolol cusubi.

Maalmo ka dib ayey gaadhay wakhtigii uu shaqo gali lahaa faarax, isaga oo shaqo dhinaca maamulka ah ee uu ku guulaystay imtixaankeeda ka bilaabay shirkadaasi oo ahayd mid soo dajisa mararka qaarna farsamaysa qalabka dhismaha.

Ninkii faarax waxa uu fadhiistay oo lagu soo dhaweeyey xafiis aad u qurux badan oo noqday xaruntiisa uu ka maamulaayo shaqadaas.

Waxa kale oo ay goobtu lahayd dhisme aad u weyn oo uu dayr weyni ku wareegsan yahay halkaas oo ay ka hawl-gali jireen shaqaale aad u badani oo qabta hawlaha kala duwan ee ay shirkadu qabato.

Si uu mar walba u xasuusto hooyadii iyo caruurtooda waxa uu xafiiskiisa dhigay sawir weyn oo ay ku dhanyihiin hooyadii iyo walaaladii, oo uu mar kasta xasuusnaan jiray.

Isla maalmahaa waxa faarax iyo reerkooda soo gaadhay sheekadii aabahood FOOSTO-RIIX iyo inuu ku danbeeyey xabsiga ka dib markii lagu helay inuu lunsaday hantidii shirkadii dhismaha ee uu kula baxay FADHI-LACAG waxaanay taasi ku noqotay farxad iyo naxdin isku jirta dhinac waxay u arkeen inuu helay abaalkii uu u dhigtay iyo nabsigii uu ka galay, dhinaca kalena waxay ka muujiyeen jidh-damqasho maadaama uu ahaa aabahood wuxuu doonaba ha ahaadee waxayna isweydiin jireen waxay ka yeeli doonaan hadii uu u yimaado.

Sidoo kale waxay sheekada ku maqleen inuu aabahood u dhashay wiil markii uu guursaday xaaskii danbe, wiilkaasina aan lagaranayey meesha uu ku danbeeyey markii aabihii la xidhay isla markaana hooyadii ay ku dhimatay shil-gaadhi, iyaga oo ka fakiri jiray halka uu ku danbeeyey wiilkaa yar ee walaalaha yihiin waxaanay isku qanciyeen inay raadiyaan oo baadi goobaan ilaa ay helayaan meel uu jaan iyo cidhib dhigay.

Mudo yar ka dib waxa isaguna dugsigii sare dhameeyey faarax walaalkiisii ka yaraa oo soo bartay cilmiga dhakhtarnimada mudo yar ayeyna ku qaadatay inuu helo shaqo maadaama ay shaqadiisa uu soo bartay ay ahayd mid mar walba iyo goor walba loo baahanyahay, taasina waxay reerkoodii ka dhigtay qaar ka soo doogsaday diiftii iyo darxumadii ay soo mareen waxaanay galeen nolol cusub oo raaxo leh, halka uu ninkii foosto riix ku dhex busaaradsaday jeelka oo uu waayey cid u soo gurmata balse waxa ugu darnayd war-warka iyo walaaca oo ka qabay reerihiisii iyo halkii ay ku danbeeyeen waxaanu ka calaacali jiray dhibaatadii uu u gaystay reerkiisii markii uu dayacay ee uu cidlada kaga tagay.

La soco.

Top