Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2140 | Semtember 09,2009 Ramadan 19,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xukuumada Oo La Wareegtay Xarunta Wakiilada Kadib Markii Ay Mudanayaasha Mucaaridka Iyo Muxaafidku Ay Isku Fara Saareen Madashii Fadhiga “Mudanaha Baastooladda La Baxay Talaabo Sharciya Ayaanu Ka Qaadi Doonaa, Furayaashii Xaruntana Xoog Bay Ciidamadu Kaga Far-Maroojiyeen” Guddoomiyaha Wakiilada Md. C/Raxmaan Cirro Hargeysa September 9, 2009 (Haatuf) – Xukuumadda Somaliland ayaa shalay si rasmi ah ula Wareegtay xarunta golaha wakiilada, kadib markii ay mudaneyaasha Mucaaridka iyo Muxaafidku isku faro-saareen Madashii fadhiga shalay oo la taliyaha shuruucda Wakiiladu Axmed Cali Kaahin uu soo hordhigay tala bixinta sharci ee uu ku soo sameeyey Mooshinada maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo mooshinka xill ka qaadista Shirguddoonka oo todobaadkii hore ay golaha soo hordhigeen mudaneyaasha muxaafidka iyo Mucaaridku. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi oo guddoominayey fadhiga shalay oo ay ka soo qayb galeen 69 mudane ayaa waxa uu la taliyaha shuruucda ee wakiiladu golaha soo hor dhigay soo jeedinta sharci ee uu kasoo sameeyey mooshinada maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka oo uu sheegay in mooshinkaasi xeer hoosaadka uu waafaqsan yahay iyo distoorka qaranka goluhuna ka doodi karo, halka uu mooshinka kale ee xill ka qaadista shirguddoonka uu ku soo talo bixiyey in guddida joogtada loo gudbiyo ama se goluhu xilka qaadista shirguddoonka ugu codeeyo sida xeer hoosaadku dhigayo 55 Mudane. Soo jeedintaasi oo ay mudaneyaasha Muxaafidku ka biyo diideen kana gadoodeen ayaa madasha fadhiga ka dhex gacan ka hadal dhex maray mudaneyaasha mucaaridka iyo muxaafidka. Mudane C/raxmaan Maxamed Jaamac (Xoog) oo ka mid ahaa mudaneyaasha xisbiga UDUB ee mooshinka xill ka qaadista shirguddoonka golaha horkeenay oo isagu ka mid ahaa mudaneyaasha deedafeeyey talo bixinta la taliyaha sharci uu ka bixiyey mooshinka xill ka qaadista oo isagu ka hadlay madasha fadhiga ayaa isagu yidhi guddida joogtada waa nalaga sifeeyey, mudaneyaashayada muxaafidka ah oo dhex uma aragno, sidaa darteedna ma aqbalayno in mooshinkaa loo guddibiyo guddida joogtada”. Intaa ka dib ayaa waxa golaha ka dhex aloosmay gacan ka hadal dhex maray mudaneyaasha mucaaridka iyo muxaafidka oo isku faro saaray madasha gudaheeda, taas oo mudaneyaasha kala ah Md. Cali Bare iyo Md. Abuubakar C/raxmaan Good oo iyagu ka soo wada jeeda xisbiga Kulmiye, balse ku kala aragti duwanaa labada mooshin ayaa iyagu madasha isku fara saaray laguna kala jiiday, halka Md. C/raxmaan Xoog oo ka mid ah mudaneyaasha UDUB ay isku faro saareen Md. Bashiir Xuseen Tukaale oo ka mid ah mudaneyaasha xisbiga UCID kadibna markii ay gacmaha iskula tageen uu Baastoolad md C/raxmaan Xoog uu ula soo baxay Mudanahaasi, taas oo markii madasha fadhigu uu buuq iyo qalalaase ka dhashay ciidamada amaankuna madasha fadhiga Gudaheeda ay soo galeen ayuu guddoomiye C/raxmaan Cirro si degdeg ah ugu dhawaaqay in fadhigu xidhan yahay. Waxaanay talo bixinta sharci ee la taliyaha shuruucda wakiiladu ka soo saaray mooshinadaasi waxa ay u dhignayd sidan:- Talo bixin sharci: Mooshin Maamuus ka xayuubin madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee JSL. Mudane Gudomiye, Salaanta Islaamka ka bacdi. Tixraac codsigii shirguddoonka ee ku saabsan ujeeddada kor ku qoran ee 05/09/2009 Markaan arkay qodobka 37aad ee xeer-hoosaadka golaha Wakiilada. Markaan arkay qodobka 34aad (xubinta 3aad iyo 4aad )ee xeer –hoosaadka. Markaan arkay qodobka 14aad (xubinta 3aad) ee xeer- hoosaadka. Markaan arkay qodobka 3aad (xubinta 1aad, xubinta 13aad, 14aad iyo xubinta 16aad)ee xeer-hoosaadka Markaan arkay qodobada Dastuurka ee 9aad (xubinta 1aad) iyo qodobada 37 iyo 38aad. Markaan arkay. Markaan arkay qodobada dastuurka 83, 96 iyo 129aad. Markaan tixgeliyey tilmaamaha dhacdooyinka ku xusan mooshinka kor ku xusan ee la soo hordhigayGolaha Wakiilada. Waxa Ii Cadaatay:-
La taliyaha sharci ee Golaha Wakiilada Talo bixin sharci: soo jeedin (Motion) ku saabsan wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha Wakiilada JSL. Mudane Gudoomiye Salaanta Islaamka ka bacdi Tixraac codsigii shirguddoonka eek u saabsan ujeedada kor ku qoran ee 06/09/2009 Markaan arkay qodobka 37aad ee xeer-hoosaadka Goalaha Wakiilada. Markaan arkay qodobka 34 (xubinta 3aad iyo 4aad)ee xeer-hoosaadka Markaan arkay qodobka 14 (xubinta 3aad )ee xeer-hoosaadka Markaan arkay qodobka 3aad (xubinta 1aad) iyo (xubinta 13aad) iyo (xubinta 14aad) iyo (xubinta 15aad) ee xeer-hoosaadka. Markaan arkay qodobka dastuurka 64aad. Markaan arkay qodobka 22aad ee xeer hosaadka Golaha Wakiilada. Markaan tixgeliyey nuxurka soo jeedinta oo ah habka xilka qaadista xubnaha shirguddoonka Golaha Wakiilada. Waxaa Ii Cadaatay:-
Hadaba maadaaama oo si cad ay u qeexan tahay habka sharci iyo maamul ee lagu dhaqayo soo jeedinta noocan ah, waxa haboon in:-
ii. in Guddida joogtada u xilsaaran tahay wixii isqabsi iyo turjumaada xeer hoosaadka iyaga oo la tashanaya la taliyaha sharci ee Golaha Wakiilada
Dhinaca kale guddomiyaha golaha wakiilada C\raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo aanu khadka telefoonka xalay kula xidhiidhnay waxna kaga weydiinay wararka sheegaya in xaruntii golaha wakiilada lala wareegay iyo arimaha ku saabsan mudanaha baastoolada la soo baxay ayaa waxa uu yidhi “Way jirtaa in xaruntii Baarlamaanka ay ciidamo aan xaq u lahayni intay gudaha u soo galeen ay si khasab ah furayaashii ugala waregeen Waashmaanadii iyo xoghaymihii golaha, talaabadaasina waa sharci daro. Waxaanu ummada reer Somaliland iyo beesha Caalamkaba ku wargelinaynaa, in golihii sharci dajinta oo muddo laba todobaada ay ciidamo ku wareegsanaayeen ay maanta fuliyeen hawlgalkoodii ay sugayeen labada todobaad, golihiina ciidamo kula wareegeen oo xaruntii goluhuna aanay gacantayadii ku jirin furayaashiina ay bil-khasab kula wareegeen” sidaas ayuu yidhi Gudoomiye C/raxmaan Ciro Intaa ka dib su’aalo la weydiiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxaan Ciro iyo jawabihii uu ka bixiyayna waxay u dhaceen sidan: S. Sideed u aragtaa mudanaha Baastoolada kula soo baxay madasha fadhiga, maxaase idiinka qorshaysan? J. Horta waa mabnuuc in wax hub ah lala soo galo, mudanayaashana ma baadhno oo Security baadha ma joogaan mudanaha baastoolada la baxayna wixii xeer-hoosaadku dhigayo ayaanu talaabo kaga qaadi doonaa. S. Maxaa qorshe idiinka yaala haddii ciidamo la wareegeen xaruntii? J. Xaq uma laha inay ciidamo gudaha u soo galaan xarunta Baarlamaanka anaguna hub iyo ciidamo ma haysano waxayse awoodayadu tahay inaanu ummada reer Somaliland iyo beesha Caalamka u sheegno inqlaabka ciidan ee lagula wareegay golihii sharci dajinta. Dhinaca kale Ciidamada Amaanka ayaa shalay xabsiga u taxaabay saddex ka mid ah ilaalada khaaska u ah guddoomiyaha golaha Wakiilada C/raxmaan Ciro, kuwaas oo la sheegay inuu soo dacweeyey Md. Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah mudaneyaasha UDUB ee Wakiilada oo la sheegay inuu gacanta ka gaadhay Dhaawac, sidoo kale taliyaha Ciidanka Bileyska Mr. Saqadhi ayaa si masuuliyada ka baxsan shalay ula dhaqmay, kana hor itaagay inuu wax jawaab ka bixiyo su’aal uu ku weydiiyey xarunta Weriyaha Haatuf ee Baarlamaanku Maxamed Sagax, oo uu weydiiyey taliyaha Bileyska waxa uga qorshaysan hubka iyo baastooladaaha ay mudaneyaashu la galaan madasha fadhig, ayaa waxa uu ku jawaabay xidha kamarada iyo rikoodhkana ka qaada, taas oo suxufigaasina shaqadiisii sidaasi lagaga joojiyey, muddo laba saacadood gaadhaysana xoriyada laga qaaday. Dhinaca kale waxa iyagana xabsiga loo taxaabay Weriyeyaasha kala ah Khadar Cakule oo ka tisan Universal.Tv iyo labada Weriye C/risaaq Cismaan iyo C/laahi Suudi oo ka mid ah Weriyeyaasha Tv-ga Qaranka. Kuwaas oo xoriyadooda loo soo celiyey isla shalay. |