Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2154 September 25,2009                                   Shawal 06,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Guurida Oo Maanta U Ballansan Go’aan Ka Gaadhida Muddo Kordhinta Sanadka Ah Ee Madaxweyne Rayaale Iyo Saleebaan Gaal Oo Ka Digey

Sheekh Khaliif, Suldaan Ismaaciil, Sheekh C/Raxmaan Oo Ay Labada Garaba Cododkooda Tirsanayaan

Hargeysa September 25, 2009 (Haatuf)-Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta Jimce ah u ballansan inay go’aan ka gaadhaan muddo kordhinta xilka ee madaxweyne Rayaale iyo ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo muddo laba maalmood ah uu golaha guurtidu dood ka yeelanayay ajandaha muddo kordhinta xil-hayneed, kaas oo labada garab ee muxaafidka iyo mucaaridka ee guurtidu u qaybsan yahay ay si weyn ugu kala qaybsameen hindisaha muddo kordhinta kuwaas oo mudanayaasha muxaafidkuna ay soo jeediyeen in muddo kordhin sanad ah loo sameeyo halka ay mudanayaasha garabka mucaaridkuna ka soo horjeesteen in muddo kordhin lo sameeyo Rayaale iyo ku xigeenkiisa.

Gudoomiyaha golaha guurtida Saleebaan maxamuud Aadan oo gudoominayay fadhiga shalay oo lagu soo gunaanaday doodihii ajandaha muddo kordhinta ee ay mudanayaasha labada garab ka yeesheen oo ay doodahooda ka dhiibteen 19 mudane, oo 11 ka mid ahi ka soo jeedeen garabka mucaaridka doodahoodana ku soo jeediyeen inaan wax muddo kordhin ah la samayn halka ay lix ka mid ah muxaafidka guurtida ay iyaguna soo jeediyeen in muddo kordhin sanad ah qalinka loogu duugo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Iyadoo madasha fadhiga shalay ay doodahooda ka dhibteen inta badan mudanayaasha garabka mucaaridku oo ay ka mid ahaayeen Sahal Iidle, Ismaaciil Cabdi Ducaale, Cawil Xuseen Axmed, C/llaahi M Huruuse, Maxamed Wali Warsame, Maxamed Xuseen Huruuse, Cawil Cismaan Dawiil, ayaa wxay dodahooda ku soo jeediyeen inaan wakhtigan xaadirka ah loo baahnayn wax muddo kordhin ah in lo sameeyo madaxaweynaha iyo ku xigeenka, iyagoo daliishanayay muddo kordhimihii hore ee golahoodu u sameeyay iyo waxqabad la’aanta doorashada oo ay xukuumad dhaliil weyn uga soo jeedyeen halka ay mudanayaasha muxaafidka ee ay ka mid ahaayeen Siciid C/llaahi yasir iyo md C/raxmaan Qawdhan oo iyaguna madasha fadhiga doodahooda ka dhiibtay ay golaha u soo jeediyeen in muddo kordhin hal sano ah xilka loogu kordhiyo madaxweynaha iyo kuxigeenka, kaas oo ay u cuskanayeen qodobka 83aad ee distoorka qaranka farqadiisa 5aad oo golaha guurtida waajib kaga dhigaysa in haddii doorashada madaxtooyadu ay sababo la xidhiidha masiibooyin, abaaro, iyo duruufo amaan daro awgood ay u qabsoomi weydo doorashada madaxtooyadu in guurtida ay waajib ku tahay in madaxweynah iyo ku xigeenkiisa ay muddada duruufahaasi lagaga baxayo xilka ugu kordhiyaan.

Gabogabadii doodahaasi ayuu gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo gudoominayay fadhiga shalay ayaa gunaanadkii fadhiga waxa uu ka sheegay in doodu halkaa ku dhamaatay islamarkaana goluhu maalinta sabtida soo socota uu fadhi isugu yimaado si uu u sii ambaqaado go’aan ka soo saarista ajandaha muddo kordhinta hase yeeshee waxa hindisahaasi ka biyo diiday mudanayaasha muxaafidka oo iyagu ku dooday in isla fadhigii shalayba loogu codeeyo ajandaha muddo kordhinta xilka ee madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ku eeg 27September oo u cayinayd inay qabsoonto doorashadii madaxtooyadu ka dib markii buuq soo kala dhex galay mudanayaasha labada garab, ayaa shirgudoonku ay wadatashi ka yeesheen labada maalmood ee la isku qabtay waxaanay golaha horkeeneen in Jimcaha maanta goluhu ka fadhiisto go’aan ka gaadhista ajandaha muddo kordhinta, kaas oo si buuxda uu goluhu isula qaatay in cod gacan taag ah lagu kala baxo.

Dhinaca kale waxa xusid mudan fadhiga shalay ee dooda mudayaasha golha guurtida oo socda ayaa waxa mar kaliya ka dhex kacay isaga oo cod dheer ku tiraabayey Md Cawil Xuseen, oo sheegay in golaha ay dhex fadhiyaan rag rabshad wadayaal ah oo dagaal ka dhex wada golaha dhexdiisa, isaga oo farta ku fiiqay Agaasimaha TV-ga qaranka Maxamed Muuse Diiriye iyo Cali Gobanimo, ka dibna waxa madashii laga saaray Agaasimihi Tv-ga dawladu leedahay oo dibada looga saaray.

Inkasta oo mudanayaasha labada garab ay codad kala duwan haystaan hadana waxa muuqata in mudanayaasha garabka muxaafidka ahi ay kaga horeeyaan codadka ay haystaan garabka mucaaridku ee diidan muddo kordhinta, balse ay jiraan iyadana mudanayaal ay labada dhinacba tirsanayaan, waxaana saacadihii ugu dambeeyay ee xalay wararka ka so baxayay sheegeen in garabka muxaafidku ay haystaan ama ku xisaabtamayaan codad dhan 49 mudane halka mucaaridkuna ay dhinacooda ka sheegayaan in 26 mudane ay ka haystaan 35kii mudane ee muddo kordhintii hore ay ku diideen. Inkastoo ay natiijada rasmiga ahi ku xidhnaan doonto natiijada ka soo bixi doonta fadhiga maanta loo ballansan yahay hadana waxa jira mudanayaal labada dhinacba tirsanyaan kuwaas oo inta badan ka mid ah mudayaashii muxaafidka ee muddo kordhintii hore taageeray, waxaana ka mid ah mudanayaasha saacadihii dambe ay labada garaba ku xisaabtamayeen codadkooda Sh Khaliif Sh Xasan Gudaal, Sh C/raxmaan Maxamed Muuse Suldaan Ismaaciil Sudaan C/raxmaan.

Dhinaca kale Xildhibaano mucaaridka golha guurtida ka mid ah ayaa sheegay in golahoodii ay afduubeen gudoomiye xigeenada guurtidu Sh Axmed Sh Nuux Furre iyo Siciid Jaamac Cali, oo ku eedeeyay in doodii golaha ka socotay ay leexiyeen.

Xildhibaanada Axmed Dirir, C/llaahi Ibraahin dhugad, Xirsi Ciise Jaamac, Aadan Shire San-weyne ayaa waxay sidaa ku sheegeen shir jaraa’id Hargeysa.

Ugu horayn Md Axmed Dirir oo shirka ka hadlay waxa uu yidhi “waxay dawladu doonaysaa in muddo kordhin sanada oo qayral sharciya loo kordhiyo, waxa markaa dhacday in doodii la leexiyo oo laga dhigo in korodhsiimo la sameeyo waa mashruuc lagu duminayo distoorkii iyo qaranka, waana jinaasadii lagu aasayay waxaana hogaaminaya abaabulkaasi gudoomiye ku xigeenada Sh Axmed Sh Nuux iyo Siciid Jaamac iyo xaaji Cabdi Waraabe. Waxaanu ummada u sheegaynaa in masiirkoodii la inqlaabay oo aayahoodii lagu duminayo xarunta golaha guurtida ummadu waa inay jiritaankeedii badbaadiso, maamulka maanta joogaa waa mid dalka sharci daro ku qabsanaya”

Md Aadan Shire San-weyne, oo isaguna ka hadalaya arritaas waxa uu yidhi “ qodbka 83aad maanta nooma banaana asbaabtii muddo kordhintana ma hayno gudoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ayaa si khasab ah gudoomiyaha ugu qasbay in Jimcaha la fadhiisto waxaanay midiyo roortaynayaan in muddo kordhin la sameeyo ummaduna ha ogaato in masiirkoodii la kufsanyo maanta”

Md C/llaahi Ibraahin Xirsi (Dhugad) ayaa isaguna waxa uu yidhi “ Golihii gurtida ayaa lagu soo duulay in la baabiiyo Somalilandna waa la doonayaa in la burburiyo maxaanu madaxweyneha u kordhinaa noo imane nagamana soo codsane, muxuu madaxweynuhu ku keenay inaanu shan goor farta ugu kordhino”

Md Xirsi Ciise Jaamac ayaa isaguna yidhi “Maanta dalkii jar buu ka laalaada, waxaana ka laalaadiyey Rayaale ummadana waxaanu u sheegaynaa inaanay masiirkoodii nagu halayn”

Md Maxamed Wali Warsame Cali, ayaa isaguna sheegay in golihii guurtida la inqlaabay xukuumaduna ku soo duushay. 

Dhinaca kale guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo xalay shir jaraa’id ku qabtay ayaa ka digay go’aanka muddo korhdinta ah ee golihiisu u samayn doono madaxweyne Rayaale iyo kuxigeenkiisa inaanu soo afjaray khilaafka siyaasiga ah ee dalka ka jira, isaga oo dhinaca kelna madaxweyne Rayaale iyo xisbigiisa ugu baaqay inaanay kaga gaban xaalada taagan muddo kordhin loo sameeyo ina soo jeediyey inay fuliyaan qodobadii besha caalamku ku soo talo bixisay asaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan idiinku yeedhay inaad baaq iga qabataan baaqaasi oo ku socda Madaxweynaha iyo xisbiga UDUB ee uu guddoomiyaha u yahay waxaan ugu baaqayaa inay fuliyaan heshiiskii iyo tallo bixintii deeqbixiyeyaasha ee sadexda murashax ee axsaabta ay soo gaadhsiiyaan ay fuliyaan. Waxaan leeyahay war saxaafadeed aad soo saarteen waxaad ku sheegteen inaad aqbasheen markaa aqbashe’e fulintiisii ayaa la idinka doonayaa. Labadii xisbi ee kalena way aqbaleen waanay fulinayaan. Waxaan codsanaynaa oo idiinku baaqaynaa inaydaan ku gabban Golaha Guurtida idinka ayaa wax idinka go’aan haddii aad murashaxiintii tihiin.”.