Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2138 | Semtember 07,2009 Ramadan 17,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xildhibaanada Labada Gole Ugu Jira Beelaha Harti Iyo Siyaasiyiintooda Oo Sheegay Inaanay Aqbali Doonin Natiijadii Diiwaangalinta “Waxanu Uga Digaynaa Axsaabta Siyaasiga Ah Ee Ololeynaya Diiwaangelinta Inay Yihiin Kuwa Kala Qaybinaya Umadda Somaliland, Jeexayana Xuduud Cusub Oo Somaliland Yeelato” Hargeysa, September 7, 2009-Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka, (Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida) ugu jira beelaha Harti ee dega gobolada Sool, Buuhoodle iyo bariga Sanaag iyo siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beelahaasi ayaa sheegay in aanay aqbali doonin natiijadii kasoo baxday diiwaangelintii codbixiyayaasha in lagu galo doorashooyinka soo socda iyagoo intaa ku daray in diwaangelin cusub oo dhameystiran laga qabto goboladaasi.Waxaanay sidaasi ku sheegeen war murtiyeed ay shalay kasoo saareen magaalada Hargeysa xildhibaanada labada gole ee baarlamanka ugu jira beelaha Harti iyo Soddon xubnood oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahano, waxgarad iyo madax dhaqameedyo, kaas oo ay ku socod siiyeen xukuumadda Somaliland, Komishanka doorashooyinka, labada gole ee Baarlamanka, Saddexda xisbi iyo madax dhaqameedyada Somaliland iyo weliba xafiisyada haya’daha qaramada midoobay, midawga Yurub, Midawga Afrika iyo wadamada qaadhaan bixiyayaasha. Qoraalkooduna waxa uu u qornaa sedan “ Sida la wada ogsoon yahay, tan iyo bilowgii 1991 waxaa xusid mudan in beelaha hartiga Somaliland ay hormuud ka ahayeen dhammaan shirarkii is dabajooga ahaa ee nabadaynta, dib u heshiisiinta beelaha Somaliland iyo dhidib u taagidii asaaskii qaranimada jamhuuriyadda Somaliland. Hadaba, anago oo si buuxda ugu diyaar ah una heelan horumarinta iyo sii xoojinta taabo galinta qaranimmada Somaliland, anaga oo maanka ku hayna is raacsanaanta iyo wada lahaanshaha dal ahaaneed iyo dawlad ahaaneed oo ku salaysan xuquuqda aasaasiga ah ee dastuurka jamhuuriyadda Somaliland oo ay waajib tahay ku dhaqankiisa iyo xushmayniisu . Hadaba anaga oo ah xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka Somaliland, aqoonyahanada, culumaa,udiinka, bulshadda rayidka ah, odayaasha iyo siyaasiyiinta beelaha hartiga Somaliland, waxaanu halkan ku cadaynayanaa in beelaha hartiga saomaliland anaanay sinaba u aqbali dooniin uguna dhaqmi doonin natiijadda khaldan ee ka soo baxday diwaangalintii codbixiye yaasha, xataa hadii la damco in dib loo macmalo, isla markaana aanaan ku gali doonin doorashooyinka soo socda sababaha hoos ku qoran awgeed. bilawgii diyaar garawga iyo qorshayntii hawlgalkii diwaangalinta waxaa si wada jira isu hortaagay asxaabta siyaasiga ah interpeace iyo kumishinka doorashooyinka qaranka, in diwaangalinta laga qabto goboladda sool, bariga iyo koonfurta sanaag iyo togdheer (Buuhoodle) . sida kucad xeerka diwaangalinata codbixiye yaasha xeer nr 37/2007 oo qeexaya in hawsha diwaangalinta kahor wacyigalin laga sameeyo gobaladda iyo dagmooyinka dalka oo dhan taas oo laga gaar yeelay deegaamada beelaha hartiga oo aan wax wacyigalin ah laga samayn.kadib markii xildhibaanadda,siyaasiyiinta, waxgaradka kazoo jeeda beelaha hartiga ay culays saareen in diwaangalintu ka qabsoonto degaanadaas xukuumadu ogolaatay kharashka ku baxaya ayaa hadana markale lagu sameeyay carqalado kala duwan oo lagu curyaaminayo in diwaangalintu si habsami ah oo dhamaystiran uga qabsoonto degaamadaas, taas oo dhalisay inay ka hirgasho in ka yar 20% kaliya iyo wakhti ka yar oo ah mudo dhan labo maalmood oo kaliya . natiijadda diwaangalinta ee khaldani waxay saldhig u noqon doontaa saamiga kuraasida baarlamaanka ee doorashooyinka soo socda, iyadoo doorashadii hore ee golaha wakiiladda 2005 oo aan ka qabsoomin deegaamadda beelaha hartiga ay keentay inay ku waayaan sideed kursi oo golaha wakiiladda ah . gabo-gabadii waxaanu uga digaynaa asxaabta siyaasiga ah iyo cidkastoo u ololaynaysa in natiijadda khaldan ee diwaangalinta (unfair and fraud server result) lagu galo doorashooyinka soo socda, waxaanu u aragnaa inay yihiin kuwo doonaya kala qayabinta umadda Somaliland iyo inay jeexaan xuduud cusub oo horleh oo Somaliland yeelato. Sidoo kale waxaanu rajaynaynaa in aanay dimuqraadiyadu wax u dhimin oo ay la jaanqaado lana korto,ilaalisana, nabadadda, dhaqanka, talowadaaga, waxwada lahaanshaha, xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka, midnimada beelaha iyo jiritaanka qaranimada Somaliland . Anaga oo ka ka duulayna asbaabaha kor ku xusan, waxaanu marlabaad halkan ku caynaynaa inaanaan marnaba aqbali doonin kuna dhaqmi doonin, natiijadan khaldan ee ka soo baxday diwaangalinta, sidoo kale aanaan aqbali doonin dib u habaynteeda hadii ay dhacdaba , hasa yeeshee aanu diyaar u nahay in diwaangalin cusub oo dhamaystiran laga qabto deegaamadda beelaha hartiga taas oo kaliya ayaanu ku gali karnaa doorashooyinka soo socda Golaha Wakiilada) 1. Md.Baashe Maxamed Cadde (Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiilada) 2. Md Said Haji Mohamed Cilmi 3. Md Abdirahman Mohamed Talyanle 4. Md Maxamed Osman Bulqas 5. Md Ali Mohamed Adan (Ali Bare) 6. Md Mohamed Ahmed Mohamud(Dhakool) 7. Md Abdulqaadir Jamac Xamud 8. Md Baar Siciid Haji Mohamed 9. Md Xamse Mohamed Gaadawayne 10. Md Mohamed Jamac Cabdi 11. Md Abdiraxmaan Muse Jamac 12. Md Saleeban Yusuf Ali (Koore) Golaha Guurtida 1-Axmed Maxamed Aadan (Qaybe ) (Guddoomiyihii Hore Ee Golaha Wakiilada, Imika Ah Xubin Sharafeed Ka Tirsan Golaha Guurtida) 2-Siciid Jaamac Cali (Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Golaha Guurtida) 3-C/Laahi Sheikh Xasan Cismaan 4-Maxamedwali Warsame Cali 5-C/Qaadir Maxamed Xasan 6-Xasan Cumar Axmed 7-Cismaan Cali Cabdi (Mijo Qariye) 8-C/Rashiid Sheikh C/Laahi Adan (Fakar) 9-Cumar Faarax Budeeye 10-Xirsi Ciise Jaamac 11-Muuse Ciise Faarax 12-Cawil C/Laahi Caydiid 13-C/Raxmaan Xaaji Cabdi Faarax 14-Axmed Xasan Saalax 15-Faysal Axmed Ismaaciil 16-C/Laahi Maxamed Huruuse 17-Siciid Cali Nuux 18-Maxamed Xuseen Huruuse 19-Axamed Nuur Awcali 20-Maxamed Hrad Shirtag 21-C/Salaan Maxamed Siciid (Odayaasha, siyaasiyiinta iyo waxgaradka) 1. Axmed Cabdi Maxamud (Xaabsade) 2. Axamed Maxamud Cali Bayr (Bireeg) 3. Dr Maxamud C/Laahi Sugulle 4. Daahir Xaaji Maxamud (Qayaad) 5. Cismaan Xuseen Gurxan (Kalash) 6. Cali Maxamed Cumar 7. Jibriil Cali Salaad 8. Aadan Gurxan Cali 9. Yaasiin Maxamed Axmed Cabdulle Shakraan 10. Keenadiid Maxamed Maxamud (Khaawi) 11. Awdaahir Xaaji Xasan 12. Cali Maxamed Cali (Cali Guray) 13. Maxamed Cusmaan Suldaan 14. Caaqil C/Kariin Axamed Saleebaan Mursal 15. Caaqil Iimaan Jaamac Madar 16. Caaqil Jaamac Carab Maxamed 17. Caaqil Xuseen Maxamed Qoorsheel 18. Caaqil Jaamac Maxamud Maxamed 19. Cali Axmed Cabdi (Cali Cantar) 20. Cabdale Faarax Aadan 21. Cr Maxamed Jaamac Dhulqas 22. C/Nuur Maxamed Nuur 23. C/Jamaal Cismaan Maxamed 24. Axmed Aadan Guray 25. Maxamed Diiriye Xasan Bille 26. Xasan Maxamed Axmed Bolt 27. Mustafe Xirsi Jaamac (Curdin) 28. C/Qani Maxamud Cabdi 29. Nuux Rakaab Xasan 30. Eng Maxamed Cali Warsame 31. Cabdi Maxamed Diiriye |