Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2158 September 30,2009                                   Shawal 11,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Faaqidaada Asbaabta Biyo Qaybin Xumada Ee Caasimada

Waraaqdii Ay Guddi Heer Sare Ah Oo Wakaalada Ka Socota Ay Ku Go’aamisay In La Saaro Kaaga Xaafada Aw-Aadan Biyaha Ka Xidhay Ee Uu Jabiyay Axmed Casoowe

Hargeysa, September 30, 2009 (Haatuf) - Mid ka mid ah arrimaha uu war-war keedu hayo dad tiro badan oo ku nool caasimada Hargeysa ayaa ah dhibta biyo la’aanta, taasoo ka mid ah arrimaha asaasiga ee ay noloshu ku tiirsan tahay, haddaba wargeyska Haatuf isagoo ka duulaya waajibaadkiisa suxufinimo ee ah soo bandhigida xaqiiqada inta aanu ka gaadhi karno ayaa barnaamijkan si taxana ah idin ku soo gudbinaynaa  asbaabta Biyo qaybin xumada ee haysata caasimada, taasoo kaliftay in qaybo ka mid ah caasimada aanay biyuhu ka go’in habeen iyo maalin halka qaybo kale oo caasimada ka mid ah aanay wax biyo ah helin.

Sidaa daraadeed waxa aanu xog waraysiyo la yeelanay dadwaynaha ku dhaqan xaafadaha ay ka jiraan biyo la’aan si aanu u helno sababta ay dadweynaha caadiga ahi ku sababaynayaan biyo qaybin xumada ka jirta caasimada xaafado ka mid ah, anagoo ku rajo weyn inay noo suura gasho in aanu la xidhiidhno Masuuliyiinta wakaalada biyaha si aanu wax uga waydiinu rayiyada aanu dadweynaha ka soo qaadnay ee aanu ku bandhigi doono barnaamijkan.

Ugu horeyn waxa aanu ka bilawnay Xaafada Aw-Aadan taasoo ka mid ah xaafadaha ay biyo la’aantu daashatay, iyadoo aanu xaafadaasi booqanay oo aanu kulamo la yeelanay dhinacyadeeda kala duwan, taasoo aanu idin ka soo tabin doono waraysiyadaasi, anagoo waydiininay sababta ay u aanaynayaan biyo la’aanta baahsan ee haysata, waxa aanu barnaamijkan ku bilaabaynaa waraysi koobaya afkaarta ka dhex guuxaysay dadweynaha xaafadaasi, taasoo aanu la yeelanay C/Qaadir Xaaji C/Raxmaan kaas oo ka mid ah dadweynaha xaafadaasi, waxa aanu ugu horeyn waydiinay xaalada Biyaha xaafada wuxuuna ku jawaabay “ xaafadu guud ahaan waa biyo la’aan, xitaa haddaad doontid inaad hubsataan si fudud ayaad u ogaan kartaan, xitaa masuuliyiinta wakaalada ayaa og biyo la’aanta aan ka waramaayo”.

S: Maxaad u malaynaysaa sababta biyo la’aantaasi?

J: sababta biyo yaraanta haysata guud ahaan caasimada waxa weeye iyadoo aan la samaysan ilo kale oo biyaha u keena caasimada marka laga yimaado tii uu shiinuhu sameeyay sideetamaadkii qarnigii hore, laakiin haddii su’aashu tahay waa maxay sababta ay xaafada Aw-Aadan iyo xaafadaha la midka ah ay u heli waayaan biyo wanaagsan oo la mid ah biyaha xaafadaha kale arrintaasi masuuliyadeeda koowaad waxa iska leh masuulka biyo qaybinta u qaabilsan wakaalada Biyaha Axmed Casoowe.

S: Maxaad u malaynaysaa sababta ku kalifaysa masuul sare oo qaranka u shaqeeya inuu idin ka galo dambi noocaas oo kale ah oo uu idin ka xidho biyo aad xaq u leedihiin?

J: dee waxa jira xaafado kale oo siiya lacag badan.

S: arrinkaasi wax cadaymaa ma u haysaa?

J: adeer qof weyn ayaan ahay wax aanan cadayn u haynin iskagama hadli karo, markaa ninka la yidhaahdo Axmed Casoowe ee haysta biyo qaybinta wakaalada waxa igu maqaala ah inuu qaar ka mid ah xubnaha gudida xaafada ku yidhi “ hadaad doonaysaan biyo wanaagsan kun dollar iska bixiya”, sidoo kale waxa uu illaa hadda sida aan maqlay ka qaaday odayaasha xaafada dhawr boqol oo dollar, sidoo kale waxa lagu marti qaaday xafiiska guud ee xaafada oo wuxuu in badan hadalka ku sarbeebaayay sida lay sheegay inay xaafadaha kale ay bixiyaan lacago badan annana lanooga baahan yahay sidaasoo kale, xaqiiqdii ma doonayn inaan sirahaasoo dhan soo faqo laakiin waxa igu kalifay su’aashaadan ah cadaymo ma haysaa.

S: maxaad masuuliyada biyo qaybin xumada aad ugu koobaysaa Masuulka wakaalada u qaabilsan biyo qaybinta Axmed Casoowe, miyaanay jirin madax ka saraysa sida Maareeyaha iyo ku xigeenkiisa iyo Engineerka guud?

J: waa su’aal meesha taalla, maalintii aanu Axmed Casoowe ku soo marti qaaday xafiiska guud ee xaafada isaga iyo Engineerka guud, waxa uu madashaasi sida lay sheegay ka yidhi ina casoowe in isagu uu ka adag yahay Maareeyaha iyo Engineerka laftiisa, taasina waxa kuu cadaynaysa waraaq aan idin siin doono haddaad doontaan oo aan ka helay qaar ka mid dadka xaafada, taasoo ah go’aan ay gudi ahaan ku gaadheen madaxda farsamo ee wakaalada in la saaro kaag aan farsamo ahaan loo baahnayn isla markaana aan ku jirin qorshaha biyo qaybinta xaafada, kaasoo ay ku saxeexan yihiin Engineerka guud iyo madaxa farsamada iyo Agaasimaha farsamada, iyadoo ka dib markay waraaqdaasi soo saareen la saaray kaagaasi, muddo yar dabadeed ayaa ninka la yidhaahdo ina casoowe uu kaligii ku celiyay kaagaasi, oo isagu kaagaa celintiisa waxa uu uga dan leeyahay sida aan isleeyahay waxay tahay inuu doonayo inay xaafadu mar kasta ay isaga u baahnaato oo ay ku qanciso lacag, isagoo ku farxaya inay xaafadu mushahar go’an ka helo, markaanu masuuliyiintii kale weydiinay waxay noo sheegeen inuu arrinkaasi gaar ku yahay ina casoowe oo kaliya, markaa waxa aanay masuuliyada biyo qaybin xumada aanay cidna ula qaybsanayn waxay tahay iyadoo ninkaasi aanay jirin cid ka saraysa oo wax weydiin karta sida uu isaga laftiisu noo sheegay, markaa waxaan u sheegayaa Maareeyaha Wakaalada oo ah nin Ilaahay yaqaan oo naxariis ka muuqato inuu u soo gurmado xaafada, iyadoo dadweynaha xaafada laga dhaadhiciyay in Maareeyihii hore ee Cali Asad uu isagu kaligii danayn jiray biyaha xaafada, iyagoo aaminsan in biyo ay ugu dambaysay wakhtigii Cali Asad, taasoo laga dhaadhiciyay in Maareeyahan wakhtigan jooga inaanuu doonayn inuu xaafada wax biyo ah siiyo  La Soco…