Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2137 Semtember 06,2009                                   Ramadan 16,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Guddi Beeleedyada Garbo-Dadar Oo Hay'adda World Vison Ku Eedeeyey Inay Ka Lunsatay Raashin Mucaawino Ah

Boorama, September 6, 2009 (Haatuf) -- Guddi ka kooban madaxdhaqameedyo, xildhibeenno golaha degaan iyo masuulyiinta magaalada Garbo-dadar oo dhawaana lagu daray maamulka Gobolka Selel ayaa hay'adda caalamiga ah ee world vison ku eedeeyey inay ka lunsatay raaashin mucaawino ahaa oo loogu talo-galay dadka ku tabaalaysan deegaankaasi. 

Gudidan oo sida la sheegay u xilsaaran fulinta hawlaha gargaarka  ee degmada Garba-dadar, ayaa war ay soo gaadhsiiyeen Haatuf ku sheegay in raashinkan oo soo gaadhaya magaaladaasi ay xubno ka tirsan hay'addaasi dib uga iibiyaan ganacsatada, isla magaaladaasi. qoraal ay arrintaasi kasoo saareen soo gaadhay Haatuf ayaa u qoraa sidan:

''Annagoo ah  guddiga beesha G/dadar ,waxan haalkan idiinku caddaynaynaa fal foolxumo ah oo ay dadka magaaladan kula kacday hay'dadda World Vison oo lunsatay raashin deeq ah oo hay'adda WFP ugu talogashay in la gaadhsiiyo dadka tabaalaysan ee ku nool degaanka magaalada.Raashinka WFP  ku deeqqday ,ahaana cunta gargaaar ah oo 'emergency food aid "ahaa,loona soo dhiibay Wolrd Vision,kana koobnaa garow iyo saliid ,ayaan gaadhin dadkii loogu talogalay ,sidaa darteedna  loo baahanyahay in ciddii lunsatay sharciga la horkeeno ,annagoo hay'addaasi arrintaasi kagag daba tegi doona isla markaana dacwad ka dhan ah xukuumada gaadhsiin doona.

Raashinka la lunsaday oo ah 121 kii sh oo hadhuudh ah iyo lix kartoon oo saliid ah ,ayaan sidoo kale hay'dadda WFP ,iyo xukuumaddaba ka codsanaynaa inay usoo dirto  guddi xaqiiqo raadis ah oo baadha arrintaasi ,ciddii ku kacdayna sharciga la horkeeno,annagoo caddaynayna ciddii raashinkaasi iibsatay iyo ciddii laga iibiyeyba "

Magacyada guddiga :

Xil .Daahir Xuseen Cawaale (ordaaye )

Oday ramadaan C/laahi Faarax

Muuse Xuseen Ceelaabe (xubin)

Caruush Cumar Aare      (xubnin)