Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2144 September 14,2009                                   Ramadan 24,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Xuska Dagaalkii BederQaybtii- 2-aad

Nebiguna(nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) markuu maqlay inay isa soo bahaysteen waxa uu la tashaday asxaabtiisii, isagoo  u jeeda reer Ansaar inay u jawaabaan oo uu ogaado inay iyaguna raali ka yihiin, waayo horray ballan u la galeen ballantaasi oo ahayd inay la qaybsanayaan wixii dhib iyo dheef ahba oo ay garab istaagayaan gar gaar iyo gaashaanna u noqonayaan, hoo iyo hiilna ay la agtaagan yihiin, markuu go,aansaday inuu ka baxo madiina ayuu  doonay inuu ogaado waxay haystaan-wuxuu ahaa Nebiguna kii sii ogaan jiray waxa uu haysto si uu ugu xisaabtamo- ayaa waxaa hadlay Muhaajiriintii, si fiican bayna u hadleen, mar labaad buu hadana la tashaday si fiican bay u hadleen mar saddexaad buu hadana la tashaday si fiican bay u hadleen, markaasay Ansaartii fahamtay inu Nebigu(nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) u jeedo iyaga, waxaa istaagay Sacad Bin Mucaad-saxaabigii carshu Raxmaanku u gariiray geeridiisii awgeed- markaasuu yidhi Rasuulkii Ilaahayoow Rasuulkii Ilaahayoow  waxaad  u jeedaa (Ansaar), markaas ayuu Rasuulku (SCW) yidhi "haa". Sacad ayaa yidhi "waan ku rumaynay oo waannu ka markhaati kacnay in uu xaq yahay waxa aad la timid, waxa aan ku siinnay ballantayadii oo ah in  aan ku maqalno oo  aan ku adeecno. Ku soco Rasuulkii Ilaahayoow waxaad doontid, Ilaaha xaq kugu soo saaray baan ku dhaartaye haddii aad badda nala tagto oo aad dhexgashid waan kula dhex galaynaa, nin annaga naga mid ahina kaa  dib dhici maayo, mana kahanayo in aad nala kulansiisid cadowgayaga berri, waanan  ku samraynaa dagaalka, waanan ka run sheegaynaa la kulanka, waxaana la arkaa in Ilaahay uu naga kaa tusiyo wax ay ishaadu ku qabowsato ee ku soco barakadaIlaahay)) Rasuulku (SCW) wuu ku farxay arrintaa waana sifooyinka uu leeyahay hoggaamiyaha dhamayska tiran: waxa uu la tashadaa dadkiisa intaanu go, aan qaadin,waxaanu yidhi: (( ku socda barakada Ilaahay waxa uu ii ballan qaaday laba arrimood midkood( safarka ama dagaalka)  Ilaahay isagoo Quraanku inoogu iftiiminaya dhacdada ayaa wuxuu yidhi  (( Xasuuso Markuu idiin Yaboohay Eebe labadii kooxood midkood(colkii  iyo safarkii) idiin sugnaatay, idinkoo jecel in midda Tabarta yar idiin ahaato, Eebana wuxuu dooni inuu xaqa ku sugo kalimadiisa, gooyana cidhibta gaalada)) (Suuratu Al-Anfaal:7)

Rasuulku(SCW) intaanu tegin waxa uu diray Sirdoonkiisii waxaanay ahaayeen laba saxaabi, waxaana la isku khilaafaa tirada guud ama wadarta u raacday Rasuulka(SCW) badar, Imaamul Bukhaari wuxuu ku sheegaa (( saddex boqol iyo dhawr iyo toban)), halka uu Imaamu muslimna sheegayo inay ahaayeen (( saddex boqol iyo sagaaliyo toban)) waxaana weheliyay 70 rati ah iyagoon ogayn awooda iyo itaalka Quraysheed. Sirdoonkaasi waxay u soo ogaadeen inay u dhexeeyaan 900 ilaa 1000 qof  oo ay la socdaanna madaxdii quraysheed, inkastuu Abaa Sufyaan uu kula taliyay inay makka ku noqdaan maadaama uu safarkii soo badbaadiyay, hadana horaa loo yidhi “ninkii baxaya buuraha jinkaa loo bidhbidhiyaaye” Abuu Jahal baa diiday oo yidhi: “ Ilaahay baan ku dhaartee inaanan noqonayn ilaa aan Beder saddex cisho soo joogno  oo aan xoolo ku qalano, oo aan khamri ku cabno, )) Ilaahayna isagoo tilmaamaya kibirka iyo isqaadqaadkooda, ugana digaya muuminiita inay sidaa sameeyaan ayuu yidhi (( Hana ka mid noqonina  kuwii ka baxay  Guryahooda Kibir iyo istuska  dadka dartiis kana celinaya (Dadka) jidka Eebe, Eebana waa koobay waxay camal fali)) (Al-anfaal:47))

Rasuulka(SCW) iyo Ciidankii Muslimiintu way soo dhaqaaqeen markaasay dageen meel ku dhaw ceelka, markaasuu Xabaab Ibn Mundir yidhi: Rasuulkii Ilaahayoow meeshani(goobtani) ma meel Ilaahay ku dejiyay baa oo aan hore iyo dib looga dhaqaaqayn, mise waa  ra.yi iyo xeelad dagaal markaasu Nebigu(nabadgalyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) yidhi mayee waa ra,yi iyo xeelad dagaal, Xabaab markaa u tilmaamay meesha inay ka guuraan oo ay tagaan ceelasha ugu dambeeya ee dhinacooda (gaalada)xiga , ceelasha kalena la  xabaalo, darna ay ka dhistaan  oo ay ka buuxsadaan biyo. Si marka la dagaalamayo biyaha ay u cabbaan, gaaladuna oon iyo harraad ugu go,do. Nebiguna(NNKH) wuu qaatay ra’yigii xabaab. Intaa kadib waxaa isna ra’yi soo jeediyay Sacad Binu Mucaad ra’yigaasi oo sheegaya in Nebiga(NNKH) loo dhiso waab iyaguna ay gaalada la kulmaan si uu ugu noqon karo dadkii hadhay(muslimiinta) isagoo bad qaba oo ay waayin hoggaamiyahooda ku hagaya hanuunka iyo dariiqa toosan, Nebiguna(NNKH) wuu ka aqbalay, isagoo Asxaabtiisa dhiiri galinaya oo dejinaya waxaanu ku laahaa (( Ilaaha ay gacantiisa ku jirto naftaydu ayaan ku dhaartaye ninna manta ma dagaalamo, oo lama dilo isagoo samraya rajaynaya Ilaahay, oo ka hortagaya(dagaalamaya) oon dib dhacay  ilaa iyo Ilaahay jannada ayuu galinayaa)) ilaa uu sii sheegay oo uu tilmaamay meeshii lagu dili lahaa Mushrikiintii waawaynaa: halkani hebel baa lagu dili doonaa, halkaasina hebel baa lagu dili doonaa.

Qore: C/qani Al-Bana

la soco……….