Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2151 | September 22,2009 Shawal 03,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Golaha Guurtida Oo Maanta La Horkeenayo Mooshin Madaxweyne Rayaale Muddada Loogu Kordhinayo, Shuruudana Ku Xidhan Yihiin Iyo Muxaafidka Oo Beelahooda Culays Kaga Yimid Nuxurka Iyo Shuruudaha Uu Xambaarsan Yahay Mooshinka,Cabdi Waraabe,Sh.C/Rahmaan Sh.Khaliif,Cali Dheere,Iyo Suldaan Ismaaciil Oo Beelahoodu Culays Ku Saareen Mawqifkooda Muddo Kordhinta Hargeysa Septembar 22, 2009 (Haatuf)-Fadhiga uu golaha guurtidu maanta yeelanayo ayaa la filayaa in mudanayaasha garabka muxaafidka ee guurtidu ay golaha soo hordhigi doonaan mooshin ay ku doonayaan in muddo kordhin todoba bilood ah oo shuruudi ku xidhantay muddada xil-haynta loogu kordhiyo madaxweyne Daahir Rayaale iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, oo muddadii loo cayimay in doorashada madaxtooyadu ay qabsoonto oo ku aadan 27 September 2009 ay komishanka doorashooyinku sheegeen inaanay muddadaasi ku qabsoomayn, iyaga oo aan wakhti kalena u cayimin. Mooshinka la sheegay in garabka muxaafidku ay golaha soo hordhigi doonaan oo ay ku doonayaan 27 September intaan la gaadhin in muddo kordhin loogu duugo madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, oo nuxur ahaan la sheegay inuu mooshinkaasi xambaarsan yahay qodobo ay ka mid yihiin:
Ilo wareedyo uu wargeyska Haatuf ka helay garabyada guurtida ee ku kala qaybsan muddo kordhinta madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in mooshinkaasi ay soo sexeexeen garabka muxaafidka ee taageeray muddo kordhintii u dambaysay ee golaha guurtidu u sameeyay madaxweyne Rayaale 28 march 2009, kuwaas oo sidoo kalena ay mudanayaasha garabka muxaafidku ay xilligii muddo kordhintaa u dambaysay ay sidan oo kale u soo dhigeen mooshinkii lixda bilood loogu kordhiyey madaxweynaha iyo ku xigeenka, oo goluhuna qaraar gole oo dhan 42 mudane uu ku meelmariyey go’aankaa muddo kordhinta halka ay mudanayaasha garabka mucaaridkuna ay mooshinkaa korodhsiimada ka soo horjeesteen cod dhan 35 mudane, kuwaas oo ilaa wakhtigan xaadirka ah labadii garab ee golaha guurtidu ugu kala qaybsan yihiin go’aan muddo kordhina oo loo sameeyo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Waxaana tibaaxaha ka soo baxaya dhaqdhaqaaqyada mooshinkaasi ay sheegayaan in maanta ay garabka muxaafidku soo hordhigi doonaan fadhiga golaha. Dhinaca kale waxa iyagu mawqif adag kaga soo horjeeda in golaha guurtidu muddo kordhin u samayso madaxweynaha iyo kuxigeenka labada xisbi mucaarid ee Kulmiye iyo Ucid oo iyagu uga digay in guurtidu ku talaabsato muddo kordhin wahtigan xaadirka ah, iyagoo dhinacyada ay khusayso aan wadatashi ka yeelan. Golaha guurtida oo ah golaha awooda muddo kordhinta uu sida gaarka ah distoorka qaranku u siiyey qodobka 83aad farqadiisa 5aad uu jidaynayo in marka duruufo la xidhiidha masiibooyin baahsan ammaan daro ay u qabsoomi waydo doorashadu sidaa darteed marka ay duruufahaasi la soo gudboonaadaan dalka ay guurtida waajib ku tahay in muddada lagaga bixi karo duruufahaasi ay madaxweynaha iyo kuxigeenka talada haya u kordhiyaan muddada lagu qaban karo doorashadii madaxtooyada hase yeeshee guurtidu, iyada oo aanay jirin asbaabaha uu sheegayo distoorku ka dhicin dalka ayay tiraba saddex jeer oo hore muddo kordhin ugu sameeyeen madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkiisa, taas oo imikana ka dhigaysa in mar afraad ay muddo kordhin u sameeyaan. Dhinaca kale waxa xalay magaalada laga dareemayay dhaqdhaqaaqyo iyo shirar doceedyo la xidhiidha loolanka ka dhex aloosan mudanayaasha Guurtida oo dagaalkoodu marayo xiddigaha oo ay ku soo kala jiidanayaan mudanayaasha garabka mucaaridka iyo muxaafidku codadka lagu kala bixi doono aakhirataanka marka la gaadho meelmarinta iyo diidmada muddo kordhinta. Xukuumada iyo axsaabta mucaaridka laftooda ayaa iyaguna sidoo kale door weyn ka ciyaaraya loolanka adag ee ka dhex taagan guurtida, taas oo habeenkii xalay ay gaadhay heer in mudanayaasha guurtida qudhooda loo galay dadaalo lagu kala kasbanayo taageeradooda. |