Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 373 July 13, 2003

Madaxweyne Rayaale Oo Magacaabay Hay’ad Cusub.

Tartanka Ciyaarha Kubadda Koleyga Ee Hargeysa.

Siminaar Ku Saabsan Biyaha Oo Ka Furmay Magaalada Berbera.

Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Xeerka Saxaafada.

C/laahi Yuusuf Oo Olole Ugu Jira Sidii Ciidamo Shisheeye Loo Gayn Laha Puntland.

Xog-hayihii Xisbiga UDUB Ee Gobolka Hargeysa Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday.

Muraaqibiinta Norway Oo Warbixintoodii Ka Soo Saaray Doorashadii Madaxtinimada Somaliland.

Xaflad Loo Qabtay Arday Kaqalinjabisay Iskuulka Ramadaan Oo Lagu Qabtay Hoteel Ka Ming Sing.

Wasiiradda Umulisadana Ah Ee Somaliland.

CIA-da Oo Yeelatay Khaladka La Xidhiidha Arrimaha Ciraaq.

Maraykanka Oo Ciidamo U Diraya Laybeeriya.

Madaxda Africa Oo Ka Shiraysa Dagaalada Qaaradda.

Doonyii siday qaxoontiga oo ...

Golaha Wakiiladdu Waa In Ay Diidaan 'Xeerka Xakamaynta Saxaafadda Xorta Ah' Somaliland Forum.

Khudbadii C/Qaasim Uu Ka Jeediyey Shirkii Maputo.

ODHAAHDA AKHRISTAHA: Xukuumadu Waa Inay Dhamaystirtaa Shuruucda Doorashooyinka Baarlamaanka.

Ganacsiga.

Somaliland Iyo Shanta Sano Ee Soo Socda.

Jaamacadaha Hala Geliyo Hanti-Dhawr.


Madaxweyne Rayaale Oo Magacaabay Hay’ad Cusub.

Hargeysa (Haatuf): Madaxweyne Somaliland ayaa soo saaray laba xeer oo uu ku magacaabay hay’ad cusub oo la yidhaahdo “Hay’adda Cilmi Baadhista badbaadinta deegaanka iyo u diyaar garawga aafooyinka” iyo maareeyaha hay’addaas.

Warsaxaafadeed laga soo saaray madaxtooyadda waxa uu u qornaa sidan:
“Madaxweynaha J. Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa soo saaray laba xeer Madaxweyne oo uu ku abuurayo hay’addo cilmi baadhista badbaadinta deegaanka iyo diyaargarawga aafooyinka iyo u magacaabista maareeyaha guud ee hay’addaas madaxa banaan.

Madaxweynuhu markuu ogaaday baahida dalku u qabo badbaadinta deegaanka iyo u diyaar garawga aafooyinka waxa uu go’aansaday inay haboontahay in la sameeyo hay’ad hawshaa qaabilsan. Sidaa awgeed wax uu xeer 189-ku abuuray hay’adda cilmi baadhista badbaadinta deegaanka iyo u diyaar garawga aafooyinka. Hay’addaasina waxay noqon doontaa mid u madax banaan (Autonomy) hawlaheeda oo dhan, hase yeeshee tilmaan iyo toosin u hoos iman doonta madaxtooyadda.

Xeerka labaadna waxa uu madaxweynuhu ugu magacaabay Dr. Maxamed Muuse Cawaale inuu ahaado maareeyaha Guud ee hay’adda cilmi baadhista badbaadinta deegaanka iyo u diyaar garawga aafooyinka J. Somaliland.”

Hay’add noocan oo kale waa markii ugu horeysay ee lagaga dhawaaqo dalka Somaliland, maareeyaha loo magacaabay hay’addanina wuxuu hore u ahaan jiray wasiirkii hore ee horumarinta Deegaanka, kaas oo xog-ogaal u ahaa aafooyin iyo nabaad-guur badan oo dalka ku dhacay, kaas oo ay ka mid ahaayeen meelo hoos u daacay oo ku yaalay agagaarka Wajaale, aafooyinkaas oo aanay wasaaraddu waxba hore uga qaban.

Hay’addani cusub lama oga kartida ay u yeelan doonto wax ka qabashada arrimahaa.

Top


Tartanka Ciyaarha Kubadda Koleyga Ee Hargeysa.

Hargeysa (Haatuf): Koob loo dhigay xuska marxuum Faysal C/Raxmaan oo ka mid ahaan jiray ciyaartoyga kubbadda kolayga ee magaalada Hargeysa ayaa la filayaa inuu ka bilaabmo garoonka kubbadda Kolayga ee Tima-Cadde15-ka bishan.

Sida ku cad qoraal uu ku saxeexan yahay xoghayaha xidhiidhka kubadda koleyga, Mukhtaar Xuseen Ismaaciil, Koobkan waxa ku tartamaya 6 kooxood oo ka mid kooxaha dhisan magaalada Hargeysa, oo loo qaybiyey Group A iyo Group B waxa ay kala yihiin Group A, Dawladda Hoose, W. Maaliyadda, Sacaada-Diin, iyo Group oo kala ah Haatuf, Al-Aqsa iyo Gaashaan (Ciidanka Qaranka Somaliland).

Koobkan oo ay dhigeen ururka dhalinyarada ee SOPYA, waxa ciyaarta ugu horeysa ee maalinta Isniinta wada ciyaari doona kooxaha D/Hoose iyo Wasaarada maaliyadda, halka 16-ka bishan ay wada ciyaari doonaan kooxaha Haatuf iyo Al-Aqsa, iyada oo 17-ka bishana ay wada ciyaari doonaan kooxaha wasaaradda maaliyadda iyo Sacaada-Diin.

sidoo kale maalinta khamiista ah ee 18-ka bishan waxa wada ciyaari doona kooxaha Al-Aqsa iyo Gaashaan, iyada oo ay maalinta jimcaha 19-ka bishana ay wada ciyaari doonaan kooxaha Dawladda Hoose iyo Sacaada-Diin, halka ay maalinta sabtida 20-ka bishan ay wada ciyaari doonaan Gaashaan iyo Haatuf.

Dhinaca kale koob lagu xusayey maalinta dadweynaha aduuunka oo ku beegnayd 11-kii Julay ayaa lagu qabtay garoonka Tima-Cadde ee Magaalada Hargeysa, kaas oo ay ku tartameen labada kooxood ee kala ah kooxda kubadda koleyga ee wasaaradda Maaliyadda iyo kooxda kubadda koleyga ee Al-Xarbi Trading Company, ciyaartaas oo ahayd mid aad u xiiso badan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u badani, waxay guushu ku raacday kooxdii wasaaradda maaliyadda, oo kooxda Al-Xarbi kaga adkaatay 61 dhibcood, halka Al-Xarbina ay heshay 49 iyo afartan dhibcood.

Ciyaartan oo ay garsoorayeen Fu’aad Jordan, C/Raxmaan Boorame iyo Cali Dheere, waxay ahayd mid aad u xiiso gelisay dadkii daawanayey.

Top


Siminaar Ku Saabsan Biyaha Oo Ka Furmay Magaalada Berbera.

Berbera (Haatuf): Aqoon isweydaarsi lagaga hadlayo sidii loo balaadhin lahaa biyaha magaaladda Berbera ayaa shalay gala furay aqalka martida ee magaalada Berbera.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee magaalada Berbera C/Raxmaan X. Daahir (Casaan) aqoon isweydaarsigani wuxuu socon doonaamuddo saddex maalmood ah, waxa soo qaban qaabiyey hay’adda THW, wakaaladda biyaha Berbera iyo dawladda hoose ee Berbera, waxaana ka soo qayb galay ilaa 20 qof oo isugu jira ganacsato, masuuliyiinta hay’addaha dawladda gobolka iyo xubno ka socda bulshada magaalada.

Maayarka magaalada Berbera Cabdale Maxamed X. Cali oo hadal ka jeediyey furitaankii aqoon-isweydaarsigaa ayaa u sheegay ka qayb galayaasha inay lagama maarmaan tahay in hawlahan oo kale la iskugu yimaado, oo laga wada hadlo, isaga oo yidhi “Waxaynu iskugu nimid qayb ka mid ah nolosha bulshada, taas oo ah biyaha aynu cabno”.
Wuxuuna intaa ku daray in aqoon-isweydaarsigani la xidhiidho heshiis hore oo dhex maray madaxweynihii hore (marxuum Cigaal) iyo E.U., kaas oo ahaa barnaamij la doonayo in lagu balaadhiyo oo lagu horumarinayo biyaha gobolada Somaliland, kaas oo la doonayey in laga qayb geliyo dadka ganacsatada ah, iyada oo saamiyo laga siinayo wakaaladaha biyaha magaalooyinka dalka.

Maayarka wuxuu sheegay inay had iyo goor dhacdo marka talaabo cusub la qaadayo in dacaayad la sameeyo, iyada oo aan la hubsan ujeedada talaabada la qaadayo.

Agaasimaha wakaaladda biyaha Berbera Cali Cabdi Odowaa, iyo madaxa hay’adda THW ayaa iyaguna hadalo kooban halkaa ka jeediyey.

Top


Golaha Wakiilada Somaliland Iyo Xeerka Saxaafada.

Hargeysa (Haatuf): Golaha wakiiladda Somaliland ayaa fadhigii shalay isla qaatay in si dhakhso ah goluhu u dhamaystiro qaar ka mid ah xeerarka horyaala golaha, oo ay maalmihii la soo dhaafay ka doodayeen mudanayaashu, xeerarkaas oo ay ka mid ahaayeen xeerka saxaafadda iyo xeerka Garsoorka.

Gudoomiyaha Golaha wakiiladda Axmed Aadan Qaybe oo fadhigaa shalay gudoominayey ayaa ka codsaday gudoomiyihii guddida shuruucda ee loo saaray xeerarkaa, inuu golaha uga waramo waxyaabihii ay guddi ahaan isla meel dhigeen si ay golaha ugu soo celiyaan.

Gudoomiyaha Guddida Shuruucda ee golaha wakiiladda Mudane Cali Sheekhdoon ayaa mudanayaasha uga waramay halka ay marayaan hawlahaasi, wuxuuna sheegay inay xeerka saxaafadda kala kulmeen qaar ka mid ah ururada saxaafada xubno ka socda, kuwaas oo sida uu sheegay ay kala tashadeen waxyaabaha ay xeerkan ku diidan yihiin, iyo qodobada ay doonayaan in wax laga bedelo.

Mudane Sheekhdoon isaga oo ka hadlaya xeerkaa waxa uu yidhi “Markii aynu ka doodaynay xeerkan ee golaha la horkeenay, waa tii qaylo badani ka timid, laakiin waxaanu kala hadalnay saxaafadda xubno ka socda, waananu keenaynaa golaha xeerkii”. Wuxuuna intaa ku daray inay guddi ahaan soo dhaweeyeen waxyaabihii ay saxaafaddu xaqa u lahayd ee ay kaga cabanayeen xeerkaa, isla markaana waxa uu xusay in wasiirka warfaafintu ka dalbaday inay guddi ahaan u tagaan, wuxuuna isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi “Wasiirka warfaafinta ayaa isaguna noo yeedhay, oo yidhi kaalaya talooyin ayaan hayaaye.”

Mudane Sheekhdoon, waxa uu meesha ka saaray inaanay jirin wax xad-gudub iyo cabudhin ah oo lagu samaynayo saxaafadda, isla markaana aan la luminayn xaqa ay dastuuriga ah iyo madax banaanida uu saxaafadda siiyey dastuurka Somaliland, laakiin ay lagama maarmaan tahay in la helo xeer, aan waxyeelo u geysanayn liisamada iyo xuquuqda saxaafadda, ama hay’adaha warbaahinta.

Gudoomiyaha Guddidu Shuruucdu ee Golaha Mudane Sheekhdoon waxa kale oo uu ka waramay halka ay marinayaan xeerkii nidaamka garsoorka dalka, kaas oo uu sheegay inuu ka soo codsaday gudoomiyaha maxkamadda sare in goluhu dib ugu dhigo si ay talo ugu yeeshaan xeerkaa, laakiin waxa uu sheegay inaanay war dambe ka helin dhinaca maxkamadda sare, oo aanay soo gudbin waxyaabihii laga sugayey, wuxuuna ku tilmaamay inay luminayaan oo kaliya wakhtiga, isla markaana wuxuu golaha u sheegay haddii ay xeer ilaalintu maalinta isniinta ah ee soo socota golaha u soo gudbin waayaan, inuu goluhu hawshiisa wadanayo.

Gudoomiyaha golaha wakiiladda Mudane Axmed Aadan Qaybe oo fadhigaa gudoominayey ayaa dhiniciisa sheegay in goluhu hawshiisa wato haddii ay Isniinta keeni waayaan waxyaabaha ka xaniban iyo talooyinka ay nidaamka garsoorka ku darsanayaan.

Mudane Qaybe waxa uu ka hadlay xeerka saxaafadda wuxuuna sheegay inaanu xeerka saxaafaddu aanay macnaheedu ahayn in lagu cabudhinayo saxaafadda, sida imikaba loo qaatay, balse ay arrintu tahay mid dastuuri ah, oo qodob dastuuri ahi sheegayo in xeer loo sameeyo saxaafadda, kaas oo aan ka horimanayn dastuurka wuxuuna isaga oo arrinta hadlayana wuxuu yidhi ‘Waxa la doonayaa cabudhin maaha, ee waa xeer ilaalinaya anshaxa saxaafadda, waayo saxaafaddu waxay doontay qortaa, mana aha inay muwaadiniinta iyo madaxda sharaftooda dhaawacdo”.

M. Qaybe waxa uu intaa raaciyey inay madax banaanida saxaafaddu tahay, lama taabtaan, laakiin waxa loo baahan uu yahay xeerkaa.

Xeerkan saxaafadda oo ay diyaarisay xukuumadda, isla markaana golaha dhawr sano ka hor, loo gudbiyey, waxa dhawaan dib loogu soo celiyey golaha, iyada ay mudanayaashu doodo iska waydaarsadeen, laakiin waxa ka horyimid mawjado diidmo ah oo ka imanayey xisbiyadda siyaasadda, ururada saxaafadda, aqoonyahanada iyo qaybo ka mid ah mujtamaca, kuwaas oo dhamaantood isku mawqif ka istaagay samaynta xeer lagu xakamaynayo saxaafadda madaxa banaan.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYe Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isagu Si weyn u dhaleeceeyey xeerkan, isaga oo ku tilmaamay inaanay suurta gal ahayn in nidaamka dimuqraadiga ahi u baahanyn xeer lagu xakameeyo saxaafadda, iyada ay ururada saxaafadda Somaliland ay si kulul u cambaareeyeen xeerkan, iyaga oo ku tilmaamay mid la doonayo in lagu xakameeyo saxaafadda, isla markaana ay xukuumaddu ku doonayso xeer ay u adeegsato cabudhinta saxaafadda madaxa banaan.

wuxuuna xeerkani ku soo beegmay, iyada oo suxufiyiinta Somaliland qaarkood ay la kulmeen xadhig iyo caga-juglayn kaga imanayey dhinaca xukuumadda, isla markaana ay wakhtigan xaadirka dacwadi ku socoto qaar ka mid ah wargeysyada, madaxa banaan, sidoo kalena maxkamada gobolka Sanaag ayaa sanad xadhig ah ku xukuntay dabayaaqadii todobaadkan C/Rashiid Xasan Cabsiiye, oo ah weriyaha wargeyska Jamhuuriya ee gobolka Sanaag.

Waxayna dad badani u arkaan, in haddii xeerkan la ansixiyo inay taasi tahay waddo cusub oo loo maro cabudhinta saxaafadda Somaliland, oo beryahan ay xukuumaddu ku faro kululayd.

Top


C/laahi Yuusuf Oo Olole Ugu Jira Sidii Ciidamo Shisheeye Loo Gayn Laha Puntland.

Hargeysa (Haatuf): Hogaamiyaha maamul goboleedka Puntland C/Laahi Yuusuf Axmed ayaa la sheegay inuu labadii todobaad ee ina dhaafay olole ugu jiro, sidii ciidamo shisheeye ah loo geyn lahaa, maamul goboleedkiisa.

Warar diblomaasiyadeed oo aanu helnay ayaa cadaynaya in C/laahi Yuusuf Dhex-dhexaadiyayaasha wadamada IGAD ee shirka Soomaalida ee Kenya ka codsaday sidii ciidamada nabad ilaalinta ee la sheegay in geyn doono Soomaaliya, in lagu daro gobolada Sanaag iyo Sool oo uu sheegtay in uu isagu ka taliyo, sidoo kale waxa uu dalabkaas mid la mid ah u gudbiyey safiirka talyaaniga ee Soomaaliya Mr. Carlo Ungaro, warku waxa uu intaa ku daray in safiirka talyaanigu ka ogolaaday codsigiisa, balse dhex-dhexaadiyaha shirkaa ee dalka Kenya Mr. Kipligat ayaan isaga laga war hayn inuu ogolaan doono iyo inkale.

C/laahi Yuusuf waxa uu sheegay in ciidamo shisheeye la’aantood aanay wax dawlad ahi ka hirgelayn Soomaaliya.

Gobolada Sool iyo Sanaag oo ka tirsan Somaliland, maaha markii ugu horeysay ee uu C./laahi Yuusuf sheegtay inuu ka taliyo, balse imika waxa uu sheegashadiisa ku darsaday, in ciidamo nabad ilaalin ah loo keeno, ciidamadaas oo uu doonayo in Puntland xarun looga dhigo, isla markaana uu dal balaadhsi ku soo sameeyo gobolada bari ee Somaliland.

Top


Xog-hayihii Xisbiga UDUB Ee Gobolka Hargeysa Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday.

Berbera (Haatuf): Shan qof ayaa ku dhintay ka dib markii gaadhi noociisu yahay Toyota 4w ahna nooca loo yaqaan Xaajiyad uu kula qalibmay wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa, meel qiyaastii 20KM dhinaca galbeed ka xigta magaalada Berbera.

Gaadhigan oo lambarkiisu ahaa Somaliland No. 16046, waxa ku dhintay shan qof oo saarnaa gaadhigaa, shantaas qof oo uu ka mid yahay xogyihii xisbiga UDUB ee gobolka Hargeysa Khadar Daahir Carara, waxa kale oo sida la sheegay ka mid ahaa dadka ku dhintay gaadhigaa ganacsade carbeed oo u dhashay dalka Baxreyn, kaas oo la sheegay inuu u socday hawlo ganacsi, waxaana dadka shilkaa ku dhintay isla shalayba la keenay cusbitaalka guud ee Hargeysa.

Marxuumiinta ku dhintay shilkaas waxay kala ahaayeen Khadar Daahir Mooge, xoghayihii gobolka Hargeysa ee xisbiga UDUB, Cumar X. Axmed, Hilaal Muuse Diiriye, Kamaal Muuse Diiriye iyo Jacfar Ibraahim Xasan oo ahaa ninka ganacsadaha Carbeed ee la socday.

Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa waxay tacsi u direen qoysaskii, qaraabadii iyo UDUB, iyaga oo uga tacsiyadaynaya, geeridaa naxdinta ee ku timid dadkaa.

Top


Muraaqibiinta Norway Oo Warbixintoodii Ka Soo Saaray Doorashadii Madaxtinimada Somaliland.

Hargeysa (Haatuf): Waxa todobaadkan horaantiisii magaalada Oslo ee dalka Norway laga soo saaray warbixin ay doorashadii madaxtooyadda ee dalka Somaliland ka dhacday April 14-keedii ka diyaariyeen laba khabiir oo ka mid ahaa muraaqibiintii caalamiga ahaa ee goob jooga ka ahaa doorashadaasi.

Labadan muraaqib oo kala ahaa nin la yidhaahdo Stig Hansen iyo haweeneyda Berit Lindeman waxay dalka Somaliland yimaadeen horaantii bishii April, iyaga oo ka socday xarunta xuquuqda aadamaha ee Norway oo ay dawladda Norway hore ugu wakiilatay inay u soo xulaan laba khabiir oo soo qiimeeya doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka ee la filaayey inay dalka Somaliland ka dhacaan gu’gii Sanadkan.
Hadda Stig Hansen oo ku takhasusay cilmiga siyaasadda aqoona u leh arrimaha Somaliland iyo Berit Lindeman oo iyadu ah looyarad khabiir ku ah arrimaha doorashooyinka, waxay dhawaan soo dhamaystireen warbixintii ay ka diyaariyeen, sidii ay u dhacday doorashadii madaxtooyada Somaliland ee ay ku tartameen saddexdii xisbi ee UDUB, KULMIYE, iyo UCID, taas oo musharaxa xisbiga UDUB madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ku guulaystay, iyada oo aanu halkan idiinku soo gudinayno warbixintan oo aad u dheerayd waxaanu maanta idiin soo gudbinaynaa qayb ka mid ah, oo aad u kooban.

-Maalintii codeyntu ay dhacaysay dareenka ugu weyn ee laga wada midaysnaa wuxuu ahaa, dhibaato kastaa ha jirtee, waa in rabitaanka dadku muuqdaa, oo uu hirgalaa.

-Guusha ay Somaliland ka gaadhay xaqiijinta hanaanka doorashooyinka waxa la odhan karaa, waxa lug weyn ku lahaa tixgelinta qadarinta iyo maamuuska marwalba la siinayey, in dhaqanka soo jireenka ah, talada uu wax ku yeesho.

-Hawlwadeenada masuulka ka ahaa doorashooyinkii dhacayna waxay guud ahaan muujiyeen xilkasnimo, iyaga oo iyaga oo ku dedaalay inay ka faa’iideystaan khaladaadkii doorashooyinkii dawladaha ee dhacay bishii December ee sanadkii 2002.

-Saddexda xisbi way u sinaayeen garoonka lagu loolamayey, inkasta oo xisbiga talada hayaa uu dheeraa labada kale qalabka warbaahinta dawladda oo isaga u xaglinayey.

-Mad-madaw kuma jirin sidii loo kala helay, waraaqihii sanaaduuqa codbixinta, hase yeeshee dhibaatadu waxay ka dhalatay isu geyntii guud (tabulation) waxay ahayd in ay in degmooyinka iyo gobolada awood loo siiyo, inay sii daayaan tirooyinka heer gobol iyo heer degmo, si shakigu u yaraado.

-Maxkamadda Sare waxa looga baahnaa inay sharax waafi ah ka bixiso sababaha ay ku gaadhay go’aankeedii 11-kii May, ee ku saabsanaa xaqiijinta ciddii ku guulaysatay doorashadii dhacday, oo ay dadweynaha u soo bandhigto fasiraado ka jawaabaya dacwadihii ay soo gudbiyeen labada xisbi ee natiijadda ku muransanaa.

-Xubnaha guddida komishanka qaranka waxa ku haboonayd inay xaruntooda wax ka hogaamiyaan, oo aanay ugu milmin guddiyaasha gobolada, si ay wax uga qaban karaan wixii cabashooyin ah ee ka soo baxa, khaladaadka ku saabsan isu geynta tiradu waxay ka dhasheen gol-daloolooyinka ka muuqday qaabka wax loo kaantaroolo ee guddiyaasha doorashooyinka, kuwaas oo loo baahan yahay in mustaqbalka wax laga qabto.

La soco qaybo kale oo xiiso badan oo ku saabsan la xidhiidha warbixintan, cadadda dambe ee soo socda, haddii eebbe Idmo.

Top


Xaflad Loo Qabtay Arday Kaqalinjabisay Iskuulka Ramadaan Oo Lagu Qabtay Hoteel Ka Ming Sing.

Hargeysa (Haatuf) xaflad lagu maamuusayey qalin jabinta ayaa lagu qabtay hotel ka ming sing Hargeysa halkaasoo lagu gudoonsiiyay shahaa dooyin kii qalin jabinta, xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay qaarkamida madaxda xisbiga mucaaradka ah ee kulmiye iyo siyaasiyiin kale iyo dad weyne kaloo aad u tiro badan waxaa kaloo is na xafladaasi ka soo qay galay qaar ka mida dadka cadaanka ah ee kashaqeeya hay adaha dalka jooga kuwaasi oo lagu martiqaaday xafladaasi sidoo waxaa iyana kasoo qaybgalay qaar kamida waa lidiinta ardaydaasi.

Furitaan kii xafladaasi oo lagu furay aayado qur'aana waxaa ugu horeyn halkaa ka akhriyey maamule xigeenka is kuul kaasi maxmuud obsiiye cilmi isagoo qur'aan kaa kadib halkaasi kasoo jeediyay kalimaad diini ah oo kusaabsan qaamaha ay leedahay wax barashadu iyo sida loogu baahan yahay in lahelo dad aqoonleh oo kasoo baxa jiilka cusub ee soo baxaya si loo helo dad tayo wanaagsan leh oo badala mutaca limiinta waa weynaatay, in taa kadib waxaa is na halkaa ka hadlay maamulaha is kuul kaasi CABDI XAKIIM MAXAMED CABDULLAAHI oo is hor dhac yar oo kooban ka bixiyay Taariikhda is kuul kaasi sidii lagu aas aasay iyo wakhtigii la aas aasayba maamuluhu waxa uu sheegay in is kuulka ramadaan markii ugu horeysay la aas aasay sanad kii 1992 waxaana laga furay magaalada Burco ee gobolka Toghdeer cabdi xakim waxa u sheegay marxaladi hii kaladu wanaa ee u si kuulku soo maray iyo tayada iyo heerka wax barasho ee uu lee yahay is kuul kaasi maamuluhu waxa uu sheegay in ay si kulkan wax kabarteen arday fara badanina ay ka qaateen shahaadooyinka qalin jabinta waxaanu maamuluhu carabka ku dhutay tirada ay dhantahay ar dayda kaqalin jabisay is kulkaasi tan iyo mar kii la aas aasay is kulkaasi 1992 kii waxaanay gaa dhaysaa tirada ardaydaasi 1250 arday marka lagudaro 50 kii arday ee loo fadhiyay xafladii qalin jabin tooda.

In taa kadib waxaa is na halkaa kadalay mujaahid maxamed kaahin axmed oo ka mid ahaa madaxdii ka soo qayb gashay xaflada munaasibadan qalin jabinta ah ee lagu gudoon siinayay shahaa dooyinka ardaydaasi maxamed kaahin waxa uu ugu horeyntii ka mahad celiyay martiqaadkii lagu soo martiqaday xaladan qii maha leh mahad celintaa kadib mujaahidku waxaa uu kawaramay hormarka iyo qiimaha ay wax bara shadu leedahay waxaanu in taa sii raa ciyay in aanay wax barashdu lahayn wakhti lagu soo gaba gabeeyo iyo wakhti xidhantahay midna isaga oo arintaa ka had layana waxa uu yidhi “waxaan idiin sheegayaa in aanay wax barashdu la hayn wakhti mana aha in uu qof ku yi dhaado waan weynaaday oo wax bara shada waan iska daynayaa” waayo buu yidhi macalimiinti anigaba wax isoo baray waxay wax ku barteen waa weynida waxaanu tusaale usooqatay ragg ay kamid ahaa yeen cumar carte qaalib iyo wasiiru dowlaha madax tooyada.

Intaasi kadib waxaa halkaasi hadalo koob kooban kasoo jediyay qaar ka mida ardaydii qalin jabisay ee oo khud bada hooda ku akhriyay luuqada englishka waxaanay kaqayb galayaashu aad uga mabsuudeen qaabkii ay ardaydaasi ugu akhriyeen khudbada hooda luuqada English ka iyo siday u barteemba waxaa kaloo is na halkaasi kahadlay cabdi raxmaan aadan dhamac oo ku had layay magaca jaaliyada reer somaliland ee ku dhaqan dalka Holland waxaanu mr dhamac sheegay sida uu ugu faraxsan yahay muuqaalka iyo bilicda dalka iyo dadka reer somaliland oo sida uu sheegay kadu wan siduu dalku ahaa markii isaga ugu dambaysay oo ahayd wakhtigii ay socdeen dagaa ladii so keeye waxaanu In taasi si raaciyay inay farxad weyn u tahay in uu mar kale ku soo laabto dalkii sii hooyo oo ka hor marsan sidii uu kaga tagay.

Waxaa is na hal kaa ka soo jeediyay hadal kooban cabdi rax maan axmed gaas oo ku hadlayay magaca waalidiinta ka soo qayb gashay xafladaasi.

Top


Wasiiradda Umulisadana Ah Ee Somaliland.

London-Barnaamijka BBC-da ee Network Africa, ayaa waraysi la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Somaliland, Edna Aden Ismaaciil, oo uga warantay howlaha ay qabato ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda in ay u wehliyaan kuwo ay ka qabato isbitaal ay iyadu dhistay oo haweenkana ay wax ka umuliso.waxaanu barnaamajku ka qoraywarbixintan.
Wasiirka Arrimaha dibedda Jamhuuriyadda Somaliland, Edna Aden Ismaaciil, waxay jeceshahay in ay isbitaalkeeda magaalada Hargeisa kaga umuliso hooyooyinka,Mararka ayna joogin xafiiskeeda Wasaaradda Arrimaha dibedda, amaba ayna Somaliland matalaynin oo ayna dibedda ku maqnayn, waxay waqtigeeda ku qaadataa isbitaal ay jeebkeeda ka dhistay.

"wali waxaan ahay kalkaaliso iyo umulisoba. maanta sadexda subaxnimo waxbaan umulinayaa, xaalad deg deg ah ayaa jirta," ayay u sheegtay barnaamijka BBC-da ee Network Africa.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland, Edna Adan Ismaaciil, waxay magac ku leedahay somaliland, iyadoo mar ahayd xaaska madaxwaynihii geeriyooday ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Waxay inta badan waqtigeeda ku qaadataa safaro dibedda ah si ay dowladaha ajnabiga ah uga dhaadhiciso in ay aqoonsadaan Jamhuuriyadooda ka goosatay Somalia.

Dowladda Somaliland, waxay beenisay in ay dib ugu biirayaan Soomaaliya.

"Ilaah baa mahadda leh saakay xaaladda deg deg ah oo jirtay hooyadii iyo ilmihiiba way badbaadeen oo way nool yihiin," ayay tidhi. Edna, waxaa Somaliland looga qiimeeyaa deeqsinimadeeda iyo sumcadeeda, waxay sheegtay in ay ka tahay wadaninimo.

"Inta aan qabanayo waxaan u qabtaa Somaliland-nimo. Sababtoo ah wadankayaga aad ayaa loo burburiyay, hadana maanta Hargeisa waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu quruxda badan Bariga Africa.

Waxay horay ula soo shaqaysay hay'ado caalami ah sida Ururka Caafimaadka Adduunka, iyadoo ka horna Kalkaalisonimo ka baratay magaalada London."Waan nasiib badnaa, waxaan helay fursado ayna dadkayga qaarkood helin".

Sidaa darteed ayay tidhi ma jirto wado kale, waxaa waajib igu ah in aan sameeyo howsha aan qabto, waanan ku faraxsanahay," ayay tidhi Edna.

Top


CIA-da Oo Yeelatay Khaladka La Xidhiidha Arrimaha Ciraaq.

Madaxa ciimada sirta ee Mareykanka ee CIA, George Tenent ayaa sheegay in ciidamada Sirta ee CIA-da in ay si khalad ay ugu ogolaadeen madaweyne Bush in uu shacabka Mareykanka u sheego in Ciraaq ay isku dayayso in ay yuraniyam ka iibsato dalka Niger, markii la isku diyaarinayay dagaalka ka dhanka ah Ciraaq.

Mr. Tenet ayaa sheegay in CIA-du ay shaki weyn ka qabtay eedeymahaa, oo ay aheyd in ay ka joojiyaan in lagu daro khudbada madaxweynaha uu jeediyay dalka bishii Janauray.

Qaar ka tiran saraakiisha CIA-da ayaa warbidiyeenada u sheegay in ay Aqalka Cad la socodsiiyeen in ayna la dhacsaneyn erayada qaar ee ku jira khudbada madaxweynaha.

Hase yeeshee, madaxweyne Bush iyo haweyneyda kala talisa xagga amaanka, Condoleza Rice ayaa ku adkeystay in ciidamada sirta ee CIA-da in ay hubiyeen khudbada madaweynaha oo dhan inta aan la jeedin.

Top


Maraykanka Oo Ciidamo U Diraya Laybeeriya.

Xogahayaha Arrimaha dibedda ee Maraykanka Colin Powell, ayaa cadeeyay in ay ciidamada Maraykanku door kaabid ah uun ay ka qaaddan doonaan haddii loo diro wadanka Liberia si ay nabad ilaalin uga galaan dagaalka sokeeye ee wadankaasi ka aloosan.

Isaga oo ka hadlayay wadanka South Africa, ayaa Mr Powel, waxaa uu sheegay in ay si wayn u koobnaan doonto shaqada ay ciidamada Maraykanku ka soo qabanayaan wadankaasi iyo wakhtiga ay joogayaaba, waxaana uu sheeggay in hawsha ugu wayn ee ay halkaasi ka soo qaban doonaan ay tahay in ay gacan siiyaan ciidamada ka kooban kunka askari ee ay ku baaqeen in ay diyaarinayaan wadamada ku yaalla Africada Galbeed.Waxaa Maraykanka soo food saartay culays wayn oo lagu saarayo in ay u diraan wadanka Liberia ciidamo xoojiya xabad joojinta wadankaasi inta ay dhacayaan wadahadalada nabaddu.

Top


Madaxda Africa Oo Ka Shiraysa Dagaalada Qaaradda.

Maputo (W.wararka) shirmadaxeedkii dalalka afrika uga socday caasimada dalka Mozambique ayaa la soo gaba gabeeyay maalintii shalay iyada oo aymadaxdu ka soo saareen warmurtiyeed gaba gabo ah.

Waxaanay madaxdu magacaabeen gudida fulinta ee ururka midnimada afrika oo madax looga dhigay madaxweynihi hore ee mali Alfa cumar Konari, iyaga oo ku balanqaday dhismaha Afrika ku nool Rajo iyoyididiilo iyo inay xoojiyaan ku dhaqanka dimuqraadiyada, wadajirka iyo qaanuunka inkasta oo ay qaarada ka jiraan dhibaatooyin laxaadlihi.

Hogaamiyayaasha Africa, ayaa wadahadalo ka yeeshay qaar ka mid ah dagaalada ugu xun ee ka jira qaarada shir koodiiuu uga socday dalka Mozambique.

Ilaa afartan madaxwayne, ayaa ka wadahadlaya dagaalada sokeeye ee ka jira Liberia, Burundi, Jamhuuriyadda Demoqraadiga ah ee Congo, Sudan iyo Somalia.

Shirka Ururka Midnimada Africa, waxaa la filayaa in uu ka fiirsado in la aasaaso gole qaabilsan nabadda iyo ammaanka qaaradda Africa.

Hase yeeshee, madaxwaynayaasha Uganda iyo Nigeria, ayaa labaduba i degdeg ugu laabtay dalalkooda si ay u soo dhoweeyaan madaxwayanaha Maraykanka, George W Bush uu dalalkooda booqanaya, taasoo ka mid ah booqashadiisa uu ku marayo Africa.

Bush marka uu kula kulmo madaxwayne Yuweri Museveni caasimadda Uganda ee Kampala, waxaa uu booqan doonaa urur taageera dadka qaba cudurka HIV AIDS.

Uganda, tobankii sano ee ugu dambaysay si wayn ayay u dhintay dadka qaada cudurka, balse Mr Bush waxaa la filayaa in la waydiisto in uu gacan ka gaysto caawinta dadka cudurka qaba sidii ay u heli lahaayeen dawooyin.

Inta uu safarkiisa wato, madaxwayne Bush wuxuu mar kale ku celiyay ballanqaadkiisa in shan iyo toban billion oo doolar uu dalkiisu ku caawinayo qaaradda Africa si loola tacaalo cudurka AIDS-ka

Top


Doonyii siday qaxoontiga oo ...

Tan iyo kowdi Luulyo lama soo sheegin wax doonyo ah oo ay saaran yihiin dad muhaajiriin oo soo gaadhay xeebaha konfureed ee Talyaaniga.
Mar kaliya ayaa ay joogdsadeen dhaqdhaqaaqyada oonyahaasi, oo si xad dhaaf ah u soo gaadhayey xeebaha Talyaaniga ilaa iyo labaatankii June ee la soo dhaafay, iyadoo labaatankii maalmood ee u horeeyey bishii June ay Jasiiradda Sicilia oo kaliya ka soo dageen 2,660 qof oo muhaajiriin ah.

Lixdii bilood ee sannadkan u horreyesay, waxaa xeebaha Sicilia soo gaadhay 124 doon oo siday guud ahaan 7,600 qof oo muhaajirin ah, mudadaasina Soomaalida tahriibka ku soo gashay dalka Talyaaniga waxaa lagu qiyaasay 1,120 qof.

Iyadoo la aaminsan yahay in xeebaha Libya ey yihiin meelaha ay ka soo baxaan doomaha sida muhajiriinta, ayaa toddobaadkii hore waxaa dalkaasi socdaal hawleed ku tagay Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Giusppe Pisanu, halkaasi oo uu kula saxiixay xoghayha Guddiga Caddalada iyo Nabad-sugidda Libya Mubarak al Shamekh, heshiis wax wada-qabsi ah, oo ku jeeda ka hortagga soo galowga bilaa sharciga ah iyo la dagaalanka burcadda ka ganacsata xambaarka dadka dhibban, Heshiiskuna, waa mid ilaa iyo hadda aan shaaca laga qaadin nuxurkiisa.

Inta ku saabsan muhaajriinta Soomaalida ee doonyaha ku soo galay xeebaha Talyaaniga, waxaa badankooda ay ka soo baxeen xeryihii horaantii la dajiyey.

Qaar ka mid ah dadkaasi waxaa la siiyey sharci sannad ah oo ah nooca samafal ahaan loo bixiyo. Kuwa kalena waxaa la siiyey sharci saddex bilood oo ku meel gaadh ah.

Ma jiraan ilaa iyo hadda Soomaali dib loo celiyey, ama lagu amray inay waddanka Talyaaniga ka baxaan.

Si kastaba ha ahaatee, qaaxootida Soomaalida waxaa intooda badan ay hadda ku sugan yihiin magaalada Rome, halkaasi oo ay ku darxumaysan yihiin iyagoo aan heysanin jiif iyo cunto., waxaana meel ay dhinac dhigaan ay ka cidhiidhsadaan qunsuliyadda iyo saffaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalo madaxda Talyaaniga.

Top


Golaha Wakiiladdu Waa In Ay Diidaan 'Xeerka Xakamaynta Saxaafadda Xorta Ah' Somaliland Forum.

London - ururka SOMALILAND FORUM ayaa ugu baaqay golaha wakiilada ee soomaaliland in aanay aansixin xeerka loogu talogalay xakamaynta saxaafada xorta ah oo haatan horyaala golahaasi, kaasoo ay ku tilmameen mid xayiraya xoryada saxaafada meelka dhacna ku ah xoriyatul qawlka.

Warsaxaafadeed uu ururku soo saaray oo na soo gaadhay wuxuu u qornaa sidan:

09-07-2003
SLF/EC/23-2003/2004
Golaha Wakiiladdu Waa In Ay Diidaan 'Xeerka Xakamaynta Saxaafadda Xorta Ah'.

Waxa aanu aad ugu faraxsanahay Dimoqraadiyadda taamka ah ee maanta dalkeena ka jirta, waxaanan Ilaahay ka beryaynaa in uu inoo fududeeyo waxa alle wixii horumar, bash-bash iyo barwaaqo inoo horseedaya. Dhinaca kale, waxa wax Eebe loogu mahadceliyo ah in inaga oo ah wadan yar ah, oo aan weli la aqoonsan, caalam weynaha wax caawimo ah, haba yaraatee, aan ka haysan, in aynu guusha intaas le'eg gaadhno, tusaalena u noqono wadamo badan oo adduunka ka tirsan, lana ictiraafsan yahay.

Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, Shacbi-Weynaha Sharafte leh ee Somaliland iyo Xukuumadda Somaliland, waxa aanu, haddii aan nahay ururka Somaliland Forum ee ay ku bahoobeen qurbo-jooga reer Somaliland, rabnaa in aanu aragtidayadda ka dhiibano Xeerka Saxaafadda ee wakhtigan xaadirka ah horyaala Golaha Baarlamaanka Somaliland.

Urur ahaan waxa aanu aad iyo aad uga soo horjeednaa meelmarinta xeerkaan, sida uu iminka yahay. Xeerkani waa kii mar hore ay diideen Golaha Wakiiladu, waxaanu ku saleysanyahay Xeerka Saxaafadda ee wadanka Eithopia oo aad looga cabaaday. Waxa ay nala tahay halkan in haddii xeerkan lagu meelmariyo sida uu iminka yahay, in uu sabab u noqon karo duminta ama baab'inta Saxaafadda xorta ah ee maanta dalkeena ka jirta, adduunweynahana aynu ugu faano. Waxa aanu u aragnaa Xeerkaani in uu lid ku yahay xoriyatul qawlka oo ku xusan Qodobka 32aad ee Distoorka Qaranka, waxaanuu ka kana soo horjeedaa xuquuqul aadamaha iyo sharciyadda adduunka xorta ah oo dhan oo ay ka mid yihiin Baaqa caalamiga ah ee Xuquuqda Aadimga oo ku cad Qodobka 10aad ee Distuurkena kaasoo sheegaya in Somaliand ay aqoonsantahay oo ku dhaqmi doonto.

Gaar ahaan, arrimaha aanu Xeerkan ku diideyno waxa ka mid ah:

- Xeerkan oo la leeyahay wax kasta oo xidhiidhinta wadaareed (mass communication) oo ka mid yhiin buugaagta xeerkani wuu qabanyaa.

- Saxaafadda waxba ma qaban karto ilaa ay iska diiwaangeliso Xeer Illaaliyaha.

- Ciqaabo badan ayaa lagu qaadi karaa saxaafadda, waana la joojin karaa gabi geedaba.

- Waxayaabo badan oo qaarkood aanay xadba laheyn ayaa la leeyahay way ka ka reeban tahay saxaafadu.

- Daqanka saxaafada ayaa la cayamiyaaa oo dhibaato ayaa lagu keeni karaa ciddii la yadhaahdo wey jabiyeen dhaqankaas.

- Keenista saxaafdda qalaadeed waxa xukumaya Guddi Dawladeed.

- Ciqaab badan oo kor saaran kuwa badan ee Xeerka Ciqaabtu uu hadda dhigayo ayuu Xeerku sooj eedinaya.

Urur ahaan uma aragno qodobadaaas iyo qodobadda kale ee badan ee xakamaynaya Saxaafadda xorta ahi in ay danta Somaliland ku jirto, waxaanan u soo jeedinaynaa Mudenayaasha sharafta leh ee Golaha Wakiiladda Somaliland in aanay ansixin xeerkaas, si adagna ay su hortaagaan.

GebeGebo:
Ururka Somaliland Forum iyo Jaalliyadaha Qurbo-Jooga ah ee Somaliland Forum ku ku Midoobay haddii aanu nahay, waxa aanu si weyn uga digaynaa cawaaqib xumada ay yeellan karto xakamaynta saxaafadda xorta ah. Waxa aanu sidoo kale ka digaynaa waxyeeladda xeer sidan oo kale ahi uu u geysan karo hanaan socodka Dimuqraadiyadda dalkeena. Ugu danbeyntiina waxa aanu aad ugu rajo weynahay in Golaha Wakiiladda ee Somaliland ay xeerkan aad uga doodi doonaan, ka dibna aanay ku ansixin xeerkan sida uu iminka yahay, iyagoo fiiro gaar ah siinaya galdalooladda aanu kor ku soo xusnay. Anaguna, urur ahaan, sidii aanu kor ku soo sheegnay, talooyinkayagii, iyo tusaaleynba wixii aanu ka geysanayno xeerkan, iyagoo tafo tiran waxa aanu ugu soo gudbin doonaa golaha Wakiiladda Somaliland, tobanka cisho ee soo socda, Insha'Allah.

Wa Bilahi Tawfiiq.

Somaliland Forum.

Top


Khudbadii C/Qaasim Uu Ka Jeediyey Shirkii Maputo.

Maputo ( W.wararka) C/qaasim salaad Xasan ayaa shalay khudbad dheer oo dhiancyo taabanaysa ka jeediyey madasha shirka midowga Afrika ee ka soconaya caasimada Maputo ee dalka Mozambique.isga oo ku eedeeyay dawlada Itoobiya inay carqaladaysay Dawladisa.

C/qaasim ugu horayn waxa uu mahadnaq u soo jeediyey dadka reer Mozambique sida ay u soo dhoweeyeen ka dib waxa uu ka hadlay rajada dowlada KMG oo saddex sanno ka hor lagu soo dhisay dalka Djibouti inay aheyd sidii dalka Soomaaliya uu mar kale lugahiisa isugu taagi lahaa oo dhibaatada daba dheeraatay looga saari lahaa dadka Soomaaliyeed sida uu ku andacooday.

Waxa uu sheegay in dowladiisu ay dadaal u gashay sidii ay uga midho dhalin laheyd arrimaha dib-u-heshiisiinta dalka laakiin ay ka horyimaadeen caqabado fara badan oo ka soo wajahay gudaha dalka,isla markaana ay weyday buu yidhi taageeradii bulshada caalamka.

Isagoo ka hadlayey hubka faraha badan ee soo galay dalka Soomaaliya C/qaasim waxa uu sheegay in intii ay jirtay dowlada KMG ay u maaro weyday inay wax ka qabato hakinta ama joojinta hubkaasi oo uu sheegay inuu ka soo gudbo dhinaca dalka Ethiopia, taasoo uu sheegay in aay xadgudub ku taahaay qaraarka Q.M ay ku soo saartay xayiraada hubka lagu soo rogay dalka Soomaaliya ee soo baxay 23-kii January sanadii 1992-kii ee tirsigiisu ahaa 733.

C/qaasim waxa uu sheegay in hubkaasi uu ahaa mid lagu dhiiri geliyey laguna xoojiyey kooxaha iyo maleeshiyoonka hubaysan ee Soomaalida ee qoriga caaradii ku haysta dalka.

Madaxweynaha dowlada KMG ee Soomaaaliya C/qaasim Salaad Xasan waxa uu intaa ku daray in dowladiisa ay ka horyimaadeen waxa uu ugu yeedhay 'canaasiir diidan inay wax hagaagaan' oo ay horkacayaan hogaamiyo-kooxeedyo iyo quwad shisheeye oo ku sheegay inay tahay dowlada Ethiopia,taasoo buu yidhi siisa hogaamiyasha kooxaha hub iyo rasaas si ay uga soo horjeedsadaan siyaasada dowlada KMG ee ah dalka dib loogu dabaalo nabad iyo xasilooni.

Waxaanu uu yidhi 'iyadoo gacan iyo taageeraba ay ka helayaan quwad shisheeye ayey kooxahaasi waxa ay argagax geliyeen oo aan si aan kala sooc laheyn u dileen dad aan waxba galabsan oo ay ku jiran caruur iyo dad da'ah.

C/qaasim isagoo ka hadlayey cahdiga ururka midowga Afrika waxa uu sheegay in axdigaasi uu ugu baaqayo dowladaha xubnaha ka ah midowga Afrika inaanay fargelin Karin arrimaha gaarka ee dal kale islamarkaana ay xushmeeyaan madaxbanaanida,qaranimada iyo midnimada xaga dhulka ee dalal kale.

Waxa uu sheegay isagoo axdigaasi tixraacaya in lagu xadgubay oo dalal badan oo Afrikaan ah la soo fara geliyey,taasoo sii hurisay dhibaatadii awalba taagnayd.

Waxa uuna yidhi “aan tusaale u soo qaadano dalka deriska ah ee Ethiopia waxa uu fara geliyey arrimaha u gaarka Soomaalida iyagoo si toos ciidamada Ethiopia ay u soo weeraraan magaalooyinka ku yaalla xadka labada dal ay wadaagaan.

C/qaasim sidoo kale waxa uu ku dheeraaday eedayntiisa ah faragelinta Ethiopia,isagoo sheegay in Ethiopia ay si firfircoon ugu lug leedahay isla markaan ay ka shaqeenayso sidii loo kala qoqobi lahaa jamhuuriyada Soomaaliya,waxa uuna sheegay in dhamaan wax kasta ay Ethiopia sameenayso ay yihiin kuwa lidi ku ah midnimada umada Soomaaliyeed.

C/qaasim Salaad Xasan waxa uu khudbadiisa oo dheereyd dhinacyo badana taabnaysay uu ku soo koobay in Afrika ay ka shaqeeyso sidii looga bixi lahaa dhibaatooyinka isugu jira dagaalada,cudurada,gaajada iyo maamul xumada si loo gaadho nabad iyo horumar dhaqaale oo lagu tartamo adduunka intiisa kale.

Top


ODHAAHDA AKHRISTAHA: Xukuumadu Waa Inay Dhamaystirtaa Shuruucda Doorashooyinka Baarlamaanka.

Doorashada baarlamaanka waxa ka horeeya in la sameeyo shuruucda ka qabyada ah, iyo inay xukuumaddu maamulka wada gaadhsiiso xuduudaha dalka, gaar ahaan gobolada Bari, waxaan idaacadaha ka maqlayey xukuumadda oo leh ha la qabto doorashadii baarlamaanka oo ha la soo dedejiyo, raali baanu ka nahaye, wixii xukuumad ahaan nagu xidhana waxaanu balan qaadaynaa inaan bil gudaheed ku soo dhamayno, lacagna waa loo hayaa, waxba yaan indhaha lanagu jeedin, haddii xukuumaddu muddadaa ku soo dhamaynayso waxa ku xidhan.

“Anaguna waxaan balan qaadaynaa inaanu waxa nagu xidhan dhamayno, maalinta ay xaggooda ka dhamaato, maalinta ku xigtana aanu is-casilno oo aanu fududayno” weedhahaasi waxay ka mid ahaayeen dood dheer oo xildhibaan Yuusuf Guruuje ka jeediyey golaha wakiiladda, waxa iyana jiray doodo arrintaa la xidhiidha oo ka dhacay meelaha lagu kulmo, kuwaas oo ay ka dhalatay su'aal ah xiliga la qabanayo doorashooyinka baarlamaanka, iyada oo ay doodahani ka dhasheen go’aankii kordhinta baarlamaanka (labada gole) loo kordhiyey, arrintaas waxa aad uga biyo diiday xisbiyada mucaaradka ah aqoonyahanada iyo guud ahaan-ba shacbiga intiisa badan.

Diidmadani iskamay iman, mana aha wax la abuuray, balse waxay salka ku haysaa, laba arrimood oo kala ah, marka horeba waa dhaqan, waxa laga didayaa in cidda wax kordhisay ay noqoto cidii ay khusaysay, waxaanay taasu u muujisay niman iyagu isku kordhiyey, oon diyaar u ahayn inay meesha ka baxaan.

Doorashada la doortay golayaasha deegaanka iyo madaxtooyadda ayaa ahayd mid qaawisay nidaamkii beelaha oo baarlamaanku ka sii joogo.

Runta ina hortaala ee qabyadu ku jirto dhismihii dimuqraadiyadda, waa mid la garawsan karo, in si nidaamku isu raaci karo, baarlamaankii noqdo mid la soo doortay.

Axsaabta Qaranka oo aan meel ku lahayn inta baarlamaanku yahay mid beelo ku dhisan, sababahaa iyo qaar kale oo soo raaca ayaa su’aashaa ka dhigay mid taagan, suurta galna maaha in la dhex-dhexaadinayo dhinacyada ay dhex taalo, waayo arrintu maaha mid saamaysa laba hay’adood ama laba, saddex qof, balse waa mid qaran.

Haddaba waxa isweydiin leh, dooda xubnaha baarlamaanka ee ku adkaysanaya in muddadaa la kordhiyey sideeda ahaato, ma haysataa xididdo garawshiiyo siin kara, mise sida loo badan yahay waxa loo arkaa, rag damacooda indha la’aan ku meel marinaya.

Caqligu ma diidayo in si doorashooyinka baarlamaanku u qabsoomaan loo baahan yahay in maamulku dalka wada gaadho, oo cid waliba hesho xaqa ay u leedahay in la doorto iyo inay wax doorato.

Taa ka sokowna waxa loo baahan yahay inay dawladdu gaadho dhulka Somaliland oo dhan, waana inaynu ogaano inaynu leenahay degmooyinka bariga ee gacanta maamulkeena ka maqan iyada oo aanay jirin cid inagu haysata oo inoo awood sheeganaysa.

Xubnaha baarlamaankuna yey odhan sidii aanu nidhi ayuunbay taladu ahaanaysaaye, oo aanay u muuqan kuwa la tilmaamo, ee ha ku adkaysteen xadka hala gaadho, si loo doorto baarlamaan loo dhan yahay, oo go’aamadoodu haka dhadhamaan kuwa talada xoojinaya, tusaale ahaan haddii ay taa ku doodaan, haddana ay ansixiyaan xukuumad ay ku hubaan karti darro, iyo tayo la’aan ama ay shalay ogaayeen oo ah xukuumaddii dib u eegi weyday laascaanood, sow ku cadaan mayso inay yihiin rag leh, halkaa hala gaadho, haddana taayiro jilicsan inoo gelinaya.
Haddii ay ansixiyaan raggii taladoodu noqotay Cadde Muuse iyo C/laahi Yuusuf inay u danaynayaan cid dhulkooda ka maslaxda, xukuumadda sababtii fadeexadii garoonka diyaaradaha ee dadku ku dhintay, qaarna ku dhaawacmeen, kuwa kalena ilaa maanta loo soo xidh-xidho, iyada oo la leeyahay lug baad ku leedahay, ninkii la qabtay, ee waxaasi u dhaceen’e aanu joogin oo aanu ka habsaamin halkii uu u socday.

Xukuumadda ilaa imika iibsan kari l’a idaacad dalka wada gaadha, iyada oo sanad walba miisaaniyadda ku darta lacagta, lacagtuna baxdo.
Lama laha, golaha wakiiladu waa inay celiyaan xukuumadda loo keeno, ee waxa la leeyahay u muuqda rag dalka danaynaya, oo aan hungurigu madax marin, isla markaana waa inay eegaan, tiradeeda, iyo tayadeeda, oo ninkii u muuqda dadkuna la arkayo aanay sii dayn. Ninkii u qalma xilka loo magacaabay markhaatina ay uga helayaan ummaddana ay ansixiyaan.

C/laahi A. Maxamed (C/laahi Dheere).

Hargeysa.

Top


Ganacsiga.

Hargeysa (Haatuf): Xubno ka mid ah ganacsatada dhexe ee dalka oo ka cabanaysay manaasiifta sharciga ah ee dhawaan maamulka dekedda Berbera ku soo rogay gaadiidka badeecadaha keena, gaar ahaan kuwa ka yimaada Dubai ee soo qaada bagaashka, ayaa shalay cabasho ugu tagay xarunta wasaaradda maaliyadda halkaas oo ay kula kulmeen wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale iyo wasiirka ganacsiga Maxamed Xaashi Cilmi, waxayna labada wasiir ka dhegeysteen ganacsatada cabashadoodii, halkaas oo xubin ka mid ah ganacsatadu ku soo bandhigay waxyaabihii ay ka cabanayeen, isaga oo sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo aanay qaadi karin ganacsatadu oo ka haysta isticmaalka dekedda Berbera, taas oo ay sheegeen in haddii aan wax laga qaban ay keeni karto niyad jab ku yimaada ganacsatada bagaashka.

Waxayna cabashadooda ku sheegeen in badeecadaha dalka ka soo dega 75% ay u dhaafaan dalalka la deriska ah Somaliland, isla markaana aanu jirin ictiraaf caalami ah, oo wax ka tari lahaa, baahida dhaqaale ee dalka, waxayna sheegeen inay jiraan caqabado lid ku ah isla markaana turunturo ku ah hanaanka ganacsi ee dalka, oo afartankii sano ee u dambeeyey aan wax isbedel ah lagu samayn, kuwaas oo ay ka mid yihiin tacriifadaha kastamka, badeecadaha oo lagu qiimeeyo saddex qiime, oo kala duwan, iyada oo lagu sar-gooyo qiimaha tafaariiqda ee suuqa Dubai, iyo qiimaha tafaariiqda suuqa Somaliland, iyo mid ka sareeya labadaa qiime, waxayna ka codsadeen xukuumadda in lagu qiimeeyo badeecadaha qiimaha wershadaha soo saara, iyada oo uu badan yahay percentage-ka laga qaado alaabta, tusaale ahaan qalabka dhismaha oo ah ka ugu oo laga qaado 15%, marka laga reebo raashinka, kaas oo marka lagu daro cashuuraha interiga ay isu geyntu noqoto 28.60%, isla markaana marka lagu daro waxyaabaha kale ee kharashaadka ah waxay noqonaysaa 50%, taasina waa mid ku adag wadciga dhaqaale ee dalkeena kana sareeya wadamada dariskeena, wayna adagtahay in qofka badeecad sita la yidhaahdo waxad bixisaa 50%.

Waxa kale oo ay ganacsatadu ka cawdeen cashuur lagu qaado kastamka, isla markaana ay sheegeen in dib loo weydiiyo marka uu dhamaado sanadku, waxa kale oo ay xuseen in laga qaado lacag loogu magac daray aafada Togdheer, oo ay xukuumaddu soo saartay xiligii ay dagaalada sokeeye aafeeyeen Togdheer, iyada oo magac kale loo bixiyey iyo shan boqol oo shilin oo calaa kartoon looga qaado shaqaalaha wakhtiga dheeraadka ah shaqeeya.

Xubnaha ganacsatada ahi waxa kale oo ay ka cawdeen dekedda oo ay sheegeen in lagaga qaado lacag fara badan oo u kala baxda xamaalis, mid lagaga qaado qalab lagu qaado alaabta wixii culus, iyo khidmad ay dekeddu qaadato, taas oo noqoto halkii Mitir tanba 10$, waxa kale oo ay intaa ku dareen in haddii badeecadu muddo shan cisho ah ay lacagtu noqonayso mid aad u badan, isla markaana waxay sheegeen in arrimahanu ay keeni karaan cashuurta oo markay qaali noqoto laga baxsado iyo in meehsa meel ka sahlan la raadsado ama ay ganacsatada arrimahaasi la kulmaan ay wax is-dabada mariyaan.

Laakiin wasiirka ganacsiga ayaa uga jawaabay cabashada ganacsatada oo hore u kulmeen, wuxuuna isaga oo la hadlaya tusaale u soo qaatay wasaaradda xanaanada xoolaha, isaga oo sheegay inaanay dawladdu xoolo lahayn, balse ay ahayd inay wasaaraddaasi xoola dhaqatada ka siiso, xanuunada ku dhaca xoolaha iyo waxyaabaha kale ee ay u baahan yihiin. Sidoo kale wuxuu sheegay in wasaaradda ganacsigu ay la shaqayso ganacsatada iyo wixii wershadaha la xidhiidha, wuxuuna intaa ku daray inay waajib tahay in la tixgeliyo cabashada ganacsatada, si baayac-mushtarigu u kordho, isla markaana wershadayntu kobocdo, si shaqooyin ay abuurmaan.

Wasiirku waxa uu intaa raaciyey inay lagama maarmaan tahay in wixii dhibaato ee ka jira ganacsiga sida Itoobiya oo kale lagala xidhiidho, si lixdanka malyuun ee Itoobiya iyo meelo kaleba ganacsigeenu u gaadhi lahaa.

Wuxuuna ku dhaliilay inay baal mareen wixii ay isku ogaayeen, kulankoodii hore, kaas oo sida uu sheegay wasiirku ay ku heshiiyaan inay iska soo xulaan saddex xubnood oo xaggooda ka socda isaguna uu wasaaradda uga diri doono, saddex xubnood kuwaas oo ay isla qaateen kulan ay hore u yeesheen, wuxuuna isaga oo arrintaa ka hadlaya yidhi “saddex nina idiin qaybinay, oo wixii dhibaato ah ee jira hala soo qoro, ayaanu idin nidhi, si la isula meel dhigo” wuxuuna intaa ku daray inuu kulankaa hore kula taliyey inay guddi samaystaan, oo ay bil walba la shiraan, si ay ugu soo bandhigaan waxyaabaha ay saluugsan yihiin, iyo wixii caqabad ku noqda hawlahooda ganacsi iyo sidii loo horumarin lahaa ganacsiga, laakiin sabtidii shalay oo sida uu sheegay ay balansanaayeen inay kulmaan labadii guddi ee arrinta loo saaray, kuwaas oo dhinaca ganacsatada soo qori lahaa wax kasta oo ay ka cabanayaan. Laakiin wuxuu wasiirku sheegay inuu la yaabay markii ay saaka iman waayeen, ee uu maqlay inay joogaan rugta ganacsiga.

Hadalkaa wasiirka ka dib waxay ganacsatadu garwaaqsadeen dhaliilihii uu u soo jeediyey wasiirka ganacsigu, waxayna sheegeen inay arrintaa ku degdegeen, oo ay xaal ka bixinayaan, isla markaana waxa la isla qaatay in sidii hore arrinta lagu dhamaystiro, oo ay dhinacooda ganacsatadu soo diyaariyaan xubnaha guddida ka hadlaya arrintooda.

Top


Somaliland Iyo Shanta Sano Ee Soo Socda.

Dalkan somaliland oo ah dal aan laga aqoon dunida waxa uu soo maray marxalado kala duwan, oo midkasta waayaheeda leedahay.

Waxaana xiligan loo wareegay hanaanka xisbiyadda badan, iyada oo ay ugu dambayntii soo baxeen saddex xisbi qaran oo kala ah UDUB, KULMIYE iyo UCID, kuwaas oo u tartamay doorashadii madaxtooyadda, isla markaana uu cod yar ku helay xisbiga UDUB.

Haddaba waxa isweydiintu tahay dawladda cusub waajibaadka horyaal si fiican ma u gudan kartaa, maxayse shacabku uga fadhiyaan dawladooda, inay u qabato, waxa lagama maarmaan ah, in doorashadii baarlamaanka la soo dedejiyo si dimuqraadiyaddu u dhamaystiranto iyo shantaa sano ka dib doorashada la gelayo noqoto mid loo dhamaystiray waxyaabaha loo baahan yahay ee lagama maarmaanka u ah nidaamka doorashada, sida tira koobka, waraaqaha aqoonsiga, waxa kale oo lama huraan ah inay xukuumaddu wadanka gaadhsiiso maamulka iyo lacagta lixda gobol ee Somaliland, iyada oo gobol kasta laga furayo hay’adaha lagama maarmaanka u ah maamulka, sida baanka taliska booliska iyo dhamaan xafiisyada wasaaradaha, kuwaas oo loo baahan yahay inay shaqeeyaan oo tamar yeeshaan.

Waxa kale oo waajib ah in la diriro musuqmaasuqa iyo maamul xumada, taas oo suura gal ka dhigaysa dakhliga dawladda oo si fiican u soo xerooda iyo tayada dawladda oo sare u kaca.

In ciidamada loo sameeyo derejooyin ay ku kala sareeyaan, isla markaana la kordhiyo gunnadda shaqaalaha u shaqeeya dawladda, taas oo wax weyn ka taraysa mooralka askarta iyo shaqaalahaba.

Waxa kale oo loo baahan yahay in sare loo qaado aqoonta, taas oo ay bulshadu aad u baahan tahay.

Sidoo kale waa in loo helo ardayda ka baxaysa dugsiyadda sare jaamacaddo bilaash ah, oo tayo leh, kuwaas oo ka kooban culuunta kala duwan iyo in la kobciyo caafimaadka dhinaca shaqaalaha, iyada oo laga hortagayo, taas oo loo adeegsanayo wacyi-gelin.

Waxa kale oo loo baahan yahay in la helo laydh wada gaadha magaalooyinka waaweyn iyo in la joojiyo dhul-beereedka aan waxba laga beerin ee sii fidiya, kaas oo keeni kara khatar dhinaca xoolaha nool ah, haddii aan wax laga qaban, waa inay dawladdu ka hortagtaa xaalufinta dhirta iyo kaluumaysiga sharci darrada ah.

Waxa waajib ah in xal loo helo arrinta dhulka, oo maalin walba keenta khasaare leh iyo nafo lagu waayo, waxa kale oo waajib ku ah dawladda inay keento, aqoonsiga Somaliland, taas oo u baahan dedaal xoog leh iyo inuu madaxweynuhu golihiisa kula xisaabtamo ninkasta waxqabadkiisa iyo kartidiisa.

Xukuumadda waxa sugaya laguma soo koobi karo qoraalkan, laakiin waxaan jecelahay inay ka soo baxdo kaalinteeda shantaa sanadood ee soo socda, haddii kale waxaynu noqonaynaa qaaradda Afrika ee ay ku habsatay maamul xumadda, musuqmaasuqa, dagaalada iyo caafimaad xumadu ama waxaynu noqon dal lagu daydo, balse waxaynu eegi doonaa inaynu hore u soconay iyo inkale shanta sano ee soo socda?

Siciid Cumar Yuusuf, Hargeysa.

Top


Jaamacadaha Hala Geliyo Hanti-Dhawr.

Waxa ayaan daro noqonayo, isla markaana ah wax lala yaabo labada jaamacadood ee ka dhisan dalkeena JSL, ka dibna ah laf-dhabarta iyo halbawlaha ilayska waxbarasho, marka la eego waa ta aynu maanta kala simanahay caalamka, ama aduunka horumaray, waa, sida aan hadalka u dhigaye, waa jaamacadihii u horeeyey ee taariikh gal u noqotay Somaliland.

Haddaba waxa ayaan darro noqotay masuuliyiintii sare ee labada jaamacadood waxa ay soo gurteen qalabkii loogu talo-galay, in kaga faa’iidaystaan, ardayda jaamacadda ee (pratical) inay kaga shaqaystaan, suuqa, kuwaas oo ku tagri fala, ardayduna ay ku weydo qalabkii ay wax kaga baran lahaayeen.

Haddaba labada jaamacadood ee ku yaala JSL aad iyo aad ayaa loo maalgeliyaa, loona dayactiraa marka la eego jaaliyadaha dibada, kuwaas oo marwalba maalgeliya, xataa dadka u dhashay Somaliland ee tijaarta ah ama maalqabeenada ah.

Waxa jirta in ay dadka ku nool JSL u baahan yihiin jaamacado qayb caafimaad oo iyadu kaw ka ah waxa lagu barto, waxa qaybtii caafimaadka jaclayd inay bartaan markay ka waayeen la keeno cusbitaalada waaweyn ee wadanka, kkuwaas oo ka barta goobaha shaybaadhka iyo blood bank-ka kuwaas oo ku cidhiidhiyey shaqaalihii ka hawlgali jiray, ee aqoonta u lahaa, muddada dheerna ka shaqaynaysay, may haboonayn taasi.

Waxa jirta in ardayda wax ka barata jaamacadu ay iska samaystaan guddi, guddidaas oo aan cadaalad wax u kala wadin, sababta oo ah waxa ay ku xidhan yihiin masuuliyiinta sare ee ka masuulka ah jaamacadda, isla markaana waxa loo qoray mushahar waa ardaydaas, waa arrin lala yaabo.

Waxa laga joojiyey shaqadii maamulaha shaqaalaha jaamacadda ardaydaas mushaharka lagu siiyo guddida samaystay, aniga oo u doodayn aqoon aanu isku leenahayna aanay jirin, meesha ma qabato in ardayda shaqo aan waajib ku ahayn.

Lama siiyo macalimiinta wax u dhigta ardayda jaamacadda dhigta inta la siiyo guddida ardayda jaamacadda waxbarashada ee guddida ahi. Haddaba miyaanay ahayn ayaan darro iyo burbur iyo masiibo badan oo ku habsatay jaamacadda.

Haddaba indho gaara ah u yeesheen dadka ku dhaqan Somaliland oo firo gaar ah ha la saaro, isla markaana waa in si deg deg ah looga samayn guddi hanti dhawra.

Axmed Sh. Cali Maax, Hargeysa. 

Top