Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 362 June 25, 2003

“C/Qaasim Wuxuu Gacan Ku Lahaa Qaraxyadii Nairobi, Waana Nagu Ceeb Inuu Ka Hoos Shaqeeyo Qof Ku Abtirsanaya Somaliland,” Faysal Cali Waraabe (Guddoomiyaha UCID).

Madaxweyne Rayaale Oo La Kulmay Diblomaasi Denish Ah.

Madaxweyne Rayaale Iyo Axmed Siilaanyo Oo Kulan Gaar Ah Isku Soo Hor-Fadhiistay.

Jaamac-Yare Oo Laba Waraysi Oo Kala Duwan Kala Siiyay BBC-Da Af-Ingiriisiga Iyo Af-Somaliga.

Urur Dhallinyaro Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Hargeysa.

Kulamadii Ay Weftiga Golaha Deegaanka Hargeysa Ku Yeesheen Finland.

Hadaanan Habeenkii 7 Jid Marin Iima Aha!

Gebogebada Shirka Kenya Iyo Kala-Daadsanaanta Somaliland.

Diyaarad Maraykanku Leeyahay Oo Ku Burburtay Djibouti.

Al-Qaacida Oo Usoo Jihaysatay Africa.

Hoggaamiye Mucaarad Ah Oo Laga Sii Daayay Xabsiga Djibouti.

Afar Nin Oo Lagu Eedeeyay Qaraxii Mombassa.

Qaadka Kenya Xidhay Sidee Buu U Saameeyay Muqdisho.

Wargeysyada Caalamka ee Todobaadkan.

Muran Ka Aloosan Cuntada La Asal-Dooriyay.

Nabsigii Foosto-Riix, Q: 13aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

WAADIGA CIYAARAHA, Cabdifataax M. Caydiid.


“C/Qaasim Wuxuu Gacan Ku Lahaa Qaraxyadii Nairobi, Waana Nagu Ceeb Inuu Ka Hoos Shaqeeyo Qof Ku Abtirsanaya Somaliland,” Faysal Cali Waraabe (Guddoomiyaha UCID).

Hargeysa (Haatuf): Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyay C/qaasim Salaad Xasan inuu ka dambeeyay weeraradii ka dhacay dalka Kenya ee lala beegsaday goobo muhiim ah oo dalkaa ka tirsan mar uu shalay ka hadlayay xaflad loo qabtay aas-aaska urur dhallinyaro oo ka dhacay Huteelka Maansoor ee Hargeysa. “Somaliland kumay iman shir ay qabaa’il isugu yimaadaan oo Sawaaxilina guddoomiye ka yahay ee waxaynu u sheegaynaa C/qaasim, Somaliland waxay ku timid halgan loo soo galay C/qaasimna wuxuu ka mid yahay kuwa doonaya inuu burburiyo halgankii xaqa ahaa, waxaanu u sheegaynaa adduunweynaha inuu C/qaasim gacan ku lahaa qaraxyadii ka dhacay Nairobi oo Al-qaacidana uu xidhiidh la leeyahay. Haddaba waxaanu ka codsanaynaa Dawladda Kenya inaanay sii daynin C/qaasim maadaama imika uu la joogo oo halkaa ay ku qabtaan,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu digniin u soo jeediyay kooxaha koonfurta. “Waxaanu uga digaynaa kooxahaas inay soo farageliyaan Somaliland,” ayuu yidhi Faysal.

Kadib waxa uu u digay dadka kasoo jeeda Somaliland ee gacan siinaya kuwaasi oo uu sheegay inay Somaliland cadow u yihiin. “Sidoo kale waxaanu uga digaynaa biidhi-qaatayaasha u dhashay Somaliland, waa nagu ceeb in qof Somaliland ku abtirsanayaa uu ka hoos shaqeeyo Xasan Abshir iyo C/qaasim. Aduun weynahana waxaanu u sheegaynaa kuwa cuqdadu buuxisay ee sameeyay Axdi-qarameedka kuwaasoo xuduuda Somaliya ka dhigay ilaa Jabuuti, waa inaan dusha nalaga saarin dawlad dusha lanagaga keenay taasoo haddii ay dhacdo aanu ka dagaalami doono,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Mar uu ka hadlayay sababta ay dadkaasi ugu soo dhiiranayaan Somaliland, waxa uu ku sheegay inay tahay jilicsanaan ka imanaysa dhinaca Dawladda Somaliland. “Haddii aynu inagu adagnahay oo isku duubanahay may dhacdeen in Sool iyo Sanaag la sheegtaa, taasina waxay ka dhalanaysaa jilayca xaggeena,” ayuu yidhi. Isagoo usoo jeediyay dadka reer Somaliland inay ilaashadaan qaranimada iyo jiritaanka Somaliland. “Haddii aynu isku duubnaano oo ilaashano qaranimadeena, ictiraafkeenii wuu soo dhowyahay, dadka reer Somaliland-na waa beel keliya ee aynu iskla ilaalino wixii qaybsanaan inagu keenaya,” ayuu Faysal hadalkiisa kusoo gebogebeeyay.

Top


Madaxweyne Rayaale Oo La Kulmay Diblomaasi Denish Ah.

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa shalay qaabilay Mr: Henrik Jespersen oo ka socda Safaarada Denmark ay ku leedahay Nariobi.

Diblomaasigan oo ah qunsul safaarada Denmark una qaybsan mashaariicda ay bixiso Denmark, waxa uu madaxweynaha ay ka wada hadleen arrimo khuseeya iskaashiga labada dhinac.

Warsaxaafadeed uu kulankan ka soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Cabdi Idiris Ducaale oo faah-faahin ka bixinaya kulankaasi wuxuu u qornaa sidan:

“Xukuumadaydu aad ayay u raali gelisay sidii aad u fuliseen hawshii doorashada iyo sidii aad u xalilteen khilaafkii. Sidaas waxa madaxweynaha Somaliland ku yidhi Mr. Henrik jespersen oo ka socday, safaaradda Denmark ay ku leedahay Nariobi.

Diblomaasigan oo qusul iyo madaxa mashaariicda ka ah safaaradaa oo madaxweynaha shalay booqasho sharaf kula kulmay waxa uu sheegay in loo soo diray inuu soo gaadhsiiyo madaxweynaha, xukuumadda iyo shacbiga Somaliland-ba hambalyo la xidhiidha sidii wanaagsanayd ee hawshii doorashadu u dhamaatay oo uu sheegay inay u aragtay Denmark inay tahay arrin lagu diirsado (very imperssive), waxaanay arrintaasi muujisay sida aad u maarayn kartaan wixii dhibaato idinka horyimaada.

Waxa kale oo uu diblomaasigu u sheegay madaxweynaha in Denmark ay kordhisay taakuladdii ay u fidin jirtay Somaliland oo hadda la gaadhsiiyey toban ilaa laba iyo toban milyan Dollarka Maraykanka ah saddexda sanadood ee soo socda, iyada oo guud ahaanba ay dhintay dawladdiisu kaalmadii ay dawlada u fidin jireen.

Kaalmadaasi waxay ku bixi doontaa dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha tusaale ahaan, saddex meelood oo meel waxay ku bixi doontaa gobolka Sanaag oo hawlaha laga qabanayo ay ka mid yihiin biyo gelinta Ceerigaabo, shan iskuul iyo xafiis hawlaha guud ahaan gobolkaas laga qabanayo uu yeelan doono.

Madaxweynuhu waxa uu uga mahad celiyey, oo uu diblomaasiga ka codsaday inuu ka gaadhsiiyo dawladiisa hambalyada hawshii inoo qabsoontay, taas oo muujinaysa ayu yidhi madaxweynuhu sida uu dalkiisu u danaynayo arrimaha ka socda Somaliland.

Mudane Rayaale waxa kale oo uu aad uga mahad celiyey kaalmada ay sheegeen inay ku taakulaynayaan Somaliland, waxa uu ka codsaday si ay midho dhal u noqoto wixii kaalmo shacbiga loogu talo-galay inaanay faro dhexdood ka dhicin iyo waliba in wax rabno kaalmo toos ah.
Kulankaa waa madaxweynaha kala qaybgalay wasiiru dawlaha arrimaha dibada Mudane Qaasim.” Ayuu warsaxaafadeedkii ku soo gabagabeeyey.

Top


Madaxweyne Rayaale Iyo Axmed Siilaanyo Oo Kulan Gaar Ah Isku Soo Hor-Fadhiistay.

Hargeysa (Haatuf): Madaxweynaha Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin iyo guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la sheegay inay maalintii shalay isugu yimaadeen kulan, kaasoo daba-socday shirkii dhowaan dhexmaray labada dhinac ee lagu soo af-jarayay xiisadii u dhaxaysay.

Inkastoo aan daaha laga qaadin waxyaabihii ay isla soo hadal-qaadeen labada hogaamiye, balse waxay sheegayaan ilo xog-ogaal ahi inay isku af-garteen waxyaabihii ay isla soo hadalqaadeen iyadoo intaas ay ku dareen inay ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin sidii doorashada Baarlamaanka loosoo dedejin lahaa sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa Somaliland, sidii aragti midaysan looga yeelan lahaa shirka kooxaha Somalida uga socda Kenya iyo arrimo kale.

Siduu warku sheegay xisbiga KULMIYE ayaa dhinaciisa kusoo bandhigay kulankaa in la sii daayo maxaabiista u xidh-xidhan Siyaasadda ee ka tirsan taageerayaasha KULMIYE, kaasoo looga ballan-qaaday wax ka qabashadeeda.

Sida la sheegay kulankaas labada hoggaamiye oo qaatay waqti dheer waxay iskula lafa-gureen arrimo badan, waxaana la filayaa inay labada dhinac kulamo dambe isugu yimaadaan toddobaadkan fooda inagu soo haya, kuwaasoo ay kusoo af-jari doonaan sida la filayo murankii u dhaxeeyay.

Ilaa iyo hadda ma cada in Madaxweyne Rayaale ka qaybgelin doono dawladdiisa cusub xubno ka tirsan KULMIYE, sidoo kalena Xisbiga KULMIYE ayaan ilaa hadda cadayn inuu ka qaybgeli doono dawlad wadajir ah oo uu soo dhiso Madaxweyne Rayaale.

Top


Jaamac-Yare Oo Laba Waraysi Oo Kala Duwan Kala Siiyay BBC-Da Af-Ingiriisiga Iyo Af-Somaliga.

Hargeysa (BBC): Jaamac Maxamed Qaalib oo maalintii isniintii ay xukuumadda Somaliland u mastaafurisay dhinaca Djibouti ayaa shalay laba wareysi oo nuxurkoodu kala duwanyahay kala siiyey Idaacadda BBC-da ee laanta Af-Soomaaliga iyo Barnaamijka ku baxa Ingiriisiga ee subax kasta laga sii daayo Idaacadaas ee magaciisa la yidhaahdo “Network Afrika”.

Jaamaac yare markii ay qaybta afka Ingiriisiga u waramayey wuxuu aad ugu nuux-nuuxsaday in aan Somaliland jirin,isaga oo yidhi “Xukuumaddii dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Soomaaliya ay dhacday horaantii 1991-kii, wixii taariikhdaas ka dambeeyey ay dhamaan waxyaabihii ka dhismay Soomaaliya yihiin sharci darro iyo waxba kama jiraan.

Jaamac Yare waxa kale oo uu wareysiga ku sheegay in dad badan oo ka tirsan shacbiga Somaliland ay taageersanyihiin midnimada Soomaaliya.

Hase yeeshee wareystaha Idaacadda oo ay odhaahdii u qudh-qudhsami weyday ayaa isaga oo isku dayaya inuu Jaamac Yare xusuusiyo in shacbigaa Somaliland hore u muujiyey inuu gabi ahaantiiba taageersanyahay gooni isu taagaa Somaliland, wuxuu Jaamaac ku yidhi “Sideebaad u odhan karta waxa Somaliland ka jiraa dad fara badan oo taageersan mawqifkaaaga Soomaali-weyn?”

Jaamaac isaga oo ka jawaabaya su’aashaa wuxuu tusaale u soo qaatay weerarkii ee koox dhalinyaro hubaysani sida kadiska ugu soo qaaday garoonka madaarka Hargeysaa, maalintii isniintii, kaas oo u ku sheegay mid ay taageerayaashiisu fuliyeen isla markaana u marag furaysa sida ay dad badani ula safanyihiin fikradiisa ku qotonta mabda’a Soomaali Weyn.

Haddaba haddii aynu eegno waraysiga uu siiyey Jaamac Yare BBC-da laanteeda af Soomaaliga, isaga oo jooga magaalada Jabuuti, waxa uu ku sheegay in uu u tagay magaalada Hargeisa si uu u booqdo caruur uu dhalay iyo dad qaraabadiisa ah, waxaa uu sheegay in aanu u arkaynin in ay dambi tahay in uu magaaladiisa booqdo, waxaa kaliya ee lagu haystayna ay tahay fikirkiisa ku saabsan Soomaali wayn.

Waxaa uu sheegay in aanu u arkin in uu dambi yahay in uu fikirkiisa wato, isagoo sheegay in aanu dhibaato kaga maqnayn Somaliland, waxaa uu ku tilmaamay qabashada la qabtay mid ayaandarro ah oo aysan haboonayn in qof fikirkiisa loo qabto.

Jaamac Maxamed Qaalib, wuxuu sheegay in intii uu xidhnaan lagu hayay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeisa oo uu sheegay in intii uu ku jiray si wanaagsan loola dhaqmay, wuxuuna intaasi ku daray in maamulka Somaliland ay u soo jeediyeen laba arrimood, oo kala ah in mabda' uu qabo uu ka noqdo oo uu Hargeisa iska joogo ama in la musaafuriyo, isagoo sheegay in mabda'iisa aan laga weecin karin, sidaa darteedna uu doortay in uu magaalada isaga tago.

General-ku, wuxuu sheegay in dadkii soo weeraray garoonka diyaaradaha magaalada Hargeisa ay ahaayeen dad diidan habkii la doonayay in looga dhoofiyo magaalada Hargeisa, isagoo intaasi ku daray in aanu tiradooda garanayn intii ay ahaayeen, maadaama aanu ka warqabin dagaalka dhacay, balse ay u sheegeen dadkii xabsiga ku booqday sida ay wax u dhaceen.

Ugu dambayntiina Jaamac Wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay goor ay ahaataba in uu ku noqdo magaalada Hargeisa

Top


Urur Dhallinyaro Oo Lagaga Dhawaaqay Magaalada Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf) - Urur dhallinyaro oo marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaa Sovoredo, ayaa shalay lagaga dhawaaqay magaalada Hargeysa. Ururkaas oo ay samaysteen dhallinyaro reer Somaliland ah oo ka mid ah ardayda Jaamacadda Hargeysa dhigata, waxa loo sameeyay xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb-galeen siyaasiyiin, aqoonyahano, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo ka mid qaybaha kale ee bulshada, xafladaas oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Hoteelka Ambassador shalay.

Ugu horeyn waxa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha ururka dhaliyarada Sovoredo, Bashiir Shire, isagoo u mahadnaqay dhammaan ka soo qayb-galayaasha xafladaas ku dhawaaqista ururka, kadibna wuxuu ka hadlay marxaladihii uu soo maray ururkaasi iyo ujeediyinkii loo aasaasay.

“Waxay ugu horeyn daraasad aanu samaynay oo aanu ku eegaynay xaaladda horumarka Somaliland, taas oo nagu dhalisay in aanu aasaasno ururkan.
Qodobadii nagu kalifay in aasaasno , waxa ka mid ahaa; Anagoo aragnay in xaaladda horumarka dalku ay liidato, loona baahan yahay in kor loo qaado, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka.” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha ururka Sovoredo, Bashiir Shire.

Gudoomiyuhu wuxuu tusaale u soo qaatay dhinaca shaqada oo uu sheegay in 80% (boqolkiiba sideetan) dadku ay bilaa shaqo yihiin, halka (9%) boqolkiiba sagaal ay shaqeeyaan, balse aanay helin wax ku filan.
Bashiir waxa uu ka hadlay dhinaca waxbarashada oo uu sheegay in 52% dadku ay yihiin reer guuraa, iyadoo 50% aanay dadku waxba akhriyin.
“Arrimahaas oo dhan markii aanu aragnay, waxaa noo soo baxday in horumarka bulshadu yahay mid gaabinaya, sidaa daraadeedna ay u baahan yihiin in lagala qayb-qaato wax ka qabashadeeda,” ayuu yidhi Bashiir.

“Waxa kale oo daraasadda nooga soo baxday in horumarka dhaqaaluhu kala dheeraynayo, taasina ay ku keenayso in horumarku dheeliyo, waayo horumarku wuxuu ka kooban yahay dhinacyo badan, kuwaas oo haddii ay kala dheereeyaan dheeliyaya, haddii dheeli yimaadana burbur baa ka imanaya. Markaa wuxuu u baahan yahay in la dheeli-tiro,” ayuu yidhi Gudoomiyuhu, isagoo intaa ku daray in siyaasaddu ay tahay ta ugu dheeraynaysa, dhinacyadii kalena ay gaabis yihiin, sidaa dareedna bulshada ay ku dhacday majara-habaabin badani.

“Sababahaa baa keenay in aanu ururkan aasaasno, annagoo ka qayb-qaadanayna danta guud,” ayuu raaciyay Gudoomiyuhu, isagoo tusaale u soo qaatay arday reer Holland ah oo caawimo u soo diray carruurta Somaliland oo shalay ku soo baxay Wargeyska Haatuf, waxaanu yidhi: “Carruurtii yaryarayd ayaa wax soo diraysa, inagana dadkii waaweynaa ayay ku yar tahay in ay gartaan dalkiina wax u qabta.”

Ugu dambayn, wuxuu sheegay Gudoomiyaha ururka Sovoredo in ururkani yahay mid dimuqraadiya oo ka shaqayn doona arrimaha bulshada.
Intaa kadib, waxa halkaa ka hadashay Hodan C/raxmaan oo Maamulka u qaabilsan ururka, taas oo faahfaahin ka bixisay hawlaha kala duwan ee ururka u qorshaysan inuu qabto.

“Waxa noo qorshaysan in aanu wax ka qabano arrimaha bulshada, maadaama aanu nahay jiilkii isbedelka sugayay,” ayay tidhi Hodan C/raxmaan, iyadoo intaa ku dartay in arrimahaas kala kaashan doonaan cidkasta oo ay khusayso.

Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay C/casiis Maxamed, Afhayeenka ururka Sovoredo, kaas oo si qoto dheer uga hadlay taariikhda aasaaska ururka iyo marxaladihi uu soo maray.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa marti sharaftii xafladdaa ka soo qayb-galay oo halkaa ka hadlay ayaa ammaan u soo jeediyay dedaalka ay dhallinyaradaasi la yimaadeen oo uu sheegay in ay dedaal badan u galeen.

“Mujtamaceenu wuxuu ku shaqeeyaa shakhsi-shakhsi, balse way inagu yar tahay in wada-jir wax loo qabto, way badan yihiin ururada NGO-ga ahi, balse wuu yar yahay waxqabadkoodu, waxaanse rajaynayaa inuu kani ka duwanaado, maadaama ay ku badan yihiin ardaydii Jaamacaduhu oo aqoon fiican leh,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, isagoo tusaale u soo qaatay Jaaliyadaha dibadda oo yeesha iskaashi iyo shirar mararka qaarkood ay qabsadaan.

“Dhibaatooyinka dalkeena haysta waxa ka mid ah; iyadoo ay waxqabadkii ururada bulshadu qaabinayaaan, koonfurta Soomaaliya ayaana inagaga fiican dhinaca ururada bulshada iyo haweenka oo ka waxqabad badan kuweena,” ayuu raaciyay Faysal, isaga oo ku booriyay aasaasayaasha ururkan in ay u hawl-galaan sidii ay uga midho-dhallin lahaayeen dedaalkoodan.

Waxa kale oo masuuliyiintii halkaa ka hadashay ka mid ahaa Boobe Yuusuf Ducaale oo ka socday Xarunta Akademiyadda Horumarka iyo Nabadda iyo Mustafe oo ah xubin ka tirsan Somaliland Forum, waxaanay masuuliyiintaasi ku booriyeen ururkan cusub in ay dedaalaan, waxqabadkoodu noqdo mid midho-dhal yeesha.

Top


Kulamadii Ay Weftiga Golaha Deegaanka Hargeysa Ku Yeesheen Finland

Tan iyo intii ay wafdigii golaha deegaanka ee Hargaysa soo gaadheen magaalada Vaanta ee dalka Finland ayaa waxay kulamo is daba jooga la yeelanayeen qaybaha faraha badan ee uu ka kooban yahay maamulka guud ee magaalada Vaanta.

Waxana ay wafdigani oo kala ahaa Gudoomiyaha Dhaqaalaha iyo horumarinta golaha deegaanka ee Hargaysa Khadar Ahmed Like iyo Gudoomiyaha arimaha bulshada Eng. Keise Yusuf Ali ay kulamadoodu ka bilaabmeen kulankii u horeeyay oo la yeesheen gudoomiyaha arimaha bulshada ee magaalada Vaanta Jaakko Vastamäkki. Kulankaas oo lagaga wada hadalay guud ahaanba sida ay u shaqeeyaan arimaha bulshada ee magaalada vaanta iyo heerka ay marayaan arimaha bulshada ee magaalada hargaysa.

Waxaa kaloo ay ka qayb galeen fadhi bileedka golaha deegaanka magaalada vaanta, kaasoo lagu go'aaminaayay arimo badan oo khuseeya magaalada vaanta. Waxaana sidoo kale la kulmeen gudoomiya dawlada hoose ee Vaanta Mr. Matti Virtanen. Ugana xaal warameen guud ahaan Somaliland gaar ahaana magaalada hargaysa iyo heerarkii kala duwanaa ay soo martay mudadii ay dagaalka ka soo doogtay.

Waxaa wafdiga lagu qaabilay loona ogolaaday inay khudbad ka jeediyaan qolka ay ku shiraan xisbiga ugu badan golaha degaanka ee magaalada vaanta, halkaasi oo lagu waydiiyay su,aalo badan oo khuseeya somaliland oo ay si wanaagsan uga jawaabeen wafdigu.

Waxa ay wafdigu gudoonsiiyeen ku simaha duqa magaalada vaanta waraaq ay ka sideen maayarka Caasimada Ee Hargaysa Eng. Hussein M. Jicir.

Abdillahi Moahamed

Vantaa , Finland

Cirro@Dr.Com

Top


Hadaanan Habeenkii 7 Jid Marin Iima Aha!

Xadiis M. Xadiis.

Akhristayaashayada sharafata lahow waxan horey idiinku soo gudbinay laba qaybood oo kamid ahaa barnaamijkii taxanaha ahaa ee aan kaga hadlaynay dhibaatooyinka qaadka iyo mushkilada uu ku hayo bulshada dhexdeeda, iyo dhaawaca uu soo gaadhsiiyo habsami u socdka qoyska, maantana waxaan halkan idiinkusoo gudbinayaa qaybtii sedexaad oo kamid ah barnaamijkeenii taxana ha ahaa.

Maantana waxan soo qaadanaynaa, waxaana hadiyo jeer naga xusuusin ah, ma-aha barnaamijkani mid ay dadku wadaleeyihiin balse uu yahay mid u gaar ah dadka saaxiibul mirqaanka ah ee quuta shajaratal akhdarka, inkastoo ay dadka qaadka cunaa kasimanyihiin kumirqaamida jaadka hadana mushkilada jaadku iskusi uma saamayso waxaana jira dad aanay mushkiladsaa usiibadan ku hayn cunida qaadku. Tusaale ahaan markay cunaan jaadka way iska seexdaan markay doonaan kumanasameeyo wax isbadal ah maskaxdooda iyo damiirkooda toona howlahoodana way u qabsadaan si caadi ah halka aydadka qaarkood kuqabaan dhibaatooyin farabadan, masalan hadii ay jaadka cunaan maalintii habeenkii maseexan karaan hurdo wanaagsan, cunto wanaagsana macunikaraan howlahoodana si caadi ah uma gudankaraan waxaanad ku kalagarankartaa waxaajira calaamado farabadan, iyo astaamo kalasoocaya dadkaasi, waana usoonoqondoonaa calaalamadaha keena mashaakiladaadka aan kasoo hadalay, balse hada waxaan kahadlaynaa maanta nuxurka uu xambarsanyahay ciiwaanka sare kuqoran een kubilaabanay barnaamijkeena maanta.

Haddaba waxaadhacday nin kunool magaalada Muqdisho oo kamida muqyiliinta waa weyn ayaa wuxuu aad ucunaa qaadka nooca kulul ee looyaqaano miirooga. Markaa wuxuu caado uleeyahay maseexdo habeenkuu qayilo waxaan uga siidaran aayar iskama fadhiistee gabbalku markuu dhaco ee ay dadku hurdada utabaabushaystaan ayuu xamaantiisaqaataa, wuxuuna uxaydxaytaa socod hurdana mahawaysto ilaa uusoomaro {7-jid} ookamida wadooyinka dhaadheer ee magaalada. Tusaale ahaan wuxuu cagta saarayaa laamiga dheer ee mara badhtamaha magaalada am jidadka dhaadheer ee kale mid uun markaa wuxuu tirinayaa laamigaa dheer ee uu marayo inta wado ee dhexda ka goynaysa mana joogsanayo ilaa inta uukatirisanayo 7 wado.

Haddaba ninkaasi akhristow dhibaatada haysataa ma aha ookaliya inuu tiriyo wadooyinka magaalada, balse waxaa haysata mushkiladkale oo taa ugaba siidaran, waxaanaytahay dhibaatadaasi inta uu ninkaasi socodkiisa kugudojiro majecla inay indhiihiisu kudhacaan qof bani aadam ah, waayo maxaa dhacaya haduu qof arko? Waxaa kaqasmaya qorsha-ha iyo ujeedada socsdkiisii hore waxaana u bilaabanaysa howlkale iyo socdhorleh, masalan isaga oo kugudajira gebagebada socodkiisii oo soomaray 6 wado haduu kahoryimado ruux banii aadam ahi waxaakagad manaysa tirada waoodooyinkii uu soo maray markaa wixii hore waa kakac, oo waa inuu hada iyo kow kasoobilaabo socodkiisii.

Markaa ninkaa inay dad is arkaani waxay u leedahay khasaarahaa aad aragto oo barnaamijikisi hore kadhigaya halbacaad lagu lisay, waxa intaa usiidheer ninkaa habeenkaasoo dhan wuxuu kujiraa dagaal iyo waxaanad garanayn, oo dadkoodhamba wuu hiifayaa. Mar ayaan waydiiyay ninkaasi maxaa kugu dhacaya hadaad dad lakulanto, waxaanu ku jawaabay , “hadaanan habeenkii 7 jid soomarin iimaba ah.”

La soco.

Top


Gebogebada Shirka Kenya Iyo Kala-Daadsanaanta Somaliland.

1960-kii oo ah ananadkii uushidmay faynuskii xornimodoonka Africa taasoo aydadlalbadan oo Africa ahi iska tuuree heeryadii guumaaysigaeekuhabsatay markii Africa lagauqaybsaday miis dushii oo ahayd 1884-1885 shirkaaso lo yaqaanay kii Baaeliinconference somaliland waxay kamid ahyad bulshoweyntii xornimadaheshay sanadkaas somaliland oonoqotay ciidii ooguhoreysay eelagataago calan ayleeyihin dadsomaliyeed laakiinse riyada somaliland ookujirtay qofkasta oo somaaliyeed ookunool b ariga Africa ayaa waxay dadka rer somaliland bulshadii oogu horaysayeerumaysa riyadaasi waaqaateen calankii midabkabuluuga -a lahaaeexidigta shanta geesleh badhtanka kulahaa laakiinse dadka reersomaliland siday uguliseen reerkoonfuredka oogumay hambaynin dadka reer somaliland dhibaato farabadan bay kasoomareen calankii ayqaateen waxaana sitartiibtartiiba maskaxda ugabaxaysay riyadiisomaliwayn iskusoo wadaduuboo waxaa lasoogaadhay burburkii dowladii siyaadbare waxaanay dhalinyaradii {S.N.M} kugulaysteen qabsashadii gobalada waqooyiga.

Meelkasta oo kamida jamhuuriyadii laysku odhanjiray soomaaliya waxaakahilaacay dagaal sokeeye iyo ismamul la aan laakiinse shacbiga reersomaliland dhibaatobadan kadib waxay samaysteen dowlad maalimba maalinta kadambaysaay awoodeeduu siixoogaysanayso waxaana loosojeestay sidi loosoo celinlahaa maamulkii somaaliya ee burburay talaabadii ooguhoreysana waxaaqaaday bahweyntii {unosm} ee uu hormoodka ka ahaa maraykanku kumayguulaysan hawgalkoodii lamagacbaxy ddibusoocelint rajadii somaliya intaakadib waxay dunidu utafaxaydatay sidii loobaajinlahaa dagaaladii sokeeye ee hadheewyay caasimadii Muqdisho iyo guud ahaamba dalkii somaaliya waxaana shirkii oogu horeeyey martigeliyay jamhuuriyada jabuuti oolagutilmaamo dalkii baa bi iyay riyadii somaliwaeyn shirarki marnaba lagamaquusan.

Waxaana kamadasmbayntii lasoogaadhay shirkii laguqabtay “carta :waxaa kasoobaxay dawlada lagutilmaamo kumeelgaadhka {TNG} balse aanay dadka somaliyeed iskuraacin maanta waxa duleedka Nairbi shir dubuheshiisiineed oo gebogebo kudhow shirkani waxa uu kagaduwanyahay shirarkiihore :iyadoo latixgalinaayo rabitanka shacbiga somaliland : siloodhameeyo marka horekhilaafaadka dhexyaala somaaliya maanta dadka ree somaliland hortaala fursad dahabiya {golden opportunity} oo ay kukasbankaran ictiraafka calamiga ah, oo ay kahelaan bulshada caalamka laakiinse waahaday helaan madaxkajibokeenta arintasi oo kudedaasha” ninkii ilaahay aduunyo larabo ubadkeeduusiiyaa “kasso macnaheedu yahay bulshadu ilaahaylarabo daladawanaagsan wuxusiiyaa madaxwanaagsan “ waa inuu madaxwene rayaale ubabacdhigaa dowladakasoobaxda shirkaa dibu heshiisiinta Somalida ee ka socda duleedka nairobi tan iyo maalintii xilka loodhaariyay madaxwayne rayaale iyo kuxigeenkiisa waxay shacabwaynaha rer somliland naawilaayeen golaha dhexe ee uu soo dhisidoono maadaama uu hore u sheegay inuu dhisidoono dowlad tayoleh, oo wanaagsan, oo ka aqoonbadan tii hore isagoo soo xulaya dad aqoonyahano ah oo waxgarada.

Sida darteed waxa looga fadhiyaa rayaale inuu si degdeg ah u soo dhiso raacii dambe ee wasiirada maxaayeelay sida uu sheegay gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta somaliya mr kipligai nuu ku dhawaaqidoono dowlad Somaliyeed oo loo dhanyahay, maxaayeelay gabagabada shirka dib u heshiisiinta Somaliya iyo kaladaadsanaanta dowlada cusub ee Madaxwayne rayaale waxay indho dherginaysaa “cadowga Somaliland” ee gudo iyo dibadba isaga imaanaya manafailaayo inuu Madaxweyne Rayaale intaa kabadan oo aad ladaahdo dhismaha dowlada.

Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Boyga) Iyo Mustafe Cabdi Maxamed (Cusbo)

Hargaysa.

Top


Diyaarad Maraykanku Leeyahay Oo Ku Burburtay Djibouti.

Djibouti (W.Wararka) - Hal askari oo Maraykan ah ayaa dhintay, sideed kalena way ku dhaawacmeen kadib markii maalintii Axadii uu qarax ka dhacay saldhig ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Djibouti, sidaa waxa shaaca ka qaaday Taliska ciidamada Maraykanka ee Jabuuti deggan iyagoo intaa ku daray inuu qaraxu ka dhashay markii ay qumbuladi kasoo dhacday diyaarad kuwa dagaalka ah oo ku jirtay dhoola-tus milatari oo ay halkaa ka samaynayeen ciidamada Maraykanka ee degan Djibouti.

Warku wuxuu intaa ku daray in lix ka mid ah ciidamada Maraykanka ee dhaawacmay oo uu xaalkoodu halis yahay ayaa loo qaaday cisbitaalada si halkaasi loogu daweeyo. Saldhiga ay ciidamada Maraykanku ku leeyihiin Jabuuti oo lagu tilmaamay in lagala dagaalamo argagixisada Geeska Afrika waxa la sheegay inuu qaraxaasi sababay burburka laba diyaaradood oo ah nooca Helicopter-ta, balse lama sheegin khasaare kale oo halkaa ka dhacay balse waxa socda baadhitaan lagu ogaanayo sababtii keentay shilkaasi markaasoo laga bixin doono warar faahfaahsan.

Tan iyo markii ciidamada Maraykanku saldhigaa ka sameeyeen magaalada Jabuuti waxa laga cabsi qabay weeraro argagixiso oo lagu qaado ciidamada Maraykanka, balse ilaa iyo hadda ma cadda inay falkan ka dambeeyeen kooxo argagixiso ahi iyo inkale.

Top


Al-Qaacida Oo Usoo Jihaysatay Africa.

Sida ay sheegayaan dadka ka faalooda arrimaha caalamiga ahi ururka Al-qaacida ayaa la sheegay inuu haatan usoo jeestay saldhigyona ka samaystay qaaradda Africa, halkaasoo la sheegay inay u fududaysay dawlad la’aan ama jilayc dhinaca dawladnimada ah oo ka jira dalal badan oo African ah.

Sida ay sheegayaan khuburadu waxa kale oo u fududaynaya Al-qaacida inay soo galaan Africa amaan-darro ka jirta meelo badan oo Africa ah, taasoo u fududaynaysa meel ay ku dhex-dhuuman karaan inay ka helaan goobahaas iyo iyadoo ay jiraan meelo badan oo ay awood ku leeyihiin kooxaha lagu tilmaamay mitidka ama asal-raaca. Arrintani waxay kusoo beegantay iyadoo maalintii shalay dalka Kenya maxkamad lagu soo taagay afar qof oo lagu eedaynayo inay ka dambeeyeen qaraxyadii ka dhacay dalkaasi. Meelaha lasoo qaaday in Al-qaacida ay gabaad ka heli karaan waxa ka mid ah Sudan, Somaliya, dalalka waqooyiga Africa oo ku dhow jasiirada Carabta. Balse warbixintu faahfaahin intaa dheer may sheegin, waxayse u egtahay inay hordhac u tahay Maraykanka iyo xulafadiisa oo damacsan inay dagaalka ay kula jiraan argagixisada u soo jeediyaan Africa.

Top


Hoggaamiye Mucaarad Ah Oo Laga Sii Daayay Xabsiga Djibouti.

BBC_Wadanka Jabuuti, waxaa xabsiga laga sii daayay hogaamiye ka tirsan mucaaradka oo wargeysna iska leh oo la yidhaahdo Daahir Ahmed Faarah kadib markii lagu waayay dambiyo ahaa inuu wargeyskiisu daabacay hadalo deel-qaaf ah amaba meel ka dhac ah.

Waxaa la sheegay in uu daabacay warar been ah oo ku saabsan nin sare oo ciidamada ka tirsan oo la yidhaahdo General Zakaria Sheekh Ibraahim iyo wasaarada Gaashaandhigaba.

Waxaa ninkaasi dhawaana lagu waayay laba dambi oo kale oo ahaa in uu qoray hadalo meel ka dhac ah, iyadoo dhowr jeer xabsiga loo taxaabay sanadahii ugu dambeeyay.

Top


Afar Nin Oo Lagu Eedeeyay Qaraxii Mombassa.

BBC_Maxkamad ku taalla dalka Kenya, ayaa afar nin ku soo oogtay sadex iyo toban dambi oo dil ah, arintaasi oo la xidhiidha weerarkii bishii November ee kal hore lagu qaadday Hotel ay Israa'iiliyiintu leeyahiin oo ku yaalla magaalada xeebta ah ee Mombasa.

Lix iyo toban qof oo ay ku jiraan sadex nin oo lagu tuhunsan yahay in ay weerarkaasi ka dambeeyeen, ayaa ku dhintay qaraxaasi oo ay Maraykanku ku eedeeyeen in ay ka dambeeyeen ururka al Qaacida.

Afartaasi nin oola kala yidhaahdo Saciid Saggar, Cabuud Rogo Mohamed, Mohamed Kubwa iyo inan uu dhalay oo la yidhaahdo Mohamed Kubwa Seef ayaan la waydiinin in ay dambiyadaasi qabaan iyo in kale waxaana lagu sii hayaa xabsiga.

dambiyada ragaasi lagu soo oogay waxaa ay soo baxeen wakhtigan oo la adkeeyay amaanka dalka Kenya, waxaa si ku meel gaadh ah loo xidhay safaaradii ay maraykanku ku lahaayeen halkaasi waxaana la joojiyay duulimaadyadii u kala bixi jiraty dalka kenya iyo wadanka ay seriska yihiin ee somalia

Top


Qaadka Kenya Xidhay Sidee Buu U Saameeyay Muqdisho.

BBC_Waxaa maalintii 2aad ka maqan magaalada Muqdisho qaadkii laga cuni jirey kaasoo sida la sheegey ay dowladda Kenya mamnuucdey gebi ahaanba diyaaradaha tega iyo kuwa ka yimaada Somalia.

Waxaa haawanaya kabadhadii ay jaadleyaashu ku iibin jireen jaadka, kuwaaso aad ku arkeysid waxoogaa carruur yar yar oo jaadla loo yaqaano gaamburiga ama garaabada iyagu iibin jirey.

Jaadka oo maalin walba suuqyada lagu iibiyo ee magaalada Muqdisho soo gaadhi jirey 11ka barqanimo ayaa shaley iyo doraad iyo maantaba dadka cuna la arkayey iyagoo ku meereysanaya kabadhadaasi si ay u hubiyaan imaanshiyaha caleentaasi qoyan taasoo u muuqdeen kuwo ka quustey saacaddu markii ay ahayd 2da duhurnimo.

Dadkaasi waxay isku tebinayeen 2dii duhurnimo ka hor inuu jiro safar xalay ay galeen baabuuro kuwa dheereeya ah, kuwaasoo la sheegey in ay ka keenayaan jaad xuduudka ay Somalia la wadaagto Kenya.

Maxed Cumar Maxuud oo ka mid dadka gada jaadka ayaa sheegey in uu si aad ah uga xun yahay maqnanshaha jaadka, isagoo intaasi kudarey in uu iibinayey muddo dhan 15 sannadood, sidaasi darted uu maalin walba ka heli jirey 150,000 so,sh. ayna tahay shaqada keliya ee uu yaqaano taasoo uu sheegey ina ay ahayd mid biil ahaan aad ugu filan qoyskiisa.
Cali Cilmi Shiikh oo ka mid aha dadka sida joogtada ah u cuna jaadka ayaa isaguna sheegey in uu ka reystey shaley iyo maantaba cunista jaadka kaasoo uu sheegey in maalin walba ugu yaraan 50,000 sh.so uu ku cuni jirey jaadka haddii aanuba gaadhin 100,000 so.sh... lacagtaasina uu hadda kula noqdey gurigiisa iyo carruurtiisa.

Jaadka oo ay dhibato ka sheegtaan qoysaska guryahooda laga cuno ayaa hadda waxaad ka dareemeysa in ay si guud ahaan ah raali uga yihiin maqnaanshiyahiisa oo uu horey ula degey dhaqaalahooda qoys ahaan.
Haween ayaa waxay dib u arkeen raggoodii oo guryahoodii dib ugu soo noqdey, kaddib markii suuqyada jaadka iyo meelihii ay ku soo qayili jireen ay soo xidhmeen.

Dhibaatooyinka qoysaska uu ku hayey ka sokow ayaa jaadku uu qeyb weyn ka qaataa degganaansho la'aanta ka jirta dalka iyo burburka dhaqaale ee heysta.

Ugu yaraan waxaa magaalada Muqdisho iman jirey ugu yaraan 10 diyaaradood oo jaad ah kuwaas oo ka soo kala degi jirey garoonada Deyniile iyo nr.50, waxaana maalin walba ku bixi jirey jaadka lacag ka badan ilaa iyo 150,000 USD.

Dadka dhaqaaleyahanada Soomaalida yaa iyagu u arka in lacagtaa intaas la eg ee ku baxda jaadka ya wax weyn katari lahey dib udhuiska iyo horumarinta dalka iyagoo soo dhoweeyey joojintiisa.

Top


Wargeysyada Caalamka ee Todobaadkan.

Sunday Nation.

Wargeyska Sunday Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa shalay waxaa uu qoray maqaal uu bogga hore ku daabacay oo uu ciwaan uga dhigay Dowladda Kenya waxay joojisay dhamaan diyaaradii u duuli jiray dalka Soomaaliya, iyadoo si weyn looga hortayo argagisisada.
Wargeysku waxaa uu maqaalkiisa ku bilaabay in dowladda Kenya shalay joojisay dhamaan duulimaadyadii tagi jiray Soomaaliya, waxayna hawadeeda ka xidhay dhamaan duulimaadyadii dalkaas ka imaan jiray. Sidaasna waxaa loo yeelay baa uu leeyahay wargeysku sababo xagga amaanka ah oo dowladdu uga goleedahay in ah ka hortagto weerar aragagixiso ee laga yaabo in la qaado.

Wargeysku waxaa kale oo uu sheegey in ciidamada amaanka ay howlgal balaaran ka fuliyeen xaafadda East Liegh oo ay dagan yihiin dad Soomali oo badan oo qaxooti ah. Wargeysku waxaa uu sheegay in howlgalaasi lagu wareystey labadii maalmood ee la soo dhaafay dad ka badan 100 qof oo inta badan ay yihiin dhalin yaro.

Wargeysu waxaa kale oo uu xusay in safaarada Mareykanka ee Nairobi in la xidhay ilaa iyo maalinta Arbacada, taas oo ay ku tilmaameen saraakiisha Mareykanku xog cusub oo dhab ah oo la xidhiidha cabsida laga qabo weerar argagixiso oo laga yaabo in uu ka dhaco Kenya iyo dalalka Bariga Afrika.

Wargeysku waxaa uu intaa ku daray in wararka xidhida safaaradu uu soo baxay ka dib markii la xaqiijiyey in madaxweynaha Mareykanka, George W Bush uu booqasho ku imaan doon qaarada Afirka bisha soo socota, hase yeeshee aanu imaan doonin dalka Kenya taas oo la xidhiidha sababo xagga amaanka ah awgood.

AL Ahraam.

Wargeyska Al Ahraam ee ka soo baxa dalka Masar ayaa shalay qoray warbixn oo ku sheegayo in madaxweynaha dalka Mareykanka George Bush uu sheegay in ciidamada Markanka ee Ciraaq ku sugan ay la soo gudboonaan doonto khatar weyn oo u baahan in ay naftooda u horaan.

Waxaa uu wargeysku intaa ku dara in madaxweyne Bush oo hadalkaa ku sheegay khudbada uu todobaad walba raadiyaha uga jeediyo dadka Mareykanka. Wargeysku waxaa uu sheegey in madaxweyne Bush uu cadeeyey in ay soo badaneysay maalmahan ugu danbeyey weerarada gaadmada ah oo lagu soo qaadayo ciidamada Mareykanka, kuwaas oo ay ka danbeeyaan teegeerayaasha Saddaam Xuseen.

Waxaa uu Bush intaa ku daray, sida uu wargeysku qoray in ciidamada Mareykanka ay hadda ku howlan yihiin baadigoobka hubka sida baahsan wax u gumaada ee Ciraaq. Waxaa kale oo uu wargeyku sheegey in uu Madaxweyne Bush sheegay in lacagtii la dhacay ee la helay ee Ciraaq oo gaadheysay boqolka Malyan ee doollar in lagu bixinayo mashriicda dib u dhiska Ciraaq.

Waxuuna intaa ku daray madaxweynuhu in uu garoonka diyaaradaha ee Baqdaad in la furi doono todobaadkan gudihiisa, iyadoo todobaadkii la soo dhaafayna la furay dakeda Umal Qasa si looga dhoofiyo saliida Ciraaq.

Al Bayaan.

Wargeyska AL bayaan ee ka soo baxa dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa isna qoray maqaal uu kaga hadlayo madaxweynaha Mareykanka oo sheegay in uu ku tuhunsanyahay tuugo in ay dhacday hubka sida baahsan wax u gumaada ee Ciraaq.

Wargeysku waxaa uu sheegayaa in madaxweyne Bush uu arrintan ka dhiganayo marmarsiiyo uu uga fakado su'aasha la xidhiidha xaggee buu aaday hubka wax gumaada ee lagu saleeyey weerarkii lagu qaaday Ciraaq?
Wargeyska hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu leeyahay madaxweyne Bush waxaa uu hore u sheegey in laga yaabo in hubkaa la burburiyey dagaalka ka hor, iyadoo isla markaasna dhaliil loogu jeediyey ciidamda Mareykanka in ay ka hortagaan biliqada loo geystay xarumaha nukliyeerka ee Ciraaq.

Al Qudus Al Carabi.

Wargeyska Al qudus Al Carabi ee ka soo baxa magaalada London ayaa isna waxaa uu wax ka qoray maqaal uu kaga hadalayo in wafdigii ugu horeeyey oo ka socda dalka Israel in ay tagi doonaa dalka Ciraaq.

Wargeysku waxaa uu sheegayaa in shirkada xagga dalxiiska ah oo laga leeyahay dalka Israel oo ay iskaashanayaa shirkada laga leeyahay dalka Urdun in tagi doonaa magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Wargeysku waxaa uu intaa ku daray in dowladda Israel ay qorsheyneyso in ay iibsato hoteelka lagu magacaabo Zahratul Khaliij ee ku yaala Badhtamaha Baqdaad. Wareyksu waxaa uu sheegayaa in laga yaabo in hoteelkaasi uu xarun u noqdo ciidamada sirta ee Israel ee loo yaqaano Moosaad

Shiinaha Oo Dagaal Kula Jira Cudurka SARS.

BBC_Inkasta oo ay haatan ay wadanka Shiinaha rasmi ahaan ay ka fayow yihiin cudurka SARS, hadana saynisyahanada ayaa ka digay in uu mar kale xanuunkaasi uu soo noqon karo.

Af hayeen u hadlay ururka caafimaadka adduunka ayaa BBC-da u sheeggay in laga yaabo in uu xanuunkaasi yahay qaar xilliyada qaarkood dilaaca oo lagana yaabo inuu mar kale dilaaco xilliga jiilaalka ee qaybta waqooyi ee caalamka.

Digniintani waxaa ay muujinaysaa sida ay u yar yihiin macluumaadka laga og yahay xanuunka SARS, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan sideed boqol oo qof caalamka oo dhan.

Saynisyahanada ku sugan HongKong, ayaa rumaysan in xanuunkaasi uu aadanaha uga soo gudbay bahal yar oo sida bisadda oo kale ah oo badanaa lagu cuno Hotel-ada laga cunteeyo ee lagu kariyo xayawaanada duur joogta ah ee dhinaca koonfureed ee dalka Shiinaha.

Weriyaha BBC-da uga soo warama arrimaha sayniska ayaa sheegaya inuu weli socdo dadaalka lagu doonayo in lagu ogaado halka uu ka soo faafay cudurka SARS iyada oo sababtu tahay in marka ay Saynisyahanadu ogaadaan halka uu cudurkaasi ka soo faafay ay markaasi yarayn karayaan fursadaha uu dib ugu dilaaci karo.

Maraykanka Oo Weeraray Gaadiid Marayay Suuriya.

BBC_Waxaa si isa soo tareysa u cadaaneysa in howgalkani uu ahaa mid aad u weyn. Wasaarada Gaashaandhiga ee Mareykanku waxay sheegeysaa in ay adeegsatey qaar ka tirsan cidamada khaaska ah ee lugta oo ay taageerayaan helokobraradaha qoryaha sida iyo diyaarado kale.
Saraakiishu Maraykanku waxay aaminsan yihiin in la dilay dad ka mid ah dadkii la socoday kolonyada baabuurta ah , ilaa iyo labaatameeye ka mid ahna la qabqabtay. Inta badan dadkaasan in yar ka dibana la sii daayey.

Dadka degan tuulooyin ku yaala halkaas ayaa waxay u sheegeen wariyeyaasha in konlonyada la weeraray loo isticmaalayay in lagu qaado ido kotorobaan ah.

Afhayeenka Mareykanku ma aanu dooneyn in uu arimahan faafaahin dheeraad ah ka bixiyo. Waxuun sidoo kale ka gaabsan in uu cadeyn ka bixiyo jahawareerka la xiriira dadka Suuriyaanka ah oo la sheegay in ay arrintaa ku jireen.

Sarkaal sare oo Maraykanka ah ayaa sheegay in howlgalka lagu dhaawacay shan ka tirsan ilaalada xuduudka Suuriya, oo seddex ka mid ahina ay hadda daaweynayaan dhaqaatiirta ciidamda Mareykanku.

Hase yeeshee, waxaanan cadeyn sababta ilaaladaasi howlgalka ugu jireen. Saraakiisha Mareykanku waxay xaqiijiyeen in ay dadka la dhaawacay ee Suuriya u dhashay in ay ciidama dhulka ee Mareykanku ay ka soo qaadeen xuduudka Suuriya ee dhanka Suuriya.

Hase yeeshee la ma yaqaano halka ciidamada Mareykanku ama diyaaradaya Mareykanku ay kaga gudbeen xuduudka Suuriya markii lagu guda jiray howlgalka milatiri.

Falastiiniyiin Lagu Xidh-Xidhay Hebron

BBC-Ciidamada Israel, ayaa sheegay in ay qabteen boqol iyo sodon qof oo Falastiiniyiin ah magaalada Hebron ee ku taalla Daanta Galbeed.
Af hayeen ciidamada u hadlay, ayaa sheeggay in dadkaasi la soo qabqabtay mar ay ciidamada Israa'iiliyiintu ay sameeyeen olole wayn oo ka dhan ah dhaqdhaqaaqa islaamiga ah ee Xamaas.

Israa'iilityiintu waxaa kale oo ay xalay meelo kale oo ka tirsan Daanta Galbeed ay ku qabqabteen labaatan qof oo kale.

Nin la taliye u ah dawladda Israel, ayaa BBC-da u sheegay in uu ololahaasi uu maamulka Falastiiniyiinta uu gacan ka siin doono in ay la wareegaan arrimaha ammaanka, laakiin nin la taliye u ah Falastiiniyiinta, ayaa sheegay in ay talaabada noocaasi ahi ay wax ku biirin doonto-uun mija xaabinta maamulka Falastiiniyiinta.
Maalintii Sabtidii, ayaa ciidamada Israa'iiliyiintu waxa ay ku dileen magaalada Hebron sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Xamaas oo la odhan jiray Abdulah Kawasme.

Wariye bbc-da uga soo waramay magaalada Qudus, ayaa waxaa uu sheegayaa in ay saraakiisha Falastiiniyiintu ay haatan ka cabsi qabaan in uu mar kale midho dhal noqon waayo dadaalka lagu doonayo in lagu helo heshiis xabad joojin ah oo lala gaadho ururka Xamaas.

Top


Muran Ka Aloosan Cuntada La Asal-Dooriyay.

BBC_Sarkaal sare oo ka tirsan wadamada ugu daran ee ay saamaysay cunto yaraantu ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal uu madaxwayne Bush uu ku sheeggay in midhaha asalkoodda la dooriyay ay noqon karaan qaar baabiya gaajada amaba lagu joojiyo.

Mr Bush, waxaa uu u sheegay shir ka dhacay magaalada Washington in mamnuucidda ay Midowga Yurub ay ku soo rogeen midhaha asalkoodda la dooriyay ay wax ku biirinayso cunto yaraanta ka jirta Qaaradda Africa.

Laakiin la taliyaha dawlada Ethiopia ee arimaha deegaanka ayaa sheegay in ay Maraykanka iyo Europe ay gacan dheeraad ah ay ku siin karaan Qaarada Africa haddii ay joojiyaan lacagta ay ku kabaan beerahoodda si ay beeralayda Africa ugu suurta gasho in ay lacag dheeraad ah helaan.

Waxaa uu sarkaalkaasi sheegay in ay cunto yaraanta ka jirta dalka Ethiopia ay tahay mid ka dhalatay maal gelin la'aan iyo dhibaatooyin kale oo dhinaca habaynta ah ee laakiin aanay ahayn iyaga oo isticmaalaya nooc qaldan oo abuurka beeraha ah.

Dad ay tiradoodu ka badan tahay laba iyo toban million iyo badh, ayaa wakhtigan xaadirka ah ay noloshoodu ku xidhan tahay cuntada gargaarka ah kadib abaarihii wadankaasi ku dhuftay sanadkii aynu ka soo gudubnay

Top


Nabsigii Foosto-Riix, Q: 13aad Qiso Taxane Ah - Waxa Qoray Siciid I. Guraase.

Mudo ka dib ayaa waxa dhacday in cafis xabsiga lagaga sii daayo Foosto-riix isaga oo mudo dheer ku jiray xabsiga maadaama uu ku xukunaa xabsi daaim muu filayn in la cafiyo sidaa darteed cafiska lagaga siidaayay xabsigu waxa uu ku ahaa lama filaan.

Markii uu xabsigii ka soo baxay ayuu garan waayay meel uu ku hagaago, waxaanay taasi ku kaliftay inuu dibaad joog noqdo. Markii uu isku dayay inuu hayb sado caruurtiisii waxa uu ka baqday inay eryaan maadaama aanu abaal hore usoo dhigan, waxa kale oo uu isyidhi dadka ayaa kula yaabi hadii aad tidhaahdo waxaan raadinayaa caruurtaydii sidaa daraadeed waxa uu go’aan saday inuu meelahaa isaga meherad doonto oo aanu soo qaadin caruurtiisii.

Bil nasiib waxa uu shaqo waash-maannimo ama gaardiyaan ah ka helay shirkadii uu maamulaha ka ahaa wiilkiisii curad ee faarax oo aanu garanayn waxaanu ilaalin jiray dhismaha ay shirkadu leedahay.

Isla maalmahaa waxay ilma Foosto-riix ka maqleen idaacada iyadoo la baafinaayo cidii garata wiilyar oo mudo dheer ka hor lahelay isaga oo uu hooyadii gaadhi jiidhay waxaana la tilmaamay halka ay cidii garataa ugu soo hagaagayso.

La soco.

Top


WAADIGA CIYAARAHA, Cabdifataax M. Caydiid.

Real Madrid Oo Ka Maarantay Tababare Del Bosque iyo Difaacyahanka Hierro.

Madrid (W. Wararka) - Maamulaha kooxda Isbaanishka ah Real Madrid ee dhawaan ku guulaysatay Horyaalnimada kooxaha dalkaas, Jorge Valdano ayaa maalintii isniintii doraad sheegay in hogaanka sare ee kooxdu go’aansatay in aan heshiiska loo jidiidin Tababaraha kooxda Vicente Del Bosque iyo kabtanka kooxda ee difaaca ka ciyaara Fernando Heirro, taas oo ku soo beegantay maalin kadib markii ay kooxdu ku guulaysatay koobka Horyaalka tartanka kooxaha Isbaanishka La Liga, iyo wax ka yar toddobaad markii ay kooxdu heshiis la gashay kabtanka dalka England David Beckham.

“Isbedelku waa wax daruuriya wakhti kasta, xataa wakhtiyada aad guul gaadho, iyadoon la sugin wakhti uu khasaare ama hoos u dhac kugu yimaado.” Sidaa waxa ku tiraabay, Jorge Valdano shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta kooxda.

Afhayeenka Hogaan sare ee kooxda, Enrique Sanchez, ayaa caddeeyay in ay Real Madrid u soo jeedisay inuu 52 jirka Del Bosque uu qabto jagada Maamulka dhinaca taatikada, waxaanu intaa ku daray oo sheegay in Tababarayaal badan ay maskaxda ku hayaan oo ku bedeli doonaan.

Kooxda Real ayaa isku deyay in ay sameyso isbedel cusub oo ay kooxdu yeelato waji ciyaareed oo ka duwan kan imika, taas oo ay doonayso in ay ugu horeyn bedelka ka bilowdo tababaraha Del Bosque oo 52 jir ah oo ay u malaynayaan in aan awoodi karin koox ay ka buuxaan xiddigo fara-badan, iyo Fernando Hierro oo isaga ay eedaynayaan inuu cuslaaday oo gaabinayo, isagoo waliba loo tirinayo inuu sameeyo khalad aad khatar u ah.

Go’aan ay kooxdu kaga maarantay Del Bosque iyo Heirro ayaa lama filaan ku noqday Isbayn oo dhan, kadib markii ay warbaahintu ka hadashay cusboonaysiinta Heshiisyadooda.

Dhinaca kale, warar xog-ogaal ah ayaa sheegay in ay kooxda Real Madrid doonayso in ay heshiis la gasho ku-xigeenka tababaraha Manchester United, Alex Ferguson oo magaciisa la yidhaahdo Carlos Quieroz, iyo tababaraha kooxda Boortaqiiska ah ee ku guulaysatay koobka UEFA Cup, Porto, tababare Jose Mourinho, kuwaas oo la filayo in ay yihiin kuwa ugu dhow-dhow ee jagadaa qabta.

Tababare Del Bosque, waxa uu tababarnimada kooxda Real Madrid la wareegay sannadkii 1999-kii, waxaanu intii uu tababaraha ahaa kula guulaystay kooxda laba jeer oo horyaalnimada Yurub ah, koobta tartanka Horyaalka Isbaanishka La Liga laba jeer iyo koobka Naadiyada Qaaradaha oo hal mar ah.

Sidoo kale Hierro, waxa uu ahaa kabtanka kooxda Real Madrid, isagoo ku soo biiray sannadkii 1989-kii, waxaanu ahaa difaacyahan aad u adag wakhtiyadii hore, balse mustawihiisu hoos ayuu u soo dhacay labadii xilli-ciyaareed ugu dambeeyay, taas oo indhuhu ay aad u hayeen.
Warbaahinta qaar ayaa xustay maalmihii ugu dambeeyay in Naadigu u soo bandhigay Hierro heshiis muddadiisu ay gaadhayso laba sannadood oo kale, laakiin maamulka kooxdu si day u egtahay wax doonayaan in ay mushaharka uu sannadkii qaato hoos u dhigaan, kaas oo dhan 4 milyan oo lacag Euro ah. Hierro, intii uu u ciyaarayay kooxda Real wuxuu kula guulaystay tartanka Horyaalka kooxaha Isbaanishka (La Liga Spain) shan jeer, Horyaalka Yurub-na saddex jeer, koobka Isbaanishkana hal mar, koobka Naadiyada qaaradahana laba jeer.

Frank Rijkaard Oo Tababare U Noqday Kooxda Barcelona.

Barcelona (W. Wararka) - Kooxda Isbaanishka ah ee Barcelona ayaa si rasmi ah maalintii Isniintii heshiis ula gashay ciyaartoygii hore ee reer Holland, Frank Rijkaard, heshiiskaas oo muddadiisu dhan tahay afar sannadood inuu tababar u noqdo kooxda, isagoo bedelay tababarihii Serbiga ahaa Radomir Antic.

Wada-hadalka labada dhinac ayaa qaatay muddo dhawr maalmood, kadib markii ay kooxda Barcelona ka dhicisowday heshiis ay doonaysay in ay kula gasho tababaraha kale ee reer Holland Guus Hiddink ee tababara kooxda Horyaalka Holland ku guulaysatay xilli-ciyaareedkan PSV Eindhoven.

Muhiimada ugu horeysa ee laga doonayo tababare Frank Rijkaard oo uu caawinayo ninka ay isku jinsiyada yihiin Hink Tin Kat, inuu kooxda dib ugu soo celiyo heer sareeya, kooxdan oo aan wax koob ah ku guulaysan tan sannadkii 1999.

Rijkaard, waa tababarihii afraad ee Hollandi ah ee tababara kooxda Barcelona, kadib Yohaan Krouf, Rinios Miklz iyo Luis Van Gaal.
40-jirka reer Holland, Rijkaard, waxa tababarnimada dalka Holland hayay July 1998-kii ilaa June 2000-kii, ka hor intii istiqaalada ka dhiibin jagadaa, kadib markii dalka Holland ku hadhay wareegii semi-final koobka qaarada Yurub oo ay dalka Talyaanigu kaga badiyeen rigoorayaal. Kadibna waxa uu tababare u noqday kooxda Sparta Rotterdam oo xilli-ciyaareedkii dhowaa hoos ugu dhacay darajada Labaad ama (Serie B).

Xusuustii Koobkii Adduunka 1990-kii, Ma Ku Celin Doontaa Kamaruun?

Lyon, France (W. Wararka) - Eric Kwekeu wuxuu xusuustaa markii ugu dambaysay ee ay Kamaruun la ciyaarto dalka Colombia. Markaas oo uu 10-jir ahaa, telefiishankana ka daawanayay Roger Milla oo dhaliyay gool wakhtigii dheeraadka ahaa ee ciyaarta, taas oo ay kooxda libaaxyada Afrika 2-1 kaga guulaysteen, cagtana dhigeen quarterfinals-ka oo ay noqdeen kooxdii Afrikaanka ahayd ee kaalintaa gaadha.

“Ciyaarta kadib, waxaanu u soo baxnay wadooyinka oo aanu aad u qaylinaynay. Kamaruun gudaheeda. Kamaruun gudaheeda, aad ayaanu u jecelnahay kubadda cagta,” ayuu yidhi Eric.

Taageerayaasha ayaa ku dhex ciyaarayay wadooyinka Yaounde, oo ah magaalada caasimada Kamaruun, kadib markii ay guulweyn keeneen oo ay u soo gudbeen wareega labaad ee koobka adduunka June 23, 1990.
Milla oo 38-jir ah oo ku soo noqday ciyaaraha tartankaa kadib markii uu ka fadhiistay, ayaa laba jeer ka dhaliyay dalka laatiin Ameerika ka socday, taas oo goolashiisa ka dhigtay 4gool.

“Waxa uu ahaa xaflad aad u weyn.” Sidaa waxa yidhi kabtanka dalka Kamaruun Lucien Mettomo oo markaa 13 jir ahaa.

Weeraryahanka VAlery Mezague oo markaa da’diisu ahayd 6 jir, kuna noollaa dalka France, ayaa isna yidhi: “Waxaan xusuustaa labadii gool ee uu dhaliyay Roger Milla, waxaan la ciyaarta la daawanayay qoyskayaga.”

Kulanka Khamiista ay kulmayaan ma aha mid sidaa muhiim ugu ah u soo gudubka ay u soo gudbeen semifinals-ka koobka Qaaradaha Adduunka. Laba kooxood kolba kii badiyaa waxa uu la kulmi doonaa dalka Faransiiska iyo Turkiga kolba ka soo badiya.

Kamaruun, koobkii adduunka 1990-kii, in ay ku guulaysato waxa uu ahaa 500-1 (shantii boqolba hal), laakiin libaaxyada Afrika waxay niyadjab ku rideen kooxda koobka difaacanaysay ee Argentina oo ay 1-0 kaga adkaadeen ciyaarta furitaanka, dabadeedna waxay garaaceen Romania oo ay 21 kaga adkaadeen, waxaanay u soo gudbeen wareegii labaad.

Libaaxyada Afrika waxay ciyaartii quarterfinals-ka laga adkaaday 3-2 wakhtigii dheeraadka ahaa oo ay England ku guulaysatay. Muuqaalkaasi, waxa uu keenay soo shaacbax weyn oo ahmiyad la siiyay ciyaaraha kubadda cagta ee Afrika, taas oo ay naadiyada adduunka ugu sareeyaa heshiisyo la galeen xidigii Afrikaanka ahaa ee koobka Adduunka 1990.
Dhinaca kale, dalalka kale Afrikaanka ayaa iyaguna meel fiican soo gaadhay, sida Nayjeeriya oo wareega labaad u soo gudubtay koobkii adduunka 1994-kii, iyo Senegaal oo niyadjab ku riday dalka Faransiiska oo horyaalka difaacanayay, kadibna u soo gudubtay quaterfinals-ka, ka hor intii aanay wakhtigii dheerraadka ahaa ee ciyaarta Turkigu kaga adkaan.

Sida kooxaha kale ee tartankan Qaaradaha adduunka 2003, Kamaruun ma aha koox dhammaystiran, waxaanay doonay in ay hore u socoto.
“Ujeedadayadu waxa weeyaan in aan samayno koox cusub.” Sidaa waxa yidhi Tababaraha Kamaruun Wennie Schaefer, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi; “Muhiimadayada ugu weyni waa in ay kooxdu u soo baxdo koobka Qaarada Afrika iyo koobka adduunka ee 2006 ee lagu qabanayo Jarmalka.”
Weli, Kamaruun waxay ciyaarta khamiista berito uga dhigan tahay mid muhiim ah, waxaanay kooxdu shalay salaasadii tababarkoodu ku qaadanayeen Saint-Etienne.

“Waxaanu u baahanahay degenaasho,” ayuu yidhi Schaefer.

Dhinaca kale, Horyaalada Qaaradda Laatiin Ameerika uma ciyaarayaan tartankan qaaradaha adduunka si sahlan, waxaanay si weyn isugu diyaarinayaan ciyaarta maalinta khamiista ah ee ay kaga hor imanayaan dalka Kamaruun.

“Waxaanu u jeednaa in aanu u soo baxno ciyaarta weyn kama-dambaysta.” Sidaa waxa yidhi ciyaartoyga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Inter Milan, ahna kabtanka kooxda Kolombiya, Ivan Cordoba.

Fashilkii ay ku fashilmeen in ay u soo gudbaan koobkii adduunka ee sannadkii hore, waxa uu ahaa mid hoos u dhac weyn ku keenay kooxda dalka Kolombiya, laakiin imika waxay ku damaashaadayaan soo noqoshada tababaraha Francisco Maturana uu ku soo noqday tababarka xulka, waxaana mar kale ka mid noqdeen dalalka ugu cadcad koonfurta Ameerika.
“Ciyaarba ciyaarta ka dambaysa ciyaartoydu way sii wanaagsanayaan.” Sidaa waxa yidhi tababare Maturana.

“Kamaruun waa koox difaaca wada gasha, kadibna isticmaasha in ay mar weerar degdeg ah soo qaadaan.” Sidaa waxa yidhi Giovanni Harnandez, waxaanu ku daray intaa oo uu yidhi: “Waxaanu ka hor tegaynaa koox aad u adag ciyaar ahaan, taariikh wanaagsan oo kubadda cagta ahna leh.

Waxaanu u baahanahay in aanu ciyaarno ciyaar baasas khafiifa leh, taas oo noqonaysa wadada aanu goolka ku tegi karno.”

Ivan Cordoba oo ciyaartii ay Japan la yeeshay dalkiisa Kolombiya ka maqnaa, ayaa ciyaartan dib ugu soo laaban doona, isagoo sheegay in ay taariikhdii hore wax ka beddeli doonaan, waxaanu yidhi: “Run ahaantii, Kamaruun waa kooxda aanu doonaynay in aanu kula kulano halkan,” waxaanu intaa ku daray, “Fursadani waa taayadii aanu ku baabi’in lahayn khasaarihii Talyaaniga naga raacay.”

Top