Home | Contact Us | Links | Archives |
ISSUE 2160 | October 02,2009 Shawal 13,1430H | |
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Joog Iyo Jacayl Waa Sheeko Xiiso Leh, Oo Xambaarsan Farxad, Murugo Iyo Waayo-Kala Duwan !!! Oo Dhexmartay Wiil Iyo Gabadh Soomaaliyeed Qaybtii: 1aad C/Llaahi Xasan Budul Aalaala erayga jacayl marka ay dheguhu maqlaan dadka qaarba si bay u macnaystaan laf ahaantiisa waynu wada garanaynaa oo waxay iska soo horjeedaan ama cakis u yahay erayo kale sida nacayb iyo kuwo kale. Hadaba marka la soo qado erayga jacayl afka soomaaliga suugaantiisa kala duwan meelo badan buu kaga soo arooraa qisas ama dhacdooyin mahadho raabey oo taariikhda galay ayaad ka daawan karaysaa masalan heesaha Somaalida ee ilaa soo taxnaa casirigii Kamanka inoogu horaysay la qaaday kuwa loo yaqaano jacaylka magacyo kale heeshaasi ha lahaadeen waxa baydadkooda ku soo noqoqda erayga jacayl tusaale ahaa aan soo qaadano “Waa halis jacayl oo waa hilaac ku marayoo, waa hawaa’i lalayoo”.... oo iska soo horjeeda uu leeyahay waan ku jeclahay gabadh-yahay midna leeyahay anigu ku dooni maayo iwm, gabdhuhuna sidoo kale. Maansooyinka kala duwan erayga jacayl aad bay uga hadlaan ama markaa qiso dhab u dhacday ha ahaato ama si kaleba ha ahaatee eraygaas jacayl waa badweyn suugaanta Soomaalida ka buuxa. Hadaba aan u soo daadegno qisadan oo aad u xiiso badan waa qiso jacayl dhex maray wiil iyo gabadh Soomaaliyeed oo da’yar ah islmarkaana ay la soo darseen duruufo iyo waayo kala duwan kuna xeernaa ilaa isbarashadoodii ilaa xilligii ay jacaylkooda jaanta isula heleen uu hano-qaaday. Hibo waxay ahayd gabadh da’yar ah oo ka soo jeeda laba waalid hooyo iyo Aabo wacan sharaf iyo maamuusna huwan islamarkaana si fiican u koriyey kuna soo barbaartay dhaqan Asluub iyo edaab hufan, Hibo waxay dhalatay uun xilligii halgankii ee sideetamaadkii qiyaastii 1987 kii, iyada oo caruur ah ayay u qaxeen Itoobiya, balse ku soo noqodkii dalka ayaa waxa la geeyay waxbarasho qur’aanka ah ka dibna waxa lagu daray iskuulka, waxay ahayd qofyar oo aad u caqli badan horena wax u fahmi og- waxbarashada aad ugu wanaagsan gaar ahaan xisaabta, taariikhda iyo qaybo ka mid ah sayniska. Hibo Ilaahay waxa uu huwiyay quruxi iskuma jirto’e haddii ifka xuurul-cayni jiri lahayd qofka kowaad bay noqon lahayd, waxa qurux ku shaqlanaa dhan kasta oo aad ka eegto xubnaheeda meel aad diido ma lahayn, oo indhihii daymoodaa kamay soo boodayn, balse way ku hakanayeen, waxay ahayd qof xishood badan marka ay meel socoto horteeda mooyee baala daymada ma lahayn inta badana waxaad moodaysaa inay dhulka eegayso, malayacni guriga ugamay soo bixi jirin iska soo warwareeg oo kolba gabadh u tag oo meelahaa soo meerayso way ka weynayd sheekadeedu. Hooyadeed iyo aabaheedba waxay la daba taagnaayeen sidii inantoodu waxbarashada uga sal gaadhi lahayd waxkasta oo ay u baahato way u keeni jireen, iyaduna waxay ahayd qof waalidkeed u dhego nugul oo aan hadal ku celin jirin hadal wanaagsan oo naxariis leh mooyee qalbiga ayay uga ducayn jireen mar walba. Goor galab ahayd cirku sagal ka muuqday subaxdiina uu dhulka roob waxtar lihi ka da’ay oo maansheeyay arlada, todobaadyadii tagayna uu aad u roobanaa dhulku, oo ciidda maydhani Maxamuudi u eeg-tahay, codadka shimbiraha kala caynba caynka ahi ku heesayaan ay dhegahaaga sifaynayaan, oo neecawda dhacaysaa naxariiis rabi kugu reebaysa ayaa Hibo iyo ardaydii waxay u soo dareereen nusaacihii Iskuulka waxay dhigata oo isla sanadkaa ay u soo gudubtay Fasalka 1aad ee dugsiga sare ee Aagaama-Jiite, C/raxmaan yare waa wiil sidoo kale dahqan iyo akhlaaq la daris ah islamarkaana dhinaca waxbarashada aad ugu wanaagsan, ardaydii saddex saddex iyo laba laba ayaa agagaarka iskuulka ay ku dhowdhow yihiin iyaga oo neecawdaa wanaagsan ee dhacaysa geedaha iyo burciida nadiifta ah fadhiya ayaa C/raxmaan yare uu mar qudha Isha la helay daa’uus la moodan yar ee Hibo, kuye goor uu ku dhaqaaqayba ismuu garanayn balse dareenkiisa waxa ilbidhiqsigiiba sida magnadka u soo jiitay quruxda iyo isu dheelitirnaanta uu Ilaahay ku manaysatay Hibo-yar “Salaamu Calaykum walaal ii waran”… “Calaykuma salaam” . Ka dib iyada oo Hibo xishood badani ka muuqdo sidii caadada u ahaydna dhulka eegaysa laakiin mar-mar hoosta isha kaga yara xadaysa C/raxmaan, ayaa Yidhi “oo walaal waxaan ku weydiiyey ma ardaydii sanadka soo gashay baad tahay” kolkaasay ugu jawaabtay iyada oo hadal dabacsani dibnaheeda ka soo baxayo “haa walaal sanadka ayaan soo galay dugsiga” “oo Magacaa” waxa la i yidhaahdaa bay tidhi “Hibo” anigana C/raxmaan baa la i yidhaadaa buu yidhi oo waxaan ka mid ahay ardayda fasalada 4aad ee dugsigan dhigta. Intaa ka dib way iska sii wada sheekaysteen, iyaga oo hadalkoodu u badnaa isbarasho, inyar ka diba waxa dhacay jalaskii oo xagii galaasyada ayay ardaydii kala u so dhaqaaqeen, balse alla barasho wacanaa ayaa u bilaabantay iyo ballamo ay aad isugu adkeeyeen xilliyada nusaaca iskuulka la galo in ay is arkaan si sheekadooda halkaa uga sii wataan, waxaana durba bilow u ah labadoodaba dookh ahaan marka loo eego inay iska heleen oo qadarkii yaraa ee ay isgarab joogeen hadalada yaryarina dhexmarayeen oo sheekaysanayeen qofna qof wax diidmo umuu muujinaynayn oo aad moodo inay doonayaan sheekada oo u sii socota oo waxayba degdeg u arkeen jalaskii dhacay oo ay u qaadan waayeen. Galabnimadani waxay C/raxmaan u ahayd maalin si ugu weynayd islamarkaana u arkayay kulanka isaga iyo gabadhan aanay hore isu aqoon balse imika ay is barasho bilow u tahay uu aad isugu qanciyay inay isbarasho hor leh yeeshaan, halkaana ka sii wado barahada gabadhan yar ee naftiisu durba u bogtay. C/raxmaan habeenkii xilligii hurdada uu qolkiisa galay sariirta ayuu muddo rafanayay oo kolba dhinac isu rogayay oo uu ku soo qaadi waayay inuu gam’o saddex saacadood kolkuu hadba dhinac dhigayay ayuu aakhirkii isaga oo sidii wax daalan ah uu seexday, intii aanu gam’in hurdada waxa qalbigiisa ku leexaysanaysay Hibo, kolba waxa uu is daawadsiinayay caynkay ahayd iyo hadal dabacsaanta shacniga, nuurka iyo ixtiraamka ku xeernaa, waxay cajaladiisu kolba dib u soo celinaysay muuqaalkii gabadha iyo hadal macaankeedii akhlaaqda ku dheehnaa…. La Soco……. |