Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2159 October 01,2009                                   Shawal 12,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

 Guddoomiyaha Gabiley Oo Sheegay In La Furay Jaamacadii Gobolka

Hargeysa September 31, 2009 (Haatuf) - Guddoomiyaha gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) ayaa sheegay in si toosa loo gaadhay xilligii la furi lahaa Jaamacada Gabiley, taas oo uu sheegay in baahi weyn gobolku u qabay islamarkaana wax weyn ka tari doonta waxbarashada gobolka iyo guud ahaanba dalka Somaliland.

Mr Xabiib waxa uu sheegay in ardayda ka soo baxda dugsiyada sare ee gobolka Gabiley ay inta awoodi karta jaamacado ay u tagi jireen Hargeysa Boorame iyo Burco, taas oo kalifi jirtay in qoysas badani ay ka guuraan magaalada kuna soo hadhaan qoysas aan iyagu dhaqaale haysan iyo arday jaamacadihiina ka hadhay shaqo kalena aan hayn.

Gudoomiyuhu waxa uu sidaa ku sheegay shir saxaafadeed uu shalay ku qabtay xafiiskiisa Gabiley.

Isaga oo ka hadlaya furitaanka Jaamacada iyo arrimaha ku xeeran waxa uu yidhi “Maanta waa ku dhawaaqistii Jaamacada Gabiley laga furi lahaa iyo wakhtigii diiwaangelinta ardayda bilaabmi lahayd. Sida aad la wada socotaan gobolkani waa mid ay dadkiisu aad badan yahay gaar ahaan dhalinyarada ayaa u sii badan, waxa weeye ardayda maanta Gobolkan tiradoodu waxay ku dhowdahay shan iyo toban kun. Markaa gobolka waxa ku yaala afar dugsi sare (Secondary School) kuna kala yaala Gabiley, Tog Wajaale, Alaybaday iyo Arabsiyo, intaasba waxa ka soo baxda arday, ardaydaasi waxay u kala qaybsamaan jaamacadaha burco, Hargeysa iyo Boorame iyo qaar suuqyada iska jooga oo waxbarashadoodii sii wadan karin shaqana aan helin 20% baan odhan karaa ayay dadku awoodaan ianay waxbarashada ka bixiyaan, kuwaasina way ka guuraanba magaalada, markaa saddexdii sanno ee u danbeeyayba 450 qoys ayaa ka guuray, taasina waxay sababaysaa in ardayda intaa leegi meeshay ka soo baxaysay oo bilaa jaamacad ah meeshiina ay tahay gobol oo Gabileyna Caasimadii tahay dee in laga wada guro oo ay isugu soo hadhaan dadkii aan waxba haysan iyo arday aan rajo lahayn. Waxaanu ku dadaalay in Jamacada la furo  muddo sanad ku dhow ayaa Jaamacadan hawsheedu socotay, Jaamacadani hada ma dhamaystirna waa bilow hase yeeshee waxaanu ku talo galay iyadoo dhismuhu socdo waxbarashaduna socoto, markaa haddii Alle qadaro waxaanu ku talo jirnaqa bisha Oktoobar  15keeda in diwaangelinta ardaydu bilaabanto November-na ay waxbarashada jaamacadu bilaabanto” sidaas ayuu yidhi Mr Xabiib, waxanu intaa ku daray “waxaan baaq u dirayaa dadkii reer Gabiley ee dibad iyo gudaba kala joogay gaar ahaan qurbo jooga doonaya inay ka qayb qataan Jaamacada ee ballanqaadka sameeyay in iyaguna wixii ay tari karaan maanta jaamacadii ay bilaabmayso, oo loo baahan yahay wixii qaadhaan ay ugu deeqayaan iyo wixii ay jaamacada ku soo tari karaanba waa looga fadhiyaa” Sidaas ayuu yidhi gudoomiyaha Gobolka Gabiley.

Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka Gabiley waxa uu shalay dhar iyo qalabka ciyaaraha gudoonsiiyay xarunta caruurta agoomaha Gabiley, qalabkaasi oo ay soo dirtay muwaadinad reer Somaliland ah oo layidhaahdo Faadumo Muxumed Xasan, isla markaana Abaheed Muxumed Xasan uu wakiil ka ahaa oo ay ku soo hagaajisay alaabta, waxana uu gudoomiyuhu mahadnaq u diray gabadhaasi ku fikirtay dadkeeda caruurta yaryar wax u soo tarto, isaga oo ku bogaadiyay inay halkaa ka sii wado.