Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 365 June 30, 2003

Yaa Ka Dambeeyay, Yaa-Se Fuliyay Duqayntii Dhinaca Cirka Ee Lagu Burburiyay Hargeysa Iyo Burco 1988-Kii Magacyada Duuliyeyaashii Diyaaradahaa Waday Iyo Cidii Qandaraaska Qaadatay.

Dadka Reer Gebilay Iyo Dareenada Guddoomiyihii La Beddelay War-Bixin - Weriyaha Gebilay.

Dadka Reer Burco Waxay Xukuumadda Ka Sugayaan Inay Wax Ka Qabato Sicir-Bararka Lacagaha Badan, War-Bixin --- Axmed Aadan Yuusuf.

Ajandaha Kal-Fadhigi 21aad Ee Guurtida.

Jack Straw Oo Booqanaya Iran.

Liberia: Annan Oo Ku Baaqay Ciidamo Shisheeye.

Condoleeza Rice Iyo Booqashadeeda Bariga Dhexe.

Mudanayaasha Wakiilada Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Ansixinta Wasiiro La Horgeeyay.

ODHAAHDA AKHRISTAH: Waxaa Caado Noqotay Shaqalaha Wakaalada Biyaha.

Waa Mahad Allee Madaxeen Bannaan.

Macal Cune Soo Bixi Doonee!

Hala Soo Celiyo Kalsoonida Ardayda Camuud.

Fadeexadii Gegida Diyaaradaha ee Hargeysa, Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID


Yaa Ka Dambeeyay, Yaa-Se Fuliyay Duqayntii Dhinaca Cirka Ee Lagu Burburiyay Hargeysa Iyo Burco 1988-Kii Magacyada Duuliyeyaashii Diyaaradahaa Waday Iyo Cidii Qandaraaska Qaadatay

Hargeysa (Haatuf): waxa beryahan soo baxayey warar kaa hadlaya masuuliyiin lagu eedeeyey inay ka qayb ahaayeen duqeyntii 1988-kii loo geystay dadka rayidka ahaa ee goboladii waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) gaar ahaan dadkii ku dhaqnaa magaalooyinka Hargeysa iyo Burco kuwaas oo loo adeegsaday iyadoo loo soo kireeyey duuliyayaal calooshooda u shaqaytayaal reer Koonfur Afrika ah iyo duuliyayaal u dhashay dalkii Soomaaliya.

Haddaba waxa jiray ilaa sanadadii u dambeeyey xogo kala duwan oo laga bixinayey sidii ay arrintaasi ku timid, iyada oo ay wargeysada dalka qaarkoodna wax ka qoreen, sidoo kalena lagu qoray qaar ka mid ah warbaahinta caalamka, iyada oo la sheegay in qandaraasyo lagu bixiyey, sidii loo soo kireyn lahaa calooshooda u shaqaystayaashaa, iyo waliba dalal iyaguna ku caawiyey diyaaradihii Hawkerhunters-ka ahaa ee lagu duqeynayey dadka rayidka ah.

Waxa kale oo jira rag iyaguna arrintaas qayb libaax ka qaatay sidii loo hirgelin lahaa.

Wargeyska Maandeeq ayaa sanadkii 2000 wax ka qoray mawduuc arrintaas ku saabsan, haddaba anaga oo xiganayna mawduucaas iyo xogo kale oo aanu ka helnay meelo kala duwan, ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xogo arrintaas ku saabsan.

Waxa la sheegay in 1983-kii ay dawladda Imaaraadka Carabtu ugu deeqday dalkii hore ee Soomaaliya 14 diyaaradood oo ah noocoodu kala ahaa 10 nooca loo yaqaan Hawkerhunters, iyo 4 noocoodu yahay Islander.

Waxa ay taasi keentay baahi loo qabo in la helo rag aqoon dheer u leh diyaaradahaas, kuwaas oo tababar siiya saraakiil soomaaliyeed, waxaana qandaraas lagu siiyey nin ganacsade Soomaali ah oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Buluug, isaga oo Koonfur Afrika iyo Zimbabwe ka soo kireeyey afar duuliye iyo afar farsamo-yaqaan oo ku shaqeeya qaab calooshooda u shaqaystayaalnimo ah, iyada oo heshiis dhexmaray taliyihii ciidanka cirka Soomaaliyeed iyo gacanyarihii Jaamac Buluug oo la odhan jiray Idiris Shidle loo xilsaaray hirgelinta arrintaas, isaga oo xafiis ka samaystay saldhiga diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.

Dabadeed nimankii calooshooda u shaqaystayaasha ahaa waxay bilaabeen inay tababaraan saraakiishii ugu horeysay, kuwaas oo kala ahaa G/Sare Duuliye Cali Ibraahim Axmed, G/Sare Duuliye Maxamed Warsame Mooto, G/Sare Maxamuud Mad Khaliif, G/Sare Duuliye Aweys Xuseen Cali.

Taliskii qaybta 26aad ee fadhigoodu ahaa goboladii waqooyi, waxa soo food saaray marxalad adag, markii xoogaga SNM ay soo galeen goobihii ay ku sugnaayeen xoogagii Siyaad Barre, ayna ku sigteen inay gebi ahaanba burburaan, iyaga oo u babac dhigi kari waayey dagaalyahankii SNM, iyaga oo taageero hiil iyo hooba ka helay bulshadii rayidka ahayd.

Si looga hortago xoogagii SNM waxa la qaaday duulaan cirka iyo dhulka ah, kaas oo isla jaan-qaaday, bari ilaa Galbeedka iyada oo aan loo kala aabo yeelayn goobaha rayidka iyo dagaalyahankii SNM, waxa sahan loo diray diyaaraha nooca loo yaqaan CESNA oo ay wadeen duuliyayaasha kala ah Axmed Maxamed Maxamuud, Suufi Jaylaani Maxamed, Faarax X. Salaad, Juseeb, iyo Xasan Yare, inta badan ciidanka cirku wuxuu isticmaali jiray Mig 19, guud ahaan hawlgalkii lagu fuliyey gobolada waqooyi, waxa ka qayb qaatay ragga kala ahaa G/Sare Khaliif Ciise Yuusuf, taliyihii ciidanka cirka Bali-Doogle, Faarax Siciid taliyihii ciidanka cirka Hargeysa, Maxamed Aadan Dirir ciidanka cirka ee Berbera, Yuusuf Maxamuud Maxamed Duuliye Mig 17, Mursal Muufo Duuliye Mig 19, Maxamed Xasan Raage Duuliye Mig 19, Xuseen Xasan Duuliye Mig 19, Axmed Gurxan Hoori, Duuliye Mig 19, Maxamed Axmed Xaayaw duuliye Mig 19, Xirsi Maxamed Faarax Duuliye Mig 19, sidoo kale kooxdii diyaaradaha Hawkhunters-ku waxay kala ahaayeen G/Dhexe C/laahi Xaaji taliye xigeenkii Baydhabo, G/Dhexe Maxamuud X. Warsame Duuliye Hawkerhunters, G/Dhexe Maxamed Khaliif Isaaq Duuliye Hawkerhunter.

Waxa kale oo jirtay diyaarad ay soo rideen xoogagii SNM, saraakiisha ku dhimatayna waxa ka mid ahaa Maxamed Xasan Raage Duuliye Duuliye Mig 19, Xuseen Xasan Duuliye Mig 19, Axmed Gurxan Hoori Duuliye Mig 19, Axmed Maxamed Xaayaw Duuliye Mig 19, Maxamed Khaliif Isaaq Duuliye Hawker Hunter, sidoo kale raggii calooshooda u shaqaystayaasha ahaa ee bamka sidii naxariis darrada ahayd ula dhacay dadka rayidka ah ee waxba galabsan, J.R. Blythe (Pilot) Duuliye, M. Shegnuller Duuliye, D.R. Jackson (Engineer,) K. Jonnes (Engineer), C.D Boll (Arrmament,) J.D. Hurrell (Airfr).

Dagaalada oo ka socday magaalooyinka Burco iyo Hargeysa, iyada oo dadka rayidka ahina ka qaxeen goobihii dagaaladu ka socdeen, iyaga oo degay meelo aan ka fogayn labada magaalo, balse dagaalku sii cuslaaday waxay ciidamada Siyaad Barre kaga daba tageen meelihii ay u bara-kaceen, iyaga oo isticmaalaya diyaarado iyo culculus iyo qoryaha arltelariga ah, isla markaana waxa halkaa ku naf waayey kumanyaal qof oo aan waxba galabsan.

G/Sare Duuliye Faarax Siciid taliyihii ciidanka cirka Hargeysa oo isagu hagayey hawlgeinta diyaaradaha oo hawshii ku balaadhatay ayaa qaylo dhaan u dirtay taliyayaashii ciidanka cirka ee xeryihii ugu waaweynaa ee dalka wakhtigaas, kuwaas oo ku kala yiil Bali-Doogle iyo Baydhabo, waxaana qaylo-dhaantaa ugu yimid G/Sare Khaliif Ciise Yuusuf taliyihii ciidanka cirka Bali-Doogle, oo horkacaya kolonyo diyaarado ah oo noocoodu yahay (Mig 17 iyo Mig 19) iyo G/Sare Duuliye Cali Ibrahim Axmed (Cali Doob) taliyihii ciidanka cirka Baydhaba oo isna jiidaya raxan diyaaradda oo ah nooca Hawk Hunter-ka kuwaas oo si deg deg ah uga degay garoonka diyaaradaha Hargeysa, kuna biiray hawlgalkii ay ciidanka dawladdu ku ugaadhsanayeen dadka rayidka ah, taas oo sababtay in dadka intii hadhay ee aan ku jirin dagaalku u qaxaan dhinaca Itoobiya.

Balse waxa xusid mudan G/Sare Duuliye Axmed Maxamed Maxamuud (A/Dheere) ayaa isaga damiirkiisu siin waayey inuu xasuuqo dad maato ah oo qaxaya, wuxuuna go’aansaday inuu la fakado Mig 17, wuxuuna si geesinimo leh u dejiyey xeebta Djibouti.

Iyada oo go’aankaa Axmed Dheere hoosta ka xariiqay xasuuqii dadka lagu hayey.

G/Sare Duuliye Yuusuf Maxamed Maxamuud (Y/sare) oo isna waday diyaarad Mig 17 ah, ayaa isagu duqeynayey goob kasta oo uu bidhaan dad ka arko, isaga oo aan xataa masaajiida dhaafayn.

Yuusuf Yare waxa lagu tilmaamaa sarkaalkii kaalinta 1aad ka galay hawlgalkii xasuuqa iyo burburinta ahaa ee goboladii Waqooyi, iyada oo uu Jeneral Moorgan abaal marin u siiyey lacag badan iyo baabuur Landcruieser, kaalinta labaad waxa galay xasuuqaa dadka reer Somaliland lagu xasuuqay G/Sare Duuliye Maxamuud Xaaji Warsame (Moojo).

Raga ku dalacay xasuuqa dadka loo geystay waxa ka mid ahaa Khaliif Ciise Yuusuf iyo Jeneral Nuur Dhuudhi, iyada oo Jeneral Dhuudhi u xuubsiibtay inuu noqdo taliyaha ciidanka cirka Soomaaliyeed.

Top


Dadka Reer Gebilay Iyo Dareenada Guddoomiyihii La Beddelay War-Bixin - Weriyaha Gebilay.

Dadka Reer Gebilay Iyo Dareenada Guddoomiyihii La Beddelay War-Bixin - Weriyaha Gebilay

Gabiley (Haatuf): Dadka reer Gabiley ayaa dareemo kala duwan ka bixiyey bedelka maayarkii hore ee degmadaasi Muxumed Geelle Seed.
Weriyaha Haatuf ee Degmada Gabiley Maxamed Xasan ayaa warbixin uu nooga diyaariyey waana tan warbixintii.

“Dadku idiinkama fadhiyaan shan sano oo ayaa mindida daabkeeda la ii soo doortay, ee waxay idiinka fadhiyaan waxqabad iyo horumar la taaban karo”. Sidaa waxa yidhi qaar ka mid ah haweenka degmada Gabiley.
Dadka degmada ayaa qaarkood ku macneeyey bedelka maayarkii hore inay ka dambaysay ka dib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay maamulka xisbiga UDUB iyo maayarkii hore, taas oo sababtay in la bedel maayarka.

Taas oo ka dambaysay ayey sheegeen inaanu maayarkii hore u jajabnayn arrimaha xisbigaasi, isla markaana ay kala fogyihiin mudanayaasha xisbigaas kaga jira golaha deegaanka ee degmadaasi.

Si kastaba ha ahaatee dadka degmada Gabiley ayaa qaarkood sheegay in maayarkaasi markii uu maayarka ka ahaa degmada sanadkii 1997-kii ilaa 1998-kii uu qabtay waxyaabo badan, iyo mashaariic badan oo horumarineed, inkasta oo hore xiligaa lagu eedeey lunsi hanti qaran, iyo musuqmaasuq uu ka galay degmadaasi.

Balse xiligan ayay dadka badankoodu aaminsanyihiin inaanu muddo badan oo lagu eegi karo hayn xilka maayarnimada degmadaasi, oo uu hayey in ka yar 120 maalmood oo kaliya, isla markaasina aanay ahayn wakhti ku filan oo uu wax ku qaban karo.

Sidoo kale dadka degmada Gabiley qaar ka mid ah ayaa golaha deegaanka ee degmadaasi ku eedeeyey inay caqabad ku yihiin horumarka degmadaasi.

“Inta ay maalinba nin lugta jiidayaan, loogama fadhiyo waxqabad, 20-ka aan arkay ninkay ka dambeeyaan tamarin maayo” sidaa waxa yidhi Daahir Obsiiye oo ka mid ah dadka degmada Gabiley.

Waxa kale oo ay dadka degmadu sheegeen inaanay wax ka soconayn degmada inta ay wax sidan yihiin ee reerku geediga ku jiro ee maalinba nin loogu guurayo. Isla markaana aanay taasi waxba soo kordhinayn.

“Waxaan ka baqayaa in sida geediga loogu jiro gabalku dhaco”. Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah macalimiinta dugsiyada Degmada. Dhinaca kale duqa cusub ee degmada loo doortay ayey dadku ku macneeyeen inuu isbedel ku keeni karo xidhiidhka degmada iyo xukuumadda dhexe, maadaama ay ayey yidhaahdeen in uu ka soo jeedo Arabsiyo oo si weyn looga taageero xisbiga UDUB, ee hadda talada dalka haya.

Top


Dadka Reer Burco Waxay Xukuumadda Ka Sugayaan Inay Wax Ka Qabato Sicir-Bararka Lacagaha Badan, War-Bixin --- Axmed Aadan Yuusuf.

Burco (Haatuf): Magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer waxa uu dhaqaalaheedu ku xidhnaa xoolaha nool, laakiin tan ay dawladda Sucuudigu joojisay dhamaan xoolihii uga iman jiray afrikada Bari, taasina waxay sababtay inay arrintaasi saameyn weyn oo dhaqaale ku yeelato gobolka Togdheer, haddaba saamaynta ay arrintaasi ku yeelatay iyo duruufaha dhaqaale ee ka dhashay lacagaha kala duwan ee laga isticmaalo magaalada Burco waxa warbixin nooga soo diray Axmed Aadan Yuusuf oo ka tirsan hawlwadeenada Haatuf ee Burco, wuxuuna ku bilaabay sidan:

“Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer waxa jira duruufo isa soo tarayey oo dhinaca dhaqaalaha ah, kuwaas oo ka dhashay joojinta xoolaha ee Sucuudiga, oo ay magaalada u ahayd saylada ugu weyn ee ganacsiga xoolaha dhulka Soomaalida. Waxayna arrintani keentay sixir barar ka dhashay lacago kala duwan oo lagu bedesho lacagta dollar, lacagahaas oo magaalada Burco ka soo gala xuduudaha ganacsi ee ay la wadaagto gobolada Puntland, koonfurta Soomaaliya iyo Itoobiya, wakhtigan magaalada Burco waxa ka shaqeeya lacagta Soomaaliyadii hore, isla markaana lacagtaas oo noocyo badan waxa ka mid ah lacagta Soomaaliyadii hore noodhadhka 50-ka 100-ka shilin kuwaas oo ku goodoomay magaalada Burco gudaheeda oo kaliya, isla markaana aan laga qaadan gobolada kale oo Soomaaliya ee lacagtan isticmaala, tusaale xataa degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada Burco, lagama qaato waxayna, waxayna ku dhex wareegtaa magaalada Burco oo kaliya.

Arrintani waxay dhalisay inuu sixirka maceeshadu fadhiisan waayo, waxayna magaalada Burco sixir bararka waxay la wadaagtaa magaalooyinka kale ee Somaliland, laakiin waxa u dheer iyada jahawareerka ay ku rideen lacagaha kala duwan ee kaga soo fatahaya dhinaca Soomaaliya iyo Puntland kuwaas oo aafeeyey suuqyada ganacsiga magaalada Burco, isla markaana samada ku shareeray sixirka maceeshada.

Mararka qaar waxa dhacda sixirka oo aan fadhiyin awgeed, la sirifi waayo lacagta dollar-ka , taas oo keenta in qofka kuuliga ah yoomkiisa lagu xidho dollarka oo lala sugo inta uu fadhiisanyo.

Dadka reer Burco iyo gobolada bariga Somaliland-ba sanadihii u dambeeyey waxay naawilayeen inay xukuumadda Somaliland wax ka qabato dhibaatada dhaqaale ee ay dhaxalsiiyeen lacagaha kala duwan ee ay isticmaalaan, waxayna ugu yaraan rajaynayeen in laga bedelo lacagta giimbaarta ah ee ay qaataan, si ay ugu koobnaadaan oo kaliya lacagta Somaliland, laakiin todobaadyadii ina dhaafay gudoomiyaha baanka Somaliland ayaa ogeysiiyey xawaaladaha dalka ka hawlgala inay u isticmaalaan sida baanan oo kale xawaaladahooda, waxayna arrintaasi keentay inay dadka reer Burco isweydiiyaan sababta ay xukuumaddu wax uga qaban weyday sixirka iyo mushkiladaha dhaqaale ee haysta gobolada bari ee ay ugu hanjabayso xawaaladaha madaxa banaan oo door weyn ka ciyaara adeega iyo isu socodka dhaqaalaha dalka”. 

Top


Ajandaha Kal-Fadhigi 21aad Ee Guurtida.

Ajandaha Kal-Fadhiga 21aad Ee Guurtida.

Hargeysa (Haatuf) Mudanayaasha golaha guurtida Somaliland ayaa shalay loo qaybiyey ajandaha kalfadhiga 21aad ee golaha, kaas oo lagaga doodayo arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda dalka gudo iyo dibadba.

Waxa kale oo ajandaha kalfadhigan lagu soo qaadi doono ka mid ah nabadgelyada iyo xoojinteeda, mushkiladaha dhulka, dhaqaalaha dalka, asbaabaha dhaqaale xumada keenaysa iyo sida lagu xoojin karo.

Waxa iyana ajandaha 21aad ee golaha guurtida ku jirta xogwaraysiyo ay la yeelanayaan masuuliyiinta qaranka qaarkood, sida taliyaha ciidanka qaranka, taliyaha ciidanka booliska iyo duqa caasimada.

Sidoo kale waxa lagu soo qaadayaa xaaladda gobolada bari (Sool iyo Sanaag) iyo waxyaabo kale oo la xidhiidha arrimaha dhaqaalaha, nabadgelyo ee dalka.

Top


Jack Straw Oo Booqanaya Iran.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Britain, Jack Straw ayaa shalay booqasho ku tagay dalka Iran si uu iskugu dayo in uu ka dhaadhiciyo dawladda Iraan in ay u furto xarumaheeda Nulkiyeerka kormeerayaasha caalamiga ah.

Saraakiisha Ingiriisku waxay sheegayaan in ayna wadahadaladaasi ka fileyn in wax sidaasi ahi ay ka soo baxaan, hase yeeshee Mr. Straw ayaa ku rajo weyn in wadahadaladu ay gacan ka geysan karaan in lagu qaboojiyo xiisada hadda ka taagan arrinta Nukliyeerka, marka la barbaridho mowqifka Mareykanka uu ku diidan yahay in la-laba xaajoodo dawladda Iraan.

Booqashadani ayaa waxay ka dambeysaa xili ay xiisadi ka jirto dalka Iraan, iyadoo afar xubnood oo baarlmaanka ku jira ay iyana taageerayaan mudaaharaadyada ardayda ku baaqaya in dalka laga sameeyo isbedelo dimuqraadiyadeed.

Dawladda Iraan ayaa waxaa aad uga cadhaysiiyey taageerada xagga afka ah oo ay dawladaha Britain iyo Maraykanku u fidiyeen ardayda mudaharaadeysa.

Top


Liberia: Annan Oo Ku Baaqay Ciidamo Shisheeye.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midowbay, Kofi Annan, ayaa ku baaqay in ciidamo nabad ilaalin ah oo caalami ah si dhaqso ah loogu diro dalka Laberia si ay uga hortagaan, waa sida uu hadalka u dhigay’e, masiibo weyn ee bani'aadaminimo oo xun.

Annan waxa uu intaa ku daray inuu aad uga werwersan yahay in dhowr boqol oo qof oo rayid ah lagu dilay dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay caasimada Monrovia.

Mr. Anaan waxa kale oo uu sheegay in haddii arrinta socota la ogolaado in ay keeni karto cawaaqib xun oo aan caloosha la siin karin, taas oo aan ku koobnaan doonin dalka Liberia oo kaliya, hase yeeshee saameyn doonta dalalka kale ee gobolka, gaar ahaan dalalka dariska ah ee Sierrra Leone iyo Ivory Coast.

Dawladda Liberia iyo kooxda mucaaradka ugu weyn ee LURD ayaa ku dhawaaqay xabad joojin maalintii jimcahii ka dib markii uu ka dhacay dagaal kulul oo socoday laba maalmood magaalada Monrovia.

Top


Condoleeza Rice Iyo Booqashadeeda Bariga Dhexe.

Haweenayda La taliyaha xagga Amaanka ee dawladda Mareykanka, Condoleeza Rice ayaa la filayaa in ay kulan la yeelato Ra'iisal Wasaaraha Israel Ariel Sharon si ay u horumariso qorshaha Nabadda ee loo yaqaano Wadada Khariiradda (Road Map).

Haweyneydaasi waxay mar hore kulan la soo yeelatay Ra'iisal Wasaaraha Falastiiniyiinta, Maxamuud Cabbaas. Kulankaasna waxay saraakiisha Falastiiniyiintu ku tilmaameen in uu ahaa mid si wanaagsan u dhacay.

Saraakiishu waxay sheegeen in Ms Rice ay mar sii horeysayba ogolaatay in ay Israel tahay in sida ugu dhakhsaha badan oo suurogal ay uga baxdo dhamaan dhulka Falastiiniyiinta ay ka heysato.

Inta badan kooxaha Falastiiniyiinta ee xag jirka ah waxay sheegayaan in ay diyaar u yihiin in ay hakiyaan weerarada lagu qaado Israel sida ku xusan qorshaha nabadda, hase ahaatee, waxaa jira in hogaamiyeyaasha kooxda shahiidiinta Al Aqsa ay ku cabanayaan in aan arimahan lagala tashan.

Top


Mudanayaasha Wakiilada Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Ansixinta Wasiiro La Horgeeyay.

Hargeysa(Haatuf): Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa shalay gaashaanka ku dhiftay ansixinta xubno ka mida golaha wasiirada ee uu madaxweyne Rayaale magcaabay horaantii bishan. Xubnaha wasiirada ah ee golaha la horkeenay oo kala ahaa wasiirada, arrimaha gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan, Kaluumaysiga, Maxamed Siciid Gees, Gaashaandhiga Imaaciil Cumar Aadan (Boos),Qorshaynta Axmed X Daahir. Mudanayaasha golaha wakiilada waxay arrintani ka dhex abuurtay sawaxan iyo buuq , ka dib markii ay mudanayaasha madasha fadhiyay ku war heleen afar ka mida todobadii wasiir ee uu dhowaan magcaabay madaxweyne Rayaale oo la doonayo in lagu ansixiyo fadhigaa, laakiin waxay mudanayaasha qaarkood soo jeediyeen inuu madaxweynuhu isa soo raaciyo xukuumadiisa oo dhamaystiran iyo barnamijka xukuumada, halka qaar kalena ay soo jeediyeen in la ansixiyo maadaama dastuurku sheegayo in mudo bil gudeheed ah lagu hor keeno golaha wakiilada si loo ansixiyo.

Haseyeeshee waxay mudanayaashu cod aqlabiyad ah ku diideen ansixinta xubnahaa wasiirada . ka dib markii 23 mudane diideen in la ansixiyo ilaa uu madaxweyne rayaale soo dhamays tiro golihiisa xukuumada, islamarkaana soo raaciyo barnaamijkiisa siyaasadeed, halka ay 20 mudane ku ogolaadeen in la ansixiyo, waxaana ka aamusay 3 mudane.iyadoo ay madasha fadhiyeen 47mudane.

Fadhigaa shalay waxa gudoominayay gudoomiyaha golaha Axmed Aadan Qaybe.

Madaxweyne rayaale waxa uu magcaabay horaantii bishan todoba xubnood oo hor dhac u ah golihiisa xukuumada, waxaana la filayay inuu dhamaystiro maalmo ka dib, laakiin waxa weli qabyo ku ah madaxweynaha dhamaystirka golihiisa xukuumada.
 

Top


ODHAAHDA AKHRISTAH: Waxaa Caado Noqotay Shaqalaha Wakaalada Biyaha.

Waxaa caado noqotay shaqalaha Wakaalada biyaha iyo Wakaalada Laydhku inay iska gooyaan lightka iyo biyaha ugu jira dadwaynaha , iyagoo ku marmarsoonaya waxad bixin wayday biilkii. A) Iyadoo laga yaabo inaanu qofkaas biyaha/Lightka laga jaray aan loo keenin haba yaraatee biilkii biyaha/laydhka uu soo bixin lahaa, b) iyadoo laga yaabo in aan wax biil ah lagu lahayn,.Taasi waxay sababtay falkii foosha xumaa ee dhowaan ka dhacay Hargeysa ee dilka iyo dhaawacaba lahaa. Jariimada intaas leeg oo qaladkeeda uu lahaa maamulka wakaalada biyahu waayo wax jirta in macmiisha marka hore si fiican loo qanciyo oo digniin la siiyo oo waliba lagu hubsado inuu helay biilkii iyo inkale iyadoo aanay intaasiba jirin marka layska goosto waxaa ka iman kara fal kaas la mida ama ka fool xun.

Taariikhdu markay ahayd 25/06/2003 ay niman iska so goosteen lightkii igu jiray gurigayga oo xadhigii igu xidhnaana ay iska soo duubteen, iyadoo aan BIIL LAY KEENIN, IYADOO AAN WARQAD XASUUSIN AH AMA DIGNIIN AH LAY KEENIN. Runtii nimankaas waxay I dab tireen habeenimadii 25 sidoo kale 26 june oo waa holiday weye, 27 june Jimce weye. Anigoo 3 daas cisho dab la ayaan tagay wakaaladii Sabtidii 28/06 ayaan tagay biilkii ay shegayeena bixiyay. Waxaan u shegay inaan lay keenin wax biil ah iyo wax xasuusin midna, waxaan ka codsaday in intaaso dhan aan dab la sidaas awgeed lay xidho, Waxay igula hadleen af aan iska garanayo oo ah ama maas nagu qabo, waxana ka mid ahaa Galabta wakaalada kalay aad guriga na tusdide, adiga kaliga gadhiga laguu kaxayn mayo iyo afaf kale , waxaan ku idhi “ waar guriga Nubarkiisi waa kaas halku ku yalana waad taqaanin oo waydinkii lightka ka soo goyay ee ii soo xidha.

Markaan arkay inaanay hadaladaydaasi iyo cabashdaydaasi ay ku dhacayaan Deaf ears ayaan xafiis an u malaynayo maamulka galay isna wuu I soo raacay oo qoladii qaabilsnaa wuu u shegay se waxaasi waxba kamay qaban oo caawadan oo ah habeenimadii ay axadu soo galaysay wali waan dab la’a. Taasi waxay kugu kalifaysa inaad sharciga jabiso oo aad adigu iskaa u xidhato.

Dhulka Dibadaha oo aan ku noolan jiray waxaa jirtay in intaas oo jeer marka la soo digo aakhirtaanka la jaro adigoo aan cid kale eersanyn ama arakayn in lagugu tacadiyay.

Hadaba maareeyayaal idinkoo Macmiisha tix galinaya, Waayo waa ta la yidhi “Customer is always right) idinkoo ka talinaya safetiga shaqaalaha masaakinta ah ee idin shaqaynaya, idinkoo tix galinaya nabadgelyada dalka waxaan soo jeedin laha QODOBADAN:

Intaan la jarin lightlka/biyaha waa in uu haystaa macmiilku biilkii ugu horayn.

Intaan la jarin waa inuu jiraa qof soo hubiya in macmiilku helay biilkii iyo inkale.

Waa in 2 iyo 3 jeer oo Reminder ah loo diraa macmiilka .

Waa in ugu dabyn Digniin la siya in la jarayo hadanu bixin.

Waa in markaas la soo goyaa lightkii/biyahii intaas laga horaysiiyay
In Hadii qofka laga jaro lightka/biyaha oo uu bixiyo qaantii loo sheganayay sida ugu dhaqsaha badan loogu xidho iyadoo aan la meermeerin.

Markaas Ayuu istaahala jaridu. Macmiilkuna happy ku noqonayaa in laga jaro, waxaan rajaynayaa inaad maareeyayaal Qodobadaas tix galin siin doontaan

Fu’ad Yusuf dheere ( Qazaali), Hargeysa

Top


Waa Mahad Allee Madaxeen Bannaan.

"Waa mahad Alle maantaba dunida ka midbaynu ne madaxeena iyo minjaheen baan Waa mahad Alle mugdii ilays lagu meeriyoo maantaba illayn waynu muuqanaa.”

Waxaa meelo badan oo dunida ka tirsan iyo dalka gudhiisaba looga dabaaldagayaa 26kii Juun oo nin isyeelyeela iyo mid dafirsan mooye aynaan isu sheegayn qiimaha iyo qaayaha ay leedahay. Bal in Illaahay (swt) kashifaayo xumaanta iyo xiqdiga qalbigiisa ka buuxa wuxuu qadaray inuu isku hagaajiyo qoraalkii nafti hafarka ahaa ee ninkaasi soo qoray iyo maalintii gobonimadda Somaliland ee abwaanadu ku madiixeen " waa mahad Alle madaxeen banaan".

Inkasta oo aragtidii hore iyo afkaartii caalamku ka qabay Somaliland wax badani iska bedelay iyo inkasta oo ay isa soo tarayaan dhawaaqyada caqli galka ah ee ka soo yeedhaya siyaasiyinta iyo dad badan oo reer Somaliya ah, waxa weli jira dad ku nool riyadii iyo dhalanteedkii midnimo ee lawada ogyahay cidii iska lahayd in aanay hirgelin,taasoo markii ay meel gaadhsiinwayday eraygii ahaa midnimada Somaliya waa muqadas,ayey cumarkaas arargtidiisa gaabani tustay inuu taariikhda ka been sheego oo yidha wax la isla sixeexday "Act of union".

Waxa kale oo ninkaa naftiisa u bugay ee isla jooga heer uu kelidii wax ka ogyahay taariikhdii dhawayd ee aftidii loo qaaday distoorkii 1961,waxaynu wada ognahay in dadka reer somaliland gebi ahaanba maya yidhaahdeen xashiishka subaalada taariikhda gashay, koonfurna waynu wada ognahay kushubashadii aftidaa ee ku caan baxady Wanlaweyn iyo Adan yabaal.

Arinku maaha sida aad doonayso adigu ama aad u muujinayso inay qalafsantahay ee waxa ku huran wixii dani ku yeelsiiso.

Way jirtay beri ay Somaliland dib u xasuusin jirtay caalamka in ay dal jira tahay,laakin waa Eebe mahadi, waxaan marayna heer caalmku nagu taageero af iyo adinba, naguna hambalyeeyo gooni isu taagaagayga iyo kobcinta dimuqraadiyada ku dayashada leh, waxayna nagula taliyaan in aanan ku siiban mashaakilka badan ee Somaaliya.

Waan fahmi karaya sida ay kuugu adagtahay inaad liqdo hadaladii dhayda ka cadaa ee wasiirka arimaha debeda ee Somaliland, kol hadii aad dafirtay asal ahaanba jiritaanka maalinta 26ka Juun, hadaladaas oo aad marna ku sheegtay "complete trash" marna "half truth', Ilahow haa iyo maya meel hanagaga wada yeedhsiin. Waraysigaa ay wasiirku siisay IRIN waxay ka turjumaysa sida ay dadweynha rer Somaliand u arkaan qadiyada Somalida waanay ku taageersanyihin wasiirka sida quruxda badan ee ay hadalka u dhigtay.

Waxaad wax ka soo dhex saartay waraysigaa askartii shisheeye ee Somaliya la keenay, kaas oo marwalba ahaa sida ay doonayaan qaar dano gaar ah ka watay, waana ta maanta la keenaayo ciidamo looma ooyaan ah, ee hadaad aad kari karto ka jooji.

"Diraac iyo dirir hooray kala wacan adoo doog arkaayana lama dago abaar", "Nin tiisiiba daayacay ka kale ee dugsanaaya ani igala doqonsan."

Maxamad Axmad.

Top


Macal Cune Soo Bixi Doonee!

Ma aha wax fudud in nin madax ah oo ama muwaadin ah amaba beni-aadam ah lagu sheego inuu galay dambi ama dhagar aanu samayn. Isla markaana saxaafada lagu faafiyo hebel wuxuu galay dembi, iyada oo aanay wax daliil ah u haynin, iyadaa sharciga hortiisa, ka masuul ah.

Haddaba, waxaa dhawaan soo baxday qiso la yaab leh oo ku saabsan war uu wargeyska Jamhuuriya sheegay inuu ka soo xigtay wargeys ka soo baxa magaalada Paris, caasimada dalka Faransiiska oo lagu magacaabo LE FIGAARO.

Jamhuuriya warkaas uu qoray wuxuu ku sheegay in gudoomiyaha wakiilada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Qaybe uu1986-kii ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, wakhtigaana uu la galay dawladdii midab takoorka ahayd ee Koonfur Afrika, heshiis lagu soo kireeyey duuliyayaasha calooshooda u shaqaystayaasha ahaa ee waday dayuuradihii 1988-kii lagu duqeeyey magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeeda. Waxaa tusaale mudan in aanay ahayn wax dawlado heshiis ku wada galaan arrintan oo kale.

Jamhuuriya waxa kaloo uu sheegay dawladda Koonfur Afrika inay dhawaan u diiday mudane Axmed Maxamed Aadan fiise uu dalkeeda ku galo, asaga oo ka mid ahaa wefti Somaliland ka socda oo lagu martiqaaday inuu ka qayb galo shir caalami ah oo dalkaas lagu qabanayey bishii May, 2003.

Wargeyska Jamhuuriya ma soo sawarin maqaalka jariidada LE FIGAARO ee uu sheegay inuu warkaas ka soo xigtay. Marka waxa isweydiintu tahay arrimahaas ma jiraan oo ma yihiin run, mise waa dhako kale. Xaqiiqadu waxa weeye in warkaas runta ka fogyahay, iyo gef dhagaraysan oo loola badheedhay gudoomiyaha. Inay sidaas tahayna waxa cadaynaya Mudane Qaybe ma ahayn wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya 1986-kii, jagadaana waxaa loo magacaabay 1990-kii, xilligaa oo Mudane Maxamed Xawaadle Madar ra’iisal wasaare ahaa, mida kale, ma jiro fiise uu gudoomiyuhu ka dalbaday dawladda koonfur Afrika, taana waxa cadaysay wasaarada arrimaha dibadda ee Somaliland, oo markii warkaasi Jamhuuriya ku soo baxay sheegtay in aanu jirin wax fiise ah oo ay gudoomiyaha u dalbatay oo loo diiday, iyo wefdi uu raaci lahaa toonna. Markaa, haddii la doonayo in bulshada Somaliland la marin habaabiyo oo gudoomiyaha colaad loo abuuro waa meesheeda. Waxaase yaab leh Wargeyska Jamhuuriya ee dalka iyo dibaddaba looga han weynyahay inuu faafiyo been rakhiis ah oo sal iyo raad toonna lahayn.

Arrinta la marmarinayo gudoomiye Axmed Maxamed Aadan Qaybe waxa hore wax uga qoray somaali badan, waxaana buug arrintaas wax lagaga qoray faafiyey Wargeyska Maandeeq cadadkiisii 517 ee 11-kii November 2000.

Wargeysku cadadkiisaas wuxuu ku qoray wixii dhacay xiligii Soomaaliya, waxaana maqaalkaas uu wargeyska Maandeeq ku sheegay in arrinta ku saabsan soo kireynta calooshooda u shaqaystayaasha laga soo kireeyey dalkii la odhan jiray Rhodesia, haatana lagu magacaabo Zibabwe, ay dawladdii Siyaad Barre u xilsaartay nin lagu magacaabo Jaamac Buluug iyo taliyaha ciidanka cirka ee Soomaaliya, Maxamed Nuur Dhuudhi. Waxa kale oo Wargeyska ku sawiran warqad uu qoray taliyaha ciidanka cirku, taas oo uu dawladda ka dalbayo in lix boqol oo kun oo doolar, oo ahayd mushaharkii calooshooda u shaqaystayaashaas loogu shubo banki ku yaala dalka Ingiriiska. Haddaba, haddii ay jirto lug uu ku lahaa arrintaas Mudane Qaybe may qarsoonteen oo way soo shaac bixi lahayd, waxaana la heli lahaa documentiyo muujinaya.

Gudoomiyaha golaha wakiiladda waxba laguma yeeli karo been abuur aanu u aanoobin, mana qarsoona in waxani yihiin dabino ay maleegeen rag aanay dadku ogeyn wajigoodii runta ahaa ee shalay, iyo dembiyaddii ay ka galeen shacbiga Somaliland cahdigii keligii taliyihii Siyaad Barre.
Raggaas waxa ka mid ah saraakiishii wakhtigaas gadhwadeenada u ahaa calooshooda u shaqaystayaashaas oo maanta qaarkood socdaal xog raadis ah ku joogaan Hargeysa, laguna tuhmayo inay gacan ku leeyihiin dhagarta gudoomiyaha loo maleegay.

Si kastaba ha ahaatee, Macal Cune soo Bixi Doonee, Wargeyska Jamhuuriyaanay u taalaa been abuurka uu faafiyey inuu u magac bixiyo.

Axmed Faarax Maxamed, Hargeysa

Top


Hala Soo Celiyo Kalsoonida Ardayda Camuud.

Anigoo ka mid ah ardayda danaysa magaca Jaamacadda Cammuud ee Boorama, waxaan aan jecelahay inayna marnaba dhaawac soo gaadhin kalsoonida ardayda iyo magaca Jaamacaddu ku leedahay caalamka. Waxan ka xumahay dhawaanta hadaladii ay isweydaarsadeen Maamulka Jaamacaddu oo aan filayo inay sabab u ahayd caddaalad darro ka dhalatay habkii loo maamulay ardaydii ka qalin jabisay dhawaanta. Ballanku wuxuu ahaa in saddexda qof ama arday ee ugu horreysa imtixaanaadka natiijadooda ay shaqaale u noqon doonaan Jaamacadda,waxase nasiibdarro ah in saddexdii qof ee ugu horreeyey oo kala ahaa Ifraax Galbeedi, Ridwaan Maxamad Cismaan, iyo Cabdi xakiim Axmed Faarax aan lagu salayn axdigii Jaamacaddu u yaallay iyadoo loo adeegsaday dhabbo aan habboonayn,isla markaana Cabdixakiim Axmed Faarax oo helay derejada A,lagu beddelo Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud oo helay derejada B. Haddaba waxan isweydiinaynaa dhaawaca tallaabadaasi u geysatay jaamacaddu intuu leegyahay,iyadoo weliba dadkaasi sida aan wanaagsanayn loo maamulay ay yihiin ama u dhasheen deegaanka Boorama iyadoo Jaamacadda ay dhigtaan arday u kala dhalatay gobollada Sooomaaliland oo dhan.

Waxan jeclahay in si loo waajaho xaqiiqda khaladkaa la saxo,isla markaana lasoo celiyo magacii iyo kalsoonidii Jaamacaddu ku lahayd caalamka. Waxana arrintaa u xilsaaran guudiyada kala duwan ee jaamaddu ku leedahay dalka debeddiisa iyo gudihiisaba haddii kale waxay noqon doonta tii Jaamacaddii Soomaaliya ee Lafooleee laga isticmaalayey hadalada ay ka mid yihiin''Waan helaye sarkaalbaa inankiisii i dhaafiyey.''

Qore: Cabdiwahaab sh.Cabdiraxmaan

Boorama, Gobolka Awdal.

Top


Fadeexadii Gegida Diyaaradaha ee Hargeysa, Xoghayaha Guud ee Xisbiga.

Ku: Mudane Daahir Riyaale Kahin, M/Weynaha S/Land, Hargeysa.
Ku: Labada Shirgudoon ee Golayaasha Somaliland, Hargeysa.
Ku: Mudane Faysal C.Waraabe, Gudoomiya Xisbiga, UCID. Hargeysa
Ku: Mudane Axmed M. Maxamuud (siilaanyo) Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.
Ka: Mudane Axmed Muse Geed (Sanjab), Xoghayaha Guud, Xisbiga UCID, London, U.K.

Walaalayaal marka hore waad salaamantihiin, mar labaadkana waxaan idiin rajeenayaa cimrri dherar, caafimaad iyo inuu Ilaahay idiin fududeeyo sidaad uga bixi lahaydeen masuuliyadaha culus ee la idiin igmaday. Waxaan jeclaystay inaan idiin soo bandhigo ra'yiga aan ka qabo arrimaha khuseeya xadhiggii Jaamac yare, Gadoodkii Dhalinyaradii Saluugtay xadhiga Jaamac Yare iyo sida loo maamulay dhacdadaas oo aad u fool xumayd.

Golayaasha ay dawladu ka kooban tahay miyaanay ansixin siyaasad cad oo la isla ogyahay oo ku waajahan JIRITAANKA SOMALILAND IYO CIDA KU HAWLAN INAY DHABARJABISO WAXA AY TAHAY IN LAGA YEELO? Su'aashaas ka sokow waxaa jira dad aaminsan fikrada la magac baxday FEDERAAL, hase yeeshee aan damacsanayn inay fikradooda ku fuliyaan xoog. Hadaba hadii ay jirto siyaasad cad oo ku waajahan arrimahaas xasaasiga ah waa inay jirtaa Gudi qaabilsan nabadgelyada qaranka ooy xubno ka yihiin Wasiirka Difaaca, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Arrimaha Guddaha, Wasiirka Cadaaladda iyo Wasiirka Madaxtooyada. Gudidaasi waa inay wada tashi la yeelataa M/weynaha, Labada shirgudoon ee Golayaasha Xeer-dajinta iyo Xeer- Ilaaliyaha Guud.

Fadeexada ka dhacday gedida dayuuradaha iyo sida loo maamulay sida loo maamulay arrintani waxay la darajado tahay tii M/weyne NIXON ku dhacay, laakinse waxa sahlaya shicibweynaha oon wali si fiican u garanayn sida loola XISAABTAMO MADAXDOODA.

Mudanayaal:

Hawlgalka dawladnimadu ay rabtaa maaha Riwaayad uu qof kastaa ka talin-karo. Waxay u baahan tahay in loo xulo dad nadiif ah oo ay eexashada, iyo ku tagrrifalka karaamada xafiisyada qaranka iyo leexsasho hanti qaran ay XAARAAN KA TAHAY. Waar qof xeeryo-cun ah oo REERKA GEEDIGA MEEL-XUN DHIGAYA OON CIDNA U NAXAYN OON XISHOOD LAHAYN in xil loo dhibaa waa danbi weyn.

Jaamac yare in la mustaafuriyaa waxay tahay GAF-WEYN. Nin Somaliland ah oo JAHA WAREERSAN WEEYI, laakinse waa muwaadin reer Somaliland ah oo cid duudsiyi karta xaqiisa muwaadinimo aanay jirin, Waxa ila hagaagsanayd in gurigiisa lagu hayo, ka bacdina XEER-ILAALIYUHU dacwad kusoo oogo. Haddii ay cadaato inu XULAFO LA YAHAY KUWA RABA INAY AFGAMBI LA BEEGSADAAN DAWLADNIMADA SOMALILAND, WAXA WAAJIB AHAA IN XABSIGA MANDHEERA LAGU XIDHO. Markaana waxay dawladda Somaliland ku QASBAN TAHAY KUWA REER SOMALILAND AH EE FIKRADIHIISA OO KALE QABO IN LA QABQABTO oo waxa Jaamac-yare laga yeelay laga yeelo SANJAB amase TUUR iyo cidii kale ee sidaas ku kacda.

Waar yaan xil loo dhiibin dad aan hadhkooda wax dhaafsan arki-karin.

Ragii ka taliyey arrintan in masuuliyada lagaga XAYUUBIYO ayey ahayd mudo 12 saacadood gudaheed ‘ all responsibilities held on behalf of the nation should have been removed with DISGRACE’ (ka bacdi markay keenaan war-bixin qeexeesa wixii dhacay oo dhan lagala wareego). Waar yaan been la isku maaweelin….dad badan baa gadoodi doona hadii cadaalad darro dad gaar ah gooni loogu dhaqo. Maaha kolba ka ku caano maalay boobka,dhaca,beenta iyo maalka xaaraanta ah in xilka ugu xasaasisan loo dhiibo, dadkeenu jabhadayn danbe diyaar ma u yihiin? Haday taasi maya tahay waar qof aan xishmad, hufaan, daacadnimo, naxariis iyo muwaadaninimo ka aan ka Cawaagno oo ka ilaalino inuu shacbiga xil u qabto.

Min maalintii lagu dhawaaqay ololihii doorashooyinka dawladdaha Hoose ilaa tii Madax/weynaha dad aad u badan oo aaminsanaa ra'yiga fadraalka ayaa xiiso weyn oo dardar-qabta kula soo noqday saaxada siyaasada ee ka socotay SOMALILAND. Waxa mid ahaa hormoodkii fikrada fadraalka Mudane Cabdiraxmaan Tuur oo si la yaab leh Xukuumaddu ay ugu soo dhaweeysay Caasimada ka bacdi markuu Wasiirka Warfaafintu fariin ugu keenay Magaalada LONDON.

Sida la wada ogsoon yahay Mudane Tuur wali umadda reer Somaliland umuu cadeyn inu fikradii ahayd in SOMALILAND jiritaankeeda XOOG lagu muquuniyo in uu ka tanaasulay iyo inkale. Dad kale oo fikradaa aaminsanaa oo Somaliland kusoo noqdayna way jiraan, hase yeeshay sida loola xaalay shicibweynaha looma soo bandhigin.

Hadaba hadii cahdi beeleedkii laga soo guuray oo loolan doorasho laga iibanayey shicbweynaha barnaamijka xisbiyada, oo barnaamijka loo codeeyey ay tahay in la hirgaliyo maxaa keenay Cawaalana hala xidho Calasoona sida Madax/weynayaasha ha loosoo dhaweeyo, Hoteel darajada u sareeysa ahna ha lagu dajiyo oo kharajkana xukuumaddu ha ka bixiso wax caqliga gala ka weyn. Waxa la yaab leh masalada maanta ka hirgashay somaliland ee dhigtay in Wasiirka Arrimaha Gudahu inu ku kici-karo wuxu doono. Danbiyada Wasaaradaasi ka gashay umada waxay dusha ka saaran tahay Madaxtooyada, Golayaasha xeer dajinta iyo Maxkamadda Sare ee qaranka.

Waxasae leh dhaliisheeda u weyn M/weynaha (The elected executive president of somaliland) Iyo Golaha Wakiiladda ee ansixiyey iyada oo aan Wasaraddaasi lala xisaabtamin, mudanaha wasiirka ahina wali sii hayo xilka wasaaraas loo igmaday oo uu si yaqyaqsi ah awoodeedii ugu TAKRIFALAY. Ayaan daro waxa ah, dadka reer Somaliland wax kalsooni ah kuma yeelan karo, waayo horaa loogu dhiibay xafiisyada qaranka, si foolxuna masuuliyadii uu ugu takrifalay, hanti laxaad lehna ku leexsaday oo waliba imika qaarna si aan sharci ahayn uu ugu intifaacaa. MARKA LAGA SOO BILAABO MARKUU JOOMITARKA KA AHAA Dawladda Hoose ee Hargeysa ilaa maanta dhibaatada uu shacabweynaha u geeystay wey badan tahay. Wasiirkan M/weynuhu ku indhakuulanayo DANBIYADA U GEESTAY waxa ka mid ah kuwa soo socda:-

1.HAWLIHII LOO XILSAARAY Gudida doorshooyinka oo uu isku dayey inuu maroorsado, inkasta oo sidoo doonayey ayna u dhicin haddana MADO-MADOWGII KA DHACAY DOORASHOOYINKA oo keeni gaadhay dagaal sokeeyey isaga ayaa u aabo ahaa isagoon wax lexlajeclo habe yaraatee ka laheen dalka iyo dadkaba.

2.Waxa kaliya ee muuqda inuu fuliyo waxa dantiisa iyo saaxiibadii anfacaya hadba maalinta la joogo.

3.Marnaba ficiladiisa kamay muuqan sideed u hagaajisaa ADEEGA BULSHADA EE SHICIBWEYNUHU KA RAJEENAYAAN INAY KA HELAAN WASAARADA ARRIMAHA GUDAHA.

Mudanahani falsafadan uu ku caano maalay waxa weeyi intaad mansabka haysato MAALQABEEN NOQO. Waxase ayaan daro ah inay caado u noqotay M/weynay yaasha AFRICA xilba xilka uu ka xasaasiyan yahay in ay u xilsaaraan qof MUSUMAASUQA xalaashaday oo waliba SHARCIGA WADANKA ISKA SAREESIYA.

Wasaaraddani waxay ka dhigtay TAAGEERAYAASHA xisbiyada UCID iyo Kulmiye inay yihiin qaran dumis, ka bacdina xuquuqdii DASTUURKA siiyey MUWAADINIINTA reer Somaliland wey duudsiisay, walina waxa la sheegayaa inay qaar badani ku xidhan yihiin xabsiyada iyadoon la HOR KEENIN MAXKAMADAHA QARANKA.

Xoriyada qawlka iyo madax-banaaida war-baahinta ee ku qeexan Dastuurka qaranka waxa iiga muuqata inay damacsan tahay Wasaaraddu in la baabiiyo oo farsamadii MOORGAN lagu maamulo arrimahaas. Waxaana isoo gaadhaya hadalo sheegaya in khubaraddi ilaalin jiray xuquuqda aadamaha qaarna xidhxidhay qaarna loo diray askar gacan ka hadal ula tagta.
Maamulka dhulka OO markii horeba aad u foolxumaa oo dad badani ku dhinteen oo waxa dhibta keenay ahaayeen JOOMITARADII WAQTIGII FAQASHNA WARAAQA IYO SHAABADAHA DHULKA LAGU BIXIYO LA QAXAY ayaa haddana kuwii keenay loo dhiibay. Tusaale waxa ah dilkii ka dhacay Gegida Dayuuradaha agteeda iyo kuwa bilwalba ka dhaca magaalooyinka badankooda.

Wasaaraddani Dhul badan oo danta guud loo seeray ayey ku wareejiyeen dad ay dan gaarihi ka dhaxeeyso oo keentay dil, degaano badana ka dhalisay COLAAD. Hanti badan oo qaranku leeyahayna si qarsoodi ah ugu wareejisay ashkhaas maal-qabeen ah, iyadoon wax mucaahadu qoraal ah oon qiimeesanayn oo la diiwaan galiyay aanay jirin.

Waxa iyana ina soo waajahay siyaasad qalafsan oo inagaga timid Puntland oo Golaha Xukuumaddu siday rabtay yeeshay oo waliba xisbiyada ucid iyo kulmiye mawqif midaysan ka lahaayeen.. Dhacdooyinka arrintaas khuseeya oo xasaasi ahayd in siyaasad cad ee Golayaasho oo dhami ka wada tashadaan ayaa haboonayd. Si looga xaajooda arrintaas anigu xogogaal kama ihi, hase yeeshee garmaqaatayaasha ka taliya Puntland SUMCAD weyn bay siisay, somaliland waxay ka damacsan tahay Gobolada Barina mad-mad ayey galisay.

Waxa Somaliland ku waajib ah inay siyaasad cad ka leedahay cida DUULIMAAD ku ah JIRITAANKEEDA. Wixii qaran dumis ku saabsan SULDAAN gaar ah oo lagala tashadaa waxay burinaysaa DASTUURKA QARANKA oo qeexaya sida dawladnimado u shaqeeyso. Markaas arrinta Jaamac-yare in Suldaankiisa lagala tashadaa waxay aniga il tahay BROTOKOOL khaldan.

Warxumama tashiilku yuu u fasiran hadalkan inaan ku duudsiyayo xaqa iyo masuuliyada ka Saaran Salaadiinta xalilaada dhibaatooyinka wadanka. Halgankii wadanka lagu xoreeyey doorkay ka ciyaareen haduuna jirin maanta Somaliland xor may ahaateen.

Ujeedadaydu waxay tahay waar haddii aan danbi ka galo QARANKA in waxa la iga yeelayo Suldaanka beeshayda lagala tashadaa ilama hagaasana, waayo beel gaar ah meel kagama dhicin ah reer Somaliland ayaan meel kaga dhacay.

GAB-GABO.

Mudadii Xukuumadda Riyaale xukunka ay haysay siyaasada ku waajahan JIRITAANKA Somaliland waxyaaba cusub oon wali miisaanka la saarin ayey ku kacday. SIYAASIIN BADAN OO AAMINSAA FIKRADDA FADRAALIGA AYAA KUSOO GURYO NOQDAY DALKOODII HOOYU OO SHICIBWEYNUHU QABAAN INAY KA NOQDEEN FIKRADII HORE AY AAMIN SANAAYEY, Hase yeeshee wax sharaxaad ah oo loo soo bandhigay shicibweynaha majirin. Waxa la wada ogsoon yahay in Dawladda Djibouti cilaaqaad kii hore duwan la yeelanay, hase yeeshee SIYAASAD CAD oo waxay ka qabto GOON ISU TAAGA SOMALILAND oo shicibka lasoo hordhigay ma jirto. In la isku soo dhawaaday waxa ka MARAG ah HAMBALYADII Mudane Ismaciil Cumar Geele u diray Mudane Daahir R. Kaahin M/wenaha Somaliland. Qofkasta oo reer Somaliland ihi fikrad ka duwan ta dawladda wuu qabi-karaa, hase yeeshee waxa ka XARAAN ah inu is yidhaa faafi amase HIRGALI.

WADANI REER SOMALILAND AH WAA LOO SOO MUSTAAFARIN KARAA SOMALILAND, LAAKIN WADANI WADANKIISA LAGA MUSTAAFARIYAA WAA DHACDO FOOLXUN OON WALIGEED MEELNA KA DHICIN. WADANIGA QARANKIISA DANBI KA GALA WADANKIISA HA AA LAGU XIDHAA.

T A L O-B I X I N.

1.Siyaasad cad oo lagu maamulo cida kasoo horjeeda jiritaanka somaliland waa in dhakhso ah loo sameeyaa, gudida nabadgelyada Dalka oo xubno ka yihiin Hayadaha kor xusay la magacaabaa lana qeexa Golayaasha kala tashanayaan arrimaas. Fulinta go’aankooda dabcan M/weynah ayaa leh.

2.Ashkhaastii aaminsanayd Fikradda FADRAALIGA ah xoog lagu hirgaliyo waa in maxkammad la horkeena oo sharciga lala tiigsadaa.

3.Kuwa aaminsan FIKRADA FADRAALIGA, hase yeeshee cidna xoog in lagu muqooniyo aan ogoleen waa inay shir-jaraarid ka caddeeyaan inay FIKRADA DHALISAY jiritaanka Somaliland WAX KU LID AH LA IMAN DOONIN.

4. MASUULINTII ka arrimisay arrinta Jaamac-yare waa in XILKA si dhakhso looga wareejiyaa, iyadoo loo cuskanayo dhibaatada iyo khasaaraha ay keentay basarinimadoodi.

5.Dhalintii gadooday waa in qorshahoogii si fiican oo cilmiyeyesan loo baadhaa si loo miisaamo danbiga ummada ay ka galeen baaxadiisa.

6.Haday Golayaasha Dawladdu rabaan in lala XISAABTAMO oo isku kalsooni iyo kala danbeen la yeesho waa in si dhakhso ah DOORASHADII GOLAHA WAKIILDU u QABSOONTAAN iyadoon wax la rogrogo aan lagu wareegeysan.

Sharciga doorashada Golaha Wakiilada waxa kaliya ah ee dhiman in laga heshiiyo waa SAAMIGA GOBOL WALBA AY TAHAY IN LAGA SOO DOORTO.

7. Waa in haba yaraatee aanay xubnaha golaha wakiiladu la iman caga jiidkii ay Cimrri dhererka ku samaysan jireen.

Waxaan Ilaahay ka rajaynayaa inuu dalkayga iyo dadkaygaba wixii carqalad ku ah horumarkooda uu jabiyo, si nabad qab ahna isu keen keeno dadweynaheena caalamka ku baahsan.

Alaah Mahad Leh.

Axmed Muuse Geedi (Sanjab).

Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID.

London, UK. 

Top