Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 372 July 11, 2003

Dawladda Maraykanka Oo $20,000 Dollar Ugu Deeqday Ururka SOCSA.

Somaliland Oo Laga Xusay Maalinta Dadweynaha Adduunka

Muran Dhinaca Cashuuraha Ah Oo Ka Dhex Aloosmay Xukuumadda Iyo Ganacsatada, Waxa Dood Kulul Isku Wajahay Wasiirka Ganacsiga Iyo Ganacsatada.

Dagaaladii Ka Socday Mudug Oo Istaagay.

Bannaan-Baxyo Baroor-Diiq Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Wiil Yar Oo Waraabe Dhaawacyo U Geystay.

Nin Hub Sharci-Darro Ah Lagu Qabtay Berbera.

Somaliland iyo Shanta Sano Ee Soo Socda.

Muran Ka Taagan Hubka Wax Gumaada Ee Ciraaq.

Askar Maraykan Ah Oo Lagu Laayay Ciraaq.

Madaxweyne Bush Oo Tegay Botswana.

Kenya Oo Raadinaysa Wadaad Laga Qabtay Malawi.

ODHAAHDA AKRISTAHA: Xil-Wareejinta Hagaagsan, Axmed Muuse Geedi (Sanjab).

“Waxaanu Iska Casilnay Xilalkii Aanu Ka Haynay Jaamacadda Camuud,”
Axmed Xaashi Iyo C/Laahi Xaashi.

HOGO-TUSAALAYN GABAY, Nimco Gabaydo.

Waa Maxay Dawladda Tayada Lihi?

Jawaab: Gar Waa Loo Wada Islaam.

Ka Feker Sidii Aad Wadankaaga Wax Ugu Qaban Lahayd.

Saddex Kama Naxo.

WAADIGA CIYAARAHA: Sayladda Ciyaartoyga Yurub Iyo Heshiisyadii Ugu Dambeeyay Ee Kooxaha.


Dawladda Maraykanka Oo $20,000 Dollar Ugu Deeqday Ururka SOCSA

Addis Ababa (Safaaradda Maraykanka) - Isuduwaha hawlaha Qaxootiga Gobolka Geeska Africa ee Dawlada Maraykanka oo sheegay deeq $20,000 doolar ah in dawladiisu ku kaalmaysay Ururka Dhaqanka iyo Ciyaaraha ee Somaliland (Somaliland Culture and Sports Association (SOCSA)).

Deeqdaas waxaa loo adeegsan doonaa dhismo xarun ciyaareed loogu talogalay hablaha oo laga dhisayo magaalada Hargeisa una adeegaysa dadka ka soo laabtay qaxootiga iyo kuwa degeladoodii ka barakacy ee deggen Hargeisa. Waxaa deeqdaas guddoontay Guddoomiyaha Ururka SOCSA, Khadra Mohamed Abdi.

Lacagtaas waxaa laga bixiyey Sanduuqa Danejireyaasha ee loo qoondeeyay Qaxootiga Africa, waa hal-abuurkii Xafiiska Dadweynaha, Qaxootiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Marykanka.

Sanduuqa Danejirayaashu wuxuu gacan ka geystaa buuxinta meelaha wax ka dhimanyihiin barnaamijyada socda ee lagu taageerayo qaxootiga ee aanay horraanba u daboolin Xafiiska Qarammada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee dalalka wax la siinayo.

Top


Somaliland Oo Laga Xusay Maalinta Dadweynaha Adduunka

Hargeysa (Haatuf): Xaflad lagu maamusayey maalinta dadka ee adduunka ayaa xalay lagu qabtay hoolka shirarka ee golaha guurtida. Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin madaxweynaha ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, wasiirka arrimaha dibadda Edna Aadan Ismaaciil, wasiirka qoyska Faadumo Suudi Xasan, Wasiirka warfaafinta C/laahi Maxamed Ducaale, wasiirka ciyaaraha iyo masuuliyiin ka socotay hay’adaha UNFPA iyo hay’adaha wadaniga ah ee HAVAYOCO iyo SOCSA Girls, iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa khudbad uu halkaa ka jeediyey ku sheegay inay dawladdu wixii tamarteeda ay ka qaban doonto sidii looga hawlgeli lahaa tayada caafimaad iyo waxbarasho ee da’yarta iyo mujtamacaba, wuxuuna sheegay inay dhalinyaradu tahay laf-dhabarta wadan walba, isaga oo ku tilmaamay xooga soo socda ee bedelaya xoogii hore, isaga oo yidhi “Waxa Waajibaad dheeraad ahi inaga saaran yahay sidii ubaxa soo baxaya aanu u curdan dhadhin, waa in la daryeelaa masuuliyadna la iska saaraa, siday u heli lahaayeen waxbarasho iyo daryeel caafimaad”.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu waalidka kula dardaarmay inay daba gal ku sameeyaan carruurta sidii ay u toosin lahaayeen xag diimeed iyo xag dhaqanba, isla markaana wuxuu balan qaaday in dawlad ahaan ay dhinacooda waxbarasho, caafimaad iyo sidii shaqo loogu abuuri lahaaba ay dhinacooda ka hawlgeli doonaan.

Wuxuuna aad ugu dardaaray dhalinyarada wakhtigan cudurka dilaaga ee IADS/HIV, kaas oo uu ku tilmaamay mid meesha ka saaray jiilal dhan oo Afrikaan ah, sidaa daraadeedna dhalinyarada looga baahan yahay inay iska ilaaliyaan.

Wuxuuna wasaaradda waxbarashada kula dardaarmay inay dhalinyarada ku jirta iskuulada wacyi-gelin ka siiyaan cudurkaa dilaaga ah isaga oo sheegay inay wasaaradda caafimaadku samaysay ururadii la dagaalami lahaa cudurkaa IADS/HIV, isla markaana waxa uuu xusay inay waajib ku tahay dawladda sidii ay u hirgelin lahayd garoomadii ay ku ciyaari lahaayeen carruurtu wakhtiga firaaqada ah.

Gudoomiyaha golaha guurtida Sh. Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar oo ereyo kooban halkaa ka jeediyey ayaa sheegay kaalintii ay guurtidu ku lahayd nabadaynta beelaha Somaliland iyo dhismaha dalka.

Sidoo kale X. C/Kariim Xuseen (C.Waraabe), oo ka waramay kaalinta dhalinyarada maanta iyo waxyaabaha looga baahan wuxuuna kula dardaarmay inay dhalinyaradu ilaaliyaan diinta, dhaqanka iyo caafimaadkooda, isaga oo kala dardaarmay inay iska ilaaliyaan qabylaada iyo waxyaabaha kala fogeynaya.

Waxa kale oo uu xaajiug ka hadlay doorka haweenku ku leeyihiin siyaasadda, isaga oo sheegay inay maantaba ka dhex muuqdaan golaha xukuumadda, isla markaana u rajeeyey inay doorkooda ka qaadanayaan doorashooyinka baarlamaanka.

Waxa kale oo halkaa halkaa ka hadlay wasiiradda Warfaafinta iyo wasiirka arrimaha qoyska.

Xafladaas oo ay masuuliyiin badani hadalo ka jeediyeen., waxa laga akhriyey qoraal fariin ah oo ka yimid xoghayaha guud ee qaramada midoobay, kaas oo loogu talo-galay maalintan loo cayimay maalinta mujtamaca adduunka, dhambaalka oo ay akhriday wakiilka hay’adda UNFPA ee Somaliland/Soomaaliya, qoraalkaas oo lagu sheegay inay xiligan adduunyada ka jiraan dad ay tiradoodu gaadhayso hal milyan oo ah dhalinyarada ku nool qaaradaha dunida, kuwaas oo loo baahan yahay inay helaan caafimaad, waxbarasho, shaqooyin iyo darajooyin u qalma xuquuqdooda.

Qoraalka waxa kale oo lagu sheegay in loo baahan yahay in la taageero dhalinyarada adduunka.

Iyada oo lagu xusay qoraalkaas in hablaha adduunka in ka badan kala badh dalalka adduunka lagu guurso iyaga oo aan qaan gaadhin, isla markaana aduunka dadka dunida lixdii qofba uu hal qof aanu qaan gaadhin. Iyada oo 40% dadka ku dhaqan dalalka horumaray ay yihiin dhalinyaro.

Ugu dambayn waxa xafladaa lagu xidhay ciyaar hido iyo dhaqan ah, oo ay soo bandhigeen hablo yar yar oo ka socday hay’adda wadaniga ah ee SOCSA Girls.

Top


Muran Dhinaca Cashuuraha Ah Oo Ka Dhex Aloosmay Xukuumadda Iyo Ganacsatada, Waxa Dood Kulul Isku Wajahay Wasiirka Ganacsiga Iyo Ganacsatada.

Berbera (Haatuf): waxa maalmihii u dambeeyey hakad galay hawlihii shaqo ee badeecadaha bagaashka ka soo dega Dekeda Berbera, ka dib markii ay ganacsatadu diideen inay kala baxaan alaabtooda.

Weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera C/Raxmaan X. Daahir (Casaan) ayaa si uu wax uga ogaado sababta keentay inay hakad galaan hawlihii shaqo ee dekedu, waxa uu waraysi kala yeeshay mareeyaha Dekedda Berbera Eng; Cali Xoor Xoor, warasyigaasi ka hor waxa uu maareeyuhu faahfaahin ka bixiyey hawlaha shaqo ee dekeda iyo dhaq-dhaqaaqa ka jira taas oo uu sheegay inuu aad u fiican yahay wakhtigan lagu jiro, inkasta oo uu xusay inay meesha ka maqan yihiin xoolihii loo dhoofin jiray dalalka carabta, laakiin ay badeecadaha kale si caadiya u yimaadaan.

Maareeyuhu isaga oo ka hadlaya cabasho ka timid dhinca Ganacsatada oo keentay inay kala bixi waayaan badeecadahoodii Dekedda, taasina ay sababtay inay hawshu istaagto, balse waxa uu meesha ka saaray Maareeyuhu inuu jiro nidaam cusub oo dekedda lagu soo rogay, oo abuuray khilaaf, laakiin wuxuu ka waramay in alaabooyinka tiro lagaga soo rogo maraakiibta, taas oo lagu dhigo bakhaarada ama barxadda dekedda, iyada oo calaamad kasta la geeyo meel u gaara, taas oo fududaysa inuu qofku helo badeecaddiisii oo meel gaara u taal.

Hase yeeshee, waxa uu xusay inay jirto nidaam lagu hubsanayo in tirada qofkastaa uu leeyahay, iyada oo la is-waafajinayo document-ga uu sito, iyo tirada uu qofku leeyahay, inay isleeyihiin, taas oo ku waajibinaysa inuu ku cashuurto waxa ugu qoran document-ga rasmiga ah.

Maareeyuhu mar la weydiiyey inay jirto wax tacriifad ah ama culays ah oo ganacsatada kaga soo kordhay dhinaca dekedda waxa uu sheegay inaanay arrintaas waxba ka jirin, balse waxa uu carabaabay inay is-waafajinayaan manasiifta wakiiladda maraakiibta ee ganacsatadu ka soo qaadato iyo inay tirada u taalaa is-waafaqsan yihiin ay hubinayaan oo kaliya, wuxuuna intaa ku daray in had iyo goor badeecadaha bagaash-ka ah ee ka yimaada Dubai ay manaasiiftooda ku jiraan khaladaad tirada alaabta oo kala duwan iyada oo aanay islahayn waxa ugu qoran document-ga uu sito iyo badeecadda u taalaa.

Mar uu ka hadlayey inay ka wada hadleen ganacsatada badeecooyinka ay la bixi waayeen waxa uu sheegay inaanu jirin badeecado la cashuuri waayey, balse ganacsatada ay ka wada hadleen cabashadooda, isla markaana u sheegeen inaanay jirin wax ay ku soo kordhisay dekedu, laakiin la isla saxayo oo kaliya nidaamka shaqo, isla markaana haddii ay jiraan waxyaabo ku saabsan tacriifadda kastamku wax ugu cashuuro oo qaali ku ah, inay u sheegaan oo kala hadlaan dhinaca maamulka iyo wasaaradda maaliyadda.

Maareeyaha waxa kale oo wax laga weydiiyey inuu jiro khilaaf u dhaxeeya kastamka iyo dekedda, taasina ay keentay inay hawlihii sidoodii u socon waayaan, laakiin wuxuu sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya kastamka iyo dekedda, isla markaana uu jiro nidaamka toosan ee dekedaha iyo kastamadu u wada shaqeeyaan, wuxuuna ku tilmaamay arrintan manaasiifta ee lagu hubinayo, inaanay ahayn wax cusub oo dekedda xaggeeda ka yimid, balse ay tahay nidaamka oo la toosiyo, marka muddo la joogaba, si wixii khaldan loo saxo.

Mar la weydiiyey sababta ay talaabadan hore ugu qaadi weyday dekeddu ee ay wakhtigan ugu beegtay waxa uu sheegay inay beryahan dambe shaqaynayeen marka laga reebo alaabooyin ka yimaada barriga fog, sucuudiga iyo Yemen kuwaas oo uu sheegay inay manaasiiftoodu inta badan saxantahay, laakiin meelaha khaladaadku ku jiro ay yihiin manaasiifta badeecadaha laga keeno Dubai, taas oo uu xusay inay wakaaladaha maraakiibta u fadhiya Berbera ay u sheegeen inay manaasiif saxa ku soo qoraan badeecadaha ka yimaada Dubai.

Dhinaca kale maareeyuhu waxa uu ka waramay raashinkii caawimada ee dalka Itoobiya u soo mari jiray Dekedda Berbera, kuwaas oo uu sheegay inay dhawaan iman doonaan dekedda Berbera, waxa kale oo uu ka waramay waddo dhinaca dambe ka soo gasha Dekedda, taas oo u gaadiidka waaweyni ka galo, isla markaana samaynteeda gacanta lagu hayo, wuxuuna sheegay ina kharashka ku baxaya oo lagu qiyaasay 300,000$ ay bixisay A.U-du, oo ay fulinayso hay’adda T.H.W, iyada oo ay samaynta wadadaas daba socoto qorshe E.U-du ku balaadhinayso dekedda, isaga oo xusay in la filayo inay dawladda Itoobiya isticmaasho dekedda marka ay hawshaasi dhamaato.

Dhinaca kale waxa shalayto cabasho ugu tagay wasiirka ganacsiga iyo wershadaha Maxamed Xaashi Cilmi qaar ka mid ah ganacsatada badeecadaha kala soo degana magaalada Berbera, kuwaas uga waramay wasiirka waxyaabihii ay ka cabanayeen.

Kulankaa ka dib wasiirku waxa uu saxaafadda u sheegay inay ganacsatada isla garteen in arrinta la isku khilaafay loo saaro guddi 6 xubnood ah oo ka kooban wasaaradda ganacsiga iyo ganacsatada, kuwaas oo isla meel dhigi doona wax raali gelin doona labada dhinacba, isla markaana loo balamay arrintaa maalinta sabtida ah ee soo socota.

Top


Dagaaladii Ka Socday Mudug Oo Istaagay.

Gaalkacayo (BBC)Waxaa iskii isu taagay dagaalkii labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday tuulooyinka Cawle iyo Towfiiq oo ilaa 200km dhinaca Woqooyi bari ka xiga degmada Gaalkacyo, halkaasoo ay ku dirirayeen maleeshiyooyinka beelaha halkaasi wada dega.

Cali Diiriye Alloore oo ka tirsan duqeyda Gaalkacyo oo aan saaka talefoonka magaaladaasi kula xiriiray, ayaa sheegay in dagaalkaasi aanay weli cidi ka gelin wax dhexdhexaadin ah, balse uu iskii isu taagay kaddib markii uu gabbalku dhacay habeenkii xalay ahaa.

Cali Diiriye Alloore waxa uu intaasi ku daray in haatan ay duqeyda deegaankaasi isu raadinayaan nabaddoonnada ay beelahoodu dirireen oo kala ah Saleebaan Cabdallaha Direed iyo Reer Nimcaalaha beesha Sacad, waxaana uu sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in is-afgarad laga gaari doono dagaalkaasi.

Labadan beelood ee halkaasi ku dirirtay waxay colaaddoodu soo socotay ilaa labadii sano ee la soo dhaafay oo ay kolba weerarro hubaysan isaga horimaanayeen, hase yeeshee, dagaalkii labadii maalmood ee la soo dhaafay halkaasi ka dhacay waxa uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa iyadoo ilaa inta la ogyahay ay ilaa 43 nin ku dhinteen dagaalka, ilaa sagaashan kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaa kaloo intaasi wehliya in labada tuulo ee Cawle iyo Towfiiq ay ku halaagmeen rasaastii xoogga badnayd ee halkaasi la isku weydaarsaday dad rayid ah, waxaana haatan bara kacay dad ka badan ilaa 400 oo qof oo labadaasi tuulo deggenaa sida uu sheegay Cabdullaahi Maxamed Cali Dayib oo ka tirsan waxgaradka beelaha halkaasi ku diriray.

Dayib waxaa uu intaasi ku daray in dagaalka aanu cidina macno u samaynaynin oo aan ka ahayn bur-bur adduun iyo aakhiro beel.

Dagaalkan ayaa ka dhashay muran xagga milkiyadda dhulka ah iyo aanooyin qabiil oo labada beelood ay dad hore u kala dil-dileen.

Top


Bannaan-Baxyo Baroor-Diiq Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho.

Waxaa shalay magaalada Muqdisho ka dhacay bannaanbax ballaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen ururrada bulshada rayidka ah oo ka badan 52 urur oo la magac baxay Dhaqaaqa Bulshada Rayidka ah, kuwaasoo ilaa muddaba soo waday hawlo lagula dagaallamayo nabadgelyo xumida ka jirta Muqdisho.Bannaanbaxa ka dhacay garoonka Stadio Muqdisho oo ay ka qeybgaleen dhowr kun oo qof ayaa ula jeeddada laga lahaa ay ahayd in loogu baroor-diiqo dilkii loo geystay Dr Xuseen Maxamed Nuur oo ay dabley hubaysani ku dileen magaalada Muqdisho siddeed maalmood ka hor.

Sida uu ii xaqiijiyey Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah, waxaa gacanta lagu soo dhigay Yuusuf Cabdi oo loo haysto in uu dilay Dr Xuseen Maxamed Nuur, kaasoo hadda ku xidhan maxkamadda Towfiiq sharcigana la hor keenayo, waana markii ugu horreysay ee la xidho nin loo haysto in uu dilay xubin muhiim u ahayd adeegyada bulshada gaar ahaan dadka reer Muqdisho.

Dadkii dibad-baxaasi ka khudbadeeyey waxaa ka mid ahaa Dr Salaad Faarax Guutaale oo ku hadlay magaca dhakhaatiirta, Madiina Maxamuud Cilmi (Madiino General), Abwaan Xuseen Cabdulle Deerow iyo weliba Abwaanka caanka ah Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo dadkii Soomaaliyeed ee halkaasi isugu yimid u sheegay in uu kala qeybqaadanayo baroor-diiqda, isla markaana uu ku faraxsan yahay in uu arko shucuurta dadka reer Muqdisho.

Top


Wiil Yar Oo Waraabe Dhaawacyo U Geystay.

Hargeysa (Haatuf): waxa shalay cusbitaalka Hargeysa la keenay wiil yar oo uu waraabe ku dhaawacay tuuladda Axmed oo ku taal koonfurta Hargeysa. Iyada oo abaaro 9:30 ayaa la keenay cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Wiilka yar ee dhaawaca ahaa oo la yidhaa Mubaarak Mawliid Maxamed da’diisuna tahay 7-ba jir, waxa uu waraabuhu gaadhsiiyey dhaawacyo kala duwan, isaga oo waraabuhu wiilka yar ka qaniinay meelo kala duwan sida madaxa, daamamka, feedhaha iyo meelo kaleba.

Wiilka yar oo aan kula kulanay iyada oo ay gaadhi ku dhex hayaan dad qaraabadiisa ahi, caafimaadkiisu aad ayuu u wanaagsanaa, iyada oo markaa laga keenay miyigii uu waraabuhu ku cunay.

Waraabaha ayaa beryhanba soo noqnoqonayey weerarka uu waraabuhu ku qaadayo dadka xoolo dhaqatada ah.

Top


Nin Hub Sharci-Darro Ah Lagu Qabtay Berbera.

Berbera (Haatuf): Waxa maalmihii la soo dhaafay lagu qabtay kaantaroolka magaalada Berbera ee dhinaca waddada Burco nin magaciisa la yidhaahdo Siciid Maxamed Samater, kaas oo u dhashay dalka Soomaaliya, waxay boolisku ku qabteen shandado uu watay oo ay ka heleen hub isugu jira bambooyin iyo baastoolado, waxa kale oo ay boolisku sheegeen inuu ninkaasi sitay qalab isugu jira computer-o iyo kamarado, isla markaana uu saarnaa gaadhi ingaydh ah.

Ninkaas waxay ciidanka baadhista dambiyadda (CID) iyo boolisku wada jir ugu baadheen saldhiga booliska magaalada Berbera, waxaana shalay loo gudbiyey xabsiga weyn ee magaalada, iyada oo la sheegay in ninkaas iyo hubkiisa la horgeyn doono sharciga dhawaan.

Inkasta oo aanay boolisku ka soo saarin wax wara oo faahfaahsan ninkaas, laakiin sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf Magaalada Berbera C/Raxmaan X. Daahir (Casaan), sarkaal ka tirsan booliska ayaa sheegay in dhawaan sharciga la horgeyn doono ninkaas, isla markaana ninkan oo dhalinyaro ah lama cadeyn meesha uu hubkan iyo qalabkan lagu qabtay u siday, iyo meesha uu ka keenay toona.

Top


Somaliland iyo Shanta Sano Ee Soo Socda.

Dalkan somaliland oo ah dal aan laga aqoon dunida waxa uu soo maray marxalado kala duwan, oo midkasta waayaheeda leedahay.

Waxaana xiligan loo wareegay hanaanka xisbiyadda badan, iyada oo ay ugu dambayntii soo baxeen saddex xisbi qaran oo kala ah UDUB, KULMIYE iyo UCID, kuwaas oo u tartamay doorashadii madaxtooyadda, isla markaana uu cod yar ku helay xisbiga UDUB.

Haddaba waxa isweydiintu tahay dawladda cusub waajibaadka horyaal si fiican ma u gudan kartaa, maxayse shacabku uga fadhiyaan dawladooda, inay u qabato, waxa lagama maarmaan ah, in doorashadii baarlamaanka la soo dedejiyo si dimuqraadiyaddu u dhamaystiranto iyo shantaa sano ka dib doorashada la gelayo noqoto mid loo dhamaystiray waxyaabaha loo baahan yahay ee lagama maarmaanka u ah nidaamka doorashada, sida tira koobka, waraaqaha aqoonsiga, waxa kale oo lama huraan ah inay xukuumaddu wadanka gaadhsiiso maamulka iyo lacagta lixda gobol ee Somaliland, iyada oo gobol kasta laga furayo hay’adaha lagama maarmaanka u ah maamulka, sida baanka taliska booliska iyo dhamaan xafiisyada wasaaradaha, kuwaas oo loo baahan yahay inay shaqeeyaan oo tamar yeeshaan.

Waxa kale oo waajib ah in la diriro musuqmaasuqa iyo maamul xumada, taas oo suura gal ka dhigaysa dakhliga dawladda oo si fiican u soo xerooda iyo tayada dawladda oo sare u kaca.

In ciidamada loo sameeyo derejooyin ay ku kala sareeyaan, isla markaana la kordhiyo gunnadda shaqaalaha u shaqeeya dawladda, taas oo wax weyn ka taraysa mooralka askarta iyo shaqaalahaba.

Waxa kale oo loo baahan yahay in sare loo qaado aqoonta, taas oo ay bulshadu aad u baahan tahay.

Sidoo kale waa in loo helo ardayda ka baxaysa dugsiyadda sare jaamacaddo bilaash ah, oo tayo leh, kuwaas oo ka kooban culuunta kala duwan iyo in la kobciyo caafimaadka dhinaca shaqaalaha, iyada oo laga hortagayo, taas oo loo adeegsanayo wacyi-gelin.

Waxa kale oo loo baahan yahay in la helo laydh wada gaadha magaalooyinka waaweyn iyo in la joojiyo dhul-beereedka aan waxba laga beerin ee sii fidiya, kaas oo keeni kara khatar dhinaca xoolaha nool ah, haddii aan wax laga qaban, waa inay dawladdu ka hortagtaa xaalufinta dhirta iyo kaluumaysiga sharci darrada ah.

Waxa waajib ah in xal loo helo arrinta dhulka, oo maalin walba keenta khasaare leh iyo nafo lagu waayo, waxa kale oo waajib ku ah dawladda inay keento, aqoonsiga Somaliland, taas oo u baahan dedaal xoog leh iyo inuu madaxweynuhu golihiisa kula xisaabtamo ninkasta waxqabadkiisa iyo kartidiisa.

Xukuumadda waxa sugaya laguma soo koobi karo qoraalkan, laakiin waxaan jecelahay inay ka soo baxdo kaalinteeda shantaa sanadood ee soo socda, haddii kale waxaynu noqonaynaa qaaradda Afrika ee ay ku habsatay maamul xumadda, musuqmaasuqa, dagaalada iyo caafimaad xumadu ama waxaynu noqon dal lagu daydo, balse waxaynu eegi doonaa inaynu hore u soconay iyo inkale shanta sano ee soo socda?

Top


Muran Ka Taagan Hubka Wax Gumaada Ee Ciraaq.

London (W.waraka)Muranka Siyaasadeed ee ka jira dalka Britian ee ku saabsan dagaalka lagu qaaday Iraq, ayaa sii xoogaystay, iyadoo saraakiil sare oo ku jira maamulka Britain ay sheegeen in ayna sinaba u rumaysnayn in la helayo hubka waxyeelada wayn gaysta ee Iraq.

Wararka ka imanaaya halkaasi ayaa sheegaya in ay saraakiil sare oo qaabilsan dhinaca adeega bulshada ay u sheegeen in inkastoo ay rumaysan yihiin in hubku uu jiray, waxaa laga yaabaa in la qariyay ama la burburiyay ka hor intii uuna dagaalku bilaaban.

Afhayeen u hadlay Britain, ayaa ku gacan-saydhay arrintaasi.

Hase yeeshee mowqifka dowladda ayaa umuuqday inuu dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay mid isbadbadalayay.

Maalintii Isniintii, Guddi Baarlamaani ayaa sheegay in ayna ilaa iyo hadda kala cadayn in sababtii dowladdu dagaalka ku gashay ay ku salaysnayd halis jirta oo khatar ah oo ka imanaysa hubka Iraq, in arrintaasi ay sax ahayd iyo in kale.

wuxaana la sheegay in ra'iisul wasaare Tony Blair uu hadda xoojinayo in cadaynta barnaamijka hubka ee Iraq la heli doono, hadii hubka laf ahaantiisa la waayo.
 

Top


Askar Maraykan Ah Oo Lagu Laayay Ciraaq.

Baqdaad ( W.wararka)Ugu yaraan laba askari oo Maraykan ah, ayaa lagu dilay laba weerar oo kala gooni ah oo ka dhacay Iraq maalintii shalay.
Saraakiisha military-ga ee Maraykanka, ayaa sheegay in mid ka mid ah askartooda la dilay mid kalena la dhaawacay markii baasuuke lagu soo riday kolonyadooda oo maraysay meel u dhow magaalada Tikrit ee waqooyiga dalka Iraq.

Dhinaca koonfureedna ugu yaraan hal askari oo Maraykan ah, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay magaalada Maxmuudiya oo u dhow Baqdaad.

Weeraradan, ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee taxane ah oo lagu qaado ciidamada Maraykanka ee ku sugan bartamaha Iraq.

Top


Madaxweyne Bush Oo Tegay Botswana.

Botswana ( W.Wararka)Madaxwaynaha Maraykanka, George W Bush, oo ku jira qaybtii ugu dambaysay ee safarkiisa qaaradda Africa ayaa booqasho ku jooga dalka Botswana.

Wadahadaladiisa Botswana, ayaa la filayaa in ay xooga saaraan horumarka dhinaca ganacsiga iyo dhibaatooyinka cudurka Aids-ka uu ku hayo dalka Botswana.

Botswana, waxay ka mid tahay wadamada ugu badan ee uu ka jiro cudurka HIV AIDS, iyadoo ku dhowaad sodon iyo sagaal boqolkiiba dadwaynaha Botswana uu ku dhacay virus-ka HIV.

Madaxwaynaha iyo xaaskiisa, ayaa booqasho gaaban ku tagaya meel beer ah si ay u soo eegaan duurjoogta uu dalka Botswana caanka ku yahay.

Mr Bush, ayaa wuxuu kaloo uu wadahadalo kala yeelanayaa madaxda Botswana hindisihiisa suuqyada Maraykanka loogu ogolaanayo waxyaabaha laga dhoofiyo Africa.

Botswana, waxay ka mid tahay wadamada ugu daqliga badan Africa, taasoo ay ka helaan kaydadkooda dheemanka iyo macdanta.

Top


Kenya Oo Raadinaysa Wadaad Laga Qabtay Malawi.

Nairobi W wararka) Khaliif Cabdi Xuseen, oo reer Kenya ah,oo dhowaan lagu xidhay dalka Malawi, ayaa weli doodiisa ay ka socotaa dalka Kenya, iyadoo hadal ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya lagu sheegay in ilaa hadda aanan wax war ah laga haynin akhbaarta Ninkaasi.

Iyadoo weli ay sidii u taagan tahay hadal-haynta ninkan Soomaliga ah, ayaa hadana waxaan jirin warar xaqiiqo ah oo ninkaasi meel rasmi ah ku sheegaya, hase yeeshee, Wasaraarada Arimaha Dibedda ee Kenya, ayaa waxaa ay sheegtay in weli aan la helin, oo rag kalena lagula xidhay dalka Malawi 21-kii bishii hore.

Wasiirku ku xigeenku waxa uu sheegay in ay isticmaalayaan dariiq diplomaasiyadeed si ay u ogaadan xaqiqada jirta mana sheegi karo Khaliif Cabdi Xuseen in uu Malawi ku sugan yahay iyo in kale, waxaanan ku gudo jirnaa ayuu yidhi qaab walba oo macquul noqon kara oo aan ku ogaanayno halka u ninkani ku sugan yahay oo aan ku keeni karno dalkan Kenya, isagoo intaasi raaciyay in uu Xuseen oo Kenyaan ah uu haysto Baasaboor lambarkiisa iyo xiliga la qaatayba uu sheegay wasiir ku xigeenka.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Xil-Wareejinta Hagaagsan, Axmed Muuse Geedi (Sanjab)

Sida la wada ogsoon yahay sharciyada lagu maamulo Hantida Qaranka ayaa si faafaahsan u QEEXAYA sida loola kala wareego MASUULIYADDA Hayaddaha qaranka, kuwaas oo kala ah:

Sharciga xeerarka Maaliyadda ( Financial Rules & Regulation );
Nidaamka Xisaabaadka Dawladda ( Accounting Procedures of the State),
Nidaamka Maamulka Maaliyadda ( Financial Procedures );
Sharciga Maamulka Hantida Guurta iyo tan ma guraanka ah & Nidaamka lagu maamulo wax soo iibsiga iyo iibinta dawladda ( Stores Rules and Regulations & procurement Procedures ).

Sharciyadaas oo ah kuwii laga dhaxlay Gumeystihii ingriiska ayaa waxa sharciyeeyey Golaha Wakiilada ee Somaliland 1991kii. Inkastoo luqada lagu shaqeeyaa ay tahay Af- Somaali , shaqaalaha badankoodu aanu u lahayn aqoon Af- ingriiska (i.e 95%,), haddana wali looma turjumin af-somaali. Sida runta ah sharciyadaa wali si fiican looma hirgalin, inkastoo marka qof la xujeenayo ama Golaha wakiiladda la horgeynayo Miisaaniyad sanadeedka OO LA TIXRAACO qodobada faraya in SIFAHA KU QEEXAN LA RAACO. Hayaddaha ay tahay inay daba gal ku sameeyaan hirgalinta sharciyadaas waa xafiisyada qaranka oo dhan, hase yeeshee waxa gaar-ahaan loo xilsaaray XISAABIYAHA GUUD iyo HANTIDHAWRAHA QARANKA. Waxa ayaan daro ah inaan sharciyadaas aan habe yaraatee loogu shaqeyn sidii la rabay.

Waxaan filayaa inuu Wasiirkii hore SIDA KU CAD SHARCIYADAAS uu xilkii ugu wareejiyey wasiirka cusub:-

Xisaab-Xidh sandeedkii 2001 & 2002 ee wasaaraddu diyaarisay oo uu baadhay Hantidhawraha Guud, ka bacdina aqbaleen Golaha Wasiiradu ANSIXIYEENA GOLAHA WAKIILADU.

XISAAB-XIDHYADAASI waa inay ku lifaaqnaataa tiro-koob FAAHFAAHIN KA BIXINAYSA HANTIDA QARANKA EE GUURTA IYO TA MA GUURTADA IYO TA GUUR GUURTABA OO TILMAAMAYSA HAYADDA KA MASUULKA AH IYO MEESHA EE TAALO. HANTIDA AAN KA HADLAYAA KUMA KOOBNA TA MIISAANIYADDA DAWLADDA LAGA MAAL GALIYEY EE WAA INAY WEEHELISAA TAY MAALGALIYEEN HAYADDAHA SAMO FALKA AH EE INA CAAWIYA,

X-Xidhkaas waa inay qeexaan daynka lagu leeyahay dawladda amase dawladdu ku leedahay dadweynaha;

Xadiga lacagta naqdiga ah ee dawladda u taala BANGIGA DHEXE, inta xisaabood ee uga furan bangiga iyo xisaab-walba cida saxeexi karta. War-bixinto waa in si gaar uga warantaa XISAABAHA DAWLADDU KU LEEDAHAY BANGIGA, hase-yeeshee uuna ka war hayn XISAABIYAHA GUUD, WASIIRKA MAALIYADDA IYO HANTIDHAWRAHA GUUD MIDNA. Waa in laga waramaa lacagahaasi xagay kasoo hoyatay iyo sida loo isticmaalo iyo cida haysa diwaanada xisaab celinteeda lagu qoro;

Xisaab-xidhyadii Hayaddaha kala ah BANGIGA DHEXE, DAKADDA, Shirkada TOTAL, MADBACADA QARANKA IYO HAYADDAHA KALE EE DAWLADDA CASHUUR OO URURIYA;

War-bixintii Hantidhawraha Guud ee 2001 & 2003 iyo war-bixintiisii hawlgalka ololaha baadhitaan ee sanadka 2003/2004;

Miisaaniyad sanadeedkii 2003 iyo xisaab-xidhkii sadexdii bilood ee sanadka 2003 oo hayad walba HAWLGALKII LOO MAALGALIYEY KU LIFAAQAN YAHAY;

War-bixin gaar u ah deenka Ganacsatada waaweyn ay dawladdu ka amaahatay ee loo qorsheeyey in CASHUUR DHAAF ahaan loo siin doono markay BADEECADA ay dalbadeen wadanka dibadda kaga maqan ee aan wali wadanka soo gaadhin. Arrintan waa in laga faaloodaa sidii loo maamuli jiray iyo sifaha loola socodsiin jiray xisaabiyaha Guud haddii laba ogeysiiyo;

War-bixin qeexaysa tirkoob caddeynaya cashuuraha loo qabtay dawladdaha hoose, hase yeeshe aan wali loo gudbin.

War-bixin qeexaysa BUUGAGA LACAGTA LAGU QABTO inta la hayo een wali iscmaalin iyo inta hadda la istimaalayo, sida loo maamulo loona dabo-galo;

War-bixin qeexaysa MUGGA IYO AWOODA hawlgalka wasaaradda iyo qiimayn ka warameesa xirfadaha shaqaalaha Wasaaradda iyo xirfadaha la raboin lagu soo kordhiyo.

Xilwareejinto waa inay sharaxaad ka bixisaa wixii hanti ee si dhakhso ah loo lacageen karo oo masuulka ka yahay XISAABIYAHA GUUD amase ku keedsan BANKIGA DHEXE. Miisaaniyad sanadeedka 2003 waa inay ka war-bixin hufan ka bixisaa waxa ama dawladda lagu leeyahay amase iyadu ku leedahay Shicbweynaha iyadoo la xusayo d'ada daymankaas. Waa inay tilmaantaa mashaariicda horumarka ah ee dawladdu maalgalinayso amase ay la maalgalinayso Hayadaha Ajnabiga ah, si loo ogaado waxa meel u yaal amase ay tahay in loo raadiyo maal dhameestira. Xisaabiyaha Guud oo u xilsaaran diyaarinta xisaab-xidhka waa ino si faahfaahsan uga xog waramaa lacagaha BANKIGA DHEXE u hayo Xukuumadda ee uuna ka WAR-HEEN sida loo maamuli jiray amase hadda loo maaamulo ay ka mid-yihiin lacagta kasoo xeroota Dekadah, dhoofka xoolaha, lacagtii aafada loo jari jiray, lacagtii kasoo xeroon jirtay Dayuuradaha, SharikadaTotal, Madbacada Qaranka, Wakaaladda Biyaha iyo Wasaaraddu kalaba.

Waxa iyana lagama maarmaan ah in Gudida QANDARAASYADA cadaymo soo hordhigaan inta qandaraas ee la ansixiyey ayna wali lacagtooda aan la bixin iyo qandaraas ee la dhameestiray ayna wali mucaahadooyinkoodii aan la ansixin. War-bixin tafaasiil ka bixinaysay QALABKA ama ALAABTA DAWLADDU WADAMADA DIBADDA KA DALBATAY laakiinse aan wadanka walli soo gaadhin (waa haddii ay jirto).

Gudoomiyaha Bankiga dhexe iyo Xisaabiyaha Guud waa inay soo bandhigaan war-bixin cadaynaysa sida loo maamulay lacagahii lasoo daabacay inta ay leegayd, inta suuqa gashay iyo inta keydka ah.

Xisaabiyaha Guud, Hantidawraha Guud iyo Madbacada qaranku waa inay keenaan war-bixin ay heshiis ku yihiin oo qeexaysa inta buugaga cashuuraha lagu guro ee la daabacay walise aan soo gaadhin Xisaabiyaha Guud leeg yihiin, Inta buug ee Xisaabiyaha Guud la taal aan wali la qaybin iyo inta daabacan ee loo qaybiya xafiisyada cashuurha gura aan la isticmaalin maalintii xilka la wareejinayey. Waxa iyana war-bixinta lagu xusayaa inta jeegag la daabacay aan wali la isticmaalin amase wali la isticmaalayo iyo cida igmaday hayntooda.

Waxa jira Hay’ado aan dawli ahayn oo cashuur u ururiya Xukuumadda. Intay dhan tahay lacagta hadda ay hayaan, yaase la og, side baana loola xisaabtamaa. Hayadahaas waxa ka mid ah TOTAL oo sida la leeyahay aan cidiba kala warhayn waxay soo dajiyaan qiyaasteeda.

Waxa igu kalifay inaan tilmaantan bixiyo si shicibweynuhu ula socdaan hawlaha kala duwan ee wasaaraddu u xilsaaran tahay iyo sida laga rabo Hantidhawraha Guud iyo Golaha Wakiiladu inay la xisaabtamaan Haydaha dawladda oo dhan.

Wasiirka cusub waxaan u rajaynayaa in ilaahay u fududeeyo xilkaa culus ee loo igmaday. Maqaalkayga dambe waxan kaga hadli doonaa nidaamka daba-galka hantida qaranka iyo nidaamka wax soo iibiska.

Qoraagu ujeedoonyinka uuka leeyahay maqaalkan wuxuu yahay:-

In shicibweynuhu wax ka ogaadaan, xilwareejintu qaayaha ay leedahay iyo sifaha loola kala wareego masuuliyadaha laba qof la kale wareegayaan masuuliyada hayadaha qaranka;

In masuul walba wixii lagu wareejiyey raad la raaco yeesho, maragna ka yihiin saxeeyada labada xilka la kala wareegay;

Waxa kale ooy tuseesaa dadweynaha inaan wali sidii sharciyadu qeexayeen aan wax badan lagu maamulin, nidaamka hadda dawladdu ku shaqeesaan noqon Karin mid lagu kalsoonaan karo...maadaama aan wali Wasaaradda Maaliyada masuuliyaddii ay u xilsaareed cid kale maamulato.

Waxan akhristayaasha ka rajeenayaa inay maqaalkan iyo kuwa danbe ayna ka qori doono HAYADDAHA QARANKA OO DHAN kasoo faaloodaan, qiimeyn ku sameeyaan wax-tarka uu ku yeelan doono xaga waci-galinta.

Qore- Mudane Axmed Muse Geedi (Sanjab).

Top


“Waxaanu Iska Casilnay Xilalkii Aanu Ka Haynay Jaamacadda Camuud,”
Axmed Xaashi Iyo C/Laahi Xaashi.

Aniga oo ah Axmed Xaashi Abiib, gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xagga qorsheynta hourmarinta, maamulka iyo xidhiidhka bulshada ee Jaamacadda Camuud.

Markaan ogahay: qiimaha ay jaamacaddu ugu fadhido ubadkeena, gudaha iyo dibadaba, magac iyo sumcadda ay gobolka Awdal u soo jiiday, iyo rajada ay u abuurtay dhalinta Somaliland.

Markaan ogahay: in hay’ad kasta oo waxbarasho, mid sare iyo tu hooseba ay u baahan tahay caddaalad, sinaan iyo xaqsoor ka faa’iidaysigeedu.

Markaan ogahay: in Jaamacadi tahay dan guud oo aadamiga u dhaxaysa, haddii ay yihiin dad kala midab, kala qabiil ah, kala siyaasadda, lab iyo dhedigba.

Markaan arkay: hantidii jaamacadda ee danta guud sida gaarka ahi ku j irto loo qaatay, lana diiday in la soo cesho, ilaa maantana wax talaabo ah soo celistooda guddoonka sare (duqeyda saddexda ahi) ee jaamacadda camuud ka qaadin, ii muujisayna inay sida raali kaga yihiin.

Markaan arkay: arkay caddaalad darrada ka jirta maamulka jaamacadda camuud, ee dhinac kasta ka muuqata, xag arday, macalin iyo shaqaaleba, (la jiifiyaana banaan, la joojiyeyna banaan, noqdeen, xeerarka jaamacaddu), in wax laga qabtana la iska dhaga tiray, tusaale ahaan
Ardaydii Jaamacadda loo qaatay oo saddexdii dhadhaar ee beesha Awdal ka koobneyd lagu saleeyey, intii siday uu kala darajo sareeyeen loogu saleyn lahaa.

Macalimiin heerka waxbarashadoodu tahay BA in loo ogolaado inay jaamacadda ilaa maanta wax ka dhigaan ina laga eryo, ayada oo lagu dabaqayo xeerka inuu jaamacadda Camuud wax ka dhigo oo kaliya macalin heerka waxbarashadiisu tahay MA.

Ardayda intaan imtixaanka laga qaadin, in gaar ahna imtixaanka dibada lagu sii siiya, inna aanay ogayn, laguna yidhaahdo kuwa imtixaanka sii hasatayba idinka fiican.

Markaan ogahay: In heshiisyada dhex mara Jaamacadda iyo hay’adaha caalamiga ah in lagu tunto oo sidii iyo markii la doonaba maamulka Jaamacaddu u jebiyo, taas oo u soo jiiday Jaamacadda maamulkeeda in laga aamin baxo, baajisana deeqo fara badan oo ay Jaamacaddu heli lahayd.

Tusaale.

Qalabkii caafimaad ee hay’adda brothers foundation ugu deeqday Jaamacadda Camuud oo si sharci darro ah loo siiyey, cusbitaal ganacsi (Allaale), oo ay dad gaar ahi (Hormuudka kuliyadda caafimaadka) iska leeyihiin, heshiiskuna ahaa in qalabka loo isticmaali karo cusbitaal dan guud oo kaliya, sida ka Boorama.

Markaan arkay: Inay runtii bukootay, damiirkii saxa iyo khalad lagu kala garanayey ka dhintay inta kale ee maamulka igula jirta, qofkii sheegana awood aan hay’addii ugu saraysay Jaamacadda (Duqeydii saddexda ahayd), ee tunta uu kala sheegi lahayd ciddii is khilaafta, haddii aan daawo loo helina burbur u soo jiidi karta Jaamacadda.

Markaan arkay: In Aanu jirin wax nidaam ah oo u degan Jaamacadda, ee ay tahay wax qof (Gudoomiyaha), kaliya jeebka ugu jirta.

Markaan arkay Duqaydii Jaamacadda Camuud ee saddexda ahayd oo aan filayey inay hoos u eegaan dhibaatooyinka ka socda ee muddada soo jiitamaysay, ay faraha ka laabteen.

Markaan ogahay: inaan anigu iskay tabaruc ku imid Jaamacadda, waxna u tarayey ilaa maantana aanan waxba ka hagran.

Markaan arkay: in beentu ay noqotay maanta gaadiidka loo fuulo marka meel la duminayo.

Markaan Arkay: Inay maamulka Jaamacadda hada ka jira inuu u jihaystay qaab iyo nidaam darro u soo jiidaysa burbur, wax talaabo ah oo lagaga hortagaana, ilaa hadda aanay qaadin ciddii ay khusaysay ama danaynaysay jiritaanka Jaamacadda.

Markaan arkay: in sabaha kor ku xusan awgeed, in kalsoonidii luntay, damiirkaygu diiday inaan la sii shaqeeyo maamulka hadda ka jira Jaamacadda Camuud oo ku socda nidaam darro ay Jaamacaddu ku burburayso.

Waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilkii aan u hayey Jaamacadda Camuud laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay Julay 07, 2003.
Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu faraj cusub u soo saaro Jaamacadda, kana badbaadiyo burburka soo foodsaaray.

C/Laahi Xaashi Abiib.

Waxaan marnaba aanan ilaaweyn kuna faraxsanahay in maanta Jaamacadda Camuud ardeydii ugu horeysay ay dhawaan qalin jabin doonto, taasoo ka markhaati kacaysa dedaalkii, daacadnimadii iyo xilkasnimadii ay muujiyeen bulshada Awdal u dhalatey, ee gudaha iyo dibada joogta.

Waxaan anigu khaas ahaan ugu faraxsanahay inaan ka mid noqdo kuwii nasiibka u helay inay qayb ka qaataan dhismaha Jaamacadda Camuud.

Markii aan ogaaday heerka ay maanta Jaamacaddu ku sugantahay oo sumcadeedu ay gaadhay heer caalami ah, iyo sharafta ay ka mudan tahay ummadda Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaanba.

Markii ay taaba gashay ujeedooyinkii ay ku salaysnaayeen dhismaha Jaamacadda, inkasta oo wax badan ay weli dhimantahay oo ay baahi badan qabto, hase yeeshee ay ii muuqato meel kale oo adeeg iiga baahan iney jirto.

Jaamacadda Camuud oo maanta gaadhey meel ay isku filnaato, waxa aan go’aansaday si aan ugu madax banaanaado hawlaha kale ee aan u qaban karo bulshadeena inaan, iska casilo shaqadii iskaa wax u qabada ahayd ee aan u hayey Jaamacadda Camuud laga soo bilaabo shiba August 1-deeda 2003. Waxaan kalsami buuxda ku qabaa in bulshadu heli doonto qof meeshaa ka sii wada h awsha, iskaa wax u qabso, ee anigu Alle dartiis u hayey, ahaydna mid aan anigu isku xilsaaray.

Waxaan halkani ugu mahad celinayaa dhammaan dadkii wada shaqaynta ii muujiyey, suurto-gakna ka dhigay in reer Awdal dibadda ku sugan khaas ahaan saddexda magaalo ee Ottowa (Canada), Dallas (USA) iyo Melbourn (Australia) ee sida joogtaada iyo hagar lida ahayd ee ay isku key garab istaageen. Waxaan kale oo aan u mahad celinayaa shaqaalaha hoose ee Jaamacadda Camuud oo la’aantood aanaey maanta Jaamacaddu gaadheen heerka maanta ay joogto.

C/laahi Xaashi Abiib.

Top


HOGO-TUSAALAYN GABAY, Nimco Gabaydo.

Hayiin iyo dayiin sida dadyahaw hubanti loo sheegay.
La iskama hadlo’e Gabay runtii, waa Hide Awood.
Iyo Had lagu soo dhashoon, aadmi kuu hidinin.
Hinif lagu gartuu leeyay, iyo haybad iyo luuqsan.
Aniguna hankay maan tirsheen, mana haweysteene.
Hormoodkiyo aftahankii tixdaba hibada loo siiyey.
Iyo hobolkii Aw Jaamac-baa hooyadday dhalay’e.
Hoga lagu jannee, wuxuu ahaa hanad reera’a.
Abwaan lagu hirtiyo wuxu ahaa, guurti hubaa.
Dhaxal buu ka hoyday, oo waxa ka hadhay taariikh’e.
Aniguna habkiisii ayaa hadal I seegaynin.
Amase aan hawraartiyo naxwaha ugu hal-maalaay’e.
Mintid fara yar baan ka hantiyoon galay halkiis’e.
Hir fogna uma doontoo, murtidu way u hurudaay’e.
Hiyiga iyo laabtay sidii harag ka buuxdaay’e.
Hor allee, shidkeediyo, medkiyo, ha iyo woowgeeda.
Hab-dhaca iyo araarteeda,
Waan kala habeeyaay’e.
Markaan geliyo haabkayga, ee aan haloosiyan’a.
Habsan iguma keento’e dhakhsaan ugu hub qaataay’e.
Godob iyo hanaayo iyo eed la igu haaraamo, adyadiyo habaarkiyo gefkaan, kala hawoodaay’e.
Imikana anoo haqab la’aan, idinku haasaawin.
Afartaas waa iga hordhac’e dulucda aan haabto.
Ninkasta oo huluulaha ka dayey, oo hadhuudhsadayba, haddaanu u bislayn gabayga wuu kala haleeyaay’e.
Ma hagaaj’e Garasaw, Adaan marin Halkiisiiy’e.
Hanaanka iyo dhismaha dawladnimo ee la kala haad-shey, qofba garashadiisii ka hadal, waana hawl qaran’e.
Wasiiradda markaad kala huftee, ministarada Haatuf ku abaartey, bal inaad xaqiiqada hurtooy, taladu kaa hoostey, amase aad halyey leexday tahay, hoota bagaftaadu, maxay Qodax hareer uga martee, faadumo u heertay.
Haddii-se aad xaqsoorkiyo cadliga, haamaha u tolayso,
Ma waxaad midkood huri lahayd, hagari waa ceeb’e.
Mogan laba haweenoo, bulshada heer u wada taagan.
Mise hebeladaad quudhsatiyo humanka aad sheegtay.
Ayaad hawl yaraan u odhan la’yd.
Heddi la’aantaada, ha ku biirto taasiy’e, Ednaay adigu ii hadh.
Misna hoos u odhan la’yd, adoo hiilka qarinaaya.
Waxan ugu habranayaa, iyaba hadh uma jiideen’e.
Habeenkay ta kale iga xigtee, haybta igu raacdo.
Ileyn horor waraabaha noqdee, habaryartii qaatay.
Hadday tahay ma daayaa, la yidhi hooyadii ruma’he.
Wasiirnimo inayn hanan kartiyo, inay hal-gaadayso.
Midna adiga oon hubin, ayaad hiiftay faadumo’e.
Inta aadan hablaha kale ku darin, Ama I soo haybsan.
Hadafkaygu waa aniga oon, kuu hanjabin maandhe.
Hal waano ah, inaan ku tariyo hogo tusaalayn’e.
Hidaha dhaqanka sooyaalka iyo hilinka diinteena, kuma hayno xeer kuu fasaxay, haatan dumarkeena.
Hal-abuur in lagu maago iyo hadalo suugaana.

Nimco Aadan Hurre (Nimco-Gabaydo)

Top


Waa Maxay Dawladda Tayada Lihi?

Waa maxay Dawlada tayo lihi ? Dawlada tayada lihi waxaa ay ka bilaabmataa dad wax garad ah oo wadaniyiin ah, oo aqoon, karti iyo dacad nimo dalkooda wax ugu qabta. Dawlada tayada lihii waa inay ahaato mid dhaqaalaha dalku uu iska xajinkaro, oo kooban. Maraykanka oo ah dalka aduunka ugu dhaqaala badan, ayaan lahayn dawlad 42 wasiiro/wasiir ku xigeeno iyo wasiiro dawlado ka kooban, inaga oo aan aqoonsi haynin oo dakhliga dalkeena soo galaa uu $18 Milyuun yahay, dawlad 42 wasiir/wasiir ku xigeen iyo wasiir dawla ka kooban , oo mushaharkooda iyo kharashkoodu yahay $2 Milyan, dhaqaalaheenuna ma awoodi karo.

Dahir Riyaale oo aynu wada ognahay sida uu xukunka ku yimid, waxaa laga filayay sidii uu umada ugu balan qaday inuu keeno DAWLAD Tayo leh. Su’aashu waxaa ay tahay imisa Wasaaradood ayay Somaliland u baahantahay, dhaqalaheenuna inoo saamaxayaa? Somaliland waxaa ay u baahantahay 11 Wasaaradood iyo 5 Hayadood, waana kuwan:

1) Wasaarada Arimaha Dibada
2) Wasaarada arimaha Gudaha
a) Hayada Kaluunka
b) Hayada Hawlaha guud
c) Hayada Dib-u-dajinta
d) Hayada Diinta iyo Awfiiqda
e) Hayada Boosta iyo isgaadhsiinta.
3) Wasaarada Difaaca
4) Wasaarada Maaliyada iyo Qorshaynta
5) Wasaarada waxbarashada iyo Isboortiga
6) Wasaarada Caafimadka iyo horumarinta qoyska
7) Wasaarada Cadaalada iyo ladagaalanka MUSUQMAASuQA.
8) Wasaarada Macdanta iyo Biyaha
9) Wasaarada ganacsiga iyo warshadaynta.
10) Wasaarada Beeraha
11) Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta reer miyiga
Su’aasha xigtaa waxaa weeye, Qofkee ayaa wasiir noqonaya?
Qofka wasiirka noqanayaa, waa inuu
1) Aqoonteed leeyahay iyo waayo aragtinimo la xidhiidha wasaarada.
2) Waa inuu noqdo qof sharaf ta wasaaradiisa leh.
3) Waa inaanu dambi ka galin umada Somaliland iyo umad kale toona.
4) Waa inuu noqdo qof dadka gudo iyo dibadba, ka bari iyo galbeed jooga wada matali kara.
5) Waa inuu ahaado qof aan lagu xaman maamul xumo, iyo cadaarad daro.
6) Waa inuu ahaado qof aan hore ugu takri falin hantida dadwaynaha.
Waa in marka Barlamanka la horkeeno wasiir, waa in wasiir kasta qodabadan dhaafo.
Hadaba talo maxay tahay:
1) Waa inay Baarlamanku gutaan wajibkooda oo ay ka fiirsadaan ansixinta dawladani. Waa inay Madaxwaynaha ka codsadaan inuu la yimado dawlad kooban oo awooda dhaqaale ee wadanku iska xajinayo.
2) Waxaan ka codsanayaa saxaafada madaxa banaan inay dadka u soo gudbiyaan dadkan Wasiirada laga dhigay midkasta, Aqoontiisa, Waaya Aragtinamadiisa, iyo Tariikh Nolaleedkiisa.
Ummadu waxaa ay hore u socotaa marka, danta guud laga wada tashado inta aan arintu qalafsanaan.
Dawladan maanta la inoo dhisayna waxaa ay u bahantahay wada tashi..
Dawlad Dimuqraadiyad ku dhisani uma baahna wasaarad Warfaafinta iyo wacyigalinta. Yay wacyigalinayaan, dadkani dawlada ugama baahna inay wacyi galiso. Dawladii Faqashta ayaa dadka wacyigalin jirtay, umana baahnin cidkale oo dadkan Been u sheegta. Teeda kale Wasiirkani maxuu maamulayaa Radiyawga Hargaysa oo aan Hargaysa laga wada dhagaysankarin, iyo Jariirad dadku aanay u baahnayn. Dawlada maskaxda isticmaalaysaa waxaa lacagta ay ku bixinayso Wasaaradani waxay galin lahayd Radyaw laga wada maqli karo dalka.
Waa inay jirto Hayad Madax banaan oo maamusha Radiyawga iyo Jariirada Maandeeq.

Dawladu ma laha Sanduuq Booseed (Mail BOX), waxaana jira Wasiirka Boosta iyo Isgaadhsiintu, hadaba maxaa ay shaqadeedu tahay wasaradani.
Wasaarada Madaxtooyada, wasiiru dawlayaashani maxay qabanayaan. Hadii ay yihiin la taliyayaal madaxwayne, waa inay hoosyimadan qasriga madaxtooyada.

Waxaa ay dawladdu u baahantahay in ay hantida Dadwaynaha ee la boobayo wax ka qabato. Waa in ay jirto Wasaarada Cadaalada iyo MUSUQMAASuQA., wasaaradani oo yeelata gudi hantida dadwaynaha ilaalisa oo XAGTOOYO XOOLA QARAN ku qaada qofkii ku tagri fala hantida dadwaynaha.
Waxaan kula talinayaa Baarlamanka iyo Guurtidu in iyaguna dhankooda sameeyaan gudi madax banaan oo la shaqaysa wasaaradan. Cidna maal gashanmayso, cidna lacagna ku aamini mayso dalkan iyo dawladan haddii ay dawladu ay musuqmaasiqa wax ka qaban waydo. Haddalna loo ma baahna ee waxaa loo baahanyahay FICIL.

Wadamo badan oo Afrika waxaa baa’biyay waa Musuqmaasuq, taana weeye sababta Afrika ay Mugdiga ugu jirtaa. Maantana inaga oo talaabadii u horaysa qadayna, haddii aynaan bilaabin sidii aynu u xakamayn lahayn Musuqmaasiqa waxaa inagu habsan doona mugdigaa qaarada hadheeyay.

Omar A. Yousuf, Ururka Wadaniyiinta Somaliland, California, USA.

Top


Jawaab: Gar Waa Loo Wada Islaam.

waxa marar badan dhacda in siyaasigu uu ka hadlo figrad ama qodob si uu uga helo waxtar siyaasi ah amaba uu doonaayo in siyaasigaasi ahaado mid ka dhex muuqda golaha siyaasada taas oo uu filaayo siyaasigaasi inuu ka helo waxtar ama darajo sare oo siyaasi ah.

Hadaba waxa dhacda in marar badan damacaa siyaasiga ahi uu isu badelo mid ku keenta siyaasigaa qoon, ama dhaawac weyn oo u gala recordka siyaasada taas oo aan waligeed la ilaawin marwalbana la soo hor dhigo oo lagula xisaabtamo siyaasigaa qoomihiisa ama dhaawaciisi siyaasi ee ugu jira recordka.

Waxa taa ka dhigan ama la hal maala qoraalka qardajeexa ah ama darjeexa ah ee maxamuud xaashi uu ku baafiyey saxaafada somalilnd taas oo uu sharafta kaga dhacay ahmiyadii, iyo sharaftii, baarlamaanka, isla markaana ugu hiilinaayey ama taageero buuxda ku siiyey mudane jamac yare.

Si aynu umad jirta u ahaano waxa haboon in aynu ilaashano nabadgelyadeena iyo xasiloonideena taas oo saldhig u ah qaranimadeena taas oo ah waxa keli ah ee aynu kaga duwan nahay somaliya caalamkuna inagu amaano, madaxweynaha somalilnd xaq ayuu u leeyahay in si deg deg ah oo aan habsaan lahayn uu wax uga qabto wax alaale wixii wax yeelaaya nabadgelyada iyo xasiloonida somalilnd waana ku sax, waanu ku barbartaaganahay.

Dhinaca kale oo madane maxamuud xaashi uu ku soo qaatay in rag shirkii carta tegey ay joogaan somaliland, waxa aan ka odhan lahaa haa, way joogaan laakiin iminka ma aha cadowga somalilnd tusaale hadii aan u soo qaato Cabdi Raxmaan tuur iyo ina Carte, Mudane Cabdi raxmaan tuur la taariikh ma ah lamana bar bar dhigi karo jamac yare, Cabdi raxmaan wadanka xaq weyn ayuu ku leeyahay waa gudoomiyihii xusbiga SNM ee wadanka xoreeyey keenayna xornimadan maanta aynu ku faanayno waana madaxweynihii ugu horeeyey ee somalilnd imikadana wax dhibaato ah kuma hayo somalilnd.

Ina Carte waad ka akhrisatay saxaafada inuu qirraayo inay gooni isutaaga somalilnd yahay muqadas.

Raga kale ee aad sheegaysaana maha qaar halis ku ah somalilnd isla markaana waa la mariyey ciqaabtoodii.

Mudane xaashi baroortu ceesaanta ka weyn, waxa hadalkaaga aad ku soo beegtay markii uu madaxweyne rayaale uu dhamaystiray golihiisii wasiirada isla markaana aanay waxba kaga jirin beesha aad u fadhidid golaha baarlamaanka taas oo kagu keentay filanwaa iyo cadho is barbar socda taas oo kugu dhalisay ama aad go,aan ku gaadhey inaad weerarto madaxweynaha lagu doortay si dumuqraadi ah adiga oo ku haysta kursigaaga baarlamaanka si lid ku ah dumuqraadiyada.

Ilaahay AYAA MAHADLEH.

CABDI QADIR JAMAC DACAR.

USA C.A.

Top


Ka Feker Sidii Aad Wadankaaga Wax Ugu Qaban Lahayd.

Sida aan wadda ognahay waxa dareen xoog wayn laga muujinya in ay ku noqotay lug go' xoog wayn guud ahaanba taageerayaashii Udub amaba Somalilandba ka dib markii uu ku dhawaaqay dawladdii tayalahayd ee uu Madax wayne Rayaale ku balan qaaday.taasi oo noqotay QOOLAY.

Hadaba markaan dib ugu noqono waxa ay ka qabeen reer Awdal guud ahaanba Somaliland iyo markii Rayaale xukunka qabtay sida ay isu badaleen waxay ay ahayd mid micnayaal badan leh si badan loo fasirayay,hadaba gar waa loo Islaame sida Rayaale wax u galay ee u buriyay balan qaadkii uu yidhi waxan dhisi Dawlad Tayo leh,ma waxa ay noqotay mid uu ku fogeeyay dhamaanba Shacbi waynihii reer Awdal ee maanta u xaydnaa Aqoonsiga iyo dhismaha dalkoodaba in ay kaalin wayn ka qaataan,mise Rayaale waxa uu arkaa inuu Qandaraas ka qaatay Somaliland oo aanu isaga iyo Halka uu ka soo jeedaba ay dhaxdin ku yihiin Somaliland. waa ay u egtahay waxana cadeeyay inuu 42 gole wasiir ee sameeyay kaga daray in ka yarlix qof,taasi oo maanta tayo ahaan 60% ay aqoon ku hogaamin lahaayeen marka loo eego qaybaha kale ee Somaliland mase qurax badan in marka wax la samaynayo loo fikiro hayb amaba qolo taasi oo uu hada sameeyay Rayaale,waddana garan karo halka ay marayso shacbiydii Rayaale oouu lumiyay in ka badan %80 dadkii hore u taageersanaa,sida loo arkayana aan u jeedno in dib u noqonay aadna uga wada xunahay.

Taasi oo maanta halka shacbiyada reer S/land gaadhay aan ka gudub qabiil amaba ku dhaqan oo ay tahay wax Ilaah lagu mahadiyo,laakiin dawlada Daahir Rayaale ay aad uga muuqato taasi oo uu qabiil iyo kani baa ku doortay uu meesha ku keenay.

Mase ahayn maanta oo uu yahay Madax wayne la soo doortay in uu dhaqmo sidii beelaysigii iyo nin jeclaysii iyo kana ii roon in uu wax ku xukumo ,waxayse ahayd maxaa Dalka u roon,wayse dhici wayday,Waase nasiib daro marka aan reer Somaliland ahaan uga Hiilinay Siilanyo, Reer Awdal ahaan uga hiilinay Cabdi Raxmaan Aw Cali, een dooranay Daahir Rayaale inuu habkan u dhaqmo.

Gabagabadii anagoo ku hadalna magaca aqoon yahanada, culima'u diinka, haweenka, odayaasha iyo dhalinyara reer Awdal,waxan aad uga xunahay niyad jab xoog badana na gaadhsiiyay arrimahaasi.

DR A/wahaab Mahamed Iidle.

Migil Universty Montreal, Canada.

Top


Saddex Kama Naxo.

Waxa la yidhi berri baa nin laga soo weriyey saddex xaalo kama naxo, xaasid-se ma ihi.

1. beeshii idinka ag guurtay, caanahay qubtay oo biyahay dhaamisay.
Taa kama naxo, xaasid-se ma ihi.

2. Duulaankii aad ka hadhay intii la odhan lahaa, geel bay soo qaadeen oo min shanbay u qaybsadeen, shan baa laga dilay oo mid-ba meel baa laga tuuray taa kama naxo, xaasid-se ma ihi.

Haddii la I yidhaahdo gabadhaad qabtay, gabadhii ka yarayd ee ay walaalaha ahaayeen, ninkii loogu taag waa oo shalaa warqadii laga siiyey, taana kama naxo xaasid-se ma ihi.

Taa haddii aan inaa ku dhaafo maah-maahdaa guud, waxaan rabaa inaan ku yara laabto sheeko iga soo martay magaalada Hargeysa, waxaan soo maray maalin maalmaha ka mid ah, xaafad ka tirsan magaalada Hargeysa, waxaan la kulmay islaan uga qaateen ah, oo la yidhaahdo Qaafo Xirsi Calanle, waxaan weydiiyey maxaad war haysaa, waxay iigu jawaabtay “Af-soomaaligu berrigii hore labuu ahaa, run iyo been buu u qaybsanaa, waxa lagu soo kordhiyey mid cusub, oo magaciisa la yidhaahdo mirqaan hadal, markaa run iyada lama hayo’e beriga Ilaahay keeno ayey iyadu ku xidhantahay, been haddaad doonaysana, Idaacadda Hargeysa ayaa ku warantee kala xidhiidh, haddiise aad doonayso mirqaan aan wax kaaga taataabto”.

Haddaba islaantii iyada oo mirqaankii sharaxaysa waxay igu tidhi “laba iyo tobankii sanadood ee Somaliland jirtay, wixii horumar la gaadhay waa sidan, wasiir la eryey iyo mid la magacaabo, golayaasha qaranka guurtida iyo baarlamaanka oo markay doonaan kordhista, xukuumaddana u kordhiya haddii ay ka soo dalbato, haamihii shidaalka Berbera oo aan la haynin meeshay jaan iyo cidhib ku gooyeen, Puntland-tii laascaanood inta badan ka shisheysay markii marxuumku dhintay, oo maanta Caynaba caga-cagaynasa.

Itoobiya oo aynu ahayn laba dal oo aad iskugu wanaagsan oo aynu kala fogaanay, Djibouti oo aynu kala fogeyn oo aynu isku soo dhawaanay.

Kheyraadkii dalka oo suuq madaw lagu dal-dalanayo.

Dekeddii Berbera oo wixii dan yar ahaa debadda looga saaray.

Muranka jaamacaddaha dalka oo ku biirey xisbiyaddii siyaasadda.

Golayaashii deegaanada dalka ee la doortey oo maayaradii hore, bili u caanashubatay.

Dhaliisha mucaaradka oo horumarkeedii ka soo daray.

Bileyska dalka kaariyaal ku dambeeyey.

Ilihii dhaqaalaha, dastuurkii, iyo doorashooyinkii oo laga dhigay free size, nin walaw-ba shaadhka ku leeg gasho”.

Islaantii waxay hadalkeedii ku gabagabaysay “gabadhii adhigu ka lumay waxay ku calaa-cashay ileyn caylaw cadaana, ileyn caga lagu ordaana, ileyn ceesaan cidaana.”

Waxa ka soo weriyay Cali Ismaaciil Carab (Cali Duul-Duul).

Top


WAADIGA CIYAARAHA: Sayladda Ciyaartoyga Yurub Iyo Heshiisyadii Ugu Dambeeyay Ee Kooxaha.

A/fataax M. Caydiid.

Chivu: Kooxda AS Roma ayaa lagu soo rogay xayiraad ah in ay heshiisyo kula wareegto ciyaarto, kaas oo ay ku soo rogtay Xidhiidhka kubadda Cagta Adduunka FIFA, iyadoo arrintaas la xidhiidhiyay deyn aanay weli bixin oo ay ku leedahay kooxda reer Peru ee Sporting Cristal.

Xayiraadan oo macnaheedu noqonayo in kooxda Roma heshiiskii €18 million (sideed iyo tobanka milyan ee lacagta Yurub) ahaa ee ay kagala soo wareegaysay kooxda Ajax ee Holland ciyaartoyga reer Romania ee difaacyahanka ah, Cristian Chivu uu joogsanayo, tan iyo inta ay kooxda Serie A-ga ku jirtaa caddeynayso in ay dhammeeyeen deyntii ku hadhsanayd.

Chivu ayaa Arbacadii lagu dhawaaqay inuu yahay heshiiskii ugu weynaa ee ay Roma kula soo wareegayso ciyaartoyda xilli-ciyaareedkan, kadib markii ay heshiis 5 sannadood ah la gashay ciyaartoygan, waxaanay labada kooxood ee Ajax iyo Roma ku heshiiyeen qiime dhan €18 milyan in ay ka bixiyaan difaacyahankan 22-jirka ah. Laakiin, maalintii khamiistii shalay ayay FIFA sheegtay in aan la dhamaystiri karin diwaangelinta Chivu ee kooxda Roma, xayiraadda lagu soo rogay awgeed.

Arrinta Xayiraada lagu soo rogay kooxda Roma, waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka FIFA, balse kooxda Roma arrintaa kama hadal, waxase la filayaa in ay xalay goorihii dambe ilaa maanta ay war-saxaafadeed ka soo saarto.

Fadiga: Kooxda Inter Milan ayaa ogolaatay in ay heshiis la gasho Arbacadii dorraad weeraryahanka reer Senegal, Khalilou Fadiga oo ay kala soo wareegto kooxda Faransiiska ah ee Auxerre.

Imaatinka Fadiga oo ka mid ahaa ciyaartoydii Senegal uga qayb-gashay Koobkii Adduunka 2002, wuxuu imanayaa, kadib markii ay kooxda Inter heshiiska la saxeexatay ciyaartoyga reer Brazil ee baalka ka ciyaara Luciano oo ay kala soo wareegtay kooxda kale ee Talyaaniga ah ee Chievo.

28-jirkan reer Senegal, Fadiga waxa uu ciyaaraha ka soo bilaabay kooxda Paris S. Germain, balse waxa uu soo maray oo uu u soo ciyaaray kooxaha Belgium-ka ah ee Liege iyo Club Bruges ka hor intii aanu ku soo biirin kooxda Auxerre sannadkii 2000-kii.

Sidoo kale, Fadiga waxa uu haystaa baasaboor Belgium ah, kadib markii uu lix sannadood joogay dalka Belgium, isagoo kooxda Club Bruges kula guulaystay Horyaalka Liiga Belgium.

Website-ka kooxda Inter Milan ayay ku sheegeen kooxdu in ay ciyaartoyga la galeen heshiis muddadiisu dhan tahay saddex sannadood.

Geremi: Kooxda Chelsea ayaa heegan u ah in ay dib ugu soo celiso Premiership-ka ciyaartoyga Real Madrid khadka dhexe uga ciyaara ee Geremi.

Labada kooxood ayaa yeeshay wada-hadal ku saabsan wareegista 24-jirka reer Kamaruun oo xilli-ciyaareedkii dhammaaday amaah ku joogay kooxda Middlesbrough.

Ninka Bilyaneerka ah ee u dhashay Ruushka ee dhawaanta iibsaday kooxda Chelsea, Roman Abramovich, ayaa diyaar u ah inuu lacag ugu deeqo maamulaha kooxda Claudio Ranieri si uu kooxda dib ugu habeeyo. Laakiin kooxda Chelsea waxay doonaysaa in Real Madrid hoos uga dhigto qiimaha ay kooxda Real waydiisatay oo dhan €10 milyan, sida uu sheegay wakiilka ciyaartoyga Geremi.

Edgar Davids: Horyaalka kooxaha Talyaaniga Juventus, ayaa sheegay in ay diideen heshiis ay kooxda Chelsea ku doonayeen ciyaartoyga Holland ee khadka dhexe uga ciyaara Juventus, Edgar Davids.

Masuulka Juventus, Luciano Moggi ayaa uga digay mulkiilaha kooxda Chelsea, Roman Abramovich in aanu helin karin David, haddii xataa uu dhigo dayaxa “The Moon.”

“Waxaanu diidnay codsiga kooxda Chelsea, kaas oo aan caddeynayo inuu dhacay,” ayuu Moggi yidhi, isagoo saxafiyiinta la hadlay mar uu goobjoog ka ahaa heshiiskii kooxdiisu kula saxeexanaysay ciyaartoyga khadka dhexe ee Reer Gaana, Stephen Appiah oo ay kala soo wareegeen kooxda Parma. Isagoo intaa ku daray: “Haddii Abramovich u dhigo dayaxa ciyaartoygan in aanaan weli ka iibin doonin Davids.”

Moggi waxa uu sheegay in Davids weli ka mid yahay kooxda, waxaanu yidhi: “Davids waa qayb ka mid ah mustaqbalka Juventus.”

Gabriel Milito: Difaacyahanka kooxda Independiente, Gabriel Milito ayaa ugu dambayntii laga iibiyay kooxda Real Madrid, sida la sheegay inuu ku dhawaaqay tababaraha kooxda Independiente, Oscar Ruggeri.

Qiimaha uu Milito ugu wareegay kooxda Real lama caddeyn weli inta uu yahay.

“Daqiiqad kasta waxaan dareemayaa farxad. Waxaan telefoon ka helay dalka Spain, kaas oo la iigu sheegay in ugu dambayntii ciyaartoygaa laga iibiyay Real Madrid.” Sidaa waxa yidhi Oscar Ruggeri oo ka hadlayay iibka ciyaartoygiisa.

Kadib wada-hadal dhawr maalmood qaatay, ayay masuuliyiinta kooxda Independiente gaadheen heshiis ay la galeen Real Madrid, sidaa daraadeed difaacyahanka Gabriel Milito waxa uu xidhan doonaa shaadhka cad ee kooxda Real xilli-ciyaareedkan soo socda.

Marquez: Ciyaartoyga khadka dhexe ee Reer Mexico, Rafael Marquez ayaa heshiis €5 milyan (shan milyan lacagta Yurub ah) kaga soo wareegay kooxda Monaco una soo wareegay kooxda Barcelona ee dalka Isbaanishka.

“Waxaan qaban doonaa wax kasta oo aan ku caawin karo in ay kooxdu ku guulaysto koobab.” Sidaa waxa yidhi Rafael, waxaanu raaciyay oo uu yidhi: “Wakhtigayga imaatinka Barcelona, waxaan rajaynayaa inuu noqdo mid guulo badan u soo hooya kooxda.”

Samuel Eto’o: Kooxda Isbaanishka ah ee Valencia ayaa la saxeexatay gooldhaliyaha Kamaruun iyo Mallorca, Samuel Eto’o heshiis shan sannadood ah, waxaanay dhammaysay wada-hadal ay la lahayd ciyaartoyga oo ka mid ah kuwa ugu horeeya liiska tababaraha Valencia Rafael Benitez.

22-jirkan wuxuu Mallorca la qaatay xilli-ciyaareed aad u wanaagsan, waxaanu kaalintiisa kor ugu sii qaaday kadib markii uu dhaliyay goolkii keliya ahaa ee ciyaartii Kamaruun iyo Brazil ee koobkii qaaradaha adduunka.

Valencia waxay kaga guulaysatay tartankan Eto’o kooxaha ay ka mid yihiin; Manchester United, Liverpool, Marseille, Lyon iyo Parma oo la hoyday gacmo madhan.

Nesta: difaacyahanka adduunka ugu caansan ee kooxda AC Milan, Alessandro Nesta looma ogolaan doono inuu u wareego codsi uga yimid koox Ingiriis ah, kooxda Talyaaniga ahina ma doonayso in ay iibiso ciyaartoydeeda ugu muhiim kooxda.

Madaxweyne Ku-xigeenka kooxda Galliani ayaa ku dhawaaqay sidaa, ma sheegin kooxda ay tahay kooxdaas soo bandhigtay codsiga. Waxa kale oo Galliano sheegay inuu codsi u sameeyay difaacyahanka kooxda Lazio, Jaap Stam, balse kooxdaasi waxay muujisay in aanay imika diyaar u ahayn arrintaas. 

Top