Haatuf News

Home | Contact Us | LinksArchives

ISSUE 2161 October 04,2009                                   Shawal 15,1430H

Boqolaal Tahriibayaal Ah Oo Ku Qaraqmay Xeebaha Liibiya Iyo Dareenka Cabsida Leh Ee Dhalinyarada Reer Somaliland Ee Ku Qulqulaya Dalalka Waqooyiga Afrika

Kulmiye oo cadeeyey mawqifkiisa ku aadan muddo kordhinta ay Guurtidu u samaysay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Madaxweyne Obama Oo Socdaalkiisii U Horeeyay Ku Tegay Qaaradda Yurub

Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Iyo Tirada 29 Ma Faal Baa U Qabtay

Koox Suxufiyiin Ah Oo Dhamaystay Tababar Aqooneed  Ku Saabsan  Xalinta Khilaafaadka Iyo Nabada  

Sirdoonka Iyo Habka Uu U Shaqeeyo

 

Safarkaygii Somaliland Iyo Wixii Aan Ku Soo Arkay 2008-2009

Dhalinyaradu Marnaba Ma Ogola Odayaal Korkooda Ku Legdama, Lumiyana Mustaqbalkooda

Dawladdu Xayaysiiska Caano Boodhaha Iyo Maraq Digaaga Ha iska Dayso

Wadooyin Ay Iska Kaashadeen Dawladda Hoose Iyo Dadka Ku Nool Degmada 26 June Oo Wasiirka Daakhiligu Xadhiga Ka Jooyey

Roobabkii Xilliga Guga Oo Ka Curtay Somaliland

Wakiiladda Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyey Miisaaniyadda 2009, Laba Bilood Oo Fasax Ahna Galay

 

Xubnaha Loolanka Musharaxnimo Ugu Jira Komishanka Doorashooyinka, Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan Iyo Kuwa Sii-Yuurura

Hargeysa October 4, 2009 (Haatuf) - Saddexda xisbi Qaran ee UDUB Kulmiye iyo UCID oo mabdi’iyan isla qaatay in la bedelo todobada xubnood ee Komishanka doorashooyinka Qaranka ayaan ilaa hadda Madaxweyne Rayaale golaha wakiilada u gudbinin eeda todobada xubnood ee Komishanka oo sidda sharciga Komishanka doorashooyinku dhigayo marka xubnaha Komishanka lasoo eedeeyo in Madaxweynuhu usoo gudbiyo golaha wakilada isagoo soo raacinaya asbaabta uu u cuskaday shaqo ka erigooda markaasi wakiiladuna ay codka kalsoonida ugu qaadaan ansixinta ogolaanshaha iyo diidmada xil ka xayuubintooda.

Hase yeeshee todobada xubnood ee Komishanka oo axsaabtu isla qaadatay in la bedelo, ayaa shalay laba xubnood oo ka mid guddida doorashooyinku si rasmiya ugu dhawaaqeen iscasilaada xubinimadii Komishanka Doorashooyinka, kuwaas oo kala ah wakiilkii xisbiga UCID Khadar Maxamed Guuleed iyo Ismaaciil Muuse Nuur oo ka mid ah labadii xubnood ee Golaha guurtidu soo magacaabay, ayaa is-casilaadooda ku sababeeyey fududaynta go’aamada ay Axsaabtu  isla gaadheen in labedelo dhamaanba todobadooda xubnood ee Komishanka doorashooyinka, balse shantii xubnood ee kale ee Komishanka ayaan iyagu wax macluumaad ah ka bixinin iscasilaad mustaqbalka xubinimadooda komishanka doorashooyinka qaranka ay kaga tirsanaayeen.

Heshiiskii lixda qodob ahaa ee beesha caalamku ku soo afjartay khilaafkii ka dhashay dib u dhaca doorashada madaxtooyada oo Madaxweyne Rayaale iyo hogaamiyeyaasha Axsaabta mucaaridkuna wada saxeexeen heshiiskaasi oo qodob ka mid ahi qeexayo in la bedelo xubnaha komishanka doorashooyinka lana sheegay in saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo UDUB ay isku raaceen in gebi ahaantoodba la bedelo lana soo dhiso Komishan doorashooyin oo cusub, kaas oo ilaa iyo hadda Madaxweyne Rayaale aanu si rasmiya u soo saarin digreetadii iyo asbaabtii wakiiladu u cuskan lahaayeen xil ka xayuubinta Komishanka doorashooyinka oo sharciga Komishankuna dhigayo marka la soo eedeeyo xubnaha Komishanka doorashooyinka inuu Madaxweynuhuna golaha wakiilada u gudbiyo si ay xasaaanada uga qaadaan, balse shanta xubnood ee Komishanka doorashooyinka ee aan wali iyagu iscasilin ayaa saddex ka mid ahi oo kala ah guddoomiyaha Jaamac Maxamuud Cumar (Sweden), Maxmamed Yuusuf Axmed iyo Maxame Ismaaciil Kabo-wayne ay yihiin saddexda xubnood ee Rayaale soo magacaabay halka ay Cali C/llaah Biikolo, uu isaguna yahay xubinta Kulmiye soo magacaabay iyo Xasan Cumar Hoori oo isaguna ah xubinta guurtidu soo magacaabeen, kuwaas oo aan ilaa hadda si rasmiya loo ogayn mawqifka ay ka taagan yihiin heshiiska ay saddexda xisbi ku gaadheen in la bedelo dhamaanba Komishankooda doorashooyinka.

Inkasta oo madaxweyne Rayaale uu ku laalan yahay asbaabtii xill ka eriga Komishanka ay u cuskan lahaayeen wakiiladu xill ka qaadista xubnahaasi komishanka hadana waxa isa soo taraya warar la xidhiidha shaqsiyaad u loolamaya musharaxnimada komishanka doorashooyinka oo la soo magacaabi doono, iyadoo aan wali xil ka xayuubin aan lagu samayn komishankii doorashooyinka ee hore, waxaana ka mid ah magacyada iyo xubnaha la isla dhex marayo ee komishanka kaambaynka ugu jira saddexda xubnood ee madaxweynuhu soo magacaabo ayaa waxay tibaaxuhu sheegayaan in xubnahaasi ay ka mid yihiin, Kayse Liifad oo la sheegay inuu ka soo jeedo beesha galbeedka Burco, Axmed Yuusuf Cilmi Suudi, oo isaguna ka soo jeeda Beesha deegaanka Ceel-Bardaale, Maxamed Axmed Cigaal galbeeda Burco, Cali Maxamed Axmed Deegaanka Buuhoodle halka xisbiga Kulmiye oo isaguna la sheegayo inuu soo magacaabi doono gabadh la sheegay inay ka soo jeedo beesha bariga Burco la yidhaahdo Marwo Ilhaan, iyadoo dhinaca kelana ay wararku sheegayaan in xubno kale oo qurbo joog ahina ay magacaabida xubintaasi ay loolan ugu jiraan. Dhinaca kale xisbiga Ucid oo isagu wakiilkii komishanka ee uu soo magacaabay khadar Maxmaed Guuleed uu iscasilay ayaan isaga si rasmiya loo ogayn xubnaha jagadaasi loolanka ugu jira iyo cida uu soo magacaabi doono gudoomiyaha Ucid Faysal Cali waraabe.

Shirgudoonka guurtida oo isagu sharciyan soo magacaaba laba xubnood oo komishanka doorashooyinka ka mid ah ayaa iyagana ilaa hada aan si rasmiya looga war hayn xubnaha ay soo magacaabi doonaan balse warar ku dhow dhow ayaa sheegaya in nin lagu magaabo yuusuf camir oo ka soo jeeda Awdal la sheegay inu ka mid yahay xubnaha quudaraynaya magacaabista xubnaha ay guurtidu soo magaacbi doonto iyadoo dhanka kalana ay jiraan xubno ka soo jeeda deegaanka bariga Sanaag oo iyaguna loolan ugu jira musharaxnimada labada xubnood ee komishanka cusub.

Shgarciga komishanka doorashooyinka ayaa waxa uu dhigaya in marka todobada xubnood la soo magacaabo uu madaxweynuhu golaha wakiilada u soo gudbinayo si xubnahaasi loogu ansixiyo xubinimada komishanka, kaas oo xubinkasta oo komishanka ahi ay ku ansaxayso marka ay cod dhan 42 mudane ay cod gacan taag ah ku ogolaadaan, taas oo xubnaha komishanka ay wakiilada ka hela kalsoonida xubinimadooda intaa ka dib uu gudoomiyaha maxkamada sare xilkaasi u dhaarin doono.