Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2158 September 30,2009                                   Shawal 11,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Muj :C/Laahi Darawal Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Ku Dhawaaqi Doonaan Urur Siyaasadeed, Sheegayna In Rayaale Ka Dambeeyo Dhawaaqa Ka Soo Yeedhay Hogaanka Komishanka

Waxaanu Iska Kaashanaynaa Axsaabta Mucaaridka Siddii Maamulka Meesha Looga Saari Lahaa,Inqilaabkii Wakiiladuna Khatar Buu Ahaa

Hargeysa, September 30, (Haatuf) - Hogaamiyaha Garabka Isbedel Doonka ee Xisbiga UDUB Muj. C/Laahi Xuseen Iimaad (Darawal) ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay ku dhawaaqi doonaan urur siyaasadeed cusub, kaas oo Madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisana si weyn ugu eedeeyay tallaabadii lagu xidhay xarunta wakiilada oo ahayd Inqilaab khatar ah oo ay fashiliyeen shacabku.

Muj. C/Laahi Darawal oo sidoo kale ka hadlay arrimo ku saabsan go’aankii Guurtida ee muddo kordhinta mawduuca ku saabsan badalaada xubnaha Komishanka Doorashooyinka, waxa uu sidaasi ku sheegay Waraysi uu siiyey Wargeyska Haatuf iyo Telefishanka Madaxa Bannaan ee Horn Cable Tv, kuwaas oo kula yeesheen Caasimada Hargeysa, Waraysigaas oo dhinacyo badan taabanayaana waxa uu u dhacay sidan:-

S: sideed u aragtaa siyaasiyan Go’aankii Golaha Guurtidu ay maalintii jimcihii ka soo saareen muddo kordhinta xilka Rayaale iyo ku xigeenkiisa oo aanay wax muddo ah u cayimin kuna saleeyeen doorasho qabsoonta?

J: waxaynu ognahay baryahan-ba in labadii sannadood ee u dambeeyay dalku uu ku wareersanaa wax kordhin la yidhaahdo iyo jahwareer siyaasadeed oo ay masuul ka yihiin maamulka hadda talada haya, arrimaha kordhinta oo dhawr goor oo hore-na aan ka hadlay runtiina ah mid dalka u horseedaya burbur sababtoo ah waxuu dhiiri galinayaa kordhinta, waxay dhiiri galinaysaa madaxweyne kasta kan ha ahaado ama kuwa dambe ha ahaadee in laga tago dastuurka qodobka 88aad ee Term-ka Madaxweynaha siinaya inuu shan sanno yahay oo madaxweyne kastaa kalsooni darro ka dareemay dadkiisa uu helay tab uu ku joogi karo inta uu doono, taasoo keeni karta in marka dambe laga guuraba waxa la yidhaahdo dastuurka.

Arrimahaas oo khatartooda dadka u dhaw dhaw siyaasaduna ay inta badan ka war warsanaayeen go’aankii u dambeeyay maalintii dhawayd oo dadka aad moodo inay fikrado kala duwan ka qaateen ayaan doonayaa inaan in yar ka idhaahdo, waxaanu ognahay dalku inuu u af duubnaa Madaxweyne Rayaale iyo maamulkiisa iyo koox guurtida ka mid ah oo kordhin indho la’aan ah oo bilaa xisaabtan ah had iyo jeer u samaynaysay, horta go’aankan dambe ee imika soo baxay waxaan aaminsanahay inuu labadii kala reebay oo ay dadka ka hadhay Guurti la dhaq dhaqaajiyo oo la yidhaah wax ii kordhiya iyo muddo Guurti ii kordhisay baan haystaa inay dadka ka hadhay.

Dhinaca kale dadkan badan ee aad moodo inay war war san yihiin wakhtigan kale ee cusub ee imika soo baxay horta la yaab ma leh oo waa dad goob joog u ahaa mashaakilaadkii dibu dhacyadii badnaa, khiyaamooyinkii iyo mar marsiiyihii badnaa ee maalin walba maamulku uu samaynayay si uu dib ugu dhigo oo uu wakhtiga Guurtidu u kordhisay uga faa’idaysto markay qarka u saaran tahay-ba uu mashaakil abuuro, dadkaasi la yaab ma leh laakiin waxaan u sheegayaa haddii ay u haystaan iyagu in wax loo kordhiyay waxba looma kordhin baan anigu aamin sanahay, waxa loo kordhiyay doorasho inuu qabto wakhti ay qabsoonto, waxa maanta laga sugayaa ee looga fadhiyaana waa doorasho inuu qabto wax kale oo laga sugayaa ma jirto.

Axsaabta mucaaridka ahna runtii waxaan ku hambalyaynayaa go’aanka adage iyo midnimada ay doorkan muujiyeen oo ay dhici jirtay in mar kasta iyaga laga faa’idaysto oo la kala reebo, midnimadaa iyo wada jirkaa aad ku hawl gasheen ayaana keenay in go’aaankaasi uu maanta yimaado oo kordhintii diyaarka laysaga ahaa ee rag halkan gidaarkan u taagnaa ay meesha ka baxdo waxa markaa runtii wal walka saaraya waxa weeyaan kolba sida ay dadweynuhu ugu soo dhawaadaan siyaasada iyo hawlahan ka socda diyaar garawga doorashooyinka iyo ficilada khaldan ee ka socda ee ka iman kara maamulkan hadda jooga, si ay dadkuna heegan ugu noqdaan oo ay u diyaar garoobaan khaasatan dhalinyarada oo aad moodo mustaqbalkoodii in lagu ciyaarayo, oo maanta Madaxweynihii la doortay shanta sanno uu todoba sanno marayo oo laba sanno ay halkaa wadanka kaga khasaareen, oo wax alla wax la qabtay jirin ee doorasho uun iyo sidii khiyaamooyin doorashada dib loogu dhigo loo samaynayay iyo muran loo abuurayo.

S: waxaad ahayd hogaamiyihii Isbedel Doonka Mudanayaasha UDUB oo shirweynihii UDUB aad ka biyo diiday, intii dambe waxa laydin ku tilmaamaa inaad isbahaysi weyn oo mucaaridka idinka iyo UDHIS, KULMIYE, UCID, oo maalmahan u dambeeyay aad shirar yeelanayseen waxaana laysla dhex maraayay in C/Laahi Darawal uu xisbiga Kulmiye uu isbahaysi la gali doono, Arrimahaasi maxaa ka jira?

J: Horta sida aanu uga tagnay waad ogaydeen oo sidaa wadanka in loo burburiyo loo doonayo ayaa horta xisbigii UDUB loo bur buriyay iyadoo sidaa loo daawanayo oo uu noqday xisbi uu qof iska leeyahay.

Annagu rag badan ayaanu nahay runtii meelna kumaanu biirin laakiin waanu is urursanay oo waxaanu doonaynaa mustaqbalka inaanu Urur Siyaasadeed Samaysano laakiin Ururada kale iyo xisbiyada waxa naga dhaxeeya sidii maamulka imika jooga ee meel alliyo meel uu wadanka u wadaa aanay jirin ee mugdiga galiyay dalka ee doonaya inaanuu doorashana qaban ee uu iska fadhiyo inaanu kala hawl galno sidii meesha looga saari lahaa markaa hawlaha aanu iska kaashanaynaa waxa weeyaan hawlaha caynkaasa ee lagaga hortagayo.

S: Goorma ayaad ku dhawaaqi doontaan Ururkaa cusub ee aad sheegtay, suurta gal se ma tahay inaad KULMIYE iskaashi la samaysaan oo ku biirtaan, bal taa faafaahin ka bixi?

J: horta annagu waanu leenahay meel aanu isugu nimaadno ku kulano iyo xafiisyo sharcigii ururkana waanu dhamaynay waxaan u malaynayaa waxaanu sugaynay uun bal mugdigan siyaasadeed ee la keenay si uu jiho u samaysto oo uu meel afka u saaro, imika tobanka cisho ee u horeeya ee soo socda waxaan filayaa inaan magacii Ururka uun isku raacno ka dibna aanu ku dhawaaqno, iskaashi waa la galaynaa, iskaashiga aanu la galaynaa waxa weeye inaanu taageero iyo Vote-kayaga siino isaguna hadhaw Ururada Furo.

S: waxaad sheegtay inaan Rayaale Golaha Guurtidu muddo u kordhin balse u kordhiyay muddo doorasho lagu qabto, Dastuurkeenu waxa uu sheegayaa in Madaxweynuhu Shan sanno xilkiisu yahay haddii xataa Guurtidu kordhinayso lix bilood ama sannad wakhtigay ka bilaabmayso muddo kordhinayso iyo wakhtiga ay ku dhamaanayso ay lahaan jirtay, doorkan waxay yidhaahdeen markay doorasho dhacdo uun bay ku xidhnaan doontaa, ma la odhan karaa taasi qalalaase ayaa ka iman kara hadhaw?

J: qasab wuu ka imanayaa haddii sida ay tahay loo wadi waayo, waxa laga yaabaa iyagu inay ku faraxsan yihiin wakhti ma leh laakiin axsaabta mucaaridka ah, beesha caalamka iyo dadweynuhuba waxay sugayaan waa doorasho uun, doorashadaa haddii lagu qaban waayo muddo kooban saddex bilood aan ka badnayn waxa weeye macneheedu waan iska haysanayaa dabadeed sidii looga hor tagayay ayaa laga tashanayaa, waanay sahlan tahay sida looga hortagayo.

S: sideed u aragtaa tallaabadii ay xukuumadu dhawaan kula wareegtay xaruuntii Golaha Wakiilada Ka dib markii uu buuq ka dhex aloosmay muxaafidka iyo mucaaridka?

J: horta tallaabadaasi waxay ahayd inqilaab khatar ah haddii aanay shacabku ka gadoodina maanta Golaha Baarlamaanku ma jireen, shacbigaa se ka hor tagay oo ka dhiidhiyay inqilaabkaa ciidanku xukuumadu ku qaaday Golahii sharci dajinta, Ciidamadana waxaanu u sheegaynaa inaan loo adeegsan laynta shacbiga cashuurta mushaharkooda loo siiyo bixiya, sidaa darteed jawaabtii shacabka ayaa Rayaale runta u sheegtay.

S: Magaca aad u bixinayso Urur kina Siyaasadeed ma noo sheegi kartaa?

J: horta magacyo door ah ayaa laysla soo qaatay in loo bixiyo, balse se wali si rasmiya layskuma raacin magaca la qaadanayo ee todobaadkan soo socda ayaanu si rasmiya uga go’aan qaadanaynaa?

S: maxaad ku xusuusan kartaa mudadii aad Rayaale la shaqaynaysay iyo xaaladaha maanta oogan?

J: anigu iyadoo aanay dhamaan mudadiisii shanta sano ayaan maamulka ka tagay, labadii sanno ee aan ka maqnaa way isku kay xidhay mar waxaan is idhaahdaa malaa waxa uu doonayaa inuu is gaadhsiiyo doorashada wakiilada haddana waxaba dhici karta Sheekh Shariifkii ay yidhaahdeen waanu la jaan qaadaynaa in waxa socdaa ku xidhan yihiin, haddana lafteedu waxaan samayn karnaa gil gilasho komishan-kaa dhawaaqay, waxaan aamin sanahay inuu isagu yidhi dhawaaqa oo dhaha nala ma badali karo, sababtu waxa weeye waa masaakiin oo shalay buu ku yidhi diiwaan galintii laala oo ay tuureen, imikuu diiwaan galintii ku soo noqday markii caalamku ka hor yimaadeen baritana waxaan hubaa inuu isagu ka seexanayo.