Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2142 Semtember 11,2009                                   Ramadan 21,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Xildhibaanada Wakiilada Ee Beesha Madaxweynaha Oo Ka Muquurtay Dagaalkii Bishan 8-Dii Ka Dhacay Golahaasi

Boorama, September 11, 2009 (Haatuf) - Xildhibaanada beelaha Makaahiil ee uu kasoo jeedo madaxweyne Rayaale ayaa ka muquurtay dagaalkii afka, addinka iyo hubkaba lahaa ee ka dhacay Golaha wakiilada toddobaadkan bilowgiisii kaasoo sababay in ciidamada dawladdu albaabada u laabaan golahaasi.

Sida ay sheegeyaan xildhibaanada isla G/awal ka soo jeeda ee fadhigii maalintii golahaasi gacmaha la iskula tegey, ayaa sheegay in xildhibaanada kasoo jeeda jufada madaxweynuhu ka muquurteen ama aanay wax shaqo ah ku darsan dagaalkii halkaasi ka dhacay, balse xildhibaano kasoo jeeda beelaha Maxamed Case ay af iyo addinba kaga qaybgaleen dagaalka lagu baajinayey fadhiga maamuus ka xayuubinta lala maagganaa madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigenka .

Dagaalkan ka dhacay golahaasi ayaa laga arkayey xildhibaanada ay ka mid yihiin Cali Gebilay iyo Gaagaale, oo dagaalkaasi kula jira xildhibaanada kasoo baxay xisbiyada mucaaradka ah oo kala ah Abuubkar Good iyo Mahdi Caddare, xildhibaanadaasi oo dhammaantood kasoo jeeda ardayada beelaha Maxamed Case .

Sida warku sheegeeyo xildhibeenada beelaha Yoonis, oo kala ah reer Nuur, J/yoonis iyo Aadan Yoonis  ayaa la sheegay inay bilowga dagaalkasiba ka baxeen albaabada Golahaasi, halka ay xildhibaanada beelaha Maxamed Casena foodda iskula jireen ilaa ciidamada ammaanku xidhayeen albaabada golahaasi .

Arrintan ayaa kusoo beegantay wakhti warbaahinta Hargeysa kasoo baxdaa faafiyeen warar aan lagu sheegin cidda ay ka heleen, ama kasoo xigteen oo sheegayey in beesha madaxweynuhu kula taliyeen inuu iskaga tago meesha, balse uu ka diiday, arrintaasina ama warkaasina ay dareen cadho leh ka muujiyeen odayaal iyo siyaasiyiin kasoo jeedda beesha J/yoinis  ee ku sugan G/awdal, kuna tilmaameen mid dheg xumo ku ah beeshaasi warkaasina yahay mid been ah.

Sidoo kale ayaa siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Beelaha madaxweyne Rayaale ee ku sugan G/awdal  ayaa in dhawaaleba ka dayrinayeen dhaqdhaqaaq la’aanta iyo fadhiidnimada xildhibaanada beeshaasi kaga jira baarlamaanka, golaha guurtida iyo G/Wasiirada, kuwaasoo innaba lagu arag saaxadda siyaasadda Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee muuqaal la’aanta saaxadda siyaasadda ee beesha madaxweynaha iyo reer gacalkiiba, laguna tiriyo inay xukuumadda Rayaale ku haystaan sedbursiin marka loo eego beelaha kale ee G/awdal, ayaa dhaqdhaqaaq la’aantooda dhinaca siyaasadda iyo difaaca madaxweynaha gar iyo gardaraba loo qaadan karaa inay madaxweynaha tol ahaayeen wakhtigii xaaladda siyaasadda dalku deggenayd, balse haatan xaalku si kale u egyahay sidaa darteedna ay iska dhawrayaan inay godob siyaasadeed ka kasbadaan qaybo ka mid ah beelaha dhexe ee mucaaradka taageera.

Firfircooni la’aanta siyaasiyiinta beelaha madaxweynaha ayaa sidoo kale la barbardhigi karaa waagii uu sii dhacayey taliskii Siyaad Barre, dagaalkii ugu xumaana kaga socday woqooyiga iyo koonfurtaba, wakhtigaas oo raggii difaaci lahaa ee haybna ugu dhawaa cidlada kaga tegeen. inkastoo Ilaahay uuni ogyahay wakhtiga uu dhammaan doono xilka madaxweyne Rayaale ka hayo Somaliland