|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2159 | October 01,2009 Shawal 12,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Xubno Ka Tirsan Masuulyiinta Kulmiye Ee Awdal Iyo Hogaanka Sare Ee Xisbigaasi Oo Isku Afgaran Waayey Hadal Wadajir Ay Boorama Uga Soo Saari Lahaayeen Boorama, October 1, 2009 (Haatuf0 -- Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye Gobolka Awdal iyo xubno ka tirsan hogaanka sare ee xisbigaasi ayaa shalay ku kala tegay hadal wadajir ah oo ay Boorama uga soo saari lahaayeen oo la tuhunsan yahay inuu ku saabsanaa marxaladda siyaasadeed ee dalku galay kadib heshiiskii dhinacyada siyaasadda Somaliland isku hayaa aqbaleen. Sida warku sheegayaan musharaxa xisbiga Kulmiye ee mansabka Madaxweyne ku xigeenka, C/raxmaan Saylci iyo masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal iyo xubno ka tirsan Golaha dhexe ee xisbigaasi ee kasoo jeeda Gobolka Awdal ayaa shalay u ballansanaa shir jaraaid oo ay doraad ku wargeliyeen saxaafadda, hase yeeshee shirkaasi jaraa’id ayaa baaqday kadib markii sida la sheegay ay xubnahaasi isku afgaran waayeen nuxurkiisa iyo qaabka loo dhigayo. Inkastoo aanay dhinacayada isku khilaafay warkani wax hadal ah kasoo saarin, balse wararku dhawdhaw xarunta maamulka xisbigaasi ee gobolka ayaa sheegayo in Ismaaciil Muumin Aare iyo xubno ka tirsan maamulka xisbigaasi ee gobolku diideen inay ka hadlaan shirkaasi kadib markii loogu sheegay in ujeedadiisu tahay taageero la taageerayo go'aankii Golaha guurtida iyo Beesha caalamka, iyadoo sida la sheegayo uu Ismaciil Muumin Aare, kana tirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga Kulmiye gobolka Awdal uu hadalkaasi ku tilmaamay mid aan macno lahayn, xaflad UDUB qabatayna ku filantahay gobolka, sidaa darteedna aan loo baahnayn xisbi kastaaba keligii go'aankaasi gooni u taageero una egyahay uun ku dayasho lagu dayanayo xafladdii UDUB u qabatay taageerada go'aankaasi ,sidaa darteedna anu wax macno ah lahayn haddii anay jirin siyaasad cusub ,iyo arrimo cusub oo arrimno kale lagaga hadlayo,isagooa dhinaca kalena la sheegeyo in Ismaaciil Muumin Aare maamulka xisbiga ee gobolka ku dhaliilay itaaldarada , dhaqaaledarro hadhaysay xarunta xisbigaasi oo sababtay in hawlihii xisbigaasi ee gobolku fadhiistaan ,sidaa darteedna an loo baahnayn in meel madhan dadka loogu yeedhyeedho . Hadalka Ismaaciil Muumin aare , iyo xubn o kale oo tirsan masuulyiinta xisbigaasi ee gobolka ,ayaa la sheegeyaa inuu kaga cahdyasiiyeen musharraxa xisbigaasi ee mansabka madaxweynekuxigeenka ,taasina aya keentay in Saylici cadho kagasoao kictimo Boorama unasooa baqoolo dhinaca Hargeysa . Inkastoo anay jirin warar rasmi ah oo arrintan laga soo saaray ,waxase iska caddaan ah in waayadanba masuulyiinta xisbigaasi ee gobolka iyo saraakiisha sarsare ee xisbigaasi ka sjoogta Hargeysa ad moodaysay inaysan wax xidhiidha ah lahayn,taasina ay sababtay inaan Boorama laga dareemin dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee xisbiga Kulmiye tan iyo markii ay ciidamada Dawladdu xarunta Xisbigaasi ee Boorama ku cabudhiyeen isusoobax loola dan lahaa in lagu taageero mawqifyadii adkaa ee xisnbiyada mucaaradku ka qaateen xukuumadda \Rayaale muddo haatan laga joogo laba bilood ku dhawaad . |