|
Home | Contact Us | Links | Archives |
| ISSUE 2161 | October 04,2009 Shawal 15,1430H | |
|
Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed Ku Saabsan Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo
Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009 Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay
|
Madaweyne Rayaale Iyo Guddoomiyeyaasha Mucaaridka Oo Maanta Qalinka Ku Duugi Doona Saxeexa Kala Dirida Guddida Doorashada Iyo Magacaabida Komishanka Cusub Hargeysa October 4, 2009 (Haatuf) -Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo guddoomiyeyaasha labada xisbi Mucaarid KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) iyo UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maanta la filayaa kulan ay isugu iman doonaan Madaxtooyada, kaas oo si wadajir ah ay ugu saxeexi doonaan heshiiskii ay khamiistii todobaadkii hore iskula qaateen in la bedelo dhamaanba todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka lana soo magacaabo Komishan cusub. Kulankan maanta la filayo inuu ku qabsoomo Madaxtooyada ayaa la sheegay inuu goob-joog ka noqon doono wakiilka dawladda Itoobiya Mr. Mulugete Zowda, kaas oo beesha caalamka uga wakiil ahaa saxeexa heshiiska lixda qodob ee beesha caalamku ku bakhtiisay khilaafkii cakirnaa. Waxaanay ilo xogogaal ahi noo sheegeen in kulankaas Madaxweyne Rayaale iyo hogaamiyeyaasha Axsaabta mucaaridka ay si kama dambaysa ugu wada saxeexi doonaan mawqifka ay ka qaateen bedelaada Komishanka iyo soo magacaabida Komishanka cusub, kaas oo qoraalka ay saxeexi doonaana ay u gudbin doonaan golaha wakiilada, si golaha wakiiladuna markaasi ay waajibaadkooda sharci ee ka saaran xilka xayuubinta xubnaha Komishanka ay g’aano uga gaadhaan xubnaha komishanka cusub ee ay soo magacaabi doonaana ee waajibaadkooda ansixinta ka gudan doonaan. Qodobkan bedelaada komishanka ayaa ka mid ahaa heshiiskii lixda qodob ee beesha caalamku ay kusoo afjartay khilaafkii adkaa ee ka dhashay dib u dhaca doorashada Madaxtooyada, hase yeeshee ay hogaamiyeyaasha saddexda xisbi qaran wada saxeexeen Document-ga heshiiskaas, kaas oo gudagalka qodobkaasi bedelaada komishanka ay maanta si rasmiya u wada saxeexi doonaan, iyadoo wakhtigan xaadirka ahna ay maalintii shalay iscasileen laba xubnood oo komishanka doorashooyinka, balse waxaan ilaa hada iyagu wax iscasilaada gaadhin shanta xubnood ee kale oo la sheegay inay wali ka dhursugayaan natiijada ka soo bixi doonta kulanka maanta la filayo in Madaxweyne iyo Madaxda Xisbiyada mucaaridka ku dhex maro Madaxtooyada. |