Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2139 Semtember 08,2009                                   Ramadan 18,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Ku Baaqay In Rayaale Kursiga Baneeyo Marka La Gaadho Dhamaadka Muddada Xilkiisa

“Mawqifkayagu Waxa Weeyi Intaan La Gaadhin Gunaanadka Muddada Xilka Ee 29 Oktoobar Waa Inuu Madaxweynuhu Kursiga Baneeyo Oo Uu Diyaar U Sii Ahaadaa Inuu Xukunka Wareejiyo”.Axmed Siilaanyo

Hargeysa September 8, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa sheegay in marka la gaadho gunaanadka muddada Madaxweyne Rayaale in xukunka lagu wareejiyo cid si ku meel gaadha ah sii haysa, isaga oo intaa ku daray in Madaxweyne Rayale kursiga baneeyo marka muddadiisu dhamaato, waxaanu sidoo kale xukuumada ku eedeeyay in ay faro-gelin joogta ah ku hayso golaha Wakiilada.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mr. Siillaanyo waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay siiyey laanta afka Soomaaliga ee idaacada VOA-da, waraysigaasina waxa uu u dhacay Sidan:-

S. Sideed u aragta go’aanka ay komishanku dib ugu dhigeen muddadii doorashada Madaxtooyada ee loo Cayimay 27-ka September 2009?

J. Way muuqatay inaanay doorashada Madaxtooyadu ku qabsoomayn muddada loo cayimay wax cusubna may sheegin, waxaanu hore u sheegnay in natiijadii diiwaangelinta ee la laalay la soo celiyo. In komishanka oo aanu intooda badan kalsoonidii aanu kala noqonay meesha laga saaro iyo ta saddexaad oo ahayd maadaamaa muddadii Madaxweynuhu ay dhamaad ku dhowdahay in xukunka lagu wareejiyo ciddii qaban lahayd inta doorasho xalaala laga gaadhayo dalka.

S. waa ayo cida aad xilka lagu wareejinayaa?

J. Muddo dhawr jeer ah ayaa loo kordhiyey muddada madaxweynaha, waxaanu tilmaamayaa sharcigu cida xilka loo dhiibayo  haddii doorashadu qabsoomi waydo, oo dib u dhacdo.

S. Mawqifkiina xaalada lagu jiraa muxuu yahay?

J. Mawqifkayagu waxa weeyi intaan la gaadhin gunaanadka muddada xilka ee 29 Oktoobar 2009 waa inuu madaxweynuhu kursiga baneeyo oo uu diyaar u sii ahaadaa inuu xukunka wareejiyo.

S. Waxay xukumadu idinku eedaysaa axsaabtiin mucaaridka in faro-gelin ku haysaan hawlaha golaha wakiilada, taa maxaa ka jira?

J. Baarlamaanku saddexda xisbi ayay ka kala kooban yihiin cida baabiinaysa golihii ummadu soo doratay ee lacagta kula dhex jirtaa ee ciidamada dul gaysay ee doonaya in inay xidhaan waa dawlada.

S. Golaha Guurtidu qaraarka ay soo saareen sideed u aragtaa?

J. Golaha Guurtidu in macquula bay yidhaahdeen, waxay yidhaahdeen hala heshiiyo sharcigana ha lagu dhaqmo wax ceeb ahna may odhan.

S. Guurtidu door dhexdhexaadin ah ma ugu jirtaa khilaafka taagan/

J. Walaahi dad faro badan oo isugu jira Salaadiin saaxiibadayada Caalamka, dan qaran baa muuqata cid kastana waanu soo dhoweynaynaa.