Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2135 | Semtember 03,2009 Ramadan 13,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Qorshayaasha Horyaala Wasaaradda Reer Miyiga Oo U Socon La’miisaaniyad Yari Hargeysa, Hargeysa, September 03, 2009 (Haatuf) - Wasaaradda Horumarinta reer Miyiga iyo deegaanka Somaliland, ayaa sheegtay inay ku hawlantay siyaasad ka qaybgalisa bulshada reer miyiga ah Maareynta khayraadka deegaanka iyo abuurista mashaariic dib loogu soo noolaynayo deegaanka burburay. Agaasimaha guud ee Wasaaradda deegaanka Jaamac Maxamed (Hillaac) oo shir-jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa, waxa kale oo uu ka hadlay waxqabadkii wasaarada, waxaanu ku bilaabay sidan:- “Wasaaraddan oo ka mid ah kuwa ugu mhiiimsan wasaaradaha Somaliland, waxa la aasaasay 1997kii waxaana loo igmaday inay qaranka masuul uga noqoto. Horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha bulshada reer guuraaga ah Daryeelka, Dhawrida khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka Waajibaadka wasaaradda ugu muhiimsani waxay kala yihiin:- Abuurida qorshayaal ku wajahan kor u qaadista hab nololeedka bulshada xoolo dhaqatada ah Talo ka bixinta iyo ka hortaga dhamaan Arimaha dhibaatooyin ku keeni kara deegaanka sida, Xaalufinta iyo Nabaad guurka Diyaarinta iyo dhaqan gelinta shuruucda iyo siyaasada hagta hawlaha ku wajahan daryeelka iyo dhaqaaleynta khayraadka Deegaanka Isku xidhka, Agaasimida, Dabagalka iyo Qiimeynta dhamaan mashaariicda horu marineed ee daryeelka iyo horumarinta khayraadka deegaanka iyo bulshada xoolo dhaqatada ah Wasaaradani waxay ka hawl gashaa dhamaan gobolada dalka marka laga reebo goboladii dhawaan la magacaabay qaarkood Tirada shaqaalaha ka hawlgala wasaaaddu waxay yihiin 193 qof oo isugu jira shaqaale aqoon yahan, iyo kuwo farsamo yaqaano ah iyo shaqaale caadi ah. Waxqabadka Wasaaradda:- (1) Waxa dib looga shaqaysiiyay beerihii dhir kobcinta ee Gobollada dalka gaar ahaan Burco,Berbera,Ceerigaabo iyo Awdal oo hada gacanta lagu hayo. Beerahaas oo soo saara sanadkii laba jeer in ka badan 10,000 (Toban kun ) oo geed kuwaas oo loo qaybiyo. (2) Waxa kale oo ay wasaaradu diyaarisay Xeerka Hanaanka Midaysan ee Ka hortaga Xaalufka iyo Nabaad guurka Deegaanka iyo siyaasada ku wajahan deegaanka. (3) Diyarinta Strategic plan ka ee hagida hawlaha khuseeya waajibaadka wasaarada iyo Qorshe hawleedyo (Action planes) muddaysan oo kala danbeeya (4) Waxa la qalabeeyay Xafiisyada Xarunta Wasaaradda Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka ee Caasimada iyo gobolada Awdal iyo gabiley kuwaas oo ay gacan naga siisay Hay’ada UNDP.waxa kale oo xarunta wasaarada lagu kordhiyay dhisme cusub oo ay naga maalgalisay hay’adda OXFAM GB. (5) Ururinta iyo soo xeraynta dakhliga dawlada ee kasoo xarooda khayraadka dabiiciga ah sida cawska, iyo Dhuxusha kuwaas oo ay wasaaraddu u xilsaaran tahay soo xareynteeda. Dakhligaas oo gaadhaya sanadkan ilaa 300 oo Milyan (6) Tababar loo fidiyay shaqaale ka tirsan wasaarada oo ahaa heer jamacadeed oo dal iyo dibadba ah kuwaas oo lagu soo tababaray Qaarkood Dalka Kenya. (7) Hawlo joogto ah oo sharci fulineed kuwaas oo wasaaraddu heer gobol iyo heer degmo kula taacalayaan xakamaynta dhibaatooyinka baaxada leh ee haysta khayraadka deegaanka sida joojinta goynt dhirta qoyan iyo xalufinta deegaanka. (8) Ka Wacyi galin dadweynaha reer Somaliland si xun isticmaalka khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka sida Goynta dhirta qoyan, Dabargoynta Ugaadha iyo ka ilaalinta dhulka waxyaabah ku keena nabaad guurka, wacyi galintaas oo ilaa manta socota. Lagana wacyi galiyo Idaacadaha Joornaalada iyo telefishanada iyo Goobaha Miyiga.taas oo kasocota miyiga iyo magaalaba. (9) Waxa la qabtay aqooni isweydaarsiyo loo qabtay odayaasha, Cuqaasha iyo Waxgaradka Tuulayaasha dalka kaas oo laga wada hadlay dhibaatooyinka ay seerayaasha sharci darada ahi ay ku hayaan bulshada reer guuraaga ah iyo sidii loo baabiin lahaa iyadoo lala kaashanayo xoolo dhaqatada. Barnaamijyada U Qorsheysan Wasaaradda :- Barnaamijyada u qorsheysan wasaaradda wakhtiga dhaw iyo ka fog waxa ka mida -Mashaariic loo abuuro dadka reer guuraaga ah si dib loogu soo celiyo degaanada baaba’ay, sida suuq abuurida Xabagaha kala duwan, Dhaqashada shinida iyo Amaahaha yaryar. -Abuurida Ururo xoolo dhaqato oo ka qeybgala barnaamijyada horumarineed ee xoolo dhaqatada iyo ilaalinta deegaanka -Dhiirigalinta helitaanka iyo isticmaalka tamaraha kale ee dadka magaalada si loo yareeyo baahida isticmaalka dhuxusha -Dhiirigalinta abuurida beero dhireedyo laga soo saaro dhirta tamarta iyo qoryaha wax lagu dhiso si loo yareeyo mustaqbalka ku tiirsanaanta dhirta dabiiciga ah -Sameynta siyaasad ka qeyb galisa bulshada reer miyiga ah, maareynta kheyraadka deegaanka si loo yareeyo dhaqaalaha iyo tamarta faraha badan ee wasaaradda kaga baxda -Ilaalinta iyo xakamaynta dhuxusha, dhir jarida, ganacsiga ugaadha IWM." Dhinaca kale, Agaasimaha guud wuxuu sheegay inay wasaaradiisu ka mid tahay wasaaradaha ugu miisaaniyada yar, oo waxqabadkeedii inta badan ay ka hor imanayso dhaqaale yaraan. |